26.1 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Qarax lagu dilay wasiir, wiil uu dhalay iyo dad shacab ah oo ka dhacay BAYDHABA

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Ibraahim Lugbuur, xubno ka mid ah qoyskiisa iyo dad kale oo shacab ah ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa lala eegtay qaraxa xilli uu kasoo baxay Masjid uu kusoo dukaday salaaddii Jimcaha ee maanta, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu beegsaday wasiirka iyo dad kale, waxaana qaraxa ku dhintay wasiirkii, wiil uu dhalay, qaar ka mid ah ilaaladiisa iyo dad shacab ah.

Waxaa sidoo kale jira dad kale oo qaraxa ku dhaawacmay oo gaaraya illaa 11 qof, sida aan xogta ku helnay, ayada oo dadka dhaawac ahna uu ku jiro wiil kale oo wasiirka uu dhalay, taasi oo khasaaraha qoyska wasiirka ka dhigeysa saddex qof.

Dadka dhaawaca ah ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Baydhaba, waxaana ku jira kuwa ay xaaladdoodu liidato, sida uu sheegay weriye ku sugan isbitaalka.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkasta oo loo badinayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku eedeeyey kooxda Al-Shabaab inay ka dambeyso qaraxa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Booliska Koonfur Galbeed ayaa xiray waddooyinka soo gala aaga uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad loo sameeynayo dadka ku waxyeeloobay qaraxa.

Al-Shabaab oo sheegasho yaab leh kasoo saartay dagaalkii maanta ee Liyuu Boolis

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa guulweyn ka sheegatay dagaalka maanta dib uga qarxay deegaanka Aato ee gobolka Bakool ee dhexmaraya kooxdaas iyo ciidamada Liyuu Boolis ee gobolka Soomaalida Itoobiya. 

Al-Shabaab ayaa xaqiijisay in dagaalka ay qaadeen dagaalyahanada kooxdaas, kuwaas oo sida ay sheegtay, beegsaday saldhigyo ay ciidamada Liyuu Boolis ku lahaayeen deegaanka Aato ee gobolka Bakool. 

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Sheekh Cabdicasiis Abu Muscab, ayaa sheegtay “inay cagta mariyeen saldhigyadii ciidamada Liyuu Boolis ayna dileen in ka badan 100 askari, tiro intaas ka bandanna ay dhaawaceen.” 

“Waxaan duullaan ku qaadnay maleeshiyaatka ku sugnaa deegaanka Aato ee Bakool, dagaal adag oon la galnay cadawga waxaan kaga qabsanay saldhigii ay ku jireen,” ayuu Sheekh Cabdicasiis Abu Muscabu u sheegay idaacadda Andalus ee kooxda. 

“Khasaaraha hordhaca ah ee aragnay waa dhimashada 103 ka tirsan maleeshiyada Liyuu Boolis ee xabashi kalkaalka ah, waxaa jira dhaawacyo badan oo ay dhulka baadiyaha ah ku firxaday, sidoo kale waxaan kasoo qabanay maxaabiis,” ayuu yiri. 

Maamulka Gobolka Soomaalida ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalka cusub. 

Maamulka wuxuu horey u sheegtay in dagaaladii maalmihii tegay dhex-maray labada dhinac ay kooxda Al-Shabaab uga dileen in ka badan 250 dagaal-yahan. 

Al-Shabaab ayaa dhanka kale sheegtay inay sidoo kale iska caabiyeen diyaaradah dagaalka Itoobiya oo kasoo qeyb-galay dagaalka, sida ay hadalka u dhigtay.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inuu dagaalka saakay saameyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo isku socodka dadka, islamarkaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Waa markii labaad oo degaanka Aato uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab muddo ka yar laba toddobaad gudahood, waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale ay Al-Shabaab ay weerareen degaanka Aato ayaga oo kadibna gudaha u galay gobolka Soomaalida.

Ganacsatada qaadka keenta Muqdisho oo go’aan xasaasi ah ku dhowaaqay maanta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ganacsatada Qaadka Miiroowga keenta ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen iney joojinayaan qaadkii ay keeni jireen

Guddiga ganacsatada ee ku mideysan dalada Qaadka Miiroowga keenta ayaa sheegay inaysan magaalada qaad keeni doonin muddo laba maalin ah maadaama ay la kulmeen culeysyo is biirsaday.

Ugu horeyn guddiga waxay sheegeen inay u mahad celinayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay sheegeen inuu ka shaqeeyey dib u fasixida keenista qaadka maadaama ay horey u  joojisay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddiga ayaa tilmaamay inay dhibaato ka heysato siyaasiyiin iyo xildhibaano hore oo dalaaliin ah iyo qiimo koror lagu sameeyey canshuurta laga qaado qaadka iyo sidoo kale qiimo kordhin ay sameeyeen beeraleyda qaadka laga soo iibiyo.

Waxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka dalbadeen inay la qaataan kulan si ay ugu soo bandhigaan dhibaatada agu hayo.

“Waxaan ka cabaneyna shaqsiyaad doonaya iney suuqa inagala baxaan oo ah siyaasiyiin iyo xildhibaano hore oo raadinaya shatiyo ganacsi, waxaa kaloo aan sheegaynaa inaan joojinay keenista qaadka mudo laba maalin ah, qiimo koror beeraleyda ay sameyen darteed, saddax maalin ayaan keenay qaadka waxaan ku bilawnay lacag dhan 800, haddana waxay mareysaa 1200 waana qiimo koror siyaado ah, waxaa noo sii dheer canshuur siyaado ah, waxaan madaxda ka dalbaneyna in arrintaasi wax ka qabtaan,” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada qaadka miiroowga keenta.

Guddiga waxay sidoo kale sheegeen in qarashaadka beeraleyda qaadka ay kordhiyeen iyo suuqa Muqdisho oo dhaqaale xumo la daalaan dhacaya aysan aheyn kuwa is kaafin kara saas darteed shaqo joojintooda ay soo dadajisay,.

Seddexdii maalin ee uu Qaadka kenya laga keenay imaanayey Muqdisho ayaa waxaa suuqyada lagu kala iibsanayey qiimo aad uga badan qiimihii horey loogu iibsan jiray, waxaana aad uga raqiisan midka laga keeno dalka Itoobiya.

KHATAR AAN MUUQAN – La safo ama ka safo dalka aad xuduudda wadaagtaan

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaalkiisii toddobaad, tan iyo markii dib loo doortay, ku tegay Axaddii July 24, 2022 dalka Masar. Madaxweynaha Masar Cabdel-Fattax al-Sisi oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in labada madaxweyne ay ka hadleen ayna isku afgarteen in buuxinta biyaxireenka uusan noqon karin mid HAL DHINAC keliya uu go’aansado. 

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Sisi waxuu ahaa hadal guud oo uu kaga ashtakoonayo in Itoobbiya buuxiso harada iyadoo aan lagala tashan si loo hubiyo inaan waxyeello loo geysan dalalka xiga dhanka uu ku dhammaado webiga – Masar iyo Suudaan (riparian countries). 

