25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Wararkii ugu dambeeyey ee kulamada madaxweynaha ee Baydhaba + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay qaybaha bulshada deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha ayaa gooni gooni u qaabilay culimada, haweenka, odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada “Wuxuuna kala hadlay doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska dalka, adkaynta dowladnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada, taakulaynta dadka danyarta ah iyo kuwa u nugul masiibooyinka dabiiciga ah,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa bulshadii uu la kulmay wuxuu ka dhagaystay aragtiyahooda ku saabsan dowlad-dhiska dalka, isagoo la wadaagay qorsheyaasha dowladda uu hoggaamiyo ee horumarinta bulshada, shaqo abuurka, la dagaallanka argaggixisada, nabadaynta, taaba-gelinta adeegyada asaasiga ah iyo u gurmashada dadka tabaaleysan.

“Dhankooda, qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey qaabbilaadda uu u fidiyey iyo sida wanaagsan ee uu uga dhageystay aragtiyaha ay la wadaageen, iyaga oo hoosta ka xarriiqay in ay Madaxweynaha ku garabsiinayaan dadaalka uu ugu jiro horumarinta dowladnimada iyo dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa habeenkii labaad ku hoyday magaalada Baydhaba, halkaas oo kulamo kala duwan uu kula yeeshay madaxda maamulka Koonfur Galbeed iyo bulshada deegaanka.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa shalay booqday xeryaha ay ku nool yihiin dadka ay deegaanadii ka soo barakiciyeen abaaraha dalka ka jira, wuxuuna sheegay inuu soo arkay xaalado laga murugoodo, isagoo ku baaqay in dadkaas deg deg loo caawiyo.

Daawo: Aadan Madoobe oo ku dhegan xukuumadda Rooble, dul dhigayna amar culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed oo maanta warbaahinta kula hadlay xarunta golaha ayaa amar ku aadan miisaaniyadda cusub dul dhigay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble.

Guddoomiyaha ayaa xukuumadda ka dalbaday in miisaaniyadda ay ansixiyeen golaha wasiirrada loo soo gudbiyo guddoonka ka hor 12-ka bishaan, si loogu soo daro ajendaha golaha ee fadhigooda ugu horeeya.

Xildhibaanada oo fadhigoodii maanta uu u furmi waayey kooram la’aan ayaa dib isugu soo laabanaya 12-ka bishaan June, sida uu iclaamiyey guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ajendeyaasha ugu horeeya ee golaha la hor geynayo ayaa lagu wadaa inay ka mid noqoto miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka, kaas oo la doonayo in goluhu uu ansixiyo.

Shirkii todobaad-laha ee golaha wasiirrada ayaa Khamiistii lagu ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadkan 2022-ka oo dhan (918.7 M) taas oo noqotay miisaaniyadii ugu badneed ee dalka burburkii kadib.

“Xukuumaddu miisaaniyadii waa diyaarisay, waxaan ka rabnaa in 12-ka bisha ka hor ay noo soo gudbiyaan miisaaniyadda, 12-ka June ayaan fadhiga ugu horeeya isugu imaa doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Hoos ka daawo

Xog: Sarkaal awood badan ku leh NISA oo is-casilaad u geeyey MAHAD SALAAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Is-bedelka maamul ee dalka ka curtay ayaa durba saameeyay hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA, iyadoo la bedelay taliyaashii NISA ee Gobolka Banaadir, Garoonka Aadan Cadde iyo Waaxyo kale oo muhiim ah.

Taliyihii dabagalka NISA Korneyl Cabdullahi Daahir (Cabdullahi Dheere), oo ka mid ahaa saraakiisha ugu muhiimsan hay’adda, ayaa is-casilaad uu hey’adda uga tegayo u geystay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad, balse waa laga aqbali waayey, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiil ku dhow Cabdullaahi Dheere.

Sidoo kale Cabdullahi Dheere ayaa la sheegay inuu dalbaday fasax, balse ma cadda inuu ka aqbalay Agaasime Mahad Salaad. Ninkaan oo warbaahinta aan ka soo muuqan, galangal badana ku leh gudaha iyo dibadda dalka ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay xog ogaal u ahaa wixii ka dhacay gudaha hay’adda.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay in waayihii dambe ay isku dhaceen kooxda Farmaajo, iyadoo xubnaha noo waramay ay tilmaameen in si hoose uu uga qeyb qaatay ololihii doorashada ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadal-heynta ugu badan ee dhanka NISA ayaa maanta aheyd in ciidankii ilaalada u ahaa Fahad Yaasiin lagu amray inay soo xaroodaan, balse saraakiil uu ku jiro Cabdullahi Dheere oo ka tirsan hey’adda NISA ayaa dhaliilay go’aankaas, waxayna qabaan in Fahad Yaasiin uu xaq u leeyahay inuu heysto ilaaladiisa.

Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa maalmahaan wada dib u eegis ku saabsan hanaankii shaqo ee hey’adda nabad sugidda Soomaaliya oo dhaliil muteysatay waayihii dambe,

Korneyl Cabdullahi Dheere ayaa kamid ah xubnaha faro ku tiriska ah ee wax badan ka og kiisas waa weyn oo dalka ka dhacay, kuwaas oo ay ugu horeeyaan beegsi saraakiil ciidan, maqnaashaha Ikraan Tahliil iyo askartii loo qaaday dalka Eritrea.

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay 28-sano jir ayaa ku dhashay dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed, wuxuuna sanadihii 2007 ilaa 2010-kii kasoo mid noqday urur diimaadyadii dalka ka jiray.

Dad badan waxay eegayaan sida ay u dhacaan isbedelada ku socda hey’adda NISA, qaaar kale waxay ku dadaalayaan inay ku lug yeeshaan maamulka cusub, saraakiisha NISA iyo kuwa ciidamada kale ee amniga ka shaqeeya waxa ugu weyn ee hor yaalla waa nabad deynta dalka iyo xaqiijinta amniga magaalada Muqdisho oo amni darro xoog leh wajaheysa.

Somaliland oo qaadaceysa Xajka sanadkan kadib tallaabo ay qaaday DF Soomaaliya

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inaysan sanadkaan dadkeeda soo xajin doonin, haddii aan wax laga bedelin go’aanka ay dowladda federaalka u qeybisay tirada xujeyda sanadkaan.

Somaliland ayaa si adag uga hortimid tirada ay dowladda federaalka u qorsheysay inay kasoo xajiyaan deegaanadeeda, taasi oo dhan 350.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo maanta kulan muhiim ah la qaatay culimada iyo qaar ka mida shirkadaha ka shaqeeya arrimaha Xajka ayaa laga soo saaray in dowladda federaalka ay siyaasadeysay tirada xujeyda loogu tala-galay Somaliland iyo Soomaaliya.

Kulankaan ayaa waxaa laga soo saaray qoddobo dhowr ah oo kala ah;

1- Shirkadaha iyo shirkadaha ka shaqeeya arrimaha xajku, waxa ay si buuxda u taageereen go’aanka xukuumadda ee ah in aanay sinnaba suuro gal u ahayn oo aan la aqbali karin tiradaasi kooban.

2- Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay la socodsiinaysaa dawladda Sucuudiga, maadaama ay guud ahaan umuadda muslimka ah ay mas’uul uga yihiin arrimaha xajka in ay Soomaalya siyaasadaysay xajkii, kaas oo ah mid ka mida arkaanta Islaamka.

Haddii arrintan si degdeg ah xal looga gaadhi waayo, waxa ay keeni doontaa in dadkayagu aanay xajin sanadkan.

3- Ugu dambayn, waxaa la farayaa daneeyayaasha arrimaha xajka, shirkadaha xajka ka shaqeeya iyo xamladahaba in ay u hoggaansamaan go’aankan maanta la wada qaatay, oo aanay dhici karin in cidi baal marta.

Hanti-dhawrka guud oo gudbiyay natiijada baarista kiiska wasiirka A/Dibedda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in uu baaristii uu ku sameeyay kiiskii Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisaciid Muuse Cali ee dhawaan shaqada uu ka joojiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Hanti-dhawrka ayaa sheegay in baarista uu bilaabay kadib warqadii 24-ka bishii hore kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ee la xiriirtay kiiska markab dhuxul siday oo lagu xanibay Saldanada Cumaan.

“Xafiiska Hantidhawrka Guud ayaa gutay waajibaadkiisa kaga aadanaa baaristaas, iyadoo dhamaan macluumaadka aan uruurinay intii ay baaristu socotay aan la wadaagnay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka si loo dhameystiro baarista oo uu horay gal ugu furay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Hanti-dhawrka Guud.

Sidoo kale waxa uu sheegay Hanti-dhawrka Guud in macluumaadka la xiriira arrinkaas uu la wadaagay hay’aaddaha dowladda federaalka Soomaaliya ee ay khuseyso.

Xubno ka socday Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa 27-ka bishii hore la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee shaqo joojinta lagu sameeyay, ayada oo su’aalo ka weydiiyeen kiiska la xiriira markabka siday dhuxusha.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa hore ugu eedeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku takrifal awoodeed markii uu ku sameynayay shaqo joojinta

Si kastaba, Baarista uu sameeyay Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa timid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaraha dalbaday in Hanti-dhawrka iyo Hay’addaha amnigu ay baaritaan ku sameeyan tallaabooyinka Wasiirka, gaar ahaan fasaxida Markab siday dhuxul sharci daro ah.

Xog: Mahad Salaad oo amar dul-dhigay ciidan iyo gaadiid ilaalo u ah Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo wareedyo ka tirsan hey’adda NISA u xaqiijiyeen Caasimada Online, Taliyaha cusub ee hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa amar ku bixiyey inay soo xaroodaan askarta iyo gaadiidka ilaalada ka ah guriga Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Illaa 30 askari oo ka tirsan ciidanka NISA iyo labo gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa la siiyey amarkaan, kuwaas oo ilaalo ahaan u jooga guriga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Waxaa maanta aad baraha bulshada loogu faafiyey war sheegayey in la weeraray hoyga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, balse waxay Caasimada Online soo xaqiijisay in uusan dhicin wax weerar ah.

