28.3 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Qoys Somali ah oo carruur ay dhaleen looga qaatay dalka Norway, Sabab?

Oslo (Caasimada Online) – Mid ka mid ah hey’addaha badbaadiya carruurta ee dalka Norway ayaa afar qaatay afar carruur ah oo ay dhaleen qoys ku nool Waqooyiga dalkaas.

Arrintan ayaa daba socota markii wiil ay dhaleen qoyska uu si kadis u geeriyooday, taasna ay keentay hey’addu in qoyska ka qaadato carruurta deetana ay xabsi dhigtay hooyadii iyo aabihii dhalay carruurta.

Si kastaba, qoyska ayaa dhawaan tagay dalka Norway oo waaba ay ku cusub yihiin, waxaana ay ahaayeen qoys aad u fiican oo xaneeneesta carruutooda sidda uu sheegay guddoomiyaha jaaliyada deegankaas Maxamed Baxnaano.

Wiilka geeriyooday oo ahaa seddax jir ayaa ku dhintay isagoo la cayaaraya ilmaha kale ee qoyska ay dhaleen, waxaana la sheegay in tiro ka labo jeer uu wajiga dhulka ku dhusaday.

Wiilka waxaa kaloo la sheegay in uu xanuunsanaa oo wareega madaxa ayaa ka weynaaday, sidda uu sheegay Maxamed Baxnaano oo u warramay VOA-da.

Markii la xiray hooyada iyo aabaha dhalay carruurta la qaatay oo magacyadooda lagu soo gaabiyay Maxamed iyo Fahiimo hooyada waa la iska soo daayay, aabihiina waxaa lagu xukumay afar toddobaad oo xarig ah.

Hey’addan waxaaba la lee yahay in ka badan 2000 oo carruur Soomaali ah oo laga soo qaatay qoysas Soomaali ah ayeeba heesaa, badnaana dib looma soo celiyo carruurta.

Arrintan waa mid ay ku badan tahay qoysaska Soomaalida ee ku nool qurbaha, waxaana ay inta badan dhacdaa marka uu khilaaf soo kala dhex galo labada tiir ee qoyska oo ah Aabaha iyo Hooyada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub

[email protected]

Daawo Video: Yeey u xiran yihiin qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho?

Shacabka ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho & Darawalada Gawaarida Dadweynaha oo ka cabanaya xirnaansha Wadooyin muhiimka u ah isu socodkooda Magaalada iyo Xaafadaha ay dagan yihiin taas oo ay xirteyn Hey’addo & Safaarado.

Arinta laga cabanaya ayaa ah in Xirnaanshaha wadooyinka qaar aysan ka hadli karin Madaxda dowlada taa oo keeneysa Caqabad xoogan oo Shacabka Muqdisho ay walaac ka muujiyeyn ee nala daawo Muuqaalkani Cabashada Shacabka Muqdisho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Howgallo caawa ka socda MUQDISHO iyo mas’uul dowladeed oo lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online)-War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa fiidkii magaalada ay ka dhaceen howgallo ay sameenayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Howgalka ayaa waxaa laga sameeyay degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigleey, waxaana sidda uu oo sheegay wariyaha Muqdisho, lagu arkayay xaafadaha ciidamo fara badan oo baaraya guryaha.

Waxaa kaloo la arkayay dhallinyaro aad u tira badan oo ciidanka ay ka soo qabqabteen xaafadaha howgallada ay ka dhaceen.

Howgalka intii uu socday waxaa lagu arkayay degmada Wardhiigleey mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo uu ka mid yahay Gen Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo guddoomiyaha gobalka Banaadir.

Ma jirto cid ka hadashay howgalka caawa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho

Dhinaca kale, kooxo hubeysan ayaa xaafad ku dhow Isbitaalka Xoogga ee degmada Hodan ku dileen haweeney ka tirsaneed hey’addaha garsoorka dalka.

Haweeneyda ayaa la sheegay in ay dileen rag ku hubeysan bastoolado dabadeedna waa ay baxsadeen.

Goobta waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasoo baaritaano ka wada xaafada uu dilka ka dhacay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Jawaab ku socota qoraalkii “Haddan Hiiraan loo kala sii qaybin karin labo gobol, maxaa talo ah?” ee uu qoray Abdulkadir Abiikar Hussein

0

Marka hore waxa aan jawaab toos ah siinayaa qoraaga Abdulkadir Abiikar, aniga oo uga jawaabaya suaashiisii ku saabsanayd in aan Hiiraan loo kala qeybin Karin laba gobol, kadibna uga  jawaabi doono qodobadiisii uu soo bandhigay aniga oo qodob kasta mid mid uga jawaabi doono.

Haddii aan ku hormaro oraahda dhahaysa “haddii aan Hiiraan loo kala qeybin Karin labo gobol”-   Hadalkaan waa hadal aanan laga fiirsanin oo la iska yiri ,oo aanan ku saleysneyn wax xaqiiq ah, qoraaguna wuxuu soo bandhigay waxa isaga uu jecelyahay iyo sida uu u arko gobolka Hiiraan, laakiin uu qoraagu illaawey in mar hore Madaxweyne Soomaaliyeed oo baarlamaan soomaaliyeed doorteen- Madaxweyne Shariif Skeikh Ahmed- uu dikreeto ku soo saaray kala qeybinta gobolka Hiiraan isaga oo u kala qeybiyey laba gobol oo kala ah ; gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeelada Sare. Waxa kaliya oo ay shacabka gobolku sugaayeenna ay tahay in baarlamaanka Soomaaliya uu bedelo qodobka 49 ee dastuurka ku meel gaarka ah oo qeexaya in laba gobol iyo wixii ka badan oo ka tirsan 18kii gobol ee dowladdii hore ka tagtay ay midoobi karaan,samaysan karaana maamul goboleed.

Haddii aan u soo laabto qodobada uu qoraagu ku saleeyey doodiisa ah in aanay Hiiraan laba gobol noqon Karin, isaga oo isticmaalay dariiqad kasta oo uu ku marin habaabin karo aqristaha. Marka ugu horreysa ee ardayga la baraayo sida loogu been abuurto tirokoob (Statistics) ayaa qodobada ardayga loo sheego waxa ka mid ah inuu ka fogaado ;

A. Addition:  in uusan waxba ku darin (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

B. Subtraction: in uusan waxba ka gooynin ( xog-ururin)Data ama macluumaadka uu darsaayo.

C. Exaggeration: in uusan buun buunin ama ka badbadin ama siinin muhiimad aysan lahayn (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

D. Omission: In uusan qarinin qeyb ka mid ah (xog-ururin) Data ama macluumaadka uu darsaayo.

Qoraagu qodabadaas aan kor ku soo sheegay oo dhan ayuu isticmaalay si uu u qaldo aqristaha isagoo ku doodaaya in Hiiraan aysan gooni u istaagnaan karin. Qodabadii doodiisu ku salaysnayd aan fiirino;

1.” Bedka” ;

Qoraagu waxa uu ku dooday in Hiiraan bedkeedu aad u yaryahay (34,000 km²) laakiin aan barbar dhigno waddanka walaaleheen ah ee reer Djibouti oo tirada dadkoodu yahay (774,389) halka bedka ama baaxadda dalkuna yahay (23,000 km²).  http://www.infoplease.com/country/djibouti.html

2. “Hiiraan kama weyna gobollada cusub ee sammaysmay ka dib sideeddii gobol marka la qeybiyay”:

 Halkaan qoraagu waxa uu sameeyey qodob ka mid ah qodobada aan kor ku soo sheegay oo ah (omission) waxa uu shaxdii uu soo gudbiyey ka saaray goballada ka baaxadda yar Hiiraan oo ay Hiiraan ku laba laabanto bed ahaan, kana tirsan gobolladii cusbaa ee samaysmay kadib markii la qeybiyey siddeedddii gobol ee hore, waxaana ka mid ah gobolladaas;

A. Awdal oo baaxaddiisu tahay (16,135 km²).

B. Shabeellada Dhexe oo baaxaddiisu tahay (18,515 km²).

C. Jubbada Dhexe oo baaxaddiisu tahay (18,724 km²).

Waxa kale oo uu qoraagu sameeyey (Addition) taas oo uu kordhiyey ama wax ku daray baaxadda ama bedka gobolka shabeellada dhexe. Sida aad kor ku aragtaan baaxadda gobolku waa ( 18 515 km²), isagana waxa uu ka dhigey ( 22,000 km²). Sidoo kale waxa uu kordhiyey baaxadda gobolka jubbada hoose oo uu ka dhigay (61,000 km²), halka bedka saxda ah ee gobolka jubbada hoose uu yahay (47,632 km²). Gobolku waxa uu ka kooban yahay afar degmo oo kala ah ;

A. Afmadow bedkeeduna yahay (26,737 km²)

B. Badhaadhe bedkeeduna yahay (9,583 km²)

C. Kismaayo bedkeeduna yahay (9,165 km²)

D. Jamaame bedkeeduna yahay (2,147 km²)

Sidoo kale gobollo badan oo uu bedkooda si khalad ah u soo gudbiyey ayaa jiro ,laakiin waqti uma haayo marka qodobka kale ayaan u sii gudbaayaa.

3. “Bad ayay u baahan tahay Hiiraan”:

Hiiraan bad la’aan ma hayso oo waxa ay ka tirsan tahay waddan la yiraahdo Soomaaliya haystana xeebta labaad ee Afrika ugu dheer taasina waa fikir khaldan oo ku salaysan siyaasadda shisheeyuhu gadaal ka riixayaan oo ah in waddanka dhawr gobol oo qabiil ku salaysan laga dhigo. Illaa iyo waqtigii dagaalka sokeeye billowday ganacsatada reer Hiiraan waxa ay alaabadooda kala soo degaayeen ugu yaraan 70% dekedda Boosaaso, iyaga oo gaadiidka alaabtaas soo qaadaayana ay gobollada Puntland geeyaan khudaar noocyadeeda kala duwan tahey sida mooska, babayka, basasha, canbaha, qaraha iwm. Hadaba hadii ay ganacsatada reer Hiiraan alaabadooda kala soo degaayeen 20kii sano ee ugu dambeysay dekedda Boosaaso oo u jirto masaafo lagu qiyaaso 1,500 km iyaga oo aan ka tirsaneyn maamulka Puntland, maxaa ku qasbaaya in ay la midoobaan shabeelada dhexe si ay wax ugala soo degaan dekedda ciga iyo Mareeg oo qiyaastii u jira Hiiraan 80 km. Iyaga oo aanan la midoobin ayey ganacsi la samayn karaan walaalohooda Shabeelada dhexe sida ay ganacsi ula sameeyaan walaalohooda reer Puntland. Ogow Itoobiya oo aan bad laheynba waa nool yihiin. Marka doodaan waa dood aad u jilicsan.

4. “Maxaa Hiiraan kaligeed u istaagi karin haddii labo gobol laga dhigo”?

Qoraagu waxa uu ku dooday qodobbo kala duwan waxa diidaya in aysan Hiiraan kaligeed istaagi Karin , isaga oo halkaanna sameeyey qodob ka mid ah qodobadii aan kor idiinku soo sheegay oo ah (exaggeration) ama buun buunin, marka aan mid mid u qaadanno;

4a.” Dastuurka ayaa diidaya in hal gobol kaligiis istaago”.

