28.2 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

DF oo qaaday tallaabooyin kadib hadalkii Cali Dheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa Sabtidii baahisay muuqaal uu afhayeenka kooxda Cali Dheere uga hadlayo dagaalka dhaqaale ee kaga socda Muqdisho, kaasi oo uu udhigay mid lagu dhibaateynayo umadda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada warfaafinta ayaa u dhaqaaqday inay baahiso muuqaalo hore oo ku saabsan dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid yihiin shaacintii akoonada iyo lambarada laga xiray kooxda iyo hadal uu madaxweynaha dhawaan ka jeediyay kacdoonkii shacab ee ka qabsoomay Muqdisho.

Hadalka Cali Dheere oo u muuqday mid quus ah, muujinaya in dagaalka dhaqaale ee dowladda federaalka la gashay uu si weyn u taabtay ayaa digniin u diray bangiyada oo uu sheegay inaysan xogta macaamiishooda la wadaagin dowladda, islamarkaana ay ilaaliyaan lacagaha la dhigto.

Dowladda ayaa muuqaalada ay dib u baahisay ee uga jawaabeyso hadalka Cali Dheere waxa kamid ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegaya guusha laga gaaray dagaalka dhaqaale ee Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay.

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in arrintaan ay muujinayso in dagaalka dhaqaale ee Shabaab uu yahay mid ficil ah, xilli ay markii hore dadka qaarkood u haysteen sheegashada dowladda ee akoonada la xayiray iidheh qeyb ka ah dagaalka.

“Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Shabaab Bangiyada loogu arurin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waala xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuuud.

Al-Shabaab ayaa u muuqata inay saameeysay xayiraada dowladda ay saartay dhaqaalaha u yaalla bangiyada Muqdisho, kuwaasi oo ay kooxda ku eedeeysay in aysan ilaalin karin lacagaha amaanada ku ah, wallow kooxda laftigeedu ay lacagta si baad ah uga qaadan jirtay ganacsatada.

Daawo: Mahdi Guuleed oo BF ka sheegay in Somaliland ay tahay ‘dal madax bannaan’

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka, ahna haatan xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta hadal buuq badan dhaliyay ka dhex sheegay kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaas oo la xiriira arrinta madax bannaanida ee Somaliland.

Mahdi Guuleed oo ka hadlay dooda ku aadan hindise sharciyeedka hay’adda NISA ayaa soo hadal qaaday sida uu sharcigaan uga hir-geli karo dalka, ulana jaan qaadi karo waddamada dariska ah, isaga oo dalalkaas ka tilmaamay Somaliland oo uu ku sheegay inay tahay dal daris la ah Soomaaliya.

“Haddaba is barbar dhig baanu sameynay oo aanu la eegnay shuruucda kale iyo weliba Geeska Afrika iyo Somaliland qudheeda, ninbaa oran jiray Somaliland waxay kamid tahay waddamada dariska ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dowladda dhexe.

Intaas kuma ekaan, wuxuuna Mahdi Guuleed u aqoonsaday Somaliland inay tahay dal madax bannaan, isaga oo sheegay inay ku jirto wadamada dariska la ah Soomaaliya.

“Marka waddamada dariska ah waan wada eegnay Somaliland-na ay ku jirto,” ayuu markale yiri xildhibaan Mahdi Guuleed oo deegaan ahaan kasoo jeeda Hargeysa.

Intaas kadib xildhibaanada ayaa sameeyey fal-celin, waxaana hadalka Mahdi Guuleed ka dhashay buuq ay sameeyeen xubnaha Golaha, waxaana kadib soo farageliyay guddoonka.

“Xildhibaanada sharafta leh garaaca joojiya cidda toosin sameyneyso waa la siinayaa,” ayuu yiri guddoonka sare ee Golaha Shacaabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa sidoo kale hadal heyn xoogan ka dhex-dhalisay baraha bulshada, waxaana dadka ka falceliyay ay soo jeediyeen in tallaabo laga qaado Mahdi, si uu u bixiyo raali-gelin.

Si kastaba, Mahdi Guuleed ma’aha mudanihii ugu horreeyay ee Baarlamaanka ka sheega hadalkan, waxaana uga horreysay Xildhibaan Gobsan oo iyadana ka soo jeeda Somaliland, taas oo shaacisay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo ay tahay in lagu ixtiraamo.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku ridday XAASKA horjoogaha ISIS ee Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo ah Xaaska hoggaamiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo C/qaadir Muumin.

Haweeneydan oo isticmaaleysay magacyo kala duwan, sida Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa ayaa taariikhdu marka ay aheyd 21/03/2022 laga soo xeray gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, ayada oo loo heysto kamid ahaanshiyaha kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa shaaca ka qaaday in Fartuun ay Daacish u qaabilsaneyd arrimaha lacagaha.

Sidoo kalena waxaa lagu eedeeyay in ay marti gelin jirtay xubnaha kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaya magaalada Mudisho ama kuwa ku cusub.

Haweeneydan ayaa sidoo kale lagu helay inay xiriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish, ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee caalamlka Bilal-Alsudani kaas oo uu 27-kii bishan January howlgal uu ku dilay Mareykanka.

“Waxa ay tahay hadda Xaaska horjoogaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho,”‘ ayey tiri Maxkamadda.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu intaasi kusii dartay in ay la guur guureysay, isla-markaana ay ugu dhexeysay meelaha uu ku dhuunto, balse ay rasmi u daganeyd Gaalkacyo.

Xeer Ilaalinta Maxkamadda ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun, waxayna ugu dambeyn Maxkamadu fadhigeedii gabagabada ahaa soo dhamaysatay 17-kii bishaan January 2023.

