25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

QOOR QOOR oo shaaciyey xalka xiisada Villa Somalia, kadib kulankii Kate Foster

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Danjiraha UK u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya, Kate Foster.

Qoor Qoor iyo Kate Foster ayaa ka wada-hadlay xaaladihii u dambeeyey ee soo kordhay iyo arrimaha doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Galmudug.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay inay labada dhinac isla garteen inay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada, una arkaan xalka kaliya ee looga gudbi karo xiisada taagan.

“Waxaan hoosta ka xariiqnay baahida deg-degga ah ee loo qabo xilligan in ay tahay in la soo gebagebeeyo doorashada ayna tahay xalka kaliya ee Soomaaliya,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Glamudug oo todobaadkan soo gaaray caasimada ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ka qeyb-geli doonaan shirka Golaha Wada-tashiga Qaran ee u dhexeeyo ra’iisul wasaaraha iyo hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada dalka.

Xaaladda Soomaaliya ayaa haatan cakiran, waxayna kasii dartay markii uu soo laba kacleeyey khilaafka u dhexeeyo Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba, lama oga sida wax noqon doonaan, waxaase beesha caalamku cadaadis saareysaa madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, si uu faraha ugala baxo doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Xog: Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif oo wada dadaal ay ku bad-baadinayaan Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Mowqifka Musharaxiinta kala ah Sheekh Sharif Axmed iyo Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ku yimid isbeddel weyn saacadihii la soo dhaafay, kadib markii ay kulan is-afgarad ku soo dhamaaday la qaateen madaxweynaha dowlad Goboleedka Galamudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijisay in kulankii galabti Talaadada ka dhacay hoyga Qoor Qoor la isla meel dhigay in laga hortago dagaalka la doonayo in Villa Somalia looga saaro madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoor Qoor ayaa kulanka ka xusay in uusan oggolaan doonin mas’uul ay isku heyb yihiin oo uga saameyn bata siyaasadda xilligan, sidaas darteed ay tahay sababta uu Farmaajo u difaacayo. 

“Rooble haddii wax walba gacanta loo geliyo awooddiisa waxaa ka faa’ideysanaya Cabdikariin Guuleed, Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo dagaalka ku gacan siiyay,” ayuu Qoor Qoor ku kaftamay, sida aan kasoo xiganay xubno ku dhow kulanka.

Sheekh Sharif oo Xasan Kheyra ku kaftamaya ayaa Rooble ku tilmaamay “Saddex sano shacbiyad aad ku sameyn weysay ayuu maalmo kooban ku sameeyey.”

Saddexda masuul ayaa kala qaatay howlaha ay ku fulinayaan qorshahooda, si loo badbaadiyo Farmaajo.

1- Xasan Cali Kheyre iyo Ciidanka Siigaale

Ciidamado dhowr iyo toban gaari ah oo warbaahinta la hadlay gelinkii dambe ee Isniinta oo u badan beesha Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xarun ka sameystay deegaanka Siigaale ee ku dhow madaxtooyada ayaa laga saaray aagagii ay ka yimaadeen, ayada oo la rumeysan yahay in Kheyre uu arrintaas ka shaqeeyay.

Arrintaan ayaa su’aal gelineysa awoodda ciidanka Badbaado Qaran oo la aaminsan yahay inay yihiin waxa ugu badan oo cadaadiska ku hayey Farmaajo, balse qorshahan ayaa sabab u noqon kara in awoodda Farmaajo ay dib u soo laabato.

2- Kulanka Sharif iyo Rooble

MAdaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed ayaa isla habeenkii Talaadada kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo geeyay farriintii kulankii Qoor Qoor kasoo baxday.

Kulanka oo saacad iyo bar socday ayuu Shariif ku dadaalay in uu xog badan ka helo qorshaha xiga ee Rooble, isaga oo aan u furin arrinka wada-hadalka Farmaajo, balse sida aan ku ogaanay xogta markii uu ku laabtay Qoor Qoor ayuu sheegay in “Rooble yahay nin fogaaday oo ay tahay in Farmaajo la caawiyo.”

Sidoo kale howsha Shariif loo diray ayaa waxaa kamid ahayd arrimaha ciidamada.

Tallaabooyinkan ay billaabeen labada musharrax oo ku qancay in ay awoodda Rooble la xaddido ayaa xagal daacin kara dadaallaada Midowga masharaxiinta ee ahaa in Farmaajo laga saaro Villa Somalia kahor doorashada, iyada oo dhanka kale laga yaabo in ay taageero badan ku waayaan maadaama ay u muuqato in Rooble uusan wada-hadal geli doonin.

Rooble ayaa waxaa ka go’an in Farmaajo laga saaro Villa Somalia, si ay doorasho u dhacdo, wuxuuna qaataa go’aan ah inaysan labadooda dalka wada xukumi karin, balse waxa uu wajahayaa dhabar-jebinta Qoor Qoor, Kheyre iyo Shariif, haddii aan loo midoobin sidii looga badbaadi lahaa. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Mareykanka oo sheegay arrin ay ka dalbadeen Farmaajo

Washington (Caasimada Online) – Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa shaaca ka qaaday inay la hadashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

“Waxaan maanta kala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo baahida deg degga ah ee loo qabo in la joojiyo hadallada iyo ficillada xiisad abuurka ah. Waxaan ku booriyey inuu ra’iisul wasaare Rooble ku taageero qabashada shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo in si deg deg ah loo dhameystiro doorashooyin la isku haleyn karo,” ayey tiri Phee. 

Phee ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay wada-hadallo la yeelatay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Waxaan shalay la hadlay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble si aan hoosta uga xariiqo taageeradeena ku aadan dadaalladiisa uu ku qabanayo kulanka Golaha Wadatashiga Qaran si loo saxo khaladaadka doorashada, si deg deg ahna loogu soo geba-gebeeyo doorashooyin xalaal ah. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada xiisad abuurka ah, ciidamada amniguna waa inay ahaadaan dhex-dhexaad,” ayey tiri.