Waqtigii ay odoyaasha Soomaaliyeed ansixinaayeen dastuurka federaalka ,qodobada la isku mari waayey waxa ugu horreeyey arrinta Hiiraan. Odayaashii reer Hiiraan waxa ay soo istaageen illaa iyo inta laga bixinaayo qodobka sheegaaya laba gobol iyo in ka badan oo ka tirsanaa 18 kii gobol ayaa maamul samaysan kara in aysan aqbali doonin dastuurkaan, cid ku qasbi kartana aysan jirin. Si loo ansixiyo dastuurka waxa lifaaq lagu sameeyey dastuurka oo oronaya in arrinta Hiiraan  lagu xalliyo baarlamaanka. Marka qoraagu wax uu kala socdo ma jirto arrinta Hiiraan iyo dastuurka.

4b. Hiiraan waa “ waa baital cankabuut” oo bedkeeda ayaa yar (34,000 km²);

Qoraagu isaga ayaa is beeniyey, Tusaale ahaan haddii aan u soo qaato oo aan ku raaco isaga qiyaasta dadka uu ku sheegay in ay Hiiraan ku nool yihiin oo ah (351,700) oo qof, ka dibna loo qeybiyo bedka gobolka oo ah (34,000 km²) si aan u helno waxa la yiraahdo (population Density) waxa ku soo aadaya dadka reer Hiiraan 10kii qofba        (1 km²), halka Soomaaliya lagu qiyaasay sanadkii 2011 in 16kii qof oo Soomaali ahba ay ku soo aadday (1 km²). United Kingdom 259kii qofba (1 km²). Eithopia 89kii qofba (1 km²).

http://data.worldbank.org/indicator/EN.POP.DNST?order=wbapi_data_value_2010+wbapi_data_value&sort=asc

Marka oraahda ah haddii Hiiraan laba gobol loo qeybiyo bedkeeda ayaa yar waa hadal aan waxba ka jirin. Tusaalayaal kale haddii aan soo qaato oo beeninaaya oraahdaas qoraaga waxa ugu horreeya, haddii Hiiraan laba loo qeybiyo ( Hiiraan iyo Shabeelada Sare) gobolkiiba waxa ku soo aadaya dhul baaxaddiisu dhan yahay ( 17,000 km²) , gobol kasta oo ka mid ah gobolladan cusub ee Hiiraan iyo shabeellada sare wuxuu ka weyn yahay ama le egyahay qiyaastii dhul ahaan gobol ka mid ah saddexda gobol oo aan kor ku soo sheegay oo kala ah Awdal, shabeellada dhexe iyo Jubbada dhexe. Akhristoow xusuusnow dastuurka uu qoraagu ka hadlay waxa uu oggol yahay in baaxad ahaan ay Awdal iyo shabeellada dhexe midoobi karaan ama shabeelada dhexe iyo Jubbada dhexe middobi karaan haddii ay deris ahaan lahaayeen.

Qoraagu waxa uu aad u buun buuniyey muhiimadda uu bedku ama baaxadda gobol ama waddan uu leeyahay, bal aan tusaale kale u soo qaadanno waddanka Canada oo ah waddan Federal ah; Nunavut bedkeedu waa (1,877,787,62 km²) , dadka ku nool gobolkaasna waa 31,906 qofood, halka Ontario oo shacabkeedu yahay 12,851,821 ay ku fadhiso dhul bedkiisu yahay ( 908,607 km²) . Sidoo kale waxa dastuurka Canada u oggol yahay gobolka la yiraahdo Prince Edward Island (PEI) oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 140,000 oo qofood kuna fadhiya dhul baaxaddiisu tahay ( 5,685 km²) in ay gooni u taagnaato ahaatana (Province) ama maamul goboleed ka tirsan federalka Canada , waxna la qeybsato labadaas gobol oo kale oo aan sheegay ee Nunavut iyo Ontario, oo dad ahaan iyo dhul ahaanba aan isku dhaweyn.

http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_Canadian_provinces_and_territories_by_population

Qoraaga waxa ka muuqata aqoon darro ku aadan mawduucaan uu falanqeeyey. Tusaale haddii aan soo qaato marka la rabo in xuduud la sameeyo ha noqoto mid maamul (administrative boundary) ama mid doorasho (electoral boundary) waa in tixgelin la siiyaa taariikhda dhulka , danaha ummadda meesha deggan (community interest) iyo xoogagga ummadda isku heyn kara ama kala daadin kara ( centrifugal forces and centripetal forces). Marka tixgelintii magaca gobolka iyo muhiimadda dadka ku nool gobolkaba wuu iska indha tirey.

Marka caga jugleyntaan la isku qasbaayo meel raac ama “koobka dacarta waa lama huraan” ma garanaayo meesha ay ka timid iyo cidda reer Hiiraan ku qasbaysa ama Mudug iyo Galguduud raac ama Shabeellada dhexe raac. Mustaqbalka gobolka waxa go’aan ka gaari karo dadka reer Hiiraan.

Gabagabadii, gobolka Hiiraan waa gobol isaga iyo dadkiisuba taariiq dheer ku dhex leh bulsho weynta Soomaaliyeed, waxa uu ku yaallaa meel muhiim ah, ilaahey waxa uu ku maneystey kheyraad isugu jira xoolo, beero, macaadiin iyo dad leh karti iyo aqoon.Tirada dadka ku noolna waxa dadka qaar ku qiyaasaan inay ka badan tahay 500,000 oo qof. Sidaa daraadeed Hiiraan uma baahna inuu gobol kale la midoobo.

