28.4 C
Mogadishu
Sunday, May 10, 2026

Somaliland president links LasAnod protests to terrorism

Hargeisa (Caasimada Online) – The President of the self-declared republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, has linked the recent unrest in the city of Lasanod in the northern Sool region of Somalia to international terrorism.

The protests in early January were sparked by the assassination of a prominent young local politician, Abdifatah Abdullahi Abdi Hadrawi after he left a mosque. Somaliland was accused of the killing, although it has vehemently denied it. 

The killing has sparked outrage in the previously stable region and led to the deaths of at least 20 people after Somaliland forces used excessive force to quell the protest.  

However, in a speech given yesterday at the presidential palace, President Bihi stated that the “terrorists are responsible” for the turmoil in LasAnod, “and the killings” of local leaders, in an attempt to “pit the population and the government of Somaliland against each other.”

“I want to make it clear here and to inform the world that the current situation in LasAnod is sparked by international terrorism. The youth and the protestors are not united in evil and animosity towards the Republic of Somaliland,” said Bihi.

The President also claimed that the “terrorists had a far-reaching plan to assassinate” the leaders and officials serving in Lasanod for Somaliland to undermine the government.

“The terrorists have been planning this for a long time and infiltrated every aspect of society. It is in their interest and what they want is to control the population and create animosity among them solely,” Bihi stated.

Bihi referred to the terrorists as Kharijites, though he did not name any group.

Bihi’s statement is seen as an attempt by Somaliland to assert control over LasAnod if they are unable to do so through other means, as the fight against terrorism is justifiable in the eyes of the world, according to politicians from the region who spoke to Caasimada Online.

Elders and local leaders from the region have been holding meetings in LasAnod in recent days to discuss their future. One of the expected outcomes of the meetings is a declaration that they will no longer be part of the Somaliland government.

Despite this, the President of Somaliland expressed confidence in the meetings and stated that they would not be different from previous ones aimed at preventing violence.

“The government of Somaliland, with its leaders here today, is ready to address any and all issues. We are ready to discuss any grievances against the government peacefully and collectively to restore peace and stability,” he said.

However, President Bihi warned that the Somaliland government would not tolerate anyone who spreads chaos and terror within society and opposes the established legal institutions. 

Somaliland, a region located northwest of Somalia, declared independence from Somalia in 1991 but has not been recognized as an independent country by the international community. 

Despite this, the region has its own government, parliament, constitution, and a long self-governance history.  

CALI DHEERE oo kooxdiisa Shabaab toogtay – Fallanqeyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) wuxuu Sabtidii dhowr iyo toban daqiiqo la hadlay ganacsatada, si gaar ahna bangiyada ku yaalla dalka.

Hadalkiisa waxaa ku jirtay ganacsatooy xoolihiin yaan la idinka dhicin ee difaacda. Jumladaas markaad maqasho waxaa durtaba kugu soo dhacay yaa dhaca hantida ganacsatada Soomaaliyeed oo maalin walba baad ka qaada.

Kooxda Al-Shabaab waxay dhowr iyo tobankii sanno ee lasoo dhaafay lacago sharci darro ah ka qaadayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

Inta badan dadka ay lacagahaas xooga uga qaadan waxay ku ganacsadaan magaalada Muqdisho. Lacagtaas waxaa inta badan loo adeegsada dilalka dad muslimiin ah, qaarna madaxda kooxda Al-Shabaab ayaa si shaqsi ah u qaadata.

Ganacsatada marka aad weydiiso in dambi kasoo gaarayo xoolaha ay bixinayaan ee lagu laynayo dadka muslimka ah, waxay kugu jawaabayaan “xoog ayay nooga qaadeen ee Al-Shabaab jaceyl iyo raali ahaansho lacag kuma siino.”

Halkaas waxaa ka baraneysa cidda xoogta ama dhacda hantida ganacsatada Soomaaliyeed.

Al-Shabaab lacagaha ay xooga ku qaadan kuma dhisaan isbitaalo, garoomo, waddooyin, goobo waxbarasho ama waxyar oo anfac u noqon kara mustaqbalka umadda Soomaaliyeed, taas badelkeeda lacagtaas waxa lagu dilaa shacabka Soomaaliyeed ee 100% muslimka ah.

Waxaa jira dad lacago ay diideen darteed ay u dishay Al-Shabaab. Lacagahaas xooga lagu qaaday dadka lagu laayay waxa ku jira ehelka kuwii lacagta laga qaaday.

Waa ayaan-darro weyn in xoolahaagii loo adeegsado dilka ehelkaaga.

Farriinta Cali Dheere ee Sabtidii waxa ganacsatada ugu jira baraarug.

Haddii uu Cali Dheere idin leeyahay xoolihiina difaacda oo yaan la idinka dhicin, qaata talladaas oo cidda hadda idin dhacda oo ah Al-Shabaab iyaga ka bilaaba oo dhaha intaan kadib nama dhici kartaan oo waan diidnay, iskana celiya cidda idin dhaceysa sida uu Cali idin sheegay.

Haddii ganacsatada ay talladaas qaadato cidda ugu horeysa ee iska celin doonaan waa Al-Shabaab, oo hadda la wada ogyahay inay ganacsatada xoogaan.

Qeybtan Cali Dheere wuxuu ku ugaarsaday kooxdiisa waxaana la eegaya sida ay ganacsatada ugu bareerto in intaan ka badan aan hantidooda la dhicin kadibna loo adeegsan daadinta dhiiga muslimiinta.

Dhawaan culimada Soomaaliyeed waxay sheegeen inay tahay dembi diini ah in dhaqaale la siiyo Al-Shabaab iyo Daacish oo ay sheegeen inay yihiin laba koox oo la yimid dhaqan lidi ku ah shareecada Islaamka, sidoo kalena baneeystay dhiiga dadka muslimiinta ah.

Dagaal kale oo jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo ka dhacay GALGADUUD

0

Wabxo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay dagaal u dhexeeyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-Shabaab oo dhinac kale ah uu ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Ceelgorof ee gobolkaasi.

Xubnaha kooxda Al-Shabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan milariha Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay heleen xogta Al-Shabaab, kadibna ay u daba mareen inay ku weeraraan deegaanka Ceelgorof, taas oo dhabar jab u keentay kooxda weerarka ku qaadi laheyd aagga Maxaas.

Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in dagaalka ay ku dileen in ka badan illaa 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, gaadiidna ay ka guubeen.

Howlgallada ayaa lagu soo warramayaa in ay weli kasii socdaan xadka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Gagaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Xaaladda ayaa sidoo kale ah mid aad u kacsan, waxaana labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan halkaasi, taas oo cabsi ku abuurtay dadka deegaanka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta ah.

Hiiraan iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada xoreynta ah, waxaana jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab oo looga saaray dhulkii ugu ballaarnaa.

Daawo: Xaalad cakiran oo ka taagan dhulkii laga xoreeyey maleeshiyada Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhaqan geli waayey oo dhegaha laga fureystay go’aankii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucay isbaarooyinka la dhigto gobolka Sh/Dhexe.

25-kii bishii November ee sanadkii tegay kulan ka dhacay degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe ayuu madaxweyne Xasan Sheekh uga dhawaaqay go’aanka ka dhanka ah isbaarooyinka.

Madaxweynaha oo halkaas kula shiray odayaasha dhaqanka beesha degta Sh/Dhexe ayaa yiri, “Isbaaro dambe lama dhiga karo, qofkii lagu soo qabtana sharciga ayaa la hor geynayaa ama waa lagu dilaa, cid igala hadli karta ma jirto qof isbaaro lagu soo qabtay,” ayuu yiri Madaxweynaha oo ay la socdeen masuuliyiinta maxkamadda ciidamada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintaas aad uga dardaarmay isbaarooyinka, maadaama dhulka laga xoreeyey Al-Shabaab, wuxuuna ku goodiyey in awood ciidan uu ku suuli doono isbaarooyinka la dhigto Sh/Dhexe.

Hayeeshee dhegaha ayaa laga fureystay go’aankii madaxweynaha, waxaana Sh/Dhexe la bilqay isbaarooyin aan horay loo arag, waxaana dhashay walwal ah in gobolkaas iyo Muqdisho ay kala go’aan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa soo tebisay xaaladda dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe oo dhawaan laga xoreeyey Al-Shabaab, balse la dhigtay isbaarooyin, halkaas oo ay ku xayiran yihiin tobanaan gaadiid ah oo qaar Muqdisho u socday, qaarna ka yimid.

Telefishinka Dalsan ayaa soo bandhigay muuqaalka gaadiid badan uu u xayiran lacago ay weydiisteen rag isbaarooyin dhigtay, iyaguna iska bixi waayey, kuwaas oo habeeno ku hoyday deegaano ay doonayeen inay safar ku maraan.

“Aad ayaan u dhibanahay, boonadii ay HirShabeelle noo jartay wax naga fiirinaya malaha ee nin kasta isbaaro ayuu dhigtay, lacagta ugu yar oo ay qaataana waa 600 oo shilin Soomaali ah, hada lacagtii waa naga dhamaatay, halkaan ayaan isaga xayiranahay, waxaan codsaneynaa in dhaca nalaka daayo oo si sax ah naloo canshuuro,” ayuu yiri mid ka mid ah gaadiidleyda.

Ninkaan ayaa sheegay in markii ay rarka ka qaadaan Muqdisho lagu bilaabo baadda oo ay isbaaro bilqantahay ilaa ay ka gaaraan halkii ay u socdeen, taas oo rajo xumo iyo khatar ku abuurtay noloshooda, sida uu sheegay.

Laba bilood ayaa laga joogaa markii uu go’aankaas ku dhawaaqay Madaxweyne Xasan Sheekh, walwalka laga qabo in isbaarooyinku xarkaha goostaan ayaa soo bilowday markii la xoreeyey dhul badan oo HirShabeelle ay Al-Shabaab ka heysteen, balse waa dhacday sidii laga cabsi qabay oo inta badan deegaanadii laga saaray Al-Shabaab, waxaa la sheegay in la dhoobay isbaarooyin.

Hoos ka daawo warbixinta

Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay qorshe ‘wax ka badali kara’ halis ka taagan…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banadir Maxamed Axmed Diiriye oo ka qeyb-galay kulan amniga looga hadlayay oo ka qabsoomay degmada Hodan ayaa ka hadlay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga caasimada.

Qorshahan cusub ayaa waxa uu sare u qaadaya wada-shaqeynta shacabka, taliyayaasha saldhigyada iyo maamulka gobolka, ayada oo guddiyo waaxeedyo loo sameeyay xaafadaha kala duwan, si ay si dhow iskaga warhayaan maamulka gobolka iyo bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

“Qorshahan oo lagu rabo in lagu ogaado xogta qarsoon ee ku jira guryaha lagu nool yahay iyo banaankooda intaba wixii ka jira in la ogaado. Inaga oo iskaashaneyna oo dhamaanteen isku xiranahay, kooxdiina halkan fadhida iyo gobolka Banaadir oo ugu sareeyo Madaale, haddaan iskaashano inteena cadow ma fakan karo, mid bulshada dhibayana ma fakan karo,” ayuu yiri.

“Waxaa rabna in aan ka shaqeyno magaaladan horumarkeeda, haddaan dhamaanteen sidaas isku kaashano cadowga kuma dhuumaaleysan karo nooca uu doono ha noqdeen ama ha noqdo kuwa dadka isbaareysanaya oo shaadhka shacabka wata ama ha noqdaan kuwa Khawaarijta ee raba inay dadka handadaan oo dilaan.”

Taliyaha qeybta Waliyow Cadde ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo isaguna ka hadlay kulankaan ayaa bogaadiyay qorshaha cusub ee sare loogu qaadayo amniga caasimada, isaga oo tilmaamay in wax badan iska badalayaan wada-shaqeynta maamulka iyo talisyada saldhigyada oo markii hore uu madmadow ka dhex jiray.

“Waxaa ballan-qaadeyna in shaqooyinka la isku arko oo habeenkii meelaha laga shikisan yahay guddoomiyaha degmada iyo taliyaha saldhiga hormuud u noqdaan oo kolba habeen waax la baaro, cadowgan guryaha kasoo dhex toosaya ee wax ku dhex farsameynaya waa laga adkaan karaa,” ayuu yiri.

