24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Scholes, Giggs iyo Ferdinand oo ka tegaya Man Utd.

0

Paul Scholes ayaa qorsheynaya inuu gabi ahaanba ka fariisto kubada cagta dhamaadka xilli ciyaareedka  iyadoo Manchester United Sir Alex Ferguson uu xilli ciyaareed kale oo la yaab leh ka dhigayo Old Trafford, sida uu qoray Mail on Sunday.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda United Scholes ayaa u sheegay saxiixbadiis inuu bisha May ciyaaraha ka fariisan doono uusan dib ugu soo laaban doonin.

Ferguson ayaa sidoo kale wajahaya inuu waayo halyeey kale, Ryan Giggs, ayaa ka tegi doona kooxdiisii uu mustaqbalkiisa oo dhan usoo ciyaarayey xagaaga, tababaraha ayaana ogeyn hadii ciyaaryahanka daafaca ka ciyaara Rio Ferdinand uu kooxda qandaraaska u kordhinayo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Xaalada Xildhibaan xalay la dhaawacay

0

Laasacaanood (Caasimada Online) Xaaladda Xildhibaan Cabdi Casiis Xuseen Maxamed ayaa la sheegayaa in ay yara fiican tahay, kaddib markii loola soo cararay isbitaalka magaalada Burco ee gobalka Togdheer.

Xildhibaanka ayaa xaley salaadii cishaha kaddib kooxo hubeysan ay ku toogteen magaalada Laaasacaanood ee gobalka Sool.

Taliyaha ciidamada gobalka Sool Cali Ismaacil Faarax oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in isla goobta ay ku qabteen labo nin oo la sheegay in ay wateen bastoolado iyo bambka gacanta laga tuuro.

Taliyaha ayaa sheegay in raggan ay yihiin kuwii ka dambeeyay weerrarka xildhibaanka oo ka tirsan golaha deeganka Somaliland.

Waxa la sheegay in xildhibaanka ay labo xabadood kaga dhaceen madaxa, laakin hadda lala tacaalayo dhaawiciisa.

Waa weerrarkii labaad oo ka dhaca magaalada Laasacaanood tan iyo wixii ka dambeesay markii la qabtay doorashada golayaasha deeganka Somaliland.

Magaalada Laasacaanood ayaa la sheegay in iminka ay ku jirto xaalad aan daganeen oo weli waxa la hadal hayaa weerrarkii xaley lagu qaaday mudanaha ka tirsan xildhibaanada golaha deeganka.

Xildhibaanka xaley la toogtay ayaa waxa uu ka mid ahaan jiray wariyaasha madaxa banaan ee ka howlgala magaalada Laasacaanood.

Waxa uu hadda ahaa xildhibaan ka soo baxay doorashadii golayaasha deeganka , wuxuuna ka tirtsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Xaaladda magaalada Laasacaanood ayaa la sheegay in ay saaka deggantahay, oo dhaqdhaqaaqa dadka iyo ganacsiga ayaa caadi ku soo noqday.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Laasacaanood

XOG-WARRAN: Wax badan oodan ka ogeyn ciidamada Kenya ee qabsaday gobollada Jubbooyinka.

0

Sanadkii 2009 ayaa Maraykanka waxaa loo qaaday Lix Sargaal oo ka tirsan Ciidanka Kenya si ay u Hogaamiyaan duulaan la qorsheeyay in Ciidamada Kenya ay ku qaadaan Qadanka Soomaaliya. Qorshahan oo ahaa mid qarsoodi ah, waxa lagu adkeeyay Saraakiishaan inaysan cidna u sheegi karin.

Bishii Agoosto 8.  2009 ayay lixda Askari oo uu horkacayo kabtan Xavier Omondi gaareen  xarunta Ciidanka Ilaalada Qaranka ee magaalada Benning gobolka Georgia  ee dalka Maraykanka.

Dhowr bilood ka dib markii ay kasoo laabteen  tababarkaas, waxaa Wadanka Kenya gudihisa looga furay xarun cusub oo  lagu tababarayo ciidamo loo bixiyay Rangers Strike Force, xaruntaas oo  qudheedu aheyd xiligaas mid qarsoodi ah, waxa tababaro looga  furay ciidamo badan oo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Isla waqtigaas waxa  laga furay isla Kenya xarun kale oo ay Maamulaan Ciidanka  Ingiriiska loona bixiyay Xarunta Special Force waxana lagu biiriyay  xarunta aan kor kusoo sheegnay ee Rangers Strike Force 40RSF.

Labada  ciidan RSF iyo SF oo ay gacanta ku hayaan ciidamo kala ah Maraykan,  Ingiriis iyo Yuhuud iyo tiro yar oo Kenyan ah oo lagu soo tababaray  Maraykanka, waxay ahaayeen qarsoodi ilaa laga soo gaaray duulaankii  Soomaaliya ee loo bixiyay Operation Linda Nchi oo ay ciidamada Kenya oo  garabsanaya Maraykan iyo Waxqabadka  ay muujiyeen ciidankii lagu soo tababaray Maraykanka iyo sida ay u  laayeen Soomaalida waxa Madaxweyne Mwai Kibaki uu ku gudoonsiiyay  ciidankaas bilado iyo dalacsiin kala duwan.