Ciidamadaan oo wata laba gaari ayaa lagu amray inay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama ay ka mid yihiin ilaalada Taliyaha NISA oo hadda loo magacaabay Mahad Salaad.

Fahad Yaasiin ayaa hada dalka ka maqan, wuxuuna bartamihii bishii hore u safray dalka Turkiga, maalin kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Fahad Yaasiin oo mar ahaa jiheeyaha siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda dibad joog ka ah siyaasadda, kadib markii uu guul dareystay madaxweyne Farmaajo oo mudo uu kala shaqeynaayey dib u doorashadiisa.

Madaxweyne Xasan oo soo saaray baaq deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqday kaamamka barakacayaasha ee magaalada Baydhabo ayaa ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha ayaa booqashadiisa ugu kuurgalay xaaladda nololeed ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed ee ay waxyeeladu ka soo gaartay abaaraha ka jira dalka, biyo la’aanta iyo dhibaatooyinka ay argaggaxisadu ku hayaan dadka Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aan haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo.” ayuu yiri.

Waxa uu faray hay’adaha dowladda in la dardar-geliyo hawlaha gurmadka abaaraha, oo uu dhawaan u magacaabay ergay gaar ah.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka jira dalka iyo garab istaagga shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, isaga oo xusay in dowladdu dhowaan magacowday ergay gaar ah oo ka shaqaynaya isku-xirka arrimaha gurmadka abaaraha.

Waxaa booqashada madaxweynaha ku wehlinayay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

INGIRIIS oo faallo ka qoray ‘khaladaad SHARCI ah’ oo ku jira magac beddelka NISA

Runtii, waa wax la-yaab leh in magaca NISA loo beddelo FISA, iyada oo aan wax qaanuun ah la soo marsiin jiritaankeeda. Markii horeba, ma aysan jirin wax xeer ah, oo ku dhisan sharci iyo shuruuc baarlamaan la mariyey, oo lagu sameeyey NSS (NISA).

Waxay weligeed NSS (NISA) ku dhisnayd dikreetadii uu Jaalle Siyaad soo saaray 15 February 1970-kii, ee uu ku sheegay inay tahay xeer. Bacdamaa Jaalle Siyaad uu isagu isku ahaa sharci-soo-saare iyo sharci-fuliye, sideeda ayay dhaqan-gal ku noqotay dikreetada aasaaska hay’adda, mar haddeysan xilligaas dalka ka jirin cid ku af-celin kartay ‘Macallinka Kacaanka’.

Shaqada ay NSS qabaneyso, oo si caddaan ah loogu faahfaahiyey xeer-ku-sheegga, waxay sharci-darro ku ahayd xeerarkii dimoqriyadeed, ee golayaasha metelaadda qaran ee dadweynuhu (national assemblies) ay ansixiyeen intii u dhexeysay 1952-1967, sida xeerarka xuquuqda aasaasiga ah (basic human rights), xorriyadda qofeed (individual liberty) iyo xaqa uu qofka Soomaaliyeed uu u leeyahay inuu xornimo iyo sharaf ugu noolaado dalkiisa gudihiisa.

Tusaale, Qodobka Lixaad ee xeer-ku-sheegga NSS (NISA), wuxuu leeyahay: ‘Xubnaha NSS [NISA] waxay lahaanayaan awood ay qof kasta kaga soo qabanayaan meel kasta iyaga oo aan wadan wax warqad maxkamadeed oo soo-qabasho ah’ (Tixraac: Bollettino Ufficiale della Repubblica Democratica Somala, ‘Law No. 14 of the 15 February 1970, Establishment of the National Security Service’, Anno I., Mogadiscio, 23 Marzo 1970, Suppl. n. 5 al., n. 3, pp. 203–205).

Bilcaksi, Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo lagu ansixiyey xeer baarlamaan 16 December 1962-kii, lana dhaqan-geliyey 3 April 1964-kii, wuxuu qabaa in aan qofna la iska soo xiran karin (sidii xoolaha oo kale), iyada oo aan warqad laga haysan maxkamad sharci ah (Tixraac: The Somali Penal Code, Legislative Decree No. 5 of 16 December 1962). Haddaba, waa su’aalo sharciyeede, yaa haddeer wax ka beddelaya xeer-ku-sheeggii Lambar 14? Ma sidii Jaalle Siyaad oo kale ayuu Xasan Sheekh wuxuu dikreeto cusub – konton sano kaddib- ku soo saari doonaa xeer-ku-sheeg ku saabsan magac-ka-beddelka NISA, oo la leeyahay waxaa loo bixiyey FISA, taas oo aan dhinac kasta waxba ka duwanayn NSS (NISA)-dii hore? Mise, waa sida ay tahaye, waa in NSS (NISA) dib loogu celiyo sidii ay ahayd 1969 ka hor, oo ah laan gaar ah oo ka tirsan Booliiska (Special Branch of the Somali Police?)

