27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Somalia: Displacement soars to record high of 3.8 million

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia, a country already struggling with years of conflict and natural disasters, is facing another crisis as the number of people displaced reaches an all-time high of 3.8 million.

The International Organization for Migration (IOM) is calling for immediate action to prevent further displacement and to address the dire living conditions of the millions affected by drought and conflict.

Ugochi Daniels, the IOM’s Deputy Director General for Operations, emphasizes the need for donor investments in sustainable solutions.

The convergence of climate risks and conflict is exacerbating the situation following five consecutive below-average rainy seasons, with a projected sixth expected in early 2023.

Tens of thousands of people may be forced to seek refuge in major cities and towns, particularly in Baidoa and Mogadishu. The IOM predicts that approximately 300,000 people could be newly displaced by July 2023.

The situation is dire for those affected, as many may never return to their places of origin due to land depletion and insecurity. Families are being born and raised in informal settlements with unsuitable living conditions.

Daniels warns that urgent action is needed to prevent further displacement and address the growing needs of the affected population.

55-Year-old Salado and her family left their village in Gedo Region to a displacement site of Kaxareey in Dollow, Somalia after losing all their livestock. Photo: Claudia Rosel/IOM

Investing in sustainable solutions in Somalia

Daniels stresses the need to invest in the places of origin to prevent further displacement.

“Addressing essential services, social cohesion, stability, governance, justice systems, and climate change adaptation is crucial, bringing communities together with their government and diaspora,” he stressed.

“These building blocks lay the foundation for a pathway for sustainable solutions.”

According to Daniels, IOM projects aim to improve access to land and long-term housing, social services, and inclusive planning processes with local authorities and communities, laying the foundation for long-term development planning.

In areas impacted by violence and conflict, IOM has promoted women-led justice systems, trained communities to manage natural resources more sustainably, rehabilitated schools and boreholes, and built more robust governance systems, such as in Marka, a historical enclave in southern Somalia characterized by conflict.

Positive developments

Daniels commended the incredible work done by women, children, community leaders, and local authorities in Baidoa and Marka to build social cohesion in their communities and take ownership of their future for health, education, and livelihoods.

“IOM is proud to have partnered with them on their journey, he said.

The potential of Somalia’s vibrant diaspora is also crucial in achieving sustainable development goals for the people of Somalia. National policy initiatives to maximize their sustained engagement are needed.

The situation in Somalia demands urgent action to prevent further displacement and address the growing needs of the affected population.

Investing in sustainable solutions is critical to achieving long-term development goals.

The IOM is committed to working with local authorities, communities, and the diaspora to build social cohesion, improve basic services, and promote sustainable development for the people of Somalia. The time for action is now.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Xamar oo qarka u saaran ‘kala dhimasho’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho guri iyo goob ganacsi oo aan la canshuurin ma jiraan, haddana guri iyo goob ganacsi oo bad-qaba ma lahan.

Shirqoolka, dilalka tooska ah iyo afduubka gabdhaha yar yar ayaa caadi ka noqday magaalada Muqdisho dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Dhaca xilliga habeenkii ah wuxuu waqti dheer ahaa taxane soo jireen ah. Magaalada waxaa ka dilaacay burcad wajiyo badan.

Maalin walba daawasho aan la jecleysanin ayaa la daawanaya ilmada waalid caruurtoodii la dilay. Ilintooda waxaa ku lamaansan cadaalad ayaa rabna iyo dowladda wax ha noo qabato, laakiin cid u jawaabeysa majirto.

Masuuliyad darro weyn ayaa ka jirta magaalada ugu dadka iyo dhaqaalaha badan Soomaaliya. Dadweynuhu waa u dulqaadan la’yihiin meydadka ay maalin walba xabaalayaan. Xamar waxaa ku dilaya Al-Shabaab, Ciidanka Dowladda, Daacish, waxaa kale oo hadda kusoo biiray burcadan la baxday ciyaal-weero.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa u muuqda inuu si weyn ugu fashilmay wax ka qabashada adeegyada aas-aasiga ah ee caasimada sida; bilicda, amniga, kaalmada caafimaadka, midda waxbarashada, shaqo abuurka iyo inuu shacbiyad u sameeyo dowladda.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa u muuqda inuu dhinac iskaga riixay ka jawaabida baroorta iyo ilinta joogtada ah ee dadka reer Muqdisho.

Inay shacabka caasimada iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kala dhintaan hadda meel majirto, sababta oo ah dareenku kuma siinayo dil afar jiho kaga socda iyo bixinta baad saddex dhinac ah, iyo weliba canshuur kugu waajib ah oo aan haddana lagu adeegayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud su’aasha ugu weyn ee ay shacabka jawaabteeda ka sugayaan waa cidda qaadeysa masuuliyada guul-darada dhinac walba ee ka muuqata magaalada Muqdisho.

Hay’addaha garsoorka iyo laamaha amniga weli ma muujin wax ka qabasho u dhiganta dhibaatada taagan. Dadka caasimada degan weli waxay bixinayaan canshuur aan laheyn difaac iyo adeeg dowladeed midna.

Lamana yaqaano inta ay sii socon karto canshuur bilaa adeeg ah, haddii aanay dowladda la imaan isbedel muuqda waqtiyada soo aadan.

Taliyeyaal ‘ka baxay Xamar oo ku biiray’ dagaalka ka socda magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 23-aad oo xiriir ah ayaa haatan sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi, sida ay sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu haatan ka socdo dhanka galbeedka magaalada Laascaanood, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Somaliland oo looga hadlay dagaalka Laascaanood ayaa waxaa lagu sheegay in haatan ay ku soo biireen taliyeyaal ciidan oo ka yimid magaalada Muqdisho, sidoo kalena dagaalka ay qayb yihiin ka yihiin kooxo nabadiid ah iyo argagixiso.

Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dharbaaxo kulul ay ku dhufatay ciidanka huwanta oo ay tilmaamtay inay weerar kusoo qaadeen fariisama ciidamadooda ee ku yaalla galbeedka.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

Halkan joose ka aqriso:-

Waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.

Daawo: Maamulka gobolka Banaadir oo tallaabo culus qaaday kadib dagaalkii Siinaay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay booqday isgoyska Siinaay oo ay ku wada dagaalameen ciidamo ka wada tirsan kuwa ammaanka ayaa qaaday tallaabo la xiriirta shaqaaqadii halkaasi ka dhacday oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Israsaaseynta sababtay khasaarahan ayaa dhex-martay ciidan Nabad Sugid ah oo Siinaay ku sugan iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleebaan Fargax oo dhaawac ah.

