25.4 C
Mogadishu
Wednesday, October 29, 2025

Lamaane ku jiray toddobada arooska oo ka mid noqday dadkii ku dhintay Hotel Afrik

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo weerarkii tooska ahaa siddeeda saacadood ee qaatay ee lagu qaaday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba.

Sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya waxaa weerarkan ku dhintay ugu yaraan illaa 9 qof oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal oo ku jiray hoteelka iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal), waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad kale shacab ahaa.

Dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarka ay Al-Shabaab ku qaadeen Afrik waxaa ka mid ahaa lamaane todobo ku jiray oo deganaa hotelka, xilliga uu dhacayey weerarka.

Lamaanahan oo u hoyday gurigooda rasmiga ah ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Fahad Cabdiraxmaan iyo Farxiyo Cali, waxaana maanta lagu aasay Qabuuro ku yaalla deegaanka Jaziira ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah ehellada marxuumiinta oo goobta aaska kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Fahad iyo Farxiyo ay wada-aqal galeen 9 beri ka hore, balse nasiib darro ay ka mid noqdeen dadkii shacabka ahaa ee shalay lagu dilay weerarka ka dhacay hoteelkaasi.

Dhacdadan oo xanuun badan ku reebtay ehellada lamaanaha geeriyooday ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Mudisho iyo sidoo kale baraha bulshada ee Internet-ka.

Weerarka lagu qaaday hotel Afriik horey miyaa loo ogaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxii ka dambeeyey salaadii duhur ee shalay waxaa magaalada Muqdisho ka jiray guuxa warar ku saabsanaa in qaraxyo xoog leh ay ku jiraan gudaha magaalada, islamarkaana saacado gudahood lagu beegsa doono goobo muhiim ah.

Baraha Bulshada Soomaalida, gaar ahaan dadka reer Muqdisho ayaa aad loogu faafiyey gelinkii bambe ee Axadda, qoraal la sheegay in hey’adaha Qaramada Midoobey ay la wadaageen xubnaha Soomaalida ah ee ka tirsan shaqaalahooda.

Qoraalkaas waxuu muujinayey digniin ah in 72 saac ee soo socota ay Muqdisho ka dhici doonaan qaraxyo waaweyn, gaar ahaan wadada halboolaha ah ee Maka Al-Mukarama, hoteellada waaweyn iyo maqaayadaha Muqdisho.

Waxaa si gaar ah qoraalka digniinta ugu xusnaa in goobaha la beegsan doono ay ku jiraan hoteello iyo maqaayado caan ah oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama illaa dhismaha xarunta baarlamanka.

QM ayaa uga digtay shaqaalaheeda inay ka fogaadaan goobahaas.

Saacado kadib digniintaas ayaa waxaa la weeraray hotel Afrika oo ku yaalla agagaarka KM4, wax badanna aan ka fogeyn waddada Al-Mukarama.

Ma cadda haddii hay’adaha QM ay digniintan la wadaageen hay’adaha amniga Soomaaliya, iyo haddii hay’adaha amniga ay si kale u ogaayeen.

Hay’adaha QM iyo sirdoonka shisheeyaha ayaa marar badan lagu eedeeyey inay xogta falalka amni darro ee ay helaan aysan si rasmi ah ula wadaagin hay’adaha amniga Soomaaliya, marka laga reebo in lagu arko baraha bulshada kadib markii ay dusiyaan shaqaalahooda.

Video: Midow cusub oo ah musharaxiin madaxweyne oo Xamar looga dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Midow cusub ayaa looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay ku mideysan-yihiin qaar kamid ah musharaxiinta madaxweyne ee doorashada soo socota ee 2021-ka, oo aan qeyb ka aheyn Golaha musharaxiinta mucaaridka.

Midowgan cusub oo loogu magac daray “Kudladda Musharaxiinta Madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah”, ayaa waxay sheegen inay yihiin dhex-dhexaad aan raacsaneyn mucaarid iyo muxaafid, isla markaana ay u istaageen sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho xor iyo xalaal ah.

Waxay sheegen inaysan marnaba ku lug laheyn dowladda federaalka, isla markaana aysan u midoobin sidii ay dowladda uga dhicin lahaayeen golaha mucaaridka, balse ay iskugu tageen sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay oo wada-ogol ah.

