25.3 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Qoraallada Villa Somalia oo uu isbeddel ka muuqdo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isbedel lama filaan ah ka sameysay hab qoraaleedka ay usoo saarto war-murtiyeedka madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Villa Somalia ayaa shalay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook markii ugu horreysay ka reebtay inay ku sheegto Farmaajo ‘madaxweynaha dowlada federaalka’, marka loo eego qoraalladii horey uga soo bixi jiray.

Qoraalka shalay oo ay fariin ugu direysay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa shirka ku saabsan doorashada ugu yeerayey “madaxtooyada Soomaaliya,” halka qoraalkii hore ee isla kan oo kale ahaa oo soo baxay 17-kii Febraayo, uu u dhignaa inuu shirka ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka”.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka maanta sida sawirada hoose kaga muuqata.

Halka qoraalkii 17-kii Febraayo lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan: 1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.”

Ma cadda haddii arrintan ay ku timid si kam ah oo uu doortay qofka qoraalka sameeyey iyo inay tahay mid muujineysa in Farmaajo oo wajahaya cadaadis caalami ah uu aqbalay inuu muddo xileedkiisa dhammaaday. Hase yeeshee qoraallada xiga ayaa kala caddeyn doona.

Isku eeg labada qoraal

Xuseen Carab Ciise oo soo bandhigay 3 shardi in lagu xiro siyaasiyiinta Somaliland ee xilka ka qabanaya DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa markii u horeysay si qoto dheer uga hadlay arrinta siyaasiyiinta reer Somaliland ee jooga magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii ay ku laabanayaan Somaliland ka tanaasula Midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xuseen Carab ayaa soo jeediyay in shuruud lagu xiro siyaasiyiinta Somaliland ee imanaya Muqdisho, kuwaasi oo ugu yeeray ‘siyaasiyiinta shaqadoonka ah ee Somaliland ka yimaada’, si lamid ah sida ay Somaliland shuruudo hor leh ugu xirto siyaasiyiinta Soomaaliya ee u safraya deegaanadeeda.

“Siyaasiyiinta shaqadoonka ah ee Somaliland ka yimaada ayagoo shaqadu kala muhiimsan tahay qadiyadda midnimada. Maalintii ay shaqadu ka dhammaatana dib ugu noqda ayagoo cafis waydiisanaya Somaliland,” ayuu yiri Xuseen Carab.

Waxa uu soo jeediyay in saddex shardi lagu xiro siyaasiyiintaasi intii aanay xil ka qaban Soomaaliya, dalkana ku nolaadaan si toos ah 3 ilaa 5 sanadood si ay u kala bartaan dadka ay doonayaan in ay mansab u qabtaan kuwaasi oo kala ah; 1. In uu cafiso weydiisto Soomaaliya. 2. Haddii uu xil nooca uu doono ka hayo Somaliland iska casilo iyo 3. In uu caddeeyo inuu ka noqday fikirkii gooni-goosadka.

“Su’aasha u baahan la is weydiyaa waa, sidee buu qof system doonaya in uu naga go’o u soo dhaartay kitaabna gacanta u galiyay maanta noo oran karaa midnimo ayaan aminsanahay isaga oo aan shacabka Soomaaliyeed hortooda ka caddayn sida anigaba i qabta haddii aan is dhaho Somaliland tag”.

Sidoo kale waxa uu xusay in siyaasiga xil kasoo qabta Somaliland uu ku dhaarto qadiyada iyo dastuurkeeda dhigaya inay ka go’day Soomaaliya, midaasina ay lagama maarman uga dhigayso in la marsiiyo shuruudaha uu sheegay.

Xuseen Carab ayaa ku doodaya in siyaasiyiinta Somaliland loola dhaqmo sida ay xukuumadoodu ula macaamisho kuwa ka safraya magaalada Muqdisho, islamarkaana ay muhiim tahay in siyaasiyiinta ka imanaya Somaliland ay cadeeyan mowqifkooda midnimada, oo ay ka tanaasulaan qadiyada gooni-goosaadka.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in arrintan aysan khuseyn shacabka degan Somaliland ee aan mansab iyo mas’uuliyad soo qaban, kuwaasi oo iyagu la xuquuq ah Shacabka Soomaaliyeed meelka kasta oo ay joogaan.

