25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Falcelin ka dhalatay go’aankii Karaash iyo tallaabadii u dambeysay ee uu qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lasoo dhigay Bogga rasmiga ee Facebook ay ku leedahay Madaxtooyada Puntland, kaasi oo ku saabsana kulankii u dambeeyay ee Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash u la qaatay Golaha Wasiirada, ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xoogan.

Qoraalka Bogga Madaxtooyada Puntland lasoo dhigay ayaa waxa lagu yiri “Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,” taasi oo iftiiminaysa in wax walba sidoodii hore yihiin, xili uu Karaash goor sii horeysay uu sheegay in uu xilkii u sareeyay maamulkaas kala wareegay madaxweyne Deni oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Waxa uu Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada, oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, xaalada Dekedda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale.”

Dad kala duwan oo ka fal-celiyay qoraalkaas ayaa waxay qaarkood la yaab ku noqotay in Karaash loogu yeero madaxweyne ku-xigeen, halka kuwa kalena ay sheegen in markii horeba ay aheyd ciyaar siyaasadeed la isla oga sida ay wax u socdaan.

“Anaga wax argnay sow asagii lahaa Puntland anaa la waregay,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ka aragti dhiibtay qoraalkaas. Sidoo kale mid kale ayaa yiri “Dariiqa saxda ah ayaad haysaan madaxweyne ku xigeenku shaqadiisa ha qabsado soo dhaha.”

“Madaxwayne ku-xigeenka saasa lagaa rabaa. Adeerow ilaali sharafta Puntland oo yaysan ku lugoynin rag wakhtigoodii dhamaaday oo Farmaajo ka kow yahay,” ayuu yiri mid kale oo asaguna kamid ah dadka ka fal-celiyay arrintaan.

“Puntland caqliga shaqeeya ee caadifadi ma shaqayso. Puntland wax walba sidii loo qorshayey ayey usocdaan usii socon donaan, Puntland waa dowlad leh dastuur iyo kala danbeyn dowladnimo.”

Arrimahan ayaa imanaya xili uu Axmed Karaash ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho ugu sugan ololaha doorashadiisa madaxtinimada Soomaaliya inuu gudan waayay waajibaadkii dastuurka farayay.

“Mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland,” ayuu yiri Axmed Karaash.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Ceelwaaq iyo Geelle oo gaaray + Sawirro

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gudiga Hirgalinta Doorashooyiinka Heer Fedraalka Muuse Geelle Yuusuf oo uu  wehlinayey Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa Maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Waxaa garoonka dayuuradaha Ceelwaaq ku soo dhoweeyey masuuliyiin uu ka mid ahaa wasiirka amniga Jubbaland Jen. Dhuumaal iyo saraakiil kale

Ceelwaaq ayaa maanta waxaa bilaabaneyso doorashada lix ka mid ah 16-ka kursi ee Gobolka Gedo kuwaasoo dhamaantood laga soo wareejiyey degmada Garbahaarey.

Musharixiinta doonaysa inay u tartamaan 11-kii kursi ee dhawaan ay guddiga SEIT shaaciyeen kuwaas oo kamid ah 16-ka kursi ee deegaan doorashada 2-Aad ee Jubbaland ayaa maanta gaaray Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay shahaadada musharaxnimo ku qaadan doonan waxaana lagu wadaa in isla maantaba ay doorashada bilaabato.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu tago Ceelwaaq, waxayna warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in doorashada Kuraastaas ay noqon doonaan kuwa daah furan oo loogu tartamo si ka duwan kuraastii Kismaayo.

Shalay degmada Ceelwaaq waxaa ka degay laba diyaaradood oo siday Ciidamo, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Cismaan Dhuumaal.

 

 

 

Faah-faahin: Weerar qarax ku bilowday oo lagu qaaday Hotel ku yaalla xeebta Liido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ku bilaawday qarax xoog leh oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xeebta Liido, kaas oo weli socda.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay gaari ayaa lagu dhuftay afaafka hore ee Hotel Rescatore oo ah Hotel cusub oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in Taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu ku jiray Hotelka la weeraray, balse laga soo badbaadiyey.

Afhayeenka XFS Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo dhigay wuxuu ku yiri, Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan.”

Muuqaalo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dad xoog leh oo qaraxa ka dhashay iyo rasaas si darandoori ah u dhaceysa, ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaan weli socda lama xaqiiji karo.

Dad dhaawacyo ah ayaa laga soo saaray Hotelka, waxaana socota soo badbaadinta dadka gudaha ku jira, waxaana gudaha ka dagaalamaya rag hubeysan oo gudaha u galay Hotelka.

Dad ku sugan Liido ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inay dhaceyso rasaas xoog leh, waxaana kala cararay xeebta Liido oo dad aad u badan oo ku caweynayeen.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Insha Allaah.

Sawirro: Jubaland oo ciidan badan gaysay Ceel-waaq

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa maanta ciidamo hor leh ka dejiyay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaasi oo loo soo wareejiyay doorashada 16-ka kursi ee markii hore la qorsheeyay inay ka dhacdo Garbahaarey.

Ciidamada la geeyay Ceelwaaq ayaa waxaa horkacayay Wasiirka Amniga Jubbaland Mudane Yuusuf Cismaan, waxayna qeyb ka noqon doonaan sugida amniga magaaladaas oo ay ka dhaceyso doorashada.

Inkasta oo aan loo ogeyn tirada rasmiga ah ee ciidamada halkaas laga dejiyay, hase yeeshe waxay ka kooban yihiin Ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan, waxaana si gaar ah u xoojin doonaan amniga goobta lagu dooranayo xildhibaanada.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay xiisad xoogan ka taagan tahay gobolka Gedo, islamarkaana ay dhinacyo is-diidan abaabulayaan doorashada 16 kursi.

Guddiga doorashada ee heer federaal (FEIT) ayaa dhawaan Garbahaarey ka wareejisay doorashada 16-ka kursi ee halkaas ku asteysna, ayada oo u wareejisay Ceelwaaq, taasi oo ay si adag uga horyimaadeen garabka taabacsan Farmaajo ee gacanta ku haya maamulka Garbahaarey.

Sidoo kale waxa uu guddiga FEIT goor sii horeysay beeniyay jadwal kasoo baxay garabka Garbahaarey, kaasi oo sheegaya in 24 illaa 25-ka Bishaan ay dhaceyso doorashada kuraastaas.

“Waxaan Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Doorashada ku wargelinaynaa inaysan warqaddani ahayn mid ka soo baxday Guddiga FEIT. Waqtiga xasaasiga ah ee dhammeystirka doorashada awgeed, dad baa ka faa’iideysanaya inay bulshada ku marin habaabiyaan warar been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT oo lagu beeniyay waraaqdaas.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Go’aanada rasmiga ah ee Guddiga waa kuwa lagu daabaco baraha bulshada ee guddiga, wixii ka soo hara waa waxba kama jiraan fadlan ka digtoonaada.”

Ciidamo caawa weeraray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo khasaaraha

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin Puntland ayaa caawa weerar ku qaaday beerta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ee magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu afur ugu sameeyey Nabadoonku wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya Cabdi Siciid Muuse iyo caruurtiisa oo booqasho qaraabonimo u tegay Gaalkacyo.

Weerarkaan ayaa waxaa ku geeriyooday askari ka tirsan ilaalada wasiir Cabdi Saciid, waxaana ku dhaawacmay Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo sarkaal kamid ah kuwa Puntland.

Weerarkaan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii Nabadoon Yaasiin uu baaq u jeediyay Siciid Deni in uu wareejiyo xilka madaxweynenimada Puntland, maadaama Federaalka isku sharaxay. 

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad ayaa siyaasad ahaan dhaliil badan u jeediyay Saciid Deni, isagoo ku eedeeyay inuu sifo sharci daro ugu tegay Puntland isagoo aan xilka wareejin, wuxuuna sheegay in madaxweyne kuxigeenka Puntland uu xilka la wareegi doono, kadibna la dooran doono madaxweyne cusub.

Weerarka ayaa yimid saacado kadib markii maanta uu Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland soo saaray digniin culus, taasi oo gebi ahaanba lagu mamnuucayo shirarka siyaasadeysan ee lagu qabanayo gobolkaas, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Taliska Booliska ee gobolka Mudug ayaa sheegay in sidooda u fuli doonaan go’anka kasoo baxay Guddiga Amniga ee gobolka, kuwaasi oo lagu xoojinayo amniga, meeshana looga saarayo amni darada soo noq-noqatay ee gobolkaas.

“Waxaa u sheegayna dadweynaha reer Gaalkacyo in aan qof aan ku furi doonin yuusan ku rarin ayaa la yiri marka yeysan cidi idin waalin. Waxaa go’aamada keenay runtii waa walaac jira runtii oo qofna dhayalsan karin,” ayuu yiri.

“Halkani maaha magaalo siyaasadeed, magaalo dowlada daganeyn maaha, magaalada doorashada federaalka ka socotay maaha oo kuraas Xildhibaano kama socdaan, waa meeshii dagaalka ka socday, haddana uu Al-Shabaab duulaan ku soo yahay sababta amnigeeda loo khal-khalinayo ee shirarka loogu qabanayo waa dad kireysan oo nolosha diidan.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin fulinta go’aankaas, islamarkaana go’aanka Guddiga Amniga ee gobolka uu lamid yahay go’aamada kasoo baxa Baarlamaanka, ayna tahay in loo hogaansamo.

“Hay’ad kasta oo amni iyo Saldhig kasta oo Boolis waa uu ku qasban yahay in uu ku dhaqmo. Gobolku waa dowlad, Baarlamaankiisuna waa Guddiga Amniga. Marna yeysan idinla sahlanaan go’aankaas.”

Arrimaha shakiga galinaya ‘khilaafka cusub’ ee SACIID DDENI iyo Axmed Karaash

0

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay qoraal uu soo saaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash, kaasi oo uu ku sheegay in uu xilkii u sareeyay ee Puntland kala wareegay madaxweyne Deni oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Axmed Karaash ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu go’aankan qaatay “si aanu dalku u gelin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.”

Waxa kale oo ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho ugu sugan ololaha doorashadiisa madaxtinimada Soomaaliya inuu gudan waayay waajibaadkii dastuurka farayay.

Caasimada Online oo si dhow ula socotay arrintaan ayaa waxay aragtay dhowr arrimood oo shaki weyn gelinaya sax ahaanshaha khilaafka ka dhex qarxay Deni iyo Karaash, taasi oo loo badinayo in laga leeyahay ujeedo siyaasadeed.

Tan iyo markii uu go’aankaas ku dhawaaqay Axmed Karaash illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo xafiiskiisa warbaahinta.

Bogga rasmiga ee Facebook ay ku leedahay Madaxtooyada Puntland oo sida la fahamsan yahay ay gacanta ku hayaan howl-wadeenada warbaahinta ee xafiiska madaxweyne Deni ayaa lasoo dhigay kulankii u dambeeyay ee Karaash u la qaatay Golaha Wasiirada.

Qoraalka Bogga Madaxtooyada Puntland lasoo dhigay ayaa waxa lagu yiri “Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,” taasi oo iftiiminaysa in wax walba sidoodii hore yihiin.

Sidoo kale waxa lagu yiri qoraalka “Waxa uu Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada, oo todobaadkan looga hadlay Amniga guud, xaalada Dekedda Boosaaso, dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Ufayn, Qardho iyo Eyl iyo qodobo kale.”

Axmed Karaash ayaa xaq dastuuri ah u leh in uu shir-guddoomiyo shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada Puntland marka uu Deni ka maqan yahay Puntland, sidoo kale waxa uu Dastuurku siinaya socodsiinta howlaha dowladda inta uu Saciid Deni soo laabanayo.

Dhinaca kale, Falan-qeeyayaasha Siyaasadda qaarkood ayaa noo sheegay in arrintaan ay tahay mid uu Saciid Deni meesha uga saarayo isku-dayo markii hore la rabay in gebi ahaanba looga qaado xilkiisa Puntland, maadama uu isku soo tagay xilka u sareeya ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay ku doodayaan in Axmed Karaash uu hore garab istaag buuxa ugu muujiyey Deni, isaga oo xataa ku baaqay in Mas’uuliyiinta iyo bulshada reer Puntland ay garab istaagan qorshaha uu Madaxweyne Deni ku rabo xilka u sareeya ee dalka.

“Waan soo dhoweynayaa ku dhawaaqida musharaxnimada Madaxweyne Deni ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya, waa in xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doorto Puntland ay taageeraan Madaxweyne Deni,” ayuu Karaash ku yiri qoraal uu soo saaray daba-yaaqada bishii hore ee March.

Guddiga FEIT oo jawaab ka bixiyey tallaabo ay qaadeen garabka Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu Guddiga doorashooyinka ee heer federaal (FEIT) uu shaaciyay in doorashada kuraastii Garbahaarey loo wareejiyay degmada Ceelwaaq, waxaa socday isku-dayo la doonayey in doorasho looga abto Garbahaarey.

Guddiga FEIT ayaa hadda qaaday tallaabo uu waxba kama jiraan uga dhigayo waraaq la sheegay inay kasoo baxday guddiga oo lagu shaaciyay 16 kursi oo doorashadooda lagu qabanayo Garbahaarey.

“Waxaan Bulshada Soomaaliyeed iyo daneeyeyaasha Doorashada ku wargelinaynaa inaysan warqaddani ahayn mid ka soo baxday Guddiga FEIT. Waqtiga xasaasiga ah ee dhammeystirka doorashada awgeed, dad baa ka faa’iideysanaya inay bulshada ku marin habaabiyaan warar been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga FEIT oo lagu beeniyay waraaqdaas.

Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Go’aanada rasmiga ah ee Guddiga waa kuwa lagu daabaco baraha bulshada ee guddiga, wixii ka soo hara waa waxba kama jiraan fadlan ka digtoonaada.”

Waraaqda uu Guddiga FEIT beeniyay ayaa waxa baraha bulshada ku faafiyay taageerayaasha Villa Somalia, taasi oo lagu sheegay in doorashad 16 kursi ee laga wareejiyay Garbahaarey ay qabsoomi doonto 24 illaa 25 bishaan, islamarkaana doorashadoodu ka dhaceyso isla Garbahaarey

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) iyagoo tix-gelinaya heshiiska doorashada ee 17 Sebteembar 2020, kaasoo dhigayey labada deegaan doorasho ee maamul kasta, waxay Guddigu soo gudbinayaan jadwalka doorashada 16 kursi ee yaal deegaan doorashadii labaad ee degmada Garbahaarey Dowlad Goboleedka Jubbaland,” ayaa lagu yiri waraaqda uu beeniyay Guddiga FEIT.

Arrintan ayaa ka dhigaysa in sku-deygii ugu dambeeyay uu fashilmay lamana oga in garabka wada howsha uu beeniyay Guddoonka Guddiga FEIT uu ku adkeysan doono fulinta jadwalka lagu sheegay waxba kama jiraanka.

Xitaa haddii doorasho lagu qabto Garbahaarey waxaa su’aal ay ka taagan tahay cidda aqoonsi siineysa xildhibaanada kusoo baxa halkaas, maadaama Fahad Yaasiin oo la rumeysnaa inuu yahay ninka ugu awoodda badan siyaasadda dalka uu guddiga u diiday shahaado xildhibaanimo.

Qorshaha Lafta-gareen ee guddoomiyaha BF oo ay caqabad cusub kusoo baxday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa shalay qaatay shahaadada diiwaan-gelin ee Musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kadib markii uu ku gacan seyray qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed ee doorashada Guddoonka.

Lafta-gareen oo soo xulay dhamaan xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa habeen hore kulan isugu yeeray saddex musharax oo ku dhow oo doonayay inay isku soo taagan xilka guddoomiyaha, kaasi oo uu kamid ahaa Aadan Saransoor.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ay soo xigatay Caasimada Online, madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyey inuu si buuxda u dhisayo xildhibaan Xasan Cabdinuur oo ah nin dhallinyaro ah oo aad ugu dhow, kaasi oo isna shalay qaatay shahaadada.

Arrintaas ayaa waxa muuqata inay u cuntami weysay Aadan Saransoor, kaasi oo ku gacan sayray dalabka Lafta-gareen, wuxuuna shalay qaatay shahaadada musharaxnimada guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Musharaxnimada Saransoor ayaa waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa qorshaha madaxweyne Lafta-gareen iyo in uu soo baxo Xasan Cabdinuur.

Aadan Saransoor waxaa lagu tirinayey garabka Lafta-gareen, waxaana musharaxnimadiisa ay kala qeybin kartaa codadka garabka madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Villa Somalia, taasi oo fursad siin karta musharaxiinta kale sida Aadan Madoobe iyo Shariif Cabdalla.

Aadan Saransoor ayaa sidoo kale ah siyaasi ka khibrad iyo magac dheer Xasan Cabdinuur, taasi oo codad badan dhankiisa xajin karta, caqabadna ku ah qorshaha Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa tallaabadan uu ku dhisayo Xasan Cabdinuur ku tijaabinaya awoodda uu ku leeyahay baarlamanka iyo sida ay ugu xiran yihiin xildhibaanadii uu soo saartay.

Si kastaba, Way adag tahay xiligaan in Xasan Cabdinuur laga gado xildhibaanada sababo la xiriira khibrad la’aantiisa, balse haddii uu guuleysto ay ka dhigan tahay halis cusub iyo baarlaman kasii xun kii Maxamed Mursal.

Putin oo guul ka sheegtay Mariupol, soona saaray amar

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Khamiista maanta ah bogaadiyey wax uu ugu yeeray “xoreynta” magaalada Mariupol kadib markii wasiirka gaashaandhigga Sergei Shoigu uu u sheegay in Moscow ay gacanta ku dhigtay magaaladan dekedda leh, marka laga reebo warshadda biraha sameysa ee Azovstal.

Si buuxda ula wareegidda Mariupol oo ku taalla badda Azov ayaa guul-weyn oo muhiim ah u noqon doonta Russia, ayada oo u sahleysa inay isku xirto gobolka ay horey ugu darsatay ee Crimea iyo dhulka gooni u goosatada ay taageerto ee bariga Ukraine.

“Mariupol waa la xoreeyey,” ayuu Shoigu u sheegay Putin intii uu socday kulan laga baahiyey taleefishinka. “Inta ka hartay ciidanka Ukraine waxay gabbaad ka dhigteen aagga warshadda Azovstal.”

Shoigu ayaa sheegay in qiyaastii 2,000 oo difaacayaal reer Ukraine ah ay ku jiraan warshadda, halkaasi oo iska caabintii ugu dambeysay ee Ukraine ay gabaad ka dhiganayaan.

Putin ayaa sheegay in “xoreynta” Mariupol ay “guul” u tahay ciidamada Ruushka, hase yeeshee wuxuu ku amray Shoigu inuu baajiyo qorshe ay ku geli lahaayeen aagga warshadda Azovstal, isaga oo ugu yeeray “mid aan lagama maarmaan aheyn.”

“Waxaan u arkaa ku xoomidda lasoo jeediyey ee aagga warshadaha mid aan lagama maarmaan aheyn,” ayuu Putin u sheegay wasiirkiisa difaaca Sergei Shoigu. “Waxaan ku amrayaa inaad baajiso.”

“Looma baahnaa inaad ku booddaan aaggan warshadaha, xanniba dhammaan hareeraheeda si xitaa aanu tixsi uga baxsan,” ayuu yiri.

Kumanaan qof oo shacab ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen magaalada oo ay go’doon ku hayeen ciidamada Ruushka muddo bil ka badan, ayaga oo aan heli karin cunno, biyo iyo koronto.

Dhinaca kale, Mikhailo Podolyak oo ah wada-xaajoodaha Ukraine, ayaa xalay soo jeediyey wada-hadallo labada dhinac ku dhex mara gudaha magaalada Mariupol, oo ku saabsan aayaha difaacayaasha Ukraine ee weli ku sugan.

“Anaga oo aan wax shuruud ah ku xirin, waxaan diyaar u nahay inaan wareeg cusub oo wada-hadallo gaar ah ku qabano Mariupol,’ ayuu kusoo qoray twitter.

Magaalada oo ay horey ugu noolaayeen 400,000 oo qof, ayaa waxaa ku socday duqeymo ayada oo go’doon ku jirtay tan iyo markii uu dagaalka billowday, waxaana laga soo weriyey khasaarihii ugu xumaa dagaalka iyo musiibo bani’aadaminimo.

Ukraine ayaa sheegtay in kumanaan qof oo shacab ah ay ku dhinteen Mariupol.

AFP, REUTERS

Xeer ilaaliyaha qaranka oo u yeeray wasiirka betroolka iyo macdanta + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta soo saaray amar ku socda wasiirka wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Xeer ilaaliyaha ayaa u yeeray wasiir Cabdirashiid in maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu tahay 25/04/2022, uu yimaado xafiiskiisa, sida lagu cadeeyey qoraalka, Dr Sulemaan.

Wasiirka ayaa waxaa la faray inuu waqtiga imaanshaha ilaaliyo, kaas  oo ah 11:00 AM ee barqanimo, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska Mudane Suleymaan Maxamed.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka Batrolka wax laga weydiin doono Heshiiska shidaalka ee uu saxiixay, kaas oo dhex-maray wasaaradda Batrolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Wasiirka Batrolk ayaa dhowaan soo bandhigay heshiis shidaal baris ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka, kaas oo dood dhaliyey, isla-markaana ay ka hor yimaadeen madaxda dalka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sidoo kale xilligaas sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiska oo lagu qaatay lacag dhan illaa 7 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Dood badan iyo shaki weyn ayaa ka dhashay heshiiskaas oo shaacintiisa lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah, isla-markaana lagu jiro xaalad kala guur ah iyo marxalad doorasho.

Si kastaba, tallaabada uu haatan qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ku soo aadeysa, xilli Shirkadda Coastline Exploration ay ku gacansayrtay go’aankii ay madaxda sare ee dowladda uga horyimaadeen heshiiskii uu Wasiirka shidaalka dowladda kula saxiixday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana shirkadda ay ku dooday in uu sax ahaa nidaamkii ay heshiiska kula saxiixdeen wasiirka batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

Maxaa loo fasiran karaa tallaabadii yaabka leh ee uu qaaday Axmed Karaash?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna ku simaha madaxweynah maamulkaas, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo xalay saqdii dhexe soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in mas’uuliyadda maamulkaasi uu la wareegay, maaddaama uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ka maqan yahay Puntland.

Arrintaan ayuu Karaash u daliishaday qodobo Dastuuri ah isaga oo sheegay in aanu dhici karin firaaq Dastuuri ah,maaddama xilli adag oo dhibaatooyin is biirsaday ay jiraan lagu jiro.

Maxaa loo fasiran karaa hadalka madaxweyne ku xigeenka?

Siyaasiga Cali Xaaji Warsame oo dhowr jeer wasiir ka soo noqday maamulka Puntland oo la hadlay BBC ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka uusan ka hadlin wax aan dastuuri ahayn, ee uu soo xigtay qodobka 81 oo sida uu sheegay caddeynaya in madaxweyne ku xigeenku uu xilka dowladda wadayo haddii madaxweynaha uu xilkiisa si ku meel gaar ah u gudan waayo.

“Aniga waxay iila muuqataa inay tahay wax uu xaq u lahaa awalba inuu wado shaqada dowladda Puntland, maaddaama uu madaxweyne Deni hadda isku sharraxay xilka dowladda federaalka Soomaaliya, uuna ka mashquulay shaqadii caadiga ahayd in uusan wadin, Puntland waa dhul ballaaran duruufo aad u badan ayayna leedahay, madaxweynaha kama wadi karo halkaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay inuusan xaalku ahayn sida ay dadka qaar u fasireen ee ah in inqilaab uu ka dhacay Puntland oo xilka uu la wareegay madaxweyne ku xigeenka Puntalnd. Wuxuu intaas ku daray in aan la ogeyn waxa haatan ku soo beegay hadalka madaxweyne ku xigeenka, maaddaama horeba ay u dhici jirtay in Deni uu ka maqnaado Puntland, sidaasna uu xilka u sii hayo madaxweyne ku xigeenka.

Arrintan oo kale ayuu sheegay inay hore u dhacday xilligii uu madaxweynaha ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed, markii uu isu soo sharraxayay xilka madaxtinnimada Soomaaliya, waxaana xilligaas madxaweyne ku xigeen ahaa Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi.

“Howsha dowladda isaga ayaa waday, ilaa xad wasiirrada qaarkood uu shaqada ka qaaday, oo qaar kale uu ku beddelay qaar kalena uu meel kale geeyay oo dalka shaqadiisu si toos ah ayay u socotay.” Ayuu yiri siyaasi Cali Xaaji Warsame.

Si kastaba, madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni illaa haatan kama hadal tallaabada uu qaaday madaxweyne ku xigeenkiisa.

Afar waddo oo u furan Fahad Yaasiin kadib go’aankii ay gaartay Maxkamadda Sare

0

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah oo ay qaadatay ku diiday qaadista Dacwadda kiiska kursiga la xayiray ee Fahad Yaasiin ee HOP086, taasi oo meesha ka saartay rajadii ugu dambeysay ee Fahad.

Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxayna aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda oo matalaya Guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Go’aanka waxa saxiixay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay, kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf iyo Garsoore Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.

Fahad ayaa sidoo kale aqbalay go’aanka, isaga oo yiri “Markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soosaareen garsooreyaashu, waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Sare, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka dalka, kaasoo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.”

Sidaas awgeed maxay yihiin waddooyinka hadda u furan Fahad Yaasiin, oo hadda ah la’taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

1- Inuu ku noqdo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada 

20-kii bishii February ayaa Fahad kursiga xildhibaannimada Golaha Shacabka loogu doortay magaalada Beledweyne, kaasoo sida uu xilligaas sheegay uu kala kulmay loollan adag.

Hase ahaatee durbadiiba guddiga doorashada heer federaal ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay doorashada kursigaas, taasoo dhalisay muran wayn.

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa dhankooda sheegay in ay fasaxeen kursiga Fahad, doorashadiisuna ay ahayd mid waafaqsan habraacyada loo asteeyay.

Waxaa xusid mudan, go’aanka guddiga khilaafaadka ma ahayn mid ku yimid cabasho uu u gudbiyay Fahad Yaasiin.

Maxkamadda sare ayaa shalay sheegtay in Fahad ay ahayd inu dacwadiisa u gudbiya guddiga markii la laayay doorashadiisa.

Markii uu isqabqabsigu gaaray ilaa maxkamadda sare, qareennada guddiga doorashada heer federaal waxay ku doodayeen in guddiga khilaafaadka uu ku degdegay tallaabadiisa, uuna go’aan soo saaray xilli uusan u wali u tagin siyaasiga doodda qabay, oo ah Fahad.

Mas’uuliyiinta guddiga doorashada heer federaal ee magaciisa loo soo gaabiyo “FIET” ayaa qudhooda lagu dhaliilay in xubno ka mid ah guddigooda ay goob joog ka ahaayeen meesha ay ka dhacday doorashada Fahad, oo markaas ay ku qanacsanaayeen sida ay wax u socdeen balse markii dambe ay la imaadeen arrin taas ka duwan.

2- In kiiska loo gudbiyo Madasha Wadatashiga Qaranka

Sida ku xusan habraacyada doorashada, haddii uu muran ka dhaco doorashada waxaa tallaabo ka qaadaya Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, haddiise ay xaaladdu iyaga kasoo gudubto waxaa go’aankooda dib u eegis ku samayn kara Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xubnaha uu ka kooban yahay Golaha Wadatashiga aranka waxaa ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada iyo Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka. Madaxweyne Farmaajo wuu ka baxay Golahan balse waxaa dowladda hadda ku matalaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Labo ka mid ah maamul goboleedyada ayaa loo tiriyaa in aysan la dhacsanayn Fahad Yaasiin, kuwaasoo kala ah Jubaland iyo Puntland, halka saddexda kale oo kala ah Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed lagu tiriyo in ay u janjeeraan dhinaca Fahad Yaasiin. Waxaase aan meesha ka marnayn in Ra’iisul Wasaare Rooble uu miisaan ku leeyahay Madashan.

Go’aanka kama dambaysta ah ee la xiriira khilaafka kursiga HOP086 waxaa gaadhi kara Madasha Wadatashiga Qaranka, oo ah halka ugu sarraysa.

Iyadoo la og yahay in mashquul badan uu ka jiro arrimaha doorashada daba dheeraatay, haddana la isku dayayo in la dedejiyo, waxay u badan tahay inaan niyad badan ku mashquulidda hal kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

Laakiin haddiiba ay dhacdo in la hor geeyo ma cadda sida ay ku xallin karaan.

“Waxaan filayaa in Madasha Wadatashiga qaran uusan saaxiibbo badan ku lahayn Fahad, maadaama ay hoggaankeeda qayb ka yihiin Ra’iisul Wasaaraha oo aad uga soo hor jeeda iyo labo maamul goboleed oo uu kaashanayo,” ayuu yidhi Daahir Qoriyow Isaaq, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha gobolka.

3- Inuu aqbalo ku celinta doorashada kursiga

Maadaama ay Guddiga doorashada Heer Federaal dhanka maxkamadda uga guulaysteen Fahad Yaasiin, waxaa waddooyinka u furan hadda ka mid ah inuu iska aqbalo sida ay wax u wadaan, sidaasna uu mar labaad ugu soo diyaar garoobo ololaha doorashada ku celiska ah.

Waxaa la xasuustaa in dhawaan uu khilaaf wayn ka dhashay natiijada saddex kursi oo lagu soo doortay maamul goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasoo ugu dambayn lagu heshiiyay in labo ka mid ah sidooda lagu fasaxo midka kalena doorashadiisa lagu celiyo.

Hase yeeshee su’aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah in haddii doorashada lagu celiyo ay ergada dooranaysa xildhibaanka iyo ugaasyadii soo xulay odayaasha ay noqon doonaan isla kuwii hore.

4- Inuu arrinta oo dhan ka haro

In muddo ahba waxaa la isla dhex marayay in Fahad Yaasiin uu u hanqal taagayay kursiga guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, sidaasna ay ahayd sababta uu xildhibaannimada u raadinayay.

Wax ka yar hal isbuuc ayaa hadda ka harsan doorashada guddoonka baarlamaanka kaddib markii la dhaariyay inta badan xildhibaannada lasoo doortay.

Waxaa suuragal ah in haddii doorashada kursiga Hop086 lagu noqdo ay howshaasi ka dib marto xilliga guddoonka la dooranayo. Taas waxay sababi kartaa in Fahad uu isaga haro doorashada, kaddibna uu xoogga saaro dadaalka lagu bixinayo ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Dad badan ayaa aaminsan in arrimo siyaasadeed ay salka ku hayaan sababta uu muranka u galay kursiga uu u tartamayay Fahad Yaasiin.

Waxaa ka mid ah in laga hor istaagayay suurtagalnimada inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacbka, sida uu qabo Daahir Qoiyoow. Balse sidoo kale waxa uu sheegay in arrintu ay xitaa taas kasii wayn tahay.

“Siyaasadda ugu wayn ee hadda socota waa in Fahad laga hor istaagayo kursiga afhayeenka baarlamaanka. Laakiin taas kaliya ma aha. Fahad waa nin saamayn ku leh siyaasadda isagoo aan xubin ka mid ah baarlamaanka ahayn madaxweynena ahayn.

“Marka xitaa xubinnimadiisa baarlamaanka ayaa culays wayn ku ahayd mucaaradka kasoo horjeeda madaxweynaha ama isaga siyaasadiisa. Ma aha kaliya in laga daahinayay kursiga uu u hanqal taagayo waxaase macquul ah in laga daahinayo doorashooyinka hadda socda si isagoo gudaha ku jira uusan uga dhex ololeynin baarlamaanka,” ayuu yidhi Daahir.

Al-Shabaab oo xeelad yaab leh u adeegsatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax loo adeegsaday xeelad la-yaab leh ayaa lagu weeraray askar bar kontorool oo canshuurta lagu qaado ku sugnaa, waxaana weerarkaasi uu geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askartaasi.

Weerarkaan oo ay fuliyeen rag hubeysan oo loo maleynaayo Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka bari ee degmada Kaaraan, iyadoo qarax lagu soo dhex qariyay lacag Shillin Somali ah oo lasoo dhex dhigay hal milyan Shillin Somali ah ay gacanta u geliyeen mid ka mid ah ciidamadii qaadayay canshuurta.

Askariga lacagta gacanta ku dhigay ayaa la dhex tegay ciidamadii kale, kadibna ay qarax sameysay qaraxii lacagta dhexda loo soo geliyay.

Askari ayaa ku dhintay, afar kalena dhaawacyo halis ah ayaa soo gaaray, iyadoo loola cararay isbitaalka Keysaneey ee Muqdisho.

Lacagta qaraxa lasoo geliyay ayaa waxaa canshuur ahaan ay u guddoomeen askartii ku sugneyd barta kontorool, iyadoo xeeladdaan cusub ay aheyd mid aad loola yaabay.

Lacagta ayaa waxaa lagu dhejiyay nooc ka mid ah waxyaabaha qarxa, taasoo ay adeegsadaan Al-Shabaab oo ay ku dhejiyaan gaadiidka, qaraxaasi oo il maqabato ah.

Al-Shabaab ayaa xeeladihii horay looga bartay ee weerarada ay mudooyinkaan danbe badashay, iyadoo weeraradii hore ay ahaayeen kuwo aad loo fahmay.

Sawirro: Sareeda oo ku guuleysatay doorashadii ku celiska aheyd ee HOP154

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursiga HOP#154 ee Golaha Shacabka, kaas oo uu horey u celiyey guddiga FEIT oo shaaciyey in aan loo marin habraac sax ah.

Kursigan ayaa waxaa isku soo taagay Sareeda Maxamed Cabdalla oo horey ugu soo baxday iyo musharrax Nasteexo Maxamed Yuusuf oo tanaasushay, ka hor tartanka.

Xildhibaan Sareeda ayaa loo qaaday cod gacan taag ah, waxaana ay heshay dhammaan codadka ergada, sida uu shaaciyey guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sababihii dib loogu celiyey kursigaasi waxaa ka mid ahaa in guddiga doorashooyinka heer federaal uu ku dhawaaqay in kursigaan ay waxba kama jiraan tahay natiijada kasoo baxday, kadib markii uu guddiga sheegay in gabadha la tartantay Sareeda aysan soo buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020-kii.

Doorashada maanta ka dhigan in Sareeda Maxamed Cabdalla ay ka gudubtay doodii horey u hareysay kursigeeda, maadaama dib loogu noqday, kadibna ay markale kusoo baxday.

Koonfur Galbeed ayaa horey u dhammeystirat doorashada xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe ee maamulkaasi.

Si kastaba, muranka ka dhashay kursigan ayaa khilaaf ka dhex-dhaliyey Koonfur Galbed, FEIT iyo ra’iisul wasaare Rooble, walow mar dambe arrintan xal waara laga gaaray.

Sawiro: Boqorka Netherlands oo warqadihii aqoonsiga ka gudoomay danjiraha Somalia

De Heeg (Caasimada Online) – Boqorka waddanka Netherland William Alexander ayaa qasrigiisa Magaalada De Heeg ku qaabilay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub & waddamada la isku yiraa Benelux Yoonis Yaasiin Xaashi [Ooga-cadde].

Danjire Yoonis ayaa isaga oo saaran fardo loo galbiyay aqalka boqortooyada, waxaanna afaafka hore ee laga galo aqalkaasi salaan sharaf ku siiyay cutubyo ka tirsan ciidamada bambeyda, halkaas oo lagu garaacay muusikada astaanta u ah Qaranka Soomaaliya.

Munaasabadan oo aheyd mid si qurux badan loo soo agaasimay markii ay soo idlaatay, ayuu  safiirku kula hadlay saxaafadda hoteelkii uu daganaa, isaga oo sheegay in si heer sare ah loogu soo dhoweeyey qasriga, ayna muddo 25 daqiiqo ah isla qaateen Boqorka William. 

“Soomaaliya maanta maalin weyn ayeey u aheyd. Danjirihii ay soo dirsatay oo aniga ah waxaan maanta si rasmi ah ugu gudbiyay warqadihii aqoonsiga safiirnimo boqorka waddanka Netherland William Alexander” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi ku daray inuu boqorka gaarsiiyay salaan uu kaga siday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo], isna uu ka soo qaaday salaan taas la mid ah oo ku socotay Madaxweyne Farmaajo.

“Wixii maanta ka dhacay fagaaraha boqortooyada De Heeg waxay marqaati ka tahay jihada toosan ee ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya oo haatan soo kabaneysa” Ayuu yiri Danjire Yoonis.

Danjire Yoonis, waxaa kaluu xusay in boqorka  Netherland William Alexander inuu yahay boqor khibrad u leh taariikhda geeska Afrika, kana soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya & Kenya  markii uu dhalinyarada ahaa.

“Markii aan uga mahadceliyay sida waddankan loogu soo dhoweeyay Soomaalida, arrimaha aan isla soo qaadnay waxaa ka mid ahaa; sida Soomaalidu kaga faa’iideysatay fursadihii ay waddankan ka heleen, arrimaha aan isla soo qaadnay waxaa ka mid ahaa Cabdi Nageeye oo ah orodyahan Soomaali ah oo ku guuleystay tartamo caalami ah iyo kuwa local ah, oo ugu dambeeyay tartankii bishan lagu qabtay Rotterdam” Ayuu yiri Danjire Yoonis, wuxuuna intaasi raaciyay in dad badan oo Soomaali Hollandeys ah ay dalkoodii ku laabteen ayna qeyb ka yihiin geedi socodka dib looga dhisayo Dowladnimada Soomaaliya, wuxuuna tusaale u soo qaatay Wasiirka arrimaha dibedda Cabdi Siciid.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan
Caasimada Online Netherlands, 

Magaalada Muqdisho oo habeen kasta ‘lagu dilo’ laba ama saddex askari + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Maxamed Xasan (Xijaar) oo ka hadlayey xaaladda Muqdisho ayaa ka dayriyey ammaanka caasimada, wuxuunna sheegay inay kordheen falalka liddiga ku ah amni guud ee dalka.

Xijaar oo la hadlayey Wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in habeen weliba la dilo ugu yaraan 2 askari illaa 3 askari, sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha Booliska ayaa xusay in dhacdooyinkaasi ay inta badan geystaan kooxaha burcadda ah, haddii la dilana uu sheegay in eed loo jeedinayo Booliska Soomaaliyeed.

”Runta haddaan idin sheego habeen kasta labo ilaa seddax Askari oo Boolis ah ayaa la dilaa, haddaad Tuuga xabad kala horreyso oo aad dishana waxaa la leeyahay Booliska cid buu dilay,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Boolisku uu laba jibaaray shaqadiisa, maadaama lagu jiro marxalad doorasho iyo xaalad adag oo kala guur ah, taas oo ka dhalatay doorashada.

Taliye Xijaar ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka Muqdisho inay iskaashi la sameeyaan laamaha ammaanka, si looga hortago kooxaha dhibaatada ku ah amniga caasimada.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo beryihii u dambeeyey ee kordheen dilalka iyo weerarada ay geysaan kooxaha ciyaal weerarada ee ku sugan gobolka Banaadir.

Karaash: Puntland Anigaa madaxweyne ka ah, Deni waa gudan waayey waajibkiisa

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Celmi Cumar (Karaash) ayaa caawa ku dhawaaqay inuu xilka madaxweynenimada Puntland la wareegay, kadib markii sida uu sheegay madaxweyne Deni uu waajibaadkiisa gudan waayey. 

Axmed Karaash ayaa sheegay inuu go’aankan qaatay si aanu dalku u gelin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Axmed Karaash ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo Muqdisho ugu sugan ololaha doorashadiisa madaxtinimada Soomaaliya inuu gudan waayay waajibaadkii dastuurka farayay.

“Mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland,” ayuu yiri Axmed Karaash.  

HALKAAN KA AKHRISO WARSAXAAAFADEEDKA

Ramadaan Kariim Bulsho waynta Reer Puntland, Eebe haynaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee bishan barakaysan.

Anigoo garowsan ahmiyadda ay leedahay u hoggaansamidda Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan masuuliyadda, xilka iyo waajibaadka baaxadda leh ee Madaxweyne ku-xigeenka.

Anigoo dareensan culayska ay xanbaarsantahay dhaarta Dastuuriga ah ee ku cad Qodobka 132-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland.

Anigoo garowsan in hawl socodsiinta iyo dardargelinta shaqada hortaal Hay’adaha Dawladda ay tahay masuuliyadda aan u dhaartay.

Anigoo ka duulaya isla markaasna fulinaya awaamiirta ku qeexan qodobada Dastuurka Dawladda Puntland ee kala ah:

Qodobka 2-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad. Qodobka 3-aad, farqaddiisa 2-aad iyo
Qodobka 81-aad, Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan.

Qodobka 2aad (SARRAYNTA SHARCIGA)

Farqadda 1aad: Sharciga ayaa ka sarreeya qof kasta.

Farqadda 2-aad: Dhammaan hay’adaha Dawladda iyo dadweynuhuba waxay u hoggaansamayaan sharciga.

QODOBKA 3-aad. Farqaddiisa 2-aad oo u dhigan sidan. “Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan karta si gaar ahaaneed”

Qodobka 81-aad. “Farqaddiisa 1-aad oo u dhigan sidan;

“ Madaxweyne Ku-Xigeenku wuxuu qabtaa xilalka Madaxweynaha marka uu dalka ka maqan yahay, ama uusan si ku meelgaar ah xilkiisa u gudan Karin”

Hadaba, waxaan u cadaynayaa shacab-waynaha reer Puntland in Dalku uusan geli karin firaaq dastuuri ah, xiligan adag oo shacabku la daalaa-dhacayaan abaar baahsan, dhaqaalo xumo iyo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada reer Puntland.

Ugu danbayntii, mar haddii Madaxweynuhu uusan si ku meel-gaar ah u gudan karin waajibaadkiisa Dastuuriga ah sida ku cad qodobka 81-aad ee Dastuurka Puntland, farqadiisa 1-aad dhammaan masuuliyadaha iyo waajibaadkii dastuuriga ahaa waxay si ku meel gaar ah ugu wareegayaan una gudanaaya anigoo ah Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland si waafaqsan Dastuurka, Shuruucda iyo Qawaaniinta kale ee u degsan Puntland.

Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda in ay u hogaansamaan ilaalinta, dhawrista Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland.

=DHAMMAAD=

Muxuu kursiga Fahad kaga duwan yahay kuraasta kale ee guddiga FEIT uu fasaxay?

Waxa muddooyinkii dambe isa-soo taraysay hadal haynta kursiga uu kusoo baxay Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin haddana ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo, kaasi oo tirsigiisu yahay HOP#068.

Inta aan u guda-galin jawaabta su’aasha aan cinwaanka sare ku xusay, aan dib u milicsano doorashooyinka dalka ka dhacay iyo sida ay kusoo baxeen inta badan kuraasta la doortay ee Golaha Shacabka, oo uu yaallo kursiga Fahad.

Kuraasta illaa hadda la xalaaleeyay doorashadooda ayaa waxaa qaarkood ama aan dhahno intooda badan kusoo baxeen hanaanka ka fog heshiisyadii iyo habraacyadii lagu heshiiyay, islamarkaana lagu soo saartay shaqsi jecel iyo dano siyaasadeed gaar ah.

Sida la fahamsan yahay kuraasta la doortay ee mudaneyaashooda dhawaan la dhaariyay ayaa waxay intooda badan doorashadooda wax badan ka duwaneyn magacaabis oo kale, ayada oo awooda u weyn ay ku lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, oo ayagu aan marnaba meel kasoo galin doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Haddaba aqriste aan usoo daadago dulacda maqaalkan, islamarkaana aan kaga jawaabe kursiga Fahad ee tirsigiisu yahay HOP#068 wax badan kama duwana kuraasta kale ee lagu soo saartay dano siyaasadeed gaar ah, saaxiibtinimo iyo isku-abaal gud.

Marka la eego marxaladaha kala duwan ee uu soo maray dooda jaban ee “waa xaaran doorashada kursiga Fahad”, illaa hadda majirto cadeyn la taaban karo oo uu kaga duwan yahay kuraasta kale hanaankooda oo siday kusoo baxeen aan qoraalka bilowgiisa kusoo xusay.

Haddaba, Tan kaliya ee illaa maanta lagu haysto kursiga Fahad ayaa ah sida la fahamsan yahay mid siyaasadeed oo salka ku haysa xiisada ka dhaxeysa Madaxweyne Farmaajo oo ah saaxiibka Fahad iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Marka laga imaado shaqsiyada Fahad iyo ficiladiisa intii uu joogay xilka u sareeya ee NISA, waa mudane dooran oo kusoo baxay hanaan aan ka duwaneyn kuwa ay inta badan xildhibaanada uu guddiga FEIT siiyay shahaadada ee la dhaariyay ay ku soo baxeen.

Waxaa ayaan-darro weyna ah in Guddiga FEIT uu xalaaleeyo kuraas hanaankooda doorasho uusan ka duwaneyn midka Fahad, islamarkaana uu awoodiisa u adeegsado dano siyaasadeed gaar ah.

Guntii iyo gaba-gabadii, waxaa leeyahay isma qabato “Waa xalaal kuraasta la hanaanka ah Fahad, kursigiisuna waa xaaran iyo ku tumasho sharci” – Maxay kula tahay adba?!

F.G: Wax shaqsi ah nagama dhaxeeyo Fahad, umana ihi taageero ee waa xaqiiqo aan la dafiri karin.

W/Q: Cabdicasiis Dal-deeq
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Hal arrin oo Maxkamadda Sare ku kalliftay go’aankii ay ku diiday dacwadda Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista dacwad uu u gudbiyay la-taliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Farmaajo.

Galinkii dambe ee maanta ayuu dacwoode Fahad Yaasiin soo saaray qoraal uu ku cadeeyey in uu aqbalay go’aanka Maxkamadda.

Waxay dad badan is weydiiyeen sababta uu ku yimid go’aankaas ay garsooreyaasha ku diideen dacwadii uu soo gudbiyey Fahad Yaasiin – Maxaa keenay in Maxkamadda Sare oo sharci ahaan ugu sareysa dalka ay awood u yeelan wayso go’aan ka gaarista kiiskan?

Zakariye Sheekh Yuusuf, oo ah qareen ka faallooda arrimaha sharciga ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda BBC wuxuu ku sheegay in uu jiro sharci gaar ah oo loo sameeyay doorashada dadban, kaas oo maxkamadda ka hor istaagaya inay go’aan ka gaarto arrimo la xiriira doorashadaan dadban.

Abuukaate Zakariye oo go’aankaas ku tilmaamay mid ay ka muuqatay aqoon, masuuliyad iyo wadaniyad ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku qasbanaatay ilaalinta heshiiskii doorashadaan dadban.

“Maxkamadu inay tiraahdo awood uma lihin inaan qaadno kiiskaan waxay u cuskadeen sharci lambar 30 oo dhigaya in cabashada doorashadaan loola tegi karo oo kaliya golaha wadatashiga qaran,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey sababta ay maxkamaddu markii hore u dhageysatay doodihii la xariiray dacwadaan hadii aysan awood u laheyn inay qaado?

“Horta waxaa waajib ah in maxkamadu ay marka hore aqbasho cabasho kasta oo muwaadin u soo gudbiyo, ugu dambeyntiina maxkamadu markii ay dhageysatay doodihii dhicanyada waxay ka fiirisay in waxa la isku heysto uu go’aan doorasho yahay,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye.

Sharci ahaan wuxuu sheegay in kiiskaan oo kale ay maxkamaddu xaq u leedahay inay qaado, balse heshiiskii 17-kii September uu ka joojinayo awoodaas.

Ugu dambeyntii Abuukaate Zakariye wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin ay u furan tahay in golaha wadatashiga qaranka uu u cabto, “Hadii uu cabashadiisa u gudbisto ayagana waxaa laga rabaa inay dhageystaan, sababtoo ah muwaadin kasta xaq ayuu leeyahay inuu helana waa waajib,” ayuu yiri.

 

Sidee madaxweyne Deni u dilay rajadii Puntland ee guddoonka Aqalka Sare?

Doorashadii guddoonka Aqalka Sare ee dhacday 2017, Puntland waxay qarka u istaagtay inay hesho xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare oo ah xil u furan dhammaan inay beelaha ku loolamaan.

Senator Maxamuud Mashruuc oo laga soo doortay gobolka Bari ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada helay 16 cod, ayada oo Abshir Bukhaari oo xilkaas ku guuleystay uu helay 18 cod. 

Senator Cabdrisaaq Jurile oo sidoo kale xilkaas u tartamay, lagana soo doortay Puntland, ayaa wareeggaa kuwaad ku haray 6 cod.

Shan sano kadib, Puntland inay xilkaas hesho iska dhaaf’e, xitaa isuma diyaarin inay tartan u gasho, waxayna u muuqataa inay aqbashay in kursigan ay xaq u leeyihiin maamullada kale, inkasta oo taasi aanay meelna ku qorneyn.

Galmudug oo doorashadii hore heshay kursiga ayaa mar labaad u ordeysa, waxaana markan wehliya HirShabelle, ayada oo labada musharax ee kaliya ee illaa hadda xilkaas u taagan ay kasoo jeedaan deegaanadaas.

Puntland waxay u muuqataa inay sanadkan ku qanacday xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad oo ay isku soo taageen Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timocadde) iyo Senator Sareedo Maxamed Xasan (Jayte).

Farqiga u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug ayaa ah in Galmudug ka Senataro yar tahay Puntland, oo ay haysato 8 Senator halka Puntland ay leedahay 11, balse ay isku dhaafeen dhanka hanka iyo galaangalka siyaasadeed ee madaxdooda.

Sababta rajadii Puntland ee kursigan u dhimatay ayaa lagu sheegay sida xun ee madaxweyne Saciid Deni u maareeyey doorashadii Aqalka Sare, isaga oo xaqiijiyey in xubnihii miisaanka cuslaa ee loolanka adag u geli lahaa kursigan aysan sanadkan soo gudbin.

Wuxuu kursiga ka reebay inay u tartamaan xubno ay ka mid yihiin Cabdirisaaq Jurile, Maxamuud Mashruuc iyo Cumar Cabdirashiid, kuna beddelay dad isaga aad ugu dhow oo aan khibrad siyaasadeed ku dhex laheyn baarlamanka.

Waxaa intaas dheer, in Saciid Deni aanu xil iska saarin inuu u ololeeyo in Puntland ay hesho kursigan isaga oo adeegsanaya saameyntiisa siyaasadeed, balse sida muuqata wuxuu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada madaxweynaha ee isaga uu raadinayo.

Haddii Deni uu isbaheysi la sameyn lahaa Axmed Madoobe oo ay saaxiibo yihiin, kaliya labada maamul xubnood ayaa ku filnaan lahaa inay kursigan ku qaataan si fudud, balse Deni sidaas ma sameyn.

Ayada oo beelaha Digil iyo Mirifle iyo Dir ay kala qaadanayaan hoggaanka labada Aqal, haddii Deni uu waayo xilka madaxweynaha, waxaa aad suurta-gal u ah in madaxweynaha cusub soo magacaabo ra’iisul wasaare aan reer Puntland aheyn, taasi oo ka dhigan in shan sano oo kale aysan Puntland qaban mid ka mid ah xilalka ugu sarreeya Soomaaliya, kadib shanti sano ee Farmaajo.

Madaxweyne Deni waxaan usoo jeedinayaa inuu xoogga saaro xaqiijinta ahmiyadda guud ee Puntland ee aa aanu tiisa shaqsiga ah kaliya eegan, taasi oo hadda ah sida uu wax ku wado.

Mahad Cabdiweli Axmed
Garoowe, Puntland 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.