Kudladdan ayaa waxa Gudoomiye loogu doortay Dr Cumar Cabdiqaadir Ahmed Fiqi oo ah Musharax u tartamaya xilka madaxweyne, wuxuuna hogaan u noqon doona musharaxiinta kale ee ku midoobey kudladan cusub ee looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Musharaxiintan ku midoobey kudladdan cusub ayaa ah kuwa aan hore uga tirsaneyn golaha midowga musharaxiinta mucaaridka oo ay ku mideysan yihiin inta badan musharaxiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda hanaanka ay dowladda wax u wado.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada ka dhalatay hanaanka doorashada, isla markaana uu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay dowladda federaalka iyo musharaxiinta mucaaridka, oo iyagu ku dhawaaqay guddi ka barbar shaqeynaya kuwa lagu muransan yahay ee gadaal ka riixeyso dowladda.

Weerarkii lagu qaaday hotel Afrik oo lasoo afjaray iyo khasaaraha oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa goor dhow soo afjaray weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik, kadib sagaal saac oo uu dagaal ka dhex socday hotelka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta la xaqiijiyay ay hotelka ku dhinteen 9 qof oo ay ka mid yihiin General Maxamed Nuur Galaal oo ku jiray hoteelka, iyo nin lagu magacaabi jiray Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal). Waxaa sidoo kale ku dhintay askar iyo dad shacab ah.

Sagaalka qof ee dhintay ayaa waxaa ku jira 4 ka mid ah kooxdii weerarka soo qaaday, kuwaas oo ay dileen ciidamada amniga, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Dhaawaca ayaa lagu warramay inuu ka badan yahay 10 qof, inta la og yahay illaa hadda.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Dhamme Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in dhimashada iyo dhaawacuba uu kordhi karo, balse inta la xaqiijiyay ay hadda tahay tiradaasi.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u galay hotelkaasi, kuwaa oo sideed saacadood ka dhex dagaalamayay.

Saraakiil iyo odayaal ka tirsan beesha Ceyr ayaa markii uu weerarka dhacayey halkaas ku lahaa shir ay uga arrinsanayeen kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhegajuun.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka abaabulan ee lagu ekeeyay Hotel Afrik.

GALMUDUG oo war kasoo saartay shirka ka furmaya magaalada Dhuusamareeb

0

Galmudug (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa faah faahiyey shirka madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada ee la filayo inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

Wasiir Falagle ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoobeen marti qaadka shirkaasi, islamarkaana si weyn loo adkeeyey amniga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hadda ay socoto qaban qaabada soo dhoweynta wufuuda & madaxda ka qeyb-galeysa shirkaas oo lagu wado inay saacadaha socdo tegaan halkaasi.

Shirkan wada-tashiga ah oo qaadan doono muddo saddex cisho ah ayaa waxaa horey u iclmaayey madaxweynaha Soomaaliya, iyada oo diirada lagu saarayo doorashooyinka.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa xal mideysan looga gaari doonaa khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, si looga gudbo is jiid-jiida u dhexeeya dhinacyada doorashada.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana shirkan laga filayaa inay kasoo baxaan go’aano lagu wajahayo doorashada 2021-ka.

Wasiir Janan oo shaaciyey tallaabo ay qaaday DF oo la xiriirta degmada Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa si faaah faahsan uga hadlay dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Janan ayaa shaaciyey in marka ay qabsadeen magaalada qorshahooda uu ahaa in aysan ka laaban, balse looga itaal roonaadaay dagaalkii rogaal-celiska ahaa ee lagu qaaday.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey dowladda dhexe Soomaaliya inay hub culus geysay degmada Beledxaawo, islamarkaana ay u adeegsatay dagaalkii ka dhacay degmadaas.

“Ku talagalkeenu ma ahayn in aan dib uga baxno Buulo Xaawo, waan qabsanay inkasta oo sababo jira aan dib uga baxnay waana xeelad ciidan, waxaana nasiib darro ah in hubka Tukriga uu u bixiyay in lagula dagaalo Shabaab loo adeegsado Balad Xaawo” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in ciidamo looga qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, isaga oo tirada ku sheegay illaa 37 askari, kuwaas oo qaarkood la qabtay, kuwa kalena ay is-dhiibeen, sida uu hadalka u dhigay.