Duqa Muqdisho ayaa marka hore ka taciyeeyay dadkii ku dhintay dagaalkaas oo isugu jiro askar iyo dad kale oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la aqbali karin in maalin kasto ay dagaalamaan ciidamada dowladda, isla-markaana ay ku dhintaan shacabkii ay ilaalinayeen amnigooda.

“Runtii way nagu bateen dhacdooyinka noocaan ah loomana dul-qaadan karo, waana nasiin darro. Marka insha allah dib ayaan isugu laaban doonaan,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiye Madaale ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dhammaan la xiray askartii ku sugneyd koontaroolka, laguna wareejiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

“Dhacdadii xanbuunka badneyd ee meeshaan ka dhacday kulli ciidankii halkan joogay ama Boolis ahaa ama hay’adihii kale ee amniga xabsigaa la wada geeyay baaritaan ayaana lagu jiraa CID iyo Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu wareejiyay,” ayuu sii raaciyay Madaale.

Ina la xaqiijiyay waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan illaa afar qof, halka ay ku dhaawacmeen lix kale oo uu ku jiro guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Isgoyska Siinaay ayaa kala bara ugu yaraan seddax degmo oo kala ah Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid, waxaana ciidan ka tirsan NISA u taalla bar-control oo adag, taas oo gaadiidka waaweyn aysan ka soo gudbi karin.

Ciidanka dowladda ayaa inta badan ku dhex dagaalama magaalada Muqdisho, taas oo dhaleeceyn weyn ay marar badan kala kulantay dowladda Soomaaliya, inta badan isku dhacyadaan waxaa keena in masuuliyiinta qaar ay si awood ah ku dhaafaan baraha hubinta ee ciidamadu ay ku sugan yihiin.

Al-Shabaab oo shaacisay in baaris ku hayso ‘sarkaalka ganacsiga’ daroogada Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay howl-galada ay maleeshiyaadkeeda u igmatay ee ka dhanka ah daroogada iyo ciyaal-weerada ee ka billowday magaalada Muqdisho.

Kooxda ayaa sheegtay in baaritaano ay ku waday goobaha lagu keydiyo daroogada noocyadeed kala duwan ay ku ogaatay in sarkaal ka tirsan ciidanka millateriga dowladda federaalka uu qeyb ka yahay ka ganacsiga daroogada.

Sarkaalkan ayaa waxay sheegtay in goob weyn oo lagu iibiyo, laguna keydiyo daroogada noocyadeed kala duwan uu kulahaa Ex-Contarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Kooxda ayaa sidoo kale waxay sheegtay in qarax ay ku xirtay goobtaasi uu lahaa sarkaalka, ayna gebi ahaanba isla burbureen goobta iyo daroogadii ku jirtay. Waxaa ku dhaawacmay qaraxa sarkaal ka tirsan dowladda oo magaciisa ay magaciisa ku sheegtay Xasan Kaafi, oo ahaa ninkii goobtaas daroogada ku gadayay, sida ay sheegtay.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in howl-gal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso kooxaha ka ganacsada maandooriyaha iyo ciyaal-weerarada ay ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho, ayada oo sheegtay inay soo gaartay cabashada shacabka.

Xalay unbay aheyd markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay howl-gal qorsheysan ka fuliyeen isgoyska Fagax, kaasi oo sababay dhimasho & dhaawac.

Xubnahan oo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa waxay weerar ku qaadeen meherad yar oo ku taalla halkaasi, oo lagu iibin jiray maandooriye, waxaana goobta imaan jiray dhalinyaro aad u isticmaasha maandooriyaha.

Inta la xaqiijiyay waxaa rasaasta ay fureen ragga howl-galka fuliyay ku dhintay illaa labo dhalinyaro ah, halka ay dhaawacyo soo gaareen labo kale oo ku sugnaa halkaasi.

Waa howl-galkii labaad oo Al-Shabaab ka fulineyso Muqdisho, ayada oo shalay shaacisay in Tabeelaha Sheekh Ibraahim ay ku dishay mid kamid ah horjoogayaashii ciyaal-weerada.

Dagaalka Laascaanood oo Somaliland u horseeday shan khasaare oo waaweyn

Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland khasaare dhowr waji ayay kala soo laabatay dagaalka ay ku gashay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay cudud ka xoog badan intii la filayay, iyada oo ay muuqato waxay midnimadooda u goysay dagaal socday in ka badan 20 cisho oo ay la galeen maamul soddan jir ah.

Marwalba waa adag tahay in laga adkaado kacdoon shacab wax tabanaya oo kadibna caadifad u gudbay.

Sabtidii waxaa dhacay dagaalkii ugu xoogana, uguna khasaaraha badna, kaasi oo ay Somaliland ku lumisay deegaano muhiim ah.

Warbixintan waxaa kusoo koobeyna dhowr waxyaabood oo Somaliland ay lumisay mudadii uu socday dagaalka Laascaanood.

1. Deegaano ka baxay gacantooda: In aad lumiso magaalada Laascaanood adiga oo xukumaya Somaliland waa jab weyn. Intii uu dagaalkan socday Somaliland goobo badan oo muhiim ah ayay ciidan ahaan dib uga gurteen, waxaana qiimaha la goyn karin ku fadhisa Laascaanood oo dhowr iyo toban sano uu ka talinayay maamulka Somaliland.

Dhanka Tukaraq dib u gurasho ayaa laga soo sheegaya, gudaha Laascaanood-na sarkaalkoodii ugu muhiimsana Mahad Cambaashe ayaa doraad cagta la mariyay.

2. Adduunka oo xasuuq u haysta Somaliland: Waxaa durtaba ku billaabatay Somaliland dacwo la xiriirta inay xasuuq iyo gabood-fal ka geysteen Laascaanood. Dunida waxay diiwaan-gelinaysa maanta tirada shacabka uu maamulka Muuse Biixi ku dilay magaalada Laascaanood.

Tani waxay dhalin doonta saameyn taban oo la xiriirta gargaarkii iyo garab istaagii la siin jiray Somaliland oo laga fiirsan doono iyo suurtagalnimada in madaxdooda qaar la saaro cuna-qabateyn socdaal, mid maaliyadeed iyo maxkamadeyn mustaqbalka ah.

3. Cinwaankii gooni-u-goosadka oo dhaawacmay: Somaliland markii ay rabto in dunida u sharaxdo sababta ay u dooneyso inay ka go’do Soomaaliya waxay sheegan jirtay in dowladii Soomaaliya xasuuqday, balse maanta waxaa iyagana miiska adduunka ku sugaya xasuuqa Laascaanood.

Hadda waa inay ka fikiraan si kale oo ay u iibin karaan mashruuca gooni-u-goosadka oo aan aheyn cabashada xasuuqa.

4. Dhimasho ciidan oo laga maarmi karay: Askar badan ayaa Somaliland kaga dhimatay dagaalka Laascaanood, iyagu dadka ay dileen kuma faani karaan oo dacwo xasuuq shacab ah ayaa loo haysta durba.

Laakiin Muuse Biixi waxaa hortaalla dood gudaha ah, taas oo sheegaysa maxay ku dhinteen askarta Somaliland ee Laascaanood, iyada oo ay badi dadka wax-galka ah aaminsan yihiin in dagaalkaas laga maarmi karay.

5. Qabyaaladii oo suuq heshay iyo xalkii oo fogaaday: Dagaalka Laascaanood wuxuu dhinaca kale kor u qaaday qabyaaladii deegaanada Somaliland, dadku aad ayay u kala fogaadeen.

Maamul walba oo dhisan uma fiicna jiritaankiisa in qabyaaladu hadaf ka noqoto bulshada dhexdeeda, waana arrin aan la sahashan karin waxa ka dhalan doona mustaqbalka dhow.

Sidoo kale waxaa muuqata in xalka Laascaanood uu sii fogaaday, waxaana sabab looga dhigay sida uu maamulka hoggaamiye Muuse Biixi u wajahay arrintaan.

Arrimahan oo isugu jira deegaano uu maamulka lumiyay, xasuuq la isku haysto, niyad-jabka beesha caalamka, dhaawaca soo gaaray cinwaankii ictiraafka iyo kala dhimashada bulshada ayaa kamid ah kamid ah khasaaraha Somaliland ay kasoo qaaday dagaalka Laascaanood.

Somaliland oo ‘qaran dumis’ u aqoonsatay Cabdirisaaq Khaliif kadib go’aankiisa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif u aqoonsatay wax ay ugu yeertay “Qaran-Dumis” kadib markii uu Axaddii eedeyn culus u jeediyay maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu inbadan isku dayay inuu qaranka khiyaamo, isaga oo ku eedeeyay in dhibtii ka taagneyd Laascaanood uu sii laba jibaaray.

“Cabdirisaaq Khaliif waxa uu cadeystay fikirkiisa uu kaga horjeedo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, in badan waxa uu isku dayey inuu qaranka Khiyaamo, wuxuu noqday qofka kaliya ee dhibkii meesha taallay sii laba jibaara, weligiina wax Qaranka dan u ah kumuu talin,” ayuu yiri Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

“Hantidii halkan looga dhiibay Cabdirisaaq Khaliif ee madaxweynuhu u dhiibay ee loogu tala-galay in mushkiladda lagu xaliyo ayuu u isticmaalay inuu dhanka kale shidaan iyo rasaas u siiyo.”

Wasiir Koore ayaa waxa uu sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu dhamaan kasoo horjeestay dhaartii uu kal hore u maray reer Somaliland “Wixii u dhaartay ee Qaranka wuu kasoo horjeestay. Meeshii laga rabay in uu xal keeno oo uu dhex-dhexaadiyo dowladda iyo dadka wuxuu la saftay dhan, hadaladiisa ayaa markhaati idin ka ah ee ma ahan wax aan odhanayo.”

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in Khaliif uu kamid ahaa dadkii wax kasoo dhisay dowladda federaalka Soomaaliya, weligiina uu hagar-daamo ku hayay Somaliland.

“Wuxuu haddimo aan loo aaba-yeelin ku sameeyay ciidanka Qaranka iyo Khiyaamo-Qaran oo uu ka galay dadka iyo dalka Somaliland. Waa in uu xilka si toos ah iskaga casilo qoddobadii uu ku ahaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada dhamaantood wuu jabiyay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan isku dayeen waxkasta oo hoos u dhigi kara xiisadda taagan, balse dhinaca kale uu ka shaqeynayo sidii ay usii ballaaran laheyd

Cabdirisaaq Khaliif ayaa shalay shaaca ka qaaday in xasuuq ba’an uu ka dhacay Laascaanood, isaga oo sheegay in awood xad dhaaf ah loo adeegsaday shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa eedeynta ugu weyn u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu tilmaamay inuu kasoo horjeedo in xal rasmi ah laga gaaro colaada ka taagan magaalada Laascaanood.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan arrintaas, islamarkaana uu kala fur furay xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad.

“Madaxweyne Muuse Biixi, badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamada kala baxdaa deegaanada SSC, maanta  berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay ay qaadayaan madaxweyne Muusae Biixi iyo Taliye Nuux Taani, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, ayada oo uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, kaasi oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.

Ciidamo ka tirsan DF oo Bajaajle ku dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ka geysteen laami yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal wade Mooto Bajaajle.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mahdi Diiriye Aadan, waxaana toogasho ku dilay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo wadada marayay, kadibna iska dhaqaaqay.

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in marxuumka uu ku dhowaaday gaariga ay saarnaayeen ciidamada, kadibna ay rasaas isaga reebeen, taas oo sababtay geeridiisa.

Allaha u naxariistee marxuum Mahad ayaa la daala dhacayay nolosha reerkiisa, wuxuuna deegaan aaa ku noolaa degmada Dharkenley, sida ay innoo sheegeen dad yaqaanay.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan ah mid aad kacsan, waxaana dilka wiilkan dhalinyarada ah ka dhashay caro dadweyne.

Dad badan oo shacab ah iyo darawallo ayaa isugu soo baxay Zoobe, illaa KM4 kuwaas oo dibad-bax cabasho ah dhigay, ayagoo ku qaylinayay erayo ka dhan ah ciidanka dowladda.

Dibaxayaasha ayaa sidoo kale dalbaday in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaasi dhaliyay carada dadweynaha.

Dilalka loo geysto wadeyaasha Mooto Bajaajta ayaa soo badatay mudooyinkii dambe, mana jirto cid loo soo qabtay dilkooda, inkastoo dhowr askari la geeyay Maxkamadda Ciidamada.

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda ka taagan Doolow iyo xildhibaan xog cusub bixiyey

0

Doolow (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Muxumed Maxamed oo ka mid ah Xildhibaanada laga soo doorto Gobolka Gedo ayaa walaac ka muujiyay dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Degmada Doolow ee gobolkaasi.

Shacabka ku dhaqan Degmada Doolow ayaa shalay ka gadooday qarax miino oo 18-kii bishan lagu dilay Captain Maxamed Aweys Cali, oo ahaa Taliyihii Ururka 28aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo dil kale oo 23-kii bishan degmadaasi loogu gaystay darawal mooto bajaaj, oo dilkiisa lagu eedeeyay Saraakiil loogu diray gobolkaasi inay soo baaraan qaraxa lagu dilay Captain Maxamed Aweys.

Darawalka ayaana la sheegay inuu geeriyooday, intii ay Saraakiishaasi baaritaanka wadeen, waana mooto bajaajlaha loo soo xiray in goobta keenay qaraxa lagu dilay Sarkaalka ka tirsanaa Militariga Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Muxumed Maxamed ayaa wax nasiib darro ah ku tilmaamay iska horimaadkii dadka ku dhinteen ee shalay ka dhacay degmadaasi.

Xildhibaan Maxamed Muxumed ayaa sheegay in Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ee Sabtidii tegay degmadaasi ay ka doonayeen inuu baaritaan ku sameeyo dilka muwaadinkaasi iyo Saraakiishii Ciidamada ee muddooyinkii ugu dambeysay lagu dilay Gobolka Gedo, balse sida uu sheegay aanay taasi dhicin.

“Ninkaa muwaadinka ah ee sida arxandara ah baaritaanka loogu dilay, waxay noqotay shil labaad oo murugo badan oo meeshaa ka dhacay. Murugada markay dhacday meeshaa waxaa ku baxay Gudoomiyihii Maxkamadda Ciidamada, wuxuu tegay deegaankii. Dhab ahaantii waxaan ka sugeynay baaritaan sax ah inuu sameeyo, deegaanka muddo ku sugnaado, wixii ka dambeeyay dilka Saraakiisha iyo caddeyntii ninkaa muwaadinka ah ee lagu dhex dilay gacanta masuuliyiintii dowladda, asagoo ku jira lagu dilay ayaan rabnay baaritaan inuu ku sameeyo dadkii dembiileyaasha ahaa ee ninkaa miskiin ah dilay iyo baaritaan sax ah oo Saraakiishii la laayay in la helo ayay ahayd. Nasiib darro maanta waxaa ka sii dhacay meeshaas, koley mas’uuliyad darro oo rag kale ay ku dhinteen ayay ahayd,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Muxumed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in masuuliyiintii gobolka tegay aanay ahayn in xaaladda kaga sii daraan, taasi bedelkeedana ay ka sugayeen in dembiileyaasha lagu qaado sharciga.

“Meeshii dhacdo kale inay ka sii dhacdo oo jewigu siduu ahaa looga soo diraa sax ma aha, oo amniga uu gacanta ka sii baxo, muran, buuq iyo gacan ka hadal inay gaarto sax ma ahayn, ayadoo masuuliyiintii ugu waaweynaa maxkamadda ee caddaaladda laga sugayay ay meesha joogaan. Arrintaas waxaan leenahay hala dejiyo, amnigana ha laga shaqeeyo,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Muxumed.

Xildhibaanka ayaa ka tacsiyeeyay dadkii horey loogu dilay gobolka iyo dadka kale ee ku dhintay iska horimaadka shalay ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Doolow.

Midawga Yurub iyo UK oo heshiis taariikhi ah ka gaaray arrin in badan taagneyd

0

London (Caasimada Online) – Midowga Yurub iyo Dowladda Britain ayaa xalay heshiis cusub ka gaaray muran in muddo ah soo socday oo ku qotoma ka bixistii uu Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa heshiiskaas ku tilmaamay ‘mid taariikhi ah iyo horumar la taaban karo’, kaasi oo ilaalinaya madax-bannaanida dadka Woqooyiga Ireland oo qeyb ka ah boqortooyada Britain.

Heshiiskan cusub ayaa u muuqda mid Woqooyiga Ireland ka qaadaya culeysyada soo wajahay wixii ka dambeeyay markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub.

Dhinaca kale, Maxamed Nuur Qalimoow oo ka faallooda arrimaha Yurub oo la hadlay VOA ayaa sharaxaad ka bixiyay heshiiskan taariikhiga ah, isaga oo sheegay in muddo badan uu qaatay in labada dhinac isla qaatan.

“Heshiiskan waa mid muhiim ah oo muddo badan ayaa wada-hadal looga jiray oo la isku hor-fadhiyay, waa heshiis aad loo sugayay si arrinta ugu dambeysa ee xuduudka ah loo fasaxo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in heshiiskan uu meesha ka saarayo culeyskii iyo caqabadihii ganacsi ee ka jiray labada dhinac, taasi oo si weyn loo adkeeyay markii uu Britain ka baxday Midowga Yurub.

“Badeecada Ingiriiska ka imaanaya in meesha looga saaro canshuurihii iyo shuruudihii ka gadaal yimid markii uu ka baxay Midowga Yurub, oo badeecada isku socoto, lagana daayo inay u eekaato qaab xuduud ah oo lagu kontaroolayo badeecada labada dhinac u kala socota, faa’iido weyn ayay dhinacaas ku qabaan Waqooyiga Ireland.”

Milatariga Somaliland oo ku hanjabay in dib ay u qabsanayaan Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska guud ee ciidamada milatariga Somaliland ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda dagaal ee ka taagan gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo deegaanka Tukaraq oo ay ka socdaan dagaallo cul culus.

Abaanduulaha ciidanka milatariga Somaliland, Faysal Cabdi Bootaan oo warbaahinta kula hadlay jiida hore ee dagaalka ayaa marka hore ka hadlay sababihii ay uga baxeen difaacyadii ay dhowaan soo banneeyeen ee ku yaalla Tukaraq iyo Laascaanood, waxaana uu tilmaamay inay aheyd arrin farsamo iyo xeelad milatari oo ay dageen, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay u qaateen shalay markii aan farsamo xeelad dagaal uga baxnay Tukaraq in ciidamadii qaranku iska guureen hadda dagaalka waxa uu marayaa deegaanka Diyaaradda,” ayuu yiri Abaanduulaha ciidanka milatariga Somaliland, Faysal Cabdi Bootaan.

Sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay markale dib ugu laaban doonaan oo ay qabsan doonaan Laascaanood, si markale loogu soo celiyo gacanta Somaliland.

“Waxaa ballan ah inaan difaacno Laascaanood oo ay sidii ay ahaan jirtay ahaato oo ay kusoo noqoto qaranimadii gacanta Somaliland,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Bootaan ayaa markale ku celiyay in Laascaanood ay kula dagaalamayaan argagixiso iyo ciidamada Puntland oo is garabsanaya, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka qaranka, Laascaanood waxaa kula dagaalamayo ma’aha cid kale  waa argagixiso iyo ciidankii Puntland oo is garabsanaayo,” ayuu markale yiri Abaanduuluhu.

Xaaladda Laascaanood ayaa weli kacsan, waxaana dagaalka uu galay maalintii 22-aad, kaas oo haatan ka socda bariga magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Si kastaba, Khasaaraha ayaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya, waxaana dhimashada ay kor u dhaaftay 150 qof, halka dhaawacana uu marayo 600 oo kale.

Xog ku saabsan xiisad ka taagan degmada Baraawe

0

Baraawe (Caasimada Online) – Xiisaddan ayaa ka dhalatay, ka dib markii Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Baraawe ay mooshin ka gudbiyeen Gudoomiyaha Degmada, Liibaan Abuukar Cismaan (Baafo), kaas oo ay ku eedeeyeen wada shaqayn la’aan.

Wararka ayaa sheegaya in mooshinka ay saxiixeen saddex meelood, laba meel oo ka mid ah Xubnaha Golaha Deegaanka, oo ka kooban toddobo iyo labaatan xubnood.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegay in mooshinkaasi loo gudbiyay, laguna wareejiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Cabdullaahi Xaaji Xasan.

Wasiirka oo 20-kii bishan gaaray degmada Baraawe ayaa tan iyo xilligaasi ku sugan degmadaasi, isagoona xal u raadinaya xiisadda siyaasadeed ee degmadaasi ka soo korortay.

Mooshinka kalsooni kala noqoshada ee Gudoomiyaha ayaa lagu sheegay inaanu wax wada shaqayn ahi la lahayn Labadiisa ku-xigeen, ee kala ah Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane iyo Sahra Abuukar Cali, isla-markaana uu xafiis ka dhigtay, kuna shaqeeyo hoygiisa.

Xiisaddan ayaa cirka isu shareertay, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Gudoomiye Liibaan uu u hanjabay xubnaha ka soo horjeeda.

Xubnaha mucaaradsan Maamulka Gudoomiye Baafo ayaa dalbanaya in cod loo qaado, haddii uu xafiiska sii joogayo iyo haddii kaleba.

Baafo ayaa xilka loo doortay 10-kii bishii November ee sanadkii 2021, ka dib doorasho ka dhacday degmadaasi.

OIC oo noqday ururkii ugu horreeyay ee ajiiba baaqii deg-dega ahaa Xamza + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shalay kulan la qaatay wafdi ka socda Ururka Iskaashiga Islaamka oo uu hoggaaminayey Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda, Danjire Yousef Muhammad Aldobeay.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Danjire Yuusuf ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta labada dhinac, gaar ahaan kaalinta ururku ka qaadanayo u gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo xasillinta deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaariijta.

Ra’iisul Wasaarah ayaa sidoo kale waxa uu si weyn u bogaadiyey garab istaagga ay OIC u muujinayso shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Danjire Yuusuf ayaa dhankiisa ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyey kulankan, wuxuuna tilmaamay sida deg-dega ah ee ay u soo ajiibeen baaqii dowladda federaalka Soomaaliya.

Baaqa dowladda oo uu shalay jeediyay Xamza ayaa waxa uu ku saabsana arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka deegaannada laga xoreeyey akooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo laga hirgelinayo mashaariic horumarineed oo soo kabaya nolasha dadka ay muddada dhibaateynayeen argagixisadu.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre oo shalay shir guddoomiyey kulanka isku-duwayaasha mashaariicda kala duwan, ayaa waxa uu faray in sanadkan looga fadhiyo in ay hir-galiyaan mashaariico intii hore ka badan.

Mudane Xamza iyo xukuumaddiisa ayaa muddooyinii dambe xooga saarayay xasillinta deegaannadii laga xoreeyay Al-Shabaab iyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar iyo weliba adeegyadii aas-aasiga ahaa, si dadkaasi loo tuso in dowladnimadoodi u soo laabatay.






Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo ku dhaawacmay dagaal ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Israsaaseyn xoog leh ayaa caawa ka dhacday isgoyska Siinaay ee degmada Yaaqshiid, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, dadka dhaawacmay waxaa ku jira mas’uuliyiin.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay israsaaseyntaas, halka ay ku dhaawacmeen lix kale oo guddoomiyaha degmada Yaaqshiid uu ku jiro, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.

Israsaaseynta sababtay khasaarahaan ayaa dhex-martay ciidan Nabad Sugid ah oo isgoyska Siinaay ku sugan iyo ilaalada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Saleebaan Fargax oo dhaawac ah.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay inay arkeen meydadka afar qof oo yaalla isgoyska Siinaay, inkastoo dadka nala hadlay aysan kala aqoonsan dadka dhintay shacab ama ciidan waxa ay yihiin, maadaama goobta lagu kala cararay.

Ma jirto cid shaacisay waxa uu ka dhashay khilaafka sababay in xabad la isla dhaco oo khasaaraha intaas la eg la isku geysto, waxaana xusid mudan in ciidanka isgoyskaas jooga ay maalin ka hor la dagaaleen ciidan kale oo ka tirsan militeriga.

Xaaladda isgoyska Siinaay ka jirta ayaa caawa ah mid kacsan, waxaana aaggaas isaga cararay dadkii shacabka ah ee goobaha ganacsiga ku lahaa, maadaama suuq weyn uu ku yaallo isgoyska Siinaay.