Ragga la gudoonsiiyay  biladaha ee kusoo tababartay Maraykanka waxa ka mid ah Kabtan Boniface  Waithaka oo la siiyay Xidig Qalin ah, wuxuna hada

Sanad ayay ku qaadatay Ciidanka Kenya inay qabsadaan Kismaayo.
Sanad ayay ku qaadatay Ciidanka Kenya inay qabsadaan Kismaayo.

hogaamiyaa Boniface  ciidamada Kenya ee fadhigoodu yahay Bilis-Qooqaani, Soomaaliya. Sidoo  kale waxa abaal-marin la siiyay Samwel Marwa, Abdullahi Gabow, Emedele  Epakolok iyo Mwambuzi Simba. Bilada ugu sareysa Kenya ee la yiraahdo  Head of State Commendation waxa la gudoonsiiyay Ranger Onsemus Namu.  Ragaan dhamaantood waxay kusoo tababarteen dalka Maraykanka.

Xarunta  ugu weyn ee Ciidamadan Special Operation-ka waxay ku taalaa degaanka  Gilgil, si aad ugu biirto ciidankaasna waxad u baahan tahay inaad tahay  askari aad u wanaagsan xagga adkaysiga iyo akhlaaqda.

Si  aad u noqoto marka hore ciidanka loo yaqaan Rangers Strike Force waxad u  baahan tahay inaad marto 63 maalmood oo tababar ah, haddii aad doonayso  inaad usii gudubto Special Forces-kana waxad u baahan tahay lix bilood  oo tababar ah. Farqiga u dhexeeya labadaas ciidana waxay kala yihiin  Rangers-ka waxa tababara ciidamo Maraykan ah, halka Special Forces-ka ay  tababaraan ciidamo Ingiriis ah.

Sida  dadku u maleeyaan maaha ciidamada Special Forces-ku kuwo degdeg ku howl  gala, waxayse u baahan yihiin diyaar garow dheer marka ay howlgal  sameynayaan. Waxa loogu tala galay meesha ay qabsadaan inay ka abuuraan  ilo dhaqaale, sida koronto, biyo, dalag beereed, dayactir wadooyin,  dhaqaalaha iyo siyaasada dhulka ay qabsadeena waa inay ka talo bixiyaan.

Arintan iyada ah waxay cadeyn u tahay in ciidamada Kenya ee qabsaday  magaalada Kismaayo aysan si fudud faraha ugala bixi doonin maamulka iyo  talada dhulka Jubooyinka.

Qaabka Tababarkooda

Marka  ay tababaranayaan Ciidamada Rangers-ku waxay 3 Isbuuc ku qaataan  magaalada Isiolo, ee degaanka Soomaalida, waxayna sidoo kale 3 Isbuuc oo  kale ku qaataan dhulka jooga sareeya ee buuraleyda Kenya. Kadib waxay  usoo wareegaan dhulka kulul ee xeebaha Kenya sida xerada ciidamada ee  Manda Bay.

Waxay  tababarka la qaataan ciidamo ay ka mid yihiin Special Air Service  SAS-ka Ingiriiska, Sayaret Matkal oo ka tirsan IDF Isreal Defence Force  iyo Rangers-ka Maraykanka. Sida laga soo xigtay ciidamada Kenya  tababarada qaarkood waa kuwo aysan xamili karin dadka ugu geesisan  aduunka. Waxa lagu tababaraa inaysan dib-u-gurasho sameyn karin ciidanku  xataa haddii ay galaan xaalada ugu khatarta badan. Waxa ka mid  waxyaabaha la baro, in ragga la dareensiiyo culeys iyo xanuun. Sidoo  kale waxa si xeeldheer loo baraa inay isqariyaan si ay u sameyn karaan  qaraxyo iyo dilal qorshaysan.

Waxa ka mid ah xaaladaha lagu tababaro  inay ka dagaalami karaan lana dagaalami karaan argagixisada,  magaalooyinka, lamadagaanada, buuraha iyo dhulka howdka ah. Waxa kaloo  la baraa hubka noocyadiisa kala duwan laga bilaabo hubka fudud ilaa  madaafiicda calculus.

Sida  aan kor kusoo sheegnay ciidankan waxa la bilaabay tababarkooda sanadkii  2009, kaasoo ahaa markii xukunka laga qaaday C/lahi Yusuf loona dhiibay  Shiikh Shariif Sh. Axmed, waxaana loogu tala galay inay ciidankaani  qabsadaan koonfurta Soomaaliya, taasoo hada usuurto gashay, inkastoo aan  la ogeyn sida ay ugu sii raagi doonaan qorshahooda qarsoon.

Waxa xusid  mudan in ciidamadii Itoobiya ee qabsaday caasimada Soomaaliya Muqdisho  sanadkii 2007 la bilaabay tababarkooda sanadihii 2003-2004 waxaana  sidaan oo kale tababari jiray ciidamo ka kooban Maraykan iyo Ingiriis.

Waxaase  wax laga calool xumaado ah in Soomaalidu aysan u jeedin shirqoolka loo  maleegayo ee ay u qeybsameen qaar ku faraxsan kuraas iyo jagooyin  dhalanteed ah, qaar la shaqeynaya cadowga doonaya inuu qabsado dhulkii  yaraa ee haray iyo kuwo xagjir ah oo dadkii ku dhameeyay gowrac iyo  qarax, waxayna kooxda dambe u muuqdaan kuwo si dahsoon ula shaqeynaya  cadowga madaama ay u fududeeyeen qabsashada dhulka kadib markii cadowgu  uu u balanqaaday shacabka Soomaalida inay ka badbaadinayaan kooxaha  gumaadka iyo gowraca ku haya.

Isha: Keydmedia.net

Caasimada Online: Shaqsiyaadka 2012 loo aqoonsaday Daljirka-Muuqda!