“Guddoomiye waxaa nagu soo noq-noqotay laamayaasha iyo tabeelayaasha xuquuq maleh, waa in xuquuq loo raadsho si cadowga looga adkaado. Caasimadda waxay la jaanqaaday caasimadaha waa in boorka la iska jafo oo shaqooyinka dheeraadka ah ee noo yaalla la galo.”

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahne Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhawaan sheegay in aysan cabsi gelin doonin weerarada Al-Shabaab, ayna sameyn doonaan waxkasta oo looga hortagayo abaabulka kooxda.

Maamulka gobolka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo wax looga qabanayo halista amni ee ka taagan caasimada dalka ee magaalada Muqdisho, ayaga oo shacabka Muqdisho ka dalbaday inay garab istaagaan dowladdooda, si looga adkaado kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Gen. Odowaa oo la kulmay dhiggiisa KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odowaa Yuusuf ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kenya, Robert Kariuki oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Labada taliye ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo saameyn ku leh labada dal ee Somaliya iyo Kenya.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac, si ay u yeeshaan xiriir toos ah oo wada-shaqeeneed.

Taliyaha milatariga Kenya General Robert Kariuki oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn dhiggiisa Soomaaliya ku boggaadiyay guulaha ay ka gaareen dagaalka Shabaab, wuxuuna intaasi ku daray in ciidankooda qeybta ka ah ATMIS ay door ka qaadan doonaan dagaalka.

Dhiniciisa General Odawaa Yuusuf Raage ayaa uga mahad-celiyay dowladda Kenya doorka ay ka qaadaneyso howlgallada Al-Shabaab looga xoreynayo dalka, wuxuuna sheegay inay sii wadayaan iskaashiga ay leeyihiin, maadaama Shabaab ay halis ku tahay labada waddan.

Kulankan ayaa yimid, kadib markii ay labada taliye si wadajir ah uga qayb-galeen shirka dowladda federaalka iyo dalalka dariska oo maanta ka furmay Muqdisho, kaas oo lagu gorfeeyey wada shaqeynta ciidamada dalalka Soomaaliya, Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.

‘Qaybta taliyeyaasha waxaa diiradda lagu saarayey wada shaqeynta iyo iskaashiga iyo in la dajiyo istaraatiijiyd mid ah oo ay leeyihiin ciidamada dalalka safka hore,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys oo maanta la hadlay Wariyeyaasha.

Waxaa sidoo kale dowladda federaalka iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Al-Shabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dalalka la dagaalama Al-Shabaab oo dalkeeda weeraro ka fuliso, waxayna haatan ciidamadeeda joogaan deegaanada Jubbaland.

Xiriirka Xasan iyo Mareykanka oo sii xoogeysanaya iyo dalab cusub oo uu hordhigay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiriirka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka ayaa sii xoogeysanaya, siiba madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligaan helaya taageerada iyo garab istaaga Washington dagaalka uu kula jiro kooxda Al-Shabaab.

Waxaa magaalada Muqdisho soo gaartay danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobey Linda Thomas-Greenfield, ayada oo shalay la kulantay madaxweyne Xaasn Sheekh.

Linda ayaa isla shalay ku dhawaaqday in Mareykanka uu bixinayo lacag ka badan 41 milyan oo doollar oo dheeraad ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka abaaruhu saameeyeen.

“Xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun,” ayay tiri danjire Thomas-Greenfield mar ay khudbad ka jeedinaysay Muqdisho. “Isku darka xiisadda cimilada; dhibaatada gudbinta saadka ee uu kiciyay COVID; iyo colaadaha – sida midda Al-Shabaab, ayaa eraygaas naxdinta leh ee -macluul- dib ugu soo celiyey Soomaaliya,” ayay raacisay.

“Macaluushu waa fashilka ugu dambeeya ee beesha caalamka. Dadkuna waa inaysan marnaba gaajo u dhiman. Waan diiday inaan aqbalo guul-darradaas.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hordhigay Linda dalab la xiriira inay gacan ka siiyaan sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa xayiraada hubka ee saaran.

Waxa uu sheegay in cuna-qabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ay caqabad ku tahay dib-u-dhiska ciidamada iyo dadajinta dabar-goynta argagixisada, xilli uu dalka socda dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa xilligaan ka qeyb qaata duqeynta Al-Shabaab oo dagaal culus lagula jiro, wuxuuna dhawaan ciidamada DANAB ee uu tababaray soo gaarsiiyay saanad iyo hub lagu qiimeeyay illaa 7 milyan oo dollar.

Washington ayaa si weyn u kordhisay taageerada millateri iyo gargaar ee uu siiyo Soomaaliya, wuxuuna illaa billowgii sanadkii hore ugu deeqay lacag dhan 1.3 bilyan oo dollar oo gargaar ah.

Maxaa dhacay kadib amarkii uu R/W Xamza kusoo rogay shaqaalaha rayidka ee DF?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa shalay kulan lagu dardargelinayo howlaha xukuumadda la yeeshay agaasimayaasha guud ee wasaaradaha.

Xamza ayaa waxa uu agaasimayaasha ka dhageystay warbixinno la xariira isbeddelka shaqo ee yimid, kadib kulankii 24-kii December 2022 uu la yeeshay.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal muhiim u ah howl-qabadka dowladda iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada ay dowladdu gaarsiiso shacabka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha oo horey u faray agaasimayaasha guud in ay wasaaradahooda ka dhaqan-geliyaan isla xisaabtan dadka aan shaqeysan ee haddana mushaarka ka qaata dowladda, ayaa waxa guddiga shaqaalaha rayidka ah soo bandhigeen in afartii toddobaad ee la soo dhaafay ay 26% korortay shaqaalaha shaqada u soo xaadira wixii ka danbeeyey khudbaddii uu Xamza amarka ku bixiyay bishii December.

Xamse ayaa mar kale ku adkeeyay agaasimayaasha inay ka shaqeeyaan isla shaqeynta iyo isku xirka hawlaha ka dhaxeeya wasaarradaha iyo la-dagaallanka musuq-maasuqa.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey natiijooyinka ka dhashay kulamadii hore, isaga oo mar kale ku celiyey in aan la aqbali karin shaqaale qaata mushaar oo aan imaanayn goobtiisa shaqada.

Wuxuu kula dardaarmay guddiyada ku shaqada leh in ay dardar-geliyaan isla xisaabtanka, si meesha looga saaro dadka cudur-daar la’aanta aan xaadirka ku ahayn shaqada.

