25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

FARMAAJO oo war kasoo saaray weerarkii xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii xalay lagu qaaday hotelka ay ku shirsanaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, isagoona ku tilmaamay weerar bahalnimo.

Farmaajo ayaa ugu tacsiyadeeyay dadkii shacabka ee ku dhintay weerarka xeebta Liido, halka kuwii ku dhaawacmay u rajeeyay inuu alle bogsiiyo, wuxuuna laamaha ammaanka iyo ciidamada faray inay muujiyaan feejignaan dheeri ah xiligaan lagu guda jiro tobanka danbe ee bisha Ramadaan.

Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Farmaajo

Muqdisho, Abriil 22, 2022: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si kulul u cambaareeyey weerarkii argagixiso ee lagu qaaday masuuliyiin iyo muwaadiniin kale oo ka afurayey Xeebta Liido, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo qaraabada dhammaan muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkaa arxandarrada ah.

 Madaxweynaha ayaa tilmaamay in iyada oo lagu guda jiro tobankii danbe ee bisha barakaysan ee ramadaan ay qaraxan bahalnimada ah ee argagixisadu la beegsatay muwaadiniin Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan uu muujinayo ficillada gumaadka ah ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo sida ay u bannaysteen dhiigga dadka muslimiinta ah ee soomman.

“Innaa Lillaali Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ehelka iyo qaraabada muwaadiniinta ku geeriyootay qaraxii ay argagixisadu la beegsatay Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka afurayey xeebta Liido. Waxaan bogaadinayaa Ciidammada geesiyaasha ah ee ka hor tegey in ruuxii naftii halligaha ahaa uu gudaha u galo hotellada ku yaalla xeebta Liido, waxaana farayaa dhammaan Ciidamada Ammaanku in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, xilligan lagu guda jiro bishan barakaysan ee Ramadaan oo ay argagixisadu beegsanayso shacabka muslimiinta ah ee cibaadaysanaya.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Muwaadiniinta ku geeriyooday qaraxa Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, waxa uuna caafimaad degdeg ah u rajeeyey muwaadiniinta kale ee dhaawacu ka soo gaaray falkaas arxan darrada ah.

DHAMMAAD

Safaaradda Soomaaliya ee Serbia oo soo dhoweysay arday heshay waxbarasho

Belgarade (Caasimada Online) – Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia waxaa ay si buuxda u soo dhaweysay 16 arday Soomaaliyeed oo ku guuleysatay deeqda waxbarasho ee Dowladda Serbia ay siisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Deeqdan waxbarasho ayaa ku timid kadib, dib u soo celinta xiriirka labadda dal iyo dib u furidda Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Magaaladda Belgrade 14 September sanadkii tegey ee 2021.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si xoog leh uga mahad celisay fursada qaaliga ah ee siiyay araday Soomaaliyeed. 

Safaaradda Soomaaliya ee Belgrade waxaa ay mar walba u taagan tahay xoojinta xiriirta labada dal iyo fulinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed. 

Tan iyo markii Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay sii hayaha safiirka Soomalaiya ee Serbia, waxa uu shaqo wanaagsan ka qabtay xiriirka labada dal iyo sidii uu wax ugu tari lahaa Soomaalida ku nool dalkaas iyo dalalka deriska la ah.

Waxa uu dhowaan gacan ka gaystay in dalka Ukraine oo dagaallo ay ka qarxeen laga soo badbaadiyo dad ka badan 30 qof.

Sawirro: Maxamuud Sayid Aadan oo gaaray Ceelwaaq

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacabka Somalia.

Sayid Aadan ayaa waxaa garoonka Ceelwaaq kusoo dhoweeyey wasiirka amniga Jubbaland, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta deegaanka.

Ujeedka booqashada madaxweyne ku xigeenka ee Jubbaland ayaa la xiriirta 16-ka kursi ee loo wareejiyey Ceelwaaq, taas oo shalay ka bilaabatay magaaladaasi wuxuuna isla-markii booqday hoolka ay ka socoto doorashada kuraastaas oo uu weli muran ka taagan yahay.

Sidoo kale Saydika ayaa kormeeri doono xaalada guud ee deegaanka si u qiimeeyo amniga, wuxuuna kulamo la yeelan doonaa mas’uuliyiinta iyo waxgaradka Ceelwaaq.

Safarkan ayaa ku soo aadaya ,iyadoo shalay degmada Ceelwaaq uu tagay madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo goobjoog ahaa doorashada ka dhacday halkaasi, wuxuuna sidoo kale dhagax dhigay dhismaha garoonka.

