24.6 C
Mogadishu
Wednesday, January 7, 2026

Xog ku saabsan sababta Shariif Xasan uu dib ugu soo laabtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay sababta Shariif Xasan Sheekh iyo xildhibaanno kale oo ku sugnaa Baydhabo ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Xogta aan helay ayaa ka mid ah in Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari uu qoray warqad uu si degdeg uga codsaday xildhibaannada ku sugan Baydhabo kuwaasoo loo sheegay in ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Xildhibaanno kor u dhaafaya ilaa 20 ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, kuwaasoo kala taageersanaa shirarka maamulada lixda iyo seddaxda gobal loogu sameenaayo ee ka socda Baydhabo.

Xildhibaannadan ayaa loo sheegay in marka uu yimaado ra’iisal wasaaraha in uu kulan la qaadan doono kaasoo looga hadlaayo dhibaatada ka taagan magaalada Baydhabo, oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ay ka dhacayeen dibadbaxyo rabashada wata.

Shariif Xasan iyo xildhibaannada la socda oo ah kuwa isku mowqif ayaan la hadlin saxaafadda markii ay garoonka ka soo daggeen.

Si kastaba, waxaa muuqata in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu markii labaad ku soo guul dareestay in uu hirgaliyo qorsho uu wato oo ah in la dhiso maamul ka kooban seddax gobal.

Magaalada Baydhabo waxaa maalintii afaraad maanta ka dhacay dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Baaq ku socda QURBO-JOOGTA

Muuqaal cajiib ah oo la soo dhigay Barta Youtube-ka kaas oo ku socda Qurba Joogta Soomaaliyeed ee dalka ka maqan, waxaana loogu baaqayaa in sidaan ay tahay Magaalo Madaxda Dalka ee Muqdisho.

Fariintanu waxeey ku tusineysaa in isbadalx oog leh uu ka dhacay Dalka gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala arag muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Magacaabis-Saaxiibeysan: MUUNGAAB oo raacay waddo aad caan u ah (XOG)

Marka la eego Masraxa iyo Haykalka Maamuleed ee Dowladihii KMG iyo Dowladdan Federalka waxaan ka dheehan karnaa Dabeecad cusub oo ku soo kordodhay qaabka loo xusho Mas’uuliyiinta iyo Madaxda maamulayo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda iyo Maamulladda ka sii farcamayo.

Sooyaalka Taariikhda ayaa xustay inay Dowladihii KMG ee ay kala hoggaamin jireen Madaxweynihii geeriyooday, Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa garbahooda buuxin jirey Mas’uuliyiin ay ku soo xusheen qaab iyaga markaasi ku qanacsanaayeen.

Miisaal ahaan Dowladii Marxuum C/llaahi Yuusuf waxaa safka hore kaga jiray Madaxdii Jabhaddii SSDF, iyadoo Maamulkii Madaxweyne Sheekh Shariif iyagana ay ugu tunka weynaayeen Madaxdii iyo Hawlwadeennaddii Golihii Maxkamadaha Islaamka ee iyaga dagaalka xooggan la galay Hoggaamiye-kooxeedyaddii mar awoodda ku lahaa magaalladda Muqdisho.

Jaranjaradda noocaasi ee ay Dowladaha kala qishayaan ayaa waxaa iminka Masraxa laga dheehan karaa inay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hayinka u hayaan Siyaasiyiinta ku jirta Kooxda isku magacowday Damu-jadiid, inkastoo ay Bulshadda Soomaaliyeed u cuntamaynin hab-dhaqanka Kooxdaasi dufan-jacaylka isku bahaystay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Nidaamka Is-xulafaysiga ee laga dhex arki karo Nidaam kasta oo dalka taladiisa loo dhiibay inay aad u shabahi karto Nidaamkii Beeleedka ee horey u soo kharibay Haykalkii Dowladnimadda, isla markaana horseeday inay Beelaha Soomaaliyeed isku-dilaan Loolanka Awoodda Qaranka.

Damu-jadiid, Halgamayaasha SSDF iyo Mujaahidiintii Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa dhabaha u xaartay inay Madaxda Maamulladda Goballadda ku dhiiradaan inay iyagana iqtiraacaan Qaab cusub oo ay ku soo xushaan Mas’uuliyiinta hawlaha la agaasimayo.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, ahna Duqa magaalladda Muqdisho, Jeneral Xasan Maxamed Xuseen “Jeneral Mungaab” oo isagu xilkaasi dhawaan loo magacaabay ayaa waxa uu bilaabay inuu Maamulkiisa ku mataaneeyo Jaallayaashiisa ay ardayda ka wada ahaan jireen Jaamacadda Caalamiga ee Africa The International University of Africa “جامعة افريقيا العالمية” oo ku taalla caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Xog cusub, ayaa muujinaysa in saddexda Guddoomiye cusub ee loo kala magacaabay Degmooyinka Shibis iyo Huri-waa’ yihiin kuwo ka tirsanaa Jaamacadda جامعة افريقيا العالمية oo uu Jeneral Mungaab mar ka soo noqday Guddoomiyaha Ardayda ee Jaamacadaasi.

Guddoomiyaha cusub ee Degmadda Dharkenley waxa uu arday ka ahaan jirey Jaamacadda Kampala ee dalka Uganda.

