25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Ciidamo ka yimid Itoobiya oo qaraxyo lagula eegtay Gedo

Luuq ((Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya weeraro qaraxyo ah lagula beegsaday inta u dhexeysa degmooyinka Luuqa iyo Duulow ee gobolkaasi oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey ciidamada la qarxiyey iyo xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Shaatoolow oo ah meesha lagu weeraray ciidamadaasi.

Ciidamada qaraxyada lala beegsaday ayaa ka yimid dhanka Itoobiya,waxayna ku sii jeedeen dhinaca degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay waraabhinta ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, kadib qaraxyadaasi oo ay xigeen howlgallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan halkaasi iyo kuwa dowladda.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay in qaraxa koowaad uu haleelay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ee ay wateen ciidanka Itoobiya, halka midka labaadna uu ku qarxay ciidamo lugeynayey, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi iyo weerarka tooska ah ee xigay, sidoo kalena ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Itoobiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladdu ay dagan tahay, waxaana lagu soo warrinayaa in ciidamada Itoobiya ay socdaakoodii horey usii wateen.

Maalmihii u dambeeyey kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey weerarkii maalin ka hore lagu qaaday ciidamada Burundi ee ku sugnaa deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare lixaad leh iyo burbur xoogan.

Puntland oo shaacisay inay qabatay shabakad arrimo xasaasi ka shaqeysa + Video

Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa shaacisay inay qabatay shabakad dalka ka dhoofi jirtay dhirta ama geedaha dalka ka baxa qaar, kuwaas oo laga guri jiray deegaano ka kala tirsan gobollada Puntland, Galmudug, Somaliland iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Agaasimaha wasaaradda deegaanka Puntland Cabdicasiis Cilmi Nuur oo wareysi siiyey TV-ga SBC ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Tanzania, kaas oo ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sheegay in ninka ay hayaan uu yahay maskaxdii ka dambeysay ganacsigan sharci darrada ah, islamarkaana ay baaritaan ku hayeen mudo bil ah.

Sidoo kale, Agaasime Cabdicasiis Cilmi ayaa sheegay in kiiskaan ay soo galeen masuuliyiin ka tirsan Puntland, kadib baaritaan dheer oo la sameeyey, todobaadka dambe ayuu sheegay in ninkaan iyo ragii la shaqeysa jiray ay maxkamad soo taagi doonaan.

Ninka la qabtay ayaa mar isku deyey inuu xabsiga ka baxsado, sida uu sheegay Agaasimuhu, balse ay ciidamada ammaanku ku guuleysteen inay qabtaan iyagoo aan waxaba gaarsiin.

“Wuxuu ahaa nin lacag tiro badan wata oo howshaan aad u caadeystay, lana saaxiibay ciidmada qaar iyo masuuliyiin dowladeed, waxaan xog ku helnay in shixnad kartoomeysan oo dhir ah uu dalka ka dhoofinayo, inuu baxsado ayuu isku deyey, balse waxaa lagu qabtay Qardho,” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda deegaanka Puntland.

Hoos ka daawo wareysiga

Yaasiin Farey ma xildhibaan baa mise Taliyaha NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey), haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa kasoo dhex muuqday dhawaan kullankii guddoomiyaha baarlamaanka uu ku shaacinayay inuu mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka la wareegay.

Sida uu qabo dastuurka KMG ah ee dalka iyo habraacii loo sameeyay doorashada xildhibaanada, waxaa mamnuuc ka ah saraakiisha iyo ciidamada inay qabtaan xil dowladeed ilaa ay iska casilaan toddoba maalmood kahor, iyadoo taasina ay meesha ka baxday xiligaan in la dhowro dastuurkii lagu heshiiyay iyo habraacyadii lagu soo xulay baarlamaanka cusub.

Yaasiin Fareey oo aheyd intii uusan marin dhaarta xildhibaanimo inuu xilka wareejiyo ayaa maalintii uu dhaartay kadib waxaa uu si caadi ah u watay howlihiisii taliyenimo, taasina waxay ka hor imaaneysaa dastuurkii iyo sharcigii uu ku dhaartay inuu ilaalinaayo.

Kullankii guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ee uu kula wareegay mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada wuxuu Yaasiin Fareey ugu qeyb galay isagoo ah taliyaha NISA, halka saraakiishii kale ee ciidamada ee ka qeybgalay waxba ka duwaneyn, shaarkii xildhibaanimana siibtay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa laga rabay inuu jawaab ka bixiyo ku xadgudubka dastuur ee xildhibaan Yaasiin Fareey la hortegay guddoomiye Aadan Madoobe maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dastuurka dalka.

Tallaabadaasi ayaa waxay muujineysaa gef iyo xadgudub dastuuri ah oo bilow u ah baarlamaanka cusub.

Lama oga sababta uu weli Yaasiin Fareey ugu dhegan yahay inuu sii ahaado taliyaha NISA, hase ahaatee waxaa lagu waramayaa in madaxtooyadda Villa Somalia ay weli la dhacsan tahay Yaasiin Fareey inuu howsha sii maamulo ilaa mudo aan caddeyn.

