28.4 C
Mogadishu
Monday, May 4, 2026

Christian Chivu: Juventus waan kula dagaalameynaa Serie A.

0

Daafaca kooxda Inter Milann Christian Chivu ayaa aaminsan inay kooxdiisu Juventus kula tartami karto Horyaalka Serie A bisha May.

Daafaca halbowlaha dhexe ee qaranka Romania ayaa daaha ka qaaday inay ciyaartoyda Nerazzurri kooxda Antonio Conte kula dagaalamayaan horyaalka, inkastoo uu afartii bilood ee dambeysay garoomada dhaawac kaga maqnaa.

“Afartii bilood ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen kuwo adag,” ayuu u sheegay Inter Channel. “Laakiin taageerada aan ka helay asxaabteyda kooxada ayaa I saaciday sida aan filaayo.

“Ma jiro xad loo yeelo meel ay ciyaartoydu aadi karaan. Sida muuqata waan ku dagaalami karnaa Scudetto.

“Hadii ay Juventus ku jirto Champions League markaas anaguna aan ka maqanahay waxaan ka heli doonaa fursad.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

AC Milan oo Janaayo hami uga jiro saxiixa Daniele De Rossi.

0

Daniele De Rossi ayaa Janaayo ka dhaqaaqi kara kooxda AS Rome, iyadoo AC Milan ay ka fikireyso inay lasoo wareegto xidiga heerka caalami ee dalka Italy, sida ay qortay shabakada Goal.com.

Silvio Berlusconi ayaa waayadaan dambe ahaa mid ku mashquulsan inuu dib u habeyn ku sameeyo siyaasada Milan ee suuqa kala iibsiga isagoo lasoo saxiixanaya ciyaaryahano da’yar ah, waxay isha ku heysaa kooxdiisa De Rossi inay ka dhigaan magaca ugu weyn ee ay deyrta suuqa kasoo gataan.

29-jirkaan ayaa Rome u saxiixay shan sano oo qandaraas ah bishii Febraayo 2012, laakiin Giallorossi ayaa daaha ka qaaday inay iska iibinayaan hadii ay ku helaan qiimaha saxda ah.

Milan ayaa horaan xidigaan doonatay inay qandaraas la gasho, laakiin kooxda San Siro si fudud kuma heli doonto. Iyadoo laga yaabo inay dalab 15 milyan oo euro ah u diraan.

Dhanka kale, Milan waxay dooneysaa weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli, intaas waxaa sii dheer inay isha ku heyso Kevin Strootman, Angelo Ogbonna iyo Marco Verratti oo waayo badan lala xiriirinaayey.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

PSG oo xaqiijisay inay dooneyso Ronaldo iyo Mourinho.

0

Sheikh Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa daaha ka qaaday inay Paris Saint-Germain xiiseyneyso inay Real Madrid kasoo dhaqaajiso Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho

Madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa horaan gaashaanka ku dhuftay inay kooxda Ligue 1 xiiso u qabto saxiixa macalinka Madrid iyo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal, laakiin hada ayuu qiray inay kooxda Parisians jeceshahay saxiixa labada nin, si ay u gaaraan ujeedkooda ah inay ku guuleystaan Champions League.

“Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho waa hadafka Paris Saint-Germain, dabcan,” ayuu Al-Thani u sheegay Canal Football.

“PSG waa koox ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan caalamka. Hadafkeenu waa inaan maalin, ku guuleysanaa Champions League.

“Horaan waxaan aheyn koox ka mid ah kooxaha ugu fiican France, hadafkeenu waa inaan noqonaa koox ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan Yuru iyo Caalamka, sidoo kale.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ahlu-Sunna oo laashay heshiiskii ugu weynaa oo ay la gashay Dowladda

0

Ururka Ahlusuna ayaa ka soo horjeestay in la mideeyo Ciidamadooda iyo Kuwa dowlada Soomaaliya ee ku sii fidaya gobolada dalka Soomaaliya, oo marki hore ayaga un sidaas go’aan ku gaaray.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ah gudoomiyaha guuud ee Ahlusuna oo shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyay sida ay ku dhisan tahay xukuumada Soomaaliya oo dhaliil badan ay ka qabaan Ahlusuna hadii ay yihiin.