Isgoyska Siinaay ayaa kala bara ugu yaraan seddax degmo oo kala ah Wardhiigley, Boondheere iyo Yaaqshiid, waxaana ciidan ka tirsan NISA u taalla bar control oo adag, taas oo gaadiidka waaweyn aysan ka soo gudbi karin.

Ciidanka dowladda ayaa inta badan ku dhex dagaalama magaalada Muqdisho, taas oo dhaleeceyn weyn ay marar badan kala kulantay dowladda Soomaaliya, inta badan isku dhacyadaan waxaa keena in masuuliyiinta qaar ay si awood ah ku dhaafaan baraha hubinta ee ciidamadu ay ku sugan yihiin.

Somalia: US military returns to combat Al-Shabab militants

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia fight against Al-Shabab and Islamist terrorism has become the most active front in the United States’ global war on terror, which has been waged since the September 11, 2001, attacks.

In recent years, the US military has worked with Somalia’s army to counter Al-Shabab, an Al Qaeda affiliate considered the deadliest terrorist group in the region.

While the campaign has had some success, the struggle remains arduous and has been marked by tragedy and setbacks.

On a recent trip to a remote training base in central Somalia, it was clear that the counterterrorism campaign has exacted a toll on the country’s military forces.

On graduation day for 346 recruits trained by the State Department and advised by US Special Operations forces, many new commandos were set to fill in the ranks of two battalions that a recent Al-Shabab attack had decimated.

The attack resulted in more than 100 Somali soldiers dying or being injured, underscoring the daily dangers that the country’s military personnel face.

Somalia’s struggle against terrorism

The fight against terrorism in Somalia is not new. Over thirty years ago, US military personnel were deployed to Somalia to ensure that the capital, Mogadishu, and outlying areas in the famine belt were safe enough to deliver aid.

At that time, fighting among factions in the country had interrupted aid deliveries. The US withdrew from Somalia after the “Black Hawk Down” incident of 1993 when Somali militia fighters killed 18 American service members in a fierce battle later depicted in books and Hollywood movies.

Nearly two decades later, the US was forced to return to Somalia to combat the rise of Al-Shabab, a terrorist group that had emerged in the region.

In 2014, the US began its fight against the group with a handful of military advisors. Over time, the number of US troops involved in the campaign grew to 700.

However, former President Donald J. Trump withdrew most of the soldiers just before leaving office in 2021. President Joe Biden later redeployed 450 troops last year to advise Somali soldiers fighting the Al-Shabab insurgency.

In addition to its military involvement, the US has conducted a drone war against Al-Shabab. Although drone strikes have decreased in other hotspots, such as Yemen, Libya, and Pakistan’s tribal areas, Somalia remains a center for US counterterrorism drone activity.

In the past year, the US carried out around 20 airstrikes in Somalia, nearly all of which were in collective self-defense of Somali forces.

A visit to Somalia

I recently had the opportunity to embed with US Special Operations forces in Somalia, gaining a firsthand look at the counterterrorism efforts underway in the country.

The visit provided a glimpse into a counterterrorism world where a few Americans, typically far from the front lines, advise and assist Somali troops engaged in a daily battle against an imposing foe.

On the ground, a wide range of American, Somali, and other African military, diplomatic, and aid officials expressed cautious optimism about the Somali government’s dedication to the fight against terrorism.

However, they expressed lingering doubts over the government’s ability to hold the ground it had retaken.

The recent attack in Galmudug state, which left over 100 Somali soldiers dead or injured, has prompted Somali officials to ask for more American firepower.

They have also renewed their appeal to Washington for more drone strikes and looser rules on when such strikes can be carried out. However, the Biden administration has been reluctant to deepen its military commitment to the country.

Somalia’s counterterrorism strategy

The Somali military has been fighting Al-Shabab for several months, with several powerful local clan militias joining the fight against the terrorist group that has wreaked havoc across the Horn of Africa.

The government has been resupplying these militias with ammunition and other aid. Somalia elected a new president, Hassan Sheikh Mohamud, in May 2021, who previously held office between 2012 and 2017.

Since resuming the presidency, Mohamud has embarked on an all-out offensive against Al-Shabab to constrain their territorial expansion and dry up their financial resources.

According to intelligence officials, the militant group boasts a sizable force of between 7,000 to 12,000 fighters and generates an annual income of approximately $120 million, garnered partly through the imposition of taxes and extortion of civilians.

The full-scale offensive against Al-Shabab began after President Biden redeployed American trainers to Somalia.

The forces only advise and assist Somali soldiers and do not conduct unilateral counterterrorism operations like the one carried out last month by members of the Navy’s SEAL Team 6, which killed a senior Islamic State financier in northern Somalia.

Despite the military’s success in recapturing multiple towns and villages, officials exercise prudence in charting a course for the future.

Al-Shabab’s brutal retaliatory assaults, which have resulted in the retaking of certain regions, have created a back-and-forth struggle for dominance.

The group orchestrated a catastrophic attack in October, unleashing twin car bombings that killed 121 individuals and left approximately 300 more injured in Mogadishu, a city inhabited by about two million people. It was the deadliest terrorist attack in Somalia in five years.

Maxkamadda sare oo loo gudbiyey dacwadda kursiga HOP#086 iyo go’aankeeda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashixiintii u tartameysay kursiga HOP086 oo horay loogu diiday Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo bulshada ay kula wadaagayaan in Maxkamadda Sare ee dalka u gudbiyeen dawacd ka dhan ah doorashadii kursigaas.

Si kastaba, waxay sheegeen in maxkamadda ay ka qaban waysay dacwaddii ay diyaariyeen qareennadii ay u qabsadeen inay difaacaan kiiska is hortaag ay sheegeen in lagu sameeyay in tartan furan loo galo kursigaas.

Musharaxiinta war-saxaafadeedkaan soo saaray oo shan xubnood gaaraya ayaa sheegay in Xoghaynta Maxkamaddu ay cudur-daar uga dhigeen qabasho la’aanta dacwadda, maqnaashaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo ku simihiisa, ayagoo qareennada u sheegay inay berri soo noqdaan si hoggaanka sare ee Maxkamadda looga helo ogolaanshaha qabashada dacwadda.

