25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Xasan oo ku dhowaaqay dagaal culus kuna amray GALMUDUG inay…

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan argagixisada Al-Shabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin in ay wadajir uga xoreeyaan dalka. 

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. 

Madaxweynaha waxa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan,” ayuu yiri. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno,” ayuu yiri.

Saciid Deni ra’iisul wasaare ma ku heli doonaa kaalintiisii isbedalka dalka mise dagaal labaad ayaa loo diri doonaa?

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qeebsanayaa natiijada guul ay mucaarad iskaashato ah ka keeneen dagaal siyaasadeed oo ay la galeen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo dhinaca kale la aaminsan yahay inuu sababsaday qaladaadkiisii dowliga ahaa.

Mucaaradka oo labadii sano ee lasoo dhaafay saf dheer uu jiray inay Farmaajo bixiyaan, waxay ka koobnaayeen laba qolo. Koox ku xisaab ah Farmaajo, waa Deni iyo Axmed Madoobe, iyo koox ku xisaab ah madaxweynaha hadda la doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Laba cad oo waaweyn ayaa miiska saarnaa, mid waa madaxweynaha oo uu qaatay Xasan Sheekh Maxamuud midna wuxuu weli ku jiraa gacanta Xasan Sheekh waana kursiga ra’iisul wasaaraha.

Inay Farmaajo mucaaradaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni waxay qurxisay mucaaradnimada oo haddii ay diidi lahaayeen u ekaan laheyd mid beeleysan, walow mararka qaarna ay dhab tahay inuu Farmaajo isagu doontay dagaalka labadaasi maamul.

Hadda, Farmaajo waa baxay. Mucaaradkii Xamar kasoo jeeday waxay heleen kursigii madaxweynaha waxaana hadda si weyn loo eegayaa sida loola dhaqmi doono labada maamul oo iyaguna mucaaradka ahaa ee Jubbaland iyo Puntland.

Labada hoggaamiye ee labadaasi maamul waxaa la sheegayaa inay isku aragti ka yihiin kursiga ra’iisul wasaaraha.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo laba xaaladba kaalin shaqsi ah ku lahaa waa dagaalkii badbaado qaran iyo natiijada doorashada 15-kii May ayaa la sheegayaa inuu si weyn u raadinayo xilka ra’iisul wasaaraha, balse waxaa si weyn u diidan koox ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxay sheegayaan kooxdaasi inuusan Xasan maamuli karin Saciid Deni loona baahan yahay Ra’iisul wasaare uu madaxweynuhu adeejin karo, taasoo dhinaca kale dhaawac ku ah qiimaha kursiga ra’iisul wasaaraha.

Laba qof oo wada-shaqeyn karta waa la gartay, balse laba qof oo mid la leeyahay sax kuma ahan awoodaha is dheeli tiraya ee dowladda Soomaaliya.

Dadka siyaasadda ka faalooda waxay leeyihiin, haddii aynan Deni iyo Madoobe u bareeri laheyn dagaalkii Farmaajo jawiga sidaan waa ka duwanaan lahaa Maanta.

Hadda waxaa miiska lasoo saaray dood ah Saciid Deni abaal-gud siyaasadeed maloo siin doonaa kursiga ra’iisul wasaaraha mise waa dhammaan doonaan danihii kumeel gaarka ahaa ee mucaaradka.

Waxaa jira war sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan-qaad ka dhacay intii lagu jiray hoolka doorashada oo Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ballan ra’iisul wasaare la galay, dad kala duwan oo goobta joogay ayaana sidaas laga soo xigtay, laakiin hadda waxaa jirta shaqo xooggan oo la rabo in lagu badalo ballan iyo heshiis wixii uu madaxweynaha horey u galay.

Xilligaan oo kale madaxda Soomaalida waxaa jihada ka lumiya dad xambaarsan dano gaar ah. Saciid Deni sida kaliya ee uu siyaasi xooggan kusii ahaan karo kuna difaacan karo damaciisa 2026 waa inuu helaa kursiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayey ku doodayaan dadka qaar, waxayna daliishanayaan sida ay u adag tahay inuu mar kale qaato hoggaanka Puntland.

Xafladda caleema saarka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inay yimaadaan Deni iyo Axmed Madoobe, waxayna dad ku dhow dhow sheegayaan inay Xasan Sheekh la qaadan doonaan kulan wadajir ah oo la xiriira kursiga ra’iisul wasaaraha.

Kulankaas wuxuu noqon karaa mid jiheeya go’aanka kursiga ra’iisul wasaaraha ama mid toos loogu kala furto, sida aan kaso xiganay xubnaha la shaqeeya madaxda labadaasi maamul.

Markii indho siyaasadeed lagu eego Xasan Sheekh waa ku adag tahay inuu xilli hore lumiyo hoggaanka labadaasi maamul ee Puntland iyo Jubaland, waxayna dadka qaarkiisa qabaan in xataa haddii uu diido inuu Saciid Deni siiyo kursiga ra’iisul wasaaraha inuu dhinaca kale siin doono qof ay labada hoggaamiye ee Deni iyo Axmed Madoobe isku raacsan yihiin.

5 waxyaabood oo laga faa’iidi karo safarada madaxweyne Xasan Sheekh ee gobollada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guda jira safar uu ku marayo xarumaha maamul goboleedyada.