Hadii wax badan laga badali waayo Xukuumada hada jirta ayuu yiri in wixii dhaco iyaga ay keeneen,waxaana uu Madaxwaynaha Soomaaliya ka codsaday in  dib loogu noqdo dhismaha xukuumada oo Ahlusuna aysan wax ku lahayn.

Dhinaca kale waxaa uu gaashaanka ku dhuftay in la midaynayo Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna oo sida uu sheegay Wasiirka Arimaha gudaha ay socdaan qorshaheeda.

Wuxuu sheegay in qorshahaas Ahlusuna ahaan aysan aqbali doonin ilaa iyo waanag badan ay dowlada ka dhex abuuto Ahlusuna.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax  ayaa ugu dambayn waxaa uu ku hanjabay in Dowlada ay afar jeer ay kala hadleen dhismaha xukuumada iyo  wax loo qoondeeyo Ahlusuna balse marka Shanaad ay talaabo qaadi doonaan.

Xildhibaano ka qeyliyay arrin Turkiga iyo USA ay ka wadan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa qeylo dhaan ka keenay wax ay ugu yeereen dhul boob Mareykanka, Turkiga iyo Yemen ay ka wadaan meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Turkiga ay guryo si sharci darro ah uga dhisteen xeebaha magaalada.

Waxa uu sheegay in safaarado ama goobo Diblomaasiyadeed ay saddexdaas dowladood ka dhisteen xurumo dowladeed gaar ahaan dhismooyinkii ciidamada ilaalada Badda Somalia.

“Waa halkii laga difaacayay badda Somalia iyo magaalada Muqdisho, waana sharci darro in dalal shisheeye ay dhistaan, aniga ma garanaayo cidda siisay ama u ogolaatay in dalalkaasi ay dhismooyinka dhistaan Xarumihii Ciidamada dalka uu lahaa” ayuu yiri Xildhibaan Xeyd, oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa intaas raaciyay in mudanayaasha Baarlamanka aysan ka war hayn arrinkaas, islamarkaasna loo baahan yahay in laga hortago dhismooyinkaas oo uu sheegay in laga dhisayo dekaddii hore ee Muqdisho.

Meydadka Tahribayaal Soomaali ay ku jiraan oo la keenay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) Sida ay sheegayaan saraakiisha badda maamulka Puntland, waxa magaalada Boosaaso ee gobalka Bari la keenay illaa 18-qof oo tahriibayaal Soomaali ah, kuwaaso ku geeriyooday dooni la sheegay in ay ku degtay xeebta Mareero.

Meydadka dadkan geeriyooday ayaa la dhigay isbitaalka wayn ee magaalada, kaddib , markii ciidamada badda ay soo heleen iyagoo meyd ah.

Waxa kaloo ciidamada ammaanka ay soo heleen shan qof oo ka badbaaday doonida ku degtay deeganka Mareero oo qiyaastii 10-km u jirta bari magaalada Boosaaso.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Maro Seyban Ugaas Yaasiin oo saxaafadda kula hadashay isbitaalka Boosaaso ayaa sheegtay in dadka dhintay ay isugu jiraan qoomiyadda Oromada ee deeganka Ethiopia iyo kuwa deeganka ah, waxa kaloo ay sheegtay in tallaabo adag uu uga qaaday maamulka Puntland arrimaha tahriibka, balse weli ay tahay musiibadan mid wali socota.

“ Waxa halkan naloogu keenay 18-meyd ah oo isugu jira Oromo iyo dad kale oo Soomaali ah, dadkaas waa dad soo haftay waa dadka badda ku dhacay oo haftay, dowlad ahaan annga tahriibka waxa laga qaadaa tallaabo adag laakin tani waa mid musiibo ah” ayey tiri

Qaar ka mid ah ehalada dadka dhintay qaybtood ayaa yimid Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, waxana ay saxaafadda u sheegeyn in ay ku aqoonsadeen markii waayeen warkooda tan iyo Axadii.