Si kastaba, waxaan maalmahaan oo dhan wareysanaayey dad ka mid ahaa dhibbanayaashii NSS (NISA) ee sannadihii 2017-2022. Waxaan soo ururiyey dhowr kiis oo ku saabsan falal naxariis darro iyo cawaannimo ah (numerous harrowing accounts of barbarism and brutality). Waxaa naxdin ugu filan dhibanayaashaas sugaya dacwadahooda in la qaado in magacii NSS (NISA) loogu sii beddelo FISA, oo ah sheeka-baraleey aan ku cusbeyn maqalka dhagahooda.

Magaca NSS waxaa horey loogu beddelay magaca NISA xilligii hore ee Xasan Sheekh. Mar kale in haatan magaca NISA loogu sii beddelo FISA, waa calaamad cad oo muujinaysa inay sheekadu ahaan doonto ‘jugjug meeshaada joog’.

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis

Boolis xirtay waddo ka tirsan magaalada Muqdisho oo dil iyo dhaawac la isugu daray

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan iyo kuwa masaafurka ah ee isticmaala wadada laamiga Kaaraan ee hormarta saldhiga degmadaasi ayaa dhibaato ku qaba isticmaalka wadadaasi oo ciidamada booliska 5-ta galabnimo ay gooyaan, gaadiidkana ka mamnuuc inay isticmaalaan wixii saacadaas ka danbeeyo ilaa subaxdii.

Iyadoo dhibaatadaasi ay jirtay ayaa ciidamo milateri oo ku socday gaari Toyoto ah oo damcay inay maraan wadada hormarta saldhiga degmada Kaaraan waxaa ka hor istaagay askartii booliska ee saldhiga ku sugnaa, kuna amray in ay isticmaalaan qarda jeexa xaafadaha.

Milaterigii oo ka carooday amarka askarta booliska ayaa ku adkeystay inay marayaan laamiga maadaama xili galab ah ay aheyd, hase ahaatee ismaan dhaaf kadib waxaa dhex maray gacan ka hadal, waxaana ciidamadii milateriga ay billaabeen inay awood adeegsadaan.

Israsaaseyn dhex martay askartii booliska iyo milaterigii gaariga ku socday ayaa waxaa goobta ku dhintay laba askari oo booliska saldhiga degmada Kaaraan ka tirsanaa, waxaana dhaawacmay askari kale iyo qof shacab ah.

Falkaasi anshax xumada ku dhacay ayaa waxaa eeda iyo mas’uuliyada loo saariyay taliska booliska degmada Kaaraan oo shacabka iyo gaadiidka ka xera wadada 5 galabnimo, iyadoo ay adag tahay in la isticmaalo wadooyinka qarda jeexa ah ee xaafadaha oo ah kuwo raf ah oo la mari karin.

Degmada Kaaraan ayaa ah tan ugu amniga xun Muqdisho, waxaana caadi ka ah falalka dhaca ah oo ay gaysanayaan ciidanka iyo kooxo kale oo hubeysan, ayada inta badan shacabku aanay guryaha ka biixn maqribka kadib cabsi darteed.

Xog: Xubno ka tirsan NISA oo xabsiga la dhigay iyo sifeyn xooggan oo bilaabatay

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu xilka la wareegay taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad, waxaa taliska nabad sugida ka billowday isbadalo lagu sameynaayo shaqaalaha iyo xilalka, sida ay ogaatay Caasimada Online

Tallaabadii ugu horreysay ayaa noqotay in xilalkii laga qaaday taliyeyaashii garoonka diyaaraddaha Muqdisho, gobolka Banaadir iyo maaliyadda.

Dhamaan boosaskaasi ayaa waxaa loo magacaabay xubno cusub.Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Muxuddiin Warbac Shadoor, Taliyaha garoonka Aadan Cadde Xamdi Xasan Maxamuud iyo hoggaanka maaliyadda NISA oo loo magacaabay Iimaan Elman.

Dhinaca kale, hoggaanka cusub ee NISA ayaa billaabay inuu bartilmaameedsado xubno loo arko inay aad ugu dhowaayeen taliskii hore iyo kooxdii Nabad iyo Nolol, waxaana xabsiga la dhigay ilaa saddax sarkaal oo laamaha kala duwan ee NISA ka howlgala.

Saraakiisha la bartilmaameedsaday ee shaqada laga eryay islamarkaana xabsiga la dhigay waxaa ka mid ah Jeylaane Maxamed oo NISA u joogay qeybta Scan-ka garoonka diyaaraddaha Muqdisho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee sarkaalkaasi loo xiray inay xiriir la leedahay eryida taliyihii garoonka oo laga tirsanayay eed la xiriirto fulinta amaradii lagu dhibaateyn jiray madaxdii mucaaradka xiliyada garoonka kasoo degayeen ama ka dhoofayeen.

Ugu danbeyntii, waxaa la filayaa in taliska cusub ee NISA uu sii wadi doono shaqo ka eryida iyo magacaabida xilal cusub, waxayna shaqaalaha badankood ay farta wadnaha ku hayaan inay seefta qaadi doonto iyo in kale.

