24.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 28, 2026

Daawo: Shariif oo war culus kasoo saaray xaaladda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka warbixiyay shirarka mucaaradka uga socda magaalada Muqdisho ee looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka, isaga oo eedeymo waa wayn u jeediyay dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Ugu horreyn Sheekh Shariif ayaa shaaca ka qaaday in ujeedada shirarkooda uu la xiriiro ka tashiga aayaha dalka, isla markaana ay la kulmeen qaybaha bulshada, sida odayaasha, culimada iyo haweenka, ayna noqdeen isku aragti.

Sidoo kale, wuxuu intaas kusii daray in muddo xileedka dowladda uu soo dhammaaday, iyada oo aan heshiis laga gaarin hannaanka doorashada dalka.

“Doorashadaan beenta ah uma socon doonto qolada hadda joogta, waa nasiib daro weyn in mudo xileedka dowlada uu dhamaado, iyadoo heshiis aan laga aheyn xaalada doorashada, waxaana dalka ka jira qal-qal”. ayuu yiri Shariif.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in madaxweynuhu wado boob doorasho, isla markaana xisbigiisu oo kaliya uu shaqeynayo, sida uu ku dooday Shariifka.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday xorriyatul-qowlka, wuxuuna tilmaamay in la xiray xubno kamid ah xisbigiisa Himilo Qaran, loona beegsaday aragtiyadooda.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay boobka iyo barakicinta shacabka, isaga oo xusay in maalmaha soo socda ay la fariisan doonaan dhibanayaasha.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ka ah.

Dhinacyo hor leh oo ku biiray shirka mucaaradka ee ka socda guriga Sheekh Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada Muqdisho ayaa ballaariyay shirkooda, waxaana maanta ku biiray haweenka Soomaaliyeed, si ay la tashi ugala sameeyeen xaaladda dalka.

Shirka oo ay ka qayb-galeen inta badan xubnaha mucaaradka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda kala guurka ah ee uu dalku marayo iyo qorshaha dowladda ee ku aadan muddo kordhinta hay’adaha dowladda.

Muuqaallo laga soo tabiyay guriga madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah goobta uu ka socdo shirka mucaaradka ayaa muujinayo shirka oo ay buuxiyeen xubnaha haweenka ee ku jira siyaasadda iyo kuwa u dhaqaaqa arrimaha bulshada oo halkaasi ku sugan.

Mucaaradka ayaa haweenka la wadaagay qorshahooda cad ee ku aadan sida loo wajahayo marxaladda adag ee dalka, halka dhinacooduna haweenka ay  aragtiyadooda ku biiriyeen siyaasiyiinta mucaaradka ee shirarka ka wada caasimada/

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa u muuqda kuwa sii xoojinaya dhaq-dhaqaaqyadooda, iyagoo sidaan oo kale shalay kulan wadatashi ah ula yeeshey culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadleen xaaladda guud ee dalka.

Waxaa kale oo ay maalin kahor xubnaha mucaaradka l shireen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee beelaha Hawiye oo iyana ay kala hadleen doorkooda ku aadan, sidii ay uga qayb qaadan ahaayeen badbaadinta dalka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa maalmahan dambe Muqdisho ka waday kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

Maxaa dhacaya haddii 15-ka May la gaaro? + Jawaabta mucaaradka dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada culus ka wada magaalada Muqdisho ayaa go’aan culus kasoo saaray shirar aan loo kala kicin oo ay maalmahaan ka wadeen magaalada Muqdisho, iyaga oo la tashi la sameeyay odayaasha iyo culimada Soomaaliyeed.

Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka warbixiyay shirarkood ayaa sheegay inay ka tashadeen aayaha dalka, isla markaana ay isla garteen in loo istaago badbaadada dalka, maadaama uu sii dhamaanayo muddo xileedka dowladda.

Gama’diid ayaa sidoo kale ka hadlay waxa dhacaya haddii la gaaro 15-ka May, wuxuuna sheegay in Xasan Sheekh uu noqonayo madaxweynihii hore, isla markaana uu lamid noqon doono madaxdii dalka soo martay, sida uu hadalka u dhigay.

“16-ka May haddii la gaaro Xasan Sheekh waa Madaxweynihii hore ee dalka, tan iyo 2000 weli m dhicin muddo xileedkii hay’adihii dastuurka ee la doortay ee qaybna uu dhammaaday qaybna ay ka harsan yihiin maalmo kooban isla markaana aan la aqoon sida looga gudbayo marxaladda kala guurka ah” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran ee Shariif.

Sidoo kale, wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay in dalka uu ku wado halis ah, uuna isku sii dhajinayo xukunka, iyadoo muddo xileedkii dhammaada.

“Odeygaa madaxweynaha ah dalka khatar ayuu ku wadaa ee gacanta hala qabto ayaanu leeyahay” ayuu mar kale yiri Gama’diid.

Waxaa kale oo uu ku daray Madaxweynuhu dhagaha ayuu ka fureystay talooyinka la siiyay saacadu wxa ay socota waxaa la gaaray in Baarlamaanka uu waqtiga ka dhamaaday isaguna ay u harsan tahay 22 maalmood oo kaliya”.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xoojiyay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay wadaan, iyagoo shalay kulan wadatashi ah la yeeshey culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadleen xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Waxaa kale oo ay maalin kahor xubnaha mucaaradka l shireen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee beelaha Hawiye oo iyana ay kala hadleen doorkooda ku aadan, sidii ay uga qayb qaadan ahaayeen badbaadinta dalka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa maalmahan dambe Muqdisho ka waday kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

Soomaaliya oo shaacisay mowqif ay ka qaadatay Carabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda  arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Xasan Maxamed Cali ayaa Talaadadii ka qayb galay shir degdeg ah oo heer wasiir ah oo ay yeesheen Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo lagu qabtay hab muuqaal fogaan ah (videoconference), iyadoo Soomaaliya ay caddeysay taageeradeeda ku aadan midnimada Carabta.

Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray qaraar ay soo gudbisay Boqortooyada Baxreyn oo ku saabsan weerarrada ay Iiraan ku qaaday qaar kamid ah dalalka Carbeed iyo waajibaadka saaran Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ee ku aaddan sharciga caalamiga ah.

Soomaaliya ayaa muujisay taageero buuxda oo ay la garab taagan tahay dalalka Carabta ee wajahaya weerarradan, iyadoo si adag u cambaareysay tallaabooyinka Iiraan.

Sidoo kale waxay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mar kale  dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, sugidda marinnada ganacsiga badda ee caalamiga ah, iyo taageeridda dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo xasilloonida gobolka.

Waxaa kale oo ay carrabka ku adkaysay in midnimada Carabta ay tahay arrin istiraatiiji ah oo lama huraan ah, iyadoo ku baaqday in la qaato mowqif mideysan oo lagu difaacayo amniga qaranka ee dalalka Carabta laguna ilaalinayo nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan qawaaniinta.

Soomaaliya ayaa horay sidaan oo kale u caddeysay mowqifkeeda ku aadan xiisadda bariga dhexe, waxayna si xooggan u cambaareysay weerrada ay Tehraan ku qaaday qaar kamid ah waddamada gobolka, kuwaas oo dhaliyay khasaare xooggan oo saameeyay nolosha iyo dhaqaalaha gobolka oo dhan.

Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkan xoog gelisay siyaasadda arrimaha dibadda, iyadoo sameysay dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku heshay taageero ku aadan madaxbnaanida Soomaaliya, maadaama dowlado waa wayn iyo ururro caalami ah ay cambaareeyeen xadgudubka Israa’iil oo dhawaan safiir cusub usoo magacowsay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Puntland oo ku dhawaaqday dagaal cusub oo xeebaheeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dagaal ka dhan ah kalluumaysiga sharci-darrada ah ee xeebaha maamulka.

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland ayaa shaaca ka qaadday in ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ka dhan ah Soomaalida iyo ajaaniibta ku lugta leh kalluumaysiga sharci-darrada ah ee ka socda xeebaha Puntland.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay maanta ayaa lagu faah-faahiyay qorshe cusub oo lagu xoojinayo la-dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah (IUU), kaas oo dhibaato weyn ku haya khayraadka badda iyo nolosha bulshada ku tiirsan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in la kordhinayo howlaha kormeerka iyo ilaalinta xeebaha, si loo yareeyo falalka sharci-darrada ah ee si joogto ah uga dhaca biyaha Puntland, kuwaas oo saameyn taban ku yeeshay deegaanka badda.

Sidoo kale, waxaa la adkeynayaa nidaamka bixinta ruqsadaha kalluumaysiga, iyadoo la hubinayo in dhammaan maraakiibta iyo doonyaha ka shaqeeya xeebaha Puntland ay u hoggaansamaan shuruucda iyo xeerarka u degsan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in cid kasta oo lagu helo ku xad-gudubka sharciga lala tiigsan doono tallaabooyin adag, oo isugu jira ganaaxyo lacageed, laalidda ruqsadaha iyo xitaa in lala wareego qalabka iyo kalluunka si sharci-darro ah lagu soo qabtay.

Waxaa kale oo la tilmaamay in tallaabooyinkaas ay qeyb ka yihiin dadaal ballaaran oo lagu ilaalinayo khayraadka badda, laguna xaqiijinayo waaritaanka dhaqaalaha buluugga ah ee Puntland.

Hoggaanka Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa carrabka ku adkeeyay in aan marnaba loo dulqaadan doonin cid kasta oo wax u dhimaysa khayraadka dabiiciga ah, isla markaana waxyeello u geysanaysa nolol-maalmeedka kalluumaysatada maxalliga ah.

Dhanka kale, Puntland ayaa si cad u muujisay inay soo dhoweynayso maalgashi sharci ah oo lagu sameeyo waaxda kalluumaysiga, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta kalluumaysiga waara iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha.

Wasaaraddu waxay si gaar ah u dhiirrigelisay maalgashiga la xiriira kalluun-beerista (aquaculture), horumarinta kaydinta qabow (cold chain), iyo suuq-geynta kalluunka, si kor loogu qaado qiimaha iyo tayada wax-soo-saarka.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa ugu baaqday ganacsatada gudaha iyo kuwa caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadaha jira, iyadoo la xaqiijinayo jawi maalgashi oo hufan, isla markaana ilaalinaya khayraadka badda jiilasha hadda iyo kuwa mustaqbalka.

Turkiga oo ku dhowaaqay go’aan muhiim u ah dowladda Soomaaliya, kuna biiraya….

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa markii ugu horreysay si cad u shaacisay inay si toos ah uga qayb geli doonto howlgalada lagu bartilmaameedsanayo kooxaha hubeysan ee ka dagaallama gudaha dhulka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Al-Shabaab iyo Daacish, arrin muujinaysa wejigii ugu dambeeyay ee doorkeeda la-dagaallanka argagixisada ee dalka.

Ku dhawaaqistan ayaa waxaa sameeyay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, oo sheegay in Ankara ay dib u habeyn ku sameyneyso istiraatiijiyaddeeda amniga si ay u xoojiso wada-shaqeynta ay la leedahay saaxiibbada caalamiga ah, iyadoo Soomaaliya uu ku tilmaamay meelaha ugu muhiimsan ee qorshahan cusub lagu wajahayo.

Fidan wuxuu sheegay in Turkigu uu haddaba taageero siinayo ciidamada ammaanka Soomaaliya, isagoo si toos ah u qeexay nooca taageeradaas. Waxa uu yiri, “Turkigu wuxuu taageero toos ah siiyaa dadaallada ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya kula dagaallamayaan Al-Shabaab iyo Daacish.”

Hadalkan ayaa si rasmi ah u caddeynaya in doorka Turkiga uusan ku koobneyn taageero siyaasadeed ama mid la-talin, balse uu gaaray heer uu si toos ah uga mid noqdo howlgalada lagu beegsanayo kooxaha hubeysan ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga wuxuu sidoo kale sheegay in habka Ankara ee la-dagaallanka argagixisadu uusan ku ekeyn Soomaaliya oo keliya. Waxa uu tilmaamay in dalkiisu u furan yahay inuu nooc la mid ah oo iskaashi amni ah la yeesho dowlado kale oo wajahaya khataro kaga imanaya kooxaha hubeysan, isagoo xusay in Nigeria ay ka mid noqon karto dalalka mustaqbalka laga tixgelin karo arrintan.

Fidan wuxuu intaas ku daray in Turkigu dhisayo hannaan iskaashi amni oo ku saleysan wada-shaqeyn dhow oo lala yeesho ciidamada maxalliga ah, qaabkan oo hadda laga hirgelinayo meelo kala duwan oo ay ka jiraan kooxo hubeysan, isla markaana dowladahoodu codsadeen taageero.

Sanadihii u dambeeyay, Turkigu wuxuu si isa soo taraysa u ballaarinayay doorkiisa amniga ee qaaradda Afrika, isagoo isu muujinaya lamaane muhiim ah oo dhinaca la-dagaallanka argagixisada ah.

Ankara waxay marar badan iftiimisay awooddeeda milatari, oo ay ku jiraan nidaamyada hubka iyo teknoolajiyada isgaarsiinta, kuwaas oo ay ku sheegtay qayb ka mid ah kaalinteeda dadaallada wadajirka ah ee amniga.

Gudaha Soomaaliya, Turkigu wuxuu muddo dheer la lahaa iskaashi ballaaran oo taabanaya taageerada amniga, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gargaarka bani’aadannimo iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda.

Iskaashiyadaas waxaa hagaya heshiisyo rasmi ah oo u dhexeeya labada dowladood iyo barnaamijyo socday oo ay ku jiraan tababarka ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo taageerada hay’adaha u xil-saaran adeegyada dadweynaha iyo maamulka qaranka.

Saraakiisha Turkiga ayaa ku tilmaama xiriirkaas mid qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu doonayo in lagu xoojiyo xasilloonida iyo awoodda Soomaaliya ay ugu maareyn karto caqabadaha amni ee ka jira dhulkeeda.

Al-Shabaab iyo Daacish weli waxay ka mid yihiin khataraha amni ee ka jira Soomaaliya, iyadoo ciidamada Soomaalidu sii wadaan howlgallada milatari ee lagu beegsanayo labadaas kooxood, halka saaxiibbada caalamiga ahna ay bixiyaan heerar kala duwan oo taageero ah, taas oo ku xiran heshiisyada iyo qaababka wada-shaqeyneed ee jira.

Mawqifka cusub ee Turkiga ayaa hadda muujinaya in Ankara ay si dhow ugu soo biirtay dhinaca howlgalada tooska ah ee dagaalkaas, iyadoo si cad u xaqiijisay ka qaybgalkeeda dhaq-dhaqaaqyada lagu beegsanayo kooxaha hubeysan ee ka firfircoon deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ah.

Hadallada Fidan waxay sidoo kale xoojinayaan aragtida Turkiga ee ah in iskaashigiisa amni uu qayb ka yahay qaab-dhismeed caalami ah oo ballaaran, kaas oo ku dhisan wada-shaqeyn muddo dheer socota oo lala yeesho dowladaha wajahaya khataro amni oo la mid ah kuwa Soomaaliya.

Wasiir Jaamac oo jawaab siiyay mucaaradka: Xaal qaado Mucaaradninooy

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo qoraal soo saaray ayaa jawaab adag siiyay xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Jaamac ayaa shaaca ka qaaday inuu aad ula yaabay ficilada mucaaradka, isaga oo sheegay inay si xun uga faa’iideysanayaan daruufta shacabka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in aysan si dhab ah ugu faraxsaneen horumarka dalka, isla markaana hadalladooda laga dheehan karo cabsi ay ka qabaan in Soomaaliya ka baxdo faqri oo kheyraadkeeda la soo saaro, gaar ahaan shidaalka.

“Mucaaradninooy xaal qaado. Inta aan dhegeysanaayey hadalada odayaasha waxaa iigu yaabka badnaa in ay welwel ka qabaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed iney faqriga ka baxaan oo kheyraadkooda shidaalka ugu horeeyo loo soo saaro.  Shacbkayagoow Qofka inaad hayado iyo dowldo tuugsato iyo in gaajo loo dhinto aan wal wal ku haynin, walwalkiisa ugu weyn uu yahay  inaad faqriga ka baxdo masuuliyad ma ku aamini lahayd”. ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay inay mashruuc kasoo qaateen dalal shisheeye, isla markaana ay doonayaan in dalka lagu hayo meeshiisa.

“Waa mashruuc shisheeye in Soomaaliya gaajada lagu haayo mana yeeeleyno”. ayuu mar kale yiri Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

Dhankooda mucaaradka ayaa iyaguna dhaleeceynaya madaxda Dowladda Federaalka, maadaama uusii dhammaanayo muddo xileedkooda. Si gaar ah mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu rabo inuu xukunka iska sii haysto, ama uu qabsado doorasho iskiis ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu na kala dooran siinayaa laba shay oo kala ah inuu meesha iska joogo iyo in doorasho uu natiijadeeda isaga ogyahay uu qabsado labadana lama yeeli karo”. ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah xubnaha mucaaradka ee haatan shirarka ka wada Muqdisho.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Madaxweyne Trump oo ku dhowaaqay go’aan cusub oo la xiriira xabad-joojinta Iiraan

Washington (Caasimsada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay inuu kordhinayo xabbad-joojintii Iiraan saacado yar ka hor inta aysan dhicin, isagoo ballanqaaday in uusan wax weerar ah qaadi doonin ilaa wada-hadallada Tehran “laga soo gabagabeeyo si uun ama si kale.”

Trump ayaa sheegay in hoggaanka Iiraan uu yahay mid “si weyn u kala daadsan,” isla markaana uu u baahan yahay inuu keeno “soo-jeedin mideysan” oo lagu wajaho wada-xaajoodyada.

Ku dhawaaqistan ayaa timid xilli dib loo dhigay wadahadallo la qorsheeyay inay ka dhacaan caasimadda Pakistan, kaddib jahawareer ku saabsan qaabka guud ee heshiis suurta-gal ah. Wafdiga Mareykanka, oo ay ku jireen madaxweyne ku xigeenka JD Vance iyo wada-xaajoodyo kale, ayaa ku haray Washington halkii ay markii hore u ambabixi lahaayeen Islamabad.

Wafdi Mareykan ah ayaa la filayay inuu Talaadadii u baxo wareeg labaad oo wada-hadallo fool ka fool ah, balse Vance ayaa dib u joogay si uu uga qeybgalo waxa Aqalka Cad ku tilmaamay “kulamo siyaasadeed oo dheeraad ah.”

Dhanka Iiraan, weli si rasmi ah uma aysan xaqiijin inay kasoo qeybgeli doonto wada-hadallada Islamabad, iyadoo taa beddelkeeda dirtay fariimo muujinaya inay diyaar u tahay inay “soo bandhigto kaarar cusub oo dagaalka ah.” Xabbad-joojinta ayaa la filayay inay dhacdo Arbacada.

Trump ayaa aroortii hore ee Talaadada ku eedeeyay Iiraan inay “marar badan” jebisay xabbad-joojinta, qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social.

Wareysi uu siiyay CNBC ayuu ku sheegay in Mareykanku uu “ka heli doono heshiis weyn” wada-xaajoodyada socda. Waxa uu yiri, “Waxaan u maleynayaa in aysan haysan doorasho kale. Waxaan burburinnay ciidankoodii badda, waxaan burburinnay ciidankoodii cirka, waxaan dilnay hoggaamiyayaashoodii.”

Markii la weydiiyay haddii Mareykanku dib u bilaabi doono duqeymaha haddii heshiis la gaari waayo Arbacada, Trump wuxuu sheegay inuu filayo “in la duqeyn doono,” isagoo xusay in taasi tahay mowqif uu u arko mid ka awood badan marka wada-hadal la gelayo. Wuxuu intaas ku daray in militariga Mareykanka uu diyaar u yahay inuu si degdeg ah u dhaqaaqo.

Maalin ka hor, Trump wuxuu sidoo kale Bloomberg News u sheegay in uusan u badneyn inuu kordhiyo xabbad-joojinta haddii aan heshiis la gaarin. “La iguma qasbi karo inaan galo heshiis xun. Waqti badan ayaan heysanaa,” ayuu yiri.

