27.1 C
Mogadishu
Saturday, May 9, 2026

Xaalka magaalada Muqdisho oo faraha kasii baxaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qori saban ah iyo mid dhashiike ah in la isku garaaco bartamaha Isgoyska shacabka badan ee Siinaay ee magaalada Muqdisho laguma qeexi karo isku dhac ciidan ee waa u bareerida xasuuq shacab ayay leeyihiin dadweynaha.

Geerida ku dhawaad sideeda ruux ayaa halkaas laga soo wariyay. Weli waxaa taagan dooda ah dhiig baxa Muqdisho yaa masuul ka ah.

Doraad laba dhalinyaro ah ayaa lagu dilay xaafada Taleex ee degmada Hodan. Shalay wiil bajaajle ah ayaa lagu toogtay agagaarka isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay toogteen ciidan dowladeed oo galbinayay qof madax ah.

Magaalada sidan u dhiig-baxeysa ayaa bixisa canshuurta ugu badan ee ay ku shaqeyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Muqdisho shacab ahaan weli ma bareerin, tacadiyadu waa sii socdaa. Waxgaradkii iyo aqoon-yahankii indhaha ayay ka eeganayaan dhibaatada, qaarna dano aan badneyn oo ay dowladda ku qabaan ayaa ka indha tiray dhiig-baxa caasimada.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa farriin nuxur beel ah oo dadka sii rejo tirtay waxa uu kaga jawaabay dhacdadii habeen hore ee isgoyska Siinaay ee shacabka lagu laayay.

Iyada oo dilalka iyo dhibaatooyinka ka socda magaalada Muqdisho ay xoogeysteen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaa dibad-bax dhigay dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta.

Inkasta oo mudaharaadkooda caro ku yimid, haddana sadex arrimood ayay siyaabo kala duwan usoo hadal qaadeen intii uu banaanbaxa socday.

Mid waa sababta ay canshuurta u bixiyaan haddii aanay nabad ku mari karin waddooyinka magaalada Muqdisho. Midna waa sababta loo dili la’yahay kuwa dila bajaajlayaasha.

Midda saddexaadna waxay aheyd weydiin la xiriirta dalka ma ka tagtaan mise inaga ayaa hubka qaadana oo is-difaacna.

Xildhibaan ka tirsan BF oo si yaab leh u qeexay qofka Soomaali noqonaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Haaruun Cabdullaahi oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa soo saaray qormo kooban oo ciwaan uu kaga dhigay “Qof kasto oo Soomaali ah, ma ahan muwaadin dalkaan u dhashay.”

Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ka soo jeeda deegaanada Somaliland, hadalkiisaan ayaa daba socda hindise sharciyeedka ‘Aqoonsiga iyo diiwaan-gelinta dadweynaha’ oo xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyeen.

Xildhibaan Haaruun ayaa qaba in qof kasta oo Soomaali ah uusan aheyn muwaadin, isagoo sababeynaya doodiisa, waxaa xusid mudan in xildhibaankaan uu ka soo jeedo Somaliland oo sheegata inay ka go’day Soomaaliya.

“Golaha Shacabka ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo diiwangalinta dadwaynaha, waxaa wali dhiman xeerka jinsiyadda oo isna aad muhiim ugu ah dalkaan Soomaaliya, waxaan aaminsanahay in aan qof kasta oo Soomaali ah uusan ahayn muwaadin dalkaan u dhashay, Soomaali waa la wada yahay dalkaan-se waa la kala leeyahay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Haaruun.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya aysan sii ahaan karin dan-guud oo Soomaali oo dhan ka wada dhaxeysa, maadaama qadiyadda Soomaaliweyn aysan hadda suurtagal aheyn.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa ku doodaya in dadka Soomaaliyeed ee ku maqan wadamada deriska la ah Soomaaliya aan loo aqoonsaneyn dad la gumeysto oo xoog lagu heysto.

“Qadiyada shanta Soomaaliyeed xiligan maaha mid nool oo suurtogal ah, Soomaalida ku nool dalalka dariska nala ah, uma aqoonsanin kuwo gumaysi ku hoos jira ee waxaan u aqoonsanahay muwaadiniin wadamadooda ku nool oo wax la leh,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed.

Maxamed Haaruun oo ku fadhiya kursiga HOP208 ayaa ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda gobollada waqooyi oo maamulka Somaliland uu 30 sano ka hor ku dhawaaqay in laga jaray Soomaaliya oo dal madax-banaan ay yihiin.

Mareykanka oo xog cusub ka bixiyay hub iyo saanad ciidan oo uu kasoo dejiyay Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareynkanka ayaa Talaadadii hub iyo saanad ciidan ku wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya, taasi oo loogu tala-galay ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Kumaandooska Danab.

Deeqdan dhanka millateri ee Mareykanka ayaa ka koobneyda lixdan iyo kow tan oo AK-47 ah, qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo rasaas. Waxaa magaalada Muqdisho kasoo dejiyay laba diyaaradood oo ah nooca C-17 ee ciidamada Cirka Mareykanka ee fadhigoodu yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sii-hayaha safaaradda Mareykanka ee Muqdisho Tim Trinkle oo hubka iyo saanada ciidan ku wareejiyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa waxa uu shaaciyay in deeqdan ay ka dhigan mudnaanta sare ee iskaashiga Mareykanka iyo Soomaaliya.

“Aad ayaa ugu han-weynahay in aan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo sahcabka Soomaaliyeed ku garab istaagno dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. Saanadan waxaa la siin doona ciidamada Danab oo kamid ah xoogagga geesiyaasha ah ee dagaalka kula jira Al-Shabaab,” ayuu yiri Safiir ku-xigeenka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Tim Trinkle.

