25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

PUNTLAND oo shaacisay go’aan ku saabsan DF

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday in dowlad goboleedka Puntland aysan hadda kadib juhdi ku bixin doonin dhismaha dowladda federaalka.

Caarshe oo kamid ahaa kooxda ololaha doorashada Saciid Deni ayaa sheegay in shaqo badan ay u taallo madaxda maamulka Puntland, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan danaha gudaha ee maamulkaas.

“Shaqo badan ayaa noo taalla, nooma yaallo in aan ku mashquulno dhiska federaal dambe oo ku mashquuli mayno. Federaal dambe oo ku mashquuleyno iyo toos-toosin dambe majirto, geedka timirka fadhiisaneyna shaqadayada qabsaneyna,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowlada cusub aysan ka ogolaan doonin waxyaabihii ay ka diiday madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay si weyn isugu hayeen aragtida siyaasadeed.

“Wixii qaldan waan sheegeynaa, waxaan leennahay, waxaas waa laga fiican yahay, Farmaajo wax kale kuma diidanayn, Simply aragtiyo siyaasadeed ayaa lagu kala duwanaa. Haddii aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwan yahay timaado, waan tilmaamaynaa. Marka wixii aan Farmaajo ka diidnay yaanan nala ku dayin ayaan leennahay.”

Puntland ayaa qayb ka aheyd isbeddelkii ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegii u dambeeyey codad badan ka helay Saciid Deni oo kamid ahaa musharixiinta u soo gudbay wareega labaada ee doorashada.

Xeer Ilaaliyaha qaranka oo u yeeray wasiir Beyle oo uu kusoo baxay kiis xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka qaybtiisa qaabilsan denbiyadda Lidka ku-ah maaliyadda iyo dhaqaalaha ayaa waxa uu baaris ku bilaabay dambiyada la xiriira maaliyada iyo dhaqaalaha waddanka.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ayaa sidaas darteed maanta u direy warqad yeermo ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira Maaliyadda oo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha baaristiisa wado.

Wasiir Bayle ayaa la faray in maalinta Isniinta oo ku taariikheysan 27/06/2022 uu yimaado Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha saacadu markay tahay 11:00 subaxnimo.

“Wasiirka waxaa la farayaa in uu wakhtiga ilaaliyo, kuna yimaaddo balanta loo qabtay,” ayaa lagu yiri warqada sida tooska ah ugu socotay Beyle ee kasoo baxday xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Warqada u yeerista Wasiir Bayle ayaa sidoo kale waxa la ogeysiiyay Guddiga KMG ah Maaliyadda ee labada Aqal BFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Dhabancad oo ka jawaabay arrintii xasaasiga aheyd ee uu sheegay Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad ayaa ka hadlay ka hadlay isku eedeynta uu wajahayo kiiska Ikraan Tahliil.

Dhabancad ayaa sheegay in rag iska dhicin ay ka tahay eedeynta Fahad Yaasiin ee ku wajahan ra’iisul wasaare Rooble iyo masuuliyiin kale oo uu sheegay inay dileen gabar sarkaal ah.

“Inta aan Rooble ka aqaano waa iska yartahay oo labo ama seddax jeer ayaan arkay, ninkii yiri Rooble ayaa gabar dilay isagaa la weydii doonaa oo dalka garsoor ayaa ka jira,” ayuu yiri.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in Rooble uu talo ku lahaa in kursiga la dhaafiyo Fahad Yaasiin, “Laakiin anaga arrintoodu nama quseyn oo Rooble wuxuu ahaa nin aan musharax aheyn oo dadaalaya oo leh wixii la ii diray hala dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Wuxuu sheegay in ka Dhabancad ahaan uusan garaneyn sabab Rooble ku kalifi karta inuu gabar dilo, “Warkaas wuxuu iila muuqdaa war la iska yiri ee warbaahintu hadaba gasho oo weydiiya ninkii yiri.”

“Rooble wuxuu dilay gabar sarkaal ah oo NISA ka tirsan, qofkii yiri waa la weydii doonaa maalin un ama Rooble ayaa ka dacwoo kara oo maxkamad tegaya, qof wax uusan aheyn lagu sheego khatarteeda ayey leedahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Isagoo wareysigaan siiyey TV-ga Shabelle Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad wuxuu ka hadlay sida ay ula muuqato isku tuur-tuurka uu galay kiiska Ikraan Tahliil, isagoo carabka ku adkeeyey in lama huraan ay tahay in kiiskaas uu maxkamadeyn sax ah helo.

