26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Dhabancad oo shaaciyey sababta uu u dhaariyey xildhibaanada Ceelwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta uu xalay u dhaariyey xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

16-ka xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq, goobjoogna ay ahaayeen xubno ka socda guddiga heer federaal ee FEIT, waxaa barbar socday doorashada 16 kale oo kooxda Farmaajo ay ku soo dhistay Garbahaarey, kuwaas oo doonaya in lagu biiriyo baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Gudoomiye Dhabancad ayaa sheegay in sababta xildhibaanada Ceelwaaq uu u dhaariyey ay tahay inay siteen shahaadooyinkii rasmiga ahaa ee guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

“Xildhibaanada aan dhaariyey waxaan ku dhaariyey cadeymahooda oo waxay wataan shahaadadii saxda aheyd ee guddoomiyaha guddiga FEIT Muuse Geelle uu soo siiyey, waaxay lamid tahay shahaadadii aniga la i siiyey oo la igu dhaariyey, la iguna aqoonsaday,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ninkii shahaadadaas wata hadii uu u diido baarlamaanka aysan tiisu sax ahaa doonin, “Waxaan rumeystay inay wataan saxiixii Muuse Geelle Yuusuf, gudoomiyaha FEIT,” ayuu yiri.

Guddoomiye Dhabancad ayaa sheegay in xildhibaanada ay fasax u diideen iyadoo lagu jiro 10-ka dambe ee Ramadaan, si loo dedejiyo doorashadaan labada sano jiitameysay.

“Go’aankeenu wuxuu ahaa in 8-cisho aan doorashada ku soo koobno oo baarlamaanka ku wareejino guddoon rasmi ah, si xildhibaaanada dhiman aan u dhaaro waxaa nalo diiday meelo badan, waxaana noo diiday saraakiisha Booliska,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka.

Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad oo sii hadlayey wuxuu yiri, “Markii ugu dambeysay ee aan Hotelka tagnay xabad ayaa lagala daalay goobtii aan ku sugneyn, ma garano ninkii hotelka lahaa cid u gudi doonta burburkii loo geystay, waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa yaan dowlad la dhisin, waxaan moodayey in la bislaaday, laakiin dhibku waa sii badanayaa.”

Sidoo kale guddoomiye Dhabancad ayaa wacad ku maray in weerarrada iyo jid gooyada loo dhigayo doorashada aysan cabsi geli doonin oo doorashooyinka dalka ay deg deg u dhameystiri doonaan, si maalmaha soo socda uu dalku u yeesho baarlamaan rasmi ah oo guddoonkiisa lasoo doortay.

Axmed Karaash oo jawaab ka bixiyey qoraalkii DENI

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa jawaab ka bixiyey qoraalkii xalay kasoo baxay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee uu ku sheegay inaysan dhaqangal aheyn wareegto kasta oo uu soo saaray ku-xigeenkiisa.

Hoos ka aqriso qoraalka Axmed Karaash 

Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa:

1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa.

2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland. 

3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.

4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah. 

5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran. 

Wabillahi Tawfiiq.

Daawo: Muxuu ROOBLE ka yiri doorashada guddoonka labada aqal ee barlamanka?

0

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ayaa isaga oo la hadlayey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Rooble ayaa soo hadal qaaday doorashada guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo lagu wado in maanta iyo beri ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo ka sheekeeyey marxaladaha kala duwan ee ay soo martay doorashada guddoonka labada Gole ayaa sheegay in guddoomiyeyaasha imaan doono looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda dalka iyo ku dhaqanka Dastuurka KMG ah.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in xubnaha imaan doono laga rabo in uusan ku adeegan madaxweyne, balse ay tahay inay gartaan waajibaadka shaqo ee hor yaalla.

“Runta ayaa idin sheegayaa haddii guddoomiyeyaashaas noqdaan dad sax ah oo xaqa ku taagan oo sharciga ilaalinaaya oo aysan hadhow madaxweynaha meeshuu u leexiyo ama hantida lasoo dhacay wax laga siinaayo oo ay la leexdaan dalka horumar gaari maayo,”

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dadka Soomaaliyeed inay garab istaagaan guddoonka cusub, ayna u duceeyaan, si uu Alle dalka uga bad-baadiyo marxaladda uu ku jiro.

