30.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Yaa adkaaday madaxweyne Laftagareen iyo mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay shirkii dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo maalmo qaatay una dhexeeyay madaxweyne Lafta-gareen & xubnaha mucaaradka.

Shirkan oo uu furay, sidoo kalena uu xiray madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa heshiis rasmi ah looga gaaray muranka doorashada guud ee kusoo socota maamulkaasi.

Haddaba yaa adkaaday Lafta-gateen iyo mucaaradka?

Sida lagu caddeeyay heshiiska waxaa ay arinta kusoo dhammaatay sidii la filayey oo aheyd in muddo kororsiga loo daayo madaxweyne Lafta-gareen, si uu u qabto doorashada guud.

Xubnaha mucaaradka oo qaddiyaddan ka taagnaa meel adag ayaa ugu dambeyn ku qasbanaaday inay ogolaadaan halka sano ee ay xubnaha Golaha Wakiilada ugu dareen madaxweynaha, taas oo guul u ah Lafta-gareen, maadaama uu uga adkaaday mucaaradka.

Tallaabadan cusub ayaa fursad siineysa madaxweynaha oo markii horeba aan u diyaar-garoobin qabashada doorashada, isaga taasi beddalkeeda go’aan ku gaaray in uu waqtiga dheereysto, waxaana la qaatay go’aankaas madax goboleedyada kale oo ku darsaday.

Mucaaradka ayaase lagu qanciyay in doorashada la bilaabayo isla sanadkan gudihiisa, si loo dhaqan-gelo heshiiska lagu gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. 

“In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka kasoo baxay shirka.

Lafta-gareen iyo mucaaradka ayaa sidoo kale isku raacay in ugu dambeyn doorashada guddoonka Baarlamaanka iyo midda madaxweynaha la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo ee sanadka soo socdo 2024-ka, markaas oo la geli doono tartan aad u adag.

Si kastaba, arrintan ayaa meesha ka saareysa, walaacii laga qabay xaaladda Koonfur Galbeed oo gacan ka hadal gaartay, marii ay Baydhabo ku dagaalameen labada dhinac.

Sawirro: Maamulka gobolka Banaadir oo Buundo cusub ka hirgelinaya MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax-dhigay Buundo cusub oo uu maamulkiisa ka hirgelinayo degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Bundadan cusub ayaa waxaa laga dhisayaa waddada dheer ee ee Buulo Xuubey, gaar ahaan nawaaxiga iskuulka Jabuuti ee ku yaalla halkaasi.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in dhismaha Buundadaan loogu tala-galay fududeynta isku socodka dad-weynaha isticmaala waddadaasi.

Duqa Muqdisho oo ka hadlay munaasabadda dhagax-dhigga ee Buundada cusub ee Buulo Xuubey ayaa sheegay inay ka go’an tahay dib-u-dhiska caasimadda iyo sidii loo fududeyn lahaa isku socodka dadweynaha iyo gawaarida istecmaala wadooyinka Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qorshaha maamulkiisa uu ku jiro sidii loo dhisi lahaa Buundooyin hor leh oo ku cusub Magaalada iyo dib-u-dayactirka kuwii hore u jiray

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale farriin u diray reer Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay inay qaataan doorkooda, ayna ka shaqeeyaan horumarka nafaafadda caasimada dalka.

Dhagax-dhiga Buundadan cusub ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir Mudane Xasan Jimcaale iyo Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle.

Tallaabadan ayaa noqoneyso tii ugu horeysay oo Buundo nuucaan laga hirgelinayo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, sida uu sheegay maamulka gobolka.

Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay horumar la taaban karo oo dhanka dib u dhiska ah, waxaana soo noqday adeegyadii muhiimka ahaa.

Lafta-gareen iyo mucaaradka Koonfur Galbeed oo heshiis gaaray (Aqriso qodobada)

Baydhaba (Caasimada Online) – Shirkii dhex-dhexaadinta madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagraeen iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa lasoo geba-gebeeyey, ayada oo heshiis buuxa ay gaareen dhinacyada. 

Dhinacyada ayaa isku raacay in la aqbalo muddada halka sano ah ee lagu kordhiyey muddo xileedka madaxweyne Lafta-gareen ayada oo doorashada madaxweynaha lagu qababnayo sanad gudihiis.

Waxaa la go’aamiyey in odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan muddada u dhaxeysa bisha November 2023-ka ilaa bisha December 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS, iyaga oo la tashanaya beelahooda si waafaqsan qodobka 37-aad farqadda 3aad dastuurka Koonfur Galbeed. 

Doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la go’aamiyey in la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024. Hoos ka aqriso heshiiska oo dhameystiran. 

War-murtiyeedka shirka  

Shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta siyaasadeed iyo kan bulsheed ee dowlad goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu ku baaqey Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe taariikhdu marka ahayd 19kii bisha November 2022, si lamid sidaas oo kale uu soo dhaweeyeen Madaxweynaha DKGS 20 November 2022 iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha kala ah; Midowga Musharixiinta, Madasha samata bixinta iyo Golaha Badbaadada KGS.

Ka dib, Guddomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa soo Magacaabay isaga oo la tashaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, guddi farsamo oo ka kooban toddobo (7) xubnood oo ah guddiga farsamada ee arrimaha dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay shirka Dib-u-heshisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taariikhda marka aheyd 17 Janaayo 2023, shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka M.ne. Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe, Madaxweynaha DKGS M.ne Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagreen), iyo siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta KGS iyo mas’uuliyiin kala duwan ee labada heer ee Federaalka, Odoyaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ah.

GUDDOOMIYAHA GUDDIGA DIBU-HESHIISIINTA

Markuu Arkay: Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qoboka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG. 

Markuu Arkay: Qodobka 4aad ee War-murtiyeedka shirka dib-u-heshisiinta oo ka qabsoomay magaaladda Baydhabo 17, Diseember 2022 oo tilmaamayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu soo magacaabo Guddiga Farsamadda; 

Markuu Arkay: Qodobka 3aad farqadda 5aad ee Dastuurka DKGS.

Markuu Arkay: Qodobka 37aad farqadda 1aad Go’aanka Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay tahay hay’ada ugu sarreysa ee sharci dajinta Dowladda Koonfur Galbeed. 

Markuu Dhageystay: Talo soo jeedinta odoyaasha dhaqanka KGS oo ah marjica marka ay la soo gudboonaato xaalad Goloyaashada Dowladda si waafaqsan Qodobka 60aad Xarafka (C) ee Dastuurka KGS, xukuumada Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyo siyaasiyiinta ku middobey dalladaha; Midowga Musharixiinta, Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka.

