27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Daawo: Shabaab oo dilalkii ugu badnaa ka fulisay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Dilalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Weerarka koowaad oo lagu qaaday maqaaxi ku taalla xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo rag ah, kadib markii ay rasaas ku fureen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale tiro kale oo shacab ah oo ku shaaxayey goobta maqaaxida ah ay ku dhaawacmen falkaasi.

Sidoo kale koox kale oo hubeysnaa ayaa xaafadda Godey ee degmada Heliwaa xalay ku dilay laba nin, taas oo tirada dilaka xalay dhacay ka dhigeysa illaa todobo qof.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay rag ka tirsan ciyaal weerada iyo kuwa kale oo ka ganacsanayay maandooriyaha.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, waxayna sheegeen inay iibanayeen maandooriye.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay dil kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso ciyaal weerarada & ragga ka ganacsada maandooriyaha.

Xasan Sheekh oo gaaray KISMAAYO iyo ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxda maamulka Jubbaland iyo boqolaal kamid ah dadweynaha maagaladaasi.

Magaalada Kismaayo oo maanta amaankeeda aad loo adkeeyay, ayaa waxaa ciidamo dheeraad ah la dhigay bartamaha magaalada, gaar ahaan waddada ka timaada garoonka illaa qasriga madaxtooyada Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa la xiriira xalinta xiisadda gobolka Gedo iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh aya madaxtooyada Jubbaland kula shiri doona Axmed Madoobe, isaga oo kala hadli doono labadaas qodob, si xal loogu helo xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Wejiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa wada-hadallada, si looga bilaabyo deegaanada maamulka Jubbaland.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqanayo Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug.

Daawo: Sarkaal Al-Shabaab ah oo Kismaayo lagu qabtay oo bixiyey xogo xasaasi ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Laamaha ammaanka Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku soo bandhigay nin ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo toos loo wareystay, isla markaana wareysi uu bixiyey ku shaaciyey xogo xasaasi ah.

Ninkaan oo lagu magacaabo Bashiir Nuur Bashiir ayaa laga soo qabtay xaafadda Shaqaalaha ee magaalada Kismaayo, halkaas oo guri ay uga ijaartay haweeney ay qaraabo yihiin.

Sidoo kale ciidamada Jubbaland waxay soo bandhigeen adeerkiis, nabadoonkii beeshiisa oo soo damiintay, haweeney guri u kireysay iyo dad kale ayaa lala soo qabtay ninkaan.

“Anigoo ah nabadoon Jubbaland ka tirsan, waxaan xaqiijinaa in la i hor keenay wiil aan horay Nabad Sugidda uga damiintay oo hub lagu soo qabtay, odayaasha saaxiibadey ah, waxaan uga digayaa in qof aysan isku hubin aysan damiinan,” ayuu yiri Nabadoonka beeshii uu ka dhashay ninkaan Shabaab-ka ah.

Wiilkaan Shabaab-ka ah ayaa sheegay inuu tababarro culus ku soo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana Kismaayo u dirtay kooxda Al-Shabaab, sida uu cadeeyey.

Markii uu tegay Kismaayo ninkaan wuxuu sheegay inuu bilaabay shaqooyin kala duwan, sida dhisme iyo inuu riixo gaari gacan.

“Anigoo guriga jooga oo taleefan ku hadlaaya ayaan hurday, bistoolad ayaa i ag taalay, mid Shabaab igala tirsan ayaa isoo wacay oo ii sheegay in guriga ciidan u soo socdaan, wuxuu i yiri bistoolada iska fogey, meel ayaan ku qariyey kidibna ciidan ayaa ii soo galay, sidaas ayaana la igu soo qabtay,” ayuu yiri Bashiir Nuur oo Shabaab ka tirsan.

Dembiyada uu qirtay ninkaan waxaa ka mid ah bam-gacmeed uu ku tuuray Hotel Cascasey oo Kismaayo ku yaalla, inkastoo uusan khasaare ka dhalan bamkaas, wuxuuna sheegay in taasi ay aheyd shaqadii ugu horeysay ee uu qabtay.

“Qof la qalday kaligey uma horeyn, kuwo kale oo la lumiyey ayaa buuxa dad kale ayaa soo socda, waxa ugu badan ee dadka lagu luminaayo waa lacag iyo balaayo laguu akhrinaayo, hadii ay dowladu i cafineyso iyo hadey I dileyso, maanta gacanteeda ayaan ku jiraa,” ayuu yiri wiilkaan Shabaabnimada qirtay.

Hoos ka daawo

Dowladda Mareykanka oo qaaday tallaabo ka dhan ah Cali Dheere-ha Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa 5 milyan oo dollar dul dhigtay madaxa afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere.  

Barnaamijka abaal-marinta Cadaaladda, Rewards for Justice (RFJ) ee Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in $5 milyan la siin doono cid kasta oo keenta akhbaar hoggaamin karta aqoonsiga ama halka uu ku sugan yahay Cali Dheere.  

Cali Dheere ayaa ahaa afhayeenka Al-Shabaab tan iyo bishii May ee 2009, sidoo kalena waa hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda.

Cali Dheere waxa uu ku dhashay degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho 1966-kii, wuxuuna qeyb ka ahaa qorsheynta weeraro badan oo laga fuliyey Soomaaliya iyo Kenya, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibedda. 

Bishii August 6, 2021, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Cali Dheere ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee loo yaqaan (SDGT). Ku daristaas ayaa ka dhigtay in la xanibay dhammaan hantida Cali Dheere, lana mamnuucay in lala macaamilo. 

