25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee xiisadda SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa waxaa weli ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso xisbiyada mucaaradka Wadani, UCID iyo xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Biixi oo isku hayo arrimaha doorashada ee maamulkaasi.

Labada dhinac ayaa hawada isku marinayo erayo kul-kulul oo uga sii daraya xiisadda ka taagan Somaliland, iyada oo aan weli lagu guuleysan in wada-hadal lagu dhammeeyo.

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Hargeysa ayaa weerarka afka ah ku qaaday mucaaradka, gaar ahaan musharaxa Wadani, isagoo ku eedeeyey inuu fowdo iyo kicin ka wado Somaliland.

“Cabdiraxmaan waxa aan oronayaa haddii aan is qabanay oo fikir iyo aragti ku kala qaybsanay ma ahayn in ay dhalinyaro kiciyaan oo qaylo & huuhaa in ay sameeyaan, Cabdiraxmaanow, Adiga, Faysal, Xirsi & labadiina Xisbi kama hadleyno sida aad Xafladda qaylada ugu dhammeyseen, Nabadda, Siyaasadda & degenaashiyaha diyaar uma tihiin, mas’uuliyiin arrin qaran doonaya in aydaan ahayn” ayuu yiri wasiir Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo isna hadal siiyey waraabhinta ayaa u jawaabay xukuumadda, wuxuuna sheegay in xilligan aysan wada-hadal diyaar u aheyn.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay inay kalsooni siiyaan odayaasha dhaqanka ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta labada dhinac.

“Anagu Axsaab ahaan waxaa Madaxweynaha noogu dambeysay 24kii May, ina koorane wuu fadhiyay, habeenkaas meel la isaga soo noqdo may banneen, 9kii Bisha waxaa jiray Odoyaal isku xilqaamay oo haldoorka, Ganacsatada & salaadiinta kamid ah, way noo yimaadeen oo waxa ay naga codsadeen in aan hakino mudaharaadka oo ma warwareegin kalsooni ayaan siinay, waxa aan leenahay horta odoyaasha kalsoonida siiya markaas buu wadahalka iska billaabmi doonaa” Cabdiraxmaan Cirro.

Dhankiisa guddoomiyaha UCID, Faysal Calio Waraabe oo ka hadlay xiisaddan ayaa sheegay in muhiimaddu ay tahay in la bad-baadiyo mustaqbalka Somaliland, lana qabto doorasho.

“Maanta waxaa loo baahan yahay, kubadda xaggeenu ma taallo, Jin qofkii keena ayaa saara, Waxa aynu isku heysanaa carruurtaas mustaqbalkooda oo aan waxbarasho & dhul toona la siin balse lacagtooda la uruursanayo” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Doorashada Somaliland ayaa ku waqtiyeysan 13-ka November 2022, waxaase mucaaradka ay ku eedeynayaan in Biiix ku howlan yahay muddo kororsi si dib loogu dhigo doorashada.

Guudlaawe oo taleefon kula hadlay weriyeyaal ay Al-Shabaab dhaawaceen

Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaawe ayaa qadka teleefoonka kula xiriiray wariyeyaashii ku dhaawacmay qarixii saakay ka dhacay duleedka magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan, sida ay shaacisay madaxtooyada maamulkaas.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa mid mid ula hadlay labada Wariye ee dhaawacmay oo kala ah, Khaalid Maxamuud Cusmaan (Ilkacase) oo ah Agaasimaha Idaacadda Maamulka HirShabeelle ee gobolka Hiiraan iyo Cabdikariin Shabeelow oo ka mid ah shaqaalaha TV-ga maamulkaas.

Cali Guudlaawe oo weriyaashaan u muujiyay sida uu ula dareemaayo xanuunka dhaawacyada soo gaaray ayaa amray in dhaawacooda loo qaado magaalada Muqdisho.

Dhaawacyada labada Weriye oo maanta la dhigay isbitaalka Istarliin ee degmada Guriceel ayaa lagu wadaa in berri loo qaado magaalada Muqdisho, si daryeel dhaama kan gobolka ay u helaan.

Madaxweynaha HirShabeelle ayaa balan qaaday in si dhow uu ula soca doono xaaladda caafimaad labadaan weriye oo warbaahinta maamulka HirShabeelle ka howlgelayey.

Weriyaashaan ayaa la socday gaari NOAH ah oo qaraxu uu haleelay, waxayna qeyb ka ahaayeen kolonyo gaadiid ah oo la socday guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo horkacayey howlgallo ay ciidamada dowladdu ku qaadeen Al-Shabaab-kii ku sugnaa duleedka Matabaan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaas ku geeriyootay seddax qof oo kala ah darawalkii gaariga iyo laba askari, wuxuuna qaraxaasi ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Dhinaca kale deegaanada dhaca koonfurta magaalada Matabaan waxaa maanta ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo ciidanka dowladda, waxaana masuuliyiintii dagaalka hoggaamineysay ka mid ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte, wuxuuna warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ka saareen deegaanadii ay ku weerareen saakay.

Hoos ka dhageyso

https://youtu.be/3b1r4IQYxqY?t=20

Dagaal culus oo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo ka socda Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo xoogaga Al-Shabaab uu haatan ka socdo duleedka degmada Matabaan, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay howlgal ku qaadeen deegaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxay halkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan, sida ay shaaciyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada weerarka qaaday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen deegaanka Qabno oo ay barkoontarool oo lacago ay ku qaadaan ku leeyihiin Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi, gaar ahaan howlgalka ay ka wadaan duleedka degmada Matabaan.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyey qarax saaka wariyeyaal iyo ciidamo uu horkacayey gudddoomiyaha gobolka Hiiraan lagula beegsaday agaarka degmada Matabaan, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar qof oo laba ka mid ah ay shacab yihiin ayaa lagu dilay qaraxaas, seddex kale oo laba wariye ay ku jiraana waa lagu dhaawacay. Dadka dhintay waxaa ay ahaayeen laba askari, darawalkii gaariga iyo nin farsamo yaqaan ah.

WariyEyaasha dhaawacmay oo ka tirsan Telefishinka maamulka HirShabelle ayaa kala ah Khaalid Muxumed Cismaan (Ikacase ) iyo Cabdikariim Maxamed Siyaad.

Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, waxayna ka fuliyaan weeraro toos AH iyo qaraxyo geysta khasaare kala duwan.

Soomaaliya iyo ISRAEL ma samaysan karaan xiriir siyaasadeed? – FAALLO

Doorashadiisii ka dib, Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud wuxuu safarkiisii ugu horreeyay ku aaday dalka Imaaratka Carabta, iyadoo aan wali la dhisin golihii wasiirada. 

