26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Guddiga doorashada ee guddoonka BF oo loo soo xulayo hab beeleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Kalfadhiga 1-aad kulankiisa 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyey Cabdisalaan Axmed Liiban (Dhabancad) oo ah guddoomiyaha KMG ah.

Ugu horreyn waxaa kulanka lagu dhaariyey illaa lix Mudane oo ka maqnaa munaasabaddii dhaarinta ee Khamiistii lagu qabtay Teendhada Afiysooni ee xerada Xalane.

Guddoomiyaha KMG ah oo madasha khudbad ka jeediyey ayaa marka hore ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo shaqada hortaalla baarlamaanka cusub.

“Waxaad wada ogtihiin saaxibayaal xaaladda dalkeena uu ku sugan yahay maanta iyo cadaadiska uu adduunka innagu hayo oo nala leeyahay haddaanan waqtigaas wax lagu dhammeyn wax walba waa xirmaayaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxaa istaagay tiirkii dowladnimada laga bilaabayey waxa dhimana waxa aan ku kalsoonahay inaad dhammeystiri doontaan,”.

Dhabancad oo hadalkiis sii wata ayaa xusay in laga rabo ka baarlamaan ahaan inay dadajiyaan dhammeystirka doorashada, si looga faa’iideysto waqtiga la heesto.

“Waxaa hadda na horyaal oo la rabo inaan dadajino waxaa weeye guddoonkii rasmiga ahaa ee Golaha Shacabka iyo ku xigeennadiisii,” ayuu markale yiri guddoomiyaha KMG ah.

Intaas, kadib ayuu guddoomiyaha KMG ah soo jeediyey inuu dhiso guddiga doorashada ee guddoonka baarlamaanka, balse waxaa diiday xildhibaanada, iyadoo kadib codeyn loo qaaday.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in xubnahaasi loo qaybsado hab beeleed, si loogu saleeyo nidaamka 4.5 ee ay wax ku qaybsadaan beelaha Soomaaliyeed.

“Waxaan arkay haddii gacanta la taagay inta diidan soo jeedinteyda inay badan tahay marka waxaan rabaa idinka is kala yaqaan inaad beel ahaan laba laba qofood ii keentaan,” ayuu yiri guddoomiyaha KMG ah Mudane Cabdisalaan Axmed Liiban (Dhabancad)

Baarlamaanka Soomaaliya oo uu kulankiisii ugu horreeyey ku bilowday diidmo ayaa waxaa horyaal shaqada adag oo ay ugu muhiimsan tahay doorashada soo socota madaxweynaha.

Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inay kulankooda ugu horreeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Xildhibaanada cusub ayaa waxaa loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan inay soo xaadiraan kulanka oo maanta oo ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa iyo tan ay ku shiraan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa warbixn lagu siin doonaa xildhibaanada cusub, howlaha horyaala iyo qeybinta xeer hoosaadka u gaarka ah doorashooyinka gudoomiyeyaasha & madaxweynaha.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka, Cabdisalaan Dhabancad oo ka hadlay kulanka ay maanta yeelanayaan ayaa sheegay inay dadajin doonaan howlaha shaqo ee hor yaalla.

“Fadhiga 1aad ee Golaha Shacabka waa furitaanka, ka shaqeynta Hay’adda Sharci dejinta oo howsheeda istaagtay, Dalka sidii Dowladdiisa u kala horreysa loo wado sida qaban-qaabinta doorashada Guddoonka si Dowladnimada uu ula wareego, sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa lagu dooranayaa Guddoomiyaha & labadiisa Ku xigeen, taladu waa mid dhextaalla 275-ta Xildhibaan” ayuu yiri gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka Somalia.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray maamullada HirShabelle iyo Jubbaland oo uu ka dalbaday inay soo dhammeystiraan xildhibaanada ka harsan maamulladaasi.

“Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabelle & Jubbaland oo ay ku dambeeyaan Xildhibaannada waxa aan ka codsaneynaa in la dadejiyo, Hir-Shabeelle oo kuraas yar ku dhiman yihiin waxa aan leenahay maalin ama labo maalin kusoo gabagabeeya, Jubbaland sidoo kale dadejiya doorashada 16ka kursi si dhammaan Xildhibaannadu ugu soo wada xaadiraan Aqalkooda” ayuu sii raaciyey xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Si kastaba, xildhibaanada cusub oo la dhaariyey 14-kii bishan ayaa laga sugayaa inay dhammeysitaan doorashada dalka, gaar ahaan tan guddoonka iyo mida madaxweynaha.

Daawo: Taliye Shub oo shaaciyey sababta aan loogu dhaarin xilka xildhibaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo hadda ka mid noqday xubnaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xilkii hoggaanka ciidanka Asluubta uu ku wareejiyey ku xigeenkiisa.

Sidoo kale Jeneraal Mahad ayaa u jawaabay rag uu sheegay inay been abuur ka faafiyeen, isagoo in guddiga doorashooyinka aysan siin kursiga xildhibaan ee uu ku fadhiyo, cid kale oo war u boobtana aysan jirin.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay sababta aysan weli u dhaaran isaga, Yaasiin Farey iyo Cabdullahi Kullane, isagoo beeniyey warar uu sheegay in laga faafiyey oo ah in Farmaajo uu ka hor istaagay dhaarinta.

“Waxaa la yiri shahaadadii ma qaadan oo waxaa u diiday Farmaajo, taasi waa been laba shahaado ayaan weliba wataa, tan federaalka iyo tii maamulka la isaga soo doortay uu i siiyey, dhaarta in lagu dhaqmo aan la rebin ee la boobaayana diyaar ayaan u ahay, waqtigeeda ayaan dhaaranaa,” ayuu yiri Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta.

