25.7 C
Mogadishu
Monday, June 15, 2026

Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan iyo Al-Siisi? + Sawirro

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi.  

Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadan ay sal-dhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah. 

Xasan Sheekh, oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho, ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada. 

Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata. 

Sidoo kale, labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah, iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay higsanayso in xiriir wanaagsan oo ka tarjumaya iskaashi iyo wax wada-qabsi ay la yeelato dhammaan dalalka ay la tahay saaxiibka, dariska iyo dan wadaagta.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Farmaajo ayaa doortay inuu Masar kala safto Itoobiya, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile, oo ay aad uga soo horjeedaan Masar iyo Itoobiya.

‘Saddex ujeedo oo Fahad uu ka lahaa’ farriintii uu soo diray

Muqdisho ( Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda sirdoonka iyo nabadsugida qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa 23-kii July sii daayey farriin si fudud lagu fahmi karay dulucdeeda oo uu kaga hadlay weerarka Al-Shabaab ka fulisay qeybo kamid ah gobolka Bakool iyo dhulka Soomaali Galbeed.

Fahad Yaasiin ayaa soo jeediyey talooyin u muuqday inay xambaarsan yihiin ujeedooyin gaar ah. Marka laga tago inuu Fahad Yaasiin isku dayey inuu dowladda cusub ku eedeeyo inay sahashatay dagaalka Al-Shabaab ku qaaday qeybo Bakool iyo Soomaali Galbeed kamid ah, haddana saddex arrimood ayaa si fudud looga dhex akhrisan karay ujeedka qoraalka uu soo saaray.

Fahad Yaasiin, oo qeyb ka mid ah qoraalkiisa laga dheehday inuu dhulka Soomaali Galbeed u yaqaano dal daris oo ah Itoobiya xilli aysan Soomaaliya meelna ku aqbalin in dhulkaas Itoobiya yahay, ayaa dhinaca kale waxaan warbixintaan kusoo koobeynaa seddex ujeedo oo farriintiisa laga fahmay.

  1. Far isku fiiqidda Xasan Shiikh iyo Itoobiya

La taliyihii hore ee amniga qaranka Fahad Yaasiin Xaaji wuxuu dowladda cusub ee Xasan Sheekh ugu baaqay inaan la sahashan in Al-Shabaab u gudubtay dal daris ah.

Intii uu Fahad haystay NISA iyo intii uu la taliyaha u ahaa Farmaajaba Al-Shabaab waxay dhowr jeer u gudbeen waddanka Kenya, mana uusan sheegin inay taasi qatar weyn ku tahay darisnimada iyo xasilloonida gobolka.

Inuu hadda muujiyo dareen noocaas ah waxay ka dhigan tahay ayaa la leeyahay qeexitaanka inuu fashil amni ku eedeenayo dowladda Soomaaliya iyo inuu Itoobiya u muujinayo in kooxda Xasan Sheekh aysan dan ka laheyn in dhankooda lasoo aado.

Wuxuu dhinaca kale qodobkaas muujinayaa sheegasho ah in weli Farmaajo iyo kooxdiisa  Itoobiya garab u yiiin xilli uu madaxweyne Xasan Sheekh dhawaan soo celiyey xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya.

  1. Iska leexinta cilaaqaadka lagu xanto ee Al-Shabaab

Fahad Yaasiin wuxuu qoraalkiisa ku duray Al-Shabaab iyo duulaankooda. Ma ahan siyaasi looga bartay inuu kooxdaasi si adag u naqdiyo.

Marar badan agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin waxaa lagu eedeeyey inuu kooxdaan la leeyahay cilaaqaad wanaagsan.

Qoraalkiisa waxay dadka qaarkiis ku tilmaameen inuu ku muujinayo inuu ka fog yahay kooxdaasi si loo daciifiyo eedaha isku xira isaga iyo kooxda Al-Shabaab.

Intii uu Fahad ahaa agaasimaha NISA iyo ka horba dhowr jeer ayaa lagu eedeeyey gacansaarka kooxdaas, xilli sii horeysayna agaasime ku xigeenkii hore ee NISA Cabdalla Cabdalla ayaa u gudbiyey maxkamadda ciidamada qalabka sida dacwad la xiriirta inuu Fahad gacansaar la leeyahay kooxda Al-Shabaab.

  1. Weerarka Mahad Salaad

Qoraalka uu Fahad sii daayey wuxuu mar kale ku weeraray agaasimaha cusub ee hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad. Dhowr asbuuc ka hor wareysi uu Fahad Yaasiin bixiyey ayuu si dadka carro shakhsi ah ku sifeeyeen u weeraray isla Mahad.

Mar la eego qoraalkiisa sida uu Fahad mar kale isku xijinayo Al-Shabaab iyo Mahad Salaad iyo sida uu isaga mar kale isaga bari yeelayo saaxiibtinimada kooxdaas, waxay dad badan is waydiinayaan haddii uu labada nin ka dhexeeyo dagaal shaqsi ah oo siyaasadda dhaafsiisan ama haddii ay jiraan waxyaabo soo socda oo looga hortagayo farriimaha Fahad ee ku wajahan Mahad Salaad, si berri wax walba loogu arko dagaal shaqsiyadeysan.

Si walbaba, Fahad Yaasiin wuxuu soo jeediyey talooyon uusan bixin tallaabo ahaana u qaadin intii ay kooxdiisa xukunka haysatay iyadoo waqtigii Farmaajo marna dagaal lagu qaadin kooxda Al-Shabaab.

Daawo: Jeneraal XUUD oo beddelay mowqifkiisii kuna dhowaaqay kacdoon cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame (Xuud) oo si weyn uga soo horjeeday maamulka HirShabelle balse xilligii ay sii dhaceysay dowladda Farmaajo la keenay Muqdisho, islamarkaana qaatay nabad ayaa maanta ku dhowaaqay kacdoon cusub.

Jeneraal Xuud ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay wuxuu ku sheegay in marnaba uu isbedelin mowqifkiisi hore ee kacdoonka, kaasi oo uga soo horjeeday madaxweyne Cali Guudlaawe.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in aan xoog lagu haysan karin Hiiraan, islamarkaana ay maamul cusub u sameysanayaan, isaga oo xusay in uusan aqoonsaneyn maamulka HirShabelle ee uu hogaamiyo Guudlaawe.

“Marka Xamar nimid in aan ka hadalno arrin ceyrin ah, marwalba waxaa isku dayeynay in aan ka gun gaarno wax walba. Waxaa shirkaan jaraa’id u qabanay HirShabelle mowqifka ay taagan tahay iyo mowqifka aan taaganahay hadda nahay Kacdoonka Hiiraan ay aad u kala fog-yihiin, marnaba aysan isku imaan karin,” ayuu yiri.

“Haddii la isku dayana aan la isku soo jiidi karin (Kacdoonka iyo maamulka Guudlaawe), sababta waxay tahay markhaati ma doonto meesha taalla ay tahay wixii dhacdooyin ahaa ee ka dhacayay Hiiraan in aan waxba laga qaban.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xalka xiisada taagan uu ku imaan karo wax ay raali ka yihiin reer Hiiraan, isagoo xusay in reer Hiiraan ay isku duuban yihiin kadib masiibooyinkii ka dhacay Beledweyne.

“Jowhar wax inoogama maqne, Kacdoonka wax ku maqan oo waa soo dhicineyna. Haddii ayaga maamulkoodii wax ku kooban ka hadleen anaga waxa ka hadleyna umadda dhibaateysan waxa haqabatiri kara.”

Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in soo labo kacleynta Kacdoonka uu hogaaminayo Jeneraal Xuud uu lid ku yahay madaxweyne Xasan Sheekh, maadama xiligii Farmaajo uu hoos u dhacay ololaha Jabhadeynta Jeneraalka, isaga oo Muqdisho yimid lana heshiiyey dowladdii Farmaajo.

Hoos ka daawo muuqaalka

XAMZA oo sheegay sabab yaab leh oo ku dheereysay magacaabista wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay sababta keentay inay ku dheeraato magacaabista golaha wasiirada cusub, oo illaa hadda aan laga heyn 40 malamood kadib markii la magacaabay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta muddo dheeri oo 10 maalmood ah ugu daray Xamza si uu usoo dhiso xukuumadda, ayada oo maanta ay ku ekeyd 30-ka maalmood ee ay aheyd inuu kusoo dhiso oo ka billaabatay markii la asnixiyey.

Xamza oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in caqabadaha ka dhashay doorashadii soo jiitantay ee muddada badan socotay iyo is aaminaad la’aantii siyaasadeed ee ay horseedeen khilaafaadkii doorashada, sabab u yihiin dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirrada,

Waxa uu intaas ku daray in loo baahan yahay is-qancin siyaasadeed iyo soo celinta kalsoonida dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka.

“Si aan u soo dhiso xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, waxaa lagama maarmaan noqotay inaan waqti ku filan geliyo la tashiyada an la sameynayo qeybaha kala duwan ee siyaasiyiinta dalka iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Xildhibaannada Golaha Shacabka inay muddo dheeri oo 10 maalmood ah siiyeen dhismaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ka codsaday. 

Waxa uu xusay in muddadaas uu ku soo dhisi doonno xukuumad tayo leh, oo xaqiijin karta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed, dalkana ka samata-bixin karta abaaraha iyo dhibaatada argagixisada.

