25.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Daawo: R/W Xamza oo soo saaray amar saameynaya shacab badan + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta ka hadlay daah-furka imtixaanka laga qaadayo Macallimiinta cusub ee ay qaadaneyso wasaaradda waxbarashada ayaa soo saaray amar culus oo saameynayo in badan oo kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka socday qoysaska degan goobaha danta guud ee waxbarashada ee ku yaalla Muqdisho iyo gobollada inay ka guuraan dhulalkaasi, si loogu adeego ardayda.

“Deegaanada la dagan yahay ee asalkooda ay lahaayeen hay’adaha waxbarashadu waxaan codsaneynaa meel kastoo waddanka la joogo caasimada ha ahaato ama dowlad goboleedyada dadka Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa in ay banneeyaan oo ay fursad siiyaan ubadka Soomaaliyeed” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka Somalia.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ay aad u xanuun badan tahay in qoyas dan yar oo aan heysan guryo kale laga saaro dhulkii ay daganaayeen muddada dheer, bale waxa uu shaaciyay in baahi ay keentay, isla-markaana wax lagu baran ubadka Soomaaliyeed.

“In qoysas daganaa muddo deegaan dhul iyo guryo kale aan waxba toona laheyn in laga bixiyaa way xanuun badan tahay, laakiin waxaa ka sii xanuun badan kii loogu talagalay inuu wax barto inuu bannaanka ku ciyaaraayo” ayuu hadalka sii raaciyay ra’iisu wasaaruhu.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay imtixaanka maanta dalka ka billowday ee laga qaadayo Macallimiinta cusub ee ay shaqaaleysiineyso wasaaradda waxbarashada, kaas oo ay u fariisteen illaaa 8,000 oo Macallin, kuwaas oo imtixaanka ku galayo illaa 11 magaallo.

“Waa maalin ay farxad u tahay waxbarashada Soomaaliyeed, aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, uguna mahadcelinayaa wasaaradda dagaalka saameysay ee ku aadan dib u eegista hannaanka waxbarashada dalka,’ ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa sidoo kale intaasi ku daray in 3,000 oo Macallin oo la shaqaaleysiiyo in ay wax badan ka beddali doonto waxbarashada ardayda Soomaaliyeed.

“Saddex kun oo Macallin inay lagama maarmaan ay tahay si ay wax u bartaan ardayda Soomaaliyeed aad iyo aaad ayay wasaaraddu ugu mahadsan tahay,” ayuu raaciyay.

Dowladda Soomaaliya oo digniin culus kasoo saartay arrin ka taagan xeebta CADALE

0

Cadale (Caasimada Online) – Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddalka Cimilada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus ka soo saartay fuustooyin ku soo caariyay xeebta degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo hoostaga HirShabelle.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in ay soo gaartay xogta haamankaasi, isla-markaana aan la aqoon waxa ku jira, taas oo walaac ku abuurtay dadka deegaanka oo ka shakiyay inay haamankaasi ku dhex jiraan waxyaabo kiimiko ah iyo sidoo kale sun.

“Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada dowladda federaalka Soomaaliya waxaa soo gaaray xogta in fuustooyin aan la aqoon waxa ku jira laga helay degmada Cadale,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in ay ku howlan tahay in khubaro loo diro xeebta degmada Cadale, si looga sal gaaro waxa ku jira fuustooyinkaasi soo caariyay.

“Sidaas aawgeed Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada waxa ay sida ugu dhaqsaha badan qorsheyneysaa in ay koox khubaro u saarto arrintan.” ayay sii raacisay.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ay la xiriirtay maamulka degmada, isla-markaana ay ka wada-hadleen in la xiro aagga ay yaalaan haamanka si loo ilaaliyo ilaaliyo baqabka caafimaad bushada ku dhaqan Cadale.

Ugu dambeyn wasaaradda ayaa farriin u culus u dirtay dadka deegaanka, waxayna ugu baaqday inay ka fogaadaan haamankaas, inta laga hubinayo waxyaalaha ku dhex jira.

“Waxaa dadka deegaanka la farayaa in ay ka fogaadaan haamahaas inta laga hubinayo waxyaabaha ku jiro si loo ilaaliyo baqabka caafimaad ee bushada degan Cadale,”.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreyso ee xeebaha Soomaaliya lagu arko haaman soo caariyay, kuwaas oo halis ku ah bulshada, waxaana loo aaneeya dayaca biyaha Somalia.

 

Ma wax xunbaa in madaxdu xilal u dhiibto qaraabadeeda?

Asbuucyadii la soo dhaafay waxaa aad loo hadal hayay carruurta madaxweyne Xasan Sheekh oo dawladda aad uga soo dhex muuqday. Gaar ahaan waxaa su’aalo badan iyo dood laga keenay gabar lagu sheegay Jiihaan Xasan Sheekh oo dadka qaarkii ay sheegeen in ay la wareegtay shaqadii wasiirka arrimaha dibadda. Isla waqtigaas waxaa is barbardhig ahaan dadku usoo qaadeen arrin madaxweyne Farmaajo iska diiday. Arrintaas ayaa ahayd in wiil uu dhalay Maxammed Farmaajo, jaamacad soo dhammeeyay waqtigii uu madaxweynaha ahaa. Wakiilka Soomaaliya u jooga xarunta Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Baalle oo saaxiib dhaw ay yihiin Farmaajo ayaa soo jeediyay, sida la sheegay, in wiilka la keeno xarunta Abuukar si uu halkaas ugu shaqo barto ugu danbayna uga shaqeeyo. Soo jeedintaas ayuu iska diiday Farmaajo isaga oo yiri wiilkayga anoo xil hayo xil dawladeed la geyn maayo. Arrintaan ayay dadku qaar aad ugu ammaaneen Farmaajo dhinaca kalana aad ugu dhaliileen Xasan Sheekh. Haddaba su’aashu waxaa ay tahay maxaa ku jaban in qaraabada loo magacabo xilalka dawladda? in Madaxweyne diido inuu xilal u dhiibo qaraabadiisa ma ka dhigaysaa inuu yahay qof daacad ah midkii uu magacaaba se ma dhigaysaa qof musuq iyo eexo ku astaysan?

Jawaabaha su’alahaas oo kooban waa in qofna uusan daacad ku noqonayn inuu qaraabadiisa u diiday xilalka dawladda; qof kalana eexoolo ku noqonayn qarbaadiisa oo uu xilal ku taxay. Haa, si ahaan qaraabada oo xil loo dhiibo ma aha waxa cabbirku yahay ee waa shaqsiyaadka waxtarkooda, xirfaddooda iyo shaqada ay hayaan sida loogu ogyahay ee ay ugu habboonyihiin. Si aan arrimahaas aad ugu fahanno waxaan bixin doonnaa tusaalooyin waayo hore iyo kuwo cusubba leh.

In madaxweynuhu iska ilaaliyo magacaabidda qoyskiisa iyo qaraabadiisa waa doorasho ee qasab maaha. Laakiin waa ay kala fiican yihiin iyaga oo wada bannaan oo midna sidiisa aan ammaan loogu mudanayn. Abuubakar iyo Cumar, Allaha ka wada raalli noqdee, wax xil ah uma aysan dhiibin carruurtooda iyo qaraabadooda dhaw toona. Lidkooda Cismaan binu Cafaan waxaa uu xilal u magacaabay qaraabadiisa oo ay ku jireen walaalihiis. In Cismaan xil ummadeed uu u dhiibay qaraabadiisa kama dhigayso inuu ka caddaalad hooseeyay Abuubakar iyo Cumar. Labada hore waxaa ay u arkeen in ay u fiicantahay in ay qaraabadooda ka fogeeyaan xilalka ummadda inta ay iyagu xilka hayaan.

Markii ay geeridu soo wajahday Cumar waxaa uu magacaabay guddi lix qof ahaa. Guddigaan waxaa uu u xilsaaray in ay ummadda u dooraan hoggaamiye isaga beddela. Waxaa uu todobo uga dhigay wiilkiisa Cabdullaahi binu Cumar. Waxaa uu ku yiri Cabdullaahi ha idinla joogo laakiin isma sharrixi karo mana dooran kartaan. Haddii ay dhacdo in guddigu seddexba qof u codayso, Cabdullaahi codkiisa weydiiya, halkii uu codkiisa siiyo doorta illeen kaasaa afar cod heleye. Intaas ayaa qoyska Cumar xil dawladeed ugu dhawayd, Abuubakarna ha sheegin!

Cismaan dhiniciisa waxaa uu u arkay wax caadi ah oo dhib iyo shiddo aan lahayn in qaraabada xil loo dhiibo maaddaama ay yihiin dad dawladda wax ku leh. Dadka uu xilalka u dhiibay akhiyaar ma wada ahayn. Tusaale, Waliid bin Cuqbah oo Cismaan ay xagga hooyada walaalo ka ahaayeen waxaa uu ahaa kahmriyo cab. Waliid waxaa laga dhigay waaliga gobalka Kuufa. Nin hawlo badan ayuu ahaa. Waxaa la sheegay in maalin isaga oo cabsan oo dadka salaad tujiyay. Cismaan ma uusan ogayn inuu khamriga cabbo markii uu xilka u dhiibayay. Goortii ay soo gaartay inuu khamriga cabbo waxaa uu amray in xadka khariga laga oofiyo xilkini waa uu ka qaaday.

Laakiin Cismaan waxaa kasoo gaaray dhaleecayn iyo dhiillo abuurid. Uurgaalladii iyo intii bugtay oo dhan ayaa daliil iyo caddaymo dadka lagu kiciyo ka dhigtay in Cismaan qaraabadiisa uu xilal ku taxay. Caamadu waa dad dacaayadda si fudud u qaata wixii loo sheegana iska iibsada iyaga oo aan su’aalo isweydiin. Tusaale, Cismaan dadka lagu eedeeyay inuu xil siiyay waxaa ku jirey Mucaawiye binu Abii Sufyaan oo Shaam madax ka ahaa. Laakiin Mucaawiye Cismaan hortiis ayuu xilkaas hayay. Eedihii jirey iyo buuqa la abuuray Cismaan waxba kama uusan soo qaadin waxaa uuna u arkayay gardarro lagu haystay. Waxaa la sheegaa in lagu yiri Abuubakar iyo Cumar midna qaraabadooda xilal uma dhiibin adiguna qoyskaada ayaad ku taxday. Jawaabta uu arrintaas ka bixiyay waxaa ahayd tu aan wixii jirey waxba ka beddelin. Nasiibdarro, aakhirkii munaafiqiintii iyo intii jirrnayad waxaa ay ku guuleysteen in Cismaan la dilo ummaddina dagaal laga dhex abuuro.

Cismaan ma ahayn Khaliifka keliya ee qaraabadiisa shaqaaleeyay. Cali binu Abii Daalib ayaa isna ilma adeerradii iyo qaraabo kale xilal badan u dhiibay. Markii uu Khaliifka ahaaCali RC, Cabdullaahi, Cubaydillaahi, Thaqam iyo Thumaama oo intuba uu dhalay adeerkii Cabbaas ibnu Cabdi Mudalim ayuu waaliyaal uga dhigay Yaman, Mako, Madiino iyo Basro. Maxammed binu Abii Bakar oo uu hooyadii qabay soona koriyay ayuu sidaa oo kale uu ka dhigay waaliga Masar. Qaraabo kale oo badan oo uu Cali xilal u dhiibay ayaa jirey. Taasu wax uma dhibin caddaaladdiisi iyo sharaftiisi toonaa. Sidaa oo kale, ma noqon arrin dhib iyo buuq usoo jiidda sidii Cismaan. Sababo badan ayaa jiri kara oo uusan Cali ula kulmin dhaliilihii uu Cismaan kala kulmay qaraabadiisa, hasa ahaatee waxaa hubaal ah in la siyaasadeeyay arrimaha Cismaan oo rag dano kale lahaa ayaa sallaan ka dhigteen.

Haddaan eegno xagga umadaha kale, sidaas ayay madaxdu u kala duwanayd oo qaarna ay u dooran jireen in ay xilal u dhiibaan qoyskooda iyo qaraabadooda qaarna ay isaga ilaalin jireen iyaga oo u arkayay in aysan u fiicnayn hoggaamintooda. Ibraahin Linkon waxaa uu ahaa madaxweynihii 16aad ee Maraykanka. 1860nnadii ayuu xilka hayay. Wasiirka arrimaha dinbadda waxaa uu u magacaabay nin waqtigaas caan ahaa oo la oran jirey William Henry Seward. Mudane Seward waxaa uu xoghayaha wasaaradda markiba u magacaabay wiil uu dhalay.

Lidkiisa Edward Stanton oo noqday wasiirka gaashaandhigga waqtigii Linkon aad ayuu uga soo horjeeday in dadka lagu qoro qaraabonnimo iyo wax la mid ah. Labada wasaaradood ee ay kala hayeen Seward iyo Stanton waxaa dhacdhac iyo dhaqaalo badnaa waqtigaas midda Stanton. Waxaa lagu jirey dagaal sokeeye oo aad u qaraar. Wixii dakhli la helo waxaa la galin jirey ciidanka iyo dagaalka. Qofkii raba inuu maal tabcado ama qoys nooleeyo si fudud ayuu xoolo badan ku aruursan karay. Dhabtii marka la magacaabayo Stanton waxaa xilka laga qaaday mid lagu eedeeyay musuq iyo boob gaartay in uu fardo waa hore dhintay kusoo dallaco wasaaradda si uu lacag uga sameeyo. Stanton se waxaa uu ahaa nin aan aqbalin shaqo laalaab lagu helo. qoyskiisa iyo asxaabtiisa ayuu xafiiskiisa ka ilaaliyay. Iska daa kuwo uu isagu siiyee, xataa waraaqaha uu madaxweynuhu soo qoro ayuu diidi jirey. Waqtigaas Maraykanku waxaa uu ahaa sida ay maanta Soomaaliya tahay wax u eg. Dad shaqo doon ah ayaa xafiisyada madaxda hor dhoobnaan jirey. Odayaal iyo akhiyaar wiilal gacmaha hayo oo wiilkaan shaqo ii sii leh ayaa madaxda nafta u keeni jirey.

Nin shaqo doon ah ayaa u tagay madaxweyne Linkon. Madaxweynaha ayaa u qorey warqad oo ku yiri ula tag Stanton si uu boos kuu geeyo. Stanton markuu akhriyay warqaddii ninkii watay hortiisa ayuu ku kitfay waana cayriyay. Ninkii xagguu ka wareegtay oo xaaska madaxweynaha ayuu u tagay oo baryadii ka badiyay. Warqad kale ayay usoo qortay oo ay Stanton kaga codsatay inuu ninkaas meel geeyo. Sidaan soo sheegnay wasaaradda uu joogay Stanton waxaa ay ahayd meesha ugu nacfi roonayad waqtigaas. Stanton markii loo dhiibay warqaddii aad ayuu uga carooraday waa uuna jeexjeexay. Galabtii ayuu u tagay xaaskii madaxweynaha waxaa uuna ku yiri “shaqadayda koowaad waa inaan dalka difaacaa, shaqayadyda labaadna waa in aan ilaaliyaa sumcadda ninkaada. Haddii aan shaqaalaysiiyo qof walba oo warqad sita dalna ma difaaci doono, sumcadda ninkaada (madaxweynaha) ayaana dhiman doonto. Warqad danbe oo aad soo qortay yaysan ii imaan.”

Waxaa na quseeyo waa in Seward doortay inuu shaqaalaysiiyo wiilkiisa, Stanton-na iska diiday. Labada nin waxa kala fiicnayn kara maaha keliya labada go’aan ee kala qaateen ee waa shaqsiyadda qofka xilka loo dhiibay. Seward wiilkiisa nin aqoon leh shaqada loo dhiibayna kasoo dhalaalay ayuu ahaa. Sidaas darteed inuu abbihii wasiir ka yahay wasaaradda uu ka shaqeeyo ceeb maaha nusqaanna uma keeni karto wasiirka. Dhinaca Stanton waxa uu ku ammaananyahay maaha inuu qaraabadiisa shaqo u diiday ee waa inuu gabi ahaanba diiday inuu shaqo siiyo qof aan xirfad iyo aqoon u lahayn shaqada.