Biyaxireennada waxay kala leeyihiin ujeeddooyin badan. Qaar waxaa loo dhistaa si looga gaashaanto fatahaad ama biya yari. Qaar kalena waxaa loo adeegsado waraabinta beeraha amaseba laga dhaliyaa xoog koronto.

Biyaxireenka Itoobbiya (GERD), oo ah midka ugu weyn Afrika, qaadi karana wax ka badan 18 jeer biyaha Juubba (74 bilyan miti saddex jibbaaran,) waa mid koronto laga dhaliyo (6.5 Giga Watt). Biyaxireen kasta oo cusub ugu horreyntii waa in harada biyaha la buuxiyaa si looga faa’idsado biyaha. Haseyeeshee biyaxireennada waaweyn maangal ma aha in hal mar la wada buuxiyo haddii kale biyaba kuma harayaan webiga.

Itoobbiya markii lagu heshiinwaayay ayey laba jeer dhaansatay, iyadoo marka dambe ka faa’iideysatay biyaha roobab dheeri ah oo da’ay. Waxaa soo dhow markii sadeexaad oo la filayo in lagu heshiiyo. Saadaasha roobabka sanadkan waxay muujinaysaa inay biyaha badan yihiin oo farsama ahaan aysan dhibaata jirin, waana markii ugu dambayay.

Biyaha biyaxireenka laba meelood ayay ka baxaan: irdaha gunta hoose ku yaal iyo kuwa “xiintoyda – Spillway” dusheeda sare ka dhaadhaca. Haddeer oo harada aan la buuxin biyaha hoos keliya ayay ka baxaan, xiridda iyo furidda gacanta uguma jirto Itoobbiya.

Marka la buuxiyo biyaxireenka, biyiha waxay marayaan makiinadaha (Turbines) si ay u dhaqaajiyaan makiinahada korontada dhaliya (Generartors), kaddibna dhammaan biyaha waxay u gudbayaan Suudaan iyo Masar.

Haddaba aanu isweydiinee haddii biyaha dhammaantooda ay u gudbayaan Masar iyo Sudan, maxay Masar la welwelaysaa?

Xaalka Masar, waa “doob dareen baa dilay,” sababtoo ah furaha biyaxireenka gacanteeda kuma jiro. Sidaas darteed, waa inay qaylada badisaa si Itoobbiya aysan u go’aansan keligeeda jadwalka koronto dhalinta oo dhaawici kara jadwalka adeegsiga Masar iyo Suudaan.

Waxaa laga yaabaa in marka ay Itoobbiya u baahan tahay inay dhaliso korontada ugu badan Masar ay ku jirto waqtigii adeegsigeeda biyaha ugu badan yahay. Marka la rabo koronto badan in la dhaliyo waa in biyo badan la keydiyaa oo sare loo qaadaa heerka biyaha ee harada, taasoo keenaysaa in muddo ah in la yareeyo biya socda.

Dowladaha xiga xagga isha webiga marar badan waxay ku takrifalaan kuwa ka hooseeya. Dalkii aan haddeer cabaadaynin sida Soomaaliya oo kale “waa u kaadi,” sababtoo ah Itoobbiya waxay mar kasta yarayn kartaa ama xiran kartaa biyaha webiyada Soomaaliya.

Warka muhiimka ah ee warmurtieedka Sisi ayaa ahaa, “iyadoo la raacayo mabaadi’da ku habboon ee Xeerka Caalamiga ah waxaa loo baahan yahay in la gaaro, iyadoo aan dib loo dhigin, heshiis ku saabsan buuxinta iyo hawlgalka biyaxireenka [jadwalka koronto dhalinta].”

Dhinaca kale, Xasan Sheekh hadalkiisa habayaraatee kuma uusan soo qaadin wax la xiriira biyaxireenkaba. Xitaa haddii uu ku raacay hadalka Sisi wax qalad ah kuma jireen, waayo waxuu ahaa mid guud oo waafaqsan mowqifka Soomaaliya oo la mid ah midka ay ka istaageen Mareykanka, Yurub, iyo dalalka kaleba. 

Waxaase dhaliil mudan wararka ay tebisay warbaahinta dalka qaarkeed oo sheegayay in madaxweynaha uu ka saftay Itoobbiya, sidaasna uu halis u geliyay dalka, taasoo aslanba ka fog runta, haddii uusan jirin heshiis qarsoon oo uu  saxiixay.

Balse, khatarta aan muuqan ayaa ah in Masar loo oggolaado inay ka qaybqaadato la dagaallanka argagaxisada, lugna ku yeelato tababbarka Ciidamada. Masar waxay u hanqaltaagaysa inay xeebta Badda Cas ee Soomaaliya ka hesho saldhig militari. Horey waxay  isku dayday inay Somaliland ka dhaadhiciso hindisahaas, iyadoo u ballanqaadaysa inay la doondooni doonto aqoonsi diblomaasi. 

Khatar aan la dhayalsan karin ayaa iyana ah in xooggaga militariga shisheeye oo kusoo qulqulaya daanta galbeed ee badda Cas ay kordhin doonaan mashaakilka Geeska Afrika oo u nugul xasilloonidarro haddii aan laga feejignaan.

Haddaba, danaha Soomaaliya waxay ku jiraan inaysan la safan amaseba ka safan dhinacyada hardamaya oo ay ku negaato dhabbihii xukuumadihii hore.

Xigasho: Jamhuriyadda

Wararkii ugu dambeeyey Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday LIYUU BOOLIS

0

Aato (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo aroornimadii hore ee saakay ka dhacay deegaanka Aato ee gobolka Bakool, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliiska ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ka dhacay deegaanka Aato ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar hoobiyaal ku bilaawday ku qaadeen deegaanka, dabadeedna uu bilaawday dagaal fool ka fool ah oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, walow aanan wali la ogeyn khasaraha ka dhashay dagaalka.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta waxay u sheegeen inuu dagaalka saakay saameyay dhamaan dhaqdhaqaaqyadii gaadiidka dadweynaha, ganacsiga iyo isku socodka dadka, islamarkaana wali xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha deegaankaasi.

Waa markii labaad oo degaanka Aato uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab muddo bil gudahood ah, waxaana todobaadkii hore sidaan oo kale ay Al-Shabaab ay weerareen degaanka Aato iyo degaano kale oo kuyaalla Gobolka Bakool.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay ka guuleysteen weerarkii uu soo qaaday Ururka Al-shabaab ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo u warramay BBC laanteeda Af-Amxaariga wuxuu sheegay weerarka ay Al-Shabaab ku soo qaaday dalka Itoobiya iyo xilliga uu ku soo beegmay ee xaaladda gobolka marka la eego in diyaar garow badan loo baahan yahay. Ma faahfaahinin madaxweynaha waxa uu arrintaasi ula jeeday.

