31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Kenya oo ka laabatay go’aan ay ka qaadatay socdaalka Soomaalida 10 sano ka hor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xuduudka Mandheera ee Soomaaliya ay la wadaagto, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka xuduudda labada dal iyo la-dagaallanka badeecooyinka kotorobaanka ah ee aan la ogoleyn.

Dowladda Kenya waxay sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xuduuda aagga Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya uu heer gaba-gabo ah marayo, kadib wadatashi heer sare ah oo labada dal ay yeesheen.

Wasiirka amniga gudaha Kenya Kithure Kindiki oo ka hadlayay booqasho uu ku tagay magaalada Mandhera ayaa sheegay in dib u furista goobta laga gudbo ay wax badan ka badali doonto ammaanka xuduuda, isla markaana ay joojineyso dhaq-dhaqaaqa badeecadaha koontarabaanka ah ee loo isticmaalo in lagu maalgeliyo dhaqdhaqaaqyada argagixisada.

“Waxaan faray kooxaha ammaanka ee gobolka inay la fariistaan ​​hay’adaha dowladda ee halkan u jooga oo ay ka mid yihiin kastamka, socdaalka, ayna qiimeeyaan shuruudaha oo ay ku soo gudbiyaan macluumaadka muddo toddobaad gudihiis ah, si ay noogu suurtagasho in aan dib u habeyn ku sameyno xaruumaha xuduudaha oo aan dib u bilowno soohdinta,” ayuu yiri wasiir Kindiki.

Dowladda Kenya ayaa xirtay dhammaan soohdimaha rasmiga ah ee ay la wadaagto Soomaaliya sanadkii 2012-kii, si ay u joojiso duullaanka Al-Shabaab oo ka carootay howlgalka ay ciidanka Kenya ka wadaan gudaha Soomaaliya. Goobaha la xiray ee xuduudka waxaa ka mid ah isgoyska Mandheera iyo marinadii Lamu, Wajeer iyo Gaarisa.

Xiritaankaas ayaan dadka safarka ah ka joojinin in ay si sharci darro ah xadka uga gudbaan ama ay alaab kotorobaan ah u dhoofiyaan gudaha Kenya.

Wasiirka Amniga Kenya ayaa cadeeyey in qorshaha lagu furayo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya uu u wakiishay kooxda amniga ee Kowntiga, kuwaas oo soo ogaanaya, kana hor-tegi doona dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka hubeysan ee ku dhuumaaleysta aagga xuduuda labada dal.

“Waxaan farayaa kooxda amniga ee Kowntiga in ay la fariistaan ​​madaxda siyaasadda iyo odayaasha qorshe ay hagi doonaan madaxda bulshada iyo odayaasha, si looga sifeeyo maleeshiyada hubeysan ee Mandheera iyo guud ahaan gobolka Waqooyi Bari,” ayuu yiri Wasiir Amniga Kenya Mr. Kindiki.

Wasiirka oo khudbad u jeediyay hogaamiyayaasha la doortay ee Mandheera iyo odayaasha dhaqanka ee magaalada ayaa ku celceliyay in loo baahan yahay in odayaasha ay ka qeyb qaataan howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.

Shantii sano ee la soo dhaafay, gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa ka dhacay weerarro xiriir ah oo ay geysteen dagaalyahannada Al-Shabaab.

Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee kooxda Al-shabaab ay ka fulisay gobolkaas ayaa Jaamacadda Gaarisa ka dhacay sanadkii 2015-kii, waxaana lagu dilay ugu yaraan 150 qof oo arday u badnaa. 

Kooxda Al-Shabaab oo fadhigeeda ugu weyn uu yahay Soomaaliya ayaa gudaha Kenya dhaqdhaqaaqyo ka waday tan iyo sannadkii 2011-kii, xiligaas oo ciidanka Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya, waxayna markii dambe ku biireen howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee Midowga Afrika (ATMIS).

Sawirro: Axmed Madoobe oo tababar u soo xiray 150 askari iyo qorshaha laga leeyahay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta tababar u soo xiray dufcada lixaad ee ciidamada booliska Jubbaland oo qaatay tababar kala duwan.

Dufcadan oo ka kooban qeybaha kala duwan ee ciidanka booliska gaar ahaan qeybta ka hortaga danbiyada, danbi baarista, ka hortaga rabshadaha iyo booliska sida gaarka ah u tababaran.

Ciidamadan ayaa gaaraya 150 askari, waxaana tababarka loogu soo xiray Akadeemiyada ciidanka booliska Jubbaland ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa loogu tala-galay inay la wareegan amniga deeganada laga xoreeyay kooxaha argagixisada ah ee howl-galka ka dhanka ah ay wadaan ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo ciidamada xooga dalka.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in howl-galada bilowday ay sii socon doonaan, islamarkaan laga xorayn doono dhamaan deegaanada Jubbaland gaar ahaana magaalada caasimada ah ee Bu’aale waqtiyada dhow, sida uu sheegay.

“Ciidamadan waxay ka howl-gali doonaan dhamaan deegaanadii u dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda Khawaariijta ah ee Al-Shabaab, waxayna kala wareegi doonan masuuliyada sugida amniga ciidamada qalabka sida,” ayuu yiri.

Howl-galka lagu xoraynayo deegaanada Jubbaland ee dhawaan bilowday ayaa illaa hada lagu xoreeyay deegaanada Aw-qumbaale, Shandarmood, Ceelcad, Gubakibir, Canjeel iyo Janaa-Cabdalle, iyada oo ciidamadan ay durba ka howl-gali doonan deegaanadaas la xoreeyay.

ATMIS oo ka qoomameysay dilkii ka dhacay Ceel-gaabta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska guud ee howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa war rasmi ah kasoo saaray dil ay Jimcihii askar ka mid ah kuwooda ay ka geysteen isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa.

Wiilka dhalinyarada oo kamid ahaa ciyaalka darbi jiifka ayaa waxaa laba xabadood ku dhuftay askari ka tirsan ciidanka ATMIS oo la socday kulanyo mareysay halkaasi.

ATMIS ayaa qoraalka ay soo saartay ku qiratay dilkan inuu geystay askari kamid ah ciidankeeda, waxayna shaaca ka qaaday inay ka qoomamayneyso falkaasi.

“Hawlgalka ku-meel-gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waxa uu ka qoomamaynayaa falkii toogashada ahaa ee mid ka mid ah askartooda uu shalay ka gaystay isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka ATMIS.

