25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Muxuu Farmaajo ka yiri dib u doorashada MACRON?

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war kasoo saray doorashadii ka dhacday dalka Faransiiska ayaa hambalyo u diray madaxweyanaha dalkaas ee dib loo doortay Emmanuel Macron.

Farmaajo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku faraxsan yihiin doorashada ka dhacday Faransiiska iyo guusha uu ka gaaray Emmanuel Macron.

Sidoo kale Farmaajo ayaa xusay in Soomaaliya ay la shaqeyn doonto madaxweynaha dib loo doortay ee Faransiiska, isagoo guul u rajeeyey.

”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waa ay ku faraxsan yihiin in madaxweyne
EmmanuelMacron dib loo doorto waxaayna u rajaynayaan guul,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Farmaajo.

Qoraalka madaxweynaha ee loogu hambalyeeyey Macron ayaa sidoo kale lagu sheegay in wadamada Faransiìska iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan iyo sidoo kale iskaashi soo jireen ah.

“Faransiiska iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah” ayuu sii raaciyey madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Doorashada Faransiiska oo shalay loo dareeray wareega labaad ayaa waxaa markale guul ka soo hooyey Emmanuel Macron, kadib markii uu ka adkaaday haweeneyda xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo dalka Faransiiska.

Xukuumadda Rooble oo war kasoo saartay qaraxii Banadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa goordhoweyd ka hadlay qarax barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lala beegsaday gaari uu la socday Janeraal Maxamed Xaashi Guuleed oo ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya, kaasi oo uu dhaawac kasoo gaaray qaraxa.

Afhayeenka Xukuumadda ayaa caafimaad deg deg ah u rajeeyay Jeneral Maxamed Xaashi oo qaraxa ku dhaawacmay, sidoo kalena uu u tacsiyadeeyay laba amid ah ilaaladiisa oo qaraxa ku dhaawacmay.

Macallimuu ayaa kusoo safeeyay Jeneraalka in uu kamid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee laf-dhabarta u ah Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, islamarkaana kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka Macallimuu oo dhameystiran.

Caafimaad deg deg ah ayaan Eebe uga baryaynaa General Maxamed Xaashi Guuleed.

Kooxda cadowga ee Shabaab waxaa ay saaka qarax miino ku bartilmaameedsadeen General Maxamed Xaashi oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee CXDS inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalkii hore ee Digfeer kaas oo uu soo gaaray dhaawac.

Waxa aan General-ka Ilaah uga baryeynaa inuu siiyo caafimaad deg deg ah , waxa sidoo kale aan halkan u tacsiyadeynayaa qaraabada labada askari ee geeriyooday oo kala ah Feysal Xasan Cumar iyo Xuseen Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa ilaalada Jananka ,waxana aan Eebe uga rajeynayaa in Janadiisa uu u hibeeyo.

General Maxamed Xaashi waxa uu ka mid yahay saraakiisha waayo-aragga ah ee lafdhabarta u ah u ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed , xurmad weyna ku dhex leh kaas oo kaalin mug leh ka qaatay dib u dhiska ciidanka Militiriga Soomaaliya.

Ilaah ha caafiyo.

Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay xildhibaanada kasoo jeeda HirShabelle + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Cali Guudlaawe ayaa kala hadlay xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay HirShabelle arrimo ku aadan dhammeystirka doorashada dalka, gaar ahaan mida guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhibaanada uu la kulmay inay qaataan kaalintoda, isla-markaana ay u midoobaan sidii ay u soo saari lahaayeen musharrax Cali Shacbaan oo ka soo jeeda Hiiraan, kaas oo u tartamaya xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Cali Shacbaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa dadaal xoogan ugu jira ku guuleysiga xilkaasi, balse wuxuu loolan adag kala kulmayaa Senator Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo isna isku soo taagay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare, kaas oo ka soo jeeda Galmudug.

Sidoo kale waxaa fashil ku soo dhamaaday gogol ay Galmudug u dhigtay HirShabelle, taas oo ay ku dalbaneysay in loogu tanaasulo  kursiga gudoomiye xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, balse waxaa dalabkaas ku gacan seeray xubnihii ka socday HirShabelle oo ku adkeystay inay tartamayaan.

Doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay beri ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana haatan caasimada laga dareemayaa diyaar garow ku aadan doorashadaasi.

Si kastaba, doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa muhiim u ah doorashada madaxweynaha oo iyadana dhowaan la guda geli doono, waxaana loolanka uu yahay mid culus.

Yaa qaadaya mas’uuliyadda halista xooggan ee ka iman karta heshiiska shidaalka?

0

Inta badan bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahinta dalka kuma baraarugsana halista weyn ee ku gadaaman kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, gaar ahaan shidaalka. dhowaan waxaa jiray heshiis toddobo xirmo loogu saxiixay Coastline Exploration oo ah shirkad ka shaqeyneysay sahminta shidaalka Soomaaliya, gaar ahaan biyaha fog ee badda. Shirkaddan oo horay loo oran jiray Soma Oil And Gas waxaa la aas-aasay sanadkii 2013-kii, laakiin, magacii ayaa laga bedelay 2018-dii.