Safarkaas waxaa la filayay inuu qaato labo maalmood, laakiin waxaa dhacday in Madaxwaynihii muddo usbuuc ku dhow warkiisii la waayo. Taasi waxay dhalisay shaki iyo warar aan la hubin oo sheegaya inuu safar qarsoodi ah ku tagay Israel, ama uu saraakiil sare oo ka socda Israel si qarsoodi ah ugula kulmay Dubai. Madaxtooyada Soomaaliya way beenisay warkaas.

Aan u soo laabano su’aasha ah Soomaaliya xiriir ma la samaysan kartaa Israel?

Intaynaan ka jawaabin su’aashaas, bal marka hore aan iswaydiino tirada waddamada xiriirka la leh Israel iyo kuwa aan la lahayn, ka dibna aan u bar-bar dhigno inta waddan oo Qaramada Midoobay ku jira.

Qaramada Midoobay waxay ka koobantahay 193 waddan.  Israel waxay xiriir la leedahay 166 waddan oo ku jira Qaramada Midoobay.  27-ka waddan ee soo haray oo aan xiriirka la lahayn Israel, 14 ka mid ah waxay ku jiraan ururka Carabta, 13-ka kalana waxay isugu jiraan waddamo ku jira ururka Islamka iyo kuwo ah haraadigii shuuciyaddi Midowga Soviet-ka, sida Kuuba, Waqoyiga Korea, Venezuela, iwm.

Waddamo Carab iyo Islam ah oo xiriir la leh Israel

Waddamada ku jira ururka Carabta iskuma raacsana in la qaadaco Israel, ama aan la aqoonsan oo safaarado la is waydaarsan, Passoprt-koodana lagu geli karin Israel. Waxaa jira dhowr waddan oo Carab ama Islam, sida Masar, Jordan, UAE, Saudi Arabia, Bahrain, Oman, Turkiga oo xiriir diplomaasiyadeed oo toos ah ama mid qarsoodi ah la leh Israel. 

Ma jirtaa dhib toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Israel?

Diin ahaan iyo siyaasad ahaan Soomaaliya iyo Israel waxaa u dhexeeya faraq muuqda, laakiin waddamada caalamka intooda badan sidaas oo kale bay Soomaaliya u kala duwan yihiin xagga diinta, siyaasadda, dhaqanka, midabka, luqadda, iwm, oo taasi ma aha wax Israel gaar ku ah. Sidaas oo ay tahayna Soomaaliya xiriir bay la leedahay waddamo badan oo aan nooga dhowayn Israel, marka laga eego diinta, siyaasadda, midabka, iwm.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo waligeed uusan jirin xiriir toos ah oo dhex maray labada dal haddana xiriirka Soomaaliya iyo Israel wuxuu aad u sii xumaaday markii Soomaaliya ku biirtay ururka Carabta iyo markii dawladda Soomaaliya ay haysay guddoonka ururkii OAU-da, xilligaas oo ay Soomaaliya ol-ole wayn u gashay sidii waddamada ku jira ururka midowga Africa looga jari lahaa Israel. Ol-olahaasna waxaa dabada ka riixayay ururka Carabta ee ma ahayn fikrad ka timid Soomaaliya.

Sababta Soomaaliya aysan xiriir ula lahayn Israel marna ma ahayn dhib labada waddan toos u dhex yaalay ee waxay ahayd siyaasad ku salaysnayd qadiyadda Falastiin iyo mowqifka ururka Carabta iyo kan ururka Islamka oo ay Somaaliya ka mid ahayd, mowqifkaas oo ilaa iyo hadda ah: inta Israel haysato dhul Carbeed ama magaalada Quddus in aan xiriir lala yeelan lana aqoonsan. Mowqifkaas waxba kama beddalin qaddiyadda Falastiin, tan Qudus, iyo dhulka Israel ka haysato Syria sababta oo ah badanaa waddamada Carabtu daacad kama ahayn qaddiyadahaas.

Tan kale, waxaan is leeyahay haddii waddamada Carabtu xiriir toos ah la lahaan lahaayeen Israel waxaa dhici kartay in dagaal la’aan wax walba lagu xallin kari lahaa sidii Masar iyo Israel ay u xalliyeen qaddiyaddii Siinaay, ka dibna xiriirkii labada waddan u hagaagay oo uu hadda gaaray heer Gaaska Israel loo dhoofiyo Masar si loogu sifeeyo isla markaana looga sii dhoofiyo dalka Masar. 

Waxaa kale oo jirta in ilaa 1974-tii wax badan is beddaleen, oo Israel sii xoogaysatay dhaqaale ahaan, ciidan ahaan, iyo siyaasad ahaan, halka Carabtii iyo waddamadii Islaamku sii bur-bureen oo sii kala fogaadeen siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan. Sidoo kale, waddamadii Carbta ayaa iyagoo aan xiriir toos ah la lahayn Israel haddana u kala dhuuntaan oo ugu tartamaan sidii ay si qarsoodi ah u la kulmi lahaayeen siyaasiyiinta iyo madaxda Israel. Mararka qaarkood waxaay waddamada Carabta qaarkood la samaystaan Israel xiriir loo ekaysiinayo mid ganacsi laakiin uu ku hoos jiro mid diplomaasi. 

Sidoo kale, maadaama qaar ka mid ah waddamadda ururka Carbta ugu awood badan xag dhaqaale, xag siyaasadeed, iyo xag ciidanba ay xiriir toos la leeyihiin Israel, qaarna la leeyihiin xiriir aan toos ahayn haddana qarsoonayn, maxaa kallifay in Somaaliya ku sii dhaqanto siyaasad waddamadii hormuudka u ahaa aysan ku dhaqmin?

Waxaa aniga ila habboon in dawladda Somaaliya dib u samayso daraasado looga baaraandegayo sida ugu wanaagsan oo loo hormarin karo danaha Soomaaliya iyo xiriirrada  ay la leedahay waddamada caalamka oo dhan, iyadoo aan waddana gaar u takoorayn. Ma aha inaan si indho la’aan ah isaga daba joogno siyaasad aan waqtigaan hadda la joogo macne samaynayn, gaar ahaan iyadoo laga wada ogyahay in qaarka mid ah waddamada Carabta ay rabaan inay kala jar-jaraan Soomaaliya.

Taas macnaheedu ma aha in haddii Soomaaliya xiriir la yeelato Israel aysan ka hadli karin qadiyadda Falastiin ama maqaamka Quddus, ama dhulka Israel ka haysato Siiriya, laakiin waxaan hubaa inaan hadda Israel xoog wax looga qaadi karo jirin, balse ay suurtagal tahay in haddii cilaaqaad wanaagsan iyo xiriir toos ah lala yeesho Israel ay dhici karto in la isu soo dhowaado, ka dibna xal waara laga gaaro qaddiyadaha taagan oo dhan.