Hubka iyo agabka kale ee millateri ee Mareykanka uu soo gaarsiiyay Soomaaliya ayaa ah mid calaamadeysan oo la diiwaan-geliyay, iyada oo la raacayo siyaasadda dowladda federaalka Soomaaliye ee maareynta hubka iyo rasaata.

Arrintan ayaa looga dan leeyahay in lagu xisaabtamo, islamarkaana lagu xakameeyo hubka ku dhex jira ciidamada iyo hubka kale ee lagu qabto furimaha dagaalka, maadaama ay jiraan tuhuno ku qotoma qaabka uu hubka u gaaro kooxda dagaalka lagula jira.

Sidoo kale, Golaha Amaanka ee QM ayaa la siiyay ogeysiis gaar ah oo la xiriira arrintaan, iyada oo lasii marayo xafiiska iskaashiga amniga ee safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, kaasi oo korjoogteyn ku leh sugida hubka.

Deeqdan millateri ee Mareykanka uu ku wareejiyay dowladda federaalka ayaa waxaa loogu tala-galay dardar-gelinta howl-galada dagaal ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo socda qeybo badan oo dalka ah.

Horraantii sanadkan ayay aheyd markii uu sidan oo kale Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u soo gaarsiiyay hub ay ugu tala-galeen isla ciidanka Danab, oo iyagu kaalin muhiim ah ka qaatay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda dalka.

Finland takes a major step toward NATO membership

HELSINKI, Finland (Caasimada Online) – Finland’s parliament has taken a significant step toward joining the North Atlantic Treaty Organization (NATO) with a resounding approval of its accession on Wednesday. 

Hungary’s ruling party has also announced its support for the move to be ratified.

The legislation was passed by a vote of 184 to seven, affirming Finland’s acceptance of the terms of the NATO treaty. 

Though Finland will need ratification from all 30 of NATO’s member states, the approval puts it on track to join the alliance before neighboring Sweden.

Finnish lawmakers have been pushing for the legislation to be passed before the country’s general elections on April 2 to avoid political uncertainty. 

However, passing the bill does not guarantee Finland’s automatic entry into NATO.

The government’s chancellor of justice, Tuomas Poysti, has explained that the president can wait for a maximum of three months to sign the bill once it is approved by parliament. 

President Sauli Niinisto has indicated his intention to sign the law “as soon as Parliament approves it” but added that he is open to practical considerations that could delay the process.

Turkey has also announced that it will resume negotiations with Finland and Sweden on March 9. 

Sweden had dropped out of the talks after a row over protests in Stockholm, including burning the Koran in front of Turkey’s embassy. 

Both Finland and Sweden abandoned their longstanding policies of military non-alignment. They applied to join NATO last May in response to Moscow’s invasion of Ukraine.

What’s next for Finland’s NATO accession?

Even if Finland secures the required ratifications, its NATO membership could be challenged by neighboring Russia, which has already expressed its opposition to the move.

Finland has a 1,300-kilometer (800-mile) border with Russia and a history of neutrality during the Cold War.

However, the 2022 Russian invasion of Ukraine has changed the security landscape in Northern Europe, prompting Finland to reconsider its defense posture. 

In recent years, Finland has increased military cooperation with NATO, participated in joint exercises, and hosted military drills.

Sweden, also preparing for possible NATO membership, has supported Finland’s accession. 

The Finnish government sees NATO membership to secure its defense and strengthen its position in Europe. 

Joining NATO would also give Finland access to the alliance’s collective defense system, intelligence sharing, and defense-planning capabilities.

Finland: A history of neutrality

Finland’s long history of neutrality and non-alignment dates back to the Cold War. During that period, Finland pursued an “active neutrality” policy. 

It did not align with any military alliances, such as NATO or the Warsaw Pact.

Following the collapse of the Soviet Union, Finland’s security policy shifted towards a more cooperative approach with the West.

In 1994, Finland joined the Partnership for Peace program, which allowed it to participate in NATO-led peacekeeping operations and military exercises.

In recent years, Finland has become increasingly concerned about Russia’s military activities in the Baltic Sea region, particularly after the invasion of Ukraine in 2022. 

The country has increased defense spending, modernized its armed forces, and deepened military cooperation with NATO and other Western countries.

In May 2022, Finland and Sweden applied to join NATO, marking a significant shift in their security policy.

However, joining the alliance is a complex and politically sensitive process that requires ratification from all 30 NATO member states.

The question of whether or not Finland will join NATO remains a subject of debate and speculation. 

Some experts believe it would be in Finland’s best interests to remain outside the alliance. In contrast, others argue that NATO membership is necessary to guarantee the country’s security and stability in the long run. 

The parliamentary approval of Finland’s accession to NATO is a significant step towards resolving this debate and shaping the country’s future security policy.

Taliska booliska iyo maamulka gobolka oo tallaabo qaaday kadib dilalkii carada dhaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Generaal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale oo si wada-jir ah warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaa caasimada.

