25.3 C
Mogadishu
Friday, July 17, 2026

Golaha ammaanka oo kulan ka yeelanaya Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xasaasi ah ka leh xaaladda Soomaaliya & doorashooyinka 2021-ka.

Fadhigan ayaa golaha ammaanka waxa ay uga doodi doonaan xaaladaha soo kordhay ee dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee weli ka taagan hanaanka doorashooyinka.

Golaha ayaa si gaar ah diirada u saari doono ammaanka, doorashooyinka, siyaasadda iyo waqti kordhinta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale waxa ay warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ka dhageysan doonaan wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo kulanka uga qeyb-galay hab maqal iyo muuqaal ah, isaga oo jeedin doono warbixinta dhabta ah ee  dalka.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la filayaa in ay bayaan kasoo saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan maxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ay golaha ammaanka u gudbiyeen qoraal la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan tabashadooda, waxayna dalbadeen in QM ay soo fara-geliso xaaladda Soomaaliya

Al-Shabaab oo deegaanka Yaaq-bari weyne gubtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay weerar xun ku qaadeen deegaanka Yaaq-bari weyne oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Somalia.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dab qabad-siisay deegaanka, islamarkaana ay ku mareen inay isaga guuraan dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay bas-beeleen guryo fara badan oo ay daganayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in arrintan ay ka dambeysay, kadib markii ay dadka deegaanku taageero u fidiyeen maleeshiyaad beeleed abaabulan oo dagaal kala hortegay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax khasaare ah nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan, marka laga reebo gubashada deegaanka Yaaq-bari weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi.

Daawo: Deni oo shaaciyey ‘arrimo qarsanaa oo uu si cad ugu sheegay’ Farmaajo

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka, isagoo shaaca ka qaaday arrimo badan oo xasaasi ah oo uu Farmaajo qorsheynayo.

Saciid Deni ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ku eedeeyey wax kasta oo dib u dhac iyo khilaaf ku keenay doorashada Soomaaliya, isagoo mid mid u dul istaagay qodobada uu ku eedeynayo Farmaajo.

Deni ayaa ku eedeeyey in Farmaajo uusan rabin doorasho sax ah oo dalka ka dhacda, ee mar waliba sameynayey wax aan macquul ahayn si waqtiga loo dhammeeyo, markii ugu danbeysayna uu ku dhegay magaalada Garbahaarey.

Madaxweynaha Puntland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweyne Farmaajo oo xalka Garbahareey laga waayey loo sii daba fadhiyo xaaladda dalka Soomaaliya oo dhan. Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in beeshiisu aysan ka yeeleyn in gobolka Gedo uu ku wareejiyo Jubaland.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu si cad ugu sheegay inuu dalka xoog ku maamulayo, islamarkaana Hawiye qeylinaya, sida uu hadalka u dhigay, aysan waxba ka qaadi karin “sababtoo ah wuxuu haystaa ciidan.”

Madaxweynaha Puntland waxa uu intaas ku darau in Farmaajo ay dad kasoo jeeda Hawiye ay kala shaqeynayaan sidii uu dalka xoog ugu maamuli lahaa, ayna halistu tahay inuu dalku ka rido dagaal sokeeye.

Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye,” ayuu yiri Sacid Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku dacweeyey masuul kasta oo ku heyb ah, balse qaarkood uu kala kulmay eedeyn ah inuu kala saftay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Saciid Deni ayaa sidoo kale shaaciyey in Farmaajo uu dhisay ciidamo isaga u daacad ah sida Haramcad iyo Gorgor, oo aan marna dagaal la gelin Al-Shabaab balse uu isagu adeegsado, ayna weerarro ka fuliyeen Galmudug, Gedo iyo Daljirka Dahsoon oo Muqdisho ah.

Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in dalka uu halis ugu jiro inuu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo beesha caalamka aanay wax badan kala socon, islamarkaana Puntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo, sida uu yiri.

Hoos ka daawo khudbadda Deni oo dhameystiran

 

Midowga Musharaxiinta oo qoraal xasaasi ah u diray Golaha Ammaanka QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharrixiinta ayaa warqad ay u direen Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward, waxay ku dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharrixiinta qoraalka diray oo gaaray 15 ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo xulafadiisa maamulka inay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Waxay ka digeen haddii Golaha Amnigu uusan fara gelin xalaadda dalka uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah.

Waxay warqaddooda ku sheegeen in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya ay ka dhalatay Siyaasada Farmaajo ee lagu bartilmaameedsanayo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeedda, oo ay weheliso ficilkiisa ula kaca ah ee sida joogtada ah dib loogu dhigo doorashooyinka si loo raadiyo muddo kordhin sharci darro ah ama awood lagu qabsado qaab militari.