Waddamada Carabta ee hodanka ah maanta iyagaa ah cadowga kowaad ee Carabta iyo kan caalamka Islaamkaba. Iyaga ayaana ka shaqeeya danaha Israel iyo isu soo dhowaynta Israel iyo waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka. Somaaliyana inay kuwaas iska dabo joogto wax dan ah kuma jirto ee waxaa dantu ugu jirtaa inay iyagu toos ula macaamiltaman dalkay rabaan.

 Waxaa laga yaabaa in Israel uga waxtar roonaato Somaaliya 21-ka waddanoo kale oo ku jira ururka Carabta oo dhibaatada ku fiirsanayay ilaa 1991-dii markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burtay.

Kenya, Itoobiya, waddamo Carab ah, iyo waddamada Afirka badankoodu xiriir bay la leeyihiin Israel, marka waa in Soomaaliya ku samayso arrintaan daraasad cilmiyaysan, ka dibna ay ku dhaqaaqdo waxa dantu ugu jirto Soomaaliya. 

Haddii ay u aragto in dantu ku jirto in xiriir lala samaysto Israel, yaysan danta Soomaaliya u baabi’in waddamo aan iyaguna daacad isu ahayn, Soomaaliyana daacad u ahayn.

Ugu dambayn, waxaan aaminsanahay goor ay noqotaba in Soomaaliya aysan huri doonin inay xiriir la samaysato Israel, waayo siyaasadda dameeri dhaan raacdayda ah ee la iska daba joogo waddamo iyaguba u kala dhuunta Israel, ma aha danta Soomaaliya. 

Xiriir waddankii aan la yeelanayno iyo waaddankii aanan la yeelanayn, waa inaan ku salayno danta Soomaaliya. Siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah waa inay ka madax banaanaadan aragti dhow oo aan maslaxad ugu jirin Soomaaliya, laakiin u danaynaya waddamo kale.

Sidaas awgeed waxaa habboon in hadda la sii bilaabo daraasadaha maadaama ay dhowr sano qaadan karto in si buuxda loo dhamaystiro daraasadahaas, sidoo kalena loo baahan doono in laga feejignaado wax kasta oo qaldami kara, gaar ahaan maadaama aysan Soomaaliya lahayn noocyada kala duwan ee ciidamada, gaar ahaan kuwa sir-doonka oo waddanka ka ilaalin kara khataraha ka imaan kara waddamada shisheeyaha. 

W/Q: Axmed Bashir
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

BEYLE oo diiday go’aankii loogu yeeray ee kasoo baxay xeer ilaaliyaha qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa soo saaray qoraal uu ku diiday warqadii loogu yeeray ee ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo fareysay in Isniinta berri uu tago xafiiska xeer ilaaliyaha, si wax looga weydiiyo arrimo ku saabsan maaliyadda dalka.

Wasiir Beyle ayaa cadeeyey inay soo gaartay warqadda xeer ilaaliyaha ee loogu yeeray, balse wuxuu muujiyey inay ku jiraan qaladaad dhanka sharciga ah, isagoo sheegay in arrintaan uu uga dambey doono garyaqaanka guud ee dowladda.

“Sida uu qabo qodobka 3-aad farqadiisa 2-aad, xarafka B, oo sharaxa dhismaha xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda. Garyaqaanka guud ee dowladda wuxuu masuul ka yahay difaacida dowladda iyo xubnaha u shaqeeya, maxkamadaha hortooda,” ayuu qoraalkiisa ku yiri wasiir Beyle.

Wuxuu sheegay in isagoo raacaya xeerkaas, kana digtoon in lagu xad gudbo masuuliyadda iyo waajibaadka garyaqaanka guud ee dowladda, “Uu si xushamad leh ugu soo jeedinayo xeer ilaaliyaha in xafiiskiisu uu u hoggaansamo habraacyada iyo xeerarka la dejiyey ee lagu talo galay in lagu maamulo arrimaha dowladda iyo dalka.”

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku cadeeyey in wasaaraddu ay diyaar u tahay in garyaqaanka guud ee dowladda ay la wadaagto wixii macluumaad ah ee xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranku uu uga soo baahdo.

Hoos ka eeg warqadda

FARMAAJO oo soo saaray baaq ku socda shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray baaq ku socda shacabka Soomaaliya oo ku saabsan weyneynta maalmaha xorriyada ee 26-ka Juun ilaa 1-da Luuliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraalkiisa cinwaan uga dhigay “FARRIINTA MUNAASABADDA 26-KA JUUN.”

Hoos ka akhriso qoraalkii uu soo saaray oo dhameystiran:

Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu hambalyaynayaa 62 sano guurada ka soo wareegtay dharaartii xornimada Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun oo ah maalin qiima weyn ugu fadhida gobannimada iyo midnimada dalkeenna.

Halgankii gobannimo doonka, midnimada dalkeenna iyo isu-doonka ummadda Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid ay hormuud u ahaayeen shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobollada Woqooyi ee dalkeenna.

Dhaqdhaqaaqyadii gobonnimo doonka ahaa ee ka curtay Gobolladaa waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, waxaana xusid mudan halgankii gobannimo u dirirka ahaa ee Daraawiishta oo ka mid ah halgannadii ugu waawaynaa Qaaradda ee albaabada u furay in shucuubta Afrika ay cudud kala hortagaan gumaystihii soo duulay iyo doorkii halgameyaashii SNL oo iyaguna kaalin mug leh oo la mid ahaa doorkii SYL ku lahayd xornimada Gobollada Koonfureed ka qaatay gobannimada Goballada Woqooyi.

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa in ay weyneeyaan Toddobaadka Xorriyadda oo caawa inoo bilowday si aynu kor ugu qaadno wacyiga waddaniyadeed ee bulshadeenna, sidoo kale na u muujinno muuhiimadda ay inoogu fadhido gobannimadu.

Hambalyo munaasabadda 26-ka Juun

Daawo: Mudullood iyo Habar-gidir oo afar xubnood ku caleemo saaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha siyaasadda iyo horumarinta beelaha Mudullood iyo golaha hoggaaminta Habargidir ayaa maanta Muqdisho ku caleemo saaray guddoonka dhallinyarada ee golaha siyaasadda iyo horumarinta Mudullood.

Munaasabadda lagu caleemo saaray xubnahaan waxaa ka soo qeyb galay xubno sare oo guddoomiyaha golaha hoggaaminta Habargidir Prof. Shirwac uu hoggaaminayo.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ahaa golaha siyaasadda iyo horumarinta beelaha Mudullood, odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labadaas beelood.

Xubnaha la caleemo saaray ee loo doortay hoggaanka golaha siyaasadda iyo horumarinta beelaha Mudullood ayaa gaaraya afar xubnood, waxayna balan qaadeen inay ka shaqey doonaan horumarinta danaha beesha.

Waxaa munaasabadaan hadallo kala duwan ka jeediyey qaar ka mid ah waxgaradkii ka soo qeyb galay, iyagoo soo hadal qaaday inay muhiim tahay in magaalada Muqdisho ay yeelato maamul ku yimid rabitaanka bulshada oo maqaamkeeda meel la saaro.

