28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Afar arrimood oo waaweyn oo laga faa’iiday shirkii culimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan kusoo idlaaday shirweynihii Culimada Soomaaliyeed, waayahan shir noociisa ah ma aanay arag Soomaalidu.

Culimada firqooyinka oo sanado badan saxafada iyo kulan diimeedyada isku xukminaayay, si weyna isku diidana ayay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay isku keento.

Waxaa la isku keenay xilli lagu jiro marxalad xasasi ah oo ay Al-Shabaab magac diimeed ku laynayso dad muslimiin ah oo cibaado iyo ganacsi ku jira.

Sidoo kale dhaqankii Soomaalida ee Diinta Islaamka raacsan ayaa u muuqda in Teknoolijayada casriga ah ay u xoog sheegatay.

Wuxuu shirweynaha culimada uu qabsoomay xilli aad muhiim ugu ah dadka Soomaalida oo baahi badan loo qabo in xaqa la cadeeyo.

Haddaba, Sheekadan waxaa kusoo koobeyna dhowr arrimood oo laga faa’iiday shirkii culimada.

1. Midnimada Culimada: Culimada Soomaaliyeed ayaa geedaha ku kala jiray waqti fog, mas’alooyin khilaafi ah ayaa dhaliyay in qaar is-xukmiyaan.

Afartii maalmood ee shirka uu socday, culimada waxay isla qaateen in loo midoobo badbaadinta diinta iyo dalka oo aan dib loo eegin waxyaabihii hore.

In xoogga culimada la mideeyo waa faa’iido umaddeed oo waxay yareyn doonto khilaaf diimeedka iyo in magaca diinta lagu geysto dambiyo waaweyn.

2. Xukunka shareecada Islaamka ee dhaqanka Al-Shabaab: Culimada waxay soo saareen go’aan mideysan oo daliil wata, kaasi oo ay ku cadeynayaan in Al-Shabaab ay yihiin koox Khawaarij ah.

Dagaalka lagula jirana inuu yahay Jihaad ayaa ku jirtay bayaanka culimada xaqna ay tahay in dalka iyo diinta laga badbaadiyo kooxdaas.

Culimada waxay si adag bayaankooda ugu yiraahdeen Al-Shabaab iyo Daacish waa cadowga Diinta Islaamka.

Xukunkan wuxuu baajin doona kuwa laga yaabo in xiligaan kooxdu Diin ahaan uga iibin rabtay mashruuceeda.

Hadda majiro qof diin ahaan ugu dhiiran kara inuu ku biiro koox intaas oo culimo ah ay xukun diini ah kasoo saartay dhaqankooda khilaafsan shareecada Islaamka.

3. Shidaalka kacdoonka shacabka: Mar haddii ay culimadii yiraahdeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa Jihaad ee ha laga wada qeyb-galo, waxay u badan tahay in la heli doono jihaad doon badan oo iska qoraya ciidanka dowladda iyo macawiisleyda.

Culimaddu waxay sheegen in dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish inuu yahay mid lagu difaacayo maqaasida waaweyn ee shareecada Islaamka.

Culimadda ayaa sidoo kale sheegay in aanay iyaguna guryaha iska fadhin doonin balse ay ka qeyb-gali doonaan dagaalkan oo Jihaad ku tilmaameen.

4. Firaaqii dowladda iyo culimada oo dhamaaday: Soo-bixintaankii Al-Shabaab iyo inay afkaartooda shaqeyso waxaa ugu wacna cilaaqaad la’aanta culimada iyo dowladda.

Iskaashi la’aantaas ayay kooxda ka faa’iideysatay laakiin shirkan waxa uu soo afjaray firaaqii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed, waxayna taasi ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeyay aan afkaarta Al-Shabaab lagu dhex iibin karin dalka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isku raacday in la dhiso golaha sare ee culimada oo saldhig u noqon doono go’aamada dhaqan dowladeedka iyo midka bulshada, ayada oo dowladda Soomaaliya loo xil-saaray inay billowdo dhismaha golaha sare ee culimada.

Kooxda xukunkaan laga soo saaray ee Al-Shabaab ayaa muddo shan iyo toban sanno ku dhow waxay dadka Soomaaliyeed u qeybisay in ay dishay iyo in ay gaaleysiisay.

Turkiga oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib falkii lagu gubay qur’aanka ee Denmark

0

Istanbul (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa u yeertay danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya, iyada oo ku eedaysay Denmark inay taageertay “dembi nacayb ah”.

Arrintan ayaa daba socota kadib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xilli uu mudaharaad ka dhigayey caasimadda dalkaas ee Copenhegan.

Rasmus Paludan oo u dhaq-dhaqaaqa aragtida midigta fog, haystana dhalashooyinka Denmark iyo Sweden, ayaa hore u qaaday tallaabo ka caraysiisay dalka Turkiga iyo dunida Islaamkaba, kadib markii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah intii uu socday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii.

Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan dhamaan xubnaha isbahaysiga NATO.

Turkiga ayaa dhawaan muujiyey inuu hor istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada.

Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay u yeertay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah.

Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin “xidhiidhka wanaagsan” ee Denmark iyo Turkiga.

Waxa kale oo uu sheegay in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda.

Daawo: Mahdi Guuleed oo markii u horreysay war kasoo saaray arrinta Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahadi Guuleed oo haatan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, isla-markaana shantii bilood ee la soo dhaafay ka maqnaa gudaha dalka ayaa ka hadlay arrinta ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Mahdi Guuleed ayaa cambaareeyay tallaabadii milatari ee ay qaaday Somaliland, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xoog iyo cudud loo adeegsado reer Laascaanood.

Sidoo kale wuxuu taageero u muujiyay dibad-baxayaasha ku sugan magaaladaasi, isaga oo tilmaamay inay cabirayeen dareenkoooda oo kaliya, si ay uga hadlaan dhibtooda.