Kulankii Golaha Shacabka ee maanta ayaa waxaa fadhiyey 145 xildhibaan, waxaana codsiga Xamza aqbalay 144 xildhibaan, ayada oo hal xildhibaan uu diiday.

Jeneral Odowaa iyo saraakiil Itoobiyaan ah oo ku kulmay xuduudda + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan amniga oo ka kala socda dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku kulmay magaalada Ceel-Barde ee u dhow xuduudda Soomaaliya la leedahay Itoobiya.

Kulankaan ayaa waxaa ka qayb-galay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye Guuto, Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliye ku-xigeenka ciidanka Liyuu Booliis, Jeneraal Zakariye Cabdi Khaliif.

Sida ay baahisay idaacada VOA-da, kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay sidii wax looga qaban lahaa argagixisada xadhka goosatay iyo in labada dhinac iska kaashadaan sidii looga sifeyn lahaa Al-Shabaab.

“Waxay ka wada-hadleen arrimo ciidan iyo howl amni, taasi faah-faahin dheeri ah kama bixin karo. Si guud waa wada-shaqeyntii iyo iskaashigii awalba ka dhaxeeyay labada hay’addood iyo labada dal,” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Ceel-Barde oo la hadlay idaacada VOA-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay la-dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay ka wada shaqeynayaan sidii loo burburin lahaa maleeshiyada Al-Shabaab.

Kulanka Saraakiisha ayaa daba socda weerarkii ay Al-Shabaab toddobaadkii hore ku qaadeen magaalooyinka Yeed iyo Caato, iyagoona usii gudbay gudaha Itoobiya, kadib weeraradii dhawaan.

Saraakisha Itoobiya ayaa sheegay inay burburiyeen maleeshiyaakdii Al-Shabaab ee gudaha u gudbay, ayaga oo soo bandhigayna dagaalka ka dib xubno ay nolosha kusoo qabteen.

Baarlamanka Soomaaliya oo ansixiyey codsigii Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa ka dooday magacaabista xubnaha cusub ee golaha wasiirada Soomaaliya, ayaga oo go’aan cusub soo saaray, kadib kulankooda.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray illaa 145 mudane oo ka tirsan golaha, waxaana shir guddoomisay Sacdiyo Yaasiin oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka.

Ugu horreyn waxaa xildhibaanada Soomaaliya loo aqriyey warqad ka timid xafiiska ra’iisul wasaaraha, taas oo uu ku dalbaday in muddo 10 cisho oo dheeraad ah loogu daro waqtiga uu kusoo magacaabayo golihiisa wasiirada cusub, maadaama muddadii 30 maalmood ahaa uu u haystay ay ka dhammaatay, waxaana qoraalka aqriyey xoghaye Cabdikariin Buux.

Kadib xildhibaanada ayaa cod gacan taag u qaaday codsiga ra’iisul wasaaraha, waxaana ogol u codeysay 144 xildhibaan, halka uu diiday hal mudane, sida ay shaacisay Sacdiya.

Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku la qaateen Xamza qorshihiisa muddo dheereysiga ah.

Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u billowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray illaa xornimadii Soomaaliya.

Kulanka Golaha Shacabka ayaa sidoo kale imaanaya xilli ay horey kulan wada-jir ah yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo diiradda lagu saaray dhismaha xukumadda cusub.

Mucaaradka Somaliland oo shaaciyey tallaabo ay kadib 13-ka November qaadayaan

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga mucaaradka ee Wadani, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka.

Cirro ayaa marka hore eedeymo culus u jeediyey xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, taas oo ku aadan qabashada doorashada.

Musharaxa ayaa shaaca ka qaaday, haddii la gaaro waqtiga doorashada oo ku asteysan 13-ka bisha November inay kursiga u siman yihiin isaga iyo Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan aqbali doonin tallaabooyinka ay wado xukuumadda oo ku tilmaamay inay yihiin kuwo daan-daansi ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii Muuse Biixi Cabdi uu doorashada qaban waayo 13ka November 2022 kursiga wuu inoo siman yahay, mana aqbali doonno tallaabo weliba oo daan-daansi ah, talada oo cid gaar ah marooqsata waa cadawga 1-aad ee Nabadda”  ayuu yiri Cabdiraxmaan Cirro.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta dibad-baxyada, isaga oo sheegay inay dib u bilaaban doonaan isu soo baxyo looga soo horjeedo muddo kororsiga madaxweynaha.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa shacabka ugu baaqay inay diyaar garoobaan, si ay u muujiyaan shucuurtooda ku aadan xaaladda murugsan ee Somaliland, gaar ahana doorashooyinka

“Taageerayasha Axsaabta Mucaaradka waxa aan u sheegeynaa in dib loo billaabi doono mudaharaadyadii nabadda ahaa oo dhammaan ka qabsoomi doona Gobollada, Xukuumadda kama aqbali doonno in ay xukunku ku xalaalsato cabsi gelinta Dadka” ayuu markale yiri Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo u sharaxan xisbiga Wadani.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo haatan lagu kala kacay wadahadalladii u socday xukuumadda iyo mucaaradka, kadib markii la’isku fahmi waayey, waxayna uga sii dartay xiisadda ka taagan doorashada oo ku waqtiyeysan 13-ka November ee sanadkaan 2022.

Sawirro: Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay ku dhowaad 100 qof iyo hub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa xalay howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayey amniga, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa si gaar ah looga fuliyey xaafado ka tirsan degmada Kaaraan oo ka mid ah meelaha u daran, marka laga hadlayo amniga Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo u warramay warbaahinta, kadib marka uu soo dhammaaday howlgalka ayaa ka warbixiyey sida ay wax u dhaceen, waxaana ujeedka uu ku sheegay sidii looga hortagi lahaa kooxaha dhibta ku heysa dadka.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen illaa 74 ka mid ah kooxaha ciyaal weerada, kuwaas oo dhibaato ku hayey reer Kaaraan.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in 50 mindiyo ah oo ay ku jiraan kuwa casri ah oo aan horey dalka loogu arag ay ku soo qabteen howlgalka, kuwaas oo lagu dhici jiray shacabka.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray in guri uu daganaa nin uu sheegay inuu ka caban jiray amni darrada ay kasoo qabteen tuutaha ciidanka, kaas oo uu tilmaamay in lagu geysan jiray falal amni darro, maadaama uusan askari daganeyn hoyga laga soo qabtay dharkaasi.

Ugu dambeyn afhayeenka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan caasimada in ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan laamaha ammaanka ee howlgallada ka wada gobolka Banaadir.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda oo dagaal kula jira burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada ayaa howlgal loogu magac daray Samakaab ka waday magaalada Muqdisho.

Gabar boqortooyada dalka Bahrain ka tirsan oo xilkeeda ku waysay sabab yaab leh oo la xiriirta safiir Israeli ah

Manama (Caasimada Online) – Haweeney xubin sare ka ah qoyska boqortooyada dalka Baxrayn Al-Khaliifa ayaa shaqada laga ceyriyay kadib markii ay diiday inay gacan qaado safiirka Israa’iil u fadhiya dalkaas.

Shaikha Mai Bint Mohammed Al-Khalifa, oo ah maamulaha hey’adda Dhaqanka iyo Caadooyinka ee Baxrayn ayaa la sheegay in xilka looga qaaday amar ka soo baxay Boqor Hamad Bin Isa Al-Khalifa, sida lagu sheegay warbixin uu qoray wargeyska Ra’yul Yoom.

Mai ayaa la sheegay inay diiday inay gacan qaado safiirka Israa’iil ee Manama,Eitan Na’eh  intii lagu guda jiray aaska aabaha dhalay safiirka Mareykanka ee dalkaas Steven C Bondy, bishii hore.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ka baxday aaska markii ay ka war heshay inuu joogo safiirka Israa’iil, waxayna safaaradda Mareykanka ka codsatay in aysan faafin wax sawir ah oo ku saabsan ka qeyb-galkeeda munaasabadda.

Sida ay illo wareedyo ku sugan dalkaas xaqiijiyeen, boqorka ayaa xilka ka qaaday Mai xilli ay ku guda jirtay booqasho rasmi ah oo ay ku joogtay Albania, wuxuuna booskeeda si deg deg ah ugu magacaabay Khaliifa bin Axmed bin Cabdallah Al Khaliifa.

“Isbeddel ballaaran oo lagu sameeyey toddobaadkan gudihiisa tiro ka mid ah hay’adaha dowladda ayaa daba socda isku shaandheyntii ugu ballaarneyd ee golaha wasiirrada ee taariikhda Boqortooyada,” ayaa lagu yiri bayaan uu soo saaray afhayeenka dowladda.

“Cusbooneysiinta jagooyinka hoggaanka ee hay’adaha dawladda waa inaan si khaldan loo fasirin,” ayuu sii raaciyey isagoo ka jawaabayey warbixinta ku saabsan in Mai xilka looga qaaday sababo la xiriira salaantii ay ka diiday safiirka Israa’iil.

Afhayeenka Xamaas Hazem Qasem ayaa sheegay in diidmada Sheikha Mai ee ah in ay gacan qaado Na’eh ay ka turjumeyso mawqifka dhabta ah ee dadka reer Bahrain ku taageerayaan Falastiin.

Sheikha Mai ayaa xukuumadda Bahrain ka tirsaneyd 20 sano, waxayna horey usoo noqotay wasiirka warfaafinta, waana haweenaydii ugu horreysay ee xilkaas qabata.

Bahrayn iyo dalalk dalal kale oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Morocco ayaa xiriir rasmi ah la yeeshay Israel 2020-kii, ayaga oo jebiyey go’doomin ay tobanaan sano Carabta ku hayeen dalka Yahuudda.

Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu dilay toogasho ka dhacday MAREYKANKA

0

Washington (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ka dhacday magaallo ku taallo Mareykanka, taas oo lagu dilay saddex wiil oo dhalinyaro ah oo Soomaali ah.

Toogashada ayaa si gaar ah uga dhacday magaaladda West Jordan oo ka tirsan gobolka Utah ee dalka Mareykanka, waxaana la sheegay in nin hubeysan uu rasaaseeyey guri ay ka socotay xaflad aroos ah, isla-markaana ay ku sugnaayeen dadweyne u badan Soomaali.

Booliska magaalada ayaa shaaca ka qaaday in weerarkan uu ahaa mid ula kac ah, ayaga oo xaqiijiyey dhimashada saddexda wiil ee Soomaalida ah, kuwaas oo goobta ku sugnaa.

Qoraalka kasoo baxay Booliska laguma shaacin magacyada iyo da’da wiilasha Soomaalida ah ee ku dhintay dhacdadaas oo arooska u bedashay murugo iyo meel lagu kala cararay.

Sidoo kale wuxuu Booliska magaaladda West Jordan sheegay in ay weerarka kadib sameeyeen baaritaano dheeraad ah, isla-markaana ay gacanta kusoo dhigeen wiil dhallinyaro ah oo looga shakisan yahay in uu ka dambeeyey weerarkaas toogashada ah.

Arrintaan ayaa saameyn ku reebtay bulshada Soomaalida, waxaana la soo darsay walaac xoogan, maadaama si gaar ah loogu beegsaday weerarka cusub ee ka dhacay Mareykanka.

Labadii bilood ee u dambeeyey ayaa lasoo wariyey in dhalinyaro badan oo Soomaali ah siyaabo kala duwan loogu dilay gobolka Utah, halkaas oo ay ku nool yihiin qoysas Soomaali ah.

Sikastaba, magaalooyinka waa weyn ee wadanka Mareykanka waxaa ku sii kordhaya weerarada abaabulan ee toogashada ah, kuwaas oo ay haatan dowladdu isku dayeyso inay ka hortegto, waxaana socdo qorshe lagu xakameynayo hubka sharci darrada ah.

Askari loo maxkamadeynayo dilka taliye ka tirsanaa NISA iyo gabar walaashiis aheyd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta 21-aad ayaa u fariisatay kiiska Askari ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya, kaasi oo ku eedeysan dilka Taliye ku-xigeenkii ciidanka NISA ee gobolka Galgaduud iyo Walaashiis

Askariga loo haysto dilka oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Aadan Ciise ayaa intii ay socotay dhageysiga dacwadiisa waxay Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada qeybta 21-aad ay soo bandhitay cadeymo muujinaya in uu ka dambeeyay dilka Taliye ku-xigeenkiisa Ciidanka NISA, Faarax Cumar Geelle (Beyr) iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle.

Sidoo kale Axmed Cabdi ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay inuu ka dambeeyay dilka labada ruux.

Qareenka iyo Abuukaataha oo iyana goobta Maxkamadeynta ka hadlay ayaa dhankooda dalbaday in Askariga lagu xukumo qisaastii Geelle, balse loo fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo.

Ugu dambeyntiina Maxkamadeynta Askariga loo haysto dilka ayaa la soo geba-gabeeyay, ayada oo Garsoorayaasha sheegeen inay dib kasoo sheegi doonaan go’aanka maxkamadda.

Wararkii ugu dambeeyey ee safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Masar + Sawirro

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Masar ayaa xalay magaalada Qaahira kulan kula qaatay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Madaxweyne Cabdiqaasim Salaad, dadaallada ay dowladu ku bixineyso gurmadka abaaraha, xoojinta iskaashiga Soomaaliya ee waddamada Gobolka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, adkeynta dowladnimada iyo la-dagaallanka argagaxisada.

Madaxweynihii 5-aad ee Soomaaliya Cabdiqaasim Salaad Xassan ayaa Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uga mahadceliyay kulankan, isagoo ku ammaanaay hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee dalkeennu la leeyahay dalalka aanu saaxibka iyo dariska nahay.  

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdiqaasim ayaa sheegay inuu ku garab siinayo walaalkiis Madaxweyne Xasan Sheekh sidii looga wada shaqeyn lahaa dib u heshiisiinta, loona xaqiijin lahaa Soomaali heshiis la ah dunida, waxa uuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay iscaawiyaan si loo samatabixiyo dadkeenna abaaruhu saameeyeen.

Sida ay shaacisay Villa Somalia, madaxweyne Xasan ayaa la filayaa inuu la kulmo dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, oo ay yeelan doonaan wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, kuwaasi oo diiradda lagu saari doonoa saddex qoodb oo kala ah;

1- Iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee labada dal.
2- La dagaalanka argagixisada.
3- Iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada Soomaaliya.  

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Farmaajo ayaa doortay inuu Masar kala safto Itoobiya, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile, oo ay aad uga soo horjeedaan Masar iyo Itoobiya.

Sawirrada kulanka Xasan Sheekh iyo Cabdiqaasim

Daawo: Sidee madaxweyne Xasan loogu soo dhoweeyey madaxtooyada Masar?

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku joogo dalka Masar ayaa maanta soo dhoweyn heer sare ah loogu sameeyey isaga iyo wafdigiisa qasriga madaxtooyada dalkaas.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa qaabilay dhiggiisa Masar Cabdulfataax Al-siisi oo si diiran ugu soo dhoweeyey dhismaha madaxtooyada.

Labada madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Masar, gaar ahaan kuwa ka howlgala madaxtooyada oo loo diyaariyey soo dhoweynta wafdiga Xasan.

Intaas, kadib labada madaxweyne ayaa guda-galay wada-hadalladooda ku aadan xoojjinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya, madaxweyne Xasan ayaa dhiggiisa Masar Cabdulfataax Al-siisi, kala hadli doono sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, kuwaasi oo diiradda lagu saari doonoa saddex qoodb oo kala ah;

1- Iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee labada dal.
2- La dagaalanka argagixisada.
3- Iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu sidoo kale kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqasha Masar ayaa ah tii 7-aad ee madaxweyne Xasan uu dibedda ku aado tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti yo Tanzania.

Cumaan oo go’aan ka soo saartay kiiskii dhuxusha ee loo heystay wasiir Cabdisaciid

0

Muscat (Caasimada Online)- Maxkamadda Sare ee dalka Cumaan ayaa go’aan ka soo saartay kiiska Markabkii Dhuxusha siday ee lagu eedeeyey inay fasaxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa cadeysay in wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali uusan wax lug ah ku laheyn Markabkii Dhuxusha ka dhoofiyey Soomaaliya ee lagu xanibay dalkaas Cumaan.

Sidoo kale Maxkamaddu waxay cadeysay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya aysan lug ku laheyn qorshihii markii dambe lagu fasaxay Markabkii siday Dhuxusha laga dhoofiyey Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu cadeeyey baaritaan dheer kadib, in la waayay wax cadeyn ah oo muujinaya in Wasiir Cabdisaciid uu bixiyay wax un ogolaansho ah oo lagu fasaxay Markabkii Dhuxusha ka dhoofiyay Soomaaliya.

Bishii May ayaa shaqada laga joojiyey wasiirkii arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, kadib amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble oo xiligaas xafiiska joogay ayaa Hantidhawrka Qaranka iyo hey’adaha amniga faray in baaris lagu sameeyo falka lagu eedeeyey Wasiir Cabdisaciid Muuse.

Xiligaas waxaa la baahiyey warqado lagu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay u dirtay safaaradda Soomaaliya ee dalka Cumaan, kuwaas oo lagu fasaxayo Markabkii dhuxusha siday.

Hasa yeeshee maxkamadda sare ee dalka Cumaan ayaa hadda laashay xukun ay maxkamad hoose ku riday seddax qof oo lagu eedeeyey inay Cumaan u dhoofi jireen Dhuxusha Soomaaliya.

Villa Somalia oo shaacisay 3 arrin Xasan Sheekh uu kala hadli doono SISI + Sawirro

Qaahira (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaasi oo booqasho rasmi ah ay uga billaabatay. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Qaahira si diirran ugu soo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Masar Mudane Maxamed Muciid, diblomaasiyiin iyo sarakiil ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas. 

Sida ay shaacisay Villa Somalia, madaxweyne Xasan ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, kuwaasi oo diiradda lagu saari doonoa saddex qoodb oo kala ah;

1- Iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee labada dal.
2- La dagaalanka argagixisada.
3- Iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada Soomaaliya.  

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu sidoo kale kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.  

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxa ay wadaagaan xiriir qoto-dheer oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo wax wada qabsi, hase yeeshee wuxuu xumaa shantii sano ee dalka uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Sida aan xogta ku helnay, Masar ayaa ka mid aheyd dalalkii ugu horreeyey ee casuumadda usoo diray madaxweyne Xasan Sheekh markii dib loo doortay, ayada oo la rumeysan yahay in Qaahira ay guushii Xasan Sheekh u aheyd neef weyn oo kasoo fuqday. 

Masar ayey isku xumaayeen dowladdii madaxweyne Farmaajo kadib markii uu doortay inuu Itoobiya kala safto, oo ay isku hayaan biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameysay webiga Nile, oo ay aad uga soo horjeedaan Masar iyo Itoobiya.

Booqasha Masar ayaa noqon doonta tii 7-aad ee madaxweyne Xasan Sheekh uu dibedda ku aado tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May kadib Imaaraadka Carabta, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti yo Tanzania. 

Hoos ka daawo Sawirrada

Duulaanka Masaarida ee dhaqaalaha Soomaaliya

Abaaraha sanadkii 1980’s waxaa labada bangi ee ugu weyn adduunka ay xafiisyo ku lahaayeen magaalada Houston ee dalka Mareykanka. Labada nin ee madaxda ka ah labadaan bangi ayagaa is fiirsan jirey. Midba wuxuu fiirin jirey kan kale waxa uu sameeyey iyo meesha uu wax marinaayo. Subixii danbe ayey hurdada ka soo kaceen ayadoo bangiyada adduunka ugu waaweyn ay noqdeen Japanese iyo Korean. Mid ka mid ah ayaa la weydiiyey, sidee ku lumiseen saamigiini dunida? Wuxuu yiri anagaa is fiirsaneyney ee ma anagaa dad kala is ka fiirineyney! Ganacsatada ugu waaweyn Somalia waxaa ku soo socota arrin la mid ah midii qabsatay bangiyada Mareykaka sideetamaadkii.

Intii wax ogaatay dila,
Intii la ogaatay dila,
Ogaanta lafteeda dila,
Si aan waxba loo ogaan”
— Cabdiqaadir Xirsi Yamyam– 

Horudhac:

Siyaasadda arimaha dibada ee dalka Masar waxaa lagu soo koobi karaa sadex arimood:

1. Hunguriga wax la mariyo: In ay meel saarto nolol maalmeedka shacabkeeda. Taas oo salka ku heysa in ay shaqo u abuurto shacabkeeda ayada oo horumarineysa wax soo saarka warshadaha Masar iyo khayraadka badda iyo beeraha iyo in ay horumariso suuq geynta alaabteeda suuqyada dunida siiba Afrika.

a. Macayshadaas waxaa soo galay dagaalka kala dhexeeya Ethiopia ee webiga Nile,

b. xiriirka ay la leedahay ruusha ee ku dhisan in ay qamadi iyo gaaska wax lagu kariyo ka soo gadato, ruushkuna u soo dalxiis tago dalka Masar.

c. In gacanta ku dhigto suuqyada Africa ee dihin

d.In wadamada alaabta ceeriin buuxdo aan weli laga faa ideysan sida Somalia (Xoolaha, Badda iyo dhul beereedka) ay ka gurato alaabta warshadaheeda uga baahanyihiin

2. Heshiiska Masar iyo Yahuuda: Heshiiskaas oo ku saleysan in Masar ay saaxiib la ahaato dalka Yahuuda, ayadana loo biilo ciidamada, dalalka reer galbeedkuna ay saaxiib la ahaadaan dalka Masar. Haddii heshiiskaas uu galo qalqalna ciidamadaas la biilo ay hubka qaataan sidii dhacday markii xukunka la wareegeen qolada Akhwaan Muslimiinka

3. La dagaalanka kooxaha doonaya in ay diin wax ku xukumaan sida Akhwaanu Muslimiin

Hadaba Masar maxay Somalia ka dooneysaa? Waxay dooneysaa in ay ka furato bangiyo, waxay dooneysaa in dayuurada Egyptian Airline ay dalka timaado, waxaa ay dooneysaa in ay xoolaha Soomaaliya dhoofiso, waxaa ay dooneysaa in Somalia ka kaluumeysato. Waxaa ay dooneysaa in Somalia ay kala xaajooto arimaha webiga Nile ee Masar iyo Ethiopia ka dhex aloosan ayada oo daneyneysa in ay Somalia ka dhigato budkii ay ku garaaci lahayd Ethiopia. Waxaa ay dooneysaa in ay fahamto suuqyada waaweyn ee ganacsiga Soomaaliyeed ee Afrika sidee ku galeen Soomaalidu?. Waxaa ay Masar dooneyso waa wax danteeda ku saleysan oo kali ah kuna fadhiyo maxaa hunguriga la mariyaa.

Hadaba Siyaasadda arimaha dibeda Masar ee ku wajahan Somalia waan isla garanay, ee maxay tahay Siyaasadda Somalia aan ka leenahay dalka Masaarida?

Waxaa hubaal ah in aan iska socono sida hawtal hamaga ee aanan lahayn siyaasad arimo dibadeed oo ku aadan dalka masaarida. Taas waxaa kuu cadeynaaya siyaasiyiinta Soomaalida ee ka shaqeeya arimaha dibeda markaad la sheekeysato, midba dhan ayuu wax u cabirayaa ayada oo lagu soo koobi karo sadex fikradood. 

1. Masar waxaan isla nahay carab, waxaan wadaagnaa diin iyo dhaqan, iyo waxbarasho marka waa in aan xiriir wanaagsan la leenahay ka duwan kan ka dhexeeya wadmada kale. 

2. Masar waxaa naga dhexeeya xiriir difaac oo soo jireen ah waa in aan xiriirkeeda wanaajinaa. 

3. Masar waxaa ay ku fiicantahay warshadaha yaryar oo waxaan ka barankareynaa warshadaha yaryar iyo shaqo abuurka

Hadaba bal aan eegno arimahaan ay sheegaan siyaasiyiinteenu in ay u babac dhigi karaan mida ay dooneyso dawlada Masar ee ku saleysan dhaqaale ay hesho iyo shaqo abuurka shacabaka Masar.

Diinta haddii la yiraahdo, ardada ugu badan ee diinta barata waxaan u dirnaa dalka Sacuudiga oo diinta iyo dhaqan ka islaamka intaba uga dhow dalka Masar. Marka arin diin ku saabsan oo maanta loo doontaa dalka Masar waa war aan sugnayn. Waxbarashada maadiga ahna dalka Greece oo ugu faqrisan Europe wuxuu ku qarash gareeyaa waxbarashada ugu yaraan 4% GDP, halka dalka Masar uu ku qarash gareeyo wax ka yar 3%.  Shacabka Masar boqolkiiba waxaa wax aqrin kara waa 71% halka dalka Cuba ay wax aqrin karaan waxna qori karaan boqolkiiba 99%. Taas waxaa ka garan kartaa xataa waxbarashada maadiga in ay ku liitaan. Waxaa ay kor u dhaafeen 100 milyan oo qof, maanta ma magacaabi kareysaa hal shirkad oo masaari ah oo dunida laga yaqaan? Ma jirto haba yaraatee. Marka waxbarasho diin waxaa ka fiican Sacuudi Carabiya, mida maadigana waxaa kaga fiican Pakistan, India, Cuba, Brazil iyo Rwanda. Marka ma jirto baahi aan u qabno dalka Masar dhankaas oo aan ku badalan kareyno dhaqaalaha ay naga rabto.

Masar waxa lacag iyo hub uu Mareykan ku daldalaayo, waxaa ay ka adkaan la dahay xoogaa yar oo qabaail reer baadiye ah oo ku nool saxaaraha Siinaay ee dalkaas. Waxaa ay waxba ka qaban weysey dalka Liibiya oo dano waaweyn ay ka leedahay sida in ay ka hesho batroolka kaabigana ku haya. Waxaa ay ku guuldareysatay in ay heshiis ama dagaal mid uun wax uga soo hoyso xiisada webiga Nile kala dhexeeya Ethiopia. Masaaridu haba yaraatee wax waqti ah kuma bixin iskumana deyin in ay kala dhexgasho maleeshiyaadkii hubeysnaa iyo dawladii Siyaad Barre markii ay sii dhacaysay, ee Safaaradooda ayay ka qaateen, halkaas ayayna ka daawanayeen xarbiga ahliga ah ee gaag mareebaha ahaa ee sodonka sano qaatay dalka Somalia. Marka saaxiibtinamada ay sheeganayaan waa mid aan dhaafsiisneyn Afka. Haddii ay run ka tahay sida Ruushku ugu soo gurmaday Syria, ama mareykanku ugu gurmaday Ukraine, ama Faransiisku ugu gurmado wadamada Africa ee saaxiibka yihiin aya noogu imaan lahaayeen. Masar maahan saaxiib soomaaliyeed ee waxaa ay Somalia u aragtaa ul ay markay rabto soo qaadato oo ay Ethiopia ku garaacdo. Dhanka difaaca meeshaad ka fiiriso Masar, ayadaa u baahan caawinaad iska daa mid aad ka helnee.

Wadamada ugu fiican waxa loo yaqaan warshdaha yaryar ama (small industries) waxaa ugu horeeya India, Pakistan, Spain iyo Japan. Haddii aad rabto in aad fahamto Iskaashato iyo shaqo abuur waxaa nooga fiican anagoo darisna Mondragon ka gobolka Basque ee dalka Spain oo Afrika ilaa Laatiin Ameerika looga yimaado waxbarasho iyo sida shaqada loo abuuro iskaashiga. Dalka Masar waa looga horeeya warshadaha yaryar oo waxaa in badan uga horeeya India, Pakistan, Japan iyo Spain oo aan ka baran karnaa. Xataa waxaa kaga fiican Rwanda iyo Tanzania xaga warshadeynta yaryar iyo dhexe.

Siyaasiyiinta Soomaalida waxa ay cabirayaan waxaa ku jira wax yar oo run ah laakiin maahan siyaasad qaabeysan oo la isku aruurshey kana jawaabi kareysa baahida dalkeena oo ku aadan mida Masar ee xoogan kuna wajahan dhaqaalaha Somalia. Waxa kale ee ah diinta, waxbarashada, dhaqanka, dhanka milatariga waxaa ay Masar u aragtaa arin u qidmeyneysa baahideeda dhaqaale ee kama ahan walaaltimimo sida mida turkida. Wax wanaag ah oo dalkaas burbursanaa sodonka sano dawlada Masar ma ku aragteen? Ma jirto. 

Dhanka Dhaqaalaha:

Waa danta kaliya ee xaqiiqda ah ee ay Masar ka leedahay Somalia.

Waxaa is weydiin mudan in ay Masar xiiriir ka qoto dheer kan Soomaaliya ay la leedahay dalka Sacuudi Carabiya iyo wadamada la isku yiraahdo gacanka carbeed (GCC). Waxaa wadamada gacanka carbeed ka shaqeeya malaayiin Masaari ah, hadana bangiyada Masaaridu kama furna inta badan wadamada gacanka carbeed.  Maxaa looga furi waayey wadamadaan ay luuqad, dhaqan, dhaqaale iyo difaac soo jireen ah wadaagaan ee gacanka carbeed? Masar maxay u rabtaa in ay Bangiyadeeda ka furto Somalia oo ah wadan dhaqaalihiisa, nabadiisa iyo dhamaan adeegyada bulshada ay weli burbursanyihiin?  Mida labaad ee ah in ay Masaaridu Soomaaliya ka rabaan hilib iyo qudaar, ma runbaa? Su’aalahaan si aan uga jawaabno waa in aan fahanaa arinta ugu weyn ee hageysa sahanka nooga yimid dalka Masar.

Dawladda Masar waxaa ay cashar ka qaadatey kacaankii la baxay Arab Spring (Guga Carabta). Waxaa ay ogaatey haddii dhalinyarada iyo shacabku waayaan shaqo, oo ay maareyn waayaan macayshadooda in ay dawlada ku soo jeesanayaan ayagoo kacdoon ah oo sidii dawladii Xusni Mubarak ku burburtay ay halis ku jirto dawladooda. Sidaas daraadeed ayaa waxaa dawladda Masar u aragtay in shaqo loo abuuro shacabkeeda faraha badan ee 100 ka milyan gaaraya ay tahay muqadas iyo lama huraan. Weliba waxaa dawlada hadda jirtaa u aqoonsatay shaqo abuurka inuu yahay muhimada koowaad ee amniga qaranka. Marka orgi la fuulyaa ama qabaal la fuulyaa waxaa dawladda Masar ka go’an in shaqo loo abuuro shacabka Masar sidey noqotaba. Arintaas haddii aad Masri tahay waa arin loo riyaaqo, laakiin haddii aad Soomali ama Afrikan tahay, dhagahaaga fur. Arintu maahan sheekadii reer galbeedka sheegi jireen ee Guul-Guul (Win-Win). Tani waa guul ama khasaaro (Win or Lose).

Dawladda Masar ayada oo ka duuleysa hadafkaas weyn ayaa waxaa ay bilowday mashruuc qaran oo balaaraan oo lagu abuurayo shaqo kaas oo salka ku haya in la balaarsho warshadaha wax soo saara islamarkaana alaabtaas la geliyo suuqyada dunida weliba suuqyada Afrika ee dayacan ayaa xooga la saaray lana doonayaa in faraha lagu dhigo. Sababta ugu weyna waa in aan shacab shaqo la’aan ah mudaharaad ku kicin dowlada. Mashruucaan waxaa qayb ka ah (1) Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha, (2) Wasaarada Maaliyada, (3) Wasaarada Arimaha Dibedaa, hay’ada canshuurta, Bangiga dhexe ee dawlada Masar, Bangiyada shaqsiga loo leeyahay ee ka mid ka ah barnaamijkaan (4) Wasaarada Difaaca iyo hay’adaha sirta dhaqaalaha. Mashruucaan waxaa la yiraahdaa Adeega Ganacsiga Masar (Egyptian Commercial Service ECS). 

Mashruuca wuxuu ka koobanyahay shan qaybood. (1) Siyaasad lagu qancinayo siyaasiyiinta dalalka Afrika ee la rabo in la galo suuqooda (2) In laga dhiso dalalka Afrika rugo iyo suuqyo waaweyn oo ganacsi oo la keeno alaabta warshadaha Masar (3) In la furo bangiyo lacag siiya ganacsatada masaarida ee imaanaya rugahaas ganacsiga si dalbaadkooda si xoogan ugu socdo (4) In laga bixiyo rarka shixnadaha ganacsata Masar si alaabtooda ay u noqoto mid ka jaban mida kale ee ganacsatada wadamada Afrika ka keenaan dalalka kale (5) In lagu soo daro khubaro ganacsatada ka caawisa caqabadaha iyo wixii teknikal dhibaato ah oo soo wajaha.

Tusaale waxaa kuugu filan wixii shirkadaha Masaarida ay soo dhoofinayaan waxaa boqolkiiba 50 (50%) bixinaysa rugtaan ganacsiga. Taas oo ka dhigan haddii nin masaari ah uu konteenar caano ah ka soo qaado Masar waxaa boqolkiiba konton ka bixineysa dawlada Masar. Suuqa iyo meesha uu soo dhigaayo inta uu ka gadaayo, waxaa ijaarkeeda bixinaya rugtaan loo dhisay ee dawlada Masar qarashkeeda bixisey. Markii uu dalab ka helana waxaa u horumarinaaya lacagtii bagiyadaan ay meesha keensadeen ee suuqii gudaha kula jooga. Sidaas waxaa loogu talo galay in ay suuqa ka saaraan shirkadaha madaxa banaan ee la tartamaya ee wax ka keenaya dalalka kale sida Shiinaha, Hindiya iyo Turkiye. Sidee ula tartameysaa nin lacagtii la soo deyminaayo, rarkii nus laga soo bixiyey, meeshii uu alaabta ku soo dejin lahaa ijaarkii oo bilaash ah loo sii diyaariyey, alaabta dekada looga soo saaray oo safaaradu u sii gogol xaartay, suuqiina jumladii halkaas kugula gadaaya!!!

Meelaha ay xooga saareen waxaa ugu horeeya (1) Cuntada la habeeyey (Processed Food) (2) Daawada (Pharmaceuticals) (3) Waxa ceeriinka ah sida xoolaha aan la qalin, kaluunka, dhagaxda iyo shamiitada.

Masaaridu waxaa ay tiraahdaa Somalia waxaan ka rabnaa hilib iyo kaluun. Bal aan eegno ayadana. 

Somalia hilibka waxaa ay u dhoofisaa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka lacag iyo dhaqaale badan dalka Masaarida. Masaariduna sidoo kale wadama Sacuudiga iyo Imaaraadka ayay nagula tartantaa in ay hilibka, kaluunka iyo qudaarta geyso. Waxaa ay wadaa qorsheyaal badan oo ay rabto in ay Soomaaliya suuqa wadamadaan kala wareegto, waxaa ay beertaa looda, ariga Suudaan, iyo weliba idaheena oo ay ku bilowday tijaabo in ay ku beerto dalkeeda. Waxaa ay xataa sameysey beeraha ugu waaweyn ee hilibka gorayada ayada oo rabta in hilibkaan gorayada laga cuno gudaha dalka Masar si ay ugu dhoofiso hilibka kale wadamada khaliijka.

Masaarida waxaa ay aragtay kala daadsanaanta, iyo habacsanaanta ganacsatada xoolaha Soomaaliya. Waxaa ay ogaatay in ay fursad weyn uga banaantahay in ay xoolaha Somalia inta qasho oo kala habeyso ay dunida uga gadan karto qiime ka sareeya kan Soomaalida ay hadda ku gadaan. 

Soomaalida ganacsade ayaa xoolaha u dhoofinaya Dalka Cumaan, mid ayaa xoolaha u dhoofinaya dalka Sacuudiga, mid ayaa u dhoofinaya dalka Imaaraadka, waxaa garab socda ganacsade kale oo asaguna u dhoofinaya isla wadamadaas kana jabinaya qiimihii kii hore uu ku gadaayey oo ayagii ayaa suuqa isku jebinaaya. Waxaa sii dheer, kuwo ayaa ku dhoofinaaya magaca Ethiopia, kuwo ayaa ku dhoofinaaya magaca Jabuuti, kuwo ayaa talaalkii xoolaha oo dhameysan dhoofinaya oo lagu soo celinayaa maraakiibtii oo raran oo xoolihii jidka gaajo iyo oon ugu soo dhimanayaan. Halkaas oo boqolaal qoys oo xoolo dhaqato ah iyo ganacsato ay qasaare xoogan ka soo gaaro sanad walba.

Masaaridu maahan sida Soomaalida oo kale, waxaa ay leeyihiin ganacsato waaweyn oo isku xiran, garanayana sida suuqyada aduunka loola macaamilo. Waa mida koowaade, xoolaha waxaa ay marsiinayaan wado mideysan, xaggii caafimaadka, talaalka iyo weliba xanaanada inta aan la qalin. Waa mida labaade, xoolo nool dhoofin maayaan ee waxaa ay ku qalayaan wadankooda. Neefkii oo is haysta waxaa lagu gadayaa inta kiilo uu yahay. Xubnihii aan la rabin qasaarin maayaan ee waxaa ay ka gadayaan qolo rabta sida dhiiga oo ay ka gadaan China, madaxii iyo majihii oo ay ka gadaan Nigeria, uurkutaashii oo ay ka gadaan Thailand, Vietnam iyo Cambodia, haragii oo laga ilaaliyey jeexjeex iyo qasaaro oo la sii habeeyey ayay ka gadayaan warshadahooda iyo kuwa China. Xataa neefka uuskiisa waxaa laga gadayaa beeraleyda Masar si ay ugu isticmaalaan beeraha abuurka.

Dad badan ayaa waxaa ay leeyihiin Masaarida miyay ka liidata Turkey da maxaa laga rabaa? Waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya Masaarida iyo Turkey da. 

Masar waa dal 102 milyan ah hadana faqri ah. Tusaale waxaa kuugu filan Masaarida waa 102 million wax soo saarkooduna waa 363 billion USD. Halka Turkey du ka tahay 84 million wax soo saarkooduna gaarayo 720 billion USD. 

Waxaa kaloo kuu sii dheer in Turkey du aysan luuqada Ingiriiska si fiican u aqoonin sidaas daraadeed na ay Soomaalida ka dhigteen gacantoodii ama laantoodii dhoofinta ee Africa (Business Development for Africa). Halka masaarida kuwooda jaamacadaha ka soo baxay ay yaqaanaan Ingiriiska iyo Faransiiska welina kula yaqaanaan nolosha ka jirta Africa. 

Waxaa kale oo Masaaridu uga duwantahay Turkida waxaa ay ka sameeyaan wadamada Afrika ee ay galeen rugtii alaabta jumlada oo waaweyn oo masaari fadhiso ayna keenayaan alaabtoodii. Halkaas oo tafaariiqleydii ay u dukaameysanayaan ayagoo ka saaray meesha ninkii gedi jirey alaabta jumlada. Laakiin alaabta turkida waxaa soo qaadaya ganacsato Soomaali ah oo markaas ayagu jumlo ku gadaaya. 

Sanadkii 2021 waxaa ay ganacsiyada Masaarida rugaha ay Afrika ka sameeyeen geeyeen alaab dhan $ 13 billion oo doolarka mareykanka ah. Sanadkaan 2022 waxaa ay qorsheeyeen in ay gaarsiiyaan ugu yaraan $50 billion USD ah.  Waxaa ay ka faa ideysanayaan ayaga oo si iskaashato ah alaabta ku soo raraya dawladooduna ka bixineyso rarkii 50% kiiba. Meeshii ay dhigi lahaayeen ee rugta ganacsiga loo sii diyaariyey isla markaana Safaaradu u soo xushey cidii ka gadan lahayd alaabta.

Dhamaan hay’adihii dawladooda, safaaradoodii iyo bangiyadoodii ayaa taageero hiil iyo hoo ah la garab taagan. 

Duulaanka ganacsi ee noocaan ah waxaa uu caqabad ku noqoneyaa ganacsata Soomaalida ee ka ganacsada Afrikada Bari (East Africa). Waayo ganacsatada Soomaalida dawlad ma taageerto, marka waa ku adkaaneysaa in ay la tartamaan dhowr boqol oo shirkadood oo dawladii Masar ay maraakiib u soo ijaareyso, canshuurtii laga bixinaayo, weliba haddii ay haystaan dalab bangigoodii uu u sii hori marinaayo lacagtii si ay dalab cusub u qaataan looguna daray baqaaradii iyo xayeysiintii oo bilaash ah.

Waxaa kale oo Masaarida uga duwantahay umadaha kale waa umad dhaqan ahaan xaasidnimada ay ku weyntahay. Waxaa garan karaaya ninkii la shaqeeyey ama wadankooda in badan ku noolaaday. Waa jirtaa in shaqsiyaad badan oo Muslimiin wanaagsan ay leeyhiin. Laakiin ka bulsho ahaan, waa dad aan umadaha kale ee ay ka dhex shaqeystaan aan dhex galin. Tusaale ahaan Yementa meesha ay tagaan waa degaan, waa ka guursadaan oo waxaad arkeysaa ninkii Yemeniga ahaa oo bulshadii ka mid noqday. Laakiin masaarida waxay meesha ka qaataan maahane, lacag iska gelin maayo wadankaaga, wuxuuna kuu arkaa oo kali ah in aad tahay khayraadkaas uu tuujinaayo ee isticmaalayo oo kali ah. Waxaa ay yiraahdaan Soomaalida waxaa naga dhaxeysa xiriir soo jireen ah oo boqolaaalsano ah. Haddii ay arintaas run tahay ma aragteen masaari Soomaaliyowday? Waa aragnay Yemen Soomaaliyowday, waa aragnay xataa turki soomaali noqotay, aaway Masaarida Soomaali noqotay? Ama Soomaali masaari noqotay? Ma jirto waayo kuma rabaan, waxaa tahay agtooda tuke madow oo sidii maacuunka loo isticmaalo. Waa dad marakay lacagta arkaan aad is leedahay qayimkii binuu aadminimada waa ka lumay.

Soomaalida ganacsatadeeda waxaan ku oran lahaa haddii aad leedihiin fadhi, urur iyo wadi tashi, waa la idin soo hayaa. Weliba waxaa la idiin soo adeegsanayaa dawladiina, bangiyada Masar, Safaaradahooda, Ciidamo iyo khubaro ku taqasustey sida loo galo suuqyada dihin ee dunida iyo Afrika. Weliba waxaa wada oo taageeraya Mareykan, Europe, iyo dalalka carabta ayagoo ka leh danahooda khaaska ah.

Waxaan aan ka hadlaayo waa wixii laga rabay dawlada Soomaalida in ay cilmi baaris ku sameyso, laakiin taas ma dhicin ee ganacsatada Soomaalid waxaa la gudboon inta goori goor tahay in ay tashadaan oo isku tiirsadaan oo is taageeraan. Wadan wuxuu ka noolyahay ganacsi, haddii ganacsigaaga burburo, dal iyo dad ma haysid. Wadankaan ganacsato ayaa u soo dhabar adeygay ha ahaadaan xawaalado, telefoono iyo dhamaan ganacsiga kale. Ilaa hadda lama hayo shirkad Soomaaliyeed oo gaartay 10 billion oo USD ah halka wadamada intooda badan laga heelaayo intaas oo shirkadood oo trilion dollar u dhow. Shirkadaha Soomaalida isku soo duub duub oo ku dar hormuud iyo Dahabshiil ayagoo dhan waa wada shirkado yaryar marka la fiiriyo qiyaaska dhaqaalaha dunida. Markii ay shirkadaha Soomaalida kobci lahaayeen oo shaqo abuuri lahaayeen in dhabarka laga toogtaa oo shirkado ka lacag iyo taageero badan ka haysta wadamadooda, shatiyo lagu siiyaa waa arin ceeb ku ah dawlada Soomaalida. 

Shatiyadaan shirkadaha ajaanibta ay siyaasiyiintu ku taagayaan, ayadoo aan daraasad laga sameyn u jeedka ka danbeeya waa in laga waantoobo. Haddii kale waxaa dhici doonta in la yiraahdo xoolo aan soo marin shirkado Masaari ah dalalka khaliija sooma geli karaan. In la yiraahdo liin aan lagu soo qalajin Masar ma soo dhoofin kartaan, in la idin yiraahdo xoolo aan soo marin xanaanada rugaha Masaarida ka furteen Somalia wadamada khaliijka ma soo geli karaan. In ganacsatada waa weyn ee keena sida sokorta, shamiitada, bariiska ay suuqa ka baxaan markii ay qiime kula tartami waayaan kuwa masaarida ee garabka ka helaaya dawladooda.Waxaan ku oran lahaa ganacsatada Soomaalida, warhoy talo u laabta.

W/Q: Ali Osman
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Premier Bank oo soo kordhiye adeeg “lacag diris” caalami ah

Muqdisho 24 July: Premier Bank ayaa maanta daahfuray adeegga cusub ee Wallet Send oo lagu soo kordhiyay app-ka Premier Wallet kaa soo u suurtagalinaya macaamiisha inay lacago u diraan loogana soo diro dibadda.

Adeeggan ayaad si toos ah lacag ugu diri kartaa hababka casriga ah ee lacag bixinta sida Koontada Bangiyada (Bank accounts) Telefoonka gacanta (Mobile Wallets), iyo goobaha lacag bixinta (Cash) in ka badan 110 dal.

Wallet Send ayaa meesha ka saaraya culeyska lacag dirista, hab-raacyada maaliyadeed ee qadiimiga ah iyo waqtiga macaamiisha uga baxa in ay dibadda lacag u diraan, isaga oo ku soo koobaya tallaabooyin kooban oo la fahmi karo oo muddo yar qaadanaya.

Adeeggan cusub waxa uu sahlayaa in dadka lacagaha loo diray ay si toos ah ugu helaan xisaabaadka ay ku leeyihiin bangiyada iyo nidaamyada maareynta maaliyadda elektaroonigga ah ee ka jira dalalka ay ku sugan yihiin.

“La jaanqaadidda nidaamyada maaliyadda casriga ah ee dunidu u guureyso waxa ay muhiim u tahay bulshadeenna, haddii la macaamilka lacagaha gudaha aan horay elektaroonik uga dhignay, hadda waxaa la joogaa xilli ay macaamiisheenu dunida wax ugu diri karaan nidaam casri ah”. Ayuu yiri madaxa gaacsiga Premier Bank Cabdisharkuur Afrax.

“Bulshadeenna waa bulsho socdaasha oo xubnaha qoysasku dalal kala duwan ku kala noolyihiin oo ay qasab tahay inay wax isku diraan, sidaas darteed ayaan adeeggaan muhiimmad gaar ah u siinay” ayuu ku daray.

Macaamiisha lacagaha u diraya dalalka Kenya iyo Turkiye ayaa laga dhaafay khidmadda lacag dirista  marka ay adeegsanayaan Wallet Send, si ardayda iyo qoysaska ku nool loogu fududeeyo helista lacagaha ay ehelkoodu u dirayaan.

Premier Wallet oo ah application lacag dirid kii ugu horreeyay ee laga hirgeliyay dalka ayaa isku xiraya adeeg bangiyeed online ah, Mastercard, lacag diris fudud oo gudaha ah iyo lacag dirista caalamiga ah ee Wallet Send.

EDITOR NOTE

Premier Wallet: waa adeeg maaliyadeed oo Elektaronik ah. Waxa uu malaayiin ku nool dalka oo aan xisaabo ku lahayn bangiyada siiyaa adeeg maaliyadeed iyaga oo adeegsanaya teleefannadooda gacanta.

Premier Wallet, waa ammaan dadku wada heli karaan iyo wadiiqo ganacsi oo teleefanka ku shaqeeya. Adeegyada ugu waaweyn ee laga heli karo waxaa ka mid ah; Lacag ku shubasho, Dirid gudaha iyo dibadda ah, kala bixid, bixinta biilashada, wax ku iibsiga  iyo maamulidda xisaabaadkaaga bangiga adiga oo gurigaaga ama shaqadaada jooga.

Premier Bank: Waa bangi ganacsi oo gaar loo leeyahay, isla markaana shareecada ay Islaamku asal u tahay dhammaan adeegyada uu bixiyo. Waxa uu shati ka heystaa Bankiga Dhexe ee dalku oo u sharciyeeyay in uu bixiyo adeegyo maaliyadeed iyo mid banki. Bankigu waxa uu xalal maaliyadeed oo dhammeystiran siiyaa macaamiisha oo ay ku jiraan kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha dowladda ah, kuwa aan dowladda ahayn, shirkadaha waaweyn, shakhsiyaadka, ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn ee dalka. Adeegyada uu Premier Bank bixiyo waxaa ka mid ah adeegyada banki ee shakhsiyaadka, ganacsatada iyo shirkadaha, moobeylka iyo Internet-ka, mashiinnada ATM-ka, Lacag-dirista gudaha, dibadda iyo SWIFT-ga, wakiil bankiyeedka iyo dirista lacagaha ee heer caalmi.

Si aad xogo intan ka faahfaahsan u hesho fadlan booqo degelkayaga internet ka ee  www.premierbank.so iyo sida oo kale bogagga aannu ku leenahay baraha bulshada ee uu ka mid yahay Twitter @premierbankso.

Boqolaal dagaalyahan oo horleh oo Al-Shabaab ah oo ka tallaabay xuduudda Itoobiya

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka gudbeen xuduudda Gobolka Hiiraan uu la wadaago dalka Itoobiya.

Cali Jeyte oo la hadlay idaacadda BBC ayaa sheegay in dagaalyahannada u gudbay Itoobiya lagu qiyaasay 200 oo dagaalyahan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in arrintaas ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka. “Markii aan dadka weydinayay, waxay noo sheegeen in illaa 200 nin ay ku dhaw yihiin dagaalyahanada ka gudbay xuduuda,” ayuu yiri.

Jeyte ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida kala qeyb galaan la dagaalanka dagaalyahanada Al-Shabaab ee kusii qulqulaya xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay muddooyinkii dambe wadeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab kaas oo uu ujeedkiisa ahaa in kooxdaan laga sifeeyo guud ahaan gobolka Hiiraan.

Warka kasoo baxay guddoomiye Jeyte ayaa kusoo aadaya xilli dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo gaarayo illaaa 400 askari oo watay gawaarida dagaalka ay ka gudbeen xuduuda Itoobiya ee dhanka Bakool, halkaasi oo dagala culus ay kula galeen ciidamada Liyuu Boolis.

War ay soo saartay xukuumadda deegaanka ayaa shalay lagu sheegay in la soo afjaray dagaalkii ka socday Hargeelle isla markana khasarae xooggan la gaarsiyay Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Dagalamayaasha Islaamiyiinta ah ayaa in ka badan boqol kiilo mitir gudaha Dowlad Deegaanka u soo galay iyagoo ka soo ka  tallaabay xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.

Xamza oo berri hortagaya BF kadib isbeddel ku yimid magacaabistii wasiirada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa maanta Xildhibaanada u diray farriin qoraaleed loogu sheegayo in maalinta berri ah uu jiro kulan uu ajandihiisu yahay codsi ka yimid Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Qoraalka kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka ayaa lagu sheegay in kulanka berri oo Isniin ah ka qabsoomi doono xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, marka saacadu tahay 9:00 Subaxnimo.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa codsanaya in 10 maalmood oo dheeraad ah la siiyo oo uu kusoo dhiso Golahiisa Wasiirada, maadama maalinta berri ah ku egtahay 30 maalmood oo ahaa mudada uu u haystay inuu Gole Wasiiro kusoo dhiso.

Kulanka Golaha Shacabka ee berri ayaa sidoo kale imanaya xili ay xalay kulan wada-jir ah yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo diiradda lagu saaray dhismaha xukumadda cusub.

Ilo wareedyo ku dhow kulankaas ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxdu ay isla meel dhigeen in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu codsado 10 maalmood oo dheeraad ah.

Mudadaan uu codsaday wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu sii wadayaa la tashiyadiisa ku aadan dhismaha xukuumad tayo leh, waxayna Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha baarlamaanku la qaateen Xamza qorshihiisa mudo dheereysiga ah.

Inkastoo aysan dastuuri aheyn in 30 cisho lagu soo dhiso xukuumadda, hadana waa sunno siyaasadeed oo Soomaalidu leedahay, waxayna maalmahaas Ra’iisul Wasaaraha u bilowdaan markii la ansixiyo, waana dhaqan soo jiray ilaa xornimadii Soomaaliya.

Sababta madaxweyne Xasan Sheekh ku qasabtay safarada deg degga ah ee uu ku jiro

Marka laga reebo safarka maanta la filayo inuu ku tagayo dalka Masar, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu tan iyo markii la dooray ee Bishii May 15 dibadda u aaday 6 safar oo dibadda ah, 4 ka mid ah waxaa uu ku tagay dalalka dariska ah ee Bariga Afrika, in ka yar 20 maalin uu ku maqnaa ayuu soo dhayey dhammaan daanooyinkii uu geystay maamulkii Farmaajo isaga oo weliba keenay heshiisyo cusub oo leh 46  faa’iido iyo guulo taariikhi ah, oo noqon doono dhaxal dhan walba ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku jira 100-kii maalin ee ugu horreysay ayaa illaa hadda waxaa uu qabtay hawlo badan oo hortabin u lahaa maamulkiisa, isaga oo heshiis la galay dhammaan dalalkii uu xiriirkoodu mugdiga geliyey maamulkii hore, waxaa uuna qodxaha ka leexiyey xukuumadda soo socota, taasi oo sahli doonta in ay horay u gasho u adeegista bulshada.

Haddaba waxaan idinla wadaageynaa safarrada madaxweyne Xasan iyo dhaxalka laga helay, waxaana is dul istaagi doonnaa lugtii uu ku maray dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, , Kenya, Djibouti iyo Tanzania .

Imaaraadka:

Iyada oo laga duulayo halkudhegga ah “Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah”, Madaxweyne Xasan ayaa markii uu kalsooni geliyey maamul goboleedyadii gudaha ah ee dib u doorashadiisa diiddanaa, waxaa uu lugtiisa ugu horreysay ee dibadda ah ka billaabay booqasho uu ku tagay Imaaraadka Carabta, si uu u dhayo boog ka dhalatay ku milmidda maamulkii Farmaajo  ee loollanka dalalka Khaliijka, xayiraad uu ku sameeyey 10 milyan oo Doolar oo ay leedahay Abu Dhabi iyo xataa heshiiso dekado oo la baabi’iyey,  isaga oo inta uu joogay isutagga kulamo la yeeshay madaxweyne Maxamed Bin Raashid, mas’uuliyiin kala duwan oo dalkaasi iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa afarta maalin uu joogay halkaasi ku guuleystay (1). Caadiyeynta xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi. (2). Abuurista kalsoonida labada dal (3). Isfaham ah in dib loo billaabo ganacsiga tooska ah (4). In dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo fiisayaasha UAE (5) Soocelinta maalgeshiga Imaaraadka ee gudaha Soomaaliya (6). Soocelinta kabkii ay Imaaraadka kabi jireen miisaaniyadda Soomaaliya. (7) Imaaraadka oo abaarta ka jirta Soomaaliya ugu deeqay 20 Milyan oo Dirham (8). Dib u furista Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, kaas oo ugu yaraan maalintii 400 oo masaakiin ah ay si bilaash ah ku heli jireen adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah (9) Imaaraadka oo gacan ka siin doona Soomaalida amniga, gaar ahaan ladagaallanka argigixisada iyo (10) iyo Iskaashi dhinacyo kale oo horumarineed ah.

Turkiga:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu booqashadiisa 2-aad ku tagay dalka Turkiga, kaas oo ah dalka keliya ee maalgelin dhan walba oo ay ku jiraan dekad, Airport iyo isbitaal ka fuliyey Muqdisho, isla markaana $1 billion ku bixiyey hawlaha banii’aadnimada 10-kii sano ee la soo dhaafay.

Maalmaha uu madaxweyne Xasan joogay Turkiga waxaa uu booqasho dhiirigelin ah u sameeyey ciidamo Soomaaliyeed oo tababar u jooga gobolka dhaca galbeedka dalkaasi ee Isparta, isaga oo kaddibna la kulmay madaxweyne Erdogan iyo qeybo ka mid ah bulshada rayidka ah ee dalkaasi, natiijada socdaalkaasi waxaa ugu muhiimsanaa: (1). Adkeynta xiriirka labada dal. (2). Kala saxiixad heshiisyo amni, oo ay ku jirto ka gacansiinta dagaalka ka dhanka ah argigixisada. (3). Fududeynta ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga (4). Iqaamada iyo ganacsiga in loo sahlo Soomaalida ku nool Turkiga. (5). Maalgeshi ay Turkiga ku sameystaan Soomaaliya. (6). Turkiga oo labolaabay kabkii miisaaniyadda Soomaaliya. (7). In si rasmi ah Soomaaliga looga furo Bangiga Ziraat Katilim oo noqon doono bangigii ugu horreeyey oo caalami ah oo ka halwgala gudaha Soomaaliya. (8). In Turkiga ay garab ku siin doonto Soomaaliya dib ugu soo noqoshada saaxada caalamiga iyo arrimo kale.

Eritrea: 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lugtiisa 3-aad ee dibadda waxaa uu ku tagay dalka Eritrea, safarka oo ujeeddo badnaa, waxaa ugu muhiimsanaa inuu meel kusoo ogaado nolosha in ka badan 5,000 oo askar Soomaaliyeed ah kuwaas oo lagu la’aa Eritrea muddo 3 sano ah, isaga oo la kulmay wiilashaas Soomaaliyeed, warbixinna ka dhageystay madaxda dalkaasi, taasi oo ka farxisay boqollaal waaliddiin ah.

Inta uu booqashada Eritrea ku jiray, waxaa kale uu kulammo la qaatay dhiggiisa dalkaasi Isaias Afwerki, iyaga oo kala saxiixday heshiisyo ay ku jiraan amniga, diblomaasiyadda, iyo wadashaqeyn xagga siyaasadda ah.

Warmurtiyeedka oo 7 qodob ahaa, waxaa ugu muhiimsanaa (1) In la dhiirrageliyo xiriirka bulsho ee labada dhinac, gaar ahaan qurbojoogta. (2).  Xoojinta xiriirka siyaasadeed iyo midka diblomaasi iyo ka wada shaqaynta, ilaalinta iyo horumarinta danaha labada dal.(3). Ballaarinta wadashaqaynta xiriirka dhaqaale iyo midka bulsheed, iyada oo ahmiyadda la siinayo ganacsiga, maalgashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo  waxbarashada. (4). Dhiirragelinta dhaqanka, suugaanta iyo ciyaaraha iyo sidoo kale wadashaqayn la xiriirta xagga cilmiga iyo teknoolojiyadda. (5). Ka wada shaqaynta, ka hortagga iyo kor u qaadista wacyigelinta la xiriirta  Deegaanka, Cimilada iyo cudurrada faafa.(6). Ka wada shaqaynta kor u qaadidda difaaca, amniga iyo ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo Amniga. (7). Isku dayga in si wadajir ah loo horumariyo xiriirka diirran, wadashaqaynta iyo dhaqaalaha ee Gobolka Geeska Africa.

Kenya:

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu safarkiisa afaraad ku tagay dalka Kenya, isaga oo meesha ka saaray mugdi iyo kala shakin hareysay xiriirka labada dal muddadii uu joogay madaxweyne Farmaajo, iyada oo Uhuru marka uu arkay niyad wanaagga madaxweynaha Soomaaliya uu ballanqaaday inuu Muqdisho ku daro dalalka urur goboleedka bulshada Afrikada Bari ee EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Nairobi waxaa uu kulammo la yeeshay madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyaga oo kala saxiixday heshiis 11 qodob ah oo ay ugu muhiimsanaayeen (1). Ahmiyadda xiriirta taariikhiga ah iyo masiirka midka ah ee labada dal ee ku saleysan nabadda, horumarka iyo ilaalinta qarannimada iyo midnimada dhuleed ee dal weliba. (2). Adkeynta xiriira labada dal (3). Heshiis ah dagaal ka dhan ah argagixisada si loo ilaaliyo bedqabka bulshada labada dal (4). In beesha caalamka ay kala shaqeeyaan wax ka qabashada abaarta ka jirta Geeska Afrika (5). Kenya Airways ay duulimaad toos ah ka billowdo Nairobi-Mogadishu (6). In labada dal ay isdhaafsadaan ganacsiga Mallayga iyo dib u furista qaadka Kenya (7). Fududeynta fiisaha heerarkiisa kala duwan (8). Furiska xadka labada dal si uu u fududaado dhaqdhaqaaqa bulsho ee labada dhinac iyo arrimo kale.

Djibouti: 

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu safarkiisa shanaad ee dibadda ahaa uu ku tagay dalka Djibouti, isaga oo sidoo kale soo celiyey kalsoonidii Hiil-waal oo meesha ka baxday xilligii Farmaajo, isla markaana meesha ka saaray mugdigii hareeyey xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Maxweynaha dalkaasi  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhiggiisa Soomaaliya guddoonsiiyay billadda ugu sarreysa dowladdaas ay bixiso iyo sidoo kale shahaado sharaf, waxaa uuna bog cusub u furay xiriirka labada dal.

Madaxweyene Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Djibouti ay wadaagaan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabkaasi ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya isaga oo intaa raaciyey “Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba. Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh inta uu joogay Djibouti waxaa heshiisyada uu la galay ka mid ahaa (1). Adkeynta xiriirka labada dal (2). In la iska kaashto xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.(3). Maalgeshiga iyo ka faa’ideysiga kheyraadka (4). Ladagaallanka wadajirka ah ee argigixisada. (5). In isku aragti laga noqdo arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah. (6). Xoojinta iskaashiga dhaqanka, afka iyo diinta.

Tanzania: 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu safarkiisa lixaad ku tagay dalka Tanzania, isaga oo ka qeybgalay shirka bahda  East African Community (EAC), isaga oo khudbad uu ka jeediyey ka dalbaday 7bada dal ee xubnaha ka ah ururkaasi in ay aqbalaan xubinnimada Soomaaliya.

Ururka EAC oo ay xubno ka yihiin Democratic Republic of Congo, Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania, waxaa ku nool in ka badan 300 milyan oo muwaaddin iyo dhul dhan 4.8 million square kilometres.

Madaxweyne Xasan waxaa khudbaddiisa ku jirtay inuu doonayo in dhaxalka uu doonayo inuu ka tago ay qeyb ka tahay Soomaaliya oo xubin ka ah ururka EAC, haddii ay dhacdana waxaa uu dalkeenu heli doonaa;

(1). Mideynta Kastamyada:  Tan iyo 2005, dalalka ku jira suuqa EAC waxay lahaayeen suuq xor ah, oo badeecadaha sida ay doonaan isaga kala gooshaan, iyada oo tacriifta mid tahay dhammaan dalalka.

(2). Suuq Mideysan: Taas oo ka dhigan dhaqdhaqaaqa xorta ah badeecooyinka, dadka, shaqada iyo shaqaalaha, xaqa ah inaad wax dhisato, xaqa deegaanshiyaha, xaqa helidda adeegyada iyo xataa dhaqdhaqaaqa raasumaalka. Waxaa muwaaddintiinta dalalkaasi loola dhaqmaa si isku mid ah, oo aan kala sooc laheyn

(3). Mideynta Lacagta: Waxaa 2013-kii la saxiixay heshiis dhigaya in dalalka bariga Afrika ee ku jira EAC ay lahaadaan lacag qura, taasi oo wax badan ka beddeli doonta nolosha dadka, Soomaalidana ay wax badan ka faa’idi doonto.

(4). Federaaleynta: Arrinta kale ee safka kusoo jirta waa in ay yeeshaan federal sida aragti mideysan oo xagga siyaasadda arrimaha dibadda, amniga iyo guud ahaan arrimaha gobolka, taasina waa arrin kale oo muhiim ah haddii ay Soomaaliya hesho xubinnimada EAC.

Xigasho: Goobjoog News