Wuxuu sheegay in cid xilka ka qaadis ugu goodi karta aysan jirin, balse uu fahamsan yahay in xilka taliyaha iyo xubinimada baarlamaanka aysan is qaba karin, sidaas darteedna ku xigeenkiisa uu xilka ku wareejiyey, intii uusan Baydhaba kursiga u doonan.

“Waxaan wataa ID Card ay K/Galbeed isoo siisay, shirka berrina waan ka qeyb gelayaa oo baarlamaanka waan isugu imaaneynaa, aad ayaan ugu faraxsanahay dhaarinta iyo dhismaha baarlamaanka, waxaana diyaar u ahay in shuruucda baarlamaanka aan ku dhaqmo, daneheyga ayaana ku maqnaaye cid kale yaan dusha la iga saarin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jeneraal Mahad.

Hoos ka Daawo

Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo gudoonka cusub ee Labada Aqal ee BF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay labada guddoomiye ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Rooble ayaa guddoomiyeyaasha KMG ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub wuxuu kala hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Waxaa hadda la guda galay ka shaqeynta qorshaha qabashada doorashada guddoonnada labada Aqal ee baarlamaanka, maadaama Dhabancad iyo Gaagaab ay yihiin labo ku sime, ilaa inta laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhaban-cad oo ah guddoomiyaha ku meel gaar ah ee golaha shacabka iyo Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo isna ah guddoomiyaha KMG ah ee Aqalka Sare ayaa si wadajir ah u iclaamiyey in berri oo Sabti ah ay furmayaan kulamada labada Aqal.

Labada Aqal ayaa ku kala shiraya xarumahooda, waxaana lagu wadaa inay kulamadooda diiradda ku saaraan arrimaha ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka guddoonada labada Aqal ee baarlamaanka.

Labadaan guddoomiye ayaa shalay hoggaanka u qabtay baarlamaanka cusub, kadib markii la dhaariyey xildhibaanada, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka 290 xubnood oo laba Aqal ah ayaa la dhaariyey shalay.

Daawo: Muxuu Indha-Cadde ka yiri musharaxnimada Deni?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde oo markii u horeysay wax laga weydiiyay musharaxnimada madaxweynaha Puntland, Saciid Deni ee xilka u sareeya dalka ayaa sheegay in Deni uu jaanis wanaagsan u muuqdo.

Indha-Cadde ayaa sheegay in Saciid Deni uu soo saartay Xildhibaano badan oo u gudbin kara wareega 2-aad ee tartanka madaxtinimada dalka.

“Saciid Deni waxa uu arkay jaanis oo wuxuu is-yidhi jaanis ayaa haysata. Farmaajo iyo Deni meel lagu tartansiiyo mayba gaadhinba, oo waa la arkay sida uu u dhaqmay Farmaajo, waxaanba isleeyahay asaga (Deni) ayaa doorashada qof iyo cod ah ka bilaabay,” ayuu yiri.

Jeneraal Indha-Cadde ayaa madaxweyne Deni ku amaanay doorashada uu ka hirgeliyay maamulkiisa, taasina ay aad u kala fogeynayaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Farmaajo ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay inta uu joogo Villa Somalia in uu dalka dhowr jeer u horseeday hubanti la’aan amni, iskuna dayay in uu sameysto muddo kororsi sharci darro ah, kaasi oo markii dambe uu si sandule ah uga laabtay.

Madaxweynaha Puntland ayaa bishii hore ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shaaciyey in hadafkiisa ugu weyn uu yahay sidii uu meesha uga saari lahaa madaxweyne Farmaajo.

Saciid Deni ayaa asagu ku tashanaya Xildhibaanada uu gacantiisa kusoo saartay iyo kuwa kale ee usoo saaray saaxiibkii Axmed Madoobe, wuxuuna ololihiisa doorashada hal ku dhig uga dhigay “Bedelida Farmaajo iyo taageerada musharax kasta oo aragtidaas qaba”.

“Waxaan halkaan baaq uga dirayaa dhamaan musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya, waa inay ku midoobaan in la bedelo madaxweynaha hadda jooga ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo,” ayuu yiri Deni.

“Hadafka u weyn oo aan leeyahay wuxuu yahay in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uusan sii joogi karin xilka, waa adagtahay in dalkaani uu horay u sii socdo, hadii uu sii joogo.”

Daawo: Shir loogu jawaabay beelaha Hawiye oo maanta MUQDISHO ka dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir aaya-tashi ah oo ay isugu yimaadeen Ugaasyada, Odayaal dhaqameedka iyo Waxgaradka Dir, Digil iyo Mirifle iyo sidoo kale beelaha Shanaad, kaasi oo looga hadlayay xaalada dalka.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka oo maraya heer geba-gebo ah, kadib markii uu guddiga FEIT shalay dhaqan-geliyay jadwalkii dhaarinta xildhibaanada cusub.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirkaas ayaa waxaa meesha looga saaray cabsida ku aadan in shirarka Dir, Digil iyo Mirifle uu dan gaar ka leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, la iskagana hor keenayo qabiilada qaarkood.

“Maalmahaan waxa jiray hadalo ay beesha Hawiye la wadaagayeen saxaafada, kuwaasi oo ahaa in Beelaha Dir, Digil iyo Mirifle iyo beesha Hawiye uu dagaal dhexmari doono, dagaalkaasi oo uu abaabulayay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamadaay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo aan sal iyo raad toona laheyn,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay shirka.