Maxay Jubaland ku dooratay in shirka lagu qabto Xalane?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdi xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay VOA ayaa faah faahin ka bixiyey shuruudaha ay ku xireen ka qeyb-galka shirka doorashooyinka ee ka dhacaya Muqdisho.

Wasiir Cabdi Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho shirka, waa haddii lagu qabanayo goob amaan ah, gaar ahaan Xalane.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay inay cabsi ka muujiyaan ciidamada dowladda federaalka, kadib weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland oo hadalkiisa sii wata in loo baahan yahay in la helo gacan saddexaad oo ka madax banaan saxiixayaasha heshiiska doorashooyinka.

“Wixii dhacay 19-kii Febaraayo waxa ay beertay xaalad kale, taasi dhibaato weyn oo dhacday ayay ahayd, diyaar ayaan u nahay ka qaybgalka Shirka balse waxaan dooneynaa goob amnigeedu sugan tahay, mar haddii la weeraray Musharixiinta la iskuma haleyn karo Dowladda, haddii aan la hureyn waxaan door-bideynaa Xerada Xalane oo saldhig u ah Wakiilada Beesha Caalamka” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kaliya Jubbaland & Puntland ay ka maqan yihiin shirka wada-tashiga doorashooyinka, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, waxaana hada socda kulamo horudhac u ah shirkaasi oo ah mid xasaasi ah.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale wararka horudhac ah ayaa sheegaya in nooca qaraxa uu ahaa is-miidaamin, kaas oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo haatan xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Faah faahinta kala soco:caasimada.net

Wakiilka Mareykanka ee QM oo sheegay arrin ay tusaale u yihiin rabshadihii Muqdisho

0

New York (Caasimada Online) – Wakiilka dawladda Mareykanka ee Qaramada Midoobey Richard Mills oo khudbad ka jeediyey shirkii caawa golaha ammaanka ee QM ay ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka faa’iidaystaan fursadaha hor yaalla.

Richard Mills ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay sida ugu degdegga badan nabadda u hormariyaan, isagoo xusay in hubanti la’aanta ka taagan doorashada Soomaaliya ay dib u dhac ku noqotay wada-hadaladii Qaran.

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqooyinkii ka dhacay bartamaha Muqdisho todobaadkii hore ay yihiin tusaalihii ugu dambeeyey ee muujinaya inay imaan karto halis ah in dalku deganaansho la’aan galo.

Danjire Richard Mills waxuu carrabka ku adkeeyey in Mareykanku uu si adag uga soo horjeedo gacan ka hadalka.

Intii uu ku guda jiray khudbadiisa Richard waxuu ugu baaqay madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboeedyada inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xallinayo is mari waaga siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in xaaladda hadda taagan ay halis ku tahay mustaqbalka Soomaaliya.

Richard Mills mar uu khudbadiisa ku soo hadal qaaday dhanka ammaanka Soomaaliya, waxuu sheegay in Al-Shabaab ay weli halis ku tahay amniga Soomaaliya, isagoo soo bandhigay liiska xubno ka tirsan kooxda oo Mareykanku uu Qaramada Midoobey ka doonayo in liiska cunaqabateynta lagu daro.

Seddax hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, oo kala Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karate ayuu soo jeediyey in Qaramada Midoobey ay ku daraan liiska cunaqabataynta argagixisada.

Soo jeedinta Maraykanka iyo Soomaaliya ee ah in saddexdaas shakhsi lagu daro liiska cunaqabataynta ayaa u baahan inay oggolaadaan dhammaan xubnaha Golala Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Hadii ay hir gasho oo goluhu ogolaado soo jeedinta Mareykanka, waxay ka dhigan tahay in xubnahaan lasoo bandhigay magacyadooda ee ka tirsan Al-Shabaab aysan safri karin, isla markaana la xayirayo hantidooda.

Musharaxiinta oo go’aan kasoo saaray hadalkii kasoo yeeray Yuusuf Indha-Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeediyey shir jaraa’id oo musharaxiintu ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhow arrimood oo ku saabsan rabshadihii ka dhashay banaanbixii ay iclaamiyeen todobaadkii hore.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay u wakiisheen ka hadalka aragtidooda, isla markaana aan dhiigooda loo baneysa karin hadal ka soo yeeray qof aan ka tirsaneyn golahooda.