Shirkadda Coastline Exploration ayaa websaite-keeda ku qortay heshiiska uu saxiixay wasiirka wasaaradda Betroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed, heshiiska oo ka dhacay hotel ku yaalla dalka Turkiga ma jirin xog badan oo markaas kahor laga hayay, laakiin waxyar kadib markii shirkaddu qoraalka sii deysay ayaa waxaa isna twitter-kiisa ku sheegay wasiirka Betroolka Soomaaliya, waxa uu sidoo kale Cabdirashiid Maxamed uu intaa ku daray in madaxweynaha uu la ogaa heshiiska uu saxiixay.

Qoraal uu soo-saaray madaxweyne Farmaajo ayaa lagu sheegay in warka kasoo baxay wasiirka Betroolka uu yahay mid aan sax aheyn, Farmaajo ayaa sidoo kale laalay heshiiskaas, kuna tilmaamay sharci darro. Ra’iisul wasaare Rooble yaa si lamid ah tallaabada uu madaxweynahu qaaday sameeyay.

Heshiiska kahor maxaa dhacay?

Bishii December 2020-kii waxa uu shir ka dhacay dalka Turkiga, waxaa shirkaas ka qeyb-galay shan xubnood oo ka socday wasaaradda Betroolka iyo madax ka socotay Hey’adda shidaalka ee Soomaaliya (Somali Petrol Authority- SPA). sida ay ii sheegeen dad shirka ka qeyb-galay oo diiday in aan magacooda xigto, wasiirku qorshaha kuma jirin in uu shirkaasi yimaado, laakiin, waxa uu tegay Turkiga, kadibna waxa uu xubnihii Soomaaliya ka socday ee shirka joogay  u sheegay in uu saxiixayo heshiis, arrintaasi waxaa ka dhashay khilaaf ugu dembeyn sababay in Soomaaliya lagusoo laabto, iyada oo aan wax is-af-garad ah la gaarin.

Mar kale ayaa waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray mas’uuliyiin ka socday shirkadaha Liberty iyo Coastline si loola galo heshiis dhanka shidaalka ah. Liberty ayaa qorsheyneysay in loo saxiixio seddex xirmo oo ku kala yaalla Galmudug iyo Jubaland, halka Coastline Exploration loo saxiixi lahaa toddobo xirmo oo ku kala yaalla Galmudug, Koonfur galbeed iyo Jubaland.

Heshiiska oo xafladdiisa lagu diyaariyay Xarun ku taalla gudaha Garoonka diyaaradaha ayaa dhici laheyd 04-Janaayo, 2021-dii, laakiin, lama saxiixin sababo la xiriiro culeys ka yimid beesha caalamka, taas oo Soomaaliya ku qasabtay in heshiiskaas ay ka baaqsato. 

Sida Ilo xog-ogaal ah ay ii sheegeen Xeer-ilaalinta Soomaaliya waxay horay ugu yeereen mas’uuliyiin ka tirsan SPA, iyadoo maantana lagu wado in uu hor-tego wasiirka Betroolka Soomaaliya.

Haddaba, waxaa jira su’aalo u baahan in si weyn looga jawaabo oo mudan in xeer-ilaalintu muhiimad siiso, kuwaas oo dan u ah Qaranka & bulshada Soomaaliyeed, si looga baaqsado in lagu takrifalo kheyraadka shidaalka Soomaaliya, weydiimaha ayaa kala ah: 

1- Maxaa qasbay in wasiirku uu saxiixo heshiiskan oo horay looga baaqsaday in Muqdisho lagu saxiixo?

2- Wasiirka ma keligii ayaa arrintaan ku dhaqaaqay, mise sida uu sheegay mas’uuliyiin ka sarreysay ayaa arrintaan ku lug yeelan kara?— Haddii uu jiro mas’uul amray ma jiraan cadeymo qoraal ah oo la hayo? 

3- Haddii loo baahdo in dad xilal sare haya su’aaalo la weydiiyo, suura-gal ma tahay in madaxweyne Farmaajo uu dhankiisa wax aan aheyn beeninta hadalkii wasiirka uu miiska soo saari karo?

4- Heshiiska la saxiixay culeys intee la’eg ayuu dalka ku yeelan karaa sharci ahaan, ganacsi ahaan iyo siyaasad ahaanba?

5- Su’aalaha weydiinta xeer-ilaalinta maxaa daba socon kara oo lagu qancin karaa dadweynaha Soomaaliyeed? 

Haddaba, sida arrintaan ay meel adag isaga taagto xeer-ilaalinta ayaa waxaa ka dhalan kara laba arrin oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: 

*In qof walba uu ku dhiirran  in uu ku takrifalo awoodda dowladeed ee uu hayo & kheyraadka dalka.

*Ama in laga fogaado wax walba oo qatar ku ah Qarankaan dib u dhismaya ee la tiicaya dhibaatooyinka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed. 

Si kooban xeer-ilaalinta Soomaaliya waxaa la dhowrayaa sida ay ula macaamilaan kiiskaan oo ay indhaha ku hayaan bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ah hal-xiraale la dhowrayo sida ay u furaan!