Tallaabada uu Mareykanka qaaday ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay taageerada Rooble, iyo in laga hortagao isku dayada uu Farmaajo mar kale ku carqaladeynayo doorashada. 

Dowladda Mareykanka ayaa horey sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

“Dowladda Mareykanka waxay diyaar u tahay inay tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda Soomaaliya. Isku dayga shaq ka-joojin ee ra’iisul wasaare Rooble waa arrin welwel leh, waxaan taageersannahay dadaalladiisa ku aadan doorasho deg deg oo la isku haleyn karo. Dhammaan dhinacyada waa inay joojiyaan ficillada iyo qoraallada kasii daraya xaaladda,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska arrimaha Afrika ee wasaaradda arrimaha dibeddda, isniintii. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxkamadeynta kiiska dilkii Sakariye iyo Sowdo oo ka billaabatay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanata billowday dhageysiga dacwadda kiiska dilkii loo geystay labo ruux oo walaalo ah, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Sakariye iyo Sowdo.

Labadii bishan ayey aheyd markii labada ruux ee walaalaha ah lagu dilay xilli habeen ah Isgoyska Dabka, waxaana kiiskooda loo haysta labo Askari oo ka tirsan ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Eedeysanayaasha loo haysto dilkaas ayaa waxaa lagu kala magacaaba Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin Aadan (Kanidiid) iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan.

Xafiiska Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa kusoo eedeeyay raggaas inay si ku talo gal ah rasaas ugu fureen dad ku sugnaa Isgoyska Dabka, xilli goobta ay aheyd mid masqhuul badan.

Waxay dalbadeen in eedeysanayaasha lagu rido xukun u dhigma dambiga ay geysteen oo lagu xukumo dil toogasho ah. Halka uu xeer ilaaliye ku-xigeenka Maxkamadda Ciidamada uu soo jeediyay in Dable xoogga Cabdi Waayeel Macalin loo ciqaabo dilkaas, ayada oo Dayax Nuur Cabdi lagu qaado anshaxa wada-marista iyo nabad-gelyada guud ee uu qal-qal geliyay.

Fadhiga maxkamadda ee maanta ayaa lasoo xiray, ayada oo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute uu sheegay in kiiskaan maxkamadda ay go’aan kasoo saari doonto.

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa hore u shaaciyey in Sakariy iyo Sowdo oo xilligaas marayay wadada isgoyska Dabka ay haleeshay rasaas ay ciidamo millateri ah oo saarna gaari Cabdi Bille ah ay ku furanayeen wadada oo xiligaas jaam aheyd.

Sidoo kale ehelada marxuumiinta ayaa hore wacad ugu maray inaysan marnaba aqbali doonin in meel lagu tuuro kiiskooda oo aan waxba laga qaban, haddii kale ay gacantooda ku doonanayaan sharciga.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay rasaas si macno darro ah u fureen ay haleesho dad shacab ah, waxaana yar inta loo soo qabto loona maxkamadeeyo falalkan foosha xun ee ay gaystaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Prof. Afyare: Mareykanka waa kuwii taageerayey Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho, Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo dhinaca kalena meesha ka saaray wararka sheegaya inaanu Mareykanku xilligan saamayn muuqato ku lahayn dalka.

Mareykanka ayaa ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo carqalad ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Mary Catherine Phee ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay la hadashay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kana dalbatay inuu taageero dadaallada uu wado ra’iisul wasaare Rooble.

Prof. Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay in waxyaabihii u suurtagalay Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu u suurta-geliyay Mareykanka.

“Mareykanku saamayn waa leeyahay, heshiisyada siyaasadeed ee dalka hadda yaala qayb waxaa ka ah bulshada caalamka, AMISOM iyo dowladaha waaweyn, marka Mareykanku wuu leeyahay saamayn, markii dowladdu ay taageerayeena iyaga ayay ku dhisneyd illaa xad, waxa u suurta-gelayay Farmaajo, waxaa u suurta-geliyay Mareykanka, marka saamayn way leeyihiin, wayna celin karaan,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

Waxaa uu sheegay in xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka looga gudbi karo, iyadoo wixii khaldamay dib laga saxo, Ra’iisal Wasaaraha iyo Dowlad Goboleedyadana lagu khasbo inay dalka ka qabtaan doorasho daahfuran, Madaxweynuhu aanu ku fara-gelin.

“Waa khasab in hadda waxa socda wixii laga hagaajin karo, laga hagaajiyo. Maamul Goboleedyada iyo Ra’iisal Wasaaruhu waa in lagu khasbo inay tartan ogolaadaan oo dadka la tartan-siiyo, Madaxweynuhuna uu u daayo, oo uusan ku fara-gelin,” ayuu yiri Prof. Afyare Cabdi.

Waxa kaloo uu yiri “Xalku waa iska cad yahay, sababtoo ah waddo kale ma jirto, oo aan ka ahayn Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wadatashiga oo shaqadan iska leh. Lixda nin ee shaqada haysay inay dhameystiraan, waa lagama maarmaan oo loo daayo. Xalka waxaan u arkaa in Madaxweynuhu uu xushmeeyo, oo ilaaliyo heshiiskii uu aqbalay 27-kii May 2021, qoladaan kalena ay aqbalaan heshiiskii 17-kii September 2020.”

Afyare Cabdi ayaa yiri “Beesha Caalamka iyagaa ugu culus, iyagaa go’aanka rasmiga ah ee Maxkamadda Sare ee dalka ka ahaa, intii muddo ah, haddana sida muuqata waxay leeyihiin hala boobsiiyo doorashada, qoladii wadayna ha wado.”

Farmaajo oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu wajahayaa cadaadis caalamiya, waxaana khilaafka labada hoggaamiye si weyn looga dareemay Magaalada Muqdisho.