“Cid aan u wakiilanay hadalkeena iyo aragtideena maanta ma jirto, waxaan nala yiraahdaa golaha musharaxiinta waxaa nawada khuseeya wixii aan wadajir u soo saarno, nama khuseeyaan wax ka yimid qof aan naga tirsaneyn dhiigeenana looma baneysan karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu goluhu isaga fogeynayo hadal habeenkii Jimcaha inta aysan rabshaduhu bilaaban uu tallada Daljirka ka sheegay Jeneraal Indhacadde oo tilmaamay in dalka aysan ka jirin wax dowlad ah oo Farmaajo iyo wasiirradiisu yihiin madax hore.

Hadalka Jeneraalka waxaa dhibsaday madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxaana fagaare uga jawaabay iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamaya ra’iisul wasaaraha iyo wasiirkiisa warfaafinta.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa mar kale shaaciyey in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay qabanayaan banaanbax kale oo ka dhici doona isla goobtii loo diiday ee fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon.

Waxa uu sheegay in banaanbaxaasi uu fure u yahay hanaanka dimuquraadiyadda dalka iyo mida doorashooyinka Soomaaliya xiligan la joogo.

Sheekh Shariif waxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka aysan weli garowshiyo ka bixin, is hor-taagii ay ku sameysay banaanbixii nabadeed ee dadka reer Muqdisho ay sameyn lahaayeen todobadkii hore, kaas oo uu sheegay in dad lagu dilay kuwo kalena ay ku dhaawaceen ciidamada dowladda.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay wakiil uga yihiin banaanbaxyada ay abaabulayaan iyo dadaalka ay ugu jiraan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in golaha midowga musharaxiinta ay aad ugu mahad celinayaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo uu sheegay in khataro badan oo dhanka hoggaanka ah ay u iftiimiyeen dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo

Muxuu James Swan ku sheegay warbixintii uu u gudbiyey Golaha Ammaanka?

0

New York (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaalia James Swan ayaa sheegay in xiisadda siyaasadda ee sii cakirmaysa ee Soomaaliya ay halis ku tahay horumarkii laga samaynay dib u dhiska hannaanka dawladdeed ee Soomaaliya iyo xataa xaaladda amniga.

Swan waxa uu walaac ka muujiyey iska hormaadka, xeeladaha cadaadiska iyo awood muujinta oo uu sheegay inay halis ku tahay xaaladda waddanka.

Waxa uu sheegay in heshiiskii la gaaray 17-kii Sebtember u yahay kan ugu habboon ee lagaga bixi karo dib u dhaca dooarshada, iyo xaqijinta in hoggaamiyayaasha Soomaaliya ay idan cad u haystaan wajaibaadkooda isla markaana loogu soo noqon alhaa in mudnaanta la siiyo ajandayaasha qaranka.

Waxa uu sheegay in loollalnka afka uu sii saa’idayo, isla markaana dhacdadii 19-ki Febraayo ay carqaaladaysay shrikii lagu qaban laha a Muqdisho ee lagu dhamaystiri lahaa heshiiska September 17.

Waxa uu shegya inay ku dadaalayaan sidii ay labada mamaul ee Jubaland iyo Puntland ugu soo biiri ahaayeen wadahadallada.

Waxa uu ku cleiyey inaysan aqbalayn doorashooyin qayb ah, kuwo is garab socda iyo kuwo gaar ah toona, waxaana uu ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay wada hadlaan.

Dhinaca kalena, wakiilka dawladda Maraykaka ayaa sheegay inay ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka faa’iidaystaan fursadaha, ayna taasi tahay tan ugu degdeg badan inay nabadda ku hormariyaan. 

Waxa uu sheegay in hubanti la’aanta ka taagan dorasada ay dib u dhac ku noqotay wada-hadaladii qaran. Wakiilka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaaqooyinka ka dhacay waddoonka Muqdisho ay yihiin tusaale ugu dambeeyey inay ka iman karto halis ah in waddanku deganaansho la’aan galo. Waxa uu sheegay in Maraykanku ay kasoo horjeedaan gacan ka hadalka.

Waxa uu ugu baaqay dawladda federraalka iyo madaxda maamul goboeedyada inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xallinayo is mari waaga syaasadeed taasi oo sheegay inay halis ku tahay mustaqbalka Soomaaliya

Cabdiraxmaan Caynte oo sheegay waddo ‘uu hubo’ inuu Farmaajo ‘qaadi doono’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Caynte ayaa qoraal kasoo saaray xaalada cakiran ee dalka iyo dimuquraadiyadda curdinka ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Caynte ayaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dib u xasuusiyay ‘in afar sanno ka hor maanta oo kale loo caleemo saaray kursiga uu maanta ka degi laayahay’.