Taliyaha NISA ayaa xiligaan in uu magacaabo madaxweyne Farmaajo waxay ka dhigan tahay khilaaf hor leh oo mucaaradka iyo RW Rooble u arki karaan inuu ku carqaladeynaayo doorashada gabagabada mareysa ee harsan in la doorto madaxweyne cusub.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo mid ku geeriyooday…

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo ku sugnaa tuulada Phillipi oo ka tirsan magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika.

Koox burcad Afrikaan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal, waxaana xilliga la dilayey uu waday gaari siday adeeg ganacsi oo kala duwan.

Dilka kadib waxaa goobta ay wax ka dhaceen gaaray ciidan ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo sameeyey howlgallo kooban, balse ma jiraan cid ay gacanta kusoo dhigeen.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Cape Town oo ka hadlay dilka Mowliid ayaa sheegay inay xanuun ku reebtay dhacdadan, isla-markaana ay ka wal-waleen falka lagu dilay marxuumka oo ka mid ah ganacsatada firfircoon ee ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale muwaadin kale oo Soomaaliyeed, isla-markaana lagu magacaabi jiray Saacid Maxamed Xasan ayaa isna geeriyooday, kadib markii gaarigii uu waday uu Buundo kala dhacay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid saaxibadiisa.

Saacid ayaa shilka ku galay wadada ka timaadda Fish Hoek oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, wuxuuna ka mid ahaa darawalada gaawrida ee Uber Taxis.

Inta badan Koonfur Afrika waxaa ka dhaca weeraro ka dhan ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, kuwaas oo wajahaya dil, dhaawac iyo boob ay u geysanayaan burcad hubeysan.

Muxuu Antonio Guterres ka yiri weerarkii Ceel Baraf?

New York (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa si adag looga hadlay weerar ay waabarigii Talaadada kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Antonio Guterres wuxu marka hore si kulul u cambaareeyey weerarkaasi oo lagu laayey askar badan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Burundi oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale waxaa tacsi tiiraanyo leh qoraalkan loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi, wuxuuna xoghayaha sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyey askarta dhaawacantay.

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” ayaa lagu yiri  arsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha Stéphane Dujarric.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga iyo amniga Soomaaliya”.

Ugu dambeyn Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada ay siiso howlgalka ATMIS, ex AMISOM, si looga adkaado Al-Shabaab.

“Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa markale lagu yiri.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkan oo qaraxyo ku billowday ay ku dishay illaa 173 askari oo ka tirsanaa ciidanka Burundi, waxaana jirta askar kale oo nolosha lagu qabtay, inkastoo aan tiradooda la shaacin.

Sanado kadib Maxamuud Sayid Adan oo Muqdisho ka soo degay + Ujeedka safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Inta badan sanadihii uu Farmaajo xukunka dalka hayey suurta gal ma aheyn in mas’uuliyiinta Jubbaland ee ka soo jeeda gobolka Gedo, kana aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo ay Muqdisho yimaadaan, laguna soo dhoweeyo garoonka.

Arrintaan waxay ka mid tahay is bedellada maamul ee ka bilowday Soomaaliya shan sano iyo bilo kadib, intaas oo Farmaajo uu dagaal culus kula jiray hoggaanka Jubbaland, taas oo ugu dambeytii laga dhaxlay khilaafka sababay in gobolka Gedo uusan metelaad ku yeelan doorashadii guddoonka golaha shacabka. Kadib markii Garbahaarey iyo Ceelwaaq xildhibaano isku heyb ah lagu kala doortay.

Sidoo kale in maanta ay madaxdii Jubbaland Muqdisho ka soo degto waxaa sahlay tallaabooyinkii uu kol hore qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo garoonka Aadan Cadde ka dhigay mid ay cabsi la’aan siyaasiyiintu uga soo degi karaan.

Tallaabooyinkaas waxaa qeyb ka ahaa xil ka qaadistii Cabdullaahi Kulane oo ahaa Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde, aadna u baacsa jiray siyaasiinta ku heybta ah ee gobolka Gedo ka soo jeeda iyo Agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin oo awood badan ku lahaa garoonka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan wuxuu Muqdisho u yimid arrimo ku saabsan muranka la geliyey xildhibaanadii 16-ka ahaa ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq, kuwaas oo kooxda Farmaajo ay ka garab dhistay xubno lagu soo doortay Garbahaarey.

Maxamuud Sayid Aadan oo Farmaajo ay isku heyb yihiin ayaa Ceelwaaq kalmado garnaqsi ah Farmaajo uga soo diray maalintii la doortay xildhibaanada muranka la geliyey, isagoo ka codsaday in dhibaato dambe uusan u celin dadkiisa reer Gedo oo Jubbaland inteeda kale uu ka jaray.