Inkasta oo ay haatan degan tahay xaaladda Muqdisho ayaa waxaa haddana weli taagan khilaaka dib uga soo dhex cusboonaaday Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisa, oo niyad-jab ku keenay dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Gole Badbaado ‘oo looga dhawaaqayo’ GALMUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Golaha Badbaadada iyo Hogaan toosinta Galmudug ayaa dhawaan lagu dhawaaqaya, sida uu shaaciyey Wasiirkii hore amniga ee maamulkaas, Axmed Macalin Fiqi.

Axmed Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa bulshada reer Galmudug iyo siyaasiyiinteeda ugu baaqay inay qeyb ka noqdaan Golahaas oo lagu badbaadinayo maamulkaas oo uu raagadiyey hogaan xumo iyo colaado soo noq-noqday.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo asagu hogaamiyo maamulka Galmudug ayaa lagu eedeynaya in uu si weyn uga gaabiyay hogaaminta maamulkaas iyo in deegaanada uu ka taliyo uga mashquulay rabitaanka madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoor-Qoor ayaa inta badan waqti ku qaata magaalada Muqdisho oo xilligana uu ku sugan yahay, wuxuuna juhdi badan ku bixiyaa hoos u dhigista culesyada soo wajaha Villa Somalia oo la fahamsan yahay inay xilkaaas geysatay.

Tan iyo markii uu hogaaminta Galmudug la wareegay waxaa ragaadiyay colaado soo noq-noqday iyo xiisado uu ku guul dareystay wax ka qabashadooda.

Dhaq-dhaqaaqan cusub ee looga soo horjeedo hogaaminta Qoor-Qoor ma aha midkii u horeeyay ee lagu dhawaaqo, waxaana hore u jiray dadaalo maamul kale loogu sameynayo Galmudug, kaasi oo ka baxsan gacanta Qoor-Qoor.

9-kii bishan unbey aheyd markii magaalada Caabudwaaq lagu qabtay shir looga soo horjeedo maamulka Galmudug, kaasi oo beelaha Waqooyiga Galgaduud uga tashaneayeen sidii maamul cusub u sameysan lahaayeen.

Shirkaas oo xilligaas ay ka qeyb-galeen Odayaasha, Waxgaradka iyo Aqoonyahanka beelahaas ayaa waxay sheegen in maamulka Galmudug uu ku fashilmay isku haynta beelaha dega deegaanadaas, islamarkaana ay ka waayeen xuquuqdoodii.

Qoor-Qoor ayaa lagu eedeynayaa inuu dhageysan waayey tabashada beelaha maamulkaas, si weyna uu ugu gaabiyay adeegyadii aas-aasiga ahaa iyo dhismaha Galmudug loo wada dhan yahay.

Arrimahan oo dhan ayaa qeyb ka noqonaya dhibaatooyin dhowr ah oo maamulka Galmudug oo u wajahaya, kuwaasi oo ah dhanka amniga iyo maamulka ah oo uu horseed u yahay maamulka madaxweyne Qoor-Qoor.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maryan Qaasim oo dirtay fariin culus – “Dab lama huriyo ee waa la baqtiiyaa”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gargaarka xukuumadda Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim Axmed, haatana ah musharrax Golaha Shacabka ayaa ka hadashay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Maryan Qaasim ayaa ugu horreyn farriin guud u dirtay dadka Soomalaiyeed, waxayna ugu baaqday inay ka wada-shaqeeyaan xasiloonida dalka iyo horumarka.

Sidoo kale waxa soo hadal qaaday xiisadda taagan, gaar ahaan khilaafka hareeyey Villa Soomaaliya, isla-markaana saameysay geeddi socoda doorashooyinka

“Dab lama huriyo ee waa la baqtiiyaa. Dagaal hadduu macaan ama kharaar yahay waa la soo jarribay,” ayey tiri, kadib qoraal kooban oo ay soo dhigtay barteeda Facebook-ga.

Dr. Maryan Qaasim ayaa sidoo kale soo jeedisay in xiisadda taagan lagu xalliyo aqli, xikmad iyo Alla ka cabsi.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in inay muhiim tahay in la darda-geliyo doorashada, lagana shaqeeyo maslaxadda guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn waxa ay hoosta ka xariiqday inay muhiim tahay in laga shaqeeyo isku soo dhoweynta hoggaanka sare ee Villa Soomaaliya, gaar ahaan Farmaajo iyo Rooble.

Halkan hoose ka aqriso farriinta:-

Salaan ka dib, waxaan farriin u dirayaa inta caqliga u saaxiibka ah ee ummadda soomaaliyeed u damqanaysa; dab lama huriyo ee waa la baqtiiyaa. Dagaal hadduu macaan ama kharaar yahay waa la soo jarribay.

Madmadowga madaxda soo kala dhexgalay caqli,xikmad iyo Alla ka cabsi ha lagu xalliyo, caadifad iyo laab la kac dawladnimo kuma dhisanto.

Maslaxadda ha laga shaqeeyo, doorashadana hala dardargeliyo ayadoo ixtiraam iyo sharaf laysu hayo. Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha waa astaan qaran aan ,ixtiraamno kana shaqayno isu soo dhowayntooda.

DF oo shaacisay in Balcad ay ku dishay xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab

0

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan xaaladdi ay dagan tahay, isla-markaana degmadaasu ay dib uga baxeen xoogagii Al-Shabaab ee saaka gudaha u galay halkaasi.

Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa muddo kooban gacanta ku hayey degmada, waxaana ay ka sameeyeen dhaq-dhaqaaqyo inta ay joogeen halkaasi.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay dileen hal askari, saddex kalena ay dhaawaceen, kadib markii ay dagaal ku galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa shaaca ka qaaday in lagu soo qaaday weerar gaadmo ah, balse ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay Al-Shabaab ka dileen illaa 9 xubnood inta uu socday iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa sidoo kale qoriga hoobiyaha ah ayaa waxaa uu ka dhacay qoys degan Xaafada Waaberi Star, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo laba ka mid ah uu dhaawacooda daran yahay, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Magaalada Balcad ayaa qiyaastii 35 KM u jira Muqdisho, waxayna muhiim u tahay isku socodka caasimadda iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle.