Al-Shabaab oo gudaha Soomaaliya ka dhaqdhaqaaqa ayaa weerarro kala duduwan oo isugu jiro qaraxyo iyo weerarro ay dagaallamayaal u adeegsan ka fuliyo gudaha Soomaaliya, Kenya iyo Uganada.

Xukuumadda Abiy Axmed oo go’aan adag ka qaadatay wadahadallada Tigrayga

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay wadahadal ay la gasho Xoogagga Tigray oo dagaal kala dhaxeeyo tan iyo November 2020 kaddib markii ay isku qabteen doorashada guud ee Dalkaas.

Sarkaal katirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wadahadal meel weliba lagu qabto si loosoo afjaro colaadda waqti dheeraatay ee u dhaxeysa Ciidamada Federaalka iyo kuwa Ismaamulka Tigray.

Waxa uu intaas ku daray in la joogo waqtigii dhinacyadaan ay kawada xaajoon lahaayeen sidii wadahadal loogu soo afjari lahaa iyada oo la eegayo xaaladaha adag ee ka jira Dalka Itoobiya ee laga dhaxlay dagaalka labada dhinac.

Sarkaalkaan ayaa meesha ka saaray in shuruud adag oo caqabad ku noqon karta ka gungaarista wada-xaajoodka ay wataan balse uu si cad uu u sheegayo in meel weliba oo lagu wada hadlayo ay diyaar u yihiin in ay tagaan & waqti kasta oo loo go’aamiyo.

La taliyaha dhanka Amniga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Ridwaan Xuseen ayaa tilmaamay in dhabbaha wadahadalka lagu soo afjarayo xiisadda labada dhinac uu shukaanta u hayo Ururka Midowga Afrika isla markaana codsan kara wixii taageero ah uu u baahdo.

Dawladda Federaalka Ethiopia ayaa markaas ka dib magcawday toddoba xubnood oo dhinaceeda ku metela wadahadalada, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Debedda hase ahaatee madaxda Tigreega ayaa soo bandhigay shuruudo hordhac ah oo ay tahay in la meel-mariyo ka hor inta aan si rasmi ah la isu horfadhiisan.

Talaadadii aan soo dhaafnay, Madaxweynaha Tigreega Debretsion Gebremichael ayaa sheegay in “haddii dawladda federaalka ay dhab ka tahay in wadahadal lagu soo afjaro colaadda, inay dib dib u bilaabi lahayd adeegyadii aasaasiga ahaa ee gobolkaas” isaga oo tixraacaya dhibaatada ka jirta gobolkaas gaar ahaan dhinaca bangiyada, korontada iyo isgaadhsiinta.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka & kuwa Tigray oo ay ka qayb qaateen Askar Eretariyaan ah waxaa ka dhashay Khasaarihii ugu badnaa ee dhimasho, dhaawac & burbur ee Itoobiya ka dhacay abid sida ay sheegeen saraakiil.

Kim Jong Un oo ku hanjabay adeegsiga hub Nukliyeer

Pyongyang (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa sheegay in dalkiisa “diyaar u yahay inuu Nukliyeer isku difaaco” haddii mustaqbalka isku dhac militari uu dhexmaro ayaga iyo Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Washington iyo Seoul ayaa marar badan ka digay in Pyongyang ay diyaarineyso inay fuliso tijaabadeedii toddobaad ee Nukliyeer, tallaabadaas oo Mareykanka ay ka digeen inay horseedi doonto jawaab “deg deg ah oo xoog badan.”

Khudbaddii ugu dambeysay ee Kim uu jeediyo ee lagu xusayey heshiiskii lagu soo afjaray Dagaalkii Korea, taasi oo Kuuriyada Waqooyi looga yaqaan “Maalinta Guusha”, ayuu ku sheegay in ciidamada dalkiisa “ay sii buuxda diyaar ugu yihiin” xasarad kasta.

“Ka hortagga dagaal Nukliyeer ee dalkeena waa u diyaar in la abaabulo, waana awood xooga badan,” ayuu Kim ku yiri khudbadda uu jeediyey Arbacadii oo ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Pyongyang ee KCNA.

Kim oo munaasabadda 69 guurada dhammaadkii dagaalkii 1950-53 kula hadlayey askartii ka qeyb gashay ayaa adkeeyey “u diyaar ahaanshaha dalkiisa ee inuu meel iska saaro Mareykanka haddii ay isku dhacaan.”

Hanjabaadda Kim ayaa imaneysa ayada oo Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ay sare u qaadeen dhoolatusyada militari ee mar kasta ka careysiiya Kuuriyada Waqooyi maadaama Pyongyang ay u argato isku diyaarin duulaan ka dhan ah.

Dhinaca kale, Kim ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha cusub ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk-yeol oo xukunka la wareegay bishii May, kaasi oo wacad ku maray inuu mowqif adag ka qaadan doono Pyongyang.

“Ka hadalka tallaabo militari oo ka dhan ah dalkeena oo leh hub dhameystiran oo ah kan ay ugu cabsida badan yihiin waa nacasnimo waana ficil halaag nafsi ah,” ayuu yiri Kim oo ka hadlayey maamulka Yoon oo uu ku calaameeyey koox “burcad ah.”

“Isku dayga halista ah ee noocaas oo kale waxaa deg deg u ciqaabi doono awooddeena, islamarakaana dowladda Yoon Suk Yeol iyo militarigiisaba waa la baabi’in doonaa.”

VOA + AFP

Imisa sano ayuu qaatay qorshaha duulaanka Al-Shabaab ee Itoobiya?

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa shaaciyay in weerarkii dhawaan ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanada xuduuda maamulkiisa uu ahaa qorshe qaatay ugu yaraan sanad.

Waxa uu sheegay in ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka ay si naf-hur ah u fashiliyeen qorshihii Al-Shabaab ee ay ku rabeen inay isku ballaariyaan deegaanada xuduuda ee dowlad deegaanka Soomaalida.

“Ciidamada halyeeyada ah ee gaarka ah oo runtii cidii meesha joogtay ay garan karto geesinimada iyo naf-hurida nimankaas heerka ay ka taagan tahay. Ciidamadeena waxay jabiyeen qorshe la diyaarinayay ugu yaraan sanad oo ay ku burburiyeen wax ka yar saddex cisho.” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu soo dhamaaday wejigii koowaad ee dagaalka, islamarkaana ay jab xoogan gaarsiiyeen dagaal-yahaanadii Al-Shabaab ee usoo gudbay xuduuda, una dhigeen cashir lama ilaawaan ah.

“Shacab ahaan waa in aan muujino feejignaan dheeraad ah. Fikirka Al-Shabaab iyo ficilkooda toona ma aha in aan fursad yarna siino,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Mustafe Cagjar.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay madaxweynuhu inaysan hadda kadib argagixisada ku sugi doonin xuduudooda oo ay ka hortagi doonaan, ayna sameynayaan xad amni ah oo ka baxsan xuduuda dowlad deegaankooda.

MAREYKANKA oo shaaciyey xog ku saabsan duulaankii Al-Shabaab ee Itoobiya

Washington (Caasimada Online) – Militariga Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadlay duulaanka ay kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gobolka Soomaalida ee Itoobiya, halkaasi oo ay ka dagaalamayaan ku dhowaad 10 maalmood.

Taliyaha Taliska Afrika ee ciidamada Mareykanka (AFRICOM), Jeneral Stephen Townsend ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay inta badan xakamayeen weerarka Al-Shabaab, balse ay kooxda Al-Shabaab awood u yeelatay inay illaa 150 km gudaha u galaan Itoobiya.

Townsend ayaa intaas ku daray in weerarka uusan aheyn mid soo boodo ah oo hal mar dhacay, balse uu qeyb ka yahay isku day ay kooxdan sare ugu qaadeyso weeraradeeda ka baxsan xuduudaha Soomaaliya.

Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in kooxda Al-Shabaab ay sii xoogeystay 18-kii bilood ee ciidamada Mareykanka ay ka maqnaayeen Soomaaliya.

“Waxay noqdeen kuwo sidaa hore ka ballaaran, ka xooggan kana geesisan, hadda waa inaan ka hortagnaa hindiseyaashooda,” ayuu yiri.

Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya oo gaarayey illaa 700 ayaa waxaa Soomaaliya looga saaray amar bishii Janaayo 2020 kasoo baxay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

Hase yeeshee, Madaxweyne Joe Biden ayaa 16-kii bishii May amray in ciidankaas dib loogu celiyo Soomaaliya, maalin kadib markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Dagaalka Al-Shabaab ay Arbacadii 20-kii May ay ku galeen Itoobiya ayaa ahaa markii ugu horeysay ee kooxdaas ay si buuxda uga tallaabto xuduuddka Soomaaliya iyo gobolka Soomaalida Itoobiya.

Labada dhinac ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, ayada Al-Shabaab ay sheegeen inay dileen 87 askari oo Liyuu Boolis ah, halka maamulka gobolka uu sheegtay dilka 254 Shabaab ah. 

Mustafe Cagjar oo fasiraad ka bixiyay qorshaha xad-gudubka ku ah Soomaaliya ee ay ku dhowaaqeen

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa fasiraad ka bixiyay qorshe uu hore u sheegay in maamulkiisa uu damacsan yahay, kaasi oo ahaa inay sameynayaan aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan deegaanka ismaamulka Soomaalida.

Hadalkii hore ee Cagjar ayaa marka indho kale lagu fiiriyo ahaa in maamulkiisa uu xad-gudub dhuleed ka sameynayo gudaha Soomaaliya, hase yeeshe waxa uu maanta markale madaxweynuhu sheegay in qorshahaas aysan uga dan laheyn xad-gudub, balse kaliya ay uga gaashamanayaan falalka cadowga iyo inay gudaha usoo galaan deegaanadooda.

“Soomaalinimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan oo ay ugu horeeyaan kuwa Jamhuuriyada cid naga jeceli majirto. Dhiigayga iyo lafahayaga haddii la shiido waxaa laga helayaa Soomalinimo,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Ma jirto dhul iyo xuduud aan cid ku haysanaa laakiin haddii ay (Al-Shabaab) weerarka soo qaadayaan iyada oo la arkayo cid wax ka qabanaysaa ayna jirin, waa in aan ka hortagno.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in in sababta ku kalifeysa inay aagaas sameeyaan ay tahay inay ka feejignaadaan dhagar dambe oo Al-Shabaab ay u soo maleegaan dowlad deegaanka.

Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar qorsheysan ku qaaday deegaanada xuduuda dowlad deegaanka Soomaalida, ayada oo markii dambe uu maamulka deegaanka uu sheegay inay burburiyeen xubnihii kasoo gudbay xuduudooda.

Agaasime Mahad Salaad oo kordhiyey mushaarka NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha hay’adda NISA, Mahad Salaad ayaa qaaday tallaabo uu sare ugu qaadayo mushaaraadka Saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha hay’adda.

Kordhinta mushaarka ee uu sameeyay Agaasime Mahad Salaad ayaa waxay imaneysa kadib markii la jaray lacago shaqsiyaad gaar ah lagu naas-nuujin jiray iyo kuwo loo bixin jiray (Spesa Politica) kharashaad siyaasadeed oo maamulkii hore ee hay’adda ku maareyn jiray howlaha siyaasadda.

Agaasimaha ayaa tan iyo markii uu la wareegay hogaanka NISA waxa uu ku sameeyay isbedelo dhowr ah oo muhiim u ahaa hay’adda, oo sanadihii dambe si weyn ugu dhex milantay arrimaha siyaasadda.

Caasimada Online ayaa heshay shaxda mushaar kordhinta iyo inta ugu korortay derajo kasta, waxayna u dhigan tahay sidan:

1. Darajada Gaashaanle waxa uu hore mushaar ahaan u qaadan jiray $400, haddana waxa looga dhigay $500.

2. Jaamici waxay hore u qaadan jireen $300, haddana waxa looga dhigay $350.

3. Shaqaalaha wata shahaado Dugsi Sare, waxay mushaar ahaan u qaadan jireen $200, haddana waxaa looga dhigay $300.

4. Mudane ama shaqaalaha kale ee aan haysan shahaado, mushaarkoodii hore wuxu ahaa $150, haddana $200.

5. Darajada Dable, ayaa sidoo kale mushaar ahaan u qaadan jiray $150, haddana waxa looga dhigay $200.

Sidoo kale waxa uu Agaasimaha go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hay’adda ee geeriyooday ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

G/Banaadir oo shaaca ka qaaday natiijada Imtixaanka shahaadiga + 10-ka u sareeya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay natiijada Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 8-aad ee sanad-dugsiyeedka 2021-2022, kaasi oo sanadkii saddexaad uu qaaday maamulka gobalka Banaadir.

Munaasibad lagu shaaciyay natiijada imtixaanka ayaa lagu sheegay in guud ahaan ay imtixaanka u fariisteen 26,860 Ardey oo kala socotay 590 iskuul oo kamid ah dugsiyada gobolka, kuwaasi oo imtixaanka ku kala galay 69 xarun.

Sida uu shaaciyay Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir waxa imtixaanka sanadkaan gudbay 24,443 Arday oo ka dhigan 91%, halka tirada hartay ay gaareen 2,417 oo ka dhigan 9%.

Tirada wiilasha ee imtixaanka gashay ayaa dhan 15,119 oo Ardey, waxaa gudubtay 13,683 oo ka dhigan 51% tirada guud, waxaana haray 1,436 Arday oo ka dhigan 5%.

Sidoo kale tirada gabdhaha ee imtixaanka gashay ayaa ah 11,741 Ardey, waxaa ka gudubtay 10,760 oo ka dhigan 40% tirada guud, halka tirada hartay ee gabdhaha ay gaareyo illaa 981 Ardey oo ka dhigan 4% tirada guud.

Agaasinka waxbarashada gobalka Banaadir ayaa si gaar ah u shaaciyay magacyada Ardeyda gashay 10-ka kaalmood ee u horeeya, kuwaasi oo kala ah;

1. Maxamed Cabdullaahi Cabdi Cismaan
2. Xasan Cabdi Sheekhdoon Cismaan
3. Maxamed Ciise Daahir Yuusuf
4. Faadumo Cusmaan Axmed Warsame
5. Cabdicasiis Maxamed Ibraahim Cali
5. Cumar Cabdiqaadir Ismaaciil Cabdi
6. Cabdiraxmaan Cali Yuusuf Geesey
7. Cabdullaahi Cali Axmed Sahal
7. Ruweyda Maxamuud Aadan Maxamed
7. Sundus Cusmaan Cabdi Xasan
8. Huda Saalax Sheekh Ibraahim
8. Maxamed Aweys Cabdulqaadir Aadam
9. Cabdullaahi Cabdirisaaq Maxamed Jaamac
10. Cabdicasiis Mahad Axmed Siyaad

Jubaland oo DF ku eedeysay arrin xasaasi ah oo la xiriirta lacag laga leexsaday

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa shaaciyay in dowladda federaalka ay siyaasadeysay lacag hal Milyan oo dollar ah oo xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble u qoondeysay gurmadka abaaraha.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in lacagtaas kaliya maamulka Jubbaland laga soo gaarsiiyay tiro laba jeer ah oo min 10 kun oo dollar la soo diray.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay wasiirka in lacagaha iyo deeqaha macaawinada ah ee loogu talo galay abaaraha ay noqdeen kuwo lagu raadsado saxiibtinimo ama xilal sare, sida Wasiir.

“Waxay aheyd in deeq kasta oo ka timaada caalamka in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ka tashadaan sida loo qeybinayo, balse taasi meesha way ka baxday oo dad gaar ah ayaa jeebka ku shubtay,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa xusay in arrintaan uu madaxweynaha Jubbaland u gudbiyay Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay ka filayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalo in deeqaha caalamka uga yimaada Soomaaliya loo qeybiyo si siman oo wada-tashi ah.

Arrintaan ayaa imaneysa xili dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka dowladii uu hogaaminayay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo maamulka Jubbaland, taasi oo meesha ka saari doonto dowladda cusub.

Itoobiya iyo Masar yaa u muhiimsan Soomaaliya? – Waxaa ka jawaabay Dalxa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad ee dalka islamarkaana xubin ka ahaa baarlamaanka Carabta ayaa ka hadlay muranka wabiga Nile ee Itoobiya & Masar iyo tallaabada ay tahay inay qaado Soomaaa.

Dalxa oo wareysi siiyey Telefishinka Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in labada dowladood ay is haya ay muhiimad gaar ah u leeyihiin Soomaaliya, loona baahan yahay in dowladdu ay ka fiirsato go’aanka ay qaadaneyso, maadaama labaduba ay xiriir nala leeyihiin.

“Waa laba dal oo haddane annaga midba midka kale innoo leeyahay muhiimad gaar ah. Itoobiya waxay innoo leedahay muhiimad gaar ah oo xuduuda ugu dheer ayey Soomaaliya, la leedahay, halka Masar oo maanta ah dal qadiimi ah oo xiriir soo jireen ah aan la leenahay,” ayuu wareysigaan ku yiri xildhibaan hore Mudane Maxamed Cumar Dalxa.

Sidoo kale wuxuu kula taliyey dowladda federaalka inay dhex-dhexaad ahaato, isla-markaana ay ilaaliso xiriirka ay la eedahay labadaasi waddan.

Waxa kale oo uu tusaale dhow u soo qaatay wabiyada Jubba iyo Shabelle oo uu sheegay inay ka yimaadaan Itoobiya, halka Masarna ay waxbarasho u joogaan arday Soomaaliyeed.

“Soomaali badan ayaa ku nool Masar oo waxbarasho ku heysto, sidaas oo kalena Itoobiya kama marna waxaa ka yimaada wabiyada Jubba iyo Shabelle. Marka labada dhinacbo Soomaaliya waxay ka mudan yihiin inay xiriir wanaagsan la yeelato” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xiisadda u dhexeyso Addis Ababa iyo Qaahira ay gaartay meeshii ugu sarreysay, taas oo ka dhalatay biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Nile.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay iska fogeysay inay Masar la safatay, kadib booqashadii uu madaxweyne Xasan ku tegay magaalada Qaahira ee dalkaas.

BASAASKII ugu xirfadda badnaa Al-Shabaab ee uga howlgalayey Muqdisho oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun adag ku ridday Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed (Yarow) oo lagu helay inuu ahaa Basaas ka tirsan Al-Shabaab, sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay maxkamadda.

Cabdirisaaq oo ay maxkamaddu shaacisay inuu ahaa Basaas xirfad badan ayaa waxaa bishii November ee sanadkii hore ee 2021-kii lagu soo qabtay howlgal ka dhacay xaafadda Oodweyn oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Ninkan ayaa waxaa lagu soo qabtay agab kala duwan oo ay maxkamaddu soo bandhigtay, kuwaas oo uu u adeegsan jiray howlaha Basaasniyada.

Agabyada uu isticmaalayey waxaa ka mid aah, Ookiyaal Camera leh, Boortakiyaabo wax duubi karto, Pro Camera, Drone Camera DJI, Flash Camera, Qalabka dhagoolayaasha balse loo isticmaalo dhegeysiga (Siemens Heraring Aid), Modam Internet iyo Telephono.

Sidoo kale waxa uu lahaa gaari uu kula shaqeeyo adeegga Rikaab, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay sanadkii 2015 illaa 2020 Bajaaj, saddex meel oo kale oo isugu jiro shirkado ka shaqeeya duulimaadyada iyo kuwa kale ee wax daabaca ee loo yaqaan Stationary.

Da’da Cabdirisaaq ayaa maxkamadda ay ku sheegtay 28 jir ku dhashay Muqdisho, sidoo kalena ka baxay ka mid ah ka mid ah jaamacadaha dalka oo uu ka bartay Computer Science.

Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada ayaa ku dhowaaqday in Cabdirisaaq Cabdullaahi Axmed lagu xukumay 15-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu shaaciyey Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Soomaaliya.

Waa kuma ururka ka dhisan Itoobiya ee la shaaciyey in Al-Shabaab ay xiriir la leedahay?

0

Addis Aababa (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Itoobiya ayaa bayaan cusub ka soo saartay dagaalladii cuslaa ee todobaadkan ka dhacay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida, kadib markii ay weerar ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in dagaalkii u damabeeyey ee ka dhacay dhanka Feer-feer, khasaare lagu gaarsiiyey Al-Shabaab, loogana dilay illaa 85 xubnood.

Sidoo kale Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale dagaalladii ka dhacay gobolka Afdheer, isaguna lagu dilay illaa 209 ka tirsanaa dagaalyahannadii weerarka qaaday.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in damaca ragga weerarka qaaday uu ahaa inay u gudbaan deegaanka Ceel-Karri, si ay uga sameystaan saldhigyo, una dagaan.

Qoraalkaan ayey sidoo kale Itoobiya ku sheegtay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay ku biiraan Ururka Oromada ee Shene, si ay u qal-qalgeliyaan amniga guud ee deegaanka.

“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.

Ururka Shene oo qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada Oromada ayay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay urur argagixiso ah.

Inkastoo haatan lasoo afjaray dagaalladii ka socday xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haddane DDS waxay gashay xaalad adag, kadib weerarkii cuslaa ee Al-Shabaab.

DF oo heleysa lacag $100 milyan ah oo loogu deeqay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Bangiga Adduunka ayaa lacag malaayiin dollar ah u ansixiyey Soomaaliya, taas oo loogu talagalay hormarinta dhaqaalaha dalka, si loo gaaro heerarka dhammeystirka ee barnaamijka dayn cafinta ee dalkeenna Soomaaliya.

Lacagtaan oo gaareysa illaa 100 milyan oo dollar ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay maamulka sare ee Bangiga Adduunka, si loogu taageero dowladda federaalka.

Ujeedada ayaa ah horumarinta dadaallada dowladda ee ku aadan daah-furnaanta maaliyadeed iyo kordhinta dakhliga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Bangiga.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in deeqdaan lacageed la waafajin doono nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dowladda.

Kristina Svensson oo ah Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ka hadleysay taageeraadaan dhaqaale ayaa sheegtay in sidoo kale wax looga qaban doono abaaraha.

“Howlgalkani waxa uu kordhin doonaa maaliyadda dowladda si wax looga qabto xaaladda abaarta, iyada oo la sii wadayo dib-u-habaynta horumarka lagu gaarayo deyn cafinta Soomaaliya,” ayay tiri Kristina Svensson, Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeedkaan ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in lacagtani aqeyb ka mid ah Soomaaliya looga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo weli fara ba’an ku haya dalka.

Si kasta ha’ahaatee duullaanka uu Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 degmo oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% dhaqaalaha dalka.

Itoobiya oo ku dhowaaqday tallaabo ay qaadeyso oo dhulka Somalia saameyneysa

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo gaaray jiida hore ee dagaalka u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo ciidanka dowlad deegaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dowlad deegaanka u maleeyaan Soomaaliya oo kale.

“Al-Shabaab waxay ku tarmeen dalka Soomaaliya, marka meel kasta waxay u maleeyaan Soomaaliya oo kale, waxay isku deyayaan inay dadka gumeeyaan oo dalal shisheeye ay dagaalka soo faro-geliyaan, laakiin maanta waa u cadaatay inay ku khasaartay isku deygaan,” ayuu yiri Mustafe.

Madaxweyne Cagjar oo TVga maamulkiisa kula hadlay xadka gobolak Hiiraan uu la wadaago dhulka dowlad deegaanka ayaa wacad ku maray inay abuuri doonaan aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan deegaanka ismaamulka Soomaalida.

Wuxuu sheegay in sababta ku kalifeysa inay aagaas sameeyaan ay tahay inay ka feejignaadaan dhagar dambe oo Al-Shabaab ay u soo maleegaan dowlad deegaanka.

“Dadkeenu uma baahna cadow, wijigii hore ee howlgalka waan soo gabagabeynay, meelo yar ayey ku harsan yihiin, maalmaha soo socda qorshaheenu waa inaan abuurno aag ka caagan argagixisada oo ka baxsan degaanka naga, sababtoo ah ma sugi karno cadow inta uu noo imaanayo, inaan halkaan ku sugnana maaha,” ayuu yiri Mustafe Cajgar.

Hoos ka dhageyso

Waafow oo la sheegay inuu camal aad u wanaagsan ku guda jiray markii la qarxiyey

Marka (Caasimada Online) – Gudoomiyihii degmada Marka Cabdullaahi Cali Axmed (Waafow) ayaa shalay lagu dilay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Degmada, xilli la sheegay inuu soomanaa.

Maxamed Cismaan Cali (Yariisow), Gudoomiyihii hore ee Degmada Marka, haatana ah Xoghayaha Dowladda Hoose ayaa sheegay in gudoomiyuhu soomanaa markii ismiidaamiye Al-Shabaab ka tirsan uu isaga iyo dad kale oo la joogay uu isku qarxinayay.

Waxaa uu sheegay inay shir ka soo wada baxeen gudoomiyaha kahor intii aanu naftii halligaha isku qarxin afaafka hore ee Xarunta Dowladda Hoose ee Degmada Marka.

“Isagoo sooman ayaa qaraxaasi uu cadow la beegsaday, Allaha u naxariisto intii dhimatay, intii dhaawacantayna ha caafiyo,” ayuu yiri Yariisow oo VOA la hadlay.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo isna BBC la hadlay ayaa tirada dadka qaraxaasi ku dhintay ku sheegay 13 qof, waxaana ku dhaawacantay buu yiri shan kale.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan ayaa qoraal ku sheegay inuu bartilmaameedku ahaa guddoomiye Waafow.

Mareykanka ayaa cambaareeyay qaraxyadii shalay ka dhacay degmooyinka Afgooye iyo Marka oo galaaftay nolosha 19 qof, halka 23 kalena ay ku dhaawacmeen

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay inaanan intaan kadib gacmaha laga laaban karin dhagarta mintidiinta Al Shabaab, waxaana uu ku baaqay in hal meel looga soo wada jeesto, haddii ay maalin kasta beegsanayaan dadka indhaha u ah bulshada.

Danjirihii ajnabiga ahaa ee la dilay isagoo taageeraya xornimada Soomaaliya

Soomaaliya waxa ay qeyb ka ahayd dalalkii qaddiyadda masiirkooda lasoo saaray miiskii lagu gorfeynayay sidii laga yeeli lahaa waddamadii ay gumeysanayeen xulafadii looga adkaaday dagaalkii labaad ee dunida.

Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ay hor boodayeen huwantii adkaatay ayaa dadaal badan ku bixisay sidii xorriyaddooda loo siin lahaa dalalkaas, isla jeerkaasna looga caawin lahaa hannaanka dowladowga iyo barashada dowladnimada.

Markii dambe Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa soo saaray qaraar ku asteysnaa lambar 289, taariikhdu markii ay ahayd  21 kii Nofeembar 1949-kii, kaas oo Taliyaaniga u go’aamiyay in uu maamulo muddo toban sano ah Koonfurta Soomaaliya si uu u gaarsiiyo dowladnimo.

Dhanka kale, waxaa loo soo magacaabay saddex ergay oo ka kala socday dalalka Masar, Kolombiya iyo Filibbiin, kuwaas oo kor joogto ka ahaa maxmiyadda la geliyay Soomaaliya, sidaas oo kalena Golaha Ammaanka kala shaqeynayay in ay uga warbixiyaan hadba xaalku halka uu marayo.

Ergada lasoo magacaabay waxaa ka mid ahaa Alle ha u naxariistee Ambasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax oo ahaa diblomaasi dhallinyaro ah oo u dhashay dalka Masar. Horay waxaa uu uga soo shaqeeyay magaalada Marsiiliya ee dalka Faransiiska, halka jagooyin kala duwan uu kasoo qabtay safaaradihii kala duwanaa ee ay Masar ku lahayd dunida dacalladeeda.

“Ambaasadoor Maxamed Kamaluddiin Saalax waxaa uu ahaa diblomaasi Masaari ah oo firfircoon. Waxa uu doonayay in ay Soomaaliya si degdeg ah xorriyad dowladeed ku hesho. Sidaas oo kale Soomaalida waxaa ay u dhararsanaayeen inay maalin uun arkaan iyagoo ah dowlad xor ah isla markaana dad Soomaaliyeed ay hoggaaminayaan.

“Waxaa uu Soomaalida u hayay daneyn iyo ahmiyad ka badan labadii ergay ee ku wehelisay shaqada ee ka kala socday Kolombiya iyo Filibbiin. Dowladdiisa Masar ayaa kula dardaarantay inuu Soomaalida kala shaqeeyo hadafkoodii ahaa sidii ay xor u noqon lahaayeen, dowladna u yagleeli lahaayeen.” Prof Maxamed Xaaji Ingiriis oo daraasaadka Afrika ka diyaariyay kulliyadda taariikhda ee jaamacadda Oxford.

Masar iyo Ahmiyadda ay u heysay Soomaaliya!

Maaddaama Kolombiya iyo Filibbiin aysan calaaqaad toos ah oo dhaqan, diin ama mid siyaasi ah aysan la lahayn bulshada Soomaalida, dowladda Masar iyo ergeygooda Maxamed Kamaaluddiin Salaax waxa ay masuuliyad gaar ah iska saareen sidii ay saameyn xooggan ugu lahaan lahaayeen siyaasadda Soomaaliya, maaddaama door wanaagsan ay ka ciyaarayeen yagleelidda Qarannimada Soomaaliya oo carbinteedu lahaa isticmaarkii Taliyaaniga.

Kacaankii Masar ka curtay ee uu hoggaaminayay Allaha u naxariistee Jamaal Cabdinaasir waxaa uu lahaa aragti fog oo ku wajahan guud ahaan Afrika si gaar ah gobolka Geeska Afrika iyo biyaha Badda Cas, si hadafkaas u hirgalo waxaa uu Soomaaliya ka yagleellay Iskuulaad Masaaridu maamusho oo uu ugu horreeyay iskuulkii Allaahida ama markii dambe loogu magac daray Jamaal Cabdinaasir.

Arday badan ayaa minxooyin waxbarasho Qaahira u tagay. Xubno sar sare oo xisbigii SYL ka tirsanaa ayaa iyana Jaamacadaha Masar qabtay. Halka wadaaddo badan ay u aqoon doonteen jaamacadda Azhar. Muddooyinkaas waxaa isku furmay labada bulsho. Xaaladdaas is calmashada ah ee Masaarida iyo Soomaalida waxa ay culeys badan saartay dowladdii Taliyaaniga oo u arkaysay is fidinta Qaahir in ay halis ku tahay damaceeda Soomaaliya, taas waxa ay keentay in uu bilowdo xurguf iyo dagaal biyaha hoostiisa ah oo labada dhinac ah illaa fadhi ku dirirrada uu gaaray.

Masar ayaa soo bandhigtay qorshe ay safaarad uga furaneyso magaalada Muqdisho, waxa ayna kala hadleen qaddiyaddaas Ra’iisul wasaarihii dowladdii Daakhiliga ahayd mudane Cabdullahi Ciise Maxamud oo isna markii dambe soo dhaweeyay, ha yeeshee waxaa is hor istaagay dowladdii Taliyaaniga oo ka biya diidday in aysan oggolaan karin in dal Maxmiyad ku jira oo aan la aqoonsan in safaarad laga sameeyo. Is hor istaaggan waxaa uu dab ku shidday is heysadka hoose ee ka dhexeeyay labada dal.

Markale Prof Ingiriis ayaan hor dhigay hadafka Masar ay Soomaaliya ka lahayd iyo doorkii uu ka qaatay hirgelinteeda Ambasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Salaax wuxuuna iigu jawaabay.

“Ujeedka Masar waxaa uu ahaa in la helo Soomaaliya oo dal xor ah, ayna iska kaashadaan loollanka istaraatiijiga ee ka jiray Geeska Afrika iyo Badda Cas. Isagoo dardaarankaas fulinaya Ambasaddoorku waxa uu siyaasiyiintii Soomaalida ula dhaqmay sida walaalkood ka weyn oo kale, isagoo mideeyay iskuna soo dhaweeyay dhinacyadii siyaasadeed ee awoodda dalka ku loollamayay, si gaar ah waxaa uu ku guuleystay inuu dhammeeyo khilaafaadkii siyaasiga ahaa ee S.Y.L. dhexdeeda ka soo if-baxay kontomeeyadii.

“Intaas waxaa dheer in uu biyo qaboow ku shubay herdannadii S.Y.L. kala dhexeeyay xisbiyadii kale ee dalka ka jiray. Arrintaas waxaa uu ku kasbaday sumcad weyn iyo taageero aad u ballaaran, quluubta shacabka Soomaaliyeed ayuuna muddo yar ku hantay.”

Dilkiisa

Nin dhallinyaro ah oo ay magaciisa ay taariikhyahannadu ku sheegaan Wiilow Sheekh Cabdiraxmaan oo ku hubeysnaa toorrey ayaa gurigiisa ku weeraray Ambaasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax. Dhowr yed ayuu la helay, dhaawac daran ayaana gaaray. Durba dhulka ayuu ku dhacay oo naftaa ka haadday.

Warkii ayaa is gaar gaaray magaalada oo dhan. Waxaa xigay cambaareyn iyo dhaleeceyn dhanka maamulkii Soomaalida ka yimid. Baaritaan ayaa loo dhaqaaqay. Sidii meydka safiirka loo maareyn lahaa ayaa la isla meel dhigay.

Maalinkii ku xigay ee 17 kii Abriil ayaa xaruntii hore ee Baarlamaanka janaaso lagula tukaday meydka marxuumka, kaddib wefdi heer wasiir ah oo ka socday Soomaaliya ayaa u galbiyay dhanka Qaahira. Saacado dheer oo safar ah kaddib waxaa garoonka diyaaradaha Qaahira isna janaaso kula tukaday madaxweynihii dalka Masar Jamaal Cabdinaasir, kaas oo ku dheeraaday ka sheekeynta shakhsiyadda Ambaasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax.

Ereyadii qiirada lahaa ee uu madaxweyne Jamaal Cabdinaasir ka yiri goobta waxaa ka mid ahaa: “Masar waxa ay heysaa 27 milyan oo sida Maxamed Kamaaluddiin ah, kuwaas oo diyaar u ah in ay naftooda u waayaan xorriyadda walaalahooda Soomaaliya ee ku jira heeryada gumeystaha.”

Cinwaannadii ugu waa weynaa ee maalinkaas lagu qoray warbaahinta!

Subixii xigay waxaa caddadka hore ee wargeyskii Corriere della Somalia oo ka mid ahaa warsideyaasha ugu saameynta badan ee kasoo baxa Muqdisho lagu daabacay warka dilka safiirka: “Dadka Reer Muqdisho oo la anfariiray geerida ergeygii reer Masar Maxamed Kamaaluddiin Saalax.” Dhacdadan ayaa ahayd tii ugu horreysay ee nooceeda ah, taas oo si siman u wada taabatay guud ahaan dadka reer Muqdisho, kuwaas oo u arkayay Kamaaluddiin in uu si baraxtiran u gala shaqeynayay hiigsigooda xornimo-helidda ah.

Caddadkii xigay ee isla wargeyska oo soo baxay subaxnimadii 18-ka Abriil waxaa lagu qoray “Naxashka meydka Ambaasaddoor Kamaaluddiin oo ay sidaan shacab mooral dilaacsan ayaa lagula tukaday guriga Baarlamaanka”

Kaddib Dilka Ambaasadoor ka

Kulankii ugu horreeyay ee uu baarlamaanka Soomaaliya yeesho kaddib dilkii safiirka waxaa uu dhacay 30-kii Abriil 1957-kii. Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaalia Aadan Cabdulle Cismaan ayaa ka jeediyay guriga baarlamaankii hore khudbad badankeedu daarnayd duco, baroordiiq iyo weyneynta Danjire Maxamed Kamaaluddiin. Gabagabada kulanka baarlamaanka, waxaa loo asteeyay in 16-ka Abriil sanad kasta loo baroor-diiqo, lana xuso doorkii uu xorriyadda Soomaaliya raadinteeda ka qaatay danjiraha.

Intaas waxaa dheer, waxaa la qorsheeyay in waddo loogu magac daro Kamaaluddiin, si loo weyneeyo qaddarka danjirahaas nafsaddiisa u waayay xorriyadda Soomaaliya.

Labo sano kaddib xorriyaddii Soomaaliya oo ku beegneyd 1962-kii, kuna asteysan shan sano guuradii kasoo wareegatay dilkii safiirka, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan ayaa ku casuumay magaalada Muqdisho Aamina Murad oo ahayd xaaska Maxamed Kamaaluddiin Sa¬¬alax si ay uga qeybgasho xuska iyo baroordiiqda seygeeda lagu tooryeeyay magaalada Muqdisho.

Sidaas ayaa loogu xusayay maalinka 16-ka Abriil ilaa 21-kii Oktoobar sanadkii 1969, markaas oo ay talada dalka la wareegeen ciidanka qalabka-sida oo uu hoggaaminayay Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre iyo kacaankiisii.

Yaa lagu eedeeyay dilka Safiirka?

Inkastoo baaritaannadii la sameeyay aan natiijo dhammeystiran laga soo saarin, isla jeerkaasna aan la caddeyn cid dhaafsiisan ninka dhallinyarada ah ee dilka fuliyay, haddana Prof Maxamed Xaaji Ingiriis waxaa uu qabaa in dilka safiirka uu wejiyo badnaa oo dhowr dhinac loo tuur tuuray.

Sida uu kal horaba Alle ha u naxariistee madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ku sheegay buuggiisa xusuus-qorka ah ee Halgan iyo Hagardaamo “Illaa maanta ma cadda cidda dhabta ah ee ka dambeysay dilkiisa, waxaase la male-awaalayaa labo arrimood.

Dhanka S.Y.L. waxa ay rumeysnaayeen in uu safiirka dilay maamulkii Talyaaniga, iyagoo ku doodayay inuu caqabad ku ahaa hadafka dheer ee ay Rooma ka lahayd Soomaalida. Dhanka kale xisbiyadii ka soo horjeeday S.Y.L. ayaa dhankooda ku tuhunsanaa in qeyb careysan oo S.Y.L. ka tirsan inay dileen safiirka iyagoo ka gadoodsan sida qotada dheer ee uu safiirka ula falgalay hoggaankii ururka oo ay markaas is-hayeen garabkan careysan,” Ingiriis.

Sheegashada S.Y.L. ee ah in ay Taliyaaniga ku tuhmayaan waxaa sii xoojinaya lix maalmood uun kaddib dilkii safiirka oo ku beegan 22-kii Abriil 1957-kii, wargeyska Al-Shacab ee kasoo baxa magaalada Qaahira oo soo xiganayay wakiilkii golaha wasiirrada Masar, Maxamuud Maxamed Axmed iyo xoghayihii baarlamaanka Soomaaliya, Maxamuud Faarax ayaa baaritaanno hordhac ah ku xaqiijiyay in dilka safiirka uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay ka dambeeyaan isticmaarka. Inkastoo aysan si cad ugu eedeyn dowladdii Taliyaaniga oo tuhunka ugu badan laga qabay, haddana waxaa ay caro iyo cambaarba dusha kaga tuureen cid kasta oo si uun ugu lug lahayd dilkiisa.

Isku tuur tuurka noocaas ah ka sokow, ururkii ardayda Soomaaliyeed ee Masar ayaa iyagana dareenkooda cabbiray oo Qaramada Midoobay ka codsaday in ay xaqiijiso in dilka safiirka uu si uun siyaasad ugu lug lahaa.

Inkastoo dadaalladii baaritaanka aanan natiijo dhammeystiran laga helin, haddana waxaa jira tuhun kale oo dad badan ay iyagana qabeen, kaas oo ahaa in boqortooyadii Itoobiya ay si uun qeyb ugu lahayd dilka safiirka, maaddaama uu siyaasiyiinta Soomaalida ah kala shaqeynayay arrimo ay ku jiraan doodda xudduudaha, iyo qaddiyadda Soomaaliweyn, oo ay Itoobiya u arkeysay halis kusoo fool leh sheegashadeeda dhulka Soomaalida.

Cawaaqib-xumadii ka dhalatay dilkiisa si dhaqsi leh ayaa loo dareemay. Muddo yar gudaheeda ayaa waxaa dib u soo shaacbaxay khilaafkii siyaasadeed iyo loollankii awoodeed ee ka dhex jiray S.Y.L. ee uu horay u qaboojiyay, kaas oo ugu dambeyn gacan-ka-hadal isku rogay. Sidaas oo kale wuxuu khilaafkooda cirka isku shareerray xisbiyadii dalka ka jiray iyo xisbigii S.Y.L. taas oo kalliftay dib-u-gocashada dadaalladii iyo kaalintii diblomaasiyadeed ee Ambaasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax.

Ku dhawaad 65 sano kaddib dilka Ambaasaddoor Maxamed Kamaaluddiin Saalax, weli waxaa muuqda haraadiga gurigii uu deggenaa danjiraha ee lagu dhex dilay, kaas oo ku yaalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Dad badan oo xiiseeya taariikhda ayaa soo jeediyay in la badbaadiyo haraadiga gurigaas si loogu xusuusto halgankii uu safiirku u soo galay qarannimada Soomaaliya.