25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Murashaxoow haddii aad guuleysato maxaa ku horyaal?

Muqdisho (Caasimada Online) –Toddobaad ayaa ka harsan xiliga doorashada madaxtinimada Somalia, oo la filayo in ay ka dhacdo 15-ka May teendhada Afisyooni ee xeyn-daabka xerada ATMIS. Ku dhawaad 50 Musharax iyo ka badan ayaa la maleyn karaa inay u taagnaan karaan iney ka qeyb galaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka oo aysan ku jirin wax dumar ah.

Murashaxiinta, waxaa ku jiro kuwo qurba joog ah, qaarkoodna , war uma haayaan marxaladaha adag ee Somalia la il darran tahay.  Halka qaar kalena ay jiraan iyagoo meelna uga bixin  dalka, Kuwaan waxay u soo joogeen, haddana goob joog u yihiin duruufaha xag walba leh ee dalku ilaa hadda ku jiro. Laakin waxaa dhici karta inay ku jiraan murashaxiintaan qaar hoggaaminta ku adkaan doonto, haddii midkood guuleysto. 

Shuruudaha tartanka aasaas u noqon doona ayaa la filayaa qaarkood ama intooda badan in ay ku haraan ama sheegtaan tanaasul,  ka hor doorashada inta aan la qaban tiradana aysan ka badnaan doonin 20 murashax.

Sida caadadu tahay, murashaxiinta qaar ayaa damacoodu kaliya yahiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kalena loo maleyn karo inay wataan qorshe siyaasadeed qaran, inkastoo istaraatiijyada doorashadu tahay midda Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka in ay ku yimaadaan doorasho cod aqlabiyad ah oo ka yimid laba gole qabiil ee u taagan Baarlamaan hoose iyo mid sarre.

Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira tirakoob dadweyne iyo diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Qaab guracan oo aan xalaal ahayn ayay  ku yimaadeen Goloyaasha qabiil, waxa lagu magacaabay , “Aqalka Sare iyo Aqalka hoose”,  oo iyagana soo doortay Afhayeenadooda iyo Madaxweynaha oo la sugaayo.  

Murashax walba waaxqabadkiisa wuxuu ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah iyo inay shirar u qabtaan dadka kuna kala qaybsan qabiil-qabiilka. waxay hadda bilaabeen iney gudbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan. Qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee hormuudka u ah Xisbiga magac u yaalka ah ama murashaxa halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.

Markaan mid mid u gorfeyno murashaxiinta kuwooda ugu cad cad ee orodka ugu Jira ololaha doorashada laakiin aan la ogeyn halka ay gaari doonaan, waxaa ka mid ah:.

Mohamed Abdullahi Farmaajo: Murashaxa Nabad iyo Nolol, ka hor xilka madaxweyne muddo lix bil ku siman ayuu ahaa Wasiirka koowaad. Xilkaas ka hor, ma ahayn shaqsi hore siyaasadda looga yaqiin, laakin waxaa keenay waqtiga iyo awood-qaybsiga 4.5. Sida uu ku sheegtay taariikh-nololeedkiisa markii xilka wasiirka koowaad oo ka bilaabay jago siyaasadeed ee uu qabto, wuxuu degganaa muddo labaatan sanno ah, dalka Mareykanka oo jinsiyaddiisa haystay, wax ku bartay, ku guursaday, kuna ilmo dhalay. 

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu xilka RW ku waayay, markii uu la soo baxay siyaasado waddaniyad ku dhisan, maamul wanaag, ka xureynta dalka xoogagga argagixisada iyo muujin wadashaqeyn wadareed ee isaga, xukuumaddiisa iyo Madaxweynaha. Taasoo sababtay in mar kale loo doorto 8 Feb 2017 madaxweynaha Somalia. Doorashadiisa oo guud ahaan dhulka Soomaalida laga soo wada dhoweeyay waxaa xigay isbadal iyo sidii laga filayay si ka duwan in loo arko, waxaa Farmaajo loo arkaa xiligaan madaxweyne wax badan ka badalay Somalia-da cusub, laakiin nidaamkiisa iyo dadka ku xeeran ay dhabihii guushiisa ka weeciyeen markii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ku fashilantay inay dalka ka qabato doorasho xor iyo xalaal ah, taas badelkeedna madaxweynaha lagula taliyay inuu sameeyo mudo kororsi, tallaabadaasi oo sidoo kale kalsooni daro gelisay shacab fara badan, waana cilada kaliya ee maanta Farmaajo boog ku noqotay. 

Farmaajo wuxuu dhisay oo sal adag ku taagay ciidamada kala duwan ee dalka oo tayo ahaan ka wanaagsan xiliyadii dowladdihii ka horeeyay ee curdanka ahaa, wuxuu kalsooni ku kasbaday ciidamada iyo shaqaalaha dowladda oo mushaarkooda uu joogteeyay iyo nidaamkii dowliga.

Balanqaadyadii madaxweyne Farmaajo uu ololaha doorashada kusoo galay weli wax ka hirgalay ma jiraan, inkastoo dowladdiisa ay ku guuleysatay xiriirka caalamiga iyo in Somalia loola dhaqmo si ka duwan dowladihii hore.

Xasan Sheekh Maxamuud: Madaxweynihii xafiiska ku wareejiyay Farmaajo, wuxuu halgan adag kadib ku guuleystay doorashadii Sep-2012-kii, wuxuu ahaa nin howlaha samafalka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada rayidka magac weyn ku lahaa. Lixdii qodob ee tiirka u ahaayeen qorshe siyaasadeedkiisa ayuu ku galay ololihii doorashada. wuxuuna ka faa’iideystay khilaafkii siyaasadeed ee Madaxweyninimada.

Xasan Sheekh, waxaa lagu yaqiin dhinaca kor u qaadista waxbarashada, isagoo udub dhexaad u ahaa bahda waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan machadka SIMAD oo arday  fara badan ay ka soo qalin jabiyeen.

Xasan wuxuu markii danbe damaciisa u gudbay isaga iyo saaxiibadiisa dhinaca waxbarashada inay siyaasadda ku biiraan, iyagoo ungay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP), kaasoo markii danbe guuleystay. Haddana wuxuu rajo wanaagsan ka qabaa in mar kale guul uu gaaro. Hassan Sh. Maxamuud wuxuu 2012-16 soo hoggaamiyay dowlad aan KMG ahayn, dunidana ka kasbatay aqoonsan caalami ah. Wuxuu dagaal adag la galay arxgaxisada Al-Shabaab oo u ka xureeyay degaamo badan oo ay magaalo madaxda ka mid tahay. 

Waxaa si weyn u dalka ka hirgeliyay oo soo dhammeystirmay maamul goboleeyadii nidaaamkii Federaalka,  waloo aan lagu guuleysan jiritaankii Asxaabta, tirakoobkii dadka iyo xoolaha, doorasho ku saleysan qof iyo cad iyo inaan weli dhammeystirmin dhismaha ciidamada qalabka sida iyo in Somalia laga qaado cunuqabateyntii hubka ee QM saartay sannadkii 1992 

Madaxweyne Shariif: Wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar, sanadkii 1964-kii, waxbarashadiisana wuxuu ku dhameystay magaalada Muqdisho, magaalooyinka Khartoum iyo Tripoli ayuu ku dhameystay waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed, isagoo shahaadada Bachelor Degree ee luuqada Carabiga iyo Juqraafiga ka qaatay Jaamacadda Aldalanj. wuxuuna Bare ka noqday dugsiyada sare ee dalka, isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka.

Sheekh Shariif wax khibrad siyaasadeed ma laheyn ka hor 2006-kii xiligaasi oo uu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Islaamiga ee SII SII, aakhirkiina wuxuu u soo gudbay inuu hoggaamiyo Midowgii Maxaakiimta ee dalka la wareegay Muqdishana awood ugu saaray Qabqablayaashii dagaalka. Fursadaasi waxay SHariif u noqotay in uu hoggaamiyo dalka, damac kalena kasii galo inuu mar labaad u tartamo Madaxtinimada dalka, Waxaana lagu xusuustaa ciriirigii uu geliyay doorashadii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay iyo doorashadii ka danbeysay ee Farmaajo ku guuleystay.

Hadda Shariif waa murashax rajadiisa tahay in mar kale dalka uu hoggaamiyo, waxyaabaha Shariifka lagu amaanana ay tahay kaalintii uu ku lahaa dagaalkii Al-SHabaab Muqdisho looga saaray iyo sidii ay dowladdiisa u maareysay howlgalkaasi oo mudo qaatay.

Xasan Cali Kheyre: Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii Maarso 2017 usoo xushay ra’iisul waasarahiisa una arkay mid ay wada shaqeyn karaan mudo xileedkii afarta sano dastuurka xeeriyay. Xasan Cali Kheyre oo difaac adag u noqday dowladdii Nabad iyo Nolol wanaag iyo xumaanba wixii ay fashay.

Kheyre inkasta oo muddadii uu xilka hayey uu qabtay wanaag badan, waxaase wanaagaasi ka xoog baday xadgudubyadii iyo ficilo u qorantay Kheyre inuu geystay. Waxaa laga xusi karaa dhibaatooyinka u diiwaan gashan Kheyre inay ka mid yihiin, Weeraradii loo geystay madaxweyneyaashii hore ee dalka, weerarkii C/raxmaan C/shakuur Warsame, dhiibistii Qalbi Dhagax iyo u aqoonsigii ururka ONLF mid argagixiso iyo qodobo kale maanta bar madow ku ah Kheyre.

Hadda waa murashax madaxweyne, oo doonaya in lagu qiimeeyo wanaagii dowladdii Nabad iyo Nolol ee saaxiibkiis Farmaajo oo isagana dhinac kale wanaagaasi ka leh. Rajada uu ka qabo in la doorto ayaa ah mid aan laga hordhici karin, waxaase la saadaaliyay inuu soo gudbi doono wareega koowaad.

Saciid Cabdullaahi Deni: Magaalada Muqdisho ayuu ku dhashay sanadkii 1966-kii. wuxuuna kasoo qalin jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kulliyadda luuqadaha, isagoona takhasuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia kahor inta uusan siyaasaddda ku biirin.

Sanadkii 2002-kii ayuu soo galay siyaasadda, xildhibaan ilaa heer wasiir ayuu kasoo noqday dowladdii Xasan Sheekh. Deni oo ah ganacsade reer Puntland waa markii labaad ee uu u tartamayo Somalia.

Deni waa siyaasi hadal adag, ololahiisa doorashada wuxuu kusoo galay naceybka madaxweyne Farmaajo, isagoo hadafkiisa koowaad ku sheegay sidii uu ula dagaalami lahaa inuusan Farmaajo kursiga kusoo laaban.

Deni oo Puntland looga arko madaxweynihii ugu liiday ee soo maray Puntland, waa shaqsi hadalka dhaliisha iyo sixidaba u dul qaadan karin, waxaase la isweydiinayaa shaqsi noocaasi ah Somalia oo idil sidee ayuu u xukumi karaa?.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame: Wuxuu kaligiis shantii sano lasoo dhaafay ahaa hoggaamiye iskiis isu waday, dagaalna kula jiray Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii uu eryay ee Xasan Cali Kheyre kana tirsanayo eedo badan. CCShakuur oo wasiirkii qorsheyntii iyo xiriirka caalamiga DKMG soo noqday, waa markiisii labaad ee uu tartamo.

Heerka aqoontiisa ayuu kaashadaa marka uu doodaha ka qeybgalaayo, hase ahaatee xiligaan wuxuu u muuqdaa inuu yara dhaamo doorashadii 2017-kii. Rajadiisa in la doorto ayaa ah mid hooseysa laakiin laga yaabo inuu soo galo murashaxiinta safka hore ka muuqda.

Daahir Maxamuud Geelle: Waxaa lagu tiriyaa murashaxiinta qunyur socodka ee Xarakada Al-Islaax, Waa hoggaamiye deganaan badan muujiya, xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii KMG. Damaciisa waa inuu noqdaa madaxweynaha Somalia, waxaase ka horeeya wado dheer oo u baahan in uu ka gudbo imtixaanka ku hor gudban. Daahir Maxamuud Geelle oo diinta Islaamka si wanaagsan u yaqaan waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay murashaxiinta faraku tiriska ee ururada diimeedka Carbeed ku xeran.

C/kariin Xuseen Guuleed:  Oo saaxada siyaasadda soo geliyay Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu isna ka mid yahay murashaxiinta ururada Islaamiga ka tirsan fikrad ahaan, wuxuu damaciisa yahay in uu noqdo madaxweynaha Somalia. Rajada Mr. Guuleed ayaa ah mid aan muuqan ama suuragal ah in uu ka mid noqon waayo murashaxiinta wareega labaad usoo gudba.

Eng. C/llaahi Cali Xasan: Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha isagana waa murashax, waa aqoonyahan dhinaca waxbarashada iyo arrimaha bini’aadanimada wax badan kasoo qabtay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu ku caan yahay howlkarnimo, isagoo leh aqoonta iyo maamulka hoggaamineed. Wuxuu aaminsan yahay in haddii uu ku guuleysto murashaxnimadiisa inuu dalka ku hoggaamin doono  caddaalad iyo aqoon, iyo in dadku kula shaqeyn doono sida hoggaamiye dadka xilka u dhiibteen u gudan kara si caddaalad iyo alle ka cabsi ay ku jirto.

Eng. C/llaahi rajadiisa lama saadaalin karo, hase ahaatee waxaa muuqata inuu dadaal badan yahay iyo in uu yahay hoggaamiye aan horay usoo fashilmin.

C/qaadir Cosoble: Waa Xildhibaan qaran, waana markii seddaxaad uu u tartamo hoggaaminta dalka, hase ahaatee nasiibka u hiilin waayay. Ganacsade C/qaadir Cosoble, waa wadaad si fiican u bartay diinta Islaamka, wuxuu murashaxiinta kale ee Daahir Maxamuud Geelle, C/kariin Guuleed iyo Saciid Deni kala mid yahay ka mid ahaanshaha ururada diimeed ee firqooyinka u kala qeybsan.

Cosoble lama dhayalsan karo marka la tago hoolka codbixinta, waxaana la xusuustaa in codod la maleysan karin inuu ugu soo baxayay wareega koowaad. waxaana doorashadaan la filayaa inuu ka mid noqon doono murashaxiinta wareega koowaad usoo gudba.

Dr. Cabdinaasir Maxamed: Waa dhaqtar Soomaaliyeed oo haysta dhalashada Mareykanka, waxna ku bartay, kuna ceeshay in badan, waxaa damac ugu jiraa inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, in badan xaalada Soomaaliya kama war qabo maadaama qurbaha uu ku raagay, shaqsiyadiisa cid wax badan ka og ma jirto, waxaana maqalkiisa iyo muuqaalkiisa dadku arkeen 2016-kii markii magaalada Minneapolis ugu dhawaaqay murashaxnimadiisa. Waxaa uu qooto qooto ku rabaa cododka xildhibaano ku heyb ah.

Jabriil Ibraahim Cabdulle: Waa aqoonyahan in badan ka og xaalada dalka, ururada bulshada rayidkana kusoo dhex jiray mudo badan, wuuu Muqdisho ugu dhawaaqyay inuu yahay murashax awood u leh in dalka uu ku hoggaamiyo nidaam ka duwan madaxdii soo maray dalka ee hanti boobka ku caan baxay, laakiin Jabriil maxay dadka ku yaqaanaan?.

Jabriil, wuxuu madax ka ahaa hay’adda cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD, taasoo in mudo ah ka howlgaleysay Muqdisho, waxaa dhanka kale Jabriil lala xiriiriyaa inuu xiriiro caalami ah la lahaa hay’addaha sirdoonka Mareykanka iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

Hankiisa waa sareeyaa, marka la eego garbaha ganacsato caan ah oo taageero uu ka helayo, doorashadii 2017 ayuu hal cod baarlamaanka uu ka helay, guuldaradiisa waxaa lagu sheegay inuusan wax shilin ah ku bixin xildhibaanada xitaa uusan isugu yeerin xafladdo ama kulamo kale.

Qofka kasta oo Musharax ah lana doorto waxaa maanta hor yaal Soomaaliya oo ah dal burbursan iyo Dowlad fashilantay, heystaan dhibaatooyin xagga amaanka iyo midnimada Qaranka.

Soomaaliya waxaa hareeyay Dagaallo sokeeye, tacadiyada qabqablayaalka dagaalka, faragelinta Dowladdaha deriska, saameynta Argagixisada caalamiga, Abaaro soo noqnoqda iyo isbadalada deegaanka ku dhacay. Dhinaca kalena waxay la tabaaleysan tahay karti darada, masuq maasuqa iyo caddaalad darada ee ka imaaneysay maamuladii kala danbeeyay, dastuurada qaldan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta wadanka oo la qaadan karin.

Beesha caalamka Soomaaliya dayacaad badan ayey ka geysatay, walow xaaladaha qaarkood ay gargaar ka sameyso, hadana ma ahan kuwo quman oo dhameystiran. Hubka faraha badan ee Soomaaliya kasoo gelaya wadamada deriska iyo kuwa Carbeed waxay sahashay in wadanka ay ka jiraan qabaa’il iyo kooxo xoog badan oo aan la loodin karin iyo in la masuq maasuqo dakhliga gudaha.

Saas darteed fariinta ku socota Murashaxa guuleesta waxaa looga baahan yahay arrimahaasi aan kor ku soo sheegnay sidii xal karti leh ugu heli lahaa.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online
[email protected]

Sawirro: Xubno Shabaab ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Gedo iyo Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ee ku sugan gobolka Gedo ayaa galabta jid-gooyo kala kulmay kooxda Al-Shabaab, xilli ay ka baxeen magaalada Garbahaarey, kuna sii jeedeen Beled-Xaawo.

Dagaal kooban kadib waxaa la sheegay in ciidanku ay dileen dhamaan kooxdii dhigatay jid gooyada, meel u dhow degaanka lagu magacaabo Tuulo-barwaaqo oo u dhaxeeya magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xasan Aadan Maxamuud oo ah madaxa howlgallada NISA ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inay si nabad ah ku gaareen degmada Beledxaawo oo ciidanka jidka loo galay ay ku sii jeedeen.

Dhinaca kale waxaa galabta bariga gobolka Galgaduud lagu dilay Faarax Cali Warsame oo kooxda looga dhex yaqaanay (Sigane) oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanada Cadakibir, Warshubo iyo Qaayib oo dhaca bariga gobolka Galgaduud

Dilka ninkaan oo ahaa mid qorshaysan wuxuu kla dhacay degaan lagu magacaabo Shurufle, waxaana fuliyay xubno ka tirsan sirdoonka dowladda Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan daraawiishta Galmudug.

Boqorka Sacuudi Carabiya oo isbitaal la dhigay kadib

Jeddah (Caasimada Online)Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada ku taalla badda cas ee Jeddah.

Boqorka ayaa lagu sameyn doonaa baaritaanno caafimaad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga Axaddii.

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa soo xiganeysay bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada, waxaana warku wuxuu intaa ku daray in uu baaritaan ku marayo cisbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal.

Boqortooyada Sacuudiga illaa iyo hadda ma bixin faah faahin kale oo dheeri ah, sida ay warisay wakaaladda ee dowladda.

Boqor Salmaan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu sareeya dhoofinta saliidda adduunka sanadkii 2015 kadib markii uu in ka badan 2-1/2 sano ku qaatay xilka dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Boqorka, oo 86 jir ah, ayaa qalliin looga sameeyay xameetida sanadkii 2020-kii, isaga oo sidoo kale galay qalliin dhanka wadnaha ah bishii Maarso.

VOA + Reuters.

Shuruudo ay ka mid tahay saxiixa 20 xildhibaan oo lagu xiray musharaxiinta madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online)– Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta xilka madaxweynaha ee doonaya inay tartamaan.

Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob waxaa ugu weyn in murashax kasta laga doonayo lacag dhan $40,000, waxaana la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habraaca diiwaan gelinta murashaxiinta xilka Madaxweynaha.

Qodobada sagaalka ee laga doonayo murashax kasta ayaa kala ah:

  1. Warqada aqoonsiga (ID ama Passport).
  2. Warqada codsiga murashaxnimo.
  3. Warqada soo jeedinta murashaxa. Qodobkaan ayaa laga rabaa murashax kasta in uu soo saxiixo form 20 xildhibaan, xildhibaan kastana waxaa loo ogol yahay inuu sadax murashax u saxiixo.
  4. Warqada caddeynta buuxinta shuruudaha murashaxnimo.
  5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadal jeedinta.
  6. Taariikh Nololeed (CV).
  7. Labo sawir Teesaro ah.
  8. Warqadda cadeynta lacag qabashada.
  9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada;.

Ugu danbeyntii guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa faray murashaxiinta inay soo dhameystiraan dhamaan shuruudaha kor ku xusan, si loo guddoon siiyo shahaadada murashaxnimo.

Goobta ay ka billaabaneyso diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweyne oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyey goobta lagu diiwaan-gelinyo murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo koontada lagu shubayo lacagta is diiwaan gelinta Musharaxiinta.

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray warqad ay ku shaaciyeen in diiwaan-gelinta Musharaxiinta ay berri 9:00 am – barqanimo ka bilaabaneyso xarunta Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale warqadaan waxaa lagu soo bandhigay tilmaamaha koontada lagu shubayo lacaga is diiwaan gelinta musharaxiinta oo gaaraya 40 kun oo dollar, waana Bangiga Dhexe ee dowladda.

Guddigaan ayaa galabta soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta xilka madaxweynaha, waxayna shuruudahaasi ka kooban yihiin 9 qodob, kuwaas oo kala ah:

  1. Warqada aqoonsiga (ID ama Passport).
  2. Warqada codsiga murashaxnimo.
  3. Warqada soo jeedinta murashaxa. Qodobkaan ayaa laga rabaa murashax kasta in uu soo saxiixo form 20 xildhibaan, xildhibaan kastana waxaa loo ogol yahay inuu sadax murashax u saxiixo.
  4. Warqada caddeynta buuxinta shuruudaha murashaxnimo.
  5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadal jeedinta.
  6. Taariikh Nololeed (CV).
  7. Labo sawir Teesaro ah.
  8. Warqadda cadeynta lacag qabashada.
  9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada.                                                                                                                                    Hoos ka eeg warqada guddiga

Wararkii ugu dambeeyey ololaha doorashada iyo sida ay wax u socdaan hadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo 8 maalin ah ay ka hartay maalintii loo asteeyay in la qabto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, taas oo waqti dheer soo jiitamaysay.

Doorashadaan oo ay illa iyo hadda isku soo taageen in ka badan 15 musharax ayaa waxaa maalinta berri ah ee Axadda la filayaa in ay bilaabato tiiwaan gelinta iyo shahaado siinta rasmiga ah ee musharixiinta dooneysa in ay u tartamaan xilka ugu sareeya dalka.

Siyaayisiin xilal kala duwan horay dowladda uga soo qabtay iyo kuwa ku cusub saaxadda siyaasadda iyo hoggaanka ayaa todobaad kadib isku herdin doonna loolanka hanashada xilka madaxweynaha.

Muqdisho oo ay inta badan ku sugan yihiin musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalka ayaa waxaa ka socda kulama iyo shirar gooni gooni ah oo u dhaxeeya musharixiinta iyo xildhibaannada labada aqal.

Waxaa billowday shukaaminta xildhibaanada iyo iibsiga codadka, ayada oo la filayo in codadka xildhibaanada ay noqdaan kuwii ugu qaalisanaa abid, oo ay gaari karaan illaa 100,000 oo dollar halkii codba.

Si kastaba, musharaxiinta qaar ayaa ka caga jiidaya inay lacag bixiyaan sababtoo ah, waxaan hubneyn in xildhibaanka lacagta qaadanaya uu codka siin doono, sida marar badan horey u dhacday oo cashar laga barta.

8 illa 10-ka bisha ayaa la filaya in ay guddiga doorashada madaxweynaha ay musharixiinta soo dhameystirta shuruudaha laga rabo ay siiyaan shahaadooyinkooda.

11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Sikastaba doorashada madaxweynaha ayaa la qabanayaa 15-ka bisha May, oo sidoo kale ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobannimada doonka SYL.

Baarlamanka Puntland oo war kasoo saaray khilaafka Saciid Deni iyo Karaash

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka ka dhex dilaacay madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash kaasoo bilowday markii uu Deni ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa rajo xumo ka muujiyey dadaalo lagu doonayey in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul oo la rumeysan yahay inay ku lug leedahay Villa Somalia.

Abuukaate Cabdicasiis ayaa sheegay inay Deni iyo Karaash labadaba qadka taleefoonka ku wada hadleen, kana aqbaleen in baarlamaanka bilaabo dadaallo lagu xalinayo khilaafka iyadoo loo marayo hab waafaqsan sharciga iyo mid siyaasadeedba.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku eedeeyey inuu xagal daaciyey dadaaladii socday ee uu waday Baarlamaanka.

Wuxuu ku eedeeyey inuu qaaday tallaabooyin uu xilka kaga qaaday saddex kamid ah wasiiradda Puntland iyadoo uu wada-hadalku socdo, taasoo uu sheegay inay fashilisay howshii ay wadeen.

“Ballanta waxay aheyd in Maanta oo Sabti ah aan isugu imaano Garoowe si aan horey ugu sii wadno wada-hadalada aan dooneyno inaan isugu soo dhaweynayo labada mas’uul. Runtii waxaad moodaa wareegtadii kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka inay xagal ddaacisay waan-waantii aa dhinaca ka aheyn,” ayuu yiri Abuukaate Cabdicasiis. https://thedentallounge.com/

Hadalka barlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo haatan magaalada Boosaaso ay ka taagan yihiin xiisado ka dhashay xil ka qaadista uu Axmed Karaash sameeyay, iyadoo ciidamo badan lagu daad gureeyay xarumaha dowliga ah ee Boosaaso, si looga hortago inay dhaqan gasho tallaabooyinka Axmed Karaash.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay Karaash u adeegsaneyso si ay ugu dhaawacdo musharaxnimada Saciid Deni, waxayna xogaha sheegayaan in madaxweyne ku xigeenka uu weli ku guuleysan la’yahay inuu gacanta ku dhigo maamulka Puntland.

Waxyaabaha Saciid Deni ka saaciday inaan weli lagala wareegin awooda maamulka Puntland ayaa waxaa kamid ah inuu gacanta ku heysto guddoona Baarlamaanka maamulkaas oo qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan ololahiisa.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan wax ka yar 10 Maalin, wuxuuna Saciid Deni qorsheenayaa inuu dib ugu laabto Garoowe haddii uu waayo kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya.

Sawirro: Ciidamada DF oo furay waddooyin 10 sano u xirnaa kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka oo Maanta howlgal qorsheysan sameeyey ayaa ku guuleystay inay furaan waddooyin kooxda Al-Shabaab u xirnaa muddo 10 sano ah.

Waddooyinka ay ciidamada Xoogga fureen ayaa waxay isku xiraan degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.

Ciidamada howlgalkaan fuiyey oo ka tirsan ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa u awood sheegtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waddooyinkaas ku sugnaa kuwaas oo diiday inay gawaarida isaga gudbaan.

Howlgalkaas ay guusha weyn ka gaareen Ciidanka ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gurey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa go’doon gelisay degmooyinkaas 10 sano ka hor, waxayna dhowr jeer gubeen gawaari raashin u waday Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere taasoo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka ku nool degmooyinkaas.

Sidoo kale saameynta ka dhalatay tallaabada ay Al-Shabaab ku go’doomiyeen degmooyinkaas ayaa waxaa kamid ah inay sare u kacday maciishada maadaama mararka qaar raashinka lagu geynayey diyaaradaha AMISOM.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay jidadkaas xirnaan doonaan inta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku sugan yihiin degmooyinkaas.

Lama oga haddii ay ciidamada Dowladda kusii sugnaan doonaan jidadka ay Maanta fureen, waxaana jirta cabsi ku aadan inay kooxda soo qaado weeraro gaadmo ah si ay ciidamada Dowladda ugu qabsaan inay dib ugu noqdaan halkii ay ka imaadeen.

Kooxda ololaha Farmaajo oo falsafado cusub kusoo galay suuqa doorashada – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda ololaha madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa suuqa ololaha doorashada madaxweynaha lasoo galay falsafado cusub si ay mar kale Villada ugu soo noqdaan.

Kooxda Ololaha oo kulan isugu yimid ayaa go’aamiyey in maalin kasta ay sameeyaan hadal heyn xooggan (Trending) oo 24 saac ee maalin kasta la hadal hayo inta laga gaarayo doorashada, waxayna taas shalay ka billaabeen inay adeegsadaan hal ku dhigyada mucaaradka ee ah Isbeddel doon taasoo la hadal hayey 24-tii saac ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxyaabaha ay kooxda ololaha madaxweyne Farmaajo go’aamiyeen waxaa kamid ah inay sare u qaadaan qiimaha lacagta la siinayo xildhibaanada si musharixiinta kale sicirka loogu qaaliyeeyo.

Kooxda ayaa go’aamisay in halkii xildhibaan la siiyo 100 Kun oo dollar, sidoo kalana waxaa loo ballan qaaday oo meel loo dhigay 200K oo kale oo la siinayo marka uu Farmaajo guuleysto taasoo ah wax aan horey looga isticmaalin doorashada Soomaaliya.

Lacagtaas ayaa ah mid aad u badan oo ay adag tahay in mucaaradka inay bixiyaan iska dhaaf’e xitaa aanay usoo dhowaan karin.

Waxyaabaha kale oo ay sameeyeen waxaa kamid ah inay xildhibaanada isugu xir xiranaa koox koox loona sameeyo hal qof oo hoggaamiye u ah kaasoo loogu dhiibi doono 200 Kun oo dollar ee la siin doono marka uu guuleysto Farmaajo, taasi oo xaqiijin karta inaan la qiyaamin.

Kooxda ayaa ka fogaaneyso qorshayaashii hore ee looga adkaaday madaxweynayaashii xilka soo hayey maadaama inta lacag laga qaato laga coddeeyey, waxayna ku dadaalayaan inay xildhibaanada kusoo jiitaan 200K oo dollar oo meel loo dhigayo taasoo muujineyso inay kala aamin baxeyn xildhibaanada iyo kooxda Villa Somalia.

Ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu kala jeedinayo xildhibaanada, waxaana waxyaabaha ugu badan ee loo adeegsanayo ololaha kamid ah lacag kaash ah, mid ballan qaad ah iyo xilal.

Doorashada Soomaaliya ayaa loo asteeyey inay dhacdo 15 Bishaan, waxaana adag in lasii saadaaliyo cidda ku guuleysan karto, balse waxaa doorashooyinkii hore laga bartay in meesha laga saaro madaxweynaha talada hayey lamana ogo haddii uu jidkaas soo xirmi doono.

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka Aadan Madoobe iyo Safiirka Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta, Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay  arrimo dhowr ah, sida doorashooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Al Hammadi oo kulanka ka hadlay ayaa guddoomiyaha la wadaagay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Dhankiisa Aadan Madoobe ayaa danjiraha Imaaraadka  kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, walow 5 tii sano ee lasoo dhaafay uu xumaa xiriirka xukuumadaha Abu Dhabi iyo Muqdisho, sababo la xiriir khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex-galay dowladda Farmaajo iyo Imaaraadka.

Kulankan ayaa ku soo aadayo, xilli 15-ka bishaan May loo ballansan yahay in la qabto doorashada madaxweynaha, taas oo qaban qaabadeeda ay ka socoto magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee ka dhalatay waqtiga kala guurka, maadaama ay marar badan ay dib u dhaceen jadwallada doorashooyinka dalka.