Markuu Arkay: Dhamaan Nuquladda ay soo wada Gudbiyeen Golaha Wakiiladda nuqulka 1aad ee soo baxay 18ka Abriil 2020 iyo Nuqulka 2aad Tix: GW-DGKGS/XG-09/2020 kuna taariikhsan 20ka Abriil 2020 oo labaduba ku saabsan: wax kabadalka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya Qodobka 50aad kaas oo lagu daray Farqro 3aad. 

Marka uu Tixgaliyey: Nuqulka go’aan ay soo gudbiyeen oo ay xukumadda DKGS Shirka Dib-u-heshisiinta, kuna taariikhsan 01st Febraayo 2023, iyo kan dalladaha ku midoobey; Midowga Musharixiinta iyo Madasha samata bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya oo isna ku taariikhsan 2 Febraayo 2023.

Markuu Arkay: Ismaandhaafka Siyaasaddeed ee ka jiro KGS uu caqabad ku yahay dhamaan horumarada laga sameyn lahaa la dagaalanka kooxda khawaarijta al- Shabaab iyo Horumarinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa uu gudoomay guddoomiyaha guddiga dibu-heshna Gudoomiyaha Golaha Shacabka si waafaqsan Qodobka 61aad Farqadda 2aad Dastuurka KMG ah ee JFS iyo Qodobka 142 aad Farqadda 2aad ee Dastuurka KMG, sidoo kalena isaga oo tixgalinaya Qodobka 37aad Farqadda 1aad ee Dastuurka KG. 

Qobkobka 1-aad

Gudoomiyaha Golaha Shacabka marka uu xaqiijiyey arrimaha siyaasadeed iyo mida bulsheed ee dooda ka taagneyd, wadatashi dheer kadib waxaa la go’aamiyey:

A) In ay odayaasha dhaqanka beelaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay soo xulaan mudada u dhaxeysa bisha Novembar 2023-ka ilaa bisha Decembar 2023 xubnaha Golaha Wakiiladda ee Baarlamaanka KGS iyaga oo la tashanaya beelahooda si waaqsan Qodobka 37aad farqadda 3aad Dastuurka KG. 

B) In doorashada guddoonka golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo doorashada madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaaliya la qabto inta lagu guda jiro bisha Janaayo 2024.

Qobkobka 2aad

Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan. 

Wabilaahi Towfiiq

Tallaabada xigta ee DF la gudboon kadib dagaalka dhaqaale ee Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la fahamsan yahay inay jiraan caruur badan oo aan qaangaadhin oo ay kooxda Al-Shabaab weli u diyaarineyso inay dagaal-yahano ka dhigto ama qaraxyo ku rakibto.

Sidoo kale dhalinyaro fikirka kooxda sida ay u haysteen iyo waxa meesha ugu tageen kala duwan yihiin iyo qaar daruufta looga faa’iideystay oo mushaar doon ahaa ayaa la sheegaya in weli kooxda xoog ku haysato.

Deegaanka Caad oo u dhow degmada Xarardheere oo kamid ah goobaha dhawaan lagu jabiyay Al-Shabaab, laba dhalinyaro ah oo naftooda baxsad la ah oo ka yimid Al-Shabaab ayaa isku dhiibay ciidanka dowladda.

Cabdifataax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifataax Aadan Cabdikariin uma muuqaal eeka inay buuxiyeen da’da labaatanka sano.

Al-Shabaab waxay kaga biireen HirShabelle laakiin ugu dambeyn waxay go’aansadeen in umadooda kusoo dhex noqdaan.

Waxay dalbadeen in la cafiyo, lagana caawiyo inay noloshooda sii wataan maadama sida ay sheegeen ay nolosha rejo badan ka leeyihiin.

Sida labadaan wiil kuwo badan ayaa ku go’doonsan dhanka Al-Shabaab, kuwaasi oo laga jaray la-macaamilka bulshada, xiriirka ehelka, inay maqlaan dhawaq ka duwan dil iyo qarxin ama ay fahmaan waxa ka socda adduunka iyo in ay jirto fursad kale oo tan ka duwan.

Waxay dhalinyaradaas u bahaan yihiin badbaado.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa laga raba inay sameyso shabakad caawisa dhalinyarada rabta inay umadooda dib ugu soo dhex laabtaan, oo ay fikirkaasi qaldan ka tanaasulaan.

Shabakad awooda in iyadu xiriirka abuurto, leh xarumo lala xiriiri karo iyo dad u tababaran soo dhaweyn, hubin iyo dib u habeynta nolosha dhalinyaradaas oo ay dowladda leedahay ayaa muhiim ah waqtigaan.

Xasan Sheekh oo hal arrin u ballan-qaaday K/Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey heshiiska laga gaaray xiisadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee u dhexeeyay madaxwene Lafta Gareen iyo mucaaradka ayaa sameeyay ballan-qaad ku aadan heshiiskaas oo ku soo aaday, xilli aad loogu baahnaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore boggaadiyay heshiiska ay gaareen labada dhinac, kadib maalmo ay wada-hadallo ku lahaayeen gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo uu laba jeer madaxweynuhu u tegay, xal u helida Koonfur Galbeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale u mahad-celiyay dhammaan intii ka qayb-qaadatay dib u heshiisiinta oo ay ugu horreeyaan odayaasha dhaqanka ee maamulkaas.

“Waxa aan rabaa in aad aad iyo aad ugu mahadceliyo dadka reer Koofur Galbeed guud ahaan gaar ahaan dadka magaalada Baydhabo degan ee muujiyay si xilkasnimo ah, dulqaad aad u badan, muujiyay in ay u hiilinayaan oo wax weliba u hurayaan nabadda iyo xasiloonida, Mucaaradka oo intii tanaasul ah intoodii badnaa sameeyay, maamulka Madaxweynaha uu hoggaaminayo oo muujiyay is baddelo waaweyn, Odoyaasha dhaqanka oo aan ka caajisin in la boogo dhayo wixii dhacay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa ballan-qaad u sameeyay reer Koonfur Galbeed, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ay hubineyso dhaqan-galka heshiiska xalay lagu gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed.