Sidoo kale waxay cadeeyen in shirarkooda uu ku saabsan yahay aaya-tashigooda gaarka ah, islamarkaana aysan meesha oolin dagaal kala dhaxeya beesha Hawiye.

“Dadkaan cid ma soo abaabulin oo ayaga ayaa dantooda iyo midda dalka isku xilqaamay. Waa waxba kama jiraan in aan abaabuleyno dagaal iyo hebel ka dambeeya oo soo dirsaday,” ayuu yiri Oday kamid ah Nabadoonada ka hadlay shirka.

Ugu dambeyntiina waxay sheegen inay u midoobeen danta umadda Soomaaliyeed oo aysan jirin cid si gaar ah u taageersan yihiin ama u neceb yihiin, ayna ka shaqeynayaan Soomaaliya horumarkeeda.

Hoos ka daawo muuqaalka

Musharaxnimada Farmaajo iyo Saciid Deni oo halis lama filaan ah ay soo wajahday

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. 

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. 

Dhowr iyo laabatankii sano ee la soo dhaafay, waxaa xilkaas loo dooran jiray siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed, halka Xidig oo doorashadii u dambaysay ee January 2017 galay kaalinta labaad uu noqday qofka labaad ee ugu codadka badan. 

Damaca Koonfur Galbeed

Balse, Koonfur Galbeed ayaa hadda dooneysa in taas wax laga beddelo, ayada oo odobaadyadii la soo dhaafay ay jireen warar sheegaya in Koonfur Galbeed oo ku dhawaad rubuc qarni haysatay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ay hadda tijaabin rabto xilalka kala ah Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha.

Maadaama kuraasta ugu sarreysa dalka – Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka – lagu saleeyo qaab awood qaybsi ah oo ku dhisan habka 4.5 ee beelaha Soomaalida, haddii ay Koonfur Galbeed wareejiso Gudoomiyaha, waxa taasi bedalaysaa cidda helaysa labada xil ee kale.

Daahir Qoriyoow Isaaq, oo falanqeeya siyaasadda Gobolka Geeska Afrika, ayaa aaminsan in ujeeddada ugu weyn ay tahay “in kursigaas uusan ahayn mid la isku halleyn karo, oo aan cago adag ku taagneyn”.

“Waxay ila tahay waxa ugu weyn waa caqabadaha uu guddoomiyaha golaha shacabka la kulmayo marka uu Golaha hoggaanka u hayo. Ma aha kursi uu qofka hubo in uu kusii fadhin karo inta aysan muddo xileedka u dhammaanin. Waxaa taas sii dheer in aan lagu tixgelinin kursiga”. ayuu yiri Daahir Qoriyoow.

Farmaajo iyo Saciid Deni

Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, taasi oo si rasmi ah u dileysa rajada ay leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Siciid Deni oo ay isku beel kasoo jeedaan. 

Maadaama Xidig uu ku qoondo yahay labadaas nin marka la eego hannaanka 4.5, haddii uu ku guulaysto doorashada gudoomiyaha golaha shacabka, waxaa meesha ka baxaysa fursaddooda, ayay leeyihiin dadka darsa qaab dhismeedka dowladda federaalka ee Soomaaliya. 

Xildhibaanada taageersan Deni iyo Farmaajo waxay labaduba xaqiijin doonaan inaan la taageerin Xidig, si aanay taas u dhaawicin rajadooda.

Hase yeeshee, ayada oo ay jireen isku day isbaheysi oo ay rabeen Dir, Digil iyo Mirifle, suurta-galna ay tahay in xildhibaanada Hawiye ay sidoo kale taageeraan Xidig, lama yareysan karto halista kusoo wajahan Saciid Deni iyo Farmaajo.

Wax ay ahaatdaba, tani waxa xamaasad kale u yeeleysaa loolanka hoggaanka sare ee dalka, waana arki doonnaa halka ay ku dhammaato.

Rabshado culus oo maanta ka dhacay Masjidka Al-Aqsa iyo 152 qof oo lagu…

Qudus (Caasimada Online) – Ugu yaraan 152 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay iska horimaad maanta ayaga iyo ciidamada booliska Israel ku dhex-maray gudaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa ee magaalada Qudus.

Inta badan dhaawacyada Falastiiniyiinta ayaa waxaa sababay rasaasta caagga ah, bambooyinka qiica kaliya sii daaya, iyo garaacis ay sameeyeen booliska, sida ay sheegta hay’adda Bisha Cas ee Falastiin.

Ciidamada Ammaanka Israel ayaa heegan culus ku jiray tan iyo markii weeraro dhowr ah oo dhimasho leh ay Israel ka dhaceen labadii toddobaad ee tegay.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ciidamada Israel ku sheegeen in boqolaal qof oo Falastiiniyiin ah ay dhagxaan iyo baaruud kusoo weerareen ciidamada oo ku sugnaa meel u dhow halka lagu cibaadeysto ee Darbiga Galbeed kadib salaaddii subax ee Jimcaha.

Waxay intaas ku dareen in kadib ciidamada ay galeen dhismaha Al-Aqsa “si ay u kala eryaan dibna ugu celiyaan shacabka, si dadka kale ee cibaadeysanayey ay si nabdoon uga baxaan.”

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen iska horimaadka.

