26.3 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gudaha Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Konton oo u dhow degmada Qorof-xaraar oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Madaafiicda qaar ayaa waxa ay ku hoobteen gudaha saldhigga ciidamada la weeraray, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Sidoo kale war ka soo baxay Al-Shabaab oo looga hadlay duulaankaasi ayaa waxa ay ku sheegtay inay khasaare gaarsiisay ciidanka Kenya, balse ma cadeyn inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana la sheegay ciidamada dalka Kenya ay weerarka kadib dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabeen deegaannada u dhow xadka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay weerarkaan waxay shaaciyeen in ay ka hortageen, ayaga oo intaasi ku daray inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari oo xuduud dheer la leh Soomaaliya.

Weeerarkaan cusub ayaa ku soo beegmaya, ayada oo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaaliya & dariskeeda, waxaana ugu dambeeyey duulaankii ay dhowaan ku qaadeen dalka Itoobiya, gaar ahaan dhulka dowlad deegaanka.

Si kastaba, dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa ka mid ah wadamada ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxa ayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Halkee marayaan wada-hadallada madaxtooyada iyo baarlamanka Puntland?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in ay mar kale xalay kulan yeesheen guddi ka socday baarlamaanka Puntland iyo madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo looga hadlayey xiisadda ka taagan Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa xiisadda u dhexeysa baarlamaanka iyo madaxtooyada, taas oo ka dhalatay magacaabista xubnaha maxkamadda sare oo ay ka biyo diideen golaha wakiilada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in haatan ay jirto isku soo dhowaasho labada dhinac ah, taas oo meesha looga saarayo mad-madowga soo kala dhex-galay madaxtooyada & baarlamaanka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweyne Saciid Deni ayaa ballan-qaaday in uu mar kale soo magacaabayo xubnaha maxkamadda sare ee ay goluhu horey u diideen inay meel-mariyaan, taas oo xudun u noqotay khilaafka siyaasadeed ee ka jira magaalada Garoowe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Puntland ay keensadeen xubnaha qaar ee loo magacaabayo maxkamadda sare, taas oo ay cadaadis ku saarayaan madaxweynaha oo horey laba jeer ku adkeysatay xubnaha laga diiday.

Waxaa sidoo kale suuragal ah in madaxweynuhu ciyaaro shax kale, isla-markaana uu soo celiyo tiro kamid ah xubnihii hore loo diidanaa ee uu u magacaabay maxkamadda sare.

Si kastaba, xiisaddani ayaa si weyn u saameysay wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, taas oo hoos u dhacday.

Maxay reer Hiiraan uga dhigan tahay magacaabista golaha wasiirada HirShabelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ayada oo xalay saq-dhexe madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe uu magacaabay golihiisa wasiirada oo ka kooban 80 xubnood oo isugu jiro wasiiro, wasiir ku-xigeenno iyo wasiiru dowleyaal ayaa waxaa ka dhashay fal-celin xoogan.

Cali Guudlaawe oo labo sano ay ku qaadatay inuu soo dhiso xukuumaddaan cusub ayaa durbo kala kulmay dhaleeceyn xoogan oo uga imaaneysa dhinaca reer Hiiraan.

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee ka ka soo jeeda Hiiraan ayaa si weyn u dhaliilay liiska golaha wasiirada ee uu ku dhowaaqay madaxweynaha HirShabelle.

Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka mid ah xubnahaas oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in aysan marnaba ku qanacsaneyn wasiirada cusub ee la soo magacaabay iyo guud ahaan hab dhismeedka dowlad goboleedka HirShabelle.

“Waxaan marnaba indhaha laga qabsan karin Xaalada HirShabelle iyo sida aay wax ku soc’daan, Waxaan baadi goob u’galeynaa helista hirshabelle ku dhisan aqoon iyo awood qeybsi midnimo leh HirShabelada shaqsiga jeebka ku wato waa laga saraaya insha allaah Dadka aan ku matalo kursiga xildhibaannimada ee reer Hiiraan marna kuma qanacsaneen dhisida Hirshabelle,” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay sii wadi doonaan baadi goob uu sheegay inay ugu jiraan xaq ka maqan reer Hiiraan, isaga oo tilmaamay in aysan xal u arkin wasaaradaha loo kala wareejiyey laba beelood, sida ka muuqata golaha wasiirada cusub ee HirShabelle.

“Waxaana hormuud ka noqon doonaa helista xaqa naga maqan Wasaaradaha loo’kala wareejiyey Labada Beelood ma ahan wax lagu seexin karo Dadkeyga Xaqa iyo xaquuqda kamaqan ayaa ka Baaxad weyn xisaabta shaqsiga gaarka ah uu wato Hadii guudlawe uu Diiday in uu talo iyo tusma ka Dhageysto madaxda deeganka waxaan sugeynaa Halka uu ku furo Geediga” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaanku.

Dhankiisa xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale oo isna ka soo jeeda Hiiraan ayaa ka hadlay arrintaan, wuxuuna si adag uga horyimid xukuumadda uu soo dhisay Guudlaawe.

“HirShabelle Geel markii loo heeso goronyo ayey u heestaa, dadkeygoow haba ku mashquulina HirShabelle sidii aad u diideen ha ahaato, waqti badan, hanti iyo dhiig ayaa idinka galay in aad heshaan maamul labadaas gobol ah oo loo dhan yahay nasiib wanaag maanta matalaad dhab ah oo idin hor boodo ayaad heysataan” ayuu yiri Maxamed Buraale.

HirShabelle ayaa mudo dheer ku jirtay khilaafaad dhanka maamulka ah taas oo ka dhalatay doorashadii madaxweyne Guudlaawe, waxayna taas hoos u dhigtay horumarkii maamulka.

Guterres oo ka carooday dad ay laayeen ciidamada nabad ilaalinta ee QM

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa sheegay inuu aad uga carooday ka dib markii ugu yaraan 2 qof ay ku dhinteen markii ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ta ee ku sugan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ay rasaas ku fureen deegaan ku yaalla xudduudka oo ay dadka isaga gudbaan.

Waxaa sidoo kale dhacdadan ku dhaawacmay illaa 15 qof oo kale, sida ay shaacisay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaasi.

War qoraal ah oo uu soo saaray Mr Guterres ayaa ku baaqay in lala xisaabtamo ciidamada dhacdadaasi kadib.

Sidoo kale waxay arrintaan dhacday xili ay ciidamada xoog kaga soo tallaabeen xuduudka Uganda, una sii gudbeen dhanka Bariga DR Congo.

Madaxa howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, Monusco, ayaa sheegay in la xiray ciidamadii dhibaatadaas geystay isla markaana la baarayo.

Muuqaal la soo duubay ayaa muujinaya in uu muran dhacay ka hor inta aysan ciidamada ka tirsan howlgalka Qaramada Midoobay aysan billaabin in ay dadka toogtaan.

Toddobaadkii la soo dhaafay waxaa dhacay dibadbaxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday howlgalka Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, waxay dadka ku eedeeyeen ciidamada inay ku guuldareysteen inay ka hortagaan weerarada kooxaha hubeysan.

Jahwareerka ka dhashay RAALI-GELINTII uu bixiyey afhayeenka Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa raali-gelin ka bixiyey hadal uu horey u sheegay oo la xiriiray wada-hadalladii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ee magaalada Qaahira.

“Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa si khaldan fahamtay una xigtay qaar ka mid ah jawaabaheyga intii lagu guda jiray warbixin aan 27-kii July ka siiyey booqashadii taariikhiga aheyd ee madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Qaahira iyo wada-hadalladii xigay ee uu la yeeshay dhiggiisa madaxweyne Abdelfatah el-Sisi,” ayuu yiri Cabdikariim.

“Waxaan ka cudur daaranayaa in si khaldan loo fahmay loona xigtay sharaxaad aan ka bixiyey hadalladii madaxweyne Sisi uu ka sheegay shirkii jaraa’id ee ay madaxweyne Xasan Sheekh ku wada qabteen qasriga madaxweynaha Al-Ittihadiya.”

Cudurdaarka uu bixiyey Cabdikariim, ayaa dhaliyey su’aalo ka badan jawaabihii uu isku dayey inuu bixiyo, waxaana ka muuqday khaladaad iyo jahwareer badan oo ay ka mid yihiin:

1- Cabdikariim wuxuu sheegay inuu raali-gelin ka bixinayo in warbaahinta ay si khaldan u xigteen. Balse xaqiiqda ayaa ah, haddii adiga aadan sheegin wax khaldan uma baahnid inaad raali-gelin bixiso. Haddii ay kula tahay in warkaaga si khaldan loo xigtay oo loo fasiray, waxaa kuu banaan laba kaliya; inaad dib ugu celiiso sida aad warka u tiri oo sharaxad dheeri ah raaciso, oo ka saaraya mugdi kasta; iyo inaad ka aamusto haddii ay kula tahay in markii horeba warkaagu caddaa. Balse adiga oo raali-gelin bixinaya, haddana eedda cid kale dusha kama saari kartid.

2- Su’aasha ugu weyn ee ka dhalatay raali-gelinta afhayeenka ayaa ahyd: Muxuu horta raali-gelin ka bixinayaa? Ama muxuu yahay hadalka uu sheegay in sida khaldan loo fasiray? Labadaba kuma caddeyn qoraalkiisa. Kaar waxaan ka fileynay inuu noo sheego hadalka “sida khaldan loo dhigay” iyo sida saxda ah ee uu rabay in loo tabiyo.

3- Qoraalka kasoo baxay afhayeenka wuxuu dhaliyey jahwareer cusub, oo ku saabsan halka ay Soomaaliya ka taagan tahay biyo-xireenka muranka dhaliyey ee Itoobiya ay ka sameyneyso webiga Nile. Hadalkii Sisi ee Qaahira wuxuu ahaa in Soomaaliya ay la qabto cambaareynta ah; in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis lagu wada aheyn. Haddana waxaa hadalkaas ka daba yimid afyaheenka Villa Somalia oo u dhigay in Soomaaliya aysan la safan Masar. Haddana mar kale isagaa ka daba yimid hadalkiisii una muuqda inuu ka laabanayo, taasi oo sheekada u celineysa halkii ay joogtay Qaahira iyo in Soomaaliya hadda raacsan tahay dhanka Masar.

Arrintan waxa kale oo ay dhalineysa su’aal ah; in cudurdaarka ka yimid afhayeenka uu ka dhashay cadaadis ka yimid dhanka Masaarida oo ku saabsan in Soomaaliya ka laabatay arrin ay labada madaxweyne isku soo raaceen.

4- Wax ay ahaataba afhayeenka Villa Somalia wuxuu dowladda Soomaaliya, shacabka iyo warbaahintaba geliyey jahwareer siyaasadeed. Wuxuu u muuqda qof aad u jecel hadalka, marka hadalka batana waxaa bata khaladaadka. Wuxuu marar badan isku dayaa inuu ka hadlo ama sharxo waxyaabo ay diblomaasiyad ahaan ku habooneyd in laga aamuso. Marka uu ka hadlana wuxuu dhexgalaa khalad diblomaasiyad.

DF oo qiimeyn yaab leh kasoo saartay ciyaal weerada Xamar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa soo saaray warbixin lix biloodle ah, taas oo lagu cadeeyey heerka kala sareynta 5-tii falal dambiyeed ee la diiwaan galiyay 6-dii bilood ee lasoo dhaafay.

Falal dembiyeedyadii dhacay waxaa ugu badanaa kuwa ay geysteen ciyaal weerarada Muqdisho ka dilaacday bilihii ugu dambeeyey, waxaana dhaca iyo dilalka ay ciyaal weeradu geysteen lagu qiimeeyey 34% dhamaan dembiyadii dhacay.

1,137 falal dembiyeed ayaa la diiwaan geliyey sida lagu soo bandhigay warbixinta, 705 oo dhiganta 68% fal-dembiyeedyadii dhacay ayaa u gudbay maxkamadaha dalka, halka 432 oo u dhiganta 32% dembiyadii dhacay ay weli yaallaan kiisaskooda.

Dembiyada la diiwaan geliyey lixdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa laga diiwaan geliyey dhinacyada Nafsiga, maaliyadda, maandooriyaha, tacadiyada jinsiga iyo tahriibka.

Dhaca iyo dilalka ciyaal weerada ayaa ugu badan dembiyada la diiwaan geliyey, waxaana lagu qiimeeyey 34%, waxaa ku soo xiga shilalka oo gaaray 21%, dilalka iyo dhaawacyada kale ayaa lagu qiimeeyey 20%, tacadiyada jinsiga ayaa gaaray 17%, halka tuugnimada caadiga ah laga diiwaan geliyey 8%.

Dhacdooyinkaan waxaa la diiwaan geliyey intii u dhaxeysay bilihii Janaayo iyo Juun ee sanadkaan 2022-ka, sida lagu cadeeyey shax uu soo saaray xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dowladda.

Hoos ka eeg shaxda

Al-Shabaab oo dishay wiil iyo gabar walaalo ahaa kadibna sheegtay sabab yaab leh

0

Ceelwaaq (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta fagaare ku yalla degaan hoos taga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxay ku dileen wiil iyo garab walaalo ahaa, kuwaas oo ay ku eedeeyeen basaasnimo.

Al-Shabaab ayaa Cabdisalaan Cusmaan Buraash iyo Aamino Cusmaan Buraash oo walaalo ahaa maanta ku toogtay degaanka Girileey oo hoos taga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Walaalaha ay toogteen Al-Shabaab waxay ku eedeeyeen inay u basaasayeen dowladda Kenya, waxayna goobtii toogashadu ka dhacday isugu keeneen dhamaan dadkii ku noolaa deegaanka oo ehellada labada marxuum ay ku jiraan.

Bayaan ka soo baxay kooxda oo lagu baahiyey warbaahinta taageerta ayaa lagu sheegay in dadka la dilay ay u shaqeynayeen sirdoonka Kenya, deegaanka Giriley ee walaalahaas lagu toogtay ayaa aad ugu dhow xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe, sidaan oo kale fagaare ku yaalla deegaanka Buulaay ee gobolka Bay, waxay ku dishay 7 nin, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday ciidamo Kenyaan oo ilaalo u ahaa shaqaale ajaanib ah oo ka howlgala mashruuc dhisme ah oo ka socda gobolka Lamu, gaar ahaan degaanada Boday iyo Ijaara.

War ay weerarkaas ka soo saareen Al-Shabaab waxay ku sheegteen in askar ay ka dileen ciidamada Kenya oo goobta isaga firxaday, sidoo kale labo gaari ayey sheegeen inay goobta uga carareen.

SACIID DENI oo billaabay OLOLE siyaasadeed cusub

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan muhiim ah xarunta Madaxtooyada ee Garoowe kula qaatay Guddiga Kumeel gaarka ah ee doorashooyinka iyo wakiilada ururada siyaasadda Puntland.

Kulanka ayaa lagu lafa-guray dardar-gelinta iyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo hadda ay socoto diyaarinta Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Puntland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Sida ay soo warinayaan illo-wareedyo lagu kalsoon yahay madaxweyne Deni ayaa waxa uu guddiga la wadaagay warbixin ku saabsan qorshaha xukuumadiisa, ka hor inta uusan ka dhamaan muddo xileedkiisa.

Deni ayaa raba in uu sii dardar-geliyo barnaamijka doorashooyinka hanaanka dimuqraadiga ah, si markale uu ololaha doorashada ugu galo, xili ay u harsan tahay wax ka yar labo sano.

Waxaa xusid mudan intii ay socotay doorashada tijaabada ah ee goleyaasha deegaanka in Deni iyo ururkiisa kuraas badan kaga guuleystay laba kamid ah musharaxiintii uu tartanka la galay 2019-kii.

Sidoo kale waxa uu ururka talada haya ee Kaah uu dhankiisa ku fashilmay dhisida golaha deegaanka Eyl, ayada oo qaar kamid ah ururada siyaasadda Puntland ay doorashadii ugu dambeysay ee saddex degmo ay sheegeen inay hareeyeen wax is-dabamarin.

Dhinaca kale, Saciid Deni ayaa isla shalay magaalada Garoowe kula kulmay odayaal dhaqameed, ayada oo illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn waxxa uu ku saabsanaa wada-hadalkaas oo gebi ahaanba saxaafadu dibad-joog ka aheyd.

Isku soo wada duubo Deni oo u muuqda in uu durtaba diyaarinayo soo laabashadiisa maamulka xili sanado u hadhsan yihiin ayaa waxa caqabado hor leh ku noqday hindisihiisa dhowr arrimood oo xalkooda looga fadhiyo, kuwaasi oo kamid yihiin; sicir bararka, tirakoobka dadweynaha oo aan la sameyn, isku-dhacyada hubeysan ee Boosaaso iyo dilaacida qabaa’ilo aad u hubeysan.

Wararkii ugu dambeeyey ee dhismaha xukuumadda Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa heer gabogebo ah maraya wada-halladii ugu dambeeyay ee madaxda sare ee dalka ay ka yeelanayaan dhismaha xukuumadda cusub ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa muddooyinkii u dambeeyay kulamo la qaadanayay waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka iyo qaybaha kale duwan ee bulshada oo uu kala hadlayey xukuumadda cusub ee lagu wado in la soo dhiso toddobaadkaan gudahiisa.

Xamza Cabdi Barre oo ay horay uga dhamaatay muddadii xeer hoostaadka golaha shacabka xaqa u siinayay in ra’iisul wasaaraha uu kusoo magaacabo xukuumaddiisa, ayaa hadda haysta 4 maalin kadib markii loogu daray 10 cisho oo dheeri ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa ku jira hadda kulamadii ugu dambeeyay ee lagu soo dhisi lahaa xukuumadda cusub ee la waregeysa talada dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedyada, wuxuuna u qaabilayaa qeyb-qeyb.

Ujeedka kulamadaan ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii xalay ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug aysan ka soo qeyb gelin Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metela Beesha Murusade.

Sida ay sheegeyso xogtaan xildhibaanada beesha Murusade ayaa saluugsan xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Wasiirka beesha Murusade ayaa la filayaa in la siiyo xildhibaan hore Xasan Macallin oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, qeybna ka ahaa ololihii lagu doortay madaxweynaha.

Afarta maalin ee soo socota ayaa lagu wadaa in ra’iisu lwasaaraha uu ku soo magacaabo xukuumad la wareegta talada si looga baxo xilgaarsiinta. 

Sawirro: Xasan Sheekh oo tababar usoo xiray saraakiil kasoo baxday TURKSOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tababbar u soo xiray Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.

Madaxweynaha oo uga mahadceliyey dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo si buuxda ula wareega sugidda amniga dalka.

“Hirgelintii dugsigan waxa ay billow u tahay in wakhti dhow aan gaarno in aan si buuxda, gudaha dalkeenna, ugu tababbaranno ciidankeenna. Waxaan u hamablyeynayaa waalidiinta, walaalaha iyo qoysaska ay ka soo jeedaan Saraakiishan iyo kuwii ka horreeyeyba ee halkan ka bixi jiray in ay u oggolaadaan ubadkooda ku biiridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliyeed laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka gurracan ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo qiyamka suuban ee diinteenna.

Dhankooda, Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xiriirta in ay difaacayaan dalka, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyeha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyey QARAXII Jowhar

0

Jowhar (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 17 bishaan ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Hirshabelle.

Al-Shabaab ayaa magaca qofkii  fuliyey qaraxaas ku sheegtay Maxamed Cabdullqaadir Maxamed oo magaciisa afgarashada ahaa (Bukhaari).

Ninka is qarxiyey ayaa wareysiga laga qaaday ka hor inta uusan is qarxin oo hadda lasoo badhigay ku sheegay inuu ku dhashay magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Wuxuu sheegay inuu kasoo jeedo beesha Jareerweyne gaar ahaan lafta Miyaawe. Ninkaan is qarxiyey ayaa sheegay inuu kooxda jabhadda ee Al-Shabaab ka tirsanaa muddo 4 sano ah.

Wareysiga ayuu sidoo kale ku sheegay inuu kasoo qeyb galay dagaalo badan oo ka dhacay gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Qaraxa uu ninkaan fuliyey ayaa ka dhacay magaalada Jowhar waxaana mas’uuliyiinta ku dhaawacmay kamid ahaa wasiirka haweenka dowlad Gobaleedka Hirshabelle Caasho khalif, Wasiirka Caafimaadka Hirshabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye kuxigeenka hore Baarlamaanka Hirshabelle Canab Axmed Ciise iyo Xildhibaan hore jeego.

Cagjar oo sheego yaab leh ka sameeyey dagaalka Liyuu Boolis iyo Kooxda Al-Shabab

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka, Mustafe Muxumed Cagjar oo warbixin siinayey baarlamaanka deegaanka ayaa xog cusub ka bixiyey dagaalkii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee u dhexeeyey Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Cagjar oo su’aallo uga jawaabay xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad deegaanka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladaas ay khasaare ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka hortageen halis ku soo wajahneyd deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale tilmaamay in uu aaminsan yahay in illaa 600 oo dagaalyahaan laga dilay kooxda Al-Shabaab, maalmihii ay socdeen howlgallada.

Waxa kale oo uu qiray in dhankooda uu khasaare ka soo gaaray dagaalladaasi, balse ma shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray askarta ciidanka Liyuu Boolis.

“Waxaan aaminsanahay in 600 oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maalmahaan socday, illaa kuwii shalay, adna waxbaa kaa dhimanaya dabcan, aan ku dilo oo waxbana iga dhiman maayaan socon mayso, waa in la ogaado inaan dagaal ku jirno,” ayuu yiri Cagjar.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay gudaha u galaan Itoobiya, kadina ay ka sameystaan saldhigyo ay ka qalqal-geliyaan amniga.

“Ujeedadoodu waxay aheyd inay deegaanka soo galaan, ciidan fara badan soo galiyaan, oo halkaas ay ka jabhadeeyaan. Laakiin, fursadaas lama siin,” ayuu raaciyey madaxweynuhu.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa ayaduna horey guullo waa weyn uga sheegatay dagaalladii ay la gashay ciidamada Liyuu Boolis, kadib duulaankii ay ku qaadeen dowlad deegaanka.

Xildhibaanada Murusade oo ka baaqday kulan uu Xasan la yeeshay BF + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedyada, wuxuuna u qaabilayaa qeyb-qeyb.

Ujeedka kulamadaan ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii xalay ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug aysan ka soo qeyb gelin Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metela Beesha Murusade.

Sida ay sheegeyso xogtaan xildhibaanada beesha Murusade ayaa saluugsan xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Wasiirka beesha Murusade ayaa la filayaa in la siiyo xildhibaan hore Xasan Macallin oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, qeybna ka ahaa ololihii lagu doortay madaxweynaha.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda la soo saaro liiska golaha wasiirrada Soomaaliya.

Afar maalmood ayaa ka hartay mudadii uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre baarlamaanka ka codsaday inay u ogolaadaan, si la tashiyadiisa xulashada wasiirrada uu waqti dheeraad ah ugu helo.

Al-Shabaab oo meel fagaare ah ku dishay 7 qof + Sababta

0

Baydhbao (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe goob fagaare ah ku dishay ku dhowaad 10 nin oo lagu eedeeyey inay ahaayeen basaasiin, waxaana lagu toogtay fagaare weyn oo ku yaalla deegaanka Buulaay ee gobolka Baay.

Raggan oo gaaraya illaa 7 nin ayaa lagu toogtay hal goob, sida ay baahisay warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab, waxaana halkaas ku sugnaa dadweyne fara badan.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in ragga la dilay inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayey dowladda Soomaaliya, Mareykanka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Halkan hoose ka aqriso magacyada ragga la toogtay:-

1-Cadaawe Cabdullaahi Dhicisow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay sirdoonka Mareykanka, uuna u gudbiyay warbixino ku saabsan saraakiisha Al-Shabaab.

2-Cali Maxamed Madoowe oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu Koonfur Galbeed kala shaqeeyey weerar ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

3-Ceymooy Geedi Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur Galbeed, uuna ku soo hoggaamiyay rag ka tirsan Al-Shabaab oo horey la dilay.

4-Towfiiq Jinow Aadan oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, Isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

5-Colaad Cabdiraxmaan Maxamed oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, uuna qeyb ka ahaa duqeyn lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab.

6-Mayow Maxamed Yarow oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada Koonfur Galbeed ee jooga  Diinsoor, kaas oo dhowr jeer la dagaalamay Al-Shabaab.

7-Cabdiraxmaan Isaaq Ibraahim oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Uganda oo jawaab ka bixisay hadalkii kooxda Al-Shabaab

0

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Uganda ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhowaan ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka ciidamada milatariga Uganda oo lagu magacaabo Brig Gen Felix Kulayigye ayaa beeniyey hadalkii kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee ahaa inay askar ka tirsanaa ciidamada Uganda ku dileen qaraxaas oo uu fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa.

Brig Gen Felix ayaa shaaca ka qaaday in askartooda ay badqabaan, islamarkaana aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in askar looga dilay weerarkii ka dhacay magaallo xeebeedka Marka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ciidamadooda oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ay haatan howlgallo ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose, ayaga oo amniga ka taageeraya ciidamada Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa horey u shaacisay in illaa 12 askari oo ka tirsanaa ciidamada Uganda ay qay ka ahaayeen dadkii ku dhintay weerarkii is qarxinta ee ka dhacay degmada Marka.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab  waana dalka ugu badan ee ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Sikastaba, waxaa weerarkii Markii toos loola beegsaday oo ku dhintay guddoomiyihii maamulka degmadaasi Cabdullaahi Cali Waafow iyo dad kale oo ay ku jiraan askar.

Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA oo howlgallo culus ka fuliyey Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimads Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa xalay howlgallo si wadajir ah uga sameeyey qaybo ka mid ah degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka degmadaasi.

Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay dhalinyaro aad u u fara badan oo qaarkood ku eedeysan dhac iyo ciyaal weero, sida ay shaaciyeen laamaha amnigu.

Taliyaha qaybta bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge oo u warramay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalka, wuxuuna sheegay in dadka la soo qab-qabtay ay kala saareen, isla-markaana kuwa tuhmanayaal ah ay ku xireen saldhigga degmada Kaaraan.

“Waxaan ku soo qabanay dad fara badan kala shaandheyn dheer, kadib waxaan ka helnay waxyaabo aan tuhunsanahay, saldhigga ayaana la geynayaa” ayuu yiri taliye Goofgooje.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray taliyuhu inay gacanta ku dhigeen inta ay wadeen howlgallada mindiyo iyo hub sharci darro ah

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha degmada Kaaraan, Abishir Kaaraan, wuxuuna uga digay shacabka inay qariyaan dadka dambiilayaasha ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale u mahadceliyey ciidamada ammaanka ee xalay howlgallada ka sameeyey degmada Kaaraan oo ay inta badan ka dhacaan falal amni darro ah.

“Reer Kaaraan waxaan uga digayaa in la qariyo qofka dambiilaha ah, ciddii qarisaa waa la mid, waxaan leenahay hay’adihii caawa howlgalay waa mahadsan yihiin,” ayuu yiri.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howlgallada ka socda caasimada, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

GALMUDUG iyo dowlad degaanka oo kala saxiixday heshiis ka dhan ah Al-Shabab

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Maamul Goboleedka Galmudug iyo Dowlad degaanka Soomaalida ayaa kala saxiiday heshiis ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo dhawaanahaan waday duulaan ka dhan ah xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya,.

Heshiiskaan oo ay kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta dhinaca ammaanka ee labada dhinac ayaa ujeedkiisa ugu weyn yahay xoojinta iskaashiga dhanka nabadgelyada xadka xilliDowlad Deegaanka

Beddel Xiis oo ah la taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in iyaga Galmudug ay ku heshiiyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen weerarrada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imaanaya xilli uu is-badal xooggan ku yimid ammaanka degaannada ku teedsan xudduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa sheegay in todobaadkan ay mas’uuliyiintu qorsheeyeen in meel ka baxsan dhulka Itoobiya laga sameeyo “aag ammaan ah” si looga hortago weerarradaas “maxaa yeelay ma sugi karno cadawgu ilaa uu halkan noogu yimaad”, ayuu yiri muuqaal la soo dhigay Twitter-ka

Wasaaradda warfaafinta dalka Itoobiya oo Jimhihii warmurtiyeedkeeda toddobaadlaha soo saartay waxay sheegtay ku dhawaad 500 oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-Shabaab iney toddobaadki hore xadka Itoobiya soo tallaabeen.

Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika (Africom), General Steven Townsend, wuxuu sheegay iney u muuqato ciidamada Itoobiya iney jabiyeen isla-markaana ay xakameeyeen duullaanka Al-Shabaab uu ku soo qaaday, ayna dhici karto Al-Shabaab weerarrada noocan ah iney sii wadi doonaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa muddo ku siman 15 sano dagaal hubeysan kula jira dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Howlgalka ee Midowga Afrika.

Biden oo markii labaad laga helay COVID-19 iyo wararkii ugu dambeeyey ee xaalkiisa

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu khasbay in uu galo karantiil kadib markii labaad muddo 10 maalmood ah laga helay cudurka Covid-19.

Farriin uu soo diray madaxweynaha wuxuu sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay wanaagsan tahay.

Maamulka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa hakiyey dhammaan booqashooyinkii u qorsheysnaa Madaxweynaha, wuxuuna maalmaha soo socda ka shaqeyn doona guriga.

Sagaal maalmood ka hor ayay aheyd markii feyraskan laga helay, waxaana madaxweynaha lagu daweeyay dawada ka hortegta feyraska ee Paxlovid.

Dhakhaatiirta ayaa rumeysan in Biden uu la il-darnaa xaalad naadir ah oo dib u soo kabasha ah oo lagu arkay bukaanada qaar eek u dhacay Covid-19.

Joe Biden oo 79 jir ah ayaa todobaadkii tagey laga waayey dhowr jeer virus-ka balse dib ugu soo rogaal celiyay shalay, taas oo lagu ogaaday baaris markale lagu sameeyey.

Diyaaradaha ITOOBIYA oo duqeymo culus geystay iyo Al-Shabab oo qorshe wadda

0

Xudur ( Caasimada Online) – Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ayaa shalay duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan Bakool oo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen, halkaasi oo dagaalo ay ka socdeen maalmihii dhowaa.

Duqeymahaan ayaa ka dhacay degaan lagu magacaabo Garasweyne oo 50 KM galbeed ka xiga magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Halkaas waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo waday abaabulka duulaan ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Ilaa hadda ma jirto cid xaqiijisay inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay duqeymahaas, waxaana aad u liidatay isgaarsiinta deegaanada dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Maleeshiyaad badan ay ku uruurinayaan deegaanada Gobolka Bakool ee ku teedsan xadka uu gobolkaasi la wadaago dalka Itoobiya.  

Duqeyntaan waxay ku soo aadeysaa ayadoo Jimcihii ciidamada Liyuu Boolis lagu laayey degaanka Aato, kadib weerar culus oo Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaankaas.

Bayaan ay kooxdu ka soo saartay weerarkii ay Jimcihii shalay ku qaaday Aato, waxay ku sheegatay inay Liyuu Boolis ka dileen in ka badan 150 askari, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydad aad u badan.

Xog: Xaaladda Fu’aad Shongole iyo waxa ka jira arrinta ay sheegatay Itoobiya

0

Muqdiaho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaa nool Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ka mid ah madaxda ugu sareysa Al-Shabaab, kaas oo dowladda Itoobiya ay xalay shaacisay inay dishay.

Sidoo kale Caasimada Online waxay baaritaanka xogtan ku ogaatay in Fu’aad Shangole uu soo gaaray dhaawac fudud oo sababay in loo qaado magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, halkaas oo hadda lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

Fu’aad Shangole ayaa ku dhaawacmay dagaal culus oo Jimcihii ay Al-Shabaab ku qaadeen degnaaka Aato ee gobolka Bakool oo dhaca xuduuda gobolkaasi uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida, halkaasi oo ay kula dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis.

Sidoo kale Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka howlgallada Al-Shabaab oo ka mid ahaa xubnihii ay Itoobiya sheegtay inay ku dishay dagaalka ayaa soo hadlay, isagoo sheeganaya guulo ay ka gaareen dagaalkii ay ciidamada Liyuu Boolis kula galeen degaanka Aato.

Fu’aad Shangole ayaa ah madaxa abaabulka iyo tashkiilinta dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid yahay madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiinta dollar.

Madaxa Sirdoonka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa xalay Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency u sheegay inay dileen sedaxdaan hoggaamiye oo kala ah Fu’aad Shangole, Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.

Todobaadkii tegay Fu’aad Shangole warbaahinta kula hadlay duleedka degaanka Aato ee gobolka Bakool, wuxuu xiligaas u khudbeynayey dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna ku goodinayey inay isku diyaariyaan weerarro culus oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.