24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Maternal Mercy and Development oo xarrun kale ka furatay Muqdisho

0

Ururka hormarinta Hooyada & dhallaanka maternal mercy & Development org ayaa  maanta waxa uu ka furay xarun caafimaad (Health center) degmada wadajir, iyadoo islamarkaana laga bixinayay daawooyin lacag la,aan ah ka dib markii la visiteeyo ilmaha iyo hooyooyinka, xaruntan oo ah xaruntii labaad  ee laga furo  magaaladda muqdisho ayaa maanta ka faaidaystay 150 ruux oo isugu jira hooyooyin uur leh , kuwa nuujinaya  iyo waliba ilmo yar.

Gudoomiyaha ururkan Maternal Mercy & Development Org (MMD) Asad Abukar Ali (Asad Dhayow ) oo qudbad kooban ka jeediyay faritaanka ayaa sheegay in xaruntan ay ka faaideesanayaan bukaanka ku sugan goobta laga furay oo ah xeryooyinka kaamamka ee dadka soo barakacay.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa sheegay furtitaanka Xaruntan Caafimaad ee ay ka fureen maanta gudaha safaaradii hore ee Ameerikaanka oo haatan ku sugan barakacaay aad u fara badan in ay timid ka dib markii ay codsiyo ku aadan dhanka caafimaadka in ay ugu yimideen dadka ku sugan kaamakaas                “ furitaanka waxa ay jawab u tahay codsigiinii aad inoo soo jeediseen waana idiin furan yahay maanta wixii ka danbeeya waana la idiin baarayaa dawo lacag la,aan ahna waa la idiin siinayaa’. Ayuu yiri Asad Dhayow, sidoo kale waxaa uu balan qaaday in maalmaha soo socda ay keeni doonaan umulisooyin taba baran oo si wayn u caawin doono hooyooyinka umulaya iyagoo maalin walbo si lacag la,aan ah u fulinaya howsha.

maternal mercy & DevelopmentDhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay in aysan wax hay ad ah ka gacan siin mashruucan lagu furay goobtan oo ay iyaga ururkooda iska soo aruuriyeen qarashaadkan si ay wax ugu qabtaan oo ay caafimaad wanaagsan u helaan hooyooyinka iyo ilmahoodda.

Goobtan maanta laga furay xaruntan caafimaad ayaa waxaa ku nool qoysas aad u farabadan oo tiradooda  gaareyso 7,000 todoba kun oo qoys ,

Dadkii deegaanka xerada ayaa si aad ah ugu mahad celiayay waxa ayna sheegeen in xili aad u wanaagsan ku soo aaday in laga furo xaruntan waayo beey yiraahdeen waayahan danbe waxaa aad usoo badanayay caafimaad daro baahsan oo haysay dadka ku sugan xaruntaasi iyo waliba hooyooyin badan marka ay umulayaan aanan heli jirin umulisooyin xirfad leh

DF Somalia oo ugu baaqday Kenya in ay ka fiirsato tallaabada ay qadaeyso.

0

Nairobi (Caasimada Online) Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in ay dib u fiiriso amar ay maanta soo saartay oo ah in dhammaan qoxootiga Soomaalida ee ku nool magaalooyinka ay is-ka xaadiriyaan xeryaha dhadhaab.

Danjiraha oo la hadlaayay VOA-da ayaa sheegay in arrintaas ay maanta maqleen isla galabtana dowladda Kenya iyo QM ay kala hadleen.

“Arrintaas maanta ayaan maqlnay ee annaga waxan kala hadalnay dowladda Kenya galabta ayaan kala hadlay, waxa kaloo aan kala hadlay Qaramada Midoobay qaybta u qaabilsan qoxootiga, in dadka qoxootiga marka ay immaanayaan magaalooyinka la siiyo warqado ay ku joogi karaan”

“Marka dad Soomaalida qaar badan oo ku nool magaalooyinka waxa ay heestaan sharciyo ay ku tagi karaan meelaha ay rabaan, marka hadda waxan maqalnay in qaraxyadii ka dhacay xaafadda Islii owgood in dowladda Kenya ay ku amartay in dadka Soomaalida ee qoxootiga ee ku sugan magaalooyinka aadaan xeryaha gobalka waqooyi-bari Kenya”ayuu yiri danjir Ameriko.