Waxay codsadeen in Farmaajo lagu qasbo inuu joojiyo dhammaan faragelinta lagu hayo howlaha doorashada iyo inuu xilka ku wareejiyo gole ku-meel gaar ah oo qaran oo ka kooban Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaasha Aqalka Hoose iyo golaha shacabka.

 “Waxaa burburay kalsoonidii siyaasadeed ee Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan markhaati ka nahay dadaal nidaamsan oo uu Farmaajo ku doonayay inuu ku majaxaabiyo dimuqraadiyadda, una adeegsado xoogag milatari si uu sharci darro xafiiska ugu sii joogo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in Febaraayo 18-19 ay ciidamada dowladda federaalka oo ka amar qaadanaya Farmaajo ay isku dayeen dilka dhowr murashax madaxweyne iyo hogaamiyaasha mucaaradka, sida ay hadalka u dhigeen, ayna rasaas ku fureen iyaga iyo dibadbaxayaal kale oo si nabad ah isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay u dalbadaan doorasho deg deg ah, ayna sidoo kale Hotelka Ma’ida ku weerareen seddex musharax. 

“Ficilladaan gardarrada ah ma ah kaliya sharci darro iyo anshax xumo, laakiin waxay horumariyaan dhaqanka Farmaajo ee caburinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ah inay hadlaan oo ay si xor ah isu soo baxaan, arrintaas oo si aad ah u wiiqaysa rajada laga qabo doorasho xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Farmaajo inuu Muqdisho ku urursaday ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee la filaayay inay la dagaallamaan Al-Shabaab, si ay weeraro cusub ugu qaadaan guryaha ay degan yihiin musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo una laayaan musharixiinta iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Midawga Murashixiinta waxay si xushmad leh uga codsanayaan Golaha Ammaanka inuu qaado tallaabo deg deg ah oo lagu baarayo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday. Waxaa kale oo ay codsadeen in ficil si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago dadaalada sharci darada ah ee taliska waqtigiisu dhamaaday ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo in la hubiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah todobaadyada soo socda.”

Qoraalka loo diray  Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale la ogeysiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony J. Blinken, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet, Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne ku-xigeenka Guddiga Yurub, Josep Borrell Fontelles, Wakiilka Midowga Afrika ee Nabadda iyo Amniga Danjire Smail Chergui, Xoghayaha Fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha guud ee OIC Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman, iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul-Gheit.

Hoos ka arag qoraalka

Mareykanka: “Dal-na uma adeegsan karo xanuunka COVID-19 inuu ku xadgudbo xoriyadaha aasaasiga ah”

0

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay inaan waddanna loo oggolaanin inuu xanunka Covid-19 u adeegsado inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Blinken waxa uu hadalkan u jeediyey shir ku saabsan Covid-19 iyo tallaalka oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 17-kii bishan Febraayo.

Blinken ma magacaabin waddan gaar ah markii uu hadalkaasi jeedinayey, waxaase uu ku baaqay in waddamada lagula xisaabtamo waajibaadka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dawlada Soomaaliya ayaa isla maalinta uu hadalkaasi jeediyey waxay soo saartay amar ay ku joojinayso isku soo baxyada iyo in la isku yimaado iyadoo sheegtay inay tallaabadaas u qaadday ka hortagga faafidda Covid-19 darteed. Ma cadda in hadalka Blinken uu ku socday Soomaaliya.

Tallaabada ay qaadday dawladda Soomaaliya ayaa timid laba maalmood ka hor markii uu dhici lahaa bannaanbaxyo ay ku baaqeen mucaaradka oo ku beegnaa 19-ka Febraayo, kaasi oo gacan ka hadal ka dhashay iyadoo dhinacba kan kale u uku eedeeyey inuu soo weeraray.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Anthony Blinken waxa uu sheegay inay muhiim tahay in caalamku uu si wadajir ah uga hortago kana guulaysto Covid-19, iyo cudurro kale oo faafa oo mustaqbalka yimaada. Blinken waxa uu sheegay in Maraykanku ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku bixiyeen lacag dhan 140 bilyan oo dollar gargaarrada caafimaadka dunida.

Waxa uu Blinken sheegay in dhamaadka bishan ay Maraykanku siin doonaan Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO lacag dhan 200 milyan oo dollar oo ah waajibkii kusoo aaday Maraykanka.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan waddamada inay la dagaalamanaan dacaayadaha aan jirin eel aga faafiyo tallaalka, waxaana uu sheegay in haddii aan taas la samaynin la boqongoynayo hadafkii la lahaa.