Si kastaba, Doonida degtay oo ay la socdeen illaa 60-qof oo tahriib ah, ayaa wali lala’yahay 38-ka mid ah dadkii doonta la socday.

Doonida ayaa ka baxday deegaanka Mareero habeenkii Axada, laakin waxa la ogaaday in ay degtay xaley.

Qaar ka mid ah meydadka la soo helay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday jirdil loo geystay, sida ay lee yihiin ciidamada badda maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso 

Dadka jecel daawashada TV-ga oo war naxdin leh loo wado. (Daraasad)

0

Sydney  – Daraasad ay soo saartay Jaamacad Queensland ee dalka Australia ayaa lagu sheegay in daawashada badan ee taleefishinka ay keeneyso in waqtiga noloshaada (cimrigaaga) oo soo yaraado.

Daraasada ayaa tilmaameysa in 22 daqiiqo ay cimrigaaga ka go’eyso markii taleefishinka daawato mudo hal saac ah gaar ahaan qofka marka ay da’diisa ka wayntahay 25 sano.

Maalin kasta oo lix saac kamid ah hadii aad daawato TV-ga waxaa cimrigaaga ka go’aya 5 sano, sida ay sheegtay daraasada.

Cilmi baarayaasha sameeyay daraasda ayaa sheegaya in hadii qofka uu si aad ah u daawado TV-ga ay la mid noqoneysa qofka sida aadka ah u isticmala sigaarka ama qofka sida daran u cayilan taaso la ogyahay in caafimaad daro joogta ay sababto.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegaya in daawashada badan TV-ga ay jirka ku keeneyso caajis badan, balse taa badalkeeda loo baahanyahay jirka uu shaqeeyo.

Si kastaba, inkasta oo daraasadda ay sidaas tiri, haddana Islaam ahaan waxaan aaminsannahay in qofka uu geeriyoonayo waqtigii loogu tala galay, haddii uu Tv daawado iyo haddii uu iska daayaba.

Isha: Somaliwitness

Daawo Muuqaal Cusub oo ku Saabsan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

0

Goormee kugu dambeeysay Aqristoow Wadooyinka ugu Mashquulka Badan ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, Aqristoow hadaad daawato Muuqaalkaan waxaa dareemeeysaa in weli dalka uu yahay sidiisii oo ay wadooyika Mashquul badan yihiin.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waxaad ku daawaneeysaan  Wadooyinka ugu Waaweyn uguna Mashquulka Badan, Wadada Maka Almukarama, KM4, Zoobe, Tarabuunka, Wadada Airaporka iyo Xeebta Liido iyo meelo kale oo badan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

Wargelin: Weli ma booqatay shabakada salaamanews.com ee lala dhacay

0

Dhammaan bulshadda Soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in dhawaan hawada soo gashay shabakad internet ah oo lagu magacaabo

 www.salaamanews.com.

Salaamanews, waxaa uu maalin waliba lagu baahin-doonaa wararka iyo warbixinnada ku saabsan Soomaaliya iyo gobolka geeska Afrika, kuwoodi ugu dambeeyey.

Waxaa intaasi dheer oo www.salaamanews.com, soo gudbin doontaa daba-gal iyo gorfayn isugu jira siyaasadda, noloshasha iyo arrimaha bulshadda oo ay soo qori-doonaan wariyeyaal iyo qoreyaal ka tirsan www.salaamanews.com,  kuwaasi oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo daafaha caalamka.

Arrimaha ay mareegtaan sida gaarka ah wax uga qori-doonto waxaa ka mid ah, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, suugaanta iyo waliba wararka dalka iyo isbeddalada soconaya.