Si taas la mid ah madaxweyne Farmaajo ammaan ku mudan mahayo inuu qaraabadiisa xafiisyada ka ilaaliyay ee waxa lagu miisaamayo waa dadkii xafiisyada mudnaa ma u dhiibi jirey mise si kale ayuu wax ku xulan jirey. Isaga oo qof qoyskiisa ah oo mudan shaqo u diiday hadduu shaqadaas u dhiibo mid qabiil kale ah oo aan mudnayn waa iin iyo ceeb ee maaha caddaalad iyo wanaag. Xasan waa sidaas oo kale. Dhaliishu waxaa ay noqonaysaa carruurta uu dhalay aqoon iyo xirfad ma u leeyihiin hawalaha ay hayaan? Jiihaan shaqada ay hayso ma tahay mid loo magacaabay oo lagu ogyahay oo aqoon iyo waayo’aragnimo ay u leedahay? Haddii ay haa tahay wax ku jaban ma jiraan in madaxweynuhu u diro shaqadaas. Haddii se ay dhacdo in ay xafiisyada dawladda ka taliyaan iyaga oo aan ka shaqayn, wixii doona ay sameeyaan iyaga oo awoodda madaxweynaha isticmaalaya, taasu waa foolxumo iyo fadeexad.

Cismaan RC waxaa uu ka mid ahaa tobankii saxaabi ee jannada loogu bishaareeyay. Waa ninkii arrinta Beycaturidwaan ay dartiis u dhacday. Waa ninkii Suubbanuhu uu gacantiisi labaad ku matalay markii la galayay Beycaturidwaan. Sayid Cismaan RC waa ay isaga danbeeyeen labadii hablood ee Suubbanaha NNKH ee arriintaas kula baxay ‘Dulnuurayn’. Cismaan waa saxaabigii uu Suubbanuhu ku tilmaamay in ay malaa’igtu ka xishooto. Waxaa uu ahaa saxaabiga keliya ee Suubbanuhu NNKH uu ka yiri “maanta ka dib danbi uu galay wax u dhibi maayo”. Yacnii wax alla wixii uu galo oo danbi ah waa loo dhaafay si hormaris ah. Cismaan Eebbe sidaas u sharfay, u weyneeyay ee u dhawray xilalkii uu qaraabada u dhiibay dhaleecayn, ceebayn, durid caddaladdiisa ah iyo canjarafayn ayuu ka qaaday sidaas darteed waxaa ila habboon in qofku iska ilaaliyo magacaabidda qaraabada inta uu karo!

Ibrahim Aden Shire
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Dowlada Kenya oo dooneysa in xayiraad la saaro RAILA

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa doonaysa in dalalka Galbeedka ay cadaadis saaraan hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, oo ay ka mamnuucaan safarrada waddamadooda, sida ay ku tebiyeen qaar kamid ah warbaahinta.

Maamulka Ruto ayaa ku eedeeyay Raila Odinga inuu ku hawlan yahay falal dhibaato ku ah dalka Kenya, isla markaana loo baahan yahay in la xakameeyo.

Raila ayaa ku baaqay dibedbaxyo ballaaran oo ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Ruto, taasoo uu u arko mid si sharci darro ah kula wareegtay xukunka.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in ay qaaday tallaabooyin lagu sumcad dilayo hogaamiyaha mucaaradka, oo mar ahaa ra’iisal wasaaraha dalka.

Todobaadkii hore, Raila ayaa laga qaaday xilka wakiilka horumarinta kaabayaasha oo uu Midowga Afrika ka hayay tan iyo October 2018.

Qaar kamid ah taageerayaashiisa ayaa u arka tallabadaas mid uu ku lug lahaa Madaxweyne William Ruto oo ay Raila si adag ugu loolameen doorashadii dhacday August 2022.

Qaar kamid xildhibaannada xisbiga talada haya ayaa wargeyska Daily Nation u sheegay in dowladda ay damacsan tahay tallaabooyin dheeraad ah oo cadaadis lagu saarayo Raila.

Madaxweyne Ruto ayaa ilaa haatan qaaday tallaabooyin uu ku cadaadinayo hogaamiyaha mucaaradka, waxaana kamid ah inuu soo dhaweysto siyaasiyiinta taabacsan iyo inuu xilal muhiim ah u magacaabo dadka dhaliilsan Raila ee ka soo jeeda gobollada uu taageerado ka haysto.

Falcelinta Raila

Raila Odinga oo maanta la hadlayay taageerayaal isugu soo baxay magaalada Kitale ayaa sheegay in aanu walwal ka qabin qorshayayaasha ay la damacsan tahay xukuumadda Ruto.

Waxa uu tilmaamay in tallaabada la sheegay in xukuumadda ay doonayso in looga joojiyo safarrada waddamada Galbeedka ay tahay mid fulaynimo ah.

“Waan ixtiraam u haynaa waddamada aan saaxiibka nahay. Waxaa naga dhexeeya xiriir wanaagsan, hase yeeshee waa in ay ogaadaan in arrimaha gudaha ee dalkeena aan inagu uun go’aankooda leenahay,” ayuu yiri Raila.

Waxa uu intaa raaciyay in aanu joojin doonin hawlaha uu wado ilaa inta laga saxayo khaladkii dhacay, oo uu ula jeedo in la shaaciyo inuu ku guulaystay doorashadii August 2022.

Natiijadii la shaaciyay xilligaas ayaa Ruto waxa uu Raila kaga adkaaday codad ka yar 240,000.

Raila oo markii shanaad looga adkaaday doorasho uu u tartamay ayaa haatan da’diisu tahay 78 jir.

Dibedbaxyo iyo curyaamin uu kula kacay dowladdii uu hogaaminayay Uhuru Kenyatta, kadib doorashadii dhacday 2017, ayaa waxa bishii March 2018 uu heshiis dhexmaray labada nin, taasoo horseeday xasillooni siyaasadeed.

Ruto ayaa horay u sheegay in aanu diyaar u ahayn inuu Raila la galo heshiis siyaasadeed oo la mid ah kii 2018, isla markaana uu xoogga saarayo hagaajinta dhaqaalaha Kenya.

Siyaasiyiinta Afrikaanka ah ayaa intooda badan hanti ku leh dalalka Glabeedka, halka qaar kalena ay daryeel caafimaad u doontaan, waana sababaha aanay uga maarmi karin safarrada dibedda.

Isha: BBC

Israeli authorities set to raze another Palestinian home

Jerusalem (Caasimada Online) – Israeli authorities have ordered the demolition of the home of a Palestinian man responsible for a fatal attack on Israelis. 

The decision to destroy the house, which was built with compensation paid to the family following the killing of one of their relatives by an Israeli, has caused controversy. 

The attack in question took place in January 2022, when 21-year-old Khayri Alqam killed seven people outside a synagogue in the Neve Yaacov settlement. 

Alqam was subsequently shot dead by Israeli security forces, and his family received a demolition order for their apartment.

The policy of demolishing the homes of Palestinians who kill Israelis is longstanding. However, the Alqam case has raised questions about the legality and morality of such actions. 

Background of the Palestinian family 

(FILES) In this file photo taken on January 29, 2023 Moussa, A Palestinian father of Khayri Alqam the gunman who killed seven people in an attack on January 27 in Israel, speaks on the phone outside his family home in the mostly Arab east Jerusalem neighbourhood of al-Tur. – The home of the Palestinian man behind a fatal attack on Israelis is to be demolished by Israeli authorities, even though his family says it was built with compensation paid to them after one of their relatives was killed by an Israeli. (Photo by AHMAD GHARABLI / AFP)

Khayri Alqam’s grandfather was killed in 1998, allegedly by an Israeli extremist. An Israeli man was arrested in 2010 in connection with the killing and a series of other murders of Palestinians. However, he was later released, and no one was convicted for the killing.

At the time of the killing, the Alqam family received compensation from the Israeli government and used some of the money to build their home in the al-Tur neighborhood of annexed east Jerusalem.  

They were living on the second floor of the apartment block, with other floors occupied by relatives. 

Israeli demolition order 

The entrances to the Alqam family’s home were sealed within days of the attack, and the demolition order was issued soon after.

The family is currently appealing the decision but is uncertain whether the house will be spared.

According to Nadia Daqqa, a lawyer with the Israeli rights group HaMoked, the fact that the state may have contributed to the construction of the house makes no difference to the authorities.  

“For them, the house was where a Palestinian terrorist lived,” she said. 

