27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Sawirro: Koonfur Galbeed oo dhisatay madaxtooyada quruxdeeda lala cajabay

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dhistay madaxtooyo cusub oo habka loo sameeyey aad usoo jiidatay bulshada Soomaaliyeed.

Madaxtooyadan ayaa waxaa xariga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay magaalada, halkaasi oo sidoo kale uu wada-hadallo kula leeyahay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen. 

Madaxtooyadan oo sawirradeeda xalay lagu baahiyey bogga facebook ee Koonfur Galbeed ayaa loo dhisay hab aad u qurux badan, waxaana sida muuqata ku baxay qarash badan. 

Si kastaba, sawirrada ayaan lagu bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan madaxtooyada, sida inta qol ay ka kooban tahay, qarashka ku baxay iyo waxyaabaha kale ee ay wadato.

Caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah magaalada Baraawe, hase yeeshee maamulka ayaa tan iyo intii la dhisay ku shaqeynayey Baydhaba, mana muuqata inuu ka guuri doono xilli dhow kadib dhismaha madaxtooyadan. 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo bishii December 2018 uu xukunka Farmaajo ku keenay awood ciidan oo dhiig uu ku daatay, ayaa muddo xileedkiisu ku egyahay bisha December 2022.

Magacaabista Mahad Salaad ee agaasimaha hay’adda NISA iyo tusaalaha CIA-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo badan ayaa ka dhashay go’aanka xildhibaan Mahad Salaad loogu magacaabay taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA).

Inkasta oo magacaabista Mahad Salaad ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan inuu ku yimid rabitaanka madaxweyne Xasan Sheekh oo aay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha. 

Xubno markii horeba mucaaradsanaa Mahad Salaad iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliilay go’aankan, ayaga oo waxa ugu weyn ee ay ku durayaan ay tahay in Mahad Salaad uusan laheyn khibrad sirdoon iyo mid amni.

Hase yeeshee, inaad noqoto taliye hay’ad sirdoon ma u baahan tahay inaad leedahay khirbad amni iyo mid sirdoon ama aad horey uga soo shaqeysay? 

Aan ka tusaale qaadano hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka, Central Intelligence Agency (CIA oo ah hay’adda sirdoon ee ugu weyn uguna awoodda badan caalamka.

Joe Biden iyo William Burns 

Madaxweyne Joe Biden wuxuu markii uu xukunka la wareegay agaasimaha hay’addan u magacaabay William Burns oo ah diblomaasi rug caddaa ah, oo aan weligiis sirdoon iyo amni midna kasoo shaqeyn.

Kahor xilkan, Burns wuxuu soo noqday ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka 2011 illaa 2014. Waxaa sidoo kale diiwaankiisa shaqo ka mid ah inuu soo noqday safiirka Mareykanka ee Jordan 1998-2001 iyo safiirka Mareykanka ee Ruushka 2005-2008

Burns waxa uu sidoo kale soo noqday kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha Bariga Dhow 2001-2005, iyo ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha siyaasadda 2008-2011. 

Xitaa waxbarasho ahaan, Burns marna sooma baran wax la xiriira amniga iyo ciidamada. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda ka qaatay La Salle University isaga oo bartay taariikhda. Wuxuuna shahaadada Master-ka iyo PhD ku haystaa xiriirka caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadad Oxford ee London. 

Waa sax in CIA-da ay madax kasoo noqdeen shaqsiyaad weligood kasoo shaqeynayey sirdoon ama militariga, sida gabadhii ka horeysay Burn ee Gina Haspel oo sarkaal sirdoon ahaan jirtay, balse taas macnaheedu ma ahan inay ayaga u gaar tahay.

Xitaa hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da oo sidoo kale ka shaqeysa sirdoonka gudaha waxaa madax ka ah Christopher Wray oo aan amni iyo ciidan weligiis kasoo shaqeyn. Wray waa qareen sharciga ka bartay Jaamacadda Yale. 

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad

Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu shahaadada heerka koowaad ee culuumta siyaasadda (Political Science) ka qaatay Jaamacadda October 6 ee Qaahira, isaga midda heerka labaad ee xiriirka caalamiga ahna uu ka helay Jaamacadda Cairo. 

Waxa uu sidoo kale muddo ka badan 10 sano soo ahaa xildhibaan federaal, isaga oo xubin ka noqdo guddiyo heer federaal oo dhowr ah. Wuxuu sidoo kale xilal wasiiro dowle. 

Waxa ugu muhiimsan ee madaxweyne uu ka doonayo qofka uu ka aaminayo gacan ku haynta sirta qaranka waa aaminaad iyo inuu ku kalsoon yahay, islamarkaana si wanaagsan wax u maamuli karo.

