26.3 C
Mogadishu
Friday, July 3, 2026

Somali President, opposition talks hit deadlock

MOGADISHU, Somalia – High-stakes negotiations between Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud and opposition leaders reached an impasse on Thursday over contentious constitutional changes that would fundamentally alter the country’s electoral system, threatening to deepen an already severe political crisis.

The talks, held in the capital, Mogadishu, stalled after the opposition coalition demanded the complete reversal of a newly ratified constitutional amendment that introduces direct presidential elections. The meeting concluded without resolution, though both sides have agreed to reconvene after further internal consultations, according to sources close to the discussions who spoke to Caasimada Online.

At the heart of the dispute is a push by President Mohamud’s government to move Somalia toward a “one-person, one-vote” electoral system. This would replace the complex, clan-based indirect voting model that has been in place for decades, a system in which clan elders and delegates elect members of parliament, who in turn select the president.

Clash over presidential election model

President Mohamud has championed the transition to universal suffrage as a cornerstone of his administration, arguing it is a critical step toward full democratization for the Horn of Africa nation. His government recently ratified the first four chapters of the provisional constitution, formalizing the shift to a presidential system and extending the terms of federal government bodies to five years.

However, opponents, including former presidents and the leader of the semi-autonomous Puntland state, accuse Mohamud of bypassing the necessary political consensus for such sweeping changes. They contend the amendments were pushed through unilaterally, viewing them as a power grab designed to centralize authority and undermine Somalia’s fragile federal structure.

The political standoff has escalated tensions across the country. In March, the Puntland administration declared it would operate independently of the federal government after the constitutional changes were approved by the federal parliament in Mogadishu, creating a constitutional crisis.

High-stakes constitutional changes

Somalia’s journey toward a stable, democratic state has been long and fraught with challenges, including decades of civil war and a persistent insurgency by the Al-Shabaab extremist group. The nation’s 2012 provisional constitution was intended to be a foundational document. However, the review and finalization process has been stalled for years amid political infighting.

For more than two decades, Somalia has relied on an indirect electoral system known as the “4.5 formula,” which distributes power among the four major clans and a coalition of smaller ones. While this model helped to manage clan rivalries and form governments, it has also been criticized for fostering corruption and political exclusion.

The move to a one-person, one-vote system is a long-held goal for many Somalis and is supported in principle by international partners. However, the United Nations and other key allies have repeatedly stressed the need for broad consensus on the electoral model and constitutional reforms to prevent further instability.

Thursday’s stalemate comes amid significant international pressure on President Mohamud to find a negotiated solution to the political gridlock. Diplomatic sources have expressed concern that a failure to achieve consensus could jeopardize security gains made against Al-Shabaab and undermine the state-building process.

Prior to the meeting with the president, the opposition Salvation Forum held its internal discussions to solidify its agenda, signaling a unified front against the government’s reforms.

While both the government and the opposition have agreed to continue the dialogue, the deep divisions over the future of Somalia’s political system cast a long shadow over the talks. The coming days will be crucial in determining whether the nation’s leaders can bridge the divide or risk plunging the country into more profound political uncertainty. 

Xog: Xasan Sheekh iyo mucaaradka oo isku mari waayay qodob xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samata-bixinta Mucaaradka ayaa maanta la isku mari waayay, sida ay ilo ku dhow u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mucaaradka ayaa isku mari waayay mid ka mid ah afarta qodob ee ajandaha kulanka. Xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in cutubka afaraad ee wax-ka-beddelka dastuurka laga laabto oo sidii hore loogu celiyo.

Qodobkan ayaa noqday mid dood culus dhalisay, oo sabab u noqotay in shirka lagu kala tago; hase ahaatee, waxaa markii dambe la isla gartay in dib la isugu soo laabto oo dhinacyadu ay soo wada tashadaan.

Mucaaradku waxay doonayaan in gebi ahaanba qodobkaas meesha laga saaro, oo lagu celiyo sidii uu awal u ahaa in madaxweynaha ku yimaado doorasho baarlamaani, halka wax-ka-beddelkii dastuurka lagu qeexay in madaxweynaha ay shacabka soo doortaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weli ku adkeysanaya wax-ka-beddelka dastuurka iyo hab-ka-doorasho ee muranka dhaliyay, halka mucaaradku ka biyo-diidan yahay, taas oo sii adkaynaysa in xal la gaaro, inkastoo la isugu balamay in dib la isugu soo laabto si loo sii wado dooda qodobkan.

Shirkan maanta ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo gaar ah oo ay shalay yeesheen mucaaradku, kaas oo ay dood adag kaga yeesheen ajandayaasha ay maanta hor-dhigeen Madaxweyne Xasan.

Si kastaba ha ahaatee, wada-hadallada mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa la filayaa in maalmahan ay sii socdaan, iyadoo Xasan Sheekh uu wajahayo cadaadis caalami ah oo ku qasbaya in uu xal ka gaaro tabashada mucaaradka.

Abiy Ahmed oo sameeyay ‘khiyaano’ si uu ula soo baxo gaaska dowlad deegaanka

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali ayaa markii u horeysay shaaciyay in uu gaba-gabo marayo soo saarista gaaska, kaasi oo si qarsoodi ah uga socday dowlad deegaanka Soomaalida.

Abiy ayaa sheegay in qorshaha soo saarista gaaska uu ahaa mid qarsoodi ah, “Annagu dowlad ayaan nahay, meelihii cadawgu ka jirana waa la qarin waxaan qabanayno, si aysan nooga xumaan,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in booqashadii uu kal hore ku tegay dowlad deegaanka Soomaalida ee la sheegay in la xiriirtay qamadiga ay aheyd mid indhaha bulshada looga leexinayay qorshaha dhabta ah.

“Dhawaan markii deeganka Soomalida tagayay ee aan qamandida iyo biyo-xireenka booqanayay uma tagin arrimahaas, waxaan u tagay arrimaha gaaska,” ayuu yiri Abiya Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Muxuu u tagay si aan loo dhihin? ayaan qamandida u booqday. Haatana wajigii koowaad ee gaasku wuu dhamaaday”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in marka uu fasaxa kasoo noqdo baarlamaanka Itoobiya ay noqon doonto markii koowaad ee dowladdiisu gaaska suuq geyso.

Hadalka Abiy ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay si weyn u baahday in dowladda Itoobiya ay ka laabatay qorshaha gaaska dabiiciga ah looga soo saarayay deegaanka Ogaden iyo dhuuntii looga dhoofinayay dalka Jabuuti.

Puntland oo qaaday tallaabo ka dhan ah mucaaradka

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Puntland ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah xubnaha mucaaradka ee ku sugan deegaannadeeda, iyada oo soo rogtay amar saameynaya siyaasiyiinta ku sugan maamulkaas ee wada dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed.

Sida lagu sheegay go’aan kasoo baxay dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo waxaa magaalada laga mamnuucay shirarka siyaasadeed oo aysan ogeyn dowladdu, waxaana amar lagu bixiyay in aan lagu qaban karin shirar siyaasadeed waqooyiga Gaalkacyo.

“Laga bilaabo maanta, waxaa si rasmi ah loo mamnuucay qabashada shirar, kulamo ama isu imaatin bulsho oo aan oggolaansho rasmi ah laga haysan Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo,” ayaa lagu yiri go’aanka ka soo baxay Dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxaa go’aankan lagu socod-siiyay hoteelada iyo xarumaha shirarka, iyada oo looga digay inay marti-geliyaan kulamo aysan ogeyn dowladda Puntland.

Dowladda Hoose ee Gaalkacyo ayaa xustay in ujeedka uu yahay in laga hortago wax kasta wax u dhimaya amniga ama abuurayo qalalaase ka dhaca gudaha magaaladaasi.

“Hoteelada, Xarumaha Shirarka, iyo goobaha kale ee gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaaladda Gaalkacyo waxaa si adag loogu wargalinayaa in aysan oggolaan karin shirar, kulamo ama wax isku imaatin ah ilaa ay helaan oggolaansho rasmi ah oo ku yimid Dowladda Hoose,” ayuu sii raaciyay bayaanka.

Waxay intaas kusii dartay in kooxdii ama hay’addii isku dayda in ay qabato shir ama kulan dadweyne, iyadoo aan helin oggolaanshaha maamulka degmada in laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Go’aankan ayaa daba socda mid horay ay xukuumadda Saciid Deni usoo saartay, kaas oo magaalada Garoowe looga mamnuucay shirarka siyaasadeed oo aysan ogeyn dowladda.

Deni ayaa isku dayaya inuu xakameeyo mucaaradka gudaha, si uu uga hortago dhaq-dhaqaaq ka bilowda Puntland oo haatan wajaheysa xaalad adag. Waxaa kale oo usii dheer khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya, kaas oo saameyn dhaqaale iyo mid siyaasadeed ku yeeshay maamulkaasi.

Sawirro: Doorashada qof iyo cod oo maanta ka billaabatay Galmudug iyo K/Galbeed

0

Dhuusamaeeb (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa maanta iska diiwaan geliyay magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb oo si rasmi uga bilaabatay is-diiwaangelinta dadweynaha ee doorashada golayaasha deegaanka ee la qorsheynayo inay ka dhacaan deegaano ka tirsan maamuladaas.

Mas’uuliyiinta labada maamul iyo boqolaal shacab ayaa maanta safaf u galay is-diiwaangelinta doorashada qof iyo codka ee golayaasha deegaanka, si ay u qaataan shahaadada rasmiga ah ee codbixinta.

Goobo gaar ah oo loo asteeyay diiwaangelinta ayay isugu tageen shacabka, halkaas oo ay safaf dhaadheer ugu jiraan inay qaataan shahaadada, si ay qayb uga noqdaan doorashada qof iyo codka ah ee la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya.

Mid kamid mas’uuliyiinta Galmudug oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay codadkooda dhiibtaan, isla markaana laga gudbo doorashooyinka dadban.

“Waxaa diyaar loo yahay bulshada Galmudug meel kasta oo ay joogto in ay is-diiwaangeliso oo laga gudbo xilligii qabiil qabiilka iyo kaaba qaabilada inay wax soo doortaan, maanta ayaa xoriyaddii la helay qof weliba cidda ay rabto ayay dooraneynaa” ayuu yiri mas’uulka.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay shahaadada diiwaangelinta qaataan, si ay berri ugu ciil baxaan codkooda.

“Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in loo gudbay xilligii doorashooyinka qof walbana codkiisa uu siin karo qofka uu rabo, waana in la’is diiwaangeliyo” ayuu sii raaciyay.

Diiwaangelinta ayaa horay looga sameeyay magaalada Muqdisho, iyada oo dadkii ugu badnaa ay qaateen shahaadooyinka, waxaana hadda loo weecday gobollada dalka, gaar ahaan Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo SSC-Khaatumo oo heshiis la ah dowladda dhexe.

Tallaabooyinka ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli Jubaand, Puntland iyo mucaaradka ay tabasho ka qabaan hanaanka ay wax u waddo Villa Somalia ee la xiriira doorashooyinka.

Si kastaba, Waxaa haatan loo ballansan yahay shir labaad oo uu Madaxweyne Xasan maanta la yeelanayo mucaaradka, kaas oo looga hadlayo xiisadda taagan, cadda wax yaabaha ka soo bixi kara shirkooda, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey ee shirka Xasan iyo mucaaradka ee ka socda Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa mar kale goordhow Xarunta Villa Soomaaliya ka furmay shirkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta Mucaaradka, kaas oo loo ballasanaa maanta oo Khamiis, si loo sii amba qaado wada-hadalada labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu furmay, isla markaana ay goobjoog yihiin inta badan xubnaha mucaaradka, waxaana hoggaaminayo Madaxweyne horeb Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo isugu dhisay Madasha ay ku mideysan siyaasiyiinta mucaaradka.

Kulanka labada dhinac oo la iclaamiyay 25-kii bishii hore ayaa waxaa haatan looga hadlayaa khilaafka siyaasadeed u dhaxeeya dhinacyadan ee la xiriira dhammeystirka Dastuurka KMG ah iyo Aarimaha Doorashooyinka oo ah qoddobo isha lagu wada hayo.

Sidoo kale labada dhinac ayaa markan toos u guda galay wada-hadalkooda, mana cadda wax yaabaha ka soo bixi kara shirkooda, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isku dayayo inuu xalliyo tabashada xubnaha mucaaradka Dowladda.

Shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo gaar ah oo ay shalay yeesheen mucaaradka, kaas oo ay dood adag kaga yeesheen ajendayaasha ay maanta hordhigayaan Madaxweyne Xasan, markii ay la kulmaan, iyagoo isku raacay dhowr qodob, sida aan xogta ku heleyno.

Waxaa kale oo shirkaas aaladda Zoomka uga uga qayb-galay Madaxweynaha Jubbaland, oo ay haatan si weyn isku hayaan Villa Soomaaliya, kaas oo wada dhaq-dhaqaaqyo culus.

Axmed Madoobe ayaa mucaaradka ka codsaday in Xasan Sheekh ay hordhigaan dalabaadkiisa caddeynaya inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo dowladda federaalka, si meesha looga saaro khilaafka isku beddelay colaadda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ayaa qorshuu in maanta Xasan Sheekh ay hordhigaan dalabaadka uu u soo dhiibay Axmed Madoobe, oo markaan diyaar u ah wadahadal uu la galo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Si kastaba, Wada-gadallada Mucaaradka iyo Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalmahaan ay sii socdaan, iyadoo Xasa uu u muuqdo in tanaasul uu ka sameynayo qodobada qaar oo markii hore uu mowqif adag ka taganaa, sida wax ka bedelka dastuurka.

Dhulka Suuqa Siinaay ee Muqdisho oo la iiibinayo iyo digniin culus oo soo baxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho, kaas oo haatan dhulkiisa la’iibinayo, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah ganacsatada iyo dadka deegaanka oo indhowaanahaan qaylo dhaaminayay.

Waxa haatan si toos ah loo beec geeyay dhulka uu ku yaallo suuqa, iyada oo qiimihiisana la shaaciyay, kaas oo u dhexeeyo $ 45,000 oo dollar illaa 80,000 oo Dollarka Mareykanka ah.

Arrintan ayaa sii kordhisa walaaca ay qabaan ganacsatada suuqa iyo dadka deegaanka, maadaama dhulkan ay haatan la wareegayaan ganacsato kale oo waawayn.

Dhinaca kale, Xildhibaan Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) oo kamid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa si adaga uga hadlay xaaladda Siinaay, wuxuuna tilmaamay in la barakicinayo dadka deegaanka, iyada oo si gaar ah loo beegsanayo dadka uu metalo/

“Waxaa muuqata in laga shaqeynayo kicin bulsho, iyo barakicin beegsi dad gaar ah oo aanan marnaba aqbali karin” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Yaasiin Farey.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Wixii ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona ciddii ka shaqeysa wax ka baxsan danaha Qaranka Soomaaliyeed iyo muwaadiniintooda”.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale soo saaray digniin culus oo uu diray guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed, isaga oo uga digay in aysan ku kadsoomin dhulkaas ee uu buuqa ka jiro.

“Waxaan uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed, qurbojoogta iyo shirkadaha in aysan ku kadsoomin qorshaha fashilan ee Dalaaleydu suuqa wareejineyso kuna khasaarin hantidooda” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo soo saaray digniin culus.

Hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Digniin Culus!

Suuqa Siinaay waa suuq ganacsi oo soo jireen ah, Waxaa isoo gaaraya in sifo aan sharci aheyn loo barakicinaayo dadka ku ganacsada iyo kuwa deegaansaday ee gacanta ku haaya. Waxaa muuqata in laga shaqeynayo kicin bulsho, iyo barakicin beegsi dad gaar ah oo aanan marnaba aqbali karin. Dadka deegaanka ayaa diyaar u ah in  dhulkaa iyaga loo sharciyeeyo Hadiiba la sharciyeeynayo oo aan laga Iibin dad banaanka laga soo aruuriyey, lagana Barakicin muwaadiniintaas dowladuna ku tixgeliso si looga fogado in Dadka Deegaanka iyo Doowladu iska Horyimaadaan.

Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda in aysan sabab u noqon cawaaqib xumo ka dhalata dulmiga muwaadiniinta halkaa degan. wixii ka dhasha waxaa mas’uuliyadeeda qaadi doona ciddii ka shaqeysa wax ka baxsan danaha Qaranka Soomaaliyeed iyo muwaadiniintooda. waxaan uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed, qurbojoogta iyo shirkadaha in aysan ku kadsoomin qorshaha fashilan ee Dalaaleydu suuqa wareejineyso kuna khasaarin hantidooda.

Waxaan u ballan qaadayaa dadka aan matalo in inta aan noolahay lagu handadi doonin magac dowladeed, mid qabiil/Jufo, iyo mid awood sheegasho dad kusoo duulay danahooda. Waxaa ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan difaaca sharafkooda, cirdigooda iyo karaamadooda. Waxaan waqti dheer xeerinayey in si degan loo wajaho xaalada taagan, ma aqbali doono in aan si sharciga waafaqsaneyn lagu handado Reer Siinaay oo ah u hiiliyaha qaranka iyo xuriyada.

Masar oo Mareykanka ka codsatay in uu ka hortago guul ay ku dhowdahay Turkey

Qaahira (Caasimada Online) – Masar ayaa ka codsatay dowladda Mareykanka inay soo farageliso si looga hortago in baarlamaanka bariga Liibiya uu ansixiyo heshiis dhinaca badda ah oo uu la galay Turkiga, sida ay ilo-wareedyo dhowr ah oo gobolka ku sugan u sheegeen Middle East Eye.

Sarkaal Masaari ah ayaa Arbacadii u sheegay Middle East Eye in Qaahira ay ka walaacsan tahay in haddii baarlamaanka bariga Liibiya uu meel mariyo heshiiskan, oo markii hore ay sannadkii 2019-kii saxiixday dowladda galbeedka Liibiya oo ay xafiiltamaan, ay taasi kicin karto xiisado ka dhaca bariga Mediterranean-ka, xilli ay Masar la daalaa dhacayso cawaaqibka dagaallada ka socda Gaza iyo Suudaan.

Hal sarkaal oo Masaari ah iyo mid kale oo ka tirsan gobolka ayaa u sheegay Middle East Eye in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, uu arrinta faragelinta Mareykanka kala hadlay Massad Boulos, oo ah la-taliyaha sare ee Mareykanka u qaabilsan Afrika, wicitaan taleefan oo dhex maray bishii hore.

Sida ay sheegeen, Boulos ayaa ballan qaaday inuu la hadli doono Khaliifa Xaftar, oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee bariga Liibiya, si uu arrintan ugala hadlo.

Middle East Eye waxay la xiriirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka si ay u hesho faahfaahin ku saabsan waxyaabihii looga hadlay wicitaankaas, balse kama aysan helin wax jawaab ah illaa xilliga la daabacayay warbixintan.

Dhowr warbaahin oo Liibiya ku yaal ayaa sheegay in baarlamaanka bariga dalkaas uu toddobaadyada soo socda ansixin karo heshiiskii badda ee 2019, kaasoo aqoonsan doona sheegashada Turkiga ee Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah (EEZ) oo ku fidsan bad iyo barri ballaaran oo ka tirsan bariga Mediterranean-ka.

Baarlamaanka bariga Liibiya, oo fadhigiisu yahay Tobruk, waxaa si dhab ah u maamula Xaftar, kaasoo ay taageero siinayeen quwado kala duwan oo gobolka ah tan iyo 2011, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta, Mareykanka, Masar, Faransiiska iyo Ruushka.

Ninkan oo 81 jir ah, haystana dhalashada Liibiya iyo Mareykanka, ayaa awood weyn ku leh bariga Liibiya, wuxuuna bartamihii 2019-kii bilaabay isku day fashilmay oo uu ku doonayay inuu ku afgambiyo dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee fadhigeedu yahay Tripoli.

Xilligaas, dowladda ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahay, oo Turkigu yahay taageeraha ugu weyn, ayaa heshiiska xadaynta badda la saxiixatay Ankara, taasoo ka careysiisay Giriigga iyo quwado kale oo gobolka ah oo ku andacooday in laga reebay.

Giriigga ayaa kaga jawaabay heshiiskaas isagoo mid u gaar ah la saxiixday Masar.

Baarlamaanka bariga Liibiya ayaa markii hore ka soo horjeeday heshiiska, balse bilihii la soo dhaafay, inkastoo ay olole xooggan wadeen Athens iyo Qaahira, Xaftar ayaa u muuqda inuu qarka u saaran yahay inuu taageero heshiiskaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Giriigga, George Gerapetritis, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan u safro Benghazi iyo Tripoli si uu ugala hadlo muranka badda, sida uu mid ka mid ah ilo-wareedyada gobolka u sheegay Middle East Eye.

Dhanka kale, ilo-wareedyadu waxay u sheegeen Middle East Eye in Qaahira ay ka digtoonayd isbeddel ku yimaada xaaladda taagan ee muranka badda.

Bishii Juun, Shirkadda Shidaalka Qaranka ee Liibiya, oo fadhigeedu yahay Tripoli, ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda shidaalka ee dawladda Turkiga ee TPAO si ay sahamin shidaal uga samayso afar goobood oo badda ku yaal, kuwaasoo sarkaalka Masaariga ahi sheegay inay ku xadgudbi karaan Aagga Dhaqaalaha Gaarka ah ee Masar.

Isbeddelka isbahaysiyadii hore

Isbeddelka mowqifka bariga Liibiya ee arrintan ayaa ka tarjumaya isbeddel ballaaran oo ka socda gobolka, halkaasoo ay ku burburayaan khadadkii fikirka ahaa ee hore u qeexi jiray iska horimaadyadii ka dambeeyay kacdoonnadii Guga Carabta ee 2011.

Kaddib markii ay hub, calooshood-u-shaqaystayaal iyo askar u dirtay si ay ula dagaallamaan ciidanka Xaftar, Turkiga ayaa hadda muujiyay rabitaan cusub oo uu kula shaqeynayo cadowgiisii hore.

Wasaaradda Difaaca ee Turkiga ayaa bishii Juun martigelisay saddex wafdi oo militari ah oo ka socday ciidanka uu Xaftar iskiis u magacaabay ee Libyan National Army (LNA), waxaana wiilka ugu yar Xaftar, Saddam, uu booqday Ankara bishii Abriil kaddib booqasho uu horraantii sanadkan ku tagay Qatar.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Middle East Eye in xiriirka sii kordhaya ee Saddam Xaftar uu la leeyahay Ankara, oo ay ku jirto dhinaca militariga, uu ka caraysiiyay Masar.

Sarkaal Masaari ah iyo mid Liibiyaan ah ayaa sheegay in Masar ay aaminsan tahay in Saddam uu ka dambeeyay duullaan xuduudda looga gudbay oo lagu qaaday Suudaan, iyo in dagaalyahannadiisu ay ka caawiyeen Ciidammada Dhaqdhaqaaqa Degdegga ah (RSF) dagaalka ay kula jiraan militariga Suudaan.

In kasta oo Masar iyo Turkigu ay ku kala aragti duwan yihiin Liibiya, haddana labadooduba waxay taageeraan ciidanka Suudaan ee dagaalka kula jira ciidanka RSF ee uu Imaaraadku taageero.

Masar waxay dano qoto dheer ka leedahay Liibiya, waxayna la wadaagtaa xuduud dheer oo furan oo dhererkeedu yahay 1,115km dhinaca bariga dalkaas.

Horraantii toddobaadkan, Madaxweyne Sisi wuxuu magaalada El Alamein ku martigeliyay Khaliifa iyo Saddam Xaftar si ay uga wada hadlaan amniga xuduudaha.

In kasta oo Liibiya ay weli u kala qaybsan tahay iska horimaadyo dhex mara maleeshiyooyin iska soo horjeeda, guud ahaan looma laaban dagaallo waaweyn.

Maamulka Trump wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay qoyska Xaftar, waxaana muddadii xilkiisa koowaad, Madaxweyne Donald Trump uu taleefan kula hadlay Xaftar xilligii uu dagaalku dalka ka socday.

Dhanka kale, Middle East Eye waxay hore u shaacisay in Saddam uu horraantii sanadkan kula kulmay Boulos magaalada Washington DC, uuna sidoo kale amniga gobolka kala hadlay saraakiil sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka.

TRUMP oo u yeeray shan madaxweyne oo African ah

Washington (Caasimada Online) – Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Arbacadii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu toddobaadka soo socda magaalada Washington ku martiqaadi doono hoggaamiyeyaal ka socda shan waddan oo Afrikaan ah, si ay uga wada hadlaan “fursadaha ganacsi.”

Sarkaalka ayaa sheegay in Trump uu hoggaamiyeyaasha ka kala socda Gabon, Guinea-Bissau, Liberia, Mauritania iyo Senegal uu kula yeelan doono wada-hadal iyo qado sharaf Aqalka Cad 9-ka Luulyo.

“Madaxweyne Trump wuxuu aaminsan yahay in wadamada Afrika ay bixiyaan fursado ganacsi oo cajiib ah, kuwaasoo ay ka faa’iideysan karaan shacabka Mareykanka iyo saaxiibadeena Afrikaanka ah,” ayuu yiri sarkaalka, isagoo sharraxayay sababta kulanka loo qabanqaabiyey.

Warbaahinta Africa Intelligence iyo Semafor ayaa horay u werisay in maamulka Trump uu shir-madaxeed ugu qaban doono shanta waddan magaalada Washington inta u dhaxaysa 9-ka ilaa 11-ka Luulyo.

Maamulka Trump ayaa si weyn u dhimay qaybo badan oo ka mid ah kaalmadii dibadda ee Mareykanka siin jiray Afrika, taasoo qayb ka ah qorshe lagu xakameynayo kharashka uu u arko mid aan loo baahnayn oo aan la jaanqaadi karin siyaasadda Trump ee ‘Danta Mareykanka ayaa Kow ah’ (America First). Maamulka ayaa sheegay inuu doonayo inuu diiradda saaro ganacsiga iyo maalgashiga si loo horseedo barwaaqo labada dhinac ah.

Talaadadii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in Mareykanku uu ka tanaasulayo waxa uu ugu yeeray qaabkii gargaarka dibadda ee ku dhisnaa sadaqo-bixinta, uuna doorbidi doono quruumaha muujiya “kartida iyo rabitaanka ay isku caawinayaan.”

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Arrimaha Afrika, Troy Fitrel, ayaa bishii Maajo sheegay in ergooyinka Mareykanka ee Afrika lagu qiimeyn doono heshiisyada ganacsi ee ay soo xiraan, isagoo ku tilmaamay inay taasi tahay istiraatiijiyadda cusub ee taageerada qaaradda.

Xog ka cusub diyaaradii ku dhacday garoonka Xamar – Tirada dhimasho iyo cida leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyootay kaddib markii ay burburtay diyaarad helikobtar ah oo ay lahayd howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Uganda. Shilkan ayaa Arbacadii ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka ciidamada Uganda, Felix Kulayigye, ayaa sheegay in saddex kale oo ka mid ahaa sideeddii qof ee saarnaa diyaaradda ay ka badbaadeen shilka, balse ay soo gaareen dhaawacyo culus iyo gubasho daran.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Mi-24, ayna la socdeen sideed qof, ayaa ka soo kicitantay garoon ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose. Asal ahaan, diyaaraddan waxay ka tirsanayd Ciidanka Cirka ee Uganda (Ugandan Air Force), balse waxaa howlgalkeeda la wareegay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay militariga Uganda ayaa lagu sheegay in diyaaraddu ay ku guda jirtay “howlgal caadi ah oo ay ku ilaalinaysay kolonyo ciidan” markii uu shilku dhacay. Waxaa bayaanka lagu xusay in duuliyihii, kaaliyihii duuliyaha, iyo farsama-yaqaankii diyaaradda ay ka badbaadeen shilka, iyagoo qaba dhaawacyo halis ah iyo gubasho daran.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya (Somalia Civil Aviation Authority), Axmed Macallin Xasan, oo la hadlay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in baaritaanno lagu hayo sababta keentay shilka.

Sarkaal ka tirsan waaxda duulista, Cumar Faarax, oo ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee gaaray goobta uu shilku ka dhacay, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inuu “arkay diyaaradda oo wareeganaysa, kaddibna si xawli ah u soo dhacday.”

Cabdiraxiim Cali, oo ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay inuu arkay “qarax weyn iyo qiiq meel walba is qabsaday.”

Shilka ayaa sababay dib u dhac yar oo ku yimid shaqada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, balse haatan duullimaadyadii iyo howlihii kale ee garoonka ayaa dib u bilaabmay.

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika, oo loo yaqaano AUSSOM, ayaa ka caawiya dowladda Soomaaliya la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, oo ah urur ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya.

Howlgalkan waxaa ka mid ah ciidamo ka kala socda dalal ay ka mid yihiin Itoobiya, Uganda iyo Kenya. 

Sawirro: Saraakiil iyo cutubyo Gorgor ah oo tababar heer sare ah loo soo xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka tirsan ciidanka Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababbaro kala duwan ku soo qaatay dalka Turkiga iyo Kulliyada Tababbarka Ciidamada ee Turkiga (TurkSom).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya, ay ku howlan tahay dhismaha ciidan Qaran oo loo dhamaystiray aqoon iyo hoggaamin wanaagsan, si loo xaqiijiyo himilada dowladnimada, taas oo ay saldhig u tahay dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Mudane Xamza ayaa tilmaamay in difaaca dalka iyo xoreyntiisa ay tahay mudnaanta kowaad ee uu leeyahay ciidanku, sidaas darteed Askariga Soomaaliyeed uu leeyahay karaamo iyo mudnaan gaar ah.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa ay laf-dhabar u yihiin dowladnimo xooggan oo isku filan, sidaasi darteed waa in aad qaadaan masuuliyadeeda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxa aad u diyaar-garowdaan in aad dalkeenna ka xoreysaan cadowga oo soo celisaan qiimaha, sharafka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”

Ra’iisul Wasaaraha oo dardaaran u jeediyay ciidanka tababbarka qaatay, ayaa xusay in cutubyadani ay door weyn ka ciyaari doonaan dadaallada dowladdu ugu jirto xaqiijinta amniga dalka iyo la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah oo caqabad ku ah amniga iyo midnimada dalkeenna.

Ugu dambeyntiina, wuxuu uga mahadceliyey dowladda Turkiga, shacabkooda iyo xukuuumaddooda dadaalkooda iyo garab istaagga ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Sacuudiga oo la ogaaday in uu si qarsoodi ah uga qeyb qaatay dagaalkii Iran iyo Israel

Riyadh (Caasimada Online) – Wargeyska Israel Hayom ayaa ka soo xigtay ilo-wareedyo ku sugan Khaliijka in dhowr waddan oo gobolka ah, oo ay ku jirto Sacuudi Carabiya, ay ka qaybqaateen soo rididda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee ay Iran soo gantay intii uu socday dagaalkii kala dhaxeeyey Israa’iil.

Sida ay wararku sheegayaan, ciidanka cirka ee Sacuudiga ayaa adeegsaday diyaarado qummaati u kaca (helicopters) oo ku soo riday diyaarado drones ah hawada gobolka – oo ay ku jirto tan Ciraaq iyo Urdun. Qaar ka mid ah diyaaradahan ayaa sii wadi lahaa jidkooda oo ku wajahanaa Israa’iil, laakiin waxaa la soo riday goor hore, taasoo qayb ka ahayd ilaalinta madaxbannaanida hawada Sacuudi Carabiya.

Sacuudi Carabiya waxay leedahay ciidan cir oo si heer sare ah u qalabaysan, kaasoo inta badan ku tiirsan nidaamyo iyo diyaarado lagu sameeyay Mareykanka. Sannadkii 2017, xilligii koowaad ee Madaxweyne Donald Trump, waxaa heshiis ballaaran oo hub ah la saxiixday Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Maxamed Bin Salmaan, heshiiskaasna waa la sii ballaariyay intii lagu guda jiray booqashadiisii dhoweyd ee gobolka.

Sacuudiga si rasmi ah uma uusan xaqiijin ka qayb qaadashadiisa soo rididda diyaaradaha, xitaa wuxuu cambaareeyay Israa’iil oo uu ku eedeeyay inay weerarka ku qaadday Iran. Dhanka kale, Israa’iil, Mareykanka iyo dalalka Yurub waxay muujiyeen iskaashi hawlgal oo dhow, kaasoo dhaawacay sumcaddii Iran ee ahayd khatar goboleed.

Ahmiyadda siyaasadeed ee arrintan ayaa ah mid ballaaran – xaqiiqda ah in dal Sunni ah oo hormuud ah, laga yaabee kan ugu muhiimsan, uu u dhaqmayo si looga hortagayo khatarta Iran, xitaa iyadoo aan si fagaare ah loo shaacin, waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo gobolka ka jira. Si kastaba ha ahaatee, Sacuudiga wuxuu carrabka ku adkeeyay inuusan oggolaan doonin in hawadiisa loo isticmaalo in lagu beegsado bartilmaameedyo ku yaal Iran.

Isbahaysi caalami ah oo 12 maalmood socday

Intii lagu jiray 12-kii maalmood ee dagaalka lagula jiray Iran, dhowr waddan ayaa ka qayb qaatay difaaca hawada gobolka. Waxaa ka mid ahaa Urdun, oo inta badan ka hawlgashay hawadeeda iyadoo adeegsanaysa ciidankeeda cirka; Britain iyo Faransiiska, oo iyaguna ka hawlgalayay hawada; iyo militariga Mareykanka, oo isaga iyo Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF) ahaa kuwa ugu firfircoonaa – iyagoo adeegsanaya diyaarado, maraakiib, nidaamyada difaaca cirka ee Patriot iyo THAAD, iyo kuwo kale.

Iran waxay Israa’iil ku soo gantay in ka badan kun diyaaradood oo drones ah. Badi waxaa la soo riday iyagoo ka fog xuduudda, halka tiro yar ay Ciidanka Cirka Israa’iil ku soo rideen hawada Israa’iil. Hawlgalkan wadajirka ah ma suurtagaleen haddii aysan jiri lahayn sannado tababarro iyo dhoolatus ah oo lala sameeyay saaxiibbada Israa’iil – oo ay ku jiraan Giriigga, Talyaaniga, Faransiiska iyo Britain.

Xudunta hawlgalka wuxuu ahaa Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command – CENTCOM), oo uu hoggaamiyo Jeneral Mike Kurilla, kaasoo lagu ammaanay doorkii muhiimka ahaa ee uu ka qaatay habka iskaashiga ee halkan ka hirgalay. Tan iyo markii uu IDF ku biiray CENTCOM, waxaa la dhisay oo la horumariyay nidaam militari oo si wanaagsan isugu xiran, oo ay ku jiraan Israa’iil iyo waddamada Yurub sida Britain, Faransiiska, Giriigga, Talyaaniga iyo Qubrus.

Guul kale oo la taaban karo oo laga gaaray qaab-dhismeedkan ayaa ah aasaasidda xarun talis iyo kontorool oo wadajir ah oo Mareykanku leeyahay, taasoo si toos ah (real-time) ugu xiran dhammaan ciidamadii ku lugta lahaa.

Sannado diyaargarow ah

Gudaha Ciidanka Difaaca Israa’iil (IDF), Qaybta Qorsheynta Caalamiga ah ee ka tirsan Agaasinka Qorsheynta ayaa mas’uul ka ah maaraynta xiriirka lala leeyahay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) iyo dalalka kale ee saaxiibbada ah. Wakiillada Qorsheynta Caalamiga ah waxay door ku leeyihiin talis iyo guuto kasta, iyagoo xaqiijinaya xiriir joogto ah oo ay la leeyihiin dhiggooda ku jira ciidamada shisheeye. Tirada wada-hadallada lala yeesho taliyeyaasha Mareykanka ayaa si weyn u kordhay sannadihii la soo dhaafay – laga soo billaabo wada-sheekaysi maamuus ah oo lixdii biloodba mar dhici jiray ilaa wada-hadal maalinle ah, dhoollatusyo wadajir ah, duullimaadyo la isku dubbariday, iyo xitaa iskaashi sirdoon.

Taliyeyaasha ciidamada – Taliyihii dhowaan shaqada ka fariistay Herzi Halevi iyo Taliyaha hadda xilka haya, Gaashaanle Sare Eyal Zamir – ayaa sidoo kale xiriir sokeeye la lahaa taliyeyaasha sare ee militariga Mareykanka. Mareykanku kaliya uma adeego sidii buundo isku xirta Israa’iil iyo dalalka gobolka, balse wuxuu sidoo kale yahay isku-duwe u dhexeeya Israa’iil iyo waddamada Carabta ee aysan xiriir toos ah la lahayn.

Iskaashigan laguma tijaabin oo keliya hadda, laakiin sidoo kale weerarradii hore ee ay Iran ku qaadday Israa’iil bishii Abriil iyo Oktoobar 2024. Xilligaasna, Mareykanka iyo dalalka Yurub waxay ka hawlgaleen goobo kala duwan – qaarkood waxay adeegsadeen hababka soo-rididda, halka kuwa kalena ay bixinayeen macluumaadka goobaha iyo xog-wadaag. Hadda, intii lagu jiray ololihii 12-ka maalmood socday, hawlgalku wuxuu ahaa mid aad u ballaaran.

Dalka Urdun, si ka duwan kuwa kale, wuxuu si fagaare ah u qirtay hawlgallada soo-rididda, wuxuuna xitaa carrabka ku adkeeyay in diyaarado drones ah ay ku soo dhaceen dhulkiisa oo ay khasaare geysteen – taasoo u baahnayd jawaab-celin. Faransiiska ayaa sidoo kale ka qayb-qaadashadiisa ku macneeyay inay difaacayeen danahooda Urdun, iyagoo iska ilaaliyay inay si fagaare ah u xusaan Israa’iil.

 

Sawirro: Saciid Deni oo ka jawaabay tabashadii reer Mudug, una dhagax dhigay…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta gaaray deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni ayaa halkaas wuxuu si rasmi ah uga dhagax-dhigay dib u dhiska jidka laamiga ah ee u dhexeeya Bacaadweyn iyo magaalada Gaalkacyo. Dhismaha wadadan ayaa waxaa si buuxda u maalgelinaysa dowladda Puntland.

Deni ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Puntland, kuwaas oo ka qeyb-galaya munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa kamid ah Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Wakiillada Puntland, Guddoomiyaha gobolka Mudug, Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Wasiiro, Isimo, Waxgaarad, Guddoomiyaha hay’adda wadooyinka Puntland, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Injineerada shirkadaha dhisaya wadada.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa dhaliil xooggan kala kulmay siyaasiyiin mucaarad ah. Xildhibaan hore Cawil Xasan Daad ayaa ku tilmaamay mashruuca mid aan dhab ahayn oo aan wax dan ah ugu jirin gobolka.

Wuxuu ku eedeeyay maamulka Deni in aysan awood u lahayn bixinta mushaharka shaqaalaha, isla markaana aysan suuragal ahayn in ay hirgeliyaan mashaariic waaweyn.

“Deni mushaharkii shaqaalaha ma bixin karo, injineeradii khubarada ahaa waa ka tageen. Waxaan leenahay ha ka daayo bulshada dhagax-dhig been ah oo dhibaato horseedi kara,” ayuu yiri xildhibaanku.

Maamulka Puntland ayaa waxaa la sheega inuu la daala-dhacayo dhaqaale xumo kadib markii uu musuq-maasuqa ku baahay hay’addaha dowliga. Illaa haddana ma jirto wax uu hoggaanka maamulka ka qabtay arrintaan oo fadeexad dhex istaajisay maamulka.

Ciyaarahyahan Diogo Jota oo ku geeriyooday shil gaari

Madrid (Caasimada Online) – Weeraryahanka reer Portugal ee kooxda Liverpool, Diogo Jota, ayaa geeriyooday kaddib shil gaari oo ka dhacay gudaha dalka Spain.

Shilka ayaa sidoo kale sababay dhimashada walaalkiis Andre Jota, oo isaguna ahaa ciyaaryahan heer caalami ah.

Shilku wuxuu ka dhacay meel ku taal mile 40.4 (kiiloomitir 65) ee waddada A-52, agagaarka degmada Palacios de Sanabria. Sida ay sheegeen markhaatiyaal, gaarigii ay saarnaayeen ayaa dab qabsaday kaddib markii uu shilka dhacay.

Ciidamada gurmadka deg-dega ah ayaa si dhaqso ah u gaaray goobta, balse waxba kama ay qaban karin badbaadinta nolosha ciyaaryahanka.

Diogo Jota oo 28 jir ahaa ayaa dhowaan guursaday, halka walaalkiis Andre uu jiray 26 sano. Labada ciyaaryahan ayaa ku dhintay isla goobtii uu shilku ka dhacay.

Jota waxa uu xirfadiisa ciyaareed kusoo bilaabay kooxaha Atletico Madrid iyo Wolverhampton Wanderers, kahor inta uusan 2020 ku biirin Liverpool.

Wuxuu kooxda kula guuleystay horyaalka Premier League, iyadoo sidoo kale uu xulkiisa Portugal la qaaday koobka Nations League.

Geeridan ayaa gilgishay dunida kubadda cagta. Diogo Jota wuxuu ahaa ciyaaryahan si weyn loo ixtiraamo, isagoo xirfad cajiib ah ku lahaa waayihiisa ciyaareed ee kubadda cagta.

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Qoryooley

0

Qoryooley (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar ka gaysteen gudaha degmada Qoryooley ee gobolkaasi, kaas oo sababay khasaare isug jiro dhimasho iyo dhaawac.

Maleeshiyaadka ayaa lasoo wariyay inay rasaas ku fureen goob ganacsi oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah, iyaga oo waxyeello u gaystay, kadibna isaga dhaqaaqay.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarka, taas oo ahayd haweeney kamid ah dadka deegaanka, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi kasii badan.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dhacdadan, waxaase lala xiriirinayaa colaadda ka taagan degmadaas oo ay horay uga dhaceen dagaal beeleedyo.

Qoryooley ayaa waxaa ku sugan maleeshiyaad iska soo horjeedo, kuwaas oo marar kala duwan ku dagaalamay magaalada dhexdeeda, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Sidoo kale dagaalladan ayaa saameyn ku yeeshay hormarkii degmada iyo ganacsiga, iyada oo ay xirmeen suuqyadii muhiimka ahaa sababo la xiriira dilal iyo dagaallada soo noq-noqday.

Dadka deegaanka aya dhankooda qaylo dhaan ka muujinayo xaaladda kasii dareyso ee degmada Qoryooley, maadaama uu faraha ka baxay ammaankii degmadaasi, ayna ku sugan yihiin maleeshiyaad aan la ogeyn cidda ay ka amar qaadanayaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana saaka xiisad la xiriita dilkan laga dareemayaa degmada Qoryooley iyo deegaannada u dhow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa kale oo miro dhaliyay isku dayo ay sameeyeen maamulka gobolka iyo Koonfur Galbeed oo isku dayay inay dhex-dhexaadiyaan maleeshiyaadka isku haya halkaasi.

Five killed in Ugandan military helicopter crash in Somalia

Mogadishu, Somalia – A Ugandan military helicopter on a peacekeeping mission for the African Union crashed in the Somali capital, Mogadishu, on Wednesday, killing five people and seriously injuring three others, officials said.

The Mi-24 helicopter gunship, part of the Ugandan People’s Defence Forces (UPDF) fleet, was operating under the African Union Mission in Somalia (AUSSOM) when it went down inside the heavily fortified compound of Aden Adde International Airport.

Ugandan military spokesperson Brig. Gen. Felix Kulayigye confirmed the incident, stating that the eight people on board included crew members and military personnel. According to the Ugandan military, the survivors—the pilot, co-pilot, and a technician—all sustained severe burns and injuries.

The aircraft was returning from a routine mission to secure a military convoy in the Lower Shabelle region, a volatile area south of the capital that is a frequent theatre of conflict with Islamist militants.

Investigation launched

An investigation has been launched to determine the cause of the crash, with a joint team from AUSSOM and the Somalia Civil Aviation Authority (SCAA) leading the inquiry.

Eyewitnesses at the airport reported seeing the helicopter in apparent distress just before it crashed. “I saw the helicopter spinning around before it fell with great speed,” Omar Farah, an aviation official near the scene, told the Associated Press.

Another witness, local resident Abdirahim Ali, described hearing a “huge explosion and smoke billowing everywhere.”

Operations at Aden Adde International Airport, Somalia’s primary aviation hub, were briefly suspended but have since fully resumed, according to the SCAA.

The crash underscores the inherent risks of the long-running counter-insurgency operation in Somalia. AUSSOM is a 19,000-strong multinational force tasked with supporting the Somali federal government against the al-Qaeda-affiliated group, Al-Shabaab.

Uganda is a foundational member and the largest troop contributor to the mission, having first deployed its soldiers in 2007 under the previous mandate, AMISOM. The force also includes troops from Burundi, Djibouti, Ethiopia, and Kenya.

Aircraft like the Mi-24 helicopter are critical assets in this challenging environment, providing air support, reconnaissance, and medical evacuation capabilities. However, aviation incidents remain a persistent risk for both peacekeeping and humanitarian operations across Somalia’s vast and difficult terrain.

The incident occurs as AUSSOM continues a phased drawdown of its forces. The mission’s goal is to gradually transfer all security responsibilities to the Somali National Army (SNA), as part of an international strategy to foster Somalia’s self-reliance in security.

However, the timeline for this transition remains under constant review amid concerns that a premature withdrawal could create a security vacuum for Al-Shabaab to exploit. The Islamist group was pushed out of Mogadishu in 2011 but maintains control over large rural areas and continues to launch deadly attacks against military and civilian targets.

Despite a major government offensive launched in 2022 that reclaimed significant territory, the militants have proven resilient, adapting their tactics and challenging the stability that ATMIS and Somali forces are working to secure.

Xog: Axmed Madoobe oo farriin culus mucaaradka ugu soo dhiibay Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa maanta yeeshay shir uu aaladda foggaan aragga uga qeyb galay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, oo farriin cusub u soo dhiibay mucaaradka.

Khamiista berri ee 3-da Luulyo waxaa lagu balansan yahay in dib loo bilaabo wadahadallada Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta uga furmay Villa Somalia.

Axmed Madoobe ayaa mucaaradka ka codsaday in Xasan Sheekh ay hordhigaan dalabaadkiisa caddeynaya inuu diyaar u yahay wadahadal uu la galo dowladda federaalka, si meesha looga saaro khilaafka isku beddelay colaadda.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Sheekh Shariif uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in berri ay Xasan Sheekh hordhigaan dalabaadka uu u soo dhiibay Axmed Madoobe, oo markaan diyaar u ah wadahadal uu la galo dowladda federaalka.

Sidoo kale, mucaaradka ayaa maanta dood adag ka yeeshay ajendayaasha ay berri hordhigayaan Madaxweyne Xasan Sheekh, markii ay berri la kulmaan, iyagoo isku raacay dhowr qodob, sida aan xogta ku heleyno.

Arrimaha doorashooyinka iyo dhameystirka daatuurka ayaa ugu adag qodobada la isku hayo, iyadoo isfaham hordhac ah lagu gaaray kulamadii ugu dambeeyey ee Xasan Sheekh iyo mucaaradku ay ku yeesheen Madaxtooyada.

Wadahadallada Mucaaradka iyo Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalmahaan ay sii socdaan, iyadoo Xasan Sheekh uu u muuqdo in tanaasul uu ka sameynayo qodobada qaar oo markii hore uu mowqif adag ka taganaa, sida wax ka bedelka dastuurka.

Dhankooda xubnaha mucaaradka ayaa caddeeyey in dowladda ay la qabaan in doorasho qof iyo cod ah la qabto, balse ay doonayaan inay noqoto mid si xor iyo xalaal ah u dhacda, iyagoo ku doodaya in Xasan Sheekh uu labo mid damacsan yahay 1-in waqtiga uu ku dheereysto qabashada doorasho dadweyne iyo mid ku shubasho ah uu qabto.

Xog: Shaki ka dhashay in DF ay leedahay diyaaradaha ciidanka ee Helicopters

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya waxaa laga doonayaa inay caddeyso milkiyadda diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada qaranka, maadaama ay shacabka soo gaareen xogo shaki geliyey oo muujinaya in shirkado gaar ah wax ku leeyihiin.

Sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in qaar kamid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca (helicopters) ee loo adeegsado howlaha ciidanka xoogga dalka laga kireysto shirkado loo leeyahay.

Sidoo kale sarkaal ka tirsan SoDMA ayaa noo sheegay in ay laga kireeyo diyaaradaha ay u isticmaalayaan gaarsiinta gargaarka deegaanada fog ee garoomada diyaaradaha aan laheyn.

Sarkaalka SoDMA ka tirsan wuxuu intaas ku daray in lacagta lagu kireeyo diyaaradaha ay ku dhacdo Shirkado gaar loo leeyahay iyo shaqsiyaad.

Xogahaan is biirsaday waxay dhaliyeen su’aalo ku saabsan cidda dhabta ah ee iska leh diyaaradahaasi.

Sawir dhawaan laga qaaday mid kamid ah diyaaradahaas ayaa muujiyay calaamadda diiwaangelinta 6O-AAG, taas oo caddeyneysa in diyaaraddaas ay ka diiwaan gashan tahay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale maalin ka hor la arkay diyaarado duulaya oo ay wadaan shaqaale rayid ah, kuwaas oo ka qeyb qaatay dabaal-degga munaasabadii 1-da Luulyo oo diyaaradaha qaar ay hawada Muqdisho ka sameeyeen dhoollatus militari.

Telefishinka Qaranka oo weriyaal u diray garoonka diyaaradaha qeybtii ay ka soo duulayeen diyaaradahaas ayaa soo duubay  dhallinyaro rayid ah oo diyaaradaha militariga duulinaya, taasi oo dhalisay su’aalo ka keenay nooca xiriirka u dhexeeya dowladda iyo diyaaradahaas.

Arrintani waxay banaanka keentay walaac ah in qaar kamid ah diyaaradaha loo maleynayo inay ciidan yihiin ay dhab ahaantii yihiin kuwo gaar loo leeyahay, taas oo xoojinaysa baahida loo qabo caddeyn rasmi ah oo dowladda kasoo baxda.

Waxaa lama huraan ah in dowladda Soomaaliya ay si cad oo rasmi ah u qeexdo milkiyadda diyaaradahaas, in ay si buuxda uga tirsan yihiin ciidamada qalabka sida, in ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay, balse kireysan iyo in ay jiraan heshiisyo wadaag ah oo u dhexeeya dowladda iyo shirkado gaar ah.

Caddeynta arrintan waxay muhiim u tahay hufnaanta maamulka, ilaalinta kalsoonida shacabka iyo badbaadinta sumcadda hay’adaha amniga ee dalka.

Horay saraakiisha dowladu waxa ay u sheegeen in diyaaradahaan lagu soo iibiyay dhulkii dowladu iibsatay, balse hadda waxaa soo baxaya tuhin hareeyey cidda leh diyaaradaha qaar.

War ka cusub markabkii shidaal sahminta ka sameeyey xeebaha Soomaaliya oo…

0

Ankara (Caasimada Online) – Markabka sahminta shidaalka ee Oruc Reis ayaa dib ugu laabtay dalka Turkiga, kadib markii uu dhameystay hawlgallo sahamin ah oo uu ka sameeyay qaybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya.

Markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayaa si nabad ah ugu laabtay dalkooda. Markabkan ayaa 15-kii Juun laga sagootiyay xeebaha Muqdisho, waxaana halkaas ku sii sagootiyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu ku sugnaa badda Soomaaliya, wuxuu sahamin ka sameeyay saddex goobood oo biyo ah, kuwaas oo dhuleed ahaan lagu qiyaasay 4,000 oo kiiloomitir oo laba jibbaaran.

Baaritaankaa iyo sahminta shidaalka ayaa ahaa mid socday 234 cisho iyadoo Shirkadda Turkish Petroleum ka ururisay xog badan oo ku saabsan xeebaha Soomaaliya xog shidaal kuwaas oo la darsi doono si loo ogaado celesha iyo tirada shidaal ee ku jira goobihii sahminta lagu sameeyay.

Hawl-galkan uu markabku fuliyay wuxuu qayb ka ahaa heshiiska iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo diiradda lagu saaray sahminta iyo soo saarista kheyraadka shidaalka.

Waxaa hadda la filayaa in la bilaabo falanqaynta xogta uu markabku soo ururiyay, taas oo lagu ogaan doono xogta shidaalka ee ku jirta badda Soomaaliya. Natiijooyinka sahanka rasmiga ah ayaa la rajeynayaa in lagu dhawaaqo muddo bil ilaa laba bilood gudahood ah.

Natiijada baaristan ayaa la filayaa inay wax weyn ka beddesho xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga Turkiga, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tilmaamay “guul taariikhi ah.”

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in khayraadka looga faa’iidaysan doono si hufan, cadaalad ah, waxtarna u leh koboca dhaqaalaha dalka iyo bararaha nololeed ee shacabka Soomaaliyeed.

Tan ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo loo marayo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah ee hodanka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo dabooli kara duruufaha ka jira dalka.

Iran oo shaaca ka qaaday tallaabooyin ay qaadeyso haddii Israel beegsato Ayatollah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Iran, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday inay diyaariyeen tallaabooyinka ay qaadi doonaan haddii Israa’iil ay beegsato hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatollah, taas oo ay sheegeen inay horseedi doonto in Israa’iil laga waayo qariiradda adduunka.

La-taliyaha sare ee ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Ahmad Vahidi oo waxyar ka hor waraysi siiyay Al Jazeera ayaa arrintan ka hadlay isagoo aad ugu goodiyey cadowga dalkiisa ee Israa’iil.

“Waxaan wajahnaa cadow khiyaano badan, weerar kale oo uu soo celiyo waa suurtagal, ciidamada Iiraan-na waxay diyaar u yihiin inay si xooggan uga jawaabaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray La-taliye sare Ahmad Vahidi.

Iiraan, waxay u muuqataa inay isku diyaarinayso dagaal kale, waxaana heegan ku jira dhammaan ciidankeeda.

Sidoo kale, Iiraan ayaa diyaarineysa inay gunta badda ee marinka Hormuz oo ka mid ah marinnada ugu muhiimsan caalamka ee wax ka badan 20% shidaalka caalamka uu ka gudbo ay ku aasto bambooyin qaraxyo burburin ah dhalin kara.

Iran waxay diyaarineysaa qorshe lagu quusinayo maraakiibta, haddii Mareykanku iskudayo in maraakiibtiisa dagaalka uu ku weeraro Iiraan inuu marinkaas keeno.

Labo maalin ka hor sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Iran ayaa sheegay in dowladda Tehran ay si buuxda ugu diyaar garowday inay “si xooggan uga jawaabto” haddii Israel jabiso joojinta dagaalka.

Tani waxay qayb ka tahay xasillooni la’aanta joogtada ah ee ka dhalatay weeraradii Israel ku qaaday xarumaha nukliyeerka iyo milatari ee Iran (oo loo bixiyay “Operation Rising Lion”) bishii Juun 13 ilaa 24, halkaas oo Iran ay ku beddeshay weeraro badan oo gantaallo iyo droneyo ah.

Hanjabaadda cusub ee Iran waa digniin cad oo ku saabsan inaysan aqbalayn wax tallaabo ah oo ay Israel qaado, gaar ahaan kuwa jebiya joojinta colaadda. Inkastoo aan weli la qaadin tallaabo qorsheysan, hadana waxay labada dal ku jiraan xaalad feejignaan ah.