Hoos ka daawo

Xurguftii Ilhaan Cumar iyo Hindiya oo waji cusub yeelatay

Washington (Caasimada Online) – lhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka kana soo jeedda gobolka Minnesota, laguna yaqaanno taageerada ay u heyso Pakistan ayaa waxay Aqalka Wakiillada geysay qaraar lagu cambaareynayo carqaladeynta la sheegay inay Hindiya carqaladeyso xuquuqda aadanaha, gaar ahaanna inay beegsato Mulsimiinta, Kirishtaanka Sikh-yada, Dalit-ka, iyo Adivasis iyo “dad kale oo laga tiro badan yahay”.

Qaraarkan, oo ay la kaashatay haweenka kale ee kala ah Rashida Talib iyo Juan Vargas, ayaa wuxuu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ku boorrinayaa inuu Hindiya u arko mid walaac abuuraya marka la eego xorriyadda diimeed ee caalamiga ah.

Dalalka kale ee sidan oo kale loo aqoonsaday waxaa ka mid ah Comoros, Cuba, Nicaragua iyo Ruushka.

Qaraarkan ayaa maamulka Biden ku boorrinaya in Guddiga Mareykanka ee Xorriyadda Diimeed ee Caalamiga ah uu usoo jeediyo in Hindiya uu aqoonsado dal walaac abuuraya saddex sano oo isku xigta.

Qaraarkan oo Aqalka Wakiillada la geeyay Talaadadii, ayaa waxaa loo diray Guddiga Arrimaha Dibadda si uu u eego waxa laga sameyn karo.

Ilhaan Cumar ayaa la sheegay inay taageerto Pakistan, taas oo hore ay Hindiya uga carootay mar ay booqasho ku tagtay dalkaas horraantii sanadkan.

Ilhaan Cumar yaa bishii April ee sanadkan booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laakiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay cadho ka muujisay dowladda Hindiya.

Mas’uuliyiinta dalka Hindiya ayaa cambaareeyay tallaabada ay qaadday Ilhaan Cumar. Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Arindam Bagchi, ayaa arrintaas ku tilmaamay xad gudub ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed ee Hindiya.

Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka ee ANI, waxa uu afhayeenku yidhi: “Waxay booqatay qayb ka mid ah Gobollada Jamu iyo Kashmir oo hadda ay si sharci darro ah ku haysato Pakistan. Siyaasi kasta oo ku dhaqmaya siyaasad gurracan wuu u fasaxan yahay balse tani waxay xad gudub ku tahay madaxbannaanideenna dhuleed.”

Tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ilhaan Cumar ay booqanayso Kashmir, qaar ka mid ah shacabka reer Hindiya ayaa arrintaas walaac uga muujiyay baraha bulshada.

Qof ka mid ah dadka ka fal celinayay ayaa yidhi: “Siyaasiyiinta wax kala qaybiya ee sida Ilhaan Cumar ah waa in laga hor istaago inay tagaan meelaha xasaasiga ah ee Kashmir.

Waxay kasoo hor jeeddaa Hindiya xaqna uma laha in ay xubin kasii ahaato Congress-ka Mareykanka.”

Kenya oo Somaliland ka heshay fursad malaayiin dollar ah kadib go’aan soo baxay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Ganacsatada Qaadka keena ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in ay joojinayaan qaadka ay ka keenaan Ethiopia, kadib markii ay sheegeen in dowladdaas ay kusoo rogtay caqabado hor leh.

Afhayeenka Ganacsatada Qaadka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in go’aankan uu dhaqan gali doono bisha soo socota lixdeeda, isaga oo aarintaan ku sababeeyay kadib markii canshuurtii Ethiopia ay ka qaadi jirtay ku qaaliyeysay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay qaadka ka keensan doonaan Kenya iyo Yemen, islamarkaana ay kasoo dejisan doonaan garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

“Qaadkii aan ka iibsan jirnay ee Itoobiya, gaar ahaan Kilinka 4-aad ee Oromada waa joojinay. Oromadii waxay yiraahdeen Kiiloogi Jaadka ku keena $10, markii hore waxa uu ahaa $2 waxay ku kordhiyeen $8 marka anaguna waan diidnay,” ayuu yiri Afhayeenka Ganacsatada Qaadka ee Somaliland.

Waxa uu sheegay in go’aankan ay ka wada socdaan xukuumadda Somaliland, sidaas darteedna cid kasta oo isku dayda inay jabiso oo qaad ka keenta Ethiopia aysan gudaha usoo gelin karin Somaliland.

“Niman Oromo ah oo qaadka dira ayaa yiri anaga qaadka iyo khudrada geynayna oo lacagta adag keenayna waanu diidnay, kuwiina Wajaale ayaa u taaganahay. Wasaaradda Maaliyada iyo Kastamyada waxa isku ognahay in uusan jiri doonin qof 6-da bisha wixii ka dambeeya loo canshuuri doonin qof qaad ka keena Itoobiya.”

Go’aankan ayaa waxa uu fursad weyn oo dhaqaale u yahay Kenya, oo ayado sanadihii dambe uu qaadkeedu wajahayay suuq la’aan weyn, kadib markii ay isku dhaceen madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha cusub oo shaaciyey sida uu u wajihi doono arrinta gobolka Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii la magacaabay si faah faahsan uga hadlay, sida ay xukuumaddiisa u waji doonto arrinta gobolka Gedo.

Xamza oo wareysi siiyey BBC ayaa shaaca ka qaaday in arrinta Gedo ay u mari doonaan dib u heshiisiin, si looga dhabeeyo hal heeska madaxweynaha ee  Soomaali heshiis ah.

“Xukuumadda aan hoggaaminayo ee uu madaxweyne Xasan Sheekh uu madaxweynaha ka yahay bees waxaa u ah Soomaali heshiis ah, marka waa in la heshiiyaa waa in dadka degmada dhexdeeda ama tuulada joogaa ay heshiiyaan,kuwa gobolka waa inay heshiiyaan, kuwa dowladda Soomaaliyeed oo guudna waa inay heshiiyaan,” ayuu yiri Xamza Cabdi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Jubaland ay ka mid tahay meelaha uu mad-madowga ka jira isla markaana ay tallaabo kasta ay qaadayaan ay noqon doonto sidii lagu heshiin lahaa.

“Jubbaland waxay la mid tahay gobollada kale ee laga yaabo in wax uun mad-madow ah ay ka jiraan dadkeeda, waxaan hortebin ku sameyn doonaa dib u heshiisiinta iyo Soomaali heshiis ah,” ayuu markale yiri ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageero iyo garab istaag u muujiyaan xukuumaddiisa cusub, si dalka looga samata bixiyo xaaladda uu haatan ku jira, siiba arrinta abaaraha oo saameyn daran ku yeelatay qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Gedo ayaa waxaa weli ka jira khilaaf salka ku haya arrimaha maamulka, waxayna ka mid aheyd waxyaabihii saameynta ku yeeshay doorashooyinkii soo dhammaaday dalka. Sidoo kale kale waxaa gobolkaas ku sugan ciidamo ay geysay dowladdii hore ee Farmaajo.