Isha: VOA

Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay shirkii maanta

0

Muqdisho (Caasimada OnlIne) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd war-murtiyeed kasoo saartay shirkii uu maanta guddoomiyey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo ay ka qeyb-galeen Madaxda dowladda goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goobjoog ka ahaa Wakiilada Beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana looga hadlay is-mari-waaga doorashada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Villa Somalia lagu sheegay in shirkaas diirada lagu saaray ‘xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar’, ayada oo la isku raacay in talo soo jeedintii guddiga ay soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Shirka maanta ayaa waxa uu hordhac u yahay kulankii uu hore u iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaasi oo uu iskugu yeeray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ku taariikheysnaa 18-ka ilaa 19-ka bishan.

Waxaa weli dalka ka taagan xiisada ka dhalatay doorashada, gaar ahaan caasimada oo ay si weyn iskugu hayaan madaxda dowladda ee waqtigoodu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ee u tartamaya xilka madaxweynaha.

JUBALAND oo soo saartay shan qodob oo xasaasi ah – “Farmaajo waa inuu ka dhex baxaa hanaanka doorashada”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta war-saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray is-mari-waaga doorashada iyo rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, xili uu dhamaday muddo xileedkii madaxweynaha iyo hay’adda dastuuriga ah ee dowladda.

Jubbaland ayaa waxay sheegtay inay si mug leh u fahamsan tahay muhiimada ay leedahay in dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah, oo ku saleysan hufnaan, xor iyo xalaalna ah, islamarkaana ay dadaal badan ka sameysay sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa hanaanka doorashada.

“Xalinta cabashooyinkaas ayuu Madaxweynaha dowlada Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam u tagay magaalada Dhuusamareeb, ugana qeyb qaaty shirkii halkaas kadhacay Febraayo 2-6 ee Dhuusamareeb-4, kaaso nasiib darro madaxweynaha federaalka kasoo tegay iyadoonan xal la gaarin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sheegtay inay tanaasul badan u sameysay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada, waxayna sheegtay inay magaalada Baydhabo u dirtay xubnaheeda uga mid noqonayey xubnaha Guddiga Farsamada ee loo xil saarey inay ka shaqeeyaan turxaan bixinta iyo xal u helida cabashooyinkaas kor ku xusan ee ka dhashay heshiiskii 17-September ee lagu gaaray Muqdisho.

Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay qaaday tallaabooyin gurracan oo xoog sheegasho ah, kuwaasi oo aan waafaqsaneyn sharciga, islamarkaana waxyeelo u geysatay muwaadiniin gudanayay xaqooda dastuuriga, midaasi oo wiiqeysa dadaaladii doorashada, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda goboleedka Jubbaland ayaa ugu dambeyntiina ku baaqday 5-qoddob, ayada oo dalbatay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hanaanka doorashooyinka, si bey yiraahdeen loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasada ee dalka.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

1. Dowlada Federaalka ee xiligeedu dhamaaday inay garowsho iyo raalli-gelin ka bixiso tallaabooyinka gurracan iyo waxyeelada ay u geysatay muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

2. In la isugu yimaado shir ay kasoo qayb gelayaan dhamaan saamlleyda siyaasadeed ee dalka.

3. In goobta uu shirkaas ka dhacayo noqoto goob amnigeedu lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeeduna lahaato beesha caalamka.

4. In la helo damaanad-qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas.

5. In Madaxweynuhu Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasadeed” ee dalka.

CC Shakuur oo ka horyimid tallaabo ay qaadeen qaar ka mid ah musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hor-yimid in musharaxiinta mucaaradka ay la kulmeen madaxweynaha maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid aan habooneyn, xilli aan la ogeyn mowqifkooda ku aadan weerarkii uu Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay metelaan labadaas madaxweyne goboleed, sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta lagu rasaaseeyay wadada aada garoonka diyaaradaha iyagoo dhigaya dibad bax nabadeed, ayaa wax aan suuragal aheyn ku tilmaamay in shir doorasho lala galo ninkii weeraray hotel ay laba madaxweyne iyo gudoomiye baarlamaan hore dagan yahiin.

Qoraalkaan uu hogaamiyaha soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay wakhtigaan “in kaligii taliska laga badbaadiyo dalka”, wuxuuna aaminsan yahay in qof walba oo ka hor timaada dhaqanka uu kaligii talisnimo ku tilmaamay iney gudatay waajib wadani ah iyo mid akhlaaqi ah.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA ABDIRAHMAN ABDISHAKUR:

Waxaan marna maangal aheyn in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel ay labo Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan hore degganyihiin, weeraray shacab iyo masuuliyiin siyaasadeed oo muddaaharaad nabad ah dhigaya.

In dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyadda saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diiddan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxey gudanayaan waajib waddani ah iyo mid akhlaaqi ah.

Ma aha in ay cidna marti uga noqdaan ama uga haybeystaan badbaadinta dalkooda. Taariikhda ayaa xusi doonta.

Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan.

Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.

Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay warqad dhowaan kasoo baxday dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo looga hadlay rabshadihii Muqdisho iyo doorashooyinka dalka.

Dubbe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay dhambaallo kala duwan oo hambalyeyn ah ka heshay wadamada caalamka, gaar ahaa kuwa Carabta, wuxuuna tilmaamay inay ku boggaadiyeen dowladda sida ay uga hortagtay maleeshiyaad uu sheegay inay Muqdisho uga dhowaaqeen in dalka uusan laheyn dowlad.

“Waraaqahaas waxay naga soo gaarayeen wadamo badan oo aynu saaxib nahay, gaar ahaan wadamada Carabta oo markii ay maqleen caasimadii dhexdeeda oo laga leeyahay dowladi ma jirto aad u wal-walay. Xalay ayey wasaaraddeena arrimaha dibaddu soo saartay warqad faah faahsan oo ay kusoo dhoweynayaan talooyinkii ka yimid saaxibada caalamka, kuna bal-ballarinayaan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warqadahaasi ay ku dhex jirtay warqad ka timid Imaaraadka oo midab kale laheyd, islamarkaana Soomaaliya u ekeysiineyso dal madow.

“Halkan waxaa idin kuugu yeeray in shacabka Soomaaliyeed aynu u sheegno aadna la wadaagtaan in waraaqahaas ay ku dhex-jirtay warqad midab kala leh oo mustaqbalka dalkeena u ekeysiineysay mid madow,'” ayuu  markale yiri.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Warqada Imaaraadka waxaa ka muuqda in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya oo ay dowladda Inkirayaan, taas oo abuureysa in hadalkii halkan laga lahaa darraad ee ahaa dowladu ma jirto iyo warqadda dowladda Imaaraadka ka timid ay isla socdaan”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday dowladda Imaaraadka ay rabto in Soomaaliya ay noqoto sida dalalka Yemen iyo Liibiya oo kale.

“Warqadan waxaa ka muuqda in Imaaraadku Soomaaliya uu ka rabo inay noqoto sida Yemen iyo Liibiya oo kale oo ay ka buurto fowdo iyo barakac,”.

Dhinaca kale wasiir Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka ay ahaayeen labo dal oo leh taariikh fog iyo saaxibtinimo ku dhisan walaalnimo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan madaxda imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa arrimaha dibadda ay xuub-siibteEn inay dhaawacaan iskaashiga & xiriirka labada dowladood & labada shacab.

“Muddo aad u dheer Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabtu waxaa ka dhexeeyey xiriir walaaltinimo, mid dhaqan & mid ganacsi oo weliba aad u qoto dheer. Xiriirka labada dal iyo labada shacab waxaa lagu tilmaami jiray walaalihii runta ahaa, iyadoo waxaas oo dhami ay jiraan hadana muddooyinkii ugu dambeeyey, kadib markii madaxda Imaaraadka u qaabilsan arrimaha dibadda ay u dhaqmeen si aan ka tarjumeyn walaalnimadii soo jireenka aheyd ee shacabka Soomaaliyeed & dowladdoodaba waxaa galay shaki ah oo inay is weydiiyaan in Imaaraadku la jiraan & inay ka jiraan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri wasiirka warfaafinta xumuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka xun tahay hadallada xanafta leh ee kasoo yeeray Imaaraadka, wuxuuna ugu baaqay in cudur-daar iyo raalli-geliba ka bixiso warqadaasi gefka ku ah qaranimada & sidoo kale jiritaanka Somalia.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde: Fashiliyihii Maxaakiimta iyo Midowga Murashaxiinta

0

Ciidamada Itoobiya ayaa duulaan kusoo gaklay magaalada Muqdisho sanadkii 2006-kii, xiligaasi oo inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay nabadgelyo kusoo celiyeen Golihii Midowga Maxaakiinta Islaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hoggaaminayay.

Xilligaas, Itoobiyaanka ayaa taageerayey dowladdii KMG ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi hoggaaminayeen oo fadhigoodu ahaa magaalada Baydhabo, waxaana duulaanka uu yimid kadib markii ay dhammaatay rajo laga qabayo wada-hadallada dowladdii KMG aheyd iyo Maxaakiimta.

Awooddii Maxaakiimta ee Muqdisho ka saartay qabqableyaashii dagaal ayaa waxaa ay dhalisay in wada hadalo lala galo Maxaakiimtii, hase ahaatee waxaa si fudud oo ka fiirsasho laheyn iyo siyaasad xumo dhinaca maxaakiimta ay sababtay in ciidamadii Itoobiya duulaan kusoo galaan Muqdisho, cid walbana ka dheregsan tahay wixii ka dhashay, mana doonayo inaan ku fogaado musiibadii xiligaasi dhacday.