Dilalka ay geysanayaan askarta ka tirsan ciidamada dowladda federaalka ayaa maalmihii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho, taasi oo ay ugu dambeysay dil uu shalay askari ka tirsan dowladda uu ka geystay Isgoyska Jubba, kaasi oo uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Generaal Sulub iyo guddoomiye Madaale ayaa sheegay in cadaallada la horgeyn doono askartii dilalka u geystay wadayaasha Mooto Bajaajta, ee caasimada dalka sida bareerka ah ugu dilay shacabka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa uu shaaciyay inay wadaan qorshe wax looga qabanayo arrintaan, islamarkaana ay isbadal weyn ku sameyn doonaan ciidamada ka howl-galayaa gudaha magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Waxa uu intaas ku daray in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay wax ka bedeleen qaabkii ay ciidamada uga hawlgalayaan goobahaasi, islamarkaana ay barrahaasi u kordhiyeen saraakiil waaya-arag ah, si ay u korjoogteeyaan buu yiri ciidanka jooga goobahaasi ee amniga sugaya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa isaguna sheegay in aan loo dulqaadan karin cabashada shacabka ee taagan maalin kasta, wuxuuna uga digay ciidamada dowladda dilalka noocaan ah.

“Ciidanka waxaan leeyahay haku deg-degin inaad wax dishaan, uma dulqaadan karno cabshada shacab ee maalin kasta taagan, kuwii dhibka geystay maxkamad ayaa soo saari doonaa.”

Shalay ayey aheyd markii uu askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya uu darawal Mooto Bajaaj ku dilay Isgoyska Jubba ee degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Goobta uu dilkan ka dhacay ayaa waxa ka dhacay banaanbax xooggan oo ay dhigayeen qaar kamid ah dhallinyarada ku shaqeesata Mootada, oo ka gadoodsana dilka loo gyestay darawal kamid ah.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ay u geysanayan darawalada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibane u noqday askarta dowlada.

Cabsi weyn oo lasoo daristay kooxaha Muqdisho + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u dambeeyay cabsi xoogan ay lasoo daristay kooxaha magaalada Muqdisho ku iibiya maandooriyaha iyo ciyaal-weerada oo iyagu dil iyo dhac ka geysta magaalada.

Arrintan ayaa imaneysa maalmo kadib markii kooxda Al-Shabaab ay beesgi ku billowday kooxahaan oo muddooyinkii dambe dhibaato xoogan ku hayay shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa afartii habeen ee lasoo dhaafay sheegtay inay duleedka iyo gudaha magaalada Muqdisho ku dishay rag ay sheegeen inay ka ganacsanayeen daroogada noocyadeeda kala duwan, oo uu ku jiray mid kamid ah ganacsatada ugu waaweyn ee dhalinta Muqdisho ka gadi jirtay daroogada.

Dilalka ugu badan ayaa dhacay saacadihii lasoo dhaafay, waxayna kooxda Al-Shabaab sheegatay in kooxo ciyaal weero ah ay ku soo afjartay degmooyin ay ugu horeeyaan Yaaqshiid iyo Heliwaa, ugu yaraan 7 qof oo Shabaab ay ku sheegeen ciyaal weero iyo cabtoy ayaa la dilay xalay.

Ragga la dilay ayaa qaarkood waxay kooxdu ku beegsatay goobaha ay ku iibinayeen maandooriyaha, taasi oo keentay in cabsi darteed loo xiro goobo ku yaalla magaalada oo qaarkood lagu iibin jiray maandooriyaha, halka kuwa qaarna la sheegay inay sameysteen ilaalo hubeysan.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaysa in waalidiinta dhalay qaar kamid ah hoggaamiyaasha kooxaha ciyaal-weerada ay haatan bilaabeen inay goobaha dhaqan-celinta geeyaan caruurtooda, halka qaar kalena la sheegay inay kala qaxeen xaafadihii lagu yaqaanay.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Afhayeenka howl-gallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab uu ku dhawaaqay in kooxda ay magaalada Muqdisho ka fulin doonto howl-gallo ay ku baacsaneyso kooxaha ciyaal weerada iyo kuwa ka ganacsada daroogada noocyadeeda kala duwan.

Waxa uu sheegay in arrintaan ay daba socoto kadib cabashooyin badan oo uu sheegay in dadka Muqdisho u gudbiyeen kooxda, kuwaasi oo la xiriira halista ay kooxahaasi ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Laba habeen ka hor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ah oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, halka ugu yaraan laba kale lagu dhaawacay halkaas, waxayna kooxdu sheegtay in dhalinyaradaasi ay iibanayeen maandooriye.

Waxaa kasi horreeyay dil kale oo ay Al-Shabaabka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab.

Si kastaba, arrimahaan ayaa kusoo aadaya xilli ay kooxaha ciyaal-weerada markale kusoo laba kacleeyeen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo dhibaato xoog leh ku hayay shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

DF oo qaaday tallaabo ka dhan ah qareenka matalaya musharaxiintii kursiga HOP086

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shan ka mid ah musharaxiintii u tartameysay kursiga HOP086 oo horay Fahad Yaasiin loogu diiday ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku eedeynayaa xafiisyada xeer ilaalinta iyo maxkamadda sare ee dalka, kadib markii ay soca weysay dacwad ka dhan ah doorashadii kursigaas.

Musharaxiintaan ayaa sheegay in la xiray qareenkii ay qabsadeen, kaas oo ugu dambeyntii u cadeeyey in culeyska la saaray dartiis uu uga harayo kiiskaan, sidoo kale waxay sheegeen in amniga qareenkaas ay ka welwelayaan.

Musharaxiinta ku saxiixan bayaankaan waxay hoggaanka maxkamadda sare iyo xeer ilaaliyaha qaranka ku eedeeyeen inay hor istaageen xuquuqdoodii dastuuriga aheyd, isla markaana ay meesha u joogaan raali gelinta ragga haya talada dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxiinta oo dhameystiran:

Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo cid walba oo ay khuseyso arrimaha maalmahan ka taagnaa kursiga HOP086 la wadaagaynaa in qareenkii aan qabsannay shalay subaxii loo kaxeeyay Xafiiska Xeer Ilaalinta, iyadoo uusan jirin amar maxkamadeed.