Wuxuu intaas ku daray in QM ay u sheegeen in dib aan loo celin Soomaalida sharciga leh, laakin kuwa dambiyada galay ama aan heesan sharciyo dib loogu celiyo xerada dhadhaab oo xaalad bini’aadimo oo aad u liidata ay ka jirto.

“Saraakiisha QM waxa ay noo sheegeen in xeryaha dhadhaab ay buux dhaafeen oo dad ka badan 500,000 oo qof ay ku jiraan, isla markaana heesan daryeel ku fiican markii ay ka tageen hey’adihii meesha joogay” ayuu yiri mar kale danjiraha.

Si kastaba dowladda Kenya ayaa ka codsatay QM iyo hey’addaha kale ee gargaarka in aan wax kaalmo  ah la siin qoxootiga Soomaalida ee jooga bannaanada ee u baahan gargaarka.

Kenya ayaa tallaabadan uga gun leh siddii loo adkeen lahaa ammaanka dalkeeda, gaar ahaan meelaha Soomaalida ay ku nool yihiin oo ay ka dhaceen dilala iyo qaraxyo dad badan ay ku dhinteen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Messi, Xavi iyo Puyol oo Barcelona heshiisyo u saxiixay.

0

Barcelona ayaa website-keeda rasmiga ah ku xaqjiisay inay qandaraasyada u kordhiyeen Xavi iyo Carles Puyol, waxayna sheegtay inay la gaareen qandaraas ilaa 2016 ah, halka Lionel Messi uu kooxda sii joogi doono ilaa 2018, waxaana ay qandaraasyadaan saxiixi doonaan Isbuuca soo aadan.

Puyol ayuu qandaraaskiisu dhacaayey xilli ciyaareedka soo aadan, laakiin 34-jirkaan daafaca ka ciyaara ayaa baaqi kusii ahaan doona Barca sedax sano oo dheeraad ah.

Daafaca dhexe ayaa waayadaan dhaawacyo hareeyen laakiin si buuxda ayuu uga soo kabsaday dhaawacyadaas xusulka ahaa.

32-jirka qadka dhexa, Xavi ayaa Barcelona kula jiray qadaraas ilaa 2014 ah, wuxuuna hada kooxda kusii sugnaan doonaa in ka badan laba sano ka dib markii Isbuucii hore daaha laga qaaday inay wadahadaladiisu gaba gabo marayaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa fure u ahaa kooxda Catalans xilli ciyaareedkaan wuxuuna u dhaliyey sedax gool 16 kulan oo uu saftay.

Messi ayaa wuxuu qandaraas ilaa 2016 ah kula jiray kooxda Comp Nou, laakiin Barcelona ayaa 25-jirkaan ka dalbatay inuu qandaraaska u dheereeyo ka dib markii uu dhaliyey goolashiisii ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Argentina ayaa 90 gool u dhaliyey kooxdiisa 2012, wuxuuna 25 gool ku hugaaminayaa gool dhalinta Horyaalka La Liga isagoo saftay 16 kulan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

DEGDEG: Qaaligii Maxkamada Gobolka Baay oo la dilay

0

War goordhow soo dhacay ayaa sheegaya in Qaaligii Maxkamada ee Gobolka Baay la toogtay.

Baydhabo wararka ka imaanaya ayaa sheega Marxuumkan oo lagu magaacabi jiray Sakariye kooxo hubaysan duhurnimad maaanta ay toogteen.

Khaaliga ayaa waxaa lagu dilay Suuqa Cirtoogte lagu magacaabo waxaana dilkiisa qirsan Saraakiisha Dowlada ee Baydhabo.

Xaalada Baydhabo ayaa kacsan dad badana gacanta ayaa lagu dhigay kuwaa oo looga shakinayoi dilka Qaaliga Maxkamada Gobolkaas.