Sidoo kale waxaa in la xuso u baahan, in mareegtaan aad aragtida ka dhiiban karto qormo kasta oo si gaar ah kuu taabata ama aad kuu xiiso galisa, islamarkaasna aad jeceshahay in aad la wadaagto asxaabtaada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Hadaba aqriste balanteenu waa www.salaamanews.com

Labo Wariye oo ku dhibaateysan Xerada Dhadhaab (Fadlan Caawi)‏

0

Markii dhibaatooyinku ay kabilaawdeen Dalka Soomaaliya gaar ahaa koonfurta, waxaa qofkastaaba uu u baxsaday halkii ay cagihiisu gaarsiiyaan, wariyayaal badan ayaa dalka isaga soocararay iyagoo kabaxsanaya kuwa dhibaatadda ilaa iminka wariyayaasha ladaba jooga.

Waxaa lagu kala orod badiyay sidii lookala jeeb roonaa, wariyayaashu qofwalbaaba halkii jeebkiisu gaarsiiyo ayuu hadda aduunka kajoogaa, qaarbaa kumanaan doolalar uga baxday halka ay maanta caalamka ka joogaan halka qaarkalana jeebkooda oo maran owgeed ay wali kudhibaateysan yihiin meelihii ay cagahooda kusoogaareen.

Weriye Beene Beene oo lugta ka buka
Weriye Beene Beene oo lugta ka buka

Wariye Maxamuud Cabdiraxmaan BEENE BEENE oo ahaa Wariyihii Idaacaddii Hornafrik ee gobolka shabeelaha Hoose iyo Wariye Maano Xuseen Ibraahim oo ahayd Wariyihii Hornafrik ee Magaaladda Marka ayaa labaduba dhibaato kuheysataa Xerada Xagardheer Dhadhaab ee Dalka kenya hakaasoo ay iyaga iyo qooysaskoodiiba ay orod kusoogaareen.

Wariye BEENE BEENE waxaa uu la ildaranyahay Xanuunadda Macaanka iyo Dhiikarka waxaana Qaliin looga sameeyay Mid kamid ah labadiisa lugood iyadoo aysan jirin cid ka caawineysa xagga nolosha isaga iyo qoyskiisa.

Maana iminka waa Hooyo korineysa carruur
Maana iminka waa Hooyo korineysa carruur

Halka Wariye MAANO ay dusha kusooqaado Caruurteeda iyo caagado biyo ah oo ay dadka udhaamiso haddiiba ay wax un kahelayso balse hadda intiina waa aygabtay waayo waxay iskuwadi waysay biyo dhaamintii iyo ilaalinta sadex carur ah oo ay wadato.

Wariyayaasha kala ah C/salaan Salas iyo Axmednuur Cabdi Maxamed oo booqday labadda wariye ayaa sheegaya in xaaladda labadaasi wariye ay aad u liidato xag nololeed iyo xag caafimaadba.

BEENE BEENE iyo MAANABA waa ay iska shaqeysanjireen markii ay joogeen wadanka balse duruufta ayaa sidaan ay hadda yihiin sababtay sidaa daraadeed waxay caawinaad uga baahanyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ah ehelka kali ah oo ay leeyihiin .

Haddaba Qofkiiraba in uu wax un kucaawiyo wuxuu la sooxiriiri karaa [email protected] ama teleefannadan kala ah:

Yurub ….Wariye Bashiir Jiilaal… telefoonka….0031685579334

Koonfur Afrika…Wariye Abdirisak Kampala…Teleefonka… + 27 73248 8641

Nairobi Kenya…Wariye  Ibaraahim Geedoow BIIBO..Telefonka…+254721944591

Dad loo qabqabtay qaraxyadii Islii

0

Nairobi (Caasimada Online) Ciidamada amaanka Kenya ayaa maanta oo Isniin ah howlgalo ay ka sameeyeen xaafadda ay ku badan tahay Soomaalida Kenya ee Islii, waxa ay ku soo qabqabteen illaa sagaal qof oo siddeed ka mid ah ay u dhasheen waddanka Yemen.