Qareenka oo aroortii hore u tagay Maxkamadda, si uu u xareeyo dacwadda aan u wakiilannay ayay ciidamo ka tirsan Asluubta si khasab ah ugala baxeen gudaha Maxkamadda, waxayna Xeer Ilaalintu sii daysay kadib dhawr saacadood oo su’aalo la waydiinayay.

Qareenku isaga oo tixgalinaya duruufaha ku xeeran kiiskan wuxuu noo caddeeyay in sababo isaga u gaar ah awgood uu kaga laabanayo difaacidda kiiskan, uuna dib noogu soo celiyay wakaaladdii uu naga qaaday.

Waxaan ka warhaynaa guuxa ka dhexjira Ururka Qareennada Soomaaliyeed ilaa shalay ee la xiriira kiiskan, innagoo ku boorrinayna inay difaacaan xadgudubka loo gaystay saaxiibkooda.

Waxay noola muuqataa in Maxkamaddii Sare iyo Xeer Ilaalintiiba ay noqdeen hay’ado aan u madax bannaanayn hawlaha garsoor ee loo igmaday, ayna ku shaqeynayaan rabitaanka iyo siyaasadaha kooxda haysa talada dalka, waxayna si bareer ah is hortaag ugu sameeyeen xuquuqaheenna dastuuriga ah.

Waxaan u mahadcelinaynaa cid kasta oo noo muujisay garab istaag, annaga oo ka dalbanayna hay’adaha amniga inay masuuliyad gaar ah iska saaraan badqabka qareenka oo aan walwal ka qabno.

  1. Khaalid Muxumed Maxamuud (Gaabane)
  2. Dr. Cabdicasiis Maxamed Cabdullaahi (Mataan)
  3. Dr. Cumar Faaruuq Sheekh Cabdulcasiis
  4. Maxamuud Cabdiraxmaan Macallin
  5. Cabdinuur Maxamed Axmed

Booliska oo iska fogeeyey ninkii galabta Muqdisho ku dilay darawalka ee baxsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War ka soo baxay Taliska Boliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkii galabta dilay darawalka Mooto Bajaajta uusan ka tirsaneyn booliska, isla markaana uu baxsaday.

Taliska ayaa shaaciyey in baaris hordhac ah lagu ogaaday in ninka dilka geystay iyo mid la socday oo ciidanka aan ka tirsaneyn ay wateen qori AK47 ah.

“Galabta abaara 04:00pm Dableey Hubeysan oo ka koobnaa labo nin oo Mid kamid ah watay Qoriga AK47 ayaa wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Dhalinyarada ku shaqeysta Gaadiidka Mooto Bajaajta ku dilay agagaarka Isgoyska Jubba ee degmada Shangaani,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Booliska gobolka ayaa sidoo kale cadeeyey in raggii dilkaas geystay ay goobta isaga carareen, isla markaana uu socdo dabagal la doonayo in lagu soo qabto.

“Ciidanka Booliska oo baaritaan hordhac ah sameeyay ayaana ogaaday in eedeysanaha falka geystay iyo midka la socday labadu aysan askar dowladeed aheyn, ragga ayaana goobta ka baxsaday, waxaana socda dabagal lagu hayo, dhawaan ayaana bulshada la wadaagi doonaa waxa kasoo kordha,” ayaa lagu yiri qoraalka booliska.

Dilka galabta loo geystay darawalka ayaa cirka ku sii shareeray caro xoog leh oo horay uga taagneyd dilal badan oo saacadii lasoo dhaafay ay ciidamada dowladdu ka geysteen Muqdisho.

Si gaar ah dilka wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ayaa aad ugu badan Muqdisho, waxaana shalay iyo maanta qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhacay dilal iyo dibadbaxyo looga soo hor jeedo dilalka shacabka.

Intii uusan dilkaasi dhicin galabta, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale oo si wadajir ah warbaahinta kula hadlay ayaa si adag uga hadlay dilalka ay ciidamada dowladda ka geysanayaa caasimadda Muqdisho.

“Waxaan ka shaqeyn doonaa ciidankii dhibka gaystay inaan maxkamada geyno waliba si toos ah shacabka Soomaaliyeed u daawadaan, goobaha ciidamada ay ka shaqeynayaan wax weyn ayaan ka badali doonaa, waxaana geyn doonaa saraakiil waa weyn oo qibrad u leh shaqada,” ayuu maanta yiri Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa isisoo tarayey hadalheynta iyo tuhunka la xariira cidda ka dambeysa dilka joogtada noqday ee loo geysto wadayaasha mooto Bajaaj-ta, banaanbaxyo ka dhashay dilkii ugu dambeeyey ee galabta isgoyska Jubba ka dhacay ayuu dhigay shacab careysan.

Sawirro: XASAN oo qorshe culus ka billaabaya Jubaland kadib heshiiskii Baydhaba

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, masuuliyiin ka tirsan maamulka iyo boqolaal ka mid ah shacabaka magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Xasan ayaa halkaasi ka billaabi doona qorshaha Jubbaland heshiis ah, xilli ay muddooyinkii dambe uu maamulkaasi ka taagna xiisadda xoogan oo la xiriirta gobolka Gedo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in madaxweynaha inta uu ku sugan yahay Kismaayo uu ka shaqeynayaa xaqiijinta Jubbaland heshiis ah, fidinta gogol mideysa dadka deegaanka iyo dhagaysiga talooyinkooda ku aaddan dowlad dhiska Soomaaliya iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale u kuur-gali doona xaaladda deegaannada Jubbaland, isaga oo mudnaan gaar ah siinaya dardar-gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro deegaannad ay kaga sugan yihiin maamulkaasi.