Maxkamadda Ciidamada ayaa maanta ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah, sida uu ku dhowaaqday Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Xog: Mushaarka xoogagga Al-Shabaab oo hoos u dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab oo haatan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka kala kulmeysa culeyskii ugu xooganaa ayaa hadane soo wajahday xaalad kale oo dhaqaale oo aad u baahsan, waxaana meeshii u hooseysay gaaray mushaaraadka xoogaga u dagaalama kooxda, kadib markii laga xiray akoono ay lacago badan ugu jireen.

Dagaalka ay qaaday dowladda ayaa ka kooban saddex jiho oo kala ah, Milatariga, Fikirka iyo sidoo kale Dhaqaalaha, taas oo ujeedkooda uu yahay in lagu cuuryaamiyo Al-Shabaab.

Khubaro dhanka sirdoonka ah ayaa shaaca ka qaaday in uu hoos u dhacay mushaarka ay kooxda bixiso, isla-markaana uu gaaray meeshii ugu hooseysay, ayadoo dagaalyahankiiba uu haatan mushaar u qaadanayo lacag dhan 10 dollar, maadaama dhaqaale xumo ay soo wajahday kooxda, sidoo kalena laga qabsaday meelihii ay lacagaha badan ka heli jireen.

Mushaarka ay markii hore bixin jirtay kooxda ayaa u dhexeeyey $50 ilaa $100 oo la siinayo qofkiiba, balse ay hada u dhowdahay in la waayo wax la siiyo, sida ay sheegayaan khuburadu.

Sidoo kale waxa ay ilo wareedyadu intaasi ku dareen in arrintaan ay dhacday afartii bilood ee u dambeysay markaas oo ah xiliga ay dowladu bilowday dagaalka dhaqaale ee Shabaab.

Ilaha dhanka sirdoonka ee baahiyay xogtan ayaa sidoo kale sheegay in haddii sidan lagu sii hayo kooxda ay sababi karto in laga adkaado, isla-markaana laga tirtiro dalka oo dhan.

Madaxda sare ee dowladda ayaa horay guullo uga sheegtay dagaalka dhanka dhaqaalaha ee Al-Shabaab, wuxuuna ra’iisul wasaaruhu sheegay in la xiray ugu yaraan ilaa 250 akoon oo ay kooxdo ku laheyd bangiyada iyo sidoo kale lambaro gaar ah oo ay lacago ugu jireen.

“Lacagaha la xiray waa la baarayaa, Taleefoono ayaa loo qeybiyay shacabka Soomaaliyeed, markey Shabaab soo wacaan waxey ku leeyihiin lacagtaas dir meeshaas dhig, dowladda ayuu qofka soo wacayaa wuxuu leeyahay sidaas ayaa la yiri meeshaas ayaana dhigayaa akoonkaas ayaan ku shubayaa, sababtoo ah dadkii hadda dowladda waa aamineyn waxaana la leeyahay meesha dhig lacagtaadana waa laguu soo celinaa, sidaas ayaana  lagu xiraa akoonada Khawaarijta” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Dhankiisa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrintan ayaa shaaca ka qaaday in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xareysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay. 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah.

Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo afhayeenka guud ee Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo soo hadlay uu qaylo dhaan ka muujiyay dagaalka dhaqaalaha ee ay ku qaaday dowladda federaalka Somalia, taas oo laga dheehan karo guul darrada kooxda.

Diyaarad Ruushku leeyahay ‘oo lagu weeraray’ garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarad Helicopter ah oo Ruushka uu leeyahay ayaa lagu weeraray garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaa sidaas sheegtay safaaradda Ruushka ee Jabuuti, oo sidoo kale qaabilsan Soomaaliya.

Weerarkan ayaa dhacay 23-kii Janaayo, sida ay sheegtay fasaaradda, balse waxaa shaaca laga qaaday kaliya Axaddii.

Diyaaraddan ayaa waxaa leh shirkadda UTair ee Ruushka, waxayna ka qeyb-qaadaneysay howlgalka bani’aadannimo ee QM ay ka waddo Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Axaddii.

“Diyaarad Helicopter oo laga leeyahay Ruushka oo ka qeybqaadaneysay taageeridda gaadiidka cirka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu duqeeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, diyaaradda ayaa waxaa soo gaaray burbur aan badneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda

“Ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay shilkan, duuliyayaasha Ruushkuna waxay si caadi ah u sii wateen shaqadooda,” ayay tiri safaaradda. 

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in kooxda Al-Shabaab ay ka dambeysay weerarka, islamarkaana iminka uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadan. Kooxda Al-Shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin weerarka. 

Ma jirto dhacdo ama weerar la ogyahay oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho 23-kii Janaayo, inkasta oo suurta-gal ay tahay in dowladda federaalka ay qarisay. 

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weerar hoobiye oo 24-kii Janaayo ay Al-Shabaab ku qaady xaafado ku dhow madaxtooyada qaranka.  

Sidoo kale, 22-kii Janaayo, oo ah maalin kahor maalinta ay safaaradda sheegtay, Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta gobolka Banaadir. 

Xog: Kursigii uu baneeyay Mahad Salaad oo doorasho la’aan lagu kala baxayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kursigii uu baneeyay Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa la filayaa in doorashadiisu dhacdo 1-da bisha Febraayo, taasi oo ka qabsoomi doonto Dhuusamareeb, sida uu dhawaan shaaciyay guddiga KMG ah ee doorashada kuraasta ka banaan BF.

Kursigan oo tirsiigu yahay HOP#147 ayaa waxa loo xirayaa musharax uu wato Mahad Salaad, oo lagu magacaaba Ilyaas Sheekh Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Musharax Ilyaas ayaa waxa uu hore u ahaa madaxii hay’adda NRC ee Dowlad-goboleedka Galmudug.

Musharaxan ayaa la sheegaya in uu taageero buuxda uu ka haysto jufada kursiga leh iyo xildhibaankii hore u baneeyay Mahad Maxamed Salaad.

Doorashada kursigaan ee loo balansan yahay 1-da Febraayo ayaa ah mid nidaam ahaan uun loo marayo, mar haddii lasii og-yahay natiijadeeda iyo musharaxa kusoo baxaya.

Ilyaas oo saaxiib dhow la ah agaasimaha NISA Mahad Salaad horana ula soo shaqeeyay ayaa waxaa la filayaa inuu kursigan tartan la’aan ku qaato.

Kursigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay doorashadiisa qabtaan guddiga KMG ah ee ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay si loo buuxiyo kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Tan iyo markii la magacaabay guddigan ayaa waxaa soo baxayay eedeymo la xiriira in uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu xasuusta in muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood, haddii ay arrintaan dhacdana waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweynaha.

Sidee dowlada ka yeeleysaa malaayiinta dollar ee laga xayiray kooxda Al-Shabaab?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaal toos ah oo cirka iyo dhulka ah ku qaaday Khawaarijta Al-Shabaab oo sanado badan aan la kulmin iska caabin sidaan u abaabulan. 

Dagaalka ayaa horseeday guulo waa weyn, sida in lagala wareegay magaalooyin badan iyo degmooyin ay ka talinayeen 15 sano. 

Waxaa sidoo kale dagaalka lagu qaaday Shabaab qeyb ka ah in lagala dagaalamay dhanka maaliyadda, islamarkaana la xayiray 250 akoon oo ay ku leeyihiin bankiyo ku yaalla Soomaaliya, kuwaaa oo dadka ganacsatada xoolahooda inta si sharci darro ah ugu qaadaan kadibna ay ku gumaadi jireen. 

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay. 

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay arrintaan inay qeyb ka tahay dagaalka dowladda kula jirto Al-Shabaab oo uu sheegay inuu yahay mid ficil ah.

“Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Al-Shabaab Banliyada loogu ururin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waa la xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud mar uu shacabka kula hadlayay Garoonka Eng Yariisow.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa isna sheegay in hadda wadashaqeyn fiican ay kala dhaxeyso ganacsatada iyo dowladda, islamarkaana lala socdo oo ganacsatada ay soo gudbiyaan Bankiyada Al-Shabaab ay ku amraan in lacagta la dhigo iyo akoonada ay leeyihiiin Khawaarijta.

Waxa uu Ra’isul Wasaaraha sheegay in ganacsatada loo celin doono lacagtooda, gaar ahaan kuwa soo sheegaya marka ay A-Shabaab soo wacaan islamarkaana lagu amro in akoon ay ku shubaan. 

“Lacagaha la xiray waa la baarayaa, Taleefoono ayaa loo qeybiyay shacabka Soomaaliyeed, markey Shabaab soo wacaan waxey ku leeyihiin lacagtaas dir meeshaas dhig, dowladda ayuu qofka soo wacayaa wuxuu leeyahay sidaas ayaa la yiri meeshaas ayaana dhigayaa akoonkaas ayaan ku shubayaa, sababtoo ah dadkii hadda dowladda waa aamineyn waxaana la leeyahay meesha dhig lacagtaadana waa laguu soo celinaa, sidaas ayaana  lagu xiraa akoonada Khawaarijta” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamse

Ra’iisul Wasaaraha, oo ka hadlaya sida lacagahaas laga yeeli doono, ayaa sheegay in la baari doono lacagaha iyadoo dadkii usoo sheegay dowladdana lacagahooda lasiin doono, waxaana uu xusay in lacagaha kalena ilaa amar dambe iney meeshooda ku jiri doonaan. 

Al-Shabaab ayey u muuqatay inay si weyn u saameeysay xayiraadda dowladdu ku sameysay dhaqaalaha u yaala bankiyada, waxaana afayeenkooda uu eedeyn u jeediyay bankiyada in aysan ilaalin karin lacagaha ammaanada ku ah, taas oo u muuqata cabsi gelin iyo iska hor keenid shacabka iyo Bankiyada dalka ah.

By: Abdiaziz Hassan Ibrahim
Email: [email protected]

Sawirro: Wasiirka difaaca Jabuuti oo yimid Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Jabuuti, Xasan Maxamed Cumar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kasoo gaaray garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa wafdigan ku soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn Wasiirka Gaashaandhigga dalka Jabuuti ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubto ka tirsan ciidamada Xoogga dalka, kuwaas oo qayb ka ahaa soo dhaweynta loo sameeyay.

Intaas kadib labada mas’uul ayaa kulan hordhac ah ku yeeshay qaybta nasiinada ee garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay isaga xog wareysteen xaaladihii u dambeeyay.

Wasiir Xasan Maxamed Cumar ayaa booqashadiisa waxa ay la xiriirtaa ka qayb-galka shirweyne ka dhacaya caasimada, kaas oo ay ka qayb-galayaan waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxaana looga hadlayaa amniga iyo dagaalka Shabaab.

Sidoo kale wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono madaxda ugu sarreysa ee dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha oo uu kala hadli doono dagaalka Al-Shabaab.