Mareykanka ayaa qorsheynayay inuu wadahadallada u diro JD Vance, ergayga gaarka ah ee Bariga Dhexe Steve Witkoff iyo Jared Kushner, oo uu sodog u yahay Trump.

Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa Talaadadii ku adkeystay inaysan u jilicsanaan doonin cadaadiska Mareykanka, ayna weli heegan buuxa ku jiraan haddii weerarro dhacaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf, ayaa habeenkii Talaadada ku qoray barta X in dalkiisu “uusan aqbaleyn wada-xaajood lagu hoos gelayo hanjabaad,” isla markaana labada toddobaad ee la soo dhaafay ay isu diyaarinayeen “inay soo saaraan kaarar cusub oo dagaalka ah.”

Wuxuu intaas ku daray in Trump, isagoo xayiraad ku soo rogay Iiraan, uu doonayo inuu miiska wada-hadalka “maskaxdiisa ku beddelo miis is-dhiibis,” ama uu marmarsiiyo uga dhigto inuu dib u huriyo dagaal cusub.

Si kastaba, waqti kordhinta Trump ee xabad-joojinta ayaa la filayaa in ay fursad cusub siiso Pakistan, si ay dhinacyada isugu keento miiska wada-hadallada ee Islamabad.

Dagaalka Tigray oo laga cabsi qabo inuu dib u qarxo kadib go’aan ay gaartay TPLF

Mekelle (Caasimada Online) – Xisbiga ugu weyn siyaasadda ee Tigray ayaa ku dhawaaqay inuu dib ula wareegayo gacan-ku-heynta maamulka gobolka, tallaabo si weyn loogu fasiran karo inay meesha ka saarayso qaab-dhismeedkii heshiiska nabadeed ee ay la galeen dowladda federaalka Itoobiya, kaas oo soo afjaray mid ka mid ah colaadaha ugu dhimashada badnaa qarnigan.

War qoraal ah oo TPLF, oo ah Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray, ay ku baahisay barta Facebook, ayay xisbigu ku eedeeyeen dowladda federaalka inay jebisay heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalkii labada sano socday.

Qoraalkaas ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay hurisay isku dhac hubeysan oo ka dhex qarxa gudaha Tigray, inay joojisay dhaqaalihii lagu bixin lahaa mushaharka shaqaalaha rayidka ah ee gobolka, isla markaana ay muddo kordhin u sameysay madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah iyada oo aan xisbiga lagala tashan.

“Waxay ku degdegeysaa inay mar kale bilowdo dagaal dhiig badan ku daato,” ayaa lagu yiri bayaanka TPLF.

Go’aankaas ayaa durba falcelin xooggan dhaliyay, iyadoo Getachew Reda, oo hore u ahaa afhayeenka TPLF isla markaana hadda la-taliye u ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, uu Axaddii ku qoray barta X in bayaanka xisbiga uu yahay “diidmo cad” oo ka dhan ah nidaamkii siyaasadeed ee dagaalka kaddib lagu dhisay heshiiskii Pretoria.

Getachew ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay si degdeg ah u farageliso si looga hortago khatar cusub oo horseedi karta dagaal ba’an oo ka qarxa gobol aanu duruuftiisu qaadi karin colaad kale. Getachew waxa uu hore u soo noqday madaxweynaha maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, balse waxa uu markii dambe khilaaf la galay TPLF, ka hor inta aan xilka laga beddelin sanadkii hore.

Ilaa hadda wax jawaab ah kama soo bixin xafiiska afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, Billene Seyoum, oo la weydiiyay eedeymaha TPLF. Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan TPLF si degdeg ah looma helin si ay faahfaahin dheeraad ah uga bixiyaan arrintan.

Dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay ciidamada ay hoggaaminayeen TPLF iyo ciidanka qaranka Itoobiya, oo socday intii u dhexeysay 2020 illaa 2022, ayaa sababay dhimashada boqolaal kun oo qof, sida ay sheegeen cilmi-baarayaal, iyadoo dhimashadu ka dhalatay rabshado toos ah, burburka adeegyada caafimaadka iyo macaluul ka dhalatay colaadda.

Asalka dagaalkaas wuxuu ka dhashay xiriir xumaaday oo u dhexeeyay TPLF, oo markii hore ahayd jabhad hubeysan dabadeedna isu beddeshay xisbi siyaasadeed muddo ku dhow soddon sano si weyn ugu awood badnaa siyaasadda Itoobiya, iyo Abiy Ahmed, oo markii loo magacaabay ra’iisul wasaare sanadkii 2018 soo afjaray saameyntii dheerayd ee TPLF ku lahayd talada dalka.

Dagaalka ayaa joogsaday dabayaaqadii 2022 kaddib heshiiskii Pretoria oo Midowga Afrika dhexdhexaadiyay. Heshiiskaas waxa uu dhigayay in Tigray laga hirgeliyo maamul ku-meel-gaar ah oo lagu soo dhiso wadahadal dhex mara labada dhinac, si uu u beddelo hay’adihii hore ee la doortay ilaa laga qabanayo doorashooyin cusub.

Inkasta oo heshiiskaas laga sameeyay horumar dhinacyo qaar ah, haddana bilihii u dambeeyay waxa isa soo tarayay cadaadiskii iyo shakigii ku hareeraysnaa hirgelintiisa. Tan iyo bishii Janaayo waxaa soo noqnoqday iska horimaadyo hubeysan oo u dhexeeya ciidamada TPLF, ciidanka federaalka iyo maleeshiyaad taageersan dowladda.

Iyadoo ka jawaabaysa waxa ay ku sheegtay xadgudubyada dowladda federaalka, TPLF ayaa bayaankeeda ku sheegtay inay dib u soo celin doonto golaha fulinta iyo baarlamaanka Tigray, si ay u beddelaan maamulka ku-meel-gaarka ah ee hadda jira. Waxay sidoo kale sheegtay inay xoojin doonto xiriirka iyo saaxiibtinimada ay la leedahay shacabka gobollada deriska la ah Tigray iyo dalalka ku xeeran.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Itoobiya ayaa hore u sheegtay inay ka go’an tahay heshiiska Pretoria, balse waxay TPLF ku eedeysay inay maleegayso falal ka dhan ah heshiiskaas iyada oo kaashaneysa Eritrea. Eritrea ayaa ka go’day Itoobiya sanadkii 1993, waxaana labada dal dhex maray dagaal xuduudeed 1998 ilaa 2000.

Si madax-bannaan looma xaqiijin karo sheegashada TPLF ee ku aaddan xadgudubyada ay dowladda federaalka ku eedeysay. Sidoo kale, afhayeenka Midowga Afrika Nuur Maxamed si degdeg ah looma helin si uu uga hadlo go’aanka TPLF ee ay ku dooneyso inay dib u soo celiso maamulkii hore ee gobolka.