“Dowladda Federaalka waxa ay diyaar u tahay oo dhinaceeda ka ballanqaaday in wixii kaalin ah ee uga aaddan arrimaha dib u heshiisiinta, qalbi xaarista iyo  arrimaha lagu ballamay hubinteeda iyo xaqiijinteeda, dhibaato haddii ay dhacday in la xaliyo iyo in laga ballamo in aanay berri dib usoo laaban,” ayuu markale yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyay in qof kasta oo ka horyimaad wixii lagu heshiiyay ay gacanta ka qaban doonto dowladda, si looliyo nabadda iyo xasiloonida deegaanka.

Qofkii ka leexanaya wixii lagau ballamay in dowladdu gacanta ka qabato oo dhahdo ka joog, in la ilaaliyo nabadda, kalsoonida iyo qalbiga Dadka waaye dardaaranka guud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay war-murtiyeed rasmi ah laga soo saaray shirkii Baydhabo, kaas oo ay ku heshiiyeen madaxweyne Lafta Gareen iyo Mucaaradka oo ugu dambeyn ogolaaday muddada halka sano ah ee loogu daray hoggaanka maamulkaasi.

Madaxweyne Pervez Musharraf oo geeriyooday

0

Dubai (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf ayaa maanta oo ah Axad ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai isagoo 79 jir ah, kadib markii uu muddo xanuunsanaa, sida ay xaqiijiyeen ciidamada Pakistan.

Musharaf waxa uu xukunka kula wareegay afgembi aan dhiig ku daadan sannadkii 1999-kii, wuxuuna isku ahaa madaxa ciidamada Pakistan, madaxa fulinta iyo madaxweynaha markii uu dhacay weeraradii 9/11 ee Maraykanka.

Jeneraalkan ayaa isbaheysi la noqday Washington markii ay duullaanka ku qaadeen dalka ay dariska yihiin ee Afghanistan, isagoo ka badbaaday isku dayo dil oo dhowr ah.

“Taliyeyaasha sare ee militariga Pakistan ayaa muujinaya tacsi tiiraanyo leh oo ku saabsan geeridii murugada lahayd ee General Pervez Musharaf”, ayaa lagu yiri bayaan kooban oo ay baahisay garabka warbaahinta ee militariga.

“Allah ha u naxariisto, jannadana ha ka waraabiyo, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan haka siiyo.”ayuu raaciyay qoraalka militariga Pakistan.

Jeneraalka afarta xidigle ahaa ayaa subaxnimadii hore ee Axadda maanta ah ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai, sida ay sheegeen warbaahinta iyo sarkaal sare oo dhanka ammaanka ah oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Ku dhawaad sagaal sano oo uu talada dalka hayay, Musharaf waxa uu Pakistan u horseeday kobac dhaqaale ah oo ay qayb weyn ka qaadatay gargaarka ballaaran ee Washington, si uu u taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Musharaf ayaa laba jeer laalay dastuurka Pakistan, isaga oo yiri oraahdii caan baxday ee aheyd “waa warqad qashinka lagu daray” – wuxuuna dhaqan galiyay xukun degdeg ah markii tallaabo uu ku eryay madaxa caddaaladaa ee dalka uu dhaliyay mudaaharaadyo bilo socday.

Madaxweynaha Pakistan Arif Alvi ayaa tacsi ka diray geerida Musharaf.

Kadib dilkii hoggaamiyaha mucaaradka Benazir Bhutto bishii Diseembar 2007, ayaa sababay niyad jab ku dhacay Pakistan, iyo khasaare burburiya xulafadiisa, iyada oo sidoo kale guuldarrooyinkii uu kala kulmay doorashadii 2008 ay gelisay go’doon. Isla sannadkaas ayuu xilka iska casilay, waxaana uu noqday dibad-joog.

Mareykanka oo riday buufin ‘basaas u aheyd’ Shiinaha

0

Washington (Caasimada Online)Diyaaradaha dagaal Maraykanka ayaa Sabtidii soo riday buufin looga shakisan yahay in Shiinuhu leeyahay oo soo gaartay xeebaha gobolka South Carolina, toddobaad kadib markii ay soo gashay hawada Maraykanka.

Buufintan ayaa waxaa ka dhashay sheeko basaasnimo – iyo hadan heyn dadweyne, taas oo xumeysay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu bixiyay amarka in lasoo ridoyo Arbacadii, laakiin waaxda Gaashaandhigga ee Pentagon-ka ayaa ku talisay in la sugo ilaa inta lagu soo ridi karo biyaha badda, si looga ilaaliyo dadka rayidka ah burburka kusoo dhacaya dhulka iyo hawada ay ku duulaan diyaaradaha rakaabka ah.

“Waa lagu guuleystay in lasoo rido, waxaana rabaa inaan ammaano duuliyayaashayada soo riday” ayuu yiri Biden.

Dhowr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo kuwa shidaalka siiya ayaa ka qaybqaatay howlgalkan, laakiin mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F-22 oo ka timid Saldhigga Ciidanka Cirka ee Langley ee Virginia ayaa ridday gantaalkan oo ahaa nooca loo yaqaan AIM-9X abbaarihii 2:39 duhurnimo, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.

Shiinaha ayaa si adag u cambaareeyay weerarka militari ee lagu qaaday buufintan, iyaga oo sheegay in buufintan loo adeegsanayay arrimaha saadaasha hawada iyo arrimo kale oo la xiriira cilmibaaris, taasoo ay ku sheegeen inay ku anbatay hawada Mareykanka “gabi ahaan si kama’ ah” – sheegashadaas oo ay si toos ah u beeniyeen saraakiisha Mareykanka.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in firirka iyo haraaga buufintay uu ku fidday in ka badan toddobo mayl (11 kiilomitir) oo badda ah, waxaana goobta ku sugnaa maraakiib badan oo ciidamada Mareykanka ah.

 

VOA + Reuters.

U.S. military shoots down Chinese ‘spy’ balloon

Washington (Caasimada Online) – The U.S. military has on Saturday shot down a suspected Chinese spy balloon off the coast of Carolina, on orders from President Joe Biden, according to the Pentagon.

The balloon, which traversed several sensitive military sites across North America, has become the latest source of tension between Washington and Beijing. 

President Biden had initially sought to have the balloon brought down on Wednesday but was advised to wait until it was over water. The F-22 fighter jet successfully punctured the balloon with a missile around six nautical miles off Myrtle Beach, South Carolina coast.  

The debris of the balloon landed in 47 feet of water. The U.S. Navy is taking the lead in the recovery operation, supported by the Coast Guard. Biden praised the aviators who successfully took down the balloon.

