26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sawirro: Danab oo ‘howlgal ku dilay’ 15 Al-Shabaab ah

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in shalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka ay howl-gallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Howl-gallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga fuliyey deegaanada kala ah Xawaadley, Shanloow JameEco, Yaaqle, Dhagaxoow oo ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdillaahi Nuur (Beeryare) oo  ah Taliyaha Guutada 16-aad ee Kumandooska Danab ayaa ka warbixiyey howl-galladan, wuxuuna shaaca ka qaaday inay ku gaareen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayna khasaare xoogan ku gaarsiiyeen.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howl-galladan ay ku dileen illaa 15 ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida uu hadalka u dhigay.

Beeryare ayaa sidoo kale xusay inay burburiyeen xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab, gaar ahaan maxkamado iyo goobo kale oo ay lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada lagu beegsanayo kooxda Al-Shabaab ee haatan ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe.

Howl-galladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xoogaga Al-Shabaab ay todobaadyadii u dambeeyey weeraro kala duwan ay ka fulisay halkaasi

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa dhankooda sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka wadaan deegaanada HirShabelle.

Wareysi: Wasiirka Amniga oo ka hadlay ciidamada la geeyey Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay ciidamadii shalay la geeyay Beledweyne, kadib kulan ay maanta ka yeesheen Golaha Wasiirada, kaasi oo lagu go’aamiyay in si deg deg ah lagu soo celiyo ciidamadaas.

Waxa uu sheegay in tuhunka u weyn ee ka dhashay ciidamada la geeyay Beledweyne ay tahay in qorshihii ay ku baxeen ciidamadaas iyo miisaaniyadii ku baxday qaadistooda aan laga bixin miisaaniyada dowladda, oo cid gaar ah ay bixisay.

“Sida caadiga ah wadada saxda ah ee ay soo maraan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada waxay la soo xiriiran Ra’iisul Wasaaraha marka ay rabaan ciidan iyo saanad, kadib ayuu u xil saaraya wasaarada qaabilsan oo sida ayey u daadageysa,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in ciidamada la qaaday, gaar ahaan Booliska ay durtaba soo baxday in saameyn ballaaran ku yeeshen amniga Muqdisho iyo goobihii ay ku sugnaayeen, maadama uu sheegay in qeybo kamid ah suuqa Bakaaraha u xiran yihiin argagixisada.

“Ciidamada nala soo weydiisto ee lagula dagaalamayo cadowga ma xumo ee waxa qalda dadka madaxda ah ee xiligaas maamulaya. Arrinta mad-madowga ah iyo mugdiga ku gadaaman ayaa ah in ciidankaas tirada badan ee la qaaday lagama bixin kharashkooda miisaaniyada dowladda, cid kale ayaa bixisay, maxaa keenaya in cid kale bixiso?.”

Wasiirka ayaa sheegay in dhowr jeer ay soo gaareen waraaqo cabasho ah oo madaxda dowlad goboleedyada ay ku dalbanayaan in wax hub ah ama ciidan ah oo ay ka warqabin oo ogolaan loo soo dirin, si looga fogaado qalaalase ka dhaca doorashooyinka socda.

Sidoo kale waxa uu xusay in go’aan ka qaadan doonaan haddii amarka kasoo baxay Golaha Wasiirada aan lagu fulin sidiisa, kaasi oo sare u qaadaya in cawaaqibta tallaabadaas ka dhalata ay saameyn doonto Saraakiisha ciidamada.

“In ciidan intaas le’eg xiligaan marxalada xasaasiga ah lagu jiro la dhaqaajiyo oo gobolkii ay daganayen gobol aan aheyn la geeyo, gaar ahaan goob doorasho oo intaas sii dheer tahay oo aan ognahay xasaradaha siyaasadeed ee jira oo mararka qaar dhaliyay arrimo amni, waad dareemi kartaa mas’uuliyada naga saaran, waxaa u mari doona habraaca saxa ah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in qorshe la’aanta ka dhalatay ciidamada la qaaday ay ku jiraan xalinteeda, kadib markii cabasho xoogan u gudbiyeen ganacsatada Bakaaraha qaarkood oo ururka Daacish dul dhigtay lacago hor leh, kuna qasbanaaday inay xiraan ganacsiyadooda.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka

Aqriso: Rooble oo guddi u magacaabay xiisadda Beledweyne + Magacyada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi cusub oo Wasiirro ah oo qeyb ka noqonaya xal u raadinta xiisada ka taagan Beledweyne, kadib markii goor sii horeysay oo maanta ah Golaha Wasiirada Soomaaliya ay amreen in deg deg loo soo celiyo ciidamadii shalay la geeyey magaaladaas.

Guddiga cusub ee uu magacaabay Rooble ayaa waxay ka shaqeyn doonaan dejinta iyo xal u helida khilaafka ka taagan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxay xiisadda iyo xal u helista khilaafka taagan kala shaqeyn doonaan madaxda maamulka Hirshabelle iyo Waxgaradka gobolka, gaar ahaan magaalada Beledweyne, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble.

Guddiga ayaa waxaa hogaaminaya oo guddoomiye u ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Gen Mukhtaar Xuseen Afrax, sidoo kale waxaa qeyb ka ah xubnahan hoose;

  • Cabdulaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha
  • Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhiga
  • Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga
  • Fowziya Maxamed Abiikar, Wasiirka Caafimaadka
  • Iyo sarkaal ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntiina waxay ugu baaqeen waxgaradka iyo shacabka magaalada Beledweyne in ay muujiyaan deganaan, lana ilaaliyo waxkasta oo keeni kara isku dhac.

Magacyada iyo beelaha 10 xildhibaan oo maanta loo doortay Golaha Shacabka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli dalka kasii socota doorashada Golaha Shacabka, ayada oo maanta la doortay xildhibaano dhowr ah, kuwaasi oo doorashadooda ka dhacday magaalooyinka Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Garoowe.

Doorashada lagu qabtay Muqdisho oo aheyd kuraasta gobollada waqooyi, ayaa waxaa maanta lagu doortay saddex xildhibaan, kuwaasi oo aan gelin dhamaantood wax loolan ah, loona tanaasulay, islamarkaana ku soo baxay codeyn gacan taag ah.

Hoos ka aqriso magacyada Xildhibaanada iyo beelaha ay kasoo jeedaan:

1. Siciid Maxamed Maxamuud, (Muuse Dhariyo), HOP244
2. Ifraax Maxamed Cawad (Habar-jeclo, Isaaq, Dir), HOP037
3. Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir (Habar-jeclo, Isaaq, Dir), HOP238

Dhuusamareeb: doorashada ayaa waxaa kusoo baxay saddex xildhibaan, kuwaasi oo musharaxiintii kala kaga adkaaday tartanka. Hoos ka aqriso magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedan:

1. Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” – (Saleebaan, Habar-gidir, Hawiye), HOP248
2. Maxamed Ibraahim Cali “Maxamed Cajiib” – (Waceysle, Abgaal, Hawiye), HOP064
3. Qaali Axmed Diiriye (Aarsade, Duduble, Hawiye), HOP096

Sidoo kale magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland ayaa waxaa lagu doortay Afar xildhibaan, kuwaasi oo kuraastooda kala ahaa HOP#128, HOP#223, HOP#232 iyo HOP#144. Hoos ka aqriso magacyada xildhibaada kusoo baxay iyo beelaha ay kasoo jeedaan:

1. Maxamed Cabdiraxmaan Xayle – (Carab Salax), HOP128
2. Xirsi Jaamac Gaani – (Awrtable, Daarood), HOP223
3. Fardowsa Ismaaciil Cigaal – (Leelkase, Daarood), HOP232
4. Cabdiqafaar Cilmi Xaange – (Majeerteen, Baciid-yahan), HOP144

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardar leh uga socota maamul goboleedyada iyo Muqdisho, waxaana sida qorshaha yahay in la soo gaba-gabeeyo 25-ka bisha Febraayo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, kadib is qab-qabsiyo xoogan oo hareeyey hannaanka doorashooyinka dalka, kuwaasi oo dhowr jeer dib u dhigay jadwalada doorashada.

