25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Daawo: Muxuu Farmaajo ka sheegay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah iyo isbedalka ka dhacay dalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in guusha maanta taagan ay usoo hoyatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashadii soo dhammaatay.

“Waa guul usoo hoytay Ummadda Soomaaliyeed oo taariikhda ay xusi doonto waxaan ognahay in dowlado naga fac weyn oo dimoquraadiyad ah ay natiijada doorashooyinkoodu mararka qaarkood uu hareeyo muran iyo khilaafaad,” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in haatan dalka uu leeyahay dowlad rasmi ah iyo hoggaan cusub oo la doortay, uuna la shaqeyn doono.

“Dalku wuxuu leeyahay dowlad shaqeyneyso iyo hoggaan la doortay oo sharci buuxa leh, waxaan baranay qori isu dhiib inay tahay dhaqan iyo sunno wanaagsan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dmabeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha ciidamada, isaga oo uga mahadceliyey sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin ilaalinta difaaca iyo dowladnimada Soomaaliyeed.

“Waxaa kale oo muhiim ah inaan u mahadcelino ciidamada qalabka sida oo habeen iyo maalinba u taagan difaaca dowladnimada, una huray naftooda,” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn Farmaajo ayaa ballan-qaaday in si walaalnimo ah u garab istaagi doono Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, isla-markaana uu siin doono talooyin wax ku ool ah, si loo sii wado horumarka dalka iyo dowladnimada Somalia.

Madaxweynaha Kenya oo caleemo-saarka Xasan ka shaaciyay tallaabo uu qaadayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta oo kamid ah madaxda ka qeyb-gashay xafladda caleemo-saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad uu ka jeediyay ku sheegay inay furayaan xudduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale tilmaamay in horumarka Kenya uu ku xiran yahay horumarka Soomaaliya, maadama ay yihiin labada dal oo deris ah.

“Kenya waa walaal aad ku tashan kartaan,” ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay xafalada caleemo-saarka madxaxweynaha Soomaaliye, Xasan Sheekh Maxamuud.

Kenya ayaa kamid aheyd dalal uu xiriirka Soomaaliya kala dhaxeeya uu si weyn u xumaaday intii uu tallada dalka hayay madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ee xiligaan uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa meesha ka saareysa siyaasadiisa kala jecleysiga ee lagu saleynayay xiriirka arrimaha dibedda.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa markale isla unkumaya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay muujiyeen niyad-sami iyo inay diyaar u yihiin ka wada-shaqeynta danaha labada dal.

Daawo: Khudbadda Abiy Ahmed oo noqotay tan ugu saameynta badan + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-gashay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa jeediyey khudbad cajiib ah, isaga oo ku hadlayey luqadda Engilishka iyo erayo Soomaali ah

Abiy oo si weyn loogu Sacbiyey marka uu khudbaddiisa kusoo daray erayo af Soomaali ah ayaa ka hadlay arrimo xasaasi, gaar ahaan xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waxaa iga go’an inaan sii wadno iskaashiga labada dal iyo dadka walaalaha ah” ayuu khudbaddiisa ku yiri Abiy Axmed, isaga oo ku hadlayey afka Soomaaliga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu Soomaaliya u rajeynayo nabad waarta iyo barwaaqo, isaga oo ereyadaas sidoo kale ku yiri afka Soomaaliga.

“Waxaa u rajeynayaa shacabka Soomaaliyeed nabad waarta iyo barwaaqo,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inuu la shaqeyn doono Madaxweynaha cusub Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayna isku kaashan doonaan, darisnimo iyo walaalnimo.

“Soomaaliya ha noolaato Ethiopiayana ha noolaato,” ayuu kusoo gabagabeeyey kudbaddiisa ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibka Maxamed Farmaajo, waxayna iskala tirsanaayeen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee Soomaaliya, Itoobiya & Eritrea.

AL-SHABAAB oo sheegatay inay qarax ku dishay 15 ka tirsanaa ciidamada Danab

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran qarax miino lagula beegsaday wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidamadaas oo la sheegay in ka baxeen magaalada Muqdisho.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi qaraxa ah lagu dilay ugu yaraan 15 askari oo ka mid ahaa askarta uu sida gaarka ah u tababaray Mareykanka, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale warka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa intaasi kusii daraya in gebi ahaan uu gubtay baabuurkii ay saarnaayeen ciidamadaasi.

Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan qaraxaasi.