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay hoobiyeyaal lagu garaacay AWDHEEGLE

0

Awdheegle (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla degmada Awdheegle ee gobolkaasi.

Hoobiyeyaasha oo gaarayey illaa 10 ayaa lagu garaacay saldhiyo ciidamada Gorgor iyo kuwa 14-ka October ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana sidoo kale madaafiicda qaar ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihiin dad rayid ah.

Ugu yaraan hal qof oo aheyd gabar 8 jir ah ayaa ku geeriyootay weerarkan, taas oo uu madfac ugu tegay guri ay ku sugneyd, waxaa sidoo kale ku dhaawamay 12 qof oo kale.

Dadka dhaawacmay 3 ka mid ah waa askar, halka sagaalka kalena ay yihiin dad shacab ah oo aan waxba galabsan, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliyaboo ku aadan weerarkaasi, balse waxay iyaguna ku jawaabeen maadaafiic culus.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemayaa degmada Awdheegle iyo duleedkeeda ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS ex AMISOM ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Macron vs Le Pen: Yaa ku guuleystay doorashadii madaxweyne ee France?

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa mar kale ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi, kadib markii uu ka adkaaday haweeneyda xisbiga midigta fog ee Marine Le Pen.

Dadweynaha Faransiiska ayaa shalay u dareeray wareegga labaad ee doorashada, iyadoona goobaha ugu dambeeya ee doorashada ay soo xirmeen 8-dii fiidnimo ee xalay. 

Inkastoo aan weli lagu dhawaaqin natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa waxay haddana qiyaasaha soo baxaya ay muujinayaan in Madaxweyne Macron uu helay ku dhawaad 57-58 boqolkiiba codadka wareegii labaad ee doorashada Axaddii.

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegaysa in Macron uu haysto codadkii uu u baahnaa, inkastoo weli ay natiijooyinka coddeynta ka imaanayaan dalka oo dhan.

Marine Le Pen oo ah musharaxa Xisbiga RN (Rassemblement National ama National Rally) ayaa heshay 41.8 boqolkiiba codadka, taasoo ah tii ugu sarreysay saddexdii tartan ee u dambeeyay, ee ay ku guul dareysatay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.

Macron oo jeediyay khudbadiisa guusha, kadib markii Le Pen ay qiratay in laga adkaaday, ayaa ammaanay shacabka dalkiisa, isagoona bogaadiyay shanta sano ee dheeriga ah ee loo doortay inuu sii hoggaamiyo Faransiiska.

Xeeldheereyaasha ayaa sheegaya inay saamayn yeelatay dooddii ugu dambeysay ay labada dhinac yeesheen toddobaadkii hore, taasoo ay Marine Le Pen ku sheegtay in ay ka hortaggi doonto awoodda Midowga Yurub, iyadoona ka soo horjeedsatay cunaqabateynta ay NATO saartay Ruushka, waxayna u muuqatay mid taageero ka raadsatay Moscow, halka Macron uu taageero ka helayay Midowga Yurub.

ATMIS oo bandow ku soo rogeysa Xalane + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay ku shaaciyeen bandow ay ku soo rogayaan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka ATMIS waxaa lagu sheegay in bandowga lagu soo rogay xeradda Xalane uu saaraa doono inta u dhaxeysa 26-ka bishaan ilaa 28-ka bishan April.

Teendhada Afisyooni oo ku taalla xeyndaabka Xalane ayaa lagu qabanayaa doorashada guddoonka baarlamaanka cusub, sida uu maanta shaaciyey guddoomiyaha guddiga doorashada guddoonka golaha shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Go’aankaan ayey ATMIS sheegtay inay qaadatay kadib markii ay la tashi la sameeyeen xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo hoggaanka u haya arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay sheegeen inaan loo dhawaan karin xarunta teendhada Afisyooni, maalmaha ay socoto doorashada guddoonada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale ATMIS waxay cadeysay in howlaha kale ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay si caadi ah u soca doonaan, inta lagu guda jiro doorashooyinka ka dhacaya Afisyooni.

Doorashada guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo wareejiyey Afisyooni, kadib markii shaki badan laga muujiyey ammaanka xarunta golaha shacabka ee Villa Hargaysa, halkaas oo weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday lagu qaaday, xilli uu ka socday kulankii koowaad ee xildhibaanada golaha shacabka.

10 su’aal oo ay tahay inuu ka jawaabo wasiirka batroolka oo hortagaya xeer-ilaalinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Batroolka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed ayaa isniinta waxaa uu hortagayaa xeer ilaalinta qaranka iyada wax laga weydiin doono heshiiska uu la saxiixday Shirkadda Coastline Exploration Limited February 2022-ka.

Qoraalka kasoo baxay xeer ilaalinta 21-kii bishan ayaa waxaa lagu yiri “Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa uu u yeerayaa wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo ay warqadda sida tooska ah ugu socoto inuu yimaado maalinta isniinta ah oo  ay taariikhdu tahay  Tr. 25/04/2022 saacaddu ay tahay 11:00AM si wax looga weydiiyo heshiiska uu la saxiixay ee dhexmaray wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee DFS iyo shirkadda Coastline Exploration Limited”.