Chelsea oo 20 milyan Janaayo ku dooneysa Marouane Fellaini.

0

Chelsea ayaa 20 milyan oo ginni marka uu Janaayo suuqa kala iibsigu furmo kula soo wareegeysa xidiga qadka dhexe ee kooxda Everton Marouane Fellaini, sida uu qoray Daily Mail.

Fellaini ayaa mid ka mid ah xilliyadiisii ugu fiicnaa ku qaadanaaya Barclays Premier League ka dib markii uu sideed gool u dhaliyey kooxdiisa Toffees 16 kulan oo uu xilli ciyaareedkaan u saftay.

Laakiin Isbuucaan ayuu xidigaani sameeyey fal Akhlaaq xumo ah ka dib markii uu hertiyey daafaca Stoke Ryan Shawcross kulan ka dhacay Britannia Stadium.

Blues ayaase dhegna jalaq u siin doonin iyadoo dooneysa inay xidiga heerka caalami ee dalka Belgium ku kabaan qadkooda dhexe, xilli laga yaabo inuu ka tago halyeeygooda Frank Lampard.

Fellaini ayaa shan sano oo heshiis cusub ah u saxiixay kooxda Goodison Park sanad ka hor, laakiin waxaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo kooxda Stamford Bridge oo dalabyo u dirtay xidigaan.

25-jirkaan ayaa ku biiray Radamel Falcao iyo Theo Walcott oo Janaayo diirada u saaran milkiilaha Chelsea Roman Abramovich.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Midowga Africa oo xafiiskii Soomaaliya u soo wareejiyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha dhawaan Midowga Afrika u magacaawday Soomaaliya Mudane Ambassador Annadif Mohamat Salah.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu soo dhaweeyay go’aanka Midowga Africa ee ku aadan in xafiiskii Soomaliya ay kula haayeen oo si ku meel gaar ah ugu shaqeenaayay Nairobi, hadda loo  soo raray Muqdisho.

“Go’aanka Midowga Africa da ay xafiiskooda ugu soo rarayaan  Muqdisho waa mid aan soo dhaweynayno” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska Xasan Shiikh ee Muqdisho, iyadoo sidoo kale loogu baahay Ururada Caalamiga ah inay iyaguna xafiisyadooda u soo raraan Muqdisho.

Danjiraha ayaa Madaxweynaha ku wargeliyay inuu xafiiskiisa u suu guurayo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, diyaarna u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa soo dhaweeyay guurista xafiiska Midowga Afrika kuna tilmaamay talaab muhiim ah oo qeyb ka ah hor u socodka Soomaaliya, halkaasna uga baaqay ururada kale ee caalamiga ah in xafiisyadooda ka furtaan Soomaaliya.

“Halkan waxaan u imid sidii aan Madaxweyne Xasan Shiikh isku baran lahayn, shirkii aan yeelanay waxaan diirada ku saarnay Howgalka AMISOM oo muhiim u ah dadka Soomaaiyeed” ayuu yiri Annadif oo saxaafada la hadlay kulanka kadib

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay in Midowga Afrika ay kala shaqeeyaan hirgelinta Lixda tiirar siyasadeed ee dowladda Soomaaliya Tiirarkaas ayaa waxaa ku qoran howlaha ay dowladda qaban doonto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Liverpool oo si aad ah u dooneysa Nicolas Isimat Mirin.

0

Liverpool ayaa dooneysa daafaca dhexe ee qaranka Faransiiska Nicolas Isimat Mirin, sida uu qoray wargeyska Mail on Sunday.

21-jirkaan ayaa kasoo baxay Akadeemiga Clairefontaine wuxuuna si aan caadi aheyn isugu muujiyey Valenciennes laakiin qandaraaskiisa waxaa ka dhiman 18 bilood oo keliya.

Liverpool ayaa si aad ah isha ugu heysa xidiga kooxda Feyenoord Stefan de Vrij, oo 20 jir ah, laakiin waxaa laga yaabaa in lagu xiro qiimo qaali ah.

Tababare Brendan Rodgers ayaa u baahan kara inuu soo iibsado xidig yaraha Faransiiska ah ka dib markii uu sheegay baahida uu u qabo labada weeraryahan Daniel Sturridge iyo Tom Ince.

Mirin ayaa xulkiisa France ee lagu niinaaso Les Bleus ciyaaartoydooda ka yar 21-jirada u saftay sedax kualn.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Claudio Ranieri oo doonaya inuu la midoobo Frank Lampard.

0

Frank Lampard ayaa waxaa doonaya tababarihii hore ee Chelsea Claudio Ranieri oo haatan leyliya kooxda Faransiiska ka dhisan Monaco iyadoo uu xidiga reer England isku diyaarinaayo inuu ka tago Stamford Bridge.

Ranieri ayaa Lampard 2001dii kala soo saxiixday West Ham 11 milyan oo ginni xiligaas oo uu macalin u ahaa Blues, Tababaraha Talyaaniga u dhashay ayaana waxaa ceyriyey Roman Abramovich bishii May 2004tii, Lampard ayaana laga yaabaa in isagoo ka hoos ciyaaraya uu kubada cagta ka fariisto.

Ranieri ayaa doonaya inuu Lampard ka faa’iideysto ka dib markii ay kooxdiisa Chelsea ku guul darreysatay inay wadahadal ka furto uu xidigu heshiis cusub ugu saxiixayo.

Wargeyska afka dheer Sportsmail ayaa bishii lasoo dhaafay ogaaday inuu Ranieri xiiseynayo Lampard , Monaco ayaana diyaar u ah inay lasoo wareegto xidigaan hadii ay kooxda Galbeedka London iska dirayaan.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Rio Ferdinand oo laga yaabo inuu sanadka cusub ka tago Man Utd.

0

Daafaca Manchester United Rio Ferdinand ayaa go’aan ka gaari doona ciyaarta kubada cagta sanadka cusub, sida uu qoray wargeyska Mail on Sunday.

Ferdinand ayaa la rajeynaayey inuu hal sano qandaraaskiisa United ugu kordhiyo laakiin taas ayaa meesha ka bixi karta ka dib markii ay dhaawacyo ka hareeyeen dhabarka sideedii bilood ee dambeysay.

Si kastaba, 34-jirkaan ayaa waxaa xiiseynaya kooxda ka dhisan Bariga dhexe iyo America waxaana soo jiitay inuu ka ciyaaro koox kale oo aan ciyaarin Barclays Premier League.

Ferdinand ayaan wax heshiis ah u saxiixin kooxdiisa hadii uu doonayo inuu sii joogo Old Trafford ama uuba xirfadiisa kusoo afjaro, inkastoo tababaraha United Sir Alex Ferguson uu sheegay inuu rajo ka qabo inuu ciyaaryahankii hore ee West Ham xirfadiisa kusoo afmeero Red Devils.

Waxaa la fahamsan yahay in daafaca qabiirka ah uu doonayo inuu awoodiisa ka hor deyrta inta uusan go’aan ka gaarin xirfadiisa.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Giorgio Chiellini: Waxaan ahaan jiray taageere AC Milan Ah.

0

Giorgio Chiellini ayaa sheegay inuu haatan 100% uu yahay Juventus ka dib markii uu qirtay inuu yaraantiisii ahaa taageere kooxda AC Milan ah.

Daafacaan adag ayaa ahaa wiil taageera Diavolo, laakiin wax walba ayaa is bedelay markii uu ku biiray Juventus 2005 wuxuuna kooxdiisa ka caawiyey inay dib uga soo kabsadaan fadeexadii Calciopoli.

“Dhib iguma ahan inaan qirto inaan ahaa yaraanteydii taageere AC Milan ah,” ayuu sheegay isagoo la hadlaayey boga muuqaalka ah Juventus Premium Member.

