30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Gudaha Villa Somalia: Maxaan kusoo ogaanay la jirka 72 saac ee madaxweyne Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhinacyada Soomaalida ay nabad ku wada noolaan karaan, siyaasadda Islaamiga ahna ay tahay in aysan noqon mid rabshadeed, Dimuqraadiyeynta dalkakuna ay kori karto. Waa kan wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Jariiradda The Guardian.

Safarka gaariga ee ka yimaada gegida diyaaradaha ee Muqdisho kuna wajahan Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayay tahay in uu qaato ku dhawaad 15 daqiiqo. Badanaase sidaasi ma dhacdo. Boqolkii tillaabo ee kasta waxaa yaalla bar hubin uu leeyahay ciidanka Booliiska. 

Sida muuqata wax aan laga taxadarin ma jiraan; sababo la xiriira qaraxyada lala eegto baraha hubinta ee ciidanka. 

Si looga fogaado habacsanaan amni ma jirin cid kale oo sii og booqashada Observer marka laga reebo tiro yar oo ka mid kaaliyeyaasha Madaxweynaha. Waxaan ku nimid gaari Hilux nuuca aan xabadda karin oo uu galbinayo gaari dul bannaan ah oo ay saaranyihiin todobo askari, qorina ku  rakibanyahay. 

Waxaan marnay waddo dheer oo hareeraha ay ka xigaan kunteenaro carro lagu geddaamay iyo darbiyo silig lagu wareejiyay.

Subaxdaas goor hore markii aan soo gaaray gegida diyaaradaha, aniga oo jiidaya jaakadda nuuca culus ee xabadaha karin iyo koofi, waxay ila noqotay xushmad darro inaan la imaado oon ku hor xirto nin ka badbaaday dhawr isku day dil oo ka dhan ahaa- oo uu ku jiro mid lagula beegsaday gudaha xayndaabka Madaxtooyada, haddana xukuma dal lagu doodi karo in uu yahay kan ugu halista badan dunida guudkeeda.

Unug ciidan dhallinyaro ah oo aad foojigan, xiranna muraayado (Awkiyaaleyaal) madow ayaa ilaalo ka haya halka laga galo xafiiskiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaligiis fadhiya miis alwaax ah gadaashiis isaga oo hortiisa uu suranyahay sawirka Aaden Cabdulle Cismaan Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ku labisanyahay suud iska caadi ah oo midabkiisu buluug yahay, shaarka kuleetigiisuna furanyahay. 

Maxamuud waxa uu u muuqdaa mid deggan si wacan ayuuna ii gacanqaaday. Inaad ahaato Madaxweynaha Soomaaliya dal magaciisa wali si weyn loogu adeegsado inkastoo ay si marinhabaabin u tahay tilmaanta astaanta “Dal fashilmay” ayaa u muuqata shaqo dhib badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah labo jeer ugu guuleeystay hanashada xafiiska dalka ugu sarreeya. Dawladdiisuu intii u dhaxeysay 2012-2017 ayaa ahayd tii ugu horreysay een ku meel gaar ahayn tan iyo 1991 markii la riday dawladdii Maxamed Siyaad Barre hoggaamiyihii Militariga ahaa ee muddada dheer xukumyay Soomaaliya.

Wax yar uun kaddib doorashadiisii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka badbaaday isku day dil lagula beegsaday hotel uu ku qaabilayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya. 

Mar kale xubno ka tirsan kooxda argagixisada ee Alshabaab oo ah tan ugu hantida iyo halista badan kooxaha hoostaga Alqaacidda ayaa gaari ku qarxisay ilinka laga galo Villa Soomaaliya. Mid ka mid ah dagaalyahanka kooxda argagixisada ayaa ku dhawaad 100 mitir u jirsaday halka Madaxweynaha ku sugnaa ka hor inta aan la toogan.

Waxaa dib loo doortay bishii May ee sanadkii hore, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida ay qabto hey`addiisa sirdoonku waxa uu yahay mar kale bartilmaameedka koowaad ee Alshabaab. 

Maalmo uun yar kaddib wareysigaan kooxda jihaadiga ayaa fulisay labo qarax oo dilay ugu yaraan boqol qof. Mid ka mid ah bartilmaameedyada ayaa ahaa Wasaaradda Waxbarashada, taas oo uu hoggaamiyo Waziir Faarax Sheekh Cabduqaadir saaxiibka siyaasadda ugu dhaw ee Madaxweyne Xasan Sheekh- waa uu ka badbaaday weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay weerarka isaga oo ku tilmaamay weerarka aargoosi ka dhan ah guusha ay dawladdiisa cusub ay ka gaartay waxa uu ku tilmaamay dagaal aan waxba lala harin doonin oo ka dhan ah argagixisada. Dawladdiisa ayaa dhawaan dib ula wareegtay dhawr deegaan oo muhiim ah. 

Soomaaliyana waxay wajaheysaa caqabado faro badan. Soomaaliya ayaa inta badan lagu arkaa halka ugu hooseeysa ee kala sarreynta caalamiga ah ee musuqa, saboolnimada iyo nuglaanta dawladnimada.

Fagaaraha siyaasadda Soomaaliya dhaxdeeda 67 jirkaan ayaa u muuqda mid si weyn uga duwan inta kale. Guud ahaan intii uu socday dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyay burburkii dawladdii Soomaaliya ma uusan ka tagin dalka . 

Dhammaan caruurtiisa 20-ka ah ayaa ku dhalatay dalka. Taas ayaa ka duweysa Madaxweynihii xukunka uga horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ah kaas oo inta badan noloshiisa ku qaatay Gobolka New York sida inta badan aqoonyahanka Soomaalida ah. 

Markii ay Muqdisho lugaha la gashay fowdo kaddib hawlgalkii Maraykanka ee fashilmay 90 meyadii inta badan ayaa u baxsaday dalka dibaddiisa. 

Maxamuud oo waqtigaa ahaa Macallin iyo ganacsade ku sugan caasimadda ayaa xasuusta in xilligaas uu ahaa waqtigii dhaca, dilka, maleyshiyaadka iyo habeenno hurdo la`aan ah oo aadan marnaba ogeyn goorta hoobiye gurigaaga kusoo dhacayo. 

Waxa uu dib usoo xasuustay geerida saaxiibkiis ka weynaa oo uu dilay firir ka dhashay hoobiye ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn halkii uu saaxiibkii joogay. 

“Waqtigaa wuxuu ahaa waqti adag. Isma aanan lahayn waad badbaadi doontaan. Waxbarshada Jaamacadeed heerka labaad oo uu kusoo qaatay Hindiya darteed Xasan waxa uu ahaa nuuca nolol fiican ku heli karay Kenya ama heli lahaa Visa uu ku tago dalalka Yurubta Galbeed. Hayeeshee marnaba kuma uusan faraxsaneeyn inuu dibadda aado. ”Marnaba iguma  soo dhicin fikiradda ah inaan dibadda aado.”

“Muqdisho waa halka ay tahay inaan joogo. Waxa uu u heystay in dagaalada qabiilada ee waqtigaa holcayay ay si dhaqso ah ku dhammaan doonaan oo ay yihiin kaliya wax yar oo laga gudbayo ka hor inta aan dib loo dhisin dawlad dhexe. 

Hoggaamiye kooxeedyada ayaa yiri rajo fiican ayaa jirta innaguna waan rumeysanahay,” ayuu yiri. 

Nasiib darro waxay ahayd bilowdgii dhibaatada. Xasan Sheekh ayaa noqday u dhaqdhaaqe bulshada rayidka ah isaga oo adeegsanaya hab diploomaasiyadeedkiisa dabacsan ayuu dhexdhexaadinyay hoggaamiye kooxeedyadii magaaladii u qaybiyay aagag dirirsan. 

Waxay ahayd shaqo halisteeda leh. Qaar ka mid ahaa shaqawadaagiisa ayaa la dilay. Waxa uu xasuustay dhacdo isaga ku dhacday maalin sannadkii 1998-kii markii koox maleyshiyaad ah ay ku amreen in uu galo irid furan oo uu ag marayay. 

Gudaha waxa uu ku arkay meyd dhulka yaalla. Markii hore waxaan u qaatay qof jiifa. 

Maleyshiyaadkii ayaa ka qaatay waxa uu watay, balse Xasan Sheekh way iska sii daayeen markii ay ogaadeen inay isku qabiil yihiin.

Maxamuud ayaa si weyn usoo shaac baxay sanadkii 2000, markii uu asaasay Jaamacad gaar loo leeyahay, sidoo kalena uu noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka bulshada rayidka ah kuwaas oo buuxiyay qeybo ka mid ah booskii ay ka baxday dawladdii burburtay. 

Bartamihii sanadkii 2000 waxaa sare u kacay xoogagii jihaadiga ahaa taas oo keentay in Itoobiya ay ku duusho Soomaaliya. Soomaaliya ayaa gaartay halkii ugu hooseeyay abid. 

Kooxaha jihaadiga oo markii dambe u xuubsiibtay Alshabaab ayaa ciidamada Itoobiyaanka la galay dagaal waddo ka waddo ah, xaafad ka xaafad ah taas oo keentay inay maydadku meel kasta tubnaadaan. 

Madaxweynaha mustaqbalka iyo saaxiibadiis ayaa isku xilqaamay inay maydadka ka soo aruuriyaan burburka iyo goobaha ay yaaleen.

Dawlado kumeel gaar ah oo isxigxigay ayaa la dhisay si ay dalka nabad ugu soo dabbaalaan wallow awoodooda aysan wax badan dhaafsiisneyn Villa Soomaaliya. Maxamuud iyo saaxiibadiis  oo ka niyadjabsan xaalka waddanka ayaa bilaabay inay ka doodaan waxa xiga ay tahay inay  sameeyaan. 

Waxaan iswedyiin jirnay imise sanno oo kale ayaan sugi karnaa? Maxamuud ayaa go`aan ku gaaray in uusan dooq aan ahayn in uu siyaasadda ku biro jirin. 2010-kii ayuu asaasay xisbigii ugu horreeyay tan iyo afgambigii 1969.

Soomaaliya ayaa tan iyo 12kaas sanno waxay sameysay hor u kac. Kooxda Alshabaab ayaa dib loogu riixay deegaanada miyiga ah. Shan maamul Goboleed marka laga reebo Soomaland oo intooda badan la asaasay waqtigii Madaxweyne Xasan ayaa sameeyay koritaan. 

Galinkii dambe maalintaas xilli lagu galbinyay kolonyadiisa wadada weyn waxaa ku xardhanaa boorar lagu xusayo asaaska mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalka, xataa haddii aysan jirin dawlad ganacsiyadu waxay heleen qaabab ay ku hormaraan.

Laakiin geediga ayaa muujinaya xadka mashruuca dawlad dhiska Soomaaliya . Villa Soomaaliya waa astaan. Sida madaxtooyooyinka kale ee Afrika malahan weynaanta iyo baaxadda. Waxaa ka muuqda duleelada rasaasta iyo burbur meelaha qaar, marka laga reebo dhisme leh naqshadda Talyaaniga oo udub dhexaad u ah.

 Dhismuhu wuxuu u egyahay xero ciidan intii uu u muuqan lahaa xaruunta halbowlaha u ah dawladda. Askar Ugandhays ee ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ilaalo ka haya xayndaabka madaxtooyaada. 

Xusuusin maalinle ah oo muujineysa sida dawladda Soomaaliya ay ugu tiirsantahay shisheeyaha. Madaxweynenimada Soomaaliya inta lagu raaxeeysanayo waxaa ka badan inta la dhisayo. 

Madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa mid daalan, isaga oo mararka qaar hakad geliya sheekeysiga dhexmarayey isaga iyo wariyahq. Saacadadiisu waa adagatahay: 

20 saacadood maalintii ayuu shaqeeyaa, todobada maalmood ee usbuucii Madaxweynuhu wuxuu had iyo jeer ku jiraa talefan, isagoo helaya wararka ka soo kordha goobaha dagaalka isagoo leh xiisaha aan ka daalin inuu ka war qabo weerarada cusub ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Waddooyinka ayaa la sii banneeyay ka hor inta uusan marin Madaxweynuhu. Halka aan u soconno oo ku dhow goobta aad loo ilaaliyo oo saldhigga u ah safaaradaha ajnabiga ah iyo hoteelada ugu amniga fiican, ciidanka koofiya guduudda ayaa xiray aagga ku dhow. 

Madaxweynaha ayaa hadal ka jeedinaya gunaanadka kulanka culimada oo dawladdu ay maalgalisay kaas oo qayb ka ah hindisaha dagaalka fikirka ee dawladda. Xasan oo ah qunyar socod Islaami ah ayaa aaminsan in diintu ay tahay xabagtu la iskugu toli karo ummad burbrutay, siyaasadda Islaamiga ah aysan noqon mid rabshad iyo fowdo ku dhisan.

Markii uu jeedinayay nuxurka farriintiisa oo ahayd inay tahay waqtigii culimada iyo hoggaamiyaasha bulshada ay ka hor imaan lahaayeen Alshabaab, waxay u muuqatay in kasoo qaybgalayaasha oo u badnaa raga masaajidda ay la dhacsanaayeen. Inay dhab ka ahayd iyo in kale way adagtahay in la sheego, hayeeshee waxay ku qoslayeen kaftanadiisa (Mid ka mid ah naaneysahiisa waa qoslaaye).

Khudbadhooda waxay huwiyeen ammaan. Maxamuud marka uu saaranyahay halka uu khudbadda ka jeedinayo uma muuqdo in uu kusoo jiidanayo, laakiin waxa laga dheehan karaa inuu u egyahay Bare jaamaceed ookiyaalihiisa wax ka dhex eegaya. Haddana waxa uu leeyahay cod xooggan iyo habdhaqan ku dejinaya. Indhihiisu waa ay birqayaan marka uu dhoolacaddeeyo, waxa uu leeyahay awoodda sare u qaado niyada ka qaybgaleyaasha. 

