28.7 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Wadaad xume yaa naga waabiya!

0

Geelleydu marka ay diriraan, ama Geelba la dhaco, ama dhib dhaco, dhimasho iyo dhaawacna ka dhasho, waxaa ku baxa ODOYAAL magacyo badan kala leh, hal xirfadse wadaaga, oo ah NABADEYN iyo XASILIN, XAAL iyo XUMAAN bixin ama qaadid ayeyna ku soo xiraan gulufkii dhacay iyo godobtii la gaystay.

Waxaa is weydiintu tahay, ODAYA DHAQAMEEDKU ma sidaa bay mal walba ugu taagan yihiin hawshoodii? Inta aanan ka warcelin, waxaan jeclaan lahaa inaan mid hoosta ka xarriiqo, waxayna tahay; in uu dhacay wax aan anigu ugu yeero DHIMAAL DHAQAN! Waxaan uga jeedaa in berigii hore ODYAASHA warkoodu waxgal ahaa, wax badan baase iska badaleen.

Mashaqada maanta taagan waxay tahay, in aanba ODAY waanadiis iyo waxsheeggiis la dhagaysanayn, waxaana ugu wacan DHAQAN GUURKA dhacay iyo DHALAN ROGGA jira, maxaa yeelay, maanta wixii laga SARRIIGAN jiray ayaa loo siqayaa dhankeeda, ogaal iyo ogaal la’aanba. Cinwaanka qormadunu wuxuu ka mid yahay qaybtaa, waana midda igu qasabtay inaan bal qormadan xarriiqo, anoo og in ay dhalin doonto gunuunuc.

Haddii aan nahay BULSHO XUKUNKOODU ku dhisan yahay XEER BEEGTI iyo XEER JAJAB, haddii HOGGAANKA ay HORYAAL u yihiin GUURTU aan ku imaan DOORASHO iyo DABAQAD DIIMEED ama mid DARAJEED, DHAQAALE iyo DHIGAALba, waxayse horseed ku yihiin DHALYO iyo DHIIG oo dhinaca ah iyo DHAQAN iyo DHUG DHEERI oo dhinaca kale ah. Midda hore, waxay tahay DHAXAL, midda dambana waxay tahay DHAAYO FURNAAN.

Arartaa ka dib, aan u gudagalo gunta qormada, Maxamed Siyaad Barre ayaa markuu ka yaabay WADAADADII ka hor yimid hannaankii dawladdiisu u hirgalisay DIB U HABAYNNO badan oo la xiriira DHAQANKA, DHAQAALAHA, DHISMO MAANEEDKA iyo DHUGMADA dadka Soomaaliyeed, ayaa waxaa laga dhaxlay eray qiimo badan oo maanta saamayntiisa la hayo, wuxuuna yahay: “WADAAD XUME!”.

Hal ku dhag maalintaa aan la dhagaysan, oo loo arkay EEBBE ka fogaasho, haddi inay caradiisu nagu dagaysana shaki kama jirin! Maxamed Siyaad wixii uu qabtay dadku waxay ka sheegaan oo kali ah qoridda AFKA, waxayse hilmaamaan mar walba, inuu gacan bira qabtay WADAADADII isku dayey inay carqaladeeyaan hannaan dawladeedka curdunka ah, in kastuu dib QABIIL iyo EEX ku duway, qarankiina eeday.

Waagaa, DUNIDA MUSLINKA waxaa aad uga socday waxa aan maanta ku nool nahay, ee ah ARGAGIXISO DIINEED iyo WADAADDO XAGJIR ah, bal dib ha loo xasuusta waxa ka dhacayey dalalka kala ah: MASAR, TURKEY, URDUN, SURIYA, ALJERIYA, MAROOKO, TUNIS IKQ, xilligaa waxaa wadamadaa ka dhacayey falal arxandarro ah, kana dhan ah noolaha, oo lagu sameeyey magac diin, anaguse aan uga SAMATA BAXNAY go’aankii dawladdii Kacaanka.

Inta aysan ila gudbin faallaynta wixii dhacay, aan duljoogsado qodob muhim ah, ee mar walba la xiriira DHAQANKII hore iyo DHAQAN GUURKA dhacay, haddii ay tahay hab DIIMEED iyo HAB HIDDEEDBA, maanta magac WADAAD inuu noqday WAD caddayn uma baahna, oo qof walba waxaa u muuqda inta magaca diin lagu dhaamay.

Balse, xaalku sidaa ma ahayn mudda yar ka hor, oo WADAADADII hore waxay caan ku ahaayeen XIGMAD, XUSHMAD iyo XILKASNIMO. XIGMAD eray iyo Aayadeedba leh, XUSHMAD loo hayo iyo mid ay dadka u hayaan. XILKASNIMO ay ku gutaan xilka saran iyo farriinta ay doonayeen inay dadka gaarsiiyaan.

Aan bal tusaaleeyo sida CULUMADII hore ahaayeen, CULUMADII hore waxsheeggoodu kuma ekayn MASJIDKA, MAWLACA iyo XERTA dhexdooda kaliya, balse, waxay tagi jireen GOOBAHA CAWEYSKA, sida: CIRAAYAHA, DHAANTADA, WALISIQADA IWM, uma tagayn inay JAAN ka ciyaarka ka qaybgalaan, ee ujeedkoodu wuxuu ahaa, in RISAALADA RABBAANIGA ah dadka u gaarsiyaan, meel walba oo ay joogaan iyo hawl walba oo ay ku jiraan.

Sheekh Axmed Wacdiyoow, wuxuu ka mid ah yahay CULIMADAA aan isku soo xirin meel gaar ah, balse diinta gaarsiinteeda u tagay goob walba, wuxuu ka mid ahaa Culimada REER CADALE, waxaa laga reebay ERAYO dhaxagal, waxaanna ka xusi karnaa:

Jiljilcanaa jinihiinna taabtee

Jaxiimo Naar ma u joogsan doonaan?

Raran ninkii ku joogsadaa rabbeeyee

Ninkii lagu ruuracay xaad mudaysiin?!

Dhanka HALGANKII XORNIMA DOONKA Sheekh Axmed Wacdiyoow wuxuu ka yiri:

Soomaaliyaan u dagaallamaynaa

Dalkeenna ballaaran u dafacaynnaa

Kufriga soo dagay diida leenahay!

Dadka tus danahiisa aan leeyahay
Durriyaddaada dab looma aasee,
Kuwa dambaan u dariiq falaynaa!

Mar kale, isagoo isku xiraya RISAALADA DIIMEED iyo WADDINAYADDA, wuxuu yiri:

Rugta Qiyaamo minii roogsado

Rafato Naarana raar ka soo dhaco

Rabbiga weynnana raalli kaa noqon

Rasuulka Suubbanna uu ku reed maro

Illeen Risaaladiisi horaadna raacine

Haddoo raggow Qalbi waa rafaadaa!

Rajulka Kaafir ah oo rugtaan yimid

Sidii Rasuul Rabbo nooma soo dirin

Mana rabnoo naga reed bax waa niri

Haddaad ruux la gadaasho kaa roon

Reerkaad u kaashan lahaydna raagaan

Rabbiga weynnana raalli kaa noqon.

Sidoo kale, Macallin Xasan Fila Dheere oo ahaa REER AADAN YABAAL ayaa wuxuu tagay GOOB lagu SHIRAAYO, markuu dambcay inuu WACDI ka jeediyo, ayaa mid ka mid ah dadkii goobta joogay wuxuu ku yiri:

Kutub xun oo Kaboo kalaa

iyo ma keentay Koofi Macsiyeed?