Xasan Sheekh oo dib loo doortay 15-kii May ayaa sugaya caleema saarkiisa oo ku beegan 9-ka bishaan tasoo la filayo inay kasoo qeybgalaan madax kala duwan oo caalami ah.

Shacabka iyo siyaasiyiinta ayaa aragtiyo iska soo horjeeda ka dhiibtay in waqtigaan uu madaxweynuhu aado maamul goboleedyada.

Dadka duraya safarkaan waxay sheegayaan in dalku uu abaar ku jiro safarka madaxweynaha ay lacag badan ku baxeyso, sidaas darteed waxay muwaadiniintaas aaminsan yihiin in laga maarmi karay boqolaalkaas kun oo lagu kabi karay gurmadka abaaraha.

Balse dhinaca kale ayaa iyaguna qaba in safarkaan uu wax ka tari karo xaaladaha waaweyn ee dalka ka taagan Maanta. Sheekadaan waxaan kusoo koobeynaa Shan arrimood oo faa’ido noqon kara oo uu dhali karo safarka madaxweynaha.

1-  Xasilooni siyaasadeed

Xasan Sheekh waxaa la doortay iyadoo shanta maamul goboleed laba ay mucaarad tahay saddexna ay muxaafid u tahay nidaamkii madaxweyne Farmaajo, Xasan oo isna mucaaradka ka tirsanaa waxaa la dul dhigay su’aal ah sidee ula dhaqmi doonaa hoggaanka maamuladii taabacsanaa Farmaajo?

Safarkaan waxaa la aaminsan yahay inuu keeni karo is aaminaad ku meel gaar ah oo u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamuladii Farmaajo ku dhawaa.

Dadka madaxweyne Xasan Sheekh ku dhow dhow qaarkood waxay sheegayaan inuusan madaxweynuhu rabin in deg deg loo colaadiyo hoggaanka maamullada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo aad ugu dhawaa nidaamkii laga adkaaday ee Farmaajo.

2- Xogta iyo iyo xaalka shacabka

Madaxweynuhu inta uu ku guda jiro safarkaan wuxuu fursad u heli doonaa inuu la kulmo qeybaha bulshada ee ku nool gobolada qaar.

Maadaama shantii sano ee lasoo dhaafay tabashooyinku badnaayeen waxyaabaha u baahan in madaxda cusub ogaadaan waa xaalka shacabka, waxa ay dowladda ka tabanayaan, dhibaatada abaaraha, amniga iyo arrimaha bulshadad.

Ogaanshahaas waxay madaxweynaha cusub u sixi doonta shaqooyinkiisa hor-tabinta leh ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

3- Abaaraha iyo Indhaha beesha caalamka

Inkastoo ay jiraan dad ku doodaya in qarashaadka lagu bixinayo safarka madaxweynaha inay wacnaan laheyd in dhanka abaaraha loo leexiyo, haddana dhinaca kale waxaa taala dood sheegeysa in socdaalka madaxweynuhu uu indhaha beesha caalamka kusoo leexin karo xaaladda abaaraha ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu Baydhabo joogay wuxuu booqday xirooyin ay dagan yihiin dada ay abaaruhu soo barakiciyeen, waxayna kalmadihii uu halkaasi ka jeediyey dhali karaan inay deeq bixiyaasha caalamiga ah gurmadka Soomaaliya kordhiyaan.

4- Mudnaanta madaxweynaha

Safarka madaxweyne Xasan wuxuu dhinaca kale qeexayaa inuu madaxweynaha mudnaan xooggan siinayo mushkiladaha arrimaha gudaha iyo xalintooda waana arrin si weyn lo aqbali karo, waxaana jira dad badan oo taageersan in madaxdu muujiyaan mudnaanta arrimaha gudaha.

5- Taageero shacab

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay sida muuqata baahi weyn u qabaan inay Xasan ka dhigaan madaxweyne shacbi ah.

Safarada gobolada iyo la kulanka dadweynaha ayaa la aaminsan yahay inay wax uun ka tari karaan sida kooxda madaxweyne Xasan Sheekh u raadinayaan dareenka shacabka.

Shantaas qodob iyo kuwa kale ayaa ka dhex muuqda safarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Shan qodob oo ay tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qabto GALMUDUG

Galmudug waxaa maamul ahaan u dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh. Welise maamul ahaan u ma fadhiisan oo waxaa ragaadiyay daneysi iyo damac siyaasadeed oo Villadu ay mar kasta ku farogalinaysay maamulka.

Madaxweyne Xasan oo mar kale fursad u helay inuu Villada fadhiisto, sidoo kalena fursad u helay inuu socdaalkiisii ugu horreeyay ee uu goballada ku marayo caawa halkaas ku tago, waxaa laga filayaa arrimo badan oo shantaan qodob ee soo socota ay ugu mudan yihiin:

1. In uu Madaxda maamulkaas oo Qoorqoor ugu horreeyo u damaanadqaado inay si nabad ah ku dhammeysanayaan muddo-xileedkooda oo aysan mar dambe dhici doonin in hadba kooxda Villada timaado ay meesha ka saarto madaxdii maamullada kuna beddelato kuwa ay iyagu wataan, 

2. In madaxa lagu qanciyo inay waqtigoodi inta ka hartay ku qaataan deegaanka, beddelkii ay safarro iyo socod macno-la’aan ah Xamar iyo meela kale ku wareegi lahaayeen. Taas waxay dhiirrigelinaysaa inuu maamulku noqdo mid dad iyo deegaan metela oo aanan ahayn saxiix iyo Tiimbare jeebka lagu sito oo diyaaradaha dushooda lagu isticmaalo, 

3. In ciidamadii magacyada bahallaha lahaa ee uu Farmaajo u diri jiray Dhuusamareeb si ay dadka u caburiyaan, hadda dib loo abaabulo oo halkaas loo qaado laguna jiheeylo howlgal dagaal oo lagu ciribtirayo Shabaabka culeyska ku haaya deegaanka,

4. Inay dawladda Federaalku si hagar-la’aan ah gacan uga geysato fulinta mashaariicda in muddo ah siyaasad ahaan u xayirnaa ee ay ku jiraan dhismaha dekadaha iyo kaabayaasha kale, si uu deegaanku u yeesho ilo dhaqaale.

5. Iyo in la dhiirrigeliyo qabashada shirweyne uu maamulka deegaanku isugu keenayo hoggaanka beelaha, waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhammaan inta saameynta leh, si loo abuuro jawi isfaham oo looga gudbayo qalalaasihii iyo khilaafaadkii soo jiray tan iyo markii maamulka la aasaasay. Shirkaas waxaa lagu dhammeeynayaa tabashooyinka jira, waxaana loogu gogolxaarayaa heshiis bulsho oo si rasmi ah loogu qaabeeynayo dhismaha maamulka, wixii ka dambeeya marka uu dhammaado muddo-xileedka Qoorqoor.

W/Q: Maxamed Cabdullaahi Dhaaley

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sicir-bararka TURKIGA oo gaaray halkii u sareeyey

Ankara (Caasimada Online) – Sicir-bararka dalka Turkiga, ayaa bishii May gaaray 73.5% oo ah heerkii ugu sarreeyay muddo 24-sano ah, kaas oo ay sabab u tahay dagaalka ka socda Ukraine oo kor u qaaday qiimaha tamarta iyo hoos u dhac ku yimid lacagta Liraha, in kasta oo markii horeba dhaqaaleyannadu saadaaliyeen sare u kacan.

Sicir-bararka ayaa kor u kacay tan iyo dayrtii hore, markaas oo lacagta Liraha ay hoos u dhacday kadib markii bangiga dhexe uu bilaabay isbedel lagu fududeynayo heerka dulsaarka oo gaarayay 500 oo uu codsaday Madaxweyne Tayyip Erdogan.

Tirada ugu dambeysay ayaa kor u dhaaftay 73.2%, waana kii ugu sarreeyay tan iyo bishii Oktoobar 1998-kii, markaas oo sicir-bararka sannadlaha ahi ahaa 76.6%, waxaana Turkigu la halgamayay sidii loo soo afjari lahaa toban sano oo sicir-barar ah.

Si kastaba ha ahaatee, saadaasha la isku raacsan yahay ayaa ahayd in sicir bararka sanadlaha ah uu kor u kaco ilaa 76.55%.

Qiimaha raashinka iyo gaadiidka ayaa kor u kacay 108% iyo 92% sannadkii la soo dhaafay, taas oo muujinaysa dhibaatada dhaqaale ee sii xumaanaysa ee dadka Turkiga ah ee la halgamaya inay soo iibsadaan waxyaabaha aas-aasiga ah.

Dowladdu waxay hore u sheegtay in sicir-bararku uu hoos u dhici doono sanadka soo socda iyada oo la raacayo barnaamijkeeda dhaqaale ee cusub – iyada oo mudnaanta siinaysa heerka dulsaarka hooseeya, si kor loogu qaado wax soo saarka iyo dhoofinta.

Reuters + VOA

Ciidamada DF iyo ATMIS oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Shabeellaha hoose

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo magaalada Baroowe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS ay tuulada Ambareeso oo u dhow Baraawe ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ee howlgalka qeybta ka ahaa ayaa waxay ka tirsan yihiin Ururka 25-aad ee guutada 6-aad, waxaana tuulada howlgalka laga fuliyey dhawaan ciidamada dowladda lagula eegtay qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay.

Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale oo howlgalka hoggaaminayey ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedkiisa uu ahaa baaritaan lagu sameenayey guryaha ku yaala Tuulada Ambareeso oo 5km duleedka kaga beegan degmada Baraawe si loo xaqiijiyo amniga deegaanka.

“ Ujeedka howlgalkaan wuxuu ahaa ka hortegida weerarada Al-Shabaab Burcadda iyo dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya” ayuu yiri Gaashaanle sare Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale.

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada ATMIS oo la hadlay dadka deegaanka ayaa sheegay in  ay halkaasi u tageen badbaadinta dadka, isaga oo ka codsaday inay kala Shaqeeyaan sugida Amniga.