QARAX khasaare geystay oo ka dhacay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goordhow ka dhacay ka dhacay qaybo ka mid ah gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo lasoo wariyey inuu geystay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda, sida ay innoo xaqiijiyeey goobjoogayaal.

Ciidamada la qarixyey ayaa watay gaari nooca raaxada ah, waxaana soo gaaray khasaare kala duwan, sida ay shaaciyey dad ka agdhowaa goobta.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan 1 askari ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen 3 qof oo kale, kuwaas oo labo ka mid ah ay yihiin dad shacab ah.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo sameeyey baartaano kooban, balse ma jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan deggan, waxaana caadi ku soo laabtay dhaq-dhaqaaq dadka iyo ganacsiga.

Dayniile ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro qaraxyo ah oo qaarkood lala beegsaday rag muas’uuliyiin ah, waxaana badankood sheegata kooxda Al-Shabaab.

Weerarkan qaraxa miinio loo adeegsaday ayaa sidoo kale ka mid noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay kusoo badanayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Afhayeenkii FARMAAJO oo qormo macsalaameyn ah ugu hadlay wixii soo maray

Afhayeenkii hore ee madaxtooyadda Villa Somalia, C/rashiid Maxamed Xaashi oo qoraal macsalaameyn ah soo gaarsiiyay Caasimada Online, wuxuu ugu hadlay waayihii shanta sano iyo marxaladihii kala duwanaa ee soo maray, isagoona qormadiisa cinwaan ugu dhigay “AFHAYEENNIMADU WAA BANOONI AFKA LAGA DHEELO OO BULSHADU GARSOORE KA TAHAY.

Hoos ka aqriso

Fursaddan aan uga faa’iidaysto in aan u mahadceliyo, Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo igu aaminay in aan guto waajibka qaran ee uu ii magacaabay, waxaan leeyahay: “Afrika waxaa asaaggeed ka reebay musuqmaasuq. Haddii maanta 54-ka dal ee Afrika ay gali lahaayeen doorasho xor iyo xalaal ah, dadweynaha dal waliba waxuu dooran lahaa hoggaamiye u ilaaliya ammaanadooda. Naso nafta geesiga aheey”.

Intii aan shaqaynaynay, waxaa na soo martay maalmo qurux badan iyo kuwo kale oo adag. Marka aan ka soo gudbo in laga shaqeeyey danta Dalka, Dadka iyo Diinta, Waxaa iigula xasuus badnaa xilliyadaas, aafadii COVID-19 iyo sidii caalamku u kala go’ay bulshooyinkuna u kala fogaadeen. Waxaa xigay dabayshii doorashada iyo shirarkii isdaba joogga ahaa, heshiiskii 17-kii Sebteembar iyo hirgalintiisii. Waxaa ugu danbayn ku soo afmeernay dimuqraadiyaddii xil-wareejinta oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Astaan Qaran inoogu noqday, waxaan leeyahay: “Madaxweyne Alla ha kula garabgalo, hammigaaga iyo dib-u-doorashadaada”.

Marka labaad waxaan aad ugu mahadcelinayaa dhammaan Hawl-wadeennadii Warfaafinta Madaxtooyada ee sida xirfadda leh iila soo shaqeeyey, iyaga oo igu garab siiyey in aan waajibaadkii nasaarnaa u wada gudanno si xil-kasnimo leh.

Bahda warfaafinta Soomaaliyeed gaar ahaan Agaasimayaasha warbaahinta gaarka loo leeyahay waxaan uga mahadcelinayaa sidii wanaagsanayd ee ay mudadaas iila shaqeeyeen, si gaar ah waxaan u xasuusnaan doonaa barnaamijyadii khayriga ahaa ee aan wada fulinnay sida, ka warqabkii joogtada ahaa ee agoonta wariyayaashii Soomaaliyeed ee u geeriyooday iyaga oo mihnaddan sharafta leh ugu adeegaya bulshadooda.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa, saaxiibbadii caalamka ee Warfaafinta Madaxtooyada JFS, kuwaas oo aan iska kaashanay dhinacyada la dagaallanka fikirka xagjirka iyo wararka been abuurka ah, Saaxiibaddaas oo ay ugu horreeyaan Warfaafinta Madaxtooyooyinka Turkiga, Nigeria, Qadar iyo qaar kale.

Waxaan marwalba xasuusnaan doonaa una mahadcelinayaa bulshadii Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba nagu taageertay shaqadii aan qaranka u soo qabanay. Waa idinkii nagu garab taagnaa guulihii dib-u-dhiska dalka iyo Isxilqaan, waa idinkii dhiigga u shubay 14 Oktoobar, waa idinkii soo hor dhoobtay maxkamadda ICJ, waa idinkii.. waa idinkii..