Macallin Xasan Fila Dheere wuxuu ku jawaabay:

Kutub miyaa Kaboo kalaa

Korkaagu hays ku soo kudee!

Meeriska dambe, wuxuu u muuqdaa HABAAR oo kale, hase u qaadan sidaa, waa halqabsi iyo eray isa saar, imisa mar baad maqashay HOOYO leh: “DHAGAHA BEEL!” ma HOOYO ayaa ilamaheeda habaarayso? Warcelintu waa maya, CULIMADA XALAASHA ahna, kama suuragasho in qof ay doonayaan inay soo HNUUNSHAAN ay HABAARAAN! sidoo kale, waxaa la yiraa: “LAGU SII QAAD” ama “BALAAYO KUGU DHACDAY!

Haddii shalay sidaa la ahaa, maanta xaalku waa sidee? Kuma dheeraanayo, maxaa yeelay inta aan soo marnay ee aan wali ku dhex jirno ayaa nooga filan, balse, aan dhawr qodob dhigo, oo aan is leeyahay waxay sii fitiiminaysaa QATARTA jirta weynankeeda, maxaa yeelay sida loo HALLAABAY ayaa loo HALLEEYEY wax badan, oo lahaa IXTRITAAM lagana tallaabsaday wixii ANSHAX ahaa oo dhan.

Maanta Waddanka meel walba oo ka mid ah waxaa qasaya waa WADAAD, kuwa KOOFURTA fog ka dagi la’dahay waxay wataan magac diimeed, Muqdisha sidoo kale, heer ayba MADAXTOOYADII saldhigtaan, GOBOLLADA DHEXE kaba darane, BARI dhul dhan aaba ku xiran, WAQOOYI qudheeda ma caga badna, haddana, adba diin ka sug!

Qof walba oo afka kala qaada, wuxuu ku hal qabsanayaa eray DIIMEED, macne iyo muunaad waxa ka mlgan inay wada yaqaanniin ilama ahan, balse, maadaama ay iska noqotay HALQABSI casriga ayey noqotay: “WIXII CUSUBBA CAALAMKAA JECEL!’ waxaad arkaysaa, Wariye, Siyaasi, Ganacsade, Dhaqtar, Aqoon yahan IQB oo ku wada billaabanaya erayo Carbeed, oo diin loo ekaysiinayo, hubaal inay tahay DHAQAN soo galooti ah, haddana, aan lagu baraarugsanayn.

Waxa dhacaya kuwooda ugu xun waxaa ka mid ah, in DHAQANKII iyo HIDDIHII la DHIMAALay, waxaana ka mid ah, qaabka loogu dhawaaqo ama loo dhigo ERAYADA CARBEED ee lagu DIIMAYSTO, iyadoo halkaa loogu soo duggaalayo in la hirgaliyo in wax badan laga badalo qaabkii wax ahaan jireen, ma wanaag baa looga jeedaa iyo wax toosin? Aniga shaki baan ka qabaa.

Waxaa marar badan lagu celcelshay erayada qaarkood dhigaalkooda, oo salka loo galinayo Carabiga sidaa baa loo qoraa, balse, dadkani waxay iska indha laabayaan amaba aysan aqoon XEERARKA AF SOOMAALIGA, maxaa yeelay af marka uu eray ka soo amaahdo af kale, wuxuu hoos geeyaa astaamaha iyo qaacidooyinka afkaa ku shaqeeyo, illeen eragu marka uu afka soo galo ayaa ugu dambeeya asalnimaduu markii hore afka kale ku lahaa.

Aan tuseeleeyee, waxaa ka mid ah sida loo dhigo erayadan: MASHAA ALLAAH, SALAAMU CALAYKUM, IWM, horta aan isla wada qirno, waxa is badalaya ma ahan eraga macinihiisa, ee waxaa baddal ku imaanayaa DHAWAQIISA iyo DHIGAALKIISA, taana waxaa u sababa, qaabka afkeenu u dhisan yahay, maxaa yeelay, AL anaga nooma ahan QODOB lagu qeexo XARAF, midda kale, afkeena QODOBKU dagaal ayuu ka raacaa, ee hore kama galo.

Sidaa awgeed, suuragal iyo wax la qaadan karo ma ahan, in DIINTII iska noqotay dar qof walba ka darsan karo, kaba darane, uu sida uu doono uga darsanayo, hoos u dhaca iyo dhimaalku wuxuu marayaa, in arrin walba diib dabada loo galsho, haddi waa wax walba, waaba yaabe, saw diintu ma ahayn RUUX iksu xirta Adoonka iyo Eebbihiis? Goorma ayey isu dabashay dayacan meel walba daadsan?.

Adoon is dhihin wuxuu hirgalinayaa oraahdii Maxamed Siyaad Barre, adba eeg sida wax u dhacayaan, maxaa yeelay inta WADAAD XUME naga dhaamay qofna nagama dhaamin, midda kale, MOORYAANKA waxaa la helayaa qof maga damiinta ama looga dacwoodo, ee WADAAD XUME yaa looga dacwoodaa, oo naga damiinta?.

Aan jilciyee, MOORYAANKU maadaama uu ka dhashay BEEL, aanna kor ku soo xusnay, in HOGGAANKU DHALYO ku xiran yahay, waxay keenaysa in MOORYAANKAA la helo qof ama qolo looga ashatakoodo, oo lagala XAALTAMO, balse, adba soo goobe, WADAAD XUME maCarabtaa looga dacwoodaa, illeen iyagaa soo dirsadee?!

Imisa carruur ah ayaa ku maqan Wadaad xume? Kaaga darane, qaarkood waxay ka keeneen Wadammo ay nabadi ka jirto, iyagoo hooyooyin badan GABLAMIYEY, marka nimankaa si kale isagama qaban karno aan ka ahayn, in dib loogu laabto DHAQANKII SUUBBANAA iyo HIDDIHII HUBBANAA, maadaama aan awalba DIIN hore u haysannay yaan dib dambe diin dacarteeda naloogu dalqamin.

Qormada waxaan ku soo afjarayaa, meeriskan ka mid ah Maanso aan dhawaan soo saari doono, oo ka hadlaysa sida wax u dhaammeen, meerisyadiina waaa kuwan:

Ashaan horgalaha iyo

Udub dhexaadka laga dhigay

Liibaan Adduun iyo

Mid Aakhiraba lagu xiray!

Ammuurahan la yaabka leh

Waa xaajo uguboo

Ab iyo Aabbe laga warin

Isirkeenna lagu maqal

Asaraar Carbeed iyo

URUR DIIMO sheegtoo

Ka arradan aqoonoo

Dhaqan aaba yeelayn

Aragtitooda weeyaan!

Dhammaad.

W/Q: Bashiir M Diraac

[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan

Allegri: Robinho wuxuu doonayaa inuu dib ugu laabto Brazil.

0

Tababaraha AC Milan Massimiliano Allegri ayaa sheegay inuu weeraryahan Robinho doonayo inuu ka tago kooxda uuna dib ugu laabto dalkiisa Brazil bisha Janaayo ka dib markii ay Milan 4-1 ku xaaqday Pescara axadii.

“Ma jiraan wax intaan ka badan oo aan awoodo inaan kala hadlo, wax walba oo kale kooxda ayey ku xiran yihiin iyo ciyaaryahanka,” ayuu yiri Allegri.