“Annaga ciidan 37 qof ah ayaa 16 ka mid ah la qabtay inta kalana ay is dhiibeen, laakiin labo boqol iyo boqol midna nagalama qaban,” ayuu sii raaciyey.

Si kastaba ciidamada Jubbaland ayaa haatan ku sugan deegaanka Dhuxun Dhurwaa ee duleedka Beled Xaawo, sida uu wareysigan ku sheegay wasiir Cabdirashiid Janan.

Dowlada Turkiga oo war ka soo saaray weerarkii Afrik

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa noqotay dowladdii ugu horreeysay ee ka hadasha weerarkii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wrasaaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Ankara ay aad uga xun tahay weerarka lala beegsaday Afrik.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa shaacisay inay si kulul u cambaareyneyso weerarkaasi oo ay ku dhinteen saraakiil hore iyo dad shacab ah.

“Waxaan si xoog leh u cambaareyneynaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku sii daray “Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca,”.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa ugu dambeyn xustay inay sii wadi doonto ku garab istaagga shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyey ee Afgambiga dalka Myanmar

0

Myanmar (Caasimada Online) – Ciidamada milatariga dalka Myanmar ayaa lagu soo warramayaa inay afgambi kula wareegeen talada dalkaas oo la oran jiray Burma.

Milatariga ayaa xabsiga dhigay hoggaamiyaha xisbiga hayey talada dalka Myanmar ee National League for Democracy (NLD) Aung San Suu Kyi iyo hoggaamiyeyaal kale.

Sidoo kale sakaal sare oo u hadlay ciidanka milatariga ee talada awooda kula wareegay ayaa shaaca ka qaaday inay xukunka heyn doonaan illaa muddo sanad ah.

Ciidamada milatariga ayaa sidoo kale xaalad deg-deg ah ku soo rogay guud ahaan dalka Myanmar, iyada oo ay xaaladdu tahay mid aad u cakiran.

Milatariga ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u dhigto kalfadhiga baarlmaanka oo lagu waday in uu qabsoomo maalinta Isniinta ah.

Si kastaba afgambigan ayaa ka dambeeyey, kadib muran xoogan oo ka dhashay doorashadii bishii November ee sanadkii hore ka dhacday dalkaasi Myanmar.

FARMAAJO oo war kasoo saaray weerarkii AFRIK

0

Muqdisho ( Caasimada Online ) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyanaha ayaa waxaa looga hadlay weerarkii saacadaha badan ee qaatay ee lagu qaaday hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkan ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, gaar ahaan Genaraal Maxamuud Nuur Galaal.

Halka  hoose ka aqriso: 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkii argagixisanimo ee galabta ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyey Muwaadiniinta dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkan argagixisanimo in uu Eebbe u boogo dhayo, waxa uuna xusay in shacabka Soomaaliyeed oo isku duuban ay ka guuleysan doonaan cadawgan arxan laawaha ah, maantana la joogo xilligii loo midoobi lahaa in laga xoreeyo guud ahaan dalkeenna.

Jubaland oo ka jawaabtay diidmada DF Soomaaliya ee guddigooda doorashada

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay diidmo kasoo yeertay dowladda dhexe oo ku aadan guddiyadii doorashada oo ay magacaabeen, waxeyna sheegeen in diidmadaas ay salka ku heyso muddo kororsi ay damacsan yahiin kooxda Villa Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheikh Maxamed oo la hadlayay idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ah ayaa sheegay in diidmadaas ay ka mid tahay xujooyinka iyo caqabadaha hortaagan in la qabto doorasho xalaal ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay ineysan wali soo gaarin liis rasmi ah oo muujinaya guddiyada doorashooyinka oo ay warbaahinta uga dhawaaqeen maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in guddiyada doorashada ee ay magacaabeen Jubbaland iyo Puntland aan la marsiin hanaankii sharciga ahaa, sidaas darteed aysan noqon karin magacaabis sharci ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Jubbaland wuxuu soo dhaweeyay shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee ka dhacaya Dhuusamareeb, balse wuxuu diiday in ajandaha shirkaas lagu dari doono 13-ka kursi ee gobolka Banaadir.

Wuxuu ku sifeeyay in ajandahaas uusan ku jirin shirkii hore oo ay saxiixeen madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Shabaab oo qarax ku dilay 12 qof oo isku qoys ahaa

0

Golweyn (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in qarax lagu dilay 12-qof oo isku qoys ahaa, halka ugu yaraan sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Qarax oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa gaari ay dadkaas la socdeen ku haleelay duleedka deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay qaraxaas ku aaseen wadada, isla markaan uu halelay gari ay ku safrayeen dadkan rayidka ah.

Saraakiishu waxay xaqiijiyeen geerida 12 qofood iyo dhaawac sideed kale, waxayna dadkaas la socdeen hal gaari, kaas oo gabi ahaanba burburay.

Magaalada Golweyn oo duleedkeeda uu qaraxaasi ka dhacay waxay magaalada Marka u jirtaa qiyaastii 30-KM, waxaana goobta dadkaas lagu qarxiyey gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo halkaas ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada dadkii la socday gaariga.

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo MUQDISHO lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Maxamed Nuur Galaal ayaa ka mid noqday dadkii lagu dilay weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay dhismaha iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida oo uu ka soo qabtay xilal kala duwan.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waxaan Alle u weydiinayaa naxariistiisa Janno dhammaan muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku naf waayey weerarkan bahalnimada ah ee argagixisada Alshabaab ay ka fuliyeen Hotelka Afrika, waxaan si gaar ah ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa ruug-cadaaga Ciidanka Soomaaliyeed, door wanaagsanna ka soo qaatay tayeynta iyo dhismaha Ciidanka Qalabka Sida,” ayuu yiri madaxweynaha.

Siyaasiyiinta kale ee durba ka hadashay dilka Jeneraal Galaal waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook ku soo qoray, “Gen Maxamed Nuur Galaal Allaha u naxariisto. Ehalada iyo asxaabtana samir iimaan Allaha ka siiyoo. Aamiin.”

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida Jeneraal Galaal, Taliyihii ilaalada Hotelka, askari ka tirnaaa ilaalada Hotelka iyo ganacsade Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo dhaawaca Cabdikariin Goobaale oo ah wiil dhalinyaro ah.

Tobanaan qof ayaa laga soo badbaadiyey hotelka markii uu weerarku ka bilaawday kadib, waxaana illaa hadda si rasmi ah loo ogeyn inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afriik.

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa abaare labadii subaxnimo (2:00 AM) soo afjaray weerarkii ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Afrik, kadib sagaal saac oo uu dagaal ka dhex socday hotelka.

Hawiye oo dhistay guddi ka shaqeeya arrin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hotelka galabta la weeraray ee Afriik waxaa maanta lagu qabtay shir ay isugu yimaadeen waxgaradka beelaha Hawiye, kaas oo looga arrisanayey xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo maqaamka gobolka Banaadir oo dhawaan loo saxiixay 13 senator oo metelaad ah.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha Hawiye ee maanta ku shiray Afriik waxay iska dhex magacaabeen guddi ka soo shaqeeya dhismaha maamul lasoo doorto oo uu yeesho gobolka Banaadir.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo maalin ka hor uu madaxweyne Farmaajo saxiixay qaraar 13 kursi oo metelaad ah golaha Aqalka Sare looga siinayo gobolka Banaadir, waxayna tallaabadaas abuurtay guux iyo kala shaki hor leh.

Siyaasiyiinta, waxgaradka iyo odaasha dhaqanka beelaha Hawiye ma diidana in gobolka Banaadir 13-kaas kursi laga siiyo Aqalka Sare, balse waxaan cadeyn, oo shaki badan uu ku geedaaman yahay hanaanka loo soo dooranayo, dastuurkana loo waafajinayo kuraastaas.

Weerarka ayaa hotelkaas ka bilaawday wax yar un kadib markii uu soo dhamaaday shirkaas, balse waxaa isla markaas Hotelka ka bilaawday shir kale oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, saraakiisha iyo odayaasha dhaqanka beesha Ceyr, kaas oo ay uga arrinsanayeen kiiska guddoomiyihii dhawaan la dilay ee degmada Hodan Cabdixakiin Dhegajuun.

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida Taliyihii ilaalada Hotelka, askari ka tirnaaa ilaalada Hotelka iyo ganacsade Cabdullahi Nuure Siyaad oo ay walaalo ahaayeen siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad (Cabdi Waal) iyo dhaawaca Cabdikariin Goobaale.

Jeneraal Sheekh Yuusuf Indhacadde oo warbaahinta uga warbixiyey weerarkaas ayaa sheegay in ciidankiisu ay hotelka ka soo badbaadiyeen dad badan oo nabad qaba, isla markaana uu howlgalkii ka socday hotelka ku wareejiyey ciidanka Haramcad oo goor dambe hotelka gaaray.

Qaar ka mid ah dadkii laga soo badbaadiyey Hotelka oo aan la hadalnay ayaa sidoo kale noo sheegay in kooxda aysan u suurta gelin inay si aad ah isugu faafiyaan gudaha Hotelka, isla markaana ay ka dagaalamayaan qeybaha soo xiga irida ay ka soo galeen ee Hotelka.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay go’aankii madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii uu madaxweyne Farmaajo ku iclaamiyey qabashada shirka ‘Madasha Wadatashiga’ oo berri ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Shirkaas ayuu madaxweynuhu u qorsheeyey inuu ku qabsoomo inta u dhaxeysa 1-da illaa 3-da bisha Feberaayo, sida lagu sheegay qoraal maalin ka hor ka soo baxay xafiiskiisa, waxaana la filayaa in berri wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne Farmaajo uu gaaro Dhuusamareeb.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhaweynayaan ku-dhawaaqista 30-kii Janaayo uu Madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Maxamed ku dhawaaqay in uu shir wadatashi ah la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono magaalada  Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo. Waxaan bogaadinaynaa hogaamintiisa ku aaddan qabashada shirkaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhinacyada isugu tegaya shirkaas inay la yimaadaan daacadnimo, firfircooni iyo isku tanaasul, si loo helo talo mideysan oo wax tar u leh danta Qaranka.

“Waxaan ugu baaqeynaa ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelimta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo dhan,” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Qoraalkan waxaa si wadajir ah u soosaaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

A/Madoobe oo James Swan u bandhigay sida ay tahay in lagu xaliyo xiiisadda Gedo

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta magaalada Kismaayo kula kulmay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (James Swan) iyo madax kale oo ka socotay hay’adaha kala duwan ee QM.

Axmed Madoobe ayaa James Swan ku war-geliyey mowqifka Jubaland ee ku aadan arrinta gobolka Gedo, iyo sida ay dooneyso in Jubaland lagu xaliyo. Wuxuu sidoo kale kala hadlay mowqifkiisa ku aadan doorashada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Jubaland.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA JUBALAND

Axad 31 Janaayo 2021 – Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

Kulanka Madaxweynaha oo ay ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka 1aad mudane Maxamuud Sayyid Aaden iyo qaar kamid ah Golaha Xukuumada sida Wasaarada arrimaha gudaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Kalluumeysiga iyo Beeraha ayaa looga wada hadley Xaalada Siyaasadeed ee dalku marayo, Amniga iyo taageerada Qaramada midoobey siiso Jubbaland gaar ahaan Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan deegaanada Jubbaland Hay’adaha Qaramada midoobey.

Ugu horreyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Ergayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

“Dowlada Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay. Waxaana uga mahadcelinayaa Beesha caalamka doorkooda muuqda ee ay arrintan kaga jiraan iyo ka go’naanshaha in Doorasho dalka ka dhacdo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey mudane James Swan ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyey soo dhaweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubbaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku yimaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubbaland.

“Waxaan bogaadinayaa markale tallaabadii wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen gudiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shaley shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo aan ka fileyno inay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhanyahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah dalkana loogu turayo”.

Dhanka kale Wasiirada Jubbaland ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatey hay’adaha qaramada midoobey ee kala ah UNHCR, WFP, FOA iyo WHO kuwaas ay ka wada hadleen Mashaariicda hormarineed ee ay deegaanada Jubbaland ka fuliyaan iyo taageerada ay siiyaan waaxaha Beeraha, Kalluumeysiga, Qoxootiga iyo Caafimaadka oo hormar badan laga sameeyey muddooyinkii ugu danbeeyey.

Gabogabadii Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahadceliyey Hay’adaha sidookalena ku dhiiri galinayay wasaaradaha inay sii laba jibaaraan dadaalkooda iyo fulinta qorshaha horumarineed ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Hay’ada WFP oo fududeysey Maraakiibtii 30 sano ka hor ku burburtey dekeda taas oo caqabad ku heysay shaqada dekeda gaar ahaan qeybta ay maraakiibtu ku soo xirtaan taas oo ah hadda si caadiga ah loogu shaqo bilaabey.

Guddoomiyee ku-xigeenka G/Banaadir oo ka horyimid dhul ‘si sharci darro’ looga kiciyey shacab + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus uu soo kala dhaxgalay guddoomiye ku-xigeenada gobalka Banaadir Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud iyo Cali Yare Cali, khilaafkaas oo salka ku haayo dhul ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wardhiiigley. 

Wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in gudoomiye kuxigeenka ammiga Cali Yare Cali uu amar ku bixiyay in dad shacab ah laga kiciyo dhul ku yaalla xaafadda Siinaay ee Muqdisho, isagoo kaashanaya guddoomiyaha degmada Warta-nabada Seynab Xaabsey, oo fulisay amarka. 

Si kastaba guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee gobolka Banaadir, ahna ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Caanaboore ayaa ka horyimid barakicinta lagu sameeyey dadka shacabka ah.

Cabdulqaadir oo booqasho ku tegay halkaas ayaa sheegay in wax amar ah aan maamulka looga haysan dhibka loo gaysta shacabka iyo barakicinta lagu sameeyey, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo loo haystay.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dowladda dhexe aysan arrintan ka war-hayn.

Cabdulqaadir ayaa sheegay in arrintan ay ka dambeeyaan dad doonaya inay shacabka boobaan, ayaga oo ka faa’iideysanaya xilliga kala guurka ee dowladda uu waqtiga uu kasii dhammaanayo.

Hoos ka daawo booqashadii uu maanta ku tegay Suuqa Siinaay iyo hadal uu ka jeediyey.

Maxaa maanta ka socda Dhuusamareeb, kadib shirkii uu iclaamiyey Farmaajo?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta aad loo adkeeyay amniga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kadib markii uu shalay shaaciyey madaxweyne Farmaajo in uu magaaladaas ka furmi doono shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka, kuwa maamulada dalka iyo gobolka Banaadir.

Qaban-qaabada shirkaas ayaa durtaba ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo uu madaxweynaha sheegay inuu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo ee sanadkan 2021.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanaya muranka ka taagan hanaanka doorashada oo ay isku hayaan madaxda dowladda, mucaaridka iyo qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada oo ka biyo diidan hanaanka ay dowladda federaalka u maamuleyso doorashada dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa gebi ahaanba ciidamo hor leh lagu daadiyay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada iyo xarumaha maamulka, kuwaasi oo qeyb ka ah u diyaar garowga shirka uu ku dhawaaqay madaxweyne Farmaajo, oo cadaadis xoogan kala kulmaya beesha caalamka.

Maamulka Galmudug ayaa isku diyaarinaya qaabilada wafuud kala duwan oo la filayo inay saacadaha soo socdaan ka dagaan magaalada Dhuusamareeb, maadama lagu wado in shirka wada-tashiga ah uu furmo maalinta berri ah, haddii uusan isbedel ku iman jadwalkiisa.

Shirka wada-tashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, ayaa waxaa saldhig u noqonaya heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meel-mariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal shalay kasoo baxay Madaxtooyada.

FARMAAJO oo soo saaray QODOB ka hor imanaya matalaadda G/BANAADIR

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray war-saxaafadeed ka kooban shan qodob, kaasi oo uu ku iclaamiyey shir lagu xalinayo arrimaha ku hor gudban doorashada Soomaaliya kadib kulan uu la qaatay Beesha Caalamka.

Qodobadaas uu soo saaray madaxweynaha waxaa ka mid ah qodob si cad uga hor imaanaya kuraastii 13-ka ahaa ee aqalka sare laga siiyey gobolka Banaadir, kaasi uu todobaadkii lasoo dhaafay uu saxiixay madaxweynaha

Qodobka ku jira war-saxaafadeedka ee burinaya kuraasta aqalka sare waa qodobka afaraad ee war-saxaafadeedka kaas oo leh:

“Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka September 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”

Qodobkaan wuxuu soo koobay waxyaabaha shirka ka dhici doona magaalada Dhuusaamareeb looga hadlayo, waxaana saldhigga shirka wadatashiga ah lagu sheegay heshiiskii 17-ka September ay madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ku gaareen Muqdisho.

Marka heshiiskaas lagu laabto, kuma jirin arrimaha matalaadda gobolka Banaadir oo uu dhawaan ansixiyay madaxweyne Farmaajo, sida cad maadaama uusan ku jirin shirkii horay loo gaaray, laguma soo hadal qaadi doono marka la tago caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Marka la isugu tago caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa la gorfeyn doonaa sida loo xalin karo tabashooyinka jira ee ku hor gudban in la qabto doorasho xalaal ah oo loo siman yahay iyadoo lagu jaangoynayo heshiiskii horay loo gaaray bartamahii September.

Dhanka kale Wasiirka warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheikh Maxamed oo BBC-da la hadlayay ayaa la weydiiyay hadii ajandaha shirka Dhuusamareeb lagu dari doono 13-ka kursi ee gobolka Banaadir.

Wasiirka wuxuu sheegay inaan lagu dari doonin, raallina ka aheyn, wuxuuna qiray in wax walba oo ka dhacaya Dhuusamareeb ay yahiin wixii horay loogu heshiiyay oo lagu noqonayo.

Muxuu yahay QORSHAHA madaxweyne FARMAAJO ee shirka Dhuusamareeb?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay iclaamiyey shirweyne ay isugu imaanayaan madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka dalka, kadib shir uu la yeeshay beesha caalamka.

Shirkan oo ah mid aad isha loogu wada-hayo, islamarkaana ku soo aaday xilli xasaasi ah ayaa waxaa ka hadlay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo falanqeeya arrimaha siyaasadda.

Samatar oo u warramay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynaha Soomaaliya shirka uu ku baaqay ee ka dhacaya gudaha magaalada Dhuusamareeb 1-da illaa 3-da bisha soo socota ee Febaraayo uu yahay mid uu uga fogaanayo in la’isku keeno mucaaradka & muxaafadka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in shirkan ay soo jeedisay beesha caalamka, islamarkaana ay tahay in xal looga gaaro doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

“Beesha Caalamka ayaa soo jeedisay in la qabto Shir looga hadlayo arrimaha dalka, isaga oo ka fogaanayo Madaxweyne Farmaajo in fadhi guud la isugu yeero Mucaarad & muxaafid ayuu ku dhawaaqay in Dhuusamareeb markale la isugu tago, balse haddii aan laga gudbin oo aan la xalaaleen Guddiyada uu sameystay, Xiisadda Gedo & hab maamulka Guddiga Gobollada Waqooyi wax wanaagsan kalama kulmi doono Baarlamaanka, arrintuna waa jugjug oo bartaada joog” ayuu yiri Prof Cabdi Ismaaciil.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi raaciyey “Natiijada la kulanka Baarlamaanka waa mid ku xiran hab maamulka Shirka Dhuusamareeb iyo sida loo xakameeyo qodobada caqabadda ku noqday in la guda galo Doorashooyinka Soomaaliya ee lagu heshiiyay,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maamullada Jubbaland iyo Puntland oo ka soo horjeeday dowladda ay soo dhoweeyeen qabashada shirka Dhuusamareeb oo u jeedadiisu tahay in xal mideysayn looga gaaro muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Jubbaland oo war kasoo saartay shirka ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Jubbaland, Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da ayaa ka hadlay shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb 1-da illaa 3-da bisha Febraayo ee sanadkan 2021-ka.

Cabdi Xuseen Sheekh ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan qabashada shirkaasi, islamarkaana ay ka qeyb-galeyso dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waan soo dhoweyneynaa shirkan maamulka Jubalandna waa ka qeybgalayaa.” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan guddiyada ay soo magacaabeen maamullada Jubbaland iyo Puntland & diidmada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya mid lagu doonayo muddo kororsi, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay wakiilada beesha caalamka uu ku baaqay shirweyne ay markale isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, si looga arrinsado doorashooyinka.