0

Bulshooy muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo dadaal dheeri ah muujiya amaba dadka iyo dalkaba wax ku soo kordhiya, wuxuu kaa mudan yahay mahad celin guud iyo inaan abaal kiisa daah la saarin ee si daalacan ah farta loogu fiiqo, maxaa yeelay waan hubaa marka uu halyeygu geeriyoodo inaad u ilmeyn doonto amaantiisana aad badin doonto, haddaba su’aasha is weydiinta mudani waxey tahay “yaa ka mid ah halyeeyadii ugu cad caddaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee wax qabadka tayada leh soo muujiyay sanadkan sii dhamaanaya ee 2012ka”.

Daljire muuqda.

Dr:- Xuseen sheekh Axmed Hilowle, oo loo yaqaanno ( Kadare ) 1952dii ayuu soo bandhigay far qoraal aan laatiin aheyn oo uu isaga hal-abuurkeeda lahaa uguna magac daray ( Kadariya ) taas oo madbacadihii dalka ka jiray awgood aanay suura gelin in la qaato lagana door biday farta laatiinka ah oo uu hadda afsoomaaligu ku qoran yahay. Afku waa midka kaliya ah ee aanay umadda soomaaliyeed weligeed isku khilaafin kuna kala tagin meel kasta oo ay joogtaba, guushaasna waxaa iska leh halyeeyo uu ka mid ahaa Dr, kadare.

Dr:- Kadare, waa taariikh nool oo ku dayasho mudan, waayo waa shakhsiga kaliya ah ee hadda weli ka sii nool guddigii afka Soomaaliga ee u istaagay in ay abuuraan far qoraal ay yeelato bulshada soomaaliyeed oo aan 1972dii wixii ka horreeyay aanu afkeedu qorneyn, sidaa darteed, waxaannu leennahay “mudane taariikhdu ku ma illaawi doonto, waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Prf:- Maxamed Cusmaan ( Jawaari ) waxaa uu nasiib u yeeshay in uu guddoon u noqdo 275 xildhibaan oo matalaya masiirka ummadda Soomaaliyeed, waa waaya arag muddo dheer ku soo dhex jiray howl fulinta qaranka soomaaliyeed ilaa iyo xilligii kacanka.

Prf:- Jawaari, wuxuu si xilkasnimo iyo waddaniyadi ay ku dheehan tahay u maareeyay habeyntii baarlamaanka iyo doorashadii dalka ee taariikhiga aheyd ee madaxtinimo raadinteeda ay u soo istaageen musharrixiin wada ruug caddaa ahaa, taasoo u dhacday si aan is qab qabsi laheyn laguna wada qancay, inta badanna waxaa taasi sahlay hannaankii degganaanta lahaa ee uu prf- jawaari wax u soo maamulay, sidaa darteed, waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljirrada muuqda ee 2012ka.

Daljire muuqda.

Amiin Caamir, waa farshaxaniiste caan ku ah sawir gacmeedyada iyo gaar ahaan kartoonnada siyaasadeed ee bulshada lagu wacyi geliyo, waa siyaasi la jaan qaada hadba dabeysha siyaasadeed ee is rog rogga badan dhanka saxda ah ee laga filan karo ama ay ku sii jeeddo waana duruus toosin ah oo loo baahan yahay in la fahmo cuqda la’aan.

Amiin Caamir oo uu kartoonkiisa siyaasadeed dhaliil u badan yahay, waxaa mar walba ka carooda intii ay dhaliishaasi saameyso, waxaana ku farxa inta aaminsan in ay dhaliishaasi tahay mid sax oo sidii la rabay loo abbaaray, taasoo mar walba ku saleysan kala duwanaashaha dhanka fikirka ee u dhaxeeya bulshada soomaaliyeed.

daljirka2012Haddaba Amiin Caamir, waxaan ku sii guubaabineynaa inuusan ka caajisin wacyi gelinta bulshada tusaalaha iyo toosinta uga baratay ee subax walba farshaxan kiisa dhaayaha ku heysa, sidaa darteed, waxaannu leennahay ” mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Khadiijo C/llaahi Cameey oo ku magac dheer ( Daleys )marka laga reebo Shamis abokor ( Guduudo Carwo ) oo Raadiyo hargeysa heesaha ku soo billowday, Daleys waxey aheyd gabadhii ugu horreysay ee raadiyo Muqdisho ka heesta dhismihii fanka soomaaliyeedna kaalin weyn ka soo qaadatay, iyada oo afsoomaaliga guud ahaan maay iyo maxaa tiriba si muuqata oo fasiix ah ugu soo wada heestay.

Khadiija C/llaahi Daleys wey soo halgantay xilligii gobannimo doonka aheyd welina halgankeedi bey sii waddaa, sababta ay weli isu sii dhibeysana waa dad iyo dal jacayl, waxeyna meel walba ka ruxeysaa calaankaa buluugga ah, sidaa darteed iyaduna waxaannu leennahay “Maama taariikhdu ku ma illaawi doonto, waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Dr:- Maxamed Daahir Afrax, waa qoraa sare oo caan ka ah geyiga soomaaliyeed iyo meel walba oo ay soomaalidu deggan tahay, waxey dadka intiisa badan ku xusuustaan sheekooyinkiisii caanka noqday ee kala ahaa ( Maana faay iyo Galti macruuf )

Maa daama shacbiga soomaaliyeed uu qaran bur bur ku soo dhacay, wuxuu Maxmed daahir isku mashquuliyay inuusan afkoodu burburkaasi saameynin, wuxuuna madax ka ururka qalinleyda soomaaliyeed ( Somali pen ) kaasoo wax badan ka qabtay ururinta afka hooyo, waxaana ugu danbeystii laguu guuleystay qaamuus guud oo afsoomaali ah in lagu soo bandhigo dalka jabuuti shanta soomaaliyeedna leysugu keeno.