Jeneral Mungaab oo Sharci-yaqaan ah ayaa u muuqda inuu ku turunturooday Masraxa Maamullkiisa cusub, waxaana laga filayey inuu Nidaam cusub ku soo biirayo habka Xulashadda Mas’uuliyiinta Haykalka Maamulka heer Degmo ilaa heer Qaran.
Laakiinse taasi bil-cakiskeeda Jeneral Mungaab oo malaha qoddob kale ka duulayo ayaa qaab il-duuf oo kale dhabaha ugu xaaray inay Maamulkiisa ka mid noqdaan hadba qofka uu u arko inuu hawsha la wadi karo, isla markaana isaga u dhega nuglaan kara, haba u badnaadeen ardaydii ay Jaamacadda wada dhigan jireen.

Xeeldheerayaasha Arrimaha Bulshadda, ayaa rumeysan inay tahay Fadeexad ballaaran haddii Guddoomiyayaasha loo magacaabo dad aan khibrad u lahayn Hawshaasi baaxadda leh, balse looga dan leeyahay Mataanaynta u muuqaalka ekaanayso Damu-jadiidka, Mujaahidiinta Maxkamadaha iyo Madaxdii Jabhdaddii SSDF.

Waa maamul-xumo haddii Mas’uuliyiinta loo magacaabayo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobalka Banaadir noqdaan kuwo aan xitaa shaqaale hoose marnaba ka soo noqonin Xafiisyadda Maamulladda Degmooyinka, waana ayaan-darro haddii xilalkaasi loo dhiibo dad la wato ama in Guddoomiye kasta lagu beddelo Guddoomiye kale oo ay jufo-hoose yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Jeneral Mungaab oo Khabiir Sharci-yaqaan ah ayaa u muuqda mid qaabka Tuuneerka oo kale looga hoos-biixiyey magacaabistaasi, oo ay ka muuqato caddaalad-darro iyo go’aan nin-jeclaysi ah.

Xogasho: Dalsan Radio

Kenya oo soo celisay amar qatar ku ah Soomaali badan oo ku nool dalkeeda

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay Soomaalida ku nool magaalooyinka dalkeeda in ay tagaan xeryaha qoxootiga Kaakuma iyo Dhadhaab.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya, oo la hadlay laanta sawaaxiliga ee BBC-da ayaa sheegay in tallaabadan ay daba socoto falal ammaan dari ah oo ka dhacay Kenya dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ugu dambeeyay weerarkii Axaddii dableey wajiga soo xirtay ay ku qaaday kaniisad ku taalla magaalada Mombasa.

Weerarkaas waxaa ku dhintay ilaa shan qof, waxaa kaloo ka horreeyay qarraxyo lagu qabtay isla magaaladaas.

Kenya ayaa sheegtay in ay ka walwalsan tahay kooxo xiriir la leh maleeshiyada Al-Shabaad ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo weerarro dhowr ah ka fuliyay dalkan Kenya.

Weerarkii ugu cuslaa ee Kenya lagu qaaday ayaa ahaa kii ka dhacay xarunta ganacsiga ee Westgate ee Nairobi bishii September.

Sarkaalka u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa sheegay in la xoojin doono howgallada lagu baadigoobayo kooxaha falalka ammaan darida ka wada dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Baydhabo oo maalintii 4-aad kacsan & warar dheeri ah oo laga helay xaalka

Baydhabo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in markale saakay dibadbaxyo rabshado wata ay ka socdaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Dad u badan carruur iyo haween ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada gaar ahaan hotelka uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xildhibaanno la socda.

Sidda uu soo sheegay wariyaah Caasimada Online ee Baydhabo, qaar ka mid ah dadka ayaa ku dhawaaqaya hadalo culus oo ay ka mid tahay “Shariif Xasan banaanka ha u soo baxo maraqiisa ayaan cabeenaa iyo waa qaa’inu waddan calooshiis u shaqeyste ah”.

Xiisada ka taagan Baydhabo waxaa laga cabsi qabaa in ay isku badasho gacan ka hadal iyo dagaallo lagu hoobto siddaas waxaa leh dadka wax odorosa.

dibad bax

Dhinaca kale, waxaa isbitaalka guud ee Baydjabo ku geeriyooday wiil 16-jir ah oo ku dhaawacmay shaley rasaas ay fureen ilaalada Shariif Xasan Sheekh xilli ay dad careesan ku qamaameen hooyga uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Si kastaba, waxaa muuqata in labada dhinac ee isku haya Baydhabo in mid kasta uu taagan go’aan aan la isku soo dhaween karin, waxaana muuqan waanwaan ku aadan siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan Baydhabo.

Waxaa dalka ka maqan madaxda dowladda sidda madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha kuwaasoo ku kala maqan dalalka Kuwait iyo Uganda, halkaasoo shirar caalami ah ay uga qayb galayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro iyo Video: Beesha Sheekhaal oo ka carrootay go’aankii MUUNGAAB

Jaaliyadda Dalka Sweden gaar ahaan STOCKHOLM ee ka soo jeeda Degmada Kaxda ayaa ku eedeeysay Gudmiyaha Gobalka Banaadir,Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), in uu ka biyo diidsanyahay in aay Degmada Kaxda tahay Degmo Buuxdo oo ka Tirsan Gobalka Banaadir.

“Waxaa iskacad in uu Muungaab kala jeclaaday maamulada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo uu Qayb qabiil ku taageeray iyo Degmada Kaxda oo uu qabiil uga soo hor jeestay” ayay tiri beesha oo kullan ku yeelatay Stockholm.

k1Kulankaas ayaa baaq laga soo saaaray, baaqaas oo u qornaa sidan hoos ku xusan:-

1.Beesha reer Fiqi Cumar “Sheekhaal” waxey aad ugu xuntahay in uu Muungaab ka hor istaagay ka qeyb galka gudoomiyaha degmada kaxda kulan ay  lahaayeen gudoomiyaasha degmooyinka gobolka banaadir.

k22. Waxay beeshu cod dheer iyo mid gaaban ku cadeynaysaa in aysan u dulqaadan karin qaladaadka intaas la eg ee aan geedna loogu  soo gaban.

3. Waxay beesha Sheekhaaleed baaq u diraysaa dawladda dhexe ee Soomaaliya, baaqaas oo ah in ay arinkaas sida ugu dhaqsaha badan ku soo  fara galiso waxna ugu qabato gaar ahaan madaxweynaha oo ah shaqsigii u soo magacaabay muungaab xilkan.

k34. Waxay beeshu baaq u diraysaa maamulka gobolka Banaadir oo ay degmada Kaxdu hoos timaado gobol ahaan in uu cudur daar ka bixiyo xad gudubka iyo gefka loo geystay degmada kaxda iyo maamulkeeda.

5. In uu Muungaab kaga dhabeeyo balanqaadkii uu qaaday markii xilka loo doortay oo ahaa in uu ka shaqeyn doono cadaalada , hormar, iyo nabad kuwada noolaashaha gobolka banaadir.

k46. In dadka Soomaaliyeed ka daashay colaad iyo qabiil si xun loo isticmaalo, awooda oo si xun loo isticmaalana ay keeni karto dhibootooyin , muungaab iyo maamulkiisa taas qy maskaxda galiyaan.

7. Beesha waxa kale oo ay baaq u diraysaa dhamaan dadyawga ka soo jeeda degmada Kaxda in ay ka dhiidhiyaan arintan xun ee uu la yimid Muungaab.

8. Waxay ku baaqayaan jaaliyadda beel weynta Sheekhaal ee dalka sweden midnimada iyo isku xirnaanta beesha meelkaste ay aduunka dacaladeeda ka joogaan iyo in hal dhinac looga  soo jeesto arintan uu la soo shir tagay Muungaab.

k79. Waxaaan ugu baaqaynaa buslshada ka soo jeedo degmada kaxda in ay maal gashadaan degmdooda, sidoo kale ay u huraan dhiig ,maskax iyo maal intaba.

Sidoo kale beshu waxay shalay kulan arintaas ku saabsan ku yeelatay magalada Londonm

Halka ka daawo video-ga

Baydhabooy ka maseyr Gaalkacyo inta aad dagaal geli lahayd !! (Faallo)

Markii ay dhacdey Dowladii Miltariga Sannadkii 1991 ayaa waxaa Abuurmey Jabhado Magaca ugu horeeya uu yahay S oo ay ka wadeen Soomaaliya ,waxaana si Miyir la’aan ah ay Beel waliba u samsyatey Urur u gaar ah,

markii laga xiso dhacay ayaa waxaa hadana lagu daatey in Beel walia ay samysatey Maxkamad Islaami ah oo u gaar ah , hase yeeshee Shaqsiyaad gaar ah ayaa Kacdoon kasta ka Faaiideystey oo ku gaarey Maqaam sare , waxay hadba meel soo Tu’atu Xaalada Soomaaliya , ayaa haatan waxaa bilowdey in la sameysto Maamul Goboleed ka dib markii la qaatey wax loogu yeerey Federaal 2004, waxaana sii saacidey markii Gobolo ka tirsan Soomaaliya si rasmi ah looga qayb geliyey Kulamadda Caalamiga ah .

Xiligaan ayaad moodaa in uiu sii Laba kacleeyey Arrimihii Maamul Goboleedka oo Federalku taageerayey oo si aad loogu waaashey , waxaana lagu dhawaaqey Dhowr Maamul oo qaarkood oo ilaa iyo hadda Khilaafkoodu uu taagan yahay, Tusaale hadii aan soo qaadano Maamulkii laga sameeyey Magaaladda Kismaayo ,waxaa ku daatey Dhiig fara badan oo ilaa hadda aan laga gaarin wax Xal ah maadaama inta badan Beelhii Degenaa Gobolada Jubada Hoose , Jubada Dhexe iyo Gedo ay si aad ah uga soo horjeesteen, waxaa Fududeeyey Maamulkaas ku dhawaaqistiisa Ciidamada Kenyaoo soo galey Soomaaliya Sannadkii 2011 qabteyna Magaalada Kismaayo ooo Istaajiiji ah , waxayna dadka Odorosa Siyaasada ay rumeysan yihiin in Maamulka Kismaayo uu soo Gabagaboobayo marka ay Ciidamada Shisheeea ka baxaan Goboladaas.

Maamulkaas markii la saamyey ayaa waxaa hadana la dhisey Dhowr Maamul ugu dambeeyey midkii Lixda Gobolka oo isna markiba la Mucaaradey oo Xitaa ay ka hor Timid Dowladda Federaalka , waxayna Dowladda Fedraalka u Ololeyneysaa sidii uu u dhaqan geli lahaa mid Saddexda Gobol ah hase yeeshee Dulucda Sheekadu waxay tahay sidee Laba Maamul uga wada shaqeyn karaan Magaalada Baydhabo? Waxaan weydiiyey Su’aashaan Saciid Guuleed oo ah Odey Soomaaliyeed oo mudo u soo joogey Xaaladda Soomaaliya waxaana uu yiri “waxaa wax laga xumaado ah in Magaalada Baydhabo maanta laga sameeyo Laba Maamul oo is Feer socda taasoo aan dani ugu jirin Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo , waxaana aaminsanahay in arrintaan ay ka dambeeyaaan Dowlado Shisheeye oo aan marnaba dooneyn in Soomaaliya ay degto” waxaa uu sii raaciiyey

“Waxaan moodayey in dadka Soomaaliyeed ay in ku filan ka haysto Dhibaatada Soomaaliya hase yeeshee waxaa dhab ah Muddo 23 Sanno ka dib aysan Soomaaliya wax waayo aragnimo ah ka helin wixii la soo marey, iyadoo Xaaladda Soomaaliya marba marka ka dambeysa ay ka sii dareyso , waxaa Bulshada inta badan markii aad weydiiso oo aad tiraahdo ka waran Sannadihii Qabqablayaasha waxay markiiba la soo boodfayaan “ma Sanadihii Nabada” xagee nabadi taaley waa la ogaa wixii la soo marey oo rafaad ahaa, marka arrintaa waxay kuu cadeyneysaa in Xaalka Soomaaliya uusan fari ka qodneyn, waxaana Xaqiiqo ah in Baydhabo mar kale ay u Durbaan tumaneyso Colaad Sokooye haddi aan laga shaqeysiinin Caqliga wanaagsan “

Cabdi Cali waa nin dhalinyaro oo aad ula socda Xaaladda Soomaaliya waxaan isna weydiiyey waxaa ka socda Magaalada Baydhabo waxaan uu yiri “ waxaan leeyahay reer Baydhabo hadii aysan ku heshiin oo aysan hal maamul Sameysan waxaad mareysaan Kuwii idiin ka horeeyey halki ay mareen, hadii taa laga maarmi waayo waxan leeyahay Magaaladda Gaalkacyo waxaa ka jira Laba Maamul oo kala ah Maamulka Puntland iyo Maamulka Galmudug kuwaas oo Maamuladooda iyagoo Hal Magaalo ka wada dhisan si Nabadgelyo ah ugu wada nool oo qola waliba iskiid u Qaraabato, marka waxaan leeyahay reer Baydhabo “ Isma Hurtooy ha is haleyn” waxan Aaminsanahay in aydaan kala maarmin , Shisheeyaha Gadaal idiin ka riixayana aad ka Foojignaataan ” waxaa uu intaa kudarey.

“Magaalada Baydhobo markiiba wxaa laga dareemey Saansaantii kala qaybsanaanta oo si Nabadgelyo ah u socoto, waxaa dadka isku Aqoonsadaan Qofka Lixda Gobol Taageersan waxaa uu taagaayaa Lix farood oo uu Dadka ku Salaamayaa , halka kuwa taageersan sadexda Gobol I iyana taagayaaan Saddex Farood , isku Qosalkaas hadda ka socda magaalada Baydaho ma yahay mid sii socon doona mise markii Maamulka Saddexda Gobol lagu dhawaaqo oo ay Magaalada yeelato Laba Madaxweyne waxaa Dhici doona Gacan ka Hadal oo aan ka Cabsi qabo in Xaaladdu sii adkaato , waxaanna soo jeedinayaa in looga Gudbi karo iyadoo si taxadar leh loo Wajaho waxa ka socda Magaaladda Baydhab oo ay Odayaashu u Guntadaan ugu yaraan sidii loo joojin lahaa Dagaal suurtagal ka dhiga in uu Magaalada uu ka dhaco ”

Cabduqaadir Sope Allaha u Naxariistee oo ahaa Siyaasi si weyn looga yaqaan Beelaga Digil iyo Mirifle ayaa waxaa la weydiiyey Siyaasiga uu ugu Jecel yahay, waxana uu ku Jawaabey “ Waxaan ugu Jecelahay Col Maxamed Nuur Caliyow oo si aad ah Siyaasada isaga soo horjeedaan, waxaa la sii weydiiyey Sababta uu ku xushey Ninkaas waxaana uu yiri “ Col Maxamed Nuur Caliywo si kasta oo aan isaga soo horjeedno ugu yaraan waxaa uu ku Maqan yahay Dan Digil iyo Mirifle” Hadaba Siyaasiyiinta maanta ku loolamaya Baydhabo ma ka suurrtowdaa Siyaasada Noocaas Marxuum Cabduqaadir Sope

Ugu Dambeyntii Magaaladda Baydhabo oo waxa hore loogu yeeri jirey Baydhabo Janaay hase yeeshee Dagaaladii Sokeyey waxay soo martey Macluul aad u daran oo waxay Magaaladda Baydhabo qaadatey oo mar loogu yeerey Magaalada Geerida, sidoo kale waxay soo martey Colaado Sokeeye oo ay ku naf waayeen dad fara badan , oo waxay dib u soo kabatey Markii Dowladii Cabdulaahi Yuusuf oo Xarun ka dhigtey Magaaladda Badhabo taasoo dadka ku nool Magaaladaas dib u Xasuusisey mar kale Magacii Baydhabo Janaay, hadaba Bulshada ku nool Magaaladda Baydhabo ayaa Magaaladooda ka badbaadin kara Colaad Sokeeye hadii taa la waayana sidaan hore u soo sheegneyna Magaalada Gaalkacyo waxay marti gelisey Laba Maamul oo si Nabad ah loogu wada nool yahay, iyadoo Magaaladaas wada degan yihiin dad Xaqjiriin ah Mowqifyadooda kala fog yihiin oo waliba Dagaalo qaraar soo dhex marey marka Magaaladda Bayadho oo aan ognahay in ay wada degan yihiin dad isku beel ah oo aan sinaba u kala maarmin waxaan leeyahay Baydhabooy ka Maseyr Gaalkacyo inta aad Dagaal Geli lahayd !!

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

 

Daawo Video: Wasiir ka tirsan DFS oo kasoo jeeda woqooyi ayaa midnimada dalka dhaawacay (Hadal aad u weyn)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ka tirsan dowladda federaalka Somalia, oo deegaan ahaan kaso jeeda deegaanada waqooyi ee la baxay Somalilad, ayaa ku hadlay ereyo liddi ku ah qarannimada Somalia, isaga oo muujiyey in dalka uu laba u kala qeybsamay

Waa Wasiirka Macdanta iyo biyaha Dowladda Federalka Somalia Jamac Oday oo qabiil ahaan u dhashay Isaaq gaar ahaan Habar Jeclo, wuxuua yiri “DALKII LA ISKU ORAN JIRAY SOMALIA EE BURBURAY SANADKII 1990-kii”

Horey ayaa wasiirkii arrimaha dibedda Somalia Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi waxa ay u diiday inay qirto in midnimada Somalia ay tahay lama taabtaan, ayada oo tiri “Somalia iyo Somaliland-ba waa labadeyda dal”.

Jaamac Oday wuxuu horey uga mid ahaa Maamulka Somaliland, wuxuu la ilma adeer yahay Siilaanyo.

Hadalka Wasiir Jaamac Oday wuxuu qof kasta oo waddani ah ku noqonayaa dhaawac uusan qalbigiisa ka bogsoon ebid maxaa yeelay waa arrin la yaab leh sida Wasiir ka tirsan Dowladda Federalka Somalia ugu tiraabo erayo nuucaas ah?

Halkan ka daawo Hadalkiisa

Xilalka dowladda Somalia, ayaa u eg un kuwo loo soo shaqo doonta, oo aanay qasab ahayn muwaadannimo, waxaana taas u daliil ah in xittaa madaxweyne Xasan Sheekh uu lee yahay la-taliye caddaan ah oo ajnabi ah.

Waxaa iminka la is-weydiinayaa Baarlamaanka Somalia tilaabo maka qaadi doonaa Jaamac Oday? Ra’isulwasaare Cabdi Wali xilka maka qaadi doonaa?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Cumar Burale oo weeraray A/Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Buraale Axmed oo ka mid ah ragga mucaaradka ku ah Axmed Madoobe ayaa caawa weerar ku qaaday maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna ku eedeeyay in ay ku guul dareesteen in ay wax ka qabtaan falalka ammaan darida ee ka dhaca magaalada Kismaayo.

Cumar Buraale waxaa kaloo uu diidday in uusan aqoonsaneen maamulka KMG ah ee Jubba, isagoona yiri “Waa jabhad xoog ku qabsatay Kismaayo, oo Kenya ay ku adeegato, iyaga ayaana la rabay in ay ammaanka wax ka qabtaan”

Wuxuu sheegay in la rabay maadama ay magaalada gacanta ku hayaan in ay sugaan ammaankeeda, balse waa ay ku guul dareesteen ayuu yiri.

“Annaga magaalada Kenyaatiga ayaa naga soo saaray, koox jabhad ah ayaana gacanta ku heysa, iyada la rabay in ay ammaanka adkeeyso, Kismaayo waxa ay ka yertahay xaafaddaa Madiino, waa magaalo afar km ah oo cidda wax ku disha aaney ku dhammaan karin balse habeen walba cid ayaa lagu dilaa” ayuu yiri Cumar Buraale oo la hadlaay Idaacadda maxaliga ee Goobjoog.

Ugu dambeyn Cumar Buuraale, wuxuu madaxda dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabtaan dhibaatada ka taagan magaalada Kismaayo oo dadka habeen iyo maalin lagu xasuuqayo maadama la rabay in dadkii deegganka ahaa la barakiciyo oo la geeyo dad kale sidda uu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

KISMAAYO oo aan caadi ahayn caawa

Kismaayo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dileen qof rayid ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose

Goobjoogayaal ayaa sheegay in koox ku hubeysan bastoolado ay caawa fiidkii ku dileen xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo qof rayid ah, ninka la dilay ayaa la sheegay in murmeen mid ka mid ah kooxda dilka geestay.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka,iyadoo ninka dilka geystayna la sheegay inuu durba goobta ka baxsaday.

Dilka kaddib waxaa goobta gaaray ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba, kuwaasoo billaabay howgallo lagu soo qabanaayo kooxda dilka geestay.

Waa dilkii labaad oo ka dhacay magaalada Kismaayo, muddo 24-saac laga joogo, waxaa shaley galab xaafadda Calanleey lagu dilay ugaaskii beesha Cawramala, Xuseen Xaafow.

Ma jirto ilaa hadda dilka habeenkii labaad oo isku xigga ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, oo maalmahan dambe noqotay meel dadka lagu dilo

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

Shariif Xasan oo Baydhaba laga baadi goobayo iyo hub isu urursi ka socda

Beydhabo (Caasimada Online) – Xiisado ayaa weli ka taagan Degmada Baydhabo ee Gobolka Bay halkaasoo ay isku haystaan Taageerayaasha Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan iyo kuwa Madaxweynihii loo doortay dhawaan Maamulka 6-da Gobol ka kooban ee Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed.

Dadweyne careysan ayaa Maanta galay Guri uu lahaa mid ka mid ah Mas’uuliyiintii Jabhadii RRA-da, halkaasoo ay ku tuhumeen inuu ku jiray Xildhibaan Shariif Xasan, Laakiin markii ay ka waayeen ay dib uga soo laabteen.

“Boqolaal dadweyne ah ayaa galay guriga, waxaa markii hore u diiday inay guriga galaan ciidamada Ethiopia ee AMISOM ka tirsan, balse markii ciidamadu ay yaabeen ayay ku fasaxeen wayna kasoo waayeen Shariif Xasan” ayuu yiri ruux dibadbaxa ka qaybqaadanayay oo la hadlay Warbaahinta.

Wadooyinka Mgaaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugnaa maanta dadwene badan oo ka Careysan imaatinka Shariif Xasan oo hogaaminayay dhismaha Shir halkaas ka socda oo la doonayo in lagu dhiso Maamul Goboleed.

“Shariif Xasan wuxuu doonayaa inuu gobolka kala gooyo, wuxuu doonayaa inuu ka dhigo Baydhabo meel lagu dagaalamo, sidaa daraadeed ma doonayo, waa inuu ka baxaan magaalada, halkii uu doonayana uu aado” ayay tiri haweeney 70-jir ah oo ka mid ahayd dadkii dibadbaxa ka qaybqaadanayay.

Ciidamada AMISOM ayaan wax taalaabooyin ah qaadin marka laga soo tago inay si aad ah u adkeeyeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo iyo Saldhiga Booliiska oo ay ku sugan yihiin ciidamo isugu jira Somalia iyo Ethiopian.

Maalintii sadexaad ayaa waxaa maanta xirnaa Iskuulada, Jaamacadaha,Ganacsiga iyo weliba goobaha ay dadku isugu yimaadaan sidamaqaahiyaha, iyadoo xiisadan ay noqonayso tii ugu xumayd oo Baydhaboka dhacda Muddo Sanooyin ah.

Xildhibaan Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa dhankiisa ku adkeysanya inuusan Baydhabo ka baxayn, uuna dhisayo maamul ka kooban Sadex Gobol, kaasoo uu sheegay inay meel gabo-gabo ah marayo dhismihiisa.

Wararka, ayaa sidoo kale sheegaya in dhiacyada isku haya magaaladaas in ay isku hub aruursanayaan, oo waxaa laga cabsi qabaa in magaalada Beydhabo uu ka dilaaco dagaal xooggan.

Arrintan ayaa daba socota markii maanta ciidamo ilaalo u ah Shariif Xasan Sheekh iyo xildhibaanno kale oo ku sugan Beydhabo ay toogteen wiil 16-jir oo la sheegay in uu watay calanka maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed.

Wiilka ayaa la sheegay in uu dhaawacmay, wuxuuna ka mid ah dadweyne fara badan oo maalintii seddaxaad dibadbaxyo rabshado wata ka dhigaya magaalada Beydhabo gaar ahaan hooyga uu deggan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku howlan dhismaha maamul cusun oo ka kooban seddax gobal.

Labada dhinac ayaa la sheegay in mid kasta uu u diyaar garoobay dagaal uu ku difaaco maamulkiisa, waxaana shacabka magaalada ay ka cabsi qabaan In dagaalladaas ay ku wax yeeloobaan.

Dhinaca kale, waxaa socda kulamo looga gun lee yahay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan Beydhabo oo ka dhalatay markii xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay tageen maalin ka hor magaaladaas si ay u dhisaan maamul ka kooban seddax gobal.

Xildhibannada ku sugan Beydhabo ayaa la doonayaa in ay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho balse waa ay diiddan yihiin in ay dib ugu laabtaan Muqdisho iyagoona ku adkeesanaya in ay meel marin doonaan qorshaha ay u yimadeen Beydhabo.

Dadka dibadbaxaya waa taageerayaasha maamulka cusub ee lixda gobal, kaasoo uu madaxweyne u yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shariif Xasan oo loo sheegay in uu ka tago Beydhabo kadib markii Ethiopia…

Beydhabo (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa maanta shir ku yeeshay, saraakiisha ciidanka Ethiopia ee qaybta ka ah kuwa AMISOM, xildhibaanno ay ka mid yihiin Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Ibraahim Xaabsade, iyo Cabdifataax Geeseey.

Kulanka oo saxaafadda laga qariyay ayaa looga hadlay siddii loo qaboojin lahaa xiisada ka taagan maalintii 3-aad magaalada Beydhab, waxaa kaloo la sheegay in Shariif Xasan loo sheegay uu dib ugu laabto Muqdisho.

Madoowe Nuunow Maxamed oo madaxweyne u ah maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa  Sheegay Shariif Xasan loo sheegay in uu dib ugu laabto Muqdisho isla markaana uu joojiyo xiisada uu ka wado Beydhabo sidda uu sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Ma cadda in uu Shariif Xasan Sheekh Aadan oggolaaday in uu dib ugu laabto Muqdisho oo markii horre uu ka yimid iyo in uu diiday qorsha loo soo jeediyay.

Si kastaba, waxaa maalintii 3-aad magaalada Beydhabo ka socda dibadbax rabshado wata oo sababay in la xiro goobaha ganacsiga iyo waxbarashadda.

Dadka dibadbad baxaya ayaa taageersan maamulka lixda gobal ee uu madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow Maxamed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: Xamar & isbedelka habeenkii

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo Xiligii habeenkii si weyn isku badashay Bilic ahaan & Muuqaal ahaan, Muqdisho in aad joogto ma u maleyneysid sida Magaaladu dhan ay u wada ifeyso.

Muuqaal kooban oo laga sameyay Nalalka Samaafaraha & Shacabka habeenkii Muqdisho ka damaashaadana oo si nabadd ah ku mushaaxaya Wadooyinka Magaalada ee nala daawo adaa ka heli doonee.

HALKAAN KA DAAWO:

 

QM oo ka digtay dagaal PUNTLAND iyo Somaliland ka dhex qarxa (Warbixin)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay xiisad ka aloosan maamulada Somaliland iyo Puntland.

Isagoo ka hadlaayay danjire shir ka dhacay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay xiisada ka taagan deeganno ay isku heestaan Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo ku yaalla gobalada Sanaag, Sool iyo Ceyn.

Mr Key ayaa u sheegay madaxda joogtay shirka guddiga nabadgalyada iyo amamanka Midowga Afrika in uu ka walaacsan yahay xiisada ka aloosan labada maamul.

Danjire Key oo ka hadlay xiisada ka taagan Somaliland iyo Puntland
Danjire Key oo ka hadlay xiisada ka taagan Somaliland iyo Puntland

‘’ Waxaan ka walaacsanahay xiisada miliateri ee u dhaxeysa Somalilad iyo Puntland ee gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana ugu baaqayaa dhinacyadaas in ay deganaansho abuuraan lagana hortag wax kasta oo ka dagaal oo hor soodi kara,’’ ayuu ku yiri Mr Keny.

Danjire Key ayaa sidoo kale labada dhinac ugu baaqay in ay miiska wadahadalka ku dhammeesyaan wax kasta oo muran ah intii ay dagaallami la haayeen oo shacab masaakiin ay ku baabi’ lahaayeen.

Xiisada ka dhex taagan maamulada Puntland iyo Somaliland, ayaa salka ku heysa markii toddobaadkii horre madaxweynaha Soomaalilad uu si kadis ah ku tagay deeganno ay ku muransan yihiin labada maamul.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

RW CABDIWALI oo sheegay in maamul goboleed loo dhisayo 3-da gobal

Muqdisho (Caasimada Online) – Sidda ay baahisay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho, ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maamul gobaleed loo dhisi doono gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Idaacadan maxaliga ah ayaa sheegtay in ay heshay war-qad ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha, taasoo la sheegayo in ra’iisal wasaaraha uu doonayo in maamul gobaleed loo dhiso seddaxda gobal ee Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu ku baaqay in dhinacyada isku haya Beydhabo in ay joojiyaan xiisada ay ka wadaan halakas isla markaana cid kasta oo qas abuurta lala xisaabtamo doono sidda uu sheegay ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli ayaa waxaa kaloo uu amar ku bixiyay in ciidamada ammaanka ee ku sugan Beydhabo ay gacan bir ah ku qabtaan ammaanka magaalada isla markaana ay badibaadiyaan dadka shacabka ah iyo siyaasiyiinta.

Ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo uu hoosta ka xariiqay in barnaamijka lagu dhisaayo maamulka seddaxda gobal in uu kala kaashan doono guddoomiyaha golaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Ugu dambeyn warqada ka soo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa loogu baaqay beesha caalamka in ay taageerto qorsha uu wado ra’iisal wasaaraha ee la doonayo in maamul loogu dhiso seddaxda gobal ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Si kastaba, magaalada Beydhabo waxaa maalintii 3-aad ka taagan xiisad ka dhalatay imaatinka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo u ololeenayo dhismaha maamul seddax gobal ka kooban.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

SHARIIF XASAN: Qorshaha aan u nimid Beydhabo waa uu hirgali doonaa

Beydhabo (Caasimada Online)-Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markale soo hadlay isagoona sheegay qorshaha ay u joogaan Beydhabo oo ah in ay sameeyana maamul gobaleed ka kooban seddax gobal uu hirgali doono.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku weerarray sidoo kale kooxo uu sheegay in ay yihiin kuwa doonaya in ay nabad galyo la’aan ka abuuraan magaalada Beydhabo, wuxuuna sheegay in ay adeegsadaan dhallinyarada oo ay lacago siiyaan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa kaloo uu beeniyay hadal uu sheegay guddoomiyihii horre ee baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ahaa in uu hub la tagay magaalada Beydhabo, isagoona hadalkaas ku tilmaamay mid been abuur ah.

Shariif Xasan ayaa ugu dambeyn sheegay in uu Beydhabo u joogo siddii uu badbaadin lahaa dadka deggan gobalada seddaxda ah ee maamulka loo sameenaayo.

Dhinaca kale, wararka saakay naga soo gaaray Beydhabo ayaa shegeay in magaalada ay kacsan tahay oo waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo waxbaradaha, waxaana magaalada lagu arkayaa dadweyne careesan oo ka soo horjeeda joogitaanka Beydhabo ee Shariif Xasan.

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay xiisadda ka aloosan magaalada Beydhabo taasoo laga cabsi qabo in ay isku badasho dagaal lagu hoobto, waxa ay ku baaqeen in la joojiyo xiisada ka taagan Beydhabo waxaana ay ku baaqeen in miiska wadahadalka la fadhiisto.

Caasimada Online

Xafiska Wararka Nairobi

[email protected]

DHAGEYSO: Dilkii Ugaaska Cawramale oo lugaha la galay AXMED MADOOBE

Kismaayo (Caasimada Online) – Odayaasha ku nool Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose, ayaa xaqiijiyey in dilkii loo geystay Ugaaska Beesha Cawramale Xuseen Hafow inay ka dambeeyeen maleeshiyada Axmed Madoobe.

Cabdi Isxaaq Maxamed oo ka mid ah Waxgaradka Kismaayo ayaa Idaacada Risaala u sheegay in dilka Nabadoonka ay ka dambeeyeen ciidanka Maamulka Jubba, gaar ahaan waxa uu farta ku fiiqay Wasiirka arimaha gudaha maamulka Jubba Mr Darwiish.

Nabadoonkaan wuxuu sheegay in shalay Kismaayo lagu xir-xiray lix ruux oo qaab beeleed loo bartilmaameedsaday, hadana isla shalay Kismaayo lagu dilay nin Oday ah oo kamid ah Nabadoonada Kismaayo sida weyn looga yaqaano.

Maamulka KMG ee Jubba ayuu ku eedeeyay mid gabigiisba ah qabiil oo aan natiijo badan laheyn isaga oo quus ka muujiyay habka qabiilka ah ee Maamulkaasi uu ku dhaqmayo.

Hadii xaalada sidaan ay kusii socoto, wuxuu sheegay inay qaadan doonaan tilaabo uusan sheegin waxa ay tahay, laakiin aysan dulqaad badan ulaheyn arimaha ka taagan Kismaayo.

Halka ka dhageyso Nabaddoon Cabdi Isxaaq

nabaddoooon

Masuuliyiin u hadlay maamulka KMG ee Jubba, ayaa sheegay in dilka Ugaas-ka loosoo qabtay labo ruux oo iminka gacanta lagu haayo.

Dilalka loo geysanayo dadka Nabadoonada ah ayaa kusoo badanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbadda hoose.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

C/Weli oo taageeray qorshaha Shariif Xasan isagoo amar siiyay AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in uu ra’iisal wasaaraha cambaareenaayo rabshadaha ka taagan magaalada Beydhabo, halkaasoo ay ka socdaan shirar iska soo horjeeda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa si cad ah u amaray ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay in badbaadiyaan wafdiga Shariif Xasan uu hoggaaminaayo ee gaaray Beydhabo, islama karaana wasaaraddaha arrimaha gudaha iyo amniga laga doonayo inay sugaan ammaanka odayasha ku howlan dhismaha maamulka seddaxda gobal.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha waxaa kaloo lagu sheegay in dhawaan la qaban doono shirweyn lagu dhisaayo maamul seddax gobal ka kooban.

Wuxuu dhinaca isku haya Beydhabo ugu baaqay in ay joojiyaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal iyo iska hor imaad ka dhacay magaalada.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa laga dheehan karaa in dowladda ay taageersan tahay qorshaha uu wato Shariif Xasan Sheekh Aadan ee in la dhiso maamul kooban seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeelllaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxaa ka cusub magaalada Kismaayo kadib dilkii ugaaska caanka ahaa?

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas xaley laga sameeyay howgallo dad badan lagu soo qab qabtay.

Howgalka ayaa daba socda dilka kooxo ku hubeysan bastoolado ay shaley ugu geesteen nabaddoon caan ka ahaa magaalada Kismaayo.

Nabaddoon Xuseen Xaafow, ayaa ahaa ugaaska Beesha Cawramale.

Wariye ka tirsan Caasimada Online, oo ku sugan Kismaayo ayaa soo sheegay in uu arkay dad  aad u fara badan oo ay ku jiraan dhallinyaro.

Waxaa kaloo la lee yahay howgalka waxaa lagu soo qabtay labo nin oo la sheegay in ay wateen bastoolado kuwaasoo looga shakisan yahay in ay ka dambeeyeen dilka Nabaddoon Xuseen Xaafow.

Intii howgalka socday waxaa istaagay oo la xiray goobaha ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gaadidka gudaha magaalada.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay dilka nabaddoonka, balse dilkiisa waxa aad uga naxay odayaasha dhaqan ee Jubbooyinka, kuwaasoo sheegay in uu nabaddoonka ahaa qof aad u cibaado badan oo aan wax siyaasad ah ku dhex jirin.

Wuxuu ugu dambeeyay dilka nabaddoonka dilal dhowr ah oo ka dhacay magaalada, waxaa ka horreeyay oo toddobaadkii horre magaalada lagu dilay nin farsamo yaqaan korantada ahaa, waxaa kaloo jirra dad kale oo lagu dilay magaalada.

Ma cadda kooxda dilalka ka geesata magaalada Kismaayo balse dad deeganka waxa ay lee yihiin waxaa qaar badan fuliya rag xiriir la leh maamulka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]