Ammaanka wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar ayaa faraha ka baxay, waxaana horey loogu dilay mas’uuliyiin, saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba-gal ah iyo qaraxyo dhigta wadadaasi, taas oo keentay inay ka go’aan mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Somaliland iyo dibadbaxa ka socda (Daawo)

Hargeysa (Caasimada Online) – Xaaladda guud ee magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa maanta kacsan, waxaana ka billowday didbad-bax ballaaran oo ay dhigayaan xubnaha mucaaradka ee ka soo horjeeda xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Dibad-baxa ayaa waxaa hoggaaminaya mas’uuliyiinta xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID, waxaana kala qeyb-galayey dadweyne kala duwan oo taageerayaal ah.

Sidoo kale waxaa magaalada lagu arkayaa ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland oo wada dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah dibad-baxayaasha, iyada oo rasaas adeegsanaya.

Wararka ayaa sheegaya in illaa dhowr qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana ka mid ah xildhibaan Barkhad Baatuun, Muniir Axmed Cigaal iyo xubno kale oo ka mid ah mucaaradka.

Ciidamada ayaa sidoo kale kala eryaya dibad-baxayaasha oo ku qaylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha talada haya Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale ciidamada Somaliland ayaa xir-xiray qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dibadbaxa ka qayb-galaya, waxaana ka mid ah Cabdullaahi Maxamed Daahir Cakuse oo ah Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland, sida ay ku warramayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Musharaxa xisbiga Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo hadal siiyey warbaahinta ayaa sheegay in dibad-baxa uu bilaabmay, isla-markaana xoogiisa uu dhacayo maalinta Sabtida ah.

“Mudaharaadku waxa uu si rasmi ah u bilaabmayaa Maalinta Sabtida ah Lixda Gobol &iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland. Saaka annaga oo dooneyna in aan dadka siinno wacyigelin ayaa naloo adeegsaday Xabad nool, sunta gaaska ah, xadhig iyo Jidh-dil oo sharci darro iyo kelitalisnimo ah,” ayuu yiri musharrax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro

Somaliland ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay doorashada hoggaanka maamulkaasi, waxaana isku haya xisbiyada mucaaradka iyo sidoo kale xukuumadda Muuse Biixi Cabdi.

Sawirro: Xasan oo kulankii u horreeyey la yeeshay Abiy Ahmed kadib doorashadiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo ka mid ah madaxda ka qayb-galeysa xafladda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka.

Abiy oo wafdigiisa ay qayb ka yihiin wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide iyo Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed oo ka mid ah madaxda caalamka ee dalka u yimid ka qeyb galka xafladda caleemosaarka Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta dhaceysa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Intaasi, kadib Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la caleema saarayo.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo sidoo kale xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, gaar ahaan isbedelka siyaasaded ee ka dhacay dalka, sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo wareedyo ku dhow kulankaas oo lagu kalsoonaan karo.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka xiriirka xoogan la leh dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna Abiy 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa saaxibkii Farmaajo oo ay ku wada jireen isbaheysiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo sidoo kale Eritrea.

Dowladda Itoobiya waxay sidoo kale qayb ka tahay dagaalka Al-Shabaab, waxaana ciidamo ay ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo la dirira kooxda Al-Shabaab.

 

Sawirro: Falcelin xoogan oo ka dhalatay tallaabo uu R/W ROOBLE qaaday maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta garoonka Aadan Cadde, si heer sare ah ugu soo dhaweeyey wafdi ka socda dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, kaas oo uu hoggaaminayey wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalkaasi, Shakhbout Bin Nahyaan.

Wafdigan ayaa ka qayb-galaya xafladda caleema saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa looga hadlay soo dhaweynta wafdiga Imaaraadka, waxaana lagu sheegay in wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee dalkaasi uu wakiil ka yahay Madaxweyne Sheikh Maxamed Bin Zayed.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa soo hagaagayey maalmihii u dambeeyey, waxaana dadaal xoogan geliyey Ra’iisul wasaaraha oo marar kala duwan booqday Abu Dhabi.

Sidee looga falceliyey soo dhaweynta Rooble ee wafdiga Imaaraadka?

Hadal xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay soo dhaweynta wafdiga ka yimid Imaaraadka oo roog cas loo dhigay, waxaana Rooble lagu dhaliilay inuu soo dhoweynta wasiiru dowle u tego garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo ay joogaan wasiiro la dhig ah ninkaas.

“Wasiiru dowle miyuu reysul wasaarihii dhamaa garoonka u taaganyahay?” ayuu yiri Maxamed Bashiir oo ka mid ah dadkii ka falceliyey.