TPLF iyo Eritrea labaduba way beeniyeen inay iskaashi yeesheen.

Eritrea, oo heshiis nabadeed gaar ah la saxiixatay Itoobiya sanadkii 2018, waxay dagaalkii Tigray ku garab dagaallantay ciidanka Itoobiya. Hase yeeshee, xiriirka labada dal ayaa mar kale qabow noqday, iyadoo Asmara ay walaac ka muujisay hadallo kasoo yeeray Abiy Ahmed oo ku adkeysanaya in Itoobiya oo aan bad lahayn ay xaq u leedahay marin badeed.

Ciidankii Lafta-gareen ee ka cararay Awdiinle oo galay Gedo

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamadii taabacsanayaa madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay ka carareen deegaanka Awdiinle oo ay ku sugnaayeen tan iyo markii laga saaray magaalada Baydhaba, waxayna maanta galeen gobolka Gedo.

Muuqaallo si weyn loogu baahiyay baraha bulshada Internet-ka ayaa muujinayo ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka gudahana usii galaya qaybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Doolow ee gobolkaasi.

Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xooggan, iyada oo muujineyso in weli ay taagan tahay colaadda Koonfur Galbeed ee ka dhalatay cayrintii Lafta-gareen.

Safiirka Soomaaliya ee Tanzania, Ilyaas Cali Xasan oo qayb ka ahaa madaxda keentay isbeddelka dhacay ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hubkii dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed la geeyay degmada Doolow, ayna tahay wax laga xumaado, maadaama hubkaas lagu iibiyay canshuurtii shacabka.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay shacabka iyo mas’uuliyiinta gobolka Gedoin  ay ka shaqeeyaan sidii hubkaas loogu soo celin lahaa gacanta dowladda.

“Waa nasiibdaro aad uweyn in Hubkii lagu iibiyey Canshuurta Shacabka reer Koonfur Galbeed maanta in Doolow loo rarto, laakiin Madaxda iyo Shacabka reer Gedo waxaa kasaaran Masuuliyad in hubkaas loosoo celiyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Danjire Ilyaas Cali Xasan.

Baxsashada ciidamadan ayaa timid, kadib markii maalmo kahor ay ku dhawaaqeen in dowladda dhexe aysan doorasho ku qaban karin Baydhaba, isla markaana ay ka hortagi doonaan in loo soo xulo madaxweyne cusub, waa sida ay ku doodeen saraakiisha hoggaamineysay ciidanka maanta gaaray Doolow.

Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana aagga Awdiinle iyo Baydhaba ku sugan ciidamada dowladda oo wada howlgallo guud oo lagu xaqiijinayo amniga.

Golaha Mustaqbalka oo mowqif adag la wadaagay Rai Zenenga + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maalmahan dhaq-dhaqaaqyo culus ka waday gudaha dalka ayaa haatan mowqifk’ adag oo la xiriira xaaladda dalka la wadaagay sii-hayaha Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay musharrax madaxweyne Cabdulqaadir Cosoble Cali oo la kulmay Ergeyga.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxaa lagu falanqeeyay xaaladda siyaasadeed ee sii adkaaneysa ee Soomaaliya, iyadoo uu Cosoble shaaca ka qaaday in aan la aqbali karin wax mudo-kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda.

“Bismilaahi rraxmani rraxiim Waxaan maanta la kulmay si-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM  Rai Zenenga halkaas oo aan ku soo bandhigay mowqifka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. Waxaan si cad ugu sheegay in aan la aqbali karin wax mudo-kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Cabdulqaadir Cosoble oo qoraal soo saaray.

Waxaa kale oo uu intaas ku sii daray, isla markaana u sheegay Ergeyga in muddo xileedka madaxweynaha ay ku egtahay 15-ka May, kadibna wixii ka dambeeya loo baahan yahay in la raaco sharciga, gaar ahaan dastuurka dalka.

“Waxaa xusid mudan in muddada xil-heynta hay’adaha dowladda ay ku eg tahay 15-ka May 2026. Sidaas darteed, wixii ka dambeeya taariikhdaas waa in lagu saleeyaa hannaan sharciyeysan oo waafaqsan dastuurka iyo sharciyada heshiiska lagu wada yahay, si loo ilaaliyo kalsoonida shacabka iyo sharciyadda hay’adaha qaranka” ayuu mar kale yiri Cosoble.

Sidoo kale, intii uu socday kulanka,waxaa lagu soo qaaday xiisada ka taagan Koonfur Galbeed, ee ka dhalatay maamulkii la riday ee Lafta-gareen, kadib duulaan toos ah oo ay dowladdu ku qaaday magaalada Baydhaba.

“Waxaan sidoo kale ka hadalnay xaaladda adag ee uu dalku ku sugan yahay, gaar ahaan qalalaasaha ka jira Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan adkeeyay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wadatashi dhab ah, ixtiraamka dastuurka, iyo ilaalinta nidaamka sharciyadeed” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Ugu dambeyn, waxa uu yiri “Waxaa mar kale caddeyneynaa in aan marnaba la aqbali doonin mudo-kordhin, isla markaana loo baahan yahay in dalka loo jiheeyo hannaan dimuqraadi ah iyo doorasho hufan, oo heshiis lagu yahay”.

NISA oo fulisay howlgal lagu laayay Shabaab badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay Al-Shabaabkii ugu badnaa kadib howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Howlgalka koowaad oo lagu beegsaday guri ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 15 xubnood, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale howlgal labaad oo ka dhacay deegaanka Guulane ayaa isna lagu khaarijiyay 18 kale oo kamid ahaa xubno lagu aruurinayay goobta la weeraray.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammaystiran;-

WAR SAXAAFADEED

Muqdisho, April 21, 2026: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo qorsheysan oo lagu dilay in ka badan 33 dhagarqabe, sidoo kalana lagu burburiyay gaari Cabdi-bile ah iyo xarumo ay gabbaad ka dhiganayeen Khawaarijta, ka fuliyay deegaanka Guulane ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka koowaad ayaa lagu bartilmaameedsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta ah, halkaas oo lagu dilay 15 dhagarqabe, waxaana la burburiyay xaruntii ay ku sugnaayeen oo ay u qorsheenayeen in ay u adeegsadaan abaabulka maleeshiyaadka iyo maleegidda dhagarta argagixiso.

Sidoo kale, howlgallo isxig-xigay oo lagu beegsaday maleeshiyaad ku dhuumaaleysanayay deegaanka Guulane ayaa lagu khaarijiyay in ka badan 18 dhagarqabe, waxaana lagu gubay gaari Cabdi-bile ah oo ay u adeegsanayeen daabulka iyo dhaq-dhaqaaqa maleeshiyaadka, taas oo si buuxda u fashilisay abaabulkii ay wadeen.

Howlgalladan ayaa yimid kaddib markii sirdoonka qaranku xaqiijiyay in maleeshiyaad gaaraya 90 xubnood lagu uruuriyay deegaanka si loogu adeegsado falal amniga lid ku ah, waxaana taas xigay tallaabooyin qorsheysan oo lagu wiiqay halistii Khawaarijta. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Khawaarijta Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Siyaasiyiin ka baxay safka Xasan oo ku biiray mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha mucaaradka ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada gudaha magaalada Muqdisho ayaa xoojiyay cududooda, iyaga oo helay saaxibo cusub oo kusoo biiray safkooda, si ay qayb uga noqdaan dadaallada lagu doonayo in dalka ay uga dhacdo doorasho xalaal ah.

Siyaasiyiin horleh ayaa maanta kasoo muuqday shirka mucaaradka ee ka socda guriga madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, waxaana kamid agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Mustaf Dhuxulow oo maalmo kahor xilka laga qaaday iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur oo kamaid ah musharrixiinta xilka madaxweynaha HirShabelle oo isna saaka gaaray hoyga Sheekh Shariif.

Labadan siyaasi ayaa kulan albaabada u xiran la yeeshay Sheekh Shariif, waxaana kulankaasi ku wehlinayay Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo isna kamid ah saaxibadii aadka ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh, balse ka baxay garabkiisa, kuna biiray mucaaradka.

Sidoo kale, wararku waxay sheegayaan in ay suuragal tahay in siyaasiyiintan ay si rasmi ah uga qeyb-galaan maalinta xiritaanka madasha, taas oo loo qorsheeyay Jimcaha.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sii xoojinaya dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ay wadaan, iyagoo maanta kulan wadatashi ah la yeeshey culimada Soomaaliyeed oo ay kala hadleen xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Waxaa kale oo shalay xubnaha mucaaradka ay kulan xasaasi ah la yeesheen odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo iyana ay kala hadleen doorkooda ku aadan, sidii ay uga qayb qaadan ahaayeen badbaadinta dalka.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Si kastaba, Mucaaradka ayaa maalmahan dambe Muqdisho ka waday kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

Daawo: Guuleed oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maanta ka qayb-galay shirka mucaaradka ee ka socda guriga Sheekh Shariif ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynaha talada haya ee Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u jeediyay eedeymo culus.

Guuleed ayaa shaaca ka qaaday in madaxweynuhu rabo inuu iska sii joogo, ama uu qabsado doorasho kaligiis ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu na kala dooran siinayaa laba shay oo kala ah inuu meesha iska joogo iyo in doorasho uu natiijadeeda isaga ogyahay uu qabsado labadana lama yeeli karo” ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay inuu talada dhexda soo dhigo, isla markaana uu qabto doorasho ay u siman yihiin dhinacyada oo dhan, shacabkana ay raalli ka yihiin.

“Annaga waxaan rabnaa doorasho uu isaga raalli ka yahay annaguna aan raalli ka nahay dhammaan bulshada Soomaaliyeedna ay raalli ka yihiin ma dooneyno doorashadii 2022 ee boobka ku dhisneyd sidaas si lamid ah ma dooneyno doorasho uu madaxweyne Xasan Sheekh Computer ku wato oo isaga natiijadeed ogyahay ma rabno” ayuu mar kale yiri Guuleed.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay burburinta dhulalka danta guud iyo barakicinta shacabka, isaga oo tilmaamay in xargaha ay goosteen dhulalka la dumanayo, sidoo kalena la’iska xiranayo dadka wax galka u ah bulshada.

“Dowlad dadkeeda barakineyso waxaa la arki jiray dowlad dadkeeda u turowso waxaan kaloo ka hadalnay afduubka Wariyeyaasha iyo dadka kale ee shacabka” ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo xilli haatan mucaaradka ay xoojiyeen kulamada siyaasadeed ee looga soo horjeedo qorshaha dowladda ee la xiriira muddo kororsiga, si dalka loo gaarsiiyo doorashooyin toos ah oo qof iyo cod ah.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Soomaaliya ay wajaheyso xaalad hubanti la’aan ah, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

Daawo: R/W Xamza oo qiil yaab leh u sameeyay muddo kordhinta Xasan Sheekh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo ka hadlay dhawaaqyada kasoo yeeraya siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay in muddo sanad ah u harsan tahay dowladda, halka mucaaradka uu si adag u diidan yahay muddo kordhin.

Xamza ayaa sheegay in dastuurka ay ku doodayaan mucaaradka in aan waxba laga beddeli karin uu markii hore dhigayay in muddo xileedka uu yahay 5 sano, isla markaana haatan dib loo soo celiyay qodobkaasi.

“Waxaa isdiidaya dastuurkii 2012 ayaa dastuur ah iyo waqtiga waa dhamaaday isma laha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dooday in dastuurkii 2012 ay ansixiyeen ergadii 800 ka badneyd uu dhigayay in muddo xileedka 5 sano yahay. “Haddii dastuurkii 2012 la ansixiyay lagu noqonayo maxaa keenay 15-ka May ayay bahashu ku eegtahay.”

Waxa uu intaas kusii daray: “Meel looga baxo 5 sano ma jirto. Xildhibaannadii berigaa yiri fadhigoodii ugu horreeyay ee Jawaari hoggaaminayay AUN, 2 qodob ayaa dastuurka ka beddelnay oo ahaa qodobkii 5 sano waxaa ka dhignay 4 sano, waxaa kale oo ka beddelnay madaxweynaha kala diri kara baarlamaanka qodobkaana waa ka beddelnay oo waa diidnay. Haddana isla xildhibaannadii unba dib usoo celiyay 5-tii sano ee hore.”

Dhinaca kale, Xamza ayaa sii adkeeyay qabashada doorasho qof iyo cod oo uu sheegay inay ka go’an tahay Dowladda Federaalka inay si dhameystiran uga hirgeliso dalka, iyadoo muran xooggan ka taagan yahay sharciyadda muddo xileedka iyo sidoo kale wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

“Siyaasaddu jid la raaco ayay leedahay, jidkaasina waa jid dimuqraadi ah. Dimuqraadiyadda waa lagu tartama, oo cid baa adkaata, ciddii adkaatana ayaa wada, cidda kalena waa mucaaradka laakiin wey oggolaata,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hoos ka daawo muuqaalka

Xogta weerar maanta lagu qaaday dhaqaatiir ka timid Calmiskaad + Khasaaraha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar gaadmo ah oo ay kooxda Daacish ku qaaday gaari Ambalaas oo dhaqtar iyo kalkaaliyeyaal ay la socdeen, kaas oo lagu weeraray deegaanka Daraymadoobe ee togga Jaceel, xilli uu kasoo laabtay buuraha Calmiskaad.

Gaariga Ambalaasta ayaa soo qaaday askar ku dhaawacantay weerar habeen ay kooxda ku qaaday askar ka tirsan ciidanka Puntland oo ku sugnaa deegaanka Dhaadaar, halkaas oo lagu fashiyay weerarka, sida ay sheegtay Puntalnd..

Wararka ayaa sheegaya in weerarka dhabagalka ah kadib la waayay dhaqtarkii la socday baabuurka, waxaana la helay maydka askari ka tirsan ciidamada Puntland, halka lasoo wariyay in askartii kale ay ka badbaadeen weerarka.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland oo ku aadan weerarkan waxaana go’an is-gaarsiinta taas oo sii adkeysay xaaladda iyo in xog sugan laga helo goobta maadaama ay dhuumaaleysi ku joogaan xubnaha Daacish.

Weerarada kooxda ayaa maalmahan kusoo badanayay buuraha Calmiskaad, waxaana inta badan khasaare uu kasoo gaaraa ciidanka ku safra deegaannadaas.

Puntland ayaa horay u sheegtay inay soo afjartay Daacish, balse meelaha qaar dagaalyahannadeeda ay ku joogaan firxad, ayna ka daba tegi doonaan si looga hortago weeraradooda.

Inta ay socdeen howlgallada waxaa gacanta lagu dhigay dagaalamayaal u badan ajaaniib oo ay horay usoo bandhigeen ciidamada difaaca Puntland.

Shirkadda maraakiibta ee Maersk oo joojisay howlaheedii dekedda Berbera + Sababta

Berbera (Caasimada Online) — Shirkadda weyn ee qaabilsan daabulidda xamuulka badda ee Maersk ayaa Isniinta sheegtay inay si ku-meel gaar ah u hakisay aqbalaadda shixnadaha cusub ee ku socda ama ka imanaya dekedda Berbera ee maamulka Somaliland ee waqooyi bari Soomaaliya.

Ogeysiis ay shirkaddan laga leeyahay dalka Denmark u dirtay macaamiisheeda, ayay ku sheegtay in hakintani ay durba dhaqan gashay, isla markaana ay tahay mid ku-meel gaar ah. “Waxaan idinla socodsiinaynaa in, laga billaabo hadda, isbeddello ku yimid jadwalka shaqada awgood, ay shirkadda Maersk si ku-meel gaar ah u hakin doonto aqbalaadda shixnadaha cusub ee taga ama ka yimaada dekedda Berbera,” ayaa lagu yiri bayaanka shirkadda.

Maersk ma aysan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan waxa iska beddelay jadwalkeeda, arrintaas oo macaamiisha iyo ganacsatada ku reebtay su’aalo ku aaddan sababta dhabta ah ee ka dambeysa go’aankan.

Si kastaba ha ahaatee, hakintan lama filaanka ah ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro isbedbeddel xooggan oo ku aaddan isku-socodka maraakiibta gobolka, iyadoo shirkadaha isaga goosha Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay la tacaalayaan carqalado joogto ah iyo isbeddello xawli ah oo ku yimaada jadwalladooda.

Burburkan ku yimid nidaamka gaadiidka badda ayaa sii xoogeystay tan iyo markii uu dagaalka Iiraan qarxay 28-kii Febraayo, taas oo qalqal gelisay marinnada badda ee Bariga Dhexe, isla markaana dhalisay cabsi horleh oo ku aaddan amniga marin-biyoodyada muhiimka ah.

Khataraha ka imaanaya kooxda Xuutiyiinta ee Iiraan ay taageerto, kuwaas oo ka dhaqdhaqaaqa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa sii kordhiyay culeysyadaas, inkastoo Maersk aysan go’aankeeda Berbera si toos ah ugu xirin arrimahaas.

In kasta oo ay hakisay ganacsiyada cusub, shirkaddu waxay xaqiijisay in shixnadaha hadda waddada ku jira aanay arrintani saameyn doonin. “Iyadoo Maersk ay si kumeel gaar ah u hakin doonto safarradeedii Berbera, waxaan xaqiijin doonnaa in shixnad kasta oo hadda soo socota la gaarsiin doono halkii loogu talagalay sidii qorshuhu ahaa,” ayay raacisay shirkaddu.

Sidoo kale, Maersk ayaa qiratay in hakintan ay si gaar ah u saameyn doonto dalka aan badda lahayn ee Itoobiya, oo qeybo ahaan ku tiirsan. Sanadihii la soo dhaafay, dekeddan ayaa soo jiidatay maalgashi ballaaran oo lagu ballaarinayo awoodda xamuulka iyo xoojinta waddooyinka ku xira Itoobiya.

Xitaa iyadoo dariiqii Berbera uu xaniban yahay, Maersk waxay macaamiisheeda u sheegtay in dekedaha kale ee gobolka ay weli yihiin kuwo furan oo shaqeynaya. “Adeegyadeenii joogtada ahaa ee Jabuuti, Muqdisho iyo Mombasa ayaa weli diyaar ah si ay u taageeraan baahiyahaaga daabulidda, ayna u xaqiijiyaan isku-xirnaanta gobolka oo dhan,” ayaa lagu yiri ogeysiiska. 

Askar ka tirsan badbaadada Koonfur Galbeed oo la dilay iyo ciidanka dowladda oo…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Howlgallo ballaaran ayaa ka socda duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kuwaas oo lagu baadi-goobayo rag hubeysan oo dil u geystay askar ka tirsanaa ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed, kadibna baxsaday.

Sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online, raggaasi ayaa weerarka kadib si degdeg ah uga baxsaday goobta, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay falkaas.

Howl-galladan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya ciidamo isugu jira Booliis iyo kuwa Milatari ah, kuwaas oo isku dayaya inay gacanta ku soo dhigaan eedeysaneyaasha falkaasi ka dambeeyay.

Ciidamada ayaa la sheegay inay baaritaanno ka wadaan deegaanno dhowr ah oo ku teedsan duleedka Baydhabo, iyagoo raadinaya xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto ragga baxsadka ah.

Ujeedka howl-galladan ayaa ah in la soo qabto eedeysaneyaasha laguna horgeeyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, oo horey gacanta ugu haysay kiisas la xiriira falal amni darro oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Dhanka kale, saraakiisha hay’adaha ammaanka ee magaalada Baydhabo ayaa saacadihii lasoo dhaafay yeeshay kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladda amni ee gobolka Baay.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkayn lahaa amniga guud ee magaalada iyo hareeraheeda, loogana hortagi lahaa falalka lidka ku ah amniga ee soo noqnoqday.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale xusay in la kordhin doono howl-gallada amni sugidda, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka Baay.

Iiraan oo war culus ka soo saartay safiirka ay Israa’iil u magacowday Somaliland

Tehran (Caasimada Online) — Dowladda Iiraan ayaa a si kulul u cambaaraysay go’aanka ay Israa’iil ergey diblomaasiyadeed ugu magacawday maamulka Somaliland, iyadoo tallaabadan ku sifeysay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in go’aanka Israa’iil ay ergeyga ugu dirtay Somaliland, uu muujinayo isku-day joogto ah oo lagu carqaladaynayo xasilloonida dalalka Islaamka, loogana abuurayo gobolka kala-qaybsanaan xooggan.

“Tallaabadan aan loo meel dayin waa xadgudub qaawan oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay iyo xeerarka caalamiga ah. Waa weerar toos ah oo lagu qaaday madax-bannaanida, xornimada iyo wadajirka dhuleed ee dowlad madax-bannaan,” ayuu yiri Baghaei, oo u warramayay warbaahinta ku xiran dowladda Iiraan.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Qaramada Midoobay, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Midowga Afrika iyo guud ahaan beesha caalamka inay ka hortagaan dhul-ballaarsiga Israa’iil iyo faragelinta ay ku hayso arrimaha gudaha ee dalalka madax-bannaan.

Cambaaraynta Iiraan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan falcelinta diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabadii ay Israa’iil 15-kii bishan Abriil ugu magacawday diblomaasiga Michael Lotem inuu noqdo ergeygeedii ugu horreeyay ee Somaliland balse aan halkaas fadhiisan doonin (non-resident envoy). Tani ayaa timid bilo un kaddib markii Tel Aviv ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah ugu aqoonsada deegaankaas dowlad madax-bannaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba diiday go’aankaas, iyadoo caddaysay in isku-day kasta oo Somaliland loola dhaqmo sidii dowlad madax-bannaan uu jabinyao sharciga caalamiga ah, isla markaana uu wiiqayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa isna cambaareeyay go’aanka Israa’iil, isagoo dib u xaqiijiyay in uusan Somaliland u aqoonsanayn dowlad madax-bannaan, wuxuuna ka digay in tallaabooyinka hal dhinac ah ee noocan oo kale ah ay halis weyn gelinayaan xasilloonida Geeska Afrika.

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa soo saaray dhaleeceyn taas la mid ah, halka bayaan wadajir ah oo ay soo saareen 16 dal oo Carbeed iyo kuwa Islaam ah, oo ay ku jiraan Soomaaliya, Masar, Sacuudi Carabiya, Turkiga, Pakistan iyo Urdun, ay tallaabada Israa’iil ku sifeeyeen xadgudub cad oo ka dhan ah qaranimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa isku beddeshay mid ka mid ah xasaradaha diblomaasiyadeed ee ugu xasaasisan Geeska Afrika sanadkan, iyadoo dowladda Soomaaliya ay waddo olole ay isugu keenayso waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Muslimiinta u badan yihiin si ay u garab istaagaan mowqifkeeda ah in maqaamka Somaliland aan lagu go’aamin karin aqoonsi shisheeye ama gacan-togaaleysi dibadda ah.

Dhaq-dhaqaaqa dambe ee Israa’iil ayaa daba socda aqoonsigeedii rasmiga ahaa ee ay siisay Somaliland bishii Diseembar 2025, tallaabo ay si degdeg ah ay u cambaareeyeen xukuumadda Muqdisho iyo dhowr dowladood oo gobolka ah.

Khilaafkan diblomaasiyadeed ayaa sii xumaaday bishii Janaayo markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Saar, uu booqasho ku tagay Hargeysa, uuna la kulmay Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, arrintaas oo ay Soomaaliya xilligaas ku tilmaantay xadgudub sharci-darro ah iyo daan-daansi ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Dowladda Iiraan ayaa inta badan dhaq-haqaaqyada Israa’iil ee Somaliland u aragta qayb ka mid ah qorshe ballaaran oo salka ku haya faragelin goboleed.

Xukuumadda Tehran ayaa horay u cambaaraysay aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland bishii Diseembar, waxayna sidoo kale si weyn u dhaliishay booqashadii uu wasiir Saar ku tagay Hargeysa bishii Janaayo ee la soo dhaafay.

Maersk suspends bookings to Somalia’s Berbera port

Berbera, Somalia – Maersk said on Monday it had temporarily suspended new bookings to and from the Port of Berbera in Somalia’s breakaway region of Somaliland, abruptly halting fresh cargo business at one of the Horn of Africa’s key trade gateways.

In a notice to customers, the Danish shipping giant said the suspension took effect immediately and would be temporary.

“We are writing to inform that, effective immediately and due to scheduling changes, Maersk will temporarily suspend acceptance of new bookings to and from the Port of Berbera,” the company said.

‘Scheduling changes’

Maersk did not explain what had changed in its schedule, leaving customers and traders without a fuller reason for the move.

However, the abrupt halt comes amid wider volatility in regional shipping, as carriers across the Horn of Africa, the Red Sea and the Gulf of Aden grapple with repeated disruptions and schedule changes.

The disruption has deepened since the Iran war broke out on February 28, rattling shipping lanes across the wider Middle East and raising fresh fears over the security of key maritime chokepoints.

Iran-backed Houthi threats in the Red Sea and Gulf of Aden have added to those pressures, although Maersk did not directly link its Berbera decision to either factor.

Maersk did not say whether those broader pressures drove its Berbera decision.

Despite the pause in new business, the company sought to reassure clients that cargo already in transit would not be affected.

“While Maersk will temporarily suspend its call to Berbera, we will ensure that any cargo currently en route is delivered to its final destination as planned,” it said.

Maersk also acknowledged Berbera’s growing importance to regional trade, especially for cargo serving neighbouring Ethiopia.

“We understand that you may have relied on our call to Berbera for local gateway cargo as well as for connectivity to neighbouring markets such as Ethiopia,” the company said.

The suspension is likely to draw attention across the Horn of Africa, where Berbera has increasingly served as a strategic alternative corridor for landlocked Ethiopian trade and as a rising logistics hub on the Gulf of Aden.

In recent years, the port has attracted major investment to expand container capacity and strengthen road links into Ethiopia.

‘Alternative ports’

Even with the Berbera route paused, Maersk told customers that other ports in the region would remain available.

“Our continued services to Djibouti, Mogadishu, and Mombasa remain available to support your logistics needs and ensure connectivity across the region,” the company said.

The company urged customers who need access to Berbera to consider alternative inland arrangements through those operational ports.

“We encourage you to reach out to your customer representative at Maersk to discuss landside options if you need connections to Berbera,” the notice said.

For importers and exporters, the immediate effect is clear: no new Maersk bookings for Berbera until further notice. For now, the company says it will continue updating customers through its website while its teams remain available to assist with planning.

“We will continue to keep you updated on the situation via Maersk.com,” the company said. “Our teams are on hand to support with your planning, should you need any assistance.”


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60