26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Safiir hore oo Mareykan ah oo lagu helay dambi culus oo la xiriira dowladda Qatar

Doha (Caasimada Oline) – Safiir hore oo Mareykan ah ayaa qirtay dambi ah inuu si sharci darro ah ugu ololeeyey dowladda Qatar, islamarkaana uu aqbalay safar raaxo, isaga oo ah danjiraha Mareykanka ee Pakistan, sida ay muujiyeen dokumentiyo maxkamadeed.

Richard Olson, oo sidoo kale soo noqday danjiraha Mareykanka ee Imaaraadka Carabta, iyo wakiilka gaarka ah ee Afghanistan iyo Pakistan, ayaa lasoo taagay maxkamad federaal ayada oo lagu eedeeyey inuu jebiyey sharciga xadidaya in loo ololeeyo dal shisheeye sanad gudihiis marka xafiiska laga tago.

Sida lagu sheegay dacwadda lagu soo oogay, Olosn oo xilligaas ahaa safiirka Mareykanka ee Pakistan ayaa 2015 wuxuu magaalada Los Angeles kula kulmay nin Pakistani Mareykan ah oo usoo jeediyey la shaqeynta ganacsade ku sugan Bahrain.

Ninka Pakistani Mareykanka ah, oo aan la shaacin, ayaa kadib agaasimay safar deg deg oo ay ku aadeen London si ay uga wada-hadlaan iskaashigooda, ayada oo Olson uu ku guul-darreystay inuu shaaciyo $19,000 oo loo siiyey ticket first class, jiifka hotel qaali ah iyo cunno, sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha.

Ganacsadaha ayaa kadib Olson usoo jeediyey hal sano oo qandaraas ah oo ku kacaya $300,000 kadib marka uu ka tegay shaqadiisa diblomaasi, sida ku cad dukumentiyada dacwadda.

Olson ayaa waxaa markii hore la weydiistay inuu dowladda Qatar uga ololeeyo Washington, si kastamka Mareykanka ay u ogolaadaan inay xafiis dadka lagu soo baaro ka sameystaan garoonka diyaaradah Doha, taasi oo sahleysa safarka labada dal.

Safiirka hore ayaa waxaa kadib la weydiistay inuu dowladda Qatar caawiyo xilli ay wajaheysay xanibaado kaga yimid dalalka deriska la ah ee Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta.

Taas beddelkeed, sarkaal ka tirsan dowladda Qatar ayaa kadib ninka Pakistani Mareykanka ah usoo diray $5.8 milyan oo dollar, kaasi oo kadib lasoo xiriiray Olson, sida dacwadda lagu sheegay.

Olson ayaa qirtay dambiyada lagu soo oogay, ayada oo kiiskiisa laga soo wareejiyey gobolka California oo la keenay magaalada Washington.

AFP + VOA

Doorashadan Farmaajo ma wuxuu noqon doonaa boqor mise boqor-sameeye?

Kaddib doorashadii Guddoonka Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ayaa waxaa soo baxaya is waydiimo aan wali laga jawaabin oo ku saabsan fursadaha uu haysto madaxweynaha haatan xilkiisu dhammaanayo iyo caqabadaha ku gudban dib u doorashadiisa.

Qormadan kooban waxaan ku eegayaa laba fursadadood, oo aragti ahaan aan is leeyahay, waa hortaalla Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu uga badbaado dharbaaxooyinkii ku dhacay Madaxweyneyaashii isaga ka horreeyay kuwaasoo boorsooyinkooda ka xirxirtay Villa Somalia iyaga oo aan saameyn ku lahayn qofkii baddalay.

Xogo sugan oo ay ila wadaageen Sanataro ka tirsan Golah Aqalka Sare ayaa ii xaqiijiyay in dib u doorashada Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi ay sabab u ahaayeen Sanataro taabacsan Villa Soomaaliya oo ay hormuudka u yihiin kuwa laga soo doorto Koonfur Galbeed, iyaga oo dhabarka ka jabiyay Senator Saalax Axmed Jaamac oo ay Villadu dagaal aan qarsooneyn la gashay. 

Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu ahaa hormuudka mucaaradkii gilgilay  Madaxweyne Farmaajo 5-tii sano ee uu fadhiyay Villada, wuxuuna Guddoomiyah Aqalka Sare iska diiday muddo kordhintii ay sameeyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Guddoomiye Cabdi Xaashi wuxuu sidoo kale Guddoomiye ka noqday madal ay aasaaseen Midowga Musharixiinta iyo Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug taasoo loogu magac daray Golaha Badbaadada Qaranka.

Hase yeeshee, Villa Somalia oo dagaalkaas ba’an uu dhexmaray Guddoomiye Cabdi Xaashi waxay kaalin mug leh ka qaadatay dib u doorashadiisa. Haddii ay dhici lahayd inay garab istaag u muujiso Wasiirka Dastuurka Sanatar Saalax Axmed Jaamac waxaa hubanti ahayd inuu si xarrago leh ku qaadan lahaa booskan. Tallaabadan lama filaanka ah waxaan ka baranaynaa in markii ay Villa Somalia ka saqiireen labadii Musharax ee ay ku taamaysay, waa Wasiir Cismaan Abokor Dubbe iyo Wasiir Saalax Axmed Jaamac e, inay ka door-biiday kursiga kusoo celisay Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Arrinta labaad ee la yaabka ku noqotay dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya waxay ahayd in markii Nabad iyo Nolol looga adkaaday doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay riixayeen Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Mudane Xasan Cabdinuur, uuna kusoo baxay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran inay baddaleen shaxdii ciyaarta ee tartanka Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad. 

Musharaxa Villa Soomaaliya Mudane Maxamed Wali Cabdalla Axmed oo hoggaaminayay wareega koowaad ayaa isaga haray tartanka si loo dhiso Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kaalinta 3-aad ku jirtay, wuxuuna baarlamanka ka hor sheegay inuu taageerayo Sacdiya, kana codsaday xildhibaanadii Villada inay ayada u codeeyaan. 