Doorashadii guddoonka golaha shacabka wax metelaad ah kuma laheyn gobolka Gedo, waxaana taasi inay dhacdo dadaal xoog leh ku bixiyey madaxweyne Farmaajo oo ka shaqeynaya danihiisa dib u doorashada, waxaana macquul ah in doorashada Madaxweynaha dalka aysan Gedo metelaad ku yeelan hadii uusan go’aan dhaqan gal ah soo saarin guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo arrintaan la wareegay.

Daawo: Xildhibaannadii Garbahaarey oo hal arrin ka codsaday Aadan Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed oo ka mid ah xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ka codsaday inuu u hiiliyo, isla markaana uu aqbalo inay baarlamaanka si rasmi ah uga mid noqdaan.

Wuxuu ku cataabay in xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq ay heystaan garab siyaasadeed, balse aysan aheyn kuwo sharci ah oo dhul Saamaaliyeed lagu soo doortay, isagoo tilmaamay in deegaan ka tirsan Kenya lagu soo doortay.

Sidoo kale Axmed Buulle ayaa aad u eedeeyey guddoomiyihii KMG ahaa ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, isagoo Aadan Madoobe ka codsaday in xarunta baarlamaanka aysan soo gelin Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq.

“Dhibaatadii aan ka soo marnay Rooble iyo Dhabancad, Sheekh Aadan Madoobow wax ka qabo, nin wanaagsan oo aan saaxiibo dhow nahay ayaa tahay ee maanta noo hiili,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule oo ka mid ah xildhibaanada doorashadoodii muranka la geliyey.

Wuxuu sheegay in xildhibaanadii ka soo baxay Ceelwaaq ay heystaan garab siyaasadeed oo xoog leh, balse aysan sharci aheyn oo ayagu ay sharci ku yimaadeen golaha, laguan soo doortay heshiiskii doorashada ee 17-kii September, “Qofka maanta laga rabo in arrintaan uu cadaalad ka sameeyo Sheekh Aadan waa adiga,” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Buulle ayaa sheegay in hadda ka hor uu la taliyey Guddoomiyihii KMG ahaa Dhabancad, balse uusan ka hoos qaadin codsigii iyo taladii uu u soo jeediyey.

“Dhabancad u jeedadii uu naga lahaa hadda waa soo dhamaatay, laakiin maanta adigaa meesha noo jooga Sheekh Aadan, waxaan baarlamaanka ka codsanyaa inay noogu hiiliyaan cadaalad darrada metelaadeenii lagu hayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Axmed Buule oo ka mid ahaa xubnihii maanta looga digay inay mar dambe yimaadaan xarunta golaha, iyadoo aan go’aan laga soo saarin kiiskooda.

Hoos ka daawo

Aqriso: Liiska xubnaha golaha shacabka ku metelaya gudiga doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha goalah shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa soo saaray liiska 10 xubnood ee xildhibaanada golaha shacabka ku metelaya qaban-qaabada doorashada madaxweynaha dalka.

10-ka xildhibaan ee golaha shacabka ku metelaya guddigaas ayaa kala ah:

1 – Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud
2 – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir Saleebaan
3 – Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed
4 – Xildhibaan Nuur Mustafe Mukhtaar
5 – Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Beerey
6 – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu
7 – Xildhibaan Cabdiqani Ismaaciil Saciid
8 – Xidhibaan Cabdiwahaab Cumar Caana-nuug
9 – Xildhibaan Cumar Yuusuf Qalaadiid
10 – Xildhibaan Fardowso Cusmaan Cigaal

Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale maanta soo magacaabay 6 xubnood oo guddigaan uga mid noqonaya, waxayna tirada guud ee gudigaan noqaneysaa 17 xubnood oo kala 10 golaha shacabka ah, 6 Aqalka Sare ah iyo hal xubin oo guddoomiye Aadan Madoobe uu soo magacaabayo.

Xubnaha guddigaan ayaa looga fadhiyaa qorshihii lagu dooran lahaa madaxweynaha muddo kooban. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maanta sheegay in guddigaan laga rabo inay keenaan habraacii iyo wax walba oo ku aadan qabsoomidda doorashada Madaxweynaha, ka hor 17-ka bishaan, taasi oo ku siman wax ka yar labo toddobaad.

Wasiirkii hore ee ganacsiga oo kusoo biiray murashaxiinta madaxweynaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)– Eng. C/llaahi Cali Xasan, wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay murashax madaxweyne, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay sababaha ku kalifay in xilkaan u istaago xiligaan.

Murashax C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in 62 sano kadib markii gumeystihii xornimada laga qaatay in shacabka Soomaaliyeed ay heystaan daruufo qalafsan oo ay la dhibaateysan yihiin kuwaasoo isugu jira abaaro, faqri, amni daro, maamul xumo iyo caddaalad daro, isagoo sheegay in dhamaan arrimahaasi ay sababeen dowlad xumo, ku-takrifal awoodeed iyo khilaaf siyaasadeed oo soo noqnoqday 62 sano tan iyo markaan xornimada qaadanay.