Mohamed Isse Mudey, waxaad kala xiriiri kartaa [email protected], Plymouth, Minnesota.

Dhageyso: Hibo Nuura oo goobjoog u ahayd qarixii maanta kana sheekeysay

Muqdisho (Caasimada Online)-Fannaanada weyn ee Hibo Maxamed (Hibo Nuura) oo ka mid ahayd 150 qof oo ku sugnaa Hotelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Mudisho ayaa ka warbixisay qarrax maanta duhurkii halkaas halkaas ka dhacay.

Iyadoo la hadleysay galabta VOA-da ayaa sheegtay in markii qarraxa ay maqashay isku naxday balse dadkii joogay xafladda ay ku yiraahdeen “Ha cabsan waxaan waa cadddi”

Waxa ay sheegtay in xafladda oo ahayd mid loogu dabaal dagayay sannad guuradii labaad ee Idaacadda maxaliga Mustaqbal ay ku sugnaayeen xildhibaanno, Cabdirashiid Dahabshiil, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo fannaaniin.

Hibo Nuura oo qarrixii ugu horreeyay la kulantay maanta
Hibo Nuura oo qarrixii ugu horreeyay la kulantay maanta

Hibo Nuura ayaa sheegtay in muddo seddax bil ah ay joogto magaalada Muqdisho, qarrixii maantana uu ahaa kii ugu horreeyay ay la kulanto nolasheeda.

“Dadkii meesha joogay waxa ay ahaayeen xariifiin, waayo qarraxyo badan ayey u soo joogeyn waaba kala garanayaan sidda ay u kala culus yihiin qarraxyada, oo markii aan naxay waxaa la i dhahay waxaan waxaa laga wadaa waan joognaa camal” ayey tiri Hibo Nuura.

Waxaa la weydiiyay in wax saameyn ah ay ku yeelan doonto qarraxa maanta ay la kulantay, waxa ay muujisay in wax saameyn ah aaney ku yeelan doonin xilliga uu illaah ugu talagalayna ay dhimmaaneyso.

Ugu dambeyn Hibo waxaa la weydiiya in ay soo aragtay goobta qarraxa uu ka dhacay, waxa ay sheegtay in ay goobta qarraxa soo aragtay oyadoona tiri “Waxaan ku soo arkay goobta baabuurkii qarxay iyo kuwa kale oo ka agdhawaa oo wax yeelo ay soo gaartay”

Dhageyso Hibo Nuura

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog dheeri ah oo kasoo korartay qarixi maanta ka dhacay magalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Faahfaahin ayaa laga helaya qarax ismiidaamin ah oo maanta duhurkii ka dhacay dhabarka dambe Hotelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho.

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaa ku jirra askari katirsan ilaalada hotelka sidda uu sheegay taliyaha ciidanka booliska ee degmada Hodan Maxamed Daahir oo saxaafadda la hadlay qarraxa kaddib.

Waxaa kaloo qarraxa uu wax yeelo soo gaarsiiyay gawaari iyo dhismooyin ku yaallay hotelka, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Hotelka uu qarraxa ka dhacay waxaa xilligaas ka socotay xaflad loogu dabaal dagayay sannadkii guuradii labaad ee ka soo wareegtay Idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho markii la dhisay.

Waxaa xafladda ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow iyo afhayeenka ra’iisal wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabidweli.

Dadkii ku sugnaa xafladda waxbo ma aaney gaarin, waxaana markii qarraxa uu dhacay la sheegay in dadka ay kala carareen iyagoona ka cabsi qabay in qaraxyo kale ay ka dhacaan goobta.

Ma jirto cid sheegatay qarraxa maanta ka dhacay Hotelka Makah Al-Mukaramah oo ku yaalla waddo muhiim ah oo ay adeesadaan madaxda dowladda.

Waa weerarrkii labaad ee lagu qado Hotelka Makah Al-Mukaramah, 8-dii bishii November ee sannadkii horre ayaa weerarrar lagu qaaday xilli habeen ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Sawirrada: Fannaanada Farxiya KABAYARE oo Muqdisho gaartay

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaartay fannaanada weyn ee Farxiyo Maxamuud Cabdulle (Farxiyo Kabayare).

Fannaanada waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, fannaaniin, wariyaal iyo dadwweyne fara badan.

Fannaanada markii ay ka soo degtay diyaaradii ay la socotay waxaa sujuud la dhacday ayadoo faraxsan gudaha garoonka, waxaana ay sheegtay dareenkeeda in aaney la soo koobi karin marka loo eego in ay timid waddankii ay ka soo jeeday ee ay u dhalatay.

Fannaanada waxaa kaloo soo dhaweeyay barbaarta gaashaman kuwaasoo heeso iyo ammaan u jeediyay Kaba Yarre.

Fannaanada ayaa ka mid ah fannaaniinta gabdhaha ee sidda weyn waa yahan dambe ay u jecel yihiin dad weynaha gaar ahaan dhallinyarada.

Waxa ay maalmahan joogtay magaalada Nairobi halkaasoo heeso iyo bandhig faneed ay ku qabtay, waxaa la filayaa in isna uu magaalada soo gaaro fannaanka kale ee Axmed Rasto oo isna hadda ku sugan Magaalada Nairobi

640x480x374.jpg.pagespeed.ic_.Q2F4CGBFb4

640x480x462.jpg.pagespeed.ic_.uQIpVV17Xh

640x480x651.jpg.pagespeed.ic_.QpgKSC12e7

640x480x289.jpg.pagespeed.ic_.22TA5PKZ3J

640x480x1140.jpg.pagespeed.ic_.HIdTaOAodO

640x480x1139.jpg.pagespeed.ic_.FFn7F7BUUy-1

640x480x836.jpg.pagespeed.ic_.IgNcdltsdZ

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo: XAMAR iyo horumarka maanta

Horumarka dhan walba leh ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxuu gaaray Banaanada Magaalada waxaana si xowli leh ku soconaya dib u soo celinta Bilicda Caasimada ee Muqdisho.

Muuqaalkani waa mid ku tusinaya sida Magaalada looga wado Horumarka dib u dhiska & dib u soo celinta Sharafkii Caasimadda Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Shirqoolkii Dahabshiil ee Al-Barakaat, 13 sano kaddib maxaa xigi doona?

Sedex iyo toban sano kadib ayey Cadaaladii guuleeysatay,waxaa mira dhalay daacadnimadii Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo Shirkadiisii Al-Barakaat xaqdarro loo xiray,sidoo kalena xoriyadiisii safarada loo xanibay.

Qaraar ka soo baxay golaha amaanka ayaa lagu shaaciyay in Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale xor yahay, sidoo kalena waxaa la fasaxay hantidii Shirkadiisa Al-Barakaat.

Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo sedex iyo toban sano ahaa DHIBANE u nugul hanjabaada iyo gardarooyinka lagula kaco, wuxuu laacay guul taariikhi ah, oo bulshada ka baran karaan in SAMIRKU yahay guusha Geesiga.

Waan hubaa in Axmed Nuur Cali Jimcaale marna ku lug yeelan arrimo argagixiso, balse waxaa dhibaatada ugu weyn ee cadawgiisa uga faa-iideeysteen ay tahay lugtii uu ku lahaa iyo gacantii uu siiyay Urur diimeedka Al-Itixaad.

Shirkadda Dahabshiil oo weerarkii 9/11 u aragtay fursad qaaliya, ayaa xanibaadii la saaray Al-Barakaat abaabushay sida la xaqiijiyay, hasse yeeshee waxaan Calaamatu su-aal saarayaa waxa xigi doono sedex iyo toban sano kadib?

Shirkadda Dahabshiil ma wajahi doontaa jidkii Al-Barakaat oo bulshada Caalamkana maka marqaati noqon doontaa Al-Barakaat oo dib loo furay iyo Dahabshiil oo la xiray?

Ila wareedyo muhiima waxay sheegeen in macluumaadka la helay sidaas xaaladu u badan, hasse yeeshee waxaa aad loo wada sugayaa Warbixinta gudigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee Eretria iyo Somalia soo saari doonaan 28 March 2014.

Dhinaca kale, waxaa su-aal ka taagan tahay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ma rumeeysan doonaa in dagaalka lagula jiro yahay mid qabiil ? mise wuxuu moodayaa mid ku saleeysan arrimo diimeed?

Fikirka uu qabo wax badan lagama oga, maxaa yeelay waa nin afgaaban, hasse yeeshee danta waxay ugu jirtaa inuu ka fogaado ku lug lahaansho arrimo urur diimeed nuuc kastaba? maxaa yeelay waa jidka qura ee xoolahiisa lagu xalaaleeysan karo, cadawgiisa guul ka raadin karaan .

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Jimcaale
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

MeydkaTubeec oo berri lagu aasayo…

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoomiyaha golaha baarlamaanka ahna ku-sumaha madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa maanta oo Sabti ah shaaciyay in maalinta berri ah magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameyn doono fannaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec oo dhawaan ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla dalka Jermalka.

Jawaari ayaa sheegay in meydka marxuumka in laga soo qaaday Jermalka isla berrina laga soo dajin doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guddi u xil saartay aaska allaha ha u naxariisto Maxamed Saleebaan Tubeec maadama uu ahaa fannaan doorweyn ka soo qaatay horrumarka fanka iyo gobonimada Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan aaska loo sameenaayo marxuumka maadama uu ahaa fannaanka geeriyooday Soomaaliya oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

DEG DEG AH: Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)- War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday baabuur in uu goordhow ka dhacay Hotelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho.

Qarraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay qaybta dambe ee hotelka, sidda uu soo sheegay wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho.

Hotelka waxaa ka socotay xaflad loogu dabagaal dagaayay sannad guuradii labaad ee ka soo wareegtay markii la dhisay Idaacadda maxaliga ee Mustaqbal.

Waxaa hotelka ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ka mid ahaayeen afhayeenada madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Inta la ogyahay labo qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen oo uu ku jirro askari katirsan dowladda.

Warar dheeri ah kala soco Caasimada Online

SHAACIN: Xiriir ayaa ka dhaxeeyay FBI-da Mareykanka iyo Al-Qacida + Video

Washington DC (Caasimada Online) – Warbixin baaritaan ah oo uu sameeyay wargeyska Washington Times ayaa shaaca ka qaaday in uu jiray xiriir toos ah oo dhexmari jiray FBI-da Mareykanka iyo shabakadda Al-Qacida.

Warbixintan uu daabacay wargeyska ayaa shaaca ka qaaday inay jireen shaqsiyaad u shaqeeya FBI-da Mareykank, oo ka tirsanaa Al-Qacida.

Wargeysku wuxuu sheegay in xarun ku taalla magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka oo qaabilsanayd la dagaalanka argagixisada ay ka tirsanaayeen shaqsiyaad dhowr ah, oo sidoo kalena ku jiray Al-Qacida.

Su’aalo fara badan ayaa soo baxay tan iyo markii uu wargeysku arrinkan soo bandhigay, waxaana su’aasha ugu weyn ay ahayd, haddii FBI-da ay shaqsiyaadku dhexlahayd Al-Qacida, side ayay ku ogaan weysay weerarkii September 11, mise waaba ay ogeyd?