“Waxaan la rabaa guddoomiyaha la dooran doono in loo duceeyo kii yimaadana Ilaahey looga baryo inuu xaqa maro,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta lagu wado in la doorto guddoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa, halka beri la qabanayo tan guddoonka Golaha Shacabka.

Ciidan ka tirsan NISA ‘oo rasaas ku furay’ xildhibaano kusii jeeday guriga Shariif

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari uu leeyahay Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ahaa mudanayaashii hore ee Aqalka Sare ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Gaariga la xabadeeyay ayaa waxaa saarnaa labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka cusub, kuwaasi oo kusii jeeday hoyga Sheekh Shariif Sh. Axmed ee agagaarka garoonka diyaaradaha.

Ilyaas oo Caasimada Online la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inuu magac dhabo xildhibaanada saarnaa gaarigiisa, hase ahaatee wuxuu qiray in ciidamo ka tirsan NISA oo fadhiisin ku leh agagaarka Hotel Jazeera ay gaarigiisa ku fureen qori nooca Dhashiikaha ah.

Balse xildhibaanadii saarnaa iyo ilaaladii la socotayba aanan waxba soo gaarin, wuxuuna sheegay Ilyaas in gaariga uu ahaa nooca aan xabadaha karin, balse rasaastii lagu soo riday ay burburisay daaqadaha gaariga oo ahaa Qooqan.

Lama oga in falkaani uu ku dhacay si kedis ah ama mid ku talagal ah iyo in gaariga uu raaci waayay tilmaamaha ciidamada bartaasi kontorool ku sugnaa, toona.

Xalay waxaa aaga garoonka diyaaradaha iyo xaafadaha ku dhow laga dareemayey dhaqdhaqaaqyo ciidan, maadaama askar ka tirsan NISA ay maqribkii gudaha hotelka ay ka socotay dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq.

Kooxdii NISA ee weerartay guddoomiye Dhabancad iyo xildhibaanadii uu dhaartooda ka qeyb galay ayaa rasaas ka dhex riday Hotelka, wuxuu guddoomiye Dhabancad weerarkaas ku tilmaamay shirqool loo dhigay isaga iyo xildhibaanadii dhaaranayay.

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka Rooble ee Geneva

0

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Geneva kula kulmay ergayga gaarka ah ee Dowladda UK u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas Danjire Philip Parham.

Kulankaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergayga dhex maray ka hor shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo abaaraha ka jira Geeska Afrika, kaas oo berri ka furmaya Geneva Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xiriirka iyo horumarinta iskaashiga xooggan ee labada dal iyo xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta Soomaaliya.

Danjire Philip Parham ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda UK uga go’an tahay sii wadista taageerada iyo garab istaagga Soomaaliya.

“Waxay sidoo kale isla soo qaadeen habsami u socodka doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya,waxa uuna danjiruhu Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u  maamulay doorashooyinka dalka oo si guul ah ku soo gaaray heer gebogebo ah,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda UK uga mahadceliyay iskaashiga iyo saaxiibtinimada soo jireenka ah ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada ay ku jirto duruufan adag oo kale.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho, si magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu uga qeyb galo shir caalami ah oo looga hadlayo xaaladda abaareed eek a jirta wadamada Geeska Afrika oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay.

200 oo qof oo lagu dilay waddanka SUUDAAN

Khartoum (Caasimada Online) – In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay isku dhacyada u dhexeeya dadka reer guuraaga Carabta ah iyo beeralayda deegaanka ee gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Sudan, waxaana xiisaddan oo soo bilaabantay maalinimadii Jimcaha ee toddobaadkan ay haatan ku fidday illaa caasimadda gobolkaas ee Al Geneina. Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay rabshadahan sii kordhaya.