Boolisku waxay xireen boqolaal Falastiiniyiin ah, waxaa sidaas tweet ku sheegay afhayeen u hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan xasilloonida kusoo celino Xaramka Shariifka ah iyo guud ahaan Israel. Waxaa intaas dheer, waxaan isku diyaarineynaaa xaalad kasta, ciidamada amniguna diyaar ayey u yihiin shaqo kasta,” ayuu yiri Bennet.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Falastiin oo ka hadashay rabshadaha Al-Aqsa ayaa sheegtay “in Israel ay si buuxa oo toos ah mas’uul uga tahay dambiga dhacay iyo cawaaqibkiisa.”

“Faro-gelin caalami oo deg deg ayaa loo baahan yahay si loo joojiyo gardarrada Israel ee ka dhanka ah Masjidka Al-Aqsa iyo in xaaladda ay farah ka baxdo,” waxaa sidaas yiri Nabil Abu Rudeineh, oo ah afhayeenka madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, oo dowladdiisa ay maamusho aagga Israel ay haysato ee Daanta Galbeed.

Xamas oo iyana maamusha Marinka Gaza ayaa sheegtay in Israel “ay xambaareyso mas’uuliyadda iyo cawaaqibka.”

REUTERS + VOA

Daawo: Muxuu Cabdirashiid Janan ka yiri doorashadii laga wareejiyey Garbahaarey?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa si lama filaan ah uga hadlay go’aankii uu guddiga doorashadad heer Federaal uu magaalada Ceelwaaq ugu wareejiyay doorashada kuraastii taalay magaalada Garbahaareey.

Janan ayaa go’aanka guddiga FEIT ku tilmaamay inuu yahay go’aan mudan in lasoo dhaweeyo maadaama uu kusoo aaday waqti loo baahnaa.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in gobolka Gedo laga badbaadiyay inay ku dhacdo matalaaad la’aan, isagoo sheegay in guddiga doorashada uu qaatay go’aan wanaagsan oo Gedo looga saarayo jiitanka doorashada.

“Haddii Garbahaareey xoog lagu haysto oo madaxweyne ku-xigeenkii ku dhashay loo diidan yahay, hadduu Ceelwaaq imaan karo, oo madaxweynihii Jubaland imaan karo, oo guddigii doorashada Jubbaland imaan karo, in doorashada lagu qabto wax dhib ah uma arko. Taas waxaa ka xun inay ka haraan barlamaanka Soomaaliyeed, sida maantaba dhaarta uga hareen,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan oo wareysi siiyay Idaacadda goobjoog.

Cabdierashiid Janan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo hay’adda Nabad-Sugida inay cuuryaamiyeen gobolka Gedo, isagoo sheegay in danahooda gaarka ah u dhibaateeyeen masiirka reer Gedo.

Janan ayaa intaas kusoo daray inay quus taagan yihiin cid kasta oo isku dayaysay inay masiirka gobolka Gedo looga taliyo Villada, sida uu yiri.

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland oo sannadkii hore heshiis la galay dowladda islamarkaana ku wareejiyay ciiddankiisii, ayaa hadda u muuqda mid mowqifkiisii uu isbeddelay, isagoo ka hor yimid wax ka socda gobolka Gedo ee madaxweyne Farmaajo ku lug leeyahay.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga Janan oo dhameystiran

Xog: Sababta ay taliyaasha xildhibaanada noqday u diideen inay dhaartaan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba kamid ah Afarta taliye ee xukunta ciidamada dalka ayaa ku biiray golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad. Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NISA iyo Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa xubno ka noqday Baarlamaanka cusub.

Labada Nin ayaa Baarlamaanka kasoo galay Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Saraakiishaan weli waxay ku fadhiyaan xilalkoodii hore.

Shalay waxay aheyd Maalintii la dhaarinayey xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad. Taliye Yaasiin Farey ayaa tagay xarunta guddiga FEIT, wuxuuna qaatay shahaadada xildhibaanka laakiin ma uusan xaadirin dhaartii xildhibaanada, halka taliyaha Asluubta xildhibaan Mahad uu isna dib isaga dhigay shahaado qaadashada iyo dhaarta Labada.

Labada sarkaal ayaa haddii ay dhaartaan noqonaya xildhibaano rasmi ah, taasoo ka dhigan inay si toos ah u weyn doonaan xilka taliyinimada.

Qofka xildhibaanka ah looma ogala xil ka hooseeya wasiir federaal ah, taliyaaashana waxay xisaabsan yihiin darajo ka hooseyso wasiir, sidaas darteed, maalintii ay dhaartaan oo ay xildhibaano buuxda noqdaan waa banaan yihiin hoggaanka labadaas ciidan.

Yaasiin Farey oo hadda kamid ah xubnaha sida weyn Farmaajo ugu dhow dhow ayaa haddii uu NISA baneeyo waxaa abuurmaya dood cusub, horey Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo waxay ugu heshiiyeen inuu Yaasiin Farey si ku-meel gaar ah hay’adda NISA usii hoggaamiyo, balse ay ka heshiiyaan cidda loo magacaabayo xilka taliyaha rasmiga ah.

Labada Nin ee Farmaajo iyo Rooble si weyn ayey u kala fog yihiin waqtigaan, mana ka heshiin karaan qadiyad noocaas ah, sidaas darteed NISA waxay heysataa inuu Yaasiin Farey sii joog ama inuu abuurmo buuq cusub oo hoggaankeeda la xiriira.

Labada taliye ee Asluubta iyo NISA dib ayey isku sii dhigi doonaan illaa muddo si ay xilakooda usii heystaan ayaa laga soo xigtay qaar kamid ah dadka ku dhow dhow taliyaashaan, Farmaajana hadda xiiso uma qabo isbadal xagga hoggaanka ciidanka ah, maadaama ay dhammaan saraakiisha isaga weli daacad u yihiin.