Sababta soo dedejisay xiligaasi in Muqdisho si fudud usoo galaan ciidamadii Itoobiya ayaa kow ka aheyd hadalkii ka fiirsasho la’aanta Yuusuf Indha fagaaraha Tarabuunka ka jeediyay ee ahaa in “Ciidda waxaan ku tukan doonaan Addis Ababa.”

Hadalkaasi waxaa la oran karaa wuxuu dhabar jabiyay halgankii Maxaakiimta iyo rajadii laga qabay inay wada hadlaan DKMG ee C/llaahi Yusuf iyo Golihii Maxaakiimta.

Siyaasad xumadii iyo khibrad xumadii Maxaakiimta waxay sababtay in ciidamadii Itoobiya ay xasuuq ka geysteen Muqdisho, fursadna u noqotay DKMG ee Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo aakhirkii Villa Somalia ku yimid taangiyadii Itoobiya.

15 sano kadib, oo laba dowladood ay ka danbeeyeen DKMG ee C/llaahi Yusuf waxaa dalku uu qabtay wado ka duwan tii hore, waxaana dalka ka hana qaaday dowladdo dimoqraadiyad ah oo doorasho ku yimid, hase ahaatee dowladdii 3-aad ee lasoo doortay 8-dii Febraayo 2017-kii madaxweynahana ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuma guuleysan inay qaato wadadii dowladdihii ka horeeyay ee xukun isku dhiibka ahaa.

Afar sano oo xukunka uu hayay Farmaajo wuu ku fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho nooceey doonto ha ahaatee, wuxuu doorbiday in dalku doorasho galo, taasoo ka dhalatay buuq iyo in shacabka kalsoonidii ay u hayeen afar sano ka hor naceyb ugu badalaan.

Waxey aakhirkii kusoo biyo shubatay in Farmaajo xukunku isku dhejiyo isagoo baal maray dastuurkii qeexayay in dalku doorasho galo afartii sanaba mar, taasoo keentay guux dadweyne iyo mid siyaasiyiin xukun doon ah.

Shirar kala duwan oo loogu gogol xaarayay qabsoomida doorasho la isla ogal yahay ayaa fashilmay, maamuladii dalka ayaa kala qeybsamay, in la aado doorashadana waxaa ay kusoo biyo shubatay khilaaf ka dhashay qaabka doorasho ee maamulka gobolka Gedo ee Jubaland ka tirsan, madaxweyne Farmaajana guuldaradiisa siyaasadeed iyo mastuqbalkiisa oo xumaado ayuu ka dhex arkay in haddii maamulka Axmed Madoobe maamulo doorashada Gedo, taas badalkeedna wuxuu caqabad ku noqday heshiis walba oo arrinta gobolka Gedo laga gaaro.

Shirarkii kale ee lagu balamayna ay noqdeen kuwo caqabada ugu weyn ee xal loo heli waayay noqotay maamulka doorashada deegaan ee Gedo, madaxweynahana uu doorashadii qaran u xagal daaciyay hal gobol oo uu kasoo jeedo.

Golaha Midowga Murashaxiinta oo qabay tuhun ah in Farmaajo doorasho qaban doonin ee uu doonayo mudo kororsi ayaa wado walba u maray sidii loogu dhaadhicin lahaa inuu dalka doorasho u horseedo, hase ahaatee xiligii mudo xileedkiisii dhamaaday 8-Febraayo, waxay murashaxiinta abaabuleen bannaanbax nabadeed oo lagu dalbanaayo in xukunka uu banneeyo, dalkana doorasho ka dhacdo, taasina waxay horseeday wajiyo kale oo colaad iyo saan saan aan wanaagsaneyn.

Golaha Midowga Murashaxiinta waxay iclaamiyeen bannaanbax nabadeed oo 19-kii bishan ka dhici lahaa Taallada Daljirka Dahsoon, hase ahaatee wuxuu isku badalay Jimca “Dhiigeed” maadaama dowladda ay kasoo horjeesatay, waxayna taasi sababtay in weerar aan loo qiil dayin lagu soo qaado madaxweyneyashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sh. Axmed oo hormuud u ahaa bannaanbaxyadaasi oo cabsi geliyay madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Farmaajo.

Waxaa guuldareystay dadaaladii Imaamka, Ugaaska iyo waxgaradkii gobolka Banaadir oo waxba kama jiraan laga soo qaaday balanqaadyadii labada dhinac ay galeen.

Hadaba waxaa la isweydiinayaa bannaanbaxaasi nabadeed ee midowga murashaxiinta ku baaqeen ma waxaa fashiliyay Yuusuf Indha-Cadde oo habeenimadii Jimcaha soo galeysay tegay goobtii bannaanbaxa ka dhici lahaa subaxdii Jimcaha, hadalkii uu ka jeediyay ee uu ku sheegay in dowladdi dalka ka jirin, mise kooxda Farmaajo ayaa sabab u ahaa weerarkii lagu soo qaaday Madaxdii hore ee dalka ee deganaa hotelka Maida ee aan ka fogeyn halkii balantu aheyd in bannaanbaxa ka dhaco?

Dad badan ayaa waxay dib usoo xusuusisay hanjabadii Yusuf Indha Cadde xiligii Maxaakiimta in Addis Ababa ay ku tukan doonaan Salaada Ciida oo xiligaasi ay ku beegneyd, waxayna tanina la mid tahay fashilkii xiligaasi ku dhacay maxaakiimtii Islaamiga ee nabadeeyay bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Ali Muhiyaddin
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Mahad Salaad: Dowladaha Carabta ee loo gefay raali-gelin ayaan ka siinaynaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka fal-celiyey hadalkii wasiirka warfaafinta Somalia ee ka dhanka ahaa dowlada Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Mahad Salaad oo war qooraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayaa shaaca ka qaaday in rabashadihii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tallaabada xigtay ee ay qaaday dowladda aan lagu dadi karin been iyo tororog, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo,” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu raalli-gelin siinayo dowladaha Carbeed ee uu xildhibaanku sheegay in loo gefay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale xusay in dalalka Carbta ay abaal weyn ku lee-yihiin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay gacan u fidiyeen sanadihii u dambeeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay eedeymo culus u jeedisay dalka Imaaraadka oo si adag uga hadlay rabshadihihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

Raaligelin naga guddooma, dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kalena yuusan idin niyadjebin!

Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo. Waxaan mar kale ku celinaynaa in dambiileyaasha dagaal ee shacabka gumaaday shuruucda dalkana ku tuntay cadaalada si degdeg ah loo horkeeno.

Dowladaha Carabta walaalaha aan nahay ee loo gafay sharaftooda raaligelin ayaan ka siinaynaa aflagaadada, beenta iyo barobagaandada Farmaajo iyo kooxdiisa qaaqleyaasha ah soo dhoodhoobeen. Dadka Soomaaliyeed waa idiin ogsoonyihiin abaalka aad u gasheen iyo sidii gobonimada lahayd ee aad u soo garab istaagteen xiliyadii aadka u adkaa. Xasuus wanaagsan ayaanan idinkaga haynaa samaha aad noo gasheen. Waxaan idinka codsanaynaa in aysan idin niyadjebin dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kale, dalkiisa iyo dadkiisana dambiyo dagaal ka galay.

Hon. Mahad Salad

Mid ka mid ah fannaaniintii ugu caansanaa Somalia oo Muqdisho ku geeriyootay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faadumo Cali Nakruuma, oo aheyd fanaanad caanka ah oo ka tirsan Hobolada Waaberi ayaa Allaha u naxariiste maanta ku geeriyootay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Marxuumada oo maalmihii u dambeeyay xaalad caafimaad oo la xiriirta cudurka safmarka ah ee Coronavirus loo dhigay isbitaalka Martiini, ayada oo ugu dambeyntiina uu si weyn usoo ritay, islamarkaana sababay geerideeda.

Allaha u naxariista Faadumo Nakruuma ayaa waxay aheyd Fanaanad qaran oo kamid aheyd tiirarka fanka Soomaaliyeed, sida uu sheegay ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo war kasoo saaray geerida marxuumada.

Rooble ayaa ugu horeyntii geerida Faadumo Nakruuma uga tacsiyadeeyay qoyskeeda, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku sifeeyay Fanaanad qaran oo kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka iyo wacyi gelinta Bulshada.

“Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada,” ayuu ku yiri Rooble qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Faadumo Nakruuma ayaa kamid noqoneysa hobolo iyo mas’uuliyiin caan ah oo cudurka Coronavirus usoo ritay kuwaasi oo ugu dambeyntii ugu geeriyooday gudaha dalka iyo dibadiisa.

Kenya oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirka kiiska dacwada badda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Dowladda Kenya oo dhowaan ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya ayaa haatan bedashay dhammaan qareenadeedii dacwadda badda ee taal maxakamadda ICJ.

Xukuumadda Nairobi ayaa soo xulatay illaa siddeed qareen oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay yihiin Ajaaniib ah, halka xubinta 8-aad ay tahay haweeney Kenyaan ah.

Dhammaan qareenadan ayaa ah kuwa caalami ah oo leh qibrad sare, islamarkaana kasoo shaqeeyey xarumo kala duwan & jaamacado, waxaana hoggaaminaya nin lagu magacaabo Prof Sean Murphy oo uu weheliyo qareen kale oo la yiraahod Tullion Treves.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1: Hoggaamiyaha qareenada oo lagu Magacaabo Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law, 2: Garsoore hore iyo bare Culuumta Sharciga ka dhiga dalka Ingiriiska Tullion Treves., 3: Prof Laurence Boisson De Chazournes oo isna khabiir ku ah sharciga caalamiga kana socda jaamacadda Geneva ee dalka, 4: Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah, waxaana ay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar, 5: Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo ka dhiga sharciga caalamiga ah  Jaamacadda Geneva., 6: Sidoo kale waxaa kooxda ka mid ah Prof Makane Mbengue, oo reer Senegal ah, oo dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva., 7: Christian Tams, oo bare ka ah Jaamacadda Gasglow. Waa Muwaadinad Jarmal ah, iyada oo dhowr jeer  ka soo muuqatay isla maxkamada kiisas kala duwan iyo 8: Eran Sthoeger oo laga keenay Israel, waxaana uu ka qeyb qaatay kiisas u dhaxeeyay dalalka  Peru & Chile.

Xubnaha ay Kenya soo xulatay sidoo kale waxaa ka mid ah madaxweynaha Nuqulada Juquraafiga Coalter Lathrop, kaas oo qareenada u fidin doono caawimaad dheeri ah.

Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan wax ka yar bil ay ka harsan tahay dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax nooca miinada ah oo maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Balcad, gaar ahaan nawaaxiga warashadda Xeyla Bariise ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo khasaare kala duwan geystay ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay agaasime waaxeedka deegaanka Daaru-salaam ee degmada Yaaqshiid.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in miinadan ay ku dhinteen illaa labo qof, sidoo kale uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa tilmaamay in qaraxaan ay ku burburtay mooto Bajaaj mareysay wadada, xilliga ay qaraxday miinada oo aheyd nooca dhulka lagu aaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano dheeraad ah, kadib dhacdada.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan qaraxyo, kuwaas oo geystay khasaarooyin kala duwan.

DF oo xaqiijisay in Deni iyo A/Madoobe ‘aysan aqbalin’ casumaddii FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si ay Muqdisho uga qeyb galaan wada-hadallada ku saabsan doorashada.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada [ee Baydhaba]”.

Caasimada Online ayaa fahamsan in labaad madaxweyne ay yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, maadaama saddexda madax goboleed ee kale ay soo gaareen magaalada Muqdisho.

“Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ma cadda sababta aysan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni u aqbalin casuumadda Farmaajo, hase yeeshee waxaa la rumeysan in kadib weerarkii ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka iyo dibad-baxayaal ay dib uga gurteen shirka Muqdisho.

Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay kadib weerarkaas si weyn ugu dhalleeceysay dowladda federaalka, halka Puntland ay soo saartay qoraal u muuqday inay xaaladda dhex-dhexaad ka tahay.

DF oo u digtay dalal qoraallo ‘marin habaabin ah’ kasoo saaray rabshadihi Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u digtay dalal ay sheegtay inay qoraallo marin habaabin ah kasoo saareen dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay Jimcihii ee ciidamada dowladda iyo mudaaharadayaal ay hormuud u ahaayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu yiri “dowladda federaalka waxay soo dhoweyneysaa walaaca ay muujiyeen dalalka aan walaalo nahay iyo urur goboleedyada ay Soomaaliya xubinta ka tahay, kuwaas oo soo saaray qoraallo la xiriira is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan hirgelinta doorashooyinka, qoraalladaas oo waafaqsan mowqifka dowladda federaalka.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in dowladda federaalka Soomaaliya ay garowsan tahay baahida loo qabo in doorasho laga qabto dalka, sidaas darteedna ay ka tanaasushay arrimo badan oo ay isku hayeen dowlad goboleedyada, kuwaas oo ay ka mid aheyd doroasho qof iyo cod ah, si loo gaaro heshiiskii September 17. 

“Nasiib darro, ayada oo uu jiro heshiiskaas, iyo rabitaanka dowladda federaalka Soomaaliya ay wax uga qabaneyso walaacyada jira, saameynta quwado shisheeye ayaa weli caqabad ku ah in lasoo geba-gebeeyo heshiis dhabbaha u xaaraya doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in kahor shirka la qorsheeyey inuu Muqdisho ku dhex-maro madaxda dowladda federaalkka iyo madax goboleedyada, ay musharaxiinta madaxweyne “doorteen ay carqaladeeyaan hanaanka, si ay u raadsadaan waddo sharci darro ah iyo kacdoon hubeysan oo lagu qarinayo dibad-bax nabadeed, oo lagu damaanad qaaday dastuurka.”

“Waxaan, sidaas darteed, cambaareeneynaa, oo aan ka digeynaa qoraallada marin-habaabinta ah ee iska indha tiraya xaqiiqaha mararka qaarna u muuqda inay taageerayaan kacdoonka rabshadeysan, kuwaas oo ka imanaya meelaha qaar, ee aan ognahay ficillada xun ee ay ka wadaan gobolka, si been ahna isaga dhigaya inay mas’uul ka yihiin mustaqbalka dal kale, si ka hor-imanaysa mabaadi’da iyo xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Reer Muqdisho ayagaa is-dhigay halka ay maanta joogaan,” waxaa sidaas yiri…

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii Jimcihii ka dhacay caasimadda Muqdisho, isagoo aad u eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Feysal ayaa ugu horey ka tacsiyadeeyey wixii gaaray gaaray shacabkii banaanbaxa dhigayey Jimcihii, kuwaas oo ciidamada dowladdu ay awood u adeegsadeen kala ceyrintooda.

Ugu horeyn Feysay ayaa yiri, “Dadkii reer Muqdisho ee lagu xasuuqay banaanbaxa ay dhigayeen waxaa leeyahay intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo.”

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in reer Muqdisho ay iyagu is dhigeen meesha ay joogaan maanta, isla markaana ay ‘cadaw gacanta u geliyeen taladooda’ sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay idinkaa waxaan isugu wacan oo taladiinii cadaw gacanta u geliyey, marka reer Muqdisho waxaan leeyahay war tashada, meel kale oo maanta Farmaajo xukumo ma jirto ee iska xoreeya ayaan idin leeyahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale guddoomiye Feysal ayaa shacabka reer Somaliland u sheegay in hadii ay khilaaf iska dhaafi waayaan ay ku dhacayaan waxa maanta heysta reer Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa keenay Farmaajo waa khilaafka reer Banaadir, anaguna hadaan khilaafka iska deyn weyno oo is jeclaan weyno, taas oo kale ayaa nagu dhaceysa, wixii na soo maray waa inaan xasuusanaa, Ilaahey mar dambe cadaw gacanta nooma geliyo, wixii lasoo maray waa inaan xasuusanaa walaalayaal,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Hoos ka Daawo

Askari ka tirsan ciidanka DF oo Bajaajle ku dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil uu maanta askari ka tirsan ciidamada dowladda ka geystay magaalada Muqdisho.

Dilka oo loo geystay wade Mooto Bajaajle ahaa ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Black  Sea, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib markii wadaha mootada uu ka biyo diiday inuu qaado askariga, kadibna uu sidaas rasaas ugu furay marxuumka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in askarigii ka dambeeyey falkaasi dilka ah uu goobta isaga baxsaday dhacdada kadib.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xaashi Cumar Carabey, iyada oo ehelladiisa ay geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey baaritaano kooban, walow aysan gacanta kusoo dhigin askarigii dilka geystay.

Inta badan askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dilal bareer ah u geysta dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka nooca loo yaqaano Bajaajta.

Muxuu QOOR QOOR caawa kala hadlay Shariif, Xasan Sheekh iyo Kheyre? + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa caawa guryahooda ku booqday Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

“Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa ku soo booqday guryahooda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulamadaasi la xiriiraan kala warqaadasho ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dlka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka, ee xilligan uu dalku marayo.

“Kulanka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isugu jiray kala warqaadasho xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan dalku marayo,” ayaa lagu yiri warka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Maqribkii caawa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo shirka ay magaalada ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qoor Qoor ayaa u muuqdo mid markale xal u raadinaya, sidii leeskugu soo dhawayn lahaa Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka.


Guddoomiye ku xigeenkii hore ee G/Banaadir oo ku jabay rabshadihii shalay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) oo ka mid ahaa dadkii dhaawacmay shalay markii rasaasta ay ku fureen ciidamada dowladda ayaa ka hadlay sidii ay wax u dhaceen iyo waxa gaaray.

Ibraahim Dheere ayaa sheegay inuu gacan ka jabay intii ay ka cararayeen rasaas ay ciidamada dowladdu ku kala ceyriyeen dad ku banaanbaxayey inta u dhaxeysa garoonka Aadan Cadde iyo isgoyska KM-4 ee magaalada Muiqdisho.

Dadkaas oo markii dambe kala cararay waxaa hor kacaayey musharaxiinta kala ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Guuleed, Nabadoon Xaad xildhibaano ay ka mid ahaayeen Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odawaa iyo guddoomiye Ibraahim Dheere oo hadda dhaawac ah.

Ibraahim Dheere oo wareysi siiyey Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inuu gacan ka jabay, intii ay xabadaha ka cararayeen, isla markaana maanta la kabay oo hadda ay xaaladiisu wanaagsantahay.

Madaxweyne Farmaajo oo bilo ka hor uu aad u taageeri jiray intii aan xilka laga qaadin ayuu ku tilmaamay diktaatoori aan dooneyn in dalku doorasho galo.

Hoos ka dhageyso wareysiga