“Ragii NISA madaxda ka ahaa xiligaas hadda baarlamaanka ayeyba soo galeen oo waan arkay, marka dadkaan waa in maxkamad lagu kala saaro, dalka hadey ka suurta geli weyso adduunka ayaa lala aadi karaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Xamza oo war cusub soo saaray kadib ansixintii BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isulwasaaraha cusub ee maanta helay codka kalsoonida Baarlamaanka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlayo sida ay baarlamaanka u siiyeen codkooda.

“ Waxaan ugu horreyn u mahadcelinayaa Eebbe weyne oo ii suurtagaliyay inaan manta hortago Golaha Shacabka si aan uga codsado in ay isiiyaan codka kalsoonida” ayuu yiri ra’isulwasaare Xamza oo qoraal kusoo qoray bartiisa Facebook.

Sidoo kale Ra’isulwasaare Xamza ayaa qoraalkiisa ku yiri “Waxaan sido kale u mahadcelinayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ii magacaabay xilka wasiirka koowaad ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Anigana waan ka aqbalay aniga oo og culayska ay leedahay masuuliyadda culus ee xilkan uu leeyahay, balse waxaan ku kalsoonahay aqoontayda, Kartidayda iyo Waayo-aragnimadayda”.

Ra’isulwasaare Xamza ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in xildhibaanada iyo bulshada Soomaaliyeed ay garab iyo gaashaan u noqon doonaan si uu u guto waajibaadka hor yaalo.

“ Waxaan ugu dambeyn u mahadcelinayaa xildhibaanada sharafta leh o maanta cod aglabiyad leh igu ansixiyay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa Madaxweynaha JFS u magacaabay 15-kii Juun 2022-ka in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee Soomaaliya.

10 berri kadib kulan ay maanta xarunta villa Hargeysa isugu yimaadeen mudanayaasha golaha shacabka, ayaa cod aqlabiyad ah loogu ansixiyay Ra’iisulwasaare Xamsa.

220 xildhibaan oo kulanka soo xaadirtay ayaa waxaa dhamaantood ay cod gacan taag ah ay ku ansixiyeen ra’iisulwasaaraha , waxaana ra’iisulwasaraaha cusub xildhibaannada hortooda ku dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Muxuu yahay qorshaha Puntland kadib guul-darradii madaxweyne SACIID DENI?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday arrimo ku aadan mustaqbalka Puntland, kadib guul-darradii Saciid Cabdullahi Deni.

Caarshe Maxamed oo ka mid ah kooxda ololaha doorashada Saciid Deni ayaa sheegay in guul-darradii soo gaartay ay mas’uul ka ahaayeen xildhibaanadii lagu soo doortay Puntland, walow uusan shaacin, sida ay ugu lug lahaayeen damaca fashilmay ee hoggaamiye Deni.

Wasiirka ayaa xusay in dhaqaale fara badan uu uga baxay doorashadaas, iyada oo ujeedka uu ahaa inuu soo baxayo Madaxweyne Deni, si uu hoggaamiyo Villa Soomaaliya.

“Nasiib darrada eedeeda xildhibaannadeenii baa iska lahaa, haddii runta la isku sheego. Waa in lagu dhiirto oo runta la isku sheego. dhaqaale badanaa lagu bixiyay, nabaro badan ayaa la isku geystay. Waxaas oo dhan waxaa loo sameynayay inaan cirbada kululaysada ku dhufano siyaasada Soomaaliya, si ay horey ugu socoto, laakiin nasiib darro ma suurtoobin,” ayuu yiri wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Dhinaca kale wasiir Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa muujiyey in Puntland ay qaadeyso dhabaha mucaaradka, isaga oo sheegay in aysan dowladda cusub ka ogolaan doonin, wixii ay horey uga diideen Madaxweyne Farmaajo.

“Wixii qaldan waan sheegeynaa, waxaan leennahay, waxaas waa laga fiican yahay, Farmaajo wax kale kuma diidanayn, Simply aragtiyo siyaasadeed ayaa lagu kala duwanaa. Haddii aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwan yahay timaado, waan tilmaamaynaa. Marka wixii aan Farmaajo ka diidnay yaanan nala ku dayin ayaan leennahay” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo uu Madaxweynaha Puntland ku hungoobay damaciisii ahaa in isaga loo magacaabo ra’iisul wasaare, ama qof uu keensaday, wuxuuna dhawaan xusay in Puntland aysan talo ku laheyn magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub.

Si kastaba,Puntland ayaa qayb ka aheyd isbeddelkii ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareegii u dambeeyey codad badan ka helay Saciid Deni oo ka mid ahaa musharixiinta u soo gudbay wareegga labaada ee doorashada.