“Raisal wasare dalka wasiiru dawlo malahan miyaa? .. Waa laga fiicnaa in aad airporka tagto.” ayuu isna yiri Bashiir Khaliif Duceysane.

“Raysal wasaare maqaamkaaga ha iskaga ciyaarin ee wasiirada howshooda haqaban wasiiro maleh miyaa wadanku? dhigiisa in loo diro oo sooo dhaweey la dhaho waala heli karay meelkasta ka muuqo waa lagu muunad beelaa.” ayey iyaduna Binti Karar.

“Wasiiru Dowle ka hooseeya wasiir buuxa sidee Raisul wasaare usoo dhaweeya laakiin?” ayuu falcelintiisa ku yiri Cabdalla Jamaal Qorax Joog.

“Ra’iisul wasaare Mohamed Hussein Rooble waaa horumariyaha Somalia guul ayaan ku rajeynayaa.” ayuu dhankiisa yiri Shaafici Macallin Cabdullahi.

Sawirro: Sidee Ismaaciil Cumar Geelle iyo Uhuru loogu soo dhaweeyey Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyey, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Geelle ayaa ka qayb-galaya xafladda caleemaha saarka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka dhaceysa Teendhada Afisyoone ee Xerada Xalane.

“Ra’iisul Waaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa waxa ay si wadajir ah xarigga uga jari doonaan Xarunta Akadeemiyo Goboleedka Afsoomaaliga (AGA) oo bishii Febraayo sanadkii 2015-kii ay labaduba dhagax dhiggeen.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa isna soo gaaray garoonka Aadan Cadde, waxaana kusoo dhaweeyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe iyo safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Ambassador, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Uhuru Kenyata ayaa booqashadiisa Soomaaliya waxay kusoo aadeysaa, xilli uu isbedal weyn ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii ay isku dhaceen Farmaajo.

Dowladda cusub ayaa la filayaa inay isla amba-qaadaan si meesha looga saaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dal oo daris ah, kana dhexeeyo ganacsi xoogan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.

Xildhibaan Cabdisaabir oo u jawaabay Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ee uu ku weeraray taliyaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Hadalkaas oo ku jiray horudhaca wareysigii ugu horreeyey ee uu bixiyey, ayuu ku sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan aqoon fiican u laheyn, Mahad Salaad, oo haddii uu aqoon lahaa aanu ka dhigeyn agaasimaha NISA, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxwyne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma laha Mahad Salaad, haddii uu aqoon u lahaan lahaa ma uu magacaabeen. Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa qofka xog iyo sir qaranka leeyahay la wadaaga taliyaha cusub uu yahay qof sirtii qaranka u dhiibaya cadowga,” ayuu yiri.

Cabdisaabir ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku sheegay in wax layaab leh ay tahay in taliyihii hore uu si cad ula soo istaago saxaafadda in aan xogta dowladda lala wadaagin taliye sifo sharci ah ku maamulaya hay’adda.

“Waan ogeyn in Fahad iyo kooxdiisu shantii sano ee la soo dhaafay ay ka shaqeynayeen dhisitaanta dad iyo ciidan u rabayaad ah oo ugu shaqeeya si ka baxsan xeyn-daabka dowladnimada oo uu ka rajo qabo in ay amaro ka qaadanayaan iyaga oo aan wax-xil ah ka haynin dowladda,” ayuu yiri Cabdisaabir Shuuriye.

“Xogta uu leeyahay yaan lala wadaagin Mahad Salaad kiiska AUN Ikraam iyo Aamina miyaa, ileen xogta Fahad iyo waxa uu ka shaqaynayey oo dhammaystiran waa la ogyahaye?, Su’aasha kale maxuu noogu sheegi waayey cida uu doonayo in ay xogta siiyaan haddii uu u diidey taliyihooda sharciga ahaa? ma isaga ayaa raba in weli ay xogta ay la soo wadaagaan mise Al-Shabaab?”

Cabdisaabir ayaa sidoo kale sheegay inay wax yaab leh tahay in Fahad oo la ogyahay dalka uu u shaqeeyo iyo lacagta uu ka soo qaatay in uu naga iibiyo sirdoonadii ajnabi ayaan ka nadiifiyey hay’adda NISA, sida uu hadalka u dhigay. 

Dad badan oo ka falceliyey hadalka Fahad ayaa ku macneeyey mid muujinaya in Fahad uu ka quustay inuu Soomaaliya dib ugu soo laabto inta uu xukunka hayo Xasan Sheekh, iyo hanashada kursigii xildhibaan ee horey looga hor-istaagay.

Wiilka Macallin Maxamuud: Galmudug kama jiri karo maamul aan aheyn midka Axmed Qoor Qoor (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ah wiilka hoggaamiyaha guud ee xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ee gobollada dhexe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay halka ay ku dambeeyaan ciidamadii iyo saraakiishii u dagaalamay hoggaamiyeyaasha Ahlu-Sunna iyo sida uu u arko hadafka ay ku dagaalamayaan.

Wuxuu sheegay in culumada Ahlu-Sunna ay ka soo jeedaan dadka deegaanka, awood badana ay ku leeyihiin, isagoo meesha ka saaray inay jiraan kuraas laga siiyey baarlamaanka federaalka, si looga qanciyo tabashooyinka ay qabaan.

Xildhibaan Cabdisamad ayaa cadeeyey in Galmudug uusan ka jiri karin maamul aan aheyn kan rasmiga ah ee Axmed Qoor Qoor uu hoggaamiyo, balse loo baahan yahay in xal loo helo qaladaadka maamul ee ka jira Galmudug.

Cabdisamad oo wareysigaan siiyey TV-ga Somali Cable ayaa la weydiiyey sida uu u arko hadafka uu ku dagaalamo Aabihiis Macalin Maxamuud, wuxuuna ku jawaabay, “Horta anigu ma aaminsani in Aabahey qaldan yahay, weligeyna ma aaminin taas, waxaan xaqiijinayaa in Aabahey yahay nin mabda’ leh oo diinta u qidmeeya.”

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyo uusan ku metelin Ahlu-Sunna, “Kursigaan waxaan ku metelaa beel la yiraahdo Cayr-bari, farsamo iyo awood qeybsiga beelaha ee 4.5-ka ayaan ku helay kursigaan oo aniga iyo Senator saaxiibkey ah aan ku metelno beeshaas,” ayuu yiri.

Mar la weydiiyey halka uu hadda ku sugan yahay Aabihiis Macalin Maxamuud ayuu sheegay in meeshii uu doono uu tago, sida Muqdisho iyo Dhuusamareeb, “Bilo ka hor ayuu dalka, gaar ahaan degaanka Huurdhe u yimid Siyaartii Sheekh Yuusuf, wax ka hor taagan malahan inuu maro meeshii uu doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Xildhibaan Cabdisamad oo horay u soo noqday Xildhibaan, wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, haatana mar kale soo noqday xikdhibaan ayaa sheegay in dadka iyo dalka Soomaaliyeed ay markaan heystaan fursadii ugu wanaagsaneed, maadaama dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u soo xukumay dalka.

“Dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin dowlad ku hoggaamisa amni iyo cadaalad, waxaana rajeynaa inay tan noqoto,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Faah-faahin: Madaafiic xalay lagu garaacay xaafado ku dhow garoonka Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa tiro madaafiic ah oo xalay abbaare 2:00 habeenimo lagu garaacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, xilli maanta la calaamo-saarayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. 

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Illaa toddoba madfac ayaa ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, soona xiga dhanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaar ka mid ah madaafiicda ayaa ku dhacay guryo ay degan yihiin dad shacab ah oo xilligaas hurdayey, waxaana ku dhaawacmay 8 qof oo isku qoys ah, ayada oo sidoo kalena qof kale oo shacab ah, oo ka tirsan qoys kale uu ku dhintay.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka degga ah ee magaalada Muqdisho ayaan wax faah-faahin ah bixinin weerarkaan iyo khasaaraha ka dhashay.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo magaalada Muqdisho lagu soo rogay bandow soo billaabmay saacaddu marka ay ahayd 10:00-kii habeenimo ee xalay, kaas oo lagu adkaynayo ammaanka magaalada oo la filayo in Khamiista maanta ah ay ka qabsoonto xafladda caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Magaalada ayaa la filayaa inay soo gaaraan madaxweynayaal, ra’iisul wasaareyaal iyo madax kale oo ka qeyb-galeysa caleemo-saarka, waxaana jirta cabsi ku saabsan in madaafiic kale maanta lagu weeraro hoolka calaamo-saarka ee Afisyoone.

Weli ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda madaafiicdii xalay, hase yeeshee weerarada noocaan ah ayaa wxaaa horey mas’uuliyaddooda u qaadan jiray kooxda Al-Shabaab.

Magacyada madaxda ka qeyb-galeysa caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in maanta lagu caleema-saaro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, 25 maalmood kadib markii xilkaas loo doortay 15-kii May 2022.

Waxaa magaalada soo gaaray wafuud caalami ah oo ka qeyb-galeysa calaama-saarka, ayada oo la filayo in saakana ay soo gaaraan qaar ka mid ah madaxweynayaasha iyo ra’iisul wasaareyaasha lagu casuumay munaasabadda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxda qeyb galeysa caleemo- saarka madaxweyne Xasan waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa sidoo kale qeyb-galaya wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malaysia iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, waxaana qaarkood ku jiro wasiiro arrimo dibadeedyo.

Waxaa sidoo kale munaasabadda ka qeyb-galaya wufuud ka socota urur goboleedyo caalami ah, sida Qaramada Midobbe, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta, Urur Goboleedjka IGAD iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC). 

Madaxda lagu casuumay munaasabadda, oo isugu jiray kuwo xulafo la ahaa dowladdii Farmaajo iyo kuwo ay u aragtay cadow, ayaa astaan u ah ka dhabeynta hindisaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis ah la ah.

Dalalka xulufada la ahaa Farmaajo ee xafladda ka qeyb-galaya ayaa waxaa ka mid ah Qatar, Itoobiya iyo Turkey, halka dalalkii ay fogeysay ee la casuumay ay ka mid yihiin; Jabuuti, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.

Madaxweyne XASAN oo wadahadalkii u horreeyey la yeeshay Amiirka QATAR

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadalkiisii ugu horreeyey, kadib doorashadii uu kusoo baxay 15-kii bishii hore ee May la yeeshay Amiirta dalka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Labada mas’uul oo ku wadahadlay khadka Taleefoonka ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya, gaar ahaan isbedelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Maxamuud iyo Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan adkeynta xiriirka labada dowladood iyo sidii loo horumarin lahaa, sida ay ay baahisay wakaaladda wararka ee Qatar.

Amiirka ayaa sidoo kale Madaxweynaha cusub ugu hambalyeeyey guusha uu ka gaaray doorashadii Madaxweynaha, isaga oo u ballan qaaday inay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Dhankiisa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Qatar, isaga oo ugu baaqay inay kala qayb qaadato u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha taageero Soomaaliya, waxayna 5-tii sano ee lasoo dhaafay ay ku xooganeyd siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, iyada oo aad ugu dhoweyd kooxdii Villa Soomaaliya ee ay hoggaaminayeen Maxamed Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Si kastaba, wadahadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu socda loolan xooga oo u  dhexeeyo Qatar iyo Imaaraadka, wuxuuna dal kasta doonayaa inuu isku ballaariyo Somalia.

Toos: Xafladda caleema saarka Madaxweynaha oo ka socota Afisyoone

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Munaasabadda caleema Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow ka bilaabatay teendhada Afiysoone oo ku taalla xerada Xalane ee Muqdisho, taas oo si heer sare loo soo agaasimay.

Xafladda ayaa waxaa ka qayb-galaya madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waxaa sidoo kale qeyb-galaya oo madasha wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malaysia iyo dalal kale oo saaxiib la ah Soomaaliya, waxaana qaarkood ku jiro wasiiro arrimo dibadeedyo.

Madaxda lagu casuumay munaasabadda, oo isugu jira kuwo xulafo la ahaa dowladdii Farmaajo iyo kuwo ay u aragtay cadow, ayaa astaan u ah ka dhabeynta hindisaha madaxweyne Xasan Sheekh ee ah; Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis ah la ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa doonaya in Soomaaliya ay heshiis la ahaato dhammaan dalalka caalamka ee aan kusoo gardarroon, islamarkaana siyaasadda arrimaha dibedda dalka aan laga xukumin dal kale, si la mid ah tii Farmaajo oo laga xukumayey magaalada Doha ee dalka Qatar.

Madaxweyne Xasan Sheekh caleema-saarkiisa kadib waxaa laga sugayaa magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, ayada oo dastuurka uu dhigayo inuu ku magacaabo 30 maalmood kadib marka madaxweynaha la dhaariyo.

 

Isbeddel ku yimid habkii ay madax goboleedyada ku iman jireen Muqdisho – Maxaa dhacay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-bedelka hoggaamineed ee dalka ka dhacay ayaa saameyntiisa durba laga dereemayaa hanaanka ay gudaha Muqdisho u kala degeen madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Galmudug oo caawa ku hoyanaya Muqdisho ayaa degay Hotel ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Halka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo intii uu Farmaajo xukunka joogay aan soo dhaafi jirin agagaarka garoonka uu hadda degan yahay guri ka soo hor jeeda Madaxtooyada Soomaaliya.

Arrimaha cajiibka ah waa in Madaxweyne Laftagareen uu maanta markii u horeysay Muqdisho la yimid diyaarad sida ciidamo aad u hubeysan, halka xilligii uu Farmaajo xukunka hayay uusan wax ciidan soo wada jirin.

Ciidamada Nabad sugidda iyo Asluubta federaalka ayaa Laftagareen kasoo gelbi jiray garoonka, markii uu yimaado Muqdisho, balse hadda waxaa muuqata in arrintaasi ay is bedeshay, kadib guul daradii doorashada ee Madaxweyne Farmaajo.

Dhamaan madaxda dowlad goboleedyada ayaa hadda ku wada sugan Muqdisho, kuwaas oo berri ka qeyb gelaya xafladda caleemo saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhacaysa teendhada Afisyooni.

Madaxda iyo wafuuda berri ka qeyb galeysa caleemo saarka Madaxweynaha JFS waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Wafuud ka socota dowladaha Turkey, Sacuudiga, Qatar, UAE, Malaysia iyo dalal kale.

Saddex qof oo lagu arkay calaamadaha CUDURKA monkeypox oo la dhigay isbitaalka De Martino

Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex qof oo laga shakisan yahay cudurka furuqa daanyeerrada (Monkeypox), kuwaasi oo lagu arkay calaamadaha cudurka ayaa la dhigay Isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay laba ka mid ah dadkaas ay yihiin kuwa ku sugnaa magaalada Muqdisho, halka qofka kale uu dhowaan ka yimid dalka Koonfur Afrika.

Ilo-wareedyo caafimaad oo ka tirsan isbitalka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu socdo baaritaan lagu sameynayo dadkan, oo ay si wadajir ah ay u wadaan wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Saddex qof ayaa laga qaaday tijaabo caafimaad oo shaybaar ah, waxaana la sugayaa natiijada kasoo baxda.

“Illaa natiijada shaybaarka ay soo laabato ma dhihi karno weli waa cudurka monkeypox, balse waxaa ka muuqda caalamadaha, waxaan sugaynaa natiijada,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Sawir laga soo qaaday qof ka mid ah dadka uu soo ritay xanuunkaan oo la baahiyey ayaa muujinaya nabarro badan oo ka soo baxay qofkaas jirkiisa, waxaana lagu wadaa in dowladda Soomaaliya ay xanuunkaan war kasoo saarto, kadib markii ay sameyso baaritaano socda oo ay ka qeyb qaadaneyso WHO.

Sidoo kale warar ay heshay Caasimada Online waxay sheegayaan in deegaanada Somaliland lagu arkay hal kiis oo ah Busbuskaan halista ah ee afka qalaad lagu yiraahdo (Monkeypox).

Waa maxay cudurka monkeypox?

Monkeypox (Furuqa daanyeerrada), waa cudur uu keeno il-ma’aragga viruska oo qayb ka ah Orthopoxvirus genus, qoys ahaanna raacsan family-ka Poxviridae. Monkeypox Waa cudur virus ah oo ku dhaca xayawaaanka, una gudba bani’aadamka (zoonotic disease). Waxaa badanaana lagu arkay keymaha Afrikada Dhexe iyo Afrikada Galbeed.

Monkeypox calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah qandho, nabarro afka biyo iyo malax ku sita iyo qanjirro-barar, badanaa waa cudur si iskiis ah looga bogsado muddo 2 ilaa 4 toddobaad gudahood ah. Xaalado aad u daran ayaa dhici kara oo mararka qaar dhimasho keeni kara.

Monkeypox wuxuu ku gudbaa taabashada qof ama xayawaan qaba cudurka. Calaamadaha lagu garto waxay u egyihiin calaamadaha cudurka furuqa oo dunida hadda kahor laga dabarjaray, iyada oo la isticmaalay tallaal.

Xasan oo magacaabay la-taliyeyaashiisa arrimaha dastuurka iyo federaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa wareegto uu soo saaray ku magacaabay laba nin oo noqa doona la-taliyeyaashiisa arrimaha dastuurka iyo nidaamka federaalka.

Labada la-taliye ee caawa la magacaabay ayaa kala ah:

  1. Dr. Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo loo magacaabay la-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha dastuurka.
  2. Iyo Axmed Cabaas Axmed oo loo magacaabay la-taliyaha Madaxweynaha JFS ee arrimaha federaalka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu yiri, “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey La-Taliyeyaasha cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan dalka.”

Mas’uuliyiinta la magacaabay ayaa ka soo shaqeeyay hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’ado kale oo muhiim ah, waxayna khibrad dheer iyo aqoon durugsan u leeyihiin howlaha uu Madaxweynuhu u igmaday ee arrimaha dastuurka iyo federaalka.

Iidle Yare oo Muqdisho yimid soona saaray war ku saabsan xaaladdiisa iyo qorshihiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Cabdiraxmaan Cabdullahi Nuune (Iidle Yare) oo maalmihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey xaaladiisa caafimaad ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Iidle oo degan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo gaaray  Muqdisho, waxaana caafimaad loogu qaadi doonaa dalka dibediisa, si wax looga qabto xanuunada haya oo ay ugu darantahay Buro madaxa uga taalla.

Markii uu soo gaaray Muqdisho wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay u istaageen, isagoo si gaar ah ugu mahad celiyey Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye oo la sheegay inay ka dambaysay in Iidle Yare xaaladiisa caafimaad loo raadiyo daryeel dibada ah.

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa Maama Khadiija, waxaan ku leeyahay hooyo mahadsanid, waxaad tahay hooyo Soomaaliyeed, si gooni ayaan kuu salaamayaa hooyo,” ayuu yiri          Iidle Yare.

Waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Iidle Yare ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii aad ugu baahay baraha bulshada, kadib markii uu qoraal taabtay quluubta Soomaalida uu soo dhigay Facebook.

Farriinta Iidle Yare ee dadka Soomaaliyeed ka nixisay ayuu ku yiri, “Allaah ayaa idinkaga tegay ilmaheyga,” taas oo loo fasiray inuu taagan yahay xaalad quus ah, isla markaana uu isu qibleeyay geeri.

Tan iyo xalay, waxaa Nairobi ka socday dedaallo ay wadeen asxaabta iyo ehelka fannaankaas oo lagu xaqiijinayay badqabkiisa iyo halka uu ku sugan yahay.

“Sabtidii ayaan guriga ka baxay anigoo aaday cisbitaal. Markaas waxaa i xanuunayay gows. Markii aan cisbitaalka tegay, waxaa la ii sheegay in sokortayda ay kacsan tahay. Waan suuxay qol ayaa la i seexiyay, waxaan soo kacay anigoo moodaya in aan aakhiro joogo. Waxaan is iri waad dhimatay oo ma noolid,”ayuu yiri.

Mar uu ka jawaabay sababta uu u soo qoray erayada quusta ah ayuu yiri, “Halkii aan ka dhihi lahaa ilmahayga Soomaali ayaan idin kaga tegay, waxaan go’aansaday in aan iraahdo Alle ayaan idiinka tegay ilmahayga.”

Qoraal uu Kamaal Guutaale uga jawaabay weerarkii Fahad uu ku qaaday Mahad Salaad

Wareysiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo u warramay wariye Farah Geylan ayaa goos-gooskiisa waxaa iiga baxay in taliyuhu uu sugi waayay inta maamulka cusub ee Madaxweyne Xasan Sheikh uu hay’adaha dowladda si dhameystiran ula wareego, lana arko jihada dalka uu u kaxeeyo, ugu yaraanna sida caadada dowladnimada ah uu u sugo xitaa 100 maalin ee koowaad ee dowlad kasta xilligaas kadib keed la qiimeeyo.

Taliyihii hore wuxuu baaq farriin ah u dirsaday ururkiisii hore ee al-ictisaam si uu oga helo meel uu ku dhuunto “protection” iyo cid u doodda maa daama loo heysto danbiya waaaweyn iyo tacadiyo uu Qaranka ka galay, xasaanadii barlamaaniga aheyd ee uu ku talo galay maa daama ay meesha ka baxday, sida muuqata wuxuu baxsad ka yahay cadaalad ay dhibanayaashiisii maanta ay ka dalbanayaan hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa yaab leh isaga oo iska dhigaya nin weeraraya taliyaha cusub inuu si “indirect” ah farriin ugu diro hay’adaha dowladaha kale ee la shaqeeya hay’adeenna nabad Sugida ee uu leeyahay yaanan wax wada shaqeyn ah lala yeelan taliyaha cusub ama aanan xog lala wadaagin kollayba waa inta karaankiisa ah ama dowladihii uu u shaqeyn jiray oo hay’addeenna u dhex deganaa xilligii uu taliyaha ka ahaa.

Waxaa xusid mudan in afartii sano ee la soo dhaafay iney aheyd hay’adda NISA markii ugu badneyd ee ay ku dhex milanto dowlad ajnabi ah, cumalada dowladaasna ay iyada oo la wada ogyahay ay dhex daganeed xarunta hay’adda ee Habar Khadiija.