Madaxa booliska Nairobi Moses Ombati oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in qaraxyadii xaley ka dhacay Islii loo xiray illaa sagaal qof oo u badan dad reer Yemen, kuwaasoo ku jiray dhismo ku yaalla meesha ay qaraxyada ka dhaceen.

Wuxuu intaas ku daray  in su’aalo la weydiinayo dadka la xiray ee looga shakiyay inay ka dambeeyeen qaraxyadii xaley.

Waxa ku jira sagaalka qof  ruux u dhashay waddanka Soomaaliya, kaasoo lahaa dhismaha laga soo qabtay dadka reer Yemen ah.

Booliska Kenya ayaa sheegay in ay xoojin doonaan ammaanka xaafadda Islii oo dhowr qaraxyo ay ka dhaceen bishan kaliye.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii qarax nooca bambaanada lagu tuuray masaajidka Al-Hiddaaya oo ku yaalla xaafadda islii, waxa ku dhintay qaraxaas lix qof, iyo tira intaas ka badan oo uu ku jiro xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamkunji Yuusuf Xasan Cabdi.

Xildhibaanka ayaa looo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Johannesburg,ee waddanka Koonfur  Afrika kaddib markii uu ka dhaawacmay labada lugood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Eric Abidal: Dhaqso kuma soo laabanaayo kubada cagta.

0

Daafaca kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa sheegeya inuusan si dhaqso ah ugu soo laaban doonin ciyaarta kubada cagta xilli ciyaareedkaan.

Daafaca Faransiiska ah ayaa qaliin wadnaha ah maray bishii April wuxuuna ku jiraa wadadiisa soo laabashada ilaa iyo waqtigaas. Daafacii hore ee garabka bixin kooxda Olympique Lyonnais ayaana sheegay inuu saacidaad ka helaayo qoyskiisa.

“Rajadeydu waa inaan kusoo laabtaa kubada cagta waqtiga xaadrikaan aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waxaana dareemayaa inaan aad u fiicanahay,” ayuu u sheegay TV3.

“Waxaan doonayaa inaan ciyaaro kubada cagta, waxaana heystaa qoys aan ii ogokeyn waq Qatar ah. Tixgelinta koowaad aniga ayaa u leh, ka dibna nafahaanteyda.

“Hadii aan ciyaari karo waa wax lagu farxo, waxaana heystaa qoys iyo dad kuwaas oo I jeclel.”

Liverpool oo dooneysa inay lasoo saxiixato weeraryahan Villa.

0

Liverpool ayaa diyaar u ah inay lasoo wareegto weeraryahanka Barcelona David Villa, sida uu qoray wargeyska kasoo baxa Isbaanishka AS.

Wargeyska ayaa sheegaya inay kooxda Anfield xidigaan ku dalbaneyso inta u dhexeysa 12-15 milyan oo euro, 31-jirkaan ayaana la isku waafaqi karaa inuu ka tago kooxda Catalan, xidiga heerka caalami ee dalka Spain ayaana ka mid aheyn dooqa koowaad ee tababare Tito Villanova.

Weeraryahankii hore ee Valencia ayaa taageero badan ku leh garoonkii uu kusooo ciyaaray Mestalla iyo xulkiisa Spain, si kastaba qiimihiisa waxaa hoos u dhigay dhaawacyo, David Villa ayaana dooqa koowaad ee weerarka kaga dambeeya Pedro, Alexis Sanchez iyo xittaa Cristian Tello oo inta badan uu taageero Lionel Messi.

Villa ayaa ku bilowday lix kulan oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkaan wuxuuna dhaliyey shan gool, Liverpool ayaana u baahan weeraryahan iyadoo inta badan ku tiirsan xidigo da’yar ahVilla ayaa laga yaabaa inuu u soo dhaqaaqo Premier League.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Demba Ba oo ku riyoonaya inuu u ciyaaro kooxda Arsenal.

0

Demba Ba ayaa albaabka u furay inuu u dhaqaaqo kooxda Arsenal wuxuuna qirtay inay tahay koox uu kaga dhabeyn karo riyadiisa.