Waxa uu sheegay in qaabkii xiligaas xilka loogu wareejiyay Farmaajo uu ahaa mid muujinaya dib usoo kabashada Soomaaliya iyo hanaqaadka nidaamka dimuquraadiga ah ee dalkeena, balse ay nasiib darro tahay inuu madaxweynaha waqtiga uu ka dhamaaday uu hareer maro.

“Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka,” ayuu yiri Caynte.

Caynte ayaa waxa uu Farmaajo ku tilmamay mid kursi jaceylku kala qiimo batay bed-qabka dalka iyo dadka, maadama uu xaalad xasaasiya marayo dalka, ayada oo aysan jirin heshiis siyaasadeed oo looga gudbayo xaalada taagan.

Hoos ka aqriso qoraalka Caynta;

Bismillah,

Sawirkan waa afar sano kahor maanta oo kale. Waa maalintii si rasmi ah loo caleema saaray mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo  inuu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya. 

Sawirku wuxuu astaan ifeysa u ahaa sida uu u xoogeystay nidaamka dimoqraadiga ah ee dalkeenna. Maalintii xigtay, wargeysyada Africa iyo kuwa carabta ee aan waligood arag madax xilka si nabad gelyo ah isugu wareejinaya, ayaa boggooda hore sawirkaas quruxda badan kusoo qaatay. 

Ayaan darro, wadiiqadaas wanaagsan waxaa ka weecday madaxweynaha muddo xileedkiisu idlaaday ee Farmaajo. Macaansiga kursiga ayaa kala qiima badnaaday bedqabka dalka iyo dadka. 

Ha yeeshee, waan hubaa inuu qaadi doono waddadii ay hortiis qaadeen kalitaliyeyaal badan. 

Wabillahi Towfiiq.

CC Shakuur oo shaaciyey sida ay beesha caalamka wax u waddo (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir kana tirsan Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shir jaraa’id oo ay golahaas ku qabteen magaalada Muqdisho ka sheegay in beesha caalamka ay taageereyso madaxweynaha muddo xileedkiisii dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay Beesha Caalamka la safan tahay Villa Somalia, islamarkaana ay la shirayaan mas’uuliyiin sharciyad aan heysan.

“Annaga waxaan rabnaa inaan mudaharaadka iyo nabadda wax ku baddalno, cid kale oo aan isku halleyneyno ma jirto oo annaga aan ahayn. Beesha caalamka iskuma halleyneyno, waa nimanka u durbaan tumaaya Farmaajo oo xilligiisii dhammaaday,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakur.

“Shacabka Muqdisho waxaan ugu baaqeynaa dibedbax nabadeed Jimcaha soo socda. Farmaajo wuxuu na kala dooransiinayaa diktatooriyad iyo dagaal sokeeye. Ummadii kale way diidday, innaguna waxaan ku diideynaa dibedbax nabadeed iyo dadkeena u suuragelinaya oo aan kala soo harno.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Waxaad aragtayna sameeyay, cidda wali la shireysa oo mas’uuliyad iyo sharciyad inuu leeyahay kula macaamileysa waa beesha caalamka.”

Muddo xileedka madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February ee sanadkaan, siyaasiyiinta mucaaradka ayaana sheegay ineysan kadib wakhtigaas madaxweyne u aqoonsaneyn.

Sidoo kalana dowladda Soomaaliya waxey sheegtay in Farmaajo uu xilka sii heynayo inta la dooranayo maamul cusub oo badala, mana la oga wakhti ay doorasho dhici doonto ilaa iyo hadda.

Hoos ka daawo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Sawirro: Somtel oo Muqdisho kusoo bandhigtay adeegyo aan dalka horey uga jirin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda isgaarsiinta Somtel ayaa soo bandhigtay adeegyo casri ah oo kala KAABE & KAYDSO Kuwaasoo ahmiyad gaar ah u leh bulshada soomaaliyeed

Munaasabada lagu soo bandhigayay adeegyada ayaa waxaa lagu qabtay hotel-ka Karmel iyadoo ay ka soo qeyb-galeen mas’uuliyiinta sare ee Somtel, Madaxda Dahabshiil group, Ururada bulshada rayidak, bahda waxbarashada, ururada dhalinyarada iyo maamulada isbitaalada muqdisho.