Haddaba, Halkan ka akhriso: 10 Su’aal oo ay tahay inuu Ka Jawaabo

1. Sababta uu Hoteel Dibadda ah ugu saxiixay? Xilli heshiis noocaan ah lagu saxiixi karo dalka gudahiisa ah iyo xaflad dunida kale la tuninayo, laguna dhiirigelinayo maalgeshiga, iyada oo madaxda dalka iyo shacabkaba ogyihiin, maxaa keenay in uu ku saxiixo qol madow oo ku yaalla Turkiga!

2. Sababta uu isaga oo indhotiray ammarada hakinta Heshiisyada ee Xilliga doorashada iyo kala guurka? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu iska indhotiray Dekereeto uu Farmaajo soo saaray 7-dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaa arrintaas ku raacay sharcidejinta, sababta uu u baalmaray waa in wax laga weydiiyo!

3. Sababta uu uga dhuuntay Madaxweynaha muddo xileedka ka dhammaaday iyo ra’’isul wasaaraha? Labada xafiis ee Farmaajo iyo Rooble labadaba waxay heshiiskan ku tilmaameen mid sharci darro ah, taasii ku tuseysa inuu keligii ku ahaa go’aankaasi, waa in wax laga su’aalo!

4. Muxuu u Saxiixay Heshiis aan dhaqangal noqon karin? Heshiiskan waxaa ay xafiisyada ugu sareysa sheegeen in aanu noqon karin dhaqangal, taasi oo wejigabax ku ah shirkadihii heshiiska gashay iyo dowladda federaalka ah, muxuu dowladda u weji xumeeyey, waa inuu ka jawaabo!

5. Hadalka wasiirka ee ah, waxaa ila ogaa madaxweyne Farmaajo, maxaa caddeymo ah oo uu hayaa? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu sheegay in saxiixa uu la ogaa madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, qaab noocee ah ayuu u ogaa, ma hadal ayuu hayaa mise qoraal, waa in la weydiiyo inuu soo bandhigo caddeymo!

6. Sababta uu meesha uga saaray Kaalinta iyo awoodda hey’adda Batroolka? Wasiir Cabdirashiid waxaa uu isticmaalaa awoodo aan dastuuri aheyn, isaga oo la wareegay shaqadii hey’adda Batroolka, isla markaana ka shaqeeya cabsigelinta shaqaalaha, waa in arrinkaas wax laga weydiiyo!

7. Ma jiraan Heshiisyo kale oo Dalal iyo Shirkado kale ah? Marka laga soo tago xermooyinkan 7-bada ah, waa in la wax weydiiyo guud ahaan wax kasta wixii shidaal la xiriira oo dalka oo dhan ka socda, uuna keenaa warbixin dhameystiran!

8.  Sababta uu Dhaawac ugu geystay Maalgeshiga Soomaaliya? Arrinta uu wasiir Cabdirashiid sameeyey waxay dhaawici kartaa kalsoonida maalgeshi ee shirkadaha caalamiga ah ku qabeen Soomaaliya, iyada oo loo arko dal aaney madaxdiisa iska warqabin, taasi meel ku dhac ku ah meesha loo socdo, waa in arrinkaas wax laga weydiiyo!

9. Ma jiraa lacag uu isaga ka helay arrinkan? Wasiir Cabdirashiid waa in la weydiiyo lacagaha kala duwan ee heshiiska ku hareereysan, ma jiraa wax faa’ido shakhsi ah, maxaa dalka kasoo galaya? Arrimahaas waa in wax laga weydiiyo.

10. Ma dhici kartaa inuu ku dhiirigeliyey shirkadda la tacaamulaan maamulka soo socda? Waa in Cabdirashiid wax laga weydiiyo haddii uu shirkadda ku dhiirigeliyey tallaabadan ama iney sharci darro ku dhaqaaqaan si haddii laga horyimaado ay la tacaamulaan maamulka soo socda!

Si kastaba ha ahaatee, su’aalo weydiinta wasiirka Batroolka ee isniinta waxaa isha ku haya dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyada oo xeer ilaalinta laga rabo in ay weydiiyo sababta uu tallaabadan uga degdegay, waqtiga ugu aadiyey, isaga dhagatiray madaxdiisa, ugu cayaaray masiirka umadda iyo hantidooda isla markaana uu u khatargeliyey mustaqbalka maalgeshiga Soomaaliya iyo kalsoonida lagu qabi karo.

Xigasho: Goobjoog

Goobta lagu qabanayo doorashada gudoonka golaha shacabka oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday goobta la qorsheeyey in lagu qabto doorashada guddoonka golaha shacabka.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in Shaqadii loo igmaday ee doorashooyinka Guddoonka intooda badan ay soo geba-gabeeyeen, isaga oo intaas ku daray in dhamaan musharrixiinta guddoonka Golaha Shacabka ay khudbadahooda musharraxnimo jeediyeen, wuxuuna xusay in shaqada hadda harsan ay tahay in la qabto doorashada guddoonka.