Weeraryahanka Newcastle ayaa xilli ciyaareed fiican ku qaadanaya St James Park, wuxuuna dhaliyey  11 gool oo Premier League ah.

Ba ayaanse saxiixin qandaraas cusub waxaana qandaraaskiisa haatan ee Magpies lagu burburin karaa 7.5 milyan oo ginni.

Arsenal, Tottenham iyo Liverpool ayaa noqon doona kooxaha saxiixiisa ku dagaalama xilli ay Newcastle dooneyso inay ceshato xidigeeda.

Arsene Wenger ayaana si gaar ah xidigaan ugu arka inuu ku xaliyo dhibaatada weerarka Gunners ka taagan.

Ba ayaa u sheegay Canal+: “Waxba kama dhihi karo wararka ila xiriirinaaya Arsenal. Waxna ma aysan dhicin weli.

“Warbaahinta ayaa og inay Arsenal u baahan tahay weeraryahan waxayna ogyihiin lacagta lagu burburin kara qandaraaskeyga. Waxay u baahan yihiin inay sameeyaan waxa maskax ahaan ay ka sameyn karaan arinka.

“Arsenal waa koox ka mid ah kooxaha aan ku sameyn karo riyadeyda.”

Gunners ayaa suuqa  ugu jirta weeraryahan iyadoo ku dhibaatooneysa gool dhaliye ka dib markii ay Robin van Persie, xagaaga ka iibiyeen Manchester United.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Martin O’Neill: Van Persie waa Messi-ga Manchester United.

0

Tababaraha kooxda Sunderland Martin O’Neill ayaa weeraryahanka Manchester United Robin van Persie la meel dhigay xidiga kooxda Barcelona Lionel Messi.

Xidigaan ay Red Devils xagaaga kula soo saxiixatay 24 milyan oo ginni wuxuuna u dhaliyey 12 gool 17 kulan oo uu saftay Premier League, marka lagu daro goolkiisii furitaanka uu ka dhaliyey Black Cats Sabtidii ciyaar ku dhamaatay 3-1 oo ka dhacday Old Trafford.

Messi ayaa Axadii dhaliyey goolashiisii 89aad iyo 90aad ee sanadkaan kulanki ay kooxdiisu 4-1 ku xaaqday Atletico Madrid, wuxuuna sii dheereeyey Rikoorkiisa gool dhalinta ugu badan hal sano, O’Neill ayaana aaminsan inuu Van Persie siiyey United wax la mid ah waxa uu kabtan Argetina u sameeyey kooxda Camp Nou.

“Van Persie wuxuu goolal ka dhalin karaa meel aad u fog. Waxay u egtahay wax aan dhicin, waxaad ka ciyaareysaa weerarka, laakiin wuxuu ahaan furitaan aan caadi aheyn,” ayuu O’Neill u sheegay saxaafda.

“Barcelona miyey saameyn midaan la mid ah yeelaneysaa hadii uusan ciyaareyn Lionel Messi? Waa koox aad u tayo badan, laakiin Messi la’aantiis waxba kama naqaan, sababtoo ah waa hugaamiyahooda.

“United waxan xidig qandaraaskiisu hal sano ka dhiman tahay kusoo iibsatay 24 milyan, marka qiyaas qiimha uu ku fadhiyo. Laakiin keliya tusaale maahan, xaqiiqda ayaa ah inuu yahay nin cajiib ah.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Juventus oo meesha ka saartay inay lasoo saxiixato Drogba.

0

Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte ayaa meesha ka saaray inuu Janaayo lasoo wareegayo halyeeyga Chelsea weerarka uga ciyaari jiray Didier Drogba.

Wargeyska Talyaaniga kasoo baxa Gazzetta dello Sport, ayaa maanta qoraya inaysan Juve wax hurumar ah ka sameyn saxiixa weeraryahanka Shanghai Shenhua, kaasoo Abaal marin shaqsi ah ka helay BBC, wuxuuna ka tegay Yurub isagoo u jiheystay cariga Shiinaha.