Waxa uu sawiray muuqaalka Soomaaliyada ka horreysay inta la keenin afkaarta dibadda laga soo dhoofiyay. Muuqaal sida uu sheegay muujinyay dhammaan kooxaha diineed oo si nabad ah u wada noolaayeen dibna loo soo celin karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bud-dhiga dhibaaatada Soomaaliya ay tahay qabyaalad, raadka xukunkii milatariga, iyo xagjirnimada, wuxuuna sheegay inuu aaminsanahay in Soomaaliya laga dhisi karo dowlad dimograadi ah, tasina ay tahay jidka keliya ee looga bixi karo mushkilada.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ajendaha kaliya ee uu leeyahay ay tahay in uu arko Soomaali oo dib cagaheeda isugu taagtay, oo ayaan jirin wax kale oo uu nolosha ka rabo.

Warbixintan waxaa wargeyska The Guardian ku qoray weriye Tom Gardner. 

Xiisadda Puntland oo waji cusub yeelatay iyo rasaas maanta laga maqlay Garowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya xiisadda ka taagan dowlada goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, taas oo salka ku heysa  arrinta diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo muran xoogan ka dhalisay maamulkaasi.

Xiisadda ayaa yeelatay waji cusub, waxayna isku bedashay gacan ka hadal, kadib markii ay laba garab noqdeen ciidamada ammaanka ee maamulkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saaka rasaas laga maqay aaga Jaamacadda PSU iyo dugsiga sare ee Gambool oo kamid ah goobaha loo asteeyay inay ka bilowdaan diiwaangelinta.

Sida ay ogaatay Caasimada Online rasaasta ayaa waxaa is weydaarsaday ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland iyo kuwa loo xilsaaray ilaalinta goobaha diiwaan-gelinta.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan, balse waxaa lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dreemayo halkaasi.

Ciidamada Danab ee uu hoggaaminayo Sarreeye Guuto Jimcaale Jaamac ayaa ka biyo diidan diiwaan-gelinta oo la filayo inay beri ka bilaabato magaalada Garoowe.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xaaladda magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in haatan ay socdaan dadaallo ay bilaabeen waxgaradka Puntland oo ku aadan, sidii loo qaboojin lahaa xiisadda ka jirta halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan arrimaha doorashada ee maamulkaasi.

Daawo: Kabtan Shariif oo xog yaab leh ka bixiyey sida uu ula shaqeynayey Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa xalay baahisay Barnaamijka Gungaar oo lagu soo bandhigay xogta Kabtan Shariif Maxamed oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka, si hoosana ula shaqey jiray kooxda Al-Shabaab.

Barnaamijkaan waxaa lagu soo bandhigay xogta dadkii uu dilay sarkaalkaan, sida lagu soo qabtay, sidii uu ula heshiiyey Al-Shabaab, sida uu ula shaqey jiray ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab, mar uu qiyaamay Al-Shabaab, saaxiibadii kala shaqey jiray arrimahaan iyo arrimo badan oo xasaasi ah.

Sarkaalkaan oo ciidanka dowladda Soomaaliya ku soo biiray sanadkii 2,000 ayaa sheegay inuu Shabaab ugu shaqey jiray lacag dhan 500 oo dollar, iyadoo 1,000 la sii jiray markii ay fuliyaan howlgalka.

Wuxuu sheegay in shaqada kaliya ee Al-Shabaab ay u qaba jireen ay aheyd fududeynta qaraxyada, markii la weydiiyey hanaankii uu ugu biiray Al-Shabaab wuxuu sheegay in isagu uu raadiyey.

Kabtan Shariif ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka diidi jireen goobaha aysan u arkin inay qaraxyo gaarsii karaan, “Waxaan kula heshiinay bishii 500 inay na siiyaan, markii aan qarax fududeynana 1,000” ayuu yiri Kabtan Shariif.

Qaraxyo ka dhacay dhowr goobood ayuu soo tiriyey isagoo xog ka bixiyey hanaankii u suurta geliyey inay goobo xasaasi ah qaraxyo gaarsiiyaan, “Hadii Xamar la is baaro oo dowladnimo shaqeyso miyuu qarax iska imaan lahaa, qof aan ID-ga dowladda heysan waxaba ma gudbi karo,” ayuu yiri.

Hal mar oo qarax uu geeyey Moolka weyn ee Xamarweyne ayuu sheegay in la weydiiyey ID-card, isla markaana uu isticmaalay aqoonsigiisa Kabtanka, taas oo u fududeysay in gudaha uu geeyo qaraxaas.

Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee lagu dilay saraakiishii qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka oo Gaalkacyo lagu laayey galab ay magaaladaas ka socotay soo dhaweynta R/Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayuu ninkaan wax ka fududeeyey.

Mar loo dhiibay gaari ay saaran yihiin seddax qori oo AK47 ah ayuu sheegay inuu kala gooyey, isla markaana goor-dambe uu dib ugu celiyey gaarigii, halka qoryihiina uu ku tegay.

Sidoo kale nin xukun lagu riday oo ku jira Xabsiga Dhexe ee Xamar ayuu sheegay inuu ka iibiyey laba qori oo Hoobiye ah iyo rasaastooda.

Hoos ka daawo Barnaamijka

Dagaalka Shabaab oo bishii sideedaad galay iyo xasuusta xagaagii 2016 (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dagaalka socda ayaa waxa uu galay bishii siddeedaad, waxayna dowladda federaalka isku diyaarineysa inay furimo cusub ka furto Koonfurta Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay wasiirka difaaca.

Taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ismaaciil Daahir Cismaan oo la hadlay VOA ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay sameysay dib u gurasho tan iyo markii ay dowladda bilowday taageerida ciidamada deegaanka.

Ismaaciil ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan siddeed billood jirsaday uu soo ifbixiyay daciifnimada kooxda Al-Shabaab oo sanado badan ka talineysay qeybo badan oo Soomaaliya.

“Tan iyo markii uu billowday duullaanka dowladdu ay ku taageerayso shacabka deegaanka, kuwaasi oo qaati ka taagan cadaadiska kooxda, waxay Al-Shabaab luminaysay deegaano iyo tuulooyin ay horay uga sugnaayeen gobolada dhexe,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, waxaa jira aragtiyo ay qabaan dadka qaar oo ah in Shabaab ay soo gaartay marxalad lamid ah tii 2006-dii lagu jabiyay maxkamadihii Islaamiga ee haystay Muqdisho iyo deegaano kale.

Maxkamadaha ayaa xilligaasi muddo bil ah lagu jabiyay, ayada oo ciidamadii ka tirsanaa dowladii KMG ahayd ay taageero ka helayeen ciidamada Itoobiya.

Haddii dib u gurashada kooxda Al-Shabaab ay sii socota, ma ahan markii ugu horeysay oo maqaamka kooxaha argagixisada Soomaaliya ay soo gaarto guul-darooyin dhowr ah, balse mida macnaha sameynaysa ayaa ah in dagaalka socda ay libtiisa u weyn leeyihiin Soomaalida.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan si shaacsan u sheegay in guusha laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya.

“Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leedahay Soomaali kaligeed ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xaydaney oo mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan.

“Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.”

Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee 2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu dadaal badan ku bixiyay in kooxda lala galo dagaal fikri ah, ayada oo dhawaan ay culimada Soomaaliyeed soo saareen go’aano ay ugu weyn tahay in dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab uu yahay “Jihaad”, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay “Shahiid”.

Heshiiska Lafta-gareen iyo mucaaradka K/Galbeed oo jideynaya waddo cusub oo…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Shirkii dhex-dhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-graeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xalay lasoo geba-gebeeyey, ayada oo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada.

Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen, ayada oo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis.

Waxaa la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed.

Shaqada doorashada ayaa waxaa la wareegaysa oo maamuleysa sida heshiiska ku qoran Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoddobkaas waxaa codsaday mucaaridka, oo ka shikisan in Lafta-gareen uu boobayo haddii isaga loo dhiibo shaqada doorashada.

Muddo kororsiga xalay la sharciyeeyay wuxuu dowladnimada Soomaaliya u furaya dariiq ku darsasho oo heer kasta ah.

Heshiiskan ayaa marka dhinaca kale laga istaago waxa uu khilaafaya Dastuurka Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya, dalkana uu ka jideynayo xeer ku darsasho ayaa haddana waxa uu dhinaca kale dadka reer Koonfur Galbeed u tahay xasilooni looga baaqsan karo inay siyaasiyiinta isku gacan qaadan mar labaad, islamarkaana uu ku bilaaban karo dagaal dhab ah oo goboladaasi looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Mucaaridka Koonfur Galbeed ma awoodi karin cadaadis siyaasadeed oo intaan ka badan maadama dowladdii federaalka ay dhinaca kale aaday.

Waxay arrinta soo gaarsiiyeen mucaaridka Koonfur Galbeed meel macquul ah oo ay tahay in lala hadlo oo waxna lagu heshiiyo.

Koonfur Galbeed waxay hadda u diyaar-garoweysa dagaalka Al-Shabaab, dadka xukunka rabana waxay haystaan waqti ay ku diyaar-garooban.

Deegaanka ayaa wuxuu ka badbaaday gacan ka hadal labaad, Xasan Sheekh-na waxa uu ku guuleystay inuu xal nabadeed ka keeno Koonfur Galbeed, wallow in muddo kororsi la jideeyo ay dhinaca kale dhaawac ku tahay dowladnimada Soomaaliya.

Shan arrimood oo waaweyn oo horyaalla taliska cusub ee BOOLISKA Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee Booliska Soomaaliya ayaa shalay la wareegay xafiiska, waxaana soo afjarmay dhowr sano oo taliska uu joogay taliye lagu eedeeyay ku milanka siyaasadda iyo u adeegida shaqsi gaar ah.

Jeneraal Sulub, Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliya oo muddo ciidanka dhex joogay ayaa waxa hortaala shaqo culus, wuxuuna la wareegay ciidan loo haysto eedo siyaasadeed, dilal iyo tuhumo la xiriira wada-shaqeynta Al-Shabaab.

Sheekadan waxaa kusoo koobeyna waxyaabaha horyaalla taliyaha cusub oo ay tahay in uu wax ka qabto ama mudnaan siiyo.

1. Ka-saarida ciidanka ee siyaasadda: Boolisku waxay si weyn ugu milmeen siyaasadda Soomaaliya dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, si gaar ah waxay mar isku dayeen inay joojiyaan doorashadii dalka.

Shacab ayay caburiyeen, waxayna ka horyimaadeen qoddob dastuuri ah oo fasaxaya xoriyada isku soo baxyada. Banaanbaxayaal iyo madax ayay weerareen. Aad ayuu dhaqankaas u dhaawacay booliska.

Taliyaha cusub waa inuu beddala ayaa la leeyahay fikirka ciidanka ee u shaqeynta shaqsiyaadka iyo ku milanka arrimaha siyaasadda.

2. Dilalka shacabka: Magaalada Muqdisho dilal joogto ayay boolisku ku lug yeesheen saddexdii sano ee u dambeysay. Dilalkaas dad shacab ah ayaa loo geystay waxay u badnaayeen dhalinyarada bajaajta ku shaqeysata.

Baraha amni ee magaalada Muqdisho waxaa jooga boolis. Taliyaha shaqada la wareegay waxaa looga fadhiya wax ka qabashada dilalka joogtada ah ee ciidanka booliska u geystaan shacabka iyo inuu keeno hal abuur cusub oo ay ku kala badbaadi karaan shacabka iyo booliska.

3. Ku-milanka Al-Shabaab: Baraha amni ee Muqdisho ee ay booliska joogaan waxaa si fudud kusoo dhaafa gaadiidka qaraxyada sida kadibna waxay geystaan khasaare laxaad leh.

Shacabka waxay qabaan inuu jiro isku milan u dhaxeeya ciidanka iyo Al-Shabaab, gaar ahaan booliska.

Arrintaas waxaa dhawaan xoojiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiinta maxaliga ah ayaa sidoo kale duray dhaqaalaha tira beelka ah ee ay haystaan taliyayaasha qeybaha iyo kuwa degmooyinka, taasi oo si weyn u khilaafsan mushaarkooda bilaha ah iyo gunada ay helaan.

Aad ayuu u xoogan yahay tuhunka isku milanka, waana mid kamid ah shaqooyinka culus ee xaqiijinta iyo wax ka qabashada u baahan ee horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya.

4. Amniga caasimada: Jeneraal Sulub oo aad xogagaal ugu ah xaalka magaalada Muqdisho iyo sida uu amnigeeda muhiim ugu yahay shacabka iyo dowladda-ba, waxa uu kusoo beegmay xilli aad xasaasi u ah.

Qaraxii u dambeeyay waxaa lagu weeraray xarunta maamulka gobolka Banaadir, oo ah goob aad loo ilaaliyo.

Taliyaha cusub shaqada ugu badan ee hortaalla waa wax ka qabashada amniga caasimada, iyada oo la fahamsan yahay in Al-Shabaabkii gobolada kusoo jabay inay magaalada soo galeen, sidoo kalana ay isku dayayaan in khasaarihii kasoo gaaray dagaalkii gobolada inay uga aargutaan shacabka magaalada Muqdisho.

Shacabka caasimadu aad ayay u eegayaan taliyaha cusub.

5. Deegaanada laga saaray Al-Shabaab: Goobaha laga saaray kooxda Al-Shabaab waxay u baahan yihiin xasilin. Boolisku waa baahida koowaad ee deegaanadaas.

Iyada oo la ogyahay horumarka laga sameeyay dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab, haddana in aanay kooxda kusoo laaban deegaanadii laga xoreeyay waa shaqo weyn oo qeyb kamid ah hortaallo booliska.

Qoddobadaan iyo qaar kale ayaa horyaalla taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya oo shalay xilka la wareegay.

Galmudug oo dowlada Qatar u gudbisay dalab la xiriira dagaalka kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdollah bin Salem Al-nuaimi.

Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii dowladda Qatar ay baarlamaanka Galmudug ugu taageeri lahayd mashruucyada horumarineed ee lagu hormarinayo baarlamaanka maamulkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu safiirka iyo dowladiisa Qatar ka codsaday in ay gargaar gaarsiiyaan dadka ku sugan deegaanada laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa wada dadaalo ay gurmad ugu raadinayaan deegaanada ay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay kala wareegeen Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ay ka talinayeen.

Qoor-Qoor oo 2-dii bishaan xukunkiisa saddex sano jirsaday ayaa waxa uu maamulkiisa wada howl-galo ka dhanka ah Al-Shabaab, iyada oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.

Kooxda ayaa laga xoreeyay deegaano muhiim ah, marina u ahaan jiray howlahood argagixiso, sida degmada Xarardheere oo sidoo kale ah magaalo qadiimi ah ayaa kamid ah goobaha soo galay gacanta maamulka, tan iyo markii ay howl-galada ka billowdeen Galmudug.

Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka qarxay magaalada Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay ka taagan xiisad xoogan.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay bariga Laascaanood, kadib markii ay isku dayeen ciidamada Somaliland inay soo galaan magaalada, waxaana ka hortagay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saacado qaatay, isla-markaana weli rasaas teel-teel ah laga maqlayo qaybo kamid ah magaaladaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Dhanka kale Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa war kasoo saartay dagaalka saaka ka qarxay bariga Laascaanood, waxayna Wasaaraddu sheegtay in maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidankooda milatariga.

“Saaka subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad diidka ah ee ku sugan Magaalada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale Somaliland ayaa kooxda weerarka soo qaaday ku tilmaamtay in ay tahay ‘argagixso’ kuwaas oo lasoo galiyay magaalada, sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in ciidamadooda ay iska difaaceen weerarkaasi, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen kooxda soo weerartay.

“Kooxa weerarka soo qaaday ayaa ah kuwii horey ay uga digtay Xukuumadda Jamhuuriyadda, waxaana ka mid ah kooxo xagjir ah, kuwaasoo magaalada ay soo geliyeen Garaadada Nabad diidka ah. Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul” ayey raacisay Somaliland.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland ay soo saaraan waxgaradka SSC ee haatan ku shirsan gudaha Laascaanood.

Protests erupt in Sanag region after shooting by Somaliland Security Services (RRU)

El-Afwayn (Caasimada Online) – Residents in El-Afwayn district in the Sanag region of Northern Somalia have staged protests following a shooting incident involving the Somaliland security services on Sunday. 

On Sunday, a civilian named Abokor Omar Ali was killed by Somaliland’s RRU forces near the district. The protesters took to the streets, calling for justice and using the Somali national flag and tire burning as symbols of their discontent.  

Background on Somaliland and Sanag region

Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but the international community has not acknowledged its status as an independent state. 

However, the breakaway region has established control over much of northern Somalia, including the Sanag region. Inter-clan conflicts in the El-Afwayn district had subsided over the past two years due to peace agreements among the clans. However, the recent killing has reignited tensions in the region.

Protests in El-Afwayn

According to witnesses, police used live ammunition to disperse protesters who were calling for justice in response to the killing of Abokor Omar Ali. Representatives from the Sool region in the Somaliland House of Representatives have requested the government to address the recurrent killings by the army. 

MP Iid Hidig stated, “We are tired of the government saying that they are conducting investigations, but no results have been produced. We are standing this morning and demanding justice from the government.”

Tensions in SSC Region

This latest disturbance in the El-Afwayn district follows protests in Las Anod in December, where unknown shooters killed several intellectuals and politicians. The Somaliland authorities have been accused of killing nearly two dozen protesters to quell the demonstrations. 

Traditional elders from the region have gathered in Las Anod recently to find a lasting solution to the ongoing regional conflict.

The Somaliland authorities have not yet given any information about the incident in El-Afwayn. The repeated killings by the army and the government’s lack of response have only increased regional tensions. 

Xildhibaano marqaati ka noqday xukun dil ah oo lagu riday Cabdishakuur Axmed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhegey) oo ka wada tirsan BFS ayaa maanta marqaati ahaan u hor tegay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo u fariisatay dhageysiga kiis dil ah oo loo heysto Askari ka tirsanaa ciidanka booliska Soomaaliya.

Askarigaan oo isla maanta kiiskiisa go’aan laga gaaray, dilna lagu xukumay ayaa lagu magacaabaa Cabdishakuur Axmed Maxamuud, waxaana loo heystaa dilka Xasan Maxamed Shire oo ahaa askari kale.

Senator Cabdixakiin iyo Xildhibaan Dhegey Ugaas ayaa baarlamaanka ku kala metela laba askari ee mid la dilay, midna maanta maxkamadda lasoo taagay.

Xildhibaanada oo ka mid ahaa marqaatiyaashii hor yimid Maxkamadda ayaa gabagabadii kiiskaan warbaahinta la hadlay, iyagoo cadeeyey inay ku qanceen in askarigaan loo qisaaso askarigii uu horay u dilay.

Askariga maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa la sheegay inuu si bareer ah u dilay saaxiibkiis oo booliska ay ka wada tirsanaayeen, waxaana maxkamadda la hor keenay marqaatiyaal ku cadeynaya kiiskaas.

Xeer ilaalinta ciidamada oo dacwadda ku soo oogtay askarigaan ayaa meesha ka saartay dood uu la yimid oo aheyd inuu dhimirka ka xanuunsanayo, waxayna xeer ilaalintu sheegtay in dilkaas uu bareer ahaa ninka geystana uu caafimaad qabay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada G/Sare Xasan Shuute ayaa isla fadhigii galabta uga dhawaaqay xukunka kiiskaas, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdishakuur Axmed.

Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay Senator Cabdixakiin iyo Xildhibaan Dhegey Ugaas oo maxkamadda ku sugnaa bilow ilaa dhamaadkii dacwadda kiiskaan, waxayna cadeeyeen inay ku qanacsan yihiin go’aanka maxkamadda ee ah in la dilo Ex Dable Boolis Cabdishakuur Axmed Maxamuud.

Labada Xildhibaan ayaa kala metelayey ehellada ay ka dhasheen labada askari ee mid la dilay midna la maxkamadeynayey, waxayna maxkamadda ku raaceen in askarigaan loo qisaaso askarigii uu horay u dilay.

Hoos ka daawo

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalab cusub u gudbiyey Bankiga Adduunka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxtooyada ku qaabilay Madaxweyne ku xigeenka Bankiga Adduunka qeybtiisa Bariga iyo Koonfurta Afrika Marwo Victoria Kwakwa iyo wafdi ay hogaamineysay.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay howlaha horutabinta u leh Soomaaliya, isagoo ku dhiirigaliyey Bankiga Adduunka in mashaariicda hadda socda iyo kuwa soo wajahan ay noqdaan qaar horumarinta, nabada, maalgalinta, shaqaaleynta iyo addeega bulshada wax ka tari kara, isla markaasna raad muuqda reebi kara.

Madaxda Bankiga Adduunka waxay balan-qaadeen inay sii wadi donaan xiriirka adag ee miradhalka ah ee u dhxeeya dowladda Soomaliya iyo Bankiga Addunka. Si gaar ah qeybaha ay danaynayso dowladda federaalka Soomaaliya in lagu jiheeyo mashaariicda laga fuliyo dalka ayey galabta Madaxweynaha ka balan-qaadeen madaxdaan.

