25.7 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Kulan ay yeesheen Indha-Cadde iyo Musharaxiinta oo la isku fahmi-waayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno sare oo ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, waxaa hotel Jaziira ku kulmay Janaraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade iyo mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Musharaxiinta. 

Janaraal Indhacade ayaa la sheegay in Hotelka uu ugu tagay xubno kamid ah Midowga isagoo ka raali geliyay hadal uu warbaahinta ka sheegay saacado ka hor markii la wareeray Madaxweynayaashii hore 19-kii bishan, weerarkaas oo ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon. 

Janaraal Indhacade dadka uu la kulmay waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Sheekh Daahir Maxamuud Geelle iyo madaxweynayaashii hore isagoo mid mid uga raali geliyay hadalkiisa oo noqday qodob ay dowladda Soomaaliya u cuksatay weerarkaas. 

Inkastoo Janaraal Indhacade si gaar ah ula kulmay madaxdaan islamarkaana ka cudur daartay hadalkiisa ayaa hadane ilo wareedyo muhiim ah waxay noo sheegeen in uusan jirin kalsooni ka dhaxeyso Mucaaradka iyo Janaraal Indhacade. 

“Waxaa cad in ay bidixda isku salaameen ama ay kala faaruqeen, waayo waa lakala shakiyay haddii uu mar shaki yimaadana waa ebar,” ayuu yiri mid kamid ah mas’uuliyiin ka tirsan mucaaradka oo la hadlay Caasimada Online 

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr sheegtay in hadalkii Janaraal Indhacade uu muujiyay qalqal badan waxayna dusha u saarisay mucaaradka iyadoo uu wali shaki badan ku geedaaman yahay sababta hadalkaan ka keentay Indhacade oo islamarkiiba goobta ka tagay. 

Puntland oo 8 shuruud oo aad u adag ku xirtay ka qeyb galka shirka doorashada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulga goboleedka ayaa shuruudihii ugu adkaa ku xiray inuu ka qeyb galo shir dambe oo looga hadlayo arrimaha doorashada, taasi oo sii wiiqeysa rajadii laga qabay in laga gudbo is-mari waaga ka taagan qabashada doorashada dalka.

Puntland ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay caqabad ku noqdeenn fulinta heshiiskii doorashooyinka ee 17ka September iyo habraacaydiisa.

“Waxay taas si cad usoo ifbaxday muddadii lagu gudo jiray wada-xaajoodayada shirkii Dhuusamareeb 3-6dii February 2021, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ka safray magaalada Dhuusamareeb iyadoo wax xal ah aan laga gaarin qodabadii la isku khilaafsanaa,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “iyadoo laga duulayo maraxaladda dalka ka soo cusboonaatay 19-kii February, iyo xasillooni darrada ka dhalatay dhammaadka muddo-xileedka Dastuuriga ah ee Madaxweynaha iyo Baarlamanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in la meel mariyo qodobadaan soo socda si horay loogu sii amba-qaado wada-tashiyadii doorashooyinka:” 

1. Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, waa in uu soo saaro wareegto xadedaysa awoodaha fulineed ee Madaxweynaha iyo kuwa sharci-dajineed ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waa in meesha laga saaro dhammaan go’aamadii masiiriga ah ee Madaxweynuhu saxiixay intii ka dambaysay 8-da Feb 2021 iyo shuruucdii ay Baarlamaanku ansixiyeen muddadii ka dambaysay 27-kii December 2020, Si waafaqsan qodabada 91-aad iyo 60-aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya. 

2. Maadaama Ciidanka Amniga Qaranku ay ka qayb qaateen falalkii qalalaasaha watay ee Muqdisho ka dhacay 19-kii February, waa in xilka laga qaado taliyeyaasha Ciidamada Milatariga, Booliiska iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka, lana magacaabo masuuliyiin lagu kalsoonaan karo laguna soo xulay hab wada-tashi ah, si loo hubiyo hufnaanta iyo dhex-dhexaadnimada doorashooyinka, waa in Ciidanka Qaranku ku ekaadaan keliya waajibaadkooda ah sugida amniga laguna dhex saaro howlaha siyaasadda iyo doorashada, si loo soo celiyo kalsoonidii dhaawacantay. 

3. In la dhiso guddi xaqiiqo raadin ah, oo baaritaan madax-banaan ku sameeya dhacdooyinkii qalalaasaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19-kii Bisha Februery, si la iskula xisaabtamo. 

4. Madaama, Dowladda Federaalku ay ku guul-darraysatay fulinta heshiisyadii horay loo gaaray, waa in saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya ay qaataan door damaanad-qaad ah, si loo hubiyo fulinta qodobada lagu heshiiyo ee Doorashooyinka. 

5. Waxaa muhiim ah in Golaha Wada-tashiga Qaranku ay yeeshaan hab wadashaqayn joogto ah oo wakhtiyeysan si loo dardargaliyo qabsoomida doorashooyinka Dalka. 

6. Waa in Saamilayda siyaasadda iyo Ururada Bulshada laga qaybgeliyo loona ogalaado inay ka qayb qaataan xal-u-helidda arrimaha ka taagan doorashooyinka, si loo xoojiyo kalsoonida iyo daahfurnaanta doorashooyinka. 

7. In la dhowro xuquuqaha aasaasiga ah ee Dastuurku siinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed sida xuquuqda hadalka, bannaanbaxyada, Kulamada IWM, si looga fogaado xasilloni-darro siyaasadeed iyo qalalaase amni. 

8. Si loo dardargaliyo qabsoomidda doorashada, waa in shirarka Golaha Wada-tashiga Qaranka lagu qabto magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, goob ammaan ah oo amnigeeda ay sugayaan ciidan lagu wady kalsoon yahay. 

Hoos ka arag qoraalka Puntland

Musharaxiinta Mucaaradka oo su’aal ka keenay arrin shalay ka dhacday B/Weyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid go’aankii kasoo baxay dowladda federaalka ha ee Soomaaliya ee lagu mamnuucay isku imaatinka dadka, si loo xakameeyo cudurka faafa ee Coronavirus.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiraxamaan Shakuur Warsame oo ka mid ah midowga musharraxiinta ayaa ku gacanseyray gabi ahaan go’aankii kasoo baxay dowladda.

Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in dibad-baxooda aysan u joojin doonin go’aanka dowladda ee lagu  mamnuucay isku imaatinka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in shalay dibad-bax lagu taageerayey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu ka dhacay Beledweyne, koodana uu la mid yahay midkaasi.

“Markii ay dowladdu go’aankan ku dhawaaqeysay maalintii shalay magaalada Beledweyne waxaa ka dhacayay dibadbax lagu taageerayay madaxweynaha xilhayntiisu dhamaatay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Muxuu yahay sharciga fasaxaya dibadbaxa madaxweynaha lagu taageerayo ee diidaya kan looga soo horjeedo.”ayuu yiri .

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo shalay dowladda Soomaaliya ay markale ku celisay in dadweynaha aysan isugu imaan karin hal goob, sidoo kalena aan dibad-bax lagu qaban karin magaalada Muqdisho, xilli Jimcaha ay qorsheynayaan xubnaha mucaaradka ah.

Al-Shabaab oo 72 saac u qabtay shacabka dagan ku dhowaad toban tuulo

0

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Dhamaan dadkii daganaa ku dhowaad 10 tuulo oo ka tirsan degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellada Hoose ayaa ka baxay guryahooda kadib markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay oo aheyd 72 saacadood.

Qoysaskaan ayaa daganaa tuulooyinka iyo degaanada kala ah Leego, Yaaqbari weyne, Beladul-amiin, Goobaanle, Guulow, Saha-weyn, Saha-yar, iyo kuwa kale waxaana in ay barakacaan ku amray dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhul ballaaran ayaa la gubay, waxaana la toogtay dad badan oo degaanadaas ku sugnaa, kuwaas oo diiday in ay ka baxaan guryahooda.

Sababta ay dadkaan halkaas uga guurayaan ayaa ah dagaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyo macawuusleey ah oo dhulkaas dagan, kuwaas oo looga adkaaday dagaalo ay la galeen Al-Shabaab.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa damacsan in ay jaraan wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyagoo fariisin ka sameysan doono degaanada aan soo sheegnay oo muhiim u ah wadadaasi. K/Galbeed ilaa hada kama aysan hadlin talaabada ay qaadeen Al-shabaab oo degaanka halis ku ah.

Sheekh Maxamed Idiris oo sheegay ‘cidda iska leh eedda’ waxa maanta dhacaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan, isla markaana aad u teegeeri jiray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda qalqalka ku yimid  dowladnimada ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo.

Sheekha oo wareysi siiyey TV-ga Universal ayaa ka hadlay rabshadihii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo wax kasta oo dhacay eedeyntooda dusha ka saaray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo markii hore uu taageero weyn u ahaa.

Sheekh Maxamed Idiris waxa uu qabaa in mudaharaadku uu qatar ku yihiin amniga caasimadda, “Waxaa fiican intii laga fogaan karo wax kasta oo isku dhac keeni kara oo mudaharadyadu ka mid yihiin in laga fogaado,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlaayey ayuu yiri, “Dowladdu ma ahan inay aad uga baqdo dad ra’yigooda cabiraya, waxaaba laga yaabaan in kheyr ugu jiro oo dadka u soo baxa la waayo banaanbaxa ay ku baaqeen musharaxiintu, laakiin wa khatar weyn in lagu murmo dowladu ma jirto iyo waa jirtaa.”

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in wax kasta oo mas’uuliyad darro ah oo maanta dalka ka dhacaya uu dusha ka saarayo dowladda uu hoggaamiyo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, isagoo ku eedeeyey in doorasho aysan qaban, heshiisna keenin, waqti kalena aysan codsan.

“Sax waaye in mucaaradku dalbado doorasho oo awooda saaro dowladda, intey doonto hanagu qaadato, laakiin si nabad ah waa in dalabkaas aan ku gudbinaa, qaladka musharaxiintu waxuu yahay dowladdu ma jirto hadii aan dhahno, halkaan ciirsaneynaa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

Sheekhu waxuu ka codsaday madaxda mucaaradka inay fiiriyaan maslaxadda dowladnimada dalka, “Waxaan leeyahay walaalayaalow isku sabra, oo banaanbaxyada dhiiga keeni kara joojiya ee si kale wax ku dalbada,” ayuu yiri.

Hoos ka Daawo

Hindiya oo soo saartay digniin la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hindiya ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadashay xaaladda dalka & rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Safiirka Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobay TS Tirumurti Addresses ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in xal deg-deg ah laga gaaro muranka doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoshada khilaafka ka jira dalka, isaga oo tilmaamay in culeyska uu kasii darayo, haddii aan meesha laga saarin muranka ka taagan dalka.

Mr. Tirumurti ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay wada-hadal ku dhammeeyaan xiisadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

“Hadii shakiga ku aadan in doorashooyinka aysan qabsoomeyn uu sii xoogeysto, waxaa sii cuslaaneysa xaaladda, waxaana muhiim ah in hoggamiyeyaasha Soomaalida ay ka heshiiyan khilafka doorashooyinka,” ayuu yiri Danjire TS Tirumurti.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dib u dahc kasta ee ku yimaada doorashooyinka  ay ka faa’iideysan karaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee kajira Soomaaliya.

Si kasta digniinta kasoo baxday Hindiya ee xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli weli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana aan weli heshiis dhab ah laga gaarin hanaanka doorashada dalka dhaceysa sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

Qof looga shakisan yahay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay oo lagu qabtay Turkey

0

Ankara (Caasimadda Online) – Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah lagu xiray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni ayaa sheegtay in ruuxa la qabtay la ogaaday inuu kooxdaas u qaabilsanaa dalka Kenya.

Waxaa kaloo la sheegay in hawlgalka lagu qabtay ninkaan ay iska kaashadeen booliska dalka Turkiga iyo hay’adda sirdoonka dalkaas (MIT).

Inkastoo hay’adaha amniga ay magaciisa kusoo koobeen A.B. hadana wuxuu heystaa dhalashooyinka dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga, waxaana lasoo xiray kadib markii booliska ay warqad kasoo qaateen maxkamadda.

Kooxda AL-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya ayaa gacan saar la leh ururka AL-Qaacida, waxeyna mar walba weeraro ka fuliyaan Koonfurta iyo Bartama Soomaaliya, sidoo kalana qeybo ka mid ah wadamada dariska ah sida Kenya.

Xasan Sheekh iyo Shariif oo qorshe dejinaya iyo DF oo xirtay waddo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo xubno kale oo kamid ah Golaha midowga musharaxiinta ayaa caawa yeeshay shir saacado qaatay, kaas oo ay uga hadleen go’aankii xukuumadda ee lagu joojiyay banaanbaxyada iyo kulamada dadweynaha.

Midowga musharaxiinta ayaa dejiyay qorshayaal u suurta gelinaya in ay dhigaan banaanbaxa todobaadkaan, waxaana la filayaa in berri ay la hadlaan warbaahinta.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa wada shirar gaar gaar ah oo ay uga hadleyso abaabulka banaanbaxa mucaaradka iyo sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Rooble ayaa la kulmay siyaasiin ku heyb ah madaxweynayaashii hore ee dalka, waxayna ka dalbadeen in ay ka qeyb-qaataan baajinta banaambaxa la qorsheeyay ee ka dhacaya taallada Daljirka Dahsoon.

Durba Muqdisho waxaa laga dareemayaa culeys ciidan iyo dhaqaaqyo ka socda dhinaca dowladda, goobo hor leh ayaa ciidan la dhigay, waxaana jidadka caasimadda kuwooda muhiimka ah lagu baarayaa gaadiidka iyo dadweynaha.

Sidoo kale wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa caawa biro lagu gooyay, waxaana looa diiday inuu maro gaadiidkii u socday dhinaca garoonka.

Waxaa sii kordhaya wal-walka laga qabo in khilaafka ka taagan doorashada dalka uu sababo gacan ka hadal, waxayna musharaxiinta mucaaradka ah ku adkeysanayaan in Jimcaha ay qabanayaan banaanbax nabadeed, halka dowladdu ay si cad u sheegtay in aysan ogolaa doonin banaanbaxaas.

Mucaaradka oo jawaab ka bixiyey go’aankii maanta kasoo baxay DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo hadda ku magacaaban xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka fal-celiyey shirkii jaraa’id ee maanta wasiirka amniga xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xundubey uu ku shaaciyey in dowladdu aysan ogolaa doonin in ‘banaanbax uu ka dhaco magaalada Muqdisho.’

Waxa uu sheegay in Xasan Xundubey ay is garanayeen mudo ku dhaw 30-sano, isla markaana uu ku yaqaanay inuu yahay nin go’aan leh, balse hadda uu is bedelay, isagoo sheegay in dhibkii ka dhasha amarkii uu bixiyey maanta uu dushiisa yahay.

Qoraalka uu Cabdiraxmaan Odawaa ugu jawaabay wasiir Xundubey ayaa ku bilaawday “Maanta waxaa shir jaraa’id qabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale oo sheegay in mudaaharaadku sharci darro yahay, taas oo khilaafsan qodbobka 20-aad ee dastuurka, arrinta is waydiinta mudan waxa ay tahay sharci darrada uu sheegayo sii hayuhu muxuu u cuskaday, mise isaga ayaa badalay qodobkaas dastuuriga ah oo xaqaasi ku xusan yahay. Sida aan wada ognahay dastuurka  waxaa wax looga badali karaa in saddax meelood labo barlamaanka Soomaliyeed ay ogolaadaan.”

“Xundubeey waxaan saxiibo nahay muddo 29 sano ah, sidaa si la mid ah isaga iyo Madaxweyne Sh Shariif (gudoomiyaha Midowga murashaxiinta) muddo intaa ka badan ayay is yaqaanaan.Mudadaasi Waxaan ku aqaanay nin mabda’u hago, aaminsan saraynta sharciga iyo nidaam ay asaas u tahay dhawrista xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka, waxa badalay koleey anigu ma garan isaguse waa og yahay,” ayuu yiri.

Qoraalka Odawaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaanse leeyahay  saaxiib la tasho damiirkaada koleey sidaas si ka gadisan ayuu ku farayaaye. Waxaadna ogaataa adiga iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday midna xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay ma  diidi karo.”

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Odawaa waxuu qoraalkiisa ku yiri, “Hadalka maanta uu ka sheegtay Warbaahinta haddii ay  ciidamada Booliska iyo Nabad sugiddu dhaqan galiyaan dhibka  ka dhashaa cidda masuulka ka ah waa Xundubeey. Waxaana  xasuusinaa in uu afhayeen u noqon Madaxweyne  waqtigiisu dhammaaday in aysan ahayn  mid u cuntanta.”

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya aan lagu qaban karin magaalada Muqdisho.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa. Isku soo bax lama ogolaa doono, qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo, caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey” ayuu maanta yiri wasiir Xundubey.

Beesha caalamka oo qoraal kasoo saartay rabshadihii Muqdisho iyo doorashada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa mar kale soo saartay qoraal ku aaddan is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo rabshadihii ka dhacay Muqdisho ee ciidamada dowladda ay ku weerareen dibad-baxayaal iyo xubno ka tirsan musharaxiinta mucaaradka.

Qoraalka ayaa markii ugu horreysay waxay beesha caalamka kaga dalbatay Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada inay joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Baaq Ku Aaddan Sii Socoshada Dadaallada Lagu Gaarayo Heshiis ay DFS-DGXF Ka Gaaraan Hirgelinta Doorashada

Muqdisho, 23 Febraayo 2021 – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo.

Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed.

Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.

Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo geeriyooday iyo R/W ROOBLE oo ka hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay cudurka Coronavirus.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida Ugaas Xasan, oo la sheegay in maalmihii u dambeeyey uu la il daraa xanuunka COVID-19.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn, uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka HirShabeelle.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo caawa uu ku geeriyooday.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas Xasan ayaa qoraa uu soo saaray ku yiri, “Waxaan Qoyskiisa,Asxaabtiisii & Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurkaan oo ku soo laba kacleeyey dalka, Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid aheyd kuwooda ugu da’da weyn hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi ayaa ka mid aheyd dadkii u geeriyooday cudurka.

Mareykanka oo u muuqda in uu ku gacan seeray dalabkii Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata inay ku gacan seertay dalabkii ay musharaxiinta mucaaradka gaarsiiyeen Golaha Ammaanka QM, kaas oo ahaa in la dhiso gole hogaamin oo xilka kala wareega sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ay laba maalin ka hore u direen Golaha Ammaanka, ayey Midowga musharaxiinta ku dalbadeen in la dhiso gole loo dhan yahay oo xilka sii haya isla markaana dalka ka gudbiya marxaladaan kala guurka ah.

Hase yeeshee, dowladda Mareykanka ayaa taas u aragta inay dib u dhac u keeni karto Soomaaliya, islamarkaana ay haboon tahay in dowladda wakhtigeeda dhamaaday iyo maamul goboleedyada ay ka shaqeeyaan hanaanka doorashada.

Sii hayaha ergayga Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay Richard Mills ayaa khudbadii uu ka jeediyay kulankii Golaha Ammaanka QM waxa ku sheegay in waddo walba oo ka leexsan hanaankii dhawaan lagu heshiiyay ay gadaal u celin karto Soomaalida, wuxuuna diiday xukun KMG ah.

“Aan idiin caddeeyo, doorasho dhinac ah, doorashooyin isbarbar socda, ama qaab kale oo hanaan doorasho ah oo uu ku jiro xukun KMG ah oo waqti qaata waxaa kaliya oo uu sii kordhin karaa xasillooni darada, wuxuuna dib u dhac ku noqonayaa Soomaaliya,” ayuu yiri Richard Mils.

Dowladda Mareykanka waxey taageersan tahay si la mid ah beesha caalamka in wax lagu wado sidii lagu heshiiyay 17-kii September, markaas oo ay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ku heshiiyeen Muqdisho.

Go’aanka Mareykanka wuxuu dhabar jab ku noqonayaa midowga musharaxiinta kuwaas oo dalbaday in la dhiso gole hogaamin, maadaama ay diidan yahiin in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay madaxweynaha Soomaaliya.

DF oo go’aan kasoo saartay dibad-baxa ay mucaaradka iclaamiyeen Jimcaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, isagoo shaaciyey in aysan ogolaan doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladdu go’aamisay in gabi ahaanba la joojiyo isusoo baxyada iyo kulamada laga maarmi karo, go’aankuna uu sidaas ahaan doono.

“Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyey ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka waxay xaq u leeyihiin inay banaanbax soo abaabulaan, laakiin hadda kuligood waa sharci darro, cidii sameysana iayada unbaa is xilqaantay,” ayuu yuri wasiir Xundubey.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana aysan ogolaa doonin inuu ka dhaco banaanbax ay dhigayaan dad hubeysan.

“Hadii ay dhaceyso in la ogolaado banaanbax waa inay soo baxdaa qiimeyn kale, cudurka oo naga yaraada iyo amniga oo ay wax iska bedelaan, waxaa jira dad is xil-qaamay oo isku dayey inay xaliyaan arrintaas, waxaana hadda socda wadahadal, sidii uu horay u sheegay ra’iisul wasaaruhu weli waxaa furan albaabka wadahadalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Xasan Xundubey.

Waxa uu sheegay in la joogo xilli wax kasta la isku gaarsii karo warbaahinta, isla markaana aan loo baahneyn banaanbax, “Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Isku soo bax lama ogolaa doono qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey.”

Hoos ka Daawo

Wasiirka Arrimaha Dibedda DF oo laga helay COVID-19 isagoo dal kale ku sugan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa shaaciyey in maalinkii sideedaad uu ku karaantiilan yahay dalka Burundi, kadib markii laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in cudurku uu aad ugu faafay Soomaaliya, isla markaana uu ka soo qaaday Xamar, isla markaana laga helay markii uu tegay dalka Burundi.

“Cudurka Covid Soomaaliya aad ayuu ugu faafay aniga hadda waxaan ku suganahay dalka Burundi oo aan u imaaday shir, hadda maalinkii 8-aad waxaan ku jiraa karaantiil sababtoo ah waxaan Xamar ka soo qaaday cudurka Corona, shirna cid lama yeelan oo intaas waxaan ku xiranahay meel, daawo ayaa ii socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku celceliyey in cudurku aad ugu faafay gudaha dalka, isla markaana uu garanayo dad badan oo u dhintay iyo kuwo hadda la il daran.

Isagoo u muuqday inuu ka faa’iideysanayo fursadan ayuu sheegay inaysan macquul aheyn in hadda Muqdisho lagu dhigo banaanbax iyo isku imaatinno kale toona.

“Caqli ma keeneynin in la yiraahdo dibadbax hala isugu soo baxo, shirarkii golaha wasiirrada iyo isku imaatinadii oo dhan ayaa hadda la joojiyey, shirka ugu muhiimsan oo dad saas u badan aysan joogeyn waa kan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidaas darteed si loo dhowro nabad geliyada dadweynaha dowladda waxay mas’uuliyad ka saaran tahay in laga digtoonaado isku soo baxyada,” ayuu yiri wasiir  Maxamed Cabdirisaaq.

Hoos ka Daawo

Swan oo gaaray Kismaayo iyo B/caalamka oo cadaadis ku billowday A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dagay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

Xubno ka tirsan xukuumadda Axmed Madoobe ayaa wafdigaan beesha caalamka ka socda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo iyadoo loo galbiyay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

James Swan ayaa kulan la leh madaxweynaha dowlad goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayada oo beesha caalamka ay ku cadaadineyso inuu aqbalo shir kale oo dhex-mara madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Beesha caalamka ayaa dooneysa in xal dhaqso ah laga gaaro arrimaha ku hareereysan doorashada ee wali la isku mari la’yahay, waxeyna dooneysaa iney shir isugu keento dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah si heshiis looga gaaro doorashada dalka.

Axmed Madoobe isagoo la safan Saciid Deni oo maamula Puntland waxey iska diideen iney kasoo qeyb galaan shir uu ku dhawaaqay sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama ay kadib shaqaaqadii ka dhacday Muqdisho walaac ka muujiyeen xaaladda dalka iyo sida la isugu halleyn karo ammaanka.

Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland waxey ku doodeen in lagu qabto shirka meel amnigeeda la isku halleyn karo, sidoo kalana la helo in beesha caalamka ay damaanad qaadi karto fulinta wax walba oo lagu heshiiyo.

Kulanka James Swan iyo Axmed Madoobe ayaa socda, waxaana isha lagu wada hayaa waxyaabaha kasoo bixi doona oo ay labada dhinacba ka hadli doonaan.

DF oo sheegtay in dalka uu ‘ka badbaaday afgambi’

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Jimcahii lasoo dhaafgay la isku dayay in dalka Afgabim lagu qabsado.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen isku daygaas, balse la damacsanaa in dalka la qabsado, iyadoo jimcadii lasoo dhaafay ay dowladda hor istaagtay banaabax nabadeed oo ay ku baaqeen midowga musharaxiinta.

“19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas,” ayuu yiri Dubbe.

Hadalka wasiirka wuxuu kusoo aadayaa xilli midowga musharaxiinta ay mar kale ku baaqeen in 26-ka February oo ku aadan jimcaha ay qaban qabaabinayaan banaabax nabadeed maadaama midkii hore ay dowladda hor istaagtay.

Sidoo kale sii hayaha wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay in marnaba dowladda aysan ogolaan doonin in la isku yimaado, fursadda kaliya oo ay qof walba heysatana ay tahay iney TV-yada kasoo muuqdaan, taasoo muujineysa in mar kale dowladda ay diidi doonto banaanbax ka dhaca Muqdisho.

Mareykanka ayaa ku cel-celiyay in dowladaha aan laga yeeli doonin iney xuquuqul insaanka ku tuntaan iyagoo marmarsiyo ka dhiganaya xanuunka Covid19, hadana dowladda wali waxey ku adkeysaneysaa amarkeedii ahaa inaan la isku imaan karin.

17-kii bishaan ayey dowladda shir jaraa’id ku sheegtay inaan la isku imaan karin, maadaama uu si weyn u faafay xanuunka Covid19, sidaas darteed wali go’aankeeda ayey ku taagan tahay.

Wararkii ugu dambeeyey qarixii maanta ka dhacay Xamarweyne + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay qeybo ka mid ah caasimada ayaa waxaa uu fuliyey ruux isku xiray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay saldhigga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli is-miidaamiyaha ay ceyrsanayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo war qoraal soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ciidanka ammaanka ay ka shakiyeen ninka qaraxa fuliyey, kadibna uu cararay, isaga oo iska tuuray suunka oo goor dambe ku qarxay meel cidlo ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin wata suunka qarxa oo doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayay ciidamadu ka shakiyeen, iyaga ceyrsanaya ayuu tuuray suunka qaraxa, ka dibna meel cidlo ah ayuu ku qarxay suunkii,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka.

Cali Yare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in qaraxan uu ku dhaawacmay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu dhigay qof laga shakinsan yahay oo ay qabteen ciidamada ammaanka qaraxa, kadib.

“Hal sarkaal ayaa ku dhaawacmay. Qof laga shakinsanyahay ayaa gacanta lagu hayaa.Aad ayaan ugu Mahadnaqeynaa ciidanka Amniga,” ayuu sii raaciyey.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal & qaraxyo kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.

Waare oo fasiraad ka bixiyey kulankii golaha ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dmaamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa fasiraad ka bixiyey kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya & doorashooyinka.

Waare ayaa shaaca ka qaaday inuu daawaday kulankaasi iyo nuxurka khudbadihii laga jeediyey, wuxuuna sheegay inuu ka fahmay fariin ku socota madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda Soomaaliyeed si gaar ah loola hadlay, islamarkaana ay muhiim tahay inay fahmaan sida ay tahay in loo wajo xaaladda adag.

“Waxaan fiirsaday shirkii UN Security Council ee arrimaha Soomaaliya. Soomaaliya madaxdeeda waa lala hadlay. wax nin rag la yiraa waxaa ugu liita in la yiraahdo xaaskaada iyo ilmahaadu waa dan-dareysan yihiin, mana fiirsan karnee saan u dhaan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle oo qoraal soo saaray.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo wada istaago muxaafad & mucaarad, bad-baadinta dalka iyo dowladnimada, si xal looga gaaro khilaafka ka jira dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada ergayga QM ee Soomaalida uu khudbad dheer ee uu kaga hadlay xaaladda dalka ka jeediyey kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay ku socoto wado halis ah.

Dubbe oo shaaciyey arrin loo ogolyahay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb-galayey barnaamij gaar ah looga hadlayey xaaladda dalka ayaa markale ku celiyey in weli halkiisii uu yahay go’aankii lagu mamnuucay isku imaatinada dadka, si loo xakameyo xanuunka Covid-19.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in aysan dadka isugu imaan karin hal goob, islamarkaana loo baahan yahay in la raaco talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta midowga musharraxiinta mucaaradka oo dibad-bax kale ka abaabulayo magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin wax isku imaatin ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in siyaasiyiinta ka aragtida duwan loo ogol-yahay iuu mid weliba tego xarumah TV-yada, kuna soo gudbin karo fikiradiisa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay bad-baadinta dadka Soomaaliyeed, xilli uu dalka ka jiro cudurka Covid-19.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo markale musharraxiinta mucaaradka ay ku baaqeen dibad-bax kale oo la qorsheynayo in Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Qoraallada Villa Somalia oo uu isbeddel ka muuqdo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isbedel lama filaan ah ka sameysay hab qoraaleedka ay usoo saarto war-murtiyeedka madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Villa Somalia ayaa shalay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook markii ugu horreysay ka reebtay inay ku sheegto Farmaajo ‘madaxweynaha dowlada federaalka’, marka loo eego qoraalladii horey uga soo bixi jiray.

Qoraalka shalay oo ay fariin ugu direysay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa shirka ku saabsan doorashada ugu yeerayey “madaxtooyada Soomaaliya,” halka qoraalkii hore ee isla kan oo kale ahaa oo soo baxay 17-kii Febraayo, uu u dhignaa inuu shirka ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka”.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka maanta sida sawirada hoose kaga muuqata.

Halka qoraalkii 17-kii Febraayo lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan: 1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.”

Ma cadda haddii arrintan ay ku timid si kam ah oo uu doortay qofka qoraalka sameeyey iyo inay tahay mid muujineysa in Farmaajo oo wajahaya cadaadis caalami ah uu aqbalay inuu muddo xileedkiisa dhammaaday. Hase yeeshee qoraallada xiga ayaa kala caddeyn doona.

Isku eeg labada qoraal