Booqashadan ayaa sidoo kale daba socoto safarkii uu dhowaan magaalada Muqdisho kusoo gaaray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo maalmo ku sugnaa gudaha caasimada, kadibna waxay labada dal is dhaafsanayeen booqashooyinka madaxda labada dowladood.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ku jirtaa howlgalka ATMIS, ayadoo ciidamadeeda ay joogaan Hiiraan.

Si kastaba, xiriirka ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo ah laba dal oo walaalo ah, misana daris ah ayaa cirka isku shareeray kadib dib u doorahadii Xasan Sheekh.

 

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay MASJID ku yaalla Peshawar oo lagu dilay 34 qof

Peshawar (Caasimada Online) – Qarax xooggan oo Isniinta maanta ah ka dhacay Masjid ay dad badan ku tukanayeen oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 34 qof, iyadoo dad ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarka oo dhacay casirkii ayaa la sheegay in qof is-miidaamiye ahaa uu isku qarxiyay masaajidka oo ku yaalla bartamaha magaalada Peshawar ee caasimadda gobolka Khyber Pakhtunkhwa.

Sarkaal sare oo dhinaca amniga ah, ku-xigeenka taliyaha booliiska Shaficullah Khan ayaa TV-ga dowladda u xaqiijiyay tirada dadka ku dhintay weerarka iyadoo laga cabsi qabo in tiradu ay intaa ka badato.

Wakaaladda wararka ay Reuters oo soo xiganeysay sarkaal ka tisan dowladda ayaa warisay in ugu yaraan 34 qof ay dhinteen, 150 kalana ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay magaalada Peshawar ee waqooyi-galbeed Pakistan. Inta badan dadka wax ku noqday qaraxa ayuu sheegay in ay ahaayeen askar ka tirsan booliska.

Isbitaallada magaalada ayaa xaqiijiyay inay heleen toboneeyo qof oo ku dhaawacmay weerarka, iyagoo xaaladda qaar ka mid ah dhaawacyada ku sheegay mid halis ah.

Dadka ka badbaaday iyo shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay in saqafkii dhismaha masjidka uu ku burburay xoogga qaraxa goobta lala beegsaday.

 

Masaajidka ayaa waxaa ku tukan jiray saraakiisha amniga iyo kuwa dowladda, waxaana dadka dhintay badankood ay yihiin ciidamada.

Madaxa ciidamada booliiska ee magaalada Peshawar Ijaz Khan ayaa sheegay in masjidku uu ku dhex yaalay aag ay ku dhex taallo xarunta dhexe ee ciidamada booliska gobolka iyo waaxda la dagaalanka argagixisada.

Sikandar Khan oo ah sarkaal booliis ah ayaa isna sheegay in dhismaha masjidku uu ku yaallo aag si weyn loo ilaaliyo. Waxa uu sheegay in ugu yaraan 260 qof ay ku sugnaayeen gudaha masjidka marka uu weerarku dhacay.

“Qeyb ka mid ah dhismaha masjidka ayaa burburay, waxaana la aaminsan yahay in dadka qaar ay burburka ku hoos jiraan” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaare Shahbaz Sharif ayaa canbaareeyey weerarka ismiidaaminta ah ee lala beegsaday masaajidka magaalada Peshawar, sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo ka soo baxay magaalada caasimadda ah ee Islamabad. 

Ma jirto koox wali sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sababay dhimashada badan.

Gobolkan Pakistan ee ku yaalla xuduudda Afghanistan ayaa bilihii u danbeeyey waxa uu la kulmayay weerarro argagixiso oo isdaba jog ah.

Inta badan weeraradii hore ayaa waxaa sheegatay kooxda la mamnuucay ee Tehrik-i-Taliban Pakistan, oo loo garan og yahay Taalibaanta Pakistan.

VOA, REUTERS

DF oo jawaab kulul ka bixisay hanjabaaddii Cali Dheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Soomaalya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji oo ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ayaa si kulul ugu jawaabay Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Wasiirka ayaa si weyn uga horyimid hanjabaadda uu Cali Dheere u diray ganacsatada Soomaaliyeed, wuxuuna tilmaamay inuu yahay nin iska hadlay.

Jibriil Cabdirashiid ayaa shaaca ka qaaday in Cali Dheere aan waxba laga weydiineynin ilaalinta hantida Ummadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in cidda laga ilaalinaayo hantida shacabka ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu ku eedeeyey inay baad ka qaado ganacsatada iyo shacabka.

“Ninka Cali Dheere la yiraa ee ku hadla Afka Khawaarijta, waxa aan u sheegayaa in aan waxba laga waydiinayn ilaalinta hantida umadda Soomaaliyeed oo cidda laga ilaalinayaa ay tahay isaga oo ah khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu boggaadin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee dhaqan-geliyay amrka kasoo baxaa dowladda ee ku aadanaa in aysan la macaamilin Al-Shabaab, ayna iska diidaan farriimaha uga imaanayaa dhanka kooxda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliyeed ay sii wadeyso dadaalkeeda, isla-markaana ay ka go’an tahay in la cuuryaamiyo Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa daba socda muuqaal uu dhowaan iska soo duubay Cali Dheer oo si adag uga hadlay dagaalka dhaqaale ee ay kala kulmeen dowladda federaalka, isaga oo dhanka kale bangiyada iyo shirkada waaweyn uga digay inay bixiyaan xogta dadka ay hantida u hayaan.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa muuqata in looga adkaaday dhanka milatari iyo dhaqaalaha, maadaama dhul badan laga qabsaday, sidoo kalena laga xiray akoono ay lacago ugu jireen.

Diyaarado DRONE ah oo weeraray xarun ay leedahay wasaaradda difaaca IRAN

Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa Axaddii sheegtay in weerar loo adeegsaday diyaarad drone ah lala beegsaday xarun ay leedahay wasaaradda difaaca, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka taagan barnaamijka Nukiliyeerka.

Nidaamka lidka diyaaradaha ayaa burburiyey hal drone, halka laba kale ay qarxeen, ayey tiri wasaaradda difaaca, waxayna intaas ku dartay in wax khasaare ah uusan ka dhalan weerarka oo ka dhacay gobolka bartamaha ku yaalla ee Isfahan.

Holac xooggan ayaa hawada qabsaday sida ay ay muujiyeen muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada, iyo warbaahinta dowladda, ayada oo la arkyey dad kala cararaya iyo gawaarida gurmadka deg degga ah. 

“Weerar aan guuleysan ayaa lagu soo qaaday dhisme ay leedahay wasaaradda difaaca,” ayey tiri wasaaradda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda ee IRNA.

Mas’uuliyiinta ma aysan sharxin dhaq-dhaqaaqyada ka socday goobta, hase yeeshee IRNA ayaa sheegtay in weerarka uu beegsaday “warshad soo saarta rasaasta.”

Mohammad-Hassan Assafari, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamanka Iran, ayaa wakaaladda wararka Mehr u sheegay in “cadowga iyo mucaaradka” Iran ay doonayeen inay weerar “ku arbushaan awoodda difaaca,” Iran.

Weerarka drone-ka ayaa imanaya xilli xaalad kacsan ay ka jirto Iran, oo ay ruxeen dibadbaxyo ka dhashay gabar Kurdish-Iranian ah Mahsa Amni, oo bishii September ku dhimatay gacanta booliska, iyo is-mari waaga ka taagan barnaamijkeeda Nukliyeerka oo aan xal laga gaarin.

Iran ayaa sidoo kale waxay dalalka Reer Galbeedka kala kulantay eedeyn ah inay diyaarado drone ah oo hubeysan u qeybineyso Ruushka si uu ugu isticmaalo dagaalka Ukraine, eedeyntaas oo Tehran ay beenisay.

Iran ayaa sanado badan waxay dagaal dadban kula jirtaa Israel, oo lagu eedeeyey weeraro curyaamin ah iyo dilal qorsheysay oo lala beegsaday barnaamijka Nukliyeerka Iran.

Iran ayaa waxay gobolka Isfahan ee weerarka uu ka dhacay ku leedahay xarumo dhowr ah oo lagu sameeyo daraasaadka Nukliyeerka oo ay ku jirto xarun lagu beddelo uranium-ka. 

Mareykanka oo shaaciyay in ciidamada Eritrea aysan weli ka bixin gobolka Tigray

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa markii u horeysay shaaciyay in ciidamada Eritrea ay weli ku sugan yihiin Itoobiya, inkasta oo ay dib uga laabteen xuduudda.

Arrintan ayaa waxay beenineysa hadalkii mas’uuliyiinta dowladda Itoobiya ee ahaa in ciidanka Eritrea ay mar hore ka baxeen dhulka Itoobiya.

Ciidamada Eritrea ayaa ka barbar dagaallamayey ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad isbaheysi ah oo labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal ku dhex maray dowladda Itoobiya iyo xoogagga goolka Tigreega ee TPLF.

Bishii November, si kastaba ha ahaatee, dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigrayga ayaa kala saxiixday heshiis lagu soo afjarayo colaadda, waxaana heshiiskaasi uu amrayay in dhammaan ciidamada shisheeye laga saaro gobolka Tigray.

“Arrinta Eritrea, waxaan fahamsanahay inay ku noqdeen xuduudda, lagana codsaday inay ka baxaan,” ayay danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield ku sheegtay shir jaraa’id mar ay booqasho ku joogtay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo Sabtidii warbixin siinayay saraakiisha ajnabiga ah ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo ka socda Eritrea oo ku sugan Itoobiya.

“Ma jiro ciidan kale oo ka hawlgala gobolka Tigray marka laga reebo ciidamada difaaca Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya.,” ayuu yiri Major General Teshome Gemechu.

Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa isna meesha ka saaray sheegashada dowladda Itoobiya ee ah in ciidamada Eritrea ay ka baxeen Tigray, wuxuuna sheegay in “kumannaan” ka mid ah ay weli halkaas ku sugan yihiin.

Russian helicopter fired upon at Mogadishu Airport

Mogadishu (Caasimada Online) – A Russian helicopter belonging to UTair that was participating in UN humanitarian operations in Somalia was attacked at the Aden Adde International Airport in Mogadishu, according to a statement issued by the Russian Embassy in Djibouti, which is also responsible for Somalia.

The incident occurred on January 23, according to the Embassy, but it was only made public on Sunday.

The Embassy said the helicopter was “insignificantly damaged” and that there were no casualties due to the incident.

“The Russian helicopter of UTair-Helicopter services, participating in the air transport support of the UN humanitarian mission in Somalia, was shelled in the international airport of Mogadishu. The helicopter was insignificantly damaged,” the Embassy said in a statement.

“There are no casualties as a result of the incident, and the Russian pilots continue to work as normal,” the Embassy added.

The Embassy further added that the Al-Shabab group, the notorious extremist organization, was responsible for the attack and that an investigation was currently underway. Al-Shabab has not yet issued a statement about the attack.

There is no known incident or attack on the Aden Adde airport in Mogadishu on January 23. However, the Federal government may have covered it up.

The attack on the Russian helicopter comes amidst a series of recent violent incidents in Somalia, including mortar attacks by Al-Shabab on January 24 in neighborhoods near the Presidential Palace in Mogadishu.

Seven mortar shells fell in the vicinity of the Presidential Palace, the SYL monument, the Ministry of Information, and a primary school in Hamar Weyne district, injuring two students and a street vendor.

On January 22nd, Al-Shabab also launched a deadly attack on the headquarters of the Banadir Regional Administration, killing at least six people and injuring several others. The attack began with a suicide bomb that caused a massive blast that destroyed a building near the office complex, followed by gunfire and a four-hour siege.

Despite the recent progress made by the Somali National Army and local clan militias in reclaiming territory in the center of the country, with the support of US air strikes and an African Union force, Al-Shabab continues to retaliate and strike with deadly force against civilians and military targets.

Koox hubeysan oo caawa weerar toos ah ka geystay magaalada MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Koox hubeysan ayaa caawa weerar ku qaaday saldhigga booliska degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Ilo dhanka ammaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in kooxdaas ay weerarka ku bilowday jug culus oo loo maleynayo inuu ahaa qoriga nooca loo yaqaano Sebenka.

Jugta culus ee la maqlay kadib waxaa bilowday rasaas culus oo dhexmartay askartii saldhigga joogtay iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Rasaas ayaa mudo socotay ilaa hadana lama garanayo cidda weerartay saldhigga booliska ee degmada Howlwadaag.

Kooxda Al-shabaab ayaa loo maleynayaa inay fulisay weerarkaan, waxaana kacsan xaaladda aagga uu ku yaallo saldhigga Howlwadaag.

Booliska Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama soo saarin weerarkaan, hadii uu jiro khasaare ka dhashay iyo cidda geysatay toona.

Kooxda Al-shabaab oo cunaqabateyn adag iyo dagaal toos ah kala kulmeysa dowladda Soomaaliya ayaa hadana weerarro ka geysata gudaha caasimadda Muqdisho, waxayna dowladu la tacaaleysaa xal u helidda amni darradaan.

Arrimaha Bankiyada dalka la gudboon kadib hanjabaadii kasoo yeertay Cali Dheere

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa shalay sii daayay farriin muuqaal ah oo ugu hanjabayo bangiyada Soomaaliyeed oo sidoo kale iskaga hor keenayo bangiyada iyo dadka aya lacaguhu u yaallan.

Sida ay dad badan la socdaan Al-Shabaab waxaa lagu qaaday dagaal dhaqaale oo aanay noociisa hore ula kulmin, waxa laga soo xiray lacagihii ay dekadda ka heli jireen.

Waxa kale oo dowladda xayirtay lacago ugu jiray akoono ay ku lahaayeen qaar kamid ah bangiyada dalka.

Cali Dheere ayaa dhibaatada dhaqaale ee kooxda soo foodsaartay wuxuu ka dhigay mawduuc gaar ah isaga oo ka hadlayay 12 daqiiqo. Wuxuu yiri lagama yeelayo bangiyada inay yiraahdan waxaa raacnay shuruucda caalamiga ah ee wareega lacagaha caalamiga ah.

Isaga oo farriintiisa shacbiyaynaya Cali Dheere wuxuu yiri bangiyada lagama akhrisanayo inay shacabka ku yiraahdaan lacagihiina waa la xayiray, shacab laga xayiray lacag ay lahaayeen majiraan ee maadama lacagihii Shabaab la xayiray wuxuu Cali Dheere farriintiisa ka dhigay mid shacabkana saameysay.

Hanjabaad ayuu u badna hadalka Cali Dheere, la idinkama yeelayo lacagihii waa la xayiray ayuu ku celceliyay afhayeenka Al-Shabaab. Qeyb hadalkiisa kamid ah wuxuu isku dayay inuu iska horkeeno bangiyada iyo dadka ay lacagaha u yaalan.

Wuxuu yiri lacago ma haysataan ee lambaro ayaa haysatan lacagihiina halis ayaa kusoo wajahan ee isku badnaada.

Nuxurka farriinta Cali Dheere waxay ahayd xaqiijinta in lacagahooda la xayiray iyo inuu bangiyada ugu hanjabo inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii aan lacagahooda la fasixin.

Haddaba, Maxaa la gudboon bangiyada Soomaaliyeed?

Dalka wuxuu leeyahay dowlad, dhulka ay bankiyada degan yihiin waxa maamusha dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Bangiyada waxay ku shaqeynayaan ama ku qasban yihiin inay raacaan shuruucda caalamiga ah ee wareega lacagaha iyo hubinta maaliyadda.

Ma-jiro bangi awooda in uu jabiyo shuruucda caalamiga ah ee bangiyada kadibna uu la shaqeysto koox argagixiso ah.

Sharciyo adag ayay aduunyadu kasoo saartay in lacago loo kala gudbiyo kooxaha argagixisada, sidaas darteed Bangiyada Soomaaliya ku yaalla waxay ku qasban yihiin inay intaas ka badan aqbalin in hantidooda lagu laayo umadda Soomaaliyeed iyo in argagixisada akoono ku yeelato lacagna ku keydsato.

Dalka waxa ka socda dagaal shacbi ah, kaasi oo ku dhaw in uu soo afjaro kooxaha argagixisada, waxaana ganacsatada la gudboon inay xaqa garab siiyaan.

Dowladda iyo shacabka waxa hortaalla inay isha ku hayaan bangiyada raaca amarada kooxda ee fasaxa lacagaha xayiran ama u sameeya akoono cusub.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wuxuu hadalka Cali Dheere u cadeynayaa xaaladda dhaqaale ee kooxda ku sugan tahay iyo sida u shaqeeyay dagaalkeedii dhaqaaluhu.

Balse dhinaca kale dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxa laga raba sida ay u xoojin lahayd dagaalkeeda dhaqaalaha, dhinaca kalana u ilaalin laheyd hantida umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bangiyada oo ay kooxdu u muuqato in culeys soo saareyso xilligaan.

US announces additional $41 million in aid to Somalia

0

Mogadishu (Caasimada Online) – Ambassador Linda Thomas-Greenfield announced today that the United States, through the U.S. Agency for International Development (USAID), is providing more than $41 million in new, urgently needed assistance for the people of Somalia. 

The announcement was made during an unexpected visit by Ambassador Linda Thomas-Greenfield to the Somali capital of Mogadishu, where she held a meeting with President Hassan Sheikh Mohamud. 

During the meeting, Mr. Mohamud shared with Ambassador Thomas-Greenfield the recent successes of the Somali military in their efforts to counter terrorist groups and liberate areas under their control. He also praised the United States for its contributions to the fight against Al-Shabab, recognizing its ongoing threat to the region. 

The President also highlighted the challenges faced by Somalia’s military rebuild and counter-terrorism efforts due to arms sanctions and requested support from the United States in lifting these sanctions. 

Ambassador Thomas-Greenfield announced that the United States would provide over $41 million in additional aid to address the humanitarian needs and save lives in Somalia. 

She acknowledged the dire humanitarian situation in Somalia resulting from climate change, COVID-19, and conflicts, including Al-Shabaab. She stressed the importance of the international community’s efforts to prevent further starvation.

The Ambassador praised the President, government, and people of Somalia for their efforts in fighting against Al-Shabab and liberating areas and presented how the United States will assist in providing basic needs and services to those affected by terrorism.

The prolonged drought’s impacts resulted in an overwhelming number of hunger-related deaths and extreme levels of human suffering, and famine remains a significant threat in parts of the country. 

Today’s new funding bolsters U.S. famine prevention efforts with a focus on addressing extreme food gaps, treating severe malnutrition in women and children, and combating the current outbreak of deadly diseases like measles and cholera.

This new assistance comes as the drought intensifies following a fifth failed rainy season, putting people at risk of further devastation and despair. 

Today’s announcement of more than $41 million will meet urgent needs for nearly 860,000 people across Somalia and enhance humanitarian coordination critical for the response. 

Today’s commitment also builds on $411 million in USAID assistance delivered in December, bringing the U.S. government’s contribution to more than $1.3 billion since the start of Fiscal Year 2022. 

Xaalad cusub oo ka taagan ciidamada laga keenay Eritrea iyo Xasan Sheekh oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada lagu soo tababaray dalka Eritrea ee ku xareysan xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray gadood.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo ciidamada laga keenay Eritrea ayaa waxay ka cabanayaan noloshooda, xuquuq ka maqan iyo in si xun loola dhaqmay.

Madaxweynaha oo dadaal badan ku bixiyay soo celinta ciidankan ayaa waxa uu markii saddexaad shalay tegay xerada ay ku jiraan, isaga oo isku dayay in askarta qanciyo, dibna ugu soo celiyo xerada qaar ka baxay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ciidamada u sheegay inay xaalada dejiyaan, islamarkaana loo fulin doono ballan-qaadka inay heli doonaan xuquuqdooda, mushaarka iyo daryeelka kale ay doonayaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Habeen hore unbay ahayd markii uu madaxweyne Xasan la kulmay guddiga waalidiinta ciidankan, isagoo kala hadlay soo laabashada ciidanka maqan iyo fulinta balan-qaadkiisi ku aaddanaa in ay dib ula midoobaan ubadkooda, islamarkaana ciidamadu ay helaan waqti ay la qaataan qoysaskooda iyo ehelkooda.

Waalidka uu la kulmay madaxweynaha ayaa dhankooda uga mahad-celiyay mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdega ah ee uu u fuliyay balan-qaadkiisii.

Guddigaan ayaa madaxweynaha u sheegay inay ka dawoobeen tabashadii iyo wal-walkii ay qabeen, waxayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in ubadkoodu ay ka qeyb-qaadan doonaan halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab.

Kumanaan kamid ah ciidankii tababarka ku soo qaatay ayaa la keenay dalka, halka tiro kalena ay weli ku maqan yihiin dalka Eritrea, kuwaasi oo uu madaxweynuhu u sheegay waalidiinta in weli uu tababar u socdo.

Linda Thomas oo Muqdisho kaga dhowaaqday malaayiin dollar oo la siinayo Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Ergeyga dalka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda Thomas-Greenfield.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Linda guulaha ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo xoreynta deegaannada.

Sidoo kale waxa uu ku bogaadiyey dalka Mareykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la-dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, isaga oo tilmaamay khatarka argagixisadu ay ku hayaan gobolka.

Xasan ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cuna-qabetynta hubka ee saaran Soomaaliya dib-udhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyay Danjire Linda Thomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas.

Ergayga Mareykanka u fadhida QM ayuu sidoo kale wuxuu madaxweynaha ka dalbaday in ay qeyb ka noqdaan ololaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dhinaca kale, Linda Thomas-Greenfield ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu bixin doono in ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeri ah, si loo badbaadiyo nolosha Soomaalida, looguna daboolo baahiyaha bini’aadinimo ee Soomaaliya.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield mar ay khudbad ka jeedinaysay Muqdisho. “Isku darka xiisadda cimilada; dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee -macluul- dib ugu soo celiyey Soomaaliya,” ayay raacisay.

“Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka. Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman. Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas.”

Dhinaca kale Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen la-dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen.

Waxay soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin dadka laga xoreeyey argagixisada.

Somalia says 136 Al-Shabab members killed in operation

Mogadishu (Caasimada Online) – The Somali government announced that a recent military operation in the Lower Shabelle region, near the capital city of Mogadishu, resulted in the deaths of 136 members of the Al-Shabaab militant organization.

During a press conference held in the capital, the Deputy Minister of Information, Abdirahman Yusuf Al-Adala, stated that 90 other members of the group were also wounded in the operation.

According to the minister, the operation took place in a vast jungle area between Tawakal and Garasjered, 12km west of Janale district in the Lower Shabelle region, close to the capital city of Mogadishu.

“The operation occurred in an area where the Kharijites had named Warta-Beder; the Kharijites had amassed a group of fighters numbering several hundred at that location, with the intent of launching attacks against the Somali people,” said the minister.

Among the Al-Shabaab members killed in the operation were high-ranking leaders, including Salman Dhere, responsible for the group’s coastal operations, and Moallim Salahey, who was in charge of attacks on the towns of Awdhegle, Qoryolay, and Janale. Moallim Hashi, a leader in charge of the group’s operations in the Lower Shabelle region, was also reported to have been killed.

The operation also resulted in the destruction of a significant weapons cache and vehicles used by Al-Shabab, including war vehicles and equipment for explosive devices. However, there is currently no independent confirmation of the claims made by the government.

This comes just days after the Information Minister, Daud Aweis, announced that the national army (SNA), with support from local militias, had killed 323 members of the terrorist organization Al-Shabaab over the course of seven days. 

Aweis also reported that the SNA had successfully captured the areas of Eldher, Haradhere, and Galcad in Galmudug state, which had been under the control of Al-Shabaab for over 15 years. 

A security analyst in Mogadishu emphasized the significance of these recent developments, stating, “The recent operations by the army, as well as the liberation of Haradhere, a coastal and strategic town, are significant defeats for the terrorist organization.” 

Some officials have suggested that the terrorist organization Al-Shabab is nearing its demise. However, experts have cautioned that the group has a history of regrouping and reclaiming areas after being pushed out of major towns by the army. They have warned that the military may be unable to maintain control of these areas long term.

Omar Mahmood, a senior analyst at the International Crisis Group for East Africa, said that “the true test for the efforts against Al-Shabab is not in the initial offensive phase, but rather in maintaining control and stability in the aftermath.” 

He also noted that the group is currently under pressure but warned that they tend to adopt a long-term strategy.

In light of these ongoing challenges, some experts have suggested that the government replicate its cooperation with clan-based militias across the country. 

Hassan Mohamed, a former military officer, stated, “Al-Shabaab would be extinct if the government and clans were launching simultaneous attacks across the entire country.”

Madax iyo wafdi caalami ah oo kusoo wajahan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in toddobaadkan ay soo gaari doonaan madaxda qaar kamid ah dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo wafdi heer caalami ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in madaxda dalka imaneysa uu ka mid yahay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, inkasta oo Eritrea aysan ciidamo ka joogin Soomaaliya, balse ay tababartay 5,000 oo askar Soomaali ah oo qaarkood ay weli dalkaas ku sugan yihiin.

Inkasta oo si rasmi ah loo ogayn qorshaha ay wafuudan culus u imaanayaan magaalada Muqdisho, ayaa haddana waxay kusoo aadeysa xilli guul wax ku ool ah laga gaaray dagaalka ay kal hore ku dhawaaqday dowladda federaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa jooga in ka badan 23 kun oo ciidan shisheeye ah waa marka laga hadlayo kuwa Midowga Afrika.

Madaxda ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya ee imanaya Muqdisho ayaa sidoo kale waxay kusoo aadayaan xilli ay si weyn su’aallo u dul taagan yihiin ciidamadooda iyo howl-galka ay qeybta ka yihiin.

Howl-galka ATMIS (ex-AMISOM) ma ahan nabad ilaalin waase dagaalamayaal ay tahay inay nabada xoog ku keenaan, lana hardamaan kuwa diidan deganaanshaha iyo horumarka Soomaaliya.

Laakiin muuqaalka hadda laga dhex daawanayo ATMIS waa inay yihiin nabad-dhaliyayaal ku kooban xeryaha ku yaalla xeyndaabka amnigooda la adkeeyay ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

15-kii sanno ee lasoo dhaafay Soomaaliya deymaha ugu badan ee lagu qoray lacag ahaanta waa midda ay qaataan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan dalka, kuwaasi oo askari kasta uu qaato isku darka afar kamid ah askarta ciidanka xoogga dalka mushaarka ay qaadan lahaayeen.

Soomaaliya waxaa sii xoogeysanaya dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, ayada oo kooxda gacanteeda ka baxaan inta badan deegaanada ay gacanta kaga hayeen bartamaha Soomaaliya.

HirShabelle iyo Galmudug waxaa jooga ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, inkasta oo ay billowgii sheegeen inay howl-galka qeyb ka qaadanayaan haddana xiligaan wax door ah malahan.

Haddii HirShabelle iyo Galmudug, ATMIS la’aantood looga guuleystay kooxaha argagixiso oo looga saaray waxay dadka is-weydiinayaan sababta joogitaanka ciidamada shisheeye ee Soomaaliya waqti xaadirkan oo is-weydiimo ay joogaan.

Waxaa si weyn isha loogu hayaa bixitaanka askarta Midowga Afrika, inkasta oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ballan-qaaday in uu ka shaqeynayo in ciidanka ATMIS (ex-AMISOM) ay ka baxaan Soomaaliya, lana wareegaan ciidanka Soomaalidu amniga Qaranka.