Xasan oo war kasoo saaray tallaabadii maanta ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray qoraal uu ugu mahadcelinayo xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta si aqlabiyad leh ku meel-mariyey ra’iisul wasare Xamza Cabdi Barre.

Madaxweynaha Xasan ayaa ku boggaadiyey xildhibaanada Golaha Shacabka ansixinta ra’iisul wasaaraha uu soo xulay, si loo guda-galo dhismaha dowladda cusub

“Mahad ballaaran ayaan u jeedinayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ila qaatay magacaabista Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo aan markii horeba ku soo xulay aqoonta iyo kartida hoggaamineed ee uu u leeyahay howlaha hortabinta u leh dalkeenna.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Soomaaliya.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dardaaran culus u jeediyey ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ugu baaqay inuu soo dhiso xukuumad dalka ka samata bixin karta xaaladda lagu jiro.

“Waxaan kula dardaarmayaa Raiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre in uu soo dhiso Xukuumad ka shaqeysa xoojinta amniga, gurmadka abaaraha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, dib u heshiisiinta, dhammeystirka dib u eegista dastuurka, xoojinta dowladnimada, iyo hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay la leedahay dunida.” ayuu markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.]

Ugu dambeyn wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, isagoo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyaddan culus.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa codka kalsoonida siiyey illaa 220 xildhibaan oo ah dhammaan kooramka xildhibaanadii soo xaadiray, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Si kastaba, Xamza Cabdi Barre ayaa noqday ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya, waxaana looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, si ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

BF oo CODKA kalsoonida siiyey XAMZA + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh codka kalsoonida ah u siiyey ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.

Kulanka xildhibaannada ayaa waxaa goobjoog ahaa illaa 220 Mudane, waxaana shir guddoomiyey Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ra’iisul wasaaraha cusub oo marka hore khudbad u jeediyey Golaha ayaa ka codsaday inay kalsoonida siiyaan, si uu guda-galo howlaha shaqo ee loo igmaday.

Intaasi kadib ayaa waxaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana kalsoonida siiyey illaa 220 xildhibaan oo ah dhammaan kooramka xildhibaanada xaadiray.

Ma jirin xildhibaan diiday ama kaa aamusay, sida uu shaaciyey guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay natiijada.

Xamza Cabdi Barre ayaa noqday ra’iisul wasaaraha 21-aad ee Soomaaliya, kaas oo uu dhawaan xilka u magacaabay Madaxweynaha 10-aad, Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa waxaa haatan looga fadhiyaa inuu soo dhiso xukuumaddiisa, isla-markaana uu kusoo celiyo baarlamaanka, si ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May ee ka dhacday Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho.

Lafta-gareen oo qaaday tallaabo nidaam keli-talis ah gelineysa Koonfur Galbeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Cabdicasiis Lafta-gareen ee Koonfur Galbeed ayaa mamnuucay in shirar siyaasadeed lagu qabto deegaanada uu ka arrimiyo, wuxuuna maamulku shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin ‘doonaya inay qalqal siyaasadeed geliyaan gobolka.’

Wasiirka amniga maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa sheegay in cidna aan laga ogolaa doonin falal amniga ka baxsan, isagoo sheeciyey in siyaasiyiinta qaar ay ku mashquulsan yihiin qalqal gelin, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay deegaanada Koonfur Galbeed ay ka jirto xaalad adag oo abaaruhu ay sababeen, isla markaana maamulka oo taas ka duulaya uusan cidna ka ogolaa doonin qalqal gelin iyo hurinta falal amniga ka baxsan.

“Saad ogtihiin walaalayaal deegaanadaan Koonfur Galbeed waxaa saameysay abaar dabo dheeraatay, halkii looga gurman lahaa, dadkani uma baahnay in laga dhex abuuro qalqal gelin, xiligaan la joogo in doorasho aan la gaarin laga hadlo, sida ay wasaaradda amnigu horay uga digtay ma aqbali doonto in siyaasiyiin dano gaar ah leh ay qalqal amni ka abuuraan Koonfur Galbeed,” ayuu yiri wasiir Maxamed Isaaq.

Sidoo kale wasiirka amniga maamulkaas ayaa hey’adaha Koonfur Galbeed faray in cid kasta oo qalqal gelin ay ku tuhmaan ay waajibkooda ka gutaan.

Hadalka wasiirka amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi oo ku dhawaaqay go’aan lagu hakinayo shirarka looga hadlayo siyaasadda wuxuu imaanayaa, xilli guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool Shiine Macalin Nuurow uu Baydhaba uga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha maamulkaas.

Guddoomiye Shiine ayaa Baydhaba ka sheegay in waqtiga u haray Laftagareen uu gabaabsi yahay, isla markaana shan bilood iyo 20 maalmood kadib laga doonayo inuu qabto doorasho, kuna kalsoonaado baarlamaanka.

Lafta-gareen ayaa sii xajinaya awoodda maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo hadda u muuqda inuu cagta saaray waddo kali talisnimo ah, oo ay ka go’an tahay inaanu xukunka marna ka degin.

Laba qof oo isku qoys ahaa oo lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo loo geystay laba qof oo isku qoys ahaa, sida aan xogta ku helnay.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xalay ka dhacay xaafadda Suuq Liif, waxaa loo geystay Xuseen Cabaas iyo Cabdi Cismaan Cali oo ka mid ah dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bistoolado ay toogasho ku dileen marxuumiinta oo hal goob wada fadhiyey, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada qof ee la dilay ayaa ahaayeen wiil iyo adeerkiis, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas meydadka kasoo qaaday halkaasi, kadibna heeyey CID-da, si baaris loogu sameeyey falkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online marxuumiinta la dilay ayaa shaqadooda waxa ay aheyd iibinta dhulka, mana cadda sababta rasmiga ah ee loo toogtay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan dhacdadaasi xalay ka dhacday xaafadda Suuq Liif oo ka tirsan degmadaasi.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Aqalka Sare oo ansixiyey 8 guddi oo muhiim ah

Muqdisho ( Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad, iyaga oo uu maanta ajandaha kulanka uu ahaa ansixinta Guddoonka Guddiyada Aqalka Sare.

Ugu horreyn kulanka ayaa waxaa daahfuray Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, isaga oo ka warbixiyay shaqooyinka hor yaala Guddiyada maanta la’ansixiyay, kuwaas oo gaaraya illaa sideed guddi.

Guddiyada maanta la ansixiyay ayaa kala ah:

  • Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahin Xaabsade ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada.
  • Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta waxaa loo doortay Senator Naciima Xasan Xaaji
  • Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada waxaa loo doortay Senator Deeqo Xasan Xuseen.
  • Guddiga Difaaca iyo Amniga waxaa loo doortay Senator Aadan Cabdinasir Maxamed
  • Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa loo doortay Senator Maryan Farah Kahiye.
  • Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka waxaa loo doortay Senator Dr Cusmaan Dufle.
  • Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka, waxaa loo doortay Senator Saynab Ismaciil Maxamed.
  • Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska waxaa loo doortay Senator Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo khudbad kooban ka jeediyay golaha ayaa sheegay in Guddi walba loo diyaariyay xafiiskii uu ku shaqeen lahaa iyo xoghayihii la shaqeen lahaa, isaga oo intaas ku sii daray in Guddi walba uu heesto todobo cesho uu ku soo diyaarinayo qorshaha barnaamijka shaqo.

MAREYKANKA oo kooxda Taalibaan ku wareejiyey maxbuus xirnaa 15 sano

Islamabad (Caasimada Online) – Ururka Taalibaan ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Ururka Taalibaan ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban.

Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taalibaan ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.

Suhail Shaheen oo ah madaxa xafiiska ururka Taalibaan ee Doha ayaa VOA u sheegay inay tallaabadan soo dhoweynayaan, isagoo ugu baaqay dawladda Maraykanku inay sii dayso maxbuuska kale ee ku hadhay xabsigaas.

Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.

Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dib u eegis lagu sameeyey kiiska Haaroon inay ka soo baxday inuu u qalmo in laga wareejiyo xabsigaas.

Toddoba qof oo ajnabi ah oo ka tirsan Daacishta Somalia oo la qabtay + Magacyada

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ee sida gaarka ah u tababaran ayaa soo qabtey toddoba sarkaal oo ka tirsan kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha Cal Miskood ee gobolka Bari

PSF ayaa heshey xog ku saabsan in Daacish ay dhaq-dhaqaaq ka wadaan dhulka xeebaha ku yaala ilaa Xaafuun. Mudadadii hawlgalku socdey ayaa PSF soo qabatey afar kamid ah kooxda Daacish, waxaana lagu qabtey inta u dhaxaysa Tuulooyinka Timirshe iyo Tuulo Ciise

Sidoo kale saddex kamid ah Daacish ayaa lagu qabtey toga Maroodi-magale oo wax yar u jira Timirshe. Raggan ayaa dhamaantood u dhashey qawmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana ay shixnado u qaadi lahaayeen buuraleyda Cal Miskood ee kooxdu ku gabbato.

Qawmiyadda Oromada ayaa muddooyinkii danbe si weyn uga mid noqonaayey Daacishta ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, kadib markii ay hoggaanka ururkaas la wareegeen.