Qeybaha ay Soomaaliya aad u daneyneyso in laga garab siiyo waxaa ka mid ah, tacliinta, kalluumaysiga, aqoonta beeraha iyo kobcinta ganacsiga gaar ka loo leeyahay, si loo kordhiyo dhaqaalaha iyo dakhliga.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u soo jeediyay mas’uuliyiinta Bankiga Adduunka inay kordhiyaan tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Bankiga, kuwaas oo fahmi kara baahiyaha horumarineed ee dalka.

Dhinaca kale, xubnahaan ay Victoria Kwakwa oo markii ugu horeysay timid Soomaaliya waxaa sidoo kale qaabilay Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre, Kulan ay ku sheegeen xafiiskiisa waxaa looga dooday mashaariicda horumarineed ee Baanka Adduunka uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo waafajin lahaa baahida dhabta ee dadka Soomaaliyeed ay qabaan iyo inay noqdaan kuwo ay ka muuqato in umaddu ay leedahay.

Afhayeenka XFS Farxaan Jimcaale ayaa warbaahinta la wadaagay qodobadii uu R/Wasaaruhu kala hadlay wafdigaan:

Somalia: Agreement reached in Baidoa to end political turmoil in South West State

Mogadishu (Caasimada Online) – Following a fortnight of intensive reconciliation talks, stakeholders in the South West regional state of Somalia, centered in Baidoa, secured a significant agreement on Sunday.

This landmark agreement marks a substantial stride in resolving the ongoing political turmoil that has plagued the region for several months and could serve as a catalyst for greater stability throughout Somalia.

Terms of the agreement

The terms of the agreement, outlined in the conference communique, dictate that traditional community leaders will choose the regional legislators between November 2023 and December 2023.

The election of the regional parliament speaker and the president is scheduled to take place in January 2024, with the Federal Ministry of Internal Affairs tasked with the implementation of the agreement.

Origins of the conflict

The roots of the conflict can be traced back to the extension of the term of regional leader Abdiaziz Lafta-Gareen, which sparked the political crisis in the South West state.

The stand-off between the government and opposition groups posed a significant threat to the ongoing anti-Al-Shabab operations. It escalated to the point of violence, with at least ten casualties resulting from a clash between the Southwest security forces and pro-opposition militia in Baidoa on December 23.

Presidential intervention

President Hassan Sheikh Mohamud and Lower House Speaker Sheikh Adan Modobe swiftly intervened, providing a fresh start for Lafta-Gareen. The president himself visited Baidoa for the second round of reconciliation talks.

This intervention was likely informed by previous events, such as the skirmishes in 2018 over the federal government’s blocking of former Al-Shabab deputy leader Mukhtar Robow’s presidential bid, which resulted in the killing of 18 innocent civilians by Ethiopian non-ATMIS troops.

The agreement reached in Baidoa is anticipated to bring an end to the impasse between President Lafta Gareen and the South West opposition and restore order to the region, allowing for the continuation of anti-Al-Shabab operations.

The federal government has pledged necessary support to maintain stability in the state.

Kacdoon SOMALILAND ka dhan ah oo MAGAALADII labaad ka billowday maanta

0

Ceel-afweyn (Caasimada Online) – Kacdoon dadweyne ayaa ka billowday degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ee Somaliland, halkaasi oo dadweyne cadheysan ay saaka iskugu soo baxeen waddooyinka magaalada.

Ciidamada sida gaar ah u tababaran ee RRU-da ayaa goob magaalada u dhaw ku dilay muwaadin la odhan jiray Abokor Cumar Cali. Booliiska Somaliland illaa hadda wax faah-faahin ah kama bixin sababta keentay dhimashada muwaadinkan.

Dadweynaha isku soo baxa dhigayay ayaa taayiro ku gubay waddooyinka waawayn ee magaalada, waxaana la arkayay iyada oo qaarkood ay siteen calanka buluuga ah ee Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamada Somaliland oo goobta soo gaaray ay rasaas ku kala dareeriyeen banaan-baxayaasha.

Dadweynaha ayaa sidoo kale waxay dilalka kusoo badanaya magaalada iyo guud ahaan gobolka, si gaar ah ugu eedeeyay badhasaabka gobolka Sanaag oo masuul uga ah xukuumadda Somaliland.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ee kasoo jeeda deegaankan ayaa hore xukuumadda Muuse Biixi ugu baaqay “in ay wax ka qabato dilalka ciidamadu gaystaan oo marar kala duwan soo noq-noqday.”

“Waxa na-daashaday in ay yidhaahdaan (Somaliland) baadhitaan ayaanu samaynaynaa, oo waxba anay kasoo baxaynin, anagu waxaanu u taaganahay cadaalad ayaanu ka sugaynaa dowlada,” ayuu yiri Xildhibaan Iid Xidig.

Kacdoonka dadweyne ee ka billowday Ceel-afweyn ayaa imaya xili ay xukuumadda Somaliland u maara-weyday kacdoonka ay reer Laascaanood ku diidan yihiin gooni isu-taaga Somaliland.

AL-SHABAAB oo sheegatay inay la wareegtay deegaan ka tirsan gobolka SANAAG

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay la wareegtay gacan ku haynta deegaanka deegaan Durduri oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal-yahano ka tirsan kooxda ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Durduri oo u dhaxeeya degmada Laasqoray iyo Calaayo.

Sidoo kale waxay sheegtay in qarax miino lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo uu maamulka Puntland gurmad ahaan uga soo diray dhanka magaalada Boosaaso.

Cabdirashiid Cali Xiireey [Abees Dhuuni] oo ka tirsanaa saraakiisha ciidanka Puntland iyo sarkaal kale ayaa ku dhintay qaraxaas, sida ay sheegtay warbaahinta kooxda Al-Shabaab.

Illaa hadda majiro warar madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntland iyo Somaliland, oo iyagu isku haya qeybo kamid ah gobolka Sanaag, una joogaan maamulo kala taabacsan.

Sanadkii hore ayay aheyd markii ay sidan oo kale kooxda u sheegatay inay la wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan madaxweynaha Somaliland uu sheegay in falalka amni darro ee kusoo noq-noqday qeybo kamid ah gobolka Sool ay ka dambeeyaan kooxaha argagixisada.

Xog: Laba arrin oo Xasan Sheekh ku kaliftay inuu la safto C/casiis Lafta-gareen

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed heshiis ayaa lagu gaaray xalay, buuq iyo gacan ka hadal kadib heshiis doorasho ayaa la gaaray, kaasi oo si cad muddo kororsi ugu xalaaleeyay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Dhamaan daneeyayaasha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ee goobta joogay ayaa saf dheer ka galay dhabarka madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo u fasiran inuu heshiiskan yahay mid loo dhan yahay.

Haddaba, waxaa warbixintan ku eegayna maxaa Xasan Sheekh mariyay dhanka Cabdicasiis Lafta-gareen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laabashadiisa bedalay jawigii shirka, habeen hore waxa uu gooni-gooni u arkay dhamaan dhinacyada, wuxuu codsaday in arrinta dagaalka aan laga curyaamin oo dib loo dhigo doorashada Koonfur Galbeed muddo hal sano ah.

Dooddiisa waxay ahayd “Al-Shabaab ayaa rabaa in aan bixiyo mana rabo inay doorashooyinku dagaalka iga mashquuliyaan ama diirada dagaalka naga lumiyaan dowlad ahaan iyo shacab ahaanba.”

Wallow aan habeen hore arrintaas lagu qancin, haddana xalay aad ayaa loo dooday oo waxa la isla gaaray illaa labadii habeenimo.

Xasan Sheekh waa ka degi waayay booskiisa ah dagaalka kadib ayaa la qabanaya doorashada, taasi oo Lafta-gareen uu faa’iido badan ku qabay, ugu dambeyna waa la aqbalay codsiga madaxweynaha.

Dadka arrintan xog-ogaalka u ah ayaa laba arrimood ku sababeynaya in Xasan Sheekh uu aqbalay muddo kororsiga Lafta-gareen.

Mid waa sida uu isagu sheeganayo oo ah dagaalka Al-Shabaab oo meel fiican u maraya dhawaana uu rabo inuu ka bilaabo Koonfur Galbeed.

Midda kale waa in uusan Xasan Sheekh weli helin qofkii uu dhisi lahaa hoggaaminta maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isaga oo aan haysan qorshihiisa Koonfur Galbeed iyo qofkii uu meesha geysan lahaa, macno badan uguma fadhiso in doorashada xooga saaro ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya sababaha Xasan Sheekh u ogolaaday muddo kororsiga Lafta-gareen.

Somali President plans to appoint new ambassadors to Gulf States: Reports

0

Mogadishu (Caasimada Online) – The President of Somalia, Hassan Sheikh Mohamud, intends to appoint new ambassadors to the Gulf States to expand his political influence in the region, according to reports.

After serving in opposition for five years, President Mohamud came to power in May 2022 and aims to replace diplomats who were aligned with his predecessor, Mohamed Abdullahi Mohamed.

In an effort to assert his control, President Mohamud has appointed Abshir Omar Huruse, a Puntland businessman with no diplomatic background, as Foreign Affairs Minister.

This strategic move gives him the freedom to choose ambassadors with the help of his right-hand man, the Minister of State for Foreign Affairs, Ali Mohamed Omar.

The priority is to remove the current ambassadors in, UAE, Egypt and Qatar, who are closely associated with Fahad Yasin, Farmajo’s former intelligence chief, according to Africa Intelligence report.

President Mohamud has closer ties to the UAE than Qatar, and he may use the recent departure of Qatar’s ambassador to Mogadishu to appoint someone from his inner circle in Qatar.

He will also appoint new ambassador to UAE, and will consider former Prime Minister Mohamed Hussein Roble, who is interested in becoming the next ambassador to Abu Dhabi. A friend of Puntland’s regional president, Said Abdullahi Deni, who has strong connections with the UAE also interested in the position.

The relations between Somalia and the UAE have been strained in recent years due to allegations of UAE interference in Somalia’s internal politics. Tensions reached a high point in 2018 after Somalia seized $9.6 million from a UAE plane in Mogadishu, leading the UAE to close a military facility and hospital in the city and disband its military training mission.

In February 2022, the money was released, and Somalia’s Prime Minister apologized, which the UAE accepted. President Mohamud, who has recently started his second tenure, has prioritized repairing diplomatic relations with the UAE.

In June 2022, President Mohamud met with the UAE President and expressed gratitude for the UAE’s support and discussed ways to strengthen cooperation between their countries in various sectors, particularly development, and peace in Somalia.

The Somali ambassador to Egypt, Ilyas Sheikh Oma, is also expected to be removed from his position due to his close ties to Yasin.

The change may also extend to other ambassadors, including the one in Saudi Arabia, who was appointed by Farmajo, Salim Hagi Ma’ow.

President Mohamud recently visited Saudi Arabia, and Riyadh sent Ahmed Bin Mohamed Al-Muwallad to serve in Mogadishu after the embassy was re-opened in 2021. Diplomatic relations with the Gulf States are crucial for attracting investment to Somalia.

Beelo Habargidir ah oo isku haysta maamul u sameynta degmo ka tirsan MUDUG

0

Hobyo (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay si weyn usoo ifbaxay muran xoogan oo u dhaxeeya odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha reer Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo ka wada tirsan beesha Habargidir, kaasi oo la xiriira maamul u sameynta degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa mid walba waxay ku doodeysa inay tahay beesha ugu badan ee degta degmada Hobyo, sidaas darteed ay u xaq leedahay inay noqoto cidda mataleysa maamulka degmada.

Kulan ka dhacay Hobyo oo qeybaha kala duwan ee beesha reer Xaaji Saleebaan ay kasoo qeyb-galeen ayaa waxay soo jeediyeen in degmada loo dhiso gole deegaan, kaasi oo noqon mid maamulkeeda lasoo magacaabo.

“Anaga (Reer Xaaji) hadaan nahay waxaan gobolka Mudug ku leenahay 68 deegaan, waxaan xaq u laheyn helitaanka guddoomiyaha gobolka, taliyeyaasha ciidanka iyo waxyaabo kale oo badan, waxaana intaas oo dhan ku weynay in madaxweynaha Galmudug uu kasoo jeedo reer Xaaji Saleebaan oo haduu noo magacaabo booska xaqa u laheyn la leeyahay beeshiisa ayuu u roonaaday,” ayuu yiri mid kamid ah odayaash beesha reer Xaaji Saleebaan.

Marka laga imaado kulankan, sidoo kale waxaa jirta waxgarad ka tirsan beesha Sacad oo dhankooda sheegay in Hobyo ay tahay mid deegaan ahaan wax laga weydiinayo beeshooda, ayna leeyihiin mudnaanta maamulka degmadaasi.

“Waa in wax lagu qeybsada sidii xalka horay loogu gaaray. Reer Xaaji Saleebaan waa walaalaheen, daris baa nahay deegaankana waan kala leenahay oo horay waxaa inoo soo dhex-maray dhibaato badan mana dooneyno in markale waxaas dhacaan,” ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka beesha Sacad.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Cadaado horay Sacad ayaa u lahaa ayaga nala soo dagay way naga soo saareen, waxaan leeyahay walaalaheen ma yeeleyno inaan idinku xad gudubno ee ha nagu soo xad gudbina.”

Muranka iyo isqab-qabsiga cusub ee ka dhaxeeya beelaha reer Xaaji Saleebaan iyo Sacad oo labadoodaba ka wada tirsan Habargidir ayaa imanaya, xilli uu dagaal xoogan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka socdo deegaanada maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor ayaa dhawaan sheegay in deegaanada maamulkaasi ay yeelan doonaan maamulo ay soo doortaan dadka, ka horna loo magacaabi doono maamul KMG ah.

Ciidanka DANAB ee Puntland oo qaaday tallaabo xiisadda siyaasadeed kasii dartay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa marba marka ka dambeysa kasii dareysa, taas oo salka ku heysa doorashada maamulkaasi, waxaana si weyn la’isugu hayaa arrinta diiwaan-gelinta oo haatan ka socota magaalooyinka qaar.

Xiisadda ayaa kasii dartay markii ay xalay tallaabo lama filaan ah qaadeen ciidamada kumaandooska Danab ee Puntland, gaar ahaan guutada 2-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kuwaas oo digniin culus soo saaray.

Qoraal kasoo baxay ciidamada ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Puntland, wuxuuna talisku sheegay in jujuub iyo diiwaan-gelin hubeysan ay ka socoto caasimada Garoowe.

Sidoo kale waxa qoraalkan lagu sheegay in arrintan ay ka dhalaneyso amni darro iyo qalalaase ka dhaca Puntland, ayna uga digayaan dhinacyada ku lugta leh arrintaasi.

“Ciidanka Kumaandooska waxay ka digayaan markale diiwaan-gelinta hubeysan iyo doorasho aan heshiis lagu aheyn oo keeni karta dambiyo la xiriira ku takrifal awoodeed iyo qalalaase ka abuurma gudaha Puntland,” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay ciidamada.

Ciidamada kumaandooska ee soo saaray diniintan culus oo liddi ku ah madaxweyne Saciid Deni ayaa ku baaqay in wadahadal la’isugu yimaada, si xal looga gaaro xiisadda taagan.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dareen in waajib uu ka saaran yahay amniga iyo kala dambeynta, ayna gudan doonaan shaqada loo igmaday ee kaga aadan Puntland

“Hadaba deganaasho la’aanta jirta, si looga gudbo waxaan faraynaa cid kasta oo ay khuseyso inay isugu yimaadaan wadahadal, si loo dhowro amniga iyo kala dambeynta, lagana noqod wax weliba oo keeni kara xasilooni darro,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale waxaa la joojiyay tababar magaalada Garroowe uga socday shaqaale loogu talagalay in diiwaan-gelinta ay ka sameeyaan gobolka Nugaal, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ku sugan caasimadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Arrintan ayaa salka ku heyso tallaabada ay qaadeen ciidamada kumaandooska Puntland oo ka horimid diiwaan-gelin laga bilaabo gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxayna arrimahaan kusoo aadayaan, ayada oo haatan Deni ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, halkaas oo uu ka wado kulamo siyaasadeed oo ku aadan xaaladda doorashada ee maamulkaasi.

Mareykanka oo sheegay xog yaab leh oo ku saabsan al-Sudani oo lagu dilay Somalia

Washington (Caasimada Online) – Saraakiisha Mareykanka ayaa xog cusub ka bixiyey dilkii ay Soomaaliya ugu geysteen Bilal al-Sudani oo ka mid ahaa saraakiisha sare ee kooxda Daacish, iyo saameynta xooggan ee uu ku lahaa howlgallada kooxda. 

Al-Sudani ayaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ee SEAL Team 6, waxay ku dileen howlgal qorsheysan oo toddobaadkii hore ka dhacay buuralayda gobolka Bari ee Puntland kadib muddo la raadinayey. 

Saraakiisha Mareykanka ayaa xog yaab leh ka helay Al-Sudani, xilli ay baarayeen weerarkii lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kabul ee dalka Afghanistan bishii August 2021, xilligii ay Mareykanka halkaas kasoo baxayeen. 

Sirdoonka Mareykanka, oo markaas kadib xog dheeri ah ka raadinaya kooxda Daacish ee Afghanistan, oo weerarka fulisay, ayaa ogaaday in Al-Sudani uu madax ka ahaa shabakad maaliyadeed oo Daacish ah oo ku fidsan Afrika, Yurub illaa Afghanistan. 

Sirdoonka Mareykanka waxay ogaadeen in Al-Sudani uu ahaa maal-geliyaha laanta Daacish ee Afghanistan, uuna mas’uul ka ahaa dhimashada 13 askari oo Mareykan ah oo lagu dilay weerarkii garoonka diyaaradaha Kabul. Taasi waxay safka hore ka gelisay liiska Mareykanka ee xubnaha Daacish ee dil ama qabasho lagu doonayo.

“Al-Sudani wuxuu lacag geliyey jeebka unugyada kooxda ISIS-K ama Daacishta Afghanistan ee ka mas’uulka ahaa weerarkii ka dhacay albaabka Abbey Gate ee garoonka diyaaradaha Kabul,” waxaa sidaas yiri sarkaal Mareykan ah oo la hadlay wrageysjka New York Times.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden ayaa sheegay inuusan jirin qof kale oo ka tirsan Daacish oo lahaa awoodda Bilal Al-Sudani oo kale marka ay noqoto helista iyo qeybinta lacagaha sharci-darrada ah.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa waxay leedahay xafiis lagu magacaabo Al-Karrar oo ah xarun isku xirta howlgallada kooxda ee DR Congo, Mozambique, South Afrika, iyo dalal kale oo Afrika ka mid ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Xafiiska Al-Karrar ayaa waxaa soo geli jiray dhaqaale badan, taasi oo ka iman jirtay lacagaha sida baadda ah looga ururiyo Soomaaliya iyo Koonfur Afrika iyo dhaq-dhaqaaqyada dambiyeed ee kooxda . 

Saraakiisha Mareykanka ayaa sanadihii dhowaa la socday xiriir xooggan oo u dhaxeeyey xafiiska Al-Karrar iyo kooxda Daacish ee Afghanistan.

Mareykanka ayaa Bilaal Al-Sudani ku raad-joogay tan iyo sanadkii 2012, xilligaas oo Al-Sudani lagu soo rogay cunaqabatayn, sidoo kale waxaa la ogaaday in magaca dhabta ah ee ninkaas uu ahaa Suhayl Salim Abd el-Rahman.

Yaa adkaaday madaxweyne Laftagareen iyo mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo maalmo qaatay una dhexeeyay madaxweyne Lafta-gareen & xubnaha mucaaradka.

Shirkan oo uu furay, sidoo kalena uu xiray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa heshiis rasmi ah looga gaaray muranka doorashada guud ee kusoo socota maamulkaasi.

Haddaba yaa adkaaday Lafta-gateen iyo mucaaradka?

Sida lagu caddeeyay heshiiska waxaa ay arinta kusoo dhammaatay sidii la filayey oo aheyd in muddo kororsiga loo daayo madaxweyne Lafta-gareen, si uu u qabto doorashada guud.

Xubnaha mucaaradka oo qaddiyaddan ka taagnaa meel adag ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday inay ogolaadaan halka sano ee ay xubnaha Golaha Wakiilada ugu dareen madaxweynaha, taas oo guul u ah Lafta-gareen, maadaama uu uga adkaaday mucaaradka.

Tallaabadan cusub ayaa fursad siineysa madaxweynaha oo markii horeba aan u diyaar-garoobin qabashada doorashada, isaga taasi beddalkeeda go’aan ku gaaray in uu waqtiga dheereysto, waxaana la qaatay go’aankaas madax goboleedyada kale oo ku darsaday.

Mucaaradka ayaase lagu qanciyay in doorashada la bilaabayo isla sanadkan gudihiisa, si loo dhaqan-gelo heshiiska lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. 

“In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.

Lafta-gareen iyo mucaaradka ayaa sidoo kale isku raacay in ugu dambeyn doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo ee sanadka soo socdo 2024-ka, markaas oo la geli doono tartan aad u adag.

Si kastaba, arrintan ayaa meesha ka saareysa, walaacii laga qabay xaaladda Koonfur Galbeed oo gacan ka hadal gaartay, marii ay Baydhabo ku dagaalameen labada dhinac.