“Laakiin markii aan imid Juve waxaan dareemay inaan jeclaaday funaanadaan waxaana dareemay inaan ka koray wixii aan ahaa waqtigaas.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Christian Chivu: Juventus waan kula dagaalameynaa Serie A.

0

Daafaca kooxda Inter Milann Christian Chivu ayaa aaminsan inay kooxdiisu Juventus kula tartami karto Horyaalka Serie A bisha May.

Daafaca halbowlaha dhexe ee qaranka Romania ayaa daaha ka qaaday inay ciyaartoyda Nerazzurri kooxda Antonio Conte kula dagaalamayaan horyaalka, inkastoo uu afartii bilood ee dambeysay garoomada dhaawac kaga maqnaa.

“Afartii bilood ee lasoo dhaafay waxay ahaayeen kuwo adag,” ayuu u sheegay Inter Channel. “Laakiin taageerada aan ka helay asxaabteyda kooxada ayaa I saaciday sida aan filaayo.

“Ma jiro xad loo yeelo meel ay ciyaartoydu aadi karaan. Sida muuqata waan ku dagaalami karnaa Scudetto.

“Hadii ay Juventus ku jirto Champions League markaas anaguna aan ka maqanahay waxaan ka heli doonaa fursad.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

AC Milan oo Janaayo hami uga jiro saxiixa Daniele De Rossi.

0

Daniele De Rossi ayaa Janaayo ka dhaqaaqi kara kooxda AS Rome, iyadoo AC Milan ay ka fikireyso inay lasoo wareegto xidiga heerka caalami ee dalka Italy, sida ay qortay shabakada Goal.com.

Silvio Berlusconi ayaa waayadaan dambe ahaa mid ku mashquulsan inuu dib u habeyn ku sameeyo siyaasada Milan ee suuqa kala iibsiga isagoo lasoo saxiixanaya ciyaaryahano da’yar ah, waxay isha ku heysaa kooxdiisa De Rossi inay ka dhigaan magaca ugu weyn ee ay deyrta suuqa kasoo gataan.

29-jirkaan ayaa Rome u saxiixay shan sano oo qandaraas ah bishii Febraayo 2012, laakiin Giallorossi ayaa daaha ka qaaday inay iska iibinayaan hadii ay ku helaan qiimaha saxda ah.

Milan ayaa horaan xidigaan doonatay inay qandaraas la gasho, laakiin kooxda San Siro si fudud kuma heli doonto. Iyadoo laga yaabo inay dalab 15 milyan oo euro ah u diraan.

Dhanka kale, Milan waxay dooneysaa weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli, intaas waxaa sii dheer inay isha ku heyso Kevin Strootman, Angelo Ogbonna iyo Marco Verratti oo waayo badan lala xiriirinaayey.

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

PSG oo xaqiijisay inay dooneyso Ronaldo iyo Mourinho.

0

Sheikh Bin Abdulrahman Al-Thani ayaa daaha ka qaaday inay Paris Saint-Germain xiiseyneyso inay Real Madrid kasoo dhaqaajiso Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho

Madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa horaan gaashaanka ku dhuftay inay kooxda Ligue 1 xiiso u qabto saxiixa macalinka Madrid iyo ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal, laakiin hada ayuu qiray inay kooxda Parisians jeceshahay saxiixa labada nin, si ay u gaaraan ujeedkooda ah inay ku guuleystaan Champions League.

“Cristiano Ronaldo iyo Jose Mourinho waa hadafka Paris Saint-Germain, dabcan,” ayuu Al-Thani u sheegay Canal Football.

“PSG waa koox ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan caalamka. Hadafkeenu waa inaan maalin, ku guuleysanaa Champions League.

“Horaan waxaan aheyn koox ka mid ah kooxaha ugu fiican France, hadafkeenu waa inaan noqonaa koox ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan Yuru iyo Caalamka, sidoo kale.”

Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ahlu-Sunna oo laashay heshiiskii ugu weynaa oo ay la gashay Dowladda

0

Ururka Ahlusuna ayaa ka soo horjeestay in la mideeyo Ciidamadooda iyo Kuwa dowlada Soomaaliya ee ku sii fidaya gobolada dalka Soomaaliya, oo marki hore ayaga un sidaas go’aan ku gaaray.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ah gudoomiyaha guuud ee Ahlusuna oo shirjaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa waxaa uu si kulul u cambaareeyay sida ay ku dhisan tahay xukuumada Soomaaliya oo dhaliil badan ay ka qabaan Ahlusuna hadii ay yihiin.

Hadii wax badan laga badali waayo Xukuumada hada jirta ayuu yiri in wixii dhaco iyaga ay keeneen,waxaana uu Madaxwaynaha Soomaaliya ka codsaday in  dib loogu noqdo dhismaha xukuumada oo Ahlusuna aysan wax ku lahayn.

Dhinaca kale waxaa uu gaashaanka ku dhuftay in la midaynayo Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna oo sida uu sheegay Wasiirka Arimaha gudaha ay socdaan qorshaheeda.

Wuxuu sheegay in qorshahaas Ahlusuna ahaan aysan aqbali doonin ilaa iyo waanag badan ay dowlada ka dhex abuuto Ahlusuna.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax  ayaa ugu dambayn waxaa uu ku hanjabay in Dowlada ay afar jeer ay kala hadleen dhismaha xukuumada iyo  wax loo qoondeeyo Ahlusuna balse marka Shanaad ay talaabo qaadi doonaan.

Xildhibaano ka qeyliyay arrin Turkiga iyo USA ay ka wadan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamanka Somalia ayaa qeylo dhaan ka keenay wax ay ugu yeereen dhul boob Mareykanka, Turkiga iyo Yemen ay ka wadaan meelo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd, ayaa sheegay in Mareykanka iyo Turkiga ay guryo si sharci darro ah uga dhisteen xeebaha magaalada.

Waxa uu sheegay in safaarado ama goobo Diblomaasiyadeed ay saddexdaas dowladood ka dhisteen xurumo dowladeed gaar ahaan dhismooyinkii ciidamada ilaalada Badda Somalia.

“Waa halkii laga difaacayay badda Somalia iyo magaalada Muqdisho, waana sharci darro in dalal shisheeye ay dhistaan, aniga ma garanaayo cidda siisay ama u ogolaatay in dalalkaasi ay dhismooyinka dhistaan Xarumihii Ciidamada dalka uu lahaa” ayuu yiri Xildhibaan Xeyd, oo la hadlay Idaacadda Dalsan ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa intaas raaciyay in mudanayaasha Baarlamanka aysan ka war hayn arrinkaas, islamarkaasna loo baahan yahay in laga hortago dhismooyinkaas oo uu sheegay in laga dhisayo dekaddii hore ee Muqdisho.

Meydadka Tahribayaal Soomaali ay ku jiraan oo la keenay Boosaaso

0

Boosaaso (Caasimada Online) Sida ay sheegayaan saraakiisha badda maamulka Puntland, waxa magaalada Boosaaso ee gobalka Bari la keenay illaa 18-qof oo tahriibayaal Soomaali ah, kuwaaso ku geeriyooday dooni la sheegay in ay ku degtay xeebta Mareero.

Meydadka dadkan geeriyooday ayaa la dhigay isbitaalka wayn ee magaalada, kaddib , markii ciidamada badda ay soo heleen iyagoo meyd ah.

Waxa kaloo ciidamada ammaanka ay soo heleen shan qof oo ka badbaaday doonida ku degtay deeganka Mareero oo qiyaastii 10-km u jirta bari magaalada Boosaaso.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka maamulka Puntland Maro Seyban Ugaas Yaasiin oo saxaafadda kula hadashay isbitaalka Boosaaso ayaa sheegtay in dadka dhintay ay isugu jiraan qoomiyadda Oromada ee deeganka Ethiopia iyo kuwa deeganka ah, waxa kaloo ay sheegtay in tallaabo adag uu uga qaaday maamulka Puntland arrimaha tahriibka, balse weli ay tahay musiibadan mid wali socota.

“ Waxa halkan naloogu keenay 18-meyd ah oo isugu jira Oromo iyo dad kale oo Soomaali ah, dadkaas waa dad soo haftay waa dadka badda ku dhacay oo haftay, dowlad ahaan annga tahriibka waxa laga qaadaa tallaabo adag laakin tani waa mid musiibo ah” ayey tiri

Qaar ka mid ah ehalada dadka dhintay qaybtood ayaa yimid Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso, waxana ay saxaafadda u sheegeyn in ay ku aqoonsadeen markii waayeen warkooda tan iyo Axadii.

Si kastaba, Doonida degtay oo ay la socdeen illaa 60-qof oo tahriib ah, ayaa wali lala’yahay 38-ka mid ah dadkii doonta la socday.

Doonida ayaa ka baxday deegaanka Mareero habeenkii Axada, laakin waxa la ogaaday in ay degtay xaley.

Qaar ka mid ah meydadka la soo helay ayaa waxaa jirkooda ka muuqday jirdil loo geystay, sida ay lee yihiin ciidamada badda maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Boosaaso 

Dadka jecel daawashada TV-ga oo war naxdin leh loo wado. (Daraasad)

0

Sydney  – Daraasad ay soo saartay Jaamacad Queensland ee dalka Australia ayaa lagu sheegay in daawashada badan ee taleefishinka ay keeneyso in waqtiga noloshaada (cimrigaaga) oo soo yaraado.

Daraasada ayaa tilmaameysa in 22 daqiiqo ay cimrigaaga ka go’eyso markii taleefishinka daawato mudo hal saac ah gaar ahaan qofka marka ay da’diisa ka wayntahay 25 sano.

Maalin kasta oo lix saac kamid ah hadii aad daawato TV-ga waxaa cimrigaaga ka go’aya 5 sano, sida ay sheegtay daraasada.

Cilmi baarayaasha sameeyay daraasda ayaa sheegaya in hadii qofka uu si aad ah u daawado TV-ga ay la mid noqoneysa qofka sida aadka ah u isticmala sigaarka ama qofka sida daran u cayilan taaso la ogyahay in caafimaad daro joogta ay sababto.

Cilmi baarayaasha ayaa sheegaya in daawashada badan TV-ga ay jirka ku keeneyso caajis badan, balse taa badalkeeda loo baahanyahay jirka uu shaqeeyo.

Si kastaba, inkasta oo daraasadda ay sidaas tiri, haddana Islaam ahaan waxaan aaminsannahay in qofka uu geeriyoonayo waqtigii loogu tala galay, haddii uu Tv daawado iyo haddii uu iska daayaba.

Isha: Somaliwitness

Daawo Muuqaal Cusub oo ku Saabsan Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

0

Goormee kugu dambeeysay Aqristoow Wadooyinka ugu Mashquulka Badan ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, Aqristoow hadaad daawato Muuqaalkaan waxaa dareemeeysaa in weli dalka uu yahay sidiisii oo ay wadooyika Mashquul badan yihiin.

Hadaba Aqristoow Muuqaalkani waxaad ku daawaneeysaan  Wadooyinka ugu Waaweyn uguna Mashquulka Badan, Wadada Maka Almukarama, KM4, Zoobe, Tarabuunka, Wadada Airaporka iyo Xeebta Liido iyo meelo kale oo badan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA OO VIDEO AH:

Wargelin: Weli ma booqatay shabakada salaamanews.com ee lala dhacay

0

Dhammaan bulshadda Soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in dhawaan hawada soo gashay shabakad internet ah oo lagu magacaabo

 www.salaamanews.com.

Salaamanews, waxaa uu maalin waliba lagu baahin-doonaa wararka iyo warbixinnada ku saabsan Soomaaliya iyo gobolka geeska Afrika, kuwoodi ugu dambeeyey.

Waxaa intaasi dheer oo www.salaamanews.com, soo gudbin doontaa daba-gal iyo gorfayn isugu jira siyaasadda, noloshasha iyo arrimaha bulshadda oo ay soo qori-doonaan wariyeyaal iyo qoreyaal ka tirsan www.salaamanews.com,  kuwaasi oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo daafaha caalamka.

Arrimaha ay mareegtaan sida gaarka ah wax uga qori-doonto waxaa ka mid ah, waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha, suugaanta iyo waliba wararka dalka iyo isbeddalada soconaya.

Sidoo kale waxaa in la xuso u baahan, in mareegtaan aad aragtida ka dhiiban karto qormo kasta oo si gaar ah kuu taabata ama aad kuu xiiso galisa, islamarkaasna aad jeceshahay in aad la wadaagto asxaabtaada iyo qeybaha kale ee bulshada.

Hadaba aqriste balanteenu waa www.salaamanews.com

Labo Wariye oo ku dhibaateysan Xerada Dhadhaab (Fadlan Caawi)‏

0

Markii dhibaatooyinku ay kabilaawdeen Dalka Soomaaliya gaar ahaa koonfurta, waxaa qofkastaaba uu u baxsaday halkii ay cagihiisu gaarsiiyaan, wariyayaal badan ayaa dalka isaga soocararay iyagoo kabaxsanaya kuwa dhibaatadda ilaa iminka wariyayaasha ladaba jooga.

Waxaa lagu kala orod badiyay sidii lookala jeeb roonaa, wariyayaashu qofwalbaaba halkii jeebkiisu gaarsiiyo ayuu hadda aduunka kajoogaa, qaarbaa kumanaan doolalar uga baxday halka ay maanta caalamka ka joogaan halka qaarkalana jeebkooda oo maran owgeed ay wali kudhibaateysan yihiin meelihii ay cagahooda kusoogaareen.

Weriye Beene Beene oo lugta ka buka
Weriye Beene Beene oo lugta ka buka

Wariye Maxamuud Cabdiraxmaan BEENE BEENE oo ahaa Wariyihii Idaacaddii Hornafrik ee gobolka shabeelaha Hoose iyo Wariye Maano Xuseen Ibraahim oo ahayd Wariyihii Hornafrik ee Magaaladda Marka ayaa labaduba dhibaato kuheysataa Xerada Xagardheer Dhadhaab ee Dalka kenya hakaasoo ay iyaga iyo qooysaskoodiiba ay orod kusoogaareen.

Wariye BEENE BEENE waxaa uu la ildaranyahay Xanuunadda Macaanka iyo Dhiikarka waxaana Qaliin looga sameeyay Mid kamid ah labadiisa lugood iyadoo aysan jirin cid ka caawineysa xagga nolosha isaga iyo qoyskiisa.

Maana iminka waa Hooyo korineysa carruur
Maana iminka waa Hooyo korineysa carruur

Halka Wariye MAANO ay dusha kusooqaado Caruurteeda iyo caagado biyo ah oo ay dadka udhaamiso haddiiba ay wax un kahelayso balse hadda intiina waa aygabtay waayo waxay iskuwadi waysay biyo dhaamintii iyo ilaalinta sadex carur ah oo ay wadato.

Wariyayaasha kala ah C/salaan Salas iyo Axmednuur Cabdi Maxamed oo booqday labadda wariye ayaa sheegaya in xaaladda labadaasi wariye ay aad u liidato xag nololeed iyo xag caafimaadba.

BEENE BEENE iyo MAANABA waa ay iska shaqeysanjireen markii ay joogeen wadanka balse duruufta ayaa sidaan ay hadda yihiin sababtay sidaa daraadeed waxay caawinaad uga baahanyihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed oo ah ehelka kali ah oo ay leeyihiin .

Haddaba Qofkiiraba in uu wax un kucaawiyo wuxuu la sooxiriiri karaa [email protected] ama teleefannadan kala ah:

Yurub ….Wariye Bashiir Jiilaal… telefoonka….0031685579334

Koonfur Afrika…Wariye Abdirisak Kampala…Teleefonka… + 27 73248 8641

Nairobi Kenya…Wariye  Ibaraahim Geedoow BIIBO..Telefonka…+254721944591


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60