Isbahaysiga wareegga labaad ee Nabad iyo Nolol iyo Musharax Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar wuxuu barida dhulka ugu dhuftay isbahaysigii Himilo Qaran, Puntland iyo Jubaland ee lagu dhisaayay Musharax Maxamed Cali Cumar (Caananuug). Qorshahan wuxuu keenay kala shaki ku yimid isbahaysigii Puntland iyo Jubaland, wuxuuna farriin u diray musharixiin badan kuwaasoo haatan ku loolamaya inay xulafaysi la sameeyaan Villa Somalia. Xildhibaan Caanonuug ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in kooxdiisii ay ku milantay kusii ay dhufeyska iskula jireen oo uu ula jeedo Villa Somalia. 

Musharixiinta qaar ayaa haatan bilaabay qorshe ay hoos ugu dhigayaan dagaalka ay ku hayeen Villa Somalia maadaama haddii Farmaajo gaari waayo bartilmaameedkiisa uu ku khasban yahay inuu codadka u wareejiyo musharaxa uu u arko inay kooxdiisa kula midoobi karto dhismaha Xukuumadda soo socota. 

Casharka laga bartay doorashadan waxa weeye in Farmaajo uu ka heli karo Golaha Shacabka codad ku dhaw 100, taasoo ay usii dheertahay ugu yaraan 20 xubnood oo Aqalka Sare ah, waxayna wadarta uu heli karo wareega koowaad lagu qiyaasayaa 120 ilaa 130, inkasta oo ay suurta-gal tahay inaysan intaas gaarin.

Haddii Farmaajo uu gaaro tiro intaas la eg, wuxuu xulafaysi la yeelan karaa musharaxa ugu macquulsan ee uu kula shirkoobi karo dowladda, haddiise uu ka hoos maro 100 sidii ku dhacday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu rarkiisa u wareejin karaa 3-da musharax ee soo gudba midka uu doono. 

Su’aasha iswaydiinta mudan ayaa ah, Madaxweyne Farmaajo ma heli doonaa xulafo siyaasadeed oo ka qeyb qaadan karta dhismihiisa wareega labaad haddii uu cudud xoog leh soo bandhigo? Yuuse dhisi karaa wareega labaad haddii uu socon waayo sidii ku dhacday musharixiisa Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad oo makrafoonka ka sheegay inuu u tanaasulay Xildhibaan Sacdiya Yaasiin oo mucaarado xooggan ku haysay kooxda taageerada u fidisay ee Nabad iyo Nolol?

Isku soo wada duuboo, doorashooyinkii Labada Guddoon ee Aqalka Sare iyo Golaha Shacabku waxay bannaanka soo dhigeen awoodda Madaxweynaha xilkiisa sii dhammaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana hubaal ah inuu noqon doono laba midkood; Boqorka ama Boqor-sameeyaha doorashada loo madlanyahay labada usbuuc ee nagu soo aaddan, oo macnaheedu yahay inuu madaxweyne noqdo ama madaxweyne soo dhiso. 

Maxamed Jaamac Xersi
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

QM oo sheegtay inay halis wajahayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed (Faah-faahin)

Mudisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay maalinta caalamiga xorriyadda Saxaafadda ee 3 May oo maanta ku beegan.

Qaramada Midoobay ayaa warsaxaafadeedkan si gaar ah diiradda ugu saartay dowrka fir-fircoon ee  hawl-wadeennada warbaahinta dalka ka cayaaraan bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo sida loogu baahanyahay in la xaqiijiyo awooddooda si ay shaqadooda ugu gutaan si ammaan ah oo xornimo ku dheehantahay.

“Warbaahinta Soomaaliyeed waxay qayb muhiim ah ka tahay koboca dimuqraadiyadda waxayn u baahan tahay in ay awood u yeelato inay u shaqayso si xor ah oo aan lahayn hanjabaad, cagajugleyn iyo waxyeello, si ay u gudato hawsheeda muhiimka ah,” ayuu yiri ergeyga gaarka ah ee QM, Mr. James Swan.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in weli Suxufiyiinta Soomaaliyeed ay wajahayaan xaalad halis ah, isla-markaana sanadkii la soo dhaafay la dilay 1 Wariye, 2 kalena la dhaawacay, halka 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed oo kale la xiray.

“Saxafiyiinta ku sugan Soomaaliya ayaa weli wajahaya halis jir ahaaneed oo dhinacyo badan leh. Tan iyo bishii Maajo ee sannadkii hore, hal suxufi ayaa la dilay, labo kalena waa la dhaawacay. Waxaa intaa sii dheer, in 64 suxufi iyo shaqaale warbaahineed la xiray iyagoo ku guda jira shaqadooda” ayaa markale lagu yiri qoraalka Qaramada Midoobay.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka sannadkii 1993-kii, iyadoo 3-da May loo asteeyay xuska sannad-guurada Baaqii Windhoek, kaas oo ahaa bayaan taariikhi ah oo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya xorriyadda raadinta, gudbinta iyo helidda xogta iyo danta guud.

3 May waxay xasuusin u tahay dawladaha oo la xasuusinayo baahida loo qabo inay ixtiraamaan ballan-qaadyadooda ku aaddan xorriyadda saxaafadda iyo sidoo kale in la xuso mabaadi’da aasaasiga ah ee xorriyadda saxaafadda, qiimaynta xaaladda ay ku sugantahay xorriyadda saxaafadda ee adduunka oo dhan, laga difaaco saxaafadda weerarrada ka dhanka ah madax-bannaanidooda, iyo in la xuso saxafiyiintii naftooda ku waayay iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo.

Axmed Karaash oo markale weerar ku qaaday Saciid Deni

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo boqolaal dadweyne ah Salaada Ciida kula tukaday magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Puntaland, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Karaash oo weerar toos ah ku qaaday Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay in la ilaaliyo Dastuurka Puntland, sidoo kalena lagu dhaqmo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in sharciga uusan noqon mid ku jira jeeb, isla-markaana lala aado meeshii la doono, sida uu hadalka u dhigay.

