25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Qarax is-miidaamin oo lagu dilay guddoomiyihii MARKA

0

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Marka, kaas oo lagu dilay guddoomiyihii degmadaasi, Cabdullaahi Cali Waafow, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ahaa is-miidaamin, waxaana lala beegsaday goob uu ku sugnaa guddoomiyaha, waxaana sidoo kale ku dhintay 11 qof oo kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online qaraxa wuxuu ka dhacay xarunta maamulka degmada, waxaana fuliyey nin isku soo xiray walxaha qarxa oo beegsaday guddoomiyaha.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali oo war qoraal ah kasoo saaray qaraxan ayaa xaqiijiyey geerida Marxuum Waafow, wuxuuna tacsi u diray guud ahaan dadkii ku dhintay weerarka maanta ka dhacay magaallo xeebeedka Marka.

“Inaalillahi wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa muraga la qeybsanaya shacabka degmada Marka oo maanta ka baxay nin qiima badan u lahaa Alla yaa raxma Gudomiye Waafow. Dadkii ku dhintay ilaahay ha u naxriisto dadkii ku dhaawacmayna alle caafimaad degdeg ah ha siiyo,” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, sida lagu shaaciyey qoraal kasoo baxay kooxda oo lagu baahiyey baraha bulshada.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday Cabdulaahi Waafoow oo Murtadiinta ugu magacaawnaa guddoomiyaha degmada Marka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah ka fulisa gudaha dalka, waxaana aad loo xasuustaa qaraxii Beledweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi.

Daawo: Jeneraal Xuud oo sheegay in waligiis uusan mucaaradeyn Xasan Sheekh hal sabab darteed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xuud ayaa la weydiiyey waxa ka jira inuu mucaaradnimo ku bilaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo cadeeyey mowqifkiisa.

Xuud ayaa sheegay in warka ah inuu mucaarad ku yahay Xasan Sheekh uu been yahay, isagoo cadeeyey in hadda kadibna uusan mucaaradi doonin.

“Xasan Sheekh waa wiilkeyga, Abtigiis ayaan ahay, ma mucaaradi karo, mana laga yaabo inaan mucaarado, waa ku farxay in Xasan Sheekh uu ka shaqeynayo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah,” ayuu yiri Jeneraal.

Sidoo kale Xuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay 40 sano wado qaldan ku socotay, “Muqdisho waxay lahaa jirtay qad-cagaaran, balse maanta xaalku waa is bedelay, Xalane ayaa naloo fadhiyaa oo qadkii cagaarnaa loo wareejiyey, marka madaxweynaha cusub waxaan leeyahay Soomaali xor ah ayaa lagaa rabaa,” ayuu yiri Xuud.

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday maamulka HirShabelle balse xilligii ay sii dhaceysay dowladda Farmaajo la keenay Muqdisho, islamarkaana qaatay nabad ayaa shalay ku dhowaaqay kacdoon cusub.

Jeneraal Xuud oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa ku sheegay in marnaba uu isbedelin mowqifkiisi hore ee kacdoonka, kaasi oo uga soo horjeeday madaxweyne Cali Guudlaawe.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in aan xoog lagu haysan karin Hiiraan, isla markaana ay maamul cusub u sameysanayaan, isaga oo xusay in uusan aqoonsaneyn maamulka HirShabelle ee uu hoggaamiyo Cali Guudlaawe.

“Markaan Xamar nimid in aan ka hadalno arrin ceyrin ah, marwalba waxaa isku dayeynay in aan ka gun gaarno wax walba. Waxaa shirkaan jaraa’id u qabanay HirShabelle mowqifka ay taagan tahay iyo mowqifka aan taaganahay hadda nahay Kacdoonka Hiiraan ay aad u kala fog-yihiin, marnaba aysan isku imaan karin,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo

Dagaal ka dhex-qarxay askar wadday meydka askari dil lagu fuliyey iyo maleeshiyo

0

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helaya is-rasaasaeyn xoogan oo ciidamo ka tirsan kuwa Amniga iyo maleeshiyaad hubeysan ku dhex-martay xaafada Kowda Luulyo ee degmada Cabudwaaq ee gobolka Galaduud.

Dagaalka ayaa ka dhashay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen askar waday meydka askari ka tirsan ciidamada dowladda oo saaka loo qisaasay dilka Taliye ku-xigeenkii ciidanka NISA ee Galmudug iyo Walaashiis.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in is-rasaaseynta uu ka dhashay khasaaro kala duwan, ayna ku dhinteen laba ruux oo labada dhinac ah ka kala tirsan, halka Saddex kale ay ku dhaawacmeen.

Waxaa lagu soo waramaya in xaalad kacsanaan ah oo ka dhalatay weerarka ay ka taagan tahay degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, islamarkaana dadka degaanka ay cabsi soo wajahday.

Toogashada Askariga ay ka dhalatay xiisadu ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayadoo ay goobjoog ahaayeen ehellada marxuumiinta, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Dhagadheere ayaa waxaa maalin kahor xukun dil toogasho ah ku ridday maxkamadda ciidamada, kadib markii ay saraakiil ka tirsan maxkamadda gaareen degmada Caabudwaaq, kuwaas oo uu hogaaminayey guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana dilkaas lagu fuliyey isla maanta.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horey sidaan oo kale dilal ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay geysteen.

Degmada Caabudwaaq oo ka mid ah magaalooyinka hoostaga Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay qaarkood geystaan maleeshiyaad hubeysan.