Adeeg muhiim ah oo dib loogu soo celiyay deegaanadii laga saaray Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray deegaano badan oo muhiim ah waxaa socday dadaalo dib loogu soo celinayo adeegyadii muhiimka ahaa ee meesha ay ka saartay kooxda.

Wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug xildhibaan Muxuyadiin Suni oo la hadlay VOA ayaa xaqiijiyay in adeega internet-ka dib loogu soo celiyay deegaano kamid ah dhulkii lagala wareegay Shabaab, kuwaasi oo ay kamid tahay degmada Ceeldheer iyo deegaanada hoostaga.

Kooxda ayaa inta badan jarta adeegyada wicitaan iyo internet-ka ee deegaanada ay faarujineyso, maadama aysan iska caabin xoogan kala hortagi karin howl-galada culus ee ciidamada huwanta.

“Deegaanada laga xoreeyay Khawaarijta si tartiib tartiib ah ayay ugu soo noqonayaan adeegyadii aas-aasiga ahaa sida; biyaha, isgaarsiinta, caafimaadka iyo waxbarashada,” ayuu yiri wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Galmudug.

“Dadkii waa soo noqdeen inta duurka jirtana waxa rajeynaynaa inay soo noqdaan, dowladooda waa ku kalsoon yihiin shacabka. Dadka deegaanka iyaga ayaa abaabulan oo ku jira dagaalka Khawaarijta oo iskood u dhibsaday inay iska qaadan cadowga.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in horumarkii ay Al-Shabaab dhowr iyo toban sanno ka hortaagneyd degmooyinkaas, ee kula tartami lahaayeen deegaanada dhigooda ah ay dib ugu soo celin doonaan si dhameystiran.

“Degmada Ceeldheer adeega internet-ka waa shaqeynaya hadda, degmada Xarardheere waa la dhameeyay howsheeda oo hadda wixii ka dambeeya waa lasii deynaya. Deegaanadaas aad iyo aad ayay ugu dhib qabeen adeega isgaarsiinta internet-ka, nimanka cadowga ah waxyaabaha horumarka ah ee dadka kala dirireen ayay kamid tahay.”

“Degmooyinka, deegaanada iyo tuulooyinka inta dhiman waa gaarsiineyna kuwa aan xoreysneyna marka la xoreeyo hore ayaa looga sii deynaya oo waxay kamid yihiin horumarka degmooyinka kale kula tartamayaan.”

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

Uncovering the depths of corruption in Somalia’s government – Opinion

0

Somalia is a country that has been plagued by corruption for decades. The government has been identified as one of the main sources of corruption in the country. This paper aims to examine the various forms of corruption that are prevalent within the Somali government, as well as the impact that this corruption has on the country and its citizens. One of the main forms of corruption within the Somali government is embezzlement. This is the unauthorized use of public funds for personal gain. Officials within the government often divert funds that are meant for public projects and services, such as infrastructure and education, into their own pockets. This not only undermines the government’s ability to provide basic services to its citizens, but also fuels the mistrust between the citizens and the government.

Another form of corruption within the Somali government is nepotism. This is the practice of favoring family members and friends in the allocation of government jobs and resources. This undermines the merit-based system and leads to qualified individuals being passed over for less qualified individuals who have connections to government officials. This also leads to lack of accountability and inefficiency in the government. Bribery is also a widespread problem within the Somali government. Public officials often demand bribes in exchange for providing services or granting permits, and businesses often pay bribes to secure government contracts. This undermines the rule of law and creates a culture of corruption that is detrimental to the country’s development.

The impact of corruption within the Somali government is severe. It undermines the government’s ability to provide basic services to its citizens, such as education and healthcare, and it also fuels poverty and inequality. It also contributes to the country’s ongoing conflict and instability. In addition, it also erodes public trust in government institutions and democracy.

To overcome corruption in Somalia, a comprehensive approach that addresses both the symptoms and root causes of corruption is needed.

First and foremost, strengthening governance and institutions is crucial in the fight against corruption. This includes establishing transparency and accountability mechanisms, such as independent auditing and oversight bodies, as well as implementing anti-corruption laws and regulations. Additionally, creating a merit-based system for the recruitment and promotion of government officials can help to minimize nepotism and ensure that qualified individuals are in positions of power.

Another important step in overcoming corruption is to involve civil society and the private sector in the fight against corruption. This can be done by encouraging civic engagement and creating opportunities for citizens to participate in decision-making processes, as well as encouraging businesses to adopt ethical practices and reporting mechanisms for corruption.

In addition, building a culture of integrity and transparency within the government is vital to overcome corruption. This can be done by implementing integrity training for public officials and promoting a code of conduct for government employees. Furthermore, efforts should be made to promote transparency in government operations by making information about government activities, budgets, and decision-making processes publicly available. To complement all the above, an efficient and independent justice system is crucial. This entails, among other things, the strengthening of the judicial system and the fight against impunity, as well as the establishment of specialized anti-corruption courts. The rule of law is a fundamental principle that is essential for ensuring justice and preventing corruption. In Somalia, where corruption is prevalent and the justice system is weak, the rule of law is crucial for addressing corruption and promoting justice.

The rule of law is defined as the principle that all people and institutions, including the government, are subject to and accountable to the law. This means that everyone is equal under the law and that no one is above it. In a country where the rule of law is upheld, corruption is less likely to occur because those who engage in corrupt activities can be held accountable for their actions.

The rule of law and the justice system are essential for preventing and combating corruption in Somalia. A strong and independent justice system that is accessible to all citizens is necessary to ensure that corrupt officials are held accountable for their actions. Additionally, other institutions, such as law enforcement agencies, play a crucial role in preventing and combating corruption. To overcome corruption in Somalia, it is essential to strengthen the rule of law and the justice system and ensure that they are able to effectively enforce the law and serve justice.

The justice system plays a crucial role in enforcing the rule of law and holding corrupt individuals accountable. A strong and independent justice system is necessary to ensure that the laws are enforced and that corrupt officials are brought to justice. In Somalia, the justice system has been weakened by years of conflict and political instability. This has led to a lack of accountability and a culture of impunity. To address this, there is a need to strengthen the justice system and ensure that it is independent and impartial.

One way to achieve this is to improve the capacity of the justice system by providing training and resources to judges, prosecutors, and other legal professionals. This can help to ensure that the justice system is able to effectively prosecute corrupt officials and that justice is served. Additionally, the establishment of specialized anti-corruption courts can help to ensure that corruption cases are handled by judges with the necessary expertise and experience.

Another important aspect of the justice system is access to justice for all citizens. In a country where corruption is prevalent, marginalized, and vulnerable groups, such as women and minorities, are often disproportionately affected. To ensure that justice is served, it is important to provide legal aid and other forms of assistance to these groups to help them navigate the justice system. In addition to the justice system, other institutions, such as law enforcement agencies, play a crucial role in preventing and combating corruption. Law enforcement agencies, such as the police and the anti-corruption commission, must be given the necessary resources and support to effectively investigate and prosecute corrupt officials. This includes the establishment of effective whistleblowers protection laws and mechanisms.

Lastly, the international community can play a role in supporting Somalia’s efforts to overcome corruption. This includes providing technical and financial assistance for capacity building and institution-building, as well as supporting civil society and private sector organizations working to combat corruption.

In conclusion, overcoming corruption in Somalia requires a multi-faceted approach that addresses both the symptoms and root causes of corruption, including strengthening governance and institutions, involving civil society and the private sector, building a culture of integrity, promoting transparency and an independent justice system, and international cooperation. It is a long-term process that requires the participation of all sectors of society, including government, civil society, and the private sector.

Abdulrahman Nor is a thoughtful and provocative political opinion writer.

Abdulrahman Nor is a graduated at the University of Massachusetts, where he earned a Degree in Political Science. His passion for politics and current affairs, particularly in his home country of Somalia, brought him to the field of political opinion writing. His writing is both well-researched and well-argued, with his unique perspective and ability to break down complex issues, Nor is a must-read for anyone interested in politics, particularly in Somalia. His work can be found in various publications and readers can contact him at [email protected] for further information.

Disclaimer: The views and opinions expressed in this article are solely those of the author(s) and do not necessarily represent the official stance of Caasimada Online or its members. 

US intensifies engagement in Somalia

0

After the May 15th, 2022, Somalia’s election U.S. government took concrete steps to intensify its diplomatic engagement in Somalia and continues to provide security, humanitarian, and diplomatic support to Somalia.

In the aftermath of the 2022 Somalia presidential elections, president Biden immediately announced the redeployment of U.S. forces back to Somalia, who are playing a vital role in training, equipping, and advising Somali national forces in the fight against Al Shabab.

Washington’s decision to redeploy forces back to Somalia was indicative of its enthusiasm to partner with Somalia’s new administration.

President Hassan Sheikh’s administration seized this opportunity of U.S. security assistance to his country and, immediately after winning the presidency, launched the most prolonged Somali-led military offensive against Al Shabab, partnering with locals and tribal militias to defeat Al-Shabab.

SNA and its allied forces made significant progress in the ongoing fight against Al-Shabab, which resulted in the liberation of dozens of towns and cities previously controlled by Al-Shabab.

U.S. commitment to partnering with Somalia’s leadership is best manifested by recent visits of a high-level U.S. delegation to Somalia’s capital Mogadishu.

Senior members of president Biden’s administration have visited Somalia’s capital Mogadishu, namely USAID Administrator Samantha Power and U.S. Ambassador to the United Nations Amb Linda Thomas Greenfield. Moreover, other senior U.S. military officials visit Somalia and engage in discussions with Somalia’s leaders almost on a regular basis.

In response to droughts and humanitarian crises in Somalia, the U.S. government has increased its humanitarian assistance to Somalia and emerged as Somalia’s largest humanitarian donor, averting full-blown famine.

At the international financial institutions, the U.S. continues to offer its diplomatic support for Somalia’s debt relief process.

Time will tell how Somalia’s leadership will respond to these new opportunities, and it is up to Somalia’s leadership to rise to the occasion and reciprocate America’s goodwill.

Yasir M Abdirahman is the Founder and executive director of the Mogadishu Institute for Research and Policy Studies.

Xaadoole oo shaaciyey ninka keenay qorshihii Sh/Dhexe looga saaray Al-Shabaab

0

Nuur-Dugle (Caasimada Online) – Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo ku sugan deegaanadii Al-Shabaab laga xoreeyey ee gobolka Sh/Dhexe ayaa shaaciyey qorshihii suurta-geliyey in la xoreeyo degaanka Nuur-dugle, isagoo soo bandhigay go’aan halis ahaa, balse lagu faa’iiday oo Xildhibaan Yuusuf Kabaale uu ku adkeystay.

Xildhibaanka ayaa aad u amaanay beesha Kabaale Wacbuudhan ee Abgaal, isagoo shaaciyey in xoreynta deegaanada beeshaas uu sababteeda lahaa Xildhibaan Yuusuf Kabaale oo hoggaaminayey ciidankii xoreeyey Nuur-dugle iyo deegaanada u dhow.

“Maalintii aan Al-Shabaab ka xoreynay Masaajid Cali-gaduud, waxaan celi weynay Xildhibaan Yuusuf Kabaale, wuxuu na yiri aan 30 KM gudaha galno oo Nuur-Dugle aan xoreyno, waxaan dhahnay sidee isaga difaaci doonaa weerarrada Al-Shabaab, wuxuu nagu yiri beesheyda Kabaale ayaan soo kicinayaa ee mar na geeya degaanka,” ayuu yiri Xaadoole.

Wuxuu sheegay in go’aankaas lala qaatay Xildhibaan Yuusuf Kabaale, iyadoo cabsi badan la qabo oo Al-Shabaab lasoo dhex galay, balse waxaa guuleystay qorshihii xildhibaanka, maadaama ciidan xoog leh laga helay beesha Xildhibaan Yuusuf Kabaale, markii laga dul qaaday oo laga xoreeyey Al-Shabaab.

Sidoo kale Xildhibaan Xaadoole ayaa cadeeyey in xoreyntii Nuur-dugle ay u sahashay in la xoreeyey degmooyin iyo deegaanadii kale ee Sh/Dhexe ay Al-Shabaab ka joogeen, sida Aadan-Yabaal, ilaa Hiiraan iyo Galgaduud.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ku dheeraaday ka hadalka heerka cabsidii ay qabeen dadka laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoo ku amaanay geesinimada ay muujiyeen ciidankii is abaabulay ee beesha Kabaale oo dhul badan ka xoreeyey Al-Shabaab.

“Markii aad doorateen Yuusuf Kabaale, walee Dawac ma aadnaan doorane ogaada, Xildhibaanka isna waxaan lee yahay beel aad u fiican ayaad ka dhalatay, hadii aad aragteen ciidan inta la soo weeraray la laayey, waxay ku cusubyihiin deegaanka, balse idinka waxay idinkugu soo dhiira waayeen dhulka ayaad uga aqoon badan tihiin, hadana yaan la is dhigan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xaadoole.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole iyo Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa hoggaaminayey dagaalladii Al-Shabaab looga xoreeyey deegaanada ay Sh/Dhexe ka degaan beelaha ay ku metelaan baarlamaanka federaalka, taas oo aad loogu amaanay.

Labadaan xildhibaan oo garab ka helaya dowladda dhexe iyo madaxda ugu sareysa HirShabeelle ayaa ku guuleystay inay guud ahaan degmooyinka maamulkaas ku soo celiyaan gacanta dowladnimada, waxaana la sheegaa in Al-Shabaab ay hadda HirShabeelle uga dambeeyaan dhinaca galbeed ee wabiga Shabeelle.

CC Shakuur oo dalbaday in hay’adaha amniga looga yeero BF kadib arrin soo badatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo xaadiray kulankii maanta ee Golaha Shacabka ayaa dalbaday in loo yeero hay’addaha amniga.

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool Muqdisho ay ku dhiban yihiin jidadka la iska xirto markii la rabo, ayada oo caasimada ay wajaheyso culeysyo dhanka amniga ah.

“Muwaadinka Soomaaliyeed maalinkasta waxa uu ku dhiban yahay meel uu maro in uu waayo, inay jidadka ka xirnaadan in mararka qaarkood safarada la xayiro oo duulimaadka la hakiyo. Anaga xildhibaanimo iyo xasaanad ayaa jidka kusoo marna laakiin dadkii waa shaqeysan la’yihiin waana socon la’yihiin,” ayuu yiri.

“Sidee muwaadinka jid xirka looga joojin karaa? waa in hay’addaha amniga na-horyimaadeen oo aan weydiino sababta ay jidka u xirayaan, sababta hooyo waayeel ah oo mooto saaran oo isbitaal u socota loo leeyahay ka noqo jidka.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale si adag uga horyimid sababaha inta badan loo xiro jidadka Muqdisho, kuwaasi oo la xiriira dhaq-dhaqaaqa madaxda ee gudaha magaalada iyo wafuuda dibada ka timaada.

“Muwaadinka ayaa halkan u joogno dad kale uma joogno, waxaa rabna guddoomiye in dhab ahaan loo qaato madaxda hay’adda amniga ha la keeno. Sababta jidadka loo xirayo maalinkasta iyo asbucu kasta ee loo leeyahay jidadka waa xiran yihiin in aan ogaano ayaa rabna si aan u noqon dad muwaadiniinta u shaqeeya.”

Dhinaca kale, xildhibaanka ayaa soo dhaweeyay sharciga NISA ee la horgeeyay Golaha, isaga oo tilmaamay in lagama maarman ay tahay in sharciga cusub sidiisa loo dhaqan-galiyo, oo aysan iska noqon wax waraaq lagu qoray.

Sidoo kale waxa uu xusay in hay’adda NISA ay isku hayso laba shaqo oo ay ahayd in la kala qaado, kuwaasi oo kala ah; shaqadii sirdoonka oo amniga qaranka ka shaqeysa iyo qeybta amniga gudaha ka shaqeysa ee baaritaanka iyo dambiyada abaabulan ee argagixisada.

“Waxaa muhiim ah in hay’addaan aysan tallaabo qaadi karin iyada oo Garsoor haysan arrintaas muhiim waaye, hadda dad ayaa la soo qabta waa la xira oo la iska haya waxa celin kara waa sharcigaan, anagana waxa nagala rabaa in aan sharcigii taageerno.”

Wajiga koowaad ee shirka dib u heshiinta K/G oo lasoo xiray iyo lacag lagu wareejiyay…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta soo xiray wajiga koowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay ka qeyb-galeen golaha odoyaasha dhaqanka Koonfur Galbeed iyo guddiga farsamada shirka.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo gunaanadka wajiga koowaad ee shirka soo xiray ayaa guddiga farsamada shirka iyo guddiga ay iska soo xuleen malaaqyada dhaqanka waxa ay la wadaageen warbixin ku aaddan qiimeyn ay ka sameeyeen dhacdooyinkii dhacay.

Guddoomiyaha ayaa guddiga odayaasha dhaqanka ku wareejiyay lacag loogu tala-galay ehelada dadkii ku dhintey, daaweynta dadkii ku waxyeeloobay, laguna dayactiro guryihii ku burburay dhacdadii 23-kii December 2022.

Sidoo kale waxa uu odayaasha u sheegay in la xalin doono wixii culeys ah ee ka yimaada arrintaan, islamarkaana wixii kasoo kordha warbixintooda dib ay ugu soo celiyaan.

Guddoomiyaha ayaa gaba-gabadii shirkan kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah u furan yahay wajiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaasi oo diirada lagu saari doono xasiloonida siyaasada iyo la-dagaallanka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Shirka dib-u-heshiisiinta oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa lagu waday in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka, waxaana muuqata in waqti dheeri ah loo baahday si loogu guuleysto heshiis dhex-mara labada dhinac.

Si kastaba, Arrintaan ayaa imaneysa iyada oo lagu wado in wajiga 2-aad ee dagaalka Al-Shabaab uu ka billowdo deegaanada Koonfur Galbeed, oo inta badan ku jira gacanta kooxda.

Dowladda oo amar culus ku soo rogtay hay’adaha gar-gaarka una qabatay laba bil

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd soo saartay go’aan ay ku fareyso hay’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta inay si dhakhso ah ugu soo guuraan gudaha dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda qorsheynta ayaa waxa lagu sheegay in hay’addahaas loo qabtay si ay u fuliyaan amarkaan muddo laga bilaabo 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023.

Go’aankan cusub ayay ku sheegtay wasaaraddu inay qaadatay ayada oo la tix-gelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kadib howl-galada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisada.

“Wasaaradda Qorsheynta waxay heegan u tahay inay hay’adahaas ka caawiso, una fududeyso inay dalka usoo guuraan, iyadoo fulinyasa amarada Golaha Wasiirada ayay wasaarada qorsheyntu waxay tallaabooyinka ku haboon ka qaadi doontaa hay’adaha fulin waaya amarkan, si degdeg ahna dalka ugu soo guuri waaya.”

Sidoo kale waxay fartay hay’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta inay shirarkooda iyo tababaradooda ku qabsadaan gudaha dalka, si ay u taaba-galiyaan usoo guurista dalka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in soo guurista hay’addahaan uu muhiim u yahay dardar-gelinta holwaha xasilinta deegaanada dhawaan laga xoreeyay argagixisada.

“Dowladda federaala ah ee Soomaaliya waxaa ka go’an inay dardar-galiso howlaha xasilinta deegaanada dhawaan laga xoreeyay argagixisada, sidaas darteed dowladda waxay dooneysaa inay si dhow ula shaqeyso hay’addaha gargaarka iyo kuw horumarinta. Waana sababta uu joogitaankooda gudaha dalka lama huraan ugu yahay tiigsiga yoolkaas.”

Wife of Islamic State leader in Somalia gets 8-year sentence

Mogadishu (Caasimada Online) – A military court in Somalia has handed down an 8-year prison sentence to Fartun Abdirashid Hussein for her affiliation with the Somali branch of the Islamic State militants groups. 

The court found that Hussein, who used the aliases Fa’isa, Asiya, and Faysa, was the wife of the branch’s leader, Abdulkadir Mumuin, and was in charge of the group’s financial operations.

In addition, she offered refuge to members of the organization. She had a professional connection with Bilal al-Sudani, a key financial facilitator for the group who was killed in a US operation in northern Somalia on January 27.

“Fartun Abdirashid Hussein is now married to the head of the Somalia branch of the Islamic State, Abdulkadir Mumin. The couple first made contact over the phone in 2010 when Mumin was a member of Al-Shabab and subsequently got married in Mogadishu in 2011,” the court stated in a statement.

The ruling constitutes another setback for the Islamic State in Somalia following the killing of al-Sudani. 

The Somali government views the threat posed by the group as minimal, with Hussein Sheikh Ali, the National Security Advisor to the President of Somalia, stating that “while the Islamic State does not have a significant presence in Somalia, it is important to note that the group could potentially increase its threat in the future.”

The United States, on the other hand, considers the removal of al-Sudani to be significant, with Defense Secretary Lloyd Austin saying in a statement, “the killing of al-Sudani leaves the United States and its partners safer and more secure and reflects our steadfast commitment to protecting Americans from the threat of terrorism at home and abroad.” 

The Islamic State has not established a significant presence in Somalia. However, there have been reports of individuals and small groups in Somalia pledging allegiance to the Islamic State and carrying out attacks.

In 2015, militants supporting the Islamic State broke away from al-Shabab, gaining followers in eastern Puntland, where Mumin’s clan is based. According to experts, the group has 200-300 members in Somalia.

Daawo: Biixi oo weji cusub u yeelay xiisadda Laascaanood iyo ‘cidda ka dambeysa’

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad ka qabsoomtay Madaxtooyada ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in argagixisada ay ka dambeyso dhibaatada ka taagan Laascaanood, taasi oo dishay haldoorkii magaalada, si la iskaga horkeeno shacabka iyo dowladda Somaliland.

“Waxaan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo oo caalamka iyo cid walba u sheego dhibaatada maanta ka jirta Laascaanood waxaa keenay argagixisada caalamiga ah. Dhalinyarada iyo dadka mudahaaradka wada uma wadaan xumaan iyo naceyb ay u qabaan Jamhuuriyada Somaliland,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in argagixisada ay qorshe fog ka lahayd dilka haldoorkii gobolka iyo masuuliyiinta u shaqeynayay Somaliland, si loo wiiqo maamulka Somaliland.

“Argagixisada muddo ayay qorshahaas shaadh walba usoo gashatay oo qeyb walba oo bulshada ah waa kula matalaya. Waxa iyaga u faa’iido ah waxay doonayaan oo ah inay tooda oo qudha ku maamulaan hadba mushtamacaa fidnada ka dhex wadaan.”

Muuse Biixi ayaa argagixisada uu sheegay ku tilmaamay Khawaarij, wallow uusan carabaabin magaca kooxda ka dambeysa amni darada gobolka Sool, gaar ahaan Laascaanood.

Dhinaca kale, waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyay shirka madax-dhaqameedka uga socda magaalada Laascaanood, kaasi oo uu sheegay in uusan ka duwanaan doonin kuwa hore u dhacay oo looga hortagayo fidno

“Dowladda Somaliland oo maanta madaxdeeda ay halkaan fadhido waxaa diyaar u nahay dhibaato kasta oo jirta, waxkasta oo dowladda laga tirsanayo in si nabad ah oo loo siman yahay aynu kaga wada-hadalno, inaga oo mideysan aynu nabad xaalada kusoo celin.”

Ugu dambeyntiina wuxuu sheegay in dowladda Somaliland ay kasoo horjeedo qofkasta oo balaayo iyo fidno ka dhex abuuraya bulshada, kana soo horjeeda nidaamka dowliga ah.

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya, xilli uu magaalada Laascaanood ka socdo shirweynaha Aayo-ka-talinta gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn, oo ay ku dhan yihiin Isimada dhaqanka ee gobolladaasi, waxaana la filayaa in ay go’aanno ka soo saaran arrinta magaalada Laascaanood.

Blast kills 34, wounds 150 at mosque in Pakistan

Peshawar (Caasimada Online) – A massive explosion ripped through a mosque in northwest Pakistan on Monday, killing at least 34 people and injuring over 150 others who gathered to pray, officials said. 

The early morning attack in the city of Peshawar, the capital of the Khyber Pakhtunkhwa province, was reportedly carried out by a suicide bomber who blew himself up in the center of the mosque. 

The death toll was confirmed by Deputy Inspector General of Police Shaficullah Khan on state television, with the possibility of more casualties. 

According to Reuters, citing a government source, the attack resulted in 30 deaths and 150 injuries, with the majority being police officers. Hospitals in the city reported receiving hundreds of injured, with some in critical condition.

Eyewitnesses and rescue workers reported that the power of the explosion caused the roof of the mosque to collapse. Police have yet to comment on the type of attack as they continue to investigate.

The mosque was frequently attended by security and government officials. The head of police in Peshawar, Ijaz Khan, stated that the mosque was located near the central police station of the province and the counter-terrorism department. 

He also said that the possibility of a suicide bomber could not be ruled out and that evidence of explosives was found inside the mosque. 

A police officer, Sikandar Khan, reported that the mosque was heavily guarded and had at least 260 people inside at the time of the attack.

Pakistan’s Prime Minister Shahbaz Sharif condemned the suicide attack in a statement. 

No group has claimed responsibility for the deadly attack yet. However, previous attacks in the city were mostly carried out by Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), also known as the Pakistan Taliban.

Militants have targeted Peshawar in the past due to its proximity to the semi-autonomous tribal regions along the Afghan border, which has been a hotbed of terrorist activity. 

Tehrik-i-Taliban Pakistan (TTP), also known as the Pakistan Taliban, is a militant extremist group operating in the region and is responsible for numerous acts of terror in the country. The group was formed in 2007 and is primarily based in the tribal areas along the Afghan border. 

The group has been responsible for numerous suicide attacks, bombings, and targeted assassinations in the country and aims to establish a strict Islamic State in Pakistan.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo QABIILKA ninkii weeraray xarunta G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeeday mid kamid ah raggii fuliyay weerarkii dhawaan lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir, kaasi oo ku billowday qaraxyo kadibna uu xigay dagaal ay gudaha ku galeen maleeshiyadaas.

Kooxda ayaa ninkaan kamidka ahaa raggii fuliyay weerarkii gobolka Banaadir ku sheegtay magaciisa Cilmi Cumar Xasan Afrax (Yaxye).

Ninkaan ayaa cod ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab, oo laga duubay kahor inta ay maleeshiyada weerarka kusoo qaadin xarunta ayaa wuxuu ku sheegay inuu ku dhashay degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu kasoo jeedo beesha Daa’uud ee Abgaal, oo ah beesha uu sidoo kale ka dhashay guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Wareysi laga qaaday ninkaan intii aysan maleeshiyada weerarka ku qaadin xarunta maamulka gobolka Banaadir oo ay baahisay warbaahinta kooxda ayaa wuxuu ku sheegay in xarunta u beegsadeen si ay u gumaadan madaxda muhiim ah ee halkaasi ku sugan.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka ku socda ee lagu gaarsiiyay jabka xoogan, uusan wax ka badali doonin beegsiga madaxda iyo masuuliyiinta dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab ayaa inta badan soo bandhigta wareysiyo ay ka duubaan maleeshiyada weerarada fulisa, kuwaasi oo laga dheehan karo in dhalinyaradaas lagu maran-habaabiyay diinta, laguna shubay fikir qaldan oo galaaftay nafahooda.

22-kii bishaan ayay aheyd markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku billowday ku qaadeen xarunta maamulka gobolka Banaadir, kuwaasi oo markii dambe dagaal toos ah la-galay ciidamada dowladda.

Maleeshiyaadka Shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa gudaha u galay dhismaha, inkasta oo saacado kadib lasoo afjaray, waxaana weerarkaas ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 4 ruux oo kale, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Maleeshiyaadka Shabaabka ayaa ahaa kuwa lugaynaya, iskuna ekaysiiyay ciidamada Qaranka si ay halkaas usoo gaaraan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Weerarkan ayaa ku soo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay Al-Shabaab culeyska soo saartay magaalada Muqdisho kadib dagaalka culus ee kaga socda gobollada dalka, waxaana weerarkii u dambeeyay oo toos ahaa ay ku qaaday Villa Rays oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada.

DF oo qaaday tallaabooyin kadib hadalkii Cali Dheere

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta kooxda Al-Shabaab ayaa Sabtidii baahisay muuqaal uu afhayeenka kooxda Cali Dheere uga hadlayo dagaalka dhaqaale ee kaga socda Muqdisho, kaasi oo uu udhigay mid lagu dhibaateynayo umadda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka, gaar ahaan wasaarada warfaafinta ayaa u dhaqaaqday inay baahiso muuqaalo hore oo ku saabsan dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo kamid yihiin shaacintii akoonada iyo lambarada laga xiray kooxda iyo hadal uu madaxweynaha dhawaan ka jeediyay kacdoonkii shacab ee ka qabsoomay Muqdisho.

Hadalka Cali Dheere oo u muuqday mid quus ah, muujinaya in dagaalka dhaqaale ee dowladda federaalka la gashay uu si weyn u taabtay ayaa digniin u diray bangiyada oo uu sheegay inaysan xogta macaamiishooda la wadaagin dowladda, islamarkaana ay ilaaliyaan lacagaha la dhigto.

Dowladda ayaa muuqaalada ay dib u baahisay ee uga jawaabeyso hadalka Cali Dheere waxa kamid ah madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya oo sheegaya guusha laga gaaray dagaalka dhaqaale ee Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in lasoo bandhigi doono malaayiin dollar oo Al-Shabaab ugu xaraysnaa akoono maaliyadeed oo ay dowladdu xirtay.

Xasan ayaa sidoo kale sheegay in arrintaan ay muujinayso in dagaalka dhaqaale ee Shabaab uu yahay mid ficil ah, xilli ay markii hore dadka qaarkood u haysteen sheegashada dowladda ee akoonada la xayiray iidheh qeyb ka ah dagaalka.

“Dowladdu mar dhow way soo bandhigi doontaa xisaabaad badan oo Shabaab Bangiyada loogu arurin jiray kuwaas oo la xiray. Taleefoono badan oo lacagaha la isugu xawili jirayna waala xiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuuud.

Al-Shabaab ayaa u muuqata inay saameeysay xayiraada dowladda ay saartay dhaqaalaha u yaalla bangiyada Muqdisho, kuwaasi oo ay kooxda ku eedeeysay in aysan ilaalin karin lacagaha amaanada ku ah, wallow kooxda laftigeedu ay lacagta si baad ah uga qaadan jirtay ganacsatada.