Qalalaasahan billowday maalintii Jimcaha ayaa wuxuu daba socday, ka dib markii bishii April 21-keedii la helay, meydka laba qof oo reer guuraa ah, taas oo laga helay meel u dhow tuulada Hashaba, oo ka baxsan magaalada Kreinik.

Madaxa waaxda bini’aadanimada ee Galbeedka Darfur Assadiq Mohammed, ayaa sheegay in illaa 201 qof oo meyd ah laga helay waddooyinka iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaadaan.

“Dad badan ayaa lagu dhex dilay guryahooda, xaaladdu ma aha mid ku habboon si rasmi ah loo sugo tirada dhimashada. Dhab ahaantii, tiradu way sii kordhi kartaa,” ayuu yidhi Assadiq Maxamed oo u waramay Idaacadda VOA laanteeda la hadasha Koonfur Sudan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa ku qiyaastay in 7,500 illaa 12,500 oo qoys oo ku nool hareeraha Kreink inay gabbaad ka raadsadeen xero ciidan oo maxalli ah si ay uga baxsadaan rabshadahan cusub.

VOA

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka AQALKA SARE + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo doorashada guddoomiyaha cusub ee Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen, taas oo lagu qabanayo Teedhada Afisyoone oo ku dhex taalla xerada Xalane.

Doorashada ayaa goordhow billaaban doonta, waxaana haatan socda qaban qaabadii ugu dambeysay, iyada oo si weyn loo adkeeyey ammaanka xaruntaasi iyo waddooyinka gala.

Hoolka lagu qabanayo doorashada ayaa sidoo kale la diyaariyey, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyey baraha bulshada ee Internetka.

Marti sharaf kala duwan iyo mas’uuliyiin ayaa sidoo kale ka qaybgalaya doorashada, si ay goobjoog uga noqdaan doorashada guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Xilka guddoomiyaha waxaa isku soo taagay illaa 3 musharrax oo kala ah:- 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi ,2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cusmaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare waxaa sidoo kale ku tartamaya laba musharrax oo kala ah:- 1- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo laga soo doortay Galmudug 2-Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doortay HirShabelle.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ayaa waxaa isku soo sharraxay ilaa 7 musharax oo kala ah:- 1-Cabdullaahi Xersi (Timacadde), 2-Senator Cabdi Cusmaan Xareed, 3-Senator Ilyaas Badel Gaboose, 4- Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), 5-Senator Xasan Xuseen Xaaji, 6-Senator Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade), 7-Senator Sareedo Maxamed Xasan Jeyte.

Beri oo ku beegan 27 April ayaa sidoo kale la qaban doonaa doorashada guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya, walow khilaaf xoogan uu weli ka taagan yahay kuraasta gobolka Gedo.

Cabdi Xaashi oo markale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyooni waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, taas oo ay ku tartameen illaa saddex musharrax.

Musharixiinta loolamay ayaa kala ah 1-Cabdi Xaashi Cabdillaahi, 2-Saalax Axmed Jaamac 3-Cismaan Abuukar Dubbe oo dhammaantood kasoo jeeda Gobollada Waqooyi.

Doorashada oo aheyd mid xasaasi ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay illaa 54 Senator ee uu ka kooban yahay Golaha Aqalka Sare, waxaana guusha ay raacday Cabdi Xaashi.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Aqalka Sare waxa uu Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi helay 28 cod, musharrax Saalax Axmed Jaamac ayaa isna helay 24 cod, halka wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe uu helay codAD gaaraya 2 cod.

Cabdi Xaashi ayaa markale 4 sano ee soo socota hoggaaminayo Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, isaga oo 5 sano ee lasoo dhaafay ahaa guddoomiyaha Golahan.