“Wuxuu aniga ii ciyaaray in kabdan ciyaartoyda kale aad ayaana u xushmeeyaa. Wuxuu Brazil kasoo maqnaa sideed sanadood waxayna u muuqataa inuu doonayo inuu dib ugu laabto.”

Robinho ayaa usoo ciyaaray Real Madrid, Manchester City iyo Milan tan iyo markii uu 2005tii kasoo tegay Santos.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

3 Qarax oo ka dhacay xaafada Islii

0

Nairobi (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow 3 qaraxyo xooggan ay ka dhaceen xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Qaraxyada ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa gacanta laga tuuro sida ay lee yihiin dad goobjoogayaal ah oo u waramay Caasimada Online.

Illaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxyada caawa ka dhacay xaafadda Islii  oo ah illaa seddax.

Waxa ay ku soo beegmayaan iyadoo toddoobaadkii hore qarax nooca bambaanada lagu tuuray goob uu joogay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ka mid mudanayasha baarlamaanka Kenya, kaasoo si wayn ugu dhaawacmay isla markaana illaa lix qof ay ku dhinteen.

Waxa hadda goobta soo gaaray ciidamo bilays ah, dadkana waa ay kala carareen.

Wuxu weerrarkan ku soo aaday iyadoo maanta dowladda Kenya ay ku amartay Soomaalida qoxootiga ee jooga Nairobi in ay aadaan xerada dhadhaab halka kuwa aan Soomaalida ahayn ay tagaan xerada Kaakumo.

Wixii soo kordha kala soco Caasimada Online

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Daawo Video-gan waa goob Taariikhi ah oo ku taal magaalada Muqdisho

0

Aqristoow Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa Muuqaal taariikhi ah oo ka mid ah Xasuusta Dalkeena waa Muuqaalka Masjidkii Caanka ahaa ee Arbaca Rukun oo ku yaalo Degmada Xamarweyne.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waa qeyb ka mid ah xasuusta kuhartay Dalka waana Masjidka Arbaca Rukun oo burbur xoogan soo gaaray ee nala daawo Muuqaalka oo aan ka soo xiganeeyno Daawo24.com

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO:

Shirkad dhoofisa Muuska oo laga furay Magaalada Muqdisho “Warbixin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xaflad lagu furaayay shirkadda Fruitsome oo ah shirkad soo saarta Muuska ilsla markaana dibadda u qaada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkadan oo dadka ku jira ay ka mid yihiin Beeraleey Soomaali ah, khubaro si fiican u taqaana ganacsiga iyo suuqgaynta muuska iyo saamileey Soomaali ah oo maalgashi ku sameestay shirkadda.

Guddoomiyaha guddiga fulinta shirkadda Fruitsome Cismaan Xeyle Caruush oo goobta ka aqriyay war-saxaafadeed ay soo saareen ayaa sheegay in shirkadan u jeeda ugu way nee loo sameeyay uu yahay siddii ay dib loogu soo noolayn lahaa dhoofinta muuska Soomaaliyeed.

Wuxuu yiri: “Shirkadda Fruitsome waa shirkad soo saarta Muuska , waxa meesha ku jirta waa beeraleey badan oo tacabta muuska, isla markaana dhoofineysa oo loo aasaasay in ay dhaqdhaqaajiso soona noolayso  dhoofinta iyo ganacsiga muuska Soomaaliyeed , waa uu jeedada shirkadda loo aasaasay.”

Mar uu ka hadlaayay shirkadda qaybaha ay ka kooban tahay wuxuu yiri: “Shirkaddu waxa ay ka kooban tahay beeraleey, Khuburo ku taqasustay ganacsiga iyo suuq gaynta muuska Soomaaliyeed iyo saamileey maalgashaneysa muuska Soomaaliyeed” ayuu yiri Guddoomiyaha guddiga fulinta shirkadda Fruitsome.

Qaar ka mid ah saamiliyada shirkadda ayaa goobta ka sheegay in cid kasta oo danaaneesa in ay maalgashi ku sameesato shirkadda uu u furan yahay, isla markaana saami la siin doonno.

Soomaaliya wax yaabaha ay caanka ku ahayd waxa ka mid ahaa muuska oo loo dhoofin jiray waddamada dibadda, laakin wixii ka dambeeyay burburkii dalka 1991-dii majirin wax muus ah oo la dhoofiyo, sidoo kale waxa yaraaday wax soo saarka muuska markiii ay la waayay meelo loo qaado,.

Beeraleey fara badan ayaa ku tiisanaa ganacsiga iyo dhoofinta muuska Soomaaliya, kuwaasoo ay la soo daristay shaqo la’aan ama kuwa badan ay ka tageen dalka.

Shirkada ayaa sheegtay in xarunteeda koobaad ay ka furatay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotel Amasador, laakin mustaqbalka ay rajeeneyso in xarumo waawayn ay ka furtaan waddanka oo dhan,

Si kastaba, waxa soo badanaya dadka Soomaalida ah ee ka immaanaya waddamada qurbaha ee ka furanaya dalka wax yaabo horrumar leh, taasoo ka dambeesa nabad-galyada ka jirta caasimada.

Maamulka Shirkadda ayaa sheegay in ciddii faah-faahin dheerad rabta in ay kala xiriiri karto Website-ka WWW.fruitsome.com ama [email protected].

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Madaxweyne Hassan Sheekh oo u ambabaxay Wadanka Jabuuti.

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaasoo uga qaybgali donna  xuska qoraalka farta Soomaaliga oo dhawaan halkaas ka dhaceysa.

Wafdiga madaxweynaha ayaa la sheegay inay ka mid yihiin shaqsiyaad si fiican u yaqaanno luuqadda Soomaaliga iyo qaar ka mid ah madaxda jaamacadaha dalka ku yaalla.

Wafdigan uu Madaxweynaha hogaaminayo ayaa ka kooban shaqsiyaad kuxeel dheer luuqadaha( Luuqad-yaqaano) iyo Gudoomiyayaal Jamacadeed. Munaasabadan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo caasimada Jabuuti ayna kasoo qeyb galaan shaqsiyaad aad ugu xeel dheer dhaqanka iyo Afka- Soomaaliga.

Madaxweynaha ayaa inta uusan ka duulin garoonka diyaaradaha wuxu yiri ”Waxaan ka shaqeyn doonaa dib-u-soo nooleynta adeegsiga far Soomaaliga mar walbo in aan hormariyo waxbarashada waa howlaha igu muhiimsan” Sidoo kale wuxuu sheegay in horumarinta Afka- Soomaliga iyo dhaqanka ay muhiim u tahay midnimada shacabka Soomaaliyeed.

Lixda tiirar siyasadeedka Madaxweynaha wuxuu ku qeexay tiirka afaraad in la hagaajin doono qaabka wax barashada ee Soomaaliya taasna ay horseedi doonto midnimo iyo wadananimo. Lixda tiirar siyasadeed ayaa waxaa ku qoran qorshaha siyaasadeed ee Madaxweynaha.

Xuska 40-guuradii ka soo wareegatay markii la qoray farta Soomaaliga ayaa lagu qaban donna dalka Jabuuti inta u dhexeysa 17-ka ilaa 22-ka bishan December  2012-ka.

Naadiga Qalinlayda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed oo ka qeyb ka ah dadka ka qaybgalaya xuska 40-guuradii ka soo wareegatay markii la qoray farta Soomaaliga.

