28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Macallin Xaashi, Salaxeey, Salmaan Dheere iyo 136 kale oo laga dilay Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaala) oo goordhoweyd warbaahinta la hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay howl-gal lagu dilay xubno badan oo Shabaab ah.

Howl-galkan ayaa ka dhacay dhul ballaaran oo kayn ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, gaar ahaana ku yaalla inta u dhaxeysa tuullooyinka Tawakal iyo Garasjeereed oo 12KM dhanka galbeed uga beegan degmada Janaale.

Wasiir Al-Cadaala ayaa sheegay in howl-gal billowday shalay oo socdana illaa hadda lagu dilay 136 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay muujinayaan qiimeyn hordhac ah oo ay dowladda sameeysay, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in goobtaas lagu dhaawacay 98 kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Howl-galka wuxuu si gaar ah uga dhacay goob weyn oo dadka gobolkaasi si weyn u yaqaanan Khawaarijtana ula baxeen Warta-Beder. Khawaarijta waxay goobtaas kusoo aruuriyeen koox maleeshiyaad ah oo dhowr boqol gaaraya oo u diyaarinayeen inay ku weeraraan shacabka Soomaaliyeed waxyeelana ugu geystaan,” ayuu yiri.

Xubnaha la laayay ayaa waxa ku jira horjoogayaal ka tirsan Shabaab oo la daba socday, kuwaasi oo uu ka magacaabay wasiirku horjooge magaciisa ku sheegay Salmaan Dheere oo Al-Shabaab u qaabilsana howl-galada Xeebaha.

Howl-galka intii uu socday ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in la khaarajiyay horjooge lagu magacaabi jiray Macallin Salaxeey oo isaguna Shabaab u qaabilsana weerarada ay ku qaadan degmooyinka Awdheegle, Qoryoolay iyo degmada Janaale deegaano hoostaga.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in howl-galkaan lagu khaarajiyay horjooge kale oo lagu magacaabo Macallin Xaashi, kaasi oo kooxda u qaabilsana waxay ugu yeeraan Jabhadaha ee ka howl-gala gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxa kale oo la burburiyay kayd weyn oo hub, oo halkaasi ku lahaayeen kooxda Al-Shabaab, kaasi oo illaa hadda gubanaya. Sidoo kale waxa la burburiyay gaadiid dagaal iyo kuwa kale oo saanad iyo waxyaabaha qarxa u isticmaali jireen.

Axmed Macallin FIQI oo ka jawaabay hadalkii Cali Dheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa u jawaabay Afhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheer) oo shalay ka hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda.

Wasiir Fiqi oo war qoraal ah soo saaray ayaa hadalka Cali Dheere ku tilmaamay inuu yahay calaacal ah, isla-markaana muujinaya tabar darrida kooxda, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu Fiqi su’aallo ka keenay baaqa uu Cali Dheere u diray gacansatada Soomaaliyeed, maadaama uu hadalkiisa ku sheegay in la boobi rabo hantidooda.

‘Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale wuxuu imntaasi ku daray in kooxda Al-Shabaab ay jab iyo weerar xoogan kala kulanta dagaalka ay ku qaadeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka aqriso:-

Waxaan xalay daawaday muuqaal uu iska duubay Cali Khawaarij oo xiran dharkii dawacadii wax wacdinaysay oo kale asagoo iska dhigaya nin u damqaya ganacsatada Soomaaliyeed, Mararka qaarna cataabaya asagoo ilgeeriyaad ka muuqdo!

Cali Khawaarij hoteeladii iyo guryihii uu marka uu burburiyo “Alxamdulillaah” dhihi jirey sow ma ahayn hanti shacab Soomaaliyeed, xoolihii uu zakawaatka beenta ah uu ka qaadi jirey, baabuurtii shacabka ee ay gubeen ama dhaceen, guryaha ay miinooyinka ku xireen baad ay bixin waayeen awgeed iyo boqolaal gardarrooyin kale oo ay hantida umadda ku dhacayaan kuwaasoo dhami sow ma ahayn hanti umadeed.

Cali Khawaarij dadka uu wax uu sheegayo ama isku dayayo inuu magacooda ku hadlo sida uu dhibkooda ugu farxi jirey iyo Alxamdulillaahidiisii miyuu ilaaway mise Cali waxa wareeriyey dharbaaxooyinka asaga iyo kooxdiisa soo gaaray!.!

Si kastaba Cali Khawaarij calaacalkiisa iyo tabar-darradiisa waxaan leenahay Alxamdulillaah meeshii shacabku kula rabay ayaad ku socotaa!.!

Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay odayaashii lasoo heshiiyey kooxda Al-Shabab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Odayaasha Beesha Reer Xaaji Saleebaan ee dhowaan heshiiska lasoo galay kooxda Shabaab kadib markii ay ugu tageen degmada Xarardheere, kahor inta aysan soo gelin gacanta ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Odayaashan oo kala ah:-Sugaal Warsame Cali, Caliyare Axmed Xeyle iyo Cumar Maxamed Jimcaale ayaa 27-kii December ee sanadkii tegay laga soo xiray gudaha degmada Cadaado, ayaga oo markaas uun ka yimid dhinaca Xarardheere oo ah halka uu heshiiska ka dhacay.

Maxkamadeyntooda ayaa soo martay heerar kala duwan, waxayna horay maxkamadda uga sheegeen in heshiiska ay lasoo galeen Al-Shabaab “uga dan lahaayeen furashada naftooda iyo ehelkooda” hase yeeshe aysan ka aheyn wada-shaqeyn dhex-marta iyaga iyo kooxda.

Sidoo kale dhegeysiga dacwadoodii ugu dambaysay ee kiiska Odayaasha ayaa dhacday 18-kii bishan waxayna ku doodayeen in reer ay wakiil ka ahaayeen.