Waxaan is leeyahay taasi waa guul uu dareemi karo qof kasta oo soomaali ah, waxaana mahaddeeda iska leh intii howshaasi ka mira dhalisay gaar ahaan Maxamed daahi afrax, sidaa daraadeed waxaannu leennahay ” mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Abwaan: C/dhuux Yuusuf Xasan, waxaa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii aan 22kii sanoo ee dalka burbursanaa aan marnaba dibadda uga bixin una soo dhabar adeegay hoog iyo halaag wixii dalka ka dhacayay, taas oo aheyd naf hurnimo iyo u bareerid waddaninimo.

Xilliyadii uu burburka jiray abwaan C/dhuux, waxaa lagu xusuustaa maansooyin kiisii uu bulshada ku wacyi gelinayay, gaar ahaan riwaayaddiisii la magac baxday ” Darajo iyo xil yaa mudan?” ee laga dhigay muqdisho iyo kulan weynihii Carta ee dalka jabuuti.

Abwaan C/dhuux hadda waa maareeyaha golaha murtida iyo madadaalada wuxuu halkiisii ka sii wadaa dadaalkiisii ahaa qaran doonnimada, waana hormeeyaha kala haga bah weynta fannaaniinta Soomaaliyeed ee hal-abuurka iyo suugaanta ku mideysan, sidaa darteed waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Daljire muuqda.

Maxamed Aadan Teerra, waa weriye caan ah oo ka mid ahaa weriyayaashii xilligii kacaanka ka shaqeyn jiray Raadiyo Muqdisho, waana shakhsi isku darsaday degganaan iyo aftahannimo dheeri ah, isaga oo bulshada inteeda badanna sidaa ku kasbada.

Weriya Teerra, waxaa uu hadda jooga carriga ingiriiska, wuxuuna ka dhex muuqdaa mid ka mid ah TV-yada sida gaarka ah loo leeyahay ee ay xaruuntoodu tahay London, waxaana si gaar ah loogu xusuustaa barnaamijka fool ka fool ee uu ka daadihiyo TV-ga lagu magacaabo Universal.

Teerra, barnaamij socod siintiisa waa mid dhaxal gal ah oo bulshada wax ku soo kordhin karta, waayo, wuxuu isticmaala ereyo aqoon xanbaarsan oo taariikh iyo suugaanba leh taasina waa mid dhiirri gelin iyo hambalyadeeda mudan, sidaa darteed waxaannu leennahay “mudane waad muteysatee magacaa ha jiro”.

Ugu danbeystii dhammaan daljirrada muuqda ee aanay suura gelin in magacyadooda halkan lagu xuso waxaan ugu cudur daareynaa inaan la illaawin ee ay yihiin dad tirsan oo uu qaranku dugsanayo ee samir lahaa. sidoo kale daljirrada dahsoon ee suxufiyiinta, fannaaniinta iyo ciidamadaba leh ee u geeriyooday howl gudasho qaran darteed, waxaannu leennaha baal dahab ah baad ku qoran tihiin ee naxariistii janno eebbahay ha idin siiyo. Aaamiin.

Tani waa aragtideyda gaarka ah iyo sida ay ila noqotay, qalinkuna ilduuf wuu yeelan karaa ee wixii talo bixin iyo tusaaleynba igu soo hagaaji adigoo raalli ah.

W/Q: Bashiir Cali Xuseen.

[email protected]

Madaxwayne Xasan Sheikh oo u hanjabay saraakiisha Dowladda

0

Madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa ugu hanjabay Saraakiisha dowlada Soomaaliya inay kasban doonaan ciqaab hadii Askari dowlada ka tirsan uu dadka Shacabka wax yeeleeyo.

Xasan sheekh Maxamuud ayaa mar kale  uga digay  Askariga dowlada Soomaaliya inuu kufsado ama uu  ku tagrili falo awooda labiska aan loo dulqaadan doonin.

Wuxuu sheegay Madaxwayne Xasan qaladkii uu sameeyo Askariga isagana uu u jeewan yahay Sarkaalka Askariga uu hoostago.

Sarkaalka iyo Askariga ayuu sheegay in Maxkamada ciidamada qalabka Sida ay go’aan adag  ka qaadan doonto.

Ugu dambayn waxaa  kala hadlay ciidamada dowlada inay yeesheen adaab wanaagsan ma ahan buu yiri in la yiraahdo Askariga waa kuwii mara calasta ahaa.

UNHCR oo warbixin ka soo saartay dooni ku degtay xeebaha Soomaaliya

0

Geneva (Caasimada Online) Warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah hey’adda qoxootiga QM u qaabisan ee UNHCR ayaa lagu sheegay in 55-qof oo ah tahriibayaal Soomaaliya iyo Ethiopian in ay ku dhinteen dooni ku degtay xeebaha Soomaaliya.
Hay’addu waxey sheegtay in doonidu ay rogmatay 15- daqiiqo kaddib marlkii ay ka baxeen xeebaha Soomaaliya iyoona ku sii jeeday  waddanka Yemen ee ku yaalla gacanka cadmeed.