Adeeggga kaabe Waa adeegg u sahalaya macamiisha Somtel Inay Helaan amaah lacageed ayagoo isticmaalaya simcardka somtel kuna helaan eDahab ahaan.

Macaamiilku waxa uu ku iibsan karaa Amaah-da uu qaatay Kaarka (Prepaid), Internet Data. Sidoo kale waxuu Amaahda waxuu u isticmaali karaa Cash ahaan.

Macamiilku waxa uu amaahan karaa lacag dhan ($1- $100) iyadoo laga doonayo inuu mudo Todobaad ah ku bixiyo, wax khidmad oo dheeri ahna malaga qaadayo. Macaamil si aad u fuarato KAABE fadlan garaac *900#

Sidoo kale shirkaddu Waxa ay xarigga ka jartay adeegga KAYDSO oo u sahlaya macaamiisha somtel inay ku keedsadan karaan dhigaalkooda lacageed simcardkooda Somtel.

Macaamiilku waxuu dooran karaa mudo dhigaalkiisa (3 bilood, 6 bilood iyo 12 bilood) asagoo aan la bixin karin dhigaalkiisa ilaa iyo laga gaaro xiliga uu doortay. Si aad u furato adeegga KAYSO fadlan garaac *232#

Labadaan adeegg ayaa wax badan ka tari doona baahida macaamisa somtel iyagoo uga faa’ideysan kara baahidooda adeegeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ee shirkadda somtel soo kordhiso adeegyo cusub Waxaa xusid mudan in shirkaddu u tagaantahay in mar walba la wadaagto bulshada soomaliyeed adeegyo cusub oo casri ah.

Ujeedka kulankii ay xubnaha Midowga Yurub la qaateen madaxweyne Deni + Sawirro

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa  goordhoweyd oo maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland gaaray xubno ka socda beesha caalamka, xili uu xalay madaxweyne Deni jeediyay qudbad xasaasiya oo la xiriirta khilaafka doorashada.

Wafdigan oo ka socda Midowga Europe ayaa waxa hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martínez, oo saaka ka kicitamay magaalada Muqdisho.

Waxaa Ergeyga ku wehliya safarkaan Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Nicolas iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Qasriga madaxtooyada Puntland, halkaasi oo ay kulan kula qaateen madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ku wehlinayaan Wasiirka arrimaha gudaha, Qorsheynta iyo Warfaafinta.

Kulankaan ayaa qeyb ka noqonaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayso madaxweyne Deni inuu ka qeybgalo shirka wada-tashiga ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shalay ka furay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya, ayada dowladda federaalka ay maanta markale ka dalbatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xadiraan shirweynaha Muqdisho,  si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada.

Waxaa weli cakiran xaalada dalka, gaar ahaan caasimada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen iska hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iuo Musharaxiinta mucaaridka.

Villa Somalia oo soo saartay qoraal ku socda Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta farriin culus u dirtay madaxda Puntland iyo Jubaland, ayado ka dalbatay inay yimaadan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirweynaha uu shalay furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda mar kale ugu yeerayso Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland inay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa weli ku adkeysanaya in shirkii Muqdisho ee uu hore ugu baaqay, islamarkaana uu shalay furay ay soo xaadiraan madaxda ka maqan, si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada, ayada oo xaalada caasimada ay cakiran tahay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas”.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa iyagu ka deyrinaya xaalka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dhamaadka toddobaadkii hore uu iska hor-imaad ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Dowladda federaalka oo hormuud ka yahay Farmaajo ayaa shalay furay shir ka dhacay Madaxtooyada, kaasi oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo iyaga lagau tiriyo hogaamiyeyaal taabacsan madaxwyenaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu xalay madaxweynaha Puntland sheegay in arrimo la xiriira amniga uu uga baaqsaday tagitaanka Muqdisho, lamana oga sida ay uga jawaab celin doonaan maamuladan dhawaaqan cusub ee kasoo baxay Villa Somalia.

Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay dibad-bax kale oo ka dhacaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in banaanbax nabadeed ay ku qabanayaan taalada Daljirka Dahsoon.