Qareenada u doodayay odayaashan ayaa sidoo kale Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ka hor sheegay in saddexdaan Oday aysan kusoo laaban laheyn Cadaado oo aheyd meeshii laga soo qabtay haddii uu sax ahaan lahaa heshiiska Shabaab.

Intaas kadib Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo maanta go’aanka ka dambeysta ku dhawaaqday ayaa saddexda Oday ku riddaymin 5 sano oo xabsi ciidan ah iyo sidoo kale il ku heynta Ciidamada Booliska, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqooda.

Odayaasha ayaa sidoo kale heysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan, haddii aysan ku qanacsaneyn go’aanka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Arrinta Odayaasha ayaa kasii dartay markii ay kooxda Al-Shabaab oo hore u baahisay heshiiska ay kula galeen magaca Beesha Reer Xaaji Saleebaan, waxaana ku qornaa inay ku heshiiyeen in Beesha ka hortimaado gulufka dagaal ee socda, kana saarto ciidanka iyo hubkeeda safafka hore ee dagaalka.

Si kastaba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u mamnuucday in wax macaamil ah lala sameeyo kooxda Al-Shabaab, iskaba daa in heshiis lala soo galee, waxayna ballan-qaaday in tallaabo laga qaadi doono ciddii sidaas sameysa.

QARAXYO lagu weeraray guriga mas’uul ka tirsan G/Banaadir + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo saaka lagu qaaday hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Weerarka ayaa waxaa lagu ekeeyey guri uu dagan yahay C/llaahi Xasan Afrax (Shaarkey) oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmada Dharkenley, kaas oo ku yaalla xaafadda Xasan Jiis, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyaahay.

Kooxo hubeysan ayaa lagu warramayaa in illaa laba bambo ay ku dhufteen guriga guddoomiye Shaarkey oo xilligaas ku sugnaa goobta isaga iyo askar ilaali u aheyd, waxaana la soo wariyay inay ka bad-badeen weerarkaasi, marka laga tego burburka guriga.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in qaraxyadan bambaano uu ku dhintay wiil yar oo 14 sano jir ahaa isla-markaana qoyskiisa ay daris la yihiin mas’uulka la weeraray.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana howlgallo kooban sameeyay ciidanka ilaalada ee guddoomiyaha arrimaha bulshada degmadaas, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo beegsiga ay kooxda Al-Shabaab ku heyso mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaas oo kordhay maalmihii u dambeeyay.

Xalay ayey aheyd weerar loo adeegsaday qarax miino oo lalala damacsanaa gaari Cabdi Bile ah uu ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka ee dari ee ka dhacaya caasimada, waxaana aad loo xasuustaa weerarkii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir.

GARAAD JAAMAC oo dalab culus u diray DF iyo Jabuuti

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa markii u horeysay dalab la xiriira xiisada ka taagan Laascaanood u diray dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jabuuti.

Garaadka ayaa waxa uu dowladda federaalka iyo Jabuuti ka dalbaday inay dhulkooda uga saaran Somaliland, ayna soo kala gaadhaan iyaga iyo maamulka Muuse Biixi inta ay isfara-saarin, sida uu hadalka u dhigay.

“Jabuuti ha ahaato oo walaalaheena oo dariskeena ah, ama dowladan aanu ka tirsanahay ee federaalka ha ahaato, walaalayaalow inta waxani meesha ay marayaan ayna dhaafin, oo kumanaan ayna isku dhiman waad aragtaane dee qabta, oo dalkayaga nooga saara” ayuu yiri Garaad Jaamac.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Laascaanood uu muddo badan kadib ugu soo laabtay, si uu shacabka uga badbaadiyo xukun iyo maamul aanay rabin, ayna wadi doonaan halgankooda inta uu guuleysanayo.

“Fikirkayaga iyo aragtiyada way ballaaran tahay, waxa la isku dilay ee isku hayno waa go’ayna iyo la go’i maayo, oo arrintaas anaga wax gorgortan gali kara nooma ahan.”

Garaadka ayaa ka dhawaajiyay in xiligaan aanay wax wada-hadal ah la galayn xukuumada Somaliland illaa ay xukuumadda Muuse Biixi qirto in ay iyagu leeyihiin talada dhulka Sool, Sanaag iyo Cayn ee ay dagaan, sida uu sheegay.

“Marka hore waa in ay qiraan (Somaliland) in dhulkayaga anaga aan leenahay, anaga iyo beesha reer Sheekh Isxaaq dhul naga dhaxeeya majirto oo ma wada dagno, anaga qabiil ayaa nahay oo dhul ayaa daganahay iyaguna waa qabiil dhul ayay dagaan. Waxaa noo dhaxeeya xad qabiileed oo kala leenahay.”

Garaadka oo dhawaan si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay “in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.”

SACIID DENI oo shaaciyey inuu beegsanayo dadka la…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa shaaciyay in uu maamulkiisa uu wado qorshe amni oo lagu beegsanayo dadka la shaqeeya kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Saciid Deni ayaa sheegay inay og-yihiin dadka la shaqeysta Shabaab iyo Daaciash, islamarkaana ay tallaabo ka qaadi doonaan, xilli uu dalka ka socda dagaal ka dhanka ah kooxaha argagixisada oo sanado badan dhib ku hayay Soomaaliya.

“Xaqiiqdan ayaa idiin sheegayaa, qorshaha amni ee soo socda inta aanan buuraha la aadin, kuwa gudaha joogaan raadsanaynaa oo wax ka qabaneyna inta loo gudbin buuraha,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hadalka Deni ayaa kusoo aadaya, xilli dhawaan deegaano ka tirsan gobolka Bari loo geyn waayay sanaaduqda diiwaan-galinta doorashada cabsi laga qabo halis amni oo ka imaan karta kooxaha argagixisada, oo ayagu ku sugan buuraha gobolka Bari.