The incident raises questions about China’s intentions and the capabilities of the U.S. military to protect its airspace.

China’s denial of spying claims

China has continued to deny any claims of spying and has stated that the balloon was merely a weather research “airship” that had been blown off course.

The Pentagon rejected these claims and concluded that the balloon was indeed being used for surveillance purposes. China’s Ministry of Foreign Affairs emphasized that the balloon’s journey was out of control and urged the U.S. not to “smear” it.

The journey of the balloon

The balloon entered the U.S. air defense zone north of the Aleutian Islands on January 28th. On Monday, it moved primarily over land across Alaska and into Canadian airspace in the Northwest Territories. 

It then crossed back into U.S. territory over northern Idaho on Tuesday, the same day that President Biden was first briefed on the balloon’s presence. 

The balloon was later spotted over Montana, home to one of America’s three nuclear missile silo fields at Malmstrom Air Force Base. The U.S. collected intelligence on the balloon as it flew over the country, giving them several days to analyze it and learn about its capabilities.

The cancellation of Blinken’s visit to Beijing

The public disclosure of the balloon on Thursday led to the cancellation of U.S. Secretary of State Antony Blinken’s visit to Beijing for talks aimed at reducing U.S.-China tensions. 

Blinken told senior Chinese diplomat Wang Yi in a phone call that sending the balloon over the U.S. was “an irresponsible act and that (China’s) decision to take this action on the eve of my visit is detrimental to the substantive discussions that we were prepared to have.” 

The Chinese government sought to play down the cancellation and stated that the U.S. and China had never officially announced the visit.

The Pentagon also acknowledged reports of a second balloon flying over Latin America. Brig. Gen. Pat Ryder, the Pentagon press secretary, said they now assess it as another Chinese surveillance balloon. 

The Chinese Ministry of Foreign Affairs did not immediately respond to questions about the second balloon.

SOURCES: NEWS AGENCIES

Xildhibaankii beddelay Mahad Salaad iyo Sanbaloolshe maxaa kala qabsaday maanta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada hadal-heyn ka abuuray weerar afka ah oo labo xildhibaan ku dhex-martay muuqaal uu maanta baahiyey TV-ga Dalsan.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo laba maalin ka hor Dhuusamareeb ka soo qaatay kursigii uu baneeyey Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa maanta lagu dhaariyey kulankii golaha shacabka.

Dhaarintiisii kadib, Xildhibaan Ilyaas ayaa qabsaday Makarafoonka, wuxuuna doodiisa ka dhiibtay sharciga hey’adda NISA oo miiska saaraa, isagoo yiri, “Aan socod-siino sharciga NISA oo aan ansixino, cabsidana hala joojiyo.”

Muuqaalka Xildhibaanka oo lagu baahiyey pageka Facebook-ga ee Dalsan TV ayaa waxaa qeybta Commentiga aragtidiisa uga dhiibtay Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe oo yiri, “Qof maanta dhashay oo isla maanta hadlaya ii kow.”

Intaas kadib waxaa reply u soo galay Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed wuxuuna ugu jawaabay “Abdullahi Mohamed Ali, Qof Muwaadin Somaaliyeed dal shisheeye u gacangaliyay oo hadana Golahii ummadaan matalayay xubin ka ah ii koow!”

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa la xasuustaa in hey’adda NISA uu Agaasime ka ahaa markii Itoobiya loo dhiibay Cabdikariin Muuse Qalbidhagax oo ka mid ahaa halgamayaashii ONLF.

Intaas kadib Dalsan TV ayaa ka soo fal-celisay hadal-heynta ka dhalatay jawaabaha ay qeybta commentiga ee Facebook-gooda isku dhaafsadeen labada xildhibaan iyo boqolaal qof oo kale, waxayna dheheen “Ka Dalsan ahaan waxaan ku faraxsanahay in aan nahay madal si kasta ula falgalaysa aragti-wadaagga umadda Soomaaliyeed.”

In xildhibaanadu is dhaafsadaan hadallo kulul oo dood dhaliya ma cusba, laakiin waxaa arrintaas xiisa u yeelay in maanta uu golaha ku cusbaa oo halkii lagu dhaariyey uu aragtidiisa ku dhiibtay xildhibaanka uu weeraray Sanbaloolshe.

ATMIS oo sheegtay sabab yaab leh oo ku kaliftay inay toogtaan wiil Soomaali ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa qoraal ka soo saaray dilkii shalay ay ciidanka ATMIS afaafka hore ee madaxtooyada qaranka ugu geysteen muwaadin Soomaaliyeed.

ATMIS ayaa bayaankaan ay soo saartay waxay ku qiratay in askari ka tirsan howlgalka uu toogtay qof shacabka, iyagoo raaciyey sababta loo toogtay qofkaas.

Sida lagu sheegay qoraalka ninka la toogtay wuxuu mid ka mid ah gaadiidka ATMIS ku tuuray wax aan la garaneyn, intaas kadibna wuxuu isku deyey inuu fuulo gaariga, taas oo sababtay in la toogto.

ATMIS waxay sheegtay in ay bilowday baaritaan madax-banaan oo ku saabsan sida ay wax u dheceen, waxayna ku baaqeen in la dejiyo xaaladda, iyadoo natiijooyinka kasoo baxa balan qaaday inay la wadaagi doonaan dowladda Soomaaliya.

“ATMIS waxaa ka go’an ilaalinta nolosha shacabka waxayna sii wadi doontaa dhowrista iyo ixtiraamka dhamaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, sida ku cad sharciyada howlgalkeeda iyo inay taageerto DFS, si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabad ah oo xasiloon,” ayaa lagu yiri gabagabda qoraalkaan ka soo baxay Taliska ATMIS.

Shalay oo Jimco aheyd, markii ay toogashadaan geysteen ciidanka ATMIS, waxaa bilowday banaan-baxyo rabshado wata, dadweyne ka careysan waxa meesha ka dhacay ayaa isku soo baxay, waxayna warbaahinta u sheegeen in dilalkaan aysan ugu dul qaadaneyn ciidanka ATMIS.

Qoyska marxuumka uu ka geeriyooday oo ka mid ahaa dadweynihii isku soo baxay ayaa ku eedeeyay ciidamada ATMIS inay si bareer ah u dileen wiilkooda, waxayna dalbadeen inay caddaalad helaan.

Wiilka ay toogteen ciidanka ATMIS, waxaa la sheegay inuu ahaa derbi jiif, halka lagu toogtay waa isgoyska Ceelgaabta ee kala weybiya degmooyinka Xamarweyne iyo Xamarjajab, sidoo kale waa barta control ee ugu horeysa ee laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Daawo: Sharci dood badan dhaliyay oo maanta la hor-geeyay Aqalka Sare ee BF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Aqalka Sare ayaa waxaa la horgeeyay Hindise-sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo hore buuq badan uga dhaliyay Golaha Shacabka, ayna ka taagneyd dood badan.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan labada guddoomiye ku-xigeen ayaa shir-guddoomiyay kulanka oo ajandihiisu ahaa qeybinta hindise-sharciyeedkan, ayada oo golaha uu hortagay wasiirka wasaaradda Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

Wasiirka oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa Senator-da warbixin ka siiyey hindise-sharciyeedka cunaqabatayn maaliyadeed ee cayiman, isaga oo sharaxaad ka bixiyay muhiimada sharcigan uu dalka u leeyahay iyo sidii uu wax kaga bedeli karo nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa intaas kadib waxa uu sheegay in sharcigaan loo gudbinaya guddigga maaliyadda ee golaha Aqalka Sare, si ay uga soo doodaan ayna dib ugu soo celiyaan Golaha.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa 14-kii bishii meel-mariyay hindise-sharciyeedkan, ayada oo guddoonka lagu eedeeyay in uu hab sharci darro ah u ansixiyay, waxaana si adag uga horyimid meel-marinta sharcigaan xildhibaanada qaarkood.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BFS ayaa cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka.

Hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

“Marka qof ama hay’ad ay asteeyso wasaaradda Maaliyada ama Golaha Ammaanka ee QM, waa in islamarkiiba la xayiraa lacagta ama hantida shaqsiga la asteeyay,” ayuu dhigaya sharcigan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 4-aad.

Sidoo kale waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda Maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

“Wasiirku waa inuu soo saara xeer-nidaamiye jideeynaya habraaca xayiraada hantida iyo lacagaha shaqsiyaadka iyo hay’addaha la asteeyay,” ayuu leeyahay sharcigaan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 6-aad, faqradiisa 3-aad.

Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna hore u meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii.

Horjooge Xasan Cadde iyo xubno kale oo maanta laga dilay kooxda Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd shaacisay in howl-gal qorsheysan lagu dilay horjooge Xasan Cadde oo ahaa horjoogihii kooxda Al-Shabaab ee deegaanka Janaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow.

Qoraal kasoo baxay wasaarada warfaafinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad-goboleedka Jubbaland ay maanta howl-gal qorsheysan ku dileen ugu yaraan afar dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab.

Howl-galka ayaa ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose, sida lagu sheegay qoraalka wasaarada warfaafinta.

Dhinaca kale, Afhayeenka Howl-gallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Jubbaland TV ayaa xaqiijiyey dilka kooxdan, sidoo kale wuxuu sheegay in howl-galkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa kooxda Al-Shabaab.

Howl-galkan ayaa imanaya xilli uu dardar xoogan ku socdo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo lagu gaarsiiyay jab weyn kooxda, islamarkaana laga qabsaday deegaan horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Dhawaan unbay aheyd markii ay dowladda federaalka ay sheegtay in howl-gal lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab, laguna dhaawacay 98 kamid ah maleeshiyada kooxda, oo ay ku jireen horjoogayaal.

Sida ay xiligaas warisay dowladda howl-galkaas ayaa ka dhacay dhul ballaaran oo kayn ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, gaar ahaana ku yaalla inta u dhaxeysa tuullooyinka Tawakal iyo Garasjeereed oo 12KM dhanka galbeed uga beegan degmada Janaale.

Ciidamada MUQDISHO oo noqday saddex iyo saddex – iyo arrinta la gudboon DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho weli hadalka u badan waa askari dowladeed oo dilay qof shacab ah.

Dowladda waxay la dagaalameysa kooxda Al-Shabaab, mid kamid ah sababaha kooxda loola dirirayo waa dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

In isla ciidankii dowladda ee u taagna in dhibaatada Al-Shabaab laga dulqaado shacabka, in haddana isla iyagii ay shacabka dhibaato ku hayaan waa laba arrimood oo aad isku diidaya.

Khamiistii, Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan waxaa lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mooto Bajaaj.

Mid kamid ah askarta dowladda Soomaaliya ayaa dilkaas geystay sida ay sheegeen goobjoogayaashu, kadibna waa baxsaday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in isla qoyskaas wiil kale ciidanka dowladda ay hore uga dileen. Reer laba wiil oo u shaqeynaysay ay ciidanka dowladda ka dileen sidee loogu qancin karaa Al-Shabaab ayaa idinka difaaceyna, waa weydiin taagan oo aanay xiligaan jawaab u hayn dowladda federaalka.

Askarta Muqdisho ku daadsan saddex dhibaato ayay shacabka ku hayaan, saddex-na waxay ku hayaan dowladda.

Shacabka waxay ku hayaan dil joogto ah, dhac joogto ah iyo qalqal galin joogto ah.

Dowladda-na waxay ku hayaan sumcad xumo, amni ku ciyaarid iyo inay iska horkeenaan nidaamka ay ka tirsan yihiin iyo shacabka magaalada.

Dadka qaar waxay leeyihiin waxaa la jooga xiligii dowladdu dib u eeg dhab ah ku sameyn lahayd ciidanka ka shaqeeya caasimada, oo u batay gacan ku dhiiglayaal iyo kuwa wax walba u sameyn kara maandooriyaha dartiis.

Waa in guud ahaan la badalaa ciidanka caasimada ka howl-gala ayay qabaan dadka qaarkiis. In ay ahayn ciidan leh anshaxii askarinnimada, damiir ay ku ilaalin karaan shacabka iyo kuwa u tababaran jawaab madani ah ayaa badi la isku raacsan yahay.

Haddii ciidankan sii ahaadan kuwa dowladda u qaabilsan Muqdisho, waxay fallanqeeyayaasha qabaan in dowladda ay lumin doonto shacbiyada caasimada.

Xamar waa halka marwalba laga qiimeeyo shaqada dowladda federaalka ah, sida ay Xamar u taallo ayay marwalba u taalla natiijada ay haysato dowladda marka jirta.

Sidaas awgeed, tallooyinka loo jeedinayo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dib u eega dhaqamada askarta ee kala dilaya isaga iyo shacabka.

Dhibaatada sii xoogeysaneysa ee shacabku kala kulmayaan askarta dowladda federaalka ah waxay sidoo kale dhaawac ku tahay hadafka ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ah in laga adkaado Al-Shabaab iyada oo garab laga helayo shacabka Soomaaliyeed.

Hadda waxaa isha lagu wada haya sida ay dowladda u maareyso arrintaan noqotay mawduuca maalinlaha ah.

Africa vs Al-Shabab: Joint military offensive in Somalia

Mogadishu (Caasimada Online) – Al-Shabab, the Islamist insurgent group, has been a significant hindrance to the progress and stability of Somalia and the wider Horn of Africa region since its inception in 2006.  

The group has taken advantage of Somalia’s weak central government to control large portions of the country’s ungoverned territories, including parts of the capital city of Mogadishu.

The group reached its peak in 2011, when it took over parts of Somalia’s capital city of Mogadishu. However, regional leaders have had enough and have come together to discuss a joint military offense to eradicate Al-Shabab once and for all. 

A coordinated effort by Horn of Africa countries

On Wednesday, Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud hosted a summit with his Kenyan, Ethiopian, and Djiboutian counterparts to discuss a coordinated military offensive against Al-Shabab.  

The African Union Mission in Somalia (AMISOM) has supported the Somali government in its fight against Al-Shabab for the last 15 years. The African Transitional Mission in Somalia has taken its place with the goal of reducing troops to zero by 2024 and security being assumed by Somalia’s army and police. 

This collaboration among Somalia’s neighbors is expected to lead to the quick liberation of the country from the Islamist insurgents who have been dealt heavy blows on the battlefield in recent weeks.  

The recent meeting highlights enhanced engagement among Somalia’s neighbors in their quest to eradicate Al-Shabab. 

Insurgency impediments to Africa’s progress and stability

The insurgency issue in Africa has been a major hindrance to the progress and stability of the region, and Somalia being a victim, understands this well. 

The presence of such forces assaults the global image of the countries. It has even hindered Somalia’s bid for East African Community (EAC) membership, which has been rejected because of “sporadic conflicts and weak institutions.” 

African leaders’ decision to counter-insurgency

The recent decision by Ethiopia, Kenya, Djibouti, and Somalia to join hands in countering the insurgency is a result of the direct or indirect impact of the Islamist militants on their countries.  

Fresh from a deadly war, Ethiopia wouldn’t want to face another challenge and has decided to contribute significantly to countering the insurgency. Kenya, which shares borders with Somalia, has also been a victim of Al-Shabab’s terror and sees this as an opportunity to project itself as a champion of counter-terrorism initiatives. Similarly, Djibouti considers this a chance to join the regional effort and project itself as a champion of counter-terrorism initiatives. 

African leaders’ search for African solutions 

Despite the US and other Western interventions in Africa, the insurgency issue has only worsened, pushing the countries into further underdevelopment. 

Leaders like Ruto, Abiy Ahmed, Ismael Omar Gelle, and Hassan Sheikh Mohamud have now decided to counter African problems with African solutions, primarily through destroying the Islamist rodents once and for all. 

A unified Africa is the need of the hour, and this meeting marks the beginning of a new era in the African war on terrorism.

In conclusion, the Horn of Africa countries have come together to launch a coordinated military offensive against Al-Shabab to put an end to its insurgency that has caused much havoc. 

The African leaders have realized the need for African solutions to African problems. They have taken the first step towards a unified Africa in the fight against terrorism.

HirShabelle oo shaacisay goorta lasoo afjarayo howl-gallada ka dhanka ah Shabaab

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Dowlad-goboleedka HirShabelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ee maamulkaasi.

Wasiir ayaa waxa uu sheegay in ciidamada ay u tallaabi doonaan deegaanada dhaca galbeedka Wabiga Shabeelle, islamarkaana la galayo wajiga ugu dambeeya ee howl-galka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo ugu dambeyn lagu soo afjari doono bisha Maarso ee sanadkaan.

“Sida inoo qorsheysan waxaa goordhaw bilaabanaya howl-gal ka dhan ah Khawaariijta Al-Shabaab ugu dambeyn bisha Maarso si loosoo afjaro kooxda naf la caariga ah,” ayuu yiri wasiirka amniga dowlad-goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale waxa uu sheegay in la kala jaray isu gudubka Al-Shabaab, islamarkaana deegaanada xiga dowlad-goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo dowlad-deegaanka Soomaalida laga xayiray isu-socodkooda kadib markii laga qabsaday magaalooyin muhiim u ah marinkooda.

“Dhamaan deegaanada argagixisada laga saaray waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda, HirShabelle iyo kuwa deegaanka, sababta keentay in ay dib usoo weeraraan meelaha laga qabsaday waxa ay ka dhalatay kadib markii wabiga Shabeelle uu guray, meelo badan oo HirShabelle ayuuna maraa.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Howl-galada waxaa barbar socda barnaamij loogu magac daray xasilinta si bulshadu ay u hesho adeegyada ay u baahan tahay, sida goobaha caafimaadka, waxbarashada, maxkamad iyo xarumaha amniga laga sugo.”

Dowlad-goboleedka HirShabelle ayaa horumar wanaagsan ka sameeysay howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasi oo si weyn uga socda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay maamulka.

Howl-galada socda ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaanno, wasiiro heer federal iyo heer dowlad-goboleed, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale, kuwaasi oo furimaha hore ee dagaalka ka socdo u tagay si ay u dhiira-geliyaan ciidamada huwanta.

Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday waxaa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda laga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Xog: Qorshe lagu beddelayo safiirada Khaliijka ee ku xiran madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caaismada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan safiiro cusub u magacaabi doona dalalka Khaliijka, si uu u miisaamo saameyntiisa gobolka.

Xasan Sheekh ayaa qorsheynaya in inta badan safiirada uu beddeoi bishan Febraayo gudaheed iyo bisha Maarso, waxaana u jeedka ugu weyn uu yahay inuu meesha ka saaro diblomaasiyiinta aadka ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida uu ku warramay wargeyska Africa Intelligence.  

Xasan Sheekh ayaa wasiirka arrimaha dibedda ka dhigay Abshir Cumar Huruse oo ah ganacsade reer Puntland ah, oo aan laheyn wax khibrad diblomaasiyadeed ah. Xulashada Xasan Sheekh ee Huruse ayaa aheyd mid siyaasadeed, oo siineysa xorriyad uu cidda uu doono ugu xusho safiir, ayada oo aan wax iska caabin ah laga fileyn dhanka Huruse.

Taa beddelkeeda, waxaa safiirada la xuli doona wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Cumar Maxamed oo loo yaqaan Cali Balcad, oo ah gacanta midig ee madaxweyne Xasan Sheekh. Cali Balcad waxaa la rumeysan yahay inuu yahay wasiir arrime dibadeedka dadban ee Soomaaliya.

Dalalka ay Xasan Sheekh iyo Cali Balcad diiradda saarayaan ayaa ah Masar iyo Qatar, oo safiirada jooga ay aad ugu dhow yihiin Fahad Yaasiin, madaxii hore ee sirdoonka Soomaaliya iyo gacanta midig ee madaxweyne Farmaajo.

Safiirka Doha waa Cabdirisaaq Faarax Cali, oo ay ehel yihiin Fahad Yaasiin, islamarkaana kooxda Xasan Sheekh ay aad uga walaacsan tahay.

Ayada oo safiirkii Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Asad Muhammad Hashim uu dhowaan dib ugu laabtay Doha kadib markii la beddelay, Xasan Sheekh ayaa isbeddelkan u adeegsan doono mid uu qof aad ugu dhow uga dhigo safiirka Soomaaliya ee Qatar, taasi oo uu ku miisaamaayo awooddiisa siyaasadeed ee gobolka.

Inkasta oo Xasan Sheekh aysan isku xumeyn Qatar, haddana waxaa la rumeysan yahay inuu aad ugu dhow yahay Imaaraadka Carabta. 

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dadaal ugu jiro inuu noqdo safiirka Soomaaliya ee Abu Dhabi. Hase yeeshee wuxuu wajahayaa loolan uga imanaya madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo doonaya in la magacaabo qof uu isaga wato, isaga oo adeegsanaya xiriirka dhow ee uu la leeyahay Imaaraadka Carabta. 

Safiirka Soomaaliya ee Masar, Ilyaas Sheekh Omar, waxaa la magacaabay bishii Febraayo 2021, si uu u beddelo Cabdiqani Maxamed Wa’ay, oo 2020 u dhintay cudurka COVID-19.

Ilyaas, oo aad ugu dhow Fahad Yaasiin, ayaa waxaa salfan doona u dhowaanshihiisa madaxii hore ee sirdoonka, waxaana la filayaa in meesha laga saaro.

Xilalka kale ee la filayo in isbeddelka lagu sameeyo waxaa ku jiri kara safiirka Sacuudiga, ayada oo xilka laga qaadi doono Saalim Xaaji Macow, oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo. Xasan Sheekh ayaa horraantii bishii tagtay u safray Riyadh.

Safiirada Khaliijka ayaa muhiim u ah Soomaaliya sababo la xiriira taageerada dhaqaale ee dalalkaas ay siiyaan Soomaaliya iyo dadaallada ay dowladda federaalka ku raadineyso maal-gashi caalami ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii la magacaabay ballan-qaaday inaan cidna loo beegsan doonin, loogana aargudan doonin inay xiriir la leedahay Farmaajo, balse waxaa muuqata in isaga iyo wasiir arrime dibadeedkiisa dadban Cali Balcad aysan taas fulineyn.

Bishii hore billowgeeda, waxaa xarunta madaxtooyada laga eryey shaqaale badan oo rayid ah, sababo la xiriira kaliya in la qoray xilligi madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale qaar kale ayaa loo beegsaday qabiillada ay kasoo jeedaan darteed.

CALI YARE oo si lama filaan ah uga falceliyay DADAALKA Xasan Sheekh ee K/Galbeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo qoraal soo saaray ayaa si lama filaan ah uga falceliyay booqashada uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegay Baydhabo.

Cali Yare ayaa marka hore shaaciyay inuu soo dhaweynayo dadaallada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xalka loogu raadinayo arrimaha ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay tahay tallaabo odaynimo boggaadin mudan.

“Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu waqti badan geliyay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta deegaanka qaarkood. Waa tallaabo odaynimo leh oo boggaadin mudan,” ayuu yiri Cali Yare.

Dhanka kale Cali Yare ayaa is barbar dhig ku sameeyay xaaladda magaalada Baydhabo iyo mida Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay madaxweynuhu in waqtiga uu galiyay Koonfur Galbeed mid lamid ah in uu galiyo arrinta ka taagan Laascaanood.

Siyaasigan ayaa xusay in Baydhabo iyo Laascaanood ay yihiin labada deegaan oo uu madaxweyne u yahay, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaddiyadda Laascaanood ay la xiriirto midnimada dalka, loona baahan yahay in loo istaago arrintaasi.

“Waxaa iyana lagama maarmaan ah in Madaxweynuhu waqtiga uu Koonfur Galbeed galiyay mid lamid ah geliyo jahawareerka ka taagan gobollada waqooyi, si gaar ah magaalada Laascaanood oo ah qadiyad la xariirta MIDNIMADA DALKA, maadaama ay Badhabo iyo Laascaanood labaduba yihiin labo deegaan oo uu Madaxweyna u wada yahay Madaxweynuhu,” ayuu markale qoraalka ku yirid siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Jimcihii uu markii saddexaad uu Baydhabo booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u tegay wejiga labaad  ee shirka dib u heshiisiinta maamulka koonfur Galbeed, kaas oo weli ka socda gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay uga hadlay arrinta Laascaanood, gaar ahaan xilliyadii ay socdeen rabshadaha, isaga oo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda taagan, balse ma jiro wax tallaabo ah oo ay dowladda dhexe u qaaday dhankaasi.

Magacyada iyo qabiilada Al-Shabaabkii weeraray xarunta gobolka iyo ajnabi ka mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magacyada debleydii weerarka ku uqaaday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Kooxdan, oo ka koobneyd 6 uu midkood markii hore is-qarxiyey, iyo shan gudaha galay oo markii dambe la filay, ayaa ilaa hadda Al-Shabaab ay shaacisay codad dardaaran oo laga duubay afar ka mid ah.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in mid ka mid ah ragga weerarka fuliyey uu yahay ajnabi u dhashay dalka Kenya, ayada oo inta badan aan horey loo arag ajaaniibta Al-Shabaab oo weerar ka fuliya Muqdisho.

Xubnaha Al-Shabaab ee galay xarunta gobolka Banaadir ee illaa hadda la shaaciyey ayaa kala ah

1- Haaruun Axmed Faarax (Cabdi-Rabi) oo ka mid ahaa dagaalameyashii weerarka ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Ninkan ayaa sheegay inuu kasoo jeedo beesha Reer Xaaji Saleebaan ee Habar-gidir, gaar ahaan Jufada Reer Muuse.

Wuxuu ku ku heyb ahaa guddoomiye ku xigeenka gobolka ee Amniga iyo Siyaasadda Yabooh Axmed Diiriye. Wuxuuna ahaa 24 sano jir ku dhashay magaalada Muqdisho, sida uu sheegay.

2- Cilmi Cumar Xassan (Yaxye) ayaa isna ka mid ahaa dagaalyahannadii Al-Shabaab ee weerarka ku galay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho. 

Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo Beesha Daa’uud ee Wacbuudhan Abgaal, wuxuuna ku heyb ahaa guddomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale. Cilmi Cumar ayaa ku dhashay degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida uu sheegay.

3- Zubeye Al-Muhaajir, oo u dhashay dalka Kenya ayaa ahaa ninka saddexaad ee Al-Shabaab ay shaacisay dardaraarankiisa. Waa Kenynati kasoo jeeda Majengo, Nyeri, waxayna Al-Sehabaab ugu yeeraan dadka ka yimaada dalalka kale ee ka tirsan Muhaajir.

4- Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani) ayaa ahaa ninka afaraad ee ka mid ahaa maleeshiyada Al-Sabaab ee weeraray xarunta Gobolka Banaadir. Wuxuuna sheegay inuu kasoo jeedo beesha Gaaljecel, gaar ahaan jufada Makaahiil Cumar Mataan.

Waxaa la filayaa inay Al-Shabaab baahiso labada harsan dagaalameyaashii lagu laayay xarunta Gobolka Banaadir ee weerarka ka fuliyay, iyadoo looga bartay inay is-miidaamiyeyaashooda codad ka duubaan inta aysan fulin weerarka ay qaadayaan.

Waxaa xusid mudan in laba ka mid ah ragga weerarka loo xushay ay ku beel yihiin mas’uuliyiinta gobolka, la-yaabna ma noqon doonto. In labada harsan ay sidoo kale ku beel noqdaan maamulka gobolka.

Taliye Sulub oo balanqaadkii u horeeyay sameeyay kadib markii uu xilka la wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Taliye Sulub oo ka hadlay munaasibada xil-wareejinta ayaa waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska.

Taliyaha cusub ayaa ballan-qaadka cusub ee maanta uu sameeyay ku tilmaamay mid kor u qaadaya awooda gudaha ee booliska, “si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.”

Taliyaha cusub ayaa waxa sidoo kale laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaqaadii bishii hore xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Jeneraal Sulub Axmed Firin u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.

Magacaabistan ayaa timid, kadib soo jeedin ka imaatay wasaaradda Amniga Gudaha, ayada oo goluhuna uu ku raacay, kadibna asnixiyay magacaabista taliyaha cusub.

Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad ammaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah iyo dilalka kala duwan ee ka dhacaya gudaha caasimadda.

Si kastaba, Isbeddalkan ayaa ah mid la filayey, balse soo daahay, kadib doorashadii dalka ka dhacday 15-kii bishii may ee sanadkii hore ee 2022-kii.

Kenya oo ka laabatay go’aan ay ka qaadatay socdaalka Soomaalida 10 sano ka hor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xuduudka Mandheera ee Soomaaliya ay la wadaagto, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka xuduudda labada dal iyo la-dagaallanka badeecooyinka kotorobaanka ah ee aan la ogoleyn.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xuduuda aagga Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya uu heer gaba-gabo ah marayo, kadib wadatashi heer sare ah oo labada dal ay yeesheen.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera ayaa sheegay in dib u furista goobta laga gudbo ay wax badan ka badali doonto ammaanka xuduuda, isla markaana ay joojineyso dhaq-dhaqaaqa badeecadaha koontarabaanka ah ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada.

“Waxaan faray kooxaha ammaanka ee gobolka inay la fariistaan ​​hay’adaha dowladda ee halkan u jooga oo ay ka mid yihiin kastamka, socdaalka, ayna qiimeeyaan shuruudaha oo ay ku soo gudbiyaan macluumaadka muddo toddobaad gudihiis ah, si ay noogu suurtagasho in aan dib u habeyn ku sameyno xaruumaha xuduudaha oo aan dib u bilowno soohdinta,” ayuu yiri wasiir Kindiki.

Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan soohdimaha rasmiga ah ee ay la wadaagto Soomaaliya sanadkii 2012-kii, si ay u joojiso duullaanka Al-Shabaab oo ka carootay howlgalka ay ciidanka Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya. Goobaha la xiray ee xuduudka waxaa ka mid ah isgoyska Mandheera iyo marinadii Lamu, Wajeer iyo Gaarisa.

Xiritaankaas ayaan dadka safarka ah ka joojinin in ay si sharci darro ah xadka uga gudbaan ama ay alaab kotorobaan ah u dhoofiyaan gudaha Kenya.

Wasiirka Amniga Kenya ayaa cadeeyey in qorshaha lagu furayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya uu u wakiishay kooxda amniga ee Kowntiga, kuwaas oo soo ogaanaya, kana hor-tegi doona dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka hubeysan ee ku dhuumaaleysta aagga xuduuda labada dal.

“Waxaan farayaa kooxda amniga ee Kowntiga in ay la fariistaan ​​madaxda siyaasadda iyo odayaasha qorshe ay hagi doonaan madaxda bulshada iyo odayaasha, si looga sifeeyo maleeshiyada hubeysan ee Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Wasiir Amniga Kenya Mr. Kindiki.

Wasiirka oo khudbad u jeediyay hogaamiyayaasha la doortay ee Mandheera iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in odayaasha ay ka qeyb qaataan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.

Shantii sano ee la soo dhaafay, gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa ka dhacay weerarro xiriir ah oo ay geysteen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee kooxda Al-shabaab ay ka fulisay gobolkaas ayaa Jaamacadda Gaarisa ka dhacay sanadkii 2015-kii, waxaana lagu dilay ugu yaraan 150 qof oo arday u badnaa. 

Kooxda Al-Shabaab oo fadhigeeda ugu weyn uu yahay Soomaaliya ayaa gudaha Kenya dhaqdhaqaaqyo ka waday tan iyo sannadkii 2011-kii, xiligaas oo ciidanka Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, waxayna markii dambe ku biireen howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika (ATMIS).