The decision to demolish the Alqam family’s home has been controversial, with critics arguing that it amounts to collective punishment.  

Under Israeli legislation, a demolition order can be issued to a relative of an attacker, regardless of whether they had any involvement in the attack. 

Israeli policy of demolishing homes

Successive Israeli governments have implemented the policy of demolishing the homes of Palestinians who kill Israelis. However, the Alqam case marks a significant departure from past practice.

In the past, there has usually been a period after a demolition order is issued to allow residents to appeal. 

However, in the Alqam case, the home was sealed within 48 hours of the attack, reflecting a tougher stance by the Israeli government.

The policy of demolishing homes has also been expanded to include cases in which there are no deaths or attacks carried out by children, according to Nadia Daqqa.

Critics argue that the policy is a form of collective punishment and violates international law. 

The Fourth Geneva Convention prohibits destroying private property except when necessary for military operations.

The Alqam family is not the only one affected by the policy. In February, the family home of a 13-year-old boy who shot and wounded two Israelis in the Silwan neighborhood of east Jerusalem was also sealed.

Human impact

The demolition of homes has a significant human impact. The Alqam family has had to move in with Moussa Alqam’s mother, who lives in the same building as their sealed apartment. 

The four-story building has been described by Moussa Alqam as a “military checkpoint,” with Israeli forces stationed at the property for more than two weeks.

The impact is not limited to the families of attackers. In the case of Hussein Qaraqe, who killed three Israelis in east Jerusalem before being shot dead, Israeli authorities initially targeted his parents’ house. 

However, when they discovered Qaraqe was renting an apartment a relative did not own, they targeted an alternative home to demolish. 

This led to confusion, as Israeli forces also sealed off his sister’s house for a few days before being reopened.

Nadia Daqqa, the lawyer with the Israeli rights group HaMoked, has criticized the confusion and inconsistency of the Israeli government’s approach to the demolition policy.  

She argues that it is emblematic of the “chaos and current crazy period” in which the government seeks to ramp up retaliatory measures.

The decision to demolish the homes of Palestinians who kill Israelis is deeply controversial. 

The Israeli government argues that it is a necessary deterrent against future attacks. However, critics say it is a form of collective punishment violating international law.

In 2005, the Israeli human rights group B’Tselem estimated that around 2,500 homes had been demolished in the occupied territories since 1967, affecting tens of thousands of people. 

The group argued that the policy was “immoral, illegal, and ineffective.”

Source: AFP

Migrants shipwreck kills over 50 off the coast of Italy

Rome (Caasimada Online) – At least 58 people, including women and children, have lost their lives after a wooden sailing boat carrying migrants crashed against rocks off the southern coast of Italy early on Sunday. 

The vessel had departed from Turkey with migrants from several countries, including Afghanistan and Iran. It crashed near Steccato di Cutro, a seaside resort on the eastern coast of Calabria. 

Authorities reported that the provisional death toll stands at 58, with 81 people surviving, including 20 hospitalized.

Survivors of the shipwreck had reported that some 140 to 150 people were on board the vessel when it left Izmir, Turkey, three or four days ago. 

The migrants, mostly from Afghanistan and a few from Pakistan and Somalia, had been fleeing conditions of great hardship, according to Italian President Sergio Mattarella.

 It is unclear how many children died in the shipwreck as exact numbers have not yet been released.

Widespread devastation

Remains of a ship are seen along the beach where bodies of suspected believed to be migrants refugees were found after a shipwreck, in Cutro, the eastern coast of Italy’s Calabria region, Italy, February 26, 2023. REUTERS/Giuseppe

The wreckage of the wooden gulet, a Turkish sailing boat, was found strewn across a large stretch of the coast, with Mayor Antonio Ceraso of Cutro describing the scene as “a gruesome sight that stays with you for all your life.” 

His voice cracking, Ceraso told SkyTG24 news channel, “I saw a spectacle you would never want to see in your life.”

Authorities said that one survivor of the shipwreck was arrested on charges of migrant trafficking.

The tragedy has led to calls for a crackdown on human traffickers who lure desperate people onto boats, often in unseaworthy vessels, and transport them across the Mediterranean to Europe.

Political reaction on migrants 

Italian Prime Minister, Giorgia Meloni, has expressed profound condolences and grief for the tragic loss of lives in the recent shipwreck incident.

In her statement, the Prime Minister pledged to take measures to prevent similar disasters from occurring in the future, including the blocking of migrant sea departures. 

Since her right-wing administration assumed office in October, it has adopted a tough stance on migration, primarily by implementing stringent new laws that restrict the activities of migrant rescue organizations. 

These laws were passed by Parliament and have received final approval on Thursday.

Meloni has blamed human traffickers for encouraging migrants to make the dangerous sea journey to Italy, accusing migrant rescue charities of acting as so-called “pull factors.” 

Charities reject this, saying migrants set off regardless of whether rescue boats are in the vicinity. 

Spanish migrant rescue charity Open Arms tweeted that “stopping, blocking and hindering the work of NGOs will have only one effect: the death of vulnerable people left without help.”

In a separate statement, Italian Interior Minister Matteo Piantedosi said it was essential to stop sea crossings that offer migrants the “illusory mirage of a better life” in Europe. 

Piantedosi emphasized that such crossings enrich traffickers and cause tragedies like the one on Sunday.

International response

Pope Francis, a prominent voice supporting migrant rights, has expressed his concern for all those affected by the recent shipwreck incident. 

The pontiff, whose parents were Italian immigrants to Argentina, offered prayers for the victims and their families. 

This tragedy underscores the continuing dangers faced by migrants attempting to cross the central Mediterranean, with over 17,000 deaths and disappearances recorded by the United Nations Missing Migrants Project since 2014. 

Shockingly, this year alone has seen more than 220 individuals lose their lives or go missing in these perilous waters.

The central Mediterranean route is one of the world’s most dangerous migration routes. 

Italy remains a primary destination for migrants seeking entry into Europe by sea, as many individuals hope to reach the more prosperous countries of northern Europe eventually.

Jeesow oo dilkii Ikraan Tahliil ka leexiyey kooxdii Farmaajo, una saariyey…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa mar kale soo cusbooneysiiyey kiiskii Ikraan Tahliil oo nolol iyo geeri lagu waayey intii ay dalka xukumeysay xukuumadii Farmaajo oo si dhow uu xildhibaanka Jeesow ula shaqey jiray.

Xildhibaanka ayaa abuuray shaki cusub oo la xariira in dilkii Ikraan ay ka dambeeyeen ragga hadda talada dalka haya, isagoo sheegay in Ikraan ay kaambeyn doorasho u dhimatay, isla markaana dilkeeda loo adeegsaday duulaan lagu soo qaaday dowladii Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Daahir ayaa sheegay in kiiska Ikraan ay xubnaha hadda talada haya ku soo galeen olole doorasho oo hadda ay horay uga socdeen markii ay ku guuleysteen xukunka.

Daahir Amiin Jeesow ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu la yeeshay xubno ka mid ah beeshiisa, isagoo yiri, “Kiiska Ikraan kaambeyn ayaa lagu gelaayey anigaa xaqiijinaya taas, Ikraan anigaa adeekeed ah, anigaa og meesha ay iga jirto.”

Wuxuu sheegay in xiligaas uu socday dagaal lagu soo qaaday dowladdii Nabad iyo Nolol ee Farmaajo uu hoggaaminayey, “Raggii marada gaduudan madaxa ku xira jiray ee hoteellada ka qeyli jiray maanta markii ay xukunka qabsadeen waa ka aamuseen kiiska Ikraan,” ayuu yiri.

Jeesow oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Hadii Ikraan aysan Kaambeyn ku dhiman askarta NISA hala dhaho ninkii Ikraan meel ku sheega lacag ayaa la siinaa dalkana waa lagaa dhoofinaa.”

Wuxuu sheegay in Ikraan ay NISA dishay, isla markaana askartii dishay ay sheegeyso hadii lacag loo sheego oo amnigooda la kafaala qaado, balse wuxuu carabka ku adkeeyey in ragga talada haya aysan daacad ka aheyn in baaritaan lagu sameeyo kiiska Ikraan.

Xildhibaan Daahir Jeesow ayaa sheegay in hadii Ikraan ay dileen raggii Farmaajo la shaqey jiray, ay ragga hadda talada haaya u fududahay inay helaan tixraaca kiiskaas, balse ololihii doorashada un ay ku ekeed dooda kiiskaan.