Laba maalin ka hor unbay ahayd markii uu Mareykanka duqayn uu ka fuliyay gobolka Bari ku dilay Bilal al-Sudani, oo ururka Daacish u qaabilsanaa dhanka maaliyadda, islamarkaana ku dhuumanayey meel buuraley ah.

“Tallaabadan waxa ay Maraykanka iyo saaxiibadiisa ka dhigeysaa kuwo amaman ah, waxayna ka tarjumaysaa sida ay uga go’an tahay inaan Mareykanka ka ilaalinno khatarta argagixisada gudaha iyo dibadda,” waxaa sidaas yiri xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo Arbacadii bayaan soo saaray.

Al-Sudani ayaa markii hore lagu daray liiska argagixisada ee Waaxda Maaliyadda 2012-kii doorkii uu ku lahaa Al-Shabaab darteed.

Wuxuu ka caawiyay dagaal-yahannada ajnabiga ah inay u safraan xero tababar oo Al-Shabaab ay leedahay, wuxuuna fududeeyay maalgelinta xagjiriinta rabshadaha ka wada Soomaaliya, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan maamulka madaxweyne Biden.

Saraakiisha Mareykanka ayaa faah-faahin kooban un ka bixiyay sida uu howlgalka u dhacay iyo xaaladihii ku xeernaa dilka Al-Sudani.

Wararkii ugu dambeeyey Jubaland oo dardar gelisay dagaalka Shabaab + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jiray wasiirro iyo guddoomiyaha degmada Kismaayo ayaa gaaray jiida hore ee ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ay kaga sugan yihiin deegaanka Jannaa Cabdalla ee Gobolka Jubada Hoose.

Deegaankaas oo muhiim u ah isku socodka gobolka ayaa dhowaan ciidamadu waxay ka xoreeyeen kooxda Al shabaab. Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada oo nabadeeyey deegaanada ay gacanta ku hayaan.

Wasaaradda caafimadka ayaa halkaas geysay daawooyin loogu tala galay ciidanka iyo dadka deegaanka, sidoo kale wasaaradda caafimaadka Jubbaland ayaa ciidamada gaarsiisay xoolo nool oo ay ugu tala gashay in loo qalo.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa daawooyinka iyo xoolaha ku wareejiyey saraakiisha ciidamada Al-Shabaab ka xoreeyey deegaankaas muhiimka ah ee Janaa Caballa.

Masuuliyiinta uu horkacayey Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland ayaa la kulmay dadka deegaanka Jannaa Cabdalla, waxayna ka wareysteen xaaladda deegaanka iyo joogitaanka ciidamada.

Dadkii joogay Jannaa Cabdalla ayaa ka mahad sheegtay  ciidamada, iyagoo sheegay in si wanaagsan ay ula dhaqmeen inta ay joogeen deegaankaas.

Dadka deegaankaas ayaa maamulka Jubbaland ka codsaday in baahiyahooda la daboolo, maadaama dhawaan laga dul qaaday caburintii Al-Shabaab oo dib u dhac weyn ay kala kulmeen, sida ay sheegeen.

Deegaankaas Janana Cabdalle ee dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, wuxuu min 60-km u jiraa degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, isagoo sidoo kale ahaa halbowlaha isku socodka kooxda ee gobollada Jubbaland iyo waddanka Kenya.

 

Ethiopia oo qaaday tallaabo ka dhan ah telefishanada Soomaalida & BBC + Sababta

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaqday in shaqadii laga joojiyay dhamaan warbaahinta laga leeyahay dalka dibadiisa ee aan wax fasax ah ka haysan wakaalada maamulka warbaahinta.

Qoraal kasoo baxay Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya (Ethiopian Media Authority) kadib waxa uu maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ku dhawaaqay in illaa 14 telefishan oo kuwa Soomaalida ah aysan kasii shaqeyn doonin dalkaasi.

“Dhamaan warbaahinta kala duwan ee laga leeyahay dalka dibaddiisa ee raba inay ka dhaq-dhaqaaqaan gudaha dalka Itooboya, waa inay fasax ka haystaan wakaaladdan, daba-gal badan oo aan samaynay waxaan soo ogaanay inay deegaanka Soomaalida ka shaqeeyaan warbaahino laga leeyahay dalka dibaddiisa, kuwaasi oo wax fasax ah aan ka haysan wakaaladda maamulka warbaahinta Itoobiya,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday wakaaladda.

Xafiiska Warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ka duulaya warqaddaas heer federal kasoo baxday ayaa waxa uu shaqada ka joojiya telefishanada kala ah; MM TV, Universal TV, Horyaal TV, Eryal TV, Kalsan TV, CBA TV, Horn Cable TV, Star TV, RTN TV, STN TV, Goobjoog TV, SAAB TV, Sahan TV, Five TV iyo BBC Somali.

“Waxaa dhamaan laamaha amniga ee DDS lagu wargalinayaa in ay warbaahinta dalka dibadiisa laga leeyahay iyo wakiila-wareedyadooda ee ku xusan lifaaqan ee sida sharci darada ah uga shaqeeya DDS ay ka qaadaan talaabada ku haboon ee sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Warbaahintan shaqada laga joojiyay ayaa fasax kumeel-gaar ah ka haystay xafiiska warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen maamulka qaar kamid ah telefishanada lagu sameeyay shaqo joojinta.

Arrinta ayaa sidoo kale timid xilli muddooyinkii dambe ay warbaahinta ka deyrinaysay xiriirka ka dhaxeeya iyaga iyo xukuumadda deegaanka Soomaalida.

Si kastaba, wakaaladda maamulka warbaahinta Itoobiya oo fadhigeedu yahay magaalada Addis Ababa ayaa ah wakaaladda kaliya ee bixisa ogolaanshaha ay warbaahin dibadda laga leeyahay ay kaga howl-gali karto deegaanada dalkaasi.

Somaliland: Shaqaalihii ugu badnaa oo la eryay + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawlada Hoose ee magaalada Hargeisa ayaa markii u horeysay sheegtay in shaqaalihii ugu badnaa ee ka hawl-galayay xafiisyada dawlada hoose ay shaqadooda ku waayeen arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo laaluush.

Cabdikariim Axmed Mooge, Duqa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shaqaalaha la eryay ay lacago ka aruursadeen dad danyar ah, islamarkaana ay qaateen laaluush ay howl fudeydin uga qaateen dadweyne adeeg usoo doontay xarunta dawlada hoose.

“Waxaa soo baxay oo soo noq-noqaya inay jiraan dad shufto ah oo tuug ah, shacabkana ku baadhanaya magaca madaxda dawlada hoose iyo magacyada gaarka ah oo ku leh waxaa bixisaan lacag diiwaan-gelin ah si dhul la idiin siiyo,” ayuu yiri.

“Sidoo kale waxa jira kooxo kale oo dad masaakiin ah lacago kaga aruursanaya iyagoo leh keena lacag waxa idinka soo dhameynayna guddiga fulinta go’aamo aad dhul ka heshaan.”

Maayir Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in dad kale oo ka tirsanaa shaqaalaha dawlada hoose ay u xiran yihiin falalkan, oo uu sheegay in uusan marnaba aqbali doonin

“Waxaa shaqadoodii waayay shaqaalihii ugu badna ee dawlada hoose looga eryay intii ay jirtay in wax isdaba-mariyeen ama qaateen laaluush. Arrintaas oo meel adag ka taagan yihiin maamulka dawlada hoose.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalin gaar ah u sameeyeen bulshada reer Hargeysa si ay masuuliyiintooda ula kulmaan, taasi oo qeyb ka ah la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo dadweynaha lacag looga qaato hawlaha dawlada hoose.

“Maalinkasta oo Arbaca waxa dadka shacabka loo shaqeeya 2 duhurnimo illaa habeenkii, maalintaas waxa loo sameeyay qofkasta oo ay ku adkaatay in uu gaaro madaxda dawlada hoose.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa maalin kale u sameynay waxyaabaha ugu xasaasisan oo la yiraahdo maamulka iyo maareynta arrimaha dhulka oo maalinta Axada ayaa waxay labada gudi fadhiistan hoolka si ay bulshada ugu shaqeeyaan.”

Maayirka ayaa sheegay in tallaabooyinka u qaadayaan si meesha looga saaro in wax mad-madow ah uu soo galo shaqada dawlada Hoose ee u hayso bulshada ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Muxuu yahay qorshaha Galmudug kadib Xarardheere?

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Gobollada Dhexe ee dalka oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo dhul weyn looga qasabaday kooxda, ayada oo ciidamada huwanta ay qabsadeen magaalooyin horleh.

Galmudug waxa ay shaaca ka qaaday in haatan xooggaga Al-Shabaab laga saaray 80% deegaanadeeda, gaar ahaan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta Galmudug sheegeen in haatan ciidamada ay ku hawlan yihiin, sidii ay Al-Shabaab uga fogeyn lahaayeen agagaarka degmada Xarardheere, isla-markaana ay howlgallo ka wadaan halkaasi, si looga hortago weerarada kooxda.

Dhanka kale guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Cilmi Cali Cabdi (Cilmi-Ganey) oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ka socdo Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in Xarardheere kadib qorshahooda uu yahay degmada Ceelbuur oo muddo ku jirto gacanta Al-Shabaab.

Ceelbuur ayaa ah degmada ugu weyn ee ay haatan xoogaga Al-Shabaab kaga sugan yihiin gudaha gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, maadaama inta badan deegaanada gobolkaas laga saaray, waxaana ugu dambeeyey degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad.

Gobolkan ayaa sidoo kale kamid ahaa meelaha ay ku xooganaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, balse waxaa gaaray kacdoonka shacab ee ka socdo dalka, kaas oo ay iska kaashanayana ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale kuwa dadka deegaanka.

Galmudug waa maamul goboleedkii labaad ee guul weyn ka gaara dagaalka Al-Shabaab, waxaana ka horreeyay HirShabelle oo inta badan xoreysay deegaanadeeda.

Dhanka kale howlgalladan ayaa la filayaa inay ku fidaan gobollada kale, sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo uu haatan ka socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka lagu qaaday oo ah abid kii ugu ballaarnaa, waxaana looga qabsaday saldhigyo muhiim ah.

Maxaa ka cusub shirka Lafta-gareen iyo mucaaradkiisa?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed dadaalada xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taasi oo u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa weli socda kulamo gooni-gooni ah oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, ayada oo dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirkaasi uu sheegay inay muhiim tahay in la helo Koonfur Galbeed heshiis.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo laf-dhabar u ah dadaalada lagu rabo Koonfur Galbeed heshiis ah ayaa waxa uu kulan la qaatay wafdi ka socda gobolka Bakool oo magaalada Baydhabo u jooga shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga ka socda gobolka Bakool ayaa waxaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo suura-gelin lahaa guul ka gaarista shirkaan iyo inuu natiijo wanaagsan ku soo dhamaado

Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ayaa waxay guddoomiyaha u sheegeen in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleysan lahaa islamarkaana degaannada looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Aadan Madoobe oo Baydhabo ku sugan muddo ku dhaw bil ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.

Al-Shabab threatens banks as Somali government targets group’s revenue

Mogadishu (Caasimada Online) – The Somalia-based militant group Al-Shabab has issued a warning to local banks and money transfer firms, urging them not to “expose” their clients or risk facing punishment.

The move comes in response to the Somali government’s decision to crack down on the group’s sources of revenue.

Last month the government announced it has closed down over 250 known bank accounts and 70 mobile money transfer firms linked to the group, per Prime Minister Hamza Abdi Barre. 

“The government has closed down about 250 accounts linked with the militants in four banks and the network and the data services of about 70 mobile phones the militants were using to transfer money,” the Prime Minister said. 

In response, the group’s official spokesperson, Sheikh Ali Dheere, stated that Al-Shabab would not “accept” the practice of some banks giving “information” about their customers to strangers, referring to the government.

He added that such acts are ” unethical ” and “punishable.” This is the first time Al-Shabab has targeted financial institutions in Somalia, where the group is believed to channel most of its revenue.

Al-Shabab is known to generate revenue through various means, including punitive taxation and ransom payments. Al-Shabab uses part of its revenue to pay its active fighters and maintain its territories.

A report by the United States estimates that the group has an annual budget of $100 million, with $24 million allocated for the purchase of weapons. 

Sheikh Ali Dhere believes that the plan to target banks and reveal the clients who provide funding to the group is a component of a broader US strategy to target Somalia’s financial institutions.

“The United States has invested significant effort in developing a plan to enable the Somali government to implement it. The goal of this plan is to gain control of Somalia’s wealth,” stated Sheikh Ali Dhere.

In its efforts to tackle Al-Shabab, the Somali government has adopted a multi-pronged approach that includes ideological tactics and financial control in addition to military fronts.

President Hassan Sheikh Mohamud believes that targeting the group’s financial accounts can significantly reduce their activities in central and southern Somalia.

He stated that the government is closing the group’s bank accounts and shutting down mobile money transfer firms connected to them to ensure security.

The government’s decision to focus on cutting off the group’s sources of revenue is seen as a crucial step in weakening the group’s capabilities and reducing its activities in central and southern Somalia.

However, it is unclear how effective this strategy will be in the long run.

While cutting off the group’s access to financial resources may weaken its capabilities in the short term, the group will likely find alternative ways to generate revenue.

Additionally, the group’s reliance on threats and intimidation may make it difficult for banks and other financial institutions to operate in the country.

WASIIR caawa lagu dilay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Farxiyo Cabdi Waasuge oo aheyd wasiiru dowlihii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Dilka Haweeneydaas ayaa ka dhacay degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug.

Gabadhaan ayaa ka soo jeeday beesha Saruur ee Habargidir oo dhawaan bilowday guluf ka dhan ah Al-Shabaab, kuna guuleysatay inay kooxda ka xoreysato Xarardheere iyo deegaano kale oo ay degto.

Al-Shabaab ayaa caan ku ah inay Muqdisho ka ugaarsadaan dadka ugu muhiimsan beelaha ay kala kulmaan kacdoonka, iyadoo la xasuusto beegsi ay horay kooxdu ugu sameysay beelo aan ka xusi karno Dir, Xawaadle iyo Saleebaan, kuwaas oo haldoor badan looga dilay Muqdisho.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen gabadhaan wasiiru dowlaha ka aheyd wasaaradda gaadiidka Galmudug, markii laga soo baxay salaadii cishaha ee caawa, waxayna ka baxsadeen goobta.

Inkastoo Al-Shabaab looga gacan sareeyo dagaallada ka socda gobollada dalka oo dhul badan ay lumiyeen dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, hadana kooxdu waxay weli awoodaa inay dilal qorsheysan ka fuliso gudaha caasimadda Muqdisho.

Muqdisho oo ah magaalada ugu muhiimsan dalka, qof kasta oo Soomaali ah oo aan deganeyn waa booqdaa, ama waa ku hamiyaan inuu tago, laakiin waxaa looga maara la’yahay dilalka qorsheysan ee argagixisada, taas oo cabsi badan ku heysa shacab iyo masuul, qof kasta oo ku nool magaaladaan.

Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ‘Garanwaa’ u bixiyey kooxaha dila dadka ee hadana ku dhex dhuunta magaalada Muqdisho, wuxuuna iclaamiyey howlgal qof iyo guri ah, si loo aqoonsado Garanwaaga.

Inkastoo ciidamada ammaanka ay dhaqdhaqaaq iyo xooraan intaba sameeyaan, hadana lama soo qabto kuwa dadka dila ee Muqdisho ku dhex dhuumaaleysta, taas oo xujo weyn ku ah dowladda Soomaaliya oo ku hamineysa in waayo dhow ay saaxada ka tir-tirto kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirka wasiirka la dilay

Daawo: Wasiirka difaaca oo farriin ka soo diray furimaha dagaalka ee Mudug

0

Xarardheere (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ku sugan furimaha dagaalka ee aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa farriin u diray Al-Shabaab.

Farriinta wasiirka ayaa si gaar ah ugu socotay dhalinyarada weli ka barbar dagaalanta koxoda Al-Shabaab, sidoo kale wuxuu wasiirku aad u amaanay ciidamada qaranka ee u dhabar adeygay soo hoynta guulo muhiim u ah shacabka Soomaaliyeed.

“Halkaan aan joogno waa deegaan, waa jabeen Khawaarijtii, waxaan maanta farriin u dirayaa dhalinyarada la qalday, waxaad leyneysaan dad muslimiin ah, waxaad ku cayaareysaan naftiina, walaalayaalow qaladkaan ka soo noqda, weli fursadaa heysataane,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo maalmo badan ku sugan gobolkaas Mudug ayaa sheegay inuu soo arkay hoogga iyo ba’a ay ku noolyihiin dhalinyarada u dagaalanta Al-Shabaab, maadaama uu joogo furimaha dagaalka.

“Dowladiina iyo dadkiinu waa idin soo dhaweynayaan hadaa noo soo laabataan, sidaa ku jirtaan waa hoog iyo ba’ maalin kasta waa gubaneysaan, halaag adduun ayaa ku nooshihiin, kii aakhirana waa idin sugayaa,” ayuu yiri.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in Shabaab laga adkaaday, isagoo yiri, “Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay Khawaarij waa jabtay, inta hartayna waan is raacineynaa insha allaah,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wasiirka oo farriintaan isaga soo duubay Cabdi-bile korkiisa ayaa yiri, “In maanta aan halkaan soo gaarno oo shacabkeena deegaanadaan fog ku nool ay xornimo dareemaan waxaa suurta geliyey ciidankeena geesiyaasha ah, Allaha idin abaalmariyo.”

Wasiir Jaamac ayaa maanta sheegay in internet-kii ugu horeeyey ee abid laga isticmaalo ay maanta ku guuleysteen in la gaarsiiyo degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo kooxda Al-Shabaab ay maamuleysay intii ay aas-aasneyd.

“Taariikhda hala geliyo Xarardheere internetkii ugu horeeyey ayaa galabta laga daayey wicidii ugu horeysey oo WhatsApp ahna anaa hadda sameeyey.
Shacabkayagoow Guuleysta,” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Hoos ka daawo

Daawo: Al-Waajidi oo BF ka hor sheegay arrin ku saabsan khilaafkii Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah culimadii dhawaan ku shirtay magaalada Muqdisho ayaa maanta fadhigooda ugu tagay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo u sameeyey baraarujin.

Culimadaan ayaa guddoonka golaha ka codsatay inay kalmado baraarujin ah ka hor jeediyaan xildhibaanada, sida uu kulankii maanta ka sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Abshirow.

Sheekh Xasan Al-Waajidi oo ka mid ahaa culimadii maanta lagu casuumay kulankii xildhibaanada golaha shacabka ayaa ugu horeyn kulanka ka akhriyey Qur’aan.

Markii uu soo gabagabeeyey akhrinta Qur’aanka ayuu jeediyey khudbad baraarujin ah, isagoo sheegay in xildhibaanada uu u sameeyey xirsi xir, ‘Waxaan niyeystay inaan Golaha Shacabka Qur’aan saaro, horay  waxaan u Quraan saaray Madaxtooyada oo khilaaf ka jiray, si Sheydaanka iyo Jinigu uga baxo,” Sheekh Xasan Al-Waajidi.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in hadda ka hor lagu casuumay madaxtooyada oo khilaaf adag uu ka taagan yahay, isla markaana uu Qur’aan ku akhriyey, si sheydaanka uu uga xijaabo madaxda.

“Waa waajib i saran in aan dalka qur’aan u akhriyo, habeen kale ayaan tegay iyadoo sidii uu khilaaf uga taagan yahay madaxtooyada, labada guri ee madaxweynaha iyo r/wasaaraha ayaan qur’aan la dhex istaagay, si khilaafka looga baxo, sababtoo umadii waa dhibaateysan tahay, madaxdiina waa dagaashan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sheekh Xasan Al-waajidi.

Shiiqa ayaa xildhibaanada xasuusiyey in dad Soomaaliyeed oo dowlad la’aan ah ay sugayaan, isagoo kula dardaarmay inay khilaaf ka fogaadaan oo danta dalkooda ay ka fekeraan mar kasta.

“Soomaali hadaan nahay aqoonta diinta islaamka kaalinta ugu horeysa ayaan uga jirnaa, markii la joogo adduunka, gudaha dalka markii la joogo waa in muhiimad weyn la siiyo diinta islaamka, idinka dhan waxaan idinka codsaneynaa, in shareecada islaamka lagu maamulo dalkaan,” ayuu yiri Sheekh Xasan Al-Waajidi.

Hoos ka daawo

R/W XAMZA oo xil sare u magacaabay Xamza Xaadoow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xilkan u magacaabay Xamza Adan Xaadoow, wuxuuna bedelaya Amb. Maxamed Cali Nuur oo xilkaan hayay tan iyo horaantii 2020-kii, oo markaas ay u magacowday wasaaradda arrimaha dibedda.

Magacaabistan ayaa dhaqan-galeysaa maanta oo taariikhdu tahay 28-da Janaayo 2023, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ku howlan dib u qaabeynta xukuumadda, ayada oo dhawaan uu golaha wasiirada Soomaaliya xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Ganaraal Sulub Axmed Firin u magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.

Xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo raaceysa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan ugu jirta dib u qaabeynta dowladda iyo sidii dalkaan looga ciribtiri lahaa kooxda Shabaab.

Sharciga NISA oo la geeyay BF iyo dood ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada loogu qeybiyay sharciga hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, kaasi oo ay hore u ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Kulanka maanta oo uu guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka labaad Cabdullaahi Abshirow ayaa waxa xildhibaanada la siiyay mmuddo 3 maalmood ah oo ay kusoo akhriyaan sharciga cusub ee NISA.

Abshirow ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan loo raacayo xeerka, islamarkaana 3 berri kadib la isugu soo laaban doono doodiisa, xilli kal hore ay dhacday in guddoonka Golaha uu cod galiyay sharci aan la marin nidaamkii xeerarka, kaasi oo dood badan ka dhalisay Golaha.

Xildhibaanada qaarkood ayaa guddoonka Golaha Shacabka ku eedeeyay in la dadajiyay sharciyo hore oo qaarkood hal mar laga dhigay laba akhrin, taasi oo keentay in mudanayaasha golaha ay feejignaan dheeri ah ka muujiyaan sharciyada la horgeeyo golaha.

Inkasta oo sharcigan uusan mad-madow badan ku gadaamneyn ayna tahay markii u horeysay ee hay’adda NISA ay yeelato sharci ay ku dhaqanto sanado badan ayaa haddana waxay xildhibaanada qaarkood qabaan in waqti la siiyo, taasi oo keentay in saddex maalmood kadib la isugu soo laabto.

NISA ayaa waxay hadda ku biireysa ciidanka iyo laamaha amniga ee sharciga ah ee dalka uu leeyahay, in sharci ay yeelato waxa laga faa’iidi doono in la helo dariiq isla xisaabtan maadama sharcigu yahay aas-aaska hay’add walba.

Sharcigaan ayaa waxa la rumeysan yahay in uu dabrayo madaxda hay’adda oo waagii hore aysan awoodooda ay xadidneyn.

Sida ku cad cutubka 4-aad qodobkiisa 13-aad ee sharciga la ansixiyay, sharcigan waxa uu hay’adda usoo dejinaya heerka isla xisaabtanka oo muddo fog ka maqneyd. Sidoo kale cutubka 5-aad ee qoddobka 38-aad ee sharcigan ayaa waxa uu ka hadlaya xuquuqda dadka hay’addu soo xirto.

Markii hore majirin sharci, xuquuq iyo xeer dadkaas lagu dhaqo. Wixii la doono ayaa lagula kici jiray dadka ay soo xirto hay’adda.

Hadda, Cutubka 5-aad qodobkiisa 38-aad xarafka C waxa uu leeyahay qof walba oo ku jira gacanta hay’adda lama jirdili karo, lamana maskax iyo mooral dili karo.

Isla qodobkaan xarafka E waxa uu leeyahay dumarka ku jira hay’adda NISA waxa halka ku xiran yihiin ilaalinaya ilaalo hoosaad dumar ah oo waxa loola dhaqamaya shareecada Islaamka.

Sharciga cusub ee NISA ayaa waxa uu soo afjaraya tacadiyadii maxaabiista ay xirto NISA iyo mad-madow badan oo ku gadaamna hay’addan.

Cali Dheere oo si caro leh uga hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo uu dhawaan ansixiyay Golaha Shacabka.

Cali Dheere ayaa sheegay in sharcigaan ay dowladda federaalka oo gadaal ka riixayo Mareykanka uga dan leeyihiin beegsiga shirkadaha ganacsiga wadanka iyo dadka ganacsatada ah, loona boobi lahaa hantidooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa qorshe uu Mareykanku wax badan kasoo shaqayay, uuna u diyaarsaday (dowladdii) u fulin lahayd, hay’adihiisii ka hawl-geli lahaa, shirkadihii iyo bangiyadii uu hantidaas ku urursan lahaa iyo xeerarkii uu ugu dambayn u adeegsan lahaa si uu hantidaas hal mar ula wareego,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

“Waxaad ogtihiin in Mareykanku hanti ummad Soomaaliyeed leedahay uu 2001-dii xayiray isagoo ku andacoonayo inay argagixiso leedahay. Xilligaas Shabaab ma jirin, tobanaan sano kadib ayuu qirtay in eedeymahaas ay khalad ahaayeen, balse ilaa iyo maanta hantidii iyada ahayd dadkeedii looma soo celinin oo way ka baahanyihiin, gaaladii ayaana haysata oo ku intifaacday.”

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale waxa uu hanjabaad culus u diray bankiyada Soomaalida, kuwaasi oo uga digay in ay xogta macaamiishooda la wadaagan dowladda.

“Bangiyada Soomaaliyeed ee dalka ka shaqeeya waxaan leenahay cid idinka yeeleysa malaha inaad xogaha dadka Muslimiinta ah ee hantidooda idinku aaminay aad dhiibtaan la idinka yeelo maayo inaad dadka aad hantidooda ku shaqaysataan aad diintooda, naftooda, maalkooda iyo cirdigooda gaalada baylah uga dhigtaan.”

Waxa kale oo uu sheegay in kooxda ay isha ku hayso bangiyo uu ku sheegay ajaanib oo raba inay yimaadan gudaha Soomaaliya “Waxaan leenahay xogtiina waan haynaa iyo waxa aad u socotaane dalkaan ha isku soo lugooynina. Shilin ummada Soomaaliyeed ledahay qaadan maysaane lafihiina haku qamaarina.”

Hadalkan kasoo yeeray Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wuxuu u muuqda mid culeys badan ka wajahay ansixinta hindise-sharciyeedkan oo dowladda ay sheegtay inay kula dagaalameyso dadka maal-galiya kooxaha argagixisada.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ku guuleysatay inay xirto akoono iyo lambaro ay kooxda u isticmaali jirtay lacagaha baada ah ee ka qaado umadda Soomaaliyeed, waxaana weli socda dadaalo lagu wiiqayo awooda dhaqaale ee kooxda.

Afar arrimood oo waaweyn oo laga faa’iiday shirkii culimada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa dhawaan kusoo idlaaday shirweynihii Culimada Soomaaliyeed, waayahan shir noociisa ah ma aanay arag Soomaalidu.

Culimada firqooyinka oo sanado badan saxafada iyo kulan diimeedyada isku xukminaayay, si weyna isku diidana ayay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay inay isku keento.

Waxaa la isku keenay xilli lagu jiro marxalad xasasi ah oo ay Al-Shabaab magac diimeed ku laynayso dad muslimiin ah oo cibaado iyo ganacsi ku jira.

Sidoo kale dhaqankii Soomaalida ee Diinta Islaamka raacsan ayaa u muuqda in Teknoolijayada casriga ah ay u xoog sheegatay.

Wuxuu shirweynaha culimada uu qabsoomay xilli aad muhiim ugu ah dadka Soomaalida oo baahi badan loo qabo in xaqa la cadeeyo.

Haddaba, Sheekadan waxaa kusoo koobeyna dhowr arrimood oo laga faa’iiday shirkii culimada.

1. Midnimada Culimada: Culimada Soomaaliyeed ayaa geedaha ku kala jiray waqti fog, mas’alooyin khilaafi ah ayaa dhaliyay in qaar is-xukmiyaan.

Afartii maalmood ee shirka uu socday, culimada waxay isla qaateen in loo midoobo badbaadinta diinta iyo dalka oo aan dib loo eegin waxyaabihii hore.

In xoogga culimada la mideeyo waa faa’iido umaddeed oo waxay yareyn doonto khilaaf diimeedka iyo in magaca diinta lagu geysto dambiyo waaweyn.

2. Xukunka shareecada Islaamka ee dhaqanka Al-Shabaab: Culimada waxay soo saareen go’aan mideysan oo daliil wata, kaasi oo ay ku cadeynayaan in Al-Shabaab ay yihiin koox Khawaarij ah.

Dagaalka lagula jirana inuu yahay Jihaad ayaa ku jirtay bayaanka culimada xaqna ay tahay in dalka iyo diinta laga badbaadiyo kooxdaas.

Culimada waxay si adag bayaankooda ugu yiraahdeen Al-Shabaab iyo Daacish waa cadowga Diinta Islaamka.

Xukunkan wuxuu baajin doona kuwa laga yaabo in xiligaan kooxdu Diin ahaan uga iibin rabtay mashruuceeda.

Hadda majiro qof diin ahaan ugu dhiiran kara inuu ku biiro koox intaas oo culimo ah ay xukun diini ah kasoo saartay dhaqankooda khilaafsan shareecada Islaamka.

3. Shidaalka kacdoonka shacabka: Mar haddii ay culimadii yiraahdeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab waa Jihaad ee ha laga wada qeyb-galo, waxay u badan tahay in la heli doono jihaad doon badan oo iska qoraya ciidanka dowladda iyo macawiisleyda.

Culimaddu waxay sheegen in dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish inuu yahay mid lagu difaacayo maqaasida waaweyn ee shareecada Islaamka.

Culimadda ayaa sidoo kale sheegay in aanay iyaguna guryaha iska fadhin doonin balse ay ka qeyb-gali doonaan dagaalkan oo Jihaad ku tilmaameen.

4. Firaaqii dowladda iyo culimada oo dhamaaday: Soo-bixintaankii Al-Shabaab iyo inay afkaartooda shaqeyso waxaa ugu wacna cilaaqaad la’aanta culimada iyo dowladda.

Iskaashi la’aantaas ayay kooxda ka faa’iideysatay laakiin shirkan waxa uu soo afjaray firaaqii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo culimada Soomaaliyeed, waxayna taasi ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeyay aan afkaarta Al-Shabaab lagu dhex iibin karin dalka.

Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale isku raacday in la dhiso golaha sare ee culimada oo saldhig u noqon doono go’aamada dhaqan dowladeedka iyo midka bulshada, ayada oo dowladda Soomaaliya loo xil-saaray inay billowdo dhismaha golaha sare ee culimada.

Kooxda xukunkaan laga soo saaray ee Al-Shabaab ayaa muddo shan iyo toban sanno ku dhow waxay dadka Soomaaliyeed u qeybisay in ay dishay iyo in ay gaaleysiisay.

Turkiga oo qaaday tallaabo deg deg ah kadib falkii lagu gubay qur’aanka ee Denmark

0

Istanbul (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa u yeertay danjiraha Denmark ee dalkeeda fadhiya, iyada oo ku eedaysay Denmark inay taageertay “dembi nacayb ah”.

Arrintan ayaa daba socota kadib markii nin caan ku ah nacaybka Islaamku uu Jimcihii gubay laba nuqul oo ka mida kitaabka baraysan ee Quraanka Kariimka ah, xilli uu mudaharaad ka dhigayey caasimadda dalkaas ee Copenhegan.

Rasmus Paludan oo u dhaq-dhaqaaqa aragtida midigta fog, haystana dhalashooyinka Denmark iyo Sweden, ayaa hore u qaaday tallaabo ka caraysiisay dalka Turkiga iyo dunida Islaamkaba, kadib markii uu gubay nuqul ka mida kitaabka Quraanka ah intii uu socday mudaharaad ka dhacay dalka Sweden bishan January 21-keedii.

Jimcihii isaga oo ku sugan meel u dhow masaajid iyo weliba barxadda hore ee safaaradda Turkiga ee ku taalla Copenhegan, wuxuu wacad ku maray inuu tallaabadan sii wadi doono Jimce kasta illaa dalka Sweden looga ogolaanayo inay ku biiraan isbahaysiga NATO.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa gudbistay codsi ay doonayaan inay ugu biiraan isbahaysiga gaashaanbuurta ah ee NATO, hase ahaatee codsigooda ayay tahay inay ansixiyaan dhamaan xubnaha isbahaysiga NATO.

Turkiga ayaa dhawaan muujiyey inuu hor istaagi doono, illaa ay dalalkani tallaabo ka qaadaan mintidiinta Kurdiyiinta ah iyo weliba kooxaha kale ee dalkiisu uu ku daray liiska argagixisada.

Wakaaladda wararka ee Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkigu ay u yeertay danjiraha Denmarka, iyaga oo masuuliyiinta dalka Turkigu ay si adag u cambaareeyeen oggolaanshaha Denmark ee falkan daandaansiga ah, kaasi oo muujinaya dembi nacayb ah.

Turkiga ayaa u sheegay danjiraha Denmark, inaan la aqbali karin dhaqanka dalkiisa, Turkiguna uu filayo in oggolaanshaha lagala noqdo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Denmark Lars Lokke Rasmussen ayaa warbaahinta Denmark u sheegay in dhacdadani aanay waxba ka bedeli doonin “xidhiidhka wanaagsan” ee Denmark iyo Turkiga.

Waxa kale oo uu sheegay in Copenhegan ay damacsan tahay inay Ankara kala hadasho sharciyada Denmark ee dhawraya xorriyadda.