Guddoomiye Cabdirsaaq oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in doorashada Guddoonka Golaha Shacabka laga bedelay halkii ay ka dhici laheyd ee Xarunta Villa Hargeysa loona bedelay hoolka Afisiyooni.

Sababta looga badalay Villa Hargeysa ayuu ku sheegay inay tahay in munaasabadda ay kasoo qeyb geli doonaan mas’uuliyo badan sidaas darteedna loo baahan yahay meel wada deeqi karta sida uu hadalka u dhigay.

Dhawaan ayuu guddoomiyaha sheegay in kulamadii ugu dambeeyey ay xarunta ka dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Qaar ka mid ah xildhibaanada cusub ayaa horey u dalbaday in doorashada guddoonka Golaha Shacabka lagu qabto xerada Afisyooni iyagoo xusay in ammaanka Villa Hargeysa aan la isku haleyn karin.

Doorashada guddoomiyaha oo ay isku soo taageen illaa 8 murashax ayaa la filayaa in la qabto 27-ka bishan, si dardar geliyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya ee 2022-ka.

Daawo: Maxamuud Sayid oo si aan horey u dhicin ugu garnaqsaday FARMAAJO

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir jaraa’id qabtay kadib doorashadii lagu soo gabagabeeyey Ceelwaaq ayaa u gar naqsaday madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isku heyb ay yihiin.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyey Farmaajo inuu sameeyey qorshe kasta oo dadkiisa reer Gedo uu ku cuuryaami karo, balse hadda uu ka codsanayo in dhibaato iyo jid gooyo dambe uusan u dhigin dadkiisa tabaaleysan.

Wuxuu si qota dheer uga hadlay arrimaha ku xeeran doorashadii 16-ka kursi ee Ceelwaaq ay ku qabteen labadii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna carabka ku adkeeyey inuu jeclaan lahaa in doorashadaan ay ku qabtaan Garbahaarey, balse ay waayeen meel ay Farmaajo ka maraan.

Mudo labo sano ah waxaa Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo Beledxaawo oo ah magaalooyinka ugu waaweyn gobolka Gedo maamulaya ciidan ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo, waxayna Jubaland gobolkaas ka maamushaa degmada ay doorashada ku qabatay ee Ceelwaaq.

“Waxaan rabaa inaan la garnaqsado Madaxweynaha Soomaaliya walaalkey Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Madaxweynow ina adeerow, dadka reer Gedo xadgudubyada aad u geysatay ee sanadaha socday oo xeerarka iyo dastuurkii aad ku dhaaratay ka baxsan, naga jooji, waxaan nagu filan intaa noo geysatay,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Wuxuu ku celceliyey in Garbahaarey ay mudneed in lagu qabto doorashadaan, balse ay xoog ku heystaan ciidamo ka amar qaata Farmaajo, “Walaalkeenow dhibaato intaa nasoo marsiidaa noogu filan, kadaa oo mid kale hanoo celin,” ayuu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo sii waday garnaqsigiisa, wuxuu Farmaajo xasuusiyey in sanadkii 2016-kii ay u codeeyeen xildhibaano uusan kuraas u soo boobin, isagoo kula taliyey in sanadkaan uu isku kalsoonaado.

“2016-kii xildhibaanadii gobolkaan codkooda ayaad ka barisay, waana ku siiyeen, adigu sooma aadan xulay, in lasoo doorto lacag kuma aadan bixin, Madaxweyne ayaad Soomaaliya ka noqotay, war maantana hadii aad musharax tahay xildhibaanada codkooda weydiiso, laakiin xoog ha isku deyin, wax aad ka faa’iideyso malahan, cadaawad iyo taariikh xumo ayaad kala kulmeysaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku cataabay in 30-kii sano ee lasoo dhaafay uu dhex taagnaa gobolka Gedo, isla markaana uu maanta Farmaajo ka faro maroojiyey, “War ninyahow isku xishoo, tacabka yagii oo dhan ayaad burburisay, midnimadii, horumarkii, ammaankii, garsoorkii iyo guud ahaan maamulkii dadkeyga ayaad burburisay,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Hoos ka daawo

Puntland oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta weerarkii wasiirka arrimaha dibedda

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) oo qoraal kooban soo saaray ayaa guddi ka kooban lix xubnood u xil-saaray weerarkii habeenkii Jimcaha ka dhacay waqooyiga Gaalkacyo.

Guddiga ayaa baaris iyo dabagal ku sameyn doono sida ay wax u dhaceen, maadaama la beegsaday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo xubno kale oo ay ku jiraan odayaal.

“Waxaan guddi baaris kusoo sameeya u magacaabay dhacdadii ka dhacday magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug,” ayuu yiri Karaash.

Xubnaha la magacaabay ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga ee maamulka Puntland, Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan.