Weerarka uu taliyaha ku qaaday madaxweyne axmed Madoobe ma ahan mid cusub ee waa siyaasadii fashilantay ee reer Jubbaland lagu cunnaqabateeyay sanadihii la soo dhaafay, maamulkii Fahad diiqa ka ahaana uu kala garan waayay cadaawadda kaala dhaxeysa axmed Madoobe ha u ciqaabin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Jubbaland.

Intaas waa horudhac, wixii kalena waan sugeynaa!

W/Q: Kamaal Guutaale
Agaasimihii hore ee Villa Somalia 

Rooble oo qaabilay taliye ku-xigeenkii NISA ee ay isku dhaceen Farmaajo iyo Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda NISA General Cabdalla Cabdalla Maxamed oo uu horey shaqo joojin ugu sameeyey taliyihii hore ee hay’addaas Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Inkastoo xafiiska ra’iisul waaaraha uusan wax faahfaahin ka bixin kulankaas, haddana Cabdalla Cabdalla oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay inuu ra’iisul wasaare Rooble uga mahadcelinayo qaabilada uu u sameeyey iyo inuu mar kale dalka dib ugus oo dhaweeyey.

“Waxaan aad ugu mahad-celinayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Maanta igu qaabilay xafiiskiisa, si rasmi ahna iigu soo soo dhaweeyay inaan dib ugu soo laabtay dalkayga Hooyo, waxaana u rajaynayaa guul iyo mustaqbal wanaagsan, runtii ra’iisul wasaare Rooble waa badbaadiyaha qaranka, wuxuu khatar badan usoo galay in dalkaan doorasho ka dhacdo si nabad ah, wada ogol ah, xilkana lagu kala wareego si nabdoon,” ayuu Cabdalla Cabdalla ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xil ka qaadistii lagu sameeyey 

Cabdalla Cabdalla oo ahaa taliye ku xigeenkii koowaad ee hey’adda NISA iyo Taliye ku-xigeenkii kale ee hay’adaas Cabdulqaadir Maxamad Nuur oo Jaamac ku magac-dheer ayaa labadaba xilka laga qaaday kadib laba toddobaad oo qaraxyo is xig-xigay lala beegsaday agagaarka madaxtooyada, kuwaas oo ay dad ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.

Dowladdii hore ma sheegin sababta xilka looga qaaday Cabdalla Cabdalla, isagana wareysii uu siiyey VOA markii xilka laga qaaday kadib ayuu ku sheegay in uusan ogeyn sababta xilka looga qaaday.

Xubinimada NISa oo laga saaray

War qoraal ah oo 01-09-2018 kasoo baxay Hey’adda ayaa lagu sheegay in gabi ahaanba liiska xubnaha NISA laga saarey Gen. Cabdalla Cabdalla Maxamed, kaasoo soo noqday taliye ku xigeenka koowaad ee Hay’addaan.

Sababta ayaa lagu shaaciyay inay salka ku hayso wareysi uu siiyay Cabdalla VOA-da, oo eedeymo cul-culus ugu jeediyay hoggaanka sare ee NISA, oo uu sheegay inaysan u shaqeynin si waafaqsan nimaadka dowladnimo.

Marka laga soo tago qaladaad uu sheegay inay ka jireen gudaha Hay’adda, ayuu carabka ku dhuftay hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ay noqotay mid lagu caburiyo shaqsiyaadka dhaliila madaxa sare ee Dowladda Federaalka, oo lagu weeraro.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in go’aanka Cabadalla Cabdalla looga saarey Hay’adda ay qaateen Guddi la sheegay in la sameeyay, kuwaasoo baaris ku sameeyay sida hadalka loo dhigay qaladaadkii uu wareysiga ku galay.

Si gaar ah, waxaa farta lagu fiiqay in arrimaha xasaasiga ah ee uu banaanka soo dhigay Cabadalla Cabadalla uu ku lumiyay xubinnimadiisa Hay’adda, taasoo la sheegay inay ka hor-imaaneyso hanaanka shaqo ee hay’adda NISA iyo danaha qaran.

Arrimaha xasaasiga ah ee uu daboolka ka qaaday Cabdalla ayaa waxaa qayb ka ah in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku dhex-leeyihiin gudaha Hay’addaan xubno kuwaasoo si dhow ula shaqeeya una gudbiyay xogta dowladda.

Darajooyinkii ciidan

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa 09 September sanadkii 2018 ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed kadib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo uu xilligaas ahaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.