“Ugu horreyn waxaan cambaareynayaa xoogga iyo cududa lagu isticmaalay shacabka biri mageydada ah ee aragtidooda cabiraayey ee reer Laascaanood” ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Xildhibaan Mahadi Guuleed oo horay usoo noqday ra’iisul wasaare ku xigeen ayaa farriin u diray labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay wadahadal ku dhameeyaan xiisadda.

“Waxaan soo jeedinayaa in si nabad ah wixii faraq ah ee jira Somaliland iyo reer Laascaanood ay ku dhammeystaan,” ayuu markale yiri Mahdi Guuleed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay taagan tahay xiisadda Laascaanood, waxaana maanta magaaladaas ka furmay shirweyne looga tashanayo aayaha magaaladaas.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood.

Ismimada ayaa la filayaa in go’aan ka soo saaray xaaladda taagan iyo  sidii laga yeeli lahaa ciidanka Somaliland, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday.

Sidoo kale waxaa shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland.

MADAALE oo shaaciyay arrin ay sameynayaaan ka dib weerarkii gobolka Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay casho sharaf ku maamusay Culimadii Soomaaliyeed ee ka qayb-gashaday shirweynihii Muqdisho ugu soo dhammaaday ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, isaga oo si gaar ah uga hadlay amaanka.

Guddoomiye Madaale ayaa ugu horreyn ku boggaadiyay Culimada Soomaaliyeed go’aanada ay soo saareen ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday weerarkii xarunta gobolka Banaadir oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen todobaadkii hore.

“Waxaa moodaa meeshii ugu dambeysay ee is yiraahdeen qabsada ee burburiya ee dadkeedana xasuuqa inaan caawa fadhino waa Alle mahaddiis,” ayuu yiri Madaale.

Duqa Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in aysan cabsi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, ayna sameyn doonaan wax kasta oo looga hortagayo abaabulka kooxda.

“Nimankii dhalinyarada ahaa halkan waa looga duceeyay, waana laga inkaaraym haddii uu Ilaalhey soo hanuuni rabana ilaahey ha u soo dadajiyo marka annagu nama badqin gelinayaan,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey Duqa magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka Muqdisho, isaga oo ugu baaqay inay garab istaagaan dowladdooda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Weerarkii gobolka Banaadir oo saacado qaatay ayaa ku billowday qaraxyo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhintay ugu yaraan illaa 6 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo ka mid ahaa shaqaalaha ka shaqeeya xafiisyada dowladda hoose ee Xamar.

Si kastaba, hadalkan ayaa kuso aadayo, ayada oo haatan Al-Shabaab ay culeys soo saartay caasimada, kadib markii lagu jebiyay inta badan howlgallada ka socdo gobollada dalka.

Sawirro: Shirweyne go’aan looga gaarayo arrinta SSC oo ka furmay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gudaha magaaladaasi uu ka furmay shirweynaha Aayo-Katalinta gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ku dhan Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaray arrinta magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxay ismimadu go’aamin doonaan sidii ciidanka Somaliland ay isaga bixi lahaayeen halkaasi, maadaama ay xaaladdu faraha ka baxday dilalkana ay kordheen.

Waxaa sidoo kale shirweynahan lagu falanqeyn doonaa sida laga yeelayo mustaqbalka saddexdaas gobol oo sanadihii la soo dhaafay hoostagayay Somaliland.

Arrimahan waxay ku soo aadayaan, maalmo ay xaalad adag ku jirtay Laascaanood oo rabshado ay gilgeleen, kadib markii ay isku dhaceen shacabka iyo ciidanka.

Kacdoonkan oo keenay in dhaqanka ay ku laabtaan magaalada, kana baxaan ciidamada Somaliland ayaa ka dhashay dilalka qorsheysan ee loo geysto haldoorka gobolka Sool.

Sidoo kale waxay shacabka careysan la wareegeen magaaladda oo dhan, kadib markii ciidamada deegaanka ay isku fidiyeen halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa haatan laga war dhowrayaa natiijada ka soo baxda shireynahaha maanta ka furmay halkaasi.

Dhanka kale Somaliland ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada aaga Laascaanood waxayna ciidamadeeda hada ku sugan yihiin duleedka magaaladaas oo ku taalla waqooyiga Somalia.

 

Sawirro: Nin Falastiini ah oo Qudus ka fuliyey weerar lagu laayey Israa’iiliyiin badan

Qudus (Caasimada Online) – Nin hubeysan oo Falastiini ah ayaa toddoba qof ku dilay banaanka kaniisad Yahuudda ay ku leeyihiin magaalada Qudus, isaga oo fuliyey mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee muddo lala beegsado Israa’iiliyiinta. 

Toogashada ayaa timid maalin kadib markii xiisadda Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay sii xumaatay, ayada oo ciidamada Israa’iil ay sagaal qof ku dileen weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed, halka Falastiiniyiinta ay gantaallo kasoo tureen Gaza.

Madaxa booliska Israa’iil Kobi Shabtai ayaa weerarka ugu yeeray “mid ka mid weeraradii ugu xumaa ee aan sanadahan la kulanno.” Wuxuu yimid maalin ay Yahuuddu xusayeen xasuuqii Holocaust ee dagaalkii labaad ee adduunka.

Booliska aya asheegay in “qiyaastii 8:15 pm uu nin hubeysan yimid aagga waddada Neve Yaakov ee magaalada Qudus kadibna uu billaabay inuu toogto dad goobta ku sugnaa.”

“Weerarka argagixiso ayaa dhaliyey dhimashada toddoba qof iyo dhaawaca saddex kale,” ayey yiraahdeen booliska.

Waxa ay intaas ku dareen in ninka weerarka fuliyey uu goobta ka cararay, balse durba la daba-galay, ugu dambeynna la toogtay kadib rasaas ay is-weydaarsadeen booliska. 

Booliska ayaa ku sheegay dableyga inuu ahaa Falastiini degan Bariga Qudus, oo Israa’iil ay ka goosatay Falastiin kadib Dagaalkii Lixda Maalmood ee 1967-kii.

Rabshadaha sare usii kacaya ayaa yimid bil kadib markii dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo Benjamin Netanyahu ay la wareegtay awoodda Israel.

Netanyahu iyo wasiirkiisa xagjirka midigta-fog ah ee Itamar Ben-Gvir ayaa goobta booqday isla habeenkii Jimcaha, ayada oo dadweyne ay ku qeylinayeen “Carabtu ha dhintaan.”

Netanyahu ayaa sheegay in golihiisa wasiirada amniga ay kulmi doonana dhowaan, kuna dhowaaqi doonaan “tallaabooyin deg deg ah” oo jawaab ah.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa soo saaray bayaan lagu sheegay in madaxweyne Biden uu cambaareeyey weerarka, kuna amray kooxdiisa amniga qaranka inay caawimaad u yaboohaan dhiggooda Israel.

Goorta lasoo dooranayo kursiga xildhibaan ee MAHAD SALAAD oo la shaaciyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kursi ka mid ah Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si loo soo buuxiyo booskaasi.

Kursiga jadwalkiisa la shaaciyey ayaa ah HOP147, waxaana horay ugu fadhiyay Mahad Salaad oo loo magacaabay agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, sidaasina uu ku waayey xubnimadiisii Baarlamaanka oo uu muddo ka soo tirsanaa.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in maantaba la guda-galayo diyaar garowga doorashada kursigan oo ka dhici doonto magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Qoraal ka soo baxay guddiga doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in kowda bisha soo socota ee February la qabanayo doorashada kursigan oo ah mid aad isha loogu hayo.

Habraaca kuraastan loo mari doono ayaa sidoo kale ah midkii ay horay u dajiyeen xubnaha guddiyada SEIT ee doorashooyinka ka qabtay dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale guddiga ayaa farriin u diray ka qayb-galayaasha tartanka, isaga ku wargelinayay inay diyaar garoobaan, iskana xaadiraan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kursigan ayaa waxaa loo saadaalinayaa inuu kusoo baxo nin lagu magacaabo Sheekh Axmed, kaas oo kalsooni badan ka heysta beesha.

Guddiga ayaa sidoo kale qaban doono doorashada kuraasta kale ee bannaan, waxaana kamid ah kursiga Fahad Yaasiin oo isagana deegaan doorashadiisa ay tahay Beledweyne.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa sanadkii hore ka dhacday doorashooyin ay hareeyeen murano xoogan, taas oo keentay in kuraasta qaar laga keeno doodo xoogan.

Wasiir Khadiija oo farta ku fiiqday dhibaato kale oo Al-Shabaab ku hayso dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi oo ka hadashay dagaalka Al-Shabaab ayaa iftiimisay in dhibaatada Shabaab aysan ku koobneyn dadka hadda nool oo kaliya, balse ay mustaqbal la’aan dhigeyso Jiilalka soo socda.

“Al-Shabaab waxay 15-kii sano ee la soo dhaafay Al-Shabaab jartay mallaayiin geed oo ay dhuxul u bedeleen si ay uga ganacsadaan, una dhoofiyeen dalka dibaddiisa, si ay ugu maal-geliyaan dagaalada iyo qaraxyada ay ku dilaan dadka,” ayey tiri Khadiija Al-Makhzoumi.

Waxay sheegtay in arrintaan ay ku kacday Al-Shabaab ay dhul badan ka dhigtay lama degaan, kuwaasi oo markii hore ahaa kaymo iyo dhul-beereed.

“Tallaabadan waxay lama degaan u rogtay dhul ballaaran oo markii hore ahaa Keymo, Dhul-daaqsin iyo Dhul-beereed, laf-dhabarna u ahaa wax soo saar dalka.”

Wasiirka deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya Khadiija Al-Makhzoumi ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in loo baahan yahay in loo midoobo sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa dadka iyo deegaanka.

Al-Shabaab oo sanado badan dhibaatooyin kala duwan ugeystay bulshada Soomaaliyeed, ayaa hadda wuxuu dagaal xoogan kaga socdo qeybo badan oo dalka, kaasi oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Tan iyo markii uu billowday dagaalka Al-Shabaab ayaa waxa laga gaaray guulo waaweyn, waxaana kooxda laga xoreeyay deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.

Bangiga Afrika oo hal arrin ku amaanay DF + Sawirro

0

Dakar (Caasimada Online) – Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina oo kulan gaar ah magaalada Dakar ee dalka Senegal kula yeeshay Wasiirka Maaaliyadda dowlada Somalia ayaa ku amaanay horumarka ay ka sameeyeen deyn cafinta.

Ugu horreyn wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Dr. Akinwumi Adesina warbixin ka siiyay xaaladda Dhaqaalaha Soomaaliyam horumarka laga gaaray arrimaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo sidoo kale  kordhinta mashariicda Bangigu uu ka wado gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ka warbixiyay heerka uu marayo hannnaanka barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo horumarka wayn dowladda dederaalka Soomaaliya ka sameysay.

Dr. Cilmi Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ku dhaw dahay in laga cafiyo dhammaan deymaha lagu leeyahay waqti dhaw, taas oo fursad u siineyso helida maal-gashi caalami ah.

Dhankiisa Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Dr. Akinwumi Adesina oo ka hadlay madasha ayaa ku bogaadiyay dowladda federaalka Soomaaliya in ay horumar wayn ka samaysay barnaamijka Deyn Cafinta iyo dib-u-habeynta hannnaanka Dhaqaalaha dalka.

Dr. Akinwumi Adesinaa ayaa shaaciyay in Bangiga uu garab taagan tahay Soomaaliya si ay ugu guulaysato arrimaha dib-u-habeynta iyo dhamaystirka Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo dhamaystirka ku dhaw.

Madaxweynaha ayaa intaasi kusii daray in dowladda Soomaaliya ku taageri doonaan mashariicda dheeraadka ah Deeqaha Bangiga ugu talagalay Soomaaliya ka baxsan.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa marka laga wada cafiyo deymaha waxay u baahan tahay, sida kordhinta dakhliga gudaha, isbeddelka cimilada, shaqa abuurka iyo Horumarinta nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda.

Palestinian gunman kills 7 in East Jerusalem shooting

Jerusalem (Caasimada Online) – A Palestinian gunman opened fire outside a synagogue in East Jerusalem, killing seven people and injuring three others on Friday night.

The attack, which occurred during the observance of the Jewish Sabbath, has been deemed the deadliest attack on Israelis in years and has raised concerns of potential further bloodshed.

The shooting has also posed an early challenge for Israel’s new right-wing government, which is dominated by ultranationalists who have advocated for a hard line against Palestinian violence. 

Israel’s police chief Kobi Shabtai called the shooting “one of the worst attacks we have encountered in recent years.” It also fell on International Holocaust Remembrance Day.

“As a result of the terror attack, seven civilians were pronounced dead, and three additional civilians were injured,” police said.

In response to the attack, Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu held a security assessment and announced immediate actions. He plans to convene his Security Cabinet on Saturday night to discuss further response.

Though he did not elaborate on what these actions may be, he emphasized that Israel would act with “determination and composure.” He also called on the public not to take matters into their own hands.

The United States issued a statement condemning the attack and expressing condolences for the loss of life. White House Press Secretary Karine Jean-Pierre stated that the U.S. would extend full support to the government and people of Israel.

Israeli police identified the attacker as a 21-year-old East Jerusalem resident who appeared to have acted alone. The police chief promised an “aggressive and significant” effort to track down anyone who may have assisted the shooter.

The attack has prompted Defense Minister Yoav Gallant to instruct security officials to assist police and strengthen defenses near Jerusalem and Jewish settlements in the occupied West Bank.

The attack also led to celebrations in both the occupied West Bank and Gaza Strip, where people fired guns into the air, honked horns, and distributed sweets.

This has escalated tensions that were already heightened following a military raid in the West Bank town of Jenin on Thursday, which resulted in the deaths of nine people, including at least seven militants and a 61-year-old woman. The raid was the deadliest in the West Bank in two decades.

The attack threatens to trigger a tough response from Israel and has cast a shadow over U.S. Secretary of State Antony Blicken’s visit to the region.

SOURCE: NEWS AGENCIES

Maxaa demiyey degmooyinka waqooyi ee Muqdisho oo shiday kuwa koonfurta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho oo ah magaalada ugu weyn dalka Soomaaliya uguna dadka badan ayaa dadka yaqaana sida loo dego waxay u kala qeybiyaan ama u kala tilmaamaan waqooyi iyo koonfur, tilmaantaas waxaa lagu saleeyaa qadkii cagaarnaa ee beri kala qeybi jiray Muqdisho.

Hadda waxaa timid su’aal ah maxay Muqdisho uga koreysaa koonfur oo waqooyi ay u maalgasha la’yihiin dadka dega oo aan ka dhaqaale yareyn qabaa’ilka dega dhanka koonfureed ee magaalada.

Weriye Xuseen Cabdulle Maxamed ayaa warbixin ka diyaariyey arrintaan, isagoo isku maray koonfurta iyo waqooyiga caasimadda Muqdisho, weliba xilli habeen ah.

Weriyaha ayaa la kulmay ganacsato iyo gaadiidley, wuxuu weydiiyey hanaanka ay u shaqeeyaan, warbixintaan waxaa soo galaya arrimo quseeya amniga oo dadka reerv Muqdisho ay dhibaato badan ku qabaan.

Isgoysyada KM 4, Dabka, Jubba, Xeebta Liido iyo goobo kale ayuu socod ku marayaa weriyaha diyaariyey warbixintaan oo soo bandhigeysa magaalada oo qeyb ka densan, qeybna aan laga hoyan.

Weriye Xuseen, wuxuu la kulmayaa oo istaajinayaa dhalinyaro wada mooto Bajaaj, waa xilli habeen ah, wuxuu ka dalbanayaa in ay geeyaan Kaaraan, balse wuxuu kala kulmayaa diidmo adag, iyagoo u sheegaya inay ka baqayaan tuugo.’

Sidoo kale goobaha uu Bajaaj-leyda qaar ka dalbaday inay geeyaan waxaa ka mid ah Carafaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, balse waa ay ka cudur-daaranayaan, iyagoo si cad ugu sheegaya inay ka baqayaan in tuugo dhibaateyso.

In kastoo Muqdisho aysan kala ammaan wanaagsaneyn oo degmo kasta ay tuugadu dhac ka geysato, hadana waxaa jira degmooyin aad looga baqo, kuwaas oo maamullada ka jira aysan xil iska saarin inay wax ka bedelaan caqabadaha amni ee bulshadu ay dhibanaha u tahay.

Hoos ka daawo warbixinta

Al-Shabaab oo mar kale afduubatay dad isku beel ah

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Hiiraan waxay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay kooxda Al-Shabaab afduubteen dad badan oo shacab ah, kuwaas oo ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Dadkaan ayaa maanta laga afduubtay deegaanada Camaloow, Helabacaad iyo Sugoow oo hoos taga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaanadaan waxay u dhowyihiin wabiga Shabeelle.

Kooxda afduubatay dadkaas waxaa la sheegay inay ka soo talaabeen wabiga Shabeelle, waxaana dadkaan intooda badan laga watay guryahooda.

Dadka la afduubtay oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa la sheegay inay isugu jiraan xoolo dhaqato iyo beeraley, waxayna Al-Shabaab la aadeen dhinaca galbeed ee gobolka Hiiraan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weli ku xooggan galbeedka gobolka Hiiraan, maadaama uu gobolkaas kala baro wabiga Shabeelle oo bari iyo galbeed u kala qeybiya.

Al-Shabaab ayaa toos u ugaarsata dadka u dhashay beesha Xawaadle oo dagaal adag la gashay kooxda, waxayna isugu dartaa dil iyo afduub, si beesha loogu cadaadiyo inay ka baxdo dagaalka Al-Shabaab.

Inta badan dhulka ay gobolka Hiiraan ka degto beesha Xawaadle ayaa laga saaray Al-Shabaab, balse weli kooxdu waxay wadaa cadaadis ka dhan ah beesha, si dagaalka kala dhexeeya ay xal ugu hesho.

Tobanaan qof oo ka soo jeeda beesha Xawaadle ayaa u afduuban Al-Shabaab, dadkaas intooda badan waxaa la xaqiijiyey in lagu haayo deegaano dhaca galbeedka gobolka Hiiraan, halkaas oo Al-Shabaab ay weli ku xooggan yihiin.

Beesha Xawaadle ayaa furo u noqotay gulufka dagaal ee dalka uga socda Al-Shabaab, kaas oo la saadaalinayo in sanado ama bilo kadib uu horseedi doono in saaxada laga tir-tiro kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Xasan Sheekh oo xog cusub siiyey waalidiinta ciidanka ku maqan Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa kulan xog-warran ah la qaatay guddiga waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka ku soo qaatay dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidanka inta maqan ay dalka dib ugu soo laabanayaan, markii ay soo dhameystaan tababarooda, si ay u gutaan waajibka qaran ee sida geesinnimada leh iyo dal-jacaylka ay u qaadeen.

Madaxweynaha ayaa waalidiinta u xaqiijiyay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, isla markaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Dhankooda, waalidka uu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu u fuliyay balanqaadkiisii.

Guddigaan ayaa Madaxweynaha u sheegay inay ka dawoobeen tabashadii iyo walwalkii ay qabeen, waxayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.

Kumanaan ka mid ah ciidankii tababarka ku soo qaatay ayaa la keenay dalka, halka tiro kalena ay weli ku maqan yihiin dalka Eritrea, kuwaas oo caawa uu madaxweynuhu u sheegay waalidiinta in weli uu tababar u socdo.

Dowladda Soomaaliya weli si cad uma sheegin hadii uu jiro tababar weli u dhiman ama u socda qeybo ka mid ah ciidamadii afar sano ka hor tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ciidankaan tababarka u diray ayaa maalintii uu xukunka wareejinayey wuxuu sheegay in sanadkii 2020-kii uu tababarkooda u dhamaaday ciidanka Soomaaliyeed eek u maqan dalka Eritrea.

Hayeeshee Farmaajo maalintaas ma sheegin sababta rasmiga ah ee ciidanka loogu soo celi waayey dalkooda markii ay dhameysteen tababarka, si lamid ah, Madaxweyne Xasan Sheekh weli ma cadeyn sababta kaliftay in afar sano ay ciidankaan ku maqnaadaan Eritrea.

Waxaa xusid mudan, in Farmaajo iyo Xasan Sheekh ay marar kala duwan sheegeen in sababo la xariira siyaasadda dalka oo kacsaneyd ay sabab u tahay in ciidankaas lagu soo celi waayo dalka, balse waxaa jira tuhun ay qabaan dadka qaar, kaas oo ah in caqabado kale ay ku hor gudban yihiin soo celinta ciidankaas.

Wasiir ROOBOW oo xog ka bixiyay qaabka loo dhisayo Golaha Sare ee Culimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa markii u horeysay shaaciyay in dowladda ay ku degdegi doonin dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed.

Wasiir Roobow ayaa sheegay in golaha culimada ee la dhisayo aanay xiligaan u baahneyn degdeg, balse marka hore ay sharci u sameynayaan, kadibna la horgeyn doono Golaha Wasiirada.

Sidoo kale waxa uu xusay in marka sharciga loo sameeyo hay’adda lasoo marsiin doono labada Aqal ee baarlamaanka, sidaasina lagu dhisi doono Golaha Sare ee culimada.

“Golaha waa la sameynaya, idinku ayuu ka imanaaya go’aamadiisa wax badan, xeer la sameeyay oo gaba-gabo ah oo la dhameystiro horta majiro ee ogaada. Xeerka waxkale ma ahan ee waa Golaha Culimo ee shaqeynaya qaabkee ayuu u dhismayaa, go’aamada muxuu ku qaadanaya, imisu noqonaya, ma iska joogayaan culimada loo dhiibo mise waa war-wareegi doonaan sida dowladda,” ayuu yiri.

“Idinka ayaa dhameystiri doono ee maanta iyo berri ma ahan waqti ayuu u baahan yahay. Si qanuuni u noqdaan Golaha Culimo ee la dhisayo oo qanuun ahaan ayaa loo hubinaya.”

Roobow ayaa sidoo kale sheegay in hay’adda culimada ay u baahan tahay miisaaniyad, taasina aan la heli karin haddii aan laga dhigin hay’ad sharci ah oo nidaamka la waafajiyay.

Arrintan ayaa wax cusub ku noqotay inta badan culimada kasoo qeyb-gashay shirka, maadama ay filayeen in geba-gabada shirweynaha lagu dhawaaqi doono hay’adda culimada.

Culimada ayaa shalay qoraal dheer oo ay kasoo saareen shirweynihii maalmihii dambe uga socday magaalada Muqdisho waxay dowladda federaalka uga dalbadeen inay si degdeg ah u dhameystirto diyaarinta hanaankii iyo sharcigii lagu dhisi lahaa Golaha ee culimada Soomaaliyeed.