Hay’adda NISA waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ay aheyd hay’ad ka leexatay tubteedii. Waxaa loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed, waxaa ku dhexmilmay Al-Shabaab, waxaana ay noqotay goob tusaale u ah ku takrifal awoodeed. 

Xitaa waxaa jira xog sheegeysa in hay’addan ay dhageysaneysay taleefonada xubnaha kale ee dowladda ama mucaraadka kasoo horjeeday Farmaajo.

Waxay u baahan tahay nadiifin muddo badan qaadan doonto, mana ahan shaqo qof kasta lagu aamini karo, waana taas sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh u doortay qofkii uu islahaa waa ugu aaminaad badan tahay.

Cidna Mahad Salaad kama fileyn inuu dibedda aado ee uu sir soo ururiyo, shaqadaas waxaay u taalla wakiilada hay’adda iyo madax qeybeydyada farsamo.

Haddii diblomaasi uu madax ka noqon karaa CIA, ma jirto wax u diiday xildhibaan Mahad Salaad inuu isna maamulo NISA. 

Xog: SACIID DENI iyo ku xigeenkiisa oo heshiis gaaray

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xal waara laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni iyo Axmed Karaash oo isku qabtay arrimaha maamulka.

Wada-hadallo ay garwadeen ka ahaayeen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi,kadib ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro khilaafka labada nin oo gaaray meeshii ugu sarreysay, sida ay  xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay.

Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray, kadib markii uu Karaash qaaday tallaabooyin isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabis, taas oo isna ka hor yimid Madaxweyne Saciid Deni.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in haatan is faham laga gaaray xiisadda labada dhinac, waxaana la filayaa in Axmed Karaash uu maanta ka qayb-galo soo dhowaynta Siciid Deni oo tegaya Garoowe kadib safarkiisii Muqdisho oo uu uga sii gudbay caasimada Nairobi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labada nin ayaa sidoo kale si wadajir ah saaxafadda ula hadli doono marka ay isugu tegaan Garoowe, si ay u shaaciyaan in la dhameeyey khilaafkii dhexdooda ahaa, loona sii amba qaado howlaha maamulka iyo hore u socodka Puntland.

Heshiiskan ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada degaanada Puntland oo ugu baaqay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay wada shaqeeyaan.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheyso xaalado is biirsaday oo ka dhashay is qab-qabisiga siyaasadeed ee hogaanka maamulka iyo kuwa kale oo la xiriira bani’aadanimada.

Daawo: CC Shakuur oo soo bandhigay xogta gargaar ka yimid QATAR oo la xayiray

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ergayga arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo sheegay in abaartu ay saameysay lix milyan iyo boqol qof oo ku kala nool gobollada dalka.

“50 maalmood ka badan waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku xayiran macaawino ay dowladda Qatar keentay, lama yaqaano sababta ay u xayiran tahay, waa in la fasaxo macaawinooyinka dadka loo keenay, QM waxay igu war gelisay in gargaarka ay keenaan ay dhib badan ka maraan in dekedda laga soo dejiyo, deeq bixiyaashu waxay ka cabanayaan in caqabado badan ay jiraan oo dadka baahan aysan u fududeyn inay gargaar gaarsiiyaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in 8% uu dhanyahay gargaarka la helay si dadka Soomaaliyeed loogu gurmado, taas oo ka dhigan in hal bilyan iyo afar boqol oo kun oo ay dalbadeen hey’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe, hadda laga haayo 58 milyan oo dollar.

Sidoo kale Ergeygaan ayaa sheegay in shaqadiisu aysan aheyn in macaawino uu ka qeybiyo gobollada dalka, balse xafiiskiisu uu ku shaqa leeyahay qiimeynta heerka baahida jirta iyo galaangalka caalamka oo aan looga maarmeyn u gurmashada dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Arrimaha doorashooyinkii dalka ka socday, dagaallada Ukraine iyo Ruushka, CIVID-19 iyo gurmadka dalal kale oo dhibaato ka jirto ayuu sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur inuu caalamku uga mashquulay xaaladda adag ee ka jirta Soomaaliya.

“Shaqadeydu maaha raashin qeybin ee waa in magaceyga iyo kan dowladda Soomaaliyeed aan caalamka uga dalbano gurmad, kadibna aan xariiriyo gurmadkaas iyo baahida ka jirta dalka,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hoos ka daawo

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur oo u digay madaxda DOWLADDA + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga xukuumadda xil-gaarsiinta, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa markii u horeysay shaaciyay in ay dacwad badan oo ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda uga timid ciidanka ilaalada nabad-galyada waddooyinka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ugu baaqay in ay ilaaliyaan shuruucda waddo marista, maadama ay tusaale u yihiin shacabka, isaga oo uga digay inay qaadan waxkasta oo ka dhan ah ama ka hor-imaanaya shuruucda.