“Waligey kiiska Ikraan saan ugama hadlin inta meel soo istaagay, maanta waan idiin xaqiijinaa Ikraan kaambeyn doorasho ayey ku dhimatay,” ayuu yiri.

Xildhibaanka ayaa cadeeyey inuu ogyahay in marar badan lagu soo cel-celiyey in uusan kiiska Ikraan ka hadlin, “Aniga Ikraan Adeekeed ayaan ahay dad anigaa u xiga, xilka maanta la hayo ayaa lagu helay, waana laga gudbay, saas ayey u dhimatay Ikraan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeesow.

Wuxuu sheegay in markii hore uu aaminsanaa in markii Farmaajo laga guuleysto la heli doono tixraaca kiiska Ikraan oo askartii dishay ay is sheegi doonto, balse taasi aysan dhicin, isagoo tuhun kale geliyey cidda dishay Ikraan.

Hoos ka daawo

Shabaab oo ka faa’iideysatay dayac maamul oo Muqdisho ka jira – Sidee wax u dhaceen?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa kusii baahaya dhibaatada daroogada, dilalka shacabka kala kulmayaan koox mooryaan ah oo la baxday ciyaal-weero iyo fas-haadka guud ee ka jira magaalada.

Habeen hore wiil dhalinyaro ayay toddoba dhinac toorey ka galiyeen kooxda burcadka ah ee la baxday ciyaal-weero.

Kooxdani waxay ka dhalatay daroogada kusii faafeysa caasimada Soomaaliya, waxay u labisan yihiin dhac, qofkii wax ay dhacaan ka waayan waa dilaan.

Waxay si weyn ugu faafeen degmooyinka gobolka Banaadir, iyada oo markii hore ay ku xooganaayeen Madiino iyo Kaaraan.

Xisaab malahan inta jeer ee maamulka gobolka Banaadir iyo ciidanka heer gobol lala wadaagay kooxdan, laakiin cid ahmiyad siisay dhibaatadaas ma jirto.

Dadweynuhu waa u dulqaadan la’yihiin meydadka ay maalin walba xabaalayaan. Xamar waxaa ku dilaya Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda, Daacish, waxaa kale oo hadda kusoo biiray burcadan la baxday ciyaal-weero.

Shacab afar geeri u dhaxeeya waa adag tahay sida ay ku badbaadan. Dowladda oo canshuur qaada marka laga reebo, saddexda dhinac ee kale shacabka waa baadan.

Dhaqaale ahaa dadka caasimada waxay ku dhex jiraan bixinta baad iyo dhinaca kale bixinta canshuur aan lagu difaaceyn. Haddii aad isweydiiso magaalada sidan u dacayan yaa ka taliya jawaabtu waa Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), sababta uusan arrintaan xal ugu raadin, uga hadleyn, isaga iyo maamulkiisuna ugu muuqdan kuwa aanay dhib ku haynin waxa ka socda caasimada, cid ku fasiri karta waa yar-tahay.

Dayacaad xooggan ayaa ka jirta magaalada Muqdisho. Meelaha fashilka nidaamka Xasan Sheekh durba laga dhadhansanayo ayuu kamid yahay maamulka gobolka Banaadir.

Inay shacabka caasimada iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhintaan hadda meel majirto, sababta oo ah dareenku kuma siinayo dil afar jiho kaga socda iyo bixinta baad saddex dhinac ah, iyo weliba canshuur kugu waajib ah oo aan haddana lagu adeegayn.

Al-Shabaab ayaa ka hadlay xaaladda sii xumaaneysa ee magaalada Muqdisho. Waxay sheegeen inay maalmo baarayeen dhibaatada kooxda burcad ah ee ciyaal-weero, iibka daroogada ee kusii baahaya magaalada Muqdisho iyo goobaha tumashada ee loo bedelay ganacsi dhaqaale badan laga sameeyo.

Al-Shabaab waxay sheegeen inay beegsan doonaan saddexdaasi dhinac oo ay aqoonsadeen dadka ku lugta leh.

Inkasta oo aanu jirin cadow Al-Shabaab ka daran oo Soomaaliya jooga, iyaguna ay yihiin waxa u weyn ee dalka laga badbaadinayo, haddana fasiraada hadalkoodu waa inay arkeen door iska banaan oo uu dayacay maamulka gobolka Banaadir. Waxay ka hadalka arrintaan u arkeen fursad ay shacabka kusoo jiidan karaan.

Iyada oo uu sii xumaanaya xaalka magaalada Muqdisho, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku qasban yahay inuu dib u eego fahamka hoggaanka maamulka gobolka Banaadir iyo inuu kala xisaabtamo masuuliyad darada ka muuqata magaalada ama waa inuu aqbala inay kala dhintaan isaga iyo shacabka caasimada degan.

Daawo: Beelaha Saleebaan iyo Ajuuraan oo kiis xasaasi ah u haysta Gen. Buulakamey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha beelaha Saleebaan Habargidir iyo Ajuuraan oo maanta si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u jeediyey xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Soomaaliya.

Odayaashaan ayaa sheegay in heshiis ay ka gaareen kiis dil ah oo ka dhex dhacay labada beelood uu dhinac martay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada Cabdullahi Buulakamey.

Odayaashaan ayaa sheegay in Xeer ilaaliye Cabdullahi Buulakamey uu ku xad gudbay heshiiskii ay gaareen labada beelood ee Saleebaan iyo Ajuuraan.

Waxaa shirkaan jaraa’id lagu soo bandhigay warqado ay horay u kala saxiixdeen odayaasha labada beelood iyo cadeymo muujinaya in diyo la kala qaatay oo xal laga gaaray kiiskaas dilka ah.

Beelahaan waxay xeer ilaaliyaha ku eedeynayaan in heshiiskoodii kadib uu goob lagu dhaqan celinayey kala soo baxay ninkii dilka loo heystay, kadibna uu maxkamadda geeyey oo dil toogasho ah lagu xukumay.

“Waxaan ka cabaneynaa Cabdullahi Buulakamey, heshiiskaan ayaan gaarnay, iyadoo aysan cidna na qasbin ayaan heshiiskaan saxiixnay, waxaa dhacday arrin lama filaan ah oo sharciga aan waafaqsaneyn, markii diyada nala siiyey ayaa wiilkiina dil lagu xukumay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha reer Xaaji Saleebaan.

Dilkaan ay heshiiska ka gaareen labada beelood ayaa bilowgii 2022-kii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, ehellada labada nin ee mid la dilay, midna dilka loo heysto iyo nabadoonada labada beelood ayaa kulankaan ku soo bandhigay heshiiska ay gaareen.

“Beesha reer Xaaji Saleebaanow waa la idku xad gudbay, sharcigana waa loo gefay, waxa dhacayna Ajuuraan idiinma quuro, horaa dad la isaga dili jiray, waxaana laga xaali jiray, laakiin waxaan oo kale horay uma dhicin,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha beesha Ajuuraan.

Oday kale ayaa digniin u diray maxkamadda ciidamada, isagoo ka dalbaday in toogashada ninka xiran aan lagu deg degin, maadaama ay labada beelood diyo kala qaateen, kiiskaas xal buuxa laga gaaray.

Hoos ka daawo muuqaalka

Sawirro: R/W Xamza oo isugu yeeray isku-duwayaasha mashaariicda dalka ka socota

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulanka isku-duwayaasha mashaariicda kala duwan ee dalka ka socota, si loo dar-dargaliyo howlaha horutabinta u leh Xukuumadda iyo adeegyadda dowladda ee sannadka 2023-ka.

Shirka ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixinta waxqabadyada xukuumadda ee dhinacyada mashaariicda iyo horumarinta arrimaha bulshada gaar ahaan barnaamijka xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta oo ay hada ka socoto dib u soo noolaynta adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada, isla markaana sanadkan qorshuhu yahay in si dhamaystiran u hirgalaan mashaariicdaasi.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku bogaadiyey xiriiriyaasha iyo iskuduwayaasha mashaariicaha kala duwan shaqooyinkii ay soo qabteen, isagoo tilmaamay sanadkana looga fadhiyo in ay hir galiyaan mashaariico intii hore ka badan oo dhinaca arrimaha bulshada gaar ahaan deegaanada laga xoreeyey Khawaariijta oo dadka deegaannada ku dhaqan la tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOS, Lisa Filipetto.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Marwo Lisa Filipetto ay ra’iisul wasaaraha ugu timid booqasho sagootin ah.

Mudane Xamza ayaa uga mahad-celiyay Ms. Filipetto hawshii ay ka qabatay dalka intii ay madaxda ka aheyd xafiiska yaakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOS), isaga oo u rajeeyay mustaqbal wacan.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaaday saddex arrimood oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah; sugidda amniga, xasillinta dalka iyo dib u heshiisiinta.

Ms. Filipetto ayaa waxay uga mahad-celisay dowladda federaalka sidii diiraneyd ee ay ula shaqeeyeen intii ay ku guda jirtay hawsheeda.

Ugu dambeyntiina waxay xukuumadda Dan-Qaran ee uu hoggaamiyo Xamza Cabdi Barre ku boggaadisay horumarka ay ka sameysay dhinacyada amniga, xasillinta iyo dib u heshiisiinta.

SOMALIA: Three dead in ATMIS helicopter crash

Mogadishu (Caasimada Online) – On Saturday, a helicopter belonging to the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) crashed during a joint training mission for casualty evacuation drills.

The incident occurred at the Baledogle airstrip in the Lower Shabelle region and resulted in the death of three individuals. Eight others sustained injuries and were evacuated to Mogadishu for urgent medical attention.

In an official statement, the mission reported that the helicopter was on a joint familiarization training mission for Casualty Evacuation (CASEVAC) drills with officers from the Somali National Army.

The cause of the crash is still under investigation, and the AU mission has promised to keep the public informed of any new developments.

The Baledogle airstrip is also used by US military forces. According to the mission statement, the injured individuals were taken to Somalia’s capital, Mogadishu, for treatment.

The Head of ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine Souef, commiserated with the families of the deceased and pledged the mission’s support to the injured individuals.

ATMIS in Somalia

African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS), previously known as AMISOM, is a peacekeeping mission authorized by the African Union and the United Nations.

Its objective is to support the Federal Government of Somalia in its effort to establish a secure and stable environment for the people of Somalia.

AMISOM was established in 2007, and since then, it has played a critical role in helping to stabilize the security situation in Somalia. 

Its mandate includes protecting key political installations, providing security for the delivery of humanitarian aid, and training and mentoring the Somali National Army.

The mission comprises troops from several African countries, including Kenya, Uganda, Burundi, Djibouti, and Ethiopia.

The troops closely coordinate with Somali security forces to promote stability and security across the country.

DANAB forces

The Danab Forces are a specialized unit within the Somali National Army (SNA), primarily focused on counterterrorism operations in Somalia.

The unit was created in 2013, with the support of the United States government, in response to the growing threat of Al-Shabab, a terrorist group active in Somalia, for over a decade.

“Danab” means “lightning” in Somali, reflecting the unit’s quick response capability and agility. The Danab Forces are known for their specialized training in tactics, including close-quarters combat, marksmanship, and intelligence gathering.

They have received extensive training and support from the United States military, including assistance from the U.S. Special Forces.

Since their formation, the Danab Forces have been deployed in several operations against Al-Shabab, including in the Lower Shabelle region of Somalia, where the group has a strong presence.

Somaliland oo shaacisay qorshaha ka dambeeya faarujinta saldhigyo dhowr ah

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay sababta ay ciidamadeedu uga baxeen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood iyo aaggaga ka agdhaw.

Somaliland ayaa sheegtay in ka bixista ciidamadeeda ee goobahaasi uu yahay qorshe ay dhankeeda ku dhaqan-gelinayso xabad joojintii ay dhawaan ku dhawaaqday.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd oo soo saaray war-saxaafadeed ku qoran luuqada Ingiriiska, ayaa waxa ku sheegay in tallaabadan ay u qaadeen si ay beesha caalamka iyo bulshada Somaalida ugu muujiyeen in dhankooda ay ka go’an tahay xabad joojin hirgasha.

“Arrinta ka socota Laascaanood waxay xukuumadda kalsooni ku qabta in xal laga gaari doono. Si loo yareeyo dhibaatada soo gaadhaysa shacabka iyo markii aanu garwaaqsanay baaqyada nagaga imanaya muwaadiniinta iyo saaxiibadayada caalamiga ah waxaa saaka xilli hore dib looga soo qaaday ciidamada Somaliland fadhiisimihii jiidda hore, iyaga oo iskugu tagay saldhigyo cayiman,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay in Laascaanood aysan gabaad u noqon kooxaha argagixisada, isaga oo ku baaqay in ciidamada deegaanka ee hubeysan ay si deg deg ah uga baxaan magaalada Laascaanood.

“Jamhuuriyada Somaliland waxay meel adag ka taagan oo ay ka hortageysa dhamaan xoogaga maleeshiyaadka ee huwanta ah oo ay ku jiraan kuwa xagjirka ah ee ku abuurmay Laascaanood in ay si deg deg ah uga baxaan.”

“Ciidamada Somaliland waxay awood buuxda u leeyihiin inay qaadan tallaabooyin kasta oo lagama maarman u ah adkeynta iyo ilaalinta nabad-gelyada, iyo weliba dhowrista & jiritaanka Qaranka.”

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi ay ka go’an tahay in miiska wada-hadalka xal looga gaaro xiisada taagan, islamarkaana ay socdaan dadaaladii nabada ee uu kal hore bilaabay madaxweynaha Somaliland.

“Somaliland waxay awood u lahayd waligeed, oo haddana ka go’an in ay arrimaheeda gudaha iyadu xal ka gaadho, sidaas oo aanu yeelnay todobanaan sanno. Anaga oo nabada iyo dimuquraadiyadayada ilaashanayna, dowladu waxay ku kalsoon tahay in xaaladda hadda ee Laascaanood la xalin doono.”

Somaliland ayaa xalay xilli dambe illaa saaka waaberigii faarujisay fadhiisimihii iyo saldhigyadii ay ku laheyd magaalada Laascaanood iyo aaggaga ka agdhaw, kuwaasi oo qaarkood ay la wareegeen ciidamada deegaanka ee SSC, kadib markii ay ka baxeen ciidamada Somaliland.

Somalia: Death toll climbs as fighting escalates in LasAnod

Hargeisa (Caasimada Online) – The Speaker of Somaliland’s parliament, Abdirisaaq Khalif Ahmed, has accused the President of Somaliland, Muse Bihi, of obstructing efforts to bring peace to the troubled city of LasAnod in northern Somalia.   

The conflict that began in LasAnod, the administrative capital of the Sool region, has escalated, with a group of local leaders, civil society groups, and religious leaders announcing that they no longer recognize the Somaliland government.

In a statement, they declared that Mogadishu, the capital of Somalia, would now rule the territory.

The Sool region has been a disputed territory between Somaliland and Puntland since the collapse of the Somali government in 1991. While Somaliland regards Sool as part of its territory, Puntland considers it part of its federal state. 

Reasons for conflict in LasAnod

The conflict started on February 6 after the local leaders, civil society groups, and religious leaders announced they no longer recognize the Somaliland government.  

In response, the Somaliland administration labeled them “terrorists” and blamed them for the violence.

For weeks, Somaliland troops have been fighting against local clan fighters who seek to become a federal state, announcing their separation from Hargeisa. 

However, the government of Muse Bihi rejected the move, stating that the region remains a territory of Somaliland. 

The conflict escalates

Reports indicate that the SSC-Khatumo forces have captured new army positions after the Somaliland administration forces withdrew from army positions.

In the Tukaraq area of the Sool region, yet another clash has occurred between the Somaliland army and local clan militia forces, as the conflict in the region shows no signs of abating. 

The Speaker of Somaliland’s parliament, Abdirisaaq Khalif Ahmed, accused the Somaliland government of escalating the conflict in LasAnod, describing their actions as offensive.  

Khalif accused Somaliland’s army of committing war crimes in the region, with the town being bombed on the orders of Somaliland President Muse Bihi Abdi.  

Following intense fighting, the Somaliland military reportedly withdrew from Tukaraq amid calls for a cessation of hostilities from the international community, which has projected catastrophe in the region.

Death toll climbs in LasAnod

Over the past three weeks, the conflict in LasAnod has resulted in the deaths of nearly 105 people, with the vast majority of victims being innocent civilians, including women and children. 

The fighting has also left over 600 others critically wounded, who are currently undergoing treatment in hospitals, struggling to cope with the high number of casualties.

Somaliland’s Speaker of Representatives House, Abdirisak Khalif, has denied battling against Puntland, Central Government soldiers, and terrorists. Instead, he has argued that the Sool region has the right to defend itself, and he is merely representing the interests of the local population. 

He stated, “The Sool region has the right to defend itself, and I represent them.”  

International response 

The United States embassy in Somalia has released a statement calling for an immediate, unconditional ceasefire and unhindered humanitarian access. 

The US State Department’s Bureau of African Affairs has condemned the continued indiscriminate attacks that killed scores of civilians in LasAnod and drove more than 185,000 people from their homes.

“The United States condemns the continued indiscriminate attacks that have killed scores of civilians in LasAnod and driven more than 185,000 people from their homes. The violence must end, and those responsible must be held accountable,” the US State Department tweeted.

The fighting in LasAnod has uprooted more than 185,000 people from their homes, with aid workers struggling to respond to the situation due to inadequate resources. Of those displaced, an estimated 89 percents are women and children,

More than 60,000 others have fled to Ethiopia’s Somali region to escape the violence, according to the UN’s refugee agency. 

This month, UN rights chief Volker Turk called on authorities to conduct a “credible and impartial investigation” into the clashes. He warned that they compounded the already fragile humanitarian situation in the region.

Al-Shabaab oo shaacisay inay dishay ninkii daroogada ka gedi jiray dhallinta Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ay maleeshiyaadkeedu ku dileen mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada.

Dilkan ayaa xalay ka dhacay deegaanka Tabeellaha Sheekh Ibraahim, waxaan ninkan la dilay lagu magacaabi jiray Cabdiqaadir Carab. Kooxda ayaa sheegtay in ninkaan uu ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya.

Sida ay baahisay warbaahinta kooxda, ninkan ayaa waxa uu dhalinyarada magaalada Muqdisho ka gadi jiray taanbuuga iyo xashiishka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dilka Carab uu bilow u yahay howl-galo ay maleeshiyaadka kooxda ku beegsanayaan ciyaal weerada, islamarkaana uga sifeynaya caasimada dalka oo ay ku hayaan dhib badan, sida ay sheegtay.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab uu dhawaaqay howl-gal uu sheegay in maleeshiyaadka kooxda ay ka billaabi doonaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Abuu Muscab ayaa waxa uu xilligaasi sheegay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Kooxda ciyaal-weerada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa habeen hore wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Abuukar Fiidow ku dilay xaafadda Siliga ee Towfiiq oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Ciyaal-weerada ayaa haatan u muuqda inay markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, waxaana dhibaatooyinka ugu badan hadda laga soo warinayaa waqooyiga caasimada.

Si kastaba, dhibaatooyinkan ayaa ah kuwa ku soo noq-noqday caasimada, ayada ciidamada ammaanka oo wada howl-gallo culus ay u maara la’yihiin wax ka qabashada amniga iyo ciyaal-weerada.

DF Somalia oo sahay u dirtay magaalada LAASCAANOOD

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay u dirtay dooni sida sahay gargaar, xilli xaalad adag laga soo sheegayo dadkii uu saameeyay dagaalka socda.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa dekedda magaalada Muqdisho ka dirtay doontan, oo ay sheegtay inay sido shixnad isugu jirta raashinka qeybihiisa kala duwan.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ah gargaarkan ay dirtay SODMA gaari nooca gurmadka degdeg ah (Ambulance) oo loogu tala-galay in dhaawacyada rayidka lagu gaarsiiyo goobaha caafimaadka.

Hay’adda ayaa waxa kale oo ay sheegtay in gargaarkan qeyb kamid ah uu ku wajahan yahay deegaannadii dhawaan laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug.

SODMA ayaa sidan oo kale dhawaan diyaarado wada shixnado iskugu jira raashin iyo daawo u dirtay markale magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka socdaan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC.

Gurmadkan ayaa kadib waxaa loo sii gudbin doono magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku dhow, oo bulshadii ku nooleyd uu si weyn u saameeyay dagaalkan.

Hay’adda maareynta masiiboyinka qaranka ayaa sheegtay in dowladda federaalka ay ka go’antahay in gurmad la gaarsiiyo dadka reer Laascaanood oo dagaal kula jira Somaliland.

Madaxweyanaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u balan-qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya ay qaadan doonto kaalinteeda gurmadka dadka ku waxyeeloobay dagaalka.

Ugu yaraan 96 qof ayaa ku dhintay in ka badan laba toddobaad oo iska hor-imaadyo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka magaalada Laascaanood, sida uu sheegay agaasimaha Isbitaalka Laascaanood.

“Waxaan haynaa 96 dhimasho ah iyo 560 dhaawac ah,” ayuu Axmed Maxamed Xasan, oo ah maamulaha Isbitaalka weyn ee magaalada Laascaanood khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Xafiiska QM ee Isku Xirka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), ayaa sheegay in 185,000 oo qof ay ka barakaceen magaalada Laascaanood.

Bayaan kasoo baxay xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in weli ay jiraan warbixino ku saabsan dagaallo socda inkasta oo xabad-joojin lagu dhowaaqay.

Ka sokow in tobanaan kun oo qof ay ku barakaceen gudaha Somaliland, in ka badan 60,000 oo qof ayaa u qaxay gobolka Soomaalida ee Itoobiya si ay uga baxsadaan rabshadaha, waxaa sidaas sheegtay hay’adda QM ee qaxootiga UNCHR.

Xog: Yey yihiin ciidamada Tukaraq ku weeraray S/Land?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa shalay sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulka Puntland uu kusoo weeraray aagga Tukaraq ee gobolka Sool, xilli uu sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in maleeshiyaadka weeraray ciidanka Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ay yihiin ciidan maleeshiyo beeleed ah oo halkaasi fariisin ka sameystay.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka yimaadeen magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, hase yeeshe kama qeyb ahan ciidamada maamulkaasi, illaa haddana si rasmi ah looma oga in maamulka Deni uu gadaal ka joogo.

Dagaalkan dhex-maray ciidamada Somaliland iyo kuwa maleeshiyaad beeleedka ah ayaa waxa ka dhashay khasaare labada dhinac, wallow aan la xaqiijin inta uu le’eg yahay.

Wararka qaar ayaa sheegay in ciidamada Somaliland laga durkiyay fariisimaha Tukaraq, wuxuuna dagaalkan imanaya xilli qeyb kamid ah ciidamada Somaliland ay u guureen saldhiga Goojacadde oo 7-KM u jira magaalada Laascaanood.

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku soo qaadeen ciidamada Somaliland ee ku sugan aagga Tukaraq ee gobolka Sool.

Somaliland ayaa sheegtay inay ciidamadeedu dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiyaadkii weerarka kusoo qaaday ee kasoo duulaan tagay maamulka Puntland, sida ay sheegtay.

“Ciidanka Qaranka JSL ee ku sugan Tukaraq waxa maanta weerar ku soo qaaday maleeshiyaad ka soo duulay Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaaliya, Ciidanka Qarankuna waxay dib u celiyeen oo ay iska difaaceen maleeshiiyaadkii weerarka soo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Laba toddobaad ka hor unbay aheyd markii ay Somaliland ku eedeysay Puntland inay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wado aagga hore ee Tukaraq, ayna doonayaan in dagaalka socda ay ka bilaabaan jihooyin cusub.

Deegaanka Tukaraq ayaa waxaa xilligan ku sugan ciidamada Somaliland, waxaana kal hore ka dhacay dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Arrimahan ayaa imanaya xilli uu shalay sii xoogeystay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, ayada oo ciidamada SSC ay sheegeen inay la wareegeen saldhigii Somaliland ee magaaladaasi. Dagaalkan ayaa galay toddobaadkii saddexaad.

Cabdirisaaq Khaliif oo war lama filaan ah kasoo saaray xaaladda Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha wakiilada maamulka Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa si lama filaan ah uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaas oo galay maalintii 21aad oo xiriir ah.

Khaliif ayaa shaaca ka qaaday in xasuuq ba’an uu ka dhacay Laascaanood, isaga oo sheegay in awood xad dhaaf ah loo adeegsaday shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa eedeynta ugu weyn u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu tilmaamay inuu kasoo horjeedo in xal rasmi ah laga gaaro colaada Laascaanood.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan arrintaas, isla-markaana uu kala fur furay xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad.

Sidoo kae guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in ciidanka malatiga Somaliland laga soo saaro dhulka SSC, si xal loo helo.

“Madaxweyne Muuse Biixi, badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamada kala baxdaa deegaanada SSC, maanta  berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale xusay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay ay qaadayaan madaxweyne Muusae Biixi iyo Taliye Nuux Taani, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 150 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 500 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah

Askar ka tirsanaa DANAB oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Ballidoogle

0

Afgooye (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay shil diyaaradeed oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay duleedka xerada Ballidoogle oo ku taalla gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo lagu tababaro ciidanka Danab.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii ay diyaraad Helicopter ah la dhacday ciidamo ka tirsan DANAB, xili ay ku guda jireen tababar.

Mid kamid ah askata ku jirta xeradaasi oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in askarta Soomaalida ah ee la socday diyaaradda ay ahaayeen illaa sideed askari, kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday shilka ay ku galeen gobolka Sh/ Hoose.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhintay shilkan, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo kamid ah ciidamada Danab ee ku jiray tababarka.

Sidoo kale waxaa diyaaradda saarnaa laba askari oo kasoo jeeda dalka Uganda iyo mid cadaan ah oo ahaa Pilot-ka diyaaradda, kuwaas oo iyaguna ay dhaawacyo soo gaareen.

Askarta geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay ayaa ku guda jiray inay bartaan sida loo howlgeliyo diyaaradaha, taas oo qayb ka aheyd tababarka ay ku qaadanayeen halkaasi.

Waxaa sidoo kale askartaan ay mid ahaayeen ciidankii uu dhawaan ra’iisul wasaare Xamza ku booqday xerada Ballidoogle oo ay gacanta ku hayaan saraakiil Mareykan ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faahfaahin ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, xerada Ballidoogle ayaa waxaa si gaar ah loogu tababara ciidamada Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo qalab iyo taageero ka helo dowladda Mareykanka.

Ciidamada Somaliland oo dib uga baxay difaacyadoodii LAASCAANOOD + Sababta

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka xaalad deganaasho ah oo aan caga badan ku taagneyn laga dareemayo gudaha magaalada Laascaanood oo ay dagaallo culus ka socdeen 21 maalmood ee lasoo dhaafay.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in deganaasha uu yimid, kadib markii ay dib u garasho sameeyeen ciidamada Somaliland ee ku sugan duleedka magaaladaasi.

Ciidamada milatariga Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay xalay isaga baxeen inta badan goobihii ay difaacyada uga jireen, waxaana la wareegay ciidamada deegaanka.

Meelaha ay ka baxeen ciidamada waxaa ka mid ah guriga gobolka Sool oo ay saaka ku waabariisteen dadka deegaanka ee reer Laascaanood.

Sida ay muujiyaan muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ciidamadda deegaanka ayaa gurigaas ka furay calanka Somaliland, waxayna ka taageen calanka buluuga ah ee Somalia.

Sababta ay ciidamada Somaliland uga baxeen difaacyadooda ayaa waxaa lagu macneeyay laba arrimood midkood kuwaas oo kala ah:

1- Dib u gurasho xeelad dagaal iyo in ay isku dayayaan in ay duulaan kale oo abaabulan soo qaadaan.

2- In ay gebi ahaanba qaateen baaqyadii caalamiga ahaa ee soo baxayey kuwaas oo ahaa in iney isaga baxaan gobolka.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, waxaana magaaladaasi shalay ka dhacay dagaalkii ugu xooganaa ee dhex-mara labaa dhinac, kaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

Si kastaba, tirada guud ee dhimashada ayaa kor u dhaaftay illaa 150 qof, halka uu dhaawacana uu ka badan illaa 500 oo kale, kuwaas oo u badan dad rayid ah.

Xog: Al-Shabaab oo xanibaad kusoo rogtay horjoogayaal Soomaali iyo ajaanib ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay jabka kooxda Al-Shabaab ka gaaray howl-galada ka dhanka ah ee dalka ka socda ayaa waxaa sii xoogeystay khilaafka iyo kala shakiga ka dhashay jabka soo gaaray ee ka dhex jira horjoogayaasha kooxda.

Dowladda federaalka ayaa markale shaacisay xogo iyo faah-faahino dheeraad ah oo ku saabsan horjoogayaasha kooxda daacada u ah oo uu go’doomiyay Mahad Karataay, oo ay sheegtay in uu ka faa’iideysanayo xaaladda caafimaad darro ee uu ku jiro amiirka guud ee Al-Shabaab Axmed Diiriye.

Horjoogayaasha go’doonka ku jira oo isugu jira Ajaanib iyo Soomaali waxaa ugu horeeya horjooge Xasan Afgooye oo kasoo jeeda xaafada Damalay ee degmada Afgooye ahaan jirayna horjoogihii horjoogayaasha dhaqaalaha baadda ah ay kooxda xoogga uga qaadi jirtay dadka Soomaaliyeed, waxaana uu go’doon ku yahay degmada Jilib oo uusan dhaafi kareyn.

Xasan Afgooye ayaa kamid ahaa dadka aadka ugu dhawaa horjoogihii Shabaab ee ifka laga khaarajiyey Axmed Cabdi Aw-Maxamuud Godane, wuxuuna si gaar ah ugu qaabilsan xagga cuntooyinka iyo biilasha.

Horjooge Farxaan Kaahiye oo kasoo jeeda degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, horena u noqday horjoogihii ugu sareeyay waxa ay ugu yeeraan Jabhada.

Farxaan oo la rumeysan yahay in uu kamid ahaa horjoogayaasha kooxda sida weyn daacada ugu ahaa, ayaa waxa uu hoggaamiyey weeraro argagixiso oo ay dad badan oo Soomaaliyeed ku naf waayey, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin degmada Jilib.

Horjoogayaasha ay kooxda Al-Shabaab u go’doomiyeen fashilka iyo jabka kasoo gaaray gobollada dhexe ee dalka waxaa kamid ah Horjooge Nuur Dheere oo kasoo jeeda deegaanka Bacaad-Weyne ee gobolka Mudug, waxa uuna go’doon ku yahay deegaanka Kuuya-Barow ee Shabeellaha Hoose.

Horjooge Ismaaciil Cosoble oo kasoo jeeda degmada Cadaado oo mar horjooge u noqday kuwa dhagarta, dilalka gaadmada iyo weerarada argagixiso ka fuliya gobolka Banaadir, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin gobolka Jubbada Dhexe.

Marka laga soo tago horjoogayaasha Soomaalida ah waxaa jira horjoogayaal Ajaanib ah oo iyaguna la go’doomiyey, waxaana kamid ah; Horjooge Muuse Muhaajir oo kasoo jeeda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Horjoogahan ayaa waxa uu hoggaamiyey weeraro argagixiso oo kooxda Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha dalka Kenya, waxa uu hadda go’doon ku yahay oo uusan dhaafi karin gobolka Jubbada Hoose. Kenya aad ayay u doon-dooneysa horjoogahaas.

Horjooge Macalin Jinaaw oo kasoo jeeda deegaanka Xawaad-barbar ee gobolka Baay, islamarkaana ahaa horjoogihii kooxda ee gobolada Baay iyo Bakool ayaa kamid ah horjoogayaashii hoggaaminayey weeraro ay Al-Shabaab ka fuliyeen deegaano iyo magaalooyin ka tirsan dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, wuxuuna isagna kamid yahay horjoogayaasha xanibaada lagu soo rogay.

Dhamaan horjoogayaashan oo markii hore ahaa kuwa saameyn ku leh kooxda Al-Shabaab, qeybna ka ahaa dhagaro iyo shirqoolo umadda Soomaaliyeed loo geystay, ayaa waxaa u billowday maalmahoodii madooba, maadaama aysan socdaali karin, kulmi karin, tagi karin magaalooyinka, telefoono isticmaali karin iyo in xitaa aysan la kulmi karin xaasaskooda.