UHNHR ayaa xustay in dhacdadan ay ka badbaadeen illaa shan qof oo ahaan dadkii la socoday doonida degtay kuwaasoo  soo dabaashay,

“Meydka illaa 22-qof ayaa la helay laakin 32- kale ayaa weli maqan kuwaasoo loo marleenaayo in ay ku hafteen biyaha,” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR.

QM ayaa sheegtay in shilkaas uu yahay kii ugu xumaa ee ka dhaca gacanka cadmeed tan iyo bishii February 201-dii, markaas oo 57-Soomaali magangalyo doon ah ay ku dhinteen badda.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in doonidu rarku ku badnaa markii ay ka shiraacaneysay dekedda magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Si kastaba, QM ayaa sheegtay in tahriibayaal gaaraya 100, kun ay ka gudbeen badda-cas iyo gacanka cadmeed sanadkan oo kaliya.
Tobannaan kun oo qof ayaa oo ka taga geeska Africa ayaa ka gudba Gacanta Cadmeed sannad

Waxaana marka laga soo tago qatarta ay kala kulmaan ciriiriga doonyaha, iyo safarka badaha, waxaa kaloo ay dhibaato kala kulmaan, dadka wax tahriibiya ee doonyaha wata oo dhac, jir dil, kufsi iyo xitaa dil u geysta, sida lagu sheegay warbixinta UNHCR.
Ugu dambeen warbixinta waxa lagu sheegay in 95-qof oo tahriibeyaal ah oo ku safray biyaha gacanka cadmeed sanadkii la soo dhaafay la waayay ama ay ay ku dhinteen.

Ciidamada DF oo saaka dagaal ku ah Raaskambooni + Wararki u dambeeyay

0

Wararka Saakay laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolla Jubada hoose ayaa sheegaya in xiisad wali ay ka jirto magaalada, walow dhinaca kale ay socdaan waan waan.

Kadib markii maalintii shalay magaalada Kismaayo uu ka dhcay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Raaskambooni ayaa saaakay waxaa qaban qaabo dagaal ay ka jirtaa gudaha magaalada.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saakay heegan adag ku jirta halka kuwa Raaskambooni ee ka amar qaata Axmad madoobe lamid yihiin,waxaana warar gaar ah oo aan helnay ay sheegayaan in ciidanka dowladda ay yihiin kuwa isku dayaya inay dagaalka qaadaan, balse illaa iyo hadda lala hadlayo, oo ay socdaan wada hadallo lagu celinayo.

Dagaalka ka soo cusboonaaday Kismaayo ayaa waxaa uu yimid markii dagaalyahanada jabhada Raaskamboono ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowlada ay ku lahaayeen xaafada Calanley halkaas oo ay lacag ku qaadaan.

Marka xiisada jirta laga soo taago waxaa soconaya waan waan ay wadaan Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Kenya kaas oo ay ku kala qaadayaan dhinacyada dagaalaya, ayada oo inta badan ay si xoogan ula hadlayaan ciidanka Dowladda ka careysan dagaalkii gaadmada ahaa ee shalay kaga yimid maleeshiyada Raaskambooni.

CR7 oo ka maseyray Messi xilli uu ku dhowyahay inuu ka tago Real.

0

Cristiano Ronaldo ayaa wei dareemaya inay tahay inuu ka dhaqaaqo Santiago Bernabeu xagaaga wuxuuna aaminsan yahay inuusan helin naashnaashka uu helo Lionel Messi.

Lionel Messi ayaa heshiiska u dheereeyey kooxdiisa Barcelona Isbuucaan wuxuuna lasii joogi doonaa ilaa 2018, markaasoo ay ku beegan tahay dhalashadiisa 31aad.

Waxaa la rajeynayaa in sidoo kale heshiiskaan loogu kordhiyo mushaarka uu kooxda ka qaato iyadoo sanadii la gaarsiin doono 12.5 milyan oo ginni.

Laakiin sida laga soo xigtay wargeyska kazoo baxda dalka Spain Marca, Ronaldo ayaa weli laga dareemayaa inuu u careysan yahay kooxdiisa uusan faraxsaneyn, wuxuuna aaminsan yahay inuu u qalmo in loo naashnaasho sida Lionel Messi.

Halka Messi uu qandaraaskiisa Barcelona lix heer cusbooneysiiyey,  Ronaldo ayaan weli laga dalban inuu qandaraaska kooxda u kordhiyo tan iyo markii uu 80 milyan oo ginni Old Trafford kaga soo dhaqaaqay 2009.

Cristiano ayaa 169 gool u dhaliyey Los Blancos 170 kulan oo uu u saftay, halka Messi uu dhowaan jebiyey Rikoorkii gool dhalinta hal sano ee 40 sano la gaari waayey ee Gerd Muller.

Labada xidig ayaa u sharaxan Abaal marinta FIFA Ballon d’Or iyadoo uu ku wehliyo xidiga kale ee kooxda Barcelona Andres Iniesta.

Wararkii ugu Dambeeyay Xaalada Kismaayo & Dagaaladii Maanta…

0

Kismaayo (Caasimada Online) Inta la ogyahay shan qof oo u badan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay saaka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbadda Hoose.

Dadka deeganka ayaa sheegay in dagaalka la isku adeegsaday hub culus, isla markaana ay jiraan dad dhintay iyo ku dhaawacmay.

Waxa dadka dhintay ku jira ciidamada milatariga ee magaalada ku sugan iyo dad rayid ah, sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan magaalada.