Sidoo kale waxaa qayb ka ah guddiga xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Booliska iyo maxkamadda ciidamada ee maamulkaasi.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1- Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan. (Wasiir ku xigeenka Amniga iyo DDR). Gudoomiye
2- Xil Axmed Jaamac Cabdulle. (Xildhibaan Puntland).
3- Xil Cabdiweli Yuusuf Warsame. (Xildhibaan Puntland).
4- Gen. Caydiid Axmednuur Warsame. (Kusimaha Taliyaha Booliiska Puntland).
5- Aadan Cali Maxamuud. (Kusimaha Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ee Puntland)
6- Asad Faarax Maxamed.  (Xoghayn)

Si kastaba, weerarkii Gaalkacyo ee habeen hore lagu bartilmaameedsaday wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisaciid Muuse, Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo xubnaha qoyska wasiir Cabdisaciid ayaa waxaa geystay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo kulan afureedka xubnahaasi qoys ahaanta u shirayay u arkay mid siyaasadeed oo ka dhan ahaa Puntland iyo madaxweynaheeda murashaxa madaxweyne ah ee Saciid Deni.

Rooble oo maanta u baxay safar dibadda ah + Ujeedka

0

Geneva (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Somalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland, waxaana garoonka kusii sagootiyey xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirada.

Rooble ayaa Geneva uga qeyb galayo shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaarta ee Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-galaya madax sar sare iyo wasiiro ka kala socda dalalka deeq bixiyeyaasha oo iyaguna lagu cusuumay shirkaas oo hal maalin socon doona.

Ra’iisul wasaaraha madasha ka jeedin doono khudbad dheer oo uu uga hadlayo xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loogu gurman lahaa dadka tabaaleysan.

Sidoo kale waxaa la filayaa in ra’iisul wasaaraha uu kulan doceedyo la yeesho mas’uuliyiinka iyo madaxda hay’adaha ee ka qayba-galaya shirka Geneva, isaga oo kala hadli doono arrimaha Soomaaliya oo ay ugu horreyso doorashooyinka haatan socda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay in indhaha Beesha Caalamka lagu soo jeediyo xaaladda abaareed ee dalka ka taagan si loogu gurmado shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira qaybo ka mid ah waddanka.

Safarka Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro dhammeystirka doorashada, maadaama uu yahay mas’uulka ugu sarreeya, ayna weli caqabado ka jiraan doorashada, gaar ahaan arrinta gobolka Gedo oo haatan kasii dareysa.

Sawirro: Saciid Deni oo shirar xasaasi ah ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Deni ayaa la shiray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxames Xuseen Rooble iyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo iska xog wareystay xaaladaha soo kordhay iyo caqabadaha weli ka taagan dhameystirka doorashada 2022-ka.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa ahaa mid ay dibad joog ka tahay saxaafadda, waxaana qoraal kooban oo ay soo saartay madaxtooyada Puntland ku shaacisay kulanka mas’uuliyiintaan, kaas oo qayb ka noqonayo ololihiisa doorashada madaxweynaha ee Deni.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa bilaabay inuu la shiro xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu uga gado damiicsa siyaasadeed ee hoggaanka Villa Soomaaliya.

Xubnaha uu la shiray ayaa waxaa ka mid ah Mahad Salaad oo ka tirsan mucaaradka, isla-markaana ka mid ah xisbiga UDP ee madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Deni ayaa sidoo kale xalay kulan gaar ah la yeeshay saraakiishii hore ee ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo qaar ay hadda xildhibaano yihiin.

Madaxweyne Deni ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku shaaciyey kulankaan oo ahaa mid afurin ah, isla markaana uu isugu yeeray saraakiisha waaweyn ee ciidamada Soomaaliya.

“Caawa waxaan kulan afur ah la qaadanay saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida ee kala duwan, oo qeybtood dalka kasoo qabteen xilal heer wasiir ah,” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ka wadahadleen arrimaha ammaanka oo baahida ugu badan ay Soomaaliya u qabto xilligaan.

“Waa waayo arag dhinaca amniga ah oo wax badan usoo joogay, una soo shaqeeyay dalka iyo dadka, waxaan ku boggaadinaya in ay marwalbo khibradooda uga faa’iideeyaan dalka marxalad kasta. Waxaan uga mahadcelinaya kulankii wanaagsan ee aan wada qaadanay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Saciid Deni.

Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe, Jeneraal Cabdullahi Gaafow Maxamuud iyo Jeneraal Bashiir Cabdi Ameeriko ayaa ka mid ahaa saraakiisha uu xalay casuumay Saciid Deni oo tobaneeyo gaarayey.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maalmahaan ku sugan magaalada Muqdisho, xilli xiisad siyaasadeed ay uga kacsan tahay Puntland oo sida u qorsheysan uu dib ugu laaba doono, hadii uu waayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.


Howlgal culus oo Muqdisho laga fuliyey xalay + Ujeedkaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Booliska Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan, kaas oo ka dhan ahaan kooxaha ciyaal weerada ee kusii xoogeystay degmadaasi.