Dhageyso: Xildhibaan Cali Xaaji oo sharaxay sababta uu u amaanay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar, oo ka mid ah xildhibaannadii Golaha Shacabka ee shalay xilka loo dhaariyay, ayaa muddo kooban kadib markii lagu doortay magaalada Baladweyne waxaa soo ifbaxay muuqaal laga duubay isaga oo ku sugan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay Al-Shabaab ka taliyaan.

Hadal uu goob musaanasabad ahayd ka jeediyay ayuu ugu mahad naqay Al-Shabaab, isaga oo adegsaday ereyga “WILAAYADA ISLAAMIGA AH” iyada oo arrintaas ayay dad badan ka fal-celiyeen kuwaas oo xildhibaanka ku eedeeyay in uu xiriir dhow la leeyahay Al-Shabaab.

Wareysi uu siiyay VOA SOMALI ayuu ku sheegay in muuqaalkiisa lagu faafiyay Baraha Bulshada laga soo jartay khudbad uu ka jeediyay deegaanka Ceel Cali 2014-kii xili uu halkaas u tagay adeeg caafimaad maadaama uu yahay dhaqtar & hormarinta Waxbarashada Deegaankaas.

“Video-ga waxa uu ahaa 2014-kii, xilli aniga oo dhaqtar iyo bare Jaamacadeed ah oo ka shaqeeya Muqdisho aan aaday Deegaanka Ceel Cade oo waxa aan waday macalimiin Iskuul oo maadooyinka Seyniska dhiga waxaana geeyay Iskuulka Ceel Cali oo 2012-kii aan u baddelnay Dugsi Sare, Guddigii maamulayay Iskuulka ayaa ii xil saaray in aan u hadlo, khudbaddii aan jeediyay oo dheereed ayaa laga soo jartay qaybta aan ka leeyahay “Wilaayada Islaamiga” haddii aan tegay meesha ay ka talinayaan oo madaxdoodii fadhiso waan ku qasbanaa in aan adeegsado ereygaas,” ayuu yiri xildhibaan Dr. Cali Xaaji Aadan.

Wuxuu intaas kusii daray  “Qofka meesha ka taliya in aad ugu yeerto magaca uu jecel yahay haddii kale adiga ayaa dhibaato laguu geysanayaa, tan kale waxa aan u baqay iskuulka in ay dhibaato soo gaarto oo aan loo fahmin in ay dowlad ama hay’ad taakulo ka helo, anigana nafteyda ayaan u baqay”.

Xildhibaankaan ku guuleystay HOP#039 ayaa beeniyay in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab isaga oo difaac ka dhigtay in dalka dibaddiisa uu waxbarasho u aaday kahor inta aanay aasaasmin, isla markaana aanay jirin shaki laga qaaday ama caqabad ka dhalatay muuqaalkaas oo soo gaartay kaddib faafintiisa.

Waxa beeniyay in ergada dooratay ay ku jireen kuwa Al-Shabaab u tagay, Guddi qaabilsan hubinta Codeeyaasha uu xaqiijiyay maadaama la mamnuucay Eragadii u tagtay Al-Shabaab ee soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka 10aad ee JFS.

“Dad Ergooyinka galay oo inta cabsaday u tagay Nimankaas way jiraan, kuwaas in ay dib usoo galaan doorashada dambe lama ogola oo Dowladdu go’aan ayay ka gaartay, aad ayaa loo hubinayay oo Guddiyo Amniga ayaa ka shaqeynayay,” ayuu yiri Xildhibaan Dr Cali Xaaji Aadan.

Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar ayaa 04/04/2022 ku guuleystay HOP#039 isaga oo helay 86 cod, waxa uu ballanqaaday in uu wax u qaban doono Deegaanka uu metalo ee Ceel Cali oo gacanta DG Hir-Shabeelle ka maqan.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysigiisa oo dhameystiran

Xildhibaanada kutlada NISA oo beddelay mowqifkoodii

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay shahaadada Xildhibaanimo qaatay inta badan xildhibaanada kutlada NISA, kuwaasi oo markii hore si iskood ah u go’aansaday inaysan shahaadada qaadan, kadib markii uu guddiga doorashooyinka ee heer federaal uu hakiyay kursiga Fahad Yaasiin.

Xildhibaanada qaatay shahaadada ka hor dhaarinta Xildhibaanada labad aqal ayaa waxaa kamid ah: Taliyaha NISA ee ku-meel gaarka ah Yaasiin Farey, Cabdrisaaq Xusul, Dayax Cumar iyo Faarax Cabdi Diini, kuwaas oo sidoo kale la dhaariyey marka laga reebo Yaasiin Farey.

Waxaa muuqata in xildhibaanadaan ugu dambeyntii ay danta ku qasabtay inay shahaadada qaatan, maadama aan illaa hadda xal laga gaarin kursigii Fahad, islamarkaana uu guddiga FIET dhagaha ka fureysanayo dacwadii uu gudbiyay.

Sida la fahamsan yahay, xildhibaanada kutlada NISA oo markii horeba ahaa tiro kooban oo ku dhow 20, ayaa xiligan u arka in maqnaashahooda uusan yeelaneyn saameyn weyn, sidaas darteedna ay is-daad raaciyeen xildhibaan tirada badan ee la dhaariyey.

Kursiga Fahad oo marxalado kala duwan soo maray ayaa waxay hadda dacwadiisa taalla maxkamadda sare ee dalka, taasi oo la filayo inay kasoo saarto go’aan u xaglinaya dhankiisa, inkasta oo illaa hadda aan maxkamadda loo gudbin jawaab-celintii dacwadaas.

Doorashada Soomaaliya oo muddo badan soo jiitameysay ayaa hadda mareysa heer geba-gebo ah, ayada oo maanta xildhibaanada cusub ee baarlamaanka labada aqal lagu dhaariyay munaasibad ka dhacday teendhada Afisyooni.

Musharaxii ugu horreeyey ee beesha Daarood oo isku soo taagay gudoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada kasoo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomalaiya. 

Cabdirashiid Xidig ayaa qoraal uu ku daabacy bartiisa facebook ku yiri “Mudaneyaal iyo marwooyin anigoo ah xildhibaan Cabdirashid Maxamed Xidig waxaan idinla socod siinayaa inaan u sharaxnahay xilka gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka federalka ee Soomaaliya 2022/2026.”

Waxa uu intaas ku daray “Mudaneyaal iyo marwooyinm baarlamanka federaalka waxaa horyaalla waajibaad dastuuriya oo lagama maarmaan u ah dowlad dhisida dalkeena, sidaas darteed anigoo fahamsan waajibaadkaas aqoon iyo waayo aragnimo dheera u leh hogaaminta baarlamaanka iyo gudashada waajibaadkiisa, waxaan go’aansaday inaan isusoo sharaxo qabashada xilka gudoomiyaha golaha baarlamaanka federalka ee Soomaaliya.”

Xidig ayaa ka codsaday xildhibaanada federaalka inay taageeraan codkoodana siiyaan, wuxuuna intaas ku daray inuu maalmaha soo socda soo bandhigi doono faah-faahinta qorshihiisa siyaasadeed. 

Xidig ayaa sidoo kale xilkan isku sharaxay doorashadii guddoomiyaha baarlamankii 10-aad ee dhowaan muddo xileedkiisu dhammaaday, balse aan ku guuleysan.

Musharaxnimada Xidig, oo kasoo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaaliya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha. 

Haddii la doorto Xidig, waxay ka dhigan tahay in beesha Daarood ay weyn doonto labada xil ee ugu sarreeya dalka, inkasta oo aysan caddeyn heerka ay gaarsiisan tahay taageerada uu haysto.

Dhowaan waxaa jiray dadaal ay wadeen beelaha Dir, Digil iyo Mirifle, oo ay waxa kaga bedelayaan habka awood qeybsiga, waxaana musharaxnimada Xidig ay siineysaa fursad ay taas ku xaqiijiyaan haddii ay codkooda ku taageeraan.

Yaa kusoo baxay doorashadii adkeyd ee kursiga beesha Daa’uud ee xalay dhacday?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Doorasho la isla gaaray ilaa saqdhexe oo xalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa ayaa waxaa kursiga #HOP024 ku guuleystay Maxamed Axmed Beereey oo ka guuleystay seddax murashax oo kula tartamayay kurigaasi.

Xildhibaan Beereey ayaa helay 59 cod, waxaana kusoo xigay Yuusuf Mohamed Xaaji Dool oo helay 25 cod, halka murashaxii shantii sano lasoo dhaafay ku fadhiyay kursigaasi Cabdulqaadir Caraboow oo helay 7 cod.

Tartanka kursigaan oo ahaa mid adag ayaa waxaa guusha Beereeyl qeyb ka ahaa siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo beesha iska leh kasoo jeeda, waxaana la sheegay in taageerada ugu badan uu ka helayay xildhibaan Beereey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Finish.

XIldhibaan Beereey ayaa sanadkii 2016 looga adkaaday doorashada kursigan oo uu ku guuleystay Xildhibaan Cabdulqaadir Carabow.

Xildhibaan Caraboow oo ka mid ahaa xubnihii loo saadaalinayay ayaa wuxuu taageero ka haystay Maxamuud Cali Ugaas oo saaxiib dhow ay ahaayeen, iyadoo la ogaa in doorashadii 2016-kii uu Maxamuud Cali Ugaas damcay inuu tartanka ka reebo xildhibaanka guuleystay ee Maxamed Axmed Beereey.

Xildhibaan Beereey ayaa horay ugu mid ahaa madaxda hay’adda Samsam, waxaana lagu tirayaa inuu ka tirsan yahay ururka Al-Islaax oo qeyb ka ah siyaasadda Somalia.

Jadwalka doorashada 16-ka kursi ee CEELWAAQ oo shaaca laga qaaday (Aqriso)

Kismaayo(Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Jubaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Ceelwaaq saacado kadib markii la shaaciyey in kuraastii taaallay Garbahaarey loo wareejiyey magaaladaas.

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-Aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Doorashooyinka ayaa la qabanayaa inta u dhaxeysa 18-ka illaa 27-ka April, ayada oo kursiga ugu soo horreeya oo ah HOP079 ay doorashadiisa dhaceyso 18-ka bisha oo ku beegan Isniinta.

Qabashada doorashada kuraasta Ceelwaaq ayaa ka dhigan in dhammaan doorashada golaha shacabka la dhameyn doono 27-ka April, maadaama kuraastaas ay yihiin kuwa kaliya ee harsan, ayada oo la filayo in HirShabeelle ay doorashadeeda dhameyso xilligaas kahor.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa Khamiistii sheegay inuu go’aankan gaaray markii uu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaareey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay caqabado amn ku hor gudban yihiin inay doorasho ku qabsoonto Garbahaareey, islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen in xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ay ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey.