Cabdi Nasiir Seeraar oo ah afhayeenka maamulka ku-meel-gaarka ee magaalada Kismaayo, wuxuu sheegay in magaalada wax dagaal ah uusan ka dhicin, laakin ay saxaafadda bara-bagaando ay baahisay.

Wuxuu yiri “ Magaalada waa ay xasiloontahay, wax dhib ahna kama jiro, waxa ka dhacay magaalada ciidamo isku dayi rabay in ay gadood sameeyaan, laakin markii dambe la soo qabtay, intaas yar ayaa magaalada ka dhacay, wax dagaal ahna kama jiro magaalada oo gacanta annaga ayaa ku heynaa”

Qof ku sugan magaalada ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in magaalada saaka laga maqlay hub culus, isla markaana meydad lagu arkay wadooyinka.

Wuxu yiri : “ Dagaalka magaalada ayaa bilowday saaka lixdii aroornimo waxana uu socday illaa 10-kii barqo nimo, waxa la isku adeegsaday

Daawo Muuqaal ka hadlaya Burburka gaaray Degmada Hodan. “Video”

0

Muuqaalka Maanta aan Idiin soo Xuleeyno Waa Degmada Hodan oo Burbur xoogan ay ka soo gaareeyn Dagaaladii sukeeyay ee 22 sano ka dhacayay  Magaalada Muqdisho Goormee ayaa  kugu dambeysay aragtideeda Degmada Hodan.

Magaalada Muqdisho waayadii u dambeeyay waxeey ka soo kabaneysa burburkii gaaray waxaana xiligaan la gaaray xiligii ay dib u is taagi laheyd 22 sano kadib oo burbur iyo dagaalo sukeeyay ay ku dul habsadeyn.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA DEGMADA HODAN:

 

Saraakiil La dalacsiiyay iyo Xuska Maalinta Booliska oo la soo xiray.

0

Magaalada Muqdisho  waxaa goordhow gaar ahaan xarunta Generaal kaahiye  lagu soo gabagabeeyay munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldagaye xuska 69-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabadan ciidanka Booliiska maanta loo dhigay ayaa waxa ay aheyd mid ballaaran islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan uguna horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo xubno kale.

Generaal Shariif Sheekuna Maya  oo ah Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaliyeed oo halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu shegay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ka shaqeeyaa Nabada iyo horumarka dalka Soomaaliyeed dhibaatooyin adagna la kulma.

Maye wuxuu sheegay in sanadkaan oo kaliya ciidamada Booliiska Soomaliyeed ay fashiliyeen qaraxyo kala duwan oo gaarayaa 150-islamarkaana ciidamada Booliiska ay ku guuleesteen arintaas.

Waxaa halkaasi bilad sharaf lagu  waxaa lagu guddoonsiiyay saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee halganka Dowladda usoo galay.

Cabdi Faarax Shirdoon Saacid  oo ah Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya oo isna dhankiisa goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidmaada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska ay qabteen shaqooyin wanaagsan mudnaana ay uleeyihiin in la abaalmariyo.

Ra’iisul Wasaaraha  wuxuu sheegay in Xukuumadiisa ay ku dadaalayso sugida dhanka ammaanka Muqdisho iyo ilaalinta xuquuqda ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

W/D: Cabdiweli Maxamed Ilkacase

Tell:  8885943

 

Real vs Man U, Arsenal vs Bayern isku aadka UCL oo la sameeyey

0

Isku aadka wareega 16ka Uefa Champions League ayaa la sameeyey iyadoo uu ka dhacay magaalada Nyon, ee dalka Switzerland maanta oo Khamiis ah.

Kooxda heysata horyaalka Primera Division Real Madrid ayaa wajihi doonta kooxda Ingiriiska ah ee Manchester Uniyed, Cristiano Ronaldo ayaana kusoo laaban doona garoonkii uu ku barbaaray ee Old Trafford.

Intaas waxaa sii dheer, kooxdii koobka ku guuleysatay 2011 Barcelona ayaa wajaheysa kooxda Talyaaniga ah ee AC Milan.

Kooxdii sandii hore soo gaartay Finalka Bayern Munich ayaa qaabili doonta wiilasha Arsene Wenger ee Arsenal iyagoo isha ku haaya inay shan sano gudahood sedax jeer Finalka higsadaan.

Kooxda awooda badan ee Serie A Juventus ayaa garka la geli doonta kooxda Celtic lugta hore ee wareegta 16ka, halka ay Schlke la kulmeyso kooxda Turkiga ah ee Galatasaray.

Kulamada hore ee Group-ka waxaa la ciyaari doonaa 12-13 iyo Janaayto halka kulamada labaad la ciyaari doono 19-20 waxayna kooxduhu Lugta kulamada labaad ee Group-ka ciyaari doonaa 5-6 March halka ay sidoo kale ciyaaraha kulamda labaad dheeli doonaan 12-13 March.

Isku aadka wareega seeded dhamaadka waxaa la qaban doonaa 15ka March, waxaana Finalka 25ka May lagu ciyaari doonaa garoonka Wembley Stadium ee magaalada London.

Isku aadka wareega 16ka Uefa Champions Lague  waxaa loo sameeyey sida tan.

Real Madrid vs Manchester United

AC Milan vs Barcelona

Arsenal v Bayern Munich

Arsenal v Bayern Munich

Galatasaray v Schalke

Shakhter Donestk v Borssia Dortmund

Valencia v Paris Saint-Germain

FC Porto v Malaga

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Dagaal Xoogan oo ka dhacay Kismaayo

0

Faah faahin ayaaa ka soo baxaysa dagaal maanta ka dhacay   Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose  kaas oo udhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni oo isku dhinac ah iyo maleeshiyo beleed uu ka socda magaalada gudaheeda.

Wararka ayaa sheegayaa in dagaalka uu ka socdo Xaafada calanleey ee Kismaayo halkaasi oo ay isku foodsaareen dhalinyaro la sheegay inay isbaaro dhigteen iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Sida wararka ay sheegayaan dagaalka  ayaaa wuxuu ka socdaa Xaafada Calanleey gaar ahaan halka loo yaqaan dalcada halkaasi oo labada dhinac ay ku dagaalamayaan islamarkaana ilaa iyo iminka aan lasoo kala dhexgalin.

Kahor inta uusan bilaaban dagaal ayaa wararka sheegayaan in dhalinyarada isbaarada dhigtay qaar kamid ah eheladooda loo sheegay inay halkaasi ka qaadaan isbaarada hayeeshe taasi ay ka dhaga fureesteen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ilaa iyo iminka aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maleeshiyaadka ah.

 

Barcelona oo beenisay inay dib usoo celineyso Pep Guardiola.

0

Barcelona ayaa cadeysay inuusan Pep Guardiola kusoo laaban doonin Comp Nou xilli ku xigeenkiisii Tito Vilanova la sheegayo in qaliin lagu sameynayo.

Vilanova, ayaa haatan tababare u ah kooxda Spain, wuxuuna Khamiista [Maanta] mari doonaa qaliin iyadoo ay macalinka kusoo laabatay buro horaan laga qalay.

Guardiola, oo lala xiriirinaayey Chelsea, Arsenal iyo labada Manchester, ayaa la shaagayey inuu ka tegayo New York uuna ku laabanayo kooxda ka dhisan Catalan inta lagu jiro bisha Janaayo.

Laakiin caawiyihii tababarihii hore ee Barca Vilanova ayaa la rajeynaya inuu kooxda baaqi kusii ahaado halka uu qaliin marayo.

Dhanka kale, xidiga lala xiriirinaayey kooxda Barcelona Adel Taarabt ayaa sheegay inuu kooxdiisa QPR sii joogayo, inkastoo ay xiiseyneyso kooxda Catalan iyo maalqabeenada Ruushka Anzhi Makhachkala, sida uu qoray wargeyska Daily Mirror.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.                                      

Arsenal oo u dhaqaaqday saxiixa weeraryahan David Villa.

0

Arsenal ayaa xiiseyneysa weeraryahanka qabiirka ah ee kooxda Barcelona, sida uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Spain AS.

Gunners ayaa kula biirtay xiisaha xidiga heerka caalami ee dalka Spain kooxda iyana dhacda waqooyiga London Tottenham iyo kooxdiisii hore Valencia oo dooneysa inay ka wado Nou Camp.

Weeraryahankii hore ee Valencia ayaa taageero badan ku leh gegeda Mestalla Stadium, iyo xulkiisa Spain, si kastaba dhaawacyo ayaa hareeyey David Villa, waxaana weerarka kooxda Catalan uga horeeya Pedro, Alexis Sanchez iyo xittaa da’yarka Cristian Tello kuwaas oo caawima xidiga Barca Lionel Messi.

Villa ayaa ku bilowday xilli ciyaareedkaan lix kulan oo La Liga ah wuxuuna kooxdiisa u dhaliyey shan gool.

Maadaama aan looga baran inuu Arsene Wenger keeno weeraryahanada qabiirada ah, hadaba waa iska cadahay inuu kooxdiisa Arsenal la doonayo hugaamiye qibrad badan sida Villa.

Arsenal ayaa waxaa sidoo kale diirada u saaran weeraryahanka Schalke Klaas-Jan Huntelaar, iyadooba ku dhow inay lasoo saxiixato, sida uu tebinaayo ESPN.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Liverpool oo ku dhow inay lasoo wareegto bedelka Gerrard.

0

Xidiga Liverpool diirada u saaran Lucas Biglia ayaa loo sheegay inuu ka tegaayo kooxdiisa Anderlecht hadii lagu soo dalbado 8.35 milyan oo ginni, sida uu qoray wargeyska Talksport.

Xidiga qadka dhexe ee dalka Argentina ayaa muddo dheer lala xiriirinaayey Anfield waxaana sidoo kale xagaagii mar lala xiriirshay Arsenal.

Anderlecht ayaa go’aansatay inuu ka tegi karo 26-jirkaani, laakiin waa keliya hadii ay helaan dalab 10.25 milyan oo euro ah.

“Ma aanan weli dalab toos ah oo u yimid Lucas laakiin waan ognahay inuu wakiilkiisu ka shaqeynayo suuqa kala iibsiga si uu u tago,” Ayuu agaasimaha guudo ee Anderlecht Herman Van Holsbeeck u sheegay calciomercato.com.

“Biglia waxaa qandaraaskiisa ka harsan laba sano iyo bar waxaana u ogaalan karnaa inuu baxo keliya hadii aan helno dalab 10.25 milyan oo euro ah. Lacag intaas ka yar kuma bixi doono Janaayo.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Alex Ferguson: Ronaldo wuxuu u fiican yahay sida Lionel Messi.

0

Sir Alex Ferguson ayaa qirtay inuu Cristiano Ronadlo u fiican yahay sida xidiga ay xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Tababaraha Manchester United ayaa wado u furay inuu mar kale la midoobo xidiga Real Madrid Ronaldo.

