25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Muxuu xildhibaan Zakariye Maxamuud ka yiri khilaafka R/W Rooble iyo Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa wareysi uu bixiyey kaga hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan xiisadda siyaasadeed ee Villa Soomaaliya.

Zakariye ayaa shaaca ka qaaday in haatan dalka uu ku jiro xaalad qatar ah, isla-markaana loo baahan-yahay in la qaado tallaabooyin lagu bad-baadinayo dowladnimada dalka.

Xildhibaanka oo sii hadlayey shaaca ka qaaday in aysan ka jirin wax dhib ah oo ka weyn isku dhaca madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

“Dalka wuxuu ku jiraa xaalad qatar ah anigu Xamar baan joogaa iska hor imaadka labada nin ee dalka ugu sarreysay waa wax dhib ah oo la sameeyo oo ka weyn ma jirto,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalka uu leeyahay sharci iyo dastuur, loona baahan yahay in lagu dhaqmo ama khilaafka la geeyo baarlamaanka, si xal waara looga gaaro.

“Dalku dastuur buu leeyahay baarlamaan buu leeyahay iyaga la dhex-geeyo oo iyagu kala saaraana waa meel kale,” ayuu kusii daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in labada nin ee ugu sarreysa dalka looga baahnaa inay u turaan shacabka, ayna keenaan is-bedal dhab ah, misana ay doorasho qabtaan.

Hadalka Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kusoo aadaya, iyada oo meeshii ugu xumeyd ay gaartay xiisadda Villa Soomaaliya oo ku soo aaday, xilli kala guur ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada HirShabelle iyo musharaxiin la diiwaangeliyay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlada goboleedka HirShabelle ayaa waxaa ka bilaabatay diiwaangelinta musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ku metalaya maamulkaas.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabelle ayaa maanta diiwaan-geliyay ilaa dhowr musharax oo uu kamid yahay Senator Cusmaan Maxamuud Dufle oo asagu afartii sano ee lasoo dhaafat ku fadhiyay Aqalka Sare.

Waxaa xusid mudan in dadka la tartamaya Dufle uu kamid yahay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Safiirka Kenya ee Soomaaliya.

Diiwaan-gelinta Musharaxiinta ayaa la soo gaba-gabeyn doona maalinta Sabtida, sida uu sheegay Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabelle.

Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee maamulka HirShabelle ayaa dhici doonta maalinta Isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 13-ka bishaan 9-aad.

Xildhibaan Sacdiya ‘oo laba sano gurigeeda u tagi la’ cabsida Farmaajo iyo Fahad

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Sacdiyo Xaaji Yasiin oo hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan Tahliil Faarax ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in labadii sano ee lasoo dhaafay ay gurigeedii uga go’day Farmaajo, Fahad Yaasiin iyo Kullane Jiis, sida ay sheegtay.

“Laba sano gurigeyga oo Madaxtooyada ku dhax-yaalla waxaan u tagi waayey cabsi aan ka qabo Farmaajo iyo Fahad Yasiin, maxaad u maleyneysaa gabar yar, anigoo xildhibaan ah ayaa banaanka reero kula nool oo gurigeygii tegi waayey,” ayey tiri Xildhibaan Sacdiyo.

Waxay sheegtay in aysan helin ciidan difaaca, isla markaana cabsi ay ka qabto Farmaajo iyo saraakiishaas u tali jirtay NISA ay uga carartay gurigeeda oo ku dhex-yaalla madaxtooyada, kaas oo ugu ijaaran 1,500 oo dollar oo bil kasta ay bixiso, sida ay sheegtay.

“Farmaajo, Fahad iyo Kullane Jiis heer waxay gaareen xildhibaanadii ila deganaa ay gaadiidkooda gudaha soo galaan oo loo ogolaado, keygana banaanka lagu celiyo, war reer Muqdishow waxaan idinkaa ogolaaday, Falastiin ayaa la qabsan waayey ee ma Fahad iyo Farmaajaa idin qabsan kara?” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xildhibaan Sacdiyo.

Xildhibaan Sacdiyo ayaa sheegay inay aaminsan tahay in Ikraan dhimatay, iyadoo sababta ku sheegay in dad badan oo sideeda loo shir qoolay ay ehelkoodu aasteen meydadkooda, balse Ikraan hadii la dilay uusan meydkeedu qarsoomeen.

“Hadey dhimatay Ikraan ileen kuwii horaba waa la aasi jiraye waxaan qabaa nimankaan waa keeni lahaayeen meydkeeda,” ayey tiri.

Sidoo kale Xildhibaan Sacdiyo waxay sheegtay inay aad uga xumaatay dadka baraha bulshada ka soo leh “maxaa Ikraan loogu awrkacsanayaa oo dadkii dhiman jiray ay uga duwan tahay” Iyadoo tusaale u soo qaadatay koox afka soo duubatay oo shalay iska soo duubay banaanbax ay sheegeen inay ku taageerayaan Farmaajo iyo Fahad.

Hoos ka daawo

Sidee ayuu FAHAD Yaasiin kusoo galay siyaasadda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu soo baxay go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya shaqo joojinta ugu sameynayey Taliyihii NISA, Fahad Yaasiin, ayaa waxaa sare u kacay hadal haynta shaqsigaan iyo saameynta dowladda madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba, Waxaa si gaar ah isku dul-taagi doona qaabkii uu Fahad ugu soo biirey siyaasadda Soomaaliya.

2012-kii ayaa markii ugu horreysay si toos ah loogu arkay siyaasada, xilligaasi oo uu socday ololaha doorashada Soomaaliya, waxaana la sheega inuu qeyb ka ahaa kooxdii ololaha doorashada musharax Xasan Sheekh Maxamuud, oo markii dambe ku guuleystay doorashada.

Waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin in uu xilligaas noqdo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, sida la sheegayna xilkaas wuu iska diiday.

2016-kii ayaa sidoo kale waxa uu qeyb ka noqday hormuudka ololaha doorashada madaxweynenimada ee madaxweynaha hadda xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, kadib guushii doorashadaas waxa Fahad loo dhiibay agaasimaha madaxtooyada.

Ka hor inta uusan noqon Fahad Yaasiin madaxa Hay’adda Sirdoonka waxaa uu ka noqday agaasime ku-xigeen.

Waxaa lagu tiriyaa in uu yahay shakhsiga ugu saameynta badan dowladda madaxweyne Farmaajo, islamarkaana gacan weyn ku leh go’aannada iyo tallaabooyinka siyaasadeed ee madaxweynaha.

Hase yeeshe waa lagu kala qeybsan yahay kaalinta uu ku leeyahay dowladda, dadka qaar baa u ammaana, halka qaar kalena ay ku dhaliilaan.

Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya oo la hadlay BBC-da ayaa waxa uu Fahad ku tilmaamay nin wax weyn kusoo kordhiyey dowladnimada Soomaaliya, qeybna ka noqday geedi socodka soo kabashada dalka.

“Waxkasta oo laga tabanayo iyo waxkasta oo lagu tuhunsan yahay ba, waxaa jirta arrin aan dood ka taagneyn oo ah in uu yahay nin hay’adeed oo karti badan, wuxuu sameeyay xoghayntii ugu horeesay ee madaxtooyada Somaaliya ee sida xoghayn la yaqaano u shaqeysa tan iyo burburkii iyo taliska sirdoonka sida uu u habeeyay tan iyo intii uu ku biiray”, ayuu yiri Ibraahim Faarax Bursaliid.

Si kastaba, Fahad Yaasiin ayaa xilligan wajahaya tuhuno culus oo la xiriira Kiiska Ikraan Tahliil oo galaaftay shaqadiisii NISA, kadib markii ay shaacisay inay ku baxday gacanta Al-Shabaab, oo ayadu iska fogeysay arrintaas.

Jadwalka doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle (Aqriso)

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee HirShabeelle ayaa soo saaray jawdalka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee BFS ka soo gelaya HirShabeelle, taas oo la guda geli doono Khamiista berri ah, sida ku cad jadwalka.

Ugu horeyn guddiga ayaa jadwalkaan ku sheegay in Khamiista berri ah ee 9-ka bishan September illaa maalinka Sabtiga ah ee 11-ka bishaan ay socon doonto ‘qabashada araajida iyo diiwaan gelinta musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare’ ee yaalla Jowhar.

Sidoo kale maalinka Axada ah ee 12-ka bishaan ayaa loo balansan yahay in musharaxiinta laga dhageysto hadal jeedintooda. Halka maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ay socon doonto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee HirShabeelle ku metelaya dowladda federaalka.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa maanta soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inuu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin miisaan ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana kursi kasta ku tartamaya ugu yaraan seddax illaa afar musharax.

Xundubey oo ka horyimid xil ka-qaadistii lagu sameeyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ka hor-yimid xil ka qaadistii uu caawa ku sameeyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo sheegay in Rooble uu yahay ‘xil-gaarsiiye, balse uusan aheyn xil ka qaade.’

PM Rooble, asaga ayaa Wasiirada ku yiri: cid xil kama qaadi kartaan, waayo, waa kala guur, waddankuna waxa uu galay doorasho, marka ha ku dhaqmo xeerkii uu asagu golihiisa wasiirada ku dhaqayay,” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Waxa uu intaas ku daray “PM Rooble, waxa aan isku ogeyn in  dalka qalalaasa dambe laga ilaaliyo,  haddasa – nasiib daro – asaga ayaa [kaligiis] go’aansaday in uu dalka qalalaasa cusub geliyo!”

Dhanka kale madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo Xundubey ay saaxiibo dhaw ahaayeen ayaa qoraal uu soo saaray ku diiday xil ka waadistii uu Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Xasan Xundubey.

Farmaajo ayaa qoraal xafiiskiisa ka soo baxay waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan. Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.”

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa dikreeto ka soo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray siyaasadda Farmaajo.

Qoraalkii uu caawa baahiyey xafiiska Farmaajo ayaa intaas ku sii daray, “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad, sidaas darteed dhaqan gal maaha xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey.”

Wasiirka cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo caan ku ah naaneysta (Sodon jir Sodon Milyan heysta) ayaa ka mid ahaa xildhibaanadii ugu firfircoonaa ee ka hor tegay mudo kororsigii Farmaajo, kuwaas oo garab istaag xoog leh u muujiyey ciidankii Badbaado Qaran ee Farmaajo ka fashiliyey damaciisii mudo kororsiga.

Farmaajo oo ka hor-yimid xil ka qaadistii uu Rooble ku sameeyey wasiir Xundubey

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu diiday xil ka waadistii uu caawa Ra’iisul wasaare Rooble ku sameeyey wasiirkii amniga Soomaaliya Xasan Xundubey, kaas oo lagu bedelay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur.

Farmaajo ayaa qoraalkaan ka soo baxay xafiiskiisa waxa uu ku yiri, “Xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey kuma imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna dhaqan gal ma ahan.”

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.”

Hoos ka aqriso qoraalka Farmaajo oo dhameystiran

Muqdisho, Sebteembar 8, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in aysan dhaqan gal ahayn xil ka qaadis kasta oo lagu sameeyo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ilaa ay ku timaaddo si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee dalka.

Madaxweynaha oo cuskanaya Qodobka 90aad, Xarafka (e) ee Dastuurka KMG ee dalka oo dhigaya “Awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.” ayaa sheegay in xil ka qaadista Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubeey aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

“Xil ka qaadista iyo magacaabista xubnaha Golaha Wasiirada ma aha dhaqan gal ilaa ay ku timaaddo hannaan waafaqsan Dastuurka Kumeel Gaarka ah ee dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa adkeeyay in shaqada laga doonayo haatan xukuumadda ay ahayd inay dhammeystirto doorashooyinka Goleyaadha Barlamaanka ee ka bilowday dalka, lagana sugayo sii joogtaynta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla.

DHAMMAAD

Hooyo Qaali Maxamuud oo shaacisay wixii ay Farmaajo kala kulantay (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo maanta hadal ka jeedisay kulan lagu dalbanayey in Ikraan ay cadaalad hesho ayaa shaacisay in dhowr mar ay ku guul-dareysatay inay ku hesho xiriirro ay la sameysay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo iyo Marwadiisa Seynab Macalin, si ay ugala hadasho arrinta gabadheedii Ikraan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka dalbanayaa in dhibka igu dhacay ee Wadnaheyga dhimbisha dabka ah ku dhejiyey ay ka hor-tagaan, si gabar ama wiil dambe oo Soomaaliyeed uusan ugu dhicin,” ayey tiri Hooyo Qaali.

Waxay sheegtay in Farmaajo ay marar badan codsi u dirtay oo ku hor oysay, balse codsigeedii iyo xiriirradii ay la sameysay uu dheg jalaq u sii diiday.

“Madaxweynaha lambarkiisaan helay waan wacay, markii uu iga qaban waayey, fariin ayaan u diray, iigama soo jawaabin, marwadiisa ayaan taleefan u diray, waa iga qaban weysay, waxaa ii cad in Farmaajo cadaaladda iga hor-taagan yahay oo raggii gabadheyda ku dhex-dhibaateeyey xarunta NISA uu maanta xasaanad u raadinaayo, umadda Soomaaliyeed ha igu garab istaageen cadaalad u raadinta dhabadheydii Ikraan,” ayey yiri Hooyo Qaali.

Sidoo kale Hooyo Qaali ayaa aad ugu mahad celisay Ra’iisul wasaare Rooble iyo dhamaan dadkii maalmihii lasoo dhaafay u banaan-baxay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, iyadoo Rooble ka codsatay in arrinteeda uusan ka quusan ilaa inta laga sal-gaarayo.

Sidoo kale beesha caalamka iyo hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaya ayey ka codsatay in aysan ka sii aamusnaan arrinta gabadheedii Ikraan.

Ugu dambeyntii Qaali Maxamuud Guhaad ayaa guddoomiyaha ururka haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gaballe iyo guddoomiyaha ururka haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ku eedeysay inay ka gaabsadeen arrinta Ikraan Tahliil oo iyagu ay dad ugu xigeen, sida ay sheegtay.

Hoos ka Daawo

R/Wasaare Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii amniga, magacaabay mid cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxmaed Xuseen Rooble ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur ugu magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Xasan Xundubey Jimcaale oo xilka laga qaaday “shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay” muddadii uu xilka hayay.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxmaed Xuseen Rooble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka,tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha  Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay.”

Wasiirka xilka laga qaaday Xasan Xundubey ayaa la sheegaa in saaxiib dhow uu la ahaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, sidoo kale wasiirkaan cusub Cabdullahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer ayaa aad u mucaaradi jiray xukunka Farmaajo.

Tallaabada uu qaaday Rooble ayaa qeyb ka ah qorshe uu ku xaqiijinayo awooddiisa dowladda, meeshana looga saaray shaqsiyaadka Farmaajo kala shaqeynaya in dalka la geliyo xiisad dagaal oo cusub.

Wareysi: Xasan Sheekh oo si cajiib uga hadlay dagaalka Farmaajo iyo R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya walaaca ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inuu saameyn xun reebo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo qarka u saaran inuu gaaro gacan ka hadal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Farmaajo uu xiligaan khilaaf iyo qalqal siyaasadeed geliyo dalka, isagoo sheegay inuu aad ugu walwalsan yahay jawiga ay dalka uga qabsoomi karto doorasho.

“Xaaladda dowladda dhexdeeda ka taagan mid sahlan maaha, sida aan ogeynba madaxweynihii hore Farmaajo waakii mas’uuliyadda amiga iyo doorashada wareejiyey, laakiin nasiib darro madaxweynuhu howshii uu shalay wareejiyey ayuu weli daba socdaa, wax fiicana maaha waxa uu sameynayo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa Farmaajo kula taliyey in howsha socota uu faraha kala baxo, oo musharaxiinta uu ula sinaado, isagoo u sheegay in dalkaan uusan hal qof qalalaase geli karin.

“Kiisaa taagan gabar sarkaal aheyd ayaa la waayey oo NISA dishay la yiri, waxaan uu madaxweynuhu sameynayo waxay carqalad ku yihiin in kiiska gabadhaas la baaro, intaasna hal qof ayuu gadaal ku wataa, marka dalkaan iyo hal qof waa kala weynyihiin, shalay ma uusan dhihin mas’uuliyadii amniga waan wareejiyey intaan Nabad sugidda ka aheyn,” ayuu yiri

Mar Xasan Sheekh wax laga weydiiyey sida ay la tahay in murankaan uu u saameyn karo howlaha socda ee doorashooyinka ayaa waxa uu sheegay in aad uu ugu walaacsan yahay sii socoshada howlaha doorashada, hadii uusan Farmaajo sidaan wax ka bedelin.

“Aad iyo aad ayaan uga walwalsanahay, waa ka xumahay inay sidaan wax u dhacaan doorashadu ayadoo awalba doorasho dadban aheyd, oo dib u dhacday wax badan, hadana jawigaan si ay ugu qabsoomi karto ma garan karo, caqabada taagan hadda dhanka madaxweynaha ayey ka socotaa, anigu waxaan leeyahay Farmaajo dalkaan sidii uu shalay ugu tanaasulay ha uga leexdo, hala kala saaro dalka iyo danta shakhsiyaadka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Daawo: Jeneraal Xuud oo shaaciyey inuu kusoo biirayo dagaalka Farmaajo iyo Rooble – Yuu la saftay?

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa si adag uga hadlay khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble, isagoo ku goodiyey in dagaalka uu ku soo biiri doono, hadii madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu isku dayo inuu fowdo geliyo dalka.

“Raggii gabadha saan ogeyn u galay ayaa horteena jago isugu magacaabaya, taas macnaheedu waa qofkaan rabnaan dileynaa, waxaan doono ayaana sameyneynaa, taasna kama yeeli doono, Soomaaliya cadaalad ayey u baahan tahay, ra’iisul wasaaraha ayaana ku garab taaganahay raadinta cadaaladda,” ayuu yiri Jeneraal Xuud.

Sarkaalkaan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in cadaaladda ay u hiiliyaan oo garab istaagaan ra’iisul wasaaraha, isagoo ku amaanay inuu iska diiday nin jecleysi iyo in lagu hor dulmiyo mawaadiniinta.

“Kuwa isku deyaya inay cadaaladda hor istaagaan, waxaan leeyahay afar sano ayaad nagu heyseen dhibkaan, hadaa isku daydaan inaad ra’iisul wasaaraha caburisaan, dagaalka waan soo geleynaa, garab ayaan u nahay Rooble, cid kasta oo uu bedelo ayaa bedelan, waa la dhacsanahay hogaamintiisa, Rooblow xaqa wad oo xaq-darrada diid, anagaa kugu difaaceynee,” ayuu hadalkiisa ku sii daray jeneraal Xuud.

Xuud ayaa Farmaajo ugu baaqay in meesha uu isaga tago, maadaama sida uu sheegay uu fashilmay, “Inta aad Fahad Yaasiin hoosta ku wadato damac ma lihid, waa idin diidnay, namana qasbi kartaan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Maxkamadda Ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad, Kulane iyo Yaasiin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer Ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah Fahad Yaasiin, Agaasimihii hore ee hay’adda NISA iyo Taliyaha hay’adda ee gobolka Banaadir, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis.

Qoraal kasoo baxay Qareenka Hooyada dhashay Ikraan ayaa lagu sheegay in dacwaddaan ay soo gudbiyeen qoyska iyo ehellada Ikraan Tahliil Faarax, oo ay NISA shaacisay geerideeda kadib markii ay u gacan gashay Al-Shabaab, ayada oo kooxduna iska fogeysay arrintaas.

“Aniga oo ah Qareen Daahir Maxamed Cali oo Qareen u ah Maamo Khaali Maxamuud Guhaad oo ah Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax waxaa Xeer ilaalinta CQS ugu soo gudbinayaa Cabashada uu ku xusan oo lid ku ah shaqsiyaadka ujeedda sare ku sheegan si waafaqsan qoddobada 21-aad iyo 22-aad ee XHCS,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waraaqda oo si toos ah ugu socotay Xafiiska X.Ilaalinta Guud, ayaa waxaa ogeysiin la siiyey Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS, waxaana lagu xusay eedeymaha saraakiishaas loo haysto, taasi oo u dhigneyd sidan hoose;

1. Fahad Yaasiin: Waa shaqsiga gabadha oo dalka dibadiisa ku maqan u yeeray, una sheegay in xil loo magacaabayo, mar kalane ayada oo safar u socota u sheegay inay joogto si Xil looga magacaabo, wuxuu kale oo uu u sheegay in lala soo xiriir dooni si loola socodsiiyo xilka loo magacaabay, soo wicitaankiisana wuxuu noqday kii gabadha lagu waayey.

2. Cabdiqani Diirane oo loo yaqaano wadna-qabad: Waa shaqsiga gabadha gaariga ku soo qaaday oo gurigeeda ugu qaaday.

3. Yaasiin Faray oo ah Taliyaha Nabadsugida G/Banaadir: Waa shaqisga gabadha loo geeyay markii gurigeeda laga soo qaaday.

4. Cabdillaah Aadan Kulane (Kulane Jiis): Waa shaqsiga dhowr jeer gabadha u soo jeediyay handadaad,arrintaas oo ay u sheegtay hooyadeed.

Gal-dacwadeedka loo gudbiyey Xeer ilaalinta ayaa ka dhigan in si toos ah loo guda-gali doono baarista kiiska Ikraan, islamarkaana ay Saraakiishaas wajahi karaan maxkamadeyn, waa haddii uu ku cadaado kiiskaas.

Si kastaba, arrintaan ayaa imanaysa xili uu Ra’iisul Wasaaraha shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin, sidoo kalena uu faray Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada qalabka sida in uu baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan, kadibna horgeeyo maxkamad sharci ah oo awood u leh.

Mahad Salaad iyo Fiqi oo ka jawaabay tallaabooyinka uu xalay qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi oo ka wada tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay tallaabadii uu qaaday madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ee dalka gelisay xiisadda siyaasadeed iyo midda dagaal.

Farmaajo ayaa xalay xil cusub oo ah la-taliyaha amniga qaran u magacaabay Fahad Yaasiin, halka agaasimaha NISA uu u magacaabay Yaasiin Farey, isaga oo arbushaya go’aankii uu Rooble agaasimaha NISA ugu magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sheegay inuu horey u sheegay in Kiiska Ikraan Tahlil ay shirko ku yihiin Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo Kulane Jiis, haddana ay muuqato inuu kula jiro madaxweyne Farmaajo.

“22 biishii July ayaan qoray in Fahad, Kulane Jiis iyo Yaasiin Farey shirko ku ahaayeen dilka Ikraan Tahliil. Sida Farmaajo u xambaarsanyahay Fahad iyo Yaasiin Farey waxay marqaati fur u tahay in Farmaajo shirka kula yahay jariimadaan,” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay Facebook.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu tallaabo wanaagsan u qaaday dhanka Cadaaladda iyo Dowladnimada, isagoo eedeyn culus u jeediyey madaxweynaha waqtiga dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Famaajo.

“Ra’iisul Wasaare Rooble tallaabooyin dhanka cadaaladda iyo dawladnimada ah ayuu qaaday, laakin Dhan kale Nin jecleysi iyo cadaalad ka carar ayuu wadaa! Dalkaan xoog iyo anaa iri horey ayaa looga ducaystay,” ayuu yiri Fiqi.

Hadalada kasoo baxay Mahad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi ayaa kusoo aadayo xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee Ra’isulwasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo.

Waa kuma sarkaalka Yaasiin Fareey u diiday inuu tago xafiiska looga taliyo NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad u dhaxeysa laba ciidan oo ka tirsan hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa maanta ka taagan xarunta looga arrimiyo hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee Habar-Khadiijo.

Dhaq-dhaqaaq ciidan ee ka jira aagga Isgoyska Jubba oo ay ku taalla xarunta NISA ayaa yimid kadib markii ay maanta ciidamada Duufaan ee Nabad-Sugidda Soomaaliya hareeyeen ciidamo kale oo xarunta ku sugnaa.

Ciidamada Duufaan ayuu qorshahooda ahaa in Yaasiin Fareey oo Madaxweyne Farmaajo xalay u magacaabay Agaasimaha NISA in ay geeyaan xafiiska ugu sarreeya ee hay’adda NISA, balse waxaa la sheegay in loo diiday in uu furto xafiiska agaasimaha, laakiin uu tagay xaruntii uu marka hore ku shaqeyn jiray oo isla NISA ku taalla.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Waran ee hay’adda NISA, oo ah ciidanka ilaaliya xarunta taliska ayaa diiday qorshihii Villa Somalia maanta ka damacsaneyd xaruntaas, iyadoo xiisad muddo taagneed kadib ay dib u gurasho sameeyeen ciidankii Duufaan.

Maxamed Xasan, oo ku beel ah ra’iisul wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu yahay sarkaalkii hadda kahor diiday inuu weeraray hotelka Ma’ida ee madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugnaa, taasi oo keentay in la xiro, inkasta oo markii dambe lasii daayey.

Ciidanka Waran, ayaa lagu warramay inay si buuxda uga amar qaataan Maxamed Xasan, islamarkaana ay yihiin kuwa hadda haysta xarunta NISA, ayaga oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble.

Xaaladda ayaa wali qasan waxaana dhici karta in isku dhacyo dhaxmaraan ciidamo kawada tirsan hay’adda Sirdoonka Soomaaliya oo wajaheysa fadeexad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahliil.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa qorshuhu ahaa inuu maanta tago xarunta NISA, waxaana lagu warramay inuu dib u dhigay isaga doonaya inuu xaqiijiyo inuusan dhiig ku daadaan. 

Ciidanka Duufaan ayaa hadda laga dhaadhicinayaa inay isaga tagaan meelaha ay joogaan, haddii kale awood looga saari doono.

Gobolka Banaadir oo war cusub kasoo saaray amarkii lagu soo rogay isbitaallada Yardimeli iyo Jaziira + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in muddo toddoba maalin ah lagu daray waqtigii uu u qabtay maamullada Isbitaalada Jazeera iyo Yardimeli inay soo wareejiyaan labadaas isbitaal.

Afhayeenka gobolka Banaadir oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay in lagu soo wareejiyo, balse wuxuu sheegay in lagu daray toddoba maalmood oo dheeri ah, si loo xaqiijiyo hufnaanta iyo lasoo wareegista maamulida labadaas Isbitaal, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in toddobadaas maalin lagu diyaarin doono qaabkii uu maamulka ula wareegi lahaa labadaas Isbitaal, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in maamulada Isbitaaladaas ay ka biyo diideen amarka kasoo baxay Cumar Finish.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 1-dii Bishan September soo saaray amar ku socda labadaan Isbital, oo ah in muddo Todobaad ah lagu soo wareejiyo maamulka labadaan isbitaal.

Labadan isbitaal ee Yardameeli iyo Jaziia ayuu maamulka gobolka Banaadir ku eedeeyay in adeegyada ay u qabtaan bulshada ay tahay kuwo dhaqaale badan loogaga qaato.

“Isbitaaladaa kor ku xusan oo loogu talo-galay in bulshada gobolka Banaadir ugu shaqeeyan si lacag la’aan ah uu ka war helay maamulka gobolka in hanaankii loogu talo-galay in loogu adeego bulshada hanaan aheyn oo u muuqda mid ganacsi iyo mid gaar ahaaneed u adeegayaan isbitaaladaas,” ayuu yiri afhayeenka gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay maanta.

Hoos ka daawo afhayeenka maamulka

Guudlaawe oo soo saaray liiska murashaxiinta Aqalka Sare ee HirShabelle (Aqriso)

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin magaca ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu adag kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Kursiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa ku tartamayo illaa 4 musharax oo kale, wuxuuna noqon doonaa kursi si weyn loogu tartamo, waxaana kurisgan ku tartamayo.

1- Muuse Suudi Yalaxow
2- Cabdullaahi Sheekh Xasan
3- Axmed Xasan Caddo
4- Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax
5- Dr. Xasan Caddaay Cali

Sidoo kale, kursiga uu ku fadhiyo Dr. Cusmaan Dufle ayaa la filayaa inuu tartan adag ka dhasho, waxaana murashaxiinta u taagan lagu soo daray safiirrka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Inta badan kuraasta Aqalka Sare ee HirShabele ayaa waxaa ku tartamayo 4 illaa 6 musharax, wuxuuna Cali Guudlaawe noqday madaxweynaha kaliya ee ogolaaday in musharixiinta ay si cadaalad ah u tartamaan.

Caasimada Online ayaa horey u sheegtay in Guudlaawe uu liiska ka dhigi doono mid furan sababo la xiriira cabsi uu ka qabo in dagaal uu ka dhaco Jowhar, oo ay sameeyaan beelaha qaar, haddii kuraasta uu ka dhigo kuwa u xiran shaqsiyaad gaar ah.

Halkaan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran

 

 

 

Xiisad culus oo ka taagan xarunta NISA iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ee Habar Khadiijo oo ku taalla degmada Shibis ayaa haatan laga dareemayaa xiisad xoogan iyo sidoo kale dhaqaqaaq ciidan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa NISA lagu arkay agagaarka xarunta iyo waddooyinka laga galo, iyaga oo ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo.

Sidoo kale saacado ka hor ayey aheyd markii barta Twitter-ka ee NISA lagu shaaciyey inuu si rasmi ah xilka ula wareegay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud oo uu xalay si KMG ah xilkaasi ugu magacaabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Xiisaddan ayaa daba socota khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo, kaas oo ka dhashay kiiska ‘dilka ah’ ee Ikraan Tahliil Faarax.

Dhinaca kale waxaa maanta ay ku beegan-tahay waqtigii uu ra’iisul wasaaraha u qabtay Fahad Yaasiin, si uu xilka usoo wareejiyo, loona guda-galo baarista kiiska Ikraan Tahliil.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinaca xafiiska ra’iisul wasaaraha ay ka socdaan dadaallo kale oo lagu doonayo in Bashiir Goobe lagu geeyo xarunta NISA, taas oo keeni karta isku dhac, maadaama taliyihii Farmaajo magacaabay uu ku sugan yahay halkaasi.

Si kastaba xaaladda ayaa haatan aad u kacan, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac.

Twitter-ka NISA oo sheegtay in Yaasiin Farey uu maanta la wareegay xilka agaasimaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal lasoo dhigay twitter-ka rasmiga ah ee NISA ayaa lagu sheegay in agaasimihii uu sida KMG ah xalay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ugu magacaabay hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud uu maanta xilka kala wareegay Fahad Yaasiin.

Qoraalka lagu taabacay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu yiri “Waxaa Taliska Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka ka dhacday munaasibad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud.”

Sidoo kale warka qoraalka ah ayaa lagu yiri “Waxaan Alle uga rejaynaynaa in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee uu Madaxweynaha JFS u igmaday.”

Ma jirto cid xaqiijin karta xil kala wareegistan lagu sheegay bogga twitter-ka ee NISA, oo uu maamulkiisa hayo agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, oo la rumeysan yahay inuu dalka ka maqan yahay.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii uu xalay Farmaajo sameeyey magacaabis deg deg, kadib wareegta uu soo saaray, waxaana Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi si KMG ah loogu dhiibay NISA, halka Fahad Yaasiin loo magacaabay la-taliyaha amniga qaranka.

Ninka haatan la wareegay NISA ayaa horey u ahaa agaasimihii nabad sugida ee gobolka Banaadir ‘wuxuuna ka mid yahay’ shaqsiyaadka lagu eedeynayo kiiska Ikraan Tahliil.

Si kastaba talaabadan ayaa uga sii dareysa xiisada u dhexeysa ra’iisul Rooble iyo Farmaajo, maadaama ra’iisul wasaaraha uu dhankiisa agaasimaha NISA u magacaabay Bashiir Goobe.

Al-Shabaab oo shaacisay MAGACA iyo dalka ninkii fuliyey weerarkii Camaara

0

Camaara (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo sidoo kale dalka uu kasoo jeedo ninkii fuliyey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay deegaanka Camaara ee koonfur gobolka Mudug, kaas oo geystay khasaare xoogan.

Magaca ninka fuliyey qarixii ismiidaaminta ahaa ee uu ku billowday warkaasi ayey kooxda Al-Shabaab ku sheegtay Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali oo magaciisa afgarashaduna uu ahaa (Haashim), kaas oo oo ay shaacisay inuu sidoo kale ka soo jeedo wadanka dariska Kenya.

Sidoo kale Idaacadda Andaluus oo baahisay wareysi laga qaaday ninkaasi, ka hor inta uusan weerarka geysan ayaa sheegay inuu ka dhashay magaallo xeebeedka Mombasa, kuna barbaaray, isaga oo markii dambe kusoo biiray Al-Shabaab, kadib markii uu kasoo safray Kenya.

Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali (Haashim) ayaa wareysiga marka laga qaadayey ku hadlayey luqadda Sawaaxiliga, wuxuuna farriin u diray dhammaan dadka muslimiinta ah.

“Farrinteda ugu horreyso waxaan u dirayaa muslmimiinta ku nool dhulalka gaalada waxaana leeyahay soo haajira,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Zeynudiin Cali.

Haashim ayaa sidoo kale sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray sanadkii 2014-kii, isla-markaana uu ka qeyb-galay dagaallo kala duwan oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Camaara oo uu xigay dagaal toos ah ayaa dhaliyey khasaare xoog leh oo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada huwanta iyo saraakiisha, waxaana sidoo kale Al-Shabaab au ku qabsadeen hub iyo gaadiid dagaal.

Wararkii ugu dambeeyey khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo weji cusub yeeshay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Villa Soomaaliya ayaa ka sii dareysa, waxaana sii xoogeysanaya khilaafka xoogan ee u dhexeeya labada xafiis ee ugu sarreysa dalka, gaar ahaan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble ayaa sidoo kale yeeshay weji cusub, kadib markii uu xalay madaxweynaha xil cusub u magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo uu dhowaan shaqo joojin ku sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday oo ay saaxibo yihiin Fahad Yaasiin oo isla soo bilaabeen doorashadii 2016 ayaa u magacaabay inuu noqdo lataliyaha amniga qaranka.

“Madaxweynaha ayaa sidoo kale u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin xilka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa isna kasoo horjeestay tallaabooyinka uu qaaday madaxweynaha, isaga oo tilmaamay in qoraallada kasoo baxay xafiiskiisa ay daba socdaan mas’uuliyiintii amniga iyo doorashooyinka ee uu wareejiyey.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Ummadda Soomaaliyeed u cadaynayaa in Qoraalada kasoo baxay Madaxwaynaha 06-09-2021 iyo 07-09-2021 ay muujinayaan in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay Ra’iisulwasaaraha,” ayaa lagu yiri warqad liddi ku ah mida Farmaajo oo ka soo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa intaasi kusii daray in tallaabooyinka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in laga leeyahay dano gaar ah, isla-markaana la doonayo in lagu carqaladeeyo ka sal-gaaridda kiiska xasaasiga ah ee Ikraan Tahliil, si ay cadaalad u hesho.

“Ra’iisulwasaaruhu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.” ayaa markale lagu lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

S kastaba go’aanada ka soo kala baxay labada dhinac ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, waxaana khilaafkan uu kusoo aadayaa, xilli xasaasi ah oo lagu jiro doorashooyinka.