Si kastaba, waxa magaaladan oo istaraatiiji marar badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaqa kusoo qaaday dagaalyahanada Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

 

Ganacsade kale oo Soomaali ah oo lagu la’yahay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa lagu waayey nolol iyo geeri Maxamed Xasan oo 23 kii bisha la sheegay in laga watay dukaan uu ku lahaa magaalada Machakos oo aan sidaa uga sii fogeyn caasimada Kenya ee Nairobi.

Warbaahinta Kenya ayaa aad u warineysa sheekada Maxamed oo la la’yahay ku dhowaad 10 cisho, waxaana ehelladiisa ay dalbanayaan cadaalad iyo in lala raadiyo wiilkooda.

Booliska ayaa sidoo kale bilaabay baaritaano dheeraad ah oo lagu raadinayo ganacsadaha maqan oo ah nij dhalinyaro ah, mana jirto illaa iyo hadda xog laga helay xaaladdiisa.

Cumar Xasan oo la dhashay ganacsadaha la la’yahay ayaa wariyeyaasha u sheegay in shaqsiyaadka watay walaalkii ay ugu tageen dukaankiisa, isla-markaana ay wadeen howl-galka dhaqan-gelinta tallaabooyinka ka hortagga cudurka saf-marka ah ee Covid-19.

“Markii ay goobta yimaadeen sakhsiyaad la sheegay inay sameeyeen howlgalka dhaqan-gelinta tallaabooyinka ka hortagga Covid-19, waxay dadka weydinayeen afsaabka, dhammaan dadkii aanan wadan maaskarada wey baxsadeen, waxay ceyrsadeen Maxamed oo markii dambe ay ka qabteen dukaankiisa” ayuu yiri Cumar Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay sameeyeen dadaallo ay ku baadi goobayaan wiilkooda, balse aysan weli helin, iyaga oo dalbaday in lala baadi goobo.

Nairobi ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey kusoo badanayey beegsiga ka dhanka ah ganacsatada Soomaalida, waxaana jirtay in bartamihii sanadkan lagu dilay dhowr qof.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

DF Soomaaliya oo heshiis la gaartay Midowga Afrika

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay soo geba-gabeysay shir wadatashi ah, oo ay Magaalada Muqdisho kula yeelatay Guddiga Midowga Afrika iyo AMISOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu wakiil ka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdisaciid Muuse Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga iyo Cabdullaahi Maxamed Nuur, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa kala hadlay Dr. Alhaji Sarjoh Bah, Agaasimaha Maareynta Khilaafaadka ee Midowga Afrika iyo Danjire Francisco Madeira, Ergeyga Gaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Waxaa laga hadlay mustaqbalka Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo dib u habayn lagu sameeyay. DFS iyo Midowga Afrika waxay isku raaceen mabaadi’da hagi doona ka qayb qaadashada kala guurka DFS iyo Midowga Afrika 2022-ka, taas oo ay ku heshiiyeen in hawsha Guddigii Farsamada dib loo bilaabo, lana dhameeyo shaqada farsamada ugu dambayn 11-ka February 2022.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay nafta ay u hureen AMISOM iyo dalalka ciidamada (TCC) ka jooggo dalka, iyagoo oo garab ka helaya Ciidamada Amniga Soomaaliya, si uu dalka u helo nabad iyo xasillooni waarto.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hoosta ka xariiqday in la gaaray waqtigii AMISOM ay u xuubsiiban lahayd Hawlgalka Ku-Meel Gaarka ee Midowga Afrika iyo in dib-u-eegis lagu sameeyo qorshaga Kala-Guurka (STP), kaas oo natiijadiisa ah in si buuxdo lagu hanto amniga dalka dhammaadka 2023-ka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Dagaal-yahanada Al-Shabab oo qabsaday degmada Balcad

Balcad (Caasimada Online) – Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saaka saacado kooban la wareegay degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, oo Muqdisho dhanka Waqooyiga uga beegan 35km, kadib dagaal ay la galeen ciidamada maamulka. 

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in dagaal muddo kooban socday kadib ay Al-Shabaab la wareegeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada iyo Farisiinka ay ku sugnaayeen Ciidamada Maamulka ee Koontoroolka Buundada degmada Balcad.

Intii uu dagaalka socday ayaa qoriga hoobiyaha ah ayaa waxaa uu ka dhacay qoys degan Xaafada Waaberi Star, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo laba ka mid ah uu dhaawacooda daran yahay, kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ma jiro khasaaro dhimasho ah oo la sheegay in uu ka dhashay dagaalka, inta aan ognahay.

Dagaal-yahanada Al-Shabaab ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegtay qabsashada magaalada, waxayna intaas ku dareen inay hal askari ku dileen, saddex kalena dhaawaceen.

Waxay sidoo kale sheegteen inay gacanta ku dhigeen gaari nuuca raaxada ah oo uu lahaa xildhibaan ka tirsan maamulka HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaray ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Balcad, islamarkaana ay dib ugu soo laabteen Ciidamada Maamulka degmada oo markii hore aaday dhinaca Xaafada Xaawa Taako.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad ayaan weli ka hadlin la wareegitaanka Al-Shabaab ee degmadaas walow markii dambe isaga baxeen.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Shirkadda Somtel oo todobaadkii 23-aad abaal-marisay 1,000 macaamiil

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Xildhibaano ,Mas’uuliyiinn ka socotay Jaamacadaha Muqdisho,  Ururada dhalinyada ,Ururada bulshada rayidka Mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda isgaarsiinta somtel,.

Ugu horeyntii  Waxaa Munaasabada hadal-jeedin rasmi ah ka sameeyay Madaxa Suuqgeynta  & iibka  shirkadda isgaarsiinta somtel  Mudane  Cumar Maxamed Nuur Oo aad u bogaadiyay Somtel kuna Tilmaamay Ololaha ku Shubo Oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood Mid  Wax tar u leh  bulshada soomaaliyeed  macamiil walba oo sameeya ku shubasho  Wuu u tartami karaa fursadan qaaliga ah kaasoo isticmaala adeegyda somtel ku hadal, internet & adeegga eDahab

“Waa barnaamij macaamiisha si daah-furan nasiibkooda u tijaabiyaan iyagoo sameeynaya ku shubashada kaarka ku hadalka & Data internet-ka Kuna helayaan hadiyado qaali ah sida gaariga Hyundai-ga, Bajaajyada, Dahab-ka I.w.M  Waxaan balan qaadeeynaa inan   31 December si rasmi ah ugu dhawaaqno macaamiilkii ku guuleystay gaariga Hyundai-ga  Sedexaad Waliba Nuuca raaxada ah Qiimihiisu uu yahay ku dhawaad 40’000 doolar iyadoo macaamiisheenu  u furantahay fursadaan qaaliga Waxaan aad ugu faraxsanahay inay ku tartamaan macaamiisheena ku dhaqan Magaalada Muqdisho & kuwa gobalada. Waxaan shaqo abuur u sameeysay dhalin yaro soomaaliyeed. qaarkood iyagoo wax bartay xaafadaha iska fadhiyay waxaan bixinay 23 bajaaj todobaad kasta labo bajaaj ayey macaamiishu ku guuleystaan waxaan bogaadinayaa macamiilkii ku guuleystay galabta gaadiidka bajajka waa Olole daaah-furan waxaan todobaadka Soo Socdo ka Dhawaaqi doonaa macaamiilka ku guuleeystay gaarigii sedexaad iyadoo marti sharafta aan ku marti-qaadnay gacantooda inoogu generate gareyn doonaan inshaa’alaah”

Waxaa sidoo kale Munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada  Salam Dr: Bashiir Aw-Diini oo ku dheeraaday ahmiyada Ololaha  Ku shubo oo guuleeyso 10,000 Hadiyadood

“Waxaan u hambalyeeynayaa shirkadda isgaarsiinta Somtel oo ah Shirkadii ugu horeysay ee macaamiisheeda ku celisa10,000 Hadiyadood daqligii yaraa ay macaamiisha shirkadda ku soo celiyeen waa talaabo bogaadin-mudan waxaan marqaati ka nahay in macamiisha guuleysatay si toos ah loogu wareejiyay abaalmarinadii ay ku guuleysteen  Waxaa Sharaf gaar ah in shirkaddu nagu maamuusto inaan gacanteena ku generate gareyno macamiishii ku guuleysatay todobaadkii 23 aad  aan waqti dheeri ah siiyay si system-ku u wada maro dhamaan Nambarada  macaamiisha isticmaasha adeegyada somtel  waxaa xusid mudan in shirkaddu abuurtay xarunta tababarka tiknoolujiyada somtel oo ah xaruntii ugu nhoreysay ee lagu tababaryo ardayda baratay kuliyada ( Focult Of Engireeing) Sidoo kale kama marna ardayda baratay (IT)

Waxaa Sidoo kale munaasabada ka hadlay  Gudoomiyaha Degmada Waaberi Mudane: Sugaal Cali Ayaanle oo ah   oo bogaadiyay howsha adag ay somtel bulshada u heyso

“ Waxaan si diiran u bogaadinaya maamulka sare ee somtel & Howl-wadeenada shirkadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyay in somtel bulshadu wax ku celiso waliba 10’000 hadiyadood sidoo kale waxaa mahad balaaran mudan somtel oo  qabaneeysa barnamijkan daah-furnaanta leh oo ay bulshada ku celinayaan 10’000 hadiyadood iyadoo qof waliba u tartami karo fursadaan qaaliga muhiimada waa in macaamiilku sameeyaa ku shubasho si uu uga faa’ideyso fursadaan taariikhiga ah Waxaa Xusid Mudan in  Shirkadda Isgaarsiinta Somtel oo la timid Istaraatijiad Suuq-geyn dhaxal  gal ah kaasoo aan ka jirin suuqa soomaliya waxa Hubal ah in ololahaan macaamiil fara-badan ku dhiiragelin doono isticmaalka adeegyada somtel iyagoo faa’iido dheeri ah ka helaya Waxaan la wadaagayaa bulshada soomaaliyeed in macaamiil fara badan oo ku dhaqan Degmada Waaberi ay ku guuleysteen hadiyado qaali ah sida Bajaajyo’ Laptopyo’ Tvs’ Dahab  iyo hadiyado kale oo qaali ah, Waxaan ugu dambentii Waxaan u mahad Celinayaa beerta Nabadda oo Todobaad kasta  lagu qabto xaflada tan  markii la bilaabay inaguna maamulka Degmada waxaan diyaar u nahay inan ka cawinio amniga  wax-yaabaha ay naga soo codsan si loo fudydeeyo barnaamijkaan wax tar-ka uleh Umada Soomaaliyeed”

 Ugu dambeyntii Waxaa munaasabada  ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Mudane: Mucaawiye muudeey oo bogaadiyay olaha ku shubo oo guuleeyso

“waxa’ ay shirkaddu nagu sharaftay inaan si toos ah ugu generate gareyno  macaamiisha  u tartantay hadiyadaha ‘10’000  todobaadkii 23 aad   Waxaan rajeeynayaa in todobaad kasta  si gaar ah uga  soo qeyb-galo  Si dhow ayan ula socdaa  ololahaan shirkaddu ku abaalmarineeyso macaamiisheeda sharafta leh hadiyado  wax ku ool ah sida:  gaariga Hyundai-ga, bajaajyo, Dahab,  Laptop-yo I.w.m  waxaan alle ka baryayaa in somtel u barakeeyo waxa ay heeysato madaama ay bulshada wax ku celineeyso  10’000 hadiyadood. Waxaan cadeeynayaa in olalahaan uu daah-furanyahay oo waxaa ku guulestay macaamiil kala joogo deegano kala gedisan Degmada aan Gudoomiyaha ka ahay waxaa ku guuleystay ku dhawad 10 macaamiil kuwaasoo helay hadiyado waa-weyn kuwaasoo daboolaya baahiyahooda gaarka ah”

Isku soo wada duuboo Dhamaan  macaamiisha Shirkadda Somtel waxaan u rajeynaynaa inay ku guuleystaan 10,000 hadiyadood  , Shirkaddu ugu talagalnay Macamiisheeda sharafta leh hadiyadahaan oo Ugu sareeyo gaari Hyundai-ga kaasoo Todobaadkan  31 bisha December  aan si rasmi ah ugu dhawaaqi doono macaamiilkii ku guuleystay   gaarigii lsedexaad waxaan leenahay macaamiisheena ka faa’ideysta  Ololaha ku shubo oo guuleyso 10’000 hadiyadood macaamiil Waad  u  u tartami kartaan ilaa Daqiiqada ugu dambeeysa Maalinta jimcaha 31/12/2021abaaraha 05:30pm (Galabnimo) fadlan samee ku shubashasho karaka hadalka ama data internt adigoo uga shuban kara adeegga eDahab *101# ama ku shubo scratch card-ka la xoqdodo,ugu dambeyntii waxaad uga shuban kartaa adeegga eDahab Reseller 

Waxaa xusid mudan in gaariga Hyundai  Sedexaad macaamiilka ku guuleystay Somtel waxa ay ku bixin doonto xaflad balaaran taasoo lagu qaban doono mid ka mid ah hoteelada ugu casrisan  magaalada muqdisho hadaba si dhow ula soco munasabadaan loo madlanyahay dhawaan.

 

Yaasiin Farey: Ma jirto wax nagu kallifaya inaan ka been sheegno xaaladda Rooboow

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Farey ayaa beeniyay hadal ay ehellada Mukhtaar Rooboow ku sheegeen in warbixinta uu kasoo saaray xaaladdiisa ay tahay mid aan sax aheyn.

Yaasiin Farey oo wareysi siiyey VOA ayaa sheegay in Mukhtaar Rooboow uu ku sugan yahay guri ku dhexyaalla xarunta NISA, amnigiisuna uu sugan yahay, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyadda ugu badan ee NISA ay tahay in isaga la ilaaliyo.

Waxa uu sheegay in noloshiisa iyo amnigiisa ay u hayaan sida ay ku sheegeen warqaddii uu soo saaray, wuxuuna intaas ku daray inaysan jirin wax ku kallifaya inay abuuraan waxyaabo aan jirin.

Yaasiin Farey ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caafimaad darro ama culeys gaar ah oo heysata Mukhtaar Rooboow.

Isagoo ka hadlayay kuwa ay yihiin shuruudaha aanu buuxiin Mukhtaar Rooboow, waxa uu Gashaanle Sare Yaasiin Farey sheegay “In haddii qofka la wanaajiyo aysan ka dhigneyn inuu shuruudaha uu wada buuxiyay.”

Wuxuu intaas ku daray inaysan hadda Mukhtaar Rooboow aysan u heynin arrimo siyaasadeed, balse loo hayo amnigiisa iyo ilaalinta amniga dadweynaha, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu sheegay Gaashaanle Sare Yaasiin Farey in Mukhtaar Rooboow oo la sii daayo ay ku xiran tahay isaga iyo dowladda guud, sida uu hadalka u dhigay.

Ehellada Mukhtaar Robow, ku-xigeenkii hore ee ururka Al-Shabaab oo muddo saddex sano ah u xirnan dowladda Soomaaliya ayaa beeniyey hadal kasoo baxay ku simaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey).

Yaasiin Farey oo ka jawaabayay dalab la xiriiray xaaladda Rooboow uu uga yimid wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Maxmed Nuur ayaa jawaabtiisa ku sheegay in Roobow uu halis ku yahay bulshada iyo inay si joogto ah ugu yimaadaan, soona boqodaan qoyskiisa, xaaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbado.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Shariif oo war kasoo saaray go’aankii Jeneraal Odawaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa war ka soo saaray hadalkii Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusf Raage oo ciidamada ku amray in siyaasadda aysan ku milmin oo ay ka dhabeeyaan dhaartoodii difaaca qaranka iyo la dagaalanka argagixisada.

Sheekh Shariif oo soo dhaweeyey hadalkaas ayaa Taliyaha ku bogaadiyey go’aanka uu qaatay oo mar hore ay ugu baaqeen, sida uu sheegay Madaxweyne Shariif.

Waxa uu sheegay in mar hore ay ciidanka uga digeen in faraha aysan la soo gelin siyaasadda, balse ay hadda soo dhaweynayaan in taas uu gartay Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Jeneraal Odawaa.

“Waxaan bogaadinayaa aadna u soo dhoweynayaa hadalka ka soo baxay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ee ku aaddan in Ciidanka Qaranka ka fogaadaan ku milanka khilaafaadka siyaasadda, diiraddana saaraan la dagaalanka argagixisada, waa hadal sharciga waafaqsan kana mid ah baaqyadii aan jeedinay, Ciidanka waa in ay marwalba ka dhabeeyaan waxa ay u dhaarteen kana fogaadaan qaadasha amarrada qaldan,” ayuu Sheekh Shariif ku yiri qoraal uu soo saaray.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf oo ciidanka uga digay inay siyaasadda ku milmaan ayaa cadeeyey in hal askari aysan ka ogolaa doonin inuu raaco guruub ama aragtiyo gaar ah.

Sidoo kale Taliyaha oo ciidanka amray inay galaan heegan buuxa ayaa yiri, “Waxaan farayaa ciidanka xoogga dalka, degmo ama deegaan iyo meel kasta oo uu joogo in la galo heegan buuxa oo dhameystirsan, iyadoo lagu sugnaanayo goobaha iyo xeryaha ciidanka,” ayuu Jeneraal Odawaa.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay madal la isugu keenay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo dejinaya nidaam ciidanka qaranka looga badbaadi karo inay ku milmaan siyaasadda.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli ciidankii badbaado qaran oo u badan militeri aan ka amar qaadan Odawaa ay gudaha u soo galeen caasimada Muqdisho, iyagoo ku goodiyey in Madaxweynihii hore Farmaajo ay soo qaba doonaan.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Daawo: Odawaa oo heegan buuxa geliyey ciidanka xoogga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage ayaa amray in ciidanku galo heegan buuxa, isagoo sheegay in ciidanka aan laga ogolaan karin in uu raaco guruub ama aragtiyo gaar ah, isla markaana ay howsha qaran u guda doonaan hanaankii ay ugu dhaarteen.

Taliyaha ayaa xubin kasta oo ka tirsan xoogga dalka kula dardaarmay inay ka fikiraan mas’uuliyadda saaran, isagoo amray ciidanka inay galaan heegan buuxa.

“Waxaan farayaa ciidanka xoogga dalka deegaan iyo meel kasta oo uu joogo in la galo heegan buuxa oo dhameystirsan, iyadoo lagu sugnaanayo goobaha iyo xeryaha ciidanka,” ayuu yiri Jeneraal Odawaa.

Taliyaha oo sii hadalayey ayaa ciidanka faray inay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybi kara, “Ka digtoonaada inaad loomisaan kalsoonida bulshadu inku qabto, taasi waxay noo suurta geleyneysaa wixii aan u dhaaranay inaan fulino,” ayuu yiri Taliyaha Militeriga Soomaaliya.

Taliyaha ayaa hadalkaan ka sheegay madal la isugu keenay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo dejinaya nidaam ciidanka qaranka looga badbaadi karo inay ku milmaan siyaasadda.

Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli ciidankii badbaado qaran oo u badan militeri aan ka amar qaadan Odawaa ay gudaha u soo galeen caasimada Muqdisho, iyagoo ku goodiyey in Farmaajo ay soo qaba doonaan.

Hoos ka daawo

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Qoyska Mukhtaar Roobow oo shaaciyey waxa ka run ah xogta ku jirtay warqadii NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ehellada Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ku gacan sayray xog ku jirtay warqad ay soo saartay hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo ku saabsaneyd xaaladda wadaadka.

Warqaddaas ayaa taliyaha NISA Yaasiin Farey wuxuu ku sheegay in Roobow uu nabad qabo, caafimaadkiisuna wanaagsan yahay, xaasaskiisa iyo ciddii kale ee uu dalbadana ay booqdaann sidoo kalena uu waxbarasho jaamacadeed ku jiro, amnigiisana ay gacanta ku hayaan.

Hase yeeshee ,Ibraahim Roobow Cali oo ay walaalo yihiin Mukhtaar Roobow oo la hadlay BBC, ayaa sheegay in warqadda kasoo baxday Hay’adda NISA ay ku jirtay been abuur weyn.

Ibraahim ayaa sheegay in muddo saddex sanadood ah aysan indhaha saarin walaalkood, cid booqatayna aanay jirin, caafimaadkiisana ay ka walwalsan yihiin.

“January 2019 ayaa aniga iyo xildhibaano naloo ogolaaday inaan soo aragno, markaasna wuxuu ku xirnaa xarunta hay’adda Nabad-Sugidda Qaranka ee Habar Khadiijo, wixii waqtigaas ka dambeeyey maalin kasta oo booqo is dhaho waa la iga hor istaagayey,” ayuu yiri Ibraahim.

Ibraahim ayaa xusay inay ogaadeen inuu Mukhtaar Roobow nool yahay markii uu bishii October ee sanadkaan wareysi siiyey Idaacadda VOA, wuxuuna xusay in waqtigaas ay codkiisa ka dareemeyeen in xaaladiisa caafimaad aysan fiicneyn.

“Roobow isagaa sheegay markii uu VOA la hadlayey inaan loo ogoleen inay xaasaskiisa u yimaadaan, sidoo kalana loo diiday waxbarashada, xaasaskiisa banaanka ayey joogaan, marka aniga ma ogi haddii NISA ay xaasaas kale ku dareen mudadii saddexda sano aheyd ee aan la’nahay,” ayuu sii raacyey hadalkiisa.

Warqadda NISA waxay jawaab u ahayd amar uu wasiirka amniga ee Soomaaliya ku faray in ay xaaladda Mukhtaar Roobow muddo sideed iyo afartan saacadood gudahood ah ay warbixin faahfaahsan kaga soo siiso hay’addu.

Yaasiin Farey ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay tahay mid fiican, wuxuuna tilmaamay inuu dagan yahay guri ay si weyn u ilaaliyaan ciidamada Dowladda.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, islamarkaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa,” ayuu Yaasiin Farey ku yiri qoraalka.

Wuxuu kaloo sheegay in qoyskiisa ay si joogto ah usoo booqdaan, islamarkaana uu leeyahay dhakhtar si joogto ah ula socdo xaaladiisa caafimaad.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Saciid DENI oo soo gaaray Muqdisho iyo wararkii ugu dambeeyay shirka Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhoweyd soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb-galo shirkii Golaha Wada-tashiga Qaranka ee uu kal hore iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa madaxweynaha kasoo horeeyay Wafdi hordhac u ahaa, kuwaasi oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiisha hab maamuuskiisa iyo Ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha.

Madaxweynaha Puntland ayaa hore u shaaciyey in uu ka qeyb-galayo shirka uu iclaamiyey Ra’iisul Wasaare Rooble, wuxuuna taageero ballaaran u muujiyey Rooble oo ay si weyn isku hayaan madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale waxaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho Madaxweynaha Galmudug iyo HirShabelle oo sida la filayo ayaguna qeyb ka ah shirka Rooble ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, oo dib u sixid loogu sameynayo doorashooyinka socda, kadib markii ay mucaaridka si weyn uga horyimaadeen hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Shacabka.

Shirkaan ayaa waxa illaa hadda si cad u diiday ka qeyb-galkiisa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, oo asagu qeyb ka ahaa Golaha Wada-tashiga Qaranka, wuxuuna dhinaca saaray madaxweynihii hore.

Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo qorshuhu ahaa in uu furmo 27-kii bishaan ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, kadib markii uu madaxweynihii hore Farmajo uu isku dayay in uu fashilayo, inkasta oo uu ku guul-dareystay.

Si kastaba, waxaa kusoo aadaya Shirka Golaha Wada-tashiga Qaranka oo inta badan ka qeyb-galayaan madaxda ku bahoobay, xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo khilaaf u dhaxeeya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Wasiirka Amniga oo sheegay inuu tallaabo ka qaadayo saraakiishii joojiyay dibadbaxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ka hadlay falkii Maanta lagu joojiyey banaanbax ay dhigayeen dad shacab ah, kaasoo looga soo horjeeday afgambigii la sheegay inuu isku dayey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Waxaa isoo gaartay Cabasho ah in hay’adaha Amniga gaar ahaan booliska dalku wax yeelo u gaysteen mas’uuliyiin iyo shacab  ka qayb gelayay isu soo bax nabadeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay ku sameyn doonaan sida ay wax u dhaceen, waxaana shacabka iyo mas’uuliyiintaas uu sheegay in uu u xaqiijinayo in aan marna la aqbali doonin in saraakiisha hay’adaha amniga ku kacaan falalka lagu soo eedeeyay.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ugu baaqay Shacabka in ay is dejiyaan lana ilaaliyo xasiloonida Caasimada lana aqbali karin wax rabshada ah.

Warkaan kasoo baxay Wasiirka Cabdullaahi ayaa yimid kadib markii Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Wasiirkii hore ee Amniga ee Galmudug Axmed Macalin Fiqi ay sheegeen in taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Kaniif iyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ay joojiyeen dibadbax lagu taageerayay Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Askar ay soo direen taliye ku xigeenka Booliska Kaniif iyo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la ii sheegayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan oo aan qeybtaysii hore aan goobjoog ka ahaa,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macallin Fiqi.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna farriin u diray ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii takiska,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ciidamada Booliska ayaa dhowr jeer oo kala duwan waxay horey u hor istaageen banaanbaxyo looga soo horjeeday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxay Mareykanka maanta kala hadleen R/W ROOBLE?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta khadka telefoonka kula hadlay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee, xilli ay kasoo dartay xiisada ka taagan dalka.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada-hadleen xaaladihii u dambeeyay ee dalka, amniga iyo doorashooyinka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble ka dalbatay in xiisadda siyaasadeed ee dalka la dejyo, islamarkaana la dadajiyo doorashooyinka.

Dalalka taageera Soomaaliya ayaa xilligan culeys siyaasadeed saaraya madaxda sare ee dalka, si sax looga gaaro khilaafyada siyaasadeed ee soo laab laabtay, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay dhameystirka doorashooyinka dalka oo dhowr jeer muddo dhaafay.

Dowladda Mareykanka ayaa kal hore si buuxda u taageertay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dagaal culus kala dhaxeeyo madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxay sheegtay inay tallaabo ka qaadeyso kuwa caqabadda ku ah nabadda Soomaaliya, waxayna ka hortimid shaqo ka-joojinta uu madaxweynihii hore sheegay inuu ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble.

Mareykanka ayaa rumeysan in Rooble uu yahay mas’uul keliya ee xilligan dalka ka saari kara xaalada kala guurka, asaga oo sheegay in kulanka Golaha Wadatashiga Qaran loogu baahan yahay si deg deg, si loo dedejiyo loona hormariyo hanaanka doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

Sawirro: Ciidamo kala eryey shacab dhigayey dibad-bax ka dhan ah FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta kala eryey dad shacab ah oo isku soo baxay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee Muqdisho, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan xaaladda cakiran ee ka taagan dalka.

Dadweynahan ayaa dhigayey dibad-bax looga soo horjeedo madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo, gaar ahaan tallaabad isku dayga Afgembi oo uu qaaday, balse guul darreystay, waxaana kala dareeriyey ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dibad-baxa ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaan siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka, sida Axmed Macalin Fiqi oo kasoo muuqday banaanbaxa oo sidoo kale lagu taageerayey Rooble.

Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay tallaabada ay qaadeen ciidamada ayaa sheegay in amarka lagu joojiyey dibad-baxooda uu ka so baxay taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyaiyo taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir.

“Askar ay soo direen taliye ku xigeenka Booliska Kaniif iyo taliyaha gobolka Banaadir Farxaan Qaroole ayaa la ii sheegayaa in ay is hor istaag ku sameeyeen shacab banaanbax si nabadgalyo ah u samaynayey degmada Hodan oo aan qeybtaysii hore aan goobjoog ka ahaa,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Axmed Macallin Fiqi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray ” Waxaa muuqata nimankaas in weli la shaqaynayaan rajiimkii waqtigu ka dhamaada, ayna dhegaha ka furaysteen baaqii raysulwasaaraha,”.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna farriin u diray ra’iisul wasaaraha iyo sidoo kale wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur.

“Dibadbax looga soo horjeedo afgambigii Farmaajo, ayaa waxaa hor istaagay Farxaan Qaroole iyo Kaniif. Raysalwasaaraha Rooble iyo Wasiirkiisa amniga waxaan ka codsanaynaa in ay dadka ka horwareejiyaan haraadiga kaligii takiska,” ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xaalad siyaasadeed oo cakiran, taas oo ka dhalatay khilaafka u dhexeeya Farmaaho iyo Rooble oo saameeyey doorashooyinka dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii