25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Mareykanka oo wafdi culus u diraya magaalada KYIV

Kyiv (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka Antony Blinken iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa maanta oo Axad ah booqanaya magaalada Kyiv, sida uu sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy.

“Berrito, saraakiisha Mareykanka ayaa nagu soo wajahan, waxaan la kulmi doonaa xoghayaha gaashaandhigga [Lloyd Austin] iyo Antony Blinken,” ayuu yiri Zelenskyy oo suxufiyiinta la hadlayay Sabtidii, taasoo noqonaysa booqashadii ugu horreysay oo rasmi ah oo saraakiil Mareykan ah ay ku tagaan tan iyo markii Ruushka uu weeraray Ukraine bishii Febraayo. 24.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa email Sabtidii ugu sheegay VOA-da: “Ka ma hadleyno arrintan.” iyadaoo Pentagon-ku uu sidoo kale warkan aanu u xaqiijin karin VOA-da.

Aqalka Cad ayaa sidoo kale diiday inuu faallo ka bixiyo.

Saraakiisha Ingiriiska ayaa Sabtidii sheegay in ciidamada Ruushku aysan qabsan dhul cusub oo muhiim ah in kasta oo ay ku dhawaaqeen duullaanka soo cusboonaaday ee dhanka bari, halka Ukraine ay ku dhawaaqday bandow dalka oo dhan ah.

Saraakiisha Ukraine ayaa Sabtidii sheegay in 21,600 oo askari oo Ruush ah ay ku dhinteen Ukraine, iyadoo madaxweynaha Ukraine Zelenskyy uu dib u cusboonaysiiyay baaqiisii ahaa in uu la kulmo hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin si loo “joojiyo dagaalka”.

“Waxaan u maleynayaa in qof kasta oo bilaabay dagaalkan uu awoodi doono inuu soo afjaro,” Zelenskyy ayaa Sabtidii ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarun metro oo ku taal bartamaha Kyiv, isagoo raaciyay “in uusan ka baqeynin inuu la kulmo” Putin haddii uu hogaamiyo heshiis nabadeed oo dhex mara labadooda dal.

Wararkii ugu dambeeyey qarax ka dhacay saldhig ku yaalla BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo si weyn jugtiisa looga maqlay magaalada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhex dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla xaafadda Howlwadaag, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay miino lagu dhajiyey gaari nooca Cabdi Bilaha ah oo yaallay gudaha saldhigga.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 2 askari, iyada oo uu burbur xoogan soo gaaray baabuurka qaraxa lagu dhajiyey, sida aan xogta ku helnay.

Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa, kadib qaaday howlgal ay ka sameeyeen agagaarka saldhigga la beegsaday, iyaga oo baadi goobayey raggii ka dambeeyey qaraxaasi.

Ma jiro wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen dhacdadaasi iyo howlgallada ay sameeyeen, kadib qaraxa.

Xaaladdda ayaa haatan deggan, waxaana si caadi ah ku socda dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo sidoo kale ganacsiga, sida ay soo warrinayaan wararka laga helayo halkaasi.

Beledweyne ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeeyey weeraradii is miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaaladaas, kuwaas oo mid ka mid ahaa lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Doorashada guddoonka BF oo laga wareejinayo Villa HARGEYSA + Sababta

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Guddoomiyahq guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka Golaha Shacabka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa soo saaray go’aan la xiriira qabashada doorashada guddoonka oo lagu wado in la qabto 27 April.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa shaaca ka qaaday inay go’aansadeen in doorashada laga wareejiyo Villa Hargeysa, sababo la xiriira amniga xarunta Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha ayaa xusay in kulamadii ugu dambeeyey ay xarunta ku dhaceen falal amni darro sida hoobiyeyaal lagu soo tuuray dhismaha Villa Hargeysa, xilli uu socday kulanka Baarlamaanka iyo shalay oo ay ugu dambeysay oo xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku dadaaleen in aysan baaqan hadal jeedinta, doorashadana ay ku qaban doonaan waqtiga loo asteeyey, ayna ka dhici doonto meel kale.

“Sida ay wax u dhaceen in ay ula kac ahayd iyo in ay wiifto ku dhacday labaduba ma sheegi kari balse markii aan tagnay xarunta ayaa naloo sheegay in xabad ay ku dhacday Qaboojiyaha, maalintii dhawaad Hoobiye ayaa soo dhacay, waxaa xigay Qaboojiyaha oo xabad ku dhacday, waxa aan ku dedaalnay in aanay dib u dhicin hadal jeedinta oo aan qabaneyno maalintii 2aad, dabcan waan baddeli doonaa goobta lagu qabanayo Doorashada Guddoonka,” ayuu yiri xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in la qorsheynayo in doorashada lagu qabto Teendhada Afisyoone oo ay horey uga dhacday munaasabadda dhaarinta ee xildhibaannada cusub.

Dad badan ayaa u arka inay siyaasad ka dambeyso beegsiga Baarlamaanka, si dib loogu dhigo doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo haatan loolan loogu jiro.

Xildhibaano sidoo kale ka hadlay arrintan ayaa sheegay in la doonayo in la qal-qal geliyo xubnaha cusub ee Baarlamaanka, kadibna looga faa’iideysto dano gaar ah.

Doorashada guddoomiyaha oo ay isku soo taageen illaa 8 murashax ayaa la filayaa in la qabto 27-ka bishan, si dardar geliyo dhammeystirka doorashada Soomaaliya ee 2022-ka.

Jubbaland oo fashilisay qarax la qorsheeyey in lagu dilo…

0

Kismaayo (Caasimada Online) –Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax miino oo la doonayay in lagu qaarijiyo mas’uul ka tirsan maamulkaasi.

Qaraxa lagu dili rabay mas’uulkaasi oo aysan sheegin magaciisa ayaa waxaa loogu rakibay albaabka guriga uu degan yahay ee magaalada Kismaayo, waxaana si deg deg ah ugu hortegay oo fashiliyay ciidamada Nabadsugida NISA ee Jubbaland.

Qaraxaan ayaa waxaa maleegay kooxda Al-Shabaab oo dooneysay inay ku dhibaateyso mas’uulkaasi iyo qoyskiisa, balse ka badbaaday.

“Alle Mahadii waxay ciidanka Hay’ada Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland (JISA) caawa fashiliyeen miino ay argagixisadu albaabka ugu dhajisey masuul katirsan Dowlada Jubbaland” ayaa lagu yiri qoraal iyo sawirro NISA Jubbaland soo dhigtay boggooda.

Hay’adda NISA Jubbaland ayaa sheegtay intii ay ciidanka ku guda jireen kala fur furka miinadaasi inaysan wax khasaare ah ka dhalan, waxayna u mahad celiyeen shacabka Kismaayo oo hay’adda si dhow ula shaqeeyay.

Kenya oo qunsul cusub usoo magacowday Somaliland, bedeshay safiirkii Muqdisho

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dowladda Somalia iyo Somaliland usoo kala magacaabay Safiir buuxa oo fadhigiisa noqon doona magaalada Muqdisho, iyo Qunsul xaruntiisa noqon doonta magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doona Somalia Maj Gn (Rtd) Thomas Chepkuto ayaa wuxuu badeli doonaa Lucas Tumbo oo sanadkii 2015-kii Kenya xilkaan usoo magacowday.

Sidoo kale, Uhuru Kenyatta ayaa Benson Mwaliko u magacaabay qunsulka cusub ee Kenya u fadhin doona magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee  Kenya ayaa kal hore Hargeysa u dirtay saraakiil uu hoggaaminayay Benson Mwaliko, isagoona ku magacawnaa madaxa xafiiska ilaaliya cilaaqaadka labada dhinac.

Raychelle Omamo Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya  ayaa dhawaan sheegtay in Kenya ay ula macaamuli doonto Somaliland sida qeyb ka tirsan Federaalka Somalia.

Tan iyo markii xilka madaxweynenimo ee Somalia uu la wareegay Farmaajo, Kenya waxay bilowday dagaalka diblumaasiyadeed iyo inay farageliso arrimaha Somalia, iyadoo xiriirkii labada dal uu marna xaalad kala duwan uu soo marayay.

Rooble oo war cusub kasoo saaray doorashada Ceelwaaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa bogaadiyey dhameystirka doorashadii magaalada Ceelwaaq, halkaasi oo shalay iyo maanta lagu doortay 16 ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka. 

Rooble ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ku yiri “Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo.”

“Hambalyo ayaan leeyahay xildhibaannada cusub ee la doortay, anigoo u rajeynaya in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.” 

Doorashada Ceelwaaq ayaa waxaa ka hor-yimid madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo doorashadaas iyo tan Garbahaarey labaduba ku qeexay sharci-darro, inkasta oo la tuhunsan yahay inuu isaga gadaal ka riixayo tan Garbahaarey. 

Farmaajo ayaa qoraal uu shalay soo saaray ku yiri “Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” 

Dhinaca kale, Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad, oo uu kala hadlay doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Rooble uu sidoo kale guddoomiye Dhabancad ku cadaadiyey inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaarkood maanta loo diiday inay ka qeyb galaan kulankii Baarlamaanka.

Sababta xildhibaanadaas loo diiday ayaa lagu sheegay in aysan sugin saddex maalmood kahor inta aanay qaadan shahaadada xildhibaannimo, taasi oo habraaca doorashada uu dhigayo.

Guddiga FEIT oo soo saaray amar xasaasi ah oo ku saabsan xildhibaanada laga soo doortay Ceelwaaq

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirelinta doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa dalbaday in si deg deg ah loo dhaariyo xildhibaanada laga soo doortay Jubbaland, gaar ahaan magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaatay shahaadada xildhibaanimo.

Guddiga ayaa sheegay inay qoraalkaan soo saareen kadib markii ay arkeen in doorashada guddoonka Golaha shacabka ay dhowdahay islamarkaana aysan suuragal aheyn in kuraasta Gedo oo maqan la qabto doorashada. Hoos ka aqriso qoraalka guddiga

Ujeedo: Dardargelinta dhameystirka doorashooyinka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal oo gudanaya wajibaadkiisa shaqo kana jawaabaya baahida loo qabo dardargelinta iyo dhameystirka doorashooyinka iyo xaqa ay beeluhu u leeyihiin inay metalaad ku yeeshaan doorashada Golaha Shacabka .

  1. Markuu arkay waqtiga la qabanayo doorashooyinka guddoonka Golaha Shacabka
  2. Markuu arkay baahida loo qabo in xildhibaanada harsan aysan ka harin doorashooyinka
  3. Markuu arkay inay waajib tahay inay metalaadooda ay ugu qeyb galaan doorashada guddoonka aqalka hoose

Guddiga doorashooyinka wuxuu go’aamiyey:

In xildhibaanada lasoo doortay ee soo qaatay shahaaddada xildhibaanimo ee guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhaariyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ugana qeyb galaan doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee loo madlan yahay 27 April 2022.

Halkan hoose ka akhriso waraaqda kasoo baxday guddiga

 

Rooble oo Dhabancad ku cadaadinaya arrin xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Mudane Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo heer gebogebo ah mareysa.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Rooble uu guddoomiye Dhabancad ku cadaadinayo inuu aqbalo natiijada kuraasta lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq kuwaas oo qaarkood maanta loo diiday inay ka qeyb galaan kulankii Baarlamaanka.

Sababta xildhibaanadaas loo diiday ayaa lagu sheegay in aysan sugin saddex maalmood kahor inta aanay qaadan shahaadada xildhibaannimo, taasi oo habraaca doorashada uu dhigayo

Kulanka labada mas’uul ayaa kusoo adayo xilli Maanta ay xildhibaanada baarlamaanka khudbado u jeediyeen musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka.

Dhanka kale, Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Rooble iyo Guudlaawe ayaa ka wada hadleen dhammeystirka kuraasta Golaha Shacabka ee weli ku harsan Hirshabeelle iyo qodobbo kale.

Ra’isulwasaare Rooble iyo Guddiga doorashada heer Federaal ee FEIT ayaa ku dhagay kursiga HOP#086 oo uu kusoo baxay Fahad Yaasiin kaasoo laga soo doortay Hirshabelle, lamana xaqiijin karo haddii kulankaan uu xiriir la leeyahay kiiskaas.

Xubnihii Ceelwaaq oo loo diiday iney ka qeyb-galaan fadhiga maanta ee G/SH

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba doorasho oo is garab socota ayaa ka socota Jubbaland. Ceelwaaq koox taageersan Axmed Madoobe ayaa ku qabatay doorasho maanta lasoo geba-gebeeyey, tagista, shahaado bixinta, codeynta iyo ku dhawaaqista natiijadaba ma aysan qaadan wax saacad ka badan taasoo sii xoojisay fedeexooyinka doorashooyinka Soomaaliya.

Garbahaarey ayaa iyadana waxaa ka billaabaneysa doorashada 16 kursi oo ay fulinayaan xubno taabacsan Farmaajo.

Labadaba waxaa jooga xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedeeraal ee FEIT iyo midka xallinta khilaafaadka. Balse Ceelwaaq waxaa dheeri u ah xubnaha guddiga doorashada ee heer maamul Goboleed.

In Ceelwaaq la aado oo doorasho lagu qabto waxay ka dhigan tahay in laga baxay ku dhaqanka heshiiskii 17 September, waana markii koowaad oo hoggaamiye Goboleed uu toos u jabiyo heshiiskii ay saxiixeen Labada Aqal ee Baarlamaankii Tobanaad.

Axmed Madoobe dood xooggan uma noqon doonto ma tagi karo Garbahaarey xilli Cali Guudlaawe uu doorasho ku qabtay Magaalada Beledweyne oo dhiiggu daadanayo, geeriduna ay Boqol dhaaftay intii uu Magaaladaas joogay, ayey leeyihiin dhinacyada dhaliilsan dooda Axmed Madoobe.

Qaar ayaa ku doodaya muhiimba ma aheyn inuu isagu tago ee guddiga ayaa ku filnaa inay Garbahaarey tagaan.

Kooxda Garbahaarey aaday iyaguna waxay noqdeen qoladii koowaad ee ku dhaqaaqda Laba doorasho oo is garab taala.

Guddiga doorashada ee FEIT waxaa ceeb ugu filan in 16 kursi oo loogu talagalay in hal magaalo lagu qabto inay Laba magaalo doorasheeda ka wadaan iyagoo kala jaban.

Waxay muujineysaa heerka mas’uuliyad xumadooda iyo inaysan jirin wax laxow ah oo uga jira inuu nidaamka doorashada si hagaagsan ku dhammaado.

Xildhibaanadii lagu doortay Ceelwaaq ayaa shalay waxay qaar yimaadeen magaalada Muqdisho iyagoo qaatay shahaadada xildhibaanimo ee uu bixiyo guddiga FEIT, taasoo iyaduna kasoo horjeeda hab-raaca dhigaya in markii xildhibaanka la doorto kadib in sadddex maalin la sugo haddii ay jiraan wax cabashooyin ah, haddii la waayo cid cabasho keentana wuxuu markaas hab-raaca dhigayaa in guddiga doorashada ee heer maamul Goboleed inuu xogta kursigaas u gudbiyo guddiga doorashada ee heer Federaal si xildhibaankaas loo siiyo shahaadada rasmiga ah.

Wararka ka imanaya xarunta Golasha Shacabka iyo guddoonka kumeel gaarka ah ee Golaha ayaa sheegaya in guddoonka iyo xoghayaha joogtada ah ee Golaha Shacabka inay ka cago jiidayaan in wixii Ceelwaaq ka dhacay doorasho loo aqoonsado.

Waxaa jirta dood xubnaha qaar qabaan oo ah in golaha Wada-tashiga Qaran ay go’aan ka gaaraan doorashada Labada dhinac ee ka socota Gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo oo shalay qoraal soo saaray ayaa isna la yimid dood taas la mid ah oo dalbaneysa in doorashooyinka is garab socda ee Gobolka Gedo inay sharci darro yihiin ayna kasoo horjeedaan heshiiskii doorasho ee 17 September loona baahan yahay in Golaha Wada-tashiga Qaran go’aan ka gaaro.

Hadalka Farmaajo oo isaga loo arko inuu abaabulayo doorashada ka socota Garbahaarey iyo midka Axmed Madoobe ku xoojinayo doorashada ka socota Ceelwaaq labaduba uma muuqdaan kuwa la fal geli kara xaqiiqada u muuqata Dadweynaha.

Haddii guddoonka kumeel gaarka ah iyo xoghayaha Baarlamaanka ku adkeystaan in Kuraasta Gedo dib la isaga dhigo buuqooda oo aan xubnaha shalay lagu soo doortay Ceelwaaq la siin aqoonsi xildhibaanimo lana dhaarin waxay ka dhigan tahay in loo baahan doono Golaha Wada-tashiga Qaran oo ay hor tagi doonaan 32 xildhibaan oo laga rabo 16 sax ah, laakiin haddii la fasaxo oo dhinaca diidan ee Farmaajo taageersan ay golaha shacabka foodo geliyaan waxaa la aaminsan yahay inay saameyn doonto jadwalka doorashada guddoonka.

Sida guddoomiye Dhabancad iyo xoghaye Buux u maareeyaan arrintaan ayaa aad loo eegayaa iyo sida uu golaha Shacabka qalalaaso cusub uga badbaado, walow ay jiraan xildhibaano olole ugu jira in la fasaxo xubnihii Shalay lagu soo doortay Ceelwaaq.

Doorashada Ceelwaaq oo lasoo afjaray + Sawirro

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo waxaa maanta lagu soo gabagabeeyey doorashada 16-kii kursi ee horey looga wareejiyey degmada Garbahaarey, taas oo muddo ay ka taagneyd xiisad u dhexeysa dowladda iyo Jubbaland.

Doorashada oo shalay soo bilaabatay, isla-markaana la doortay illaa 11 xildhibaan ayaa maanta la dhammeystiran, iyada oo lasoo doortay 5-tii xildhibaan ee harsaneyd.

Xildhibaanada la doortay ayaa waxaa ka mid ah xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland, kuwaas oo haatan ku biiraya baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Magacyada xildhibaanada maanta soo baxay ayaa waxa ay kala yihiin:- 1-Mursal Maxamed Khalif oo ku guuleeystay kursiga HOP#122.

2-Maxamed Muxumed Maxamed oo ku guuleystay kursiga HOP#110.

3-Marwo Faadumo Faarax Aadan oo ku guuleysatay kursiga HOP#123.

4-Axmed Cismaan Ibraahim oo ku guuleysatay kursiga HOP#131.

5-Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo ku guuleystay kursiga HOP#125.

Doorashada ayaa dhalisay muran horleh, maadaama doorasha kale ay iyana qaban qaabadeeda ka socoto magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, taas oo uga sii dareysa xiisadda taagan.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadeysa, iyada oo wareegto uu saaray madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday lagu sheegay inay sharci darro yihiin doorashooyinka is barbar socda ee Ceelwaaq iyo Garbahaarey, waxaana sidoo kale arrintaas taageeray guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban oo ka horyimid doorashooyinkaasi.

 

Dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo u dhexeeyey ciidan ka tirsan dowlada & maleeshiyaad macawiisley ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay muran ka dhashay Qaad laga soo dajiyey xeebta, waxaana isku dagaalay labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Dagaalka ayaa si gaar ah u dhex-maray ciidamo isugu jira Milatari iyo Boolis doonayey inay Jaadka soo gudbiyeen rag kale oo Macawiisley ah oo iyagana ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaadka labada dhinac, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin waxaana haatan kacsan xaaladda.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale waxaa saameyn ku yeeshay dagaalka ka qarxay halkaas, kaas oo illaa shalay xiisadiisa ay ka taagneyd Ceel Huur iyo illaa wadada ka timaada Jaziira.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan shaqaaqadaasi oo ah mid soo noq-noqatay, isla-markaana geystay khasaare xoogan.

Magaalada Muqdisho iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo kala duwan, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa rayidka.

Guddiga Xalinta oo go’aan kasoo saaray doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa qoraal ay soo saareen ku caddeeyay in doorashooyinka ka bilowday magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceel Waaq ay yihiin kuwo hareer marsan heshiisyadii iyo habraacyada doorashooyinka.

Guddiga ayaa sharci daro ku tilmaamay doorashooyinkaasi labadaasi magaalo, iyadoo la eegayo heshiisyadii siyaasadeed ee ay wada gaareen madasha wadatashiga qaran 1-dii Oktoobar 2020, sida lagu yiri war-saxafadeed kasoo baxay guddiga.

Qoraalkaan kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa waxaa ka horeeyay qoraal kasoo baxay madaxweyne Farmaajo oo sharci daro ku sheegay doorashooyinka ka bilowday Garbahaareey iyo Ceel Waaq.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay guddiga 

War saxaafadeed Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu ku dhisan yahay heshiis siyaasadeed oo ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran 1dii Oktoobar 2020, waxaana waajibaadkiisa shaqo ugu muhiimsan inuu hubiyo in kursi kasta oo la doortay loo qabtay hannaan waafaqsan Heshiiska 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyada doorashooyinka. 2021-2022.

Haddaba, Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu caddeynayaa in doorashooyinka ka bilowday magaalooyinka Gaarbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa hareer marsan heshiisyada iyo habraacyada doorashada,  

Doorashada ka socota magaalada Garbahaareey waxaa aysan haysan sharciyadda Maamulka Jubaland iyo doorkii Guddiga SEIT oo meesha ka maqan, halka doorashada Ceelwaag ay khilaafsan tahay qodob aasaasi ah oo ku saabsan asteynta deegaan doorashooyinka sida ku cad Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka wuxuu usoo jeedinayaa Madasha Wadatashiga Qaran inay xal waara u hesho doorashooyinka isbarbaryaacsan ee haatan ka socda magaalooyinka Garbahaareey iyo Ceelwaaq taasoo u baahan wada hadal, isqancin iyo tanaasul siyasadeed. 

Maadaama lagu jiro gunaanadkii doorashooyinka dalka, ayna muuqato inaan tixgelin loo haynin heshiisyadii ay gaareen Madasha Qaranka ee lagu hagayay doorashooyinka, Guddiga Xallinta Khilaafaadka kama qeyb qaadanayo inuu sharciyeeyo hannaanka lagu wado doorashada Gedo ilaa heshiis siyaasadeed oo arrintan lagu xallinayo ay gaaraan hoggaamiyeyaasha Madasha Wadatashiga Qaran.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkii LIIDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uulliyada weerarkii xalay ee lagu qaaday hotelka Pescatore ee ku yaal inta u dhaceysa Beach View iyo Oceian ee xeebta Liido.

Weerarkaasi ahaa mid uu fuliyay qof miineysan oo isku qarxiyay iridka hotelka laga galo, kaasoo qorshahiisa ahaa inuu gudaha u galo hotelka oo ay ku shirsanaayeen taliyaha ciidamada booliska Jen. Xijaar iyo tiro xildhibaano ah oo kasoo jeeda gobolka Sool.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaasi uu fuliyay naftii hure ka tirsan iyaga oo beegsaday saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah iyo dhaawaca Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Jeneraal Siyaad iyo taliyaha booliska saldhiga Cabdicasiis, Liibaan Shidane.

Warar goor danbe soo baxay ayaa sheegaya inuu weerarkaasi ku dhintay xogheyntii gaarka ee Taliye Xijaar, balse laamaha amniga ma aysan sheegin.

Amaanka Liido ayaa ahaa mid si weyn u adag, oo ay dadka gaadiidka ku socda sida ay kusoo galaan ay adag tahay maadaama wadooyinka laga soo galo ay xeran yihiin, kuna sugan yihiin ciidamo ka tirsan booliska.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ku taal safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay amaankeeda.

TOOS: Daawo hadal jeedinta musharixiinta guddoonka labada aqal ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah maanta uga bilaabatay hadal jeedinta musharixiinta guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, taas oo haatan ka socota xarunta labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya.

Kulanka Golaha Shacabka oo goordhow furmay ayaa waxaa lagu bilaabay dhaarinta xildhibaano cusub oo dhowaan lasoo doortay, kuwaas oo kala aha:-1-Jaamac Taqal Cabaas oo lagu soo doortay Koonfur Galbeed 2-Maxamed Axmed Maxamuud (Beerey) oo lagu soo doortay Jowhar, HirShabelle 3-Xasan Budul Cali oo lagu soo doortay Kismaayo, Jubbaland 4-Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo lagu soo doortay Jowhar, HirShabelle.

Intaasi kadib xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa guda-galay dhageysiga khudbadaha musharixiinta oo ka hadlaya barnaamijkooda waxqabad iyo taariikh nololeedkooda.

Xubnaha isku soo taagay xilka guddoomiyaha ayaa gaaray illaa siddee xubnood, waxayna kala yihiin:-

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Dhinaca kale xarunta Golaha Aqalka Sare waxaa iyana haatan ka socota hadal jeedinta musharixiinta guddoomiyaha Golahaasi, waxaana isku taagay musharixiinta kala ah:-

1-Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cismaan Obokor Dubbe.

Musharixiinta ayaa la siiyey fursad ah min 15 daqiiqo oo ay kusoo koobi doonaan khudbadahooda, iyada oo kadib loo geli doono ku xigeenada labada Aqal.

Qorshaha ayaa ah in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 27 bishan, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiyada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Weeraradii Liido & Gaalkacyo – laba xaalad oo is shabaha

0

Xalay iyo habeen hore waxaa dhacay labo weerar oo midi uu ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug iyo midkii lagu qaaday hotelka cusub ee lagu magacaabo Pescatore oo ku yaalla inta u dhaceysa Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Labada weerar ayaa marka la eego cidda lagu bartilmaameedsaday aad isu shabaha, inkastoo kooxaha fuliyay weerarka ay labo kala yihiin.

Weerarkii Gaalkacyo habeen hore lagu bartilmaameedsaday wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdisaciid Muuse, Nabaddoon Yaasiin Cabdisamad iyo xubnaha qoyska wasiir Cabdisaciid ayaa waxaa geystay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland oo kulan afureedka xubnahaasi qoys ahaanta u shirayay u arkay mid siyaasadeed oo ka dhan ahaa Puntland iyo madaxweynaheeda murashaxa madaxweyne ah ee Saciid Deni.

Guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur “Sanyare” ayaa weerarkaasi ku tilmaamay mid amniga lagu sugayay isagoo ku eedeeyay wasiir Cabdisaciid inuu dusha soo saartay wax uu ku sheegay “ka mira-dhalinta siyaasad madhalays ah iyo khal-khal galinta amniga guud ee magaaladda Gaalkacyo”, isla markaana Puntland ay sida Al-Shabaab ula dagaalameyso cid walba oo khatar ku ah nabad-gelyadda magaalada iyo Puntland.

Weerarka labaad ee hotel Pescatore oo ay sheegatay mas’uuliyadiisa Al-Shabaab ayaa bartilmaameedkiisu ahaa taliyaha booliska Jen. Xijaar iyo xildhibaano kasoo wada jeeday hal beel oo Sool degta.

Dad badan oo si weyn baraha bulshada u adeegsada ayaa aaminsan in labada shir ee Gaalkacyo iyo Liido ahaayeen labo xaaladood oo loogu ololeynayay madaxweyne Farmaajo oo dhiig ku daatay.

Balse xaqiiqda ayaa ah in midkii danbe ee Liido uu ahaa mid ay fuliyeen kooxda Al-Shabaab oo cidina aysan aqoonin, cid walbana oo ka tirsan dowladda ama ku lug leh ay bartilmaameedsadaan laguna tilmaami karin mid siyaasadeed oo cid gaar ah lala eegtay.

Hase ahaatee midkii Gaalkacyo ayaa u muuqday mid siyaasadeed oo Puntland u aragtay shir lid ku ahaa ololaha doorasho ee Saciid Deni.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalyahanada Al-Shabaab oo la wareegay Matabaan

0

Matabaan (Caasimada Online) – Maleeshiyo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa waxay la wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan balse hoos tagto maamu Goboleedka Galmudug.

Al-Shabaab ayaa si nabad galyo ah kula wareegtay Matabaan markii ay isaga baxeyn ciidamadii Booliska ee ka tirsanaa Galmudug kuwaas oo magaalada isaga baxay markii ay heleen aqbaar sheegeysa in ciidamada Al-Shabaab gudaha usoo geli rabaan.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Matabaan ayaa waxaa ay sheegayaan gudaha degmada lagu arkaayo dagaalyahanada Shabaab oo koox koox u socda.

Al-Shabaab ayaa gudaha u gashay xarunta Degmada iyo Saldhigga halkaas oo la sheegay inay burburin ka wadaan sidii ay dhawaan ku sameeyeen markii ay qabsadeen.

Degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa dhowr jeer isku bedbedelay Ciidamada Galmudug iyo Ahlusunna,  waxaana bilihii lasoo dhaafay ay wajahday xaalad amni daro.

Madaxda Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Ciidamada qeybta 27-aad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Ururka Al-Shabaab ee degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Tan iyo markii ciidamada Ahlu Sunna ay isaga baxeyn Matabaan kadib markii ay isku dhaceyn maamulka Galmudug waxay Matabaan hooy u noqotay kooxda Al-Shabaab, waxaana degmada lagu reebay ciidamo yar oo ka tirsan Galmudug kuwaas oo isaga baxayo magaalada markii ay ogaadaan in kooxda Al-Shabaab ay weerar soo qaadi rabto.

Madaxda Soomaalida ee ka murugooday geerida Kibaki balse hal mid oo ka aamusay

0

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii seddaxaad ee Kenya, Mwai Kibaki isagoo 90 jir ah.

Madaxweynaha xiligaan ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay geerida Kibaki, isagoo sheegay in shacabka Kenya ay geli doonaan maalmo murugo iyo baroordiiq ah.

Madaxda Soomaalida ayaa geerida Mwai Kibaki ka fal celiyay iyadoo qaarkood ay ka tacsiyadeeyeen, geerida madaxweynihii hore ee Kenya.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa muujiyay inuu si weyn ugu murugooday geerida Mwai Kibaki, wuxuuna dhambaal tacsi ah u diray shacabka iyo madaxweynaha Kenya. “Waxaan si weyn uga murugooday geeridii ku timid Madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki.”

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca shacabkayga, waxaan jeclaan lahaa inaan dhambaal tacsi ah u diro Madaxweyne Kenyatta iyo shacabka Kenya xilligan murugada iyo dhibaatada haysata,” ayuu Rooble ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Shekeh Maxamuud, ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda Soomaalida ee ka tacsiyadeysay geerida Kibaki, isagoo qoraalkiisa Twitter-ka ku sheegay inuu dalkiisa waxqabad ballaaran uu ka geystay intii uu madaxweynaha ahaa iyo kahorba.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa isna qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay inuu aad ugu naxay geerida Mwai Kibaki, wuxuuna tacsi tiiraanyeysan u diray qoyskii, shacabka iyo madaxweynaha Kenya.

Marka intaas laga soo tago, madaxda kale ee Soomaalida ka gaabsatay inay ka tacsiyadeeyaan waxaa ka mid ah, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore, Axmed Madoobe-aha Jubbaland oo aad ugu dhow Kenya iyo Saciid Deni.

Mwai Kibaki ayaa Soomaalida ku xusuusan doontaa wanaag iyo xumaan intaba, isagoo si gaar ah lagu xusuusan doono doorkii uu ku lahaa dowlad dhisida Somalia 2004-kii iyo doorkii kale ee uu gudaha Somalia kusoo geliyay ciidamada Kenya sanadkii 2011-kii.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamanka

0

Muqdisho (Caasimaea Online) – Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulamo ku kala leh xarumahooda ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo dhammeystirka doorashooyinka dalka ee 2022-ka.

Xildhibaanada labada Gole ayaa maanta dhageysanaya hadal jeedinta musharixiinta isku diiwaangeliyey guddoonka sare ee labadaasi Aqal.

Illaa siddeed musharax ayaa isu diiwaangelisay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxa ay kala yihiin:-

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Sidoo kale xilka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa isku soo taagay illaa saddex musharrax oo kala ah:-

1-Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi 2-Senator Saalax Axmed Jaamac 3-Senator Cismaan Obokor Dubbe.

Dhammaan musharixiinta ayaa la siiyey fursad min 15 daqiiqo oo ay uga hadlayaan taariikh nololeedkooda iyo ballan qaadyadooda ku aadan, haddii la doorto.

Doorashadan ayaa waxaa ku lamaanan mida guddoomiye ku xigeeenada koowaad iyo labaad ee labada Gole oo iyaguna ay isku soo taageen musharixiin dhowr ah.

Qorshaha ayaa ah in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu soo gabagabeeyo 27 bishan, sida ku cad jadwalka kasoo baxay guddiyada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare.

Intaasi kadib ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada madaxweynaha oo ah tan ugu dambeysay ee doorashooyinka dalka.

Xusuusin: Damacii Mwai Kibaki ee JUBALAND iyo diidmadii SHEEKH SHARIIF

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynihii saddexaad ee dalka Kenya, Mwai Kibaki, ayaa geeriyooday isagoo 90 jir ahhaa. Kibaki ayaa xilka madaxtinimada Kenya hayay intii u dhaxeysay 2002 ilaa 2012-kii.

Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Kenya ay gashay baroordiiq qaran ilaa inta laga aasayo madaxweynahoodii hore Mwai Kibaki oo mudo 44 sano ku guda jiray arrimaha siyaasadda, kuna helay magaca iyo mansabka uu la dhintay.

Haddaba, Kibaki oo saameyn ballaaran ku lahaa arrimaha siyaasadda Somalia, maadaama uu ahaa madaxweynihii juhdiga geliyay ka mira dhalinta in Soomaaliya yeelato dowlad KMG ah oo lagu soo dhisay Mbagathi 2004-kii, taasoo madaxweyne loogu doortay Cabbdullaahi Yuusuf Axmed.

Mwai Kibaki ayey Soomaalida ku xasuusan doontaa inuu aabo u ahaa hannaanka federalism-ka ee Mbagathi lagu soo dhisay 2004-kii Itoobiyana ku gacan siisay, nidaamkaasi oo ilaa hadda ay ku dhaqanto Soomaalida oo awood qeybsi ay ku qeybsadaan xilalka sare dalka.

Waxaa kaloo lagu xusuusan doonaa in gudaha Soomaaliya uu soo geliyay dabayaaqadii 2011-kii, ciidamadiisa isagoo marmar siinyo ka dhiganeyay inay dalkooda ka difaacayaan kooxda Al-Shabaab, howlgalkaasi oo loogu magac daray “ilaalinta dalka”. Wuxuu xiligaasi hadalkii uu jeediyay u diiwaan gashan inuu yiri “Waxaan caalamka u sheegaynaa inaan duullaan ku ahayn Soomaaliya”.

Hase ahaatee madaxweynihii xiligaasi Shariif Sheekh Axmed ayaa si cad ugu horyimid una sheegay Kibaki iyo xukuumaddiisa inuu diidan yahay soo gelitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Somalia.

Sababta uu Shariif xiligaasi u diidanaa in ciidamada Kenya ay soo galaan Soomaaliya ay aheyd inuu ka hortago qorshe ay rabtay Kenya oo ahaa inay gobolada Jubbooyinka ka dhisto maamulka Jubaland oo ay Kenya u aragtay inay danaheeda ku fushado, difaacna uga dhigato dhibaatada iyo qalalaasaha amni ee ka jiray Soomaaliya.

Diidmada Shariif iyo shakiga uu qabay waxaa ku raacay oo ku taageeray ra’iisul wasaarihiisii xiligaasi Cabdiweli Cali Gaas oo sheegay in Kenya iyo Soomaaliya aysan gaarin heshiis ogolaanayo inay ciidamada Kenya gudaha usoo galaan Soomaaliya.

Taariikh madow ayey noqotay 28 Sep-2012-kii markii gudaha Kismaayo soo galeen ciidamada Kenya oo ay horkacayeen maliishiyadii Axmed Madoobe oo xiligaasi hoggaamin jiray xoogagii maxaakiimta ka go’ay oo la magac baxay Raas-Kambooni aakhirkiina Kismaayo lagu aas aasay maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo.

Hase ahaatee soo gelitaankii ciidamada Kenya kadib, waxay si buuxda ugu mid noqdeen howlgalka ciidamada AMISOM ee xiligaan isu badalay ATMIS, kuwaasi oo dhibaatooyin kala duwan ka geystay gobolada Jubbooyinka, iyagoo burburiyay hanti Soomaaliyeed, dil, iyo duqeymo sharci daro naxariis darann ka fuliyeen Somalia.

Waxaa kaloo sabab iyo ma hadho ku noqotay inay ilaalin waayeen derisnimo wanaaga iyo madax bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, aakhirkiina lugaha qabsaday Soomaaliya ilaa ay ku sheegtaan baddeenna iyo dhulkeena, si sharci daro ahna qeyb ka mid ah baddeena loogu xukumay, balse Soomaaliya ku qanacday go’aanka maxkamadda caddaaladda adduunka ICJ.

Doorashadii madaxweyne Farmaajo kadib, waxay Kenya faragelinteedii xoogeysteen iyadoo ka faa’iideysaneyso maamul goboleedyada qaar inay si qaawan oo ka baxsan xeerka caalamiga ah arrimaha gudaha Soomaaliya, taasoo dhalisay in madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku eedeeyo in faragelin aan gambasho laheyn ku heyso Somalia, gaar ahaan maamulka Jubbaland.

Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo tallaabadaasi ka jawaabeyso ayaa xiriirkii u jartay Keny, waxayna cuna qabateyn ganacsi saartay Kenya iyadoo joojisay Qaadkii la keeni jiray Somalia. Taas badelkeedna Kenya waxay ku dhaqaaqday tallaabo kasto oo ay ku carqaladeyneyso dowladda curdunka ah ee Somalia iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalka, laakiin looga guuleystay dhinac walbo.

W/Qoray: Ali Muhiyaddiin
Caasimadda Online

FARMAAJO oo war kasoo saaray weerarkii xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday hotelka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isagoona ku tilmaamay weerar bahalnimo.

Farmaajo ayaa ugu tacsiyadeeyay dadkii shacabka ee ku dhintay weerarka xeebta Liido, halka kuwii ku dhaawacmay u rajeeyay inuu alle bogsiiyo, wuxuuna laamaha ammaanka iyo ciidamada faray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah xiligaan lagu guda jiro tobanka danbe ee bisha Ramadaan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Farmaajo

Muqdisho, Abriil 22, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaaday masuuliyiin iyo muwaadiniin kale oo ka afurayey Xeebta Liido, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaa arxandarrada ah.

 Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iyada oo lagu guda jiro tobankii danbe ee bisha barakaysan ee ramadaan ay qaraxan bahalnimada ah ee argagixisadu la beegsatay muwaadiniin Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan uu muujinayo ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u bannaysteen dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomman.

“Innaa Lillaali Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada muwaadiniinta ku geeriyootay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka afurayey xeebta Liido. Waxaan bogaadinayaa Ciidammada geesiyaasha ah ee ka hor tegey in ruuxii naftii halligaha ahaa uu gudaha u galo hotellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana farayaa dhammaan Ciidamada Ammaanku in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, xilligan lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay argagixisadu beegsanayso shacabka muslimiinta ah ee cibaadaysanaya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

DHAMMAAD