Murashaxa ayaa intaa raaciyay in dhibaatooyinkaasi shacabka haysta in looga bixi karo iyo xal u helidooda inay tahay arrin u taal dadka Soomaaliyeed oo ugu horeeyo hoggaanka dhawaan la dooran doono, madaxda kale ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo uu sheegay in mustaqbalkooda cida go’aamin karta ay shacabka yihiin.

Eng. C/llaahi ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in dowladnimadu aysan aheyn mid loogu adeego danaha koox ama shaqsi gaar ah, balse ay tahay mid dadku wada leeyahay, dowladooduna tahay mid shacabka danahiisa iyo maslaxadiisa guud ahaan ka shaqeysa.

Murashaxa ayaa sheegay in loo baahan yahay isbadal dhab ah iyo hoggaan hufan tallo wadaag ah, karti leh, hoggaan aqoon iyo waaya aragnimo leh, hoggaan amaano leh oo  caddaalad ku hoggaamin kara dalka iyo hoggaan dadka xilka u dhiibteen u gudan kara si caddaalad alle ka cabsi leh, hadii uu gudan waayana xilkaasi guuldaradiisa aan dadka kale u saarin ee shacabka kusoo celiya amaanadii ay u dhiibteen.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa sidoo kale sheegay in uu fahamsan yahay daruufaha adag ee dadkeena haysta iyo sida looga gudbi karo iyo horumarka la doonayo iyo waajibaadka adag ee laga sugaayo madaxweynaha cusub ee la dooran doono.

Murashaxa ayaa sheegay inuu aaminsan yahay aqoonta iyo kartida uu u leeyahay hoggaaminta dalka haddii ay noqon laheyd aqoon, karti, ammaano, iyo waaya aragnimo uu ku gudan karo xilka madaxweynenimo haddii loo doorto.

Guddiga baarlamanka ee maanta la magacaabay oo loo qabtay ilaa 17-ka May

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni-gooni ah oo ay maanta yeesheen waxay iska soo xuleen guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 17 xubnood ayaa 10 kamid ah waxaa iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashada Xubnahaan ayaa waxaa looga fadhiya qorshihii lagu dooran lahaa madaxweynaha muddo kooban, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Xidig ayaa sidoo kale sheegay in Xubnahaan laga rabo inay keenaan habraaci iyo wax walba oo ku aadan doorashada, ka hor 17-ka bishaan, taasi oo ku siman wax ka yar labo toddobaad.

“Waxaa looga fadhiya inay la yimaadan qorshihii iyo habraaci lagu dooran lahaa madaxweynaha, marka taas ayuu guddiga ka shaqeyn doona,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

“Sababta aan u dadajinayno waa in si wadanka uusan dib ugu noqon tallaabooyinka uu soo qaaday. Guddiga awood gaar ah malaha waa in kaliya uu habraaca iyo xeer hoosaadka ku dhaqmo oo hoolka doorashada abaabulo.”

Xildhibaan Xidig ayaa ugu dambeyntiina sheegay in uu ka xun yahay in gobolka Gedo uusan metelaad laheyn, maadama xubno is-khilaafsan ay kasoo baxeen gobolkaas, taasi oo dhawaan xal laga gaari doono khilaafkaas.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa go’aanka u dambeeya ka qaadan doona isqab-qabsi xubnaha uu ka taagan yahay, ayada oo maanta qaarkood ay ku sugnaayeen kalfadhigii golaha, oo aan laga saarin.

Burundi oo shaacisay tirada looga dilay weerarkii Shabaab iyo kuwa nolosha lagu watay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa ka hadlay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Bara fee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saldhigga ayaa waxaa dagaal xooggan oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay gebi ahaan cagta marisay.

Sarkaalkaan oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in weerarkaas ciidamada Burundi looga dilay 30 askari halka uu sheegay in dhaawaca uu gaarayo illaa 20.

Sidoo kale, sarkaalkaan ayaa sheegay in nolol iyo geeri lagu la’yahay tobanaeeyo kale, waxayna xogta la helay sheegeysaa in kooxd Al-Shabaab ay nolosha ku wadatay 15 askari oo ka tirsan kuwa ciidamada Burundi.

Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ku dhawaad 400 oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sidoo kale hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa dadka ku nool degaanka Ceel-Baraf iyo hareerihiisa waxay ku fasaxeen inay qaataan agabkii yaallay xerada ay kala wareegeen ciidamada Burundi oo aad loogu laayey gudaha iyo hareeraha xerada.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Guddiga doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni gooni ah oo ay Maanta yeesheen waxaa ay iska soo xuleen guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 17 xubnood ayaa 10 ka mid ah waxaa iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ay diyaarin doonaan qorshihii lagu dooran lahaa Madaxweynaha muddo kooban, waxaana magacyada 17 Xubnood ee guddiga ka kooban yahay ay kala yihiin.

Xubnaha ka socda Golaha Shacabka ayaa waxaa ay yihiin.

1- Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2- Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3- Xildhibaan Nuur Mustaf Mukhtaar.
4- Xildhibaan Beerey.
5- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimuu.
6- Xildhibaan Maxamed Caananuug.
7- Xildhibaan Cumar Yuusuf.
8- Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Saddex Xubnood ayaa ka dhiman Xubnaha Guddiga ee ka socda Golaha Shacabka, wuxuuna Guddoomiyaha sheegay inay soo dhameystiri doonaan illaa caawa.

Dhinaca kale, Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kalfadhiga koowaad kulankiisa afaraad kaas oo ay uga hadlayeen dhismaha iyo Ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu wado doorashadiisa in ay dhacdo bishan.

Kulanka Golaha ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Senenatar Cali Shacbaan Ibraahin iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

“Sida sharciga ah oo xeer hoosaadka dhigayo magacaabista guddiga waxaa leh guddoonka, balse Golaha waxaa ku jira 39 xubnood oo cusub kuwaas oo aan xeerarkaas la socono sidaas ayaana u ogolaanay inay Golaha iska soo saaraan,” ayuu yiri.

Halkaan hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay

1- Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed)
2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
3- Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
4- Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)
5- Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)
6- Samsam Cabdullaahi Axmed (HirShabeelle)

Sheekh Aadan Madoobe oo go’aan ka gaaray arrinta xildhibaannada GEDO

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan, kuwaas oo ansixiyay ajandaha maanta oo ah xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay shaqada ugu weyn ee hortaalla Baarlamaanka inay tahay doorashada madaxweynaha, isla markaana uu doonayo inay si deg deg ah ay u qabsoonto.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada ka codsaday inay 10 xubnood ay iska dhex doortaan ‘si waafaqsan nidaam dheelli tiran.’ Wuxuu sidoo sheegay in lix xubnood oo ku saleysan metelaadda maamul goboleeyada ay sidoo kale uga imaan doonaan dhinaca Aqalka Sare oo isna goor dhaweyd uu u bilowday kulan ay ku dooranayaan guddiga doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in maadaama ay tirada guud ee guddigan ay noqon doonto 17 xubnood uu guddoonka Baarlamaanku magacaabi doono xubinta dheeriga ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay ‘inuu go’aan ka gaari doono’ wixii maanta ka dambeeya.

Wuxuu Caddeeyay inay Golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibaannada aanu khilaafka ku jirin, kooramkana aan lagu dari doonin xildhibananada la isku khilaafsan yahay, inta go’aanka kaam dambeysta ah laga gaarayo arrintooda.

Kulanka maanta ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe shaaciyey inaan Golaha laga saareynin xildhibaannada wada fadhiya ee is khilaafsan, kana yimid Gobolka Gedo.

Xubnaha golaha ayaa hadda ku maqan xulista xildhibaannada ka mid noqon doona guddiga doorashada Madaxweynaha.

Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay jab culus oo ay gaarsiiyeen ciidanka Burundi

Ceel-Baraf (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sidoo kale hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa dadka ku nool degaanka Ceel-Baraf iyo hareerihiisa waxay ku fasaxeen inay qaataan agabkii yaallay xerada ay kala wareegeen ciidamada Burundi oo aad loogu laayey gudaha iyo hareeraha xerada.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Durbadiiba shacabku waxay bilaabeen inay fuqsadaan guryihii ciidanka ee ku dhex yaallay xerada ay Al-Shabaab la wareegeen, waxaana sawirradii la qaaday ka soo muuqday dad badan oo shacabkii deegaanka ah oo xerada bililiqeysanaya.

Sidoo kale warbaahinta kooxda ayaa baahisay sawirro badan oo laga qaaday meydadka ciidankii ATMIS ee la laayey oo daadsan xerada, gaadiid, rasaas iyo dhamaan sahaydii ciidanka ee xeradaas taallay ayaa gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirrada

Qoor-Qoor oo Xamar ‘looga kireeyay guri uu uga ololeeyo’ musharax madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Xildhibaan Cabdicaziz Cilmi Cali oo kamid ahaa xildhibaanada kasoo jeedo Galmudug ee kuraastooda dad kale la siiyey haddana kamid ah Golaha badbaadada Galmudug ayaa eedeyn culus usoo jeediyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

“Waxaan halkaan isugu nimid anagoo mataleyno Galmudug, maadaama aan la baxnay oo aan u istaagnay howshaan runtii u baahan in loo istaago oo badbaadada Galmudug ah, waxaan isugu imaanay wixii nagu soo kordhay iyo wixii naga halaabayba inaan Bulshadeena la wadaagno,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdicaziz Cilmi Cali.

Cabdicasiis ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeyey inuu dayacay shaqadii iyo mas’uuliyadii loo dhibtay isla markaasna uu ku fashilmay sugidda amniga, isagoo Shacabka ugu baaqay inay tashadaan.

“Bulshadeena Galmudug waxaan dareensanahay in Abaaro ba’an weli hayaan Alle haka dul qaadee, sidoo kalana har iyo habeen ayaa waxaa ku socdo weerar, waxaana muuqata in maamulka Galmudug uusan diyaarin ciidamadii amniga sugi lahaa, waxaana ku baaqeynaa in Bulshada Galmudug ay isku tashadaan si ay ammaankooda u sugtaan garabna u siiyaan walaalahooda tabaaleysan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale Cabdicasiis ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug inay si sax ah ula xisaabtamaan madaxweyne Qoor Qoor oo uu ku eedeeyey inuu Muqdisho ka wado ololaha dib usoo doorashada Farmaajo xilli deegaanada uu madaxda u yahay ay halis uga imaaneyso kooxda Al-Shabaab.

“Xildhibaanada maamul Goboleedka Galmudug waa inay la xisaabtamaan madaxda talada heysa oo uu Axmed Qoor Qoor ugu hooreeyo kaasoo kaambeyn u fadhiyo Xamar, iyadoo ay bulshadiisa dayacan tahay, waxaa nasiib darr ah runtii oo wax taariikhdu qoreyso ah in Abaarta jirta iyo amni darada jirta aysan xanuun iyo kuluul midna ku heyn madaxweynaha Galmudug, xanuunka ugu badan ee Maanta hayo waa Ahlu Sunna markii loo sheego in Al-Shabaab soo weerartay deegaanada wuxuu ku jawaabayaa amaa Bohol laga soo dhaqaaqay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeybti xildhibaan Cabdicasiis ayaa yiri “ Waxaa sidoo kale siyaasiyan khasaaro ku ah ummadda kasoo jeedo Galmudug inaysan heysan madaxweyne ka fakaraya aayahooda waxaana taas tusaale kuugu filan in Galmudug ay weysay hoggaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

DF Somalia oo dalab culus soo saartay, kadib weerarkii Al-Shabaab ee Ceel Baraf

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab waabarigii hore ee Taladaada ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas oo ku billowday qaraxyo uu ahaa mid ‘fool xun’ iyadoo sidoo kale tacsi uga dirtay shacabka iyo dowladda Burundi waxyeellada kasoo gaartay ciidankooda.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale beesha caalamka looga inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika  ee wada howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya faah-faahin dheeraad ah kama bixin khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo ay guullo ka sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Warbaahinta kooxda ayaa baahisay sawirro badan oo laga qaaday meydadka ciidankii ATMIS ee la laayey oo daadsan xerada, gaadiid, rasaas iyo dhamaan sahaydii ciidanka ee xeradaas taallay ayaa gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Aadan Madoobe oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo dhammeystirka doorashada.

Aadan Madoobe ayaa xalay qaabilay madax kala duwan oo uu ka mid yahay  madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo booqasho ugu tegay.

Kulanka wuxuu ujeedkiisu ahaa salaan iyo hambalyo, waxaana uu Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoygiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadlay marxaladda kala guurka ah ee doorashada dalka.

Raiisul Wasaare ku xigeen, Xildhibaan Mahdi Guleed oo u hambalyeeyay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalada socda ee looga gol leeyahay dhameystirka doorashooyinka iyo soo af-jaridda marxaladda kala guurka.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu qaabilay musharrax madaxweyne Cabdinuur Sheekh Maxamed oo isna xalay booqasho ugu tegay gudoomiyaha.

Cabdinuur ayaa hambalyo, kadin, waxaana ay isla soo qaadeen dedejinta doorashada madaxweynaha dalka.

Kulamadan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu dhammeystirayo doorashada, gaar ahaan mida madaxweynaha oo la qabanayo maalmaha soo socda.

Safiirkii DF ee Talyaaniga oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo jawaab u ah Cabdisaciid

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii Safaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku sharaxayo sababta uu ku yimid khilaafka u dhaxeeya asaga iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, oo sheegay inuu xilka ka qaaday, wuxuuna Safiirku eedeymo culus u soo jeediyey wasiirka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise

KA JAWAABID WARSAXAAFADEEKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA JFS EE 1da MAY 2022

Waxaan warbaahinta maxaliga ee dalka Soomaliya ka akhristay War-Saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (WADIC) J.F.S. soo saartay 1da May 2022 oo ay ku cambaareynayeen Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, Safiirka Ambabaxaya (Out-going Ambassador) ee Safaaradda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Rome ee dalka Talyaaniga.

Waxaa nasiib darro ah in War-Saxaafadeedka Wasaaradda, oo dabcan lagu soo saaray amarka Wasiirka, Mdn. Cabdisaciid Muuse Cali, lagu dafiray in War saxaafadeedkaasi lagu xusi waayo dhacdadii foosha-xumayd ee sumcadda Qaranka Soomaaliyeed meel looga dhacay. Waxaa xaqiiqo ah in xoog kula wareegidda Safaaradda uu dhacay habeenimada 7da April, 2022, waxaana hormuud ka ahaa Sii-Hayaha Safaaradda Magacaaban (The Designated Charge Affairs) Mdn. Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur, isagoo kaashanaaya seddax diblomasiyiin kale.

Waxa aroornimada April 8, 2022 ay beddeleen furooyinka xafiisyada safaaradda, waxayna hore u qaateena furooyinka Baabuurta Safaaradda lahayd. Waxaa kaloo xaqiiqo dhab ah in anigoo ah safiirkii hore ee Safaradda Talyaaniga aanay jirin meel aan xilkii safaaradda si rasmi ah ugu wareejiyay Mdn. Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur. Arrintaas oo wali taagan waxeyna caddayn u tahay in safaaradda sifo aan sharci ahayn loola wareegay eraybixinti la doono haloo fasirtee (inqilab, xoog kula wareegid, iwm).

Isla markii ay sidaasi wax u dhaceen, waxaan warbixin qoraal ah u diyaariyay una diray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiir-Ku-xigenka iyo Wasiiru-Dowlahaba, Ogeysiisna u siiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha JFS. (Eeg warqadda Sumadeedu tahay Prot: SER/I/50/2022 ee April 11, 2022,)

Arrinta la xiriita u yeerista safiirka, waxey aheyd u yeerid wadareed oo lix Diblomaasiyiin oo ka tirsan Safaaradda Rome loogu yeeray iney hal mar soo wada galaan Muqdisho 25-ka December 2021. Safiirka, wuxuu talo qoraal ah u gudbiyay Wasaaradda, maadaama soo gelitaanka wadareed ay kalifeyso in Safaaradda la xiro, lagana yaabo inay abuurto mushkilo firaaq u adeegidda bulshada iyo tuhun ka dhalan kara cilaaqaadka Talyaaniga iyo Somaliya. (Eeg Warqadda Prot: SER/I/149/2021 ee 13/12/2021).

1 Waxaa kalo xusid mudan, in habeenimada 13-ka April 2022 inuu Madaxweynaha JFS, Mdn. Maxamed Cabdulaahi Maxamed uu ila soo xiriiray isagoo muujiyay in uu aad ula fajacay sida ay wax u dhaceen iyo isbeddelka Safaradda lagu sameeyay. Wuxuuna igu yiri “Waa arrin fool-xun dib ayaa lagaala soo xiriiri doonaa”. Wax yar kadib, waxaa teleefoon igu soo wacay Wasiir Cabdisaciid Muuse oo markale si faahfaahsan aan sharaxaad waafi ah uga siiyay nuxurka warbixintii qoraalka aan horay ugu diray taariikhda April 11, 2022, haseyeeshee uu doorbiday in aanu ka soo jawaabin arrinta la xiriirta Xoog kula wareegidda safaaradda.

Waxa aan aad ugu dadaalay in arrintaasi aanay faraha ka bixin, sidaas darteed waxaa si aan mugdi ku jirin, isku afgaranay aniga (Safiirka) iyo Wasiir Cabdisaciid Muuse, qoraal noqda raad-raac (memorandum) oo ku qoran qodobada muhiimka ee soo socda: (1) In sida ugu dhaqsi badan Safaaradda loogu soo celiyo jawigii caadiga ahaa ay ku howlgeli jirtay; (2) Furooyinka Safaaradda dib loogu soo celiyo Abukar Gacal oo ahaa ilaaliyaha safaaradda muddo 30 sano; (3) In Safiirku dib ugu soo laabto Safaaradda, si uu xilka u wareejiyo; (4) In Danjiraha Cabdiraxmaan Sheikh Ciisa uu ambabaxayo marka uu xilka wareejiyo; (5) In Mushaharadii Saddexbiloodlaha 2022 (Jan-Feb-Mar) oo Wasiirku hore u Joojiyay loo soo diro Safiirka. (Eeg Warqadda Prot: SER/I/87/2022 ee 14 April 2022).

Waxaase nasiib darro ah in Wasiir Cabdisaciid Muuse uu doorbiday isagoo marin- habaabinaya dadweynaha Soomaaliyeed inuu Warsaxaafadeeka uu soo saaray cinwaan uga dhigay in: “Safaaradda Soomaliya aanu afgembi ka dhacin”. Isagoo og in safaaradda xoog lagula wareegay.

Waa dhab in Wasiirku soo magacaabay Sii-Hayaha Safaaradda, isla markaana uu danjarahii horena la beddelay. Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah, in labada shaqsi ay Xil-wareejin damestiran ku kala qaataan Amanaada Qaranka oo maamulkeeda loo xilsaaray. Nasiib darase, taasi ma dhicin maadaama Sii-Hayaha Safaaradda uu si aan leex-leexad lahayn xoog kula waregay Safaaradda, xilwareejina diiday.

Waxaan ku dadaalay in bulshadii aan u adeegi jirnay oo ka carootay sida wax u dhaceen inaan dejiyo, una sheego in isbedelkuna uu meerto yahay. Waxa dhab ah in Wasiir Cabdisaciid uu ilaa hadda uu ka gaabiyay xilkii kaga aadanaa xalinta mushkiladaas. Dareenkeyga shaqsiga ah iyo xogta jirta waxay muujinaysaa in Wasiir Cabdisaciid Muuse uu dabada ka riixayay in xoog lagula wareego safaaradda.

2 Arrinta ku sabsan ku takrifal awoodeed iyo maamulka safaaradda waa wax kama jiraan. Shantii sano iyo bar oon Safaaradda Rome aan mas’uul ka ahaa, kama dhicin wax dhaliil ah, waxaana isoo martay shan Wasiir Arrimo Dibadeed. Sidaas darteed, arrinta uu wasiirka hadda lasoo booday waa wax kama jiraan. Waxaase looga fadhiyaa inuu Wasiirku uu marag-muujin cad inuu kasoo bandhigo. Haseyeeshee, maamulka u bahan in la saxo waa dhibta ka taagan Wasaaradda oo ugu horeyso xulashada iyo magacaabidda diblomaasiyiinta, taasoo Wasaaradda ay ka gaabisay inay mudnaanta siiso aqoonta guud iyo midda xirfadeedka shaqsiga, kartida, waayo aragnimada iyo hufnaanta shaqsiga.

Safaaradda Rome, waxaa hadda ku sugan Diblomaasiyiin aan shaqeyn karin, oon laheyna hab dhaqan-shaqo (work ethics), balse aaminsan iney Safaaradda ku joogaan 4.5. Arrintaas oo markuu bishii December 2021 uu Wasiir Cabdisaciid Muuse booqasho ku yimid Talyaaniga uu indhahiisa ku arkay kadib kulankii uu la yeeshay Diblomaasiyiinta Safaaradda Rome. Waxaa kulankaasi wasiirka ku weheliyay, goob joog iyo marqaatina ka ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Cabdulaahi Abukar Xaaji.

Gunaanadkeena waxuu yahay, sida kor lagu soo xusay, fekerka ay Wasaaradda dooneyso iney shicibka usoo gudbiso waa mid aan sal laheyn. Anigu waxaan shaqsi ahaan Qaranka Soomaaliyed usoo shaqeynayay muddo aad u dheer, waxaan waayo aragnimo u leeyahay: dad-wadeednimo (leadership), qancin, samir, hal-abuur, maamul iyo maareyn wanaag iyo dishiblin, taasoo marqaati buuxda ka yihiin intii aan la soo shaqeeyay.

Sidaas darteed, waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha JFS iyo Ra’isul Wasaaraha JFS, iney tilmaan cad iga soo siiyaan wixii aan ka yeeli lahaa Xilwareejinta la diiday. Siiba, mas’uuliyadda hantida Safaaradda ku leedahay dalka Talyaaniga oo ah hanti Qaran oo qeymo leh.

 

———— DHAMAAD ————

 

Midowga Afrika oo war kasoo saaray weerarkii Shabaab ee saldhiga ciidanka Burundi

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa si adag uga hadlay weerarkii cuslaa ee ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ay ku lahayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo 65 KM u jira caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee Jowhar.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo bayaan kasoo saaray weerarkaasi ayaa cambaareeyey, wuxuuna sheegay in uusan hoos u dhigi doonin howlgallada ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya.

Faki Mahamat ayaa sidoo lale khadka taleefoonka kula xiriiray madaxweynaha waddanka Burundi General Neva, wuxuuna uga tacsiyeeyet askarta looga dilay weerarkaas oo qaraxyo ku bilowday,  isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin kooxda Al-Shabaab.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Farmaajo oo soo saaray amar madaxweyne oo uu uga horyimid tallaabooyin uu qaaday Rooble

Muqdisho (Caasimada Online)-  Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu ku jebinayo go’aano horay uga soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale qoraalka Farmaajo ayaa u muuqda mid jawaab u ah tallaabadii uu galabta qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo taliyayaasha ciidamada amray inay hadda kadib isaga ka amar qaataan.

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku xusay laba Agaasime wasaaradeed oo dhawaan xilalka laga qaaday, kuwaas oo xil ka qaadistooda uu waxaba kama jiraan kasoo qaaday.

Hoos ka akhriso qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya ku takri-falka awoodda dowladnimada, musuqmaasuqa maamul iyo xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha qaranka;

Madaxweynaha oo tixraacaya Xeerarka jiheynayey maamul wanaagga iyo ilaalinta danta guud ee uu soo saaray 18-kii Janaayo, 2018 iyo 7dii Ogoosto 2021;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya cabashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan isku dayada in isbeddel maamul iyo shaqaale lagu sameeyo qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, iyada oo la ogsoon yahay xaaladda doorasho ee uu dalku ku jiro;

Waxa uu soo saaray Xeerkan;

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

2. Madaxweynuhu waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.

3. Xeerkan Madaxweyne wuxuu baabi’inayaa isbeddelada maamul ee lagu sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka.

4. Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasiga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaran.

5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

DHAMMAAD