Sida ay lee yihiin madaxda waddanka Jabuuti, waxa xuskaas ka qaybgali donna madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada Puntland, Somaliland, dowladda deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo mas’uuliyiin ka socota gobolka waqooyi bari Kenya kuwaasoo lagu casuumay munaasabadda.

Waa markii labaad oo madaxwaynaha Soomaaliya uu tago waddanka Djibouti tan iyo markii la doortay bilowgii bishii September sannadkan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Corinthians oo Chelsea ka qaaday Koobka Kooxaha Aduunka.

0

Chelsea ayaa laga quusiyey inay Hantaan Koobka Kooxaha Aduunka, ka dib markii ay guul darro 1-0 ah kala kulantay kooxda Corinthians ee dalka Brazil.

Labada koox ayaa weeraro aan kala joogsi laheyn is dhaafsanaayey qeybtii hore ee ciyaarta waxaana ay heleen fursado goolal loo fishay, gaar ahaan Torres ayaa qasaariyey kubad isaga iyo goolhayaha ah.

Moses ayaana u ekaa inuu gool dhalin kara laakiin wuxuu is qalday kubada ka dib markii uu cadaadis saaray goolhaye Cássio.

Barbaro goolal la’aan ah ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo ay labada kooxba doonayeen inay is muujiyaan qeybta labaad.

Chelsea ayaa ciyaar kulul kala kulantay kooxda Brazil ka dib qeybtii labaad iyadoo cadaadis ay saarayeen laba nin Paulinho oo qadka dhexe ah iyo José Paolo Guerrero.

Guerrero ayaana gool ka dhaliyey Chelsea ka dib kubad uu si fiican usoo farsameeyey Paulinho, daqiiqadii 70-aad.

Chelsea ayaa isku dayo dhowr ah sameysay iyadoo uu Torres gol dhaliyey laakiin waa laga diiday markii loo sheegay inuu Offside ku jiray.

Juan Mata ayaana ku dhowaaday inuu dhamaadkii ciyaarta gool dhaliyo laakiin isna birta ayaa ka beenisay.

Hadaba Chelsea oo ah Horyaalka Yurub ayaa weysay Koobka Kooxaha Aduunka iyadoo sidoo kale Atletico Madrid ay ka qaaday Super Sup Europe.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Jabuuti oo lagu qul qulayo iyo M/weyne Xasan oo la sugayo

0

Wafdi uu hogaamanayo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in goordhow uu ka duulo Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa socdaalkiisa uu ku tagayaa dalka ay dariska yihiin ee Jabuuti.

Ujeedka Socdaalka Madaxwaynaha uu k u gaarayo Jabuuti ayaa waxaa lagu micneeyay inuu ugu qaybgalayo halkaas Xuska 40 Sanad guuradii ka soo wareegatay qorista afka Soomaaliga.

Masuuliyiin sar sare ayaa ku wehlinaya Safarka Madaxwaynaha uu ku tagay Jabuuti.

Wafdi ka socda Somaliland ayaa iyagana waxaa ay ka qayb galayaan Xuska maalintaan qiimaha badan iyo Madaxwaynaha dhulka Ismaamulka Itoobiya oo lagu wado in isagana uu gaaro Jabuuti.

Messi oo mustaqbalkiisa ciyaareed u hibeynaya Barcelona.

0

Lionel Messi ayaa diyaar u ah inuu qandaraas oo noloshiisa ugu hibeynayo Barcelona u saxiixo wuxuuna heshiiskaan ku qaadan doonaa mushaarka ugu badan ee ciyaaryahan koox Yurub ah ka qaato.

Ciyaaryahanka aabihi, Jorge, ayaa horaan wada xaajood ula furay Barcelona waxaana la rajeynayaa inay kooxda Catalan kordhiso qandaraaska uu haatan xidigaani kual jiro, taas micnaheeda ayaana ah inuu Barcelona lasii joogo ilaa uu 31 jirsado.

25-jirkaan ayaana loo kordhinayaa mushaarkiisa sanadlaha ah ee uu kooxda ka qaato, wuxuuna qandaraaskiisii ugu weynaa saxiixay sanadii 2009-10 markaasoo uu kooxda agaasime ka ahaa Txiki Begiristain iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Marc Ingla.

Madaxweynaha Barcelona Sandro Rosell ayaa dhowrayey inuu xidigaan ka saxiixo heshiis uu kooxda kula sii joogayo inta uu mustaqbalkiisa ciyaareed soo afmeerayo ka hor laba sano.

Xidigaan ayaa kooxda sanadii mushaar ahaan kaga qaata 9 milyan oo ginni, wuxuuna ka dambeeyaa weeraryahanka Paris Saint-Germain Zlatan Ibrahimovic oo qaata £12m iyo Samuel Eto’o, oo £16m ka qaata Anzhi Makhachkala.

Liiska Xidigaha ugu Mushaarka badan caalamka wuxuu noqon doonaa sidaan:

1 Lionel Messi (Barcelona) £27.5m

2 David Beckham (Free agent) £26.2m

3 Cristiano Ronaldo (Real Madrid) £24.3m

4 S amuel Eto’o (Anzhi Makhachkala) £19.4m

5 Wayne Rooney (Manchester United) £17.2m

6 Zlatan Ibrahimovic (Paris St Germain) £16m

7 S ergio Aguero (Manchester City) £15.7m

8 Yaya Toure (Manchester City) £14.7m

9 Fernando Torres (Chelsea) £13.9m

10 Kaka (Real Madrid) £12.9m

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada – Mogadishu.

Liverpool oo ku dhow inay heshiis cusub ka saxiixato Sterling.

0

Liverpool ayaa kalsnooni ku qabta inay da’yarkooda garabka ka ciyaara Raheem Sterling ka saxiixato heshiis cusub oo waqti dheer ah, laakiin waxay ku dhibaatoon doonaan inay mid kaas la mid ah ka dhaadhiciyaan da’yarkooda reer England Martin Kelly, sida uu qorayo Daily Mail.

Sterling, oo 18 jirsaday isbuucii lasoo dhaafay, ayaa wadahadalo la yeeshay agaasimaha Reds Ian Ayre isbuucii hore xilli uu isku deyayey inuu qandaraas cusub ka saxiixo. Labada dhinac ayaa mudo badan wada xaajoonaayey.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inay Liverpool ku dhow dahay inay heshiis cusub isku afgartaan xidigaan, kaasoo kulankiisii ugu horeysay ee Engalnd ka hor yimid xulka Sweden bishii hore, wuxuuna kooxda isbuucii mushaar ahaan uga qaadan doonaa 50 kun oo ginni.

Manchester City, Arsenal iyo Manchester United ayaa xidigaan isha ku haayey, Liverpool ayaase ku kalsoon inay haatan qandaraas la gasho xidigeeda.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa yiri ka dib kulankii ay guul darro 3-1 ah kasoo gaartay Aston Villa:  “Raheem ugama welwel qabo kooxo kale. Xaalada qandaraaska Sterling waa la xalin doonaa sida ugu dhaqsaha badan, waan hubaa midaas.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada – Mogadishu.

SAF oo aan Walcott ama xidig kale suuqa ka doonaneyn.

0

Tababare Sir Alex Ferguson ayaan soo iibsan doonin Theo Walcott ama ciyaaryahan kale inta lagu jiro bisha Janaayo, sida uu qoray Daily Mail.

Macalinka Manchester United, oo kooxdiisu ay lix dhicood horyaalka kaga hugaamineyso Manchester City ka dib markii ay 3-1 ku dubatay Sunderland Sabtidii, ayaa qirtay inuusan ciyaaryahan suuqa ka doonan doonin taas bedelkeedana uu ciyaartoydiisa amaah u diri doono.

Ferguson, oo ay kooxdiisu faa’iido heleyso bartamaha xilli ciyaareedka ayaa aaminsan inuu heysto ciyaartoy ku filan oo uu Horyaalka Premier League, Champions League iyo FA Cup ugu tartamo.

“Hal ciyaaryahan ma keeni doono bisha Janaayo, sida cad maya,” ayuu xaqiijiyey.

Taas micnaheeda ayaa loo fahmay in kooxda ay Manchester ku xafiiltamaan oo diirada u saaran yahay weeraryahanka Atletic Bilbao Fernano Llorente; Chelsea oo diyaar u ah inay lasoo wareegto Weeraryahanka Atletico Madrid Radamel Falcao iyo Walcott; Liverpool oo dooneysa weeraryahanka Chelsea Daniel Sturridge iyo Tom Ince, inuu macalinka United suuqa u baneeyo uuna u halgamo horyaalkii 20-aad ee Red Devils.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada – Mogadishu.

Wilshere oo qarka u saaran inuu heshiis cusub u saxiixo Arsenal.

0

Jack Wilshere ayaa soo bandhigaaya jaceylka uu u qabo Arsenal iyo macalinkeeda cadaadisku saaran yahay Arsene Wenger, wuxuuna u saxiixayaa heshiis shan sano ah oo uu ku qaadanayo 20 milyan oo ginni bisha soo aadan, sida uu qoray Daily Mail.

20-jirkaan qadka dhexe ee reer England, ayaa ka mid ah da’yarka tayada leh ee ugu shidan xulkiisa, wuxuuna kasoo baxay Akadeemiga Arsenal, laakiin Gunners ayaan todobo sano iyo bar wax koob ah qaadin.

Wilshere, ayaa la rajeynayaa inuu sida ugu dhaqsaha badan ay kooxda heshiis isugu afgartaan, marka lagu daro mushaar 80 kun oo ginni ah oo uu isbuucii ka qaato Emerates, waxaana sidoo kale daaha laga qaaday inuu doonayo inuu noqdo kabtanka kooxda maalin uun.

19-jirka garabka ka ciyaara Alex Oxlade-Chamberlain ayaa la rajeynayaa inuu maro wadada saaxiibkiis oo kale oo uu isna heshiis cusubkooxda u saxiixo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

XOG: Wareer lacageed oo ka taagan Villa Somalia (Xasan VS Saacid)

0

Weerar dhinaca xisaabta ah, ayaa ka taagan xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho, taasi oo ku lug leh qaabka loo maareenayo lacagta Dowladda Somalia ay heysato.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh, ayaa sida aan xog ku helnay qaatay go’aan aad muxaafid u ah, isaga oo soo rogay amar ah in wax ka badan 5 kun oo dollar aan laga bixin kirin qasnadda Dowladda, la’aanta sixiixiisa, si uu uga hor tago in lacgo badan la lunsado.

Hase yeeshee sida ilo xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, ra’iisul wasaare Saacid ayaa ka hor yimid go’aankaas, kuna sheegay mid hagardaamin kara howl maalmeedka Dowladda.

“Saacid, waxa uu madaxweynaha u sheegay inuusan isku keeni karin, wafti la kullan, booqasho dibadeeda, howl madaxweyne iyo saxiix lacageed oo isdaba joog” ayuu yiri il-wareed ku sugan Villa Somalia, oo Caasimada Online la hadlay.

Sida aan xogta ku helnay madaxweynaha ayaa markaa kadib beddelay go’aankiisa kana dhigay lacagta illaa 10-kun oo dollar.

Dhammaan xubnaha dowladda sida ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada ayaa saxiixooda shaqeynayaa wixii ka yar 10-kun, hase yeeshee wixi ka badan intaas waa in madaxweynaha uu saxiixaa, sida uu go’aanka ku qaatay

Si kastaba ra’iisul wasaaraha ayaa weli saluugsan arrintaas, isaga oo aaminsan in shaqada Dowladda ay ku xiran tahay lacag 10 jibaar intaas ka badan maalinkii, ayna howlo badan hakad geli karaan marka madaxweynuhu mashquulo ama dalka ka maqan yahay.

Madaxweyne Xasan ayaa la sheegay inuu aad isaga ilaalinayo in Dowladiisa ay raacdo waddadii kuwii ka horeeyay oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo lacag lunsasho.

Fiqi oo ka warbixiyay booqashadii uu ku tagay Garbahaareey

0

Muqdisho (Caasimada Online) Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdixakiim Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaley booqday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Wafdigaan ka socda wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo ka degay garoonka diyaaradaha Garbahaarey waxaa si diirran usoo dhaweeyay Masuuliyiinta maamulka gobolka Gedo uu horkacayo Maxamed Cabdi Kaliil Guddoomiyaha Gobolkaasi Gedo, saraakiisha ciidamada dowladda iyo saraakiil kale waxa uuna wafdiga kula kulmay xero ciidamada Dowladdu ay ku leeyihiin bartamaha magaalada Garbahaarey Odeyaasha dhaqanka, Haweenka iyo saraakiisha ciidamada.

Was-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka ayaa lagu sheegay in wasiirka uu sheegay in Booqashadiisa ay muhiimad weyn u leedahay ciidamada Xoogga dalka iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Gedo maantana la bilaabay bixinta Mushaaraadka ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Gedo si joogto ahna ay u heli doonaan wixii ka dambeeya bishan sida uu yiri.

Wasiirka ayaa xusay in Dhawaan la isku furi doono Wadada isku xirta Doolow iyo Garbahaarey si ganacsiga Dadka rayidka ah uu u kobco una gaaro heer sare.

“Waad dareemi kartaan cadowga goobo yar ayuu dalka kaga harsanyahay waxaana sida ugu dhaqsaha badan ay ciidamada dowladda uga xureyn doonaan guud ahaan Gobollada dalka si loo soo celiyo Xasilloonida, Nidaamkii iyo kala dambeynta wadanka” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in Wasaaradda Gaashaandhigga ay qorsheynayso sidii dib u dhis ballaaran loogu sameyn lahaa Ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa Xoogga dalka si loo gaarsiyo Ciidamo baaxad leh oo buuxiya kaalintii ay ciidamada ku lahaayeen Geeska Afrika xilligii dalka ay ka jirtay dowladdii Milateriga.

Intii uu joogay wasiirka magaalada, waxa lagu tuuray tira madaafiic ah, kuwaasoo aan waxbo geesan sida ay lee yihiin mas’uuliyiinta gobalka Gedo.

Waa booqashadii ugu horreysay ee uu wafdi ka socda Dowladda federaalka Soomaaliya uu ku tago Magaalada Garbahaarey iyadoo Wasiirka Difaaca uu soo booqday suuqa magaalada, Isbitaalka magaalada, xarumaha Dowladda sida Saldhigga ciidamada Booliska iyo xarunta Maamulka Gobolka Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Shariif Xasan oo ku fashilmay afduub uu la damacsanaa maamul goboleed-ka Koonfur Galbeed (Warbixin)

0

udoomiyihii hore Barlamanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo shaly dib ugu soo laabatay saasimada Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa waxaa intii uu ku kala sugnaa Dubai iyo Kenya uu waday qorshaha Maamul goboleedka loogu magac daray Koonfur Galbeed State of Somalia, taasi oo uu ka dhaadhicinaayey Dadka ka soo jeeda Goboladaasi…. Halakn kasii aqri warkan oo dhamesyitiran

Maamulka Puntland oo xabsiga u taxaabay aggaasime ku-xigeenka hey’adda Daryeel Bulsho.

