Muqdisho (Caasimada Online) - Mas’uuliyiinta maamulka Shabelle State ayaa sheegay in iyagu ay ka taliyaan gobalada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe, islamarkaana aanay jirin maamul kale oo halkaasi ka arimiya. Muxuyadiin Xasan Afrax oo ah Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi ayaa isaga oo u waramay idaacadda Goobjoog Fm, waxa uu sheegay in maamulkooda uu yahay midka saxda ah ee gobaladaasi, islamarkaana maamulka...
Baraawe (Caasimada Online) - Ciidamo ka tirsan kuwa daacadda u ah Col. Barre Aadan Shire Hiiraale, ayaa habeen hore gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada Hoose. Ciidamadan ayaa sida la sheegay waxa ay xeebta degmada Baraawe kusoo gaareen laba doomood, ayaga oo kasoo baxay deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubbada Hoose. Illaa iyo hadda ma cadda qorshaha iyo ujeedka ciidamada Barre Hiiraale...
Muqdisho (Caasimada Online) - Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Jeneral Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab”ayaa Maalin walba oo Isniin ah Ku qaabila Xafiiskiisa Degmada Hiliwaa Dadweynaha Soomaliyeed si uu u dhageysto Cabashada, Tallooyinka,Fikradaha Wax Dhisaya iyo Aragtidooda Guud. "Aniga la ima weynin maalin walba oo isniin ah waa Maalinta Shacabka(Puplic Day)" ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo isagoo shacabka dhex fadhiya. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir...
Sanadka 2015 ayaa waxaa la filayaa in gayiga Somaliyeed guud ahaan ka dhacaan isbadalo waa weyn. Mandaqada Puntland ayaan diirad ku saari doona qoraalka kooban: Mushaar la’aanta iyo cabashooyinka isasoo tarayo: Kadib markii bishii Janaayo 2014 laga guuleystay xulufadii Farole waxaa aad loogu rajo weynaa in GAAS isbadal dhab ka dhalindoono gayiga Puntland. Arintaa ayaa hada u muuqato mid quus ah....
Muqdisho (Caasimada Online) - Waxaa la filayaa in maanta oo Khamiis ah uu Ra'isul wasaaraha DF Somalia Cumar Cabdirashiid Cali sharmaarke uu ku dhawaaqi doono Golaha xukuumadiisa. Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Tiro badan oo Wasiiradii hore ah uu soo celin doono RW C/rashiid Sharma'arke, iyadoo Go'aankaasina uu leeyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa'uud. Sidoo kale, waxaa Xukuumada cusub kamid...
Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Maamulka Khaatumo State ee Soomaaliya Cali Khaliif Galaydh, ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in maamulkiisa uu ka tirsan yahay islamarkaana hoos yimaado dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Galaydh ayaa warkan ka sheegay wareysi uu siiyey idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho. Galaydh waxa uu sheegay in isaga shaqsi ahaan uu la soo shaqeeyay Dowladan oo uu...
Muqdisho (Caasimada Online) - Ilo wareedyo ka tirsan DF Somalia kana howlgala Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Villa Somalia uu kulan xasaasi ahaa ku dhexmaray Siyaasiyiin iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Damjadiid. Ilo wareedka ayaa sheegaya in Ujeedka kulanka uu ahaa mid ay Damjadiid uga arrinsanayeen talaabooyinka horyaal sanadka uga harsan Dowlada, waxaana xusid mudan in inta uu...
Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo golihiisa wasiirada oo ku shiray madaxtooyada Kismaayo ayaa ka arrinsaday habka lagu soo xulayo golaha Barlamanka Jubbaland. Wasiirada qaar ayaa soo jeediyey fikirka ah in xubnaha Barlamanka loo qeybsado qaab qabiil ama hanaanka ah 4.5 inkastoo ay fikir taas ka duwan qabeen Madaxweyne Axmed Madoobe iyo xubno kale oo ka tirsan golaha wasiirada Jubaland. Dood...
Muqdisho (Caasimada Online) - Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ayaa kusoo waramaayo in Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed ee Somalia lagu wareejiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia ee halkaasi Howlgalada u jooga. Wararku waxa ay sheegayan in Ciidamadaasi ay ilaalinta xarunta kala wareegen Ciidamo kale oo ka tirsanaa kuwa DF, iyadoona amarkaasi uu kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Shariif Xasan Sheekh...
Muqdisho (Caasimada Online) - Wararkii ugu dambeeyay ee laga helaayo dagaalka ka socda deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaalka uu weli yahay mid socda, islamarkaana Beelaha uu dagaalka u dhexeeyo uu soo kala gaaray gurmad beeleedyo. Maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyo, ayaa isu adeegsanaaya Hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo warinayaa in halkaasi uu hadda ka socdo...
Muqdisho (Caasimada Online) - Kooxo hubeysan ayaa dil ugu geystay magaalada Muqdisho nin Injineer ah iyo askari ilaalo u ahaa, kuwaasi oo sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir. Ninka Injineerka oo aan wali la shaacin magaciisa oo seddexan ayaa la sheegay xiliga la dilayay inuu ku sugnaa inta u dhaxeyso Xaafada Carafaad io Ceymiska. Injineerka ayaa la sheegay xiligii la dilayay...
Muqdisho (Caasimada Online) - Ilo wareedyo ka tirsan BF Somalia ayaa inoo xaqiijiyay in La-taliyaha dhanka Siyaasada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia C/kariin Guulleed uu manta bilaabay inuu kulamo kala duwan la qaato Siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beeshiisa. C/kariin Guulleed oo u tafa-xeydanaaya kamid noqoshada Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa waxa uu kasbanayaa Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beeshiisa oo iyagu caqabad ku...
Muqdisho (Caasimada Online) - Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ay maanta dib ugu soo laabteen Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay madaxweynaha in Dowlada Masar ay balanqaadyo kala duwan u sameysay DF Somalia. Madaxweyne Xassan ayaa waxa uu sheegay in Somalia iyo Masar uu ka dhexeeyo xiriir soo jireen ah, xiligaana loo...
Muqdisho (Caasimada Online) - Inkastoo ay DF Somalia uu xiriir fog kala dhexeeyo Dowlada Turkiga, ayaa waxaa hadana soo ifbaxeyso in Turkiga uusan ku qanacsaneyn in Somalia ay xiriir wanaagsan la yeelato Masar. Dayip Erdogan oo ah Madaxweynaha dalkaasi Turkiga ayaa taariikhda markii ugu horaysay booqasho ku yimid dalka Somalia iyadoo booqashadaas wixii ka dambeeyay Turkigu gargaar iyo mashaariic horumarineed ku...
Muqdisho (Caasimmada Online) - Waxa weli socda baritaankii lagu hayey dhammaan wasaaradaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si loo ogaado inay faraha kula jiraan musuq-maasuq iyo in kale. Baaritaanka ayaa la filayaa in markan lagu sameeyo wasiirka waasaradda boostada iyo is-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Aadan, kaasi oo iminka dalka ka maqan. Amar kasoo baxay Xeer ilaaliyaha iyo hanti dhawrka guud ayaa lagu...
Muqdisho (Caasimada Online) - Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Jaamacada carabta ay hamineyso inay dhaqaale aad u yar ugu deeqdo DF Somalia oo ay xaajadu ka xun tahay. Tarsan oo Boggiisa Facebook kusoo qoray hadal kooban oo arrintaasi ku saabsan ayaa waxa uu ku sheegay in Somalia aysan xiligaani u baahneyn in lagu maslaxeeyo...
Kooxda ama xisbigaan la dhaho damul jadiid waa koox isku xiran aqoonyahano iyo ganacsato iyo culumo diin iyo urur haweenba ka dhisan mana ahan inta kaliya ee aad ka aragno shaashada balse waa group gaaraya 100 qof oo isku xiran kana kala soo jeeda dhamaan gobolada soomaalida ay degto ama qabaa,ilada dalka ka kooban yihiin sadexdii jeer ee ay...
Shir jaraa'id ee uu qabtey, Madaxwaynaha Dowlada Goboleedka Puntland, ayaa xaqiijiyey in Wasaaradaha qaar ay noqdeen kuwo fadhiid ah. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yaab leh in aan weli warbixintaas aan lagu soo daabicin shabakada Dowlad Goboleedka Puntland. Shrikii Jaraa'id ee GAAS ayaa waxaa uu ku sheegay in uu arintaan ka dhigi doono mid lix biloodle ah. Hase yeeshee, waxaa...
Muqdisho (Caasimada Online)- War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa looga hadlay dagaal qabaa'ileedka ka dhacaya deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas...
Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxtooyada Kismaayo waxaa siyaabo kala duwan uga socdo kulamo ay isugu yimaadeen xubnaha golaha wasiirada Maamul goboleedka Jubaland. Kulankan oo uu shir gudoominayo Hogaamiyaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa warar hordhac ah oo aanu ka helnay sheegayaan inuu yahay mid golaha wasiiradu uga doodayaan dhismaha golaha Baarlamaanka Jubaland oo la filayo in muda kooban gudahood lagu soo...

Xasan Sheekh oo qaatay go’aan yaab leh, xilli DF ay dhex dabaalaneyso musuq

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolkii maalmood ee lasoo dhaafay waxa ugu weyn ee ay ka hadleen dadka Soomaaliyeed waa boobka baahsan ee ku socda...