Bishii Febraay 18-keedii 2022, Guddiga Cunaqabataynta Golaha Ammaanka QM ayaa Cali Dheere ku daray liiska xayiraadda, ayada oo lagu eedeeyey falal halis ku ah nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Liiska QM ayaa dalalka xubnaha ka ah ku qasbaya inay xayiraad hub iyo mid maaliyadeed saaraan Cali Dheere, islamarkaana hakiyaan dhammaan hantidiisa. 

Mareykanka ayaa horey sidan oo kale malaayiin dollar u dul dhigay xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. 

Dowladda Mareykanka ayaa 5-tii Janaayo 2023 waxay 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. 

Mareykanka ayaa sidoo kale 13-kii Janaayo 2023 ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar oo la siinayo ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii Hotel DusitD2 ee 2019-kii ka dhacay magaalada Nairobi.

32 qof oo ku dhintay dalka Giriigga kadib markii…

Laba tareen oo isku dhacay waddanka Giriiga ayaa dilay ugu yaraan 32 qof 85 kalena waa ay ku dhaawacmeen habeenkii talaadada, sida ay sheegtay kooxda dab-damiska.

Dhacdadan ayaa sababtay shilkii tareen ee ugu dhimashada badnaa ee Giriiga muddo tobanaan sano ah ayaan weli caddayn.

Tareen rakaab ah oo kasoo baxay magaalada Athens kuna socday waqooyiga magaalada Thessaloniki ayaa si xawli ah ugu dhacay tareen xamuul ah meel ka baxsan magaalada Larissa ee bartamaha Giriiga, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Thessaly.

Shilkan ayaa sababay in uu dab ka kaco qeybta rakaabka ah, waxaana gubtay dad badan oo rakaab ahaa, kuwaasi oo loola cararay isbitaalada.

“Waxaan maqalnay jug weyn, (waxay ahayd) 10 ilbiriqsi oo qarow ah,” ayuu yiri Stergios Minenis, oo ah 28 jir ka mid ahaa rakaab oo ka badbaaday shilkan.

1972, 19 qof ayaa ku dhintay kadib markii laba tareen ay isku dhaceen meel ka baxsan Larissa.

Six nations meet in the US to discuss Somalia priorities

Washington DC (Caasimada Online) – Representatives from Qatar, Somalia, Türkiye, the United Arab Emirates, the United Kingdom, and the United States of America convened in Washington, D.C., to discuss Somalia’s security, state-building, development, and humanitarian priorities.

In a joint statement released after the meeting, the partners expressed their support for the Federal Government of Somalia’s efforts to focus on counterterrorism and capacity building.

They discussed ways to better support Somalia’s fight against al-Shabaab and prepare for the African Union Transition Mission in Somalia drawdown. They agreed to strengthen the coordination of international security assistance.

The partners emphasized the importance of ensuring the timely delivery of stabilization assistance to newly liberated areas.

Lifting arms embargo on Somalia

They committed to supporting Somalia’s efforts to meet the benchmarks on weapons and ammunition management, enabling the UN Security Council to fully lift arms controls on the Federal Government of Somalia.

Furthermore, the partners expressed their support for Somalia’s National Consultative Council (NCC) process in promoting political reconciliation and delineating the roles and responsibilities of levels of government in Somalia, including by finalizing the constitution.

Fighting in LasAnod 

The partners called on all parties to adhere to the ceasefire, de-escalate, allow unhindered humanitarian access, and engage in constructive and peaceful dialogue in relation to the ongoing conflict in and around LasAnod.

The partners also expressed concern about the ongoing humanitarian crisis driven by Somalia’s worst drought on record.

They welcomed support along with international actors to meet the immediate needs of the Somali people while also strengthening Somalia’s ability to withstand future climate shocks.

The partners agreed to continue their work in these areas and to reconvene in Doha, Qatar, within the next three months for ongoing discussions and to take stock of progress.

Shabaab oo la sheegay inay gaajo ugu la’anayaan kaymaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS, Maxamuud Macallin Yaxye ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay gaajo iyo haraad ugu dhimanayaan keymaha, kadib markii ay u carareen duurka fog.

Maxamuud Macallin ayaa waxa uu sheegay in guusha laga gaaray howl-galada socda ay kaalin weyn ku leeyihiin shacabka, oo iyagu ka hor yimid Al-Shabaab, taasi oo uu sheegay inay horseeday in xubnaha kooxda waayan meel ay ku dhuuntaan.

“Khawaarijta waxay markii hore gabbaad ka dhigan jireen shacabka, iyaga oo dhac, boob iyo dhibaatayn joogto ah ku hayay dadka masaakiinta ah, taas oo sababtay in shacabku ka hor yimaadaan isla markaana ay waayaan meel ay ku dhuuntaan,” ayuu yiri.

Wasiiru-dowlahan hore ayaa soo jeediyay in dowladda sida ugu dhaqsaha badan dejiso qorshihii loo wajihi lahaa godadka iyo dhufeysyada ay Al-Shabaab ka sameysteen keymaha dhexdooda.

“Maadaama looga adkaaday weerarada tooska ah waa in dowladda dejiso qorshihii looga saari lahaa goobaha fog fog ee ay u carareen iyo godadka ay ku dhuumaleysanayaan.”

Waxa uu sheegay in qorshahan dejisteena ay dowladda la kaashato qubaro ku xeel-dheer dagaalka godadka ee howdka si loo yareeyo qasaaraha ka iman kara.

“Yaan la fududeysan, waxay taasi suurta-gal ka dhigi kartaa inay dib iskaga soo abaabulaan keymaha iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan. Waa in dhakhso looga howl-galaa.”

Dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu ka billowday dalka waxay ciidamada huwanta kooxda kala wareegeen deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in howlgal lagu dilay 200 oo Al-Shabaab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay saameeyn ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka oo kaashanaya saaxibada caalamiga ah.

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.

“Waxaa xusid mudan in mar kale Ciidanka XDS oo kaashanaya shacabka iyo saaxiibada caalamiga ay hawlgaladooda ku baahiyeen Banaadir, HirShabelle, Koonfuur Galbeed, Jubaland iyo Galmudug” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalladii u dambeeyay ee ka dhacay dalka lagu dilay in ka badan 200 oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare.

“Howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dalka toddobaadkan waxaa Khawaarijta looga dilay in ka badan 200 oo dhagar qabe oo ay ku jiraan horjoogeyaal sare,” ayuu yiri.

Waxaa kale oo lagu yiri warsaxaafadeedka “Godad ay ku dhuumanayeen Khawaarijta degaanno ka tirsan Hirshabelle ayay Ciidanka XDS gacanta ku soo dhigeen. Tallaabadan waxay ka dhigan tahay in ay sii dhammaanayaan tabaha dagaalka ee Khawaarijta oo goob kasta oo ay galaan amaba ay isku qarinayaan ay Ciidanka XDS uga daba tegayaan”.

Dhanka kale dowladda Soomaaliya oo ka hadashay amiga Muqdisho ayaa sheegtay in gacanta lagu soo dhigay 3 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuna howlanaa amni darro.

Waxaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ay digniin u dirtay ciidamada dowladda ee dilalka ka geysta caasimada, maadaama ay kordheen dhibaatooyinka ay u geysanayaan shacabka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale diginin u dirtay qeybaha kala duwan ee Ciidammada Qalabka Sida inay ilaaliyaan anshaxa gudashada waajibaadkooda, isla markaana DFS ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto ciddii lagu helo inay geysaneyso xadgudubyo ka baxsan waajibaadkooda shaqo,” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana iska kaashanayaa dowladda dhexe, dowlad goboleedyada dalka iyo dadka deegaanka.

Xeer ilaaliyaha oo fasiraad ka bixiyay xariga Cabdalla iyo tallaab uu ka qaadayo taliyihii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa fasiraad yaab leh kasoo saaray xariga Wariye Cabdalla Axmed Muumin, kaasi oo uu sheegay in xarigiisa loo maray sifo sharci ah.

Xeer Ilaaliyaha ayaa xariga Wariyahan oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) ku difaacay xukunkii ay 13-kii bishaan ku riday maxkamadda gobolka Banaadir, kaasi oo ahaa lab bilood oo xabsi ah.

“Ciidanka Booliska oo fulinaya amarka hay’adda Garsoorka, islamarkaana gudanaya waajibaadkiisa sharci si waafaqsan ayaa gacanta kusoo dhigay xukunsanaha dibna xabsiga dhexe ugu soo celiyay 23/02/2023, maadama loo diiwaan-geliyay in uu baxsad ahaa muddo 10 cisho ah.”

Cabdalla Muumin oo xukunkaas kadib ay sii daayeen taliyaha iyo saraakiisha xabsiga Dhexe ee Xamar, ayaa sii deyntaas u cuskaday kadib markii ay isku fiiriyeen muddada lagu xukumay iyo inta uu hore u xirna, sidaasna ay ku fasaxeen maadama uu hore u dhameystay xukunka lagu riday.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in sifo sharciga baal-marsan ay saraakiishaas ku sii daayeen Wariyaha, islamarkaana uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud uu baaris ku wado dhacdadii ay ku sii daayeen.

“Maadaama ay sii-dayntu baalmarsaneyd sharciga, waxaa loo diiwaan-geliyay in uu xukunsanuhu yahay baxsad, waxaana Ciidanka Booliska Soomaaliyeed amar lagu siiyay in ay dib u soo xiraan xukunsaha, si waafaqsan Qod: 35aad faqradda 1-aad Xarafka B ee XHCS.”

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ugu dambeyntiina sheegay in cid walba oo danaynaysa kiiska Wariyaha ay tahay in sifo sharci ah ku raadsadaan xuquuqdooda, islamarkaana ay dhowraan madax-banaanida Garsoorka iyo shuruucda dalka, sida lagu yiri qoraalka.

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ayaa imanaya xilli ay shalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay guddoonka golaha u gudbiyeen mooshin ay ku dalbanayaan in Wariye Cabdalla Muumin xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale dhawaan ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, kaasi oo ay sheegtay inuu ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maalintii Khamiista waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay, xilligaasi oo uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Dagaal khasaare dhaliyey, kana dhashay is qab-qabsi maamul oo ka dhacay Bardaale

0

Bardaale (Caasimada Online) – Magaalada Bardaale ee gobolka Bay waxaa shalay ka dhacay dagaal culus oo ka dhashay muran dhanka maamulka ah oo ka jira magaalada, waxaana hadda la dareemayaa xaalad jaho wareer ah.

Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii galaamay ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen shaqaaqada ka dhacday degmada Bardaale ee gobolka Bay, waxaana arrinta la isku hayo ka hadlay dhinacyadii dagaalamay.

Goobjoogayaal ku sugan Bardaale ayaa Caasimada Online u sheegay in ku dhawaad 10 qof oo kale ay ku dhaawacmeen dagaalka, waxaana magaalada weli ka taagan xiisad culus oo dhismaha maamulka magaalada salka ku heysa.