Warbixin ay arrintan ka diyaarisay CNN, halkan hoose ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
[email protected]

Video: Horumarka iyo bilicda degmada ugu wax qabadka badan Muqdisho

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka soconaya dib u dhis xoogan oo dib loogu soo celinayo Bilicdii magaalada ay lahaan jirtay ayadoo ay ka soconayaan Howlahaasi Dgemooyinka Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Degmooyinka ugu wax qabadka iyo howsha badan ee Magaalada Muqdisho ayaa idiin soo  gudbinayaa Muuqaal laga soo duubay oo ka hadlaya waxqabadka & howsha ka soconeysa ee nala daawada.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Sawirro: AUN Cali Hiiraan oo la aasay

Muqdisho (Caasimada Online)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu aasay allaha ha u na xariistee Cali Xasan Aadan (Cali Hiiraan) oo ka mid ahaa jilayaasha ugu caansan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa saakay aroortii wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Madiina halkaasoo uu maalmahan uu ku xanuunsanayay.

Aaskiisa waxaa ka qaybgalay dad u badan wariyaal iyo dadweyne kale, waxaana lagu aasay qabuuraha Barakaat ee duleedka Muqdisho.

Marxuumka ayaa ifka uga tagay afar carruur ah oo uu dhalay

Wuxuu la soo shaqeeyay Idaacado fara badan oo ku yaalla caasimada sidoo kale wuxuu la shaqeeyay Talafishanada af Soomaaliga ku hadla.

Marxuum Cali Hiiraan ayaa in u dhintay xanuun in muddo hayay, kaasoo markii dambe uu u galay Isbitaal.

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Shabaladda Caasimada Online waxa ay tacsi u dirayaan dadkii uu ka baxay marxuumka.

Bidix Marshaale AUN iyo Cali Hiiraan oo maanta geeriyooday
Bidix Marshaale AUN iyo Cali Hiiraan oo maanta geeriyooday

 

1521707_10152260771759339_268603350_n

10003279_10152260771574339_1944617953_n

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

VIDEO: Dhacd xanun badan Hooyo Soomaaliyeed ku qabsatay Sacuudiga

Hooyo Soomaliyeed oo Lagu Magacaabo Sahro Maxmed Salaad ayaa kasoo Degtay Garoonka Diyaarada ee Aadan Adde Airport ee Magaalada Muqdisho, Kadib markii Tacadi, Iyo Tarxiil ay Isugu soo Dareen Ciidamada dalka Sacuudi-ga.

Waxay ka hadhashay Hooyo Sahro Qiso xanuun Badan, Dhibkii loo gaystay, uyadoo Uur-leh oo guriga laga soo saaray, halka ay ku dhashay Cunuga Seddexaad & sidii loola dhaqmay markaasi.

Ugu danbaynta ayaa waxay ka hadashay soomaali si arxan daran loogu diley hortooda markii ay usoo gurmadeen, waxayna daaha ka rogtay waxyaabo badan oo wax laga waydiiyey.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Japan oo lacago Malaayin dollar ugu deeqday Somalia kaddib markii…..

Tokyo (Caasimada Online)-Wakaalada wararka dalka Japan, ayaa maanta oo Jimco ah qortay in dowladda Japan ay 40-Milyan oo dollarka Maraykanka ugu deeqday dedaalada lagu horrumarinaayo Soomaaliya.

Lacagtan ayaa looga dhawaaqay kulan madaxweynaha Soomaaliya uu kula qaatay Caasimada Tokyo ra’iisal wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe Khamiistii.

“Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iideysan doonaan shacabka Soomaaliyeed sida gargaarka beni’adamnimadda, caafimaadka,tayeynta ciidamada boliiska iyo shaqo abuuris loo sameynayo dhalinyaradda iyo dumarka Soomaaliyeed” ayuu yiri Mr. Abe.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra'iisal wasaaraha Japan Japan Shinzo Abe
Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha Japan Japan Shinzo Abe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay hadda ku sugan magaalada Tokyo ayaa uga mahad celiyey dowladda Japan sidda ay markasta u la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Japan ayaa safka horre ka gashay waddamada doonaya in ay kaalmeeyaan Soomaaliya oo muddo ka badan 20-sanno ku jirtay dagaallo wajiyo badan lahaa oo dad iyo duuny meertay halka kuwa kalena oo dadkaas ah dalka ka hayaameen oo ay maciin bideen waddamo fogfog.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Tokyo

[email protected]

Axmed Nuur Cali Jimcale & shirkaddii Barakaat oo xayiraddii laga qaaday

New York (Caasimada Online)- Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa xayiraadii saarneyd ka qaaday gudoomiyihii shirkaddii Barakaat Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale.

Xayiraadda dhanka safarka iyo hantidiisa ayaa waxay saarneyd ganacsade Ahmed Nuur Muddo 13 sano ah kaddib markii lala xiriiriyay in gacan saar u la leeyahay ururro Islaami ah oo xag jir ah oo Soomaaliya ka dagaallamo.

Isagoo la hadlaayay Idaacadda BBC-da ayuu Sheekh Axmed Nur Cali Jimcaale,wuxuu usheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xayiraadii laga qaaday.

Mar la weydiiyay dareenkiisa sidda uu yahay, wuxuu xusay in dareenkiisa uu la mid yahay qof xabsi ku jiray oo laga sii daayay ama qof hantidiisa iyo maalikiisa la xayiray oo laga sii daayay.

Wuxuu sheegay muddadii ay saarneed xayiraada in ay soo wajahday shirkadiisa Barakaad dhibaatooyin fara badan oo xittaa dad badan ay hanti ugu xayirtay.