Howlgalkan Ciidamada dowladda iyo howlgalka ATMIS ay ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ayaa daba socday kadib falal amni darro iyo weeraro kusoo kordhay degaannada u dhow drgmada Baraawe oo ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Kooxda Al-Shabaab ayaa awood weyn ku helo gobolka Shabeelaha hoose, waxaana lagu tiriyaa inay kamid tahay deegaanada ay ku sugan yihiin ciidamada iyo madaxda ugu badan Al-Shabaab.

Gaas: Markii aan xilka waayey ayuu miyirka ii soo laabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in siyaasiga marka uu xil u tartamayo uusan miyir qabin, taasi oo horseeda in xiligaas uu seego tallooyin muhiim u ah.

Cabdiweli Gaas oo sidoo kale hore usoo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in siyaasadda Soomaaliya ay tahay sida khamaarka oo kale.

“Nasteexada ugu fiican haddii lagu siiyo xitaa ma qaadanaysid oo taada ayaa kuu cad, dadku iyaga oo u jeeda inaysan guulaysanayn, xitaa mararka qaarkood adiga oo markaad xisaabtanto ujeeda in aad guul daraysanayso ayaad kusii adkaysaneynaa, marka siyaasaddu waa khamaar,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ka sheekeeyay sida uu xaalkiisu noqday markii uu labo jeer ku guul daraystay xil uu u tartamayay, kuwaasi oo kala ahaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Puntland.

“Runtii waa iga dhab labada xilba markaan waayey ayuu miyirku ii soo laabtay, horta fiiri qofka marka uu tartan ku jiro miyir ma leh sow ma ogid.”

Gaas ayaa ugu dambeyntiina mar wax laga weydiiyay xilalka sare uu soo qabtay ayaa sheegay in tii Ra’iisul Wasaaraha ay aheyd shaqo fudud, marka loo eego shanti sano ee uu madaxweynaha ka ahaa Puntland.

“Waxaan ahaa nin reerkiisa ku dhex jira, anigu waxaan idhaahadaa horta siyaasadda Soomaalidu waa dabdamis, mar kasta waxaad ku dhex jirtaa xaalad dab damis ah, labaduba sidaas ayey ahaayeen, balse aniga tii Ra’iisul wasaaraha ayaa ii shaqo fududeyd.”

Daawo: Madaxweyne Xasan oo shaaciyay qorshe uu u tagay Dhuusamareeb

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in socdaalkiisu u daaran yahay hirgelinta hal ku-dhigii ololihiisa doorashada ee “Soomaali Heshiis ah”.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in si looga adkaado cadowga, islamarkaana loo helo dowlad xoog leh oo Soomaaliyeed waa in madaxda iyo bulshada qalbiga isku xaarto oo isku furto.

“Soomaali heshiis ah waxay ka bilaabata meel walba dadka jooga inay heshiis yihiin Koonfur Galbeed ayaa fariintaas u gudbinay reer Galmudug-na fariintaas oo kale ayaa u gudbinayna,” ayuu yiri.

“Fariinta aan la nimid Galmudug waa fariin nabadeed oo dib u heshiisineed, waa fariin amni oo ah in cadowga la iska dhiciyo. Dunida lama heshiin karno haddii anaga dhexdeena heshiin, cadowga iskama dhicin karno haddii aan heshiin oo qalbiga aan ka heshiino.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in dowladda uu hogaaminayo ay muhiimad gaar ah siineyso Amniga guud ee dalka, si loo helo xasilooni nabadeed.

Xasan oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Galmudug oo noqoneyso maamulkii labaad ee uu booqanayo Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Galmudug wuxuu u kuur-geli doona xaaladda Dhuusamareeb, wuxuuna booqan doonaa meelaha muhiimka ah ee magaalada oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen.

Si kastaba, Sida la fahamsan yahay Madaxweynaha ayaa si gaar ah diirada u saaraya maamuladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

DF oo saacado gudahood dib u furtay jid la xiray iyo arrinta ka dambeysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si weyn loogu baahiyay baraha bulshada cabasho la xiriirta Jid cusub oo dhagxaan lagu degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, taasi oo keentay in saacado gudahood ay dowladda dib u furto jidkaas.

Jidkaan ayaa muhiim u ahaa isu-socodka dadweynaha, islamarkaana isku xira isbitaallo muhiim ah oo kamid yahay Isbitaalka Banaadir, ayada oo dhibaato xoogan lagala kulmay intii uu xirna.

Dib u furida jidka ayaa timid saacado kadib markii dhibaatada ka dhalatay jidkaas lagu faafiyay baraha bulshada, ayna ku dhaliileen dowladda cusub inay sii xirto jidadkii furna, halkii ay furi laheyd kuwa xiran.

Sidoo kale waxa soo baxaya warar sheegaya in jidkaasi ay ku badnayeen tuugada dhacda dadweynaha, ayna xirteen dadka deegaanka, taasi oo illaa hadda si rasmi ah loo xaqiijin karin.

Dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqata mid tixgelin gaar ah siineysa qaylo-dhaanta kasoo yeerta shacabka, maadama ay saacado gudaheed uga jawaabtay arrintaan oo dib u furtay jidkaan muhiimka ah.

Si kastaba, Wadadan ayaa halbowle u aheyd isu-socodka dhowr Isbitaal Maxalli ah oo ku yaal nawaaxiga Isbitaal ku dhow Isgoyska Banaadir, sida Isbitaalada Xaawo Cabdi, Banaadir, Somali Sudanese, Shaafi, Somali Swedish, Kalkaal iyo goobo ganacsi.