”Puntland maahan boombale dhabarka lagu qaato oo haddii la doono Ukrain lala aado waxaa loo baahan yahay in sharciga la ixtiraamo kaas ayaan isku keen keenay, kaas ayaan ku heshiinay kaas ayaa loo baahan yahay inaan adeecno,” ayuu yiri Karaash.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay reer Puntland inay muujiyaan degenaan, isla-markaana ay ka shaqeeyaan horumarka deegaanka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololohiisa doorashada ee xilka madaxweynaha.

Si kastaba, Deni ayaa dhowaan jawaab culus ka bixiyey tallaabooyin uu qaaday Karaash, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay magacaabis uu sameeyey, taas oo uga sii dartay khilaafka u dhexeeya labada nin.

Maxay ka wada-hadleen ROOBLE iyo Cabdi Xaashi?

Muqdisho (Caasimada online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Saree Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaas oo dhowaan dib loogu doortay guddoonka Aqalka Sare.

Ugu horreyn Rooble ayaa Cabdi xaashi  ku bogaadiyay dib u doorashadiisa iyo sidoo kale munaasabadda Ciidul Fidriga oo maanta ay tahay maalintii 1-aad.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay dhammeystirka doorashada iyo u diyaargarowga doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda ka dib doorashadii guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhankiisa Cabdi Xaashi oo madasha ka hadlay ayaa ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyey dadaalkiisa ku aadan dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya, kuwaas oo qaatay in ka badan hal sano iyo dheeraad.

Doorashada guddoonka labada Aqal iyo ku xigeenadooda oo la qabtay 27 iyo 28 kii bishii lasoo dhaafay ayaa dalka ka saartay xaaladdii hubanta la’aanta ee lagu jiray, waxaana baarlamaanka uu yeeshay kulankiisii ugu horreeyey.

Si kastaba, afarta bishan ayaa la filayaa in xildhibaanada labada Gole ay yeeshaan kulan wadajir ah oo looga arrinsanayo doorashada madaxweynaha ee 4 sano ee soo socota.

Rooble oo xaqiijiyey inuusan musharax aheyn, kana codsaday xildhibaanada inay madaxweyne u doortaan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inuusan aheyn musharax madaxweyne ee doorashada la filayo inay dhacdo bishan May.

Rooble ayaa ku booriyay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad inay dalka u doortaan hoggaan ka badbaadiya, kana saari kara dalka xaaladda amni, siyaasad iyo mida dhaqaale ee xiligaan taagan.

Rooble ayaa khudbad gaaban oo uu shacabka u jeediyay ku sheegay in xildhibaanada Soomaaliyeed looga fadhiyo badbaadinta dalka iyo inay ka shaqeeyaan dejinta iyo shuruucda iyo xeerarka sahlaya in afar sano kadib dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, lagana hortago in dalku galo hubanti la’aan lamid ah tii hadda dhacday.

“Waxaan xildhibaanada Soomaaliyeed ee sharafta leh in ay dalkaan u dooraan hoggaan ka saari kara xaalada adag ee amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka jira iyo inay ka shaqeeyaan dejinta iyo meel marinta shuruucda iyo xeerarka sahlaya in afar sano kadib dalkaan doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo, lagana hortago in dalka qatar iyo hubanti la’aan la mid ah tii hadda dhacday ee uu alle naga badbaadiyay inaysan nagu soo noqon,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Rooble ayaa guddoonka baarlamaanka ugu baaqay in ay dedejiyaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo shacabka Soomaaliyeed ay sugayaan tallaabada baarlamaanka iyo sidii dastuurka loo dhameystiri lahaa si loo gaaro afar sano kadib doorasho qof iyo cod ah.

Ugu danbeyntii Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in uu weli ku taagan yahay balan qaadkiisii ahaa inuusan doorashada Soomaaliya u adeegsan doonin dano shaqsi iyo in uu isu sharxo xilka madaxweynaha, balse wuxuu qiray inuu leeyahay hami, xiligii loogu talagalayna uu sugayo.

Rooble ayaa waxaa weligiis lagu xusuusan doonaa inuu dalka ka saaray xaalad halis, kana badbaadiyey dagaal sokeeye oo ka dhalan lahaa muddo kororsigii fashilmay ee baarlamanku sameeyey bishii April 2021. 

Daawo: Farmaajo iyo Rooble oo fariin u diray shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda dabaal dega Ciidul Fidriga.

Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku boorriyey in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee mudnaanta siinayay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso kaalmada iyo u gargaaridda dadka danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo. Wuxuuna Madaxweynaha si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciimada Qalabka Sida, isaga oo dhiirri geliyey horumarka dhanka amniga iyo dib-u-habeynta Ciidamada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa isagana dhankiisa munaasabada Ciida awgeed hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteed wuxuu ka codsaday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u dareemaan farxadda Ciidda.

Rooble ayaa sheegay in munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan ay ku soo aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay si ka duwan sanadkii hore, xiligaasi oo ay dalka ka jirtay xaalad amni iyo  mid siyaasadeed oo la xiriirtay doorashada dalka iyo heshiis la’aanta siyaasadeed ee dalka ka taagneyd. Wuxuuna Alle ugu mahdiyay in sanadkan xaalada sidii hore ka duwan tahay shacabkana si farxad leh ay ku ciidi doonaan maadaama howlihii doorashadu soo gaareen heer gebogebo ah, kadib dadaal iyo shaqo badan oo la galiyay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Aadan Madoobe iyo madaxdii hore ee dalka ayaa dhankooda shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga inay si farxad leh ugu dabaal degaan.

Bahda Caasimada Online maamulka, wariyeyaasha iyo shaqaalaha kale waxay hambalyada Ciidul Fidriga u dirayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan akhristayaasha ku tixan ee xili walba nasoo booqda, waxaan leenahay “Farxad ku damaashaada idinka iyo qoysaskiina”.


Dhageyso: Aadan Madoobe oo shaaciyey hanaan uu u marayo xalka kuraasta Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ayaa ka hadlay khilaafka weli ka taagan kuraasta golaha shacabka ee gobolka Gedo, kuwaas oo xubno laga soo kala doortay Garbahaarey iyo Ceelwaaq ay isku heystaan.

Aadan Madoobe oo la hadlay VOA ayaa balan qaaday in arrinta kuraastaas uu ku xali doono door dhexdhexaadnimo ah, oo la tashiyo badana uu la samey doono dhinacyada daneeya xal u helidda xiisada kuraastaas.

“Arrinta kuraastaas waa iga horeysay oo anigu shalay ayaan xilka la wareegay, guddoomiyihii KMG ahaa ee golaha meel fiican ayuu wax soo gaarsiiyey, marka arrinta kuraastaas kuma deg degi doono, waan u talo badsa doonaa,” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Wuxuu balan qaaday in dhinacyada sharciga iyo maslaxada isagoo ka fiirinaya uu ku dhamey doono go’aan umadda wada qanciya, “Go’aankaas kaligey iskama lihi, anigoo u talo badsanaya waxaan jeclahay in arrinta kuraastaas ay wanaag noogu dhamaato, laakiin hadda go’aan meel ii yaalla ma jiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe wuxuu sheegay in tallaabada ugu horeysa ee uu qaadayo baarlamaanku ay tahay in dalka Madaxweyne loo doorto.

Iyadoo wixii doorashada madaxweynaha ka dambeeyana ay guda geli doonaan dhismaha baarlamaanka, sida sameynta guddiyada hoose ee golaha iyo wax ka bedelka iyo ku daridda xeer hoosaadyada golaha.

Hoos ka dhageyso wareysiga

QM oo billowday daad-gureynta shacabka Mariupol

Mariupol (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa Axaddii sheegtay in ay sameynayso “hawlgal waddo aamin ah” si dad gaaraya 1,000 qof oo shicib ah oo reer Ukraine ah looga saaro warshad birta sameysa oo ay xannibayeen ciidanka Ruushku.

Warshadda ayaa ku taalla magaalada Mariupol ee dhanka koonfureed ee dalka, taas oo uu dagaalku aafaayey.

Hawlgalkan oo Hay’adda Laanqeyrta Cas ay kala shaqeysay saraakiil ka socda dawladaha Ruuskha iyo ta Ukraine ayaa ka bilowday warshadda birta ee Azovstal Sabtidii.

Xafiiska Arrimaha Bani’aadaminimada ee QM ayaanan wax faahfaahin dheeraad ah ka bixin si aanay waxyeello u soo gaarin hawgalka badbaadada ee socda.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa fariin dhinaca twitterka oo soo diray ku yiri “Kooxdii u horeysay oo ilaa 100 qof ah ayaa durbaba ku sii jeeda goobaha aan haysanno. Bari ayaan kula kulmeynaa Zaporizhzhia.”

Saraakiisha ayaa rumeysan in labu kun oo dagaalyahan oo kale ay ku sii harsan yihiin warshadda, iyaga oo ku dhuumanaya godad ku dhex yaalla dhismayaasha waaweyn warshadda oo ay ku hareeraysan yihiin ciidanka Ruushku.

Dad shicib ah oo kale oo reer Ukraine ah ayaa laga yaabaa inay wali ku sii harsan yihiin magaalada ku taalla xeebta woqooyi ee badda Azov oo ay gacanta ku hayaan ciidanku Ruushku, ka dib labo bilood oo duqeyn ah, taas oo magaalada dhulka la sintay.

Daawo: Maareeye uu xilka ka qaaday Rooble oo ku gacan sayray, shaaciyeyna sabab yaab leh oo ay isku hayaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa sharci darro ku tilmaamay warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, taasi oo Maareeye KMG ah loogu magacaabay hay’adda.

Aadan Xasan Bare ayaa sheegay in warqada kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble aysan laheyn habraac, islamarkaana la isku biday awood dheeri ah.

“Maareeye Guud haddii la magacaabayo waxay u baahan tahay in loo maro nidaam, Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedin waxaana lagu magacaaba digreeto Madaxweyne. Sidoo kale midka xilka laga qaadayo wadadaas oo kale ayuu maraya oo Golaha Wasiirada waxay leeyihiin soo jeedinta kadibna waa in uu aqbalo Madaxweynaha,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in sababta loo soo magacaabay Maareeyaha KMG ah ay daba socotay qandaraas sharci darro ah oo ay diiday Hay’adda tayo-dhawrka Qaranka, shaqsi ahaana uu meel adag iska taagay.

“Arrintaan waxay aheyd mid soo socotay muddo Afar bilood ah, sida ogtihiin waxaa jiray qandaraas si sharci darro ah ku bixisay Wasaarada Ganacsiga oo la siiyay Ganacsato, wuxuuna qandaraaskaas ahaa howl ay hay’adda u xil saaran tahay. Ganacsatadaas dhinaca kalena waxay xiriir la lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, taasi oo keentay in Ra’iisul Wasaaraha uu culeys nagu saaro in aan aqbalno.”

Maareeyaha Hay’adda tayo-dhawarka Qaranka Aadan Xasan Bare ayaa xil ka qaadistiisa ku tilmaamay mid dan shaqsi ah, islamarkaana uu sii wadan doono shaqadiisa, maadama uu waxba kama jiraan tahay ku sheegay warqada kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

“Dadka dowladda xilalka ka haya waa inay dhowraan nidaamka dowliga oo aysan ku xad-gudbin hantida iyo mas’uuliyada loo dhiibay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa la socon-siinaya in hay’adda culeyska saaran uu yahay mid dano shaqsi ah, kuwaasi oo ka xoog batay dantii guud, waana ka gudbeyna midaas oo u istaagi meyno.”