“Mas’uuliyiinta dowladda waa in ay hagaajiyaan shuruucda waddo marista, madaxdu waa in ay tusaale shacabka u noqdaan oo aanay Gaadiidkooda ka gudbin marsho-biyeediga ama la maro dhinac aadan waddada ka lahayn,” ayuu yiri Wasiirka Cabdullaahi.

Sidoo kale waxa uu Wasiirku ugu baaqay Gaadiidka ay wataan Ciidamada Dowladda inay ilaaliyaan nabad-galyada waddooyinka, xilliyada saxmadda ama cariigiga uu ka jirana aan loo baahneyn in ay waddada dhanka kale ka maraan ama marsho-biyeediga gaariga dul mariyaan.

Wasiirka ayaa ciidanka ilaalada nabad-galyada waddooyinku ku amaanay shaqada adag ay hayaan, taasi oo uu sheegay inay horseed u tahay dadaal uu geliyay Gen. Bishaar Abshir Geeddi Taliyaha Ciidanka Taraafikada.

Ugu dambeyntiina waxa usoo jeediyay in wax laga baddelo shuruucda ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalada nabad-galyada, kaasi oo ah mid duugooway oo la meel-mariyay lixdan sano ka hor.

Waxgaradka Warsheekh oo digniin culus ka bixiyay shirkado damacsan boob

Warshiikh (Caasimada Online)– Qeyla dhaan ayaa kasoo yeertay dadka shacabka ah ee degmada Warshiikh ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii xubno ka tirsan Hirshabeelle oo wakiil ka ah shirkaddo ay tageen degmadaasi, iyagoo ujeedadoodu tahay inay sifo sharci daro ah kula wareegaan boosaska dad shacab ah leeyihiin oo ku yaala xeebta degmada iyo agagaaraheeda.

Caasimada Online oo ay lasoo xiriireen xubno deegaanka ah ayaa ka codsaday maamulka Hirshabeella uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe inuu wax ka qabto kooxo ay sheegeen inay yihiin dalaaliin doonaya inay barakiciyaan dadka deegaanka, waxayna muujiyeen welwel iyo cabsi ka dhalatay xaalado amni daro oo ay degmada ka abuureen kooxahaasi, iyagoo ugu digay inay ka waantoobaan falalkaasi.

Xuseen Raage Shiiraar iyo xubno kale oo xilal ka haaya baarlamaanka Hirshabeelle ayaa lagu eedeeyay inay doonayaan in ay la wareegaan dhul baaxadiisa ballaaran tahay oo xiriiriya ilaa deegaanka Cisaleey oo hoostaga degmada Warshiikh, halkaasi oo uu ku yaal garoon diyaaradeed macmal ah oo xiligaan aan shaqeyn.

Degmada Warshiikh oo sanadihii u danbeeyay fideysay isla markaana kusoo badanayeen dhismooyinka hoteelada dalxiiska iyo damaashaadka ayaa damac geliyay shirkaddo iyo shaqsiyaad aan deegaanka aheyn balse adeegsanaayo xubno deegaanka kasoo jeeda.

Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa degmada iyo deegaanada kale ee Warshiikh ka tirsan ka dhacay falal nabadgelyada iyo deganaanshaha wax u dhimayay oo ay abuurayeen shaqsiyaad aan deegaanka ka tirsaneyn balse dano kale oo gaar ah leh.

Degmada Warshiikh oo si gaar ah loogu tixgeliyo dadka degan inay yihiin culumo ahlu diin iyo in deegaanku loo Diin doonto ayaa lagu yaqaan inay tahay degmo nabadeed oo kulmisa Soomaalida diinka usoo doonta.

Wararkii ugu dambeeyey 100 qof oo la dilay, kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka Imanaya dalka Chad ayaa sheegaya in in kabadan 100 qof ay ku dhinteen isku dhacyo dhex maray kooxaha dahabka ka qota woqooyiga dalkaasi.

Masuuliyiinta dalka Chad ayaa sidoo kale sheegay in dagaalkaas ku dhaawacmeen in ka badan 40 qof oo kale.

Iska hor-imaadyada ayaa badankoodu waxay dhaceen 23-kii iyo 24-kii bishan May, waxayna ka dhaceen degmada Kouri Bougoudi oo u dhow xuduuda dalka Chad uu la wadaago Libya.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa la soo sheegayaa inay ka mid tahay meelaha aan sida sharci-darrada ah ay dadweynuhu uga qotaan dahabka.