Ninkan oo ka mid ah rugcadayaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa lagu xasuustaa dagaalkii siyaasadeed ee uu horey ula galay Villa Soomaaliya, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guusha Cabdi Xaashi ayaa dhabar jab ku ah kooxda Villa Soomaaliya waxaana dhinaca kale ee guul siyaasadeed u tahay kooxda Rooble iyo Mucaaradka oo soo dhoweeyey guushiisa.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa doorashada guddoomiye ku xigeenka 1-aad oo ay taagan yihiin labada musharrax iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad oo ay isku soo taageen illaa 7 Senator oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Xog: Xubno ka tirsan NISA ‘oo dili rabay’ guddoomiye Dhabancad oo la qabtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa la qabtay askar sida la sheegay dooneysay inay dilaan guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, xilli uu caawa ku howlanaa dhaarinta xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Ciidankaas waxay ka tirsan yihiin NISA, waxaana la sheegay inay gacanta ku dhigeen ciidamada ilaalada u ah guddoomiye Dhabancad iyo kuwa Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo xilligaas Hotelka ku sugnaa.

Dhaarinta xildhibaanadaan waxay ka dhacday Airport Hotel oo xiligaas uu shir uga socday Madaxweyne Deni iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, taasina waxay sahashay in ciidamada ilaalada Dhabancad iyo Saciid Deni oo si kaashanaya ay gacanta ku dhigaan ragii weerarka soo qaaday.

Weerarka kadib waxaa la sheegay inay goobta tageen Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur iyo Taliyaha saldhigga booliska ee garoonka Aadan Cadde Cabdifitaax, halkaas oo laga soo kaxeeyey guddoomiye Dhabancad iyo masuuliyiintii kale ee golaha shacabka.

Waxaa caawa aad baraha bulshada loogu baahiyey muuqaallada ragii la qabtay oo indhaha ka xiran, waxaana la sheegay in lagu wareejiyey ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo xabsiga u taxaabay.

Guddoomiye Dhabancad oo warbaahinta la hadlay dhaarinta xildhibaanada iyo weerarkaas kadib wuxuu sheegay in galabta goobo badan uu ka hor istaagay taliska booliska Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyntiina lagu weeraray Hotel gaar loo leeyahay oo ay xildhibaanada ku dhaarinayeen.

Sidoo kale guddoomiye Dhabancad ayaa wacad ku maray in weerarrada iyo jid gooyada loo dhigayo aysan cabsi geli doonin oo doorashooyinka dalka ay deg deg u dhameystiri doonaan, si maalmaha soo socda uu dalku u yeesho baarlamaan rasmi ah.

Rooble oo war kasoo saaray WEERARKII lagu qaaday guddoomiye Dhabancad

0

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa war ka soo saaray weerarradii galabta lagu qaaday guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacab, xilli uu doonayey inuu dhaariyo 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa uu aad uga xun yahay ficillada gurracan iyo isku dayada is daba joogga ah ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashooyinka, ficilladaas oo uu  ugu dambeeyay isku daygii maanta lagu beegsaday Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Howlwadeennada Golaha Shacabka iyo 16-kii xildhibaan ee dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa digniin u diray taliyeyaasha CIidammada Booliska iyo Nabad Sugidda, isagoo uga digay  in ay ku lug yeeshaan falalka gurracan ee lagu carqaladeynayo habsami u socodka doorashada oo heer gebogebo ah mareysa.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ka codsaday in ay isha ku hayaan dadka ka dambeeya abaabulka falalka lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada.

“Ra’iisul Wasaare Rooble oo khadka telefoonka kula hadlay Guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka ayaa ku bogaadiyay  sida geesinimada leh ee guddoonka  KMG ee labada aqal u wadaan howsha doorashada,kuna dhiirrigeliyay in ay waajibaadkooda gutaan.”

Ugu dambeyntii qoraalkaan waxaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusuusinayaa xildhibaannada BJFS inay in ay saaran tahay mas’uuliyadda ugu sarreysa ee dalka waxa uuna ku dhiirrigelinayaa in ay u miboobaan dhammeystirka doorashada dalka si looga gudbo marxaladdan adag.”

Guddoomiye Dhabancad oo shaaciyey inuu isku day dil ka badbaaday (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha KMG ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabancad ayaa shir jaraa’id qabtay caawa kadib markii uu dhaariyey xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddoomiye Dhabancad ayaa sheegay in caqabado badan ay doorashooyinka u dhigeen kooxda Farmaajo, iyadoo ugu dambeyna uu galabta ka badbaaday weeraray ay ciidamo loo diray.