DF oo war kasoo saartay khilaafka hareeyay safaarada Talyaaniga, lana safatay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay khilaafka ka dhex taagan Safaaradda Soomaaliya ee ku taal Degmada Prati ee magaalada Rome, kadib shaqo joojintii lagu sameeyey safiir Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu sheegay in 2-dii bishii hore ee April ay qoraal rasmi ah u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Talyaaniga, kaasi oo lagu soo celiyey safiirkii hore Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, laguna magacaabay Mudane Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

“Safiirkii hore, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, ma lahan wax waajibaad shaqo oo diblomaasiyadeed ee loo igmaday, sidoo kalena kuma leh wax kaalin shaqo ah bahda Diblomaasiyadda Soomaaliyeed, wuxuuna xilligan yahay muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Talyaaniga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay inay dhowr jeer u yeertay Safiirkii hore inuu dalka dib ugu soo laabto si wax looga weydiiyo hab-dhaqankiisa shaqo, muwaadiniinta lagu dhibaateeyey dalka Talyaaniga, eedaha laga soo gudbiyey ee ku saabsan ku takrifal awoodeed iyo maamul xumo dakhliga Safaaradda, balse uu diiday dhammaan baaqyada loo diray.

“Qoraallada sare waxay caddayn u yihiin in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS qaadday wax walba oo lagu xallin-karay amar-diiddada danjirihii hore, balse lagama maarmaan noqotay in la maro jid walba oo lagu ilaalinayo danaha Soomaaliya, sidoo kalana lagu dhowrayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya JFS iyo Jamhuuriyadda Talyaaniga ee aan saaxiibka nahay.”

Wasaaradda ayaa qoraalkeeda si cad ugu beenisay in wararka lagu faafiyay Warbaahinta Talyaaniga oo sheegayay in Safaaradda Soomaaliya afgambi ka dhacay, taasi oo waxba kama jiraan aan sal iyo raad-toona laheyd ku tilmaamtay.

Waxay ku eedeysay in Danjire Cabdiraxmaan uu diiday in uu celiyo Aqoonsiga diblomaasiyadeed, islamarkaana uu ku howlan yihiin sidii ay dhaawaca u gaarsiin lahaayeen xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Jahmhuuriyadda Talyaaniga

“Jaaliyadda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga waxaa lala socodsiinayaa in Safaaraddu howsheeda si caadi ah u socoto, looguna adeegi doono si degdeg ah,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.

Arrintaan ayaa imaneysa xili Safiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya u magacowday safaaradda Soomaaliya ee Roma Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu albaabada safaaradda qunful ugu xertay inuusan soo gelin safiirkii horay u fadhiyay oo aan xil wareejin sameyn.

Safiirkan ayaa sida aan xogta ku helnay waxa uu kasoo jeeda beesha Mareexaan, waxaana loo soo magacaabay si looga gaarsiiyo xilliga kala guurka iyo waqtiga dowladda ee dhammaadka ah.

Safiirkii hore ee xil ka qaadista lagu sameeyay Cabdiraxmaan Sheekh Ciise oo heyb ahaan kasoo jeeda beesha Abgaal ayaa ciidamada booliska Talyaaniga u yeeray si ay usoo fara geliyaan khilaafka iyo labadooda.

Safiirkii hore ee xilka laga qaaday ayaa cuskanaya sharciyada uu xaqa u leeyahay inuu xilka wareejiyo iyo in xiligaan khalalaase siyaasadeed ay jiraan, taasoo dowladda Talyaaniga ku kaliftay inay go’aan ka qaadan weydo marka laga reebo heer maxkamadeed.

Safiir Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa albaabada safaaradda laga xertay, waxaana uu sheegay in uu naftiisa u baqayo oo cabsi ay soo wajahday.

Wareysi: Aadan Madoobe oo shaaciyay tallaabada koowaad ee ay qaadayan

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa shaaciyay in tallaabada u horeysay ee qaadayaan ay tahay inay sida ugu dhaqsaha badan loo soo doorto madaxweynaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in waxkasta ay ka hor-marin doonaan dhameystirka dowladnimada, kadibna uu dib u hagaajin ku sameyn doono baarlamaanka.

“Waxaa kow inoo ah in deg deg u qabano doorashada Madaxweynaha, waxyaalo badan oo muhiim ah oo u baahan yahay Baarlamaanka waxaa ka horeysiin doona in dalka uu yeesho Madaxweyne, si dalku u noqdo dal dowladnimadiisa dhameystiran tahay oo madaxweynihiina uu Ra’iisul Wasaare soo magacaabo oo asagana uu xukuumadii soo dhiso,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Baarlamaanka laftigiisa u baahan yahay dhisid iyo shaqo badan, hase yeeshe ay taas ka horeysiin doona doorashada madaxweynaha, kadibna ay dib u habeyn ku sameyn doonaan baarlamaanka.

“Baarlamaanka dhisid ayuu u baahan oo in guddiyadiisa la dhiso, shaqo badan ayuu u baahan yahay oo xeer hoosaadkiisa dib loo fiiriyo, waxyaabo badan ayuu u baahan yahay Baarlamaanka.”

Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyntiina sheegay in Baarlamaanka uu door muhiim ah ka ciyaari doono isku keenida dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo sanadihii dambe si weyn usii kala fogaadaay qaarkood.

Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maalintii shalay aheyd si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib markii 27-kii bishan April loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka.

Sawirro: Sheekh Shariif oo xildhibaan loo doortay

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#146 ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kursiga uu ku guuleystay Shariif Sheekh Axmed ayaa waxay doorashadiisa ka qabsoontay magaalada Jowhar ee caasimadda dowlada HirShabelle, sida uu shaaciyay guddiga SEIT ee HirShabelle.

Doorashada kursigaan ayaa waxaa ku baratamtay labo musharax oo kala ah Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Abuukar Axmed.

Kadib Guusha Shariif waxaa xarunta madaxtooyada maamulka HirShabelle ku qaabilay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

“Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka BJFS waxaana xilka loo doortay ugu hambalyeeyay Madaxxweyne Cali Guudlaawe Xuseen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada HirShabelle.

Kursiga uu ku guuleystay Shariif ayaa waxaa Baarlamaankii 10aad ku fadhiyay Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa hadda sidaa ku noqday Xildhibaan kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay qeyb ka yihiin qaar kamid ah Midowga Musharaxiinta.

Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga oo faro-geliyey khilaafka safaarada Soomaaliya

Roma (Caasimada Online) – Waxaa meel sare gaaray khilaafka ka dhex taagan safaaradda Soomaaliya ee ku taal degmada Prati ee magaalada Rome kadib shaqo joojintii lagu sameeyey safiir Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.

Dacwad oogayaasha dalka Talyaaniga ayaa soo farageliyey khilaafka, waxayna sheegeen inay baarayaan khilaafka u dhaxeeyo mas’uuliyiinta Soomaalida oo ku saabsan ciddii gacanta ku heyn laheyd safaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa markii ay shaqada ka joojisay safiirkii hore waxay 7-dii April sii haye ugu magacowday Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur.

Safiirka xilka laga qaaday ayaa diiday sii hayaha xilka loosoo magacaabay, wuxuuna ku dooday inay kaliya aqbali karaan in xilkan loo magacaabo qof ka tirsan safaaradda, wuxuuna isaga safaaradda madax ka ahaa afartii sano ee lasoo dhaafay.

Warqad qoraal ah oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya u dirtay dhiggeeda Talyaaniga ayaa lagu sheegay in Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Ciise uu waqtigiisa ku ekaa 28-ka March.

Magacaabida Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur ayaa ku soo beegantay todobaad ka hor inta aan la dhaarin baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxaana  Axmed Cabdraxmaan Sheekh Nuur uu horay u soo noqday Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Lusaka, wuxuuna ka duulay Muqdisho dhamaadkii bishii March si uu ula wareego Safaaradda.

Safiirka xilka laga qaaday ayaa sidoo kale ku doodayo inaan lasoo ogeysiin imaanshaha safiirka cusub, islamarkaana uu si lama filaan ah ku yimid caasimadda Talyaaniga, kadibna qufushay safaaradda isaga oo aan soo marin nidaamkii diblomaasiyadeed..

Mar wax laga waydiiyey safirkii xilka laga qaaday inuu ogol yahay in xilka laga qaado ayuu ku jawaabay “Waa caadi in xila la iska qaado, weliba maahan wax cusub in xilliyada kala guurka ah la sameeyo xil ka qaadis iyo magacaabis tiro badan oo dhanka safaaraha ah.”

Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa ku andacoonaya in Sheekh Nuur oo ay wehlinayeen labo saaxiibbadiis ah oo Muqdisho ka tegay ay gudaha u galeen safaaradda kadibna ay u diideen safiirka iyo xubnaha shaqaalaha inay gudaha u galaan dhismaha.

Safiirka cusub ayaa arrintaan ku tilmaamay inqilab, isagoo Booliiska Talyaaniga u sheegay la wareegitaanka safaaradda iyo in ammaankiisa safiirnimo uu halis ku jiro. Waxa uu u sheegay in laga hor istaagayo gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in Axmed Cabdiraxmaan Sheekh Nuur uu adeer u yahay Madaxweyne Farmaajo, waxayna ka dhawaajisay in khilaafka dublamaasiyiinta uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya kooxaha kala duwan ee ku loo lamaya Soomaaliya.

Cali Abuukar Xayo oo ah qareenka u doodaya safiirka xilka laga qaaday ayaa warbaahinta Talyaaniga u xaqiijiyay in dacwad oogayaasha ay ku howlan yihiin kiiskan, isla markaana uusan ka hadli doonin wax intaas ka badan oo ay ku ixtiraamayaan baaritaanka furan.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameysay dhowr safiir, waxaana muuqata in wasaaradda ay sameeneyso sidi caadada u aheyd oo ah in laga faa’ideysto waqtiga kala guurka ah.

Muxuu noqon karaa xalka xildhibaanada gobolka Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Buuq ayaa ka dhashay kulankii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka ee uu shalay xilka kula wareegayay gudoomiyaha cusub ee Barlmaanka, kadib markii ay soo xaadireen xildhibaannada laga soo doortay Ceelwaaq iyo xubno sheeganaya xildhibaano oo ka yimid Garbahaarey.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay inuu kasoo arrimin doono xaalka xubnahaas isku dhex qabsadey xarunta golaha Shacabka.

Prof. Xusee Warsame oo barre ka ah jaamacadda Calgry ee dalka Canada wareysina siiyey Idaacadda VOA ayaa sheegay in arrin noocaan oo kale aysan dalka soo marin, islamarkaana ay tahay wax cusub.

“Guddoomiyaha cusub waxaa hor taala shaqo culus, wuxuu dhexda kaga jiraa laba koox oo mid walba ay sheeganeyso sharci, haddii ay yiraahdaan sharciga ayaan raaceynaa, waxaan u maleenayaa inay ku adkaanto doonto,” ayuu yiri Prof Xuseen.

“Waxay noqon doontaa in la sameeyo guddiga kasoo baaraan dago go’aankii laga qaadan lahaa sidoo kalana labada dhinac soo kala waydiiyo sida ay sharci ku yihiin,” ayuu sii raaciyey.

Mar wax laga waydiiyey in go’aanka xubnahaan uu kaliya qaadan karo guddoomiyaha baarlamaanka iyo haddii uu go’aanka u yaalo guud ahaan baarlamaanka ayuu ku jawaabay “Aniga ilama ahan in guddoomiyaha kaligiis uu go’aan ka gaari karo arrintaan, waa arrin culus waxaana filayaa inay ku adkaan doonto.”

Prof. Xuseen ayaa sheegay inuu xalka u arko seddexdaan qodob oo mid uu ku sheegay inuu yahay qodob liita

1- In guddi deg deg ah loo saaro arrintaan oo ay labada dhinac dhageystaan, ama in xubnaha is heysto ay doodooda kusoo badhigaan baarlamaanka hortiisa markaas kadibna uu guddiga go’aan ka gaaro

2- In meesha laga saaro 32 xubnood ee kasoo kala baxay Ceelwaaq iyo Garbahaarey islamarkaana doorasho cusub lagu qabto baarlamaanka hortiisa lana soo sameeyo ergo cusub oo xildhibaanada doorato.

3- Qodobka saddexaad oo uu arko inuu aad u liito ayuu ku sheegay inay tahay in loo qori tuuro 32 xubnood ee xildhibaanada sheeganayo sidaasna lagu soo saaro 16-ka saxda ah.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysigiisa oo dhammeystiran

 

Wada-hadallo u bilowday Qoor Qoor iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib natiijooyinkii lama filaanka ahaa ee doorashooyinkii guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Dalku wuxuu u jiheystay loolanka doorashada madaxweynaha.

Mucaaradka loo badinayo inuu dhankooda ka imaan karo hoggaanka cusub ee Dalka ayaa durba bilaabay xod-xodashada dhanka kale.

Madaxweyne Farmaajo oo dadka qaar shaki xoog leh gelinayaan tartankiisa ama inuu mar labaad ku guuleysan karo hoggaanka dalka ayaa ragga ku hareereysan waxay hadda u muuqdaan inay bilaabeen inay si waaqici ah u fakaraan.

Dhanka mucaaradka waxaa billaabatay in la kala xigsado halgankii shantii sano ee lasoo dhaafay. Doorashadii la is buurtay ee Golaha Shacabka waxaa soo baxday inay qiimo weyn ku fadhiyaan dadka mucaaradka saxda ah loo yaqaano.

Tusaalaha ugu fudud waa xildhibaan Sacdiya oo mucaaradka buuxda loo yaqaano inay guddoomiye ku-xigeenka koowaad uga adkaatay Caana-nuug oo aysan mucaaradnimadiisa caddeyn muddo hore.

Labadii Cisho ee lasoo dhaafay Muqdisho waxaa ka bilowday kulamo u dhaxeeya hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Dooda Labada Nin waxay ku qotantaa Kursiga madaxweynaha Soomaaliya. Qoor Qoor wuxuu isku dayey todobaadkii lasoo dhaafay inuu guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare u dhiso Cabdixakiim Macalin Axmed, waana looga soo adkaaday, balse hadda waxaa muuqata inuusan rabin inay xisaabta ka qaldanto.

Soomaaliya, madaxweynaha ayaa ah awoodda saxda ah. Farmaajo wuxuu soo kordhiyey in Gole Baarlamaan uusan wax weyn u dhibi karin madaxtooyada, wuxuuna muujiyey in la eryi karo guddoomiyaha baarlamaanka haddii uu madaxweynaha ka hor yimaado, waxaana macquul ah inuu dhaqankaas muraajaceeyo qof walba oo qabsada Villa Somalia.

Dalkaan awoodiisa waa dhaqaalaha iyo ciidanka waxaana gacanta ugu weyn ku leh qofka noqda madaxweynaha. Loolanka dhabta ah hadda ayuu bilowday.

Madaxda maamulada ee aan musharixiinta aheyn waxay ka fakarayaan inay abuuraan dariiq aysan kaga baaqsan karin guusha.

Sida aan xogta ku helna,y dooda u bilaabatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxay leedahay rajo wanaagsan oo horudhac ah, waxayna xalay yeesheen kulankoodii labaad, waxayna mar kale ka isku soo qaadeen dooda hoggaanka Villa Somalia.

Xubno mucaaradka ka mid ah oo diidan wada-hadalladan ayaa dagaal toos ah ku qaaday Qoor Qoor, laakiin dhinaca kale waxaa laga bixiyey turjumid ah inay rabaan inay kaligood isku muujiyaan inay mucaaradka yihiin.

Haddii dalkaan waxa la sarifanayo yihiin halgankii mucaaradnimada ee Farmaajo lala galay, Warsame wuxuu ku suntan yahay mucaaradkii ugu weynaa shantii sano ee lasoo dhaafay, ayey leeyihiin dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya.

Warar dheeraad ah oo ku saabsan kulamada Labada Mas’uul waxay sheegayaan in la filayo inuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku biiro doodaan sababtoo ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Qoor Qoor waxay aaminsan yihiin in wadajirkooda uu wax badan goyn karo.

Saddex geesoodkaan ayaa la aaminsan yahay inuu abuuri karo jawi ka gadisan midka hadda suuqa yaala. Xubnaha mucaaradka qaar oo maalmahaan isku dayey inay kaartada mucaaradnimada kaligood isku xayeysiiyaan ayaan la ogeyn sida ay uga falcelin karaan hilaacaan cusub.

Rooble oo isagu ku suntan inuu soo bandhigay lixdii bilood ee lasoo dhaafay sida uu uga shaqeenayo inuu dalkaani aado isbadal ayaa marxaladaan ka goyn karo wax weyn.

Natiijooyinkii kasoo baxay doorashada guddoonkii Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lumiyey saadaashii suuqa taalay ee doorashada madaxweynaha, maadaama ay xildhibaanadii noqdeen kuwa aan la saadaalin karin taasoo si deg deg ah u furtay loolanka kursiga madaxweynaha.

Ganacsade ay beeshiisa u diiday kursigii xildhibaan oo madaxweyne isku sharxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdullahi Cali Axmed oo loo yaqaan Caddoow Cali Gees oo ka mid ahaa xildhibaanadii baarlamaanka 10-aad iyo 9-aad ayaa ku dhawaaqay inuu yahay murashax madaxweyne. 

Caddow Cali Gees, oo shir jar’aaid ku qabtay Muqdisho, ayaa sheegay inuu hormuud u noqon doono murashaxiinta isbadal doonka ah.

Murashax madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa sidoo kale hambalyo u diray guddoonka baarlamaanka Soomaaliyeed labadiisa aqal, isagoona kula dardaarmay inay dalka ugu adeegaan si daacad ah oo isbadalka dhacay mid la mid ah dalka ugu doortaan madaxweyne cusub.

Waa markii labaad oo ganacsade Caddow Cali Gees uu isku soo sharxo xilkan, waxaana la ogyahay in baarlamaankii u danbeeyay ee uu ka tirsanaa inuu ku bixiyay ka mid noqoshadiisa lacag dhan nus milyan dollar, isagoona hal kulan kaliya lagu arkay, balse ujeedada uu ka lahaa ay aheyd inuu ka dhigto difaac iyo xasaanad uu hantidiisa ku ilaashado.

Musharax Caddow Cali Gees ayaa beesha uu ka dhashay ee Waceysle waxay sanadkaan u diideen kursigii xildhibaannimo, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu ku matali waayay shantii sano ee lasoo dhaafay, isaga oo aan xitaa hal mar lagu arag kulamada baarlamanka, wax xuquuq ahna aanan ugu soo dhicin beesha uu matalo.

Waxaa laga yaabee in dad badan isweydiiyaan sidee qof beeshiisa u diiday kursigii xildhibaannimo u geli karaa tartan madaxweyne, ama dalkaan madaxweyne ugu noqon karaa? Waxaase laga yaabaa in musharaxnimadiisa ay tahay mid magac doon ah iyo in CV-ga u gasho inuu tartamo markiisii labaad.

Caddow Cali Gees ayaa ah ganacsade qandaraasyo dhowr ah ka heysta howlgalka Midowga Africa ee ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM. 

Sawirro: Xildhibaannada Mudullood oo kulan xasaas ah isugu yimid + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda beelweynta Mudullood ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, waxaana kullankaan soo qaban qaabiyay xildhibaan Maxamed Axmed Beereey.

Kulankaan ayaa ahaa wadatashi iyo is-xog wareysi ku saabsan xaaladda guud ee dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo isku xirka beesha Mudullood oo siyaasiyiintooda siyaasad ahaan kala aragti duwan.

Xubnaha kulanka kasoo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan murashax Cabdulqaadir Cosoble, Yaasiin Fareey, Cali Balcad Cusmaan Xaadoole iyo xildhibaano kale.

Xildhibaanada ayaa waxay isla garteen qodobadii ay ka hadleen iyo in si wadajir ah loo weyneeyo kullankaan midka xiga iyo in la mideeyo afkaarta guud ee beesha si codkooda u noqdo mid muuqda.

Kulankan ayaa imanaya ayada oo inta badan xildhibaanada Mudulood oo ku dhow 20 lagu dhaliilo in aanay u mideysneyn ka shaqeynta danta dadkooda iyo deegaanka ay matalaan, ayaga oo ku kala xiran dhinacyo kala duwan.

Beesha Mudulood ayaa waxaa sanadkan xilka madaxweynaha u taagan musharaxiin badan, waxaana ugu cad cad Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed, Jabriil Ibraahim Cabdulle, iyo Daahir Maxamuud Geelle.

Madaxweyne Farmaajo oo farriin u diray shaqaalaha DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May awgeed, waxaa uu dhambaal hambalyo ah u diray dhammaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda.

Madaxweynaha ayaa xusay doorka taariikhiga ah ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna, waxaana uu Shaqaalaha Soomaaliyeed ku bogaadiyey dadaalka ay soo geliyeen dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.

“Waxaan Shaqaale Weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka ee 1-da May. Shaqaalaha Soomaaliyeed waxa ay ku tilmaaman yihiin hawl-karnimo, hufnaan iyo dhabar adayg, iyagoo ay ka go’an tahay horumarinta dalkooda iyo dadkooda. Waxaan ku boorrinayaa in ay dadaalkooda sii labo jibbaaraan, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dawladdu ay xoogga saartay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo la dardar geliyey dadaallada ku aaddan xoojinta iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

“Tan iyo sanadkii 2017-kii, waxaan xaqiijinnay joogteynta xuquuqda mushaharka ee shaqaalaha dawladda. Sidoo kale, waxaannu meel marinnay siyaasado iyo shuruuc kala duwan oo ay ku jiraan kuwo caalami ah, oo door weyn ka qaadanaya horumarinta shaqaalaha Soomaaliyeed.”

Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed, ayaa u duceeyey waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Digniin ku aadan weeraro ay qorsheeneyso Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin ku aadan weeraro ay qorsheeneyso inay fuliso kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Geeska Africa.

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa lagu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay wado qorsho ay weeraro iyo afduub uga fulineyso meelo kamid ah Soomaaliya xilliyada ciidaha si ay uga faa’ideysato mashquulka.

Dowladda Uk waxaa ay sheegtay in Al-Shabaab ay hanjabaado u jeediyeen dowladaha Reer galbeedka iyo Hay’adaha u shaqeeya, taas oo keentay in xaalad cabsi oo dhanka Amniga ah laga dareemo magaalada Muqdisho.

“ Weerarada argagixisadu waxay noqon karaan kuwo aan kala sooc lahayn, oo lala eegto meelaha dadku ku badan yahay, munaasibadaha Ciiddaha iyo meelaha ay Ajaanibta booqdaan,” ayaa lagu yiri qoraa kasoo baxay UK.

Sidoo kale dowladda Uk waxaa ay sheegtay in khatar weyni ka jirto gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya lagana cabsi qabo dambiyo ka dhaca biyaha caalamiga ee Soomaaliya.

Digniinta kasoo baxday Ingiriiska ayaa waxaa laga reebay saddex gobol oo ku yaala Somaliland oo kala ah, gobolka Maroodi jeex (Hargeysa), Awdal (Borama) iyo Saaxil (Berbera).

Dowladda Uk ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageerada Dhaqaale siiya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kalana waxay Dowladda Soomaaliya ka caawisaa tababarka ciidamada iyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.