Abiy Ahmed ‘naftiisa un ha eedo kadib wixii uu ku sameeyey’ Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Nabad iyo Nolol ayaa baraha bulshada ka billaabay weerar ka dhan ah safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira,  ayaga oo difaacaya Itoobiya oo la ogyahay inay tahay cadowga koowaad ee Soomaali ay leedahay. 

Kooxdan ayaa si gaar ah qiil uga dhiganaya hadal uu madaxweynaha Masar Cabdifataax Sisi ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada-qabteen madaxwene Xasan Sheekh, kaasi oo la xiriiray biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Nile. 

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladda Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (Ethiopian Renaissance Dam), waxaana isku raacnay aragtida ah halista siyaasadaha halka dhinac ah ee ku wajahan mashaariicda wabiyada caalamiga ah, iyo sidoo kale inay lama huraan tahay inaan ka dhegnaano mabda’a iskaashiga iyo wada-tashiyada u dhaxeeya dalalka webiga uu maro si loo xaqiijiyo inaan waxyeelo loo gaysan midkoodna,” ayuu yiri madaxweyne Sisi. 

Madaxweyne Xasan Sheekh meelna kuma sheegin inuu hadalkaas ku raacsan uyahay Sisi, mana jirin war-murtiyeed wadajir ah oo arrintaas lagu caddeeyey.

Si kastaba, fallanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in Itoobiya iyo Abiy Ahmed-ba ay mas’uul ka yihiin siyaasad kasta oo ku wajahan biyo-xireenka oo madaxweyne Xasan Sheekh uu qaatay, haddiiba ay jirto, maadaama ay albaabka ka xirteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qorshihiisu ahaa inuu booqdo Itoobiya lana kulmo Abiy Ahmed kahor safarka Masar, hase yeeshee Abiy ayaa saacad dambe baajiyey safarka. Sidoo kale illa hadda wax taraiikh cusub ah uma qaban safarka madaxeynaha.  

Dadka arrintaas qaba waxaa ka mid Rashid Cabdi oo ka tirsan hay’adda daraasaadka ee Sahan Research, islamarkaana fallanqeeya siyaasadda gobolka. 

“Aan xusuusiyo kuwa dhalleeceynaya safarka Xasan Sheekh ee Masar xaqiiqda ah: Xasan Sheekh wuxuu qorsheeyey inuu u safro Addis Ababa kadib Jabuuti si uu ula kulmo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Daqiiqaddii ugu dambeysay, Xasan Sheekh waxaa loo sheegay inaan Abi la heli karin. Wax taariikh ah looma qaban. Waxa kaliya ee Xasan Sheekh doonayey ayaa aheyd inuu dheeli-tiro xiriirka arrimaha dibedda oo dib u heshiisiin sameeyo,” ayuu yiri Rashid Cabdi.

“Abiy isaga ayaa ka dhuuntay Xasan Sheekh. Ha eedeyn Xasan Sheekh. Wuxuu dhab ahaantii isku dayey inuu aado Addis Ababa.”

Sidoo kale, agaasimihii hore ee Machadka Heritage Cabdirashidi Xaashi ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku jirin haddii Xasan Sheekh uu Qaahira booqdo kahor Addis Ababa. 

“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu halku dhigga siyaasaddiisa gudaha iyo dibedda ka dhigay ‘Soomaali heshiis ah, dunida na heshiis la ah’. Sida booqashadiisa Imaaraadka ee kahor Turkey aysan dhibaato u aheyn ama tiisa Asmara kahor Jabuuti aysan u aheyn, booqashadiisa Qaahira kahor Addis-Ababa dhibaato ma noqon doono,” ayuu yiri Rashiid Cabdi.

Xaqiiqda ah in madaxweyne Xasan Sheekh deg deg u booqday dhammaan dalalka deriska la ah Soomaaliya ama ugu saameynta badan, ayaa ku tuseysa sida ay uga go’an tahay inuu cid kasta heshiis la ahaado, balse in Abiy noqday kan kaliya ee diiday booqashada Xasan Sheekh, waxa ay caddeyn u tahay inuusan nabad rabin. 

Fu’aad Shongole oo war kasoo saaray duulaanka Al-Shabaab ee Itoobiya iyo qorshe ay damacsan yihiin

0

Bakool (Caasimada Online) – Dagaal-yahaanada Al-Shabaab ayaa isku diyaarinaya rogaal celin culus, kadib dagaalo ay la galeeen ciidamada Liyuu Booliska, ayada oo furimaha hore ee deegaanada Ceelbarde iyo Caato uu gaaray mid kamid ah culimada dhiirigeliya Jihaadka Al-Shabaab.

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf oo hadal u jeediyay boqolaal ka tirsan dagaal-yahanaada Shabaab ee ku sugaan deegaanadaas ayaa u sheegay inay isku diyaariyaan weerar kale oo ka dhan ah ciidamada Itoobiya, isaga oo ugu hambalyeeyay guul uu ka sheegtay dagaalka.

“Waxaa shaki ku jirin anaga dhaawac ma wadano, cadowga isaga jabay oo bakhtigiisa si uu u duugo waayay. Maanta anaga haddii aan ku rogaal celino waxaa gaareyna nasrigii hore mid ka weyn,” ayuu yiri Fu’aad oo hadal u jeedinayay dagaal-yahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu ku dardaaray dagaal-yahanada inay u adkeystaan dhibkasta oo ay la kulmaan inta ay ku jiraan dagaalka, islamarkaana ay sii wadaan illaa inta ay ka dhimanayaan ama ka guul gaarayaan.

