31.9 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

DF oo shaacisay halka uu marayo dadaalka Soomaaliya ugu biireyso ururka EAC

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa ka warbixiyay dadaalada ay dowladda federaalka ugu jirto in ay xubin ka noqoto ururkaasi.

Cabdisalaan Hadliye Cumar oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in rejo wanaagsan ka qabaan in wafdi culus oo ka socday ururkaas oo dhawaan yimid caasimada dalka ee Muqdisho ay Soomaaliya ka gudbi doonaan warbixin u qalanta ku biirista EAC.

“Waxaa soo dhameyn 12 cisho oo nala joogeen wafdi ballaaran oo 40 qof ka badan, wafdigaas wuxuu fiiriyay sida ay dowladda Soomaaliya u shaqeyso iyo waxa ay qabaneyso Soomaalidu. Dhinac walba waa laga eegay, dhinaca dhaqaalaha, lacagta, sharciga, ciyaaraha, iyo dhaqanka, marka dhinac aan laga eegin majirto,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay rajeynayaan in wixii ka dambeeya 25-ka bishaan loo gudbi doono wajiga labaad ee hanaanka ay Soomaaliya uga mid noqoneyso ururka bulshada bariga Afrika (EAC).

“Waxaa qabna in natiijada kasoo bixi doonta ay fiican tahay oo aan marxalada labaad gaari doono marka ay ku noqdaan dhulkooda,” ayuu yiri Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya ee Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Meel fiican ayay marayaan (dadaalada ku biirista) waxa ku rejo qabna in la yidhaahdo report-kii waa la aqbalay Soomaaliya ha gaarto marxalada labaad.”

“Majirto caqabad gaar ah oo ku gadaaman ama ku hor-gudban oo Soomaaliya ka hortaagan ku biirista ururkaan, umana jeedo.”

Shirka qiimeynta Soomaaliya ee ku biiridda ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa 25-ka bishii hore ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo ay ka qeyb-galeen wafuuda ka socotay toddobada waddan ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 21 Luulyo 2022-ka ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay marti-gelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid noqoshada Soomaaliya ee dalladan.

14-kii August, wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdisalaan Hadliye Cumar, oo hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya loogu magacaabay ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha ee ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay Soomaaliya uga mid noqon laheyd EAC, ayada oo madaxda dalladan uu la wadaagay sida ay Soomaaliya uga go’antahay dhameystirka dhamaan habraacyada muhiimka ah ee ka mid noqoshada dowladaha ku bahoobay dalladdan.

Qorshaha ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa lagu wadaa in sanadkaan lasoo gaba-gabeeyo qorshaheeda, si ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad ugu helaan ka qeyb qaadashada horumarka dhaqaale iyo is-dhexgalka bulshada Gobolka Bariga Afrika.

Madaxweyne Qoor Qoor oo dalab la xiriira dagaalka socda u gudbiyay Mareykanka

0

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cadi Kaariye Qoor-Qoor ayaa kulsn muhiim ah la yeeshay saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ee ku sugan xeebaha degmada Hoyo.

Madaxweyne Qoor-Qoor iyo saraakiisha Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa wada-hadlay xoojinta howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Qoor-Qoor ayaa intii uu socday kulankan waxa uu ka codsaday taliska Mareykanka inay laba jibbaaraan howl-galada dhinaca cirka ah ee ka dhanka Al-Shabaab, iyada oo codsiga madaxweynaha ay aqbashay AFRICOM.

Sidoo kale waxa uu Mareykanka ka codsaday inay ka qeyb qaataan sidii deegaanada laga xoreeyay maleeshiyada Al-Shabaab dib loogu soo celin lahaa adeegyada caafimaadka, biyaha, iyo waxbarashada.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa si habsami leh uga socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ayada oo ciidmada dowladda iyo kuwa dadka deeegaanka ay kooxda Al-Shabaab ka qabsadeen degmooyin istiraatiiji ah oo ay ku jirto degmada Xarardheere, oo sanado badan ay ka talinaysay kooxda.

Militariga Mareykanka ayaa toddobaadkii hore sheegay inay weerar dhinaca cirka ah ku dileen 30 ka tirsan Al-Shabaab meel u dhow Xarardheere, kadib codsi uga yimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Iran oo wacad ku martay inay ka aargudan doonto Israel

0

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa ku eedaysay dalka Israel inay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadeen, weerar ay ku qaadeen magaalada Isfahan ee ku taalla badhtamaha dalka Iran, kaasoo dhacay maalintii Sabtida ahayd.

Qoraal lagu baahiyey bogga ay leedahay safaaradda Iran u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in calaamadaha hordhaca ahi inay muujinayaan in Israa’iil ay ka masuul ahayd “isku-dayga fal gardarro ah”.

Warqadda ka soo baxday dalka Iran laguma soo bandhigin caddaymo gaar ah.

Dawladda Iran ayaa sheegtay in weerarka ay ku lug lahaayeen saddex diyaaradood oo ah, kuwa aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo bartilmaameedsaday goob lagu tababaro ciidamada, waxaana la toogtay lama ka mid ah, diyaaradahaas.

Wasaaradda difaaca ee Iran ayaa sheegtay in weerarkaas uu burbur yar u geystay dhismaha.