Amniga Ceelwaaq ayaa haatan si weyn loo adkeeyey, waxaana iska kaashanaya ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Kenya ee ku sugan gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, doorashada ka bilaabatay magaaladan ayaa dhalisay khilaaf horleh, waxaana sharci darro ku tilmaamay Farmaajo iyo guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

 

Daawo: Taliska booliska oo soo bandhigay xogta qaraxii Liido iyo khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo faahfaahin ka bixiyey qaraxii caawa ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegay inuu fuliyey qof naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa xaqiijiyey dhimashada 3-qof iyo dhaawacyada 8-kale oo ka dhashay qaraxaas, isagoo meesha ka saaray inuu jiray weerar toos ah oo ka dambeeyey qaraxaas.

Afhayeenka booliska ayaa sheegay qofka is-qarxiyey ay u suurta geli weysay inuu gudaha u galo Hotelka, isla markaana uu ku qarxay banaanka Hotelka oo lagu magacaabo Pescatore, kuna yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

“Qaraxaas waxaa ku dhintay ilaa seddax qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa sided kale oo ay ku jiraan ciidamada ammaanka, waxaan bulshada u xaqiijineynaa in goobtii ay hadda tahay mid ammaanka ah,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Wuxuu sheeegay in lasoo badbaadiyey dhamaan masuuliyiintii ku sugneyd Hotelka, isagoo aad u amaanay ciidamada ammaanka oo sida uu sheegay fashiliyey qaraxaas oo qofkii isku soo xiray uu doonayey inuu gaaro goob masuuliyiin badan ay ku sugnaayeen.

Ugu yaraan 10 xildhibaan oo beesha Dhulbahante ka soo jeeda, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin uu ku jiro hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo ka soo wada jeeda beesha Dhulbahante ayaa ku shirsanaa Hotelka.

Dhanka kale Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada tiro kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan, balse booliska ayaa soo bandhigay dhimashada 3 qof, taas oo shaki badan gelisay tirade khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay weerarkaas.

Hoos ka daawo Afhayeenka

Xog: Maxaa caawa ka socday hotelka la weeraray ee xeebta Liido, yaase ku sugnaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa caawa Hotelka la weeraray ka socday shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta beesha Dhulbahante iyo masuuliyiinta ku metesha dowladda federaalka.

Ugu yaraan 10 xildhibaan oo beesha Dhulbahante ka soo jeeda Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin uu ku jiro hoggaamiyihii hore ee maamulkii Qaatumo State Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo ka soo wada jeeda beesha Dhulbahante ayaa ku shirsanaa Hotelka.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka mid ah masuuliyiintaas waxaa lasoo badbaadiyey inta badan dadkii ku shirsanaa Hotelka ee beesha Dhulbahante ka soo jeeday.

Qarax gaari loo adeegsaday oo lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelkaas oo lagu magacaabo Pescatore, ayuu ku bilowday weerarkaan, wuxuuna Hotelkaasi ku yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada tiro kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Soomaaliya Jeneraal Siyaad, waxaana weli socda dadaalo lagu badbaadinayo dadka gudaha ku jira, maadaama ay rag hubeysan ka dagaalamayaan.

Khasaaraha qaraxa Liido iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hor dhac ah ayaa soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa iyo weerarka tooska ah ee caawa ka dhacay xeebta Liido, gaar ahaan Hotel cusub oo lagu magacaabo Pescatore, kaas oo ku yaalla inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Adeega gurmadka deg dega ah ee Amin Ambalaas ayaa warbaahinta u xaqiijiyey dhimashada 6 qof iyo dhaawacyada 7 kale, waxaana weli gudaha Hotelka ka dagaalamaya rag hubeysan.

Dad badan oo ay ku jiraan Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Xijaar, xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa laga soo badbaadiyey Hotelka.

Dadka ku dhaawacmay weerarkaan waxaa ka mid ah Taliyaha ciidanka birmadka ee booliska Soomaaliya Jeneraal Siyaad, balse si rasmi ah looma xaqiiji karo khasaaraha, maadaama uu weli weerarku ka socdo gudaha Hotelka.

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad xoog leh oo qaraxa ka dhashay iyo rasaas si darandoori ah u dhaceysa, waxaana kala cararay dad aad u badan oo ku caweynayey barxadda weyn ee Xeebta Liido.

Axmed Madoobe oo war ka soo saaray doorashada ka bilaabatay Ceelwaaq (Daawo)

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo galabta gaaray magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka bilaabatay magaaladaas, halkaas oo lagu doortay ilaa 8-xildhibaan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qorshihiisa koowaad uu yahay in Gedo aysan ka harin doorashooyinka dalka ka socda, sidaas darteedna uu maanta u tegay Ceelwaaq oo loo wareejiyey deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dadka reer Ceelwaaq u balan qaaday mashaariic hormarineed oo ay heli doonaan markii lasoo gabagabeeyo doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo.

Balanqaadka uu Axmed Madoobe u sameeyey reer Ceelwaaq waxaa sidoo kale ka mid ahaa in gole deegaan si deg deg ah loogu dhisi doono degmadaas uu kaligeed ka maamulo gobolka Gedo, si maamul shacabku soo doortay ay u hesho Ceelwaaq.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa galabta markii uu gaaray Ceelwaaq wuxuu horay ka dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono, sida uu sheegay.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay inay diyaar tahay lacagta dhismaha garoonka diyaaradaha degmada Ceelwaaq, isla markaana dhawaan la xayaysiin doono qandaraaska dhismaha garoonka.

Sideed kursi ayaa maanta lagu doortay Ceelwaaq, waxaana hartay sideed kale oo berri la qorsheeyey in la doorto, sida aan xogta ku helnay, waxaana xusid mudan in garabka Farmaajo ay doorasho kale isla maanta ka bilaabeen magaaladii laga soo wareejiyey deegaan doorashada labaad ee Jubbaland, waa Garbahaarey.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/wSbrpbwOLFk?t=16

Qoor-Qoor iyo Guudlaawe oo ku loolamaya hal kursi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xalay natiijo la’aan kusoo dhamaaday kulan ay xalay magaalada Muqdisho ku yeeshen Senatoro ka tirsan Aqalka Sare oo laga soo doorto deegaanada HirShabelle iyo Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaas ayaa ujeedadiisu aheyd in Senator-da Galmudug ay ka codsadaan kuwa HirShabelle in Senator Cabdixakiim Macalin Axmed looga tanaasulo kursig Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, oo uu kula tartamayo musharax kasoo jeeda HirShabelle.

Kursiga guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa isku haya Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo laga soo doorto HirShabelle iyo Senator Cabdixakiim Macalin Axmed oo asagana laga soo doorto Galmudug.

Madaxweynayaasha labada maamul goboleed ayaa la soo warinaya inay kala taageersan yihiin labada musharax, ayada oo mid walba uu dadaal badan ku bixinayo sidii uu kursigaas ku heli lahaa qof kasoo jeeda deegaankiisa.

Xogta aan helnay ayaa waxay tilmaameysa in Senator-dii ka socday HirShabelle ay diideen inay ka tanaasulaan kursigaas, islamarkaana ay sheegen inay diyaar u yihiin in la tartamo oo qofkii guuleysta uu helo.

Dooda u weyn ee ay qabaan xubnaha HirShabelle ayaa ah in kursigaan oo ay wadaagan beelo kasoo jeeda labada maamul, aysan hadda sax aheyn in markale uu dhankeeda jirsado Galmudug, maadama shantii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyay Senator laga soo doorto deeganada Galmudug.

Gogosha xalay ka dhacday huteel Jazeera ee magaalada Muqdisho oo ay dhigeen xubnaha Galmudug ayaa kusoo dhamaatay is-faham waa, waxaa muuqata in loo dareeray tartan adag, taasi oo xiiso u yeeli doonta doorashada 26 bishaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Loolanka Labada maamul ayaa waxay sidoo kale xiiso u yeeli doonta tartanka doorashada, ayada oo la kala ogaan doono saaxiibada ay leeyihiin labada dhinac maamul goboleed iyo saameyntooda, maadama labada madaxweyne ay qeyb ka yihiin ololaha doorashada ee kursigaan.

Sawirro: Axmed Madoobe oo tegay Gedo kadib wareegtadii kasoo badxay Farmaajo

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Gobolka Gedo, halkaas oo ay kasocoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland. 

Axmed Madoobe ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Ceelwaaq kusoo dhaweeyay qaar kamid ah golaha wasiirada, oo horey u joogay magaalada iyo maamulka magaalada.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Jubaland ayaa lagu yiri “Waxaa Madaxweynahu uu tagay halka ay ka socoto doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.” 

“Madaxweynahu wuxuu goob joog ka ahaa doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta maanta lagu doortay Degmada Ceelwaaq isagoo u kuur galayay habsami u socodka doorashooyinka ayuu Madaxweynahu uga mahad celiyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay howshan ku bixiyeen.”

Safarka Axmed Madoobe ayaa imanaya ayada oo goor sii horeysay oo maanta ah uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sharci-darro ku tilmaamay “doorashooyinka isbarbar socda” ee magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaareey. 

Farmajao ayaa dalbaday in la xushmeeyo heshiiskii 17-kii September 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1-dii October 2020 iyo 27-kii May 2021.  

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17-ka September 2020,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17-ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11-aad sharci wax ka baddalaya xeerkii baarlamanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in wax ka baddalka Heshiiskii 17-kii September iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16-ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashada 8 kursi ee maanta ka dhacday Ceelwaaq?

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubaland ayaa maanta degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ku qabtay doorashada qaar ka mid ah kuraastii ugu horreeyay ee Golaha Shacabka.

Kursiga HOP#119, oo ahaa kii ugu horreeyey ee doorashadiisa la qabto, ayaa waxaa ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii uu tanaasulay musharixii kale ee la tartami lahaa kaas oo lagu Magacaabo Cabdicasiis Cabdullaahi Ibraahim.

Wasiir Cabdullaahi ayaa wuxuu saaxiib dhow la yahay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Mudane Faarax Macalin Bishaar iyo mudane Xassan Aadan Xassan ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP216, waxaa ku guulaystay kursigan mudane Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP116 oo kamida kuraasta maanta doorashadooda ay ka dhacday Degmada Ceelwaaq ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay musharixiinta kala ah Duniyo Cismaan Yuusuf iyo Xaawo Khaliif Dubad.

Sida ay guddiga SEIT Jubbaland shaaciyeen kursigan waxaa kusoo baxday Xildhibaan Duniyo Cismaan Yuusuf.

Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada kursiga  tirsigiisu yahay #HOP087 oo ay ku tartamayeen musharixiinta kala ah Aamino Xuseen Cali & Faadumo Ibraahim Cali.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland oo natiijada kama dambaysta ah ku dhawaaqay ayaa sheegay in kursigan ay ku guulaysatay Xildhibaan Aamino Xuseen Cali.

Kursiga tirsigiisu yahay #HOP102 oo kamid ahaa kuraastii taalay deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa waxaa ku tartamay labada musharax ee kala ah mudane Cismaan Libaax Ibraahim & Mustaf Maanow Geedi ayaa waxaa ku guulaystay sida Guddiga ay shaaciyeen mudane Xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.

Maxamed Aadan Macalin & Xassan Cabdi Axmed ayaa ku tartamay kursiga tirsigiisu yahay #HOP090 waxaana natiijada guddiga SEIT ay shaaciyeen ku guulaystay mudane Maxamed Aadan Macalin.

Musharax Xildhibaan Aadan Ibraahim Isaaq iyo Musharax Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ku tartamayay kursiga tirsigiisu yahay #HOP065, waxaana ku guulaystay Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji kadib markii uu u tanaasulay musharixii la tartamayay.

Mudane Cabdiqaadir Xuseen Cabdi iyo mudane Cali Guurre Maxamed ayaa ku tartamay kursiga sumadiisu tahay #HOP091 oo tartankiisa la qabtay waxaana kursigan ku guulaystay sida natiijadii kama dambaysta ahayd ay ku sheegeen Guddiga Doorashooyinka Jubbaland SEIT mudane Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen Cabdi.

FARMAAJO oo wareegto ka soo saaray doorashooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray sharci darro ku tilmaamay doorashada ka socota magaalada Ceelwaaq iyo doorashada kale ee xubno ka tirsan guddiga doorashada ay ka billaabeen Garbahaarey.

Hoos ka aqriso wareegtada Farmaajo

Muqdisho, 22ka Abriil 2022: Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in doorashooyinka isbarbar socda ee Garbahaareey iyo Ceelwaaq ay yihiin kuwa sharci darro ah oo baal marsan Sharciga Jihaynta Doorashooyinka Dadban ee ay ansixiyeen Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 

Wareegtadan oo lagu socodsiiyay Madasha Wadatashiga Qaran iyo Guddoomiyaha Kumeel Gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa lagu faray in la xushmeeyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee ay xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran kala saxiixeen 1dii Oktoobar 2020 iyo 27kii May 2021. 

“Qof lagu soo doortay hannaan khilaafsan heshiisyada doorashooyinka iyo Xeerka Lam. 30 ma yeelan karo xuquuq lamid ah xildhibaannada lagu soo doortay hab waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020.”

“Sidaas darteed, kama qeyb qaadan karo doorashooyinka Guddoonka iyo tan Madaxweynaha ayadoo aan la helin heshiis ay wadar-ogol u gaareen Madasha Wadatashiga Qaranka si waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar ama uusan soo saarin Barlamaanka 11aad sharci wax ka baddalaya xeerkii Barlamaanka labadaiisa aqal ay hore u ansixiyeen.” Ayaa lagu yiri Wareegtada Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in wax ka baddalka Heshiiskii 17kii Sebteembar iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ay u baahan yihiin heshiis siyaasadeed oo ay dib uga wada xaajoodaan xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo faray inay degdeg isugu yimaadaan si xal dhammeystiran loogu helo kuraasta 16ka ah ee ku astaysan Garbahaareey.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in lasii dardargeliyo doorashooyinka loo madlan yahay ee Guddoonka Labada Aqal iyo doorashada Madaxweynaha sida ugu dhakhsiyaha badan. 

DHAMMAAD

Madaxweynihii hore ee dalka KENYA oo geeriyooday

Nairobi (Caasimada Online) –  Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa geeriyooday maanta oo jimco ah isagoo ku jira da’da 90-aad.

Geerida Mwai Kibaki ayaa waxaa xaqiijiyey madaxweynaha hadda hayo talada dalkaas Uhuru Kenyatta.

“Waa murugo waajib ah in aan ummadda u sheego geerida H.E.E. Emilio Mwai Kibaki, Madaxweynihii Saddexaad ee Jamhuuriyadda Kenya. Wuxuu ahaa hoggaamiye wax badan usoo qabtay, ummaddiisa si weyn ayuu u jeclaa, wuxuuna ugu adeegay rabitaankooda si hagar la’aan ah si uu u hormariyo nolosha dadkiisa,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Anagoo ka baroor diiqeeno khasaaraha aan la qiyaasi karin ee geerida Kibaki, waxaan haddana mar kasta xasuusaneynaa oo aan uga mahad-celineynaa safarkii uu madaxweyne Kibaki usoo maray u adeegidda dalkiisa laga soo billaabo dagaalkii ay Kenya xornimada ku qaadatay”.

Mwai Kibaki ayaa ahaa madaxweynihii Sadexaad ee soo maray Dalka Kenya, wuxuuna xilka hayey 2003 illaa 2013.

Kenyatta ayaa sheegay inuu dalka geli doono xaalad baroor diiq qaran ah inta laga aasayo madaxweynahii hore ee geeriyooday. Sidoo kale madaxweyne Kenyatta ayaa amray in hoos loo dhigo calanka dalkaas.

Mwai Kibaki ayaa qeyb kasoo qaatay dhismaha dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariisii Cabdullaahi Yuusuf Axmed taasoo lagu soo dhisay Dalka Kenya sanadkii 2004.

Gaashaanle MUUMIN oo jawaab kulul ka bixiyey eeddii uu u jeediyey Cabdi Saciid

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Gaashaanle Muumin Cabdi Shire, oo ah taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee dhanka maamul Goboleedka Puntland, ayaa iska fogeeyay eedeyn uu u jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdi Saciid Muuse Cali oo ahayd in uu bixiyay amar lagu weeraray goob uu ku sugnaa.

Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda xukuumadda Soomaaliya uu ku degdegay eedeyntaas, maadaama loo xil saaray guddi baara si uu usoo ogaado xaqiiqada dhinaca leh mas’uuliyadda israsaaseynta ka dhacday Waqooyiga Gaalkacyo.

Waxa uu tilmaamay in uu jiro go’aan kasoo baxay guddi qaabilsan Amniga oo quseeya in la joojiyo shirarka aan maamulka ka war qabin si dhinacyada qabsanaya ay u gudbiyaan xogtooda lana ogaado sida uu hadalka u dhigay.

“Dabcan marka waxa la baaro ayaa la ogaan karaa, Ciidanka Booliiska iyo Kuwa PSF ee maamul Goboleedka Puntland wax ka dhex dhacay weeye, Wasiirka wuu ku degday waayo marka ay baarista soo baxdo ayaa laga hadli karaa, go’aan kasoo baxay Guddiga Amniga oo lagu joojiyay shirarka wuu jiray laakiin waxa aan xaqiijineynaa in uusan halkaas shir ka socan,” sidaasi waxaa yiri Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Mudug DG Puntland Gaashaanle Muumin Cabdi Shire.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug Puntland ku eedeeyay in uu lahaa amarka weerarka.

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay “Waxaan shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah.”

Waxa uu intaas ku daray “Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh.”

Hal askari ayaa geeriyooday, waxaa dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo martiqaaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda & Taliye ku xigeenka Booliiska Gobolka Mudug oo labaduba laga daweynayo waxyeellada soo gaartay.

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka DG Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa magacaabay guddi badan saraakiil oo baaraya sida uu dhacay weerarka, waxa uu sheegay in aan laga hari doonin ciddii yeelata mas’uuliyadda wixii dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya oo ka hadlay weerarkii lagu soo qaaday

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa ka hadlay weerarka ay xalay Booliska Puntland ugu gaysteen goob uu kaga sugnaa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa qoraal ku sheegay ku sheegay in ilaaladiisa ay fashilisay isku day dil oo siyaasadeed, oo sida uu muujiyay la doonaay in isaga lagu dilo.

Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay “Waxaan shalay gaaray Magaalada Gaalkacyo si aan waqti ula qaato qoyskayga maalmihii ugu dambeeyay ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Fiidnimadii caawa aniga iyo qoyskayga waxa aanu la afureynay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad. Waxa aanu gurigayagii ka soo baxnay annagoo lugaynayna, iyadoo ay ila socdaan afar ilaalo ah iyo laba sarkaal oo dhar-cad ah.

Waxa uu intaas ku daray “Ilaalada waxay fashiliyeen isku daygii dil ee siyaasadaysan. Nasiib darro, hal askari ayaa si murugo leh loo dilay Allaha u naxariisto, mid kalena waa la dhaawacay. Nabadoonka ayaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawac culus oo hadda la dhigay isbitaal. Waxaan u rajaynaynaa soo kabasho degdeg ah. Waxaana kula xisaabtami doonnaa dhammaan kuwa ku lugta leh.”

Weerarka ayaa yimid saacado kadib markii uu Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland soo saaray digniin culus, taasi oo gebi ahaanba lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeysan ee lagu qabanayo gobolkaas, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Taliska Booliska ee gobolka Mudug ayaa sheegay in sidooda u fuli doonaan go’anka kasoo baxay Guddiga Amniga ee gobolka, kuwaasi oo lagu xoojinayo amniga, meeshana looga saarayo amni darada soo noq-noqatay ee gobolkaas.

“Waxaa u sheegayna dadweynaha reer Gaalkacyo in aan qof aan ku furi doonin yuusan ku rarin ayaa la yiri marka yeysan cidi idin waalin. Waxaa go’aamada keenay runtii waa walaac jira runtii oo qofna dhayalsan karin,” ayuu yiri.

 

Agaasime Cabdinuur oo beeniyey warar laga faafiyey oo la xiriira Puntland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Villa Somalia Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka fal celiyay qoraal ay warbaahinta iyo baraha bulshada qaarkood lagu baahiyay, kaasoo lagu sheegay in Villa Somalia ay u dabaal degtay tallaabada uu qaaday madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ee uu xilka kula wareegay.

Agaasime Cabdinuur ayaa qoraaladaasi iyo eedeyntaba ku tilmaamay kuwo been abuur ah, islamarkaana loogu adeegayo caddowga shisheeyaha sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku eedeeyay “xarun uu leeyahay Faroole oo ay maamusha Sahan inay faafineyso dacaayado been abuur ah.”

Cabdinuur ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed ugu digayo xarumahaasi baahinaya “wararka been abuurka ah ee shisheeyaha ay gadaal ka riixayaan”sida uu hadalka u dhigay, isagoona ugu baaqay inay ka xishoodaan waxyaabaha ay baahinayaan.

Taageerayaasha Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, oo isaga oo aan xilka wareejin Muqdisho ugu sugan ololaha doorashada uu ku doonayo xilka Madaxweynenimo ee dalka, ayaa u arka Villa Somalia inay taageereyso ololaha siyaasadeed ee reer Puntland ku wadaan Saciid Deni.

Villa Somalia ayaa horey loogu eedeeyey khilafyo siyaasadeed oo ka dhacay Puntland, kuwaas oo ka mid aheyd tii xilka looga qaaday afhayeenkii hore ee baarlamanka maamulkaas.

Dowlada Mareykanka oo iska fogeysay arrin muran dhalisay oo ay sameysay Ilhaan

New York (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka, oo war ka so saartay booqashada Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska ay ku tagtay gobolka Kashmir ee qeybta Pakistan, ayaa sheegtay in booqashadeeda aysa ahayn mid rasmi ah oo ay wax ka ogtahay.

Mid ka mid ah la taliyeyaasha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, Derek Sholet, ayaa yiri, “Tani waa booqashdeeda aan rasmiga ahayn. Marka la eego isbeddelka ku yimid siyaasadda dowladda Mareykanka, booqashadeedu wax shaqo ah kuma lahan siyaasaddeenna midna.”

Goor sii horreysay shalay, dowladda Hindiya ayaa cambaareysay booqashada Ilhaan Cumar ee shan maalmood ay ku joogeyso Pakistan.

Hindiya ayaa sheegtay in booqashadeeda ay carqaladeyneyso madax bannaanida dalkaas. Waxay sidoo kale booqashada Ilhaan ku tilmaantay mid maangaabnimo siyaasadeed ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya, Arindam Bagchi ayaa yiri, “Waxay booqatay qeybo ka mid ah Jammu iyo Kashmir oo a haatan si sharci darro ah ku heysato Pakistan. Haddii siyaasi walba uu doonayo inuu ku dhaqmo siyaasaddiisa maangaabnimada leh, waa shaqo u taalla.” Balse waxay carqalad ku tahay sumcadda geyigeenna.”

Ilhaan Cumar oo xubin ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Congress-ka ayaa booqasho ku tagtay gobolka Kashmir, qaybta ay Pakistan ka maamusho. Laakiin arrintan ayaa qabsatay warbaahinta kaddib markii ay cadho ka muujisay dowladda Hindiya.

Tan iyo markii uu soo baxay warka ku saabsan in Ilhaan Cumar ay booqanayso Kashmir, qaar ka mid ah shacabka reer Hindiya ayaa arrintaas walaac uga muujiyay baraha bulshada.

Qof ka mid ah dadka ka fal celinayay ayaa yidhi: “Siyaasiyiinta wax kala qaybiya ee sida Ilhaan Cumar ah waa in laga hor istaago inay tagaan meelaha xasaasiga ah ee Kashmir. Waxay kasoo hor jeeddaa Hindiya xaqna uma laha in ay xubin kasii ahaato Congress-ka Mareykanka.”

Falcelin ka dhalatay go’aankii Karaash iyo tallaabadii u dambeysay ee uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lasoo dhigay Bogga rasmiga ee Facebook ay ku leedahay Madaxtooyada Puntland, kaasi oo ku saabsana kulankii u dambeeyay ee Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash u la qaatay Golaha Wasiirada, ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xoogan.

Qoraalka Bogga Madaxtooyada Puntland lasoo dhigay ayaa waxa lagu yiri “Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,” taasi oo iftiiminaysa in wax walba sidoodii hore yihiin, xili uu Karaash goor sii horeysay uu sheegay in uu xilkii u sareeyay maamulkaas kala wareegay madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Waxa uu Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada, oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, xaalada Dekedda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale.”

Dad kala duwan oo ka fal-celiyay qoraalkaas ayaa waxay qaarkood la yaab ku noqotay in Karaash loogu yeero madaxweyne ku-xigeen, halka kuwa kalena ay sheegen in markii horeba ay aheyd ciyaar siyaasadeed la isla oga sida ay wax u socdaan.

“Anaga wax argnay sow asagii lahaa Puntland anaa la waregay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka aragti dhiibtay qoraalkaas. Sidoo kale mid kale ayaa yiri “Dariiqa saxda ah ayaad haysaan madaxweyne ku xigeenku shaqadiisa ha qabsado soo dhaha.”

“Madaxwayne ku-xigeenka saasa lagaa rabaa. Adeerow ilaali sharafta Puntland oo yaysan ku lugoynin rag wakhtigoodii dhamaaday oo Farmaajo ka kow yahay,” ayuu yiri mid kale oo asaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

“Puntland caqliga shaqeeya ee caadifadi ma shaqayso. Puntland wax walba sidii loo qorshayey ayey usocdaan usii socon donaan, Puntland waa dowlad leh dastuur iyo kala danbeyn dowladnimo.”

Arrimahan ayaa imanaya xili uu Axmed Karaash ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho ugu sugan ololaha doorashadiisa madaxtinimada Soomaaliya inuu gudan waayay waajibaadkii dastuurka farayay.

“Mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Ceelwaaq iyo Geelle oo gaaray + Sawirro

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gudiga Hirgalinta Doorashooyiinka Heer Fedraalka Muuse Geelle Yuusuf oo uu  wehlinayey Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga Jubbaland Jen. Dhuumaal iyo saraakiil kale

Ceelwaaq ayaa maanta waxaa bilaabaneyso doorashada lix ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo kuwaasoo dhamaantood laga soo wareejiyey degmada Garbahaarey.

Musharixiinta doonaysa inay u tartamaan 11-kii kursi ee dhawaan ay guddiga SEIT shaaciyeen kuwaas oo kamid ah 16-ka kursi ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay shahaadada musharaxnimo ku qaadan doonan waxaana lagu wadaa in isla maantaba ay doorashada bilaabato.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu tago Ceelwaaq, waxayna warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in doorashada Kuraastaas ay noqon doonaan kuwa daah furan oo loogu tartamo si ka duwan kuraastii Kismaayo.

Shalay degmada Ceelwaaq waxaa ka degay laba diyaaradood oo siday Ciidamo, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal.

 

 

 

Faah-faahin: Weerar qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotel ku yaalla xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku bilaawday qarax xoog leh oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeebta Liido, kaas oo weli socda.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay gaari ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee Hotel Rescatore oo ah Hotel cusub oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu ku jiray Hotelka la weeraray, balse laga soo badbaadiyey.

Afhayeenka XFS Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo dhigay wuxuu ku yiri, Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan.”

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad xoog leh oo qaraxa ka dhashay iyo rasaas si darandoori ah u dhaceysa, ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaan weli socda lama xaqiiji karo.

Dad dhaawacyo ah ayaa laga soo saaray Hotelka, waxaana socota soo badbaadinta dadka gudaha ku jira, waxaana gudaha ka dagaalamaya rag hubeysan oo gudaha u galay Hotelka.

Dad ku sugan Liido ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inay dhaceyso rasaas xoog leh, waxaana kala cararay xeebta Liido oo dad aad u badan oo ku caweynayeen.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allaah.

Sawirro: Jubaland oo ciidan badan gaysay Ceel-waaq

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa maanta ciidamo hor leh ka dejiyay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasi oo loo soo wareejiyay doorashada 16-ka kursi ee markii hore la qorsheeyay inay ka dhacdo Garbahaarey.

Ciidamada la geeyay Ceelwaaq ayaa waxaa horkacayay Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Yuusuf Cismaan, waxayna qeyb ka noqon doonaan sugida amniga magaaladaas oo ay ka dhaceyso doorashada.

Inkasta oo aan loo ogeyn tirada rasmiga ah ee ciidamada halkaas laga dejiyay, hase yeeshe waxay ka kooban yihiin Ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan, waxaana si gaar ah u xoojin doonaan amniga goobta lagu dooranayo xildhibaanada.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay xiisad xoogan ka taagan tahay gobolka Gedo, islamarkaana ay dhinacyo is-diidan abaabulayaan doorashada 16 kursi.

Guddiga doorashada ee heer federaal (FEIT) ayaa dhawaan Garbahaarey ka wareejisay doorashada 16-ka kursi ee halkaas ku asteysna, ayada oo u wareejisay Ceelwaaq, taasi oo ay si adag uga horyimaadeen garabka taabacsan Farmaajo ee gacanta ku haya maamulka Garbahaarey.

Sidoo kale waxa uu guddiga FEIT goor sii horeysay beeniyay jadwal kasoo baxay garabka Garbahaarey, kaasi oo sheegaya in 24 illaa 25-ka Bishaan ay dhaceyso doorashada kuraastaas.

“Waxaan Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Doorashada ku wargelinaynaa inaysan warqaddani ahayn mid ka soo baxday Guddiga FEIT. Waqtiga xasaasiga ah ee dhammeystirka doorashada awgeed, dad baa ka faa’iideysanaya inay bulshada ku marin habaabiyaan warar been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT oo lagu beeniyay waraaqdaas.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Go’aanada rasmiga ah ee Guddiga waa kuwa lagu daabaco baraha bulshada ee guddiga, wixii ka soo hara waa waxba kama jiraan fadlan ka digtoonaada.”