Taliska oo sidoo kale sharraxaad ka bixiyay sida uu u dhacay dilka ayaa shaaca ka qaaday in inta la dilin marxuumka uu wax kusoo tuuray kolonyada, kadibna uu isku dayay inuu soo fuulo, taasina keentay inay ka shakiyaan ciidamada, kadibna ay sidaas ku toogtaan.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu yiri in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi, ayada oo ku baaqday in deganaan la muujiyo inta uu ka soo dhamaanayo dabagalka.

“ATMIS ayaa tan & marka uu dhacay baaritaan madaxbannaan ku billowday falka, waxayna ku baaqeen deganaan, maadaama ay baaritaanadu socdaan,” ayaa markale lagu yiri.

Dilka loo geystay wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa ka dhashay banaanbax ka dhan ah ciidamada ATMIS oo la sheegay inay si bareer ah u geysteen dilka.

Dadweyne ka careysan dhacdadan ayaa waxay xirteen wadada isgoyska Ceel-gaabta, iyaga oo dhigaya banaanbax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas.

Inta badan ciidamada kala duwan ee Muqdisho ku sugan ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

 

Sheekh Aadan Madoobe oo xiriir la sameeyay dhiggiisa dalka TURKIGA + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ku sugan Baydhabo ayaa xiriir dhanka khadka taleefoonka ah wuxuu la sameeyay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Mustafa Şentop.

Labada guddoomiye ayaa yeeshay wada-hadal gaar ah oo diirradda lagu saaray xiriirka saaxibtinimo ee ka dhaxeeya labada Baarlamaan iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday xaaladihii ugu dambeeyay ee labada dal, iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga xoogan ee ay haatan leeyihiin.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku ballamay in la wada xoojiyo xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, maadaama ay dalka ay ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab kaas oo ay ka qayb qaadaneyso dowladda Turkiga.

Dhankiisa guddoomiyaha Golaha Shacabka oo madasha ka hadlay ayaa adkeeyay in la sii laba jibaaro wada-shaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Ma’aha wadahadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan guddoomiyeyaasha Baarlamaanada ee dalalka Soomaaliya & Turkiga, ayaga oo horay uga wada-hadlay xiriirka ka wada dhexeeya.

Turkiga ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee caawiya Soomaaliya, wuxuuna si u dhow u taageeraa hay’adaha kala duwan ee dowladda federaalka oo uu ku jiro Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa ay dowladda dalka Turkiga ay Soomaaliya ka taageertaa dhanka howlgallada milatariga, ayada oo tababarta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si kastaba, wadahadalkan ay yeesheen guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo dhiggiisa dalkaas Mustafa Şentop ayaa kusoo aaday, xilli ay dalka ka socdaan howlgallo xoreyn ah oo ka qayb qaadaneyso dowladda Turkiga oo hawada ka taageereysa ciidamada Soomaaliya.

Abiy oo kulankii u horreeyay la yeeshay madaxda TPLF

0

Addis Ababa (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha waddanka Ethiopia Mudane Abiy Axmed ayaa Jimcihii wad-hadalkii ugu horreeyay ee foolka fool ah la yeeshay madaxda Tigrayga tan iyo markii uu qalinka ku duugay heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo dagaal laba sano socday, sida ay sheegeen saraakiisha iyo warbaahinta dowladda ee dalkaasi.

Kulankan oo si aad ah loo hadal ayaa ku soo aaday qiyaastii saddex bilood kadib tan iyo markii xukuumadda iyo TPLF ay kala saxiixdeen heshiis lagu joojinayo colaadda.

Sida ay ilo wareedyadu sheegayaan kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ka dhacay goob lagu nasto oo ku taalla koonfurta dalka Ethiopia, halkaas oo ay isku arkeen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in Abiy iyo xubnaha uu la kulmay oo uu ka mid yahay Getachu Reda ay falanqeeyeen heshiiska labada dhinac ee lagu soo gardaadiyay dalalka Koonfur Afrika iyo Kenya, kaas oo ugu dambeyn keenay in wadahadalladu ay guuleystaan.

Labada dhinac ayaa si gaar ah u eegay mowduucyada u baahan in il gaar ah lagu eego, si looga mira-dhaliyo dadaallada nabadda ee waddanka Ethiopia.

Heshiiska labada dhinac oo la saxiixay Noofambar 12-keedii ayaa waxaa ku jirtay hub ka dhigista TPLF, taas oo ugu dambeyntii dhaqan gashay iyo sidoo kale bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa ENDF (militeriga federaalka)” ee gobolka Tigray.

Si kastaba, colaadda oo ka soo gudubtay dhulka Tigray ayaa gaartay gobollada ay dariska yihiin ee Axmaarada iyo Canfarta, waxaana ku dhintay kumannaan qof, malaayiin kalena ka barakicisay guryahoodii, halka boqolaal kuna ay qarka u saaran macaluul daran, kuwaas oo ay haatan dowlada Itoobiya heshiiska kadib u fasaxday in loo geeyo gargaar bini’aadanimo.

Elections postponed as leadership crisis rocks Somalia Football Federation

Mogadishu (Caasimada Online) – The Somalia Football Federation (SFF) has been hit by a leadership crisis that threatens to derail the progress made in the last five years. 

Two factions have emerged, with claims of corruption, poor governance, and ethnic and political fighting, leading to the intervention of the Ministry of Sports and Congress members to stop planned parallel elections .on February 1 in Mogadishu. 

The first faction, led by acting President Ali Abdi Mohamed, had planned to hold their elections at the Elite Hotel. On the other hand, the coalition backing Wish Haji Yabarow, son of former Basketball Federation president Aden Haji Yabarow, was to hold their elections at Jazeera Hotel.

Allegations of election rigging

At least 20 members of Congress have raised allegations against Mohamed, accusing him of scheming a manipulated election. 

Critics of Mohamed point fingers at foreign influences as the root cause of the current stalemate, with Souleiman Waberi, the President of the Djibouti Football Federation, repeatedly implicated as a driving force behind Mohamed’s return.

Abdurahman Mumin, a civil society activist, has accused Waberi of using his FIFA and CECAFA connections to influence the polls.

Ali Barre, a co-owner of Hilaac Club, a Series B team, has appealed to FIFA to step in and rescue Somali football. A source cited by Caasimada Online reported that FIFA had extended an invitation to SFF officials for potential arbitration in light of the current turmoil.

Successes and setbacks in the last five years

Football in Somalia, post-civil war, has experienced a considerable expansion in the past five years. The league boasts a diverse array of foreign players from countries across Africa, including Kenya, Nigeria, Ghana, Uganda, and Cameroon.

The SFF has made remarkable achievements, including constructing world-class stadia and the October 2022 U-17 Cecafa win. However, former SFF President Abdiqani Said Arab was dismissed for abuse of power in December 2021 and was accused of misappropriating funds.

FIFA guidance and ministry ultimatum

The Federal Ministry of Youth and Sports suspended elections of the SFF that were to be held on December 28, 2022, after receiving complaints from some members of the football fraternity. 

The SFF electoral committee disregarded the guidelines outlined in the Somalia Stability Funds statutes, the electoral code, and FIFA’s overall guidance.

The governing body of world football, FIFA, guided the SFF statutes to address the current dilemma, and the Ministry of Youth and Sports has set a deadline for the SFF to organize elections by January 30, 2023.

Conclusion

The fate of the SFF leadership and that of Somalia football remains in the hands of the 46 voting Congress members. The Congress comprises 25 independent organizations, coaches, universities, and federal state representatives. 

With the continued wrangles within the Somalia Football Federation, it remains to be seen how the future of football in the country will pan out.

Kenya to re-open Somalia border after 10-year shutdown

Mandera (Caasimada Online) – Kenya has taken a significant step towards improving its relations with Somalia by announcing it will reopen the Mandera border post with Somalia to enhance border security and combat the smuggling of goods used to fund terrorism.

The country’s Internal Security Minister, Kithure Kindiki, has directed county security teams to work with government agencies, including customs and immigration, to assess the requirements needed to renovate the border post and begin operations again.

The Mandera crossing, along with those in Lamu, Wajir, and Garissa, was closed by Kenya in 2012 in an effort to prevent incursions by al-Shabab militants operating from Somalia. Despite the closures, people have continued illegally crossing the border and smuggling goods.

Enhancing border security in Northeastern Kenya

In order to address these security concerns, Minister Kindiki has tasked the county security team with identifying armed militants in the border region and working with political leaders and community elders to plan security operations.

During a recent security tour in Mandera and Wajir counties, Kindiki emphasized the importance of community leaders and elders in these efforts.

This move will significantly impact trade and commerce between the two countries and is expected to boost economic growth in the region.

Al-Shabab attacks in Northeastern Kenya

The northeast region of Kenya has suffered a series of attacks by al-Shabab militants in recent years. The deadliest attack occurred in 2015 when the group killed nearly 150 people at Garissa University College.

Al-Shabab has been active in Kenya since 2011 when the country first contributed troops to the African Union-led peacekeeping mission in Somalia.

Reopening the Mandera border post is seen as a crucial step in improving security in the region and preventing the flow of smuggled goods that fund terrorism.

Improving relations after years of tensions

The relationship between the two countries has been improving in recent months after being strained for several months due to a maritime border dispute.  In 2021, the International Court of Justice (ICJ) finally ruled in favor of Somalia, but Kenya rejected the ruling and the dispute has continued to be a source of tension between the two nations.

Despite this setback, both countries were determined to improve relations and resolve the issue.

President Hassan Sheikh Mohamud, upon his re-election, sought to improve relations between Somalia and Kenya. He visited Kenya twice, meeting with outgoing President Uhuru Kenyatta and newly elected President William Ruto.

During the bilateral talks, both countries reached several agreements, one of which was Somalia lifting the ban on Khat and Kenya committing to facilitate the entry and movement of Somali citizens.

The reopening of the first border post between Kenya and Somalia after more than a decade is a positive step towards improving relations and boosting economic growth in the region.

Somalia again ranked most corrupt country in the world

Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia has been ranked as the most corrupt country in the world by Transparency International, a Berlin-based corruption watchdog.

The country received only 12 out of a possible 100 points in the 2022 Corruption Perceptions Index, which surveyed 180 countries.

The never-ending conflict in Somalia is a leading cause of corruption, along with terrorism, suppression of media freedom, political, social, and economic instability, and suppressed freedom of speech.

Corruption and conflict: A vicious cycle

Conflict and corruption are intertwined in Somalia, with one feeding into the other. Corruption undermines the government’s ability to protect the people and erodes public trust, leading to more security threats that are harder to control.

On the other hand, conflict creates opportunities for corruption and subverts the government’s efforts to stop it. The continued conflict in Somalia has created a favorable environment for corruption to thrive.

The root causes of corruption in Somalia

Somalia has been experiencing extreme levels of poverty. It is battling its worst drought in 40 years. However, the corruption in the country has made it unattractive to relief food agencies.

The resultant dysfunctional institutions are primarily to blame for the continuing corruption, as they enable misrule. A lack of any form of regulatory mechanisms to address the situation means corruption continues to remain rampant in Somalia.

Corruption affects virtually every aspect of the country, from the judicial system to public services, administration, police, tax and customs administration, legislation, natural resources, public procurement, and civil society.

Fighting corruption in Somalia

Daniel Eriksson, CEO of Transparency International, believes leaders can fight corruption and simultaneously promote peace. Governments must open up space to include the public in decision-making, including activists, business owners, marginalized communities, and young people.

Despite some improvements in the 2021 ranking, Somalia is once again ranked as the most corrupt country in the world in the recently released Corruption Perception Index by Transparency International.

The dissolution of anti-corruption bodies

Transparency International raised concerns about President Hassan Sheikh Mohamud’s decision to dissolve anti-corruption bodies in October 2022, noting that this indicates that he’s not ready to tackle corruption in the country.

The dissolution of the Judicial Service Commission, which is responsible for the administration of justice in the country, means that corruption cases can only be effectively prosecuted if President Hassan Sheikh Mohamud reconstitutes the two critical organs that handle corruption cases.

Foreign aid and corruption in Somalia

Somalia primarily relies on foreign aid to run its $967 million budget and aims to collect $230 million this year. However, questions have been raised about the commitment to fight corruption, as financial assistance from international partners is only sometimes accounted for.

Seychelles continues to lead Africa with a CPI score of 70, followed by Botswana and Cabo Verde. Despite some improvements, the rest of the African countries have stagnated or deteriorated in their ratings, with Africa struggling to root out corruption.

Conclusion

Somalia’s corruption crisis is a deep-rooted problem that affects virtually every aspect of the country. Conflict and corruption are intertwined, with one feeding into the other.

The dissolution of anti-corruption bodies and the continued reliance on foreign aid raise questions about the commitment to fight corruption in the country. Somalia must address its corruption problem to boost investor confidence and attract relief food agencies.

Booliska Muqdisho oo soo bandhigay nin ‘gaangis ah’ oo loo haysto dambiyo culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska ka howlgala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane loo heysto inuu xalay Toorey ku dilay nin lagu magacaabi jiray Salaad Maxamuud Cabdulle.

Sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir, ninkaan ayaa ka mid ahaa waxa loogu yeeray ‘gaangiska’ dadka dhaca, wuxuuna teleefankiisii gacanta ka qaatay ninkii uu dilay xalay.

“Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Kaaraan ayaa gacanta ku dhigay eedeysane kamid ah Kooxda Gaangiska ah oo xalay degmada Kaaraan ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacqabi jiray Salaad Maxamuud Cabdulle, isaga oo ku dilay toorey, kadibna ka qaatay teleefankiisii gacanta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa qoraalkaan ku sheegay inay ka go’antahay in caasimadda Muqdisho iyo deegaannada kale ee hoos yimaada laga ciribtiro dadka ku howlan  amniga darrada iyo dhibaateynta bulshada, sida burcadda hubaysan, ciyaal-weerada iyo argagixisada.

“Ciidanka ayaa isagoo baxsad ahaa ka qabtay Xaafadda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan, waxaana haatan lagu soo xiray Saldhigga Degmada, waxaana loo gudbinayaa Maxkamadda Ciidamada,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir.

Maalmihii lasoo dhaafay booliska gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay rag badan oo loo heysto tuugnimo iyo dilal ay geysteen, tallaabadaas oo aad ay u amaanayaan dadka reer Muqdisho oo dhibane u ah, amni darrada hareysay magaalada.

Tuugada dhaca u geystada dadka ayaa aad ugu badan caasimadda Muqdisho, balse booliska ayaa si joogto ah u baacsada, balse weli mayaraanin oo dadka si joogto ah ayaa loo dhacaa, loona dilaa.

Dadka reer Muqdisho ayaa mudo dheer dhibane u soo ahaa tuugada agabka ka furata, marar qaarna disha iyo argagixisada oo dil iyo qarax isugu darta kuwooda hal-doorka ah, balse hadda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha amniga ayaa si joogto wacad ugu mara in amniga Muqdisho ay wax badan ka qabanayaan.

Hada waxaa magaalada ka yaraaday qaraxyadii, meelaha qaar waxaa ka socda baaritaano ay sameynayaan hey’adaha ammaanka, halka xaafadaha qaarna lagu baacsado tuugada iyo cid kasta oo loo arko inay mniga wax u dhimeyso.

Waxaa xusid mudan in meelaha xasaasi ah ee ugu muhiimsan magaalada lagu daadiyey ciidan Dharcad ah, si dhaqdhaqaaqa bulshada ay ula socdaan, amni darradana ay uga hor tagaan.


 

Daawo: Xamza oo sheegay 2 arrin oo uu aad u dhibsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta ka hadlay nidaamka qabaliga ah ee xilalka lagu qeybsado, isagoo sheegay inuu aad u dhibsaday hanaanka ay hadda wax u qeybsadaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sidaan ay ka wanaagsan tahay in qof kasta lagu qiimeeyo aqoontiisa oo qabiilkiisa aan loo fiirin.

Hadii taasi ay suurta-gasho wuxuu sheegay inay dhici doonto in la arki doono laba qof oo walaalo ah oo aqoontooda ku gaaray heerar sare oo hadda aysan suurtagal aheyn inay dhacdo, maadaama 4.5 wax lagu qeybsado.

“Nidaamka xukunka ee aan wax ku qeyb-sano waa in aan iska saxno, runtii layaab ayuu leeyahay nidaamkaan, laba qof oo walaalo ah hadii ay tartan galaan oo guuleystaan waa in aan lala yaabin, waa in laba walaal ay xafiis wada fariisa karaan,” ayuu yiri Xamza Barre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya iyadoo dhawaan Taliyaha booliska Soomaaliya loo magacaabay sarkaal isaga ku heyb ah, taas oo hadal-heyn iyo guux badan abuurtay.

“Waa in nidaamkaan 4.5 ah aan k baxaa, waa in Xildhibaanka laga daayo cadaadiska oo aqoon lagu raadiyo jagooyinka dowliga ah, sida aan isku xukumeyno markii aan iska saxno ayey cadaaladu imaan doontaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday musuq maasuqa lagu sheego Soomaalida, iyadoo dhawaan uu dalkeenu kaalimaha ugu horeeya ka galay qiimeynta dalalka ugu musuqa badan dunida.

“Waxaa musuqa looga saari karaa dadkeena in la fahamsiiyo dowladnimada, musuqu wuxuu noqday Soomaalida meheradeeda, meel kasta ayuu ka jiraa, marka wax yaabo badan ayaa saxid nooga baahan,”  ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Barre.

Hoos ka daawo

EDITORIAL: Deep-seated grievances, tribalism, and extrajudicial killings fuel Somaliland’s revolt

0

Hargeisa (Caasimada Online) – When Somaliland’s principal tribal elders and political figures began establishing their own breakaway administration Thirty years ago, on May 18th, 1991, they pledged to eliminate tribalism and unite their enclave’s disparate tribes into a cohesive nation.

But that was a short-lived dream. Throughout the next 30 years – especially when their state started to shape up – its successive leaders have succumbed to the temptation to toy with clan loyalties, sowing discord among them to tighten their grip, thereby marginalizing some key tribes.

In the vacuum, as Somaliland’s leaders continued favoring a few tribes at the expense of others, including indigenous tribes, vertical inequalities, lack of political rights, and economic grievances started to grow, creating a long battle about identity and historical sentiments tribes had nursed around who belongs to the land.

Decades-long discriminations and marginalization against some tribes, including those based in eastern regions and territory stretching from the border with Ethiopia where much of oil resources are located, added to the grievances that ignited protests against Somaliland’s leader which saw the resources’ rich territory fell from his grip last month.

When the anti-government protests erupted in Lasanod, a town in Sool, a region that Somaliland occupied 15 years ago from the neighboring Puntland, Somaliland’s leader Muse Bihi appeared unsure how to respond.

 At first, he insisted that calls for an end to the mysterious extrajudicial killings in the town by the protestors had been put in the shade by saboteurs who were part of an external conspiracy to undermine Somaliland’s stability and unity.

In the following weeks, Mr. Bihi ordered his troops to crackdown against protesters, with soldiers and battlewagons sent into the restive town to combat “criminal gangs.” At least 10 protestors were killed.

Despite the intensifying crackdown, the revolt continued unabated in the town. Protestors began to take up arms, first to defend themselves and then to oust ‘occupying’ forces from their town. Anti-Somaliland militias have taken control of the city after evicting forces loyal to the government.

The eastern region of Sool, the epicenter of the anti-British and Italian control resistance in Somaliland in 1899, has long represented a political headache for Somaliland leaders.

Challenging the breakaway state’s rule, leaders of the anti-Somaliland uprising, including the most influential tribal chiefs, have since returned home, ending nearly two decades of exile. 

Hundreds of local politicians, elders, and residents assembled in a massive conference hall in Lasanod town, now entirely under tribal militia’s control. They announced unilateral plans to establish their autonomous government, declaring independence from Somaliland.

The uprisings, although over long-festering grievances that neither successive Somaliland governments solved, appear to be threatening the rule of the current Somaliland leader, who has recently embarked on a controversial two-year term extension, ignoring calls by the opposition to hold elections.

In a sign of growing cracks within the government on the backdrop of the uprising, several officials broke with Bihi’s administration. In protest over the deadly response to the protests before they devolved into an armed uprising.

Seeking to contain the fallout from the revolt in the Sool region, Bihi, the Somaliland president now facing the threat of the rebellion spread into other regions, deployed more troops in potential hotspots.

The prospect of partition has hung over Somaliland, partly owing to its long history of political discord and its relatively short history of harmony despite it being a peaceful haven in the troubled horn of Africa region. 

Some major clans in the region resented the exclusive patronage and benefits, including the unfair distribution of resources that Somaliland leaders have granted to a network of favorite tribes.

The capture of Lasanod town by tribal militias has also revealed signs of shifting loyalties within the security apparatus as members of the Somaliland troops have defected and joined the revolt against president Bihi, indicating that their tribal connection can trump over loyalty to their leader.

CC Shakuur oo si aan la fileyn u dhigay shirkii Muqdisho ee madaxda dalalka safka hore

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal dheer kasoo saaray shirkii Arbacadii ay magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in shirkan uu ka dhigan yahay in dowladda Soomaaliya ay nabad la tahay deriskeeda, islamarkaana ciidanka Soomaaliya uu hoggaanka u hayo dagaalka argagixisada ka dhanka ah.

“Waxaase aragti, istiraatiijiyad iyo xeeladba u bahaan maaraynta is diiddada faragelintii shalay argagexisada keentay iyo taageerada looga rabo in lagu ciribtiro,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa iskula xiriiriyay dhacdooyin dhacay 2005 illaa 2007-dii, kuwaasi oo iftiiminaya halka ay taagan tahay Soomaaliya iyo meesha ay ka imaatay.

Shirka Soomaliya iyo Dalalka Safka hore ayaa waxa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa howl-galada lagu cirib-tirayo argagixisada, ayada oo madaxda ay isla garowsadeen baahida loo qabo iskaashi sare loogu qaadayo garab is-taagga dalalka deriska ah ee la xiriira dagaalka ay Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran.

Sanadkii 2005, Nairobi oo xilligaa fadhi u ahayd Baarlamaankii KMG ahaa ee Dawladda Federaalka, ayey Xildhibaannadii kuraasta isla dhaceen kadib markii ay isku khilaafeen in Soomaaliya la geeyo ciidan ka socda dalalka safka hore, waxaa xilligaa si gaar ah loo diiddaanaa Itoobiya.

17 sano ka dib dawladihii safka hore ayaa maanta Muqdisho ku shiraya, iyagoo gurmad ciidan iyo guluf colaadeed looga rabo dagaalka argagexisada Al-Shabaab ka dhanka ah.

Xilliga kuraasta la isla dhacayo dooddu waxay ahayd derisku dano toos ah oo afsaar ah ayey dalkeena ka leeyihiin, sidaas darteed laguma kalsoonaan karo, halka doodda deriska ay ahayd in halista amni darrida Soomaaliya ay iyaga toos u taabanayso, waxayse ku dhamaatay in safka hore laga reebo oo Uganda, Burundi iyo Sierra Leone la keeno.

Sanadkii 2006, markii ay guuldaraysteen wadahaladii Midowgii Maxkamadaha iyo Dawladdii KMG ahayd, saraakiil ka tirsan Maxkamadaha ay farriimo hanjabaad ah Itoobiya warbaahinta u mariyay, durba Itoobiya hadalkii bay la booday, waxayna ku marmarsiyootay in halistii amni ay durba dig soo tiri, iyadoo taageero caalami ah wadata ayey cagta marisay Maxkamadihii.

Sanadkii 2007, markii la aasaasay Isbahaysigii dib u xoraynta Soomaaliya, kooxda Al-Shabaab ayaa gooni isku taagtay, kadib weerarro iyo afduub ay gudaha iyo xadka Kenya ka gaysteen, Kenya oo iyaduna ku doodaysa in ay Soomaaliya halis amni kaga imaanayso ayaa sanadkii 2011 gudaha u soo gashay waddanka.

Dawladihii xilka iskaga danbeeyey ayaa Kenya iyo Itoobiya u oggolaaday in ay AMISOM ka mid noqdaan, Jabuutina way ku soo biirtay, maadaama aysan ka maqnaan karin, mar haddii dawlidihii kale ay Soomaaliya galeen.

Maraykan oo hor kacayey taageerada caalamiga iyo Itoobiya oo hawlgalka gudaha wadday, labaduba ma inkirsana in faragelintii iyo duullaankii Itoobiya uu qayb wayn ku lahaa soo ifbaxa iyo kobaca kooxda Al-Shabaab.

Dhinac waa ka ayaan dari oo ah in dawladihii aan la tartami lahayn, kulana loollami lahayn hoggaanka Geeska Afrika ay maanta gurmad ciidan inoo yihiin, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa

“Lax waliba shillinkii ay is dhigtaa lagu gawracaa”!!

Dhinaca kale, yididdiilo ayaa muuqata maadaama shirka uu Muqdisho ka dhacayo, taasoo ka dhigan in dawladu Soomaaliya ay nabad la tahay deriskeeda, iyaduna marti gelinta, ajandaha iyo hoggaanka shirka leedahay, ciidanka Soomaaliya uu hoggaanka u hayo dagaalka argagexisada ka dhanka ah, waxaase aragti, istiraatiijiyad iyo xeeladba u bahaan maaraynta is diiddada faragelintii shalay argagexisada keentay iyo taageerada looga rabo in lagu ciribtiro.

Taasi waa jebinta qandhada cudurka oo ah sidii aan isaga dulqaadi lahayn argagexisada arxan laawayaasha ah ee ina baday in aan ajnabi asaageen ah maciinsano?.

Waxaanse is moogaysiin iyo dhalanteed lagu dhaafi karin in aan dhab uga wada hadalno sababaha keenay cudurka asaageen naga reebay? Sideen qabyaaladda, gobolaysiga, kooxaysiga, musuqa, eexda, qof jecylasiga iyo danaysiga shakhsiga ah uga bixi karnaa ama u dhimi karnaa?.

Wadajirna ugu duubannaa ka shaqaynta danta guud, saraynta sharciga iyo dhismaha dawlad loo siman yahay oo xaqsoor ku dhisan, taasoo ilaalisa xuquuqda muwaadinka, iyo danta qaranka

Shan arrimood oo haddii deg deg loo dhaqan-galiyo sii burburin doona Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Al-Shabaab dhibaato uga weyn waayadan majirin shirkii culimada ee dhawaan Muqdisho kusoo idlaaday iyo kii Arbacadii ka dhacay isla Muqdisho ee u dhaxeeya afarta nin ee ugu sareysay dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Sidoo kale hoggaanka ciidamada ee afartaas waddan ayaa shiray, labadaas kulan midna fikir ahaan ayuu u dumiyay kooxda, midna ciidan ahaan ayaa la filayaa inuu u dhameystiro Al-Shabaab.

Halkan waxaa kusoo koobeyna shan arrimood oo ay madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda dalalka safka hore isla qaateen oo haddii degdeg loo dhaqan-geliyo soo dadajin doonta gaba-gabada Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah;

1. Dagaalka dhowrka furin: Al-Shabaab waxay weli nasiimo ku haystaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxay taasi u sahashay inay u gurmadaan kooxdooda lagu ugaarsanayo Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda Soomaaliya iyo dalalka safka hore waxay isla qaateen in dhowr furimood lagu furo kooxda Al-Shabaab.

Haddii Koonfur Galbeed uu dagaalka ka billowdo, midka Jubbaland isagna uu si dhab ah u billowdo oo ay Ethiopia iyo Kenya caawiyaan ciidamada dagaalka ku jira, dhinaca Galmudug iyo HirShabelle uu dagaalka kasii socdo macnaheedu waa dhamaadka Al-Shabaab.

Afar maamul goboleed oo dagaal dhab ah kaga socdo oo ay ciidanka Midowga Afrika qeyb ka yihiin uma dulqaadan karto kooxda Al-Shabaab.

Qoddobkan wuxuu u baahan yahay dadajin.

2. Baxsadka Al-Shabaab iyo deriska: Maalmahan waxaa jiray warar sheegaya in caruurtooda iyo xaasaskooda ula cararaan dalalka deriska.

Qaar ayaa dhanka xuduudaha qarsoodi uga gudbaya, qaarna baasabooro ayay isku dayayaan inay helaan si ay dalal kale u galaan oo uga baxsadaan dagaalka socda.

Afarta dowladood waxay isku raaceen in aad loo adkeeyo xuduudaha oo la hor istaago firxadka kooxda Al-Shabaab.

Tani waxay laamaha socdaalka ee afarta dal fareysa baaris dheeri ah, waxayna sahli doonta in xubno badan oo Al-Shabaab ah ay sharciga isku dhiibaan iyaga iyo qoysaskooda.

3. Mideynta qorshaha la-dagaalanka argagixisada: Afarta dal ee Kenya, Soomaaliya, Ethiopia iyo Jabuuti qolo walba waxay leedahay nidaam gaar ah oo ay kula dirirto argagixisada.

Hadda waxaa lagu heshiiyay in afarta wadan fikirkooda iyo qorshooyinkooda la-dagaalanka argagixisada la mideeyo.

Taas waxaa ku jirta fursad ballaaran oo waxay dalalka heli doonaan xogo dheeri ah iyo xirfado cusub.

Waa arrin kale oo u baahan in dhaqso loo dabaqo si ay u guuleysto awooda sirdoon ee lagu wajahayo kooxaha argagixisada.

4. Hubka iyo ciidanka Soomaaliya: Xili Al-Shabaab uu hubku gabaabsi ku yahay oo sidoo kale aanay heli karin dhaqaale badan oo hub kusoo iibsadaan in dhinaceeda kale ciidanka dowladda Soomaaliya la siiyo hub dheeri ah waxay xoojin doonta natiijada dagaalka.

Sidoo kale halkan waxaa ku hoos jirta in aad loola socdo kooxaha isku dayaya inay Al-Shabaab hub ka iibiyaan.

5. Barnaamijka xasilinta: Deegaanadii laga saaray kooxda Al-Shabaab weli lagama bilaabin dib u dejin, in dadku helaan gargaar, in lasoo celiyo adeegyadii bulshada, loona sameeyo maamulo ay aqbali karaan waxay sahli doonto in aanay Al-Shabaab dib ugu soo laaban dhulkii laga saaray.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dalalka deriska waxay beesha caalamka weydiisteen in arrintaas laga caawiyo Soomaaliya.

In degdeg loo dabaqo barnaamijka xasilinta ee laga sameynayo deegaanadii laga saaray Al-Shabaab, waa tallaabo weyn oo si degdeg ah wax uga tari doonta natiijada dagaalka.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii labaad ee weeraray xarunta gobolka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markale toddobaad gudihiis soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir.

Kooxda ayaa ninkaan 2-aad ee ay shaacisay inuu kamid yahay raggii fuliyay weerarkii gobolka Banaadir ku sheegtay magaciisa Nuur Maxamed Suleymaan (Cabdi-Qani).

Cabdi-Qani ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay maleeshiyada weerarka kusoo qaadin xarunta ayaa wuxuu ku sheegay inuu kooxda kusoo biiray horaantii 2015-ka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Gaaljecel, gaar ahaan Makaahiil Cumar Mataan.

“Wax naxariis ah oo aan idin galeyno majirto, xataa ahow kan aabaheen dhalay mar hadda safkaas gashay ku dhaafi mayno. Anaga magaalo uma dagaalano hada ku faaneysan magaalo ayaa qabsanay,” ayuu ku yiri wareysi laga qaaday ninkaan intii aysan maleeshiyada weerarka ku qaadin xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay baahisay warbaahinta kooxda.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

Isniintii ayay aheyd markii ay kooxda soo bandhigtay ninkii 1-aad ee kamidka ahaa raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cilmi Cumar Xasan Afrax (Yaxye).

Yaxye ayaa sida uu sheegay kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

22-ka bishii hore ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, wuxuuna weerarkaas ku soo aaday, xilli muddooyinkii dambe ay kooxda culeyska soo saartay magaalada Muqdisho kadib dagaalka culus ee kaga socda gobolada dalka.

ATMIS oo wiil dhallinyrao ah maanta ku dilay Muqdisho iyo shacabka oo tallaabo qaaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa howl-galka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa maanta wiil dhalinyaro ah ku dilay isgoyska Ceel-gaabta ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in askarta ATMIS ay illaa laba xabadood ku dhufatay wiilka dhalinyarada ah, oo kamid ahaa ciyaalka darbi jiifka.

Askartan ayaa markii dilka ay geysteen kadib waxay ciidamada dowladda ee ku sugan koontaroolka laga galo Madaxtooyada ee Ceel-gaabta u diideen gaadiidka ay wataan ciidamada ATMIS inay ka gudbaan halkaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dilka wiilka dhalinyarada ah uu ka dhashay banaanbax illaa hadda socda, kaasi oo ka dhan ah ciidamada ATMIS oo la sheegay inay si bareer ah u geysteen dilka.

Dadweyne ka careysan dhacdadan ayaa waxay xirteen wadada isgoyska Ceel-gaabta, iyaga oo dhigaya banaanbax ay ku dalbanayaan in cadaalad loo helo dilkaas.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadaan maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Inta badan ciidamada kala duwan ee Muqdisho ku sugan ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay bilihii lasoo dhaafay, taasi oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Isimida Laascaanood ku shirsan oo war lama filaan ah ka soo saaray fara-gelintii Geelle

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada gobolka Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn ee maalmihii dambe uu shirka uga socda magaalada Laascaanood, ayaa markii u horeysay ka hadlay mowqifkooda ku aadan dhex-dhexaadinta madaxweynaha Jabuuti ee xiisada taagan.

Afhayeenka guddida 33 ka ah ee maamulaysa shirka, Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xilligaan aysan jirin wax dhex-dhexaadin ah oo ay aqbalayaan, kadib hadalkii shalay kasoo yeeray urur goboleedka IGAD.

“Maya hadda diyaar uma nihin arrintaan, hadii aanu nahay dadka gobolada waxaa weli isbitaalada noo yaala dhaawicii ay gaysatay Somaliland, xaalada dadkayaguna waxay maraysa meel adag, magaalada 80% ama 90% waa laga qaxay,” ayuu yidhi Falaalug.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay jirto cabsi ay ka qabaan in ciidamada Somaliland ay soo galaan, sidaa darteed aanay ku jirin jawi ay wada-hadal iyo waan waan kula galaan Somaliland.

“Macquulna maaha, meel ay ka shaqaysana garan maayo qof aad qoorta kaga taagan tahay ila hadal, meel ay ka dhacdaa ma jirto,” ayuu yiri Jiif Caaqil Cabdirisaaq Xasan Falaalug.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu ku celceliyay in aanay jirin cid ay dhex-dhexaadin ka aqbalayaan, balse taas badalkeed ay xiligaan rabaan in Geelle iyo IGAD oo ka yimid baaqa dhex-dhexaadintu ay ciidanka Somaliland ka saaran guud ahaan gobolka.

“Majirto cid aan dhexdhexaadin ka aqbalaynaa, IGAD ha ahaato, ama Jabuuti, dowlada federaalka Soomaaliya ama dowladaha kale ee caalamka ilaa ciidanka Somaliland baxo. Ismaaciil Cumar Geelle iyo IGAD ha saaraan ciidanka dadka yaga dilay.”

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii urur goboleedka IGAD uu shaaciyay in uu bogaadinayo door nabadeed uu madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ku leeyahay xiisadda ka taagan Laascaanood, si xal waara loogu helo.

“IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti inay soo fara-geliso xiisada Laascaanood.

Garaadka ayaa dowladda federaalka iyo Jabuuti ka dalbaday inay dhulkooda uga saaran Somaliland, ayna soo kala gaadhaan iyaga iyo maamulka Muuse Biixi inta ay isfara-saarin, sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, Magaalada Laascaanood ayaa marti-gelisay maalmo rabshado ah, ayada oo xasaradda ka taagan magaalada ay sababtay in dadku ka qaxaan, xili ciidamada Somaliland ay magaalada dibada ka joogaan, islamarkaana ciidamo hubaysan oo garaadada daacad u ah ay gaaf wareegayaan gudaha magaalada.

Ilhan Cumar oo ka jawaabtay tallaabadi looga saaray…

0

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay tallaabadii xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada uga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga oo ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Ilhaan ayaa sheegtay in ay u hadasho dadka dhiban ee caddaaladda raadinaya guud ahaan caalamka, howshaas ayay tilmaamtay in ay sii wadi doonto illaa ay dadkaas ka helayaan waxa ay raadinayaan, sida ay sheegtay.

Xubinnimada Aqalka Congress-ka ayay ku sheegtay in ay tahay mid ka tarjumeyso u hadlidda dadka ay wakiilka ka tahay iyo kuwa kale ee dhibaatooyinka la kulmaya balse aan heli karin meel ay kusoo bandhigaan, islamarkaana ay tallaabadan caburin doonin.

“Waan sii wadi doonnaa in aan u hadlo qoysaska caddaaladda raadinaya guud ahaan Caalamka, dabcan kama baaqsan doonno in aan codkooda noqdo dadka ku xareysan xeryaha qaxootiga iyo kuwa guryaha ku cabursan, halkaan uma imaan in aan aamuso ee waxa aan u joogaa in aan codkeyga muujiyo una hadlo dadkaas,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa hore u sheegtay in qaar ka mid ah dadka dhaliila ee ugu horreeyo afhayeenka aqalka Congress-ka Mareykanka Kevin McCarthy uu isku dayayo in ay ka saaraan guddiga arrimaha dibadda ee Aqalka Congress-ka Mareykanka, taasi oo markii dambe uu Jamhuuriga u codeeyey.

Waxa ay sheegtay in sababta u weyn ee Kevin iyo qaar kamid ah dadka dhaliila u beegsanayaan ay tahay “waa Muslimad qaxooti ah kana soo jeeda Soomaaliya.”

Ilhaan ayaa sidoo kale waxay sheegtay in lagu eedeynayo inay neceb tahay Yuhuudda, iyadoo tilmaamtay in ay kala shaqeyso asxaabtayda iyo bulshadeeda si ay ula dagaallamto nacaybka Yahuudda.

Waxay sheegtay in qaar badan oo kamid ah xubnahan aysan rumaysnayn “in qof Muslim ah, qaxooti ah, Afrikaan ah, uusan xitaa joogin Congress-ka, iska daa inuu fursad u helo inuu ka mid noqdo guddiga arrimaha dibadda.”

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa ahayd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo kamid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog.

Ilhaan ayaa ah mid kamid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka.

DF oo taageero u heshay qaadista cuna-qabateynta saaran Soomaaliya ee…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda Jabuuti, Ethiopia iyo Kenya ayaa Arbacadii shir muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku gaareen in ay si wada-jir ah u qorsheeyaan istaraatiijiyada howl-gal loo dhan yahay oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Shirkaas ayaa waxay Soomaaliya ku heshay taageero horleh oo la xiriirta qorshaheeda qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa isla qaatay in ciidamada amaanka oo si wanaagsan loo qalabaeeyay ay guulo la taaban karo ka gaari karaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada.

Madaxdan ayaa war-murtiyeed ay soo saareen Arbacadii waxay beesha caalamka kaga codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, taasi oo u ogolaaneysa dowladda federaalka inay si wanaagsan u qalabeyso ciidankeeda la-dagaalamaya argagixisada.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale isku raacay muhiimada ay leedahay in la sameeyo hab wadajir ah oo loo sugo amniga xuduudaha, si loo baabi’iyo dhaq-dhaqaaqyada argagixisada ee ee xuduudaha iyo xaqiijinta marin sharci oo ay helaan ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa dadka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan galineysa sidii looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saaran.

Danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Linda Thomas-Greenfield oo dhawaan soo gaartay magaalada Muqdisho ayuu sidoo kale madaxweyne Xasan hordhigay dalab la xiriira arrintaan.

Xasan ayaa waxa uu Linda ka dalbaday in Mareykanka uu gacan ka siiyo sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran.

Waxa uu sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka ka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa xilligaan ka qeyb qaata duqeynta Al-Shabaab oo dagaal culus lagula jiro, wuxuuna dhawaan ciidamada DANAB ee uu tababaray soo gaarsiiyay saanad iyo hub lagu qiimeeyay illaa 7 milyan oo dollar.

Golaha Ammaanka ee QM ayaa bishii Janaayo 1992-kii kusoo rogay Soomaaliya cunaqabateyn aan dhamaad lahayn kahor inta aan qeyb ahaan wax laga bedelin Febraayo 2007-dii, si loogu ogolaado sahayda hubka ee ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Sawirro: Xasan oo Baydhaba gaaray iyo qorshaha safarka

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel-gaarka ah ee maamulka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka Shaati Gaduud madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe iyo masuuliyiin ka kala tirsan golayaasha maamulkaasi.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa la xiriira gunaanadka shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo muddooyinkii dambe ka socday halkaas, kaasi oo uu furay 17-ka bishii hore.

Shirkan ayaa afar maalin kahor galay wajigiisa labaad, waxaana lagu wadaa in dhawaan lasoo gaba-gabeeyo, ayada oo saacadihii lasoo dhaafay ay magaalada ka socdeen kulamo loogu gogol xaarayo mira-dhalka shirkan oo xaqiijinaya Koonfur Galbeed heshiis ah.

Amaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay, ayada oo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe uu xalay la kulmay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiintan wuxuu kala hadlay dardar-gelinta wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed, isaga oo u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad.

Wajiga labaad ee shirka ayaa lagaga arrinsanayay hanaanka geedi socodka nabada, sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Si kastaba, Arrimahan ayaa imanaya iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.

Xog: Mahad Salaad oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta amniga magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa tan iyo markii uu yimid hay’adda wuxuu isbeddelo waaweyn ku sameeyay hanaankii ay NISA u shaqeynaysay, taasi oo sanadihii dambe si weyn ugu dhex-milantay arrimaha siyaasadda.

Marka la iga imaado dib u qaabeynta NISA, sidoo kale waxa uu Mahad qaaday tallaabooyin qeyb ka ah qorshaha dowladda ay kula dagaalameyso kooxda Al-Shabaab, wuxuuna gudaha Muqdisho ka qortay dhar cad aad u badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo-wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Mahad ayaa magaalada Muqdisho kusii dhex daayay dhalinyaro dharcad ah, si looga hortago falalka Shabaab ay ka fuliyaan gudaha caasimada dalka, islamarkaana ay hay’adda ugu suurta-gasho inay ka hortagto isku-dayada guracan ee kooxda.

NISA ayaa xilligaan kaalin muhiim ah uga jirta dagaalka ka dhanka kooxda Al-Shabaab, ayada oo kor u qaaday howl-galada dhulka iyo cirka ee ay hay’adda ku bartilmaameedsaneyso xubnaha kooxda, kuwaasi oo mararka qaar iska kaashadaan saaxiibada caalamka.

NISA ayaa sidoo kala haatan leh saraakiil dharcad ah oo jooga meelo ay kamid yihiin baraha kontaroolada gudaha iyo daafaha caasimadda si lamid ah garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Agaasimaha cusub oo durtaba ay muuqato natiijada isbeddelada uu ka sameeyay NISA, ayaa sidoo kale waxa uu ka shaqeeyay sidii ay hay’adda u yeelan lahayd sharci ay ku dhaqanto, si aysan madaxdeeda iyo hay’adda laftigeeda u dhaafin xuduudeeda.

Sharciga NISA oo wax badan ka tari doona hab-tacaamulka hay’adda ee dadka ay soo xirto iyo guud ahaan hab-dhaqankeeda ayaa waxa hore u ansixiyay Golaha Wasiirada, ayada oo la horgeeyay Golaha Shacabka.

NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba.

Si kastaba, Khubarada amniga ayaa qaba in muhiim tahay in hanaanka shaqo qorista hay’adda lagu saleeyo xirfad iyo in ay iska dhex arkaan qeybaha kala duwan ee deegaanada Soomaalida taasi oo sarre u qaadi karta wada-shaqeyn iyo kalsooni ay ka hesho shacabka.