Wasiirka gaashaandhiga ee dalka Chad ayaa Isniintii sheegay in dagaalku uu goobaha dahabka laga qoto ka bilawday xilli habeenimo ah, balse faahfaahin intaas ka badan kama bixinin sababta keentay dagaalka.

Dhankiisa Wasiirka warfaafinta ee dalka Chad ayaa sheegay in weeraradu ay dhex mareen kooxo carab ah oo ka soo gudbay xuduudda dhinaca Libya iyo qowmiyadda Tama oo deggam dhinaca bari ee dalka Chad.

Dawladda Chad ayaa haatan mamnuucday hawlaha macdan qodista ee deegaannada Kouri Bougoudi, iyada oo halkaas ka daadguraysay dadweynihii goobtaas ku noolaa.

Dalka Chad ayaa ku lug leh dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo kooxaha fallaagada ah ee ku hanjabaya inay ridi doonaan dowladda ku meel gaarka ah ee uu hogaamiyo wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Idriss Deby. Hase yeeshee, ma jirin wax muujinaya in kooxaha argagixisada ama dembiilayaasha ay door ku lahaayeen rabshadaha macdanta.

Sawirro: Dowladda Turkiga oo ballan-qaad muhiim ah u sameysay Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya oo maanta kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka Abaaraha ayaa ballan-qaaday in dowladiisa ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegay in dowladiisa ay door muhiim ah ka qaadan doonto samatabixinta malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen.

Kulanka Danjiraha iyo Ergayga gaarka ah ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo uu maalmihii u dambeeyay looga hadlayay xaalada abaareed ee dalka iyo sidii ay dalalka beesha caalamka uga qeyb qaadan lahaayeen.

Ugu dambeyntiina Ergayga ayaa uga mahad-celiyay Safiirka iyo dowladda Turkiga taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha.

Ergayga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha ayaa sidoo kale goor sii horeysay la kulmay safiirka dowladda Imaaraadka Carabta, oo asagu muujiyey sida ay dowladiisa uga go’an tahay garab istaaga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Danjire Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi ayaa asagna ballan-qaaday wada-shaqeyn buuxda si loo samatabixiyo malaayiinta qof ee abaaruhu saameeyeen, xilli ay dhawaan deeq lacageed ay ku wareejiyeen dowladda.

Dhageyso: Sida yaabka leh ee diyaarad ay SOOMAALI leeyihiin uga degtay ISRAEL

Nairobi (Caasimada Online) – Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada aad loogu baahiyey in diyaarad ku duuleysa magaca Somali Airlines ay ku degtay garoonka Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv ee caasimadda maamulka Israa’iil.

Diyaaradaas oo ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa xalay ka degtay magaalada Tel Aviv ee caasimadda Israa’iil, waxaana sababta ay uga degtay sharaxay milkiilaha diyaaradaas Xaaji Ibraahim Nuur Hilowle oo la hadlay Idaacadda VOA.

Xaajiga ayaa beeniyey inay diyaaraddu ku socotay magaca Somalil Airlines, isagoo xaqiijiyey in diyaaradiisu ay ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya.

Rakaab ay siday ayuu sheegay inay ka dejisay magaalada Tel Aviv ee Israa’iil, isla markaana ay diyaaradu u rareed nin ka kireystay, sidoo kale Xaaji Ibraahim ayaa sheegay inuu qabsaday ninkii, balse uu xaqiiqsaday in diyaarad wadata leesinka Kenya aysan meel ka xiran jirin.

Soomaaliya iyo Israa’iil ma laha xiriir diblomaasiyadeed, weligoodana ma yeelan, taasi waxay keentay in markii xalay diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines oo uu leeyahay nin Soomaali ah ay ka degtay caasimadda Israa’iil aad loogu faafiyo warkeeda baraha bulshada.

Xaaji Ibraahim Nuur Hilowle ayaa sheegay in seddax diyaaradood uu leeyahay, isla markaana laba diyaaradood oo aan aadi karin dunida kale ay ka diiwaan gashan yihiin Soomaaliya, halka mida xalay tagtay Israa’iil ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Agaasimaha cusub ee warfaafinta madaxtooyada oo caawa xilka la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Qaranka Cabdulqaadir Cali Dige ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomalia xilka kagala wareegay Agaasimihii hore ee Warfaafinta iyo Madaxtooyada Cabdirishiid Maxamed Xaashi.

Agaasimihii hore ee Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirishiid Duqa ayaa ka warbixiyey shaqooyinka muhiimka ah ee waaxdu ay u qabato Qaranka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in shaqooyinkaas ay ka mid tahay haqabtirka baahiyaha xogeed ee shacabka Soomaaliyeed ee dhanka dowladda, wuxuuna Alle uga baryey Agaasimaha cusub in uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday.