Wareysi: Jeneral Odowaa oo markii u horeysay ka hadlay ciidanka la geeyay B/Weyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa markii u horeysay ka hadlay ciidamadii shalay laga dejiyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Jeneraal Odowaa oo wareysi siiyay idaacada VOA-da ayaa sheegay in ciidamadaas ay yihiin kuwo loogu tala-galay in lagu xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee meesha tagay waxa waaye in cadowga carqaladeynaya arrimaha doorashooyinka iyo guud ahaan dhibaatooyinka kale ku haya deegaanka inay ka hortagaan, runtii ma aha sawirada dadka qaarkood ka bixinaya waa wax kala fog oo kala duwan sababaha ay ciidanku u tageen Beledweyne,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu beeniyay in ciidamada wax lug ama saameyn ah ku leeyihiin doorashada la filayo in dhawaan magaalada Beledweyne lagu qabto ee Golaha Shacabka, hase yeeshe ay ka hortagayaan carqaladeyn kasta oo argagixisada uga imanaya doorashada.

“Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed marna ma aha ciidan ku shuqul leh doorashooyinka, waxa ka quseeya oo keliya waa sugida amniga guud oo banaanka ah oo aheyn gudaha, waxaa ka ilaalinayn xitaa in ciidanka xooga ay qeyb ka noqdaan amniga gudaha oo soo galaan.”

Jeneraal Odowaa ayaa iska fogeeyay in howl-galada ciidanka xooga ay si toos ah u hoos tagaan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo amniga, ayna u madax-banaan yihiin la dagaalanka argagixisada iyo howl-galada lagu sugayo amniga, kadib markii uu xalay Wasiirka gudaha uu sheegay in uusan waxba kala socon ciidanka la geeyay Beledweyne.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in ciidamada la geeyay Beledweyne aysan ka duwaneyn kuwa la geeyay Dhuusamareeb iyo deegaano kale oo ay ka wadaan howl-galo looga sifeynayo argagixisada.

“Waxaa rabaa in aan cadeeyo in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed ay leeyihiin mas’uuliyada sugida amniga qaranka iyo bulshada Soomaaliyeed oo ma aha wax si maalinle ah loo leeyahay gudbinteeda ee waa mas’uuliyad na saaran oo aan garaneyno, anagana naloo xil saaray.”

Shalay ayey aheyd markii ay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne ka degtay Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad.

Diyaaradda oo sidday askar gaareysay illaa 50 askari ayaa markii hore ka amba-baxday gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna toos uga degtay garoonka diyaaradaha ee Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadan waxa ay hordhac u yihiin ill 400 askari oo ay dowladda u qorsheysay inay geyso Beledweyn oo ay haatan ka taagan tahay xiisad xoogan.

Tallaabadan ayaa waxaa si adag uga horyimid Siyaasiyiin ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar, Cabdullaahi Goodax Barre, Cabdullahi Sanbaloolshe, xildhibaan Qoone iyo xildhibaan Jindi oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Waxay sheegen in Beledweyne ay ka taagan tahay xurguf siyaasadeed, balse aysan joogin argagixiso dowladda ku qasbeysa inay cudud ciidan ku wajahdo, iyagoo saraakiisha kula taliyey in ciidankaas ay ku soo celiyaan xeryahooda.

Si kastaba, Golaha Wasiirada xukuumadda uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo maanta ka hadlay ciidamada shalay la geeyay magaalada Beledweyne, ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadaas, oo ay sheegen in loo adeegsanayo dano siyaasadeed, kuna qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

Hoos ka dhageyso wareysiga Odawaa ee VOA, oo ay qaaday Falastiin Axmed Iimaan

Golaha Wasiirada oo amray in deg deg looga soo saaro ciidanka la geeyey B/Weyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa amray in deg deg loo soo celiyo ciidamadii shalay la geeyey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ee muranka badan dhaliyey.

Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu sheegay in ciidamadaas loo adeegsanayo dano siyaasadeed, taasi oo ay ku qeexeen mid lagu dilayo sumcadda ciidanka qaranka.

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha Wasiirada.

Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inuu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo doonayo inuu u adeegsado kuraasta Golaha Shacabka ee taalla magaalada Beledweyne.

Goor sii horeysay oo maanta ah, taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa wareysi uu siiyey VOA ku sheegay in ciidanka la geeyey Beledweyne ay la-dagaalami doonaan Al-Shabaab oo aanay shaqo ku laheyn wax siyaasad ah.

“Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed marna ma aha ciidan ku shuqul leh doorashooyinka, waxa ka quseeya oo keliya waa sugida amniga guud oo banaanka ah oo aheyn gudaha, waxaa ka ilaalinayn xitaa in ciidanka xooga ay qeyb ka noqdaan amniga gudaha oo soo galaan,” ayuu yiri Odowaa.

Kulanka Golaha Wasiirada ayaa la filayey in xilka looga qaado taliyeyaal uu ka mid yahay Odowaa, balse sida aan xogta ku helnay waxaa arrintaas dib loogu dhigay si fursad loogu siiyo inuu raacayo amarka Golaha Wasiirada iyo in kale. 

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo hakiyay natiijada saddex kursi oo golaha shacabka ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka dalka ayaa goordhoweyd shaaciyay in uu hakiyay ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kuraasta tirsigoodu yahay HOP#201, HOP#209 iyo HOP#211.

Saddexda kursi ee dacwada laga keenay ayaa waxay kamid yihiin kuraasta gobolada Waqooyi oo maalmo ka hor lagu doortay Muqdisho, waxaana dacwadooda soo gudbiyay Suldaan Diiriye Geelle Cali iyo Musharax Kheyriya Maxamed Maxamuud.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in saddexda kursi laga keenay dacwad, islamarkaana uu go’aan ka gaari doono guddiga dacwada laga soo gudbiyay.

“Guddiga xalinta khilaafaadka doorashada dadban asagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargalinayaa Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal in la hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kuraasta, laga bilaabo 27/01/2021 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gudbiyay kuraastaas,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay guddiga in muddo toddobaad ah ku dhameystiri doono baaritaanka cadaymaha, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu iyo ka go’aan gaarista dacwada, taasi oo ka bilaabanaysa maanta oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay hakinta kuraastaas.

“Waxaa go’aanka ugu gudbin doonaan soo dacwoodayaasha iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka go’aanka la gaaro.”

Guddiga ayaa ugu dambeyntiina ku wargaliyay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal iyo guddiga hireglinta doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland inay si dhaw ula shaqeeyaan xubnaha gacanta ku haya baarista dacwadaan, si loo helo xog dhameystiran, uguna soo afmeeran waqtiga loo qabtay dacwada.

Daawo: Yuusuf Dabageed oo si jees jees ah ugu jawaabay siyaasiyiinta XAWAADLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolkeedka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ka hadlay ciidamada ay dowladda federaalka ka dejisay magaalada Beledweyne, kuwaasi oo ay ka dhalatay xiisad xoogan.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in ciidamadaas ay dalbadeen ka maamul ahaan si ay ula dagaalamaan ururka Al-Shabaab, islamarkaana aysan shaqo ku laheyn arrimaha lala xiriirinayo ee boobka doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Cadow ayaa na qabsaday oo kuwa shalay noo imid (ciidamada) naguma filna ee kuwa kale in na lagu soo daro ayaa u baahanahay oo aan iskaga dhicino cadowga,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale waxa uu si adag ugu jawaabay hadalkii xalay kasoo yeeray Siyaasiyiinta beesha Xawaadle ee uu horkacayay Wasiirka arrimaha gudaha, Jeneraal Mukhtaar, kuwaasi oo ka horyimid ciidamada la geeyay Beledweyne.

“Niman siyaasiyiin isku sheegaya oo shalay ka hadlay Muqdisho, sida aan ka warqabana u tagay Ra’iisul Wasaaraha waxay ka hadlayeen ciidanka dowladda Soomaaliya u soo dirtay HirShabelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan caasimadiisa Beledweyne, waxaa nasiib darro ah in aad tiraahdo dad aan metala oo kasoo jeeda, haddana dantaada oo keliya masiirkaaga ku base-gareyso ayaa nasiib darro ah,” ayuu yiri.

Waxa uu ku tilmaamay Siyaasiyiintaas kuwo kuraas raadis ah oo aan marnaba ku hadli karin magaca dadka reer Hiiraan oo dhan, islamarkaana u hadli karin bulshadaas, waxna u qaban karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay kasoo jeedaan qabiilka la yiraahdo Xawaadle, oo waa yahay qabiilada Hiiraan dega laakiin reer Hiiraan oo dhan ma aha. Xawaadle wax siyaasadeed waa taban karaa laakiin waxa siyaasadeed ee tabanaya maxay yihiin ayey yihiin, kuwii shalay talo xumadooda ku lumiyay inay maanta uga sii daraan oo cadowgii oo dilaya dowladda ka bad-baadinaysa ay yiraahdan dowladda wax kale ayay ka shaqeynaysa aad ayey nasiib darro u tahay.”

Waxa uu carabka ku adkeeyay in tabasho kasta oo ka taagan maamulka loo baahan yahay in lala hor fariisto madaxweynaha HirShabelle oo aysan marnaba aqbaleyn in Muqdisho looga soo taliyo.

Ugu dambeyntiina waxa uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ugu baaqay in uu tallaabo aad uga fiirsaday uu ka qaato xiisada Beledweyne, oo uusan ku deg-degin go’aan aan la mahdin oo uga sii dara xiisada taagan.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii ay xalay warbaahinta la hadleen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar, Cabdullaahi Goodax Barre, Cabdullahi Sanbaloolshe, xildhibaan Qoone iyo xildhibaan Jindi oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan, oo ay si adag uga soo hor jeesteen ciidankii shalay la geeyay magaalada Beledweyne.

Siyaasiyiintaan ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe waxay ugu baaqeen inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan ciidankaas, sidoo kale waxay digniin u direen saraakiil ay ka xuseen taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo aad ugu dhaw Farmaajo.

Si kastaba, dhawaan waxaa Beledweyne la filaya inay ka dhacdo doorashada qaar ka mid ah xubnaha golaha shacabka, waxaana xusid mudan in halkaas uu yaalo kursi ay kooxda Farmaajo la rabto Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, kaasi oo hadda uu ku fadhiyo xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Sheekh Nuur Sayid Cali oo maanta lagu dilay Aafgooye

0

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa fal dil ah oo barqanimadii maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dilka oo ahaa mid qorsheyan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo geystay Sheekh Nuur Sayid Cali oo ka mid ahaa dadka deegaanka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in marxuumka uuo ka tirsanaa ergada doorashada ee xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday xaafadda Baalguri ee degmada Affgooye, ayada oo ay fuliyeen rag k hubeysan bistoolado oo goobta isaga baxsaday, kadib dhacdada.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, balse ma jirto ay cid usoo qabteen dilkaasi, welina kama hadal dhacdadan saraakiisha ammaanka iyo maamulka Afgooye.

Dilkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darrida ah ee xilligan ka dhacaya degmada Afgooye oo ay inta badan weeraro ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey amni ka jirta dalka, taas oo loo sababeynayo daaha doorashooyinka iyo ku milanka siyaasaddda ee saraakiisha ciidanka.

Sawirro: Saadaq Joon iyo xubno kale oo maanta lagu doortay Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta ka bilaabatay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, gaar ahaan xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay gudaha magaaladaasi.

Doorashada oo la qabtay kursigii ugu horreeyey ee HOP#248 ayaa waxaa ku tartamay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) iyo Cabdullahi Xersi Diirshe, waxaana kursigan ku guuleystay Saadaq Joon oo helay 81 cod, halka musharaxa kale uu isna helay 17 cod, sidoo kale waxaa halaabay 2 cod, sida uu shaaciyey gudiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guusha Saadaq Joon ayaa la filayey, maadaama kursiga si gaar ah loogu xiray, waxaana horey HOP#248 ugu fadhiyey Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon.

Jeneraalkan oo ay horey isku qabteen Farmaajo ayaa haatan aad ugu dhow Qoor Qoor, wuxuuna waayadii dambe ku noq-noqonayey deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale doorashada kursiga labaad ee HOP#064 ayaa waxaa isna ku guuleystay Maxamed Ibraahim Cali (Maxamed Cajiib) oo helay 98 cod, halka Cabdullaahi Iimaan Afrax oo la tartamay uu helay 2 cod, sida ku dhowaaqay guddiga doorashada ee Galmudug.

Kursiga saddexaad ee HOP#096 waxaa kusoo baxday Qaali Axmed Diiriye oo heshay 96 cod, kadib markii ay u tanaasushay Qaali Axmed Diiriye oo la tartami laheyd

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardarleh uga socota maamul goboleedyada iyo Muqdisho, waxaana qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bisha Febraayo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, kadib is qab-qabsiyo xoogan oo hareeyey hannaanka doorashooyinka dalka.

Xog: Rooble oo qorsheynaya xilal ka-qaadis jawaab u ah ciidanka la geeyey B/Weyne

Muqidsho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qorsheynaya inuu qaado tallaabo jawaab u ah ciidamada uu madaxweyne Farmaajo shalay geeyey magaalada Beledweyne, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Tallaabooyinka uu qorsheynayo Rooble ayaa waxaa ugu weyn inuu isbeddel ku sameeyo taliyayaasha ciidamada, si uu gacanta ugu dhigo amniga dalka, ayada oo hadda ay muuqato in Farmaajo uu si buuxda gacanta ugu hayo ciidamada, kuwaas oo uu siyaasadda u adeegsanayo.

Heshiikii Golaha Wadatashiga Qaran ee 9-kii Janaayo Muqdisho lagu saxiixay ayaa waxaa ku jiray inaan ciidamada loo adeegsan siyaasadda, balse waxaa cad in qodobkaas uu jebiyey Farmaajo.

Sida aan xogta ku helnay, Rooble ayaa qorsheynaya in shirka golaha wasiirada ee toddobaadkan lagu beddelo taliyayaasha ciidamada qaarkood, ayada oo golaha wasiirada ay awood u leeyihiin soo-jeedinta isbeddelka ciidamada.

Qorshaha Rooble ayaa waxaa xalay tusmeeyey wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar oo sheegay in aysan xukuumaddu ka war qabin, islamarkaana aysan jirin cid kala tashatay Ra’iisul wasaaraha ciidanka la geeyey Beledweyne. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xukuumaddu ay go’aan ka soo saari doonto xiisada Beledweyne iyo qorshaha ka dambeeya ciidanka la geeyey, islamarkaana ay qaadi doonta tallaabo ka dhan ah.

Rooble ayaa mudda ka caga jiidayey inuu isku dayo inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada, isaga oo u arkay mid meel xun gaarsiin kara dagaalka kala dhaxeeya Farmaajo, hase yeeshee waxaa hadda u cadaatay inaan laga fursan karin.

Farmaajo ayaa horey ciidamada ugu adeegsaday inuu ku boobo doorasho goboleedyadii Galmudug iyo Koonfur Galbeed, waxaana ciidanka Beledweyne la geeyey qorshahoodu yahay in lagu boobo kuraasta golaha shacabka ee taalla halkaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Rooble ayaa sidoo kale qaadi kara tallaabooyin kale oo ka baxsan beddelka taliyayaasha ciidamada, inkasta oo aan faah-faahin ka helin.

Xog: Axmed Madoobe oo soo ceyriyey wakiilkii KHEYRE

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxa olelaha Xasan Cali Kheyre ee Jubaland Axmednuur Maxamed Axmed “Uleex”, horayna u ahaa xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa laga soo ceyriyay magaalada Kismaayo ee xarunta ku-meel gaarka u ah Jubaland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online ayaa sioo kale ogaatay in la xiray dhowr guri oo muddoyinkii ugu dambeeyay uu ka socday ololaha musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre, oo isku dayay in uu xildhibaanno isaga taageersan ka soo saarto Kismaayo.

Ciidamada ammaanka ayaa ku wargeliyay Axmednuur in uu Kismayao uga baxo muddo 24 saac ah horraantii bishan Janaayo, iyaga oo u sheegay in ay tahay amar dhanka mas’uuliyiinta sare uga yimid. Axmednuur waxa uu ka soo jeedaa Jubaland waxa ayna isku heyb yihiin madaxweyne Axmed Madoobe.

Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, Axmed Madoobe waxa uu dhowaannahanba cadaadis kala kulmayay beesha Absame oo uu ka soo jeedo Cabdikariin Muuse “Qalbi-Dhagax” oo dhowr kulan oo ay la galeen u sheegay in aysan isbaheysi siyaasadeed la sameysan karin Xasan Cali Kheyre.

Beesha Absame ayaa Kheyre iyo Farmaajo u haysata inay Qalbi-Dhagax u gacan geliyeen cadowga Ethiopia, ayada oo si gaar ahna Kheyre loogu haysto in xukuumaddiisa ay argagixiso ugu yeertay ururka xornimo doonka Soomaaliyeed ee ONLF.

Axmednuur Uleex ayaa kalsooni badan ka heystay Axmed Madoobe oo ay reer ahaan isku dhowyihiin, muddooyinkii dambane la-taliye u ahaa, isaga oo Kheyrana muddo dheer lasoo shaqeynayey. Xiriirkaas labada dhinac ah ayaa la filayay in uu isku dhoweyn karo Kheyre iyo Axmed Madoobe, balse hadda waxay u muuqataa in xisaabaadka qabaa’ilka iyo kan siyaasadda ay rajadaas meesha ka saareen.

Kiiska Qalbi-Dhagax ayaa toddobaadkan dib usoo shaac baxay kadib markii ay xukuumadda Rooble ONLF ka saartay liiska argagisixo, sidoo kalena sheegtay inay khalad aheyd dhiibistii Qalbi-Dhagax, kana raali-gelisay.

Dib usoo if-bixidda kiiska dhiibidda Qalbi-Dhagax iyo ku lug lahaansihii Kheyre ayaa la rumeysan yahay inay dhaawac weyn ku tahay rajada Xasan Cali Kheyre uu ka qabo in madaxweyne loo doorto. 

Doorashada kuraas aan lagu tartamin oo Muqdisho lagu qabtay – Sidee u dhacday?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashada ee kuraasta gobollada waqooyi ayaa maanta sii amba qaaday doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, waxaana uu guddigu qabtay doorashada saddexda kursi ee kala ah HOP#244, HOP#037 iyo HOP#238.

Kursiga HOP#244 ayaa waxaa ku guuleystay Siciid Maxamed Maxamuud oo loo qaaday cod gacan taag ah, wuxuuna helay 101 cod, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Sidoo kale kursiga HOP#037 ayaa waxaa kusoo baxday Ifraax Maxamed Cawad oo iyadana loo tanaasulay, waxayna heshay 99 cod, kadib codeyn gacan taag ah oo loo qaaday.

Kursiga saddexaad ee HOP#238 waxaa isna kusoo baxay Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir oo aan isna gelin tartan, wuxuuna helay 98 cod, halka ay ka aamuseen 3 ergay.

Dhammaan xubnaha soo baxay ee ku guuleystay saddexdan kursi ayaanan gelin wax loolan ah, taas oo doorashada ka dhigtay mid aan xiiso laheyn, maadaama kuraasta loo xiray.

Arrintan ayaa uga sii dareysa cabashada ka taagan doorashada oo ay horey uga biyo diideen musharixiinta mucaaradka oo shaaciyey in la boobayo kuraasta baarlamaanka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, kadib is qab-qabsiyo xoogan oo hareeyey hannaanka doorashooyinka dalka.

Xijaar oo shaaciyey ciidan noocoodu ku cusub dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shaaciyey inay sameeyen ciidamo gaar ah oo u tababaran la socodka iyo ka hortaga dambiyada iyo akhlaaq darada ka dhaca Social Media-ha.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in dalka ay ku soo bateen dambiyo nooc cusub ah, gaar ahaan baraha bulshada oo uu sheegay in dadka qaarkood ku faafiyaan waxyaabo wax u dhimaya akhlaaqiyaadka bulshada, saameyna ku leh dhaqankeena.

“Waxaa soo baxay dambiyo cusub oo aan hore u qabi jirin, waa in lala socdo oo la raaco. Ciidan badan ayaa u tababarnay oo waxaa u sameynay hogaan gaar ah oo isaga la tacaala sidii dambiyadaas loo yareyn lahaa,” ayuu yiri.

Taliyaha oo hadalkaan ka jeediyay shir Sanadeedka Garsoorka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inay sare u qaadeen tababarada ciidamada iyo saraakiisha kala duwan ee dowladda.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa is leeyahay marka aan qiimeeyo sanadkii lasoo dhaafay isbedel weyn oo la taaban karo ayaa ka jira dhinacyo badan oo ay ugu horeyso xeer ilaalinteena iyo maxkamaddaha.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay baraha bulshada ku soo bateen waxyaabaha anshax ahaan aan wanaagsaneyn, kuwaasi oo ay ugu dambeysay haweenay hooyo ah oo labo caruur ah oo ay dhashay ka duubtay muuqaal ay siineyso shiishad, taasi oo markii dambi ay gacanta kusoo dhigeen laamaha amaanka.

Abiy Axmed oo ka laabtay go’aan uu horey u qaatay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya ayaa Arbacadii shalay ansixiyey in la qaado lix bilood oo xaalad degdeg ah, iyadoo la eegayo isbedellada dhinaca ammaanka ah ee ka jira dalkaas, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Raysal wasaare Abiy Axmed.

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xaalad deddeg ah bishii November, kadib markii ciidamada TPLF ay sheegeen in qabsashada gobollo dhowr ah kadib ay ka fikirayaan inay galaan magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Dowladdu waxay sheegtay in bishii hore ay ciidankeedu ka sifaysay ciidamada Tigreega waqooyiga gobollada Axmaarada iyo Canfarta, iyadoo meesha ka saartay hadalladii Tigrayga ee ahaa in ciidamadoodu ay iskood uga baxayaan si ay u abuuraan “biloow nabadeed”.

Bayanan kasoo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay gaartay heer khataraha ay xallin karaan hay’adaha ammaanka, waxaana bayaankani intaa ku daray in go’aanka golaha wasiirada loo diray baarlamaanka, si ay u ansixiyaan.

Dabayaaqadii toddobaadkii hore, Milatarigu waxa ay sheegeen inay qorshaynayaan in ay galaan magaala madaxda gobolka Tigray ee Mekelle, si ay “kaga takhalusaan” TPLF.

Hadalkan ayaa yimid iyada oo ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda bilaabtay bishii Noofambar ee sanadkii 2020, taas o barakicisay malaayiin qof, isla markaana kicisay gaajo baahsan.

VOA- Reuters.

Waare oo shaaciyey qorshaha rasmiga ee ciidanka Farmaajo uu geeyey Beledweyne

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ciidanka la geeyey magaalada Beledweyne ay leeyihiin hal u jeedo, taas oo ah in lagu boobo kuraasta deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Waare ayaa sheegay in qorshaha Jeneraal Xuud lagu keenay Muqdisho uu qeyb ka yahay boobka doorashada ee Villa Somalia ay qorsheyneyso.

“Waxaa nasiib darro ah in waxa boobkaas ka dhalan kara aan laga sii fekerin, waxaa sii fogaa doonta xiisadii ka dhex jirtay reer HirShabeelle iyo dadka reer Beledweyne oo gadooda, qasabna ma qadan doonaan dadkaas,” ayuu yiri Madaxweyne Waare oo qudhiisu ka soo jeeda Beledweyne.

Waare oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydiiyey qorshaha Jeneraal Xuud lagu keenay Muqdisho waxuuna yiri, “Anigu waxaan qabaa in mashruuca uu Xuud Xamar u joogo ay Villa Somalia wadato, sababtoo ah tallaabooyinka la qaaday inta uu joogay Muqdisho ayaa laga garan karaa in wax xushmad ah aan loo heyn, kaas isagaa meeshiisa dhib ku qabee Allaha ku badbaadiyo, anigu ma arko wax miisaan ah oo Villa Somalia uu ku leeyahay,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay dhici karto in la qiyaamay Jeneraal Xuud, balse dadkiisii uu kala kulmayo waji gabax, “Waxaa noo muuqata in u jeedku ahaa in Beledweyne laga soo wado, kadibna wixii la rabo laga sameeyo halkaas,” ayuu yiri.

Waare oo wax laga weydiiyey waxa uu hoggaanka HirShabeelle kala socdo qorshaha ciidankaas loo geeyey Beledweyne ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed uu mowqifkiisa cadeeyey oo ciidanka uu soo dhaweeyey Geel ay qashaana u geeyey, balse hadda ay ka war sugayaan mowqifka Madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Xalka waxaan u arkaa, maadaama ay arrintu siyaasiyiinta dhaaftay oo aysan waxaba ka qaban karin, in dhaqanka labada beelood ee Beledweyne iyo Jowhar arrintaan loo daayo, si loo badbaadiyo wada noolaashaha dadka, markaas waxaa suurta gal ah in dhaqanku keeno xal la isku aamini karo oo doorasho ku dhici karto,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Halkaan ka dhegeyso wareysiga Waare

Ma miisaaniyada iyo kursiga ayaa is-dulfuulay mise wasiir Beyle ayaa miisaan saaran?

Dunida waxaa soo maray Wasiiro Maaliyadeed salkiciyay dalalkooda dhaqaale ahaan, wasiiradaas waxaa ka mid ah oo ilaa hadda taariikhda dhow lagu xusaa:

Manuel Chang wuxuu ahaa Wasiirka Maaliyadda Muzambiik, waxaa 2018 lagu xukumay South Afrika, markii uu qandaraasyadii iyo Wasaaradii ka dhigtay dukaan uu isagu leeyahay. Hindiya waxaa 2019 xabsiga loo taxaabay Wasiirkii Maaliyadda Palaniappan Chidambaram oo lagu soo eedeeyay si khaldan u isticmaalid awoodda-Wasaaradda iyo lacag dhaqis ku dhow 43 bilyan oo Rupees Hindiga ah. Austria waxay 2020 xabsiga u taxaabtay Wasiirkii Maaliyadda Karl-Heinz Grasser oo ku takri falayay dhaqaalihii iyo awooddii loo igmaday. Sidoo kale, sanadkii tagey 2021 Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qatar ayaa xabsiga u taxaabay Wasiirkoodi Maaliyadda Cali Shariif Al-Camadi, markii uu sida Wasiir Beyle isbaaro udhigtay hey’adihii dowladda iyo qandaraasyadii shirkadaha gaarka loo leeyahay. Soomaaliya maaha meel sharci sarreeyo ama cidi amri karto cid kale, ee waxaa sarreeya yaa saaxiib la tahay, inteesa awoodda u dhowdahay iyo waxa loo yaqaan.

Wasiir Beyle iyo Isticmaalkiisa Warbaahinta

Wasiir Beyle maalmo dhoweyd oo uu warbaahinta lahadlay ayuu inkiray arrin uu Gole Wasiiro dhexdooda ku diiday. Qofkii diidmadiisa dhageysta wuxuu ula muuqan qof macsuum ah oo lagu been-abuurtay! Taas mid lamida markii uu xildhibaanimada waayay, wuxuu sidoo kale warbaahinta dhexmariyay fariin uu iska dhigay macsuum kursiga ku waayay musuq ka carar iyo miisaaniyad ilaalin, isagoo farta si dadban ugu fiiqay R/W Rooble. Laakin Beyle wuxuu siyaasadda dhexdeeda caan ku yahay in uusan runta jecleyn, wuxuuna aad u yaqaan sida jamaahiirta loo marin habaabiyo. Waana midda keentay in dad badan oo ka warheyn dowladda ay moodaan in uu yahay Wasiirka ugu waxqabadka fiican, meesha uu burburinayo mustaqbalka jiilashooda. Xaqiiqduse waxay tahay musuqa uu wasaaradiisa kadhex abuuray ayaa ubaahan sanado in la kala aruuriyo.

Usha iyo Kaarootada Wasiir Beyle

Wasiir Beyle wuxuu heestaa ul layiraahdo deyn-cafis, mashruuc walba ama wax walba oo uu hor istaagayo, ushaas ayuu la dhacaa, isagoo ku doodaya deyn -cafinta ayaa diidan. Kaarootada uu haysto waa mushaharaadka iyo kharashaadka laamaha dowladda uu ciddii uu doono afka u geliyo ama dhuunta kudhego. Mana aha wax ka qarsoon Masuuliyiinta dowladda ee waa arrin la wada ogyahay, balse nin walba ka baqayaa in kaarootada loo diido, ushana lala dhaco. Soomaaliduna waa dad u dhinta baahi-shakhsiyadeed, oo qof walba intuu isleeyahay keligaa noolow, ayay qaarna meydkoodu dhurwaayadu cunaan, qaarka kalana sugayaan dhimashada.

Wasaaradda Maaliyadda waa Guriga Musuqa Soomaaliya

Musuqa wuxuu ka yahay Wasaaradda Maaliyada, bakeeri biyo ah oo la cabbo, waa Wasaaradda howlaha Qaranka ka kala socon lahaayeen, mano hayso shaqo aan aheyn in ay mushahar bixiso, caanshuur koobana ka soo uruuriso dekadda iyo gigada dayuuradaha ee Aden Cabdulle. Intaas ayaana dowladda dhexdeeda la isugu awood sheegtaa, laguna musuq-maasuqaa si kabaxsan xirfadda bureaucracy ee xafiisyada dowladaha wax ku lug-gooyaan. Dadka dowladda kujira waxay is-weydiiyaan in isbaarooyinkii Muqdisho yaalay Maxaakimtii kahor, loosoo raray Wasaaradda Maaliyadda, waayo dhexdeeda ayaa waxaa dabakh walba yaalla isbaaro uusan qofku ka gudbi karin ilaa uu baad baxsho, illaa Xafiiska Wasiir Beyle ee ah meesha qandaraasyada lagu saxiixo. Ka warran Wasiir Maaliyadeed dhan oo usoo shaqo taga aroor walba inuu qandaraasyo saxiixo?

Tusaale ahaan, Waaxda Miisanaiyadda, Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Hanti Dhowrka, Waaxda Dakhliga, ama xafiisyada yaryar ee World Bank u shaqeeya sida PFM ama PIU, waa habeenkii xalay ahaa oo tagey in waraaq ama howl laguu gudbiyo, adigoo aan lacag lagaa qaadan ama lacagta lagu siinayo percentage % ka bixin ama aanan Wasaaraddaada ama xafiiskaaga dad laga shaqaalaysiisan ama aadan qandaraaska siin cidda ay iyagu wattaan! Hadii aad ka-dhego-adeegto xafiisyadaas mid kamid ah, waa adagtahay in aad ka gudubto isbaarooyinkaas, iskana hilmaam in ay shaqo kuu qabsoonto hadii aad tahay shirkad qandaraas lasiiyay ama hadii aad tahay xafiis kale oo dowladeed. Ciddii aad rabto u dacwood, sidaad rabto u qeyli, lagama yaabo in isbaarada lagaa qaado, waayo Wasiir Beyle ayaa isbaarooyinka wada dhigay Wasaaradda, labada Wasiir ee kuxiga waahore ayaa lagu aamusiyay in loo qoro kharash degaan iyo cunno oo aan go’eyn, hadii ay iswaalaan, kirada guriga iyo kharashka baahsan ee bishii $20 kun dhaafaya ayaa laga goosanayaa!

Xafiiska Hanti-dhowrka ee dadka loogu caga jugleeyo, lagana soo saaro waraaqo la isku tusayo Beesha Caalamka, maalmo dhoweyd Wasaaradda Kalluumeysiga ayay iska laaladinayeen laakin waa xafiis hanti-boob oo cid isaga hubisa aysan jirin. Tusaale ahaan Hanti-dhowruhu kirada uu uqaato gurigiisa khaaska ah iyo kharashaadka xafiiskiisa (running cost) ee uu ku baashaalo wuxuu u hormarsadaa lix-lix bilood.Ammaa Wasaaradaha kale waxay baryootamaan in xittaa sanadkii hal bil laga siiyo kharashaadkooda, mana helayaan ilaa ay deal galaan. Wasiiradu haddii shirar caalami ah lagu casuumo ma haystaan kharashaad ay isaga baxshaan ticket-ka diyaaradaha! Sidaa awadeed, waa in ay dalka casuumay ka baryaan ticket iyo hotel. Intaas waxaa udheer handadaad joogta ah oo umuuqata in Hanti-dhowruhu yahay sidii R/W Qaranka, waraaq maalin dhoweyd la wareejinayay xafiisyada dowladda, waxaa ku qorneyd in aanan cidna la shaqaaleysiin karin, cid shaqaale ahna liisaska mushahaarka laga saari karin! Sababta waxaa weeye liisaska waxaa kujira dadkii ay isbaaradooda khasab kusoo geliyeen liisaska mushaharaadka oo ah dad Muqdisho iska dhex lugeeya, dowladna aan u shaqeyn! Haddaba, miyaysan Wasaaradda Maaliyadda usoo guurin isbaarooyinkii Xamar ee dadka la is miisaami jiray ama biyaha wasakhdaa la cabsiin jiray, kuwaas oo loo soo xirtay suud-iyo-taay iyo computers? Markaana soo dhalinta askarta ah, shacabka kama xoogayaan mobilada ileyn kharashaadkii Wasaaradahooda ayaa isbaaro loo dhigtaye?

Tusaalayaasha qandaraasyada waalida ah ee Wasiir Beyle hoos yimaada waxaa kamid ah FMIS, waa systemka lagu baxsho mushahaaraadka DFS oo dhan. Nin Idris layiraahdo oo Ameerika jooga oo $20kun ku qaata ayaa liisaska loo diraa oo halkaa kasoo geliya laptop uu si khaasa u haysto. Systemku wuxuu saaran yahay iCloud shirkadda Liquid Web Support oo ay leeyihiin wiilal dhalinyaro ah oo Ameerikaan ah, macluumaadka mushaharaadka DFS dhan halkaas yaalaa, code-ka barnaamijka waxaa haysta nin Falastiini ah oo Dubai jooga oo ay Dowladda Imaaraadka marka ay rabto ka dalban karto inuu u furo systemka si ay u ogaato qof walba oo DFS u shaqeeya wuxuu qaato. Mala waayay shirkado Soomaaliyeed oo howshaa qaban kara? Malase waayay dhalinyarada dalka iyo dibadda wax ku baratay in ay dalkooda kahaqab tiraan barnaamij noocaas ah? Maya, way joogaan, waana diyaar, laakiin Wasiir Beyle wuxuu ka doorbidayaa dadka caddaanka ah ee Nairobi ku cuna malaayiinta, una soo shaqo tagey Soomaaliya in uu qandaraasyada siiyo.

Madax Isku-gelin Laamaha Dowladda

Wasiir Beyle wuxuu kale oo caan ku yahay in uu madaxa isku geliyo shaqooyinka iyo mashaariicda Wasaaradaha. Tusaale ahaan, majirto Wasaarad ama laan dowladeed oo aan shaqo ku haysan wasaarad ama laan kale, sababtoo ah Wasiir Beyle ayaa lacagta-mashruuca taas u yaala siiyay taas kale oo uu danihiisa ka dhex arkay. Waana adag tahay in ay Wasaaradahaas ka gar helaan, waayo Wasiir Beyle wuxuu aduunka ugu neceb yahay runta, wixii aad hadda ku wada hadasheen, markii la isugu yimaado Gole, wuuba inkirayaa, waliba inkiraad aan geed ku gabasho laheyn – wax kuu kala soconayana majiraan! Tusaalayaashu waa badan yihiin, waxaanse xusi karnaa Wasaarada Tamarta iyo Biyaha iyo midda Patroolka. Sidaa awgeed sida ay Soomaalya siyaasiyan u curyaantay, ayuu u curyaamiyay farsamo ahaan, dhaqaale ahaan iyo horumar ahaan. Mashaariicda qaarkeed isagaaba qaata oo la aada gobolka uu kasoo jeedo, isagoo gobalka Awdal waxba tarin, ayuu tuulooyin qoys hoose ka dhisaa iskuulo iyo wadooyin. Tusaale ahaan 2021 waxaa jiray mashruuc African Development Bank (ADB) oo uu 70% leexsaday Wasiir Beyle, kadib ayuu ka warhelay R/W Rooble oo amray in uu joojiyo. Wasiir Beyle intuu diyaarad ku dhuuntay ayuu ka degay Abidjan oo ah HQ ADB halkanaa kusoo saxiixay mashruucii uu leexsaday!

Lalama Xisaabtami karo Miyaa Wasiirka?

Akhristaha waxaa laga yaabaa in uu is-weydiiyo meesha R/W iyo M/W ma joogaan miyaa? Jawaabta waa in uusan Beyle cidna accountable u aheyn sida uu hadda kahor warbaahinta kayiri Wasiirkii hore Ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq oo waxyaalaha uu xilkiisa ku waayay ka mid aheyd in kharashaad “running cost” isbaaro loogu dhigtay. Wasiir Beyle kharashka gurigiisa kubaxa bishii wuxuu kor u dhaafaa $50kun, iska daa kharashaadkiisa kale ee safarrada iyo hoteelada ee uu jeebka ku qaato $80kun ama wiilasha u shaqeeya ee midkiiba bishii qaata $13kun ama ka badan oo gunno ah. Halkee ku aragtay dal dhalintiisi 90% shaqo la’aan yihiin, hal qof oo lataliye ah uu qaadanayo dhowr iyo toban kun oo Dollar bishii? Hal Wasiir iyo hal hay’ad dowladeed oo kharash si joogta ah ama rasmi ah loo siiyo majirto. Rooble marka uu qeyliyo ayaa xoogaa loo sii daayaa, Farmaajana wuxuuba caan ku yahay in uusan kala saari karin wiilasha agaasimayaasha ka ah Madaxtooyada. Laakin Wasiir Beyle wuxuu accountable u yahay keliya qofka diirka-cad, haddii World Bank ama IMF ay soo diraan gabar 23 jir ah oo oo technical level ah oo ay amar ku siiso Wasiir Beyle in uu Wasaarad hebel siiyo kharashaad, horay ayuu ka fulin, meesha uusan telefoonada ka qaban Wasiirada dhigaalkiisa ah ee uu Golaha la fadhiyo. Laakiin Fiona British oo katirsan FGC, haddii ay tiraahdo saxiix qandaraaskaas, war kama soo celiyo.

Wasiir Beyle marka uu kursiga waayay wuxuu yiri kalmad cajiib ah oo ka markhaati kaceysa cidda uu accountable u yahay “Miisaaniyadda iyo dhaqaalaha dalka ayaan u joogaa inaan u maamulo si aduunku ogyahay” Wasiir Beyle uma aha Wasiir Soomaaliya ee aduun weynaha ayuu Wasiir uyahay oo accountable u yahay, amarkooda ayuuna ku shaqeeyaa sida hadalkiisa ka muuqata. Markuu doonana dalka dhaqaalihiisa sagxadda ayuu geeyaa! Wuxuu kaloo ku andacooday in maaliyadii iyo kursigii is-dul fuuleen, isagoo tuhmaya R/W Rooble, aduunkana u qeylo dirsanaya! Gaaladuna waaba jecel yihiin Afrika in ay ku xukumaan dadka u arka in ay iyagu yihiin kuwii Ilaahay doortay. Qof Beesha Caalamku ammaanto ama difaacdo, dadkiisuna aysan jecleyn ka shakki 1001 jeer.

Marka Wasiir Beyle cid aan caddaanka aheyn loogama dacwoon karo, hadaad si dhow u eegto dhaqankiisa, wuxuu nool yahay xilligii isticmaarka ee qofka diirka-cad dusha uga socon jiray qofka diirka-madow. Wasiir Beyle, ma ixtiraamo, dhaqan, Soomaalinimo, damiir dal, dowladnimo iyo diin. Diinta haba sheegin waayo dadka kudhow waxayba xan-sheegaan in uusan soomin oo salaadin! Marka hadii Wasiir noocaas ah, gacanta loo geliyay go’aankii Beytul-maalkii umadda Soomaaliyeed, miyaysan Soomaalida ku habsan musiibo? Wasiir Beyle wuxuu dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ku hayaa Argagax-Dhaqaale (Economic Terror Attack), meesha ay Argagaxisada ku hayso dadka iyo dalka Argagax nololeed. Waxaana hubaala in uusan deyn cafis ka shaqeyn ee uu qaan aysan bixin karin gelin doona jiilal aanan wali u dhalan Qaranka Soomaaliyeed.

Laakin Ilaahay waa caadil, mana nicin Soomaalida, waxaana caddeyn u ah in uu dorraad Wasiir Beyle ku hor ceeboobay Golaha oo uu halkaa uga soo horjeestay Qalbi-Dhagax iyo ONLF, shalayna uu waayay kursigii Xildhibaanimada ee Beeshiisa. Qofku inta uu rabo wuu marin habaabin karaa jamaahiirta, laakin maqaadiirtu arxan uma laha maafiyada, cimrigoodana ma dheerayso. Mana foga goorta uu Ilaahay usoo diri doono qof qumman oo damiir leh oo dhaafiyo kursiga Wasiirnimada, kala aruuriya isbaarooyinka udhigay, dib-danbana uusan dowladnimada foodda usoo saarin, waayo waa qof aad u neceb Soomaalinimada iyo Islaamnimada iyo dalkan in uu cagahiisa ku istaago. U maleyn maayo in Wasiirada Dowlada laga helayo mid sii raaci lahaa janaazada Wasiir Beyle hadii uu maanta geeriyoodo. Ilaahow dadku yaysan sidaa inoo nicin, inagoo wali dhulka ku socona!

W/Q: Cabdiraxmaan Warsame
La-taliye hore ee DF Soomaaliya
[email protected]

GALMUDUG oo qabaneysa doorashada afar kursi

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa lagu wadaa in maanta lagu qabto doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee ay deegaanka doorashadooda tahay degmada Dhuusamareeb.

Afarta kursi ee la qaban doono doorashadooda ayaa kala ah HOP#064, HOP096, HOP248 iyo HOP#089 oo dhammaan deegaan doorashadooda ay tahay caasimada Galmudug.

Sidoo kale kuraastan ayaa waxaa mid ka mid ah si gaar ah loogu xiray gabdhaha, waxaana ku tartami doono dumar oo kaliya, si loo ilaaliyo qoondada haweenka ee ah 30%.

Kursiga HOP096, waxaa horey ugu fadhiyey Cabdicasiis Cilmi Cali, Kursiga HOP248 waxaa horey ugu fadhiyey Maxamed Axmed Abtidoon, Kursiga HOP#064 waxaa horey ugu fadhisay Sahro Cumar Maalin, kursiga  HOP#089 waxaa horey ugu fadhiyey Cabdi Shire Jaamac.

Kuraastan ayaa inta badan lasii ogyahay natiijadooda, gaar ahaan xubnaha soo baxaya, maadaama kuraasta qaar loo xiray, waxaana dadka tartamaya ka mid ah Saadaq Joon.

Guddiga doorashada Galmudug oo ka hadlay qabashada doorashadan ayaa sheegay inay qayb  ka tahay fulinta heshiiskii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Doorashada Golaha Shacabka ayaa haatan si dardarleh uga socota maamul goboleedyada iyo Muqdisho, waxaana qorshaha yahay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bisha Febraayo.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee kala guurka ah, kadib is qab-qabsiyo xoogan oo hareeyey hannaanka doorashooyinka dalka.

Siyaasiyiinta Xawaadle oo soo saaray go’aan xasaasi ah, fariinna u diray Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay ka mid yihiin, wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar, Cabdullaahi Goodax Barre, Cabdullahi Sanbaloolshe, xildhibaan Qoone iyo xildhibaan Jindi oo dhamaantood ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa shir jaraa’id oo caawa ay Muqdisho ku qabteen waxay uga soo hor jeesyeen ciidankii maanta la geeyey magaalada Beledweyne.

Siyaasiyiintaan ayaa Ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe waxay ugu baaqeen inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan ciidankaas, sidoo kale waxay digniin u direen saraakiil ay ka xuseen taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo aad ugu dhaw Farmaajo.

Ugu horeyn Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in ciidankaas Beledweyne loo geeyey in Villa Somalia ay ku boobto doorashada kuraasta golaha shacabka, balse dadka reer Beledweyne ay gadoodeen oo caawa difaac la isugu jiro gudaha magaalada.

“Waxaan rabaa inaan cadeyno halka ay fuuleyso masuuliyada dhibkii ka dhaca Beledweyne, qofka ugu weyn ee masuuliyadu saaran tahay waa ra’iisul wasaaraha dalka, waxaa muuqata in ciidankii siyaasadda uu cagaha la galay, Jeneraaladii ayaa siyaasadda maamulaya,” ayuu yiri.

Goodax Barre ayaa Rooble ka dalbaday in tallaabadiisa uu soo bandhigo, “Rooble markii uu is waafajiyo ficilkiisa iyo balantii uu qaaday, waxaan u cadeynayaa in taageeradeena uu ku jiifa doono, xaaladda Beledweyne qarka ayaa laga sii tuuray ee Rooblow wax ka qabo,” ayuu yiri Cabdullahi Goodax Barre.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidanka aysan waxaba ka gelin, balse saraakiishii geysay Beledweyne ay si shakhsi ah u daba geli doonaan, oo ay kula xisaabtami doonaan wixii dhib ah oo ay geystaan, “Reer Hiiraan wax ma iloobaan” ayuu yiri.

Dhankiisa Taliyihii hore ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa saraakiisha iyo ciidanka la geeyey Beledweyne ugu baaqay inay ka joogaan go’aanada iyo amarrada qaldan ee la siinayo, isagoo fariin u diray madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Waan jecleyn in Cali Guudlaawe uu Beledweyne tago, balse waxaan rabnay in go’aan iyo is faham Xawaadle uu ku tago, taasi ma dhicin, waana ka xunahay in maanta xoog lagu dayo, Cali Guudlaawe waxaan leenahay ka joog, ha isku deyin in dhiigii aad horay uga baaqsatay gacmaha laguu geliyo, cid Beledweyne xoog kugu geyn karta ma jirto,” ayuu yiri Cabdullahi Sanbaloolshe.

Sidoo kale Sanbaloolshe ayaa sheegay in taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi iyo Farmaajo ay horay u go’aansadeen in gobolka Gedo oo beeshoodu degto ay Jubbaland ka jaraan oo iyagu maamulaan, sidaas oo kalena ay maanta doonayaan inay Beledweyne u maamushaan.

“Xawaadlow ha qaadan in Biixi uu Beledweyne ugu taliyo sida Gedo oo kale, Cali Guudlaawe inaad isku dhiibtaan ayaa idiin roon maanta, dagaalku ninka uu idinkala dhexeeyo waa Farmaajo, ma ahan Cali Guudlaawe, waxuu Farmaajo rabaa in qeybiye xukun uu idinku heysto,” ayuu yiri.

Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa sheegay in hadii ay yihiin reer Hiiraan iyo Cali Guudlaawe ay diyaar u yihiin in xiisada wadahadal lagu dhameeyo, isla markaana ay dalbanayaan in dib looga soo celiyo ciidanka la geeyey Beledweyne.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Jindi iyo Xildhibaan Maxamed Xasan Qoone ayaa sheegay in Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Ra’iisul Wasaare Rooble aysan ka war qabin go’aanka ciidanka lagu geeyey magaalada Beledweyne.

Xildhibaanadaan ayaa Rooble iyo Guudlaawe u soo jeediyey in arrintaan ay ka hadlaan oo ay iska beri-yeelaan hadii aysan ku lug laheyn, “Sidoo kale ka qaata tallaabada ku haboon,” ayuu yiri Xildhibaan Jindi.

Ciidan iskugu jira Gor Gor iyo Haramcad ayaa maanta gelinkii hore laga dejiyey magaalada Beledweyne, kuwaas oo isku balaariyey magaalada, ilaa hadana ma jirto cid cadeysay qorshaha ciidanka loo geeyey magaaladaas, waxaa goranka Ugaas Khaliif ku soo dhaweeeyey Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, waxuuna kula dardaarmay inay sugaan amniga magaalada.

Dhawaan waxaa Beledweyne la filayaa inay ka dhacdo doorashada qaar ka mid ah xubnaha golaha shacabka, waxaana xusid mudan in magaaladaas uu yaallo kursi ay kooxda Farmaajo la rabto Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, kaas oo hadda uu ku fadhiyo xildhibaan Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Safiyo Abuukar Karaani oo caawa Muqdisho lagu dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho lagu dilay Maamo Safiyo Abuukar Karaani oo aheyd agaasimihii maamulka iyo maaliyadda ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ee xukuumadda Soomaaliya.

Koox bistoolado ku hubeysan ayaa Maamo Safiyo ku dishay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan banaanka hore ee kaalinta shidaalka ee Haas oo dhowr tallaabo u jirta koontoroolka laga ilaaliyo Villa Somalia ee u dhow taalada Sayidka.

Geerida Maamo Safiyo Karaani ayaa caawa aad looga dareemay baraha bulshada oo tacsideedu ay is qabsatay, waxaana xusid mudan in dhowr sano ka hor sidaan oo kale Muqdisho loogu dilay Seygeedii Muxudiin Maxamed oo mar soo noqday wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Waxaa goobta ka baxsatay dableydii dishay Maamo Safiyo Karaani, waxay dad badan walaac ka muujiyeen inta ay ciidanka ilaalada Madaxtooyada u jiraan goobta uu dilkaasi ka dhacay.

Allaha u Naxariistee Safiya Karaani waxaa lix sano ka hor la dilay seygeeda Muxiyaddiin Maxamed oo soo noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee Xukuumadda Nuur Cadde, caawana iyada ayaa gacan ka gardaran ku baxday.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe aad u sii xumaaday, waxaana dadka la soo deristay cabsi xoog leh, sidoo kale waxaa xusid mudan in suuqa ugu weyn caasimadda ee Bakaaro uu maanta xirmay, kadib markii ay canshuur badan ku soo rogtay Kooxda Daacish.