Wuxuu sheegay in Taliyaha ciidanka booliska iyo ku xigeenadiisa ay galabta u diideen teendhada Afisyooni, halkaas oo ay doonayeen in xildhibaanadaan lagu dhaariyo.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay inay tageen Hotel qof shakhsi ah uu leeyahay, si loo dhaariyo xildhibaanada, balse lagu soo weeraray, halkaas oo burbur baahsan uu ka soo gaaray Hotelkii, sida uu sheegay guddoomiye Dhabancad.

“Markii ugu dambeysay ee aan Hotelka tagnay xabad ayaa lagala daalay goobtii aan ku sugneyn, ma garano ninkii hotelka lahaa cid u gudi doonta burburkii loo geystay, waxaas oo dhan waxaa loo sameynayaa yaan dowlad la dhisin, waxaan moodayey in la bislaaday, laakiin dhibku waa sii badanayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad.

Wuxuu intaas ku sii daray in ciidamada ammaanka ay dhibkaas geysanayaan, madaxda qaarna ay qaladkaas ku amrayaan, balse wuxuu cadeeyey in nafta ay u huri doonaan dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Daawo: Xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq oo la dhaariyey, lana siiyey kaarar

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu dhaariyey 16-kii xildhibaan ee laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ee Jubaland, taasi oo ka dhigeysa inay yihiin xildhibaano sharci ah oo ku biiray baarlamanka 11-aad. 

Dhaarinta xildhibaanadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Axmed Dhabanacad iyo Xoghahaya Guud ee baarlamanka Cabdikariim Cabdi Buux. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT. 

Xildhibaanada 16-ka ah ee la dhaariyey ayaa sidoo kale la siiyey kaararka aqoonsiga, taasi oo u fududeyneysa inay ka qeyb galaan kulamada golaha shacabka ee baarlamanka 11-aad.

Xildhibaanadan ayaa 23-kii bishan lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq, kadib markii guddiga doorashada heer federaal ay go’aamiyeen inaysan doorasho ka dhici karin magaalada Garbahaarey, oo aheyd deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Dhaarinta xildhibaanadan iyo siinta kaararka aqoonsiga ayaa ka dhigan inay soo afjarantay dooddii ka taagneyd doorashada xildhibaanada gobolka Gedo, ayada oo ay jirto in xubno kale lagu doortay magaalada Garbahaarey.

Xubnaha lagu doortay Garbahaarey ayaa galabta kasoo muuqday muuqaallo lasoo dhigay facebook ayaga oo hortaagan darbiga xerada Xalane, islamarkaana codsanaya in la dhaariyo, balse ma jirin cid u jawaabtay ama la hadashay.

Deni oo waxba kama jiraan ka dhigay tallaabooyinka uu qaaday Axmed Karaash

0

Garoowe (Caasimada Online)– Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qoraal uu caawa soo saaray ku shaaciyay inaysan dhaqangal aheyn wareegto kasta ee uu soo saaray ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, islamarkaana sharci daro ay yihiin tallaabooyinkii uu qaaday.

Saciid Deni, oo daliishanaya qodobka 80-aad, farqaddiisa 2-aad, ee dastuurka Puntland oo qeexaya fulinta awoodaha dastuuriga ah, ayaa sheegay in aysan dhaqan gal aheyn tallaabo kasto oo uu qaado ku-xigeenkiisa isagoo ku sugan gudaha Soomaaliya.

“Anigoo ah Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, dhawrayana masuuliyadda iga saaran illaalinta sareynta sharciga sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad, farqaddiisa 2-aad, fulinayana awoodaha Dastuuriga ah ee ku cad qodobka 80-aad, waxaan halkaan ku caddeynayaa in aanaysan dhaqangal ahayn wareegto kasta ee uu soo saaro Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland aniga oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya,” ayuu ku yiri Saciid Deni qoraal uu soo saaray caawa.