0

Garoowe (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay aggaasime ku-xigeeka hey’adda daryeelka bulshadda ee Puntland Cabdi Kaafi Xasan Maxamed.

Waa loo heestaan mas’uulkan  inuu waday abaabul ah siddii loogu kici lahaa maamulka uu hoggaamiyo madaxwayne Faroole sida ay lee yihiin saraakiisha maamulka Puntland.

Aggaasimaha guud ee hey’adda daryeelka bulshadda Puntland Ismaacil Aadan Diiriye oo ah oo caawa la hadlaayay idaacadda VOA ayaa sheegay in si fool xun loola dhaqmay markii la xiraayay Cabdi Kaafi Xasan Maxamed oo ah aggaasmiye ku-xigeenka hey’adda, sida uu hadlka u dhigay.

Wuxuu sheegay in Cabdi kaafi wax ka dhan ah ammaanka Puntland uusan ku dhaqaaqiin isla markaana uusan ahayn siyaasi, isla markaana aysan jirin wax dambi ah oo uu galay.

Ilo madax bannaaan ayaa u sheegay Caasimada Online in Cabdi kaafi lagu xiray ra’yiga uu qabo ee ah in doorashada maamulka Puntland la qabto 8-da January oo ah marka loo balamay.

Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Cabdi Kafi in uu waday qorsha ah in la kulmiyo ergo iyo odayaal ka immaan lahaa Gaalkacyo iyo Bari, kuwaasoo saluugsan qorshaha uu wato madaxwaynaha maamulka Puntland Faroole, kaasoo doonaya in hal sano oo kale loogu daro xilkiisa.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan xariga maanta loo geestay aggaasime ku-xigeenkii hey’adda daryeelka bulshadda ee Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe

JACEYLKII DUGSIGA DHEXE ( 9) !!

0
Qeybtii 9-aad  halkan ka aqriso qeybihii hore 1-aad,  2-aad,  3-aad4-aad 5-aad6-aad7-aad 8-aad
Akhristoow sheekadaan waxaan ka soo bilaabnay dhamaadkii 1972 markii la furay Sannad dugsiyeedkii 1972-1973, ilaa haatanna waxaan joognaa dhexdhexaadkii sannadkii 1979.

Si taxane ah ayaan u soo wadnay iyo meelihii uu jaceylkii Ostan kolba maraayey , ayadoo lala qabo in aan dhextaal ka digeynay Howlo uu Ostan qabanaayey sida Mahrajaankii 1973 iyo OHRM ee Sannadkii 1974 iyo waliba Tababarkii Dugsiga Xalane ee 1976.

Waxaan kaloo soo gaarnay guuldaraddii ka danbeysay iyo burburkii jaceylkii Ostan & maryan ee bilowgii 1977 iyo Jaceylkiisii Indha la’aa ee Gabadhii Talyaaniga aheyd ee uu ku dhabiibay jaceylkii weynaa ee Dugsiga dhexe !!!

Akhristoow waxaa taas ku dartaa Jaceyladii Ostan Saaxiibkiis Hunboow, ee Ostan khabiirka ka ahaa kana talinaayey markii uu isku badalay Khabiir Jaceyl , ileen jaceylo badan ayuu soo jilaye.

Ostan sidaan horeyba u soo sheegnay wuxuu noqday Wadaad weyn oo casharo Akhriya, wuxuuna noqday Ruux ka aflaxay Masaajidkii Arbaca Rukun, se Nasiib daro Masaajidkii Arbaca Rukun waxaa Tafsiirkii Shiikh Muriidi Iridaha loo laabay Nov,1978 , Markii dawladdii jirtay u adkaysan weyday Dhallinta yar yar ee haddana Diinta baraneysa ileen waxay ahaayeen Dawlad Shuuci ah !!!.

Ostan kadib wuxuu u wareegay in uu Masjidka Marwaas uu ka dhageysto Riyaadhu saalixiin oo uu Akhrin jiray Allaah ha u Naxariistee Shiikh Ibraahim Suuleey !!!! Aad & aad buuna uga faa’ideystay Casharadaas Axaadiithta ah .

Ostan wuxuu gabi ahaanba joojiyey galidii shaneemooyinka, Isboortiga iyo Ciyaartiisii Banooniga , Dabaashii Xeebta Liido IWM.

Akhristoow waxaa la soo gaaray Dhamaadkii 1980 gii Ostan wuxuu qaaday labo tillaabo oo Noloshiisa wax ka badashay waa mida hore’ewaxaa lagu qoray in uu galo Jaamicadda Lafoole bilowga 1981 kadib markuu ku barmoosay Imtixaan macallimiinta laga qaadi jiray si ay u galaan Jaamicadda lafoole ee waxbarashada , se Ostan lotkii hore ee galay 1980 wuxuu uga haray 2 buundo oo waxaa galaayey ruuxii keena 371 se Ostan wuxuu haystay 369 waxaase ka darnaa Nin ay Lafoole isku barteen oo Cismaan la yiraahdo oo u sheegay in uu asguna keenay 370 hal buundo ayuu uga haray sannadkaas.

Waxaa kaloo ku dartaa Macallimiintii 1980 galay Lafoole  waxay ka hor galeen Ardadii Dugsiyadda sare ay isku lota ahaayeen ee ayagu galay sannadii 1981 isla sannadka uu Ostan la galay Saaxiibkiis Hunboow asaguna lagu qoray Lafoole inkastuunan galin.

Ostan waxaa kaloo si lama filaan ah uu u guursaday Gabadh ayaduna macallimad Domistiko ah ( domestic Teachers) Waxbarashada Qoyska oo la yiraahdo Dhudi waxay is mehersadeen Sep,12,1980 waxayna aqal galeen Oct,12 1980.

Waxayna ku aqal galeen Qoryooleey oo Ostan Hooyadiis deganeyd.

Dhudi oo Ostan u  sheegtay in Niman badan soo shukaansadeen se ay asaga ku raacday waa mare Macallin Diinta u Akhriya ayuu ahaa , waa midda labaade markuu shukaansanaayey ayuu isticmaalay erey ahaa ( Jaceylka dadka wadaadada ah wuxuu yimaadaa Guurka kadib) taas oo Ostan ka soo Qishay Majalad la oran jiray ( AL-Dacwah) oo Af carabi ku soo bixi jirtay ooy soo saari jireen Al-Akhwaanul Muslimuunka Reer Masar.

shineemo banadirBishii December dhamaadkeedii ayaa Ostan & kooxdii macallimiinta ee gali laheyd Jaamiacadda Lafoole la sii galiyey Dugsiga tababarka xalane maxaayeelay Jaamicaddii ayaa waqtigeedii 3 week ku darsatay marka ku meel gaar ahaan buu Ostan Xalane ugu noqday meel uu necbaa se haatan rigo iyo gaardis toona ma lahan.
Ostan Horaantii 1981 ayuu Jaamiacdda Lafoole galay, waxayna u soo guureen Xamar asaga iyo Dhudi Xaafadda Madiina oo uu markuu seddex habeen ka maqnaado Jaceylkiisa cusbaa uu u imaan jiray asagoon la sugi jirin Jimcaha oo jaamicaddu fasax tahay.