Horyaalnimada Serie A, ayaa sidoo kale lala xiriirinaayey weeraryahanka with Athletic Bilbao Fernando Llorente, laakiin Conte ayaa qirtay inaysan Juve lasoo saxiixan doonin ciyaaryahano sare.

“Waxaan hurmar ka sameynay afaafka goolka. Waa xilli adag xaalada lagu jiro, Juve keliya maahan laakiin kooxaha kale oo dhan,” ayuu Conte u sheegay Corriere dello Sport.

“Ciyaaryahano sare ma keeni doono sabatoo ah uma baahnin taageeradooda.

“Waxaan wax ku sameyneynaa ciyaartoyda aan heysano, waxaan u shaqeyneynaa si adag waxaan isku deyeynaa inaan kor u qaadno ciyaartoyd aan heysano.

“Dhowr mar horay waan uga fiicneyn weerarka waxaana isku deyi doonaa inaan kor isku sii qaadno.”
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Fiqi “Waxyaabo iga yaabiyay ayaan ka maqlaa ciidamada Dowladda”

0

Kadib markii uu ka yaabay waxa ay ku kacayaan ciidankiisa Dowladda Somalia, ayaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya, waxa uu soo saaray digniin culus.

C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa digniin kama dambays ah waxaa uu u jeediyay Askarta dowlada ee dareeska Ciidanka ku dhibaateeya dadka shacabka, sida maalmahanba la warinayay.

Mudooyinkan dambe Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya oo ay joogaan ciidamada dowlada Somalia, ayaa waxaa ka socotay sheeko ah koox dareeska ciidanka dowlada ku labisan ayaa kufsi iyo dhac gaystay.

Fiqi ayaa sheegay in lala xisaabtami doona Askarigii ugu awood sheegto shacabka labiska uu xeran yahay .

“Wax iga yaabiyay ayaan maqlaa mar kasta oo laga sheegayo ciidamada Dowladda, lamana aqbali karo” ayuu yiri Fiqi.

Wuxuu sheegay in Askari kasta oo dadka shacabka waxyeeleeyo isagana lagu qaadayo  xukun lamid ah ku xadgudbida shacabka loomana dul qaadan doono ayuu yiri.

Fiqi ayaa carabaabay in goob walba oo ay dowlada la wareegto in la gayn doono Maxkamada Ciidamada qalabka si ay xukunno ugu qaado ciidamada dhibka ku haya shacabka.

Xog: Axmed Madoobe vs Prof. Gaandi iyo Ethiopia oo loo taageero doontay

0

Dadkii marku horey isku baheystay dhismaha maamulka Jubbaland, ayaa dhexdooda isaga hor yimid cidda yeelan doonta talada ugu sareysa ee maamulkaas, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Ilo-xog ogaal ah, ayaa Caasimada Online u sheegay in hogaamiyaha maleeshiyada Raaskambooni Axmed Madoobe iyo Prof. Maxamed Cabdi Gandi oo hogaamiya maamulka aan meelna ka talin ee Azaaniya ay isku hayaan cidda yeelan doonta talada Jubbaland State.

Waxay u muuqataa in iminka loolankaasi uu ka adkaaday Prof. Gaandi oo ciidamada Kenya ee jooga magaalada Kismaayo ay yihiin ninka ay ka war maqlaan, marka ay noqoto kooxaha Soomaalida ee halkaasi isku haya.

Inkasta oo Gaandi uusan joogin Kismaayo, haddana waxaa la sheegay inuu wakiil ka yahay General Ismaaciil Saxardiid, oo ay isku xulufo yihiin.

Warar ay si gaar ah u heshay Caasimada Online, ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu dareemayo inuu meel cidla ah kusoo dhacayo, uuna socdaal deg deg ah ugu amba baxay dalka Ethiopia.

Waxaa safarkiisa ku wehliya oo xulufo la ah General Maxamed Faarax Warsame Darwiish, oo hogaamiya koox la yiraahdo Harti Group, oo si dadban ugu jirta loolanka arrimaha Jubbooyinka.