“Waxaan farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda in qofkastaa shaqadiisa qabsado, aanna loo hogaansamin wareegto kasta oo aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Qawaaniinta kale ee Dowladda Puntland sida ku cad qodobka 138-aad, farqaddiisa 2-aad ee Dastuurka Puntland,” ayuu yiri Saciid Deni oo shaqaalaha maamulka kula hadlay waeeegtadiisa.

Tallaabada Saciid Deni ayaa ka danbeysay kadib markii khilaaf cusub uu soo kala dhex galay isaga iyo ku-xigeenkiisa, taasoo keentay in Axmed Karaash uu sheego inuu awoodii madaxweynenimo la wareego.

Axmed Karaash ayaa maanta magacaabay 20 xilal oo ugu muhiimsan magacaabista guddoomiyaha gobolka Mudug oo uu u mgacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, waxaana xilkaasi hayay Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Daawo: Garab ka mid ah Guddiga FEIT oo shahaado siiyay xubnihii kusoo baxay doorashadii Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garab kamid ah Guddiga doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) ayaa qabtay munaasibada uu shahaadooyin ku siinayo xubnihii kusoo baxay doorashadii lagu qabtay Garbahaarey, oo kal hore uu guddoonka guddiga FEIT uu shaaciyay in laga wareejiyay kuraastii taallay.

Garabkaan oo la fahamsan inay si toos ah ugu xiran yihiin Villa Somalia ayaa waxay dalbadeen in xubnaha kusoo baxay doorashadii ka dhacday Garbahaarey la siiyo kaar-ka aqoosniga Xildhibaanimo, si ay uga qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

“Ilaahay ayaa mahadsan si nabad ah noogu soo gaba-gabeeyay oo safarka noo soo fududeeyay, inoo sahleyna in Shahaadooyinka aan bixino maanta. Waxaa u mahad-celinaya guddoomiyaha KMG ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka oo runtii si geesi-nimo leh u aqbalay inaysan diiwaan-gelin oo dhaarin dadkii kusoo baxay nidaamkii baal-marsana doorashada ee laga soo abaabulay magaalada Ceel-Waaq,” ayuu yiri Cabdiwali oo kamid ah xubnaha Guddiga FEIT.

Sidoo kale waxa uu ka codsaday guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka iyo Xoghayaha guud in sida ugu dhaqsaha badan u dhaariyaan xubnihii kusoo baxay 16-ka Kursi ee doorashadooda lagu qabtay Garbahaarey.

Doorashada 16-ka Kursi ayaa ka kala qabsoomtay Garbahaarey iyo Ceel-waaq, ayada oo guddoonka guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu kal hore shaaciyay in sababo amni darteed aan doorasho lagu qaban karin Garbahaarey, islamarkaana loo raray kuraastii halkaas taalay magaalada Ceel-waaq.

Go’aanka guddoonka guddiga FEIT ayaa waxa si adag uga horyimid Farmaajo iyo xulafadiisa, oo ayagu markii horeba awood ciidan ku haystay Garbahaarey, halkaasina ka sameeyay doorasho aan ogolaanshiyo ka haysan guddoonka FEIT.

Waxay su’aal ka taagan tahay shahaadada ay bixiyeen xubno kamid ah guddiga FEIT inay u shaqeyn doonto xubnaha laga soo doortay Garbahaarey, ayada oo la ogyahay in xildhibaano uu guddoonka FEIT iska hortaagay shahaadada aysan illaa maanta aheyn kuwa rasmi ah.

Si kastaba, waxay u badan tahay in kuraasta doorashadooda ka dhacday Ceel-waaq ay noqon doonaan kuwa helaya aqoonsiga, inkasta oo weli aysan hubneyn, maadaama ay garab taagan yihiin Jubbaland, guddoonka guddiga doorashada FEIT iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho oo go’doon ku jira

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa qaybo ka mid ah ka taagan xaalad adag oo la xiriirta dhanka ammaanka, taasi oo go’doon galisay xaafado ka tirsan magaalada.