Fu’aad ayaa ku dheeraaday kalimado dhiiri-gelin ah oo dagaal-yahaanada ku riixaya inay sii wadaan dagaalka, isagoo soo hadal qaaday dagaalladii lagu laayay ciidamada Itoobiya ee isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Yeed iyo deegaanka Caato.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku goodiyay maleeshiyaadka Liyuu Booliska ee ku sugan deegaanada xuduudka labada dal inay ka shallayn doonaan xasuuqa iyo xad-gudubyo uu sheegay inay ku hayaan dadka muslimiinta.

Juxa: Sisi wuxuu Soomaaliya ku gaaday dhimbil dab ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo war qoraal ah soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in Soomaaliya ay si sibiq ah loo dhex istaajiyay muranka mudada badan soo jiitamayay ee Masar iyo Itoobiya.

Juxa ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi uu danihiisa gaarka ah uga faa’iideystay socdaalkii madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana uu ku gaaday dhimbiil dab ah oo la coleysiin karta Itoobiya, sida uu sheegay.

“Madaxweyne Sisi waxaad mooda inuu Soomaaliya ku gaaday dhimbiil dab ah iyadoona weli dowlad dhisan. Soomaaliya oo aan 30 sano cago dhigan oo ay labadeeda Webiba uga yimaadaan Itoobiyaa, webiga Al-Shabaabna uga furan yahay gudaha ma dhex geli kartaa muranka biyaha ee labada dal ee Afrika ugu xoogan oo aan midkoodna har iyada u jiideyn,” ayuu yiri Cabdi Faarax Juxa.

Sidoo kale waxa uu qoraalkiisa ku yiri “Gaadmada Masar ee maanta waxaa ka horeysay gaadmadii 1997-kii, markii shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliya ee Boosaaso ku mudaysnaa ay Masar si deg deg ah ugu wareejiya Qaahira, soona jeedisay in Xuseen Caydiid iyo Cali Mahdi noqdaan madaxweynaha iyo madaxweyn ku-xigeenka Soomaaliya.”

Qoraalka Juxa ayaa waxa uu daba socda hadal uu madaxweynaha Masar ka sheegay shirkii jaraa’id ee Xasan Sheekh, kaasi oo ku sheegay in labada dhinac ka wada-hadleen xaalada biyo xireenka, iskuna raaceen aragtida ah halista siyaasadaha halka dhinac ah ee ku wajahan mashaariicda wabiyada caalamiga ah.

“Waxaan ka wada-hadalnay xaaladda Biyo-xireenka Dib-u-curashada Itoobiya (Ethiopian Renaissance Dam), waxaana isku raacnay inay lama huraan tahay inaan ka dhegnaano mabda’a iskaashiga iyo wada-tashiyada u dhaxeeya dalalka webiga uu maro si loo xaqiijiyo inaan waxyeelo loo gaysan midkoodna,” ayuu yiri Al-Sisi.

Si kastaba, Madaxweyne Xasan Sheekh meelna kuma sheegin inuu hadalkaas ku raacsan uyahay Sisi, mana jirin war-murtiyeed wadajir ah oo arrintaas lagu caddeeyey.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab oo sii xoogeystay

0

Bakool (Caasimada Online) – Dagaal u dhaxeeya cidamada Liyuu Booliska dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku dhex maray tuulada Laasqurun oo 12-km u jirta degmada Feer-feer ee xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Saraakiisha amniga dowlad deegaanka ayaa guul ka sheegtay dagaalka, halka kooxda Al-Shabaab aysan weli ka hadlin.

Ibraahim Cali oo kamid ah dadka ku nool degmada Feer-feer oo la hadlay idaacada VOA-da ayaa sheegay in ciidamada Liyuu Booliska ay kabaha la dulmareen dagaal-yahaanadii Al-Shabaab, islamarkaana uu hadda istaagay dagaalka.

“Dagaal qorsheysan ayaa lagu qaaday oo lagaga hortagay xubnihii Al-Shabaab oo kabaha ayaa lala dulmaray waxa la gaarsiiyay meesha la yidhaahdo Dooxaale, khasaaraha la gaarsiiyay xad maleh waxaa magaalada ka jirta dabaal-dag iyo farxad,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hub badan laga furtay xubnaha Shabaabka, isaga oo xusay in jawiga guud ee deegaanadaas uu degan yahay, isaga oo xusay in si guud loo soo afjaray oo aan xiligaan laga cabsi qabin rogaal celin ka timaada argagixisada.

Dhinaca kale, waxaa goor sii horeysay dagaalka ka dhan ah argagixisada ku biiray ciidamada millateriga Itoobiya, kuwaasi oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada deegaannada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka ayaa dhankooda sheegay in ciidamadooda ay dileen 85 ka mid ahaa dagaalyahannada Shabaab, isla markaana ay ka qabsadeen deegaanno badan.

Dhinaca kale, culuma’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Aqoonyahka iyo Waxgaradka Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Isniintii si wad-jir ah u cambaareeyay weeraradi ay Al-Shabaab maalmihi lasoo dhaafay ku qaadday deegaanno ka tirsan dhulka Dowlad-deegaanka Soomaalida.

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Isbaheysiga Hey’adaha aan Dowliga aheyn ee loo soo gaabiyo SONSAC iyo Daladda Aqoonyahanka Deegaanka Soomaalida ee DADS ayaa lagu cambaareeyay weerarada Al-Shabaab ku qaadeen fariisamo ay ciidanka Liyuu Booliska ku leeyihiin xadka.

Sidoo kale, qoraal saxaafadeed kaas la mid ah waxaa xalay soo saaray Golaha Nabadda iyo Midnimada ee daagaanka iyo Culumaa’uddiinka.