Sarkaal sare oo jooga Kismaayo ayaa inoo sheegay in Axmed Madoobe, uu iminka gacan iyo isbaheysi ka raadinayo Ethiopia.

Waxa ay sidoo kale u muuqataa in arrinta la isugu hayo deegaan ahaan, ayada oo inkasta oo Gandi iyo Axmed Madoobe isku beel yihiin, haddana ay deegaan ahaan kasoo kala jeedaan xubnaha beesha ee Kenya iyo tan Ethiopia.

Si kastaba lama yaqaan waxa uu kala soo kulmi doono dowladda Ethiopia, hase yeeshee waxa uu garab ka helayaa xubno ay isku beel yihiin oo ku jira Dowladda Ethiopia.

Murankan ayaa imanaya xilli ay soo dhowdahay dhismihii maamulka Jubbaland, oo Axmed Madoobe uu wax badan mooday inuu madax ka noqon doono, balse uu goor dambe ka war helay in sida uu wax mooday aysan u socon.

Dahabshiil oo aqbashay in ay bixiso lacagtii ay Maxkamadda Holland ku ganaaxday + Document caddeyn ah.

0

Shirkadda Dahabshiil, ayaa ogolaatay inay bixiso lacag ay ku ganaaxday maxkamad ku taalla dalka Holland, oo la xiriirta dacwad ay ku fashilantay oo ay ku oogtay milkiilaha Waaga Cusub, Dahir Alasow, oo sidoo kale ah madaxa ururka Associated Somali Journalists.

Kadib markii 30-kii November ay Maxkamadda Breda ee dalka Holland laashay kiis maamulaha Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil uu ka gudbiyay Dahir Alasow, ayaa maxkamada waxa ay sidoo kale Dahabshiil ku xukuntay inay bixiso lacag ganaax ah, oo ah watqigii iyo qarashkii ay ka lumisay Waaga Cusub.

Haddaba 4-tii bishan ayay shirkada garyaqaanda matalayay Dahabshiil ee Bird and Bird waxa ay warqad ogolaansho u direen kooxda difaaceysa Dahir Alasow ee De Vos and Partners.

Bird and Bird waxa ay cadeeyeen in Dahabshiil ogolaatay inay bixiso dhammaan lacagta oo aysan sheegin cadadeeda, hase yeeshee ay racfaan u qaadan doonaan maxkamadda.

Kooxda Dahabshiil waxa ay kale oo ay ku hajnabeen inay billaabi doonaan dacwad ka dhan ah Dahir Alasow, haddii sida ay sheegeen uu daabaco warbixin aan sharci ahayn oo ka dhan Dahabshiil, inkasta oo xitaa ay jirto in laba dacwad hore oo ka dhan ahaa Mr. Alasow ay ku fashilmeen.

Halkan ka arag Warqaddii kooxda Dahabshiil ee Bird and Bird u direen kooxda Waaga Cusub ee De Vos and Partners.

Madaxwaynaha iyo kullanka Jabuuti

0

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuude ayaa  waxaa lagu wadaa inuu u xaadiro xuska Xaflada 40 Sanadguuradii kasoo wareegtay Markii la qoray Farta Afka Soomaaliga ah.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ay maalintii shalay gaareen magaalada Jabuuti ee dalkaas si uu ugu qaybgalo maalinta muhiinka ah.

Dowlada Jabuuti ayaa martigelinaya xafladaasi waxaana ka qeybgalaya masuuliyiinta maamulada Soomaaliland,Puntland,Kilinka Shanaad iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sanadkii 1972 maanta oo kale ayaa la qoray afka Soomaaliga waxaana iminka kasoo wareegtay muddo dhan 40-sano madasha xaflada ay ka dhaceyso waxaa ku sugan aqoonyahano Soomaaliyeed.

Madaxwaynaha ayaa inta ay socoto xaflada waxaa ay ku wada sheekeysan doonaan madax ka socota Somaliland iyo dhulka Ismaamulka Itoobiya.