Ostan wuxuu Dhudi uga sheekeeyey Jaceylkii Maryan iyo waxa uu soo mariyey ( Jaceylkii Dugsiga Dhexe ) waxayna Nasiib u heshay in ay dhudi noqoto Qofkii ugu horeeyey ee uu jaceylkaas uga sheekeeyo !!!.

Dhudi baa Ostan ku tiri Hadal uu la yaabay oo ah Maryan waa necbahay, Buuran na waa jeclahay !!!!
Ostan baa weydiiyey maxaad Maryan ku nacday, Buuranena ku jeclaatay??? Markaas bay ugu jawaabtay Maryan waxaan ku nacay adiga ayaa jeclaatay se Buurane waxaan ku jeclaaday asagaa Maryan kugu Diray !!! La,aantiis annigu kuma heleen !!!

Waa Sheeko Cajiib leh ??? Ostan wuxuu ogaaday Khaladka uu galay in aanan waligaa Naagtaada lagu oranin Naag baan jeclaan jiray ama haatan baan  jeclahay ??? Haweenku waxay ka maseyraan xataa ninkoodu Haweenkii uu qabi jiray mise uu Jeclaan jiray!!! Akhristoow sow maadan Maqlin Ummunaa Caa’isha waxay ka maseyri jiratay Ummunaa Khadiijo oo horteed dhimatay Kuligood Allaah ha u naxariistee !!!.

Dhudi uur bay horay ka yeelatay se waa ka soo dilmeen Ostan jaceylkiisa Isbitaal Banaadir baa la seexiyey halkaas buu ugu tagi jiray, dhawr bilood kadibna wuxuu Dhakhtarkii kula taliyey in laga soo xaaqo ooysan rajo laheyn, haddana Dhudi Isbitaalkii baa lagu celiyey oo la seexshay Ostanna agteeda ayuu fadhiyey !!!.

Ostan jaamicadda waxaa lagu qoray Math & physics aad buu ugu fiicnaa se wuxuu la yaabay oo iska celin waayey Maktabadda Jaamicadda Lafoole ooy qeybteeda Afka carabiga & Diintu aad u camirnaayeen halkaas ayuu noqday mid kutubtaas iska dhex Mushaaxa oo habeen kasta Kitaabo Diini ah akhrisanaaya sida tafaasiirta, Axaadiithta,Fiqhiga iwm.

Ardadii Ostan fasalka Xisaabta la dhiganeysay baa la yaabay asagoo mar kasta Fadhiya qeybta Afka carabiga oon Akhrisaneynin Pre-Calculas & Calculas oo Major u aheyd iyo physoics 1 oo ku qornaa !!!

Ostan Simistarkaas wuxuu kaga soo baxay buundo fiican se wuxuu nacay Xisada Hantiwadaagga oo galabtii la dhigi jiray taas baa Ostan ku bixisay in uu Jaamicaddii Lafoole naco, kadib wuxuu iska raadsaday Baasaboor oo waagaas markii ugu horeysay dadweynaha loo furay , Araajiddii ayuu qortay kadib aabihiis buu u dhiibtay markaas baa Baasboor loo soo saaray july 1981,

Ostan wuxuu goostay in uu dhoofo markiiba wuxuu aaday Hargeysa si jabuuti ugu sii dhoofo, Dhudi reerkoodii oo isla Wadajir deganaa ayaa soo raray oo qol Irid banaan ah siiyey !!!.

Ostan intuu Hargeysa ku maqnaa wuxuu xabiibtiisii Dhudi u soo diri jiray Waraaqo uu xaalkiisa uga waramaayo iyo sida uu jaceylkeeda u tabay.

Ostan Diyaarad yar ayuu hargeysa ka raacay oo ku tagay Dalka Jabuuti waa markii ugu horeysay ee uu Diyaarad raaco noloshiisa.

Ostan 14 berri ayuu Jabuuti joogay markii uu ka dhici rabay ticket-giisii ayuu Hargeysa ku soo noqday kadibna xamar u soo gudbay, wuxuuna la dagay reer xididkiis kadibna wuxuu ku noqday jaamicadiisii Lafoole Kadib markii jaamicadaas laga wada eryey saaxiibadiisii Wadaadada ahaa oo lixna la xiray lixna ay carareen.
Ostan markii Arrimahaasi dhacaayeen wuu maqnaa markii uu ku noqday baa lala yaabay se Ruuxna waxba uma qabsanin .

Ostan waxaa loo dhalay wiilkii ugu horeeyey Salman Dec,28,1982 usbuuc kadib waxaa dhacay Arrin yaab leh si lama filaan ah ayaa waxaa iskugu soo baxay Ostan iyo Maryan goor habeen ah asagoo ka yimid Boostadii weyneyd ee Muqdisho abaarihii 2 saac habeenimo ama sida haatan la yiraahdo 8 fiidnimo agagaarka Baar shabeelle  !!!

Ostan ayaa ka daba yimid Maryan oo la socota Muxubo oo lugeynaaya agagaarka Baarlamaankii hore iyo ka soo horjeedka Baar Shabeelle, markuu gartay ayuu isku dayey in uu salaamo se wuxuu hadal ka bilaabay Gabdho dadkii hore ma taqaaniin dad cusub baad barateen ??? Markiiba dhinac bay isku buuseen sida Ruux ayeysan kaseynin se Ostan labadaba wuu garanayaa waa Maryantiisii uu jeclaa iyo Muxubo ooy isku Dugsi Quraan ahaayeen, Maryanna ay daris ahaayeen !!!

Markaas buu haddan hadal kale oo daandaansi ah ku tuuray oo ku yiri waxaan xasuustaa Muxuboow adigoo yar oo lagu guday in aan Gurigiina kuugu imaan jiray oo Quraan kuu akhrin jiray markuu macallinkeenii igu amray in aan guriga maalin kasta Quraankii ku dhaafi lahaa kuugu soo akhriyo !!! Haddana wey is buuseen ayagoo Qoslaaya, kadib waxay soo gaareen Boosteejaddii Caasiga laga raaci jiray markaas ayey caasi taagan ku boodeen oo labo kursi oo isku xigga fariisteen, Ostanna intuu ka soo daba galay ayuu gadaal fariistay asagoo la yaaban waxa ay u inkiraayaan???.

Markii Lacagta la aruurinaayey ayuu Ostan kirishboygii ku yiri waa Anniga iyo labadaas gabdhood markaas buu ku yiri wey baxsheen ayagoo maqlaaya , kadibnma waxay ku degteen Farmashiyihii Caalamiga waa meeshii Ostan waa hore uu ku kogagay, sow Akhristoow ma xasuusatid ??? caawa markuu Maryan arkay meel baa danqatay se wuxuu iska dayey Calool adeyg oo wuu la hadlay inkastoo la inkiray oo hadalkii laga hoos qaadi waayey !!! Tolow muxuu caawa u baqan waayey ma faraxii Salmaan(1) baa mise wax kale ayaa jira mise jaceylkii Maryan waxaa qeyb ka mid ah shiiqisay Gabadhii Talyaaniga aheyd ,qeybtii kalena waxaa ku durdurisay Dhudi oo ah haatan Jaceyka kaliyah ee Ostan leeyahay.