Bayaanka ayaa lagu cambaareeyay dagaalka ay Shabaab ka geysteen deegaannada xadka, halka ay ku bogaadiyeen howlgallada ay ciidamada Liyuu Boolis kaga hortageen Al-Shabaab.

Waxay ugu baaqeen shacabka dowlad deegaanka in ay badiyaan feejignaanta ku aadan falalka lagu qalqal gelinayo amniga deegaanka.

Madaxweyne Xasanoo kusoo laabtay Muqdisho – Muxuu kala soo hadlay Masar?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar ugu maqnaa dalka Masar ayaa gabal dhicii galabta dib ugu soo laabtay caasimadda dalka ee Muqdisho.

Madaxtooyada oo qoraal kooban ka soo saaray dib u soo laabashada Madaxweynaha ayaa shaacisay qodobadii uu kala soo hadlay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar waxaa kulan miro dhal ah kula qaatay Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, isaga oo la soo qaaday xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta inta uusan ka soo amba-bixin Qaahira wuxuu kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Al-qeyd, wuxuuna ka codsaday in Ururka Jaamacadda Carabtu uu dardar geliyo gacansiinta howlaha gurmadka abaaraha iyo horumarinta, xal u helidda caqabadaha amni iyo dhaqaale ee ay la tacalaayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu ku sugnaa Qaahira wuxuu la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Cabdiqaasin Salaad Xasan, masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Xamza oo sameeyey ballan-qaad la xiriira xukuumadiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo latashiyo ku saabsan dhismaha xukuumadda la qaadanaya qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah, ayaa maanta qaabilay maamuleyaasha warbaahinta ka howl-gasha gudaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u ballanqaaday bahda saxaafadda in xukuumaddiisu ay mudnaan siinayso daah furnaanta shaqada dowladda iyo xogsiinta shacabka, waxa uuna tilmaamay doorka ku aaddan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka fikradaha argagixisada ee laga sugayo warbaahinta in ay dardar geliyaan.

Sidoo kale, Xamza Cabdi Barre, ayaa adkeeyey doorka Xukuumadda ee ku aaddan dhowridda xorriyadda hadalka, xuquuqda Warbaahinta iyo badqabka wariyeyaasha, isagoo ku bogaadiyey shaqada ku aaddan xogsiinta iyo wacyigelinta ee ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta ka howl-gala dalka, ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda iyo warbaahinta, taas oo aas-aas u ah xaqiijinta xorriyadda iyo madax-bannaanida saxaafadda, iyagoo la wadaagay tallooyin la xiriira qaabka ay u wada shaqeyn karaan warbaahinta iyo dowladda.

Xamza ayaa sidoo kale shalay kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka oo uu kala hadlay dhisitaanka xukuumad tayo leh oo si degdeg ah uga samatabixisa dhibaatooyinka heysta dadkeena iyo dalkeena.  

Qaybaha Ra’iisul Wasaaruhu la kulmay waxay isugu jireen culimada, ururrada bulshada rayidka iyo dhalinyarada – kuwaaso oo soo jeediyay talooyin wax ku ool ah – iyaga oo sheegay inay gacan siin doonaan dowladda cusub.

Villa Somalia oo shaaca ka qaaday mowqifkeeda ku aadan arrinta wabiga NILE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdikariin Cali Kaar oo u warramay BBC-da ayaa faahfaahin ka bixiyey wadahadalladii dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la saftay Masar oo ay haatan is hayaan Itoobiya.

Waxaa baraha bulshada arrintaas ku faafiyey taagerayaasha madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba afhayeenka ayaa ka hadlay arrintaasi.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Qaahira iyo Muqdisho uu ka dhexeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, balse uu mar dhoweyd soo kala dhex galay mad-madow.

“Soomaaliya dowladda Masar waxaa kala dhexeeya xiriir soo jireen ah oo aad u qoto dheeraa, walow beryahaan dambe xoogaa mad-madow uu jiray” ayuu yiri afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu caddeeyey mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aadan arrinta biuo-xireenka wabiga Nile , wuxuuna sheegay inuu yahay in si nabad ah looga faa’ideysyo biyaha wabigaasi.

“Wabiga Nile waxa uu maraa dalal badan mowqifka dowladda Soomaaliya wuu cadyahay iminkana waa kuu caddeynayaa mowqifka dowladda Soomaaliya waa in si nabad ah looga faa’iideystaaa biyaha wabiga Nile, ayada oo la raacayo xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu xusay in 2021-kii uu jiray go’aan ka soo baxay Qaramada Midoobay oo ay ku wada qanacsan yihiin dalalka uu maro wabiga Nile, arrintaasina ay raacsan yihiin.

“Waxaan intaas kuu raacinayaa 2021-kii waxaa jiray Resolution uu UN-ka soo saaray oo labada wadanba ay ku qanacsanaayeen oo ahaa wadamada uu wabiga Nile mara oo idil ay ku qanacsanaayeen oo ahaa si nabad ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah in biyaha looga wada faa’iideysto” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey afhayeenka Villa Soomaaliya.

Sikastaba, dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Itoobiya oo war kasoo saartay DAGAALKA Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab

0

Addis Aabab (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa war cusub kasoo saartay howlgalka ka socda dowlad deegaanka Soomaalida, kadib markii ay gudaha u galeen xubno horleh oo ka tirsan Al-Shabaab oo ka tallaabay xadka dhinaca soo xiga gobolka Hiiraan.

Sarkaal sare oo u hadlay milatariga Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeen howlgal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, ujeedkoodkana uu yahay sidii looga saari lahaa halkaasi.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in ciidamadooda ay ku biireen dagaalka, ayna dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan deegaannada dhaca xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dagaalkii u dambeeyey oo ahaa mid culus ayaa shalay ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo u dhow degmada Feer-Feer oo ku taalla xadka Itoobiya uu la wadaago gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka ayaa dhankooda sheegay in ciidamadooda ay dileen 85 ka mid ahaa dagaalyahannada Shabaab, isla markaana ay ka qabsadeen deegaanno badan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana wararka ay sheegayaan ina labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan xadka, halkaas oo laga dareemayo abaabul ciidan oo xoog leh.

Dowlad deegaanka ayaa gashay xaalad amnni oo adag, kadib markii todobaadkii hore ay dagaal ku qaadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka gudbay dhinaca Bakool.

Sikastaba, labada dhinac ayaa dagaalladii ka dhacay halkaasi guullo ka kala sheegtay, waxaana garab kasta soo bandhigay hub iyo maxaabiis lagu kala qabsaday dagaalladaas.

Duqeymo culus oo xalay ka dhacay Tooratoorow iyo ciidamo gudaha u galay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeyn culus ka geysteen gudaha deegaanka Tooratoorow ee gobolkaasi, taas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Duqeynta, kadib ayaa waxaa xigay in ciidamo ay gudaha ugu daateen deegaanka, kadibna ay howlgal ka fuliyeen Tooratoorow oo ay xarumo ay ku leedahay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta si gaar ah loola bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab, balse ma cadda khasaaraha lagu gaasiiyey weerarkaas.

Sidoo kale ciidamada hubeysan ee gudaha u galay Tooratoorow ayaa la sheegay inay soo kaxeysteen illaa 10 qof oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale dadka deegaanka oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay saameyn ku yeelatay duqeynta, isla-markaana ay lasoo daristay cabsi xoogan.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi dhanka cirka ee lagu qaaday deegaanka Tooratoorow.

Deegaankan oo ah mid istiraatiiji ah ayaa waxaa ku yaallo xarumo ay lacago ku qaadaan Al-Shabaab iyo maxkamado ay ugu yeeraan dadweynaha, waxaana marar badan howlgal ku qaaday ciidamada Xoogga Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxibadooda caalamiga ah.

Col. Macow: Al-Shabaab way ka gudbeen inay qarxiyaan xarumaha kadibna weeraraan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ah qabiir amni ayaa ka hadlay dagaalka ay Al-Shabaab ku qaadeen gudaha dalka Itoobiya, gaar ahaan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida, kadib wareysi dheer oo uu siiyey Telefishinka Universal.

Korneelka oo horey uga mid ahaa saraakiisha sar sare hay’adda NISA ayaa shaaca ka qaaday in haatan xoogaga kooxda Al-Shabaab ay ka gudbeen inay is qarxiyaan, kadibna ay weeraraan xarumaha, wuxuuna tilmaamay in ujeedkooda uu yahay inay galaan Itoobiya.

“Al-Shabaab way ka gudbeen isku qarxi, kadibna xarumaha weerar marka ujeedada ay meeshaas u aadeen ma ahan in ciidan meesha joogo kusoo duulaaan, laakiin ujeedkooda waxaa waayey inay u gudbaan gudaha Itoobiya,” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow.

Sarkaalkan oo sii hadlaya ayaa faahfaahiyey sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay inay ka gudbaan dhanka gobolka Hiiraan, una tallaabaan Itoobiya. Macow ayaa sheegay in dagaalayahannada kooxda ay mareen dhanka Beer Gadiid, halkaas oo aysan joogin ciidan.

“Beer Gadiid ayey kasoo gudbeen waxay u dhexeysaa Jawiil iyo Matabaan dhulkaas buuraleyda ah ayey kasoo gudbeen marka wadda waxaa jirta xuduuda Itoobiya dhinaca waqooyi ka geleyso Feer-feer, taas ayey ka gudbeen meeshaas ciidan dowladeed ma joogaan, ciidanka waxa ay joogaan Matabaan raca kalena wuxuu joogaa kala beerka,”

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in awooda kooxda ay korortay, markii laga gaabiyey weeraradii iyo howlgallada ay wadeen ciidamada huwanta ee ku sugan dalka.

“Al-Shabaab 5-tii sano ee lasoo dhaafay lala ma dagaalin marka awoodo badan oo ay ku dhaq-dhaqaaqaan ayey leeyihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dagaalka ka socda xadka Itoobiya ayaa saameyn ku yeeshay dowlad deegaanka, waxaana ciidamadii ugu badnaa haatan ay soo dhoobtay xaduuda labada dal, si ay uga hortagaan duulaanka culus ee ay xoogaga Al-Shabaab ku qaadeen qaybo ka mid waddanka Itoobiya.

Askari dilay taliye ka tirsan NISA iyo walaashiis oo isna toogasho lagu fuliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay Axmed Cabdi Xasan (Dhagadheere) oo ka tirsanaa milatariga Soomaaliya, kaas oo 17-kii bishaan Caabudwaaq ku dilay taliye ku xigeenkii ciidanka NISA ee Galgaduud, Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Toogashada ayaa ka dhacday fagaare ku yaalla duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayadoo ay goobjoog ahaayeen ehellada marxuumiinta, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Dhagadheere ayaa waxaa maalin kahor xukun dil toogasho ah ku ridday maxkamadda ciidamada, kadib markii ay saraakiil ka tirsan maxkamadda gaareen degmada Caabudwaaq, kuwaas oo uu hogaaminayey guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, waxaana dilkaas lagu fuliyey isla maanta oo ah Isniin, kuna beegan tahay 25-ka bishaan July.

Dhinaca kale ehellada taliye ku xigeenkii nabad sugidda ee gobolka Galgaduud & walaashiis Xaawo Cumar Geelle ayaa soo dhoweeyey xukunka qisaasta ahaa ee maanta lagu fuliyay Axmed Cabdi Aadan (Dhagadheere) oo lagu helay inuu isagu ka dambeeyey dilkaasi.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa horey sidaan oo kale dilal ugu fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay geysteen.

Degmada Caabudwaaq oo ka mid ah magaalooyinka hoostaga Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay qaarkood geystaan maleeshiyaad hubeysan.

Xaqiiqada warkii uu Al-Siisi ka sheegay Xasan Sheekh iyo biyo-xireenka Itoobiya

0

Qaahira (Caasimada Online) – Kadib shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar oo kulan ku dhex maray magaalada Qaahira ayaa waxaa soo baxay in warar ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya uu la saftay dalka Masar.

Waxaa baraha bulshada arrintaas ku faafinaya taagerayaasha madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Haddaba waxaan halkan hoose kusoo qaadaneynaa warkii uu shirka jaraa’id ka sheegay Madaxweynaha Masar.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa sheegay inay dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud isku afgarteen in heshiis dhab ah laga gaaro buuxinta iyo ka shaqeynta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) iyadoo aan dib loo dhigin.

Heshiiska ayuu sheegay inay tahay in lagu saleeyo bayaankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) bishii Sebtembar ee sannadkii 2021, si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida gobolka, Madaxweyne Sisi ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Maxamuud isaga oo jooga Qaahira.

Abdifatah Al-Sisi wuxuu kaloo sheegay in uu Madaxweynaha Soomaaliya kala hadlay arrinta biyo-xireenka Itoobiya ee GERD, isagoo caddeeyay inay muujiyeen khatarta ay leedahay siyaasadaha hal dhinac ah marka la fulinayo mashaariicda ku saabsan webiyada isaga gudba.

Madaxweynaha Masar waxa uu intaa ku daray inay isla qaateen inay lama huraan tahay in loo hogaansamo mabda’a iskaashiga iyo wadatashiga dowladaha darafyada ee Biyo xireenka GERD si loo hubiyo in aan wax dhibaato ah loo geysan mid ka mid ah iyaga oo raacaya qaraarada sharciga caalamiga ah.

Sisi wuxu ugu hambalyeeyay Maxamuud xilka uu qabtay bishii June isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarinta xasilloonida Soomaaliya.

Sisi waxa uu sheegay in Masar ay ka mid tahay dalalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday madax-banaanida Soomaaliya 1960-kii, isla markaana ay si joogto ah u taageerto Soomaaliya si loo gaaro amni iyo xasilooni.

“Waxaan wali si sharaf leh u xasuusannaa shuhadadii Masar ee naftooda u waayay si ay Soomaaliya u hesho madax-bannaanideeda oo ay u ilaaliso wadajirkeeda dhuleed,” wuxuu ka mid ahaa khudbadii Madaxweynaha Masar.

Sisi waxa uu bogaadiyey dadaaladii lagu furayay laanta Banque Misr ee Soomaaliya, kuwaas guul ku dhammaaday, iyadoo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya uu fasax shaqo siiyey. “Waxaan rajeyneynaa in furitaanka laanta Banque Misr ee Soomaaliya ay gacan ka geysato horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga Masar ee Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan labada dhinac,” ayuu yiri Madaxweyne Sisi.

“Masar waxa ay xaqiijineysaa in ay taageereyso dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo nabadda iyo amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada si loo gaaro horumarka la hiigsanayo, looga gudbo caqabadaha jira, loogana dhabeeyo rabitaanka dadk”, ayuuna sii raaciyey.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

Xigasho: Goobjooge.net

Sawirro: CAGJAR oo ciidan xoog leh soo dagaal geliyey xilli ay is-hayaan Al-Shabaab

0

Godey (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo ku sugan magaalada Godey ee gobolka Shabeelle ayaa saacadihii lasoo dhaafay u khudbaayey kumanaan ciidan ah.

Ciidankaas oo ka socda dowladda federaalka Itoobiya ayaa ku biiraya dagaalka ay ciidanka degaanka ee Liyuu Boolis kula jiraan kooxda Al-Shabaab oo gudaha u gashay dalka Itoobiya.

Madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa kula dardaarmay ciidamada difaaca qaranka ee dowladda dhexe ee Itoobiya ay u soo dirtay dagaalka, inay gacan siiyaan ciidanka deegaanka sidii loo soo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab ee gudaha u gashay deegaano badan oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida.

Dagaalka Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab oo socda mudo ku dhow todobaad, ayaa la saadaalinayaa inuu sii xoogeysto saacadaha soo socda, maadaama ciidan xoog leh oo militeriga Itoobiya ka socda uu dagaalka ku soo biirayo.

Dagaalka oo maalmihii lasoo dhaafay uu xoogiisu ka socday xuduuda gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu la wadaago dhulka Soomaali Galbeed ayaa hadda sii faafay, maadaama ay Al-Shabaab dhowr jiho oo xuduuda ah ka talaabeen.

Shalay dagaalkii ugu cuslaa ayaa ka qarxay degaan lagu magacaabo Laasqurun oo 20 KM u jira degmada Feerfeer ee xuduuda gobolka Hiiraan.

Dagaalkaas oo ilaa hadda aan la ogaan khasaarihiisa rasmiga ah inta uu la egyahay ayaa saraakiisha ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka waxay ka sheegteen guulo, iyagoo sheegay inay deegaankaas ka saareen Al-Shabaab, kuna jabiyeen dagaalka.

Amni xumada Muqdisho – Shan qodob oo sheegaya sababta dhibaatada iyo xalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa sii xumaaneysa, iyadoo laamaha amniga gaar ahaan booliska ay u muuqdaan kuwa xakameyn la’a dhaca iyo dilka lagu hayo shacabka.

Degmooyinka magaalada qaar waxaa dadka ku adkaatay inay banaanka u adeeg doontaa wixii ka dambeeya salaada Maqrib, waxaana muuqata in maamulka gobolka Banaadir uu ka jiiftay dhibaatooyinka ay wajahayaan dadka dagan caasimada.

Booliska ayaa joojiyey isku socodka mooto Bajaajta wixii ka dambeeyo 12-ka habeenimo, dhowr howl-gal oo ay sameeyeena waxay faafiyeen in burcad lagu soo qabtay, laakiin dhammaan uma muuqdaan kuwo ku filnaaday hagaajinta xaaladda amniga ee magaalada Muqdisho.

Dadku waxay ka doodayaan waxa dhibaatada kordhiyey iyo waxa xalkeedu noqon karo. Joojinta mootooyinka bajaajta ee habeenkii xilliga dambe aad looma taageersana maadaama xilliga burcadda ay dadka beegsadaan ay u badan tahay wixii ka horreeya tobanka habeenimo.

Dhaqamo cusub ayaa kusoo kordhay caasimadda kuwaas oo la aaminsan yahay inay sababta amni darada qeyb ka yihiin.

Warbixintaan waxaa ku eegeynaa qaar kamid ah sababaha dhibaatooyinka ee la isku raacsan yahay iyo xalka ugu dhow:

  1. Daroogada

Magaalada Muqdisho waay gaartay heerkii ugu sareeyay ee ka ganacsiga iyo isticmaalka daroogada, weliba xanuunka waa in da’yartu ay si wey ugu bareertay qatartaan.

Muqdisho ayaa 30-kii sano ee burburka caan kuma aheyn isticmaalka badan ee daroogada, mar walba oo ay kororto daroogada soo galeysa magaalada iyo isticmaalkeeda waxaa xoogeysanaya dhibaatooyinka ay ku kacayaan dadka isticmaala.

Nooca tallaabada ay dowladda cusub ka qaado isticmaalka iyo iibka daroogada ku faaftay caasimadda waxay jawaab u noqon doontaa gunaanadka dhibaatadaan taagan.

  1. Isbadalka maamulka

Mar walba oo uu isbadal maamul dhaco waxaa abuurma kooxo isku daya inay ka faa’ideystaan kala wareegga maamulka. Kooxahaan badi waxay ka dhex dhashaan ciidamada dowladda, dalka weli xukuumad ma yeelan.

Nidaamka cusub ee ka curtay Soomaaliya waxaa hor taalla inay darsaan dabeecadaha kooxahaan isku daya inay ka faa’ideystaan kala wareegga dowladda, kuwaas oo sida muuqata hadda qeyb ka ah qalalaasaha ka socda caasimadda.

  1. Hoggaanka ciidamada

Maadaama uu nidaam cusub dhashay waxaa la fahamsan yahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaqaaqi doono ballantiisii aheyd inuu 100 maalmood ku sameyn doono isbadalka iyo dib u habeynta laamaha ammaanka.

Hoggaan ciidan oo sugaya badal haddii aysan dhib abuurin uma badna inay u labisan yihiin inay dib ka hor tagaan. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa inuu ka daahay isbadalka hoggaanka qeybaha ciidanka ayey leeyihiin fallan-qeeyaashu.

Habacsanaanta ka muuqata qeybaha ciidanka, gaar ahaan booliska iyo Militarigii oo magaalada dhibaato ka dhex wada waxaa loo arkaa rajo beesha heysta hoggaanka ciidanka.

Inuu madaxweynuhu deg deg ugu dhaqaaqo isku shaandheyn dhanka hey’adaha amniga ah wax badan ayey ka tari doontaa xaalka sida la aaminsan yahay.

  1. Madaxda gobolka Banaadir

Madaxda maamulka gobolka Banaadir waxay u muuqdaan kuwa gacmaha ka laabtay dhibaatada caasimadda, sida sicir bararka dilka iyo dhaca.

Hoggaanka xilligaan ee maamulka gobolka Banaadir oo ay dowladdii madaxweyne Farmaajo magacowday waxaa aad loo dhaliilsan yahay shaqadooda, inay sidaan uga sii dhuuntaan waxa caasimadda ka jirana waa dhibaato kale.

In maamulkii hore ee gobolka Banaadir awood cusub la siiyo oo si adag loola xisaabtamo ama in dowladda cusub dadajiso hoggaankeeda gobolka Banaadir ayaa kamid ah waxyaabaha lasoo jeedinayo inay xalka qeyb ka noqon karaan.

  1. Isku xirka shacabka iyo dowladda

Dowladda cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh weli uma muuqato inay ahmiyad siineyso cilaaqaadka shacabka caasimadda.

Haddii aysan dowladda arrintaasi ahmiyad siinin oo aan la helin isku xir deg deg ah iyo wada-shaqeyn u dhaxeysa shacabka Muqdisho iyo dowladda federaalka ah waa adkaan doontaa in xal loo helo dhibaatada ka jirta magaalada Muqdisho.

Nuxurka khudbaddii Xasan ee xiriirka Somalia iyo Masar

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday madaxtooyada dalka Masar, halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Cabdulfataax Al-siisi oo ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku bilaabay in waqti badan uusan ku bixineyn xiriirkii adkaa ee Soomaaliya ay la laheyd Masar, balse uu diiradda saarayo xiriirka casriga ah ee ay wadaagaan labada dal.

“Waxaan xilli kasta xusuusannahay halyeygii Kamaaluddiin doorkii uu cayaaray gobanimadeena iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee uu qaatay xilligii aan u halgamaynnay xorriyadda. Ka dib markii ay Soomaaliya heshay madaxbannaanida, Masar iyo Soomaaliya xiriir xooggan ayaa ka dhaxeeyay oo dhinac kasta taabanayay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu intaas ku sii daray, “30-kii sano ee aan burburka ku jirnay Masar mar kasta way na garab taagnayd, si ay u xaqiijiso ku soo laabashadeenna booskii aan ku lahayn fagaarayaasha caalamiga ah. Mana jirto xilli maanta kaga habboon inaan xoojinno xiriirkeenna.”

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in taageerada aan ka heleyno Masar ay tahay mid gaar ah oo ka soo go’day qalbiga.

“Waa caawimaad ku qotonta xiriirkeenna qadiimiga ah iyo sida uu Madaxweyne Al-Sisi ka dhawaajiyay taageero gacan ka gaysanaysa danaha labadeenna dal ee gobolka iyo adduunka intiisa kaleba. Waan ka mahadcelinaynaa arrintaas,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Masar ka balan qaaday in Soomaaliya ay kaalin weyn ka gaysa doonto sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka iyo mustaqbalka laba qaran.

“Mar kale, waxaan ka mahadcelinayaa doorka Masar ee dib u dhiska Soomaaliya. Mudane Madaxweyne, adiga iyo dadweynaha Masarba waxaan idiinka mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ee aad ku bixinaysaan dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Qaahira ka sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa xumaa intii uu xukunka joogay Farmaajo, waxaana sabab u ahaa xiriirkii wanaagsanaa ee Farmaajo uu la lahaa Itoobiya, maadaama ay Masar iyo Itoobiya isku hayaan biyo xireenka wabiga Nile.

Dagaal culus oo dib uga dhex qarxay Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Feerfeer (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya ciidanka Liyuu Booliska dawlad deegaanka Soomaalida iyo kooxda Al-Shabaab uu maanta ka dhacay aaga degaan lagu magacaabo Laasqurun oo 20 KM u jira degmada Feerfeer.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa dagaalkii maanta qaaday ciidanka Liyuu Boolis ee dawlad deegaanka Soomaalida. Ilaa hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo dhaca xuduuda gobolka Hiiraan uu la leeyahay dowlad degaanka.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay degaanka Laasqurun uu ahaa mid aad u culus, kaas oo looga tag roonaaday Al-Shabaab.

Goobihii maanta lagu dagaalamay waxaa lasoo sheegayaa in hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Liyuu Boolis oo guluf adag kala hor yimid kooxda Al-Shabaab ee gudaha u gashay dhulka Soomaali Galbeed.

Sidoo kale deegaanada qaar ee dhaca xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa lasoo werinayaa in maanta ilaa caawa ay soo buux dhaafiyeen ciidamo aad u badan oo ka tirsan militeriga dowladda federaalka Itoobiya.

Ciidankaas ayaa garab siinaya ciidanka deegaanka ee Liyuu Boolis oo mudo ku dhow todobaad dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab oo xuduuda ka talaabtay gudahana u gashay deegaanada Soomaali Galbeed.

Ilaa hadda ma jirto cadeymo muujinaya in laga guuleystay Al-Shabaab oo laga soo saaray deegaanadii ay gaareen ee gudaha Itoobiya, waxaana la filayaa in howlgallada ka dhanka ah ay sii socdaan maalmaha nasoo aadan.

R/W Xamza oo isugu yeeray dhinacyo kala duwan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kulamo wadatashi ah oo ku saabsan dhismaha xukuumadiisa wuxuu la yeeshay qaar kamid ah dhallinyarada iyo culumada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeyn boggaadiyey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb-galka horumarka, isagoo xusay in ay yihiin mustaqbalka dalka, taladooduna ay tahay mid wax tar leh oo lagu kaabayo dowladnimada.

“Kulanka inta uu socday, ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo dhalinyarada qey-bahooda kala duwan, waxa ay is dhaafsadeen su’aallo ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo iyo sidii ay fursado shaqo ugu abuuri lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay kulankaas.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid culamada Soomaaliyeed, wuxuuna ka dhageystay tallooyinkooda ku wajahan dhismaha xukuumadda cusub.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in si uu u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynayo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta.

Isagoo la hadlayey culumadii uu la kulmay ayuu ku dheeraaday Ra’iisul wasaaruhu marxaladihii ay soo martay Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku adkeeyey sida ay uga go’antahay in xukuumadiisu ay noqoto mid samata bixisa Soomaaliya.

“Waxaan ogahay in bulshadu ay jeceshahay in xukuumadu guuleysato, markii adigoo bulshada ka yimid aad meeshaan timaadana waxaa dhici karta in is bedel kugu yimaado, laakiin waxaan idiin xaqiijinayaa inaan aad ula socono baahida ay qabto bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Kulamadaan waxay ku soo aadeen, xilli maanta uu baarlamaanku aqbalay codsi uga yimid Ra’iisul wasaaraha oo dalbaday in la siiyo 10 cisho oo dheeraad ah, si xukuumad tayo leh uu u soo dhiso.

Hoos ka daawo