Hoos ka eeg jadwalka 

  

“Doorashada Garbahaarey waa ay dhaceysaa, mana la wareejin karo,” waxaa yiri…

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Gedo ayaa ku gacan sayray go’aankii kasoo Guddiga doorashada heer federaal ee FIET ee lagu sheegay in doorashadii Garbahaarey loo wareejiyey Ceelwaaq, taasi oo ay ku qeexeen sharci darro.

Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle oo BBC-da la hadla ayaa sheegay inay ku taagan yihiin Heshiiskii 17 September. 

“Garbahaarey Heshiiskii 17 September ayay ka mid tahay, xildhibaannada saakay la dhaarinayay waxa lagu dhaariyay waa 17 September, kuwa dhiman waxa lagu soo dooranayaana waa 17 September, cid hal qodob ka beddeli karta ma jirto, shalayna waan taagneyn haddana waan taagannahay,” ayuu yiri.

Axmed Buulle ayaa ku eedeeyay Guddiga FEIT inaysan habeysneyn oo ay dhowr garab noqotay. “Waxaan ku xaqiijinayaa in haddii warqaddaas ay xaqiiq noqoto aan Garbahaarrey ku dooran doonno xildhibaannadii dhinnaa oo ay doorashada Garbahaarrey ka dhacayso,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii horeba aan lagu heshiin waayin in doorashada ay Garbahaarrey ka dhacdo, isla markaana ay ku jirtay qodobbada heshiiskii 17 September, wuxuuna sheegay inaysan u dulqaadan doonin arrintaas ana doorashada qabsan doonaan.

“Aniga waxaan rabaa ninka ragga ah ee Ceelwaaq doorasho ku qabanaya. Annagu sharci baan qabbaan u nahay, sharciga haddii lagu xad gudbay cid aan qabban u nahay ma jirto, doorashadeennana waan qabsaneynaa, iyadoo xor iyo xalaal ah ayaan qabsaneynaa, cid aan magacn uga nahayna ma lahaa” ayuu yiri Guddoomiyaha maamulkaas Axmed Buulle.

Si kastaba, Jubaland ayaa u muuqata inaysan dheg jalaq u siineyn maamulka Gedo ee taabacsan Farmaajo, waxayna ku dhaqaaqday qabashada doorashada Ceelwaaq. 

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Jubaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada 16-ka kursi ee lagu qabanayo magaalada Ceelwaaq saacado kadib markii la shaaciyey in kuraastii taaallay Garbahaarey loo wareejiyey magaaladaas.

“Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) oo tixraacaya warqadda sumadeedu tahay GHDHF/56/2022 kana soo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer Federaal FEIT kuna taariikhaysnayd 13/04/2022 ayna ku cayimeen goob doorashada 2-Aad ee Jubbaland waxay guddiga SEIT Jubbaland halkan ku shaacinayaan jadwalka doorashada 16-ka kursi oo lagu qabanayo Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Doorashooyinka ayaa la qabanayaa inta u dhaxeysa 18-ka illaa 27-ka April, ayada oo kursiga ugu soo horreeya oo ah HOP079 ay doorashadiisa dhaceyso 18-ka bisha oo ku beegan Isniinta.

Markabkii DAGAAL ee hor-kacayey ciidamada Ruushka ee Ukraine oo qarxay

Moscow (Caasimada Online) – Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Ruushka oo waxyeelo kasoo gaartay qarax Arbacadii lasoo dhaafay dhacay ayaa quusay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ruushka.

Markabkani ayaa waxay horey dowladda Ruushka u sheegtay in uu dab qabsaday.

Dabka ayaa sababay qaraxa rasaasta markabka dagaalka saarneyd, Ruushka ayaa sheegay in gabi ahaan shaqaalihii markabkaasi markii dambe loo daad gureeyay maraakiibta Ruushka ee ku dhowaa badda madow.

Dowladda Ruushka wax faahfaahin ah kama bixin qaabkii uu u dagay markabka dagaal.

Markii hore waxay wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka ay sheegtay in markabka dagaal uu dul sabeynayo badda, balse gelinkii dambe ee Khamiistii warbaahinta dowladda Ruushka ayaa baahisay warka sheegaya in markabka Moskva uu dagay.

Markabkaan oo 510 shaqaale qaada ayaa horkacayay weerarkii ciidamada badda ee Ruushka a ka geysteen Ukraine, isagoo ah astaan muhiim u ah militariga.

Ukraine ayaa sheegtay in markabka ay ku weerartay labo ka mid ah gantaalladeeda Neptune.

Markabka ayaa degay iyada oo dib loogu soo celinayo mid ka mid ah dekadaha Ruushka xilli ay cimilado ay aad u xumeyd oo ay dabaylo socdeen.

Maalintii ugu horeysay ee duulaanka Ruushka ee Ukraine 24-kii Febraayo, Moscow waxay heshay sumcad ka dib markii ciidamada ay tiradooda aad u yartahay oo ah kuwa Ukraine ee difaacayay Jasiiradda Snake ee Badda Madow ay ugu baaqeen in ay isa soo dhiibaan , dalabkaasi oo ay ciidamadaasi Ukraine ay diideen .

Markabkan waxaa uu horey sidoo kale uga soo dagaalamay dalka Suuriya, halkaasi oo uu gacan ka siinayay ciidamada Ruushka weeraradooda.

Wasaarada gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa ku tilmaamay degitaanka Moskva mid ‘dharbaaxo weyn ku ah maraakiibta dagaalka Ruushka .

Sidoo kale degidda markabkani ay ka hor imaaneyso sheegashada madaxweyne Putin ee ah in howlgalkiisa gaarka ah ee milatariga Ukraine uu u socdo sidii loo qorsheeyay.

Guddoonka KMG ah ee BF oo fariintii ugu horreysay u diray xildhibaanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee ku-meel gaarka ah ee agolaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad Cabdisalaan Xaaji Axmed “Dhaban-cad” ayaa sheegay in doorashada xilligeeda daahday ay sababtay in adduunka uu fikrad kale ka qaato Soomaaliya islamarkaana digniin ay ku bixiyeen inay jaran doonaan dhaqaalaha ay ku taageeraan Soomaaliya.

Dhaban-cad ayaa isagoo u mahad celinayay ra’iisul wasaare Rooble iyo guddiga doorashada wuxuu codsaday in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dedejiyo doorashada xildhibaanada dhiman maadaama waqtiga dheeraaday, caalamkana uu digniin siiyay dalka.

“Waxaan codsanayaa in kuraasta dhiman lasoo dedejiyo, iyadoo la wada og-yahay fikrada adduunka naga haysto in waqtigii dheeraaday, oo digniin nala siiyay oo lacagaha go’aya iyo banuuqda xermeysa oo la og yahay inta cadaadiskaas nalagu wado, waxaan farayaa xildhibaanada golaha shacabka ilaa laga doorto guddoomiyaha rasmiga iyo ku-xigeenadiisa inaan qofna maqnaan karin, fasaxna uusan jirin, maalinta sabtida 9:00 subaxnimo iyo Villa Hargeysa” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Aqalka Sare Maxamed Cali Yuusuf “Gaagaab” ayaa iclaamiyay in xubnaha Aqalka Sare maalinta sabtida soo xaadiraan xaruntooda, islamarkaana aysan jiri doonin qof ka maqnaan kara kulankaasi maadaama shaqo badan sugeyso, wax badanna laga sugaayo.

Guddoomiyaha KMG aqalka sare Maxamed Cali Yusuf Gaagaab iyo Guddoomiyaha KMG aqalka hoose Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan “Dhabancad” ayaa noqday xildhibaanada ugu da’da weyn labada aqal, sidaasina ay ku noqdeen guddoonka KMG.

Guddoomiye Gaagaab oo deegaan doorashadiisa tahay Puntland iyo Dhaban-cad oo reer Galmudug ayaa laga sugayaa inay kasoo dhalaalaan howsha loo igmaday gaarsiinta guddonka rasmiga ah ee baarlamaanka aqalka hoose iyo aqalka sare.

Murashax madaxweyne Cabdullaahi Cali Xasan oo baaq iyo dardaaran u diray xildhibaanada cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda ganacsiga Eng. C/llaahi Cali Xasan oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay dhaarta xildhibaanada cusub ee labada aqal baarlamaanka Somalia.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in xildhibaanada cusub ee labada aqal ay u taal howl culus iyo samatabixinta dal iyo dad ay dowladnimada kusii dhaceyso ceel dheer.

“Farriinta ugu horeysa ee aan halkan uga diraayo waa in ay Alle uga baqaan xilka loo dhaariyay, dalkana ka saaraan mugdiga iyo walaaca” ayuu yiri wasiirkii hore ee Ganacsiga haddana ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia.

Wuxuu sidoo kale amaan iyo bogaadin u jeediyay gudiga doorashooyinka dadban iyo cid walba oo suuragalisay in halkan maanta lasoo gaaro sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir C/llaahi ayaa mudadii uu hagayay wasaaradda ganacsiga wuxuu u jiheeyay inay horumarto isla markaana caalamka iyo xiriirka caalamiga kula tartanto wasaaradda uu madaxda ka ahaa. Sidoo kale, wuxuu fadhiisiyay nidaamka iyo sharciyada wasaaradda.

Dadka aqoonta dheer u leh wasiir C/llaahi waxay ku sifeeyeen inuu yahay nin dalka u jaheyn kara dowlad wanaag, deganaansho siyaasadeed, mid amni, horumar dhaqaale, mid bulsho, cadaalad iyo sinnaan.

Rooble oo amar cusub kasoo saaray doorashada kuraastii laga wareejiyey Garbahaarey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aankii guddiga doorashooyinka ee heer federaal ay ka gaareen doorashada kuraastii Garbahaarey, taasi oo loo wareejiyay degmada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

Rooble ayaa sidoo kale waxa uu kuu booriyay guddiga SEIT ee Jubbaland iyo dowlad goboleedka Jubbaland inay si dhaqso ah u soo dhameystiraan kuraasta ku dhiman.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble isagoo tixgalinaya xaqa matalaadda dadka Gobolka Gedo iyo ahmiyadda dhammaystirka doorashada wuxuu bogaadinayaa soona dhaweynayaa go’aanka Guddiga Doorashooyinka FEIT ee ku aaddan deegaan doorashada 2aad ee Jubaland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Hadalka Rooble ayaa imanaya kadib markii Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal uu goor sii horeysay oo maanta ah ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo.

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray markii uu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaarey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay caqabado amaan ku hor gudban yihiin inay doorasho ka qabsoonto Garbahaarey, islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen in xubno ka socda Guddiga FEIT ay ku tagaan booqasho loogu kuur-geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaarey.

Guddiga ayaa xusay in go’aankiisa ay qeyb ka aheyd markii uu arkey cabashooyinka beelaha kuraastoodu taalla magaalada Garbahaarey.

Si kastaba, Go’aanka guddiga ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, lamana oga sida ay uga fal-celin doonaan maamulka Garbahaarey ee hoostaga Villa Somalia, kaasi oo hubanti la’aanta amni ee halkaas ka taagan horseed u ah.