Xasan Sheekh ayaa dadaal badan gelin doona sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii, sida ay Caasimada Online u sheegeen xubno kamid ah wafidgiisa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, taasi oo heshiis looga gaaray xiisadii siyaasadeed ee dagaalka ka riday magaalada Baydhaba, midaasi oo u dhaxeysay madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee maamulkaasi.

Si kastaba, Xasan ayaa xilligaan xoogga saaraya in la dhameeyo khilaafaadka iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan maamulada dalka, si looga dhabeeyo qorshihiisa dib u xoreynta dalka, islamarkaana loogu wada midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title

Mucaaradka Somaliland oo sheegay in dagaalka Laascaanood ‘ay wadaan xulufadii’ Siyaad Barre

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland oo ka hadlay dagaalka Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegay in ay wadaan xulufo ay sheegeen inay la fikir yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in markii hore kacdoonka reer Laascaanood ee isku badalay gacan ka hadalka uu ku yimid hoggaan xumada Muuse Biixi ee Somaliland.

Faysal ayaa dagaalka socda ku tilmaamay mid looga soo horjooda jiritaanka Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya, balse aan helin aqoonsi caalami ah in ka badan 30 sanno.

“Qalalaasihii ka dhashay arxan darradii Muuse Biixi ee ka dhan ka ahayd dadkii rayidka ahaa ee bannaan baxayey waxa ay isu beddeshey dagaal xaaraan ah oo looga soo horjeedo jiritaanka Somaliland oo ay wadaan xulufadii keligii taliyihii Siyaad Barre,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid ayaa ku baaqay in reer Somaliland ay u midoobaan sidii Somaliland looga bad-baadin lahaa wax uu ugu yeeray “wuxuush qaranka dumineysa”.

“Waa in aan u midownaa sidii Somaliland uga badbaadin lahayn wuxuushta isa soo baahaystay ee duulaanka ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Somaliland ayaa hore dhowr jeer dagaalka Laascaanood ka socda ugu eedeysay dhinacyo kala duwan oo ay kamid yihiin dowladda federaalka, maamulka Puntland iyo kooxo ay ku sheegtay argagixiso.

Isimida SSC ee ku sugan Laascaanood ayaa dhankooda beeniyay sheegashooyinka Somaliland, iyaga oo sheegay in shacabka reer Sool oo kaliya ay dagaalka ku jiraan Somaliland.

Xiisadda Somaliland iyo dadka ree SSC ayaa kasii dartay kadib markii Isimida SSC ay caddeeyeen inay kasoo horjeedeen kala goynta Soomaaliya iyo mashruuca Somaliland ee gooni isu-taagga, islamarkaana ay sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka.

Somalia: United States steps up military assistance

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The United States has stepped up its military aid to Somalia as the country experiences progress in its fight against what the US calls “the largest and most deadly al-Qaida network in the world.”

In a statement, the US announced that 61 tons of weapons and ammunition had arrived in Mogadishu as part of its support for the Somalia-led military campaign against al-Shabab extremists.

The campaign has recaptured dozens of communities since August. It has been dubbed a “total war” by Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud.

Who is Al-Shabab in Somalia?

Al-Shabab is an Islamist extremist group that seeks to establish a fundamentalist Islamic state in Somalia. The group has been active in the country since 2006.

It has been responsible for numerous terrorist attacks, including the 2013 Westgate shopping mall attack in Nairobi, Kenya, which killed 67 people.

Al-Shabab has also been involved in piracy and smuggling weapons and people across the Horn of Africa. Somalia has been in conflict for decades, with various factions vying for control of the country.

Successful military campaign against al-Shabab

Local communities and militias initiated the current military offensive against al-Shabab, pushed to the brink by the extremist group’s taxation policies, and exacerbated by the country’s worst drought on record.

The Somali government quickly lent its support to the campaign, which has seen the neighboring countries of Ethiopia, Kenya, and Djibouti agreeing to a joint “search and destroy” mission against al-Shabab.

US provides support to Somalia-led campaign

The US has an estimated 450 military personnel in Somalia after President Joe Biden reversed his predecessor Donald Trump’s decision to withdraw US forces.

The US supports the Somali forces and a multinational African Union force with drone strikes, intelligence, and training.

In a joint statement with other leading security partners, Qatar, Turkey, the United Arab Emirates, and Britain, the US expressed its commitment to support Somalia’s efforts to manage weapons and ammunition, which could lead to the lifting of the United Nations Security

“Partners agreed on the importance of ensuring timely delivery of stabilization assistance to newly liberated areas. They committed to support Somalia’s efforts to meet the benchmarks on weapons and ammunition management to enable the UN Security Council to fully lift the arms controls on the Federal Government of Somalia,” the countries have said in a statement.

Efforts to shed Somalia’s history as a failed state

Somalia has been recovering from decades of conflict. The federal government is eager to attract investment and shed the country’s history as a failed state.

Under President Hassan Sheikh Mohamud, the government is cracking down on al-Shabab’s financial network and encouraging religious authorities to reject the extremist group’s propaganda.

The government has also enlisted a former deputy al-Shabab leader as the country’s current minister for religious affairs.