Dharaarihii aan shaqayneynay, waxaan 30 sano kaddib dhisnay xafiiska cusub ee Warfaafinta Madaxtooyada JFS, kaas oo Madaxweyne Farmaajo ugu magac daray ruugcaddaagii saxaafadda Soomaaliyeed ee Cabdi Xaaji Gobdoon. Waa Muwaadinkii ugu horreyey ee goob ka tirsan Madaxtooyada Qarankeenna loogu magac-daro, waana mid muujinaysa mudnaanta ay Madaxtooyadu u hayso shaqadii qiimaha badnayd ee uu ka soo qabtay. Waana tan maanta ay hiigsanayaan jiilka aan ka midka ahay.

Warfaafinta Madaxtooyadu waa qayb ka mid ah Xafiiska Madaxweynaha oo u xil saaran baahinta waxqabadka Dowladda iyo horumarka Dalka, iyada oo mudnaan la siinayo haqabtirka baahiyaha xogeed ee Shacabka iyo Warbaahinta, difaaca danaha qarannimada Soomaaliyeed iyo horumarinta Warbaahinta Soomaaliyeed.

Muddadii Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS aan ahaa waxaan maanka ku hayey, in afhayeennimadu tahay banooni afka laga dheelo – kubad afka laga ciyaaro- oo ay waajib tahay in aad yool ama hadaf cad u yeesho xirfadda aad garoonka latagayso. Bulshada ayaa garsoore ka ah ciyaarta, iyaga oo maanka ku haya “War hay, oo war aad rabto hay.”

Ugu danbayntii, hoggaaminta Xafiiska Warfaafinta JFS waa shaqo iyo sharaf, dhafar iyo dheelmad, waa dhabar adayg hawl rabta iyo dhiiri xoog badan. Waxaa nasiib leh ruuxii masuuliyaddaa shaadh cad oo nadiif ah ku soo gala, kalana hoyda shaadh cad oo nadiif ah.

Mahadsanidin
Abdirashid M. Hashi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Mareykanka oo shaaciyey in la qabtay Soomaali madaxiisa la dul-dhigay $1 milyan

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaas oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta.

Laamaha ammaanka Kenya ayaa baadi goob ugu dhaqaaqay labadaas nin ee baxsadka ahaa, Badru Cabdulcasiis Saalax ayaa lagu guuleystay soo qabashadiisa, halka ay ciidamadu weli baadi goobayaan Cabdi Xuseen Axmed.

Labadaas nin oo baxsad ka ahaa Mareykanka, laguna raadjoogay ayaa loo haystaa ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta, waxaana Badru Cabdulcasiis Saalax laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida uu qoray wargeyska Nation oo soo xigtay ilo ka tirsan booliska Kenya.

Qabashada ninkaan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood un ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta iyo dhamaan baraha bulshada, balse booliiska weli kuma guuleysan inay soo qabtaan Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

Ninka la qabtay ee Badru Cabdulcasiis Saalax waxaa lagu hayaa xarunta laanta la dagaalanka argagixisada ee magaalada Nairobi, halkaasi oo ay dambi barayaashu ku waydiinayaan su’aalo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Mr Axmed, halka uu ku sugan yahay iyo waxa uu dalka ka hayo.

Safaaradda Mareykanka ayaa toddobaadkii hore u yaboohday 1 milyan oo doolar cidii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto Mr Saalax oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha.

Madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya, George Kinoti oo wariyeyaasha kula hadlayay Khamiistii magaalada Nairobi ayaa sheegay in labada qof ee Kenyanka ah loo raadinayo ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta oo ku kacaya malaayiin dollar.

“Waxay ku lug lahaayeen gudbinta, qaybinta iyo tahriibinta 190 kiiloogaraam oo gees wiyisha ah iyo 10 tan oo fool maroodi ah oo laga kala keenay waddamo kala duwan oo Afrika ah, oo Kenya ku jirto, kuwaas oo loo qaaday dalka Mareykanka,” ayuu yiri Kinoti.

Qaabkii loo soo qabtay ayaan faahfaahin laga bixin islamarkana ma cada in ay jirto cid qaadatay abaalmarintii uu Mareykanka ballanqaaday, balse safaaradda Mareykanka ayaa maanta xaqiijisay qabashada ninka baxsadka ku jiray, waxayna shacabka ku ammaantay inay gacan ka geysteen soo qabashadiisa.

“Mr Saalax waxa uu ku jiraa xabsiga Nairobi. Xogta lagu soo qabtay Saalax waxay jawaab u tahay dalabkii 26-kii May ee lagu dhawaaqay in abaal-marin lacageed lagu raadinayo macluumaad horseedaya in la xiro, lana maxkamadeeyo Saalax iyo Cabdi Xuseen Axmed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Cabdirashiid Riyo-raac oo qaaday tallaabo uga sii dari karta xiisadda Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland, Mudane Cabdirashiid Maxamuud Wacays (Riyo-raac) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababaha keenay is casilaaddiisa oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.