Dhankiisa, Agaasime Cabdulqaadir Cali Dige ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta Warfaafinta iyo Xiriirika Warbaahinta Madaxtooyada.

Sidoo kale Agaasime Dige ayaa u mahadceliyey Agaasimihii hore Cabdirishiid Duqa, shaqadii uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilkaas.

Tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa bilowday is bedel ku socda maamulka madaxtooyada, iyadoo horay loo magacaabay Agaasimaha guud, ku xigeenkiisa, agaasimaha warfaafinta iyo xubno kale.

MAHAD SALAAD oo taliye cusub u magacaabay Nabd-Sugidda Gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa Taliyaha hey’adda ee Gobalka Banaadir u magacaabay Muxyadiin Warbac Shadoor.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo dhanka ammaanka ah Shadoor ayaa ah sarkaal muddo dheer ka tirsanaa hay’adda NISA, lehna khibrad dheer oo dhinaca amniga ah.

Wuxuu mudooyinkii u danbeeyay ee si dhow uu ula shaqeynayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo dhinaca amniga uu kala shaqeynayay doorashooyinkii lasoo dhaafay.

Muxuddiin ayaa xilka kala wareegaya Cilmi Maxamed Baruuke oo xilkaasi loo magacaabay bishii Maarso.

Mahad Salaad ayaa shalay la wareegay xilka hey’adda NISA oo Khamiistii lasoo dhaafay ay magacaabidiisa ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya.

Durba waxaa bilowday isbedel dhanka hoggaanka ah oo hey’adda ku socda, waxaana lagu wadaa in maalmaha iyo bilaha soo socda wax badan ay is ka bedelaan habdhaqankii hey’daas oo muhiim u ah dib u soo kabashada ammaanka dalka.

Qorsheyaasha socda waxaa ka mid ah in magaca laga bedalo hey’adda NISA, waxaana la qorsheynayaan in loo bixiyo FISA, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa horay Muxuddiin Warbac ugu magacaabay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, hase ahatee waxaa ka horyimid Farmaajo oo khilaafkii hoggaanka NISA xiligaasi ka taagnaa ayaa lagu burburiyay magacaabistaasi.

Guddiga FEIT oo ka hadlay xogta la xiriirta HOP#086 ee banaanka uga soo baxday

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal (FEIT), Muuse Geelle Yuusuf ayaa ka hadlay xog lasoo dusiyay oo ku saabsan in guddiga uu damacsanaa fasixida kursiga HOP#086.

Guddoomiyaha oo la hadlay BBC-da ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay inay doonayeen inay fasaxaan kursiga muranka uu ka taagan yahay ee HOP#086, kaasi oo doorasho ka dhacday Beledweyne ku guulaystay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasin Xaaji Daahir.

Sida ay fahamsan tahay Caasimada Online, maadaama uu fashilmay isku daygaas guddiga uu waday, guddiga ayaa hadda doonaya inay fashilkaas iska badbaadiyaan, waana midda keentay inay beeniyaan qorshihii ay maalmahaan ka shaqeynayeen.

Warka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa kusoo aadaya xilli Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble uu fashiliyey isku day ay guddiga ku doonayeen inay ku ansixyaan kursigaas oo ay heshiis kula galeen Fahad Yaasiin.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey inuu xalay soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Waxaa jiray in heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo istaajin laheyd meel adag.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Si kastaba, Muuse Geelle oo ahaa guddoomiyaha guddiga lakala diray ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan tallaabada ra’iisul wasaaraha, wuxuna sheegay in ay sharci tahay in lakala diro maadaama ay howshoodii soo idlaatay.

Sawirro: Imaaraadka Carabta oo ballan-qaad cusub u sameeyey Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa ballan-qaad cusub u sameysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kaas oo la xiriira gurmadka abaaraha, si loo samata bixiyo malaayiinta qof ee ay abaaruhu saameeyeen.

Danjiraha Imaaraadka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb. Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi oo maanta kulan la yeeshay ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in xukuumadda Abu Dhabi ay ka go’an tahay garab istaagga dadka Soomaaliyeed.

Amb. Al Hammadi ayaa intaas kaddib ergeyga u ballan-qaaday wada shaqeyn buuxda, si loo sii amba qaadio howlaha caawinaada ah ee loogu gurmanayo dadka tabaaleysan.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa uga mahadceliyay Safiirka dalka Imaaraadka Carabta taageerada ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ay halakeeyeen abaaraha, gaar ahaan deeqdii lacageed ee maalmo kahor ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka.

Kulankan ayaa qayb ka noqonayo dadaallada xoogan ee uu wado ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha, si wax looga qabto xaaladaha bani’aadanimo ee haaran ka jira koonfurta iyo bartamaha dalkeena Soomaaliya.

Ergeyga ayaa horey sidaan oo kale u qaabilay safiirada dalalka Sacuudiga iyo Qatar, wuxuuna kala hadlay shaqadiisa cusub iyo gurmadka socda ee abaaraha dalka.

Soomaaliya ayaa waxaa ku soo laa laabtay abaaro ba’an oo saameyn daran ku yeeshay dadka iyo duunyada, taas oo haatan ka jirta qaybo ka badan oo ka mid ah waddanka.

Soomaaliya iyo lix waddan oo kale oo dhoolatus milatari sameynaya iyo ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku biireysa lix waddan oo ku dhawaaqay inay sameyn doonaan dhoolatus militari oo ujeedkiiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa ammaanka dalalka ku teedsan Badda Cas.

Dalallka lixda ah ee dhoolatuskaan sameenayo ayaa kala ah Masar, Sacuudiga, Urdun, Suudaan, Jabuuti, Yemen iyo kormeerayaal ka socda Soomaaliya.

Admiral Yahya bin Mohammed Al-Asiri oo ah taliyaha Ciidanka galbeedka dalka Sacuudga ayaa xusay in dalalka ku teedsan Badda cas ay is-dhaafsan doonaan khibrado sare loogu qaadayo amniga baddaha iyo xoriyadda socdaalka badda cas.

Taliyaha howlgalkaan hoggaamin doono oo lagu magacaabo Admiral Yahya ayaa sheegay in lixda waddan ay muujinayaan muhiimadda marin-biyoodku u leeyahay adduunka oo dhan.

Admiral Yahya ayaa sheegay in marin biyoodkaan uu yahay marin-biyood dhaqaale fiican leh sidaas darteedna ay u go’aansadeen inay sameeyaan dhoola-tuskaan si ay usoo jiitaan adduunka intiisa kale.

Lixda wadan ee ka qeybgalayo dhoolatuska militari ayaa waxay ku midaysan yihiin isbaheysi lagu horumarinayo iskaashiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli ka hadlin warka kasoo baxay Admiral Yahya, balse waxay noqon doontaa dhoola-tuskii ugu horreeyey ee dalal badan ah oo muddo ay ka qeyb gasho Soomaaliya.

Xog: Qorshe magaca looga beddelayo NISA oo socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socda qorshe magaca looga beddelayo hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqjiiyeen Caasimada Online. 

Qorshahan oo uu wado agaasimaha cusub ee hay’adda Mahad Salaad oo xilka la wareegay Axaddii shalay, ayaa waxaa sidoo kale wax ka og madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay fahamsan tahay Caasimada Online).

Magaca cusub ee hay’adda ayaa la qorsheynayaa inuu noqdo, Federal Intelligence and Security Agency (FISA) ama Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Federaalka.

Arrintan ayaa qeyb ka ah isbeddel guud oo lagu sameynayo hay’adaha federaalka iyo si gaar ah hay’adda NISA, oo muddadii uu Farmaajo madaxweyaha ahaa noqotay mid ku milantay siyaasadda oo lagu fushado dano shaqsi.  

Si kastaba, si arrintan ay u hir-gesho waa in la horgeeyaa baarlamanka, laguna soo saaraa xeer baarlamaan, taasi oo la filayo inaysan dhib noqon doonin maadaama guddoonka baarlamanka ee hadda jira uu ku dhow yahay madaxweynaha. 

Qodobka 130-aad ee dastuurka federaalka ayaa dhigaya sida: Sharciga Hay’adaha Amaanka Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa soo saaraya xeer maamulaya qaab dhismeedka, shaqada iyo heerarkooda (Stands) hay’daha amaanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Sidaas darteed, awoodda magac ka beddelista hay’adda waxay si buuxda gacanta ugu jirtaa baarlamanka, haddii aan la helin daldaloolo looga wareegsan karo. 

Waxyaabaha uu diiradda saarayo madaxweyne Xasan Sheekh oo dib loo doortay 15-kii May ayaa waxaa ka mid ah dib u habeynta hay’adaha amniga iyo xaqiijinta amniga caasimadda. 

Hay’adda sirdoonka oo la aas-aasay 8-dii Janaayo 1970-kii waa markii hore uu magaceedu ahaa Hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ama National Security Service (NSS). Waxaa magaca NISA loo bixiyey bishii Janaayo 2013-kii xilligii madaxweyne Xasan Sheekh, markaasi oo dib loo aas-aasay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo berri booqasho ku tegaya BAYDHABA + Ujeedka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu bilaabo safaro kala duwan oo uu kala bixinayo qaar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne Xasan ayaa berri booqashadiisii ugu horreysay ku tegaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia.