Cabdirashiid Duqa oo war lama filaan ah ka soo saaray dib u doorashada Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah afhayeenka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ka hadlay doorashada guud ee madaxweynaha, taas oo loo madalsan yahay 15-ka bishaan aynu ku jirno May ee 2022-ka.

Cabdirashiid oo hadal ka jeediyey munaasabad gaar ah oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku dhowaaqay erayo lama filaan ah, sida madaxweynaha dib loo doortay, isaga oo tusaaleysanaya doorashada madaxweynaha ee dhici doonto maalmaha soo socda.

“Aniga waxaan tusaaleysanayey 15-ka May oo ah maalinta loo madlay in la doorto madaxweynaha, iyaga oo kasoo warramaya goobta baarlamaanka Wariye ka mid ah gabar iyo wiil koo doono ha ahaadee oo ku dhowaaqaya madaxweynaha jamhuuriyadda ee la doortay ama dib loo doortay si ay ahaataba,” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa ka falceliyey dadweyne fara badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay damaca ku jira kooxda Villa Soomaaliya ee ku aadan dib doorashada Farmaajo.

Villa Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay ololihiisa doorashada ee Farmaajo kadib markii guddiga doorashada ay ku dhowaaqeen in doorashada la qabanayo 15-ka May.

Sidoo kale kooxda ayaa adeegsatay halku dhigga “Isbeddel Doonka Socda” oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Si kastaba, Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo uu daah fur weyn u sameeyo ololihiisa doorashada xilli ay hal usbuuc kaliya ka hartay taariikhda loo asteeyay inay dhacda doorashada guud ee xilka madaxweynaha, taas oo loo geli doono loolan culus.

Xog: Murashaxiin doonaya in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah murashaxiinta madaxweyne ayaa wada isku-day ay ku doonayaan in wax laga beddelo jadwalka doorashada madaxweyne ee loo qorsheeyay inay qabsoonto 15-ka bisha May, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Murashaxiintaan ayaa doonaya in maalinta ay qabsoomeyso doorashada laga dhigo 25-ka May, hase ahaatee qorshahaan ay wadaan murashaxiinta qaarkood ayaa aheyn mid xooggan.

Ma muuqato astaan muujineyso dib u dhac ama qorshe isbeddel lagu sameynaayo maalinta loo asteeyay inay qabsoonto doorashada madaxtinimada ee 15-ka May.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxwenaha Soomaaliya Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in muddada tobanka maalmood ah ee soo socota ay ku qaban doonaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayna ku filan tahay musharixiinta in ay isku diyaariyaan.

Guddoomiyaha ayaa yiri “Waxaan tixraac ku sameynay tii gudoonka baarlamaanka oo tiradu intaa ka badnayd, waqtiguna uu intaa aad iyo aad ugaa koobnaa, waan isbarbar dhignay, waxaana noo soo baxday inay ku filan tahay waqtiga aan u qabanay.”

Mar wax laga waydiyey waxa u qorsheysan inay sameeyaan haddii doorashada ay ku dhici weyso waqtigii ay u qabteen ayuu ku jawaabay “ Inshaa Allah way ku dhici doontaa, musharixiinta tartamayo waa la yaqaan waa ay isku key dul saaran yihiin, mana jirto waqti aan anaga luminay, musharixiinta iyo xidhibaanada dhan waa ogol yihiin, waxaana xataa la shaqeyn karaa habeen, wax naga qaldan ma jiraan haddiiba ay noo joogaan musharixiintii, guddoonkii baarlamaanka iyo xildhibaanadii, ilaahey kama rajeeneyno dib u dhac iyo in waqtii aan qabanay wax ku dhici waayaan” .

Dowladda Soomaaliya ayaa lumin doonta haddii doorashada ay ka dib dhacdo 17-ka May taageerada dhaqaale ee beesha caalamka iyo hay’adda lacagta adduunka “IMF” ku kabto Soomaaliya, sidoo kale waxaa xiligaasi dhaceyso waqtiga dib u eegista qorshaha dib u eegista  

Dowladda federaalka ayaa ka codsatay hay’adda lacagta aduunka IMF in ay kordhiso mudada ay joogsaneyso dhaqaalaha dalku ka helo deeq-bixiyeyaasha oo dhacaysa 17-ka bisha May.

Wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday IMF in ay tixgeliso codsiga dowladda Soomaaliya, maadaama bey yiraahdaan horumar baaxad leh laga gaaray doorashooyinka dalka.

10 xildhibaan oo Soomaali ah oo lagu doortay London

London (Caasimada Online) – Doorashooyinkii dowladda hoose ee ka qabsoomay degmooyin ka tirsan magaalada London ayaa waxaa kusoo baxay tiradii ugu badneyd ee Soomaali ah oo loo doortay xildhibaano golayaasha deegaanka ah.

Toban xildhibaan oo Soomaali ah ayaa ilaa hadda warbaahinta Britain ay shaaciyeen inay kusoo baxeen doorashooyinkaasi, kuwaasi oo uu sharxay xisbiga mucaaradka ee Labour Party.

Degmooyinka muhiimka ee looga guuleystay xisbiga Conservative-ka ayaa waxaa ka mid ah degmada Westminster oo ah halka ay degan yihiin hay’addaha dowladda.

Xisbiga mucaaradka shaqaalaha Labour Party ayaa sanadkaan guul muuqata ka gaaray xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo lumiyay kuraas iyo degmooyin weligood u xerna xisbiga Conservative-ka.

Xisbiga Conservative-ka ayaa laga eryey degmada Wandsworth ka mid ah London, oo ay maamulayeen tan iyo 1978-kii. Waxay sidoo kale lumiyeen degmada Barnet, oo ay gacanta ku hayeen tan iyo 1964-kii marka laga reebo laba doorasho.

“Natiijo cajiib ah, gebi ahaan cajiib ah, I rumeysta tani waa isbeddel weyn oo ku yimid doorashadii 2019,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Labour-ka Keir Starmer oo taageerayaashiisa kula hadlay London.

Codbixintan ayaa tijaabo doorasho u ah Johnson tan iyo markii uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee British ah ee sharciga jebiya isaga oo xafiiska jooga.

Waxaa bishii lasoo dhaafay loo ganaaxay inuu ka qeyb-galay xaflad dhalasho oo ka dhacday xafiiskiisa 2020-kii, isaga oo jebiyey xayiraadihii dowladda soo rogtay ee lagu xakameynayey faafitaanka cudurka COVID-19.

Guuldarrooyinka golayaasha deegaanka London, oo inta badan laga xaaqay Conservative-ka ayaa cadaadiska ku kordhin doona Johnson oo bilooyin badan dagaal ugu jiray badbaado siyaasadeed.

Dhoobo Daareed oo ka digay ‘shirqool’ ay Somaliland u dhigeyso PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay shir la sheegay in dhowaan Somaliland ay ku qabaneyso gudaha magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag.

Dhoobo Daareed ayaa marka hore iska bari-yeelay shirkaasi, wuxuuna tilmaamay in uusan qayb ka aheyn abaabulkiisa, sidoo kalena uusan ka qayb-galeynin.

“Waxaan caddeynayaa oo iska bari-yeelayaa oo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland aan u sheegayaa shirkaas waxba inaanan anigu kala socon, kana ogeyn, kana qayb aheyn, kana mid aheyn,” ayuu yiri Cabdixakiin Dhoobo Daareed.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa shirkan ku tilmaamay inuu yahay shirqool siyaasadeed oo ay Somaliland u dhigeyso Puntland, gaar ahaan Beesha Warsangeli ee degnta Gobolka Sanaag, si ay u qabsato deegaanadaasi.

“Shirkaas waxaan ka aaminsanahay ama aan u arko anigu inuu yahay shir macagiisu ku haboon yahay in loo bixiyo ama loogu magac daro shirka shirqoolka siyaasadeed in la yiraahdo,” ayuu markale yiri guddoomiyihii hore ee Baarlamanka maamulka Puntland

Sidoo kale wuxuu sii raaciyey “Beeshaas la leeyahay Somaliland ayey wada shiri doonaan waa beesha aan sheegay meesha ay degto iyo deegaankeeda waa beesha ugu ballaaran ee degta Sanaag, horey waxay u diideen inay qayb ka noqdaan doorashooyinka Somaliland,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay hadal xoogan hareysay shirkaasi oo haatan abaabulkiisu ka socdo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, halkaas oo ay Somaliland ka wado dhaq-dhaqaaq ka dhan ah maamulka Puntland.

Shuute C/llaahi oo maanta lagu dilay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo xalay ka dhacay bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay geysteen rag ku hubeysnaa bistoolado, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Dilka ayaa waxaa loo geystay marxuum Shuute Cabdullaahi oo si weyn looga yaqiinay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa askarta ciidamada dowladda ee ka howlgala halkaasi, waxaana toogasho ku dishay koox hubeysan oo goobta ka baxsatay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo howlgallo kooban ka sameeyey xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi iyo baaritaanada xigay.

Xaaladda ayaa saaka deggan, waxaana si caadi ah u socda dhaq-dhaqaaqa ganacsiga iyo gaadiidka oo muddo kooban hakad galay.

Magaalada Beledweyne oo dhowaan lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah golaha xildhibaanada shacabka Soomaaliya ayaa waxaa maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga sida dilal iyo weeraro qaraxyo ah oo geystay khasaare kala duwan.

Madaxweynaha Ukraine oo hal shardi ku xiray wada-hadalka dowladda Ruushka

Kyiv (Caasimada Online) – Ka dib markii konton qof oo rayid ah ay u suurto gashay in laga saaro magaalada go’doonsan ee Mariupol Jimcihii, ayaa madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, sheegay heshiis dhex mara iyaga iyo Ruushka uu shardi u yahay in marka hore ay ciidamada Ruushku ku noqdaan goobihii ay joogeen intaanay magaaladaa weerarin.

Volodymyr Zelensky oo la hadlayay xarun cilmi-baaris ah oo London ku taalla ayaa sheegay in taasi ay tahay waxa ugu yar ee waddankiisu aqbali karo.

Waxa uu sheegay in uu yahay hogaamiyaha “Ukraine,” balse ma uusan soo hadal qaadin Crimea oo uu Ruushka la wareegay sanadkii 2014-kii.

Ruushka ayaa hadda dagaal adag ugu jira inuu si buuxda ula wareego magaalada Mariupol ee dalkaasi Ukiraine.

Sidoo kale waxaa weli halkaas ku jira ciidamada Ukraine oo ay weheliyaan qaar ka mid ah dadka rayidka ah ee ku sugan koonfur-bari ee birta weyn ee Azovstal.

Dhanka kale, Saraakiisha Mareykanka ayaa lagu warramayaa in ay xaqiijiyeen in ay xogo sirdoon siiyeen ciidanka Ukraine oo bartilmaameedsaday isla markaana dilay in badan oo ka mid ah jeneraalada Ruushka kuwaas oo ku naf waayey dagaalka Ukraine.

Sheegashooyin ay jariiradda New York Times ka soo xigatay saraakiil dhinaca gaashaandhigga ah oo aan la magacaabin ayaa u muuqata in ay xaqiijinyaan shakiyo la xiriiray in Mareykanka ay bixinayaan xogo sirdoon oo lagu howlgali karo gacanna ka siin kara saraakiisha Ukraine in ay xushaan bartilmaameedyo aad u qaali ah oo Ruush ah.

Qaramada Midoobay oo si aan horey looga baran uga hadashay weerarkii Ceelbaraf

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ayaa si kulul war uga soo saaray weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin dadaalka ay Dowladda Soomaaliya iyo ATMIS ku doonayaan inay kaga hortagaan khatarta Al-shabaab.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday ilaalinta guulihii illaa hadda laga diiwaan geliyey howlgalka ka socda Soomaaliya ee looga soo horjeedo Al-Shabaab ka hor inta aan kor loo qaadin tayada taageerada ciidamada amniga iyo howlgalka cusub ee ATMIS.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dambiilayaasha, abaabulayaasha iyo maalgeliyayaasha falalka argagixisanimada ah oo ay ula jeedaan weerarada ka imaanayo kooxda Al-Shabaab.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay dardar gelinta howlaha lagu sugayo amniga dalka oo ay qayb ka yihiin ciidamada ATMIS.

Hadalka kasoo yeeray Qaramada Midoobay oo ah mid kuwii hore ka kulul ayaa kusoo aadayo xilli in ka badan 40 Askari oo ka tirsan Askarta ATMIS lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Ceelbaraf 3-dii bishaan May, waxayna ciidamada la laayey kasoo jeedeen dalka Burundi.

Maxay ka wadahadleen Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Arbacadii soo saaray magaalada Muqdisho, wuxuuna safarkiisu ku qotomay ka shaqeynta qaabkii loo fasixi lahaa 16-ka xildhibaan ee gobolka Gedo ka soo galay golaha shacabka, kuwaas oo doorashadooda muran la geliyey, kadib markii kooxda Farmaajo ay 16 xubnood oo kale ay ku soo dhiseen Garbahaarey.

Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka wada hadlay xaalada dalka uu marayo iyo arrimaha doorashada madaxweynaha, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska Guddoomiyaha.

“Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulanka kaddib u hambaleeyay Guddoonka BJFS, isaga oo Eebbe uga baryay in xilka loo doortay uu ku asturo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xogo hoose oo aan ka helnay kulankaas ayaa sheegaya in Aadan Madoobe iyo Maxamuud Sayid Aadan ay aad u gorfeeyeen, sida loo maarey karo khilaafka ka taagan doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo oo ay isku heystaan 32 xubnood oo lagu kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey.

Sanado badan kadib Maxamuud Sayid Aadan ayaa Arbacadii Muqdisho u yimid meel-marinta mowqifka Jubbaland ee ah in la fasaxo oo doorashada madaxweynaha ay ka qeyb galaan 16-kii xildhibaan ee Ceelwaaq lagu soo doortay.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa maalmahaan uu joogay wuxuu Muqdisho ka waday kulamo uu la yeeshay xubno ka tirsan xukuumadda, guddiga doorashooyinka heer federaal iyo xildhibaanada doorashadooda lagu muransan yahay, wuxuuna dadaal xooggan ugu jiraa, sidii loo fasixi lahaa xildhibaanadii ay Jubbaland ku soo dhistay Ceelwaaq.

DF oo codsatay in dhowr bil loogu daro waqtiga loo qabtay ee ku eg 17-ka May

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay hey’adda IMF inay dib ugu dhigto mudo 3-bilood ah qiimeynta dib u habeynta barnaamijkeeda dhaqaalaha.

17-ka bishan May oo ku beegan laba maalmood kadib doorashada Madaxweynaha cusub Soomaaliya oo dhaceysa 15-ka bishaan ayaa loo mudeysnaa in IMF ay bilowdo qiimeynteeda dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, ayaa warqad codsi ah oo ay si wadajir ah u saxiixeen waxay u direen IMF.

Warqadaas waxay dowladda Soomaaliya ku cadeysay in aysan awoodin in mudadaas kooban ay uga qeyb-gasho dib u eegista barnaamijka dib u habeynta IMF ee 17-ka May.

Gaabis $10 milyan ah ayaa jira bil kasta daqliga ay maamusho dowladda Soomaaliya, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxay joojiyeen taageeradii miisaaniyadeed oo ay sii jireen Soomaaliya, kadib markii dib u dhacyo badan ay wajahday doorashada Soomaaliya.

Dib u dhacyadan awgeed, deeqaha taageerada miisaaniyada 2021 waxay ahaayeen oo kaliya $38 milyan, marka la barbar dhigo $170 milyan oo la filayey miisaaniyada inay gasho.

Ilaa hadda, dhaqaalaha la siiyo Soomaaliya oo qayb ka ah qoondada IMF ee 2021 (SDR157 milyan) ayaa kaabid u ah dakhli-yaridaas, laakiin taageeradaas ayaa dhammaan doonta dhowr bilood gudahood haddii aanay Soomaaliya helin kabka misaaniyadda deeqbixiyeyaasha.

“Dib u dhaca doorashada iyo dakhliga dowladda oo yaraaday ayaa ka mid ah sababaha keenay inay dowladu codsato muddo kordhinta barnaamijka dib u habeynta maaliyada IMF ay ka caawiso Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay waraaqda ay DF Soomaaliya u dirtay IMF-ta.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr bilood ka aamusneyd arrintan, wuxuuna cosdigaan ka dhiganyahay in dowladdu aysan ku guuleysan fulinta heshiikii ay lagashay hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

IMF weli kama soo jawaabin codsiga dowladda Soomaaliya, waxayna arrimahaan dib u dhaca ah halis ku yihiin barnaamijkii deyn cafinta Soomaaliya, kaalmooyinka kale ee mashaariicda horumarinta ee caalamku siiyo Soomaaliya iyo kabka misaaniyadda dowladda.

 

Somali Debates oo diiday go’aankii DF kuna adkeysatay doodda musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Somalia Debates ayaa ku adkeysatay inay dhaceyso dooda musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, xili ay joojisay doodaasi Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in hay’adda la baxday Somali Debates aysan haysan sharciyad warbaahineed, kadib markii dhawaan ay waday qaban-qaabinta dood ku saabsan doorashada iyo musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Somali Debates ayaa taas beddelkeeda caddeysay in fasax iyo oggolaansho ay ka heystaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, [lambarka NGOD/Moifar0065/22].

Waxay sheegen in ay yihiin urur aan dowli aheyn oo diiwaan-gashan, hadafkooduna yahay abaabulka wada-hadalka iyo doodaha bulshada rayidka ee Soomaaliya oo dhan.

“Soomaali Debates hadafkeedu waa in bulshadu qeyb ka noqoto siyaasadda, iyadoo laga doodayo danta guud. Taasina waa danta qaranka, sharciga iyo diiwankana waxaan u marnay wadadii saxda ahayd, waanu ku sii socon doonaa sida qorshuhu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Somali Debates.

Sidoo kale waxay sheegen in qorshahooda ku aadan dooda musharraxiinta madaxweynaha ay taageero buuxa uga heystaan shacabka Soomaaliyeed, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka, FEIT, NIEC iyo musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha oo dhamaantood gacmo furan ku soo dhaweeyay hindisaha Somalia Debates.

“Soomaali Debates waxay og tahay inay jiraan kooxo wata dano khaas ah oo aan doonayn in Doodaha Musharixiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya aysan dhicin, danahaas oo ah dano gaar ah, mid siyaasadeed iyo mid xirfadeed – waana inaan qofna loo oggolaan inuu ka leexiyo danaha iyo ajendaha fog ee Soomaaliya ee ku wajahan Waddada Dimuqraadiyadda iyo Doodaha caafimaadka leh.”

Si kastaba, Arrintan ayaa imanaysa ayada oo shalay Wasaarada Warfaafinta ku wargelisay Hay’addaha Amnig iyo Booliiska gobolka Banaadir inay ka gutaan waajibkooda shaqo, ayna ka joojiyaan barnaamijyadaas ay wadaan illaa inta ay ka helayaan sharci ay wax ku tebiyaan.