Riyo-raac ayaa shaaciyey in sababta soo dadajisay is casilaadda uu ku dhowaaqay ay tahay khilaafka weli ka dhex jira guddiga doorashooyinka Somaliland, kaas oo uu tilmaamay in dhowr jeer xalkeeda lagu guul dareystay, isla-markaana saameeyey shaqada guddiga.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in cadaadis xooggan uu uga yimid dhanka Xukuumadda iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID.

“Waxa sababay is casilaadda waxa ay ahayd khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo ka dhex jira Komishinka, mana jirto wax culeys ah ama cid culeys igu saartay in aan is casilo, sidaas awgeed aniga ayaa isku casilay,” ayuu yiri Cabdirashiid Maxamuud (Riyo-raac).

Is casilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland ayaa kusoo aadeysa xilli bilo yar ay ka harsan tahay waqtiga lagu balamay in la qabto doorashada guud ee Somaliland.

Tallaabada guddoomiyaha ayaa sidoo kale uga sii dareyso is mari-waaga haatan ka taagan doorashada Somaliland oo ay isku hayaan xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka.

Si kastaba xiisadda ugu weyn ayaa ka dhalatay muddada la qabanayo doorashada oo ku beegan 13-ka November sanadkaan 2022-ka, taas oo meel sare gaartay, waxaana sidoo kale fashil kusoo dhamaaday wada-hadalladii labada dhinac oo gebi ahaan lagu kala kacay.

Hooyo CEEL ku ridday lix caruur ah oo ay dhashay

Maharashtra (Caasimada Online) – Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel ay biyo ku jiraan.

Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho. Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas.

Hase yeeshee, dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga dhigay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.

Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan. Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxay isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa sanad jir, gabadha ugu wayna waxay ahayd 10 jir.”

Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dambe ee Isniintii ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi.

Aabbaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh.

Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol-maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.

“Haweeneydan waxay murmeen ninkeeda. Sidaas awgeed markii uu ninkeeda shaqada aaday, waxay guriga kasoo kaxaysay lix carruur ah oo ay isu dhaleen, wayna dishay dhammaantood, iyada qudheedana qorshaheedu wuxuu ahaa inay is disho,” ayuu yiri Ashok Dudhe.

Dadka tuulada ayaa arkay Runa oo isku tuureysa ceelka. Durbadiiba way ku kala carareen waxayna kasoo badbaadiyeen ceelkii, iyagoo ula cararay isbitaalka.

“Waxaan rabay inaan is dilo kaddib markii aan lixdayda carruurta ah ceel ku riday,” ayay tiri haweeneydaas oo ay soo xigteen warbaahinta.

Booliska iyo dadka deegaanka ayaa sameeyay gurmad lagu raadinayay carruurta, balse abbaare 10-kii fiidnimo waxaa la soo saaray meydadka lixdii carruurta ahayd ee ceelka ku haftay.

Hooyada ayaa hadda wajahaysa in loo maxkamadeeyo kiis dil ah, Isla markii isbitaalka laga soo saaray waxaa haweeneydan gacanta ku dhigay booliska oo baaritaanno la xiriira dhacdadaas ku sameeyay.

BBC

Maxaa kasoo baxay shirkii Saciid Deni iyo KARAASH?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar oo u dhexeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni & ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo ay xalay yeesheen labada mas’uul.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ugu horreyn labada nin waxay isaga xog wareysteen xaaladaha Puntland iyo dardar-gelinta howlaha maamulka, kadib soo laabashada Deni.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in Deni iyo Karaash ay isku soo hadal qaadeen khilaafkii dhexdooda ahaa kaas oo meesha lagu dhammeystiray, kadib markii ay horey xal hordhaca gaareen labada dhinac kadib dadaal ay sameeyeen ismimada Puntland.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxa ay isku raaceen in la dardar-geliyo hawlaha maamulka Puntland oo uu gaabis xoogan ku yimid, kadib khilaafkii soo kordhay.

Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay.

Heshiiskooda waxaa durbo soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada degaanada Puntland oo ugu baaqay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay wada shaqeeyaan.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheyso xaalado is biirsaday oo ka dhashay is qab-qabisiga siyaasadeed ee hogaanka maamulka iyo kuwa kale oo la xiriira bani’aadanimada.

JUBBALAND oo odayaal dhaqameed ku xir-xirtay DHOOBLEY + Sababta

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in tiro odayaal ah ay ku xireen xabsi ku yaalla magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Odayaasha la xiray oo gaaraya ku dhowaad 10 ayaa laga soo qabtay agagaarka deegaanka Diif oo ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeyso maleeshiyo beeleed hubeysan.

Mid ka mid ah nabadoonada xiran oo ay u suuragashay inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay inay wajahayaan xaalad adag, wuxuuna shaaciyay in aysan ogeyn waxa loo xiray.

“Odayaal xiran oo nabadoono ah ayaanu nahay, waxaan ku xiranahayna waxaan ognahay maaha,” ayuu yiri mid ka mid ah Nabadoonadaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online odayaasha dhaqanka ee lagu xiray Dhoobley ayaa loo heystaa colaadda ka taagan deegaanka Diif, gaar ahaan saddex qof oo lagu dilay halkaasi.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in odayaasha la xiray ay qaraabo dhow yihiin maleeshiyaadka loo heysto dilka saddexda qof.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiishaJubbaland oo ku aadan xarigga odayaashaasi, balse waxaa socda dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa xiisad xoogan oo u dhexeeysay maleeshiyaad beeleed hubeysan waxa ay ka taagneyd deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

JUXA oo shaaciyey afar caqabad oo Deni sugaya kadib ku laabashadiisa Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas kadib markii uu kaalinta seddexaad ka galay doorashadii xilka madaxweynimo ee ka dhacday Muqdisho.

Xilligiisii ololaha doorashada wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Deni isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaddib markii Deni oo ku sugan Muqdisho uu sameeyay magcaabis xubno xilal loo dhiibay, arrintaasi oo uu ka biyo-diiday Axmed Karaash oo isaguna soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas gaashaanka ugu daruuray.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo wasiir ka soo noqday Puntland iyo Xukuumadda Federaalka ah oo la hadlay idaacadda BBC ayaaa sheegay in madaxweynaha Puntland ay hor yaalaan caqabado badan oo xalkeeda laga rabo.

“Waxaa hor yaalla Madaxweynaha xukuumaddiisa iyo baarlamaanku in ay dib u soo laabtaan. Waxaa hor yaalla khilaafka soo shaac baxay ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Karaash in la xaliyo; khilaafkaas oo runtii dibadda u soo baxay, waraaqo la iska soo daba saaray, dadkuna aanay jecleysan, shaqo-maalmeedkii dowladdana curyaamiyay. Arrintaasi waxay u baahan tahay in la xalliyo, shaqadii dowladanna la dardargeliyo,” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale, caqabadaha kale ee horyaalla Deni ayaa waxaa kamid ah xalinta kala-irdhowgii ka dhashay doorashadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee lagu doortay Puntland.

Waxaa sidoo kale jirta tabasho ay qabaan dadkii xubnaha lahaa qaarkood iyo weliba qaar ka tirsan isimada Puntland oo sheegay in dowladdu ay gacan-togaaleysay xubnihii ay saxiixi jireen.

Wasiirkii hore ee arrimaa gudaha Juxa wuxuu qabaa in ay taas tahay howl dadaal dheeri ah uga baahan Madaxweyne Deni sidii uu isugu soo dumi lahaa dadka ku kala indhoobay doorashada darteed.

“Khilaaf weyn iyo kala fogaansho ayaa doorashadaas ka dhashay. Khilaafkaasi markii dambe Xamar ayuu la aaday. Waxaa muuqaneysay ardaa kasta oo olole-doorasho uu ka socdo in lagu arkaayay dad reer Puntland ah oo iska soo horjeeda, kuwaas oo halkaa ku kala qaybsamay,” ayuu yiri Juxa.

Puntland oo dhisan 24 sano waxaa la isku soo dooranayay nidaamka hab-beeleedka, Juxa wuxuu aamisan yahay in aan mar kale wejiga la siin karin jidkii rubuc qarniga la hayay.

Kulankii xildhibaanada BF oo baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu shaaicyey guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlayey baaqashada kulankan ayaa sheegay in inta badan xildhibaanada ay ku maqan yihiin safar, sidaasina uu dib ugu dhacay shirka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale xusay in markale xildhibaanada ay isku imaan doonaan 12-ka June, wuxuuna ugu baaqay kuwa maqan inay soo gaaraan Muqdisho.

Sida qorshuhu ahaa kulankani ayaa waxaa looga hadli lahaa “akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka” sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale ajendaha ayaa waxaa qayb ka ahaa dhaarinta laba ka mid ah Xildhibaannada cusub, sida lagu shaaciyey fariin wargelin ah oo xalay loo diray xildhibaanada.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka horyimid baaqashada ku timid kulankii ay maanta lahaayeen, iyaga oo shaaciyey inay tahay arrin nasiib darro ah.

“Safarka wafdiga Madaxweynaha waxba kama gelin xildhibaanada, waana nasiib darro in maanta howlihii loo soo doortay ay ka maqan yihiin” ayey tiri Xildhibaan Seynab Caamir.

Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqo badan oo u baahan in la dargar geliyo iyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco, balse kulankan ayaa ahaa koodii ugu horreeyey marka la eego kadib doorashooyinkoo soo dhamaaday ee dalka.

DANAB oo nolosha kusoo qabatay sarkaal Shabaab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga halayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano dhaca gableedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Nabad Sugidda Jubbaland ayaa beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cabdi Muqtaar oo magaciisa afgarashada lagu sheegay (Saqraawi), kaas oo Al-Shabaab u qaalbisanaaa deegaanada kala ah Shabac, Gaawo, Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaanjaroon oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay toogasho ku dileen afar ka mid ah ilaalada sarkaalka lasoo qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad kumaandooska Danab, Carab Dheeg Axmed oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay burburiyeen xarumo ay lacago ku qaadi jireen sarkaalka la soo qabtay iyo ragga la dilay.

Carab Dheeg ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolladaasi.