26.1 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Xog: Xaaladda Fu’aad Shongole iyo waxa ka jira arrinta ay sheegatay Itoobiya

0

Muqdiaho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaa nool Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ka mid ah madaxda ugu sareysa Al-Shabaab, kaas oo dowladda Itoobiya ay xalay shaacisay inay dishay.

Sidoo kale Caasimada Online waxay baaritaanka xogtan ku ogaatay in Fu’aad Shangole uu soo gaaray dhaawac fudud oo sababay in loo qaado magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, halkaas oo hadda lagu dabiibayo xaaladiisa caafimaad.

Fu’aad Shangole ayaa ku dhaawacmay dagaal culus oo Jimcihii ay Al-Shabaab ku qaadeen degnaaka Aato ee gobolka Bakool oo dhaca xuduuda gobolkaasi uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida, halkaasi oo ay kula dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis.

Sidoo kale Cabdicasiis Abuu Muscab oo ah afhayeenka howlgallada Al-Shabaab oo ka mid ahaa xubnihii ay Itoobiya sheegtay inay ku dishay dagaalka ayaa soo hadlay, isagoo sheeganaya guulo ay ka gaareen dagaalkii ay ciidamada Liyuu Boolis kula galeen degaanka Aato.

Fu’aad Shangole ayaa ah madaxa abaabulka iyo tashkiilinta dagaalyahanada Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid yahay madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiinta dollar.

Madaxa Sirdoonka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa xalay Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency u sheegay inay dileen sedaxdaan hoggaamiye oo kala ah Fu’aad Shangole, Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu yahay madaxa Al-Shabaab u qaabilsan abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.

Todobaadkii tegay Fu’aad Shangole warbaahinta kula hadlay duleedka degaanka Aato ee gobolka Bakool, wuxuu xiligaas u khudbeynayey dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab, wuxuuna ku goodinayey inay isku diyaariyaan weerarro culus oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Daawo: Deni oo soo saaray digniin ku aadan dagaalka Al-Shabaab iyo Itoobiya

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay dagaallada ka socda xaduuda Soomaaliya iyo Itoobiya ee u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad khatar ah markii la eego dhanka ammaanka, isagoo si adag ula dardaarmay dadka reer Puntland.

“Dalku wuxuu ku socdaa xaalad mudan in si dhow loola socdo oo dhanka amniga ah, dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, waa inay feejignaan amni muujiyaan,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Saciid Deni oo sii hadlayey ayaa yiri, “Waxyaabaha ka dhacaya Soomaaliya iyo Itoobiya, waa wax cusub oo midnimo looga badbaadi karo, waxaan ugu baaqayaa dadka reer Puntland in dowladnimadooda ay difaacdaan oo cadowga iska dhiciyaan, muujiya feejignaan amni, lana shaqeeya hey’adaha amniga.”

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa dadka reer Puntland u sheegay in dowladnimadu aysan ku koobneyn masuulka hoggaaminaya, balse ay tahay wax waaraya oo la wada leeyahay.

“Soomaaliya mar ayey dowladi ka burburtay 1991-kii, hadda waxaa socda dhisme dowladeed oo runtii meel fiican maraya, waxaan Alle ka baryaa in dib dambe aysan nooga burburin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Saciid Deni ayaa si gaar ah ula hadlay waxgaradka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay in aysan isku xirin dantooda iyo tan guud.

“Waxaa la rabaa dowladnimadu inay noqoto wax dadku wada leeyahay, qofkii dan gaara wata waa inuu meelo kale ka raadsado, marka bulsho u shaqeyntu waa inay noqoto aas-aaska nidaamkeena siyaasiga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Hoos ka daawo 

Qorshaha ka dambeeya mushaarka loo kordhiyay ciidanka iyo shaqaalaha NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa kordhisay mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ee hay’adda, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay hey’adaas oo lagu faafiyey warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Hannaanka mushaar kordhinta ee hay’adda NISA waxaa la waafajiyey, sida qoraalka lagu sheegay, kala sareynta darajada, tirada mushaaraadkii hore ee qof walba iyo cabirka aqoonta.

Waxay tallaabadaan imaneysaa laba bilood kadib markii Mahad Maxamed Salaad loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka.

Sida wararku sheegayaan, labadii bilood ee lasoo dhaafay hoggaanka cusub ee hay’adda NISA wuxuu jaray lacag kumanaan kun oo dollar ah oo laga bixin jiray xisaabaadka hay’adda, taasi oo lasiin jiray dhinacyo siyaasadeed, saaxiibo iyo xubno madaxtooyada kusoo wareejisay hay’adda si loo hayo,

Lacagahaas la jaray iyo kab hay’adda sameysay ayaa la sheegay inuu sahlay mushaar kordhinta lagu dhawaaqay laba berri ka hor.

Ciidanka hubeysan ee NISA iyo shaqaalaha rayidka ah labaduba waa ka mushaar yaraayeen ciidanka iyo shaqaalaha hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya. Tan waxaa loo arkaa sababta uu Mahad Salaad u doortay dalacsiinta mushaarka.

Haddaba maxaa laga faa’idi doonaa mushaar kordhinta?

  1. Dardargelin shaqo

Mushaar kordhinta lagu dhawaaqay ee hay’adda NISA waxaa la aaminsan yahay inay sare u qaadi doonto heeganka howlaha cusub, hoggaansanaanta iyo horumarinta shaqada hay’adda oo ay howl-wadeenada ka qaadi doonaa  firfircooni dardar gelisa howlaha hey’adda.

  1. Hoos u dhaca laaluushka iyo musuq-maasuqa

NISA, gaar ahaan xabsiyada ay hay’adda maamusho, waxaa sanado badan ka jiray eedo la xiiray laaluush iyo wax is-daba marin lagula kaco maxaabiista.

Dhaqaale yariddu qeyb ayey ka aheyd arrimahaas. Isbadalka lagu sameeyey mushaaraadka hay’adda waxaa la aaminsan yahay inuu xal u noqon karo tixanaha wax isdabamarinta.

  1. Kalsoonida nidaamka cusub

Tallaabada loo qaaday kordhinta xaqsiinta ciidanka iyo shaqaalaha hay’adda NISA, ayaa dad badan qabaan, inay dhalineyso rajo cusub oo ku wajahan nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Hay’adaha kale ee dowladda inay qaadaan tallaabooyin noocaan ah, ayaa la aaminsan yahay, inay sii xoojin karto kalsoonida lagu qabi karo dowladda cusub.

  1. Mahad Maxamed Salaad

Taliyaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad wuxuu ku af bilowday dhacdo loo wada riyaaqay. Mushaaar kordhinta uu sameeyey waxay dad badan qabaan inay u sahli doonto wada-shaqeyn mug leh iyo inay dhabaha u xaarto inuu ku guuleysto mashruuciisa NISA.

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Al-Shabaab iyo Liyuu Boolis oo guulo laga sheegtay

Catao (Caasimada Online) – Waxaa isasoo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo ururka Al-Shabaab ee deegaanka Caato ee gobalka Bakool.

Labada dhinac ayaa guullo waawayn ka sheegtay dagaalka. Ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay inay ku dhawaad 170 Al-Shabaab ah ku dileen deegaanka Caato, kuwaasi oo ay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Al-Shabaab ayaa baraha bulshada ay isticmaalaan waxa ay ku faafiyeen in dagaalkii ka dhacay xadka ay guulo badan ka gaareen ayna ku dileen 150 ka tirsan Liyuu Police, sidoo kalena ay ku qabsadeen maxaabiis iyo saanad ciidan.

Dagaalka ayaa ah mid culus, waxaana wararka ay sheegayaan in Al-Shabaab ay isticmaalayaan gaadiid dagaal oo ay horey uga qabsadeen ciidamada AMISOM.

Waxaa sidoo kale dagaalka ka qeyb-galay diyaaradah dagaalka Itoobiya, sida ay sheegtay kooxda Al-Shabaab, balse si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Dalgaalka u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidanka Liyuu Police oo kaashanaya kuwa federalka ayaa galay asbuucii labaad, waxaana dhowr jeer uu ka dhacay xadka Hiiraan iyo Bokool ay la wadaagaan dalkaas.

Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay hore u sheegtay inay soo gabagabaysay dagaalkii ka dhacay gudaha dalkaas, kadib markii Al-Shabaab ay galeen gobolka Afdheer.

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Al-Shabaab ay galaan kana dhex-dagaalamaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya. 

Itoobiya ayaa shalay sheegatay inay dagaalka ku dileen saddex sarkaal oo sare oo Al-Shabaab ka tirsan kuwaas oo kala ah; Fu’aad Shongole, Cabdicasiis Abuu Muscab iyo Cubeyda Nuur Ciise.

Hase yeeshee kadib warkaas waxaa hadlay Abu Muscab oo guulo ka sheegtay dagaalka, taasi oo shaki gelineysa sax ahaanshaha warka Itoobiya.

Wasiirkii arrimaha gudaha Jubaland, Jeneraal Maxamed Darwiish oo geeriyooday

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta maamul gobaleedka Jubbaland General Maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka oo u joogay arrimo caafimaad.

Geerida Wasiirka ayaa lagu xaqiijiyey war kasoo baxay madaxtooyada maamulkaas oo lagu daabacay baraha bulshada.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeey geerida ku timid wasiirka isaga oo tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa sheegay in wasiirka geeriyooday uu door muhiim ah kasoo qaatay dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeesay geerida ku timid Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish.

Halkaa hoose ka akhriso qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Jubbaland

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkii, qaraaabadii, saxiibadii, shacabka Jubaland iyo guud ahaan Ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timid alle ha u naxariistee Wasiirkii arimaha gudaha federaalaynta iyo dib u heshiisiinta Marxuum Gen: Maxamed Warsame Darwiish oo ku geeriyooday dalka jarmalka oo wakhtiyadii lasoo dhaafay uu arimo caafimaad u joogay.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu si weyn ugu suntan yahay qalbiyada Bulshada Jubaland oo uu qeyb weyn ka ahaa dadaaladii dhismaha Jubaland iyo sidoo kale wasaaradahii uu kasoo shaqeeyay iyo dhismahii hay’adaha kala duwan ee dowlada oo uu door muhiim ah ku lahaa.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in marxuumku uu hada gacanta ku hayay dadaalo baaxad leh oo lagu daadajinayo maamulka gaar ahaan dhismaha golayaasha deegaanka oo wasaaradiisu ay hormuud u ahayd.

Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa alle uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo janadii fardowso isagoo samir iyo iimaan u rajeeyay dhammaan shacabka Jubaland, Ummada Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku.

Xarunta baarlamanka Ciraaq oo la qabsaday + Sawirro

Baghdad (Caasimada Online) – Taageerayaasha wadaadka awoodda badan ee Moqtada Sadr ayaa maanta jebiyey xeendaabka aagga aadka loo ilaaliyo ee “Green Zone” waxayna qabsadeen xaruntii baarlamanka, taasi oo kasii dareysa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Ciraaq.

Waa markii labaad ee maalmo gudahood oo taageerayaasha Sadr ay xooga ku galaan xarumta sharci-dejinta, bilo kadib markii ay dhaceen doorashooyin ku guuldarreystay inay hoggaamiyaan dhismaha xukuumad.

Taageerayaasha Sadr, oo mar hoggaamiyey kacdoon maleeshiyo oo ka dhan ahaa ciidamada Mareykanka iyo Ciraaq, ayaa kasoo horjeeda ku dhowaaqista Mohammed al-Sudani, oo xisbi xiriir la leh Iran ay doonayaan inay ka dhigaan ra’iisul wasaare.

Dibad-baxayaasha ayaa haatinayey calanka Ciraaq iyo sawirrada wadaadka, ayaga oo ku dhexjira xarunta baarlamanka.

Waxay xarunta galeen kadib markii kumanaan ka mid ah ay buuxiyeen buundo gasha aagga Green Zone ee magaalada Baghdad, kahor inta aanay boqolaal ka mid ah iska qaadin dhagxaan waa weyn oo lagu gooyey albaabada laga galo.

Ciidamada amniga ayaa rasaas iyo sunta dadka ka ilmeysiisa ka riday aaggan oo xarun u ah safaaradaha shisheeye, xarumaha kale ee dowladda Ciraaq iyo baarlamanka.

Waxaa ku dhaawacmay qaar ka mid ah dibad-baxayaashii ku suugnaa buundada, kuwaas oo ay qaadeen banana-baxayaasha kale ee la socday. 

“Shacabka oo idil adiga ayey kula jiraan Sayyed Moqtada,” ayey ku qeylinayeen taageerayaasha. 

Xisbiga Moqtada Sadr ayaa helay kuraastii ugu badneyd ee doorashadii dhacday October, balse ma gaarin aqlabiyad ay kusoo dhisi karaan dowlad. Toban bilood kadib waxaa weli is-mari waa uu ka taagan yahay dhismaha xukuumad.

Sadr, oo muddo saameyn ku lahaa siyaasadda Ciraaq, ayaa haysta malaayiin taageeerayaal naftood hurayaal oo Shiico ah.

Taageerayaashiisa ayaa kasoo horjeeda musharaxnimada wasiir iyo barasaab hore, oo ay axsaabta ku xiran Iran u wadaan xilka ra’iisul wasaaraha.

Dibad-baxyada ayaa ah caqabaddii ugu dambeysay ee uu wajahayo dalka shidaalka hodanka ku ah ee Ciraaq.

Taageerayaasha ayaa xarunta ka baxay kadib markii ay haysteen muddo laba saac ah, balse waxay ku baxeen oo kaliya markii uu Moqtada Sadr uu sidaas u sheegay.

Xog: Xubnaha uu khilaafka xooggan ka taagan yahay ee magacaabista G/Wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa weli ku howlan dhammeystirka liiska Golaha Wasiirada xukuumadiisa cusub oo muddo 10 maalmood oo dheeraad ah uu siiyay baarlamanka.

Maalmihii ugu danbeeyay ayuu Ra’iisal Wasaaraha kulamo is daba joog ah la yeelanayey qeybaha bulshada, isagoo kala hadlayey dhismaha xukuumadda, waxaase la ogyahay in kulamadaas aan lagu soo qaadin awood qeybsiga iyo xulista wasiirada oo shirarka muhiimka ah ay dhacaan habeenadii, ayna u dhaxeeyaan madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha iyo guddoonnada labada aqal ee baarlamanka.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in xilalka la isku hayo ay ugu horeeyaan laba jago wasiir oo ay kala leeyihiin jufooyin kasoo kala jeeda beelaha ay metelaan guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Timacadde.

Xilka Wasiir ee Beelaha uu metelo Sheekh Aadan Madoobe waxaa ku heysta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kala wataan laba shaqsi, arrintan oo weli laga heshiin, isla markaana keentay in Sheekh Aadan Madoobe culeys ku noqdo rabitaanka Xasan Sheekh.

Xilka wasiir ee beesha uu kasoo jeedo Cabdullaahi Timacadde ayaa isna la isku hayaa cidda la siinayo, waxaana laba shaqsi oo kala duwan kala wata ra’iisal wasaaraha iyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in Timacadde ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad diidan qofka uu ra’iisul wasaare Xamza u arko midka ugu manaasabsan ee la siin karo kursigaas.

Aqalka sare aad muhiim uguma ahan xukuumadda maadaama uusan ansixin iyo ridid midna saameyn karin, taasu oo yareyneysa awoodda Timacadde, waxaana sahlan in rabitaankiisa meel la iska dhigo.

Marka laga soo tago labadan xil wasaaradeed ee khilaafka ugu weyn ka jiro, waxaa kaloo jira xilal ka badan 10 wasiir iyo wasiir ku xigeen oo aan go’aan kama danbeys laga gaarin qofkii kusoo bixi lahaa oo laba ilaa saddex qof u sharxan yihiin, kuwaas oo go’aan ka gaaristooda aysan adkeyn.

Ugu danbeyn waxaa la filayaa in Golaha Wasiirada cusub lagu dhawaaqo maalmaha soo socda iyadoo 10-ka berri ee ra’iisal wasaare Xamza loo kordhiyey mudadda magacaabista ay ku eg tahay 5-ta August. 

Xigasho: Goobjooge

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay Baydhabo

0

Baydhabo (Caasimada Onine) – Wararka laga helayo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada ammaanka maamulkaas ay howlgallo culus ka bilaabeen Baydhabo, kadib markii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weeraro ka bilaabeen magaaladaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaciyey inay heleen xog sheegeysa in Baydhabo ay soo galeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya inay weeraro ka geystaan magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay bilaabeen baaritaano iyo dabagal ay ku hayaan xubnaha Al-Shabaab, si looga hortago falal amni darro ah oo ay ka geystaan halkaasi.

Ciidamada howlgallada wada ayaa baaraya gaadiidka iyo dadweynaha, waxayna sidoo kale baaritaano ka wadaan baraha koontarool ee laga soo galo magaalada.

Dhaq-dhaqaaqyadaan cusub ayaa kusoo aadayo, xilli shalay saaladdii Jimcaha kadib qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Baydhabo, kaas oo lagu dilay wasiirkii cadaaladda Koonfur Galbeed iyo wiil uu dhalay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ku dhowaad 10 kale.

Weerarkaan waxaa sidoo kale ka horreeyey qarax kale oo ka dhacay magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow & dad kale.

Sikastaba, Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wajaheyso xaalad amni tii ugu darneyd, waxaana madaxweyne Lafta Gareen uu kulan isugu yeeray saraakiisha maamulkaasi.

Xasan Sheekh oo war kasoo saaray amniga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Masjidka Shuhadaa ee ku dhex yaallo xarunta madaxtooyada, kadib Salaaddii Jimcaha ayaa ka hadlay ammaanka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah carabka ugu goday dhibaatooyinka adag ee ay xilligaan wajahayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhaca ka socda magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray dadka shacabka ah, wuxuuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska Soomaaliyeed.

“Dadka deggan magaalada Muqdisho waxaan leenahay walaalayaal ciidamada amniga halala shaqeeyo, waxaan leeyahay dib ha isugu noqdaano,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka go’an tahay in la xaqiijiyo amniga, si looga hortego falalka amni darrada ah ee xilligaan ka dhacaya caasimada Muqdisho.

“Dowladda waxaa ka go’an in amniga la sugo waa saxeynaa, waana la ciqaabayaa askariga qaldan waa la toosinaa, waana la daba socdaa,” ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dagaal ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Jilib Marka, kaas oo lagu qaaday kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in howlgalkaasi khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen koontarool ku yaalla halkaas, balse ma shaacin khasaaraha rasmiga ah.

“Jilib Marka saaka howlgallo waa weyn ayaa ka dhacay nimankii nabad diidka ahaa ayaa lagu laayey waddada ayey taagnaayeen ee dadka ku dhibaayeen askari ayaa qatartaas u qaatay,” ayuu markale yiri madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan qaybo badan oo ka mid ah dalka, waxaana Al-Shabaab dhankooda ay kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka, ayaga oo xittaa u tallaabay dhanka xadka Itoobiya.

Abuu Muscab oo soo hadlay xilli Itoobiya ay sheegtay in la dilay iyo AL-SHABAAB oo guul ka sheegatay dagaalka

Aato (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanto Aato ee gobolka Bakool ee dhexmaray dagaalyahanada kooxdaas iyo ciidamada Liyuu Booliska ee gobolka Soomaalida Itoobiya.  

Abu Muscab ayaa sheegay inay dagaalka xuduudda ku dileen 150 askari oo ka mid ah Liyuu Boolis.

“Khasaaraha dhimashada wuxuu gaaray 150 askari oo ka tirsan Liyuu Boolis. Meydadka 103 ka mid ah ayaa isbarkan deegaanka Aato,” ayuu yiri Abu Muscab.

Abu Muscab ayaa sidoo kale sheegtay inay dagaalka ku qabteen maxaabiis, ayna gacanta ku dhigeen saanado hub ah.  

Dhinaca kale, warbaahinta kooxda Al-Shabaab ay soo bandhigay sawirrada meydad ay sheegeen inay yihiin Liyuu Boolis, inkasta oo aan la xaqiijin karin sax ahaanshaha sawirrada iyo cidda ay yihiin meydadka lasoo bandhigay. 

Maamulka Gobolka Soomaalida ayaan weli ka hadlin dagaalka. Balse Jeneraal u hadlay ciidamada federaalka Itoobiya Tesfaye Ayalew ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen 150 ka mid ah dagaalyahanada kooxda. 

Waxa uu sidoo kale sheegay inay burburiyeen sahay hub iyo cunto ah oo ay wateen. 

Tesfaye Ayalew ayaa sheegtay in dadka ay dileen ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Abu Muscab, Fu’aad Shongole iyo Cubeyda Nuur Ciise.

Si kastaba, hadalka Abu Muscab ayaa warbaahinta Al-Shabaab lasoo dhigay saacado kadib sheegashada Itoobiya ee dilkiisa, balse si dhab ah looma oga xilliga la duubay codka. 

Laba arrimood oo sababay kororka weerarada Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoogaga kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey sare u qaaday weerarada ay ka fuliyaan gudaha dalka iyo sidoo kale dalalka dariska, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Kenya oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.

Haddaba maxaa sabab u ah kororka weerarada Al-Shabaab?

Cabdirixiin Budul oo ah falanqeeye ka soo jeedo deegaanka Soomalida ee Itoobiya ayaa ka hadlay kororka ku yimid weerarada Al-Shabaab, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda VOA-da.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in kooxdu ay ka faa’iideysaneyso xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan wajaheyso dagaallo sokeeye iyo dhibaatooyin kale.

“Anniga aragtideyda waxa ay ila tahay Al-Shabaab xilligaan waxa ay ka faa’iideysaneysaa marxaladda kala guurka ah ee Soomaaliya ee siyaasaddeeda ku timid, waxaynu ognahay in xukuumaddii hore la beddelay, xukuumad cusubna la doortay, welina dhismaheeda uusan dhammeystirmin xilligaas kala guurka ah oo uu nimdaamka dowliga xooganeyn ayaan annigu is leeyahay fursad ayey u arkaan,” ayuu yiri falanqeeye Cabdirixiin Budul.

Budul ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in laba sababood ay keeneen kororka Al-Shabaab, tan koowaad wuxuu ku sheegay inay arkeen in aysan haatan wanaagsaneyn wada-shaqeynta dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, tan labaad ayuu ku sheegay inay is tuseen in Itoobiya ay hadda jilicsan tahay, marka loo eego xaaladaha adag ee ka jira dalkeeda.

“Waxay sidoo kale taas keentay in Itoobiya oo ay is leeyihiin wada shaqeyntii ay la lahaayeen Soomaaliya ma wanaagsana xilligaan, ayadana dagaallo sokeeye iyo dhibaatooyinbaa ka jira oo waa xilligi ugu jilicsaneyd Itoobiya, marka labadaasi sabab oo ay labada dowladood ka qaateenbey ila tahay inay dagaalladooda kor u qaadeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Soomaaliya qaraxyadii ayey ku badiyeen, xaggaana weeraro toos ah ayey ku soo qaadeen, marka sidaa ayey is tuseen ayey anniga ila tahay,”.

Sikastaba, Al-Shabaab ayaa shaley waxay qarax ku dishay wasiirkii cadaaladda maamulka Koonfur Galbeed iyo wiilkiisa, dhowr qof oo kale way ku dhaawacmeen, ayada oo ay ka sii horreysay qaraxii lagu dilay guddoomiyihii maamulka degmada Marka iyo masuuliyin kale, sidoo kale dagaalkii ay ku qaadeen buuraleyda gobolka Afdheer ee Itoobiya ayaa socda.

Kalluumeysatada Soomaaliya oo shaaciyey arrin ka duwan heshiiska lala galay Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Heshiiskii ay dhawaan labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ku kala saxiixdeen Nairobi ee la isku weydaarsanayay ganacsiga qaadka iyo kalluunka kaddib, ayay ganacsatada Soomaaliya sheegayaan in aanay weli fursad u helin in Kenya ay u dhoofiyaan kalluunkooda.

Guddoomiye ku-xigeenka Dalladda Kalluumeeysatada Soomaaliya Muuse Cabduqaadir Ducaale oo wereysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa sheegay inay jiraan caqabado ay wajahayaan.

“Ilaa iyo hadda heshii 10 qodob ah baa la galay baa la yiri, waxaana 10-kaasi qodob ka mid ah in kalluunka loo dhoofiyo Kenya, balse ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Dalladda Kaluumeeysatada Soomaaliya oo loo yeeray oo lagala hadlay arrintan,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in heshiiska ka hor ay ku habbooneyd in loo yeero kalluumeysatada oo lala wadaago qorshaha la damacsan yahay.

Muuse oo ayaa la waydiiyey inay iyaga isku dayeen in ay la xiriiraan dowladda Soomaaliya ama xitaa tan Kenya, waxa uuna sheegay in hadda kahor ay mar madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmeen shir ka dhacay Nairobi oo arrintan ay kala hadleen.

“Waxaan kala hadalnay in kalluunka aan keenno oo dhowr jeerna aan arrintaas ku celcelinnay. Si dukumiintiyeysan baan ula wadaagnay kaddibna waxay nagu dhaheen ‘keena’ balse si Indirect ah [Dadban] baa lagaala dagaallamayaa kalluunka. Waayeel tag lama dhaho ee wuxuu ku tago ayaa la tusaa.”

“Waxaa lagu saarayaa canshuur badan oo aadan qaadan karin. Waxaa kaloo jira xujooyin badan oo ay ka mid tahay xagga dhoofinta. Waxay ahayd in dhammaan arrimahaas mid mid loo dul istaago oo laga wadahadlo. Horay ayaa ugu daalnay.”

Waxa uu tilmaamay in ilaa haatan aysan jirin cid isu timid oo arrimahaas ka hadashay haddii ay dowladda ahaan lahayd ama ganacsatadaba.

Muuse Cabduqaadir waxa uu sheegay inay iyaga dhankooda diyaar u yihiin inay dhoofiyaan kalluunka, balse ay jiraan waxyaabo badan oo ka horreeya.

“Waxaa ka horreeya qaabka kalluunka loo geyn lahaa iyo qoladii qaadan lahayd, marka haddii ay labada dowladood aysan daacad ka noqon, kalluumeysato kalluun ma dhoofin karto.”

Dhanka dowladda Soomaaliya oo aan la xiriirnay si aan jawaab ugu helno dhaliilahaas ay kalluumeysatadu u soo jeedinayaan, kama aynan helin wax jawaab ah.

Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa 15-kii bishan booqasho rasmi ah ku tagay dalka Kenya. Kulamo uu la yeeshay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyata ayay ku kala saxiixdeen heshiis dhowr iyo toban qodob ka kooban.

Kulankaas kaddib labada hoggaamiye ayaa shir jaraa’id qabtay, kaas oo lagu shaaciyay heshiis 11 qodob ka kooban oo uu ka mid yahay in si dhaqso ah dib loogu billaabo qaadka Kenya ee loo dhoofin jiray Soomaaliya.

Heshiiskaas qeybta khuseysa qaadka wuxuu dhaqangalay 24-kii bishaan. Diyaaraddii ugu horreysay ee sidday qaad laga dhoofiyay Kenya ayaana ka degtay Muqdisho, muddo ku dhow labo sano oo xayiraad ah kaddib.

Qodobbadii kale marka laga yimaado kalluunka Soomaaliya waxaa ka mid ahaa in Soomaaliya laga caawiyo ka mid noqoshada Dalladda Ganasiga Bariga Afrika, muwaadiniinta Soomaalida in loo fududeeyo dal-ku-galka Kenya, in danaha labada dal si wadajir ah looga shaqeeyo, in la ixtiraamo madaxbannaanidda, in la iska kaashado arrimaha bani’aadannimada, in la iska kaashado la-dagaallanka argagixisada iyo sirdoonka labada dal.

Isha: BBC

Fanaanad Shakira oo sideed sano oo xabsi ah wajaheysa

Madrid (Caasimada Online) – Dacwad-oogayaasha dalka Spain ayaa sheegay inay raadin doonaan in ka badan sideed sano oo xabsi oo lagu xukumo fanaanadda caanka ka ah dunida ee Shakira, kadib markii ay diiday inay heshiis ka gasho eedeymo khiyaano canshuur ah oo loo haysto. 

Dacwad-oogayaasha magaalada Barcelona ayaa sidoo kale dalban doona ganaax dhan 24 milyan oo euro oo la saaro fanaanaddan 45 jirka ah.

Waxa ay Shakira ku eedeeyeen inay xafiiska canshuur uruurinta Spain ka khiyaantay 14.5 milyan oo Euro oo dakhli ah intii u dhaxeysa 2012 illaa 2014.

Shakira, oo iibisay in ka badan 60 milyan oo album oo heesaheeda ah, ayaa Arbacadii diiday inay heshiis la gasho dacwad-oogayaasha, waxaana bayaan ay soo saartay oo ay baahiyeen qareenadeeda ku sheegtay “inay si buuxda u hubto inaysan dambi gelin,” sidaas darteedna ay go’aansatay in kiiskeeda maxkamad la geeyo.

“Waxaan ka ku kalsoonahay in dambi la’aanteyda la xaqiijin doono,” ayey tiri. 

Weli laguma dhowaaqin Maxkamadda kiiskan qaadi doonto, loomana qaban waqti. 

Qareenada Shakira, oo ah mid ka mid ah fanaaniinta ugu caansan caalamka, ayaa sheegay in heshiis la gaaro uu weli suurta-gal yahay illaa maxkamadeynta ay billaabato. 

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Shakira ay usoo guurtay Spain 2011, kadib markii xiriirkeeda xiddiga Barcelona Gerard Pique uu noqday mid shaacsan, hase yeeshee deegaankeeda rasmiga uu ahaa Bahamas illaa 2015, sababo la xiriira canshuuraha dartood.

Shakira iyo Pique oo laba caruur ah leh ayaa bishii June ku dhowaaqay inay kala furteen.

Shakira ayaa Arbacadii dhalleeceysay “xadgudub buuxa oo lagu sameeyey xuquuqdeeda” iyo “hanaanka xadgudubka ah” ee xafiiska dacwad-oogaha uu adeegsaday.

Waxa ay intaas ku dartay in dacwad-oogayaasha ay sidoo kale doonayaan inay canshuuraan lacag ay ka heshay bandhigyada faneed ee ay ku qabato dalalka kale ee caalamka.

Qareenadeeda waxay sheegeen in illaa 2014 ay inta badan lacagteeda ka heshay bandhigyada caalamka, ay Spain si rasmi ah ugu soo guurtay 2015, kadibna ay kasoo baxday dhammaan waajibkaadkeeda canshuuro. 

Shakira ayaa intaas ku dartay inay bixisay 17.2 milyan oo Euro oo casnhuurta Spain ah, islamarkaana aysan jirin “wax canshuur ah oo waaxda dakhli uruurinta ay ku leedahay.”

KENYA oo ku hanjabtay in Facebook ay dalkeeda ka mamnuuceyso + sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Hay’adda ilaalisa is-dhexgalka qowmiyadaha Kenya ayaa u qabatay shirkadda maamusha Facebook ee Meta muddo toddobo maalmood ah inay wax ka qabato waxa ay ugu yeertay hadallada nacaybka iyo kicinta ee la xiriira doorashada bisha soo socota, haddii kale laga mamnuucayo dalka Kenya.

Dalka ugu dhaqaalaha weyn Bariga Afrika ayaa ku jira ololihiisa doorashada kahor doorashooyinka madaxtinimo, sharci-dejinta iyo dowladaha hoose ee 9-ka Agoosto.

Kooxda u doodda xuquuqda aadanaha ee Global Witness ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistii ku sheegtay in Facebook ay aqbashay oo ay tallaabo ka qaadday in ka badan 12 xayaysiis siyaasadeed oo kahor imaanaya shuruucda Kenya.

Guddiga qaran ee isku dhafka iyo isdhexgalka ee Kenya (NCIC) ayaa sheegay in warbixintu ay xaqiijineyso natiijooyinkeeda gudaha.

“Facebook-gu waxa uu ku xad-gudbay shuruucda dalkeenna. Waxay isu oggolaadeen in ay noqdaan kuwa horseeda hadallada nacaybka iyo kicinta, war-xumada iyo wal-walgelinta,” ayuu yiri Danvas Makori, oo ah guddoomiyaha NCIC.

“SHirkadda Meta ee Facebook waxa ay qaaday “tallaabooyin ballaaran” si ay meesha uga saarto hadallada naceybka ah iyo waxyaabaha xanafta leh, waxayna sii xoojinaysaa dadaalladaas kahor doorashada” ayuu afhayeen u hadlay shirkadda u sheegay Reuters.

“Waxaan leenahay kooxo u heellan dadka ku hadla Sawaaxiliga iyo tignoolajiyad ogaaneysa si ay nooga caawiyaan in si deg deg oo ballaaran looga saaro waxyaabaha waxyeelada leh,” ayuu yiri afhayeenku.

Taageerayaasha musharixiinta caanka ah ee madaxweynaha, hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka William Ruto, ayaa baraha bulshada u isticmaalaya in ay ku ammaanaan musharraxiintooda, kana dhaadhiciyaan dadka kale inay ku soo biiraan, ama ay ku eedeeyeen dhinacyada ka soo horjeeda dambiyo kala duwan.

VOA + Reuters.

Itoobiya oo ku dhawaaqday inay dishay Fu’aad Shongole, Abu Muscab iyo Cubeyda

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in dagaalka ka socda dhulka Soomaali Galbeed lagu dilay seddax hoggaamiye oo sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee gudaha u gashay Itoobiya.

Saraakiisha ay Itoobiya shaacisay in laga dilay Al-Shabaab ayaa kala ah:

1 – Fu’aad Maxamed Khaliif (Fu’aad Shangole) oo ahaa Madaxii abaabulka iyo tashkiilinta Al-Shabaab, sidoo kale Shangole wuxuu kamid ahaa madaxda Al-Shabaab ee dowladda Mareykanka ay madaxooda dul dhigtay malaayiin dollar.

2 – Cabdicasiis Abuu Muscab oo ahaa afhayeenkii howlgallada ee kooxda Al-Shabaab.

3 – Cubeyda Nuur Ciise oo la sheegay inuu ahaa madixii Al-Shabaab u qaabilsanaa abaabulka ay kooxdu ka wado xuduudka dowlad deegaanka Soomaalida iyo Gobalka Bakool ee Soomaaliya.

Wakaalada Wararka Itoobiya ee Ethiopian News Agency oo soo xiganeysa madaxda sirdoonka dowladda federaalka Itoobiya Major General Tesfaye Ayalew ayaa baahisay warkaan lagu shaaciyey geerida sedaxdaan hogaamiye.

Sidoo kale warkaan ka soo baxay madaxa sirdoonka Itoobiya waxaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay burburiyeen bakhaaradii uu ku keysanaa hubka ay kooxda Al-Shabaab u diyaarisay inay weerarto wadanka Itoobiya.

Todobaadkii tegay Fu’aad Shangole oo ka mid ah ragga geeridooda la shaaciyey ayaa dagaalyahano badan oo ka tirsan Al-Shabaab wuxuu kula hadlay xuduuda, wuxuuna ku goodinayey inay isku diyaariyaan weerarro culus oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya.

Warkaan ay baahisay warbaahinta Itoobiya wuxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta ay Al-Shabaab sheegteen in weerarkii ay ku qaadeen magaalada Aato ay ku dileen in ka badan 150 askari oo ciidamada Liyuu Boolis ah, waxaana warbaahinta kooxda lagu soo bandhigay sawirrada meydad badan.

Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh oo fariin muhiim ah u diray dadka Soomaaliyeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka hadlay xaaladda abaareed ee dalka ka jirta, isagoo walaac ka muujiyey nolosha adag ee soo wajahday malaayiin Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbadaan ka jeediyey masaajid ku dhex yaalla madaxtooyada salaadii Jimcada ee maanta kadib ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u gurmadaan kuwooda la dhibaateysan abaaraha gobollada dalka ka jira.

“Abaartu walaalayaal waa sii adkaatay, heerkii aan cabsida badan ka qabnay ee macaluusha ayey ku dhowdahay hadda, dhimasho ayaa dadka ku bilaabatay, xoolihiina horay ayey u dhamaadeen,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa dadka wax heysta ka codsaday inay sii laba jibaaraan dadaaladooda caawinta danyarta, “Sax maaha in dadka qaar ay dhereg la seexa waayaan, qaarna baahi u dhintaan, waa la is weydiinayaa xaaladaan adag,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in maanta ay xaaladu joogto meel aad u adag, “Caruurta iyo waayeelkaa ugu daran, dadku waa dhimanayaan, waxaan idinka codsanayaan inaan ku noqono jeebkeena, si aan naf u badbaadino,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay qiimaha ay leedahay in naf la badbaadiyo iyo sida uu Alle u weyneeyey, balan qaadka uu Alle ka heysto qofkii naf badbaadiya.

Hoos ka daawo

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab iyo khasaaraha

0

Aato (Caasimada Online) – In ka badan 10 qof oo dhinacyaddii dagaalamay ah ayaa ku dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen dagaal saakay deegaanka Aato ee Gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Liyu Police ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia oo dhinac ah iyo maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarkan ay saakay ku qaadeen magaalada oo ay xilligaas ku sugnaayeen xidhibaanno ka tirsan baarlamanka Soomaaliya oo gobolka u tagay inay gargaar gaarsiiyaan dadka ay dagaaladu saameeyeen.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay VOA-da in Al-Shabaab ay weerarka oo socday qiyaastii saddex saacadood ay ku billaabeen hoobiyeyaal iyo gaari walxaha qaraxa laga soo buuxiyay.

Aaden Maxamed Nuur Saransoor oo ka mid ah xildhibaanada dowladda federalka Soomaaliya ee magaalada ku sugan ayaa VOA-da u sheegay in maleeshiyada Al-Shabaab ay dagaalkaasi u adeegsadeen gaadiidka gaashaaman, oo sida uu sheegay ay horey uga qaateen saldhigyo ay weerareen oo ay lahaayeen ciidmada Midowga Afrika.

Aaden Saransoor waxa kale oo uu sheegay inuu indhisiisa ku arkay dhowr iyo toban qof oo meyd ah.

Waxa uu intaas ku daray in Al-Shabaab ay isku dayeysay inay magaalada qabsato, balse ciidamadii kasoo horjeeday ay caabiyeen.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaalo ay maalmihii la soo dhaafay ay Al-Shabaab gudaha Ethiopia kula galeen Liyu Booliska Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo shalay dib ugu laabatay magaalada Jigjiga kadib muddo toddobaad ah oo uu ku maqnaa furimaha dagaalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka deegaanka ay jabiyeen qorshe sanad ay al-Shabab diyaarineysay, islamarkaana ay ku burburiyeen wax kayar saddex cisho.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale sheegay inay samaynayaan istiraatiijiyad ay Al-Shabaab uga hortagayaan kahor inta aysan soo galin xuduudda Ethiopia.

Taliyaha, Taliska ciidmada Mareykanka ee Afrika General Stephen Townsend ayaa shalay sheegay in isku dayga ay Al-Shabab ku dooneyso inay isku ballaariso Ethiopia intiisa badan la xakameeyay, hase yeeshee ay Al-Shabaab qorsheeyneyso weeraro kale bilaha soo socda.

Sida ay sheegeen xogo dhinaca sirdoonka ah, qiyaastii 500 oo dagaal yahan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa 50 mitir gudaha u galay Ethiopia toddobaadkii la soo dhaafay kahor.

Isha: VOA

XOG: Magacyada xubnaha R/W XAMZA kula dhegan dhismaha xukuumaddiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli walba oo lagu jiro dhismaha xukuumadda Soomaaliya, waxaa jira gacma badan oo isku daya inay saameyn ku yeeshaan shaqada socota iyagoo soo jeedinaya magacyo ay xilal u rabaan.

Ra’isul wasaaraha iyo madaxweynaha waxaa cadaadiya siyaasiyiin, xubno madax ka ah labada aqal, qabiilo iyo ganacsato, balse dhammaan dhinacyadaasi madaxda lama qaadaan fashil iyo dib u dhac wixii ay keenaan xubnihii ay u dagaalameen in wasiiro laga dhigo.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la shaaciyo xubnaha golaha wasiirada ee xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza. Wararka qaar waxay sheegayaan in Sabti ama Axad midkood la shaacin doono liiska. Toddobaadkii hore ayuu qorshuhu ahaa in liiska lasii daayo balse codsi ka yimid ra’iisul wasaaraha ayaa 10 beri dib loogu dhigay.

Hase ahaatee weli waxaa jira caqabado uu ra’iisul wasaare Xamza uu kala kulmayo xubnaha qaar gaar ahaan kuwa ay isaga isku qoondada yihiin.

Tusaale, guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdullaahi Timacadde ayaa cadaadis saaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud isagoo doonaya in laga talo geliyo qofka kusoo baxaya xubinta wasiirnimo ee gobolka Sool.

Xogaha waxay sheegayaan in madaxweyne Xasan Sheekh iska bari yeelay arrintaas oo uu guddoomiyaha u caddeeyey inuusan rabin inuu aad u fara geliyo xubnaha ku xisaabta ah ra’iisul wasaare Xamza ayna muhiim tahay in arrintaasi lagala hadlo ra’iisul wasaaraha.

Weli ma cadda mowqifka uu ra’iisul wasaaraha ka qaadan doono isku dayga guddoomiye Timacadde, iyadoo ay jirto in ra’iisul wasaarayaasha mar walba lagu qadarin jiray go’aan ka gaarista xubnaha ay isku qoondada yihiin.

Xog aan helnay ayaa sheegaya in Timacadde ay gadaal ka riixayaan shaqsiyaad diidan qofka uu ra’iisul wasaare Xamza u arko midka ugu manaasabsan ee la siin karo kursigaas.

Dhinaca kale, xubnaha baarlamanka ku matala Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ayaa iyagu qaatay go’aan kasoo horjeeda kan guddoomiye Timcadde oo ay ku arkaan inuu shaqsiyaad gaar ah wax la raadinayo halkii uu dhex dhexaad u  noqon lahaa darafyada loolanka ugu jira kursiga wasiirnimada.

Iyadoo dad badan muhiim u arkaan wada-tashiyada uu ra’iisul wasaaraha wado xilligaan ayaa haddana dhanka kale culeyska ka imaanaya guddoonka Aqalka sare wuxuu sii adkeenayaa xaaladda.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isna maalmihii tagay laga soo tabiyey inuu diidanaa sida uu ra’iisul wasaaraha u rabo inuu u xusho xubnaha reer woqooyiga ku matali doona golaha wasirada ee soo socda.

Aqalka sare aad muhiim uguma ahan xukuumadda maadaama uusan ansixin iyo ridid midna saameyn karin. Xamza Cabdi Barre waxaa loo yaqaanaa qofka inta badan doorbida madax-banaani.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa nin garanaya Xamza maadaama dadkii u tagay kula taliyey inay ra’iisul wasaaraha kala hadlaan rabitaankooda.

Cabdi Xaashi iyo Timacadde oo dhanka madaxweyne Xasan Sheekh culeys ka raadiyey ayaan la ogeyn sida ay hadda ra’iisul wasaarhaa uga iibin karaan rabitaankooda iyo dadka ay doonayaan in wasiiro looga dhigo.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa hortaalla inuu soo dhiso xukuumad ku filan inay dalkaan ka gudbiso xilliga adag, inuu la yimaado xubno ay is fahmi karaan, shaqada yaqaana, isku heyn kara isaga iyo golaha shacabka oo ah xubno aan lagu qasbin balse uu isagu dooqday.

Thaabit Cabdi oo u jawaabay Cagjar, farriina u diray DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir, Thabit Cabdi Maxamed oo hada ah hogaamiyaha Xisbiga Awoodda Shacabka ayaa si adag uga jawaabay hadal kasoo yeeray madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Cagjar, kaasi oo ku sheegay in uu aag ka sameysan doono meel ka baxsan xuduuda deegaankiisa.

Thabit Cabdi ayaa sheegay in hadalka kasoo yeeray Cagjar uu gef ku yahay curfiga xiriirka caalamiga ah ee dowladdaha u yaaLla, maadama ay Soomaaliya tahay dal madax-banaan oo lagu xad-gudbi karin xuduudihiisa.

“Itoobiya xaq ayay u leedahay iney iska difaacdo argagixisada dalkeeda ku soo duusha, balse madaxweynaha DDS ee Itoobiya labbo yuusan isku qaldin; Soomaaliya iyo Soomaali waxaa ka dhexeeya isir aan xuduud kala jara laheyn laakiin marka ay Dowladda Itoobiya tahay, Soomaaliya waa dal madaxbannaan oo xuduuddeeda laguma xadgudbi karo, iskaba daayee in ‘Security Buffer Zone’ laga sameysto,” ayuu yiri.

Thabit ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay si feejigan u fiiriyaan hadal iyo ficil kasta oo iin ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

“Waa in hadalladaas oo kale laga fiirsado haddii aan ogaal loo dhihin, waayo waa wax gef ku ah curfiga xiriirka caalamiga ee dowladdaha u yaal. Dowladda Soomaaliyana waa in ay si foojigan u eegto hadallada iyo ficil kasta oo iin ku ah madaxbannaanida dhulleed ee Soomaaliya.”

Si kastaba, Mustafe Cagjar ayaa xili uu dhawaan ku sugna deegaanada xuduuda ayaa waxa uu shaaciyay in maamulkiisu qorsheynayo sameynta “aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan deegaanka ismaamulka Soomaalida.”

Hadalka Cagjar ayaa marka indho kale lagu fiiriyo ahaa in maamulkiisa uu xad-gudub dhuleed ka sameynayo gudaha Soomaaliya, hase yeeshe markale oo uu fasiraad ka bixiyay uu ku sheegay in qorshahaas aysan uga dan laheyn xad-gudub, balse kaliya ay uga gaashamanayaan falalka cadowga iyo inay gudaha usoo galaan deegaanadooda.

Qarax lagu dilay wasiir, wiil uu dhalay iyo dad shacab ah oo ka dhacay BAYDHABA

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur, xubno ka mid ah qoyskiisa iyo dad kale oo shacab ah ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa lala eegtay qaraxa xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday salaaddii Jimcaha ee maanta, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday wasiirka iyo dad kale, waxaana qaraxa ku dhintay wasiirkii, wiil uu dhalay, qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo qaraxa ku dhaawacmay oo gaaraya illaa 11 qof, sida aan xogta ku helnay, ayada oo dadka dhaawac ahna uu ku jiro wiil kale oo wasiirka uu dhalay, taasi oo khasaaraha qoyska wasiirka ka dhigeysa saddex qof.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Baydhaba, waxaana ku jira kuwa ay xaaladdoodu liidato, sida uu sheegay weriye ku sugan isbitaalka.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso qaraxa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ayaa xiray waddooyinka soo gala aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.