27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Darbaweyne oo banaan-bax ka iclaamiyey Muqdisho, una digay Farmaajo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Muxudiin Darbaweyne oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa dadka ku nool gobolka Banaadir ugu baaqay inay dhigaan banaan-bax ay uga soo hor jeedaan ololaha magaalada ka socda ee guriga loogu dhisayo Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Muxudiin ayaa carabka ku adkeeyey in Farmaajo iyo kooxdiisa ay wadaan fowdo ka dhan ah dowladda cusub, isla markaana aysan u dul-qaada doonin in Farmaajo oo indha sarcaadiyo dadka reer Muqdisho.

“War dadka reer Muqdishow in Madaxweynihii la doortay ay dad kale Madaxweyne kale ka geys dhistaan ma raalibaad ka tihiin? Maxaa dhacay maad waxaan ka dhiidhisaan, ma qaada karno waxa socda ee banaan-baxyo aan uga hor tagno, war reer Muqdisho laba Madaxweyne ma yeela karaan,” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne.

Sidoo kale Nabadoon Muxudiin ayaa Farmaajo ugu baaqay inuu ka xishoodo dadka reer Muqdisho, isagoo ugu baaqay inay dalka isaga baxaan dadka fowdada ku bilaabay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

“War reer Muqdishow dadkaan hadey inka xishoo waayaan iska qabta oo garaaca, qof kasta qof haku aado, maxay buuq noogu furayaan 3 bilood ayaa Farmaajo ra’iisul wasaare laga sugayee, maxaa laga rabaa Xasan Sheekh oo aan bil dhameysan? https://geembi.com/ ” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Dulmi, jidadka oo la idinka xiro, dil iyo cagajugleyn horaad uga soo daasheen reer Muqdishow ee iska qabta Farmaajo iyo kooxdiisa, magaaladaan labo madaxweyne ma yeela karto, Madaxweynaheenu waa Xasan Sheekh.”

Wuxuu ugu baaqay Farmaajo in shantii sano ee la sugaayey oo kale uu sugo Xasan Sheekh, “Hadii aad Farmaajo baaqeena maqli weyso waa la iska kaa qabanaa, war waa inaad deg deg dalka uga baxdaan dadkiina fowdada wadow, laba dowladood ma wada joogi karaan Muqdisho, wixii idinku dhaca masuul kama nihin, hadaa ka dhiga adeygtaan baaqeena,” ayuu yiri Muxudiin Darbaweyne.

Hoos ka Daawo

Madax qeyb ka ah caleemo-saarka madaxweyne Xasan oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya soo gaaray wafuud ka socda dalalka caalamka, kuwaasi oo ka qeyb-galaya caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafuudda ayaa waxa si gooni-gooni ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ugu dhaweeyen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna ka kala imaanayaan dalalka dariska iyo kuwa kale.

Sida uu qorshuhu yahay waxaa la filaya in magaalada Muqdisho maalinta Khamiista ee 9-ka bishaan in lagu qabto xaflada caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ay kasoo qeyb-gali doonaan madax badan oo ka kala yimid wadamada cilaaqadka wanaagsan naga dhaxeeyo.

Dhinaca kale, waxaa maanta qabsoomay kulan uu shir-guddoomiyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish, kaasi oo looga hadlayay u diyaar-garowga sugida Amniga Caasimada maalinta caleemo-saarka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxa kasoo qeyb-galay Wasiirka Wasaarada Amniga DFS, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Taliyeyaasha Qeybta Guud ee Booliska iyo Nabadsugida, Dhamaan Saraakiisha Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta caleemo-saarka madaxweynaha, ayaga oo ka codsaday bulshada Soomaaliyeed in dulqaad iyo adkeysi ay muujiyaan labada maalin ee fooda inagu soo heyso, maadama ay dhici karto in culesyo dhanka amniga ah laga dareemo munaasibadaas.

Cumar Filish oo shacabka u diray codsi ku aadan caleemo-saarka XASAN SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaar-garowga sugida amniga caasimada maalinta caleema aarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiirka wasaarada amniga DFS Cabdullaahi Maxamed Nuur, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabadsugida, dhamaan saraakiisha saldhigyada iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa la iskula dar-daarmay in ahmiyad guud la siiyo maalinta 9-ka june 2022 oo ku beegan Khamiis, maalintaasi oo ay dhici doonto caleema saarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, bulshada Caasimadda ayaa laga codsaday in ay dulqaad iyo adkeysi muujiyaan labada maalin ee foodda nagu soo heyso oo xoogga la saari doono amniga maadama ay caasimadda marti gelineyso xafladda caleemka saarka oo ay kasoo qeybgeli doonaan wufuud heer caalami oo Madaxweyneyaal leh.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan ayaa sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo culeesyo danka amniga ah labada maalin ee soo socota.

Sida ay sheegeyso xogta ay heshay caasimadda Online, saraakiiha amniga ayaa qorsheenaya in la xiro qeybo badan oo muhiim ah oo ka tirsan jidadka Muqdisho taasoo ay suuragal tahay in xataa loo diido dadka shacabka ah.

Qeybo kamid ah jidadka Muqdisho ayaa Maanta la xiray iyadoo xataa loo diiday inay dadka shacabka ah maraan, waxaana sababta lagu sheegay madaxweyne Xasan Shiikh oo booqasho ku tagayey xarunta wasaaradda Gaashaaadhigga oo ku taal jidka Warshadaha.