Si kastaba, arrimahaas oo dil ayaa waxaa laga sugayaa inay wax ka qabato dowladda cusub, si Jubbaland iyo arrinta Gedo xal waara loogu helo, loogana gudbo dhibaatada ay wajahayaan shacabka ku dhaqan gobolkaasi oo ay usii dheer tahay xaalad bani’aadanimo.

Kiiska Ikraan Tahliil oo sanad jirsadey iyo tallaabo laga sugayo xukuumadda cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – 26-kii June saacadu markii ay aheyd 8-dii Fiidnimo sanadkii hore ayaa Ikraan Tahliil Faarax la waayay, xilligaas oo ay ka soo baxday guriga ay deganeyd oo ku dhow Xarunta Nabadsugida ee Habar Khadiijo, markaas oo ay Kaamirada Qarsoon soo qabatay, iyada oo sii galeyso gaari laga leeyahay hey’adda NISA oo uu waday darawal hey’adda ka tirsan.

Ikraan Tahliil ayaa xilligaas madax ka aheyd qeybta dambi baarista Internet-ka ayaa waxaa soo shaac baxday in la dilay, waxaana waqtigaas saxaafadda la hadlay hooyadeed.

War kasoo baxay hey’adda NISA ayaa lagu sheegay in gabadhaan ay dishau kooxda Al-Shabaab kadib markii ay si qorsheysan u afduubatay, balse kooxda Al-Shabaab oo iyadana qoraal soo saartay ayaa iska fogeysay dilka gabadhaas taasoo dhalisay jahwareer ku aadan kiiska Ikraan.

Wareysi uu dhawaan bixiyey madixii NISA ee gobolka Banaadir Yaasiin Faray ayuu mar kale ku celiyey in dilka gabadhaas ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, balse agaasimihii hore ee hey’adaas Fahad Yaasiin oo isna wareysi bixiyey ayaa dilka gabadhaas ku eedeeyey xubno ka tirsan he’adda oo uu ku jiro taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad.

Dilka Ikraan Tahliil ayaa ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu waa weynaa ee ay la kulantay dowladdii hore oo sabab u noqday in xilka laga qaado Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, iyadoo Kiiska Ikraan uu wali ka furan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida.

Kiiskaas ayaa hadda waxaa laga joogaa hal sano, welina waalidiinta Ikraan waxay dalbayaan in gabadhooda ay cadaalad hesho.

Xukuumadda cusub ee uu hoggaaminayo ra’isulwasaare Xamza ayaa looga fadhiyaa inay jiho sax u marto kiiska Ikraan Tahliil oo noqday kiis la isku tuur tuuray.

Xog: Tirada golaha wasiirada Soomaaliya oo la kordhinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Bare oo shalay helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Somalia ayaa bilaabay dadaalladii ugu dambeeyey ee ku aadan dhismaha xukuumaddiisa.

Xamza Cabdi Barre oo ballan qaaday inuu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo dalka samata bixin karta yaa weli wada wada-tashiyo ku aadan magacaabista golihiisa wasiirada.

Xog ay Caasimada Online ka heshay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaysa in ra’iisul wasaaraha cuusb uu qorsheynayo inuu kordhiyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in Xamza uu doonayo in wasiirada uu gaarsiiyo illaa 30 xubnood, halka markii hore ay ahaayeen 26 wasiir.

Qorshaha wasiirka koowaad ee xukuumadda cusub ayaa ah inuu soo kordhiyo ugu yaraan illaa 4 wasaaradood oo mid ka mid ah ay tahay wasaaradda deegaanka.

Ra’iisul wasaaraha cusub ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirada, kadibna uu horgeeyo baarlamaanka Soomaaliya, si loo meel-mariyo.

Xukuumadda cusub ayaa waxaa horyaallo shaqooyin adag oo ugu horreyso wax ka qabashada ammaanka iyo xaaladaha abaareed ee haatan ka jira dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadeed, kadib doorashadii 15-kii May oo uu ku soo baxay Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay hoggaanka dalka.

R/W Xamza oo shaaciyey kaalinta xisbiga UPD ee golaha wasiirada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo wareysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ah ee VOA ayaa ka hadlay dhismaha xukuumaddiisa cusub iyo sida uu u wajahayo xubnaha golihiisa wasiirada.

Xamza ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, isla-markaana awood u yeelata  inay fuliso ajendaha waa weyn ee horyaalla xukuumaddiisa.

“Xukuumaddeyda waxa ay noqon doontaa xukuumad tayo leh waxaan kusoo xulan doonaa, haddii Ilaah yiraahdo hufnaanta, kartida iyo aqoonta, waxaana rajeynayaa inay noqoto xukuumad awood u yeelata in ay fuliso ajandaha waa weyn na horyaallo” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday kaalinta uu golaha wasiirada ku yeelan doono xisbiga UPD ee ay ka wada tirsan yihiin isaga iyo madaxweynaha, wuxuuna qiray in golihiisa ay qayb ka noqon doonaan xubno ka mid ah xisbiga iyo dad kale oo Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay in xukuumaddu uu saldhig u noqon doono dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

“Xukuumadda aan soo dhisaayo waxaa asal u ah dastuurka federaalka Soomaaliya. Mida labaad anniga waxaan rumeysanahay xisbiyo sharciyeysan oo axsaab ah runtii waddanka weli kama hirgelin ururo siyaasadeed ayaa jira, marka haddii aad ka wado ururka siyaasiga ah ee madaxweynuhu guddoomiyaha ka ahaa miyaad ku ekaaneysaan maya. Dadka Soomalaiyeed ee kale Insha Allah iyo ururkaan xaaraan kama ah, laakiin dadka Soomaaliyeed waxaan rajeynayaa in in badan oo ka mid ah laga dhex arko,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sidoo kale xukuumaddiisa ay kasoo muuqan doonaan gabdho, isla-markaana uu muujin doono kaalinta dumarka Soomaaliyeed.

“Waxaa ku caddeynayaa inaan ku dadaali doono in gabdho iyo wiilal ay ka koobnaadaan, gabdhuhuna kaalin weyn ayey ku leeyihiin dalkaan.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha cusub.

Xamza Cabdi oo shalay uun helay codka kalsoonida ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu soo magacaabo golihiisa wasiirada, sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisul wasaaraha ayaa qorsheynaya inuu kordhiyo golihiisa wasiirada oo uu gaarsiiyo illaa 30 wasaaradood.

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda caafimaad ee madaxweyne XASAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan laga helay xanuunka Covid-19 ayaa xalay ka baaqsaday ka qayb-galka munaasabadda xuska 26 June oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo wakiil ka ahaa madaxweynaha ayaase ka qayb-galay munaasabadda, isaga oo ku hadlayeyna magaciisa, kan Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu hambalyo u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

“Aniga oo magaceyga, magaca madaxweynaha JFS, magaca baarlamaanka Soomaaliyeed  ku hadlaayo waxaan u hambalyeynayaa marka hore dhammaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nool yihiin,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kalke wuxuu faah faahin ka bixiyey sababaha uu madaxweynaha uga baaqday munaasabadda 26 June, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu xeeriyey in bulshada uu mas’uulka u yahay u turo, maadaama uu si fudud lagu kala qaado xanuunka Covid-19.

“Waxaa kale oo aan rabaa inaan u duceeyo madaxweynaheenna, hadda culeys ma qabo, maadaama daruuf daraadeeda isaga dareemay uu imaan waayey aniga ayuu ii wakiishay, waxaana Ilaahey uga baryayaa inuu caafiyo sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu sii raaciyey

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee madaxweynaha ay wanaagsan tahay, wuxuuna ugu duceeyey in Ilaahey ka dul-qaado xanuunka, sidoo kale shacabka ayuu baaqay inay is dajiyaan.

“Caafimaadkiisa hadda aad ayuu u fiican yahay, waxaa laga yaabaa marka uu hadda munaasabadda ka maqnaado dadka inay u arkaan madaxweynaha waaba soo kici waayey tacbaan waayey ma’aha laakiin isaga oo isleh bulshada Soomaaliyeed ee aad mas’uulka u tahay, maadaama cudurkaan saanqaadkiisa uu fudud yahay inuu isaga maqnaado ayuu go’aansaday,” ayuu markale yiri Aadan Madoobe oo ka hadlayey xaaladda madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmo ka hor booqasho ku tegay Imaaraadka ayaa kadib markii uu kusoo laabtay dalka la xaqiijiyey in laga helay xanuunka Covid-19, waxayan Villa Soomaaliya shaacisay in uu sii wadan doono howlaha shaqo ee qaranka.

Hiba Nuura oo soo saartay baaq ku socda Soomaalida

Minneapolis (Caasimada Online) – Fanaanada weyn ee Soomaaliyeed Hibo Maxamed Huddoon (Hiba Nuura) ayaa qeylo dhaan ka soo saartay abaarta ku dhufatay Soomaaliya, iyadoo dadka wax heysta ugu baaqday inay ka qeyb qaataan, oo u soo jeestaan sidii xaaladaan adag looga samata bixin lahaa, dadka nugul oo gaajada iyo oonka ugu dhimanaya deegaanada qaar.

Waxaa isa soo taraya qeyla-dhaanta ku aaddan gurmadka abaaraha Soomaaliya, xilli ay boqollaal carruur ah u dhimanayaan gaajo iyo macluul.

Qaramada Midoobay, hey’adaha kale ee caalamiga ah ee gargaarka iyo dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyadii u danbeeyay soo saarayey warbixino sheegaya in abaartu ay isku-bedeli rabto macluul galaafata nolosha kumanaan qof.

Hiba Nuura oo la hadashay Idaacadda VOA ayaa ugu horeyn u duceysay dadka Soomaaliyeed ee abaartaan ay saameysay, sidoo kale waxay tilmaantay in dadka caanka ah ay door muhiim ah ka qaada karaan gurmadka dadka tabaaleysan.

Waxay sheegtay in xilligii ay dowladda adag ka jirtay Soomaaliya aysan qabin walwal badan, maadaama ay dowladdu awood u laheyd inay dadka caawiso baahiyahooda, balse hadda waxay sheegtay in xaaladaan aan lagu haley karin dowladda kaliya.

“Sidii hore manihin, laakiin 20 sano ee u dambeeyey dowladihii soo dhismayey ee dalka ka jiray inta karaankood ah dadka waa caawinayeen, waxaan dadka caanka ah u soo jeedinayaa in bulshada ku xiran ay ugu gacan haatiyaan gurmadka dadka ay sameysay abaarta ka jirta dalkeenii,” ayey tiri Hiba Nuura.

Hoos ka dhageyso wareysiga 

Muxuu madaxweyne Muuse Biixi ka yiri wada-hadallada DF Somalia iyo Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Hargeysa, isla-markaana lagu xusayey 26-ka June ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku saabsan wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Biixi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay ka gar-baxdo Somaliland, ayna iska deyso hadallada ku dhisan af-macaanida.

Madaxweynaha Somaliland ayaa xusay in Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay madaxweynaha Soomaaliya uu xog ogaal yahay, uuna ka rajeynayo inay sii socdaan wada-hadallada labada dhinac oo marar kala duwan ka dhacay dalka dibaddiisa.

“Dowlada cusub ee ay dhisanayaan, iyo ninkaa odayga ah ee wadahadaladeena iyo aynu xog ogaal badan u tirinayno, ee madaxweynaha ah iyo hadalkaa wanaagsan ee mar walba yidhaahdaan walaalahayaga Somaliland waanu wanaajinaynaa, waar hana wanaajinine aynu kala garbaxno ayaan leeyahay,” ayuu khudbaddiisa yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in mowqifka Somaliland oo deneyso madax-bannaani uu cadyahay, balse ay rabaan kaliya in lagu kala baxo miiska wada-hadalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo ay hakad galeen wada-hadalladii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo aan horey loo dhaqaajin sanadihii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhawaaqay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, walow aysan illaa iyo hadda helin wax ictiraaf ah, waxaana dhacdadii ugu dambeysay ee ka dhacday magaalada Niarobi, kadib markii uu safiirka Soomaaliya uu isaga baxay shir lagu casuumay oo uu ku arkay wakiilo ka socday Somaliland, taas oo keentay in dowladda Kenya ay raalli-gelin buuxdo arrintaasi ka siiso dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawiro: Ujeedada safarka Axmed Madoobe ee Dhoobley

Dhoobley (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Degmada Dhoobley waxaa ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku sugan magaalada.

Socdaalka Madaxweynaha uu ku tagay magaalada Dhoobley ayaa faahfaahin rasmi ah laga helin balse qoraal lagu daabacay bogga madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.”

“Waxaan kala tashan doona dadka ku nool Degmada iyo deeganada hoos yimaada sidii ay usoo dooran lahayeen dadka maamulaya gaar ahaan golaha deegaanka. Waxaan fududeyn doona dhamaan adeegyada muhiimka u ah Degmada iyo deegaanada hoos yimaada.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Shirka Golaha Wasiirada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa 23 Juun 2022-kii lagu qabtay Magaalada Dhoobley, kaas oo ay ku ansixiyeen in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubaland.