“Tallaabadan ayaa waxay keenaysaa in waqtigii uu sharciga noo ogolaa inaan dacwadda ku gudbinno uu dhaco kaasoo ku eg 10-ka barqannimo ee barri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 28ka Febraayo 2023,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Qodobka 4-aad ee qaraarka buuxinta kuraasta bannaan ee kasoo baxay guddiga joogtada ah ayaa dhigaya in go’aannada la xiriira doorashooyinka kuraas buuxinta ee uu gaaro guddiga doorashada kuraasta bannaan in racfaan looga qaadan karo Maxkamadda Sare

Musharaxiintaan cabashada qaba ayaa sidoo kale sheegay in maanta “si sharciga baal marsan xilka xildhibaannimada loogu dhaariyay murashixii kursiga loo xiray” sida ay hadalka u dhigeen, iyadoo ay habraacyada doorashada dadban dhigayaan inaan la siin karin shahaadada, lana dhaarin karin, inta laga hubinayo in kursiga laga soo gudbiyo dacwad iyo in kale muddo 3 cisho ah oo ka bilaabanaysa saacadda iyo maalinta doorashada la qabtay.

“Murashixiintu waxay halkaan ka caddeynayaan in lagula dhaqmay hab aan waafaqsanayn shuruucda dalka, xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka iyo xeerarka garsoorka dalka, iyagoo markii hore loo diiday inay ka qeybgalaan tartanka doorashada, maanta ay Maxkamaddii Sare ee dalka ay u ekaatay mid ka meermeereysanaysa qabasha dacwadda oo ah xaq dastuuri ah,” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.

Shanta musharax ee bayaankaan cabashada ah soo saartay ayaa kala ah :

  1. Khaalid Muxumed Maxamuud (Gaabane)
  2. Dr. Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis
  3. Maxamuud Cabdiraxmaan Macallin
  4. Dr. Cabdicasiis Maxamed Cabdullaahi (Mataan)
  5. Cabdinuur Maxamed Axmed

Kursigaan oo noqday kii ugu muranka iyo dagaalka badnaa kuraasta baarlamaanka 11-aad ayaa maalmo ka hor waxaa loo doortay Dr. Maxamed Sheikh Axmed Maxamed oo ay doorteen 98 xubnood oo ergo ah.

SARKAAL sare oo ku dhintay iska hor-imaadkii Doolow iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Doolow (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa iska hor-imaad maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, iska hor-imaadka maanta ka dhacay halkaasi ayaa waxa uu salka ku haya laba kiis oo ka kala dhacay magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow.

Iska hor-imaadkan oo yimid kadib markii maleeshiyaad beeleed ka war heleen in mid kamid ah labada kiis la rabo in loo wareejiyo magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay inay iska caabin xooggan kala kulmeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo halkaasi ku sugna, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor-imaadkan uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, illaa haddana waxaa la xaqiijiyay in shaqaaqadan uu ku dhintay Taliyihii Amniga Garoonka Doolow Maxamed Xuseen Cabdullaahi (Ganey).

Taliyaha NISA ee Gedo oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyey dhimashada sarkaalkan iyo qof kale, isaga oo sheegay in uu jiro dhaawac gaaraya illaa 10 qof oo isugu jira askar iyo shacab uu ka dhashay iska hor-imaadka maanta.

“Ciidamada Gorgor ayaa diyaar u timid, kuwaasi oo dib looga celinayay gobolka si ay safarkooda usii wataan, ninka maxbuuska ahna ciidankaas ayaa hayay. Dad is abaabulay oo shacab ah ayaa yidhi ninkii baa la qaadaya oo garoonka laga dhoofinaya aan is hortaagno oo yaan la qaadin, sidaas ayuu ku dhacay dagaalka aad maqasheen,” ayuu yiri Jeneraal Jamaal Xasan.

“Aniga dhaawac (askar Itoobiyaan ah) ooo goobta jooga waan huba, dhimasho laba ayaa huba iyo dhaawac dhinacyadii dagaalamay, iyo weliba dad shacab ah oo xabadihii la isku ridayay ay ku haleeleen meelo kala duwan.”

Waxaa magaalada Doolow ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, oo markii hore halkaasi u tagay si uu u dhagaysto maxkamadaha labada kiis.

Ninkan ay xiisaddu ka dhalatay ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalka baaritaanka waday markii uu dhimanayey la-tuhunsane rayid ah oo loo heystay kiiska Taliyihii ururka 28-aad ee ciidanka xoogga dalka Maxamed Aweys oo 18-kii bishaan magaalada Beled-Xaawo qarax lagu dilay.

Waxaa la sheegay inay socdeen dadaal la doonayey in sarkaalkaas loogu soo wareejiyo Muqdisho isla maanta, hase yeeshee ay maleeshiyaad soo weerareen garoonka, kadib markii ay ka war heleen arrintaas.

Maleeshiyaadka ayaa ka soo horjeeda in sarkaalka loo soo wareejiyo Muqdisho, waxaana la sheegay inay rabaan in maxkamadeyntiisa ka dhacdo Doolow, islamarkaana loogu xukumo dil toogasho ah.

Xaaladda guud ee magaalada Doolow ayaa hadda degan, inkasta oo lasoo warinayo in xiisadda ay ka taagan tahay garoonka diyaaradaha ee degmada oo ay weli isku horfadhiyaan labada dhinac ee dagaalamay.

Puntland oo war kasoo saartay sheegashadii Somaliland iyo dagaalka Laascaanood

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray dagaalka ka socda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoostaga, kaasi oo maamulka uu sheegay in uusan qeyb ka aheyd.

“Waxaan cadaynaynaa in aan dowladda Puntland dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.

Eedeynta Somaliland ay maanta markale Puntlnad kula xiriiray dagaalka socda ayaa waxa uu maamulka ku sheegay “in aysan ka duwaneyn kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo.”

Puntland ayaa waxay Somaliland ugu baaqday in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo deegaanada gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay.

“Dagaalka maalintii 22-aad sida tooska ah uga socda magaalada Laascaanood iyo deegaanada hoos yimaada wuxuu u dhaxeeyaa dadka deegaanka oo u dagaalamaya naftooda, sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo dhinaca kale, ciidamada Somaliland oo qori caaraddiis iyo khasab raba in ay ku meel mariyaan mashruucooda gooni-goosadka ah.”

Dagaalka ka socda Laascaanood ayay waxa uu maamulka Puntland ku macneeyay dagaal gardarro ah oo keenay xasuuq shacab, Barakac baahsan iyo burbur baaxad leh oo aan horay noociisa loo arag.