 

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo tegay wasaarada gaashaandhigga + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, isaga oo kulamo la yeeshay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ayaa la xiriirtay mid ugu kuur-geliyey hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu horreyn Madaxweynaha oo salaan ka qaatay ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi ayaa warbixin ka dhageystay wasiirka Gaashaandhigga iyo taliye Odowaa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan xerunta Wasaaradda Gaashaandhiga, isaga oo kala hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay bilaaban doonaan howlgallo cusub, wuxuuna faray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, inay u diyaar garoobaan howlgalladaasi.

Dhinaca kale ammaanka xarunta wasaaradda ayaa loo adkeeyey, iyada oo inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho la xiray, taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa maalmahan laba jibaaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkii ugu dambeeyey xalay laga sameeyey degmada Wadajir oo lagu soo qabtay burcad dhac geysaneysay.

Xasan oo la sheegay inuu ka fakarayo inuu ra’iisul wasaare u magacaabo haweeney

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Xuseen Warsame oo bare ka ah Jaamacadda University of Calgary ee dalka Canada ayaa shaaciyey in madaxweyne Xasan Sheekh laga yaabo inuu ra’iisul wasaare u magacaabo haweeney. 

Xuseen Warsame, oo xubin ka ahaa guddigii dhaqaalaha qaranka ee 2018 uu magacaabay madaxweyne Farmaajo, ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku sheegay inuu jiro war noocaas ah oo aad la iskula dhex-marayo. 

Waxa uu sheegay in haweeneydaas ay tahay qof dhaqaalyahan, balse uu jiro cadaadis xooggan oo ay madaxweynaha saarayaan xubno ku dhow oo doonaya in ra’iisul wasaaraha laga dhigo rag.  

Xuseen Warsame ayaa shaaca ka qaaday in haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhabeyn karo arrintan ay ka dhigi doonto inuu buugga taariikhda Soomaaliya ku galo inuu yahay aragti yahan isbeddel doon. 

Caasimada Online ma hayso wax xog ah oo ku saabsan in Xasan Sheekh uu haweeney u wado ra’iisul wasaaraha. 

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud ma ahan madaxweyne ka cabsada inuu isbeddelo taariikhi ah Soomaaliya. Bishii November 2012, ra’iisul wasaare Saacid ayaa wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya u magacaabay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu ka dambeeyey madaxweyne Xasan Sheekh. 

Xuseen Warsame, oo qaar ka mid ah dadka ku xiran boggiisa twitter-ka oo rumeysan la’ xogta uu shaaciyey ay su’aalo ku celiyeen, ayaa ku jawaabay “aad ayey dhab igaga tahay. Waxaa jira suurta-ganimo aad u wanaagsan oo ay arrintan ku dhici karto. 

Mar la weydiiyey in xilligan ay adag tahay in Xasan Sheekh uu gabar u magacaabo ra’iisul wasaare cadaadiska saaran darteed, wuxuu Xuseen Warsame ku jawaabay “way adagtahay. Waxaa se ay u baahan tahay geesinino iyo indheer-garadnimo. Madaxweyne Xasan na, labadaba waan ku tuhmayaa.”

Haddii madaxweyne Xasan Sheekh uu ra’iisul wasaare u magacaabo dumar waxay noqon doontaa markii ugu horreysay taariikhda Soomaaliya oo ay sidaas dhacdo.

Soomaaliya ayaa dhowaan dhigtay taariikh cusub, markii guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Soomaaliya loo doortay Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

DF Soomaaliya oo kordhisay qiimaha Xajka sanadkan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sare u qaaday qiimaha Xajka ee sanadkan, sida lagu sheegay warsaxafaadeed kasoo baxay guddiga sare ee qaabilsan adeegga Xajka.

Qoraalka guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qiimaha Xajadka ee sanadkan lagu jaan-gooyey lacag dhan $5,230,00 (Shan kun labo boqol iyo soddon Dollar), kadib markii uu qiimayn ku sameeyay daruufaha iyo isbeddelada ku yimid adeegyada Xajka ee Sacuudiga.

Sidoo kale guddiga ayaa faray shirkadaha ka shaqeeya adeegayada Xujeyda Soomaaliyeed in ay sare u qaadaan tayada adeegooda, isla-markaana ay la yimaadaan hufnaan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022 kadib Markuu sameeyay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta isbedelka ku yimid sicirka adeegyada xujeyda ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, duulimaadyada iyo kharashaadka kale ee lagama maarmaanka u ah adeegyada Xujeyda sanadka 1443/2022.

Markuu Tixgeliyay baahiyada iyo duruufaha sanadkan hareeyay guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed.

Markuu Tixgeliyay tala soojeedinta mas’uuliyiinta shirkadaha sanadkan adeegaya Xujeyda Soomaaliyeed.

Markuu latashi la sameeyay mas’uuliyiinta sar sare ee Wasaaradda ayaa la jaangooyay sicirka Qiimaha xajka ee Sannadkan oo ku baxaya  (Caafimaadka, Shaqaalaha Gudaha iyo Adeegyada kale).

Wuxuu soo saaray jaangooyada sicirka hoos ku xusan:-

DAGAAL xalay ka dhacay degmo ka tirsan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo koox hubeysan oo burcad ah ayaa xalay ku dagaalamay Waaxda Jenaraal Daa’uud oo ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana is rasaaseynta ka dhashay khasaare kala duwan.

Iska hor imaadka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Ceelqalow, kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgal ku qaadeen rag burcad ah oo ku howlanaa dhaca dadweynaha.

Cabdirisaaq Maxamed Yuusuf (Dalxiis) oo guddoomiyaha Waaxda Janeraal Daa’uud ee degmada Wadajir ayaa Wariyeyaasha u sheegay in 5 ka mid ah burcadda la qabtay, wuxuuna tilmaamay in xilligaas ay Mooto ku dhacayeen shacabka degmada Wadajir.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay jiraan rag kale oo ciidamada amniga ay ku raadjoogaan, isla-markaana uu socon doono howlgalka ka dhanka ah burcadda.

C/risaaq Dalxiis ayaa sidoo kale u mahadceliyey dadka shacabka ah ee soo gudbiyey xogta raggaasi, kadibna ay u suuragashay inay ciidamada ammaanka ay soo qabtaan.

”Aniga oo wakiil ka ah shacabka deggan waaxda koowaad ee degmada waxaan ka codsan lahaa in ay gacan naga siiyaan xogta burcada dhibaateeya shacabka si aan meel ugu soo wada jeesano cadowga ku howlan dhibaateynta shacabka daggan degmada,” ayuu yiri.

Habeenadii lasoo dhaafay ayaa waxaa ciidamada Booliska ay xoojiyeen howlgallada ka socda Muqdisho ee lagu xaqiijinayo amniga guud, si looga hortago falalka amni darrada ah.

K/Galbeed oo toogasho ku fulisay ninkii dilay Aamina, kadibna Suuliga ku riday

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta toogasho ah ku fuliyey Maxamed Xasan Maxamed (Goomey) oo lagu helay dilka Allaha u naxariistee Aamina Malaaq Muqtaar oo maalmo kahor si arxan darro ah loogu dilay Baydhabo.

Eedeysanaha oo saaka la horgeeyey Maxkamadda gobolka Baay ayaa waxaa lagu riday xukun dil ah oo ah qisaasta marxuumad Aamino Malaaq Muqtaar.

Dadweyne kala duwan, saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo ayaa isugu tegay fagaaraha lagu dilay Marxuum Maxamed Goomey.

Ninka dilka geystay ayaa Marxuumad Aamina waxay ku laheyd deyn, wuxuuna ugu yeeray gurigiisa oo uu u balan qaaday inuu ku wareejinayo, maadaama uusan bixi karin deyntii ay ku laheyd.

Hase yeeshee markii ay ugu timid gurigiisa ayuu dilay, kadibna wuxuu ku riday Suuliga, sidaas ayaana mudo maalmo ah lagu waysanaa meydka Marxuum Aamina, sida ay noo xaqiijiyeen ehelladeeda.

Baaritaan dheer kadib waxaa la sheegay in ninkii watay Bajaajta qaaday Aamino ee geysay guriga lagu dilay uu sheegay halkii ugu war dambeysay, waxaana lagu guuleystay in laga gun-gaaro kiiskaan oo la helo meydka, lana soo qabto ninkii dilka geystay.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay reer Baydhabo, waxaana baaritaan deg deg ah, kadib Koonfur Galbeed ay xukun dil toogasho kasoo saartay falkaas, kaas oo maanta la fuliyey.

Natiijada codkii kalsoonida ee loo qaaday R/W Boris Johnson

London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ka badbaaday cod kalsooni ah oo ay u qaadeen xildhibaanada xisbigiisa Conservative-ka, hase yeeshee waxaa aad loo wiiqay awooddiisa ayaada oo tiro aad u badan ay diideen.

Natiijada codka loo qaaday Johnson ayaa noqotay 211-148, taasi oo uu ku qeexay “natiijo qayaxan oo lagu qanci karo.” 

“Dowlad ahaan horey ayaan u socon karnaa oo diiradda saari karnaa arrimaha muhiimka ah,” ayuu weriyayaasha u sheegay. 

Codka — oo yimid laba sano un kadib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashada guud — ayaa la keenay kadib markii xisbiga Tory-ga ay hareeyeen fadeexado dhowr ah. 

Waxaa ugu weynaa fadeexadda “Partygate” ee soo shaac baxday markii uu xaflad ku qabtay xafiiska Downing Street xilli shacabka kale la geliyey xayiraad sababo la xiriira cudurka Coronavirus, taasi oo dhalisay caro dadweyne, kana dhigtay ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.  

Johnson oo 57 jir ah ayaa u baahnaa taageerada 180 xildhibaan si uu u badbaado — taasi oo ah aqlabiyadda 359-ka xildhibaan ee xisbigiisa ugu jira baarlamanka. 

Guuldarro ku dhacda ayaa ka dhignaan laheyd inay soo geba-gebowdo hoggaankiisa xisbiga iyo xilka ra’iisul wasaaraha. 

Waxaa hadda ay diiradda u wareegeysa haddii Johnson uu ka badbaadi karo inuu lumiyey kalsoonida tiro sidaas u badan oo ah xildhibaanadiisa — iyo haddii wasiiro sare ay is-casili doonaan.

Codbixino hore oo ay sameeyeen xubnaha Tory-ga, Margaret Thatcher iyo Theresa May ayaa labadaba ugu dambeyn is-casilay inkasta oo ay si dirqi leh uga badbaadeen codka kalsoonida oo loo qaaday.  

“Dowladda Conservative-ka waxay hadda rumeysan tahay in jebinta sharciga aysan caqabad ku aheyn sameynta sharciga,” waxaa sidaas yiri Keir Starmer oo ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labor-ka.

“Xisbiga Conservative-ka wuxuu hadda rumeysan yahay in shacabka Britain aysan xuquuq u laheyn inay fishaan siyaasiyiin daacad ah,” ayuu yiri. 

Codbixinta ayaa saaka oo Talaado ah qabsatay bogagga hore ee wargeysyada Britain, ayada Boris Johnson loogu yeeray “nin dhintay oo socda.” 

Maxay DF uga aamustay aflagaadada loo gaystay Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal Islaam oo dhowr ah oo aan weli cambaareyn aflagaadad ay gabar ka tirsan xisbiga maamulka India ee BJP u gaysatay Nebi Muxamed صلى الله عليه وسلم. 

Dalalka Islaamka ee illaa hadda cambaareyey gefka India ayaa kala ah; Imaaraadka Carabta, Turkey, Oman, Indonesia, Iraq, Maldives, Jordan, Libya, Bahrain, Kuwait, Iran, Qatar iyo Sacuudi Carabiya, ayada oo liiska uu sii kordhayo. 

Ma cadda haddii xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble aysan weli ku baraarugsaneyn arrintan, iyo haddii ay go’aansatay inay isaga aamusto.  

Afhayeenka BJP Nupur Sharma ayaa aflagaadeysay Nebiga NNKH iyo xaaskiisa Caa’isha ayada oo ka qeyb galeysay dood taleefishin, halka madaxa warbaahinta xisbiga BJP Naveen Kumar Jindal uu qoraal aflagaado ah soo geliyey twitter-ka. Xisbiga BJP ayaa shaqo joojin ku sameeyey labada xubnood. 

Caasimada Online ma soo qori karto hadallada ay sheegtay gabadhaas, maadaama ay gef yihiin, islamarkaana bahaintooda ay ka dhigan tahay gefka oo lasii faafiyey. 

Dalal Islaamka badankood ayaa u yeeray safiirada India u jooga dalalkaas, ayaga oo u dhiibay qoraallo cabasho oo rasmi ah, kana dalbaday raali-gelin.

Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC), oo Soomaaliy ay xubin ka tahay, ayaa sheegay inuu sida ugu xooggan u cambaareynayo aflagaadada ay Nebiga NNKH u gaysteen xubnaha ka tirsan xisbiga BJP. Hase yeeshee dowladda Soomaaliya weli lagama hayo qoraal u gaar ah.

Ka sokow dowladda Soomaaliya, shacabka Soomaaliya iyo culimada ayaa sidoo kale weli si aad ah ugu baraarugsaneyn arritan, ayada oo weli aysan xitaa culimada waa weyn ee dalka aysan ka hadal.   

Shacabka dalalka Islaamka qaarkood ayaa billaabay olole ka socda baraha bulshada ayaga oo dalbanaya in la qaadaco dhammaan badeecadaha ay soo saarto India, balse Soomaalida weli si buuxda uma mid ahan arrintan. 

Dhanka kale, guddoomiyaha labada Xaram ee shariifka ah Sheekh Cabdiraxmaan Sudaysi, ayaa si kulul u cambaareeyey hadallada aflaagadada ah ee ka dhanka ah Suubanaha NNKH.

“Ficilladan foosha xun kama tarjumayaan ixtiraamka diimaha, islamarkaana kuwa sameeyey ma aysan aqrin taariikhda Nebiga NNKH. In Nebiga la aflagaadeeyo waxaa ka kheyr roon dunida oo dhan oo la gediyo,” ayuu yiri Sheekh Sudaysi. 

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda Muqdisho iyo wadooyinka oo xiran

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka socda howlgallo ay wadaan ciidamada ammaanka iyo diyaar garow ku aadan xafladda caleema saarka Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ayaa saaka kusoo waabariistay jidadka oo xiran, kadib markii lagu soo daadiyey ciidamo Boolis ah oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo hakiyey dhaq-dhaqaaqa guud.

Ciidamada ayaa wadooyinka ka celinaya gaadiidka dadweynaha, kan gaarka loo leeyahay iyo mootooyinka Bajaajta, taas oo saameyn ku yeelatay isku socodka dadweynaha.

Wadooyinka xiran waxaa ka mid ah Isbitaalka Xooga, Sheekh Cali Suufi,  Isgoyska Banaadir, Soobe, KM4, Wadada 21 Oktoobar iyo jidka dheer ee Maka Al-Mukarama.

Arrintan ayaa si gooni saameyn ugu reebtay ardayda, dadka u socda shaqooyinka maalinlaha ah, kuwa aadaya goobaha iyo guud ahaan dhaq-dhaqaaqa ganasiga.

Sida ay ogaatay Caasimada Online sababta loo xiray jidadka ayaa la xiriirta booqasho uu Madaxweynaha Soomaaliya maanta ku tegayo wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhinaca kale ciidamada dowladda ayaa laba jibaaray howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana howlgalkii ugu dambeeyey xalay laga sameeyey degmada Wadajir oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo ciidanka la dagaalamay.

Si kastaba, xaalada guud ayaa haatan degan, marka laga reebo xirnaashaha waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, kadib ciidamada iyo gaadiidka dagaal ee lasoo dhigay.

Madaxweynihii ugu mushaarka badnaa Afrika oo doonaya in guri loo qaaraamo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wali ka wada Baraha Bulshada olole ay ugu magac dareen “Mahadsanid Madaxweyne”, kaasi oo looga goleeyahay in guri loogu dhiso Farmaajo.

Ilaa iyo hadada dadka Soomaaliyeed waa ka gadmi la’dahay in Farmaajo uusan heesan dhaqaalo uu guri ku iibsado, laakiin ololahaan ayaa la aaminsanyahay ujeedkiisu inuu yahay sii heesashada taageerayaasha kooxdaan. 

Markii uu soo baxay mashruuca guriga loogu dhisaayo Farmaajo ayaan waxaan baaritaan ku samaynay mushaarka iyo xuquuqda Farmaajo uu ka qaadanayay dowladda intii uu xafiiska joogay, maadaama qofka ugu sareeya dowladda ilaa qofka ugu hooseeya ay yihiin shaqaale u shaqeeya dadka iyo dalka dowladdana ka qaata xuquuq. 

Sidoo kale waxaan baaritaanka ku ogaanay xuquuqda maamuus ee madaxweyne Farmaajo uu dowladda ka qaadan doono inta uu noolyahay, taa oo u billaabatay maalintii uu xilka wareejiyay. 

Xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyada, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Bankiga Dhexe ee dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Farmaajo bil kasta uu mushaar ahaan u qaadanayay intii uu joogay xafiiska lacag dhan 60-kun oo dollar.

Sanadkii wuxuu dowladda ugu shaqaynayay 720-kun oo dollar. Marka la isku daro 63-bilood, ama (shan sano iyo saddex bilood) oo uu fadhiyay xafiiska ugu sareeya dalka, wuxuu Madaxweyne Farmaajo mushaar ahaan u qaatay $3,780,000 (Saddex malyan toddoba boqol iyo sideetan kun oo dollar).

Intaas waa kaliya mushaarka Farmaajo uu ka qaatay dowladda intii uu shaqaynayay, kumana jiraan xuquuqaha kale ee madaxweynaha iyo lacagaha danaha kale lagu dabarayay.

Waxaan sidoo kale ogaanay lacagta uu xaqa u leeyahay Farmaajo oo uu qaadan doono inta ka dhiman noloshiisa, taas oo u billaabatay maalintii uu xafiiska baneeyay.

Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Farmaajo bil kasta Account-kiisa gaar ah ay ugu dhici doonto lacag dhan 25-kun oo dollar, taas oo ka dhigan sanadkii $300,000 oo kun oo dollar. Waxaa xusid mudan lacagtaan maamuska ah inuu sidoo kale bil kasta uu qaadan jiray Madaxweynaha hadda Xafiiska jooga Xasan Sheekh Maxamuud intii uu mucaaradka ahaa.

Intii aan baaritaanka ku jirnay waxaan ku ogaanay in mudo xileedkii hore ee Maaxweyne Xasan Sheekh uu mushaar ahaan u qaadan jiray 8-kun oo dollar oo ah lacag aad uga yar tan uu mushaar ahaan u qaadanayay Farmaajo.

Mushaarka Xasan Sheekh ee xiligaas iyo ka dhan dhammaan Madaxda kale iyo shaqaalaha dowladda hal mar ayaa la jaangooyay, waxaana la marsiiyay baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay. 

Xubnaha Wasaaradda Maaliyadda ee aan la hadalnay waxay inoo xaqiijiyeen in mushaar kordhinta Farmaajo aanan la marsiin baarlamaanka, sidoo kalana aanan hal mar lagu soo darin warbixinta muusaaniyadda dowladda, taasi oo ka dhigan in Farmaajo uu qaatay lacag sharci-darro ah.

Farmaajo halkee ayuu uga jiray madaxweynayaasha ugu mushaarka badan Qaarada Afrika. 

Inkastoo Kooxda Farmaajo ay aad u qarinayeen inta uu la egyahay mushaarka Madaxweynaha, ayaa hadana xogtaan laga ogaaday hay’adaha qaabilsan maamulka miisaaniyada Soomaaliya, waxay cadaynayaa in Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Madaxweynaha ugu Mushaarka badan Qaarada Afrika, islamarkaana sanadkii uu Soomaaliya ka qaadanayay lacag dhan $720-kun oo dollar. 

Kaalinta labaad waxaa ku jira Madaxweynaha dalka Cameroon Paul Biya – oo qaata $620,976, Halka saddexaadna uu ku jiro Boqorka Dalka Morocco  King Mohammed – kaas oo mushaar ahaan u qaata Sanadkii $488,604.

Hadaba Madaxweyne Farmaajo oo ahaa madaxweynihii ugu msuhaarka badnaa Qaarada Afrika shantii sano ee la soo dhaafay, mushaarna u qaatay $3,780,000, haddana asaga oo aanan xil hayn sanadkii qaadanaya $300,000, ma u baahanyahay in qaaraan guri loogu dhiso.?

W/Q: Muxudiin M Abdulle 

JAWAARI oo si cajiib ah uga hadlay ololaha ‘guriga loogu dhisayo’ Maxamed Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guriga la sheegay in qaaraan dadka laga uruuriyey loogu dhisayo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari oo wareysigaan siiyey Tv-ga Dalsan ayaa fowdo weyn iyo ceeb ku tilmaamay guriga Farmaajo loo dhisayo, isagoo sheegay in Madaxweynihii hore uu leeyahay xuquuq dastuuri ah, isla markaana uusan qaaraan u baahneyn.

“Dadka Farmaajo dhahaya guri ayaan kuu dhiseynaa, waxay wadaan faduul iyo sharaf dil ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa Farmaajo kula talinaaya waxay kuu dhiseynaa guri oo lacag ayaan kuu uruurineynaa, waxay wadaan fowdo lagu ceebeynayo shacabka, waxaan u soo jeedinayaa inay ka haraan waxaas,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka, wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda siyaasadda ay horay maamuus ugu sameeyeen madaxweynihii xukunka si nabad ah uga dega.

“Wuxuu sharcigeenu qabaa madaxweynihii aan qiyaano qaran gelin oo si nabad ah xukunka ku wareejiya inuu xaq u yeelanayo xildhibaan inta uu noolyahay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray guddoomiye Jawaari.

Profosser Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si dhameystiran aan wareysigiisa loo baahin ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, isbadalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, guriga Farmaajo loo dhisayo waxa uu sharcigu ka qabo, nooca uu yahay iyo astaamaha lagu xula karo Ra’iisul Wasaaraha loo baahan yahay xilligaan, kursigii Baydhaba looga soo diiday iyo  arrimaha kursiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudo dheer lasoo shaqeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo laba jeer soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, balse Farmaajo ayaa xukunka ka tuuray, kadibna Laftagareen ayuu sheegay inuu ka hor istaagay inuu mar kale u tartamo kursigiisa.

Daawo: Muuse Geelle oo sharxay sababtii ay doorashada uga reebeen Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka dhacay Muuse Geelle Yuusuf ayaa markii ugu horeysay wareysi uu bixiyey ku faahfaahiyey dhibaatooyinkii ay ka soo mareen inay dhacdo doorashadii socotay 21-ka bilood.

Sidoo kale Muuse Geelle ayaa ka hadlay kursigii ugu muranka badnaa doorashada dalka ee Beledweyne uu ka soo qaatay Fahad Yaasiin, kaas oo ilaa hadda aan xildhibaan rasmi ah loo dooran.

“Kursigaas wuxuu ka mid ahaa kuraas uu habraaca doorashadu ka qaldamay, beel ayaana iska laheyd oo ilaa hadda laga war sugaa, beesha ayaa laga doonayaa inay qof u doorato kursigaas HOP086,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin aysan gaar u beegsan, laakiin kursigaas uu ka mid noqday kuwo ku soo baxay xaalado aan fiicneyn oo indhaha ay ka fiirsa waayeen, “kadibna amar ayaan bixinay ahaa in doorashada kuraastaas lagu noqdo, waana lagu noqday qaarkood.”

Markii ay Baydhaba u tageen xalinta kuraastii kale ayuu sheegay in arrinta kursiga HOP086 ay maxkamadda sare jirtay, taas oo dacwo uu u geystay Fahad Yaasiin, sidaasna ay ku dhaafeen.

Muuse Geelle oo wareysigaan siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxay caqabadihii ugu waaweynaa ee qabsaday, isagoo sheegay in mar kaliya aysan faro gelin ka nasan.

“Qolo kasta waxay naga hor istaageysay wixii aysan u arkeyn in danu ugu jirto, xitaas beesha caalamka ayaa faro gelinta qeyb ka aheyd, dowladaha caalamka qaar waxay doonayeen in hoggaamiyaashii hore ee dowladda ay meesha ka baxaan, qaarna waxay doonayeen inay xukunka ku soo laabtaan,” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Wuxuu sheegay in wax faro galin ah oo ay dhibsadeen aysan kala kulmin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay ayagu gaarayeen go’aanadii doorashada, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu ahaa hoggaamiyaha guud ee doorashada dalka.

Mar wax laga weydiiyey eedeyntii Madaxweyne Laftagareen ee aheyd ‘warqadaha guddiga doorashooyinka meelo kale ayaa looga soo qoraa Muuse Geelle’ ayuu ku jawaabay, “Laftagareen marar badan ayuu waxaan jirin igu eedeeyey, weligiis R/Wasaaruhu wax nooma soo qorin, marka waa dacaayad nagala faafiyey.”

Muuse Geelle ayaa sheegay in doorashadaan ay aheyd tii ugu dhibka badneed, laakiin ay noqotay tii ugu laaluush bixin yareed, isagoo tusaale u soo qaatay kaalintii ay ku lahaayeen golaha wadatashiga qaranka oo ka baaraan degay arrimaha laaluushka.

29-kii bishii hore ee May ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala diray guddigii doorashooyinka heer federaal, isagoo ku amaanay shaqadii ay qabteen, xilligaas Rooble wuxuu ka war helay wadahadal hoose oo xubno ka tirsan guddiga ay kula jireen Fahad Yaasiin oo doonayey in guddigu uu fasaxo kursigiisa.

Hoos ka daawo wareysiga

Sheekh Cusmaan Barre oo shaaciyey dhibaatooyin ay FARMAAJO ku qabeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka HirShabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii la soo shaqeysay Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhibaatooyinkii ay HirShabeelle ku qabtay nimaadkii Farmaajo.

Wuxuu sheegay in dowladii uu Farmaajo hoggaaminayey ay kor uga eked dowlad, balse gudaha aan looga shaqey jirin sharci dowladnimo, isagoo sheegay in dadka qaarna la dilay, qaarna ay cabsi ku noolaayeen.

“Dowladii Farmaajo dadka waxay ka dhigtay qof cabsi ku nool, qof jeelka la dhigay iyo qof la dilay, waxay aheed dowladii ugu liidatay tan iyo burburkii, dastuurkii ayey baabi’isay heybadii Soomaaliya ayey baabi’isay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan Barre.

Wuxuu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada ay cabsi ku joogeen xukunka, halka madaxda dowlad goboleedyada qaarna ay ku baxeen cadaadiskii ay saartay xukuumadii Farmaajo.

“Waxaa ugu daraa HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo cadaadis xun la saaray, markii la cuuryaamiyey maamulladaas waxaa fursad helay Al-Shabaab oo meel kasta u fariistay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu dul istaagay sida uu Farmaajo ugu tuntay dastuurka dalka, isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in muhiimad uu siiyo dastuurka oo wadadii uu Farmaajo ku socday uu ka leexiyo dowladnimada.

“Soomaaliya intii Farmaajo xukunka joogay waxaa la iskula joogay xoog, waxaa meel la iska dhigay nimaadkii dowladnimada iyo shuruucdii dalka, waxyaabaha ugu daran ee Madaxweyne Xasan Sheekh sugaaya waxaa ka mid ah soo celinta xiriirkii dowladaha caalamka, maadaama uu dalkeenu weli tabar yaryahay,” ayuu yiri Sheekh Cusmaan.

Hoos ka daawo wareysi uu siiyey TV-ga Somali Cable

Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay qaar ka mid ah askartii la geeyey Gedo

Doolow (Caasimada Online) – Maxkamdda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida qeybteeda 27-aad ayaa xukunno kale duwan ku ridday afar xuux oo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka kuwaas oo kamid ahaa ciidamada Nabadsugidda iyo kuwa Militariga ee geeyey Gobolka Gedo.

Askarta xukunka lagu riday ayaa waxay xeer ilaalinta kusoo eedeysay in ay horay u geysteen dilal kale duwan oo ka dhacay gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Afartaan askari ayaa xeer ilaalintu sheegtay in dilal qorsheysan siyaabo kale duwan ay ugu geysteen dad shacab ah, kuwaas oo lagu dilay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, Askarta xukunka lagu riday ayaa loo soo jeediyey eedeyn la xiriirta in ay sameeyeen qalqal galin amni, waxaana lagu kala riday xukkunno dil toogayo iyo xabsi ciidan ah.

Dable ka tirsanaa NISA  oo lagu magacaabo Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xoogga Dalka Salmaan Ibraahin Shire ayaa lagu xukumey dil toogasho ah.

Halka Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumey Seddax sano oo xarig ah, iyadoo Sharmaake Muxumed Cali isna  lagu xukumay hal-sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha maxkamada darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27-aad, Gashaanle Maxamed Amiin Cabdulle Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunkaan, waxaana sidoo kale eedeysanayaasha la siiyay fursad ay dalban karaan racfaan muddo bil ah kadib markii maxkamaddu xukuntay.

Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe laba weji leh oo looga ‘adkaanayo’ AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan-qaaday inuu ka adkaan doono kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay dib ugu xoogeysatay dalka shantii sano ee uu maamulayey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Inta badan degmooyinkii la xoreeyey markii aan madaxweynaha ahaa muddo xileedkii koowaad, mar kale ayey gacanta ka baxeen,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyey wargeyska The Economist. 

Intii uu Farmaajo madaxweynaha ahaa, Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay si weyn ugu dhex-milmeen hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga. 

Kooxda ayaa hadda maamusha dhul baaxad leh, waxayna canshuur ka qaadaan inta badan gacnacsata dalka, gaar ahaan kuwa Muqdisho oo dakhliga ugu badan uu kooxdan kasoo galo. 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay maanta ururiso canshuur ka badan tan dowladda, oo ay nidaam dowladeed ka dhex sameyeen dowladda federaalka, taasi oo uu nasiib darro ku tilmaamay.

Muddo xileedkii koowaad ee Xasan Sheekh, Al-Shabaab sidan uma awood badneyn. Inkasta oo ay ganacsatada qaar ka qaadi jireen canshuur, haddana uma baaxad weyneyn heerka ay gaareen shantii sano ee Farmaajo. 

Madaxweynaha cusub ayaa ku dhowaaqay inuu damacsan yahay inuu billaabo weerar cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si uu dib ugu riixo baadiyaha. Waxa uu sheegay in markaas kadib kooxdan wada-hadal lala geli karo. 

“Aragtideena waa inaan meesha ka saarno sheekada Al-Shabaab, oo aan shacabka tusnaa in dowladdu ay ilaalineyso caqiiqaddooda. Tan waxay ka dhigan tahay inaan qaadno dagaal laba weji leh,” ayuu yiri. 

Dunida Islaamka oo jawaab ka bixisay aflagaado cusub oo loo gaystay Nebiga NNKH

New Delhi (Caasimada Online) – Dalalka Islaamka ayaa si caro leh uga jawaabay aflaagado ay Nebiga NKKH u gaysteen xubno ka tirsan xisbiga haya talada dalka India ee Bharatiya Janata Party (BJP).

Afhayeenka BJP Nupur Sharma ayaa aflagaadeysay Nebiga NNKH iyo xaaskiisa Caa’isha ayada oo ka qeyb galeysay dood taleefishin, halka madaxa warbaahinta xisbiga BJP Naveen Kumar Jindal uu qoraal aflagaado ah soo geliyey twitter-ka. Xisbiga ayaa shaqo joojin ku sameeyey labada xubnood. 

Dalal badan oo Carbeed ayaa u yeeray safiirada India, halka wasaaradda arrimaha dibedda Pakiustan ay war-saxaafadeed ku cambaareysay hadalladan sidan weyn gefka u ah iyo jawaabta BJP. 

“Hadalladan aan gebi ahaanba la aqbali karin, ma aysan dhaawicin kaliya dareenka dadka Pakistan balse waxay dhaawaceen dareenka balaayin Muslimiin ah oo caalamka ku nool,” ayaa lagu yeeray war-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibedda.

Wasaaradda Arrimaha Dibeda Qatrar ayaa u yeertay safiirka India una gudbisay qoraal rasmi ah oo ay ku muujineyso sida ay dowladda Qatar “uga niyad jabtay, u diidan tahay una cambaareyneyso hadalladan.” 

“Dowladda Qatar waxay ugu baaqeysaa dowladda India inay si deg deg ah u cambaareyso hadalladan, si shaacsanna uga raali-geliso dhammaan Muslimiinta caalamka,” ayuu yiri Majed Mohammed Al Ansari oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar. 

Dowladda Kuwait ayaa sidoo kale u yeertay safiirka India, waxayna sheegtay inay u gacan gelisay qoraal rasmi oo cabasho ah, oo Kuwait ay ku diiday kuna cambaareyneyso hadallada sarkaalka ka tirsan BJP.

Dhanka kale, guddoomiyaha labada Xaram ee shariifka ah Sheekh Cabdiraxmaan Sudaysi, ayaa si kulul u cambaareeyey hadallada aflaagadada ah ee ka dhanka ah Suubanaha NNKH.

“Ficilladan foosha xun kama tarjumayaan ixtiraamka diimaha, islamarkaana kuwa sameeyey ma aysan aqrin taariikhda Nebiga NNKH. In Nebiga la aflagaadeeyo waxaa ka kheyr roon dunida oo dhan oo la gediyo,” ayuu yiri Sheekh Sudaysi. 

Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) ayaa dhankiisana sheegay inuu sida ugu xooggan u cambaareynayo aflagaadada ay Nebiga NNKH u gaysteen xubnaha ka tirsan xisbiga BJP. 

Dowladda Sacuudiga ayaa hadallada afhayeenka BJP ku qeexday aflagaado cad, waxayna dalbatay in la ixtiraamo diimaha oo idil, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. 

Sida uu ku warramay Taleefishinka Al-Jazeera, Xisbiga BJP ayaa horey uga faa’iideystay siyaasad ahaan inuu qaado talalabooyin ka dhan ah muslimiinta India, ayada oo lagu yaqaan siyaasad Muslim naceyb ah oo ku dhisan sareynta Hindu-ga. 

Hase yeeshee, hadallada ka dhanka ah Nebiga NNKH ayaa dhaliyey caro caalami ah, oo hadda India ay bixineyso qiimahooda. 

Dhinaca kale, shacabka dalalka Islaamka qaarkood ayaa billaabay olole ka socda baraha bulshada ayaga oo dalbanaya in la qaadaco dhammaan badeecadaha ay soo saarto India. 

Danjire Jamaal Barrow oo soo saaray dalab ka dhan ah safiirada jooga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Nigeria, Amb. Jamaal Barrow ayaa si weyn u dhaliilay hab dhaqanka safiirada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, wuxuuna arrin ka baxsan diblomaasiyadda ku tilmaamay inay maalin walba tegaan xafiisyada madaxda ugu sarreysa dowladda.

Jamaal Barrow oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xusay in safiiradu ay dhex wareegaan xafiisyada dowladda iyada oo aysan ka warqabin wasaaradda arrimaha dibadda.

“Tusaale waxay dhex wareegaan xafiisyada dawladda heerarkooda kala duwan iyagoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka warqabin, taasoo ah hey’adda u xilsaaran la macaamilka diblomaasiyiinta ajaanibta ah. Ilaa haddana lama hayo cid yac tiraahdo oo nidaamka sax ah ku toosiya,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray safiirka Somalia u fadhiya dalka Nigeria.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa kaloo, nidaamka diblomaasiyadda baalmarsan in diblomaasi ajnabi ah dhambaal madaxdiisa ka sida si toos ah ugu gudbiyo madaxda ugu sareysa dalka,”.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay mid lala yaabo, wuxuuna intaasi raaciyey in xittaa aan la garaneynin cidda ballamisa.

“Arrimaha kaloo yaabka leh waxa weeyaan in baraha bulshada maalin kasta la soo dhigo sawiro diblomaasiyiin ajanabi ah oo la shirayo madaxda ugu sareysa dalka, lama yaqaano cidda balamahaas u fududeeysa,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Jamaal.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in arrintan wax weyn laga qabto, wuxuuna ka dalbaday wasaaradda arrimaha dibadda inay diyaariso xeer lagu hagayo diblomaasiyiinta shisheeye.

“Haddaba, si looga baxo fowdadan diblomaasiyadeed waxa waajib ah in Wasaaradda ay diyaariso xeer-nidaamiye hagaya diblomaasiyiinta dalka ka hawlgala, isla markaana ciddii ku xad-gudubtana lala xisaabtamo, sida ay sameeyaan dalalka adduunka oo dhan,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo kadib doorashadii 15-kii May ay xoogeysteen dhaq-dhaqaaqyada safiirada caalamka ay ka wadaan dalka, gaar ahaan Qatar iyo Imaaraadka.

Wax ka ogow madaxda kasoo qeyb galeysa caleemo saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si weyn looga dareemayaa qaban-qaabada xafladda caleema saarka madaxweyaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la filayo inay dhacdo 9-ka bishaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubnaha qaabilsan diyaarinta xafladda ayaa diyaar garow xooggan ugu jira soo dhowaynta wafuud heer caalami ah oo Muqdisho uga qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha.

Ilaa hadda waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi u hordhac u ah oo ka wakil ah qaar kamid ah madaxda Afrikaanka ee lagu casuumay xafladda caleemo saarka madaxeynaha sida madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijiyey inay xafladda ka qeyb galayaan waxaa kamid ah:

1- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta
2- Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
3) Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Kenya Uhuru iyo kan Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay wax xiriir ah la laheyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ku eedeeyey inay faragelin ku hayaan siyaasada arrimaha gudaha Soomaaliya.

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isagu xiriir fiican la lahaa madaweynihii hore ee Soomaaliya, waxaana shantii sano ee lasoo dhaafay isaga iyo Farmaajo ka dhaxeeyey iskaashii dhinacyo badan ku saabsan.

Illaa hadda lama xaqiijin inuu xafladda caleema saarka madaxweyne Xasan Shiikh kasoo qeybgeli doono madaxweynaha dalka Eretariya Isaias Afwerki kaasoo isna kamid ahaa madaxdii sida weyn ugu dhaweyd madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Kadib caleema saarka madaxweyne Xasan Shiikh waxyaabaha ugu horreeyo ee laga filayo ayaa waxaa kamid ah soo celinta xiriirka dowladihii uu go’ay cilaaqaadkii kala dhaxeeyey Soomaaliya Shantii sano ee lasoo dhaafay.