Macalinka kooxda Old Trafford ayaa ceshan waayey xidigaan wuxuuna 80 milyan oo ginni kaga iibiyey Los Blancos June 2009kii wuxuuna aaminsan yahay inuu nin fiican yahay sida xidiga Argentina iyo kooxda Barcelona Messi.

Kooxda Fergie ayaa geesaha la geli karta kooxda Ispaanishka ah ee Jose Mourinho, iyo xidiga garabka ka ciyaara Ronaldo, iyadoo wareega 16ka Uefa Champions League lagu dhawaaqayo maanta.

Ferguson ayaa yiri: “Ma jiraan wax farqi ah oo u dhexeeya labadooda, labadooduba waa xidigaha ugu fiican caalamka.

“Waxaa sii jiri doona ciyaaryahano waa weyn. Dib u milicso Lixdameeyadii waxaa markaas aduunka heystay Alfredo Di Stefano, Ferenc Puskas iyo Eusebio.

“Hoos ugu soo dego Todobaatameeyadii waxaa caalamka kubada cagta hor kacaayey Johan Cruyff iyo Franz Beckenbauer ka dibna sideetameeyadii Marco van Basten.

“Waxaa u maleynayaa inaan waqtigaan aragno Messi oo ah ciyaaryahan aan caadi aheyn tobaneeyadaan sano, sidoo kale Cristiano

“Uma maleynayo inay dhib ku tahay labadoodaba xafiiltanka u dhexeeya.

“Waxaan filayaa inay labadooduba heystaan shaqsiyadooda u goonida ah oo ay sanooyinkaan si fiican ugu sii ciyaaraan hubaashii waxaan garanayaa Cristiano sababtoo ah lix sano ayuu ka ciyaarayey halkaan United.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Isku aadka wareega Sami-finalka Capital One Cup oo la sameeyey.

0

Chelsea ayaa la ciyaari doonta kooxda Swansea Sami-finalka koobka Capital One Cup, halka Aston Villa ay la dheeli doonto kooxda horyaalka labaad ee Bradford.

Chelsea, ayaa qarka u saaran inay markeedii shanaad hanato koobkaan, ka dib markii ay 5-1 kusoo dubteen Leeds United oo ay kulan ciyaareen garoonkooda Elland Road.

Goolal ka kala yimid Juan Mata, Branislav Ivanovic, Victor Moses, Eden Hazard iyo Fernando Torres ayaa kooxda Rafael Benitez guusha u sahlay ka dib markii ay kooxda heerka labaad ee Luciano Becchio hugaanka ciyaarta si la yaab leh ku qabatay.

Swansea, ayaa wareega sideed dhamaadka kusoo macsalaameysay Middlesbrough , waxayna u safri doontaa kooxda Stamford Bridge lugta koowaad ee Sami-finalka.

Bradford, ayaa goolku laadyo kaga soo gudbay wareega sideeda kooxda Arsenal, waxayna u baahan tahay inay guul kasoo gaarto Aston Villa, si ay Finalka ugu ciyaarto gegeda Wembley.

Isku aadka wareega afar dhamaadka ee koobka Capital One Cup waa sidaan:

Chelsea v Swansea

Bradford v Aston Villa

Lugta koowaad waxaa la ciyaari doonaa 7da January, halka lugta labaad la ciyaari doono 21ka January.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada — Mogadishu.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Nolasha dadka Muqdisho ka digay

0

Maxamuud Axmad Nuur Tarsaan gudooniyaha Gobolkka Banaadir ayaa ka digay nolasha adag ay ku noolyihiin shacabka Muqdisho oo uu tilmaamay inay qatar ku jiraan.

Tarsan ayaa sheegay in Muqdisho aan laga cabin biyo nadiif ah oo Ururo NGO ah musqulo ka dhinac qodeen ceelashii biyaha taas oo keenaysa in dadka ay u dhinteen Caafimaad xumi  isticmaalka biyahaas.

Gudoomiye Tarsan ayaa ugu baaqay Wasiirka Khayraadka inuu wax ka qabto biyaha wasaqaysan  uuna ka war keeno tayada biyaha ay leeyihiin lagana hortago biyaha wasaqaysan.

Wuxuu sheegay in dadka reer Muqdisho ay qatar ugu jiraan in  biyaha wasaqda leh ay ugu dhintaan xanuunada beerka ku dhaca iyadoo Muqdisho Musqulaha iyo Ceelasha ay isku meel ku wada yaalaan

Amaanka Muqdisho oo la adkeeyay iyo Madaxwaynaha oo…..

0

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa saakay waxaa la dhigay wadooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho kuwaas oo sugaya Amaanka.

Wadooyinka lagu arkayo Ciidamada Nabad sugida waxaa kamid ah KM 4 ,Iyo Wadada hormarta Iskuulka Janaraal kaahiye oo ay ka dhacayso Munaasabad balaaran.

Ujeedka ayaa waxaa uu yahay Maanta oo ku beegan Munaasabada Sanad guuradii ka 69 aad ee ka soo wareegatay Aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Xarunta Tababarka Xalane waxaa ku sii qul qulaya Masuuliyiin badan iyo Waliba Saxaaafada ,waxaa kale oo gaaray halkaas kooxaha Fanka iyadoo Amaanka halka Xaflada ay ka dhacayso ay sugayaan amaankeeda ciidamada Nabad Sugida.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka qayb galo Munaasabadan balaaran.

 

 


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60