Wuxuu Sheekh Axmed Jimcaale sheegay in uu aad ugu mahad celinaayo dadkii ka shaqeeyay in xayiraada laga qaado isaga iyo shirkadiisa.

Wuxuu kaloo caddeeyay in dadkii hantida ay uga luntay xayiraada la saaray shirkadiisa in ay dib u heli doonaan sidda caaddiga ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Xog: Qadar iyo DFS oo isku dhacay iyo dhaqaalihi la siin jiray DF oo la hakiyey

Dubai (Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordhayso Xiisadda u dhexeeysa Dowladaha Carbeed ee isku maan-dhaafsan Siyaasadda la xiriira Ururka Akhwaanul-muslimiinka Masar, ayaa waxaa la dareemayaa inay Dowladda Somalia la kulmayso Takoor ka dhan ah.

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya inay Dowladda Qatar oo ka mid ahayd Dowladaha taageeradda ugu badan siin jirtey Dowladda Somalia inay haatan saluug xooggan ka qabto inay Dowladda Somalia qeyb ka tahay dagaalka Siyaasadeed ee Dowladaha Imaaraadka Carbta, Sacuudiga iyo Baxrayn kula jiraan Dowladda Qatar oo lagu dhaliilayo sida xad-dhaafka ah ee ay Dowladda Qatar iyo Waraabhinteeda u taageeraan Kooxda Akhwaanul-muslimiinka ee Kacdoonka iyo Dibadbaxyadda ka wada dalka Masar.

Diplomaasi ka mid ah Diplomaasiyiinta u dhuun-duleela arrimahaasi, ayaa sheegay in Dowladdaha Carbeed ee uu ka dhexeeyo dagaalka siyaasadda inay u arkaan Dowladda Somalia mid u janjeerta dhinaca Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Booqashadii uu Ra’isul-wasare C/weli Sheekh Axmed dhawaan ku tegay dalka Imaaraadka Carabta ayaa abuuray Xasaasiyad, iyadoo Dowladda Qatar u aragtay inay Dowladda Somalia jaal la noqotay Dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga oo iyagu dagaal diplomaasiyadeed kula jirta Siyaasadda Dowladda Qatar.

Ilaha Diplomasiyadda ayaa tilmaamay inay Dowladda Qatar hakisay Kaalmooyinkii Dhaqaalaha ee ay Dowladda Federalka siin jirtey, waxaana suurto-galay inay Dowladda Qatar albaabadda ka laabato Somalia.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayey Dowladaha Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Baxrayn waxay Safaaradahooda kala baxeen dalka Qatar, iyadoo taasi ay sababtay inay Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta u kala qeybsamaan kuwa taageersan Siyaasadda Sacuudiga,Imaaraadka iyo Baxrayn iyo kuwo u janjeera Siyaadda Qatar.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
[email protected]

Qorshaha MUUNGAAB oo laga digay in uu dhaqan cusub kusoo furi karo DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyaha cusub ee Banaadir Janaraal Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa soo jeediyay in dhammaan hay’adaha ammaanka ee gobolka la hoos keeno taladiisa, haseyeeshee khubarada millatariga ayaa leh tallaabada caynkaa ah waxay carqalad ku noqon kartaa, halkii ay ka hagaajin laheeyd, xaaladda ammaanka.

Markii uu Muungaab hoggaanka kala wareegay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan 4-tii March, waxa uu sheegay in mudnaanta koowaad uu siin doono sidii uu kor ugu qaadi lahaa ammaanka magaalada, si taa loo sameeyana, waxa uu soo jeediyay in taliyaha booliska gobolka uu isaga si toos ah u hoos yimaado.

“Waxan doonayaa in aan idiin sheego in [hay’adaha ammaanka] ay tahay in ay si toos ah u hoos yimaadaan guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho,” ayuu Muungaab ka yiri hadal uu ka jeedinayay markii uu xafiiska la wareegayay. “Waa inay si toos ah u hoos yimaadaan, waana inuu amarrada maalinlaha ah siiyaa, inuu siiyo gunnadooda uuna la xisaabtamo.”

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in haddii wax “caqabad” ah la hor dhigo dhaqan-galinta qorshihiisa cusub ee ammaanka uunan wax mas’uuliyad ah ku lahaan doonin xaaladda ammaanka ee gobolka. Saraakiisha ammaanka iyo sirdoonka gobolka ayaan si rasmi ah uga hadlin qorshaha guddoomiyaha.

Si kastaba ha ahaatee, qaddiyaddu waxay tahay sida loo dhaqan-galin karo la wareegiddaas talada iyada oo aan wax laga baddalin hoggaanka taliska ciidanka.

Xilligan bilayska Muqdisho waxa ay ka tala-qaataan taliyaha bilayska gobolka, oo isagana hoos yimaada taliyaha bilayska qaranka, halka adeegga sirdoonka Banaadir ay hoos yimaadaan hay’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliya, oo ah Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka (NSA).

“Waa wax cusub in dhammaan hay’adaha ammaanka ee ka howlgala Muqdisho la hoos keeno awoodda guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir,” ayuu yiri Janaraal Maxamed Nuur Galaal, oo ahaan jiray wasiir ku-xigeenkii wasaaradda difaaca ee maamulkii Maxamed Siyaad Barre.

“Iskaashi ayaa ka dhex jira oo askarta NSA iyo bilayska gobolku way wadashaqeeyaan, iyaga oo labaduba mas’uul ka yihiin ammaanka gobolka. Laakiin mid waliba waxay leedahay [hoggaankeeda talis ee u gaarka ah],” ayuu sheegay, isaga oo intaa ku daray in qorshaha Muungaab uu gabi ahaanba jabinayo qaab-dhismeedkii soo jireenka ahaa ee ammaanka.