Dalka Israa’iil ayaa hore u fuliyey weeraro kala duwan oo lala beegsaday bartilmaameedyo gaar ah oo lala xidhiidhinayo barnaamijka hubka nukliyeerka ee Iran.

Masuuliyiinta dalka Iran ayaa ka gaabsaday inay wax faahfaahina ka bixiyaan dhacdadan.

Waraaqda ay Iran u dirtay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo golaha ammaanka ayay ku xuseen digniin la xidhiidha inay ka falcelin doonaan weerarkaas.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay haysataa xuquuqdeeda sharciga ah iyo xaqa dhabta ah si ay u difaacdo ammaankeeda qaranka oo ay si adag uga jawaabto hanjabaad kasta ama ficil kasta oo khaldan oo uu ku kaco maamulka Israel, meel kasta iyo mar kasta oo loo arko lagama maarmaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

AP, AFP + VOA

Sawirro: Wajiga labaad ee shirka K/Galbeed oo furmay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa xalay kulan la qaatay Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa masuuliyiintan wuxuu kala hadlay dardar-gelinta wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada, sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taalla magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imanaya afar maalin kadib markii uu guddoomiyaha golaha shacabka uu soo xiray wajiga koowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay ka qeyb-galeen golaha odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo guddiga farsamada shirka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale gaba-gabadii shirkaas kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaasi oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la-dagaallanka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Shirka dib-u-heshiisiinta oo 17-kii bishii hore ka furmay Baydhabo ayaa waxaa lagu waday in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana muuqata in waqti dheeri ah loo baahday si loogu guuleysto heshiis dhex-mara labada dhinac.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.

Neighboring states support lifting arms embargo on Somalia

0

Mogadishu (Caasimada Online) – A summit of heads of state and government from neighboring countries of Somalia – Djibouti, Ethiopia, and Kenya – has supported Mogadishu’s bid to lift the UN arms embargo by the end of 2023. 

The summit, held in Mogadishu on Wednesday, was attended by Djibouti’s President Ismail Omer Guelleh, Ethiopia’s Prime Minister Abiy Ahmed Ali, Kenya’s President William Ruto, and Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud.

The meeting aimed to support Somalia’s government in obtaining lethal and non-lethal support in its fight against the al-Shabab terror group and adequately equip the newly-generated Somalia National Army units.

The leaders agreed to jointly plan a decisive operational strategy against the terror group and mobilize regional support for timely and decisive operations. 

President Ruto stressed the importance of adopting a common strategy for combating terrorism and associated criminal activities in the Horn of Africa region. 

President Mohamud acknowledged the crucial role played by Djibouti, Ethiopia, and Kenya in Somalia’s counterterrorism efforts.

The extension of the United Nations Security Council (UNSC) sanctions on Somalia’s arms embargo in November 2022 sparked dissatisfaction from Somalia and the African Union. 

The extension included a ban on the sale or transfer of critical components of improvised explosive devices used by al-Shabaab, a ban on importing and exporting Somali charcoal, travel bans, and asset freezes on individuals associated with the terror group.

The sanctions also included travel bans and asset freezes on individuals associated with al-Shabab and its activities. Somalia’s Permanent Representative at the UN, Abukar Osman, expressed dissatisfaction with the extension of the sanctions, warning that it hindered the country’s efforts to rebuild its security forces.

In the Mogadishu meeting, a joint operations mechanism was agreed upon to coordinate efforts to defeat the al-Qaeda-linked terror group. 

The leaders emphasized the importance of joint military operations against al-Shabab to facilitate the drawdown of The African Union Transition Mission in Somalia troops and the handover of security responsibilities to the Somali security forces. 

The leaders also called for support from international partners for Somalia’s stabilizing efforts in newly liberated areas and a joint border security mechanism to eliminate cross-border terrorism activities and ensure the legal passage of trade and movement. 

However, al-Shabab demonstrated its resilience with mortar attacks during the military meeting preceding the summit. No casualties were reported. 

Jamhuuriga oo ku guuleystay inay Ilhan Omar ka saaraan…

Washington (Caasimada Online) – Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel.

Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, kuwaas oo lagu eedeeyey hadallo rabshad hurin ah.

Afhayeenka Aqalka Hoose Kevin McCarthy ayaa ku guuleystay inuu mideeyo Jamhuuriga si guddiga laga saaro Ilhaan oo asal ahaan Soomaali ah kadib markii xubnaha qaarkood ay ka muujiyeen shaki.

In xildhibaano laga saaro guddiyada Aqalka ayaa aheyd wax aan horey u dhicin illaa Dimoqraadiga ay laba sano kahor u codeeyeen inay ka saaraan Marjorie Taylor Green oo laga soo doorto Georgia iyo Paul Gosar oo ka yimid Arizona, kuwaas oo ka mid ah xubnaha Jamhuuriga ee midigta-fog. 

Codeynta maanta oo aheyd 218-211 oo labada dhinac ay kala mareen safafkooda ayaa timid kadib dood dheer oo Dimoqraadiga ay ku eedeeyeen Jamhuuriga inay Ilhaan ku beegsanayaan isirkeeda darteed.

Ilhaan ayaa iska difaacday Aqalka, ayada oo weydiisay haddii ay jirto cid la yaabtay in la beegsaday, “sababtoo ah marka aad awoodda riixdo, awoodda dib ayuu kusoo riixdaa.” 