“Dagaalkaani waa kacdoon shacab oo ka dhashay dilal qorshaysan, caburin iyo xad-gudubyo baahsan oo loo gaysanayey dadka Gobolka Sool 15-kii sano ee ugu dambeeyey,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland.

Maamulka ayaa ugu dambeyntiina garab istaag u muujiyey Isimida SSC ee ku sugan magaalada Laascaanood, oo ay sheegeen inay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan rabitoonkooda iyo maskiirkooda bulsho iyaga oo nabad ah oo aan xabad dhafoorka looga hayn.

Kiiska Cabdalla Muumin oo gaaray Golaha Shacabka – Maxaa dhacay maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo Wariye Cabdalla Muumin.

Cabdalle Muumin oo ah xoghayaha ururka Suxufiyiinta SJS ayaa la sheegay in uu xiran yahay kiis dacwadeed ay kusoo oogtay wasaaradda warfaafinta, ayada oo kal hore lasii daayay, haddana maalmo ka hor laga soo xiray hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xildhibaanadan oo tiradoodu dhan tahay 26 Mudane ayaa ku dooday in Cabdalla Muumin si sharci darro ah loogu xad-gudbay xoriyadiisa, iyaga oo dalbaday in si deg deg ah dib loogu soo celiyo xoriyadiisa.

Xildhibaanada Golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta 26 Mudane, ayada oo ajandaha kulankii maanta lagu daray mooshinkan ka dhanka ah xariga Cabdalla Muumin.

Intaas kadib mooshinka ayaa u gudbay guddiga warfaafinta iyo isgaarsiinta Golaha Shacabka, kaasi oo ka dhigaya qaraar kasoo baxay golaha, wuxuuna guddiga baari sheegay mooshinka.

Xildhibaan Jeesow oo kamid ah xildhibaanada Mooshinkaan ku saxiixan ayaa waxa uu sheegay in sharci darrada loo maray xariga Cabdalla Muumin ay dhaawac ku tahay dowladnimada Soomaaliya iyo hoggaankeeda.

“Sharci darada loo maray xariga dambe ee Cabdalla Muumin waxay dhaawac ku tahay dowladnimada, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ha iska ilaaliyaan dadka fashilinaayo dowladda ay madaxda ka yihiin,” ayuu yiri.

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa laba maalmood kahor ku eedeysay hay’adda NISA inay si bareer ah u xirtay dadka ay u arkaan in ay ka soo horjeedaan iyo weriyeyaasha, kaasi oo ay sheegtay inuu ugu dambeeyay u doodaha xuquuqda saxaafadda Cabdalle Axmed Muumin.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate (SJS) Cabdalla Axmed Muumin ayaa maalintii Khamiista waxaa mar kale xiray ciidamada dowladda Soomaaliya.

Qareenkiisa Cabdiraxman Xassan, oo goobjoog ahaa xilliga la xirayay Cabdalla Muumin, ayaa sheegay in markii hore ay u yimaadeen gaashaanle ka tirsan booliska Soomaaliya iyo nin dhar cad oo u sheegay Cabdalla Muumin inuu xiranyahay, xilligaasi oo uu ku sugnaa Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Magacyada Xildhibaanada saxiixay mooshinkan, ayaa waxay kala yihiin;

1. Xilldhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamaadiid
2. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow
3. Xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin
4. Xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan
5. Xildhibaan Nasra Saalax Cabdi
6. Xildhibaan Duniya Cismaan Yuusuf
7. Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif
8. Xildhibaan Maxamed Muxumed
9. Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamuud Daqare
10. Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir
11. Xildhibaan Cali Xasan
12. Xildhibaan Nasra Mahdi Caraale
13. Xildhibaan Yuusuf Maxamed Ismaaciil
14. Xildhibaan Dr Saciid Maxamed Cali
15. Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed
16. Xildhibaan Aadan Maxamed
17. Xildhibaan Maxamed Cali Cumar
18. Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar
19. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimu
20. Xildhibaan Faarah Cabdi Diini
21. Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.
22. Xildhibaan Sahuur Xaaji Culusow
23. Xildhibaan Xirsi Aadan Rooble
24. Xildhibaan Cabdisamad Macalin Xasan
25. Xildhibaan Maxamed Shekh Nuur
26. Xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise

Somaliland oo shaacisay dhinac kale oo qeyb ka ahaa dagaalkii maanta dhacay

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay dagaalkii maanta dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo ka dhacay deegaanka Diyaaradda oo 20 KM dhanka bari uga beegan magaaladaasi.

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii maanta ay qeyb ka ahaayeen maamulka Puntland iyo kooxo uu ku sheegay argagixiso.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Somaliland ay dharbaaxo kulul ku dhufteen ciidamadii weerarka ku soo qaaday, islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay dagaalka ka socda bariga Laascaanood.

“Haddaba Maamulka Puntland ee Soomaaliya oo ay is-garabsanayaan Kooxaha nabad-diidka iyo argagixisada waxa ay saaka weerar ku soo qaadeen fadhiisamada Ciidamada Qaranka  ee jooga jiidda hore ku sugan ee  Gobolka Sool” ayuu yiri wasiir Caateeye.

“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxay kaga jawaabeen gardarada iyo weerarka Maamulka Puntland dhirbaaxo aanay mahadin, masuuliyada weerarka waxa qaadi doonta maamulka Puntland-Soomaaliya.”

Beesha caalamka iyo dalalka deriska ayay sidoo kale xukuumadda Somaliland ku wargelisay in dowlad-goboleedka Puntland uu gacan siinayo kooxo ay ku sheegeen inay yihiin argagixiso.

“Waxaanu u sheegaynaa Beesha Caalamka iyo wadamada Jaarka ah in Maamulka Puntland ay gacan siinayaan kooxo argagixiso ah oo doonaya in ay isku fidiyaan guud ahaan Mandaqada Geeska Afrika”.

Dagaalka saaka ayaa yimid kadib markii ciidamada Somaliland ay faarujiyeen saldhigyo dhowr ah oo ay ku lahaayeen magaalada Laascaanood iyo aaggaga Tukaraq, islamarkaana ay fariisin cusub ka sameysteen deegaanka Diyaaradda.

Si kastaba, Xaaladda Laascaanood ayaa faraha kasii baxaysa, waxaana dagaalka uu galay todobadkii afaraad, kaasi oo sababay dhimashada dad ka badan 150 qof iyo dhaawaca 500 oo kale.