Hay’adda ICG: Laba arrin ayaa sababay guushii Xasan Sheekh ee doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Xasaradaha Caalamiga ah, International Crisis Group (ICG) ayaa warbixin ay kasoo saartay doorashadii madaxweyne ee dhacday 15-kii May ku sheegtay in laba sabab ay caawiyeen guusha siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh. 

Xasan Sheekh ayaa warreeggi saddexaad ee doorashada kaga adkaaday madaxweynii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo helay 214 cod, halka Farmaajo uu helay 110 cod.  

ICG ayaa sababta koowaad ee guusha Xasan Sheekh ku sheegtay; Farmaajo oo caqabad ay ku noqotay inuu kursiga fadhiyey, ayada oo madaxweynayaasha Soomaaliyeed aan dib loo soo dooran; ma jirin madaxweyne Soomaaliyeed oo dib loo doortay 20-kii sano ee tegay. 

Nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo is-xulufeysiga qabiilada ayaa adkeynaya in hoggaamiyayaasha Soomaalida ay qanciyaan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyeen dib u doorasho, ayey tiri warbixinta. 

“Waxaa inta badan jira dhaqan loo yaqaan washamsi oo laga cayaaro Soomaaliya ayada oo mucaaradka ay isku urursadaan inay taageeraan qofka ugu xooggan ee la tartamaya madaxweynaha kursiga fadhiya.”

Musharaxiinta ayaa u baahan inay dhisaan isbaheysi oo ay sameystaan heshiisyo heer sare ah inta ay socdaan wareegyada doorashada, ayaga oo raadsanaya codadka kuwa tartanka ka hara. 

Dhaqdhaaqyadan ayaa la arki karay doorashada. Xasan Sheekh wuxuu afar laabay codadkii uu helay intii u dhaxeysay wareeggii koowaad iyo wareeggi saddexaad, halka Farmaajo uu ku guuldarreystay inuu xitaa laba laabo. 

Go’aanka Farmaajo ee ahaa inuu awoodda dowladda ka dhigo mid dhexe ayaa u horseeday mucaarado xooggan oo kaga timid awoodaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxdii ka horeysay iyo qaar ka mid ah madaxweyne goboleedyada.

Kuwa badan ayaa u arkay doorashada madaxweyne fursad ay xafiiska kaga saaraan Farmaajo. Musharaxiin badan ayaa ICG u sheegay in qorshahooda koowaad uu ahaa inay guuleystaan, balse haddii ay taas ku guuldarreystaan, qorshahooda labaad uu ahaa inay taageeraan cid kasta oo aan ka aheyn Farmaajo. 

Sababta labaad ee guusha Xasan Sheekh waxay aheyd hadalkiisa nabaddoonimo oo ay la dhaceen xubno badan oo ka mid ah baarlamanka, iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed ee ku daalay hab dhaqanka muranka leh ee Farmaajo ee ku aaddan mucaaradka gudaha iyo qaar ka mid ah saaxiibada dibedda.

Xasan Sheekh ayaa olole ku galay ballan-qaad ah inuusan ka aargudan doonin kuwa aan taageerin doorashadiisa iyo inuusan sameysan doonin cadow gudaha iyo mid dibedda ah, taasi oo ka duwaneyd mayal adeegga Farmaajo.

Hay’adda ICG ayaa ugu dambeyn sheegtay in guusha Xasan Sheekh ay tahay fursad ay Soomaaliya isbeddel ku sameyn karto oo ay ku sixi karto khaladaadkii dhacay shanti sano ee uu Farmaajo madaxweynaha ahaa. 

Muranka hareeyey kursiga xildhibaan ee CC Shakuur oo gaaray golaha shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay muranka hareeyey kursiga uu ku fadhiyo Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kadib markii uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay ergeyga u qaabilsan dhanka bani’aadanimada.

Xildhibaanadan ayaa si weyn uga dooday arrinka Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in xildhibaanka uu waayayo xubinimadiisa baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, haddii uu qabto xil aan aheyn uu wasiir.

“Dabcan Dastuurka, sida uu sheegayo qodobka aad sheegtay ee 59-aad wuxuu qaban karaa xildhibaanku xil wasiir kaliya, wixii intaas kasoo harana wuxuu ku waayayaa xubinimadiisiii,” ayuu yiri mid ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Seynab Caamir oo sidoo kale ka mid ah baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa iyaduna ka hadashay muranka hareeyey kursiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxayan si guud u sheegtay in xildhibaanka, haddii uu qabto xil aan aheyn wasiir uu waayey xubninimadiisa.

“Xildhibaanka Soomaaliyeed ee ay shacabka soo doorteen wuxuu xilkiisa ku heyn karaa, haddii uu noqdo wasiir oo xildhibaan iyo wasiir ayuu isku noqonayaa, laakiin marka meel kale loo doorto ama agaasime haloo doorto ama safiir haloo doorto xilkiisii wuu waayey kaas, waa inuu booska banneeyaa,” ayey tiri xildhibaan Seynab Caamir

Xildhibaan kale oo ka tirsan golaha oo isna soo hadal qaaday dooda taagan ayaa sheegay in ambassador iyo ergey ay yihiin arrin gooni ah, balse loo baahan yahay in dib loo eego arrintan, si la’isku waafajiyo qodobka 59-aad ee Dastuurka KMG ah iyo magacaabistaan.