Maxamed Isaaq oo ah guddoomiyaha degmada Bardaale oo hoggaaminayey garab ka mid ah ciidamadii dagaalamay ayaa sheegay inay weerareen ciidamo ka yimid magaalada Baydhaba oo diidanaa maamulkiisa.

Ninkaan ayaa ku dooday in ciidankaas ay carqaladeeyeen maamulka, isla markaana ay isbaarooyin dhigteen magaalada Bardaale gudaheeda oo bulshada ay ka diideen wax kasta oo xal noqon karay.

“Waxay bilaabeen fowdo iyo inay dhahaan maamul halkaan kama jiro, waxay dhigteen isbaarooyin, waxayna diideen wax kasta oo odayaasha dhaqanka ay soo jeediyeen, taas ayaa sababtay in magaalada aan dagaal uga saarno,” ayuu yiri Maxamed Isaaq oo la hadalay VOA.

Wuxuu sheegay in arrintaan ay dagaal huri weysay, “Todobaad ayey joogeen, ka maamul ahaan wax kasta oo xal ah ayaan raadinay, hadda nimankii burcada ahaa waan ka saarnay magaalada,” ayuu yiri Guddoomiyaha Bardaale.

Dhinaca kale, Cabdi Madoobe Mursal oo hoggaaminaya ciidanka dagaalka looga saaray degmada Bardaale ayaa sheegay in maamulka Bardaale ay ka dhistay wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed uusan aqoonsaneyn.

“Waa gacan ku rimis maamul kama jiro Bardaale, magaalada xaalkeedu waa degan yahay hadda, oo qolo kasta halkeedii ayey joogtaa, khasaaraha dhankooda ayuu u badan yahay, sababtoo ah ayaga ayaa nasoo weeraray, waana jebinay,” ayuu yiri sarkaalka hoggaaminaya ciidanka la dagaalay maamulka ka jira degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Somalia: Mortar attack on hospital in LasAnod kills one

LASANOD, Somalia (Caasimada Online) – At least one person was killed and several others were injured in a mortar attack on the main hospital in LasAnod, a disputed city in Somaliland region in Somalia, during an upsurge of violence on Tuesday. 

Dr. Ahmed Abdi, a doctor at the hospital, confirmed that four shells hit the hospital, causing critical injuries to some of the eight people who were wounded.  

The attack destroyed two of the hospital’s three ambulances, exacerbating an already dire situation. 

The conflict in LasAnod, Somalia

LasAnod has been the site of ongoing violence between security forces of Somaliland and clan militia that wish to be part of Somalia.  

Somaliland, which broke away from Somalia three decades ago, seeks international recognition as an independent country.  

However, its claims to Las-Anod are disputed by the neighboring Somali state of Puntland. The conflict has resulted in the displacement of over 185,000 people, with tens of thousands fleeing to Ethiopia. 

Image showing the debris of the hospital building in LasAnod, Somalia after the attack.

The hospital, which faces a severe shortage of drugs, was already overwhelmed with patients recovering from earlier fighting that had killed dozens of people.  

Diplomats and humanitarian groups have expressed concern about the escalating violence in the area, with the United Nations warning that the indiscriminate shelling of civilians is unacceptable and must stop. 

MSF’s response to the crisis

The medical charity Doctors Without Borders (MSF), which supports the hospital in Las-Anod, reported that at least 35 people had died and over 60 others had been wounded in the recent fighting.  

The charity condemned the violence and called for an end to the attacks on civilians. “Indiscriminate violence against civilians is unacceptable,” MSF said in a statement. 

“Our hospital is approaching its capacity, and we urge all parties to respect the neutrality of healthcare facilities and staff.” 

Somaliland government denies responsibility

In response to the mortar attack on the hospital, Somaliland’s defense ministry denied that the army was responsible and described reports of the attack as “fake news” intended to damage the army’s reputation. 

The government has blamed the unrest on “anti-peace groups and terrorism” and has alleged that the al-Shabab extremist group has supported some of the attacks.

The United Nations and international partners have called for an end to the violence and have urged all parties to respect the neutrality of healthcare facilities and staff.

Somaliland’s President, Muse Bihi Abdi, met with the visiting U.S. deputy chief of mission to discuss the crisis last week.

Rep. Ilhan Omar calls on U.S. to hold Israel accountable

Washington (Caasimada Online) – Minnesota lawmaker Rep. Ilhan Omar has strongly condemned the recent Israeli settler rampage in the West Bank town of Hawara.

Omar has called for the United States to hold accountable those who violated international law during the incident. The attack torched dozens of cars and houses, causing the loss of innocent lives and injuries to over 100 people.

“This comes against the backdrop of massive settlement expansion and de facto annexation of the West Bank by the most right-wing Israeli government in history – moves that would erase any hope for a two-state solution,” Omar said in her most extensive comments on Israel-Palestine since being removed from the House Foreign Affairs Committee over her previous comments concerning Israel.

Ilhan Omar’s past controversial remarks

In February 2019, Rep. Omar faced significant criticism when she tweeted that support for Israel among U.S. lawmakers was “all about the Benjamins.”

The remarks drew strong condemnations from both sides of the political aisle, leading Omar to apologize unequivocally for her comments and acknowledge the painful history of antisemitic tropes.

Despite the previous controversy, Rep. Omar co-sponsored a resolution with stalwart pro-Israel Democratic members of Congress shortly before the vote, “recognizing Israel as America’s legitimate and democratically and condemning antisemitism.”

Omar insisted that she would “continue to speak up because representation matters. I am here to stay, and I am here to be a voice for harms around the world and advocate for a better world.”

FILE – In this Jan. 31, 2020, file photo, Rep. Ilhan Omar, D-Minn., participates in a panel during a campaign event for Democratic presidential candidate Sen. Bernie Sanders in Clive, Iowa. (AP Photo/Marcio Jose Sanchez, File)

Ilhan Omar calls for accountability

Regarding the current state of affairs in the Middle East, Rep. Omar emphasized that “violence only begets violence. These violent outbursts have taken innocent Palestinian and Israeli lives and traumatized many,”

Omar said she was heartened by the pro-peace, pro-justice demonstrations of both Jewish and Arab-Palestinians across Israel right now.

Rep. Omar stressed that the Biden administration “must seek full accountability for any violations of international law and ensure that our own U.S. tax dollars are not funding human rights violations.”

“Putting human rights at the center of foreign policy and supporting a rules-based international order means demanding accountability for any violations, whether they are our allies or adversaries,” she added.

Rep. Omar’s comments represent the most extensive remarks on the settler rampage from a U.S. lawmaker, despite four congressional delegations visiting the region last week.

However, many of those present declined to comment on their visits or meetings with Prime Minister Benjamin Netanyahu, whose far-right allies actively fomented anti-Arab racism immediately preceding the attacks.

Expectations for Israel to pursue full accountability

U.S. officials have said they expect Israel to pursue full accountability for the settlers responsible for the violence, with “equal rigor” as it does for Palestinians who carry out attacks against Israelis.

However, there are concerns that Israel may not hold the settlers accountable transparently and unbiasedly, which would only further exacerbate tensions in the region.

Background on Israeli settlements in the West Bank

The Israeli settlements in the West Bank have long been a contentious issue between Israel and the Palestinians.

The settlements are considered illegal under international law, as they are built on land occupied by Israel during the 1967 war, which is recognized as Palestinian territory under international law.

Despite this, Israel has continued expanding the settlements, increasing tensions and violence between Israelis and Palestinians.

The settlements are seen as a major obstacle to establishing a viable Palestinian state, as they fragment the West Bank and make it increasingly difficult for Palestinians to access their own land.

The recent Israeli settler rampage in the West Bank town of Hawara has further escalated regional tensions.

The incident is just one example of the ongoing violence and instability that plagues the area, with both sides blaming each other for the continued conflict.

US Influence in the region 

The United States has historically been a critical player in the Israeli-Palestinian conflict, with American aid and support playing a significant role in the region.

However, the current Biden administration has taken a more measured approach to the issue, with officials emphasizing the need for a two-state solution and a commitment to human rights.

Rep. Omar’s comments reflect the growing frustration among some lawmakers and activists over the region’s lack of progress toward peace.

The continued expansion of Israeli settlements and the violence and discrimination Palestinians face have led many to question the U.S. government’s support for Israel and its regional policies.

Despite these challenges, some remain committed to resolving the conflict peacefully.

Rep. Omar’s emphasis on the need for accountability and a commitment to human rights is an important step toward achieving that goal.

It remains to be seen how the situation will progress, but one thing is clear: the need for a just and lasting peace in the region has never been more urgent.

Daawo: Jubbaland oo Janan iyo Fartaag ku eedeysay dilka Bakaal Kooke iyo sarkaal kale

0

Doolow (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland u qaabilsan gobolka Gedo ayaa eedeyn culus dusha ka saaray siyaasiyiin ka socota dowladda federaalka oo maalmahaan ku sugnaa gobolkaas.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Gedo, ahna u qaabilsanaha arrimaha gobolka Gedo ee Jubbaland Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) ayaa ka hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow.

Macalimuu ayaa sheegay in Senator Fartaag iyo Cabdirashiid Janan siyaasiyiinta ay hoggaaminayaan ee gobolka Gedo ku sugan ay ka dambeeyeen dilalkii loo geystay saraakiil ay ku jiraan Taliyihii NISA Bakaal Kooke iyo taliyihii sariirtiisa qaraxa loogu xiray ee ururka Beledxaawo.

“Wasiirradii hore iyo Senatorka markii ay gobolkaan yimaadeen waxaa dhacay dilal aan caadi aheyn, saraakiishii gobolka ka shaqeyneysay ayaa la dilay, waxaana la dhihi karaa ayagaa ka dambeeyey dilalkaas, hadana waxay bilaabeen fowdo kale,” ayuu yiri guddoomiye Macalimuu.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in siyaasiyiintaas ay hadda doonayaan inay xero ciidan ka dhisaan degmada Baardheere “Waxaan u mahad celinayaa shacabka reer Baardheere oo diiday in xeryo ciidan ay ragaasi halkaas ka furaan, waa mahadsan yihiin odayaasha reer Baardheere,” ayuu yiri Macalimuu.

Siyaasiyiintaas ayaa sheegay inay gobolka ka abaabulayaan ciidan macawiisley ah oo ay sheegeen inay Shabaab uga xoreynayaan Bu’aale, “Ciidan aysan Jubbaland iyo dowladda dhexe ka war qabin ayey rabaan inay aas-aasaan, raggaas waxaan leeyahay dowladda dhexe wax haka qabato,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Macalimuu.

Jubbaland ayaa Janan iyo Fartaag ka codsatay inay joojiyaan kala furfurka iyo abaabulka ay ka wadaan gobolka Gedo, maadaama ay wax ka soo dhiseen maamulka Jubbaland.

“Hadii ay baaqeena maqli waayaan, dowladda waxaan ka rabnaa inay qaado tallaabo deg deg ah, hadii ay ka qaadi weysana anagaa ka qaadeynaa,” ayuu yiri guddoomiye Macalimuu oo Jubbaland wakiil uga ah gobolka Gedo.

Sidoo kale Macalimuu wuxuu ka hadlay shaqaaqadii shalay ka dhacday Doolow iyo kiiskii ka horeeyey ee maxkamadeyntiisa la isugu tegay halkaas.

Macalimuu ayaa sheegay in dadka reer Doolow ee shalay dagaalamay ay qaldanaayeen oo dowladda iyo maxkamadda ciidamada ay ku qanacsan yihiin, maadaama uu Doolow tegay Shuute, wuxuuna madaxweynaha iyo maxkamadda ka codsaday in kiiskaas cadaaladda la marsiiyo oo sarkaalkii ninka dilay la toogto.

“Shaqaaqadii shalay ka dhacday Doolow waxaa ka dambeeyey oo shacabka abaabulay nimankaas siyaasiyiinta ah, Gedo qas kuma jiri karto waana iska qaba doonaa nimankaas, cadaalad uma dhimana kiiskaas hadii Shuute Gedo yimid, waxaana maxkamaddalaga rabaa inay baaritaan ku sameyso oo la maxkamadeeyo ragii shalay soo abaabulay shaqaaqada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Hoos ka daawo  

Somalia: US offers $5 million for key Al-Shabab leader

0

Washington (Caasimada Online) – The United States Department of State’s Rewards for Justice (RFJ) program has offered a bounty of up to $5 million for any information that can lead to the identification or location of Ali Mohamed Rage, a key leader of the terrorist organization al-Shabab in Somalia.  

The Diplomatic Security Service oversees the RFJ program, which aims to combat terrorism globally.

Who is Ali Mohamed Rage? 

Ali Mohamed Rage, also known as Ali Dheere, has been the chief spokesperson for al-Shabab since May 2009 and is a senior leader of the terrorist organization. 

He was born in the Hawlwadag district of Mogadishu, Somalia, in 1966 and has been involved in planning attacks in Kenya and Somalia. 

On August 6, 2021, the United States Department of State designated Rage as a Specially Designated Global Terrorist (SDGT), which blocks all of his property and interests in property.  

Anyone engaging in certain transactions with Rage may also face designation. Moreover, any foreign financial institution knowingly facilitating a significant financial transaction or providing significant financial services for Rage could be subject to U.S. correspondent account or payable-through account sanctions.

The United Nations Security Council’s Somalia Sanctions Committee added Rage to its Sanctions List on February 18, 2022, under paragraph 43(a) of resolution 2093 (2013) for engaging in or supporting acts that threaten the peace, security, or stability of Somalia. 

The UN designation requires UN Member States to impose an arms embargo, including related training and financial assistance, a travel ban, and an assets freeze on Rage.

Who is Al-Shabab in Somalia?

Al-Shabab is a terrorist organization responsible for attacks in Kenya, Somalia, and neighboring countries, resulting in loss of life, including that of U.S. citizens. 

The group is plotting, planning, and conspiring to commit terrorist acts against the United States, its interests, and foreign partners. 

In March 2008, the Department of State designated al-Shabab as a Foreign Terrorist Organization (FTO) and Specially Designated Global Terrorist. 

In April 2010, al-Shabab was added to the 1844 Sanctions List by the UN Security Council’s Somalia Sanctions Committee under paragraph 8 of resolution 1844 (2008). 

Why is the RFJ Program offering a reward for Rage?

The RFJ program is offering a reward for any information that can lead to the identification or location of Rage, as he is a senior leader of al-Shabab and has been involved in planning attacks in Kenya and Somalia.  

The program has been successful, with rewards leading to the capture or killing of high-profile terrorists such as Abu Musab al-Zarqawi, the former leader of al-Qaida in Iraq.

The U.S. government believes that offering a reward for information on Rage can help disrupt al-Shabab’s operations and prevent future terrorist attacks.  

The RFJ program has been instrumental in bringing terrorists to justice. 

The U.S. government hopes that the reward for Rage will lead to his capture or location, ensuring that he is held accountable for his actions.

DF oo shaacisay inay howlgal ku dishay seddax horjooge oo caan ah + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saartay duqeyn lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo saraakiil sare ay ku jiraan, duqeyntaan ayaa galabta ka dhacday degaanka Buurweyn oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

“Inta la xaqiijiyay 10 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo ay ku jiraan Horjoogayaal ayaa lagu dilay howlgal ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen Deegaanka Buurweyn oo 23 KM Waqooyi Galbeed ka xiga Degmada Jalalaqsi,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraalkaan howlgalkaan ayaa lagu beegsaday saraakiil sare oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay ku raad joogtay, kuwaas oo saarnaa Gaari uu leeyahay sarkaal lagu magacaabo Ibnu Bashiir.

“Ninkaan ayaa ahaa horjoogihii maleeshiyada ay khawaarijta ugu yeeraan Xisbada ee gobalka Hiiraan, wuxuuna xilligaas gaarigiisu taagnaa meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo Khawaarij ah,” ayaa qoraalka dowladda lagu yiri.

Qoraalka ayaa intaas ku soo daray, “Waxaa sidoo kale howlgalkaan lagu dilay Horjoogihii Guud ee Caafimaadka maleeshiyada ay ugu yeeraan xisbada Gobalka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Muxsin iyo Horjooge Anas oo ahaa Horjoogihii isla maleeshiyadaas u qaabilsanaa aagga Jalalaqsi.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ragaas lala dilay maleeshiyaad kale oo saarnaa gaariga iyo kuwo joogay halka uu howlgalku ka dhacay.

“Howlgalkaan oo dhacay galabta abaaro 4-tii galabnimo, ayaa waxaa wali socda qiimaynta kama danbaysta ah ee khasaaraha Khawaarijta ku gaaray howlgalkaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyntii bayaanka dowladda waxaa lagu yiri, “Dowladda oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamiga ah waxaa ka go’an ciribtirka Khawaarijta, waxaana Dowladdu mar kale uga mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Caalamka doorkooda dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ka dagaalameysa qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxayna Buurweyn ku jirtaa deegaanada istaraatiijiga ah ee weli ku jira gacanta Al-Shabaab.

#image_title

Golaha Ammaanka oo kulan xasaasi ah ka yeeshay Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la-socodka cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa yeeshay kulan xasaasi ah, kaasi oo ay doodayeen hubka sida sharci darrada ah isaga kala goosha Soomaaliya iyo Yemen.

Kulankan ayaa sidoo kale waxay guddiga iskula qaateen in cuna-qabateyn lagu soo rogo dadka dhibaatada ku ah nabadda iyo amniga Soomaaliya, taasi oo lagu saleynayo istaratiijiyadda dowladda ee ah in Al-Shabaab lagu wiiqo millateri ahaan iyo ka hortaga fikirkeeda diimeed.

Guddiga ayaa waxay sheegeen inay sii wadi doonaan baaritaanka illaha dhaqaalaha ee kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku jiraan dhaqaalaha badan ay ka helaan dekeddaha ku yaalla Muqdisho, gaar ahaan tan caasimada Muqdisho iyo ka ganacsiga dhuxusha.

Golaha ammaanka ee QM ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay dowlad-goboleedyada dalka inay dhaqan-geliyaan go’aannada golaha ee ka hortagga maal-gelinta argagixisada.

Go’aanadan ayaa waxaa ku jira tallaabooyin lagu xakameynayo awoodda kooxda Al-Shabaab ee ah inay helaan lacag, hub iyo taageero kale, oo la xiriirta howlahooda argagixiso.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii ay ciidamada Mareykanka qabteen doon maraysay biyaha caalamiga ah ee u dhaxeysa Iran ilaa Yemen, taasi oo siday in ka badan laba kun oo qoryaha loo yaqaano AK-47.

Inta badan hubka sharci darrada ah ee lasoo galiyo gudaha Soomaaliya ayaa waxaa lasoo mariya dhinaca Badda, waxaana la rumeysan yahay in hubka u badan ee kooxaha xagjirka ah uga imaado dhanka Yemen.

Daawo: DF Soomaaliya oo Mareykanka kala wareegtay hub iyo saanad ciidan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa hub iyo saanad ciidan soo gaarsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo maanta ay kula wareegtay gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saanadan ciidan oo Mareykanka ugu deeqay ciidamada xoogga dalka, ayaa waxa howl-wadeenada safaaradda kala wareegay Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Odowaa Yuusuf Raage.

Wasiir Jaamac oo ka hadlay munaasibada ay kula wareegeen saanadan ciidan ayaa waxa uu sheegay inay iskugu jirto hub iyo rasaas, taasi oo wax weyn ka tari doonta dagaalka ay dowladda kula jirto kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan halkan uga mahad-celinayaa guud ahaan dowladda Mareykanka taageerada hagar la’aanta ee ay na-siinayaan waqtiga muhiim ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan Khawaarijta Al-Shabaab dagaal aad u xoog u badan oo xaqiiqdii aan aaminsanahay in kaalmadooda wax weyn ka tahay,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa dhankiisa sheegay in taageerada Mareykanka uu maanta soo gaarsiiyay ay kusoo aaday xilli loo baahna, islamarkaana ay meel xasaasi ah marayaan howl-galada ka socda dalka.

“Maanta in dowladda Mareykanka ay soo gaarsiiso taageeradaan dhinaca saanada hubka oo la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya waxay laf-dhabar u tahay oo xoojin doonta tayada ciidamada gaarka ah oo wax weyn ka bedesho. Waxay sare u qaadi doonta iskaashiga iyo la-dagaalanka argagixisada.”

Hubka iyo saanada ciidan ee maanta ay la wareegtay dowladda federaalka ayaa waxaa si gaar ah loogu tala-galay Ciidamada kumaandooska Danab, oo uu tababaray Mareykanka.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii uu sidan oo kale Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u soo gaarsiiyay hub ay ugu tala-galeen isla ciidanka Danab, oo iyagu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka

Madaxweyne ERDOGAN oo cafis dalbaday kadib markii…

0

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa dalbaday in laga cafiyo dib u dhacyada samata-bixinta, xilli uu booqday mid ka mid ah goobaha uu sida darran ugu dhufantay dhul-gariirkii dalkaas ka dhacay bishan horraanteeda.

Erdogan oo raadinaya muddo xileed kale oo xilka madaxweyne ah kadib labaatan sano uu awoodda hayey, ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay dadka ka badbaaday dhul-gariirka ee magaalada Adiyaman ee koonfurta-bari.

Doorashadii 2018, Erdogan ayaa si xooggan mucaarada ugu garaacay gobolkaas.

“Saamaynta ba’an ee dhul-gariirkii iyo cimilo-xumada awgeed, ma aanan awoodin in aan sidii aan rabnay ugu shaqayno magaalada Adiyaman maalmihii ugu horreeyay, raali galin ayaan ka bixinayaa arrintan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Dhul-gariirkii 6-da February ayaa Turkey ku dilay in ka badan 44,000 oo qof, halka kumanaan kalena ay ku dhinteen dalka deriska la ah ee Syria.

