25.6 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Xildhibaanada BF oo gaaray goobihii ay ku dagaalameen Liyuu boolis iyo Al-Shabaab

0

Xudur (Caasimada Online) – Xildhibhaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaaray goobihii ay dhowaan ku dagaalameen ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka iyo Xoogaga Al-Shabaab ee ku yaal gobolka Bakool ee koonfurta dalka.

Xildhibaannadaan oo ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka mid ah Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) wuxuuna sheegay in ujeedkooda uu la xiriiro xog uruurin iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen dagaalladii ka dhacay halkaasi.

“Magaalada Caato oo aheyd meeshii ugu darneyd dagaallada cadowga argagixisada ay ku soo qaadeen ayaa maanta nimid. Runtii Ceel Barde ayaan kasoo baxnay,” ayuu yiri.

Saransoor ayaa shaaca ka qaaday in markii ay tageen deegaanka si weyn loogu soo dhoweeyey, ayna shacabka aragtidooda ku farxeen, maadaama ay gaartay dowladdu.

“Markaa nimid waxaa la kulanay odayaasha dhaqanka iyo maamulkii illaa 10 KM markaa soo mareynay ayey naga horyimaadeen aadbey noo soo dhaweeyeen wayna hadleen, runtii muraalkooda aad ayey ugu farxeen inay soo gaaray dowladda,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay inay gurmad isugu jiro raashin iyo daawo ay gaarsiiyeen shacabka si loo caawiyo, maadaama ay sameeyeen barakac.

“Ujeedka waaa inaan dheeri gelino ciidamada, sidoo kale waxaan bulshada u keenay daawo, raashiin iyo gurmad-baan u keenay” ayuu markale yiri Aadan Saransoor.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadka deegaanka ee barakacay inay guryahooda ku soo laabtaan, isla-markaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee ka howlgala xadka.

Dhowaan ayey aheyd markii Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay dagaal kula galeen xadka Itoobiya, ciidamada dowlad deegaanka, kaas oo sababay khasaare dhimasho & dhaawac.

Ciidamada DF iyo kuwa Jubaland oo soo daayey maxaabiis u xirnaa Shabaab

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa nabad sugidda Jubbaland ay si wadajir ah uga sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Jubbada hoose ee koonfurta Somalia.

Howlgalka ayaa waxaa lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab oo ku kala yaalla degaannada Kaliil, Dhalajo, Reebaay, Yaaqxaluul & Kaabjirroon ee gobolkaas.

Saraakiisha horkaceysay ayaa shaaca ka qaaday inay burburiyeen saldhigyadii ay kooxda Al-Shabaab ku laheyd deegaanadaasi, kadib markii ay gudaha u galeen halkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa xusay inay ku guuleysteen soo deynta maxaabiis ku xirneyd xabsiga tuulada Kaamjarroon, waxayna sheegeen inay ka carareen xoogagii Al-Shabaab.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ayaa waxaa ciidamada huwanta ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyada iyo howlgallada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee hoostaga maamulka Jubbaland.

Maxay ka wadahadlayaan Mareykanka iyo Ruushka, kadib muddo 5 bilood ah?

Washington(Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadli doono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maalmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab “wax ku ool ah” oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwaas oo haatan ku xidhan dalka Ruushka.

Arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshiiska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weliba xiisadda ka taagan dalkaasi.

Labadan Wasiir ayaan wada hadlin muddo ku siman 5 bilood, waxaana wadahadalkoodii ugu dambeeyey ee ay si toosa u wada hadlaan uu ahaa 15-kii bishii February ee sannadkan, maalmo ka hor uun duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, ayuu xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanku ku sheegay in Washington ay xidhiidh la samaysay dalka Ruushka iyada oo u soo bandhigtay dalab “wax ku ool ah” si loo sii daayo labada muwaadin ee u dhashay dalka Maraykanka ee haatan gacanta ugu jira dawladda Ruushka, hase ahaatee Xoghaye Blinken wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca dalabka ay u bandhigeen dalka Ruushka.

Ginger oo tagtay dalka Ruushka bishii February ee sannadkan ayaa xabsiga la dhigay, iyada oo la sheegay in laga helay shandadeeda, caagado ay ku jiraan, saliid laga sameeyey xashiishadda.

Sidoo kale Whelan oo ah madaxa fulinta amniga ee shirkad ku taalla gobolka Michigan ayaa isna loo haystaa eedo la xidhiidha basaasnimo, inkasta oo qoyskiisu ay sheegeen in eeddaasi ay tahay been abuur. Whelan ayaa lagu hayaa dalka Ruushka tan iyo sannadkii 2018.

Blinken ayaa ka gaabsaday inuu xaqiijiyo wararka sheegaya in labadan muwaadin ee Maraykanka ah ama midkood in lagu soo bedelan doono, Viktor Bout oo ah nin si weyn loo yaqaano oo ka ganacsada hubka oo u dhashay dalka Ruushka kaas oo ku xidhan dalka Maraykanka.

Xasan Sheekh ma Itoobiya ayuu luminayaa mise waxaa la qafaali rabaa siyaasadda arrimaha dibedda Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud  waxa uu todobaadkaan booqday wadanka Masar, waa dalkii Shanaad oo Afrikaan ah oo uu booqdo.

Madaxweynaha labada jeer hantiyey xukunka Soomaaliya waxay kooxdiisu sheegtay inay raadinayaan siyaasad xasiloon oo dhanka arrimaha dibadda ah.

Isku dareen maahan shacabka, waxaa jiro qaar aaminsan in dadaalka guduhu uu muhiim u yahay fursadaha ka imaanayo dibadda, waxayna soo jeedinayaan inay madaxweynaha u haboon tahay dardar gelinta arrimahaan, laakiin kooxdiisa daciif ayey u aragtaa soo jeedintaas.

Socdaalka Masar ee madaxweynaha Soomaaliya “wuxuu abuuray tuhun la xiriira wada-shaqeynta nidaamka madaxweyne Xasan Shiikh iyo midka Itoobiya” ayey leeyihiin qaar kamid ah falanqeeyaashu.

Xukuumadda Abiy Axmed oo wax badan la wadaagtay nidaamkii madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkaan laga shakisnaa inay dib uga guran doonto nidaamka Xasan Sheekh.

Dib u gurashadaan oo markii hore loo arkaayey mid Itoobiya ku diidan tahay isbadalka ka curtay Soomaaliya ayaa hadda yeelan karta jawaab kale, waana xiriirka Soomaaliya iyo Masar.

Labada dal ee Africa ugu quwadda weyn Militari ahaan ee Itoobiya iyo Masar waxaa dhex yaala muranka webiga Niil, dhawaan waxaa la wariyey inuu dib u dhacay safar uu madaxweyne Xasan Shiikh ku tagi lahaa magaalada Addis Ababa, laakiin sababta lama caddeyn.

Inuu booqasho ahaan Itoobiya ku hormaro culeys badan kuma lahaateen Masaarida laakiin inuu hadda Qaahira ku hormaray kuma qanacsana Itoobiya, waxaana loo yeelayaa qiimo kala duwan.

Labada dalba inuu calaaqaadkooda hagaagsanaado waa u muhiim Soomaaliya. Itoobiya iyo Kenya labadaba waxaa lagu eedeeyaa inaysan marnaba raali ka noqon doonin inay Soomaaliya noqoto dal xooggan oo isku filan.

Masar maadaama iyada waqti dheer ay Itoobiya u aragtay halis weyn oo kusoo fool leh waxay mar walba muujisaa sida ay ahmiyad ugu tahay in Soomaaliya noqoto dal la tartami karo Itoobiya.

Inkastoo aan xisaabta mar walba la waafajin karin dagaal haddana Masaarida dhankooda waxaa laga soo wariyey inay taageero 100% u fidinayaan Soomaaliya.

Waxay noqon kartaa inay culeys ku saareyso Itoobiya, laakiin Soomaalida oo muddo dheer tuhunsan gar bidixeynta Itoobiya iyo Kenya waxaa halkaas uga muuqata fursad xoog leh.

Guuxa ka dhashay safaarkii madaxweyne Xasan Shiikh ee wadanka Masar oo ah inuu ku dhow yahay inuu lumiyo Itoobiya wuxuu daliil heli doonaa marka ugu horeysa oo uu Xasan Shiikh booqdo magaalada Addis Ababa markaas oo si furan loo fahmi karo booska ay taagan tahay Itoobiya.

Soomaaliya kuma qasbana inay qancinta wadan gaar ah u colaadiso dal kale, laakiin madaxweyne Xasan Shiikh waxaa laga rabaa siyaado dhanka xiriirka caalamiga ah.

Kal hore cilaaqaadka Masar ayuu hoos geeyey madaxweyne Farmaajo wuxuuna xoojiyey saaxiibtinimada Itoobiya, haddii uu isna Xasan Shiikh hoos geyso cilaaqaadka Addis Ababa oo uu kor keeno midda Qaahira ma jirto siyaado micno leh oo dhanka arrimaha dibadda ah.

Labada dalba waa u muhiim Soomaaliya, waxa la rabo in aad loo dhimo waa cadaawadda, laakiin mar walba danta Soomaaliya ayey ku xiran tahay midda ay aad ula falgeli doonto ayey leeyihiin dadka ka faalooda siyaasadda gobolka.

Su’aasha ah madaxweyne Xasan Shiikh ma wuxuu ku dhow yahay luminta cilaaqaadka Itoobiya weli ma heysato jawaab haa ah, sababtuna waa in labada dhinacba aynan weli qaadin wax tallaabo ah. In safarkii Masar taasi jawaab looga dhigana waxay la micno tahay in Soomaaliya lagu sifeynayo dal aan siyaasad ahaan u madax banaaneyn oo siyaasadiisa arrimaha dibadda ay qafaalan tahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa looga fadhiyaa inuu gacmaha ka laabto qadiyadaha gaarka ah ee labadaasi wadan isku hayaan oo uu abaaro waxa ay Soomaaliya ka faa’iidi karto cilaaqaadka labadaasi dal.

Abuu Muscab oo shaaciyey sababtii ay Al-Shabaab u dileen guddoomiye Waafow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka howlgallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay dilkii maanta Marka loogu geystay guddoomiyihii degmadaas Allaha u naxariistee Cabdullaahi Cali Axmed Waadow, sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxaas ay ku dileen 10 askari oo ilaalo u ahaa iyo labo xoghaye.

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa sheegay in guddoomiye Waafow uu ahaa nin aad ula dagaalama Al-Shabaab, isla markaana ay mudo ku howlanaayeen sidii ay u khaaraji lahaayeen.

“Isku geyn dhimasho iyo dhaawac qaraxii maanta waa 21 qof oo isugu jirta Waafow iyo ilaaladiisii, wuxuu ahaa nin aad noola dagaalama,” ayuu yiri Afhayeenka howlgallada kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab.

Xubnihii Al-Shabaab ee soo qorsheeyey weerarkaas iyo kuwii wax ka fududeeyey, ayuu Cabdicasiis Abuu Muscab aad ugu mahad celiyey, qof naftiisa haligay ayaa maanta isku qarxiyey afaafka hore ee degmada Marka, waxaana halkaas ku dhintay guddoomiye Waafow iyo 10 qof oo kale.

Dhinaca kale Afhayeenka howlgallada kooxda Al-Shabaab ayaa codkaan uu soo duubay ee lagu baahiyey warbaahinta kooxda wuxuu uga hadal weerarradii ay kooxdu ku qaaday deegaanada dhaca xuduuda gobolka Bakool uu la wadaago dowlad degaanka Soomaali Galbeed.

Wuxuu sheegay in ciidamadii ay ku weerareen magaalooyinka Yeed iyo Aato ay u dhigeen cashar lama ilaabaan ah, isagoo sheegay in ciidamadaas ay difaac u ahaayeen waxa uu ugu yeeray ‘Xabashida’.

Sidoo kale Abuu Muscab ayaa weerarkii magaalooyinkaas ku tilmaamay inuu la mid ahaa duulaan ay seddax bilood ka hor ku qaadeen degaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo ciidanka Burundi ee ATMIS ay ku laayeen.

Sawirro: Xasan iyo Xamza oo kulmay iyo wararkii ugu dambeeyey magacaabista wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa saacadihii u dambeeyey kulaan la qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan safarro dibadda ah dalka uga maqnaa.

Ra’iisul Wasaaraha oo weli ku jira kulamadiisa wadatashiga ah ee la xariira dhismaha xukuumadiisa ayaa Madaxweynaha uga xog waramay halka ay marayso howshiisa xulashada golaha wasiirrada ee laga sugayo inuu soo magacaabo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa marar badan balan qaaday inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh Soomaaliya samata bixisa, kana jawaabta arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

Xamza Barre ayaa labadii maalmood ee u dambeysay sameeyey kulamadii ugu badnaa isagoo la tashi la yeeshay dhinacyada culumada, warbaahinta, ganacsatada, dhalinyarada iyo dhamaan dhinac kasta oo talo uu ku tuhmaayey.

Kulamada ayaa xoogeystay kadib markii uu ra’iisul wasaaruhu baarlamaanka ka codsaday 10 cisho oo dheeraad ah inay siiyaan si uu u sii wado la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa talo iyo tusaaleyn badan ku leh dhismaha xukuumadda, taas oo muhiim ka dhigeysan kulankaan uu ra’iisul wasaaruhu la qaatay maanta.

Mudada 10-ka maalmood ah ee Xamza Cabdi Barre uu codsaday ayaa ku eg 4-ta bisha soo socota ee Agoosto, waxaana la filayaa in bilowga bishaas uu ku dhawaaqo golihiisa wasiirrada.

Daawo: DF oo arrinta wabiga Nile ka qaadatay mowqif aan Itoobiya farxad gelineyn

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Madaxyooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey safarradii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay dalalka Masar iyo Tanzania, isagoo shaaciyey qodobadii uu kala soo hadlay madaxda wadamadaas.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu ka hadlay mowqifka Soomaaliya ee arrinta biyo xireenka wabiga Nile, maadaama ay biyo xireenkaas isku heystaan wadamada Itoobiya, Masar iyo Suudaan.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Masar ayaa dhaliyey tuhun ah in Itoobiya ay ka xumaa karto, sidoo kale waxaa aad isha loogu wada hayey mowqifka ay Soomaaliya ka istaagi doonto arrinta biyo xiraankaan xiisada weyn ka dhex abuuray wadamo ay ugu horeeyaan Masar iyo Itoobiya.

“Biyaha webiga Niilku waxay maraan wadamo badan oo deris ah. Mowqifka DFS ee arrinta Webiga Niilka waa in ay si nabad ah uga wada faa’iideystaan dhammaan dalalka uu maro,” ayuu yiri Cabdikariin Cali Kaar, Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Mowqifkaan ay istaagtay Soomaaliya waa mid aysan ku farxeyn Itoobiya oo si cad u dooneysay in Soomaaliya ay kala safato Masar, riyadaas ayaa ku dhowaatay inay u rumowdo intii uu xukunka joogay Farmaajo, balse hadda waxay Soomaaliya ku adkeysatay kaalinteeda dhexdhexaadka oo caan ay ku tahay.

Hoos ka daawo afhayeenka

Xog: Waa kuma diblomaasiga loo magacaabayo wakiilka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa u muuqda inuu bilo kadib ugu dambeyn aqbalay cayrintii uu ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyey wakiilkii ururka ee Soomaaliya Francisco Madeira.

Rooble ayaa qoraal uu soo saraay 7-dii April 2022 wuxuu dalka uga eryey Danjire Francisco Madeira, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay u aqoonsatay shakhsi aan dalka laga rabin kadib markii “uu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa.”

Hase yeeshee, waxaa cayrintaas ka horyimid madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo kadibna Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat uu sheegay inay qadanayaan go’aanka Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin danjire Francisco Madeira.

Hase yeeshee, isku dayadii Farmaajo iyo Mahamat ayaan labada shaqeyn, ayada oo wasaaradda amniga ay diidan inuu dalka dib usoo galo Madeira.

Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska Africa Intelligence ayaa sheegeysa in guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat uu hadda qorsheynayo inuu wakiilka ururka iyo madaxa howlgalka ATMIS u magacaabo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee dalka Comoros Mohamed El-Amine Souef.

El-Amine Souef oo ah 59 jir ayaa 2011 illaa 2015 soo ahaa madaxa howlgalka wadajirka ah ee Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika ee gobolka Darfur ee dalka Sudan, howlgalkaas oo loo yaqaan UNIMID (United Nations-African Union Mission in Darfur).  

Waxa uu sidoo kale 2015 illaa 2017 madax ka ahaa howlgalka QM ee waqooyiga dalka Mali, kaasi loo soo gaabiyo MINUSMA.

Haddii si rasmi ah loo magacaabo El-Amine Souef ayaa Soomaaliya imanaya xilli isbeddel weyn lagu sameeyey howlgalka Midowga Afrika, kaasi oo bishii March loo bixiyey magaca ATMIS.

ATMIS ayaa ah howlgal ku-meel gaar ah oo ujeedkiisu yahay inuu dowladda federaalka kala shaqeeyo sidii ay ula wareegi laheyd amniga dalka, ayada la billaabayo qorshe si tartiib ah loogu yareynayo 20,000 ee askari ee Afrikaanka ah ee dalka jooga.

Maxkamad go’aan lama filaan ah ka gaartay Soomaaligii dadka ku laayey Jarmalka

Wuerzburg (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa Talaadadii amartay in isbitaalka dhimirka la geeyo nin Soomaali ah oo saddex qof oo haween ahaa mindi ku dillay, magaalada Koonfureed ee Wuerzburg, sanadkii tegay.

Sagaal qof oo kale ayaa lagu dhaawacay weerarkan bishii June 2021 ka dhacay magaalada ka tirsan gobolka Bavaria.

Eedeysanaha oo Jarmalka ku yimid magangalyo, ayaa lagu eedeeyey inuu mindida u adeegsaday inuu ku weeraro dad ku sugnaa dukaan kahor inta aanu waddooyinka kuwa kale ku weerarin.

Dacwad-oogayaasha ayaa markii hore u arkay in weerarka uu ahaa mid argagixiso, hase yeeshee baaritaan xigay ayaa arrintaas lagu xaqiijin waayey. 

Kahor maxkamadeynta, oo billaabatay bishii April, laba khabiir oo ay amartay maxkamadda ayaa soo ogaaday in qofka weerarka fuliyey uu maskaxdo ka qabo xanuunka Schizophrenia, oo ah isku dhexyaac maskaxeed oo halis ah oo dadku si aan caadi ahayn u fasiraan xaqiiqada, sidaas darteedna aysan suurta-gal aheyn in dambi ahaan mas’uul looga dhigo ficlladii uu gaystay.

Sidaas darteed, garsooraha Maxkamadda degmada Wuerzburg Thomas Schuster  “ayaa amaray in eedeysanaha la geeyo isbitaalka dhimirka kadib go’aan ay garaeen xeerbeegtida,” ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in qofka Soomaaliga, oo Jarmalka yimid 2015, uu sheegay inuu maskaxda ka maqlayey codad ku amraya inuu weerarka fuliyo. 

Go’aanka Maxkamadda ayaa ah mid naadir oo lama filaan ah, sababtoo ah, inta badan dadka Muslimiinta ah ee weerarada gaysta waxaa durba lagu shabadeeyaa argagixisanimo, halka kuwa caddaanka ah mar kasta loo raadiyo qiil ah “inay maskaxda ka xanuunsan yihiin.”

Berlin ayaa qaadatay hal milyan oo qof oo magangalyo doon ah 2015 illaa 2016, xilligii ay aadka u kacsaneyd xasaradda muhaajiriinta Yurub. 

Imaatinka muhaajiriinta ayaa aad u kala qeybiyey Jarmalka, waxayna horseedday sare u kaca xisbiga midigta-fog ee AfD.

Muxuu yahay bayaanka Al-Shabaab ka fashilmay kadib duulaankii Itoobiya? – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dagaal-yahanada Al-Shabaab u tallaabeen bariga dalka Itoobiya ayaa waxaa isa-soo tarayay xogaha dagaalkaas iyo ujeedka ka dambeeya in xiligaan Al-Shabaab weerar ku qaado ciidamada Itoobiya.

Al-Shabaab ayaa qorshaheedu ahaa in calankooda madow ay ka taagaan gudaha Itoobiya, kadibna ay sii daayaan bayaan la diyaariyay oo ay ku cadeynayaan in Jihaadka uu ku fiday weji cusub, sida uu sheegay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo magaciisa ka gaabsaday sababo amni darteed.

Dhinaca kale, Fallan-qeeyaha Geeska Afrika, Matt Bryden ayaa weerarka ku tilmaamay mid u muuqda bilowga qorshe weyn oo istaraatiiji ah oo lagu dhisayo joogitaanka dagaal-yahano firfircoon oo Itoobiya ah, suurta-galna ay tahay inay ku sugan yihiin Koonfurta Bari ee buuraha Bale.

“Wararka laga helayo goobta dagaalka ayaa sheegaya in qaar kamid ah cutubyada Al-Shabaab ay gudaha u galeen illaa 100KM gudaha Itoobiya, lagana yaabo inay weli firfircoon yihiin,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu xusay in kooxda Al-Shabaab ay la kulmeen xoogaa guuldarro ah oo dhanka xeelada ah, hase yeeshe ay gaareen ujeedooyin muhiim ah, oo ay ugu weyn tahay in ay markii ugu horeysay soo bandhigaan in kooxda awood u leedahay inay howl-galo millateri ka sameeyaan gudaha Itoobiya.

“Rabshadaha gudaha Itoobiya iyo isku-dhafka ciidamada waqooyiga ee dagaalka Tigray ayaa arrintaan ka dhigaya in Al-Shabaab waqti ku haboon weeraraan.”

Si kastaba, Xiisadaha colaadeed ee ka taagan gudaha Itoobiya, gaar ahaan u dhaxeysa ciidamada dowladda federaalka iyo fallaagada Tigray ayaa si weyn u wiiqday awoodii federaalka, taasi oo gacan ka geysatay xasilooni darada ka socota dalkaas.

Magacaabista Xukuumadda: Laba arrin oo waqtiga ku dheereeyey R/W XAMZA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan dalbaday 10 maalmood oo dheeri ah si uu usoo dhiso xukuumadiisa cusub, kadib markii ay xildhibanada golaha shacabka aqbaleen codsiga waqti kordhinta.

Xamza oo heystay muddo hal bil ah oo uu xukuumad ku keeno ayaa la sheegay inuu u baahday la-tashiyo dheeri ah taasoo keentay inuu waqtiga ku filnaan waayo.

Haddaba maxaa keenay dib u dhaca?

Laba qodob ayaa lagu fasiray dib u dhaca dhismaha xukuumadda iyo dalbashada maalmo dheeri ah.

  1. Safarada madaxweynaha

Maadaama sida la sheegay labada mas’uul rabaan inay ku howlgalaan koox ay isla jaan qaadi karta, madaxweynuhuna rabo in la dhiso xukuumad ajandihiisa iibin karta, waxaa jira warar sheegaya in labada hoggaamiye ee Xamza iyo Xasan inaysan helin waqti ku filan oo ay u gorfeeyaan nooca xukuumadda ay rabaan maadaama uu madaxweynaha galay safaro farabadan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqday toddoba dal tan iyo markii xilka uu qabtay 15-kii May, ayada oo safarrada badankood ay dhaceen kadib ansixintii ra’iisul wasaaraha, taasi oo yareysay fursdaaha ay isku heli karaan labada hoggaamiye.

  1. Raadinta qanaacada siyaasiyiinta

Xukuumadda cusub waxay kusoo aadeysaa iyadoo uu dalku kasoo baxay xilli siyaasadeed adag oo aad loo kala fogaaday.  In la dhiso xukuumad aan dhinacyada siyaasadda wada hanan karina waxay culeyskii kusii heyn kartaa halkiisa.

Ra’iisul Wasaare Xamza waxaa la sheegay inuu rabo dhameystirka wada-tashiyada dhinacyada siyaasadda iyo dhismaha xukuumad loo dhan yahay, waxayna illo wareedyo ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha sheegeen in maalmaha dheeriga ah lagu soo afjari doono wada-tashiyada dhinacyada siyaasadda iyo ku dhawaaqista xukuumadda.

Xukuumadihii hore ee dalka lagama fakari jirin dhismaha xukuumad isku hayn karta mucaaradka iyo muxaafadka, waxaana nooca uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabo xukuumadiisa laga eegayaa dhanka midnimada siyaasadda.

Xog: Sidee u dhacay qaraxii lagu dilay gudoomiye Waafow?

0

Marka (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo ay ku dhinteen dad badan oo uu ku jiro guddoomiyihii maamulka degmadaasi, Marxuum Cabdullaahi Cali Waafow.

Macluumaadka la helayo ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid culus uu fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday xarunta maamulka degmada Marka.

Xoghayaha maamulka Marka, Maxamed Cismaan Yariisow oo u wraramay Dalsan TV ayaa shaaciyey in qaraxa uu dhacay xili ay kasoo baxeen shir ay ku lahaayeen degmada.

Maxamed Cismaan ayaa sheegay in qaraxa lala bartilmaameedsaday markii ay u soo baxeen banaanka, isla-markaana uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta dowladda hoose.

“Shir ayaan laheyn shirkii ayaan kasoo baxnay banaankaa nimid, kadib qaraxii ayaa na qabsaday, dhanka laamiga ayuuna ka dhacay,” ayuu yiri xoghayuhu.

Sidoo kale wuxuu shaaciyey in dhimashada ay gaareyso illaa 9 qof, halka dhaawacana uu kor u dhaafayo tobaneeyo, wuxuuna tilmaamay inay weli wadaan gurmaad xoogan.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaraxaan, waxayna tacsi u direen ehellada guddoomiyaha & dadkii kale ee dhintay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday Cabdulaahi Waafoow oo Murtadiinta ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Marka” ayaa lagu yiri qoraalka

Inta badan Al-Shabaab ayaa qaraxyo la beegsada mas’uuliyiinta dowladda, waxaana aad loo xasuustaa qaraxii Beledweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Maxay tahay halista cusub ee soo wajahday heshiiska Soomaaliya iyo KENYA?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ayada oo uu todobaadkan dib u bilowday qaadka Miirowga ee ka yimaada dalka Kenya ayaa waxaa haatan soo baxay caqabado horleh oo ku aadan heshiiska ay dhowaan gaareen madaxweynayaasha dalalka dariska ee Somalia iyo Kenya.

Ganacsatada qaadka ee dalka Kenya ayaa soo saaray war cusub, kadib markii ay dib u billaabeen dhoofinta qaadka ay keenaan gudaha Soomaaliya, ayaga oo shaaciyey walaac cusub oo soo wajahay ganacsigooda, waxayna illaa hadda keeneen ilaa 38 tan oo ah jaadka Miirowga ah, kadib labadii maalin ee lasoo dhaafay Isniintii iyo Talaadadii todobaadkan.

Guddiga beeraleyda jaadka Miirwoga waxay sheegeen in haatan ay la kulmeen dhibaatootin horleh, isla-markaana caqabad ku noqon kara heshiiska labada dal, ayaga oo shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay kordhisay lacagaha canshuuraha ee laga qaado qaadka Kenya.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka Kenya ayaa sheegay in haatan lacag dhan $15 kiiladii qaadka Miirowga lagu geeyo gudaha Soomaaliya, taas oo ka dhigeysa mid qaali ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in arrintan ayaa culeys ku keeneyso ganacsigooda, wuxuuna intaasi ku daray in sidoo kalena ay keenayso in aysan la tartami karin jaadka Itoobiya,.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay labada dowladood in ay ka wada-hadlaan arrintaan si aysan u waxyeeleyn heshiiska ganacsiga ee dhowaan lagu gaaray magaalada Niarobi.

Qaadka Kenya ayaa muddo ka xayirnaa gudaha Soomaaliya, kadib go’aan ay kasoo saartay dowladdii madaxweyne Farmaajo oo uu khilaaf kala dhexeeyey xukuumadda Nairobi.

Si kastaba, xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa hadda isbedel uu ku yimid, kadib doorashadii 15-kii May, waxaana meesha ka baxay mad-madowgii u dhexeeyey labada dal.

Xiisadda siyaasadeed ee PUNTLAND oo kasii dartay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in ay sii laba kacleysay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gudaha Puntland, taas oo u dhexeysa madaxtooyada, gaar ahaan kooxda madaxweyne Saciid Deni iyo baarlamaanka maamulkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegey in natiijo la’aan uu kusoo dhammaaday kulan u dhexeeyey madaxweynaha & guddoomiyaha golaha waskiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, kaas oo looga hadlayey khilaafka u dhexeeya madaxtooyada iyo baarlamaanka.

Xiisadda ayaa ka dhalatay mas’uuliyiinta uu madaxweyne Deni u magacaabay maxkamada sare ee Puntland, taas oo ay ka biyo diideen xildhibaanada, isaguna uu mar labaad soo magacaabay, kadibna lagu sii celiyey golaha oo iyaguna markale diiday meel-marintooda.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen, ilo wareedyadu Saciid Deni oo kaashanaya kooxdiisa madaxtooyada qaabilsan ayaa bilaabay qorshe cusub oo uu ku doonayo inuu ku dhabar jabiyo guddoomiyaha iyo xildhibaanada taabacsan, isaga oo ku bilaabay kala fur furis.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynuhu xalay qaabilay xubnaha baarlamaanka ka soo gala dhinaca Sool, Sanaag iyo Cayn, wuxuuna kala hadlay dajinta xiisadda taagan.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sidii xildhibaanadaas ay qayb uga noqon lahaayeen xal u halista muranka ka dhashay magacaabista xubnaha garsoorka.

Saciid Deni ayaa u muuqdo inuu weli ku adkeysanayo wareegtadii uu ku magacaabay mas’uuliyiinta maxkamadda sare, balse ay ka diideen xubnaha golaha wakiilada, wuxuuna doonayaa inuu meel-mariyo xubnahaas oo laba jeer ay kusoo celiyeen xubnaha wakiilada.

Sikastaba, lama oga sida wax noqon doonaan, balse xiisaddaan ayaa si weyn u saameysay wada-shaqeynta xukuumadda iyo baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Beesha Reer Jalaf ee Sacad HABAR-GIDIR oo raali gelin siisay Mudullood + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Jufada reer Jalaf ee Beesha Sacad – Habargidir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa raali-gelin ka bixiyay hadal dhowaan uu yiri mid ka mid ah odayaasha beeshaas.

Hadalkaas nabadoonka reer Jalaf ee maanta raali gelinta laga bixiyey waxaa dhibsaday beelaha Mudullood, waxaana maanta loo diray raali gelin rasmi ah, iyadoo ay mid-mid warbaahinta ula hadleen waxgaradka reer Jalaf.

Caaqil Cilmi Maxamed oo ah nabadoonka hadalkiisa la dhibsaday oo kulankaan ka hadlay ayaa sheegay in hadalka la dhibsaday uu ahaa “Hawiye qofkiisa waxgaradka ah ayagaa gacantooda ku dila.”

Caaqil Cilmi oo hadalkiisii hore qiil u raadinaya inta uusan raali gelin ka bixin ayaa tusaale u soo qaatay Jeneraaladii Hawiye ee horay loo dilay, sida Gabeyre iyo Ceydiid.

Sidoo kale u jeedka uu hadda ka lahaa hadalkaas wuxuu ku sheegay inuu arkayo mucaaradnimo uu Hawiye ku bilaabay Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo ku dooday in dil iyo mucaaradad ay iskula mid tahay ninka madaxda ah.

“Ujeedka hadalkeygu wuxuu ahaa Xasan Sheekh yaan la mucaaradin ee hala garab istaago, weliba Hawiye ninkii ka dhashay oo shaqeynaya uusan darfaha ku dhegin,” ayuu yiri.

Caaqil Cilmi ayaa intaas ku sii daray, “Hadalkeygu sidaas ayuu u dhignaa, intii ila fahantay waan u mahad celinayaa, intii si kale u qaadatana 100% waan ka raali gelinayaa.”

Sidoo kale odayaashii kale ee kulanka ka soo qeyb galay ayaa raali gelin buuxda siiyey beelaha Mudullood, waxayna cadeeyeen in marnaba aysan aqbali doonin in curadkooda Mudullood loo gefo ama la yiraahdo hadal ay dhibsanayaan.

Hoos ka daawo

Muxuu CAWAD ka yiri in Soomaaliya ay Masar kala hadasho arrinta webiga Nile?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sida uu u arko wada-hadallada ay yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar iyo inay ka wada-hadlaan arrinta biyo-xireenka Itoobiya ee Webiga Nile. 

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-Sisi ayaa abuuray hadal xooggan kadib markii uu shir jaraa’id oo ay wada qabteen madaxweyne Xasan Sheekh ka sheegay inay isku aragti ka noqdeen halista biyo-xireenkaas haddii loo maamulo qaab aan heshiis lagu wada aheyn. 

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladda Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (Ethiopian Renaissance Dam), waxaana isku raacnay aragtida ah halista siyaasadaha halka dhinac ah ee ku wajahan mashaariicda wabiyada caalamiga ah, iyo sidoo kale inay lama huraan tahay inaan ka dhegnaano mabda’a iskaashiga iyo wada-tashiyada u dhaxeeya dalalka webiga uu maro si loo xaqiijiyo inaan waxyeelo loo gaysan midkoodna,” ayuu yiri madaxweyne Sisi.  

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in aysan waxba ku jabnayn in Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadlaan arrimo uu ka mid yahay webiga Nile. 

“Waa caadi in waxa dal dhibaya oo welwel ku haya ay dal kaloo ay saaxiib yihiin kala hadlaan. Sida aan wada ognahay, biyo xireenkan korontada dhaliya ee ay Itoobiya samaysay waxaa dareen badan iyo diidmo ka muujiyay dalalka Masar iyo Suudaan oo ku dooday inay tallaabadaas waxyeelayso, maaddaama ay yihiin dalalka ay biyahaas ku dhacayaan oo aan ahayn kuwa ay webiyada ka yimaadaan,” ayuu yiri Cawad. 

Waxa uu intaas ku daray in “Soomaaliya aysan ku qaldanayn haddii ay Masar kala hadasho arrimaha khuseeya webigaas,” isaga oo sheegay in Masaarida albaab kasta u garaacayaan sidii ay Itoobiya ugala heshiin lahaayeen arrinta biyo-xireenka, balse waxa ugu wanaagsan ay tahay in labada dhinac si siman loogu kala dab qaado.”

Dowladda Soomaaliya ayaa caddaysay mowqifka ay ka taagan tahay khilaafka webig Niilka ee u dhaxeeya Itoobiya oo dhinac ah iyo Masar iyo Suudaan oo dhinaca kale ah.

“Mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga wada faa’iidaysto biyaha webiga, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah iyo heshiisyadii caalamiga ahaa,” ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar. 

Haddaba waxaa la is weydiinayaa hadii aan laga hadlin arrinta khilaafka webiga Niil maxaa ku qaadya madaxweynaha Masar inuu shirka jaraa’id ka sheega inay arrintaasi isla soo qaadeen isaga iyo Xasan Sheekh. 

“Madaxda Adduunku marka ay kulan yeeshaan kadib waxa ay warbaahinta iyo shucuubtoodaba la wadaagaan wixii ay islasoo qaadeen iyo qodobadii ay isku afgarteen. Suurtogal ma ahan in iyaga oo is garabtaagan uu midkood iskii u alifo wax aan miiskaba lasoo saarin. Waxii uu dhinac sheegana waa dhab haddii aanu kan kale kasixin oo isla goobta ka sheegin in uu saaxiibkii sibqaday,” ayuu yiri Cabdirisaaq Cilmi oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo shaaciyey in lasoo afjaray dagaalkii dowlad deegaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay dagaalkii ay Al-Shabaab la galeen ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka.

Xamza Cabdi Barre ayaa ku dhowaaqay in lasoo afjaray dagaalkii maalmahaan ka socday xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in laga adkaaday kooxda Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in ciidamada deegaanka iyo shacabka oo iskaashanaya ay cashir u dhigeen Al-Shabaab, isla-markaana ay dhowr beri ku soo afjareen dagaalka.

Sababta keentay guusha waxa uu ku sheegay isku xirnaanta iyo taageerada ay ciidamada siiyeen shacabka deegaannadaas oo ay ugu horreeyaan gabdhaha Soomaaliyeed.

“Tusaalaha cusub waxaa waayey deegaankan Soomaalida waad ogtihiin weerar ayaa lagu qaaday sow maaha?, dhowr beri ayey kusoo afjareen kuwii ugu darnaa. Sababta ma taqaanaa waxaa waayey gabdhihii Soomaaliyeed carigaa jooga ayaa soo gurmaday,” ayuu yiri.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa caddeeyey in xukuumaddiisa ay xooga saari doonto amniga iyo dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna baaq u diray shacabka Soomaaliyeed.

“Waxba ma qaban karno haddeyna amniga sugin, amniga marka waxaan ku sugi karnaa inaan kuligeen ka shaqeyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey ra’iisul wasaare Xamza.

Si kastaba, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka dowlad deegaanka waday dadaallo xoogan, waxayna gurmad u dirtay dagaannada lagu diriray ee ku yaalla xaduuda ay wadaagaan dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cagjar oo XOG cusub ka bixiyey weerarkii Al-Shabaab ee dowlad deegaanka

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumed Cagjar ayaa wareysi uu siiyey VOA-da, laanteeda Axmaariga wuxuu kaga hadlay dagaalkii ciidamada Liyuu Boolis ay Al-Shabaab kula galeen xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Cagjar ayaa shaaca ka qaaday xog cusub oo ku aadan duulaankii ay Al-Shabaab ku qaadeen dowlad deegaanka Soomaalida, kadib markii ay u tallaabeen Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ragga u dagaalamayey Al-Shabaab ay badi yihiin Itoobiyaan, kuwaas oo loo abaabulay inay qal-qal-galiyaan amniga deegaanka.

“Kooxdii soo gashay deegaanka Soomaalida waxay ahaayeen koox la magac baxday Mujaahidiinta Itoobiya, oo ay Al Shabaab usoo abaabushay inay qalqal-galiyaan amniga Itoobiya, kuwaas oo badankood Itoobiyaan ah,” ayuu wareysiga ku yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xogtaan ay ku ogaadeen wareysiyo laga qaaday maxaabiistii laga qabtay Al-Shabaab, inta uu socday dagaalka labada dhinac.

Mustafe Cagjar ayaa xusay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay saldhigyo ka sameystaan qaybo ka mid ah deegaannada Soomaalida iyo Oromada, gaar ahaan buuraha dhinaca Ceelkari iyo Baali iyo inay ka barbar dagaallamaan Jabhadaha ka howlgala gudaha Itoobiya.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya, ayada oo haatan la soo afjaray dagaalkii ka socday dhanka degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka ay wadaagaan waddamada Soomaaliya iyo  Itoobiya, waxaana lagu soo warramayaa in xaaladda guud ay haatan tahay mid dagan.

Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab iyo Itoobiya war kasoo saartay khasaaraha

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada Gobolka Soomaalida ee Itoobiya ayaa 85 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ku dilay dagaalkii dhacay Isniintii, waxaa sidaas sheegtay taliye la hadlay taleefishinka dowladda dhexe.

Kooxda Al-Shabaab ayaa Arbacadii hore qaaday duulaan naadir ah, oo ay kaga tallaabtay xuduudda Itoobiya, kadib markii ay cagta marisay ciidan ku sugnaa deegaanada Yeed iyo Caato ee gobolka Bakool.

Dagaalkan ayaa madax-xanuunka kusii kordhinaya ra’iisul wasaare Abiy Ahmed oo isku dayaya inuu sidoo kale xakameeyo kacdoon ay maleeshiyo hubeysan ka wadaan gobolka Oromiya, qanciyo ciidamada sida militariga u tababaran ee gobolka Amxaarada, islamakraana la heshiiyo Jabhadda Tigrayga. 

Ciidamada gobolka Soomaalida ayaa sheegay in dagaalka ka socda Feerfeer ay ku dileen 85 Al-Shabaab, islamarkaana gacanta ku dhigeen kuwa kale, sida uu sheegay taleefishinka ETV ee dowladda.

Taliye ka tirsan ciidanka Soomaalida oo la hadlay Reuters balse codsaday inaan la magacaabin ayaa intaas ku daray inay dileen 243 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah tan iyo markii kooxdan ay usoo tallaabtay Itoobiya Arbacadi tagtay.

Waxa uu sidoo kale qirtay in ciidankiisa laga dilay 22 askari.

Taliyaha ayaa sidoo kale la wadaagay Reuters sawirro muujinaya meydadka tobaneeyo askari iyo askari Itoobiyaan ah oo soo bandhigaya calanka madow ee Al-Shabaab.

Qof degan magaalada Feefeer ayaa dhinaca kale Reuters u sheegay in dagaalyahanadii Al-Shabaab dib loogu riixay xuduudda Soomaaliya, dagaalkii dhacay Isniintii.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin khasaaraha dagaalladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Feefeer.

Hase yeeshee Sheekh Fu’aad Shongole oo kooxdaas ka tirsan oo shalay hadal u jeediyay boqolaal ka tirsan dagaal-yahanaada Shabaab ee ku sugaan deegaanadaas ayaa u sheegay inay isku diyaariyaan weerar kale oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya, isaga oo ugu hambalyeeyay guul uu ka sheegtay dagaalka.

“Waxaa shaki ku jirin anaga dhaawac ma wadano, cadowga isaga jabay oo bakhtigiisa si uu u duugo waayay. Maanta anaga haddii aan ku rogaal celino waxaa gaareyna nasrigii hore mid ka weyn,” ayuu yiri Fu’aad oo hadal u jeedinayay dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Qarax is-miidaamin oo lagu dilay guddoomiyihii MARKA

0

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa is-miidaamin, waxaana lala beegsaday goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, waxaana sidoo kale ku dhintay 11 qof oo kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qaraxa wuxuu ka dhacay xarunta maamulka degmada, waxaana fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday guddoomiyaha.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali oo war qoraal ah kasoo saaray qaraxan ayaa xaqiijiyey geerida Marxuum Waafow, wuxuuna tacsi u diray guud ahaan dadkii ku dhintay weerarka maanta ka dhacay magaallo xeebeedka Marka.

“Inaalillahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa muraga la qeybsanaya shacabka degmada Marka oo maanta ka baxay nin qiima badan u lahaa Alla yaa raxma Gudomiye Waafow. Dadkii ku dhintay ilaahay ha u naxriisto dadkii ku dhaawacmayna alle caafimaad degdeg ah ha siiyo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyey baraha bulshada.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday Cabdulaahi Waafoow oo Murtadiinta ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Marka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ka fulisa gudaha dalka, waxaana aad loo xasuustaa qaraxii Beledweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.