“Runtii ambassador iyo ergey waxaan isleenahay waa arrin ka gooniya aanan ka mid aheyn xilalka sida tooska ah loogu magacaabay meesha inuu qofka ka mid noqoneynin, laakiin waa qodob gooniya oo hoos loogu fiiriyo mudan,”.

Si kastaba, hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay magacaabista siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hadda ah ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada iyo gurmadka abaaraha, waxaana dadka qaar ay shaaciyeen inuu xilkiisa waayayo, iyaga oo soo xiganayo qodoka 59-aad ee Dasrtuurka Soomalaiya , halka kuwa kale ay ku doodeen inuu isku heyn karo labada xil, maadaama ergey sidiisaba uu yahay qof wakiil ah, isla-markaana uusan qayb ka aheyn arrimaha maamulka dowladda.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo si weyn maanta loogu soo dhoweeyey Dhuusomareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kasoo kicitimay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxayna toos uga dageen garoonka Dhuusamareeb, oo uu ku dhaweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug iyo qaybaha kula duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Galmudug oo noqoneyso maamulkii labaad ee uu booqanayo Madaxweynuhu.

Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka xog wareysan doono xaaladda degaanka.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale u kuur geli doono xaaladda Dhuusamareeb, wuxuuna booqan doonaa meelaha muhiimka ah ee magaalada oo ay dhowaan dagaallo ka dhaceen.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii adkeyd 15-kii bishaan May ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Daawo: Xasan Sheekh oo war kasoo saaray ‘abaabulka ka dhanka ah’ Lafta-gareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay cabsida laga qabo in abaabul ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya laga sameeyo Muqdisho, ama ay dowladdiisa ku lug yeelato.

Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey munaasabad loogu sameeyey Baydhaba ayaa soo hadal qaaday ‘abaabulka’ la sheegay in looga soo horjeedo Lafta Gareen ee ka socda Muqdisho, wuxuuna si cad u beeniyey arrintaasi, isaga oo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay xageeda ka jirto nabad iyo saaxibtinimo.

“Waxaan rabaa dadka reer Koonfur Galbeed, dowladda federaalka xageeda nabadaa idin ka jirto, saaxibtinimaa idin ka jirto, mas’uuliyad iyo dadkii idin ka aad xilka u dhiibateen si toosan iyo si dadban oo aad idinka wakiilateen ayaa idinka jiro,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxa kale oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh intaasi kusii daray “Shar, colaad iyo abaabul qaab daran idin kama jiraan xaggaas.”

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadiisii ugu horreysay ku bilaabay Baydhabo ayaa ugu baaqay reer Koonfur Galbeed inay adkeeyaan nabadda dhexdooda ah.

“Waxaan idin ka codsaneynaa, idin ku adkeyneynaa dhexdiinana inaad sidaas oo kale aad ka dhigtaan, haddii Alle yiraah,” ayuu markale yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey aad loo hadal hayey ‘Mooshin’ la sheegay in siyaasiyiin mucaarad ku ah Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ay ka wadaan gudaha magaalada Muqdisho, taas oo dhalisay xiisad siyaasadeed oo horleh.

Si kastaba, Lafta Gareen ayaa ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee sida u dhow u taageersanaa Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Maleeshiyo beeleed si yaab leh uga aargutay Al-Shabaab kadib dakano ay ka galeen

Beledweyne (Caasimada Online) – Maleeshiyaad ka tirsan beesha Xawaadle ayaa weerar aar gudasho ah ku qaaday fariisin ay kooxda Al-Shabaab ku laheed degaan lagu magacaabo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyagoo dilay ku dhowaad 20 dagaalame.

Dableydaan oo qaab qabiil u abaabulan ayaa ka jawaabaysay dilkii Nabadoon Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere) 27-kii May loogu geystay magaalada Beledweyne.

Nin ka mid ah ragga weeraray Al-Shabaab ee beesha Xawaadle ayaa BBC u sheegay inay weerarka ka hor la xariireen kooxda, iyagoo weydiiyey sababta loo dilay Nabadoonka, balse wuxuu sheegay inay si kibir ku jiro ay ugu jawaabeen, iyagoo uga been abuurtay inuu ku jiray ergadii xildhibaanada soo dooratay.

“Nabaddoonkeennii oo aan naqaanno in uu ahaa nin nadiif ah oo Muslim ah, ummadda aan dhibaatayn, cid kale aan gardaysan, doorasho aan ka qaybgelin, ergo kale aan ka qayb qaadan, ayay noo sheegeen in uu gaal murtad ah ahaa, jawaabtooduna nalama su’aali karo ayay noqotay, si isla weyni leh ayay noola hadleen,” ayuu yiri nin ka mid ah dableyda dagaalka ku qaadday Al-Shabaab oo sababo amni dartood u codsaday in aan la magacaabin.

Ninkaas ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay horay Beledweyne ugu dishay dad badan oo qabiilkooda ka soo jeeda, balse hadda kadib aysan aqbali doonin dilalkii loogu geysa jiray shaatiga Shabaabka.

“Waxay ahaayen dad annaga eheladeenna ah oo habeenkii inta badan marka ay cishaha ka soo baxaan ay dilayeen, inta badanna waa ay ka garaabi waayeen. Marka lala hadlana waxay dhahayeen nalama hadli kartaan oo nama weydiin kartaan dadkaas gaalada ah ee murtidiinta ah. Mana garan karno annagu halka dadkeenu ay gaalo iyo murtadiin ku noqdeen,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ninkaan ayaa xusay inay weerareen ‘taliskii ugu weynaa’ ee Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Booco ee gobolka Hiiraan, isla markaana ay dileen in ka badan toban dagaalame, sidoo kalena ay la wareegeen saldhiggii iyo maxkamad ay halkaas ku lahaayeen. Wuxuu sheegay inay dagaalkii shalay ku qabteen maxaabiis ay markii dambe sii daayeen.

Mar la waydiiyay dhankooda khasaaraha gaaray wuxuu ku jawaabay, “Annaga wax khasaare ah oo nasoo gaaray ma jiro, dad aad u taxaddaraya oo meesha si feejigan ku galay ayaan ahayn.”

“Way sarriigasho beeshay haddiiba qofka isaga oo aan dambi gelin la dilayo, haddii uu galana la dilayo, qof haddii la dilo qof un baa loo dilaa, marka mudankii ay laheeyeen ayaan marsiinay Al-Shabaab oo dhawr toban qof ayaan ka dilnay, haddii ay berri sidoo kale nagu sameeyaanna sidii si lamid ayaan u xasuuqi doonnaa,” ayuu yiri ninkaan oo magaciisa sababo amni loo qariyey.

Ugu dambeyntii ninkaan wuxuu sheegay in ay qabiil ahaan isku abaabuleen, ayna ka go’an tahay in qofkii Shabaab ka disho ay u aaraan, macawiisleydaan is abaabushay ayaa shalay degaanka Booco kala wareegtay Al-Shabaab, kadib dagaal culus oo ka dhacay degaanka.

Raggii ka dambeeyey qaraxii ka dhacay DAYNIILE oo howlgal lagu soo qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran waxa ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay tiro dad ah, sida ay shaaciyeen saraakiisha ammaanka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey waaxda Kurdamac oo ka tirsan degmadaasi, gaar ahaan agagaarka aargada Dayniile oo uu shalay ka dhacay qarax miino oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda iyo ilaaladiisa.

Yaasiin Nuur Kheyre (Ganeey) oo ah Taliyaha Saldhiga, qeybta galbeed ee ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey howlgalka, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa mid ka dhan ah falalka amni darrada ah, burcadda, ciyaal weerada iyo maan-dooriyaha.

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay inay ciidamada ammaanka gacanta ku soo dhigeen raggii ka dambeeyay qaraxii shalay ka dhacay degmada Deyniile, kaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa dowladda iyo ilaaladiisa, kadib markii ay miino la kacday gaarigii ay la socdeen.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa la sheegay inii gobolka Banaadir u qaabilsanaa canshuurta xoolaha ee Controlka deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Dhankiisa guddoomiyaha maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir Cabdishakuur Abuukar Macalin (Rooble) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howlgallada ay socdeen habeenadii la soo dhaafay, ayna yihiin kuwa lagu xaqiijinayo ammaanka degmadaasi.

Guddoomiye Rooble ayaa farrin u diray shacabka deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulka degmada iyo sidoo kale ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Maalmihii u dmabeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan intaba.

Xildhibaanada BF oo loo digay kadib arrintii shalay dhacday

0

Muqdisho  (Caasimada Online) – Waxaa shalay baaqday kulan ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka, kaasi oo ajendihiisu ahaa aqrinta xeer hoosaadka ay isku maamulayaan mudanayaasha.

Kulanka ayaa wuxuu u baaqday kooram la’aan, maadama aysan xarunta Golaha aysan soo xaadirin inta badan Xildhibaanada, taasi oo keentay in xarunta ay iskaga kala dareeran Mudaneyaashii tirada yara ee soo xaadiray fadhiga.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe oo arrintaas aad uga xumaaday ayaa u digay Xildhibaanada fasax la’aan kaga maqan kulamada iyo shaqooyinka culus ee horyaalla Baarlamaanka.

“Xildhibaanada maqan waxaa ugu baaqeyna inay soo xaadiran jaanis yar ayaa siineyna. Xildhibaan kasta oo waa in uu maqnaan kulanka dambe haddii aysan jirin duruuf gaar ah oo loo garaabayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay Guddoomiyaha in kulanka dambe laga dhigay 12-ka bishaan, isaga oo faray Xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo dalka dibediisa ku maqan inay sida ugu dhaqsaha badan u soo gaaran magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Xildhibaanada soo xaadiray shalay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in kulamada baarlamaanka ay u baaqdan kooram la’aan, ayna tahay in laga waantoobo oo la dhowro ballamaha.

Sida qorshuhu ahaa kulankani ayaa waxaa looga hadli lahaa “akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka” sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Ajendaha kulanka shalay ayaa waxa kale oo qayb ka ahaa dhaarinta laba ka mid ah Xildhibaannada cusub, sida lagu shaaciyey fariin wargelin ah oo loo diray xildhibaanada.

Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqo badan oo u baahan in la dargar-geliyo iyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco, balse kulankan ayaa ahaa midkoodii ugu horreeyey marka la eego kadib doorashooyinkoo soo dhamaaday ee dalka.

Uhuru oo ku dhawaaqay guul ka dhan ah Al-Shabaab

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddan Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab ayaa guullo sheegtay.

Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyey inay ka adkaadeen kooxaha argagixisada ah, isla-markaana ay ka hortageen weeraradii badnaa, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaan fahansanahay in haddii ay amni darro jirto aan la gaari karin horumar dhanka nolosha iyo ganacsiga ah, sidaas daraadeena aan dadaal badan bixinay kana adkaanay kooxaha argagaxisada ah,” ayuu yiri Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda ay dadaal xoog leh gelisay sugidda amniga xuduudaha dalka, taasina ay keentay inay hoos u dhacaan weerarada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la qalabeeyey ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa la dirirka argagixisada, si ay uga falceliyaan weerarada kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo inta badan ay Kenya ka dhacaan weeraro ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo inta badan tega deegaanada u dhow xadka Somalia.

Si kastaba, Kenya ayaa ka mid ah dalalka qaybta ka ah howlgalka ATMIS, ex AMISOM, waxayna ciidamo ka joogaan deegaanada Jubbaland, gaar ahaan Gedo iyo Jubbooyinka.

Dad isku qoys ahaa oo xalay lagu dilay Jubbada Hoose

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga helayao gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay maleeshiyaad hubeysan ay weerar qorsheysan ka geysteen deegaanka Diif oo hoos yimaada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Maleeshiyaadka ayaa la dilay laba qof oo shacab ah, kana mid ahaa dadka deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sidoo kale labada qof ee la dilay ay ahaayeen isku qoys, waxaana dilkooda loo sababeynayaa aano Qabiil oo ka taagan halkaasi.

Sidoo kale xaaladda deegaanka ah ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in xiisad ka dhalatay dilalkaasi ay ka taagan tahay duleedka Kismaayo.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Jubbaland ayaa sidoo kale goobta gaaray, waxaana howlgallo lagu baadi goobayo maleeshiyaad dilka geystay ay ka wadaan halkaasi.

Diif ayaa waxaa maalmihii ka taagnaa xiisad colaadeed oo u dhexeysa laba maleeshiyaad oo wada deegaankaasi, waxayna saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah.

Colaadan kasoo cusboonaatay Jubbaland ayaa kusoo aaday, xilli adag oo ay abaaro daran ka jiraan maamulkaasi, taas oo saameysay nolosha qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Si kastaba, Jubbaland oo tallaabo qaaday, si loo qaboojiyo xiisadda ayaa maalmo ka hor Dhoobley ku xirtay odayaal dhaqameed kasoo jeeda deegaanka lagu dagaalamay oo illaa iyo hadda lagu dilay dad kor u dhaafaya illaa 10 ruux oo ay ku jiraan dad rayid ah.

Mareykanka oo ballan-qaad muhiim ah u sameeyay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Andre oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ballan-qaaday in dowladiisa ay door muhiim ah ka qaadan doonto gurmadka abaaraha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa labada masuul ku wehlinayay Madaxa hay’adda USAID Patrick Diskin, waxaana looga hadlay sidii ay gacan uga geysan karaan Gurmadka Abaaraaha daran ee ka jira guud ahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulanka.

Ergeyga gaarka ayaa ku tilmaamay dowladda Mareykanka inay tahay dowladda deeqda gar-gaarka bini’aadanimo ee ugu badan siisa dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina Danjire Larry Andre ayaa Ergeyga gaarka ah u ballan qaaday wada-shaqeyn buuxda, si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Ergeyga gaarka ah ee gurmadka Abaaraha ayaa dadaal badan ku bixinayay sidii beesha caalamka ay gacan weyn uga geysan lahaayeen xaalada abaareed ee dalka.

Tan iyo markii la magacaabay Ergeyga gaarka ah waxaa iska soo daba dhacayay ballan-qaadyada saaxiibaada Soomaaliya ee ku aadan gacan ka geysashada gurmadka Abaaraha daran ee ka jira dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo safiirka Midowga Yurub oo yeeshay kulan muhiim ah

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Midowga Yurub Amb. Tiina Intelmann, oo ay wehlinayeen Safiirka Sweden Amb. Per Lindgarde iyo Maria Groeneveld oo ka socotay xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay doorashooyinka Somaliland iyo Abaaraha kusoo wajahan Geeska Afrika, gaar ahaan Abaarta ku soo noq-noqotay deegaanada maamulka.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray sidii ay Midowga Yurub gacan uga geysan lahaayeen mustaqbalka iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dhinac, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

Waxa ku wehlinyaya Madaxweynaha kulankaan Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaan ayaa imanaya xili ay xiisad xoogan oo ka dhalatay doorashada ka taagan tahay gudaha Somaliland, islamarkaana lagu kala kacay kulamo ay yeesheen Muuse Biixi iyo xisbiyada Mucaaridka oo ka biyo diidan in la furo ururada ka hor doorashada madaxweynaha.