Wakaaladda wararka AFP ayaa 10-kii February werisay carada dadka Adiyaman ee ku wajahan dowladda.

“Qofna ma arag illaa 2:00 pm ee maalinkii xigay dhul-gariirka,” waxaa xilligaas sidaas AFP u sheegay Mehmet Yildirim oo degan Adiyaman.

“Dowlad ma lahan, qaran ma lahan, boolis ma lahan, askar ma lahan.Ceeb idinku dhacday. Waa nagu fiirsateen,” ayuu yiri.

Dhul-gariirka ayaa yimid xilli uu Erdogan sii helayey taageero, islamarkaana ay sare u kaceen shacabka ku qanacsan howshiisa, kadib muddo hoos u dhac uu ku yimid sababo la xiriira xasaradda dhaqaale ee sanadkii tegay.

Waxyar kadib markii dhul-gariirka uu dhacay, Erdogan ayaa qirtay “gaabis” dhanka dowladda ah oo ku aadan sida ay ula tacaashay musiibada.

AFP, VOA

Booliska Muqdisho oo war kasoo saartay dilkii maanta ee carada badan dhaliyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray dilkii maanta ka dhacay Laami-yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo uu askari ka tirsan ciidanka dowladda uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.

Qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Guud Booliska gobolka Banaadir ayaa waxa lagu sheegay in ciidanka booliska, gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Wadajir ay soo qabteen askariga dilka geystay,

“Ciidanka Booliska Soomaaliyed gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Wadajir ayaa qabtay askari tirsanaa ciidanka dowladda oo wiil dhalinyaro ah oo kamid ah kuwa ku shaqeesta gaadiidka moota bajaajta, waaxda Jeneraal Daa’uud, agagaarka laami-yaraha Zoobe ee Degmada Wadajir,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in haatan ay socoto baaris ka dhan ah eedeysanaha, islamarkaana dhawaan la horgeyn doono maxkamada awooda u leh si cadaalada loo marsiiyo.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si gaar ah Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir waxaa ka go’an in dhacdooyinka nuucaan oo kale ah uu iska saaro masuuliyad gaar ah si shacabka dhibka loo gestay u helaan Cadaaladda.”

Dilka kadib ayaa waxay dad badan oo shacab ah iyo darawallo isugu soo baxeen Zoobe, illaa KM4, kuwaasi oo dibad-bax cabasho ah dhigay, iyagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda.

Dibad-baxayaasha ayaa xilligaas dalbanayay in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan.

Dilalka loo geysto darawallada Mooto Bajaajta ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho, ayada oo fiidnimadii xalay is-rasaaseyn dhex-martay ciidanka dowladda oo ka dhacday isgoyska Siinaay uu ku dhintay darawal mooto bajaaj.

Somalia: Displacement soars to record high of 3.8 million

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia, a country already struggling with years of conflict and natural disasters, is facing another crisis as the number of people displaced reaches an all-time high of 3.8 million.

The International Organization for Migration (IOM) is calling for immediate action to prevent further displacement and to address the dire living conditions of the millions affected by drought and conflict.

Ugochi Daniels, the IOM’s Deputy Director General for Operations, emphasizes the need for donor investments in sustainable solutions.

The convergence of climate risks and conflict is exacerbating the situation following five consecutive below-average rainy seasons, with a projected sixth expected in early 2023.

Tens of thousands of people may be forced to seek refuge in major cities and towns, particularly in Baidoa and Mogadishu. The IOM predicts that approximately 300,000 people could be newly displaced by July 2023.

The situation is dire for those affected, as many may never return to their places of origin due to land depletion and insecurity. Families are being born and raised in informal settlements with unsuitable living conditions.

Daniels warns that urgent action is needed to prevent further displacement and address the growing needs of the affected population.

55-Year-old Salado and her family left their village in Gedo Region to a displacement site of Kaxareey in Dollow, Somalia after losing all their livestock. Photo: Claudia Rosel/IOM

Investing in sustainable solutions in Somalia

Daniels stresses the need to invest in the places of origin to prevent further displacement.

“Addressing essential services, social cohesion, stability, governance, justice systems, and climate change adaptation is crucial, bringing communities together with their government and diaspora,” he stressed.

“These building blocks lay the foundation for a pathway for sustainable solutions.”

According to Daniels, IOM projects aim to improve access to land and long-term housing, social services, and inclusive planning processes with local authorities and communities, laying the foundation for long-term development planning.

In areas impacted by violence and conflict, IOM has promoted women-led justice systems, trained communities to manage natural resources more sustainably, rehabilitated schools and boreholes, and built more robust governance systems, such as in Marka, a historical enclave in southern Somalia characterized by conflict.

Positive developments

Daniels commended the incredible work done by women, children, community leaders, and local authorities in Baidoa and Marka to build social cohesion in their communities and take ownership of their future for health, education, and livelihoods.

“IOM is proud to have partnered with them on their journey, he said.

The potential of Somalia’s vibrant diaspora is also crucial in achieving sustainable development goals for the people of Somalia. National policy initiatives to maximize their sustained engagement are needed.

The situation in Somalia demands urgent action to prevent further displacement and address the growing needs of the affected population.

Investing in sustainable solutions is critical to achieving long-term development goals.

The IOM is committed to working with local authorities, communities, and the diaspora to build social cohesion, improve basic services, and promote sustainable development for the people of Somalia. The time for action is now.