Galaal waxa uu sheegay in haddii guddoomiyaha cusub la siiyo awoodda uu ku maamuli karo dhammaan hay’adaha ammaanka ee Muqdisho, ay khasab tahay in dib loogu noqdo qaab-dhismeedka hay’adaha ka shaqeeya magaalada caasimadda ah sifo ay iskula-jaanqaadaan isla mar ahaantaana la isku dhafo talisyo kala duwan.

Dhammaan hay’adaha ammaan ee ka shaqeeya gobol u weyn una ballaaran sida Banaadir ma hoggaamin karo hal qof, ayuu sheegay Galaal.

Tallaabada Muungaab waxa ay horseedi kartaa dhaqan cusub

Daahir Timocadde oo ah korneeyl howlgab ah, kana tirsanaan jiray Ciidanka Soomaaliya xilligii maamulkii Barre, ayaa sheegay in haddii taliska dhismeed ee bilayska iyo nabad-sugidda gobolka Banaadir la hoos geeyo Muungaab, ay dhalin karto in guddoomiyaha gobol walba uu dalbado sidaa oo kale.

“Ma rumeeysni in guddoomiyaha cusub la siiyo awooddaas,” ayuu yiri.

“Hay’adaha ammaanku waa in ay madax-bannaanaadaan si ay u gutaan shaqadooda si markaa uunan dalku ugu dhicin fowdo isla markaana guddomiye gobol ee walba u oran, ‘Hay’adaha ammaanku waa in ay hoos yimaadaan awooddeeyda,'” ayuu yiri. “Waxa jira haya’do dhisan oo u xilsaaran arrimaha ammaanka. Marka, waa in hay’adahaasi lagala xisaabtamaa wax walba oo khuseeya ammaanka waana in loo madax-bannaaneeyaa shaqadooda, isla markaana ay sii bilaan wax walba oo wadashaqeeyntooda ah.”

Timocadde waxa uu sheegay in si loo hagaajiyo ammaanka, ay khasab tahay in dib-u-habeeyn lagu sameeyo hay’adaha ammaanka ee gobolka Banaadir.

“Waxay ila tahay in ay ka wanaagsanaan lahayd in gabi ahaanba la eryo oo la baddalo hoggaanka bilayska iyo adeegyada sirdoonka ee gobolka Banaadir isla markaana la hubiyo in uu jiro isla xisaabtan dhab ah,” ayuu yiri.

Timocadde ayaa ku ammaanay Tarsan in uu guulo waaweeyn ka gaaray ammaanka Muqisho iyo arrimaha bulshada.

“Saddex sano ka hor, caasimadda uma qurux badneeyn sida ay hadda tahay, gaar ahaan laamiyada oo hadda dib loo dhisay oo lagu rakibay nalalka ku shaqeeya soollarka,” ayuu sheegay. “Sidaa darteed, waxan kula talin lahaa guddoomiyaha cusub in uu ku daydo guddoomiyihii ka horreeyay, oo aanan wali fahmi karin sababta xilka looga qaaday iyada oo aan wax eedeeyn ah loo soo jeedin.”

Dhiniciisa, ayuu afhayeenka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in hay’adaha ammaanka la hoos keeno guddoomiyaha gobolka.

Hay’adaha ammaanka ee gobolka Banaadir waxa ay ka amar qaataan bilayska qaranka iyo NSA-da labadaba, ayuu sheegay.

“Ammaanka aad ayuu u hagaagi lahaa haddii laamaha ammaanka la hoos keeno oo ay ka amar qaataan [hal talis] oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir,” ayuu Cismaan yiri. Taliska cusub ee loo soo jeediyay ammaanka gobolka waxa uu sidoo kale isku darayaa adeegga sirdoonka gobolka iyo guddoomiiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, ayuu sheegay.

Sida ku cad qorshaha cusub ee Muungaab, degmo walba oo ku taal Muqdisho waxay lahaan doontaa talis degmo oo dhinaca ammaanka ah, kaas oo ay ku jiri doonaan taliyaha bilayska degmada iyo guddoomiyaha maxkamadda degmada.

“Waa sidan qaabka aan ku dooneeyno in aan ku sugno ammaanka magaalada, kaasoo askarta bilayska u oggolaan doona in ay qabtaan howlgallo ammaan oo joogto ah oo laga fuliyo xaafadaha degmada, si ka duwan sida hadda xaal yahay oo ay kaliya howlgallo waaweeyn ka fulin karaan isgooysyada laamiyada Muqdisho,” ayuu yiri Cismaan.

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Arbacadii (12-kii March), ayuu ku sii dhameeystiray dib isugu shaandheeyntii uu ku sameeyay madaxda sare ee maamulka gobolka isaga oo magacaabay afar mas’uul oo kale.

Kamaaludiin Daahir Xasan ayaa loo magacaabay guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee siyaasadda iyo arrimaha diblomaasiyadda, Ismaaciil Cabdi Guure guddomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha maamulka iyo maaliyadda, Iimaan Nuur Iikar guddoomiye ku-xigeenka gobolka ee arrimaha bulshada iyo Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud Amiin oo noqonaya Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banaadir.

Cali Maxamed Guure, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee siyaasadda iyo arrimaha bulshada, Warsame Maxamed Xasan, guddoomiye ku-xigeenkii hore ee arrimaha ammaanka, iyo Cabdikaafi Hiloowle, xoghayihii guud ee hore ee maamulka gobolka, ayaa laga qaaday xafiisyadooda.

Isha: Sabahi Online