Magacyada xubnaha la qabtey ayaa kala ah: 1- Kabana Nagsa Bulja, 2- Abdalle Tadhase Gafaso, 3- Qasim Suleyman Jibril, 4- Yusuf Tuna Dubey, 5- Yasin Abdow Awal, 6- Anwar Fathi Abagatow, 7- Isaq Kamal Qasim.

Ciidanka PSF ayaa gaarey togga Jaceel ilaa degmada Xaafuun, waxaana hawlagalku ahaa mid lagu baacsanaayey kooxda Daacish ee buuraleyda gobolka bari ku sugan.

Gobolka Bari ayaa waxaa sanado badan ka dagaalamaya kooxo kasoo horjeeda maamulka Puntland, kuwaasi oo xubno ka ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Xamza maanta ma heli doonaa codka kalsnooida xildhibaanada labada aqal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la filayaa inay maanta codka kalsoonida u qaadaan xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal shalay kasoo baxay ku sheegay in maanta oo Sabti ah uu jiro kulan-weynihii Golaha, kaasi oo codka kalsoonida loogu qaadayo ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo fadhiga maanta, kaasi oo lagu sheegay in fadhiga uu ka dhacayo Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban. Goobta: Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa – Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo,” ayaa lagu qoraalka loo diray Xildhibaanada.

Kulankan oo la filayey inay Arbacadii yeeshaan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib ugu dhacay maadama ay dalka ka maqnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xamza ayaa la filayaa inuu si fudud oo cod aqlabiyad leh ku helo codka kalsoonida xildhibaanada, islamarkaana uu noqdo ra’iisul wasaaraha sharciga ah ee dalka.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maalmihii tegay kulamo gaar gaar ah la yeelanayey xildhibaannada baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo xooggan.

Xildhibaano badan ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka qaba inay ka mid noqdaan golaha wasiirada, taasi oo u sahleysa Xamza inuu helo codka kalsoonida. 

Si kastaba, caqabadda ugu weyn ee Xamza hortaalla ayaa imaneysa marka uu soo dhiso golaha wasiirada, markaasi oo xildhibaano badan oo golaha iska waaya la filayo inay caqabad ku noqdaan ansixinta golaha wasiirada.

Xamza Cabdi Barre ayaa haddii uu helo codka kalsoonida waxa uu noqonayaa Ra’iisul Wasaarihii 21-aad ee Soomaaliya.

Daawo: Dhabancad oo shaaciyey qorshihii Farmaajo iyo Rooble ee meteladii Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad oo ahaa guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha ayaa bixiyey wareysi uu uga hadlay arrimo dhowr ah.

Cabdisalaan Dhabancad oo xilkaan ku muteystay inuu yahay shakhsiga ugu da’da weyn xildhibaanada golaha shacabka ayaa shaaciyey caqabado badan oo loo dhigay intii ay socotay doorashadu iyo cidda u dhigeysay.

Ugu horeyn Dhabancad oo waayo joog ah, wax badana ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegay in doorashooyinka Soomaaliya aysan weligood ka bixin gacan bidixeyn, isagoo tusaale u soo qaatay dilkii Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo la tuhmayo in doorashadiisii uu salka ku hayo.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa sheegay in madaxweynihii iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Farmaajo iyo Rooble ay ku garab istaageen in doorashada la dedejiyo, maadaama ay mudo soo jiitameysay.

“Ra’iisul wasaaruhu waa ka dhabeeyey dedejintii doorashada ee aan ku balanay, laakiin sida aan ka gartay Madaxweynuhu wuxuu ka biyo diiday arrinta Gedo, anigu maalintii la tegay Teendhada waxaan iri meteladii dadka reer Gedo hala keeno, sidoo kale Madaxweynaha waan u sheegay in Gedo la tegi waayey, isla markaana aan raadi doono hab kale oo dadka reer Gedo ay metelaad ku helayaan,” ayuu yiri Dhabancad.

Wuxuu sheegay in isaga iyo madaxweynuhu aysan go’aan ku laheyn arrinta kuraasta Gedo, balse Jubbaland iyo Ra’iisul Wasaaraha ay go’aansadeen in doorashadii kuraasta Gedo lagu qabto Ceelwaaq.

“Anagu arrintaas waxaan u arkeynay xal, sababtoo ah Beledweyne markii amnigu faraha ka baxay labadii kursi ee u dambeysay waatii la geeyey Jowhar,” ayuu yiri.

Sidoo kale Dhabancad ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u maareeyeen markii ay Muqdisho isugu yimaadeen xildhibaano ka kala yimid Ceelwaaq iyo Garbahaarey oo Gedo wada metelaya.

“Markii aan eegnay cadeymaha qoladii Ceelwaaq waxay wadatay intii aan anigu kala imid Galmudug, laakiin qolada Garbahaarey waxay wateen wax ayaga ku kooban oo Jubbaland aysan shaqo ku laheyn, intaas kadib waxaan xalka u arkay in kuwa Caalwaaq ay yihiin xildhibaanada saxda ah,” ayuu yiri Dhabancad.

Wuxuu sheegay in Farmaajo uusan raali ka aheyn inay howlgalaan xildhibaanadii ka yimid Ceelwaaq, laakiin waan u sheegay in Gedo aan la tegi karin oo diyaaradaha loogu hanjabay in lasoo ridayo, sidoo kalena Jubbaland oo talo ku leh doorashada xildhibaanada gobolkaas aysan Gedo tegi karin.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan ku iri xildhibaanada Ceelwaaq ayaa jid leh, ayaguna inay kuu yimaadaan waa rabaa, aniguna waxaan ku iri u taga madaxweynaha, maadaama ay xigtadiisa yihiina waxaan rabay in uu raali ka noqdo, qaarkood waa isku dayeen inay ka kulmaan, laakiin waba ma suurtaabin, guddoonkii la doortayna waan uga mahad celinayaa in wadadii aan wax ku soo maamulnay ay u arkeen mida saxda ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdisalaan Dhabancad.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey Shabelle TV

Sheekh Aadan Madoobe oo shaaca ka qaaday tallaabo uga qorsheysan xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa si cad u sheegay in xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada golaha uu toos magaciisa ugu sheegi doono bulshada.

Guddoomiye Aadan Madoobe wuxuu sheegay inay dastuuri tahay arrintaan, isla markaana ka guddoon ahaan ay ka go’antahay in “Xildhibaankii ka maqnaada fadhiyada baarlamaanka, magaciisa dad weynaha lala wadaagi doono.”

“Dastuurku waa cadeynayaa waajibaadka xildhibaanka iyo nidaamka loola dhaqmaayo hadii uu imaa waayo fadhiyada golaha, marka xildhibaanka hadii waajibaadkiisa uu guda waayo in la iclaamiyo, oo la yiraahdo xildhibaan hebel intaas oo fadhi ayuu ka maqnaaday, caab maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe.

Waxaa jiray aragtiyo ka imaanayey bulshada oo dooneysa in guddoonku shaaciyo magacyada xildhibaanada aan fadhiyada imaan iyo sababaha ay ku maqan yihiin.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa cadeeyey in arrintaas ay sameyn karaan oo qorshaaha ay ugu jirto in xildhibaankii maqnaada dadweynaha loo sheego magiciisa iyo hadii ay jirto sabab uu uga maqan yahay fadhiyada golaha.

“Xildhibaanka waxaa loo doortay inuu umadda metelo, waana ku cadahay dastuurka waxyaabaha sababi kara inuu lumiyo xubinimadiisa iyo sida loola macaamilayo hadii uu imaan waayo fadhiyada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo BBC-da weysigaan siiyey.

Dhowaan xildhibaanada golaha shacabka oo ku guda jira kulamada kalfadhigoodaan koowaad, ayaa kulan la hor geyn lahaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan wuxuu u baaqday kooram la’aan.

Arrintaasi waxay dhalisay dhaleeceyn golaha uga timid bulshada iyo canaan toos oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu la wadaagay xildhibaanada, kadib markii uu ku casuumay madaxtooyada xilli habeen ah.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska Soomaaliya iyo Imaaraadka oo la shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mudo shan cisho ah ku maqnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, waxayna madaxtooyadu ka warbixisay safarkaas iyo xaalado caafimaad oo madaxweynaha soo wajahay.

Afhayeenka madaxtooyada Cabdikariin Cali Kaar oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey qodobadii ugu muhiimsanaa ee madaxweynaha Soomaaliya uu kala hadlay dhigiisa dalkaas Imaaraadka Carabta, sidoo kale wuxuu cadeeyey in maanta madaxweynaha laga helay COVID-19, xaaladiisuna ay fiican tahay.

“Qodobadii ugu muhiimsanaa hadaan dul maro waa 20 milyan oo Imaaraadku uu ugu deeqay abaaraha ka jira dakeenna, waxaa la fududeeyey Visaha muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku gelayaan dalka Imaaraadka, waxaa lagu heshiiyey in shirkadaha diyaaradaha ee Imaaraadka ay Soomaaliya ka howlgalaan oo adeegyada duulimaadyada ka bilaabaan,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay casuumtay wafdi culus oo ka socda dowladda Imaaraadka oo Muqdisho imaa doona, isla markaana la sameeyey guddi isku dhaf ah oo ka shaqey doona arrimaha ay isku raaceen madaxweynayaasha Imaaraadka iyo Soomaaliya.

Afhayeen Cabdikariin ayaa sheegay in Madaxweynaha Imaaraadka Sheikh Mohammed bin Zayed, uu safaaradooda Muqdisho amray inay ka soo talo bixiso sida ugu wanaagsan ee loo fududeyn karo adeegyada ay uga baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Qofka Soomaaliga ah isagoo Muqdisho jooga ayuu safaaradda Imaaraadka ka heli doonaa Visaha, waxaa intaas dheer oo arrintaan ku saabsan, dadka Soomaaliyeed ee Imaaraadka degan, waxaa lagu heshiiyey in loo fududeeyo adeegyada oo loola dhaqmo si ka debacsan sidii hore,” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Villa Somalia oo ka hadashay dhab ahaanshaha safar qarsoodi ah ee Israel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay hadal hayn ka dhalatay safarkii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Waxa uu beeniyay in uu jiro safar qarsoodi ah oo madaxda Soomaaliyeed ay ku tageen Israel, oo ay Soomaaliya la laheyn xiriir diblomaasiyadeed.

“Israel ma Imaaraadka ayey ku dhex taalla? Maya, maadama laheyn xiriir diblumaasiyadeed haddii la tago xataa wax la qaraniyo ma aha, laakiin lama tagin,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Madaxda uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eekeyd booqashadooda dalka Imaaraadka, islamarkaana uusan jirin qorshe safar oo qarsoodi ah.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay soo baxayeen warar si weyn ugu faafay baraha bulshada, kaasi oo la xiriiray in Madaxdii Soomaaliyeed ee u safartay Imaaraadka ay safar qarsoodi ah uga sii gudbeen Israel.

Hadal hayntan ayaa timid kadib markii safarka Madaxweynaha iyo wafdigii uu hogaaminayay uu qaatay maalmo dheeraad ah oo aan markii hore qorshaha ugu jirin, taasi oo sida aan ogaanay ay keentay kadib markii xubno kamid ah wafdiga laga helay Coronavirus.

Hoos ka daawo muuqaalka

Baarlamanka oo shaaciyay maalinta codka kalsoonida loo qaadayo R/W XAMZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta berri ah oo Sabti ah uu jiro Kulan-weynihii Golaha, kaasi oo codka kalsoonida loogu qaadayo Ra’iisul wasaaraha magacaaban.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa loo diray farriin qoraaleed lagu wargelinayo fadhiga maalinta, kaasi oo lagu sheegay in fadhiga uu ka dhacayo Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa.

“Beri oo Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha magacaaban. Goobta: Xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa – Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo,” ayaa lagu qoraalka loo diray Xildhibaanada.

Kulanka berri ayaa la filayey inay Arbacadii yeeshaan Xildhibaanada baarlamaanka ayaa dib ugu dhacay maadama ay dalka ka maqnaayeen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiye Aadan Madoobe.

Ra’iisal wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa kulamo kala gaara la yeeshay xildhibaannada Baarlamaanka, isagoo ka codsaday inay kalsoonidooda siiyaan, wuxuuna heystaa ballanqaadyo badan, balse waxaa kulanka dib u dhigay arrimo farsamo.

Xamza ayaa taageero buuxda ka haysta xildhibaanada labada aqal, waxaana la filayaa in cod aqlabiyad leh lagu ansixiyo, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga helay Coronavirus iyo xaaladiisa caafimaad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga helay cudurka Coronavirus, xili dhawaan laga helay xubno kamid ah wafdigiisa.

Xaaladda caafimaad ee Madaxwaynaha JFS ayaa ah mid fiican isaga oo aan dareemayn wax qandho ah iyo dhammaan calaamadaha xanuunka tan iyo markii laga helay COVID-19.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo saaray ku xaqiijiyay in laga helay cudurka kadib markii maanta lagu sameeyay baaris.

“Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh la wadaaggayaa in baaritaanno la igu sameeyay maanta lagu xaqiijiyay in la iga helay COVID-19,” ayuu yiri.

“Intaas waxaa dheer, inaan caafimaad qabo oo aan sii wadi doono shaqada aan u hayo qaranka iyo umadda Soomaaliyeed aniga oo raacaya habraacyada caafimaad ee la xariira Covid-19.”

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay bulshada Soomaaliyeed ducada iyo garab istaaga ay u muujiyeen.

Madaxwaynaha ayaa si nabad ah maanta dalka ugu soo laabtay waxa uuna sii wadan doonaa howlihiisa shaqo ee uu ugu adeegayo qaranka isaga oo raaci doona tilmaamaha caafimaad ee COVID-19.

Dhawaan unbay aheyd markii xubno kamid ah wafdiga Madaxweynaha laga helay cudurka Coronavirus, kuwaasi oo karantiil la galiyay.

Wixii Farmaajo laga diiday ma laga aqbali doonaa Xasan Sheekh? (Qaadka Kenya)

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa laga doodayaa fasixidda Qaadka ka yimaada  wadanka Kenya. Nairobi waxay qarka u saaran tahay inay dib u hesho suuqeedii Qaadka ee Soomaaliya.

Malaayiin Dollar ayey ganacsatada Qaadka ee Kenya qasaareen tan iyo markii madaxweyne Farmaajo diiday dan ganacsi oo hal dhinac ah markaas oo uu xirmay suuqii ugu weynaa ee Qaadka Kenya oo ahaa u dhoofinta magaalada Muqdisho.

Horraanta bisha soo aadan ee July labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa la filayaa inay saxiixdaan heshiis laba dhinac ah oo dib loogu fasaxayo Qaadka laguna lifaaqi doono qodobo kale.

Dowladda Kenya dhowr jeer ayey diiday inay Soomaaliya wax muuqda uga badalato suuqaa Qaadka. Hoggaanka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa koox siyaasiyiin ah oo macaash doon ah waxay ku cadaadinayaan inuu heshiiskaan deg deg u dhaco.

Walaac ugu weyn ee dib u fasixida Qaadka ka yimaado Kenya waa in madaxweyne Xasan Shiikh iyo saaxiibadii u xusul duubayaan in dad gaar ah oo xukuumadii hore madax iyo wasiiro ka ahaa in loo xiro suuqa Qaadka.

Xubnahaas qaar waxaa la sheegayaa inay horey usoo galeen ballan ay Kenya gaar ugu maamuuseyso haddii ay soo dhiciyaan fasaxa qaadka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa la sheegay inuu durba gadood ka muujiyey qorshaha dad gaar ah la rabo in loogu xiro ganacsiga qaadka Kenya oo markii hore ahaa mashruuc ay dad shacab ah ka faa’ideysan jireen.

Guuxa arrintaan ayaa dhex yaala siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan waxaa aad u hadal hayo xildhibaanada golaha shacabka.

Tan iyo markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ganacsigii qaadka Itoobiya siiyey dad siyaasiyiin ah waxaa dhinaca kale kor u kacay siyaasiyiinta baacsanaya Qaadka dhanka Kenya. Sababta loo eryanayo ganacsiga Qaadka waa in dhaqaale badan oo xatooyo ah laga dhex sameeyo.

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu sheegay dhawaan inaan la aqbali doonin hirgelinta heshiis aan lasoo marin Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo qasab ka dhigeysa in hesiiska Kenya loo diro Baarlamaanka.

Hadalka Aadan Madoobe waa farriin weyn oo diidmo xambaarsan taasoo ka dhigan inaan lagu qanacsaneyn sida ay dadka qaar uga fakarayaan inay u qaataan mashruuca Qaadka Kenya ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Xukuumadda imaan doonto waxaa hortaala xisaab ku saabsan ka badbaadinta shacabka ee siyaasiyiinta madaxweynaha ku hareereysan kuwaas oo u tafa xeedanaya boobka mashaariic loogu talagalay inay shacabka wadajir uga faa’ideystaan.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo muddo xileedkiisii hore lagu eedeeyo inuu dalka la kulmay musuqii ugu baahsanaa ebid ayaa mar kale waayihiisa cusub ku daahfuri kara heshiis marna fadeexo dhali kara marna lagu faa’idi karo.

Uma badna inuu Xasan Shiikh sumcad badan ka qaadi doono haddii uu shaqsiyaad gaar ah oo isagu dano ku qabo uu ku abaal mariyo qandaraaska Qaadka ee Kenya, wuxuuna deg deg u qaadi doonaa dhabihii Farmaajo laga diiday kal hore.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur waxaa la aaminsan yahay inuu sumcad badan ka dhaxli doono haddii uu ka hor yimaado in dad gaar ah loo afduubo danta guud.

Dad badan waxay qabaan in kooxda mashruucaan u waalaneysa inay madaxweynaha sumcad darro deg deg ah usoo hoyn karaan.

Dhaq-dhaqaaqa arrintaan waxaa isha ku wada haya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kuwaas oo raadinaya in suuqa sidii hore noqdo mid u furan dhammaan ganacsatada iyo in Kenya dib u fasixidda looga badasho wax danta guud la xiriira.