The increased support for the Somalia-led military campaign comes as the African Union force is set to withdraw from the country and hand over security responsibilities to Somalia by the end of 2024.

The US and its partners’ increased assistance will help bolster Somalia’s efforts to defeat al-Shabab and create a stable and secure environment for the country’s future development.

Ciidamada dowladda oo dil kale ka geystay Muqdisho iyo xaalad kacsan oo taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd darawal Mooto Bajaaj ku dilay magaalada Muqdisho.

Dilkan oo ka dhacay Isgoyska Jubba oo ka tirsan degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa waxaa la sheegaya in askarta dilka u geysatay ay kaxeysteen Mootadii uu watay marxuumka.

Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxa hadda ka socda banaanbax xooggan oo ay dhigayaan qaar kamid ah dhallinyarada ku shaqeesata Mootada, oo ka gadoodsan dilka oo gyestay darawal kamid ah.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dadka dhigaya banaanbaxa oo careysan ay sheegay in aysan ka tageynin goobta illaa la keeno askariga dilka geystay.

Dilka maanta ayaa imanaya, iyada oo shalay un uu askari illaalo u ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu agagaarka Laamiyaraha Zoobe ku dilay wiil dhallinyaro ah, oo kamid ahaa dhallinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa kusoo badanayay dilalka ay askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka ay u geysanayan darawalada wada Mooto Bajaajta, kuwaasi oo dhibane u noqday askarta dowlada.

Maamulka gobolka Banaadir iyo taliska ciidanka Booliska ayaa inta badan sheega inay waxa ka qabanayaan dilalka soo noq-noqday ee ciidamada dowladda ka geysanayaan magalaada Muqdisho, haddana ma muuqato wax iska badalay arrintaan oo noqotay mid maalinle ah oo la nool yihiin dadka caasimada.

Ujeedka SHIRKA Muqdisho uga furmay Soomaaliya iyo beesha caalamka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa maanta furay shir looga hadlayo horumarinta Biyaha Soomaaliya.

Shirka oo ay ka soo qeyb-galeen madax ka socota hey’adaha dowladda iyo beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay hannaanka horumarinta Biyaha Soomaaliya.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa si gaar ah diirada lagu saaray sidii looga hortagi lahaa biyo yaraanta iyo in laga faa’iideysto roobabka, loona sameeyo dadka reer miyigia biyo xireenno keyd u noqda.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa tilmaamay in biyuhu ay yihiin laf dhabarta nolosha, bulshadeenuna baahi weyn u qabto.

Waxa uu sheegay in xukuumadda ay xoogga saareyso sidii xal waara loogu heli lahaa biyo yaraanta iyo gaajada ku soo laalaabta dadkeenna.

Sidoo kale waxa uu xusay in dowladdu wax ka qabaneyso xaaladda biyo la’aanta ka jirta goobaha dhowaan laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay burburiyeen illo-biyoodyadii ku yaalay deegaannadaasi.

Munaasabadda oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda biyaha iyo tamarta ayaa waxaa ka soo qeyb-galay wasaaradda beeraha dhirta iyo waraabka, wasaaradaha heer dowlad gobaleed, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay.

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title

Mareykanka iyo afar dal kale oo war culus kasoo saaray DAGAALKA Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wakiilada saaxiibada caalamka ee dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaarka Carabta oo ka hadlay dagaalka ka socda Laascaanood, ayaa dalbaday in dhinacyadu ay joojiyeen colaadda.

Wakiilo ka socday shantan dal oo kulan yeeshay ayaa sheegay inay aad uga walaacan xiisadda dagaal ee ka taaga magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasi oo dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur magaalada.

Waxay ugu baaqeen in labada dhinac ee isku haya halkaasi, ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC inay u hoggaansamaan xabad-joojin, si miiska wada-hadalka loogu xaliyo xiisadda taagan.

Sidoo kale waxay wakiilada ka socday Mareykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar iyo Imaarka Carabta ay muujiyeen taageerada dowladda federaalka ee dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo kobcinta awoodda dowladnimo.

“Waxay ka wada-hadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo u diyaar-garowga ka bixintaanka howl-galada Midowga Afrika ee Soomaaliya.”

Ugu dambeyntiina dalalka shanta ah ayaa isku raacay in la xoojiyo isku xirka kaalmada amniga caalamiga ah iyo gargaar gaarsiinta deegaannada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ka socda magaalada Laascaanood oo galay maalintii 24-aad oo xiriir ah ayaa maalmihii dambe sii xoogeystay, wuxuuna ku fiday goobo horleh oo ka baxsan magaaladaasi.

Labada dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood ayaa dhowr jeer loogu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, iyada oo Somaliland ay laftigeedu ku dhawaaqday xabad-joojin, haddana majiro wax ka dhaqan-galay, waxaana sii socda dagaalka.

Golaha Shacabka oo ansixiyay laba sharci oo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa lagu ansixiyay laba hindise-sharci oo muhiim ah, kuwaasi oo maalmihii dambe uu golaha si weyn uga doodayay.

Kulanka oo ay soo xaadireen 147 Xildhibaan ayaa waxa lagu ansixiyay hindise-sharciyeedka Dhowrista Maal-gashadayaasha iyo Maalgashiga, waxaana sharcigaan u codeeyay 145 xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa ka aamustay, mana jirin wax diiday.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta Dadweynaha, waxaana sharcigaan u codeeyay 146 Xildhibaan, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, sidoo kale wax diiday ma jirin.