62 sano kadib – Maxaa 26-ka June dhacay, yaa faa’idey yaase khasaaray? – Faallo

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waxaa ay umadda Soomaaliyeed u dabaal-dageysaa 62-sano guuradii ka soo wareegtay 26-ka June iyo xuriyaddii gobollada waqooyi.

Dabaaldegga 26-ka June waa astaan qaran, waa maalinta ay xuriyadda qaateen gobollada waqooyi isla markaana ay dowlad noqdeen.

British Somaliland, Waxaa gacanta ku hayey gumeystaha Ingiriiska in ka badan 70-sano, lakin arintaan waxaa lasoo afjaray maanta oo kale 26- June, 1960-kii.

Ka hor xuriyadda gobolada waqooyi ee 26-ka June 1960kii, waxaa jiray dhacdooyin iyo tilaabooyin ku tusniya wadinayd iyo isjaceyl dhexmaray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyi iyo koofur.

6 April 1960, Golaha Tashriica British Somaliland ayaa meel mariyay Qaraar ama go’aan ku saabsan Madaxbanaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya.

Gobollada waqooyiga ama Somaliland si ka duwan maanta la joogo ayey go’aanka madaxbanaanida iyo midnimada ugu farxeen.

Maalmo kadib, 22-kii April 1960kii, waxaa Muqdishu lagu soo gabagabeeyay shir 6 Maalmood u socday Waftigii Waqooyi ee kan Koofur, Labada dhinac waxaa ay isku afgarteen in 1 July 1960-ka la midoobo oo Waqooyi iyo Koofur ku midoobaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulanka ka dhacay Muqdisho waxaa uu ahaa mid miro dhalay, waxaana la kala tagay iyaddoo labada dhinac ay ka muuqato farxad.

Dad badan ayaa qaba in kulankaas uu ahaa mid caadifad iyo walaaltinnimo ay hareysay waayo lagama hadlin sida ay labada urur ee SNL oo waqooyi ahaa iyo SYL oo ka jiray koofurta ay wax u qeybsanayaan.

Bishii May 2, 1960-kii, waxaa Yurub tagay wafti ka socda Somaliland, safarkaas waxaa kasoo baxay in 26-ka June 1960 la gaarsiiyo British Somailand madax banaani.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo waftiga horkacayey oo la hadlay umadda Soomaaliyeed isagoo London jooga waxaa uu ku celiyay in Somaliland la midoobi doonto koofurta, sidaana ay labada dhinac ku faraxsan yihiin.

25-26 June, 1960kii lagama seexan gobollada waqooyi ee Soomaaliya, madaxdii Ingiriiska iyo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaa ay ku mashquulsanaayeen kala wareejinta maamaulka iyo sagootinta gumeystaha.

Shacabka waxaa ay isku diyaarinayeen in ay noqdaan dowlad, waxaa intaa dheer fanaaniinta oo qoray heeso iyo sugaan lagu cabirayo maalintaas qiimaha badan.

Waxaan filaayaa marka aad xuriyad soo xasuusataan, Waxaa dhagihiina kusoo dhacaya” goormaan Ladnaaney Lixdankii, Lugooyadii na deysay 26-kii June, goormaan Lulanay, 6-dii saacc goormaa Libaaney,  1-dii Luulyo labo midowday.

Erayadaas waxaa ay soo koobayaan dareen jiray 26-kii ilaa 1 July 1960-kii, Maalmahaas oo kale Soomaaliya horay uma soo marin.

June 26, 1960-kii, Waxaa xoroobey qeybta Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Soomaalida ayaa la wareegtay maamulka dhulkooda, isla maalintaas waxaa calanka laga taagay Bartamaha magaalada Hargeisa(Beerta Xuriyadda), iyadoo la qaadayo “Kaana Siib Kanna Saar”.

Halgamaaga Soomaaliyeed abwaan C/laahi Suldaan Timacadde ayaa Gabaygaas codkiisa ku qaaday, waxaa uuna noqday gabay ka tarjumaya rabitaanka bulshada Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo koofur.

Waa jirtay Hees leh, Waa 26-kii, ee labada geesood midi ladnaatay, lurtii gumeysiga geed dheer ku laalay, waa 26-kii lugta waqooyi Libintii keentay, Cadawgii Legdeen,  leydhii xurnimo, liibaan ku gaareen.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo la hadlay shacabka kadib bixitaankii gumeysiga ingiriiska, waxaa uu sheegay in dalka ka baxeen ajaanibtii, inaga ayaa naloo kala tagay ayuu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in 1 July ay raacayaan Walaalahooda Soomaaliya.

4 Maalmood 26-kii June, waxaa xuriayddii qaatay gobolada Koofureed ee dalka Soomaaliya, waxaa halkaas ka baxay dalka Talyaaniga uu maamulayey muddo toban sano ah.

Allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal, Waxaa uu soo hor kacay Wafti reer Somaliland ah oo Muqishu u yimid arin taariikhi ah, taas oo aheyd in la mideeyo labada gobo lee dalka, tiiyoo run noqotay 1-dii July 1960-kii.

Heestan ayaa ka mid ahaa heesihii loo qaaday xuriyadda June 26keeda“Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, Waa Mahad Alle, Maantaba dunida ka midbeynu nahoo, majo iyo madaxeen banana…waa Mahad Alle Madaxeen Banaan, waa Mahad Alle Madaxeen Banaan ”

Midnimadii labadii gobol ee jamhuuriyadda Soomaaliya ka dib waxaa dowladdii madaxweyne Aaden Cabdulle Cusmaan, dhanka waqooyiga Soomaaliya waftigii ka yimid waxaa hogaaminayey  Max’ed Xaaji Ibrahim Cigaal xilal kala duwan ka qabtay dalka

  1. Wasiirka difaaca 1960kii-1962dii
  2. Wasiirkii Waxbarashada 1962dii-1963
  3. Ra’iisul wasaarihii dowladdii C/rashiid Cali Sharmaarke ee 1967dii-1969kii.

Aden Cabdulle Cusmaan oo ka soo jeeda gobollada koofurta ayaa dalka madax ka noqday xuriyadda kadib, waxaa ra’isul wasaare u magacaabay Cabdirashid Sharma arke oo isna koofurta ah.

July 11, 1961, Waxaa uu Aden Cadde mar kale doortay Cabdirashid Cali Sharma’arke, waxaa jirta arin xusid mudan Labadii xukuumad ee Cabdirashid Cali Sharma’arke uu dhisay, reer Waqooyi ama British Somaliland waxaa la siiyay Afar Wasiir halka Koofurta ay heleen 10 Wasiir, Waxaa intaa sii dheeraa Madaxweynaha iyo Ra’aisul Wasaaraha oo dhamaan ka soo jeeday Koofura Soomaaliya ee uu maamuli jiray gumeystaha Talyaaniga taasi oo keentay in Wasiiro badan is casilaan markii dambe uu ku jiro Wasiirka Waxbarashada Maxamed Xaaji Ibrahim Igal iyo Sheekh Cali Ismacil wasiirka gaashaadhiga.

Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal oo xuriyadda ka hor waqooyiga dalka ka ahaa Xogheyaha guud ahaa xisbiga SNL iyo Ra’isul wasaarihii ugu horeeyay ee Somaliland ayaa Soomaaliya ka noqday dhowr wasiir iyo ra’isul wasaare laakin waxaa xiray Maxamed Siyaad Barre kadib inqilaabkii October 1969kii isagoo xabsiga ku jiray ilaa 1981dii, marka laga reebo hal sano oo India uu safiir ka ahaa.

Bishii May 1988, Waxaa ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya dilal ka geysteen magaalada Hargeisa, taas oo keentay in dad badan ku dhintaan, ilaa iyo hadda waxaa taagan dhibaatadii maalintaas, Muqdisho kama bixin raali galin iyo Magdhaw toona.

Hargeisa  wixii 1981dii ka dambeeyay qalbiga ayey ka goosatay Muqdisho, waxaa ay bilaabeen halgan ka dhan ah dowladda Soomaaliya tiiyoo keentay markii dambe in May 18, 1991dii ay ku dhawaaqday gooni isu taag iyo Madaxbanaani.

Maxamed Xaaji Ibrajim Cigaal oo wareysi  bixiyay 1991-kii kadib, kana hadlay gooni isu taaggii Somaliland, waxaa uu sheegay in Midnimada labada gobol ay ku timid caadifad iyo qorshe la’aan.

Aqoonyahanno badan uu ka mid yahay Maxamed Faarax oo ah qoraa ku nool magaalada Hargeisa, wax bandanna ka qoray Taariikhda Madaxdii Somaliland sida Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal iyo goonni isu taagga Somaliland waxaa uu qabaa in Somaliland ay maalintaas dowlad noqotay isla markaana midowga iyo ka go’idda go’aanleeda labadaba ay tahay mid u taallo shacabka iyo hogaanka Somaliland.

Hadda waxaa socdo wada hadal labada gobol ah, sheekada waxaa ay taagan tahay halkii 1960kii ay joogtay, weli waa ka sii adag tahay, Soomaalida, beesha caalamka iyo cid walba oo daneysa arrimaha Soomaaliya waxaa ay isha ku wada hayaan waxa ka soo bixi doona wada hadalka Somaaliya iyo Somaliland iyo halka ay natiijada noqon doonto.

Ugu dambeyntii, waxaa xaqiiq ah in 26ka June ay  Maalin go’aankeeda lagu wada farxay laakin miraheed ay koox guratay?! Haddii midnimo la rabo waa in ay dhacdaa tanaasul ka yimaada koofurta, lana siiyo gobolkaas xuquuqdooda oo dhameystiran.

Xigasho: Goobjoog News

Xamza oo sameeyey ballan-qaad ku aadan Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta Somaliland. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn shacabka u diray hambalyo ku aadan dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda iyo gudaha dalka.

“Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyaynayaa munaasabada 26ka Juun oo ku beegan 62 guuradii kasoo wareegtey markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska islamarkaana ah markii u horeysey calankeena laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in maalintani huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ummada Soomaaliyeed ay gumaysitii Ingiriiska ka xoroobeen. Waaxaana uu sidoo kale xusan halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo gashay madax-banaanideeda iyo inay noqoto ummad si xor ah aayeheeda uga tashata uu hirgalay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Midowgii labada gobal ee waqooyi iyo koofur reer waqooyi la’aan tood aysan suuragasheen. Isagoo tilmaamay in maanta awlaadii halgamayaaashii xoriyadda iyo midnimada keenay laga filaayo adkaynta midnimadii aabe yaashood horseedeen.

“Dadaalkaas dheer iyo halgankii xornimo doonka waxa xasuusin mudan in walaalaha reer waqooyi kaalin mug leh ay ku lahaayeen, waxay u hureen dhiigooda, libta 26ka juun, iyaga ayaana si gaar ah ugu suntan. Waxaan balan qaadayaa in aan dadaalkii ay ku baxsheen xormimada iyo midowga mid u dhigma aan ku baxsho xalinta tabashadooda.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay xaaldaha xiligan ee dalka ka jira ayaa sheegay in dadkeenu wajahayaan duruufo adag oo ay abaaruhu keeneen, una dheer yihiin arrimo amni iyo mid dhaqaale oo u baahan in wax laga qabto.

“Xukuumaddaydu waxay ahmiyad gaar ah siindoontaa sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadkeena abaartu saameysay. Inagoo ka yeelan doonaa qorshayaal cad-cad oo lagu sameeynaayo xal waara iyo in dalka loogu diyaariyo inuu awood u yeesho ka jawaabista musiibooyinka qaran.”

Xamza ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo halgankii xornimo doonka ahaa mid la mid ah, taas oo ah waajib muwaadin kasta saaran sidii looga gudbi lahaa kooxaha dadkeenii go’doomiyey ee u diidan in xitaa raashin gurmad ah iyo biyo loo geeyo shacabka gaajada iyo haraadka u dhimanaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyey in Soomaaliya ‘ay haysato fursad weyn’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo soo saaray qoraal ku aadan munaasabadda 26-ka June, ayaa sheegay in Soomaaliya ay haysato fursad taariikhi ah oo ay ku sixi karto khaladaadkiii ka dhacay.

Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynu ku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi furnaanta iyo adkeynta midnimadooda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.   

“Dadka Soomaaliyeed waxa ay si weyn u garoowsan yihiin dhibaatooyinka ay leedahay colaadda iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay dowladnimadeenna. Maanta waxaan haysannaa fursad taariikhi ah oo shacabkeennu ay ku heshiiyaan, ku mideeyaan caqligooda, cilmigooda, cududdooda iyo jacaylka walaalnimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, taas oo aan weligeed duugoobayn,” ayuu yiri.  

Madaxweynaha ayaa intaasku daray in kaasi uu yahay jidka kaliya ee aynu kaga bixi karno amni xumada, saboolnimada, abaaraha iyo shaqo la’aanta curyaamisay dhallinyaradeenna.  

Dhinaca kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu ka cudur daaranayo ka qeyb-gal la’aanteyda munaasabadda 26-ka Juun, maadaama uu, sida uu yiri, u  hoggaansanahay talooyinka bahda caafimaadka ee la xiriira COVID-19.  

Waxa uu ugu dambeyn ku baaqay in la caawiyo oo la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku dhufatay. 

“Munaasabadda Todobaadka Xorriyadda awgeed, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in aan wadajir ugu istaagno dadkeenna la tacaalaya duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaaraha ku habsaday dalkeenna, taasina ay tahay dabbaal degga ugu wanaagsan ee aynu u muujin karno Todobaadka Xorriyadda,” ayuu yiri.