Howlgalka oo ay hoggaaminayeen guddoomiyaha Kaaraan iyo saldhigga Booliska degmadaas ayaa waxaa lagu soo qabtay koox ciyaal weero ah iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaas oo la dhigay xabsiga, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Guddoomiye Abshir Kaaraan oo Wariyeyaasha la hadlay, kadib howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqbali doonin dhibaateynta dadka shacabka ah, isaga oo farriin culus u diray waalidiinta dhalay dhalinyaradaas fowdada ka wada xaafadaha degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi in ragga lasoo qabtay ay horey uga digeen inay faraha kala baxaan falalka ay gacmaha kula jiraan, balse ay ka dhaga adeedeen, wuxuuna tilmaamay in haatan ay ka qaadan doonaan go’aan culus.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan baaritaanada habeenkii ee lagu xaqiijinayo amniga degmada Kaaraan oo ka mid ah degmooyinka qaar ee looga barakacay kooxaha ciyaak weerarada ee ka jira magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa soo badanayey qaylo dhaanta shacabka caasimada oo xilliyada habeenkii  ahby la soo daristay cabsi xoogan iyo weeraro uga imaanayo kooxo kala duwan oo ciyaal weero ah oo ku sugan degmooyinka gobolka Banaadir.

Si kastaba, Muqdisho ayaa haatan wajaheyso culeyso amni oo is biirsaday sida qaraxyo, dhac, weeraro ay geysanayaan dhalinyarada ciyaal weerarada iyo dhibaatooyin kale oo ka dhashay daaha doorashooyinka dalka oo ay weli isku hayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo qorshaynayey weeraro oo lagu qabtay Ethiopia

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya ayaa sheegtay inay xirtay 34 qof oo laga shakisanyahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

Sida lagu baahiyay wakaaladda wararka Itoobiya ee ENA, dadkan laga shakisanyahay ayaa waxa ay qorshaynayeen inay weerraro ka gaystaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyo gobollo kale.

Wakaaladdu waxa ay intaasi ku dartay in dadkaasi lagu soo xirxiray howlgal ay wadajir ciidammada ammaanka uga sameeyeen gobollada Soomaalida iyo Oromada ee dalkaasi.

Sidoo kale, eedeysanayaasha ayaa laga helay Hoobiyayaal, Rasaas iyo Hub kale, waxayna sidoo kale wateen dukumentiyo iyo Lacago.

Warbixinta ENA ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadaan ay qorsheenayeen inay weeraro fuliyeen maalmaha ciidda ee nagu soo foosha leh si ay uga faa’ideystaan mashquulka tirada badan.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in eedeysanayaashaan lasoo taagi doono maxkamad si looga tallaabo sharci ah, balse lama shaacin waqtiga la geynayo maxkamadda.

Kooxda Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada Hey’adda Sirdoonka iyo Ammaanka ee dalka Itoobiya ee ah inay qabatay xubno ka tirsan koxdaan.

Itoobya ayaa horey u fashilisay weeraro ay kooxda Al-Shabaab ka fulin rabtay gudaha dalkaas, waxaana taas sabab looga dhigay in sirdoonka dalkaas uu yahay mid awood badan oo xilli kasta hela xogaha iyo siraha kooxdaan.

Ciidamada Tigray ah oo isku dhiibay Sudan + Sababta

Addis Ababa (Caasimada Online) – In ka badan 500 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee ka mid ah ciidmada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa diiday inay dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo u baqay ammaankooda, waxayna codsanayaan magangelyo siyaasadeed oo Suudaan laga siiyo.

Ilaa sanadkii hore, ciidamada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ku dhawaad 4,000 oo ciidan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee Abyei (UNISFA), oo ah gobolka lagu muransan yahay ee xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

Ciidamada Itoobiya ayaa lagu bedelay ciidamo caalami ah, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayo, kaasoo salka ku haya muran dhuleed iyo biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Nile, kaasoo Suudaan ay ka cabsi qabto inuu khatar ku noqdo helitaanka biyaha.

Inta badan ciidamada Itoobiya ayaa dib ugu laabtay dalkooda, balse qaarkood ayaa hadda codsaday magangalyo, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York.

“Tiro nabad ilaalin ah ayaa doortay inaysan laaban, waxayna raadinayaan ilaalin caalami ah, waxaa lagu ilaalinayaa meel ammaan ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay” ,” ayuu yiri afhayeenku.

“Mas’uuliyadda bixinta magangelyo waxay saaran tahay mas’uuliyiinta Suudaan oo ay ka caawinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee qaabilaadda dadkaas.” ayuu raaciyay.

528 askari oo Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda Tigray-ga ayaa magangalyo ka codsaday Suudaan, sida uu sheegay Major Gebre Kidane, oo ka mid ahaa ciidamadii nabad ilaalinta– tiradaaas oo ay xaqiijiyeen laba saaxiibbadiis ah oo ay sidoo kale ay la xiriirtay AFP.

“Ma ahan ammaan inaan ku laabanno Itoobiya, waxaana dooneynaa inaan noqonno codka dadka Tigrayga bulshada caamalka horteeda” ayuu 40-jirkan ayaa u sheegay AFP wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay, isagoo sharraxayay go’aanka uu ku dalbaday magangalyo horraanta Maarso.

VOA + AFP.

Mareykanka oo wafdi culus u diraya magaalada KYIV

Kyiv (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa maanta oo Axad ah booqanaya magaalada Kyiv, sida uu sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

“Berrito, saraakiisha Mareykanka ayaa nagu soo wajahan, waxaan la kulmi doonaa xoghayaha gaashaandhigga [Lloyd Austin] iyo Antony Blinken,” ayuu yiri Zelenskyy oo suxufiyiinta la hadlayay Sabtidii, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay oo rasmi ah oo saraakiil Mareykan ah ay ku tagaan tan iyo markii Ruushka uu weeraray Ukraine bishii Febraayo. 24.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa email Sabtidii ugu sheegay VOA-da: “Ka ma hadleyno arrintan.” iyadaoo Pentagon-ku uu sidoo kale warkan aanu u xaqiijin karin VOA-da.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale diiday inuu faallo ka bixiyo.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Ruushku aysan qabsan dhul cusub oo muhiim ah in kasta oo ay ku dhawaaqeen duullaanka soo cusboonaaday ee dhanka bari, halka Ukraine ay ku dhawaaqday bandow dalka oo dhan ah.

Saraakiisha Ukraine ayaa Sabtidii sheegay in 21,600 oo askari oo Ruush ah ay ku dhinteen Ukraine, iyadoo madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in uu la kulmo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin si loo “joojiyo dagaalka”.

“Waxaan u maleynayaa in qof kasta oo bilaabay dagaalkan uu awoodi doono inuu soo afjaro,” Zelenskyy ayaa Sabtidii ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarun metro oo ku taal bartamaha Kyiv, isagoo raaciyay “in uusan ka baqeynin inuu la kulmo” Putin haddii uu hogaamiyo heshiis nabadeed oo dhex mara labadooda dal.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay saldhig ku yaalla BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo si weyn jugtiisa looga maqlay magaalada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhex dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino lagu dhajiyey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo yaallay gudaha saldhigga.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 2 askari, iyada oo uu burbur xoogan soo gaaray baabuurka qaraxa lagu dhajiyey, sida aan xogta ku helnay.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa, kadib qaaday howlgal ay ka sameeyeen agagaarka saldhigga la beegsaday, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey qaraxaasi.

Ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen dhacdadaasi iyo howlgallada ay sameeyeen, kadib qaraxa.

Xaaladdda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo sidoo kale ganacsiga, sida ay soo warrinayaan wararka laga helayo halkaasi.

Beledweyne ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeeyey weeraradii is miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaaladaas, kuwaas oo mid ka mid ahaa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Doorashada guddoonka BF oo laga wareejinayo Villa HARGEYSA + Sababta

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Guddoomiyahq guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa soo saaray go’aan la xiriira qabashada doorashada guddoonka oo lagu wado in la qabto 27 April.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inay go’aansadeen in doorashada laga wareejiyo Villa Hargeysa, sababo la xiriira amniga xarunta Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay in kulamadii ugu dambeeyey ay xarunta ku dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku dadaaleen in aysan baaqan hadal jeedinta, doorashadana ay ku qaban doonaan waqtiga loo asteeyey, ayna ka dhici doonto meel kale.

“Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday, waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la qorsheynayo in doorashada lagu qabto Teendhada Afisyoone oo ay horey uga dhacday munaasabadda dhaarinta ee xildhibaannada cusub.

Dad badan ayaa u arka inay siyaasad ka dambeyso beegsiga Baarlamaanka, si dib loogu dhigo doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo haatan loolan loogu jiro.

Xildhibaano sidoo kale ka hadlay arrintan ayaa sheegay in la doonayo in la qal-qal geliyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka, kadibna looga faa’iideysto dano gaar ah.

Doorashada guddoomiyaha oo ay isku soo taageen illaa 8 murashax ayaa la filayaa in la qabto 27-ka bishan, si dardar geliyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya ee 2022-ka.

Jubbaland oo fashilisay qarax la qorsheeyey in lagu dilo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax miino oo la doonayay in lagu qaarijiyo mas’uul ka tirsan maamulkaasi.

Qaraxa lagu dili rabay mas’uulkaasi oo aysan sheegin magaciisa ayaa waxaa loogu rakibay albaabka guriga uu degan yahay ee magaalada Kismaayo, waxaana si deg deg ah ugu hortegay oo fashiliyay ciidamada Nabadsugida NISA ee Jubbaland.

Qaraxaan ayaa waxaa maleegay kooxda Al-Shabaab oo dooneysay inay ku dhibaateyso mas’uulkaasi iyo qoyskiisa, balse ka badbaaday.

“Alle Mahadii waxay ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland (JISA) caawa fashiliyeen miino ay argagixisadu albaabka ugu dhajisey masuul katirsan Dowlada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal iyo sawirro NISA Jubbaland soo dhigtay boggooda.

Hay’adda NISA Jubbaland ayaa sheegtay intii ay ciidanka ku guda jireen kala fur furka miinadaasi inaysan wax khasaare ah ka dhalan, waxayna u mahad celiyeen shacabka Kismaayo oo hay’adda si dhow ula shaqeeyay.