Ajendaha kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta hindise sharciyeedka dhowrista maal-gashadayaasha iyo maalgashiga iyo marsiinta akhrinta 3-aad, u codeynta hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan-galinta dadweynaha.

Sidoo kale ajendaha maanta waxaa ku jirta qeybinta warbixinta akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada.

Ugu dambeyntii ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo shir guddoomineysay ayaa soo xirtay kulanka maanta, iyada oo sheegtay in ay ansax-yihiin labadaasi sharci.

Golaha Shacabka ayaa muddooyinkii dambe dardar ku waday sharciyada loo soo gudbiyay, inkasta oo guddoonka inta badan lagu eedeeyo in uu hab baalmarsan sharciga u maro socod-siinta sharciyada qaarkood.

Bishii hore ayay aheyd markii guddoonka Golaha Shacabka la sheegay in uu si sharci darro ah ku ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka golaha uu xilligaas sheegay in uu ansax-yahay.

Somalia: Drought ‘extremely critical’, no famine – UN

New York (Caasimada Online) – Food security experts have declared the situation in Somalia “extremely critical” for more than 6 million people who remain hungry amidst a historic drought. 

The UN and partner organizations released the latest assessment, which revealed “very high mortality rates” in the worst-affected populations. 

The quarter-million people are located in Somalia’s capital, Mogadishu, and the southwestern city of Baidoa. Officials have yet to provide further details regarding the report’s revelations. 

Although the report no longer projects famine for the worst-hit population between April and June, the assessment only slightly eases warnings of acute food insecurity. The Horn of Africa could face its sixth failed rainy season in a row.  

Some humanitarian and climate officials warn that trends are worse than the 2011 famine that killed a quarter-million people in Somalia. 

Crisis in Somalia further compounded 

Millions of livestock have died in the current crisis, compounded by climate change and insecurity. 

Somalia is battling thousands of fighters with al-Qaida’s East Africa affiliate, al-Shabab. The UN migration agency reports a record high of 3.8 million people displaced.

According to the latest food security assessment, nearly half-a-million children in Somalia are at risk of being severely malnourished this year. 

The review released in December predicted famine for people displaced to Mogadishu and Baidoa, along with rural communities in the Baidoa and Burhakaba districts.

People arrive at a displacement camp on the outskirts of Dollow, Somalia, on Wednesday, Sept. 21, 2022. Somalia is in the midst of the worst drought anyone there can remember. A rare famine declaration could be made within weeks. Climate change and fallout from the war in Ukraine are in part to blame. (AP Photo/Jerome Delay)

Slight alleviation of food insecurity in Somalia  

However, the new assessment provides a slightly better outlook, suggesting that more humanitarian aid and improved forecasts for the rainy season could alleviate food insecurity and acute malnutrition conditions, including better access to water.  

Nonetheless, the assessment warns that the situation still depends on the rainfall and whether aid can reach the most vulnerable populations. 

Understanding famine and its consequences

Famine refers to an extreme lack of food, a significant death rate resulting from outright starvation or malnutrition, and diseases like cholera.  

A formal declaration of famine is made when data shows that more than a fifth of households experience extreme food gaps, more than 30% of children are acutely malnourished, and over two people out of 10,000 die daily. 

Despite the report’s slight optimism, the situation in Somalia remains dire. As such, urgent intervention and support are necessary to prevent a devastating outcome.  

The UN and humanitarian organizations are providing aid. However, they must receive enough support to reach the most vulnerable populations in Somalia.

Daawo: Maxay yihiin labada arrin ee sababta u ah dilalka ka dhacaya Muqdisho?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa haatan faraha kasii baxaya, waxaana sii kordhaya dilalka ay shacabka u geysanayaan ciidamada ammaanka ee dowladda, kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa dilal siyaabo kala duwan uga dhaceen caasimada, gaar ahaan agagaarka Zoobe iyo isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Haddaba Maxay yihiin labada arrin ee sababta u ah dilalka ka dhacaya Muqdisho?

Guddoomiyaha Dallada Ururada Bulshada Rayidka ee SONSA Cismaan Macalin Muxuyadiin (Shaatax) oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa si adag uga hadlay amniga caasimada, waxaana uu cambaareeyay dhibaatada ay geysanayaan ciidamada dowladda.

Ugu horreyn Shaatax ayaa tacsi u diray ehellada dadkii kala duwan ee dhowaan lagu dilay magaalada Muqdisho, isaga oo kuwa dhaawaca ah u rajeeyey caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dilalkan ay yiiin kuwa lasoo qorsheeyay, isla-markaana ay ka dambeeyaan dad suurad xumeynayo amniga dalka.

“Runtii waxyaabaha dhacaayo ma’aha shilal iska dhacaayo ee waxay u muuqdaan kuwa qorsheysan oo laga dambeeyo,” ayuu yiri gudoomiye Shaatax.

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka ayaa laba arrimood uu sababeeyay dilalkaan, wuxuuna sheegay in uu jiro isla xisaabtan la’aan iyo aqoon darro heysato askarta.

“Ururada bulshada rayidka ah waxa ay u arkaan dhibaatooyinka ka dhacaya dalka, gaar ahaan magaallo madaxda inay sabab u tahay isla xisaabtan la’aan ka jirta dowladda dhexdeeda iyo ciidamada amniga oo oo aan laheyn aqoon ku filan,” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay mas’uuliyiinta dowladda federaalka inay wax ka qabtaan dhibaatooyinkan, ayna kasbadaan kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta dowladda inay la yimaadaan siyaasad kasban karta kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan dowladnimada, taas oo horseedi karta inuu dhaco isbeddal bulsho oo dhab ah,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay guddoomiye Shaatax.

Lix dal oo kulan ka dhacay Washington kasoo saaray go’aan ku saabsan Somalia

Washington (Caasimada Online) – Wakiilo ka socday dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa ku kulmay magaadal Washington DC, si ay uga wada-hadlaan ammaanka Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarka iyo ahmiyadaha gargaarka bani’aadannimo. 

Dalalkan ayaa taageero u muujiyey sida Soomaaliya ay diiradda u saareyso ka-hortagga argagixisada iyo tayeynta awoodaha dowladda.  

Waxay sidoo kale ka wada-hadleen sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah mintidiinta Al-Shabaab, iyo isu-diyaarinta ciidamada ATMIS oo la filayo in la dhimayo. 

Waxay isku raaceen in la xoojiyo isku xirka kaalmada amni ee caalamiga ah ee Soomaaliya, iyo muhiimadda ay leedahay xaqiijinta gargaar xasilin oo la gaarsiiyo deegaanda laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab. 

Waxay ballan qaadeen in ay taageeraan dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto in ay buuxiso halbeegyada maamulka hubka iyo rasaasta, si Golaha Ammaanka ee QM uu awood ugu yeesho in uu si buuxda u qaado xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya.

Dalalkan ayaa waxay dhiirigeliyaan, oo ay taageeraan geeddi-socodka Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya (NCC) ee horumarinta dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo in la ballaariyo doorarka iyo mas’uuliyadda heerarka dawladeed ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan dhammaystirka dastuurka.

Lixdan dal ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dagaalka ka socda magaalada Laascaanood, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay u hoggaansamaan xabad-joojinta, qaboojiyaan xiisadda, ogolaadaan gargaarka bani’addannimo, islamarkaana ay yeeshaan wada-hadallo nabadeed.

Waxay sidoo kale walaac ka muujiyeen xasaradaha bani’aadannimo ee weli ka jira Soomaaliya, oo ka dhashay abaartii ugu xumeyd ee abid ku dhufata Soomaaliya. 

Waxay soo dhaweeyeen taageerada jilayaasha caalamiga ah si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee dadka Soomaaliyeed, iyadoo sidoo kale la xoojinayo awoodda Soomaaliya u leedahay inay u adkaysato jahawareerka cimilada ee mustaqbalka.

Dalalka Qatar, Soomaaliya, Türkiye, Imaaraadka Carabta, UK, iyo Mareykanka ayaa isku raacay inay sii wadaan inay ka shaqeeyaan dhinacyadan, islamarkaana ay kulan kale ku yeeshaan magaalada Doha ee dalka Qatar, saddexda bil ee soo socota gudahood, si ay usii wadaan wada-hadallada, islamarkaana dib ugu eegaan horumarkii la sameeyey.

Daawo: Shabaab oo dilalkii ugu badnaa ka fulisay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorsheysan oo xalay siyaabo kala duwan uga kala dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Dilalkan oo ay fuliyeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah.

Weerarka koowaad oo lagu qaaday maqaaxi ku taalla xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 5 qof oo rag ah, kadib markii ay rasaas ku fureen rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo kadib goobta isaga baxsaday.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale tiro kale oo shacab ah oo ku shaaxayey goobta maqaaxida ah ay ku dhaawacmen falkaasi.

Sidoo kale koox kale oo hubeysnaa ayaa xaafadda Godey ee degmada Heliwaa xalay ku dilay laba nin, taas oo tirada dilaka xalay dhacay ka dhigeysa illaa todobo qof.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay rag ka tirsan ciyaal weerada iyo kuwa kale oo ka ganacsanayay maandooriyaha.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ka kala dhacay degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Habeen kahor ayey aheyd markii sidaan oo kale ay Shabaab u dileen laba dhalinyaro ahaa oo ku sugnaa mehrad ku taalla Fagax, waxayna sheegeen inay iibanayeen maandooriye.

Waxaa sidoo kale ka horreeyay dil kale oo ay ka fuliyeen deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, kaas oo loo geystay nin lagu magacaabi jiray Cabduqaadir Carab.

Al-Shabaab ayaa dhawaan ku dhawaaqday in Muqdisho ay ka bilaabeyso howlgal nooc cusub ah oo ay ku beegsaneyso ciyaal weerarada & ragga ka ganacsada maandooriyaha.

Xasan Sheekh oo gaaray KISMAAYO iyo ujeedka

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee dowlad-goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay madaxda maamulka Jubbaland iyo boqolaal kamid ah dadweynaha maagaladaasi.

Magaalada Kismaayo oo maanta amaankeeda aad loo adkeeyay, ayaa waxaa ciidamo dheeraad ah la dhigay bartamaha magaalada, gaar ahaan waddada ka timaada garoonka illaa qasriga madaxtooyada Jubbaland.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ujeedka safarka madaxweynaha ee Kismaayo ayaa la xiriira xalinta xiisadda gobolka Gedo iyo sidoo kale dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobollada Jubbooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh aya madaxtooyada Jubbaland kula shiri doona Axmed Madoobe, isaga oo kala hadli doono labadaas qodob, si xal loogu helo xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Wejiga labaad ee howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa wada-hadallada, si looga bilaabyo deegaanada maamulka Jubbaland.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqanayo Kismaayo, tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May ee sanadkii lasoo dhaafay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo horay madaxweynaha u booqday deegaanada la xoreeyay ee HirShabelle iyo Galmudug.