Waxaa ka abuurmay xaafadaha qaarkood shabakado noocyo badan oo fuliya dilka iyo dhaca, waana kuwa loo yaqaan “ciyaal weero”, laakiin leh magacyo hoosaadyo kale, kuwaasi oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaafadaha ay ka taagan yihiin arrimahaan ayaa waxa kamid ah xaafadada lagu magacaabo Cali Geedi, Burka Diikow oo Kaaraan ka tirsan iyo Ceel Sab-laale, Macalin Nuur, Siliga-Americanka oo ka tirsan Dharkeenley.

Dadka deegaanka ayaa waxaa habeenadii lasoo dhaafay ay la kulmayeen dhacdooyin argagax leh oo ay geysanayaan kooxahaasi oo raxan raxan u socda, iskana soo horjeeda, iyaga oo si gaar ah u beegsanaya dadka socotada ah iyo xitaa kuwa ku sugan guryahooda.

Xaafadahaan ayaa habeenkii ku jira go’doon xilli lagu gudo jiro tobankii dambe ee bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaga oo sheegay dadka deegaanka inay cabsi darteed uga go’een tagida Masaajida iyo goobaha ciibadada, taasina ay meesha ka saartay inay jamac ku tukadaan Taraawiixda iyo Taajudka.

Dhibaatada ay kooxaha loo yaqaano ciyaal weerada ku hayaan bulsho ku nool gobolka Banaadir ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, ayada oo dhawaan uu Booliiska sheegay inay gacanta ku dhigeen kooxo ka tirsan dhalinyaradaan.

Howl-galada ay ciidamada Booliska ku baacsanayaan ciyaal weerada ayaa u muuqda kuwa aan waxba ka tarin amni darada ay horseedka u yihiin, ayada oo degmooyinka qaar looga barakacay kooxahaas.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka caasimada oo xilliyada habeenkii ah ay la soo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso culeyso amni oo is biirsaday sida qaraxyo, dhac, weeraro ay geysanayaan dhalinyarada ciyaal weerarada iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay daaha doorashooyinka dalka.

Axmed Karaash oo tallaabo culus qaaday maanta kadib…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa soo saaray wareegtadiisii ugu horreysay tan iyo wixii ka dambeeyey markii uu Saciid Deni usoo wareegay magaalada Muqdisho oo uu ka bilaabay ololihiisa doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya.

Axmed Karaash, ayaa guddoomiyaha gobolka Mudug waxa uu u Magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamed, magacaabistaan ayaa noqonaysa midii ugu horreysay ee uu sameeyo madaxweyne ku-xigeenka tan iyo markii Deni uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharrax madaxweyne.

Faysal ayaa beddali doono guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ku biiray baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Madaxweyn ku xigeenka ayaa horey u shaaciyey inuu la wareegay hoggaanka Puntland, si looga fogaado firaaq ku yimaada howlaha maamulka iyo horumarka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:-

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay:- Baahida Shaqo ee Jirta.

Markuu tix geliyey:- Aqoontiisa iyo Waayo-Aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu u Magacaabay:- Faysal Sheekh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuuna saxiixay.

Wararkii ugu dambeeyey ee qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari uu la socday sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga Soomaaliya oo xilligaas marayey wadada.

Sarkaalka la qarxiyey oo uu dhaawac soo gaaray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed, wuxuuna  kasoo baxay xarunta taliska ee Villa Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof oo kala ah mid ka mid ah ilaalada sarkaalka la beegsaday, darawalkiisa iyo qof kale oo shacab ah, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Qaraxa, kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo muddo kooban hakiyey dhaq-dhaqaaqa wadadaas, walow markii dambe ay xaaladu ku so noqotay mid caadi ah.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi loo adeegsaday miinada.

Qaraxan ayaa qayb ka noqonaya falal ammaan darri oo maalmihii lasoo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey magaalada caasimada ah ee Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad doorasho iyo xaalad adag oo kala guur ah.

Xog: Mucaaradka oo guul horudhac ah ka gaaray qabashada doorashada guddoonka baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in doorashada Guddoonka Baarlamanka lagu qaban doono teendhada Afisyooni ee gudaha Xalane.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, tallaabadan ayaa ka danbeysay culeysyo ka imanayay kooxo isbiirsaday oo shar u arkay in lagu qabto xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

Kooxaha mucaaradka oo taageero ka helayay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku guuleystay rabitaankooda ah in teendhada Afisyooni lagu qabto doorashada guddoonka baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa.

Mucaaradka ayaa sabab ugu dhigay in amaan daro iyo hoobiyeyaashii kusoo dhacay Villa Hargeysa iyo sidoo kale warar ay mucaaradka baahiyeen oo sheegayay in rasaas lala dhacay qaboojiyihii ku rakibnaa hoolka baarlamaanka ee Villa Hargeysa, sidaasi darteedna aysan amni aheyn goobtaasi.

Villa Hargeysa ayaa ku dhex taal gudaha xarunta Madaxtooyadda, waxayna mucaaradka ay u arkaan mid halis iyo in Villa Somalia ay saameyn xooggan. ku yeelan karto xildhibaanada codeynaya

Taliska howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ayaa qoraal uu dhankiisa soo saaray ku sheegay in bandow lagu soo rogay xerada Xalane maalmaha 26-ka iyo 27-ka bisha oo ah maalmaha ay dhacayaan doorashada guddoonka baarlamaanka labadiisa aqal iyo kuxigeenadiisa.

Go’aankaan ayey ATMIS ku sheegtay inay la tashi kala sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka. Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Somalia.

Doorashooyinkii Ceelwaaq iyo Garbahaarey: Kursi ay ku soo baxeen labo walaalo ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Arrin aad loola yaabay ayey noqotay markii doorashooyinkii ka dhacay gobolka Gedo ay kusoo baxeen labo qof oo walaalo ah, kuwaasoo hal kursi u tartamay. 

Aamino Xuseen Cali iyo Nuur Xuseen Cali ayaa labadooda u tartamay kuriga HOP087, labadoodana waxay iska soo kala sharxeen magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey, oo lagu kala qabtay doorashooyin iska soo horjeeda.

Doorashadii ka dhacday Ceelwaaq ee maamulka Axmed Madoobe iyo guddiga doorashada heer federaal ee FEIT ay qabteen ayaa waxaa kusoo baxday Aamino Xuseen Cali, halka doorashadii kale ee Garbahaareey ka dhacday uu kusoo baxay Aamino walaalkeed Nuur Xuseen Cali. 

Kursigaan oo qoondo ahaan u heshay jufada Gasaargude ee beesha Raxanweyn ayaa tilmaam cad ka bixinaya muranka iyo khilaafka xalka loo waayay ee 16 kursi ee gobolka Gedo.

Si kastaba, waxay u badan tahay in kursiga Aamina uu noqdo midka aqoonsiga heli doona, inkasta oo weli aysan hubneyn, maadaama ay garab taagan yihiin Jubaland, guddiga doorashada FEIT iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Rooble ayaa Sabtidii bogaadiyey dhameystirka doorashadii magaalada Ceelwaaq, isaga qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri “Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo.”

“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.” 

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in Rooble uu guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad ku cadaadinayo inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq.

Muxuu Farmaajo ka yiri dib u doorashada MACRON?

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saray doorashadii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa hambalyo u diray madaxweyanaha dalkaas ee dib loo doortay Emmanuel Macron.

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin doorashada ka dhacday Faransiiska iyo guusha uu ka gaaray Emmanuel Macron.

Sidoo kale Farmaajo ayaa xusay in Soomaaliya ay la shaqeyn doonto madaxweynaha dib loo doortay ee Faransiiska, isagoo guul u rajeeyey.

”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne
EmmanuelMacron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Qoraalka madaxweynaha ee loogu hambalyeeyey Macron ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadamada Faransiìska iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan iyo sidoo kale iskaashi soo jireen ah.

“Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah” ayuu sii raaciyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada Faransiiska oo shalay loo dareeray wareega labaad ayaa waxaa markale guul ka soo hooyey Emmanuel Macron, kadib markii uu ka adkaaday haweeneyda xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo dalka Faransiiska.