Waxaa maanta magaalada Baydhaba gaaray wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Qaranka Xuseen Shekh Maxamuud oo ay wefdigiisa qeyb ay ka ahayeen Xildhibaano iyo Saraakiil ka socday Madaxtooyada Qaranka.

Wafdigaan maanta gaaray Baydhaba ayaa hordhac u ah booqashada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu wado inuu berri ku tago Baydhaba.

Madaxweyne Xasan iyo lafta-gareen ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan isbedalka ka dhacay dalka, kadib doorashadii Madaxweynaha ee la qabtay 15-kii May, taas oo uu ku guuleystay Xasan Sheekh, waxaana Lafta Gareen uu ka mid ahaa taageerayaashii Madaxweynihii hore dalka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in kulanka lagu soo qaadi doono wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan dhismaha dowladda cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Lafta Gareen uu Madaxweynaha cusub la wadaago xaaladda siyaasadeed ee uu wajahayo maamulkiisa iyo abaabulka ka socda magaalada Muqdisho.

Safarka Baydhabo, kadib Madaxweynaha dowladda federaalka ayaa tegi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Ujeedka ayaa ah sidii uu Madaxweynaja u qaboojin lahaa xiisada & kala aragti duwanaanta maamullada qaar, gaar ahaan kuwii taabacsanaa Madaxweynihii laga adkaaday, Farmaajo.

Si kastaba, Madaxweynaha cusub ayaa ku howlan dhismaha dowladdiisa, wuxuuna horey u ballan qaaday in uusan jiri doonin aargoosi lagu beegsanayo kuwa ka fikirka duwan.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax iyo dagaal ka dhacay AFGOOYE + Khasaaraha

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo dhaliyey khasaare, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay xaafado ka tirsan degmada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee guriga gudoomiye ku xigeenkii hore amniga degmada Afgooye Xuseen Jibriil, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uulka la weeraray uu soo gaaray dhaawac, isaga iyo wiil dhalinyaro ah oo la socday, xilliga uu dhacayey qaraxa.

Sidoo kale waxaa goobta ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, mana jiro wax faah faahin ah oo ay ka bixiyey qaraxaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Afgooye, kadib weerar ay ku soo qaadeen xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka oo aan la xiriirnay.

Afgooye oo hoostagta Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro ay kusoo qaado kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.

Daawo: Ugaas Xasan oo ka jawaabay hadalkii taliye Shub ee qorshaha Xamar ka socda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadalkii dhowaan ka soo yeeray xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano (Taliye Shub), kaas oo dhowaan shaaciyey inay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo ku howlan duminta Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in Taliye Shub markiisii hore lagu yaqaanay hadallada kicinta ah iyo handadaada, balse wuxuu tilmaamay in haatan looga baahan yahay inuu garto mas’uuliyada saaran maadaama uu yahay xildhibaan Qaran.

“Horta Jenaraal Mahad inta aan ogahay, inkastuu ahaa nin ciidan ah markiisii hore, laakiin maanta xeyndaabkii ciidanka iyo handadaada waa kasoo gudbay waa xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ugaas Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray Ugaas Xasan “Waxaan ka sugeynaa Jenaraal Mahad hadalladii lagu yaqaanay kicinta iyo colaadaha inuu iska daayo oo garto mas’uuliyadda saaran inay ka weyn tahay midii waagu ciidanka ahaa in wax la dilo kaliya aheyd,”.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in aysan aheyn siyaasiyiinta la eedeeyey kuwa duminayo Koonfur Galbeed, balse ay yihiin kuwii soo dhisay, ayna ka shaqeynayaan horumarka iyo in la ilaaliyo dastuurka lagu heshiiyey.

“Koonfur Galbeed dadkii duminaayey ma nihin dadkii shalay soo dhisay, maantana jiritaankeeda ogol, berina inay wanaagsanaato ayaan rabnaa, haddii uu Alle idmo,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo horey xildhibaan Mahad uu weerar afka ah ugu qaaday siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeedo Madaxweyne Lafta Gareen oo uu ku eedeeyey in ay wadaan qorshe lagu burburinayo Koonfur Galbeed, siduu hadalka u dhigay.

“Madaxweynaha haddii la doortay dad annaga naga mid ah Digil iyo Mirifle ka mid ah ayaa system waxay wadaan inay burburiyaan maamulka inta ka jira maamul la burburiyeyna waxa uu leeyahay waa kaseynaa dhibaatuu leeyahay,” ayuu yiri Mahad Cabdiraxmaan.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalado siyaasadeed oo horleh, waxaana la isku hayaa muddada xil heynta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo ay siyaasiyiinta kasoo horjeedo ku eedeynayaan inuu wado qorshe uu ku kororsanayo xilka.

Agaasime GABOOSE oo shaaciyey xog ku saabsan IKRAAN TAHLIIL FAARAX

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii xafiiska hanti-dhowrka ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Maxamed Maxamuud Gaboose oo ka mid ah mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii lagu dilay Allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bixiyey faah faahin iyo xog ku aadan Ikraan Tahliil Faarax.

Dhibane Gaboose oo weerarkaasi ku waayey lug iyo gacan is xiga ayaa wareysi dheer oo uu siiyey Idaacadda Kulmiye wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana sidoo kale wax looga weydiiyey aqoontii uu u lahaa Ikraan Tahliil oo la waayey, kadib dilkii Eng. Yariisow.

Agaasimaha ayaa sheegay in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd gabar yar oo deggan, afgaaban, misana adaab leh, sida uu ku sheegay qaybta labaad wareysiga uu bixiyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in inta badan aysan joogi jirin xafiiskeeda, balse ay agfdhiisan jirtay guddoomiyihii la dilay ee Marxuum Eng. Cabdiraxmaan Cismaan Yariisow oo ay si dhow ula shaqeyneysay mudadii uu joogay xafiiska.

“Ikraan Tahliil waxaan ka xasuustaa gabar yaroo afgaaban oo idaab badan marka iyadu xafiiskeeda inta badan ma joogi jirin waxay joogi jirtay xafiiska guddoomiyaha oo guddoomiyaha ayey agfadhin jirtay inta badan,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Gaboose.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo shaki weyn uu ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la rumeysan yahay in loo beegsaday xog ay ka heysay qaraxii gobolka Banaadir, walow arrinteeda ay dhalisay xiisad xoogan oo hareysay dowladda Soomaaliya.

Ikraan oo aheyd xubin ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka (HSNQ) ayaa warkeeda la waayey June 26 2021, markaas oo xilli habeen ah lagu watay baabuur ka qaaday gurigeeda magaaladaMuqdisho, balse 2 September ee 2021 ayaa hay’adda NISA waxa ay sheegtay inay u gacan gashay kooxda Al-Shabaab kadibna sidaas lagu khaarijiyey.

Xog: Sidee Rooble uga war helay qorshaha guddiga FEIT kahor inta aanu kala dirin?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kala diray guddiyaddii doorashada dadban ee dalka ka dhacday, kadib markii uu ka war helay qorshe uu damacsanaa guddiga FEIT.

Sida ay ogaatay Caasimada Online guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qorsheynayey iuuu xalay soo saaro go’aan lagu fasaxayo kursiga #HOP086 ee Fahad Yaasiin oo horay guddigaan iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo is-kaashanaya ay doorashadiisa u hakiyeen.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, waxaa heshiis qarsoodi ah uu dhex-maray xubnaha guddiga iyo ergo ka socotay Fahad Yaasiin, si kursiga loo fasaxo, taasi oo Rooble soo istaajin laheyd meel adag.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in fasaxa kursiga lagu kala qaadan rabay lacag dhan 1.5 milyan oo dollar, oo xubno ka mid ah guddiga ay heshiis ku galeen.

Waxaa suurta-gal ah in dad badan ay is-weydiiyaan sida lacag sidaas u badan loogu bixin karo kursi xildhibaan, balse muhiimadda ayaan aheyn kursiga ee waa xasaanadda uu leeyahay.

Waxaa xusid mudan in doorashadii 2016 ay xildhibaano badan oo badankood kasoo jeeda beesha Hawiye ay kuraas xildhibaan ku bixiyeen lacag ka badan nus milyan dollar, si ay ugu helaan xasaanad uguna ilaashadaan ganacsiyo iyo qanadaraasyo ay ka hasytaan dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, heshiiska qarsoodiga ah ee guddiga iyo Fahad ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha usoo dusiyey xubno ka mid ah guddiga oo ku dhow, taasi oo keentay go’aankii deg degga ahaaa ee uu xalay ku kala dirau guddiga. 

“Kuraasta baarlamaanka ee guddiyadu ay go’aamiyeen in dib loo soo doorto waxaa doorashadooda maamulaya guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, waxaana loo marayaa habraacii hore ee lagu soo doortay baarlamaanka 11-aad,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalkaan waxaa sidoo kale lagu cadeeyey in shaqadii guddiyadaan ay ku ekeyd doorashadii guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo dhacday 27 ilaa 28-kii bishii hore.

Kursiga #HOP086 ayaa waxaa horey ugu fadhiyey oo weli damac uga jira inuu dib u helo Faarax Cabdulqaadir oo ka mid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh, mana cadda haddii tallaabada uu xalay qaaday Rooble ay arrintaas qeyb ka tahay.