Akhristoow waxaa Habeenkaas ka soo wareegtay haatan oon sheekadaan qoraayo 30 sano oo laga yaabo Akhristayaal fara badani in aysan dhalan, se wali sawirkii Habeenkaas meel ayuu qalbigeyga kaga sugan yahay, waana markii ugu danbeysay aan Maryan la kulmo noloshayda, haddiise Caawa ay iga soo hor bixi laheyd waxaan u maleynayaa in qeyb wadnahayga ka mid ah in ay Bood boodi lahaa oon Xanuun ka dareemi lahaa.
Ostan markuu haatan habeenkaas fasiro wuxuu is yiri Maryan waxay kaa aarsaneysay Habeenkii aad OHRM ka soo noqoteen ee aad baar Bulsho gabdhihii oo dhan ee fasalkiina ahaa ku wada  salaamtay se aad Jaceyl dartiis u salaami weysay Maryaneey.

Ostan wuxuu is leeyahay habeenkaas ayey colaad kuu qaaday se maryaneey ma oga kuwa uu salaamay in uu ayadda ka jeclaa se jaceyl dartiis uu Qalbiga siin kari waayey ( Ayadoon Carro lagu hamsiin waanan ka hareyne, Hadday adinka Howl yaraan idinla tahay anniga waa ii Hooge ) Cilmi Boodhari Allaah yarxamuh !!!.

Waa inoo qeybtii ugu danbeysay ee Jaceylkii Dugsiga dhexe (10 ) oo uu ostan ku eegi doono jaceylo badan uu Maryan gadaasheed jilay oo uu san ka cabsanin dadka uu jeclaaday in uu ku yiraahdo waa ku jeclahay ee uusan la gabanin sidii kii dili lahaa ee Jaceylkii dugsiga dhexe !!!.

Waxaan kaloo ku sheegi doonaa Meesha ay ku danbeysay Maryaneey ???? !!!!!.

Sheekadii Qiimaha iyo qaayaha iyo Jaceylka Nadiifta ah laheyd waa sheekadii Jaceylkii Dugsiga dhexe !!!!.
 
F.G Sheekadaan waa Qiso Run ah Magacyada uun baa la Badalay ??? Walow Ostan uu yahay Naaneysta wiilka, Maryan se waa magaceeda Runta ah Se ayaduna Naaneysteeda ayey ku caan tahay sidaas baa looga reebay Magaceeda , Sidoo kale Dhudi waa Naaneysta Ostan xaaskiisa inkastoon dad badani u aqoonin !!!!
 
Qore : Ostan Gacamay
 [email protected](1) Salmaan Ostan waxay xabaddi ku dhacday oo dishay  Dagaalkiisokeeye May, 1991 asagoo waqtigaas 8 sano iyo Bar jira ah, wuxuuna ka mid yahay carruurta Soomaaliyeed ee si xaq daro ah ugu waxyooloobayDagaalkii banaa ee Wadankeena Aafeeyey !!! Se ostan waxaa haatan u joogga 8 Ubad ah 3 wiil iyo shan Gabdhood , waxayna asaga iyo dhudi iyo  5 Ubadkiisa ka mid ah ay ku nool yihiin wadanka Mareykanka3 da kale ee carruur  ah iyo Hooyadood kale waxay ku nool yihiin Gaarisa , Kenya .

Baarlamanka Soomaaliya oo maanta sameestay 15 Guddi + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha ummadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku ansixiyee illaa 15-guddi oo ka wax ka qaban doona nidaamka uu ku shaqeeyo baarlamaanka, kuwaas oo laga dhex xulay xildhibaannada dhexdooda.

Fadhiga maanta oo uu shir-guddoominaayay afhayeenka baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxa soo xadiray illaa ku dhawaad 200-mudane, waxana gabagabadii lagu doortay guddiyo la sheegay inay la shaqeen doonaan xukuumadda.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-

1-Gudiga xeer hoosadka  anshaxa iyo xasaanadda xildhibaanada

2-Gudiga u kuurgelida dib u eegsita iyo dhaqangelinta dastuurka

3-Gudiga garsoorka owqaafta iyo arimaha diinta

4-Gudiga arrimaha gudaha maamulada gobolada iyo amniga Qaranka

5-Gudiga xaqiiqo raadinta dib uheshiisinta iyo hanti isku celinta

6-Gudiga Miisaaniyadda Maaliyada qorsheynta iyo la xisaabtanka hay,adaha dowladda

7-Gudiga arrimaha dibedda iyo iskaashiga calamiga

8-Gudiga difaaca Qaranka

9-Gudiga Xuquuqul insaanka haweenka iyo bani’aadanimada

10-Gudiga Caafimadka waxbarashada shaqada iyo isboortiga

11-Gudiga horumarinta reer miyiga xoolaha iyo beeraha

12-Gudiga Kheyrdka dabiciga ah ee dalka

13-Gudiga Warfaafinta wacyigelinta dhaqanka boostada iyo isgaarsiinta

14-Gudiga Wadooyinka dekedaha garoomada iyo  tamarta

15-Gudiga Dhaqaalaha ganacsiga iyo warshadaha

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Daawo Muuqaalkii ugu Dambeeyay ee laga soo duubay Muqdisho. “VIDEO”

0

Aqristayaasha Caasimada.com Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa Muuqaal cusub oo laga soo duubay Magaalada Caasimada Muqdisho waxaad arkeeysaa Muuqaal cusub oo soo jiidasho leh.

Hadaba Aqristoow waxaad arkeeysaa sida ay Magaalada u dhismeeyso iyo isku socodka dadweynaha iyo goobaha ganacsiga oo xowli ku soconaya.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

 

Puntland oo xoog adeegsi ku hanjabtay

0

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ciidankooda ku guuleysteen go’doominta koox burcad badeed ah oo afduub ku haysata markab ganacsi.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay xafiiska Shabakadda Caasimada Online ay ku lee dahay Garowe, ayaa lagu sheegay in markabkaasi laga curyaamiyay inay sahay uga timaado dhinaca xeebta degmada Garacad oo ah halka lagu haysto.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri :- Kaddib markii hey’adaha amniga Puntland ay heleen war ah in shaqaalihii markabkaasi dib la isugu soo celiyay ayaa Ciidamada Badda Puntland weerareen markabkaasi 10-ka December 2012, iyadoo xabado la iswaydaarsaday kadibna burcad badeedii shaqaalihii u afduubnaa ay la galeen qeybta hoose ee markabkaasi.

Ciidamada Puntland ayaa markabkaasi ka xayiray inuu wax sahay ah ka helo dhanka xeebta. Subaxnimadii 11 December 2012 ayaa koox burcad badeed ah oo siday sahay isugu jirta hub iyo rasaas ay soo weerareen Ciidamada Puntland oo ku sugan xeebta. Isku dhacaasi hubaysan waxaa ku geeriyooday saddex ka mid ah burcadii soo weerartay Ciidamada Dowladda, waxaana gacanta lagu dhigay saddex kale oo ka mid ah isla kooxdaasi. Hubka la qabtay ayaa ka kooban 5 qori AK-47, 1 qori BKM, iyo kumanaan rasaas ah.

Tan iyo intii howlgalkani socday ayaa waxaa Ciidamada Dowladda Puntland ka dhaawacmay afar-askari. Dowladda Puntland ayaa amaan iyo boogaadin u jeedinaysa Ciidamada Dowladda oo u taagan difaaca jiritaanka Puntland.

Markabka MV Iceberg 1 ayaa waxaa madax furasho loogu haystay in ka badan 2-sano iyo 9-bilood, iyadoo shaqaalihii markabkaasi qaarna la dilay qaarna si xun loo jirdilay.

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa sii wadi doona howlgalkani tan iyo inta laga soo furanayo markabkaan iyo shaqaalaha ku dhibaataysan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garowe