“Codkeyga wuxuu noqon doonaa mid intan kasii dheer kana sii xoog badan, islamarkaana hoggaankeyga waxaa u dabaal-degi doona dunida oo dhan,” ayey Ilhaan kusoo xirtay khudbaddeeda. 

Jamhuuriga ayaa diiradda saaray lix hadal oo Ilhaan ay horey u tiri “kuwaas oo xaaladaha caadiga ah u diidaya inay ka mid noqoto guddiga arrimaha dibedda,” waxaa sidaas jiri xildhibaan Michael Guest oo ah Jamhuuri laga soo doortay Mississippi. 

Hoggaamiyaha Dimoqraadiga Hakeem Jeffries oo laga soo doorto New York ayaa sheegay in Ilhaan ay mararka qaar “sameysay khaladaad” ayna adeegsatay hadallo Yahuud naceyb ah oo la cambaareeyey afar sano ka hor. Balse taasi ma ahan waxa codeynta maanta ay ku saabsaneyd, ayuu yiri. 

“Ma ahan isla xisaabtan, waa aargudasho siyaasadeed,” ayuu yiri Jeffries. 

 Xildhibaan Alexandria Ocasio-Cortez ayaa tallaabo dheeri ah qaaday, ayada oo sheegtay in tallaabada Jamhuuriga ay tahay mid ka mid ah “waxyaabaha laga yaqsiyoodo ee laga dhaxlay 9/11,” ayada oo ula jeeda weeraradii September 11 2011 – “beegsiga iyo cunsuriyeynta ka dhanka Muslimiinta Mareykanka ee dalka Mareykanka oo idil. Tani waa mid ka mid ah dhaxalkaas.”

Waxay intaas ku dartay “Tani waa beegsiga haweenka midabka.”

Ilhaan ayaa ah mid ka mid ah labadii gabdhood ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee loo doorto Congress-ka. 

AP, VOA

House ousts Ilhan Omar from Foreign Affairs Committee

Washington (Caasimada Online) – Amidst a tumultuous debate, House Republicans voted Thursday to remove Democratic Representative Ilhan Omar from the Foreign Affairs Committee, citing her controversial remarks about Israel.

The vote was broadly divided along party lines and resulted in a 218-211 count. The decision to remove a member from a House committee is a significant escalation of tensions following the Democratic removal of far-right GOP lawmakers from committees two years prior.

Speaker of the House, Kevin McCarthy, successfully secured Republican support against the Somali-born Muslim congresswoman in the new Congress, despite some GOP lawmakers expressing reservations.

The resolution was proposed by Ohio Representative Max Miller, a former Trump administration official, who declared that Omar’s comments brought “dishonor to the House of Representatives.”

Democrats accused the GOP of targeting Omar based on her race and religion. In her defense on the House floor, Omar questioned if anyone was surprised by the move and stated, “my voice will get louder and stronger, and my leadership will be celebrated around the world.”

Democratic leader Hakeem Jeffries of New York acknowledged that Omar had made mistakes and used anti-Semitic tropes but maintained that Thursday’s vote was not about accountability but rather political revenge.

Representative Alexandria Ocasio-Cortez went even further, claiming that the GOP’s action was a continuation of the “disgusting legacy after 9/11,” referring to the targeting and racism against Muslim Americans in the aftermath of the 9/11 attacks. She said the move was targeted explicitly against women of color.

Omar, one of the first two Muslim women elected to Congress, quickly generated controversy in 2019 after her tweets suggested that lawmakers who supported Israel were motivated by money.

The tweets led to a public rebuke from then-House Speaker Nancy Pelosi and other Democrats. Omar eventually apologized for her comments.

“We always have to be willing to step back and think through criticism, just as I expect people to hear me when others attack me about my identity,” Omar tweeted. “This is why I unequivocally apologize.”

The chairman of the Foreign Affairs Committee, Texas Representative Michael McCaul, argued that Omar’s views on Israel were incompatible with the committee’s and that while he was open to differences of opinion, this went beyond that.

Some Republicans had requested “due process” for lawmakers facing removal, and McCarthy stated that he would work with Democrats to create a due process system, though it is still a work in progress.

House Speaker Kevin McCarthy has prevented Democrats Adam Schiff and Eric Swalwell from being reinstated on the House Intelligence Committee after the Republicans gained control of the chamber in January. Although the Speaker has the authority to make appointments to the intelligence committee, a House vote is necessary to remove Omar.

SOURCE: NEWS AGENCIES

Daawo: Laba Carruur ah oo laga afduubtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa afduub xalay laba caruur ah loogu geystay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday Kaamka Cali Dheere oo ku yaallo xaafadda Jaamacadaha ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, kadib markii ay koox hubeysan oo watay gaari Surf ah ay laba carruur ah ka wateen halkaasi, kadibna ay la baxsadeen.

Muno Muxudiin Maxamed oo la dhalatay mid kamid ah wiilashada la afduubtay ayaa sheegtay in walaalkeed Saciid oo 10 jir ahaa laga watay bannaanka xaafadda, waxayna sheegtay in gaariga lagu qaatay yy taargo la’aan ah ayna la socdeen saddex nin, oo uu mid kamid ah xirnaa dareeska ciidanka dowladda, isla-markaana uu hubeysnaa qoray AK47 ah.

“Xalay Maqribkii waxaa la watay walaalkeyga sanadkiisa waa 10 jir laamiga siliga, gaar ahaan Jaamacadda akteeda ayaa laga watay, isaga iyo wiil kale oo yariis ah. Waxaa wateen mid ciidan ah oo usoo dagtay oo dharka ciidanka wato iyo laba kaleeto oo funaanado ciyaartoy ah watay, gaari Surf ah oo taargo la’aan ah ayey ku wateen,” ayey tiri Muno.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in ilmaha ay iyadu heysay,maadaam ay Hooyadood dhimatay, sidoo kalena Aabaha uu ka maqnaa guriga, xilliga uu dhacayey afduubka.

“Hooyo way dhimataym Aabaheyna maba joogin, xalana la raadinaayey war dhan lagama haayo,” ayey ku dartay Muno Muxudiin Maxamed.

Dhinaca kale wiilka la afduubtay eedadiis oo lagu magacaabo Farxiyo Maxamed ayaa farriin u dirtay dadka Soomaaliyeed iyo madaxweynaha oo ay ka dalbatay in lala raadiyo ilmaha.

“Madaxweynaha iyo walaalaheyga Soomaaliyeed wiilkaas yar hooyadiisa waa dhimatay waxaan ka codsanayaa si naxariis leh inay noogu soo celiyaan,” ayey tiri Farxiyo Maxamed

Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in illaa iyo hadda aysan helin wax raad ah oo ku aadan ilmaha la afduubtay, isla-markaana ay weli baadi goobayaan.

“Waa u dhibanahay xalay ma seexanin waxaan ka imaaday Tareedisho walaalahey hadda waa maqan yihiin meel loo raacana malaha,” ayeyey hadalkeeda kusoo gabagabeysay.

Sawirro: Dowladda Talyaaniga oo wafdi culus maanta usoo dirtay Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Xarunta Madaxtooyada Wafdi ka socda dowladda Talyaaniga oo uu hoggaaminayey ku-xigeenka Xoghayaha difaaca dalkaas Mudane Matteo Perego. 

Madaxweynaha iyo Wafdiga dowladda Talyaaniga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada. 

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga dowladda Talyaaniga la wadaagay guulaha laga gaaray xoreynta deegannada ay argagixisadu dadka ku dhibaateyn jirtay, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda in la dhammeystiro cirib-tirka argagixisada. 

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Talyaaniga oo ku saabsan kulanka maanta ka dhacay Villa Somalia.

Talyaaniga ayaa sanadihii dhowaa ka mid ahaa dalalka Yurub ee saameynta xooggan ku yeelanaya Soomaaliya, ayada oo Roma ay ciidan militari oo kooban ka joogaan dalka, kuwaas oo ku howlgala magaca Midowga Yurub.

DF Soomaaliya oo go’aan ka soo saartay doorasho muran badan uu hareeyey + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa markale ka hadlay muranka ka taagan doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya, isaga oo shaaciyay go’aanka dowladda federaalka ee ku aadan doorashaasi.

Wasiir Barre ayaa sheegay in aysan Wasaaraddu aqbali doonin doorasho hal dhinac ah,wuxuuna u digay shaqisiyaad uu sheegay inay ku howlan yihiin arrintaasi.

“Annaga ka Wasaarad ahaan go’aanka doorashooyinkaas inaan la aqbali karin doorashooyin is-barbar yaac ah ama qolo gaar ah ay isku caana shubaan,” ayuu yiri Wasiirku.

Barri ayaa sidoo kale sheegay in xiriirada ka jira dalka ay madax banaan yihiin, balse siyaasad ahaan ay hoostaaan Wasaaradda oo ayadii mas’uul ka dhan ciyaaraha dalka.

“Xiriirada kala duwan ee ka jira dalka waa ka madax bannaan yihiin shaqo ahaan wasaaradda farsamo ahaan iyo maamul ahaan, laakin siyaasad ahaan wasaaraddaa waxay dalkoo dhan mas’uul uga tahay siyaasadda qaran” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in mowqifka Wasaaradda Ciyaaraha uu yahay in la qabto doorasho hufan oo cadaalad ah, maadaama ay tahay wax la wada leeyahay.

“Ka Wasaarad ahaan roolka nooga aadan waxaa waayey inaanan aqbalin wax Ummadda Soomaaliyeed ka wada dhexeeya in qolo ay si gaar ag ugu takri fasho,” ayuu markale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo,ayada oo uu si weyn usoo ifbaxay khilaaf xoogan u dhaxeeya guddiga doorashada guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah musharaxiinta guddoomiyaha, kaas oo haatan gaaray meeshii ugu sarreysay.

Khilaafka ayaa lagu soo warramayaa in uu salka ku hayo habsami u socodka doorashada hoggaanka xiriirk, ayada oo baaqyo isxigxiga ay soo kala saareen Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka iyo Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA.

TURKEY oo si caro leh uga jawaabtay tallaabo ay dalka Reer Galbeedka qaadeen

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa maanta cambaareysay dalal dhowr oo Reer Galbeed ah oo si ku-meel gaar ah u xiray qunsuliyadaha ay ku leeyihiin Istanbul sababo amni dartood, waxayna ku eedeysay “dagaal maskaxeed” iyo isku dayo lagu burburinayo dalxiiska Turkey.

Jarmalka Netherlands iyo Britain ayaa ka mid ahaa dalalka toddobaadkan xiray qunsuliyadaha ay ku leeyihiin magaalada ay ku nool yihiin 16-ka milyan.

Safaaradda Jarmalka ayaa sheegtay suurta-galnimada weeraro aargudasho ah kadib markii qur’aanka lagu gubay dalal ka mid ah Yurub.

Dhinaca kale, Mareykanka iyo dalalka kale ayaa soo saaray diginin safar oo ay muwaadiniinta ugu sheegayaan inay feejignaan muujiyaan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkey Suleyman Soylu ayaa sheegay in xiritaanka qunsuliyadaha iyo digniinta safar ay qeyb ka aheyd shirqool Reer Galbeed oo lagu waxyeeleynayo qeybta dalxiiska Turkey ee dib usoo kabaneysa kadib safmareenkii Coronavirus.

“Maalin aan ku dhowaaqnay in ujeedkeenu yahay inaan soo jiidano 60 milyan oo dalxiisayaal ah, waqti ay noo yimaadeen 50.5 milyan oo dalxiisayaal ah islamarkaana aan helnay $46 bilyan oo dhaqaale dalxiis ah, waxay qarka u saarnaayeen inay qaadaan dagaal maskaxeed ka dhan ah Turkey,” ayuu yiri wasiirka oo caan ku ah hadallada ka dhanka ah Reer Galbeedka.

Soylu ayaa sheegay in Turkey ay fulisay in ka badan 60 howlgal oo ka dhan ah kooxda Daacish illaa hadda sanadkan, islamarkaana ay xirtay 95 qof.

Sanadkii tegay, waxaa la xiray in ku dhow 2,000 oo tuhunsaneyaal Daacish ah kadib markii la fuliyey in ka badan 1,000 howlgal oo ka dhan ah kooxda, ayuu yiri.

Horraantii toddobaadkan, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Turkey ay xireen tiro tuhsaneyaal ah kadib diginin ka timid “dal saaxiib ah” balse aysan helin wax hub, rasaas, ama astaan muujineysa ficil rabshado oo la qorsheeyey.

Bishii November, lix qof ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay qarax ka dhacay waddada Istiklal ee bartahama Istanbul.

Mas’uuliyiinta Turkey ayaa weerarka ku eedeeyey mintidiinta Kurdish-ka. Dhowr qunsuliyad ayaa ku yaalla meel u dhow Istiklal.

AP, VOA

Sawirro: Xubno Shabaab ah oo isku dhiibay ciidamada DF

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada Xoogga dalka, kadib markii ay kordheen howlgallada ka socda gobolkaasi.

Raggan oo dhalinyaro ah ayaa waxaa lagu soo bandhigay aagga degmada Xarardheere oo kamid ah meelaha lagu jabiyay kooxda Al-Shabaab.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdifitaax Cabdullaahi Sheekh iyo Cabdifitaax Aadan Abiikariim, waxaana lagu soo dhoweeyay deegaanka Caad.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay Al-Shabaab uga biireen deegaanada HirShabelle, gaar ahaan labada gobol ee maamulkaas oo kala ah Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Hadal kooban oo ay siiyeen warbaahinta ayaa waxa ay ku sheegeen inay u adkeysan waayeen howlgallada iyo duqeymaha lagu beegsanayo kooxda ee ka socdo halkaasi.

Sidoo kale dowladda federaalka Soomaaliya ayey ka dalbadeen cafis guud, isla-markaana ay wax u qabto, maadaama ay yihiin dhalinyaro mustaqbal ka leh nolosha.

Dhanka kale saraakiisha ciidanka dowladda ee soo dhoweeyay labada dhalinyarada ah ayaa sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay, laguna wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh.

Mudug ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla-markaana lagu gaarsiiyay khasaaraha ugu badan, ayada oo laga qabsaday deegaano horleh.

Si kastaba, maalmihii u dambeeyay ayaa waxa isa soo tarayay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee isku soo dhiibayo dowladda, taas oo loo arko inay bilow u tahay dhammaadka kooxda.

Ismaaciil Cumar GEELLE oo ‘soo faro-geliyey’ xiisadda magaalada LAASCAANOOD

Laascaanood (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda kacsan ee weli ka jirta gudaha Laasacaanood, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa ciidanka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Workneh Gebeyehu ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in IGAD ay ka walaacsan tahay xaaladaha murugan ee laga soo warinayo magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa soo hadal qaaday door nabadeed oo uu sheegay in madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle uu ku leeyahay xiisadda taagan, si xal waara loogu helo.

Waxa kale oo uu sheegay inay ku boggaadinayaan madaxweyne Geelle dhex-dhexaadinta uu ka dhex wado labada dbhinac.

“IGAD waxay bogaadinaysa dadaalada dhexdhexaadineed ee ilaa hada uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxayna ku dhiirigalinaysa in uu sii wado dhexdhexaadinta” ayuu yiri Workneh Gebeyehu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in fiiro gaar ah loo yeesho arrinta ka jirta magaalada Laascaanod, si xal loogu helo xasaradda ka taagan magaaladaasi.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay iska hor imaadyadii hubeysanaa ee ka dhacay gudaha magaalada, maadaama dad shacab ahaa lagu dilay dagaalladii dhacay.

“Waxaanu soo qaadanayna xiisada dhawaanahan ka jirtay Laascaanood, taasi oo walaac abuurtay, marka la eego khasaaraha nafeed ee ka dhashay, xaalada Somaliland waxay u baahan tahay in fiiro gaar ah oo ku aadan heshiis nabadeed laga yeesho” ayuu yiri.

Magaalada Laascaanood ayaa marti-gelisay maalmo rabshado ah, taas oo keentay in ciidamada Somaliland ay isaga baxaan gudaha magaaladaasi, waxayna qalalaasahaasi ka dhasheen dilal 15-kii sano ee lasoo dhaafay magaalada loogu geysanayay haldoorka Sool.

Si kastaba, waxaana haatan laga war dhowrayaa shirweynaha ka socda Laascaanood, kaas oo ay leeyihiin waxgaradka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo la’isku yiraahdo (SSC), wuxuuna shirkooda qaatay maalmo badan, kaas oo la filayo inay go’aanno kasoo saaraan.

Arrintii shalay dhacday oo muujisay isbeddelka mabda’ ee Xasan Sheekh iyo kooxdiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad-goboleedka Galmudug ka dhacday doorashada kursi kamid ah kuraastii banaaneyd ee Golaha Shacabka, kaasi oo uu tirsigiisu yahay HOP#147.

Kursigan ayaa waxaa horay u banneeyay Mahad Maxamed Salaad oo muddo ku fadhiyay, kadib markii loo magacaabay xilka agaasimaha hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA.

Doorashada kursigan oo aan loo gelin tartan adag ayaa waxaa ku soo baxay Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim, kadib markii ay tanaasushay Aamina Tahliil Warsame oo la tartami laheyd.

Guusha Ilyaas Sheekh Axmed ee kursigan ayaa ahayd natiijo la filayay, maadama kursiga markii horeba loo xiray Ilyaas, oo ay aad iskugu dhow yihiin Mahad Salaad oo isagu baneeyay kursigaan.

Soo bixista Ilyaas iyo in loo xiro kursigan ayaa ka dhigan in kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga si weyn loogu xasuustaa in mudadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia uu aad uga soo horjeeday in kuraasta loo xiro shaqsiyaad gaar ah.

Madaxweyne Xasan ayaa xilligaas aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, balse waxa lama filaan ku noqday dad badan in Xasan uu si dhakhso leh kala wareeg mabda’ ugu yimid.

Kursiga ay doorashadiisu ka dhacday Dhuusamareeb ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa halkaas ka cad in kursiga labaad ee la filayo inay qabtaan guddigan oo ah kii hore loogu diiday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin la dhaafin doono Fahad.

Kursigii hore loogu doortay Fahad ee HOP#086 ayaa waxa loo xirayaa musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaaba Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay hore u baahisay Caasimada Online.

Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ka dhacday doorashadii Dhuusamareeb.

Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad, ayada oo dhanka kale kor u qaadeysa suurta-galnimada in Xasan iyo kooxdiisa ku dhaqaaqi karaan arrimo ay markii hore si adag uga soo horjeedeen ama u arkayeen inay yihiin ku tagri-fal awoodeed.

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku fulisay afar ASKARI + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka oo Khamiis ah tiirka geysay, kadibna xukun dil ah ku fulisay illaa 4 askari oo ka tirsanaa noocyada kala duwan ee ciidanka dowladda federalka Somalia.

Afarta askari ee la toogatay ayaa ka kala tirsanaa talisyada milatariga, Booliska iyo Nabad Sugidda, kuwaas oo loo heystay dilal ay horey u geysteen.

Afarta askari ayaa kala ahaa:- 1-Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa, 2-Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa, 3-Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Booliska ka tirsanaa, 4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.

Dhammaantood ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay horey u dileen askar kale oo ahaayeen saaxibo shaqo wadaag ah, sida ay shaacisay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Fagaaraha lagu toogatay askartaan ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo sidoo kale askar kamid ah ciidanka amniga oo dilka fuliyay.

Sidoo kale waxaa toogashada lagu fuliyay askartan aad usoo dhaweeyay ehellada marxuumiintii ay horey u dileen oo muddo sugayey cadaaladda ay maanta heleen.

Dhanka kale Maxkamadda Ciidamada ayaa markale digniin u diray askarta dowladda ee dilal ka geysta Muqdisho iyo deegaanada kale ee ka howlgalaan, ayada oo fartay inay ku ekedaan shaqadooda oo ah ilaalinta amniga iyo u adeegida dadkooda iyo dalkooda.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay askar dilal u geystay dad shacab ahaa, iyo kuwa kale oo dhexdooda is rasaaseeyay.

Waxaa sidoo kale jira rag kale oo weli sugayo fulinta xukunka dilka ah ee ku dhacay, waxaana kamid ah askartii ugu dambeysay ee dilalka ka geysatay degmooyinka Xamarweyne iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada dariska ah ee Banaadir iyo Sh/ Dhexe.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay fulinta xukunadda dilka ah, waxaana horay loo toogtay rag ka kala tirsanaa Shabaab iyo Daacish.

Four Somali soldiers executed for killing comrades

0

Mogadishu (Caasimada Online) – In a stark warning to soldiers, Somalia’s First-Degree Military Court executed four service members accused of killing their fellow soldiers on Thursday. 

The soldiers, who served in different branches of the government’s army, including the military, police, and security forces, were found guilty of the crime.

The execution was carried out by firing squad at the General Kahiye Police Academy in Mogadishu in the presence of the top military court and security officials.

The executed soldiers were Bukhari Awil Mohamud of the NISA, Ali Mohamud Hussein of the military, Abdirisak Ahmed Mukhtar, a policeman, and Mohamed Nur Sheikh Warre, a policeman.

Families of the victims, whom the executed soldiers had killed, were present and expressed relief at the outcome. The Military Court warned soldiers against similar crimes and called on them to remain focused on protecting the security and serving the people and the country.

The execution is part of a recent trend of increasing death sentences by the Military Court. The court has previously sentenced members of terrorist organizations Al-Shabab and ISIS to death. Other soldiers convicted of similar crimes await their execution sentences.

In Mogadishu, a significant number of government soldiers are being held in custody for crimes that involve the killing of both civilian and military personnel. As of now, their verdicts are still outstanding.

Recently, the government also delivered a verdict on a soldier charged with killing an auto-rickshaw driver in the capital.

The court’s decision to execute the soldiers is seen as sending a strong message. It underscores its commitment to ensuring the military serves its primary purpose of protecting the people and the country.

Daawo: Al-Shabaab oo la shaaciyey inay gaajo ugu dhimanayaan HirShabeelle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Axmed Tareedisho oo ka mid ah saraakiisha militeriga Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya dagaalka Al-Shabaab ayaa maanta qeybo ka mid ah Sh/Dhexe kula hadlay tobanaan ciidanka deegaanka ah.

Jeneraal Tareedisho ayaa ciidankii uu la hadlaayey wuxuu ugu lab qaboojiyey in Shabaab ay maanta dhiban yihiin oo ay hoyaan xog sheegeysa in kooxdu ay baahi u dhimaneyso.

Wuxuu sheegay inay dadka Soomaaliyeed go’doomi jireen oo baahi u dili jireen, laakiin maanta ayagii la go’doomiyey oo baahi loo dilay, sida uu sheegay Jeneraal Tareedisho.

Jananka ayaa aad ugu amaanay madaxda dowladda federaalka, sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, isagoo ku macneeyey fursad aan weligeed soo marin dadka Soomaaliyeed tan ay maanta heystaan.

Sidoo kale ciidanka deegaanada uu tegay ee Sh/Dhexe ka abaabulay ayuu ku amaanay sida ay ugu diyaarsanyihiin dagaalka Al-Shabaab, isla markaana aysan ugu soo dhiira-karin kooxdu.

“Deegaanada aan soo maray ee Ceelbacad iyo Daarunimca waxaan ku soo arkay ciidan deegaanka ah oo aad u diyaarsan, waa dad isku tashaday, waxaana dowladda uga soo qaadeynaa xaqa ay leeyihiin,” ayuu yiri.

“Khawaarijtu muddo ayay dhibaateynayeen dadkeena, laakiin maanta iyaga ayaa dhiban oo baahi u dhimanaya, cabsi ayaa dishay, dowladda waxaan uga mahad celineynaa sida ay u cunaqabateysay, wax yar ayaa u dhiman kooxdaas waa la laayey,” ayuu yiri sarkaalkaan ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in amarka madaxweynaha iyo taliyaha xoogga dalka ay ku amreen inuu garab siiyo dadkiisa, isla markaana uu joogi doono deegaanadaas, si looga ciribtiro haraadiga Al-Shabaab.

Jeneraal Tareedisho ayaa sheegay in deegaanada uu tegay ee loo xil-saaray inuu wakiil uga ahaado madaxda ciidamada qaranka ay ku diyaarsan yihiin ugu yaraan 200 oo ciidan macawiisley ah, kuwaas oo aad u diyaarsan, isla markaana diyaarsaday hubkii ay kula dagaalami lahaayeen Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Jeneraal Tareedisho ayaa sheegay in ciidanka deegaanka aan laga ogolaa doonin inay hoosta gashadaan qof ka soo goostay Al-Shabaab oo loo hoggaansami doono go’aanka dowladda ee ah in dhaqan-celintii loo qorsheeyey la marsiiyo qofkii ka soo baxa Al-Shabaab.

Hoos ka daawo

Soomaalida Canada oo ka ‘argagaxsan’ qaabka loo dilay Nabaddoon Soomaali ah

0

Edmonton (Caasimada Online) – Meydka nin Soomaali ah oo dalka Canada lagu weysanaa muddo ka badan hal bil ayaa laga helay koofurta magaalada Edmonton – gobalka Alberta ee dalka Canada.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Jibriil ayaa ka mid ahaa waxgaradka u dhaqdhaqaaqa Soomaalida ku nool Canada, waxaana la waayey bilowgii bishii December ee sanadkii tegay, balse hadda ayaa la helay maydkiisa.

Ciidamada booliska ee magaalada Edmonton oo tan iyo markii ninkaan la waayay waday baadi-goob ayaa ehelada Marxuum Cali Xuseen u sheegay in ay heleen maydkiisa oo gaari ku dhex jira.

Lama garanayo nooca gaarigu yahay iyo waxa sababay geeridiisa toona, waxaana ciidamada boolisku wadaan baaritaan dhacdadaas ku saabsan.

Bilowgii bishii December ayaa ninkaan la waayay, kadib markii uu carruurtiisa geeyay iskuul aan ka fogayn gurigiisa, waxaana markaas kadib gurigiisa hortiisa laga helay gaarigiisii iyo telephone-kiisii.

Arrintaan ayaa noqotay mid ku cusub Soomaalida ku nool magaalada Edmonton iyo guud ahaan dalka Canada, waxayna ku abuurtay argagax iyo cabsi.

Ilaa hadda bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edmonton ayaa ka war-sugaya natiijada kasoo baxda baaritaanka Booliska, waxayna sheegeen inay la xiriireen booliska, balse wax faahfaahin ah aysan ka helin cidda ka dambaysay dilka Cali Xuseen.

Ehellada Marxuum Cali Xuseen ayaa sheegay in ninkaas uu ifka uga tegay seddax carruur ah iyo hooyadood, wuxuuna Canada ku noolaa in ka badan 20 sano. 

Madaxweynaha KENYA oo shaaca ka qaaday arrin looga adkaan karo Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwynaha dalka Kenya, William Ruto oo markiisii u horreysay shalay yimid Muqdisho, kadib markii loo doortay xilka madaxweynaha ee dalkaas ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socdo waddanka.

William Ruto oo ka qayb-galay shir ay Arbacadii yeesheen dowladda federaalka iyo dalalka Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya ee la’isku yiraahdo waddamada safka hore ayaa ugu horreyn boggaadiyay guulaha laga gaaray howlgaladdii ugu dambeeyey ee lagu qaaday Al-Shabaab.

“Waxaan ugu hambalyeyneynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud is bedelka istaraatiijiyadeed iyo guusha hadda ka muuqata qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha dowladda Kenya oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha waddanka Kenya ayaa sidoo kale farriin culus u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqday inay garab istaagaan dowladdooda, isla-markaana ay ka qayb-qaataan howlgallada dalka looga xoreynayo xoogaga hubeysan kooxda Shabaab.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyay arrin ay tahay in la sameeyo, taas oo ku qeexay in looga adkaan karo kooxda Al-Shabaab oo loo arko inay halis ku tahay gobolka oo dhan.

Ruto ayaa tilmaamay inay haboon tahay in la bartilmaameedsado dadka dhaqaalaha ku taageero kooxdan, si loo cuuryaamiyo, isagoo xusayn in habkaas oo kaliya lagu jebin karo.

“Waa inaan burburinaa shabakadaha argagixisada iyo kaabayaasha taageerada dhaqaale; tani waa in lagu dhamaystiraa ka hortagga xagjirnimada & faafinta xagjirnimada” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay dowladda federaalka iyo waddamada dariska ay isku raaceen skaashi ka dhan ah Shabaab, ayaga oo ku heshiiyay in si waddajir loogu duulo kooxdaan, lana taageero ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Si kastaba, Kenya oo ay ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha ay ku duulaan xoogaga Al-Shabaab, ayna ka fuliyaan weeraro khasaare geysta.

Kaalintee ayey SOMALIA ka gashay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa marka safka hore ka gashay waddamada ugu musuq-maasuqa badan Caalamka, sida lagu sheegay warbixinta 2022 ee Hay’adda Tansparency.

Sanadkan waxaa ay Hay’adda sahan ku sameysay 180 dal oo Caalamka oo dhan ku yaalla, waxaana loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuq-maasuqa iyo kuwo ka guuleystay.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay hoggaamineyso liiska wadamada uu la degay musuqa, isla-markaana ay gashay kaalinta koowaad, sida ku xusan warbixinta.

Sidoo kale waxaa kaalinta labad iskula jira waddamada Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya, sida ay sheegtay Transparency International.

Sida ay muujineyso warbixinta Soomaaliya ayaa hoos uga sii dhacday halkii ay joogtay sanadkii 2021-kii, markaas oo ay gashay kaalinta labaad, waxaana ka horreyay waddanka Suudaanta Koonfureed, halka kaalinta labaadna ay ku jireen Soomaaliya iyo Syria, hase ahaateen  qiimeynta cusub ee la sameeyay 2022-kii ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay tahay hormuudka dalalka haatan ugu musuqa badan 180 dal ee ay quseyso warbixinta.

Warbixintan cusub waxyaabaha qiimeynta lagu saaray waxaa ka mid ah laaluushka iyo madaxda oo aan lagula xisaabtami musuq maasuqa, taas oo kordhisay falalka xatooyada.

Sidoo kale waxay hay’adda intaasi kusii dartay in inta badan dalalkan ay ku guul dareysteen in ay wax ka qabtaan wax is-daba marinta iyo waxyaabaha keena musuqa.

Dhinaca kale waxaa isla warbixintaan lagu kala qeybiyay dalalka horumarka ka gaaray la dagaallanka musuq-maasuqa, kuwa musuq la’aanta ah.

Tansparency International ayaa sheegtay in Danmark uu noqday dalka ugu musuqa yar caalamka, waxaana ku xiga dalalka Finland iyo New Zealand oo ku jira kaalinta labaad, dalalkan ayaa si gaar ah loogu boggaadiyay, sida ay ula dagaalameen musuq-maasuqa.

Si kastaba, dowladda federaalka, gaar ahaan wasaaradda Maaliyada ayaa mar weliba cel-celisa inay la dagaalanto musuq-maasuqa islamarkaana Soomaaliya aysan aheyn sidii hore.