Golahan ayay culimada ku sheegeen in uu noqonayo “weelkii lagu ilaalin lahaa Diinta” islamarkaana wuxuu kamid noqonaya goleyaasha dowladda, kaasi oo u madax-banaan gudashada waajibaadka iyo howlaha loo igmado.

“Dhismaha Golaha Sare ee Culimada Soomaaliyeed iyada oo laga dhigayo hay’ad ka mid ah hay’adaha dawlada oo leh xeer la marsiinayo habraacyada dastuuriga oo ku saleysan la tashiyada qayb ka kala yimid culimada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay culimada.

Xamza oo miisaankiisa muujiyay iyo Deni iyo Xasan Sheekh oo sii kala fogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo badan ayuu taagna loolanka xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya, waa mid kamid ah waxyaabaha uu Saciid Cabdullaahi Deni ka rabay madxweyne Xasan Sheekh Maxamuud balse uu ka heli waayay kadibna keentay inuu xiriirka dowladda dhexe hoos iskaga dhigo.

Sida uu Saciid Deni wax u rabay waxaa lagu tilmaamay qaab lagu inkirayay awood qeybsiga Ra’iisul Wasaare Xamza.

Soomaaliya siyaasad ahaan waxay weli wax ku qeybsataa nidaamka 4.5, markii halkaas la taagan yahay Xamza ayaa saami qeybsiga Soomaaliya masuul kaga ah Deni. Laakiin sida uu Saciid Deni rabay in wax walba isaga iyo Xasan Sheekh uga heshiiyaan ayaa dad badan u muujisay in awooda Ra’iisul Wasaaraha la dafirayo.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu shalay muujiyay in isagu xisaab beeleedkiisa masuul ka yahay, cidda xisaabtaas wax ku raadineysana ay qasab tahay inay isaga la-macaamisho.

Golaha Wasiirada ee Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay in Jeneraal Sulub Axmed loo magacaabay Taliyaha Booliska Soomaaliya. Ninkan waa reer Jubbaland, wuxuu hadda ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda duulista hawada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza.

Jeneraal Sulub marka aad magaciisa maqasho waxaa kugu soo dhacaya Axmed Madoobe, Xamza iyo inta badan siyaasiyiinta reer Jubbaland oo uu gogal u ahaa marka ay Muqdisho tagaan.

Sulub ayaa kamid ah saraakiisha aad loo xurmeeyo ee ciidanka Booliska Soomaaliya. Waa saaxiibka gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha.

Magacaabistiisu waxay muujisay awooda Ra’iisul Wasaare Xamza ee hab qeybsiga xilalka muhiimka ah.

Sarkaalkan dhex-dhexaadka ah ayaa beddalaya Cabdi Xasan Xijaar oo lagu eedeeyo inuu si aan habooneyn u maareeyay xaalka caasimada Muqdisho, xiligii lagu jiray doorashadii guud.

Xijaar iyo ciidankii uu xukumayay ayaa dhowr jeer oo kala duwan lagu eedeeyay inay isku dayeen dib u dhigis doorasho iyo weerar loo geystay dibad-baxayaal dalbanayay in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Sidaas oo ay tahay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Xijaar siiyay illaa siddeed billood oo dheeri ah, dadku waxay sugayaan inuu Xasan Sheekh degdeg u eryi doono Xijaar, laakiin taasi ma dhicin oo illaa 26 Janaayo 2023 ayuu soo gaaray taliskiisu.

Maanta Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya iyo Taliyihii Booliska Soomaaliya-ba waa reer Jubbaland, waxay u muuqata inuu madaxweyne Xasan Sheekh doortay shirko cusub.

Reer Jubbaland xilalkan waaweyn mar waa u magac marna xujo ayay ku tahay oo waxaa la eegaya sida ay ubadallaan dhaqan siyaasadeedkii hore iyo guul-darooyinkii dowladeed ee Soomaaliya.

Magacaabistan waxay dadka qaar soo xasuusineysa Puntland, tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud saddex xil oo reer Puntland si weyn ugu dagaalameen laba kamid ah waxaa qaatay reer Jubbaland waana Ra’iisul Wasaare-nimada iyo Taliyaha Booliska.

Booska dhiman waa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo isagana aan la ogeyn halka uu aadi doono.

Magacaabista taliyaha Booliska Soomaaliya Jeneraal Sulub Axmed ayaa dadka qaarkiis qabaan inay sii fogeyn karto diidmada Puntland ee la shaqeynta nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Laakiin Ra’iisul Wasaare Xamza, Taliye Sulub iyo xubnaha uu doortay madaxweyne Xasan Sheekh inay saami-qeybsigaas metelaan waxaa hortaalla inay si fiican u iibiyaan, udifaacan, una hirgeliyaan siyaasadda madaxweynaha.

Somalia applauds killing of senior IS leader Bilal al-Sudani

Mogadishu (Caasimada Online) – The Federal Government of Somalia has praised a recent operation conducted by United States special forces, which resulted in the death of Bilal al-Sudani, a senior leader of the Somali branch of Islamic State. 

The operation, which took place in northern Somalia on Wednesday, also resulted in the deaths of ten other terrorists, according to a statement released by U.S. Defense Secretary Lloyd Austin.

Austin said the action “leaves the United States and its partners safer and more secure, and it reflects our steadfast commitment to protecting Americans from the threat of terrorism at home and abroad.” He also thanked “our extraordinary service members as well as our intelligence community and other interagency partners for their support to this successful counterterrorism operation.”

Hussein Sheikh Ali, the National Security Advisor to the President of Somalia, welcomed the killing of al-Sudani but emphasized that the threat posed by IS in Somalia is relatively minimal. 

“As a government, we welcome the removal of the leadership of terrorist groups, especially when they are a threat to young people’s lives,” Ali said. 

“While IS does not have a significant presence in Somalia, it is important to note that the group could potentially increase its threat in the future. Al-Sudani was one of their leaders, but at this time, there is no major threat of IS in Somalia.”

Somalia’s national security advisor also stated that the U.S. operation was essential and demonstrated that the United States was not only targeting al-Shabab but also Islamic State militants in Somalia. “The message is clear, and it is that the leaders of all terrorist groups in Somalia are not safe, and there is no haven for them “in the entire Somalia Peninsula,” Ali said.

The Biden administration announced on Thursday that U.S. special operations forces had killed a senior official of the Islamic State (I.S.) group and ten other terrorist operatives in a remote area of northern Somalia. 

The operation, which took place on Wednesday, targeted Bilal al-Sudani, a Sudanese and a key financial facilitator for the Islamic State, in a mountainous cave complex.

According to Austin, Al-Sudani, who had been closely monitored by U.S. intelligence for some time, was a major financier of operations conducted by IS in Africa and the ISIS-K operating in Afghanistan. 

The Treasury Department had previously alleged that al-Sudani had worked closely with another I.S. operative, Abdella Hussein Abadigga, who had recruited young men in South Africa and sent them to a weapons training camp.

Somalia is more commonly associated with Al-Shabab, a terrorist group linked to Al Qaeda, rather than the Islamic State.

This operation comes days after Africa Command announced that it had conducted a collective self-defense strike northeast of Mogadishu, the capital, near Galcad.

In that incident, Somalia National Army forces fought heavily following an extended and intense attack by more than 100 al-Shabab fighters. The U.S. estimated that approximately 30 al-Shabab fighters were killed in that operation.

The offensive by Somalia forces against al-Shabab has been the most significant in over a decade. Al-Shabab holds a much larger footprint in Somalia than the Islamic State.

Safaaradda Azerbaijan ee Tehran oo la weeraray iyo madaxii amniga oo la dilay

Tehran (Caasimada Online) – Azerbaijan ayaa maanta sheegtay inay shaqaalaha ka daad-gureyneyso safaaraddeeda magaalada Tehran, ayada oo Iran ku eedeysay weerar “argagixiso,” kaasi oo lagu dilay madaxii amniga islamarkaana lagu dhaawacay laba ilaalo.

Madaxa booliska Tehran ayaa sheegay in ninka weeraray safaaradda ay dhiiri-geliyeen sababo “shaqsi.”

“Dhammaan mas’uuliyadda weerarka waxaa leh Iran,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan Ayxan Hacizada oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Waxa uu sheegay in ololaha ka dhanka ah Azerbaijan ee dhowaanahan ay wadeen warbaahinta Iran “uu dhiiri-geliyey weerarka.”

Hacizada ayaa u sheegay taleefishinka Turkish-ka ku hadla ee gudaha ee TRT Haber TV in shaqaalaha safaaradda “laga soo daadgureynayo Iran.”

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa twitter-ka ku yiri “Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarka argagixiso.”

Bayaan ay goor sii horeysay oo Jimcaha maanta ah baahisay wasaaradda arrimaha dibedda Azerbaijan ayaa lagu yiri “nin ku hubeysan qoriga Kalashnikov ayaa dilay madaxii ilaalada diblomaasiyeed.”

Waxay sheegtay in laba ilaalo uu sidoo kale dhaawacay qofka weerarka soo qaaday, islamarkaana hadda baaritaan uu socdo.

Qofka weerarka soo qaaday ayaa la xiray, waana nin Iranian ah oo qaba xaas Azerbaijani ah, sida uu sheegay madaxa booliska Tehran General Hossein Rahimi.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran Nasser Kanani ayaa sheegay in Tehran ay si xooggan u cambaareyneyso “weerarka hubeysan… oo nasiib darro dhaliyey dhimashada hal qof.”

“Sida uu sheegay baaritaan horudhac ah, waxaa dhiirigeliyey arrimo shaqsi,” ayuu ku daray.

Iran waxaa ku nool malaayin qof oo ah qowmiyadda Azerbaijan oo ku hadla luuqadda Turkish-ka, waxayna muddo ku eedeyneysay Baku inay dhulkeeda ka huriso dareen gooni isu taag.

Xiriirka labada dal ayaa caadiyan ah mid xun, ayada oo dalka horey uga midka ahaa Midowga Soviet uu xulufo dhow la yahay dalka Iran ay xifaaltamaan ee Turkey.

Tehran ayaa sidoo kale ka cabsi qabta in dhulka Azerbaijan loo adeegsan karo weerar Israel, oo hubka ka iibisa Baku, ay ku qaado Iran.

ISHA: AFP, VOA

Xasan Sheekh oo sheegay ‘cidda kaliya ee leh’ guusha la gaaray kadib sanado badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay casho sharaf ku maamuusay Culumadii ka qayb-gashay shirweynaha Culimada Soomaaliyeed ee kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu halkaasi ka sheegay in guusha laga gaaray dagaalka socda ay gaareen Soomaali oo kaliya.

“Waxa ugu muhiimsan ee guusha dhadhanka la sii-leedahay Soomaali kaligeed ayaa gaartay, dadka saaxiibada ah ee Afrika iyo Caalamka ka socda ee inoo yimid wax badan ayay soo dadaaleen laakiin howshaan anaga u xayd-xaydaney oo mushtamicii oo dhan ayaa u istaagay, inta dhiman Insha-Allah waxay ku imaan doonta intaas oo lasii xoojiyo oo la isku duubnaado,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in markii hore ee dagaalka Shabaab ay bilaabayeen aysan ku qanacsaneyn bulshada Soomaaliyeed qaarkood iyo beesha caalamka, oo iyagu markii dambe ku qancay in la iska dhicin karo kooxdan.

“Waa tabar yarnahay oo dowladd yab-yab ah oo tallaabo barad ah waaye laakiin tabar yaraantu ma ahan waxa maadiga ah ee waa qalbiga, haddaadan Caqiidada iyo Caqliga ka tabar-yareyn qof ka xoogan adduunka majiro. Laakiin marka qalbiga daciif ka noqoto markaas ayaa daciif tahay sikasta oo qalab waaweyn iyo xoola badan u leedahay daciif ayaa tahay.”

Sidoo kale waxa uu si weyn ugu bogaadiyay culimada Soomaaliyeed sida midnimada leh ee ay umadda Soomaaliyeed ugu soo bandhigeen dhibaatada ay Al-Shsbaab ku hayaan dadka.

Culimada ayuu ka codsaday inay meesha ka saarto kala qeybsanaanta ka dhex jirta bulshada Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka shaqeeyaan midnimada iyo isdhex-galkooda si mid loo noqdo.

“Waa kala miiranay asalkii inta ay dowladnimo bilaaban ee isticmaarka iman sida u nooleyn ayaa u noqonay, in aan kasoo noqon ayaa u baahanahay. Wanaag ma helayno illaa aan isdhex-galno oo dib isku dhex-galno oo Soomaali, Muslimiin noqon inta kala qoqobanahay rejo lagama qabo in aan yeelaano dowlad xoog leh oo macno leh adduunkana u dhiganta in aan yeelano rejadeeda aad ayay u yar tahay.”

Xasan Sheekh Maxamuud oo tallada dalka dib ugu soo laabtay 15-kii May ee 2022 ayaa wuxuu ku dhiiraday ku dhawaaqista dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab oo tan iyo markii uu billowday laga gaaray guulo waaweyn, wuxuuna dadaal badan ku bixinaya dhismaha hay’ad culimo oo marjac u noqota dowladnimada iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Soomaalida dalka Kenya oo walaac ka muujiyay HADAL kasoo yeeray Raila Odinga

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa dhawaan meel fagaara ah tageerayaashiisa ugu sheegay in uusan aqoonsanayn madaxwaynaha tallada haya ee William Ruto iyo dowladdiisa.

Kenya oo ah dal ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa qaar kamid ah waxay walaac ka mujiyeen hadalka Odinga, iyagoo ka cabsi qaba in hadalkiisu uu rabshado Kenya ka dhaliyo oo ay dhacaan qalalaase siyaasadeed.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Nairobi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xilligaan aan lagu jirin waqti olole doorasho, balse ay tahay mid laga sugayo dowladda cusub in ay la timaado isbedel wax ku ool ah.

“Waxaa u arkaan hadalka kasoo yeeray Raila Odinga waa kasoo horjeeda sababta oo ah xiligaan laguma jiro olole doorasho, Odinga xiligiisa waa dhamaadeen in hadda fawdo iyo khal-khal amni dalka galiyo waxa kasoo horjeeda, waxaana ugu baaqi lahaa in ay dhibaatada wadanka ka daayan,” ayuu yiri wiil kamid ah dhalinyarada ku nool Nairobi oo la hadlay VOA.

“Xukun maxkamadeed in uu kasoo daba hadlo Raila Odinga ma ahayn, in uu sidaas u hadlo ceeb ayay ku tahay sharafkiisa, dadka Soomaali-Kenyanka ku nool Islii dan nooguma jirto qalalaasaha iyo dhibtaas.”

Kadib markii ay soo idlaatay doorashooyinkii guud ee dalka Kenya ka dhacay sanadkii hore, Rail Odinga ayaa qaadacay natiijadii guddiga madax-banaan ee doorashooyinka ugu dhawaaqeen Ruto in uu yahay madaxweynaha guuleystay.

Laakiin maxkamadda sare ee Kenya oo muddo laba toddobaad darseysay dacwada ay mucaaridka u gudbiyeen ayaa 5-tii bishii 9-aad waxay ku raacday guddiga doorashada natiijadii uu hore ugu dhawaaqay ee shahaadada guusha ku siiyeen madaxweynaha haatan talada haya ee William Ruto.

Odinga ayaa xiligaas sheegay in uu aqbalayo go’aanka maxkamadda, balse uusan ku raacsaneyn go’aanka ay gaartay. Raila ayaa waxa uu sheegay in isku soo baxyo kale uu qaban doono maalmaha soo aadan.

Raila oo ah nin saameyntiisa leh, haystana taageerayaal daacad u ah ayaa sii xoojineysa walaaca ay qabaan Soomaalida ku nool dalka Kenya.

Xog: Somaliland oo dhaq dhaqaaq cusub ka billowday magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa dhaq-dhaqaaqyo cusub ka billowday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasi oo uu ka furmayo shirka aaya-ka-tashiga beelaha SSC.

Somaliland ayaa ciidamo horleh soo dhoobtay nawaaxiga Laascaanood, halkaasi oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamo kooban, waxaana ujeedka lagu sheegay xoojinta amaanka guud ee magaalada.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, ciidamada dheeraadka ah ee gaaray Laascaanood ay markii hore waxa uu fadhigooda ahaa duleedka deegaanka Yubbe ee gobolka Sanaag, oo ay soo faarujiyeen.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa ku soo aadaya, xilli lagu wado in uu maalmaha soo socda Laascaanood ka furmo shirka aaya-ka-tashiga beelaha SSC.

Somaliland ayaa hore u sheegtay in ay sugeyso amniga shirwaynaha beelaha gobolku ay Laascaanood ku yeelanayaan iyo ka guud ee magaalada, ayada oo banaanka usoo baxeen in garaadada shirkaan ka qeyb-galaya ay wataan ciidamo badan oo hubeysan.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa Isniintii si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland, waxayna soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada.

Isniintii ayaa waxay reer Laascaanood muujiyeen in aysan raali ka ahayn in mardambe laga maamulo Hargeysa, islamarkaana ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.