Midowga waxey sheegeen in banaanbaxaan looga gol leeyahay iney ku dalbanayaan qabashada doorasho xor ah oo xalaal ah, uuna 26-ka Febraayo ka dhacayo taalada Daljirka Dahsoon.

Dibadbaxn ayaa imanaya ayada oo dowladda ay horay u hor istaagtay banaanbax ay isla midowga iclaamiyeen jimcadii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id ku sheegay ineysan wali ka tanaasulin midowgooda banaanbixii nabadeed oo ay horay ugu baaqeen, wuxuuna mar kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isugu yimaado taalada Daljirka Dahsoon ee dagmada Boondheere.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid dastuuri ah, qof walbana uu xaq u leeyahay inuu si xor ah kusoo bandhigi karo aragtidiisa, wuxuuna ka digay in mar kale la hor istaago banaanbaxaas.

Mar kale ayuu Shariif ku celiyay in sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka ku heysto xukun Militari, sidoo kalana wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqay inaan loo adeegsan wax aan sharciga waafaqsaneyn.

Jimcadii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneed 19-ka February ayey aheyd markii ay dowladda diiday in banaanbax nabadeed lagu qabto Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu eedeeyay iney weerareen hotel ay daganaaayeen laba madaxweyne hore iyo gudoomiye Baarlamaan hore, sidoo kalana waxey rasaas ku kala eryeen shacab, musharaxiiin, xildhibaano iyo siyaasiyiin banaanbax ku dhigayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Lama oga tallaabada ay dowladda qaadi doonto iyadoo walaaca laga qabo xaaladda dalka, gaar ahaan Muqdisho ay tahay mid aan wanaagsaneyn.

Safiirkii hore ee TURKIGA oo si lama filaan ah uga fal-celiyey khudbadii DENI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya sanadihii 2011-kii illaa 2014-kii Amb. Cemalettin Kani Torun ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee hadda lagu jiro.

Mr Cemalettin Kani Torun ayaa marka ka facl-celiyey khudbaddii uu xalay Garoowe ka jeediyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed Deni oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed & is mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Diblomaasigan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka aya ugu baaqay xubnaha beesha caalamka inay ku baraarugaan hadallada kasoo yeeray madaxweyne Siciid Deni, isaga oo shaaciyey in xiligan Afrika aysan u baahneyn kaligii-taliye iyo dagaal sokeeye.

“Digniinta Deni baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka, Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay,” ayuu yiri safiirkii Turkiga ee arrimaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo uu haatan dalku ka jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana uu muddo xileedkii ka dhamaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo aan weli heshiis lagu heyn hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Beesha caalamka oo caadis xoogleh saareysa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa billowday in cadaadis xoogleh saarto madaxweynayaasha maamullada Puntland & Jubbaland oo weli ka maqan shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in wufuud ka socota beesha caalamka ay saacadihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wafdigan ayaa maanta kulan gaar ah la leh Siciid Deni, iyaga oo kala hadli doono ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaranka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale oo ka socda beesha caalamka ay kusii jeedaan dhanka Kismaayo, si ay u wajahaan Axmed Madoobe oo weli si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada ka qeyb-galaya shirka doorashooyinka, si xal loogu wada-gaaro.

Puntland & Jubbaland ayaa weli tabasho xooganka tirsanaya madaxda Villa Soomaaliya, waxaana saacaihii ugu dambeeyey hadallo kulul usoo mariyeen dhinaca warbaahinta.

Turkiga oo bayaan kasoo saaray xaaladda Somalia

0

Ankara (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka 2021.

Ugu horreyn Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan hannaanka doorashada dalka.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa loogu baaqay inay si wadajir ah xal uga gaaraan is mari-waaga doorashada & heshiiskii 17-kii September.

“Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka salka ku haya doorashooyinka, dhammaan Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa rabsho, isla markaana waa in wadajir xal looga gaarayaa heshiiska dhacay 17-ka September 2020,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya “Waxa aan rumeysan nahay in walaalaheen & saaxiida Soomaaliya ay leeyihiin Rabitaan & bisayl siyaasadeed oo ay ugu go’aan gaari karaan Mustaqbalkooda,”.

Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay is qab-qabsiga doorashada, kadib markii ay todobaadkan rabashado xoogan ay ka dhaceen magaalada Muqisho.

Midowga musharaxiinta oo isku khilaafay kulamo ka dhacay Muqdisho (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay dood soo kala dhax-gashay, taas oo ka dhalatay kulamo habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana kulamadaas lala qaatay madaxda maamullada Galmudug iyo HirShabeelle. 

Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo ah madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, ayaa habeen hore la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyagoo kala hadlay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho. 

Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan mucaaradka ayaa Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Kheyre ku qabsaday in ay ka qeyb galaan kulamadaas, iyadoo aan laga tala gelin xubnaha kale ee Golaha Midowga. 

Xubnahan ayaa ku dooday in kulamadaas ay ahaayeen qalad inay dhacaay, ayada oo Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay ka aamuseen dhibaatadii ciidamada dowladda ay u gaysteen shacabkii ay ku mataleen siyaasadda dalka, ayaga oo xabadeeyey xilli ay dibad-baxayeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan qarsan dareenkiisa, wuxuuna qoraal uu shalay soo dhigay facebook ku yiri “Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.”

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa ah madaxweynayaal uu kursiga ku fariisiyey Farmaajo, mana la filayo inay marnaba hadal ka dhan ah u sheegaan si shaacsan.

Maxay ka wada-hadleen Cali Guudlaawe iyo Shariif?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta.

Ujeedka Cali Guudlaawe uu xalay ugu tegay Sheekh Shariif Sheekh ayaa ahaa booqasho isugu jirto salaan iyo is xog-wareysi ku aadan xaaladda uu dalka marayo.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashada dalka ee sanadkan 2021-ka.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho & dibad-baxii laga hor istaagay xubnaha musharraxiinta mucaaradka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in labada mas’uul ay ku ballameen kulamo kale oo looga arrinsayo xaaladda adag ee lagu jiro, siiba marxalada kala guurka ah.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa horey ula kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Guudlaawe waa madaxweynihii labaad ee dowlad goboleed ee la kulma hoggaanka midowga musharraxiinta, kadib rabshadihii ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho.

Saaciid Deni: “Waxaan ka baqeynay in Villa Somalia raashinka sun noogu darto”

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan wax farqi ah u dhaxeyn Al-Shabaab iyo madaxdweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saciid Deni oo arrimo badan kafishay ayaa si cad u shaacay in Farmaajo uu ku qabsaday sababta ay ula kulmeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, maadaama buu yiri aan aniga idiinku casuumay Muqdisho.

“Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye, anigaa idiin casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee qabaa’ilka Hawiye xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala irdhoobin, waxaan iri taasi suuragal ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Mar uu ka hadlayay aaminaada lagu qabo in kulan looga arrinsanaayo arrimaha doorashada iyo xal u helida mushkilada taagan oo lagu qabto Muqdisho, Deni waxa uu sheegay inaysan jirin aaminaad ay ugu qeyb galaan maadaama taliska Farmaajo aan la aamino karin, sida uu yiri.

Deni ayaa sheegay in xitaa marka ay tagaan Villa Somalia ay ka baqi jireen in raashinka sun loogu daro, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku tilmaamay inay la mid yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab oo aysan waxba ugu duwaneyn, isagoona muujiyay in Shabaab iyo Farmaayo aan la kala saari karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ugu horyimaadaan in wadanku ku laabto nidaamkii kali-talisnimo ee laga soo gudbay 30 sano ka hor, iyadoo laga fogaanaayo qabiileysi iyo in dalku dib ugu laabto burbur iyo nidaam daro.

Golaha ammaanka oo kulan ka yeelanaya Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xasaasi ah ka leh xaaladda Soomaaliya & doorashooyinka 2021-ka.

Fadhigan ayaa golaha ammaanka waxa ay uga doodi doonaan xaaladaha soo kordhay ee dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee weli ka taagan hanaanka doorashooyinka.

Golaha ayaa si gaar ah diirada u saari doono ammaanka, doorashooyinka, siyaasadda iyo waqti kordhinta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale waxa ay warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ka dhageysan doonaan wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo kulanka uga qeyb-galay hab maqal iyo muuqaal ah, isaga oo jeedin doono warbixinta dhabta ah ee  dalka.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la filayaa in ay bayaan kasoo saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan maxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ay golaha ammaanka u gudbiyeen qoraal la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